Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Musharax Asad Cismaan Cabdullaahi oo u tartamaya xilka Madaxwaynaha Puntland ee doorashada Jannaayo 2019 ayaa si ballaaran oo mug leh loogu soo dhaweeyey degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Musharaxa iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayay waxaa soo dhaweeyay boqolaal dadweyne ah, Nabadoono, Cuqaal, ganacsato, haween iyo dhalinyaro. Musharuxu wuxuu dadweynaha kala hadlay goob fagaare ah, isagoo ka mahadceliyay sida ballaaran ee loogu soo dhaweeyay degmadda Badhan. “Annigu waxaan ahay nin degaanka ka tirsan, nin dhulka idiinla joogay, waan idiin imaan jiray anigoo ciidan ah, maanta waxaa rabaa inaan ciidankii iyo siyaasadii isku darsado”ayuu yiri musharax Asad Cismaan. Musharax Asad wuxuu ballanqaaday haddii loo doorto xilka madaxweynaha Puntland uu dhamaystiri doono mashaariicda ka socda gobolka Sanaag, gaar ahaan mashruuca wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo. Sidoo kalena uu hirgalin doono mashaariic cusub. “Badhan waa magaalada ugu naqshada fiican, ugu wadooyinka fiican Puntland, waxaan rajaynayaa hadaan xilka ku guulaysto waxaan rajaynayaa in magaaladu noqoto wada Wado madow insha allah”ayuu yiri Musharax Asad. Dhinaca kale, Musharax Asad Cismaan wuxuu ku booqday guryaha ay ka degan yihiin Magaaladda Badhan Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo Suldaan Suldaan Maxamad Suldaan Xasan (Suldaanka Nabada). Musharax asad iyo waftigiisa oo ka soo ambabaxay Magaalada Bosaso ayaa intii ayan soo gaarin degmada Badhan waxay soo mareen Magaalooyinka Ceel-daahir, Cawsane iyo Midigale, halkaasi si ballaaran shacabku ugu soo dhaweeyeen. Socdaalka Musharax Asad Cismaan Cabdullaahi ee uu ugu magac daray difaac iyo dowladnimo ayaa ah mid uu barmaamijkiisa siyaasadeed iyo waxqabad uu ku gaarsiinayo shacabka Puntland ee ku nool goboladda kala duwan ee dalka. PUNTLAND POST The post Musharrax Asad oo si weyn loogu soo dhoweeyay Badhan appeared first on Puntland Post.
  2. African Development Bank, Big Win Philanthropy, Dangote Foundation launch ambitious plan to improve child nutrition, fight stunting Objective: to contribute to a 40% reduction in stunting in African children aged under 5 by 2025 Working with Big Win Philanthropy and Aliko Dangote Foundation, the African Development Bank has unveiled a new Multi-Sectoral Nutrition Action Plan that aims at raising investments towards reducing stunting by 40% in African children aged under 5 by 2025. Africa loses $25 billion per year in costs attributed to child morbidity and mortality, impaired cognitive, physical, and economic development caused by malnutrition. Yet these losses are almost entirely preventable. The ambitious Action Plan is looking for additional support and commitments from governments for nutrition. Jennifer Blanke, Vice-President, Agriculture, Human and Social Development at the African Development Bank, stressed the importance of engaging energetically and substantially with the private sector, “if we want to achieve long-lasting results.” Through the Multi-Sectoral Nutrition Action Plan, the Bank commits to scale up the proportion of investments that are ‘nutrition-smart’ in agriculture, water, sanitation and hygiene, social and health sectors. “In terms of human development, nutrition is as important as investments in infrastructure and power in stimulating economic growth. Big Win Philanthropy is thrilled with President Adesina’s leadership in giving greater priority to nutrition and the wider human capital investment agenda,” said Jamie Cooper, Chair and President, Big Win Philanthropy. “By leveraging investments across five sectors, and encouraging its member countries to do the same, the African Development Bank is achieving ‘double wins’ for every dollar spent: improving lives and generating economic growth.” Nutrition is inextricably linked to the Bank’s High 5 priorities: nutrition-smart investments could be catalytic for realizing equitable growth agenda. Speaking at the launch, Chief Executive Officer of Dangote Foundation, Zouera Youssoufou, said, “We know we cannot do this by ourselves, so it made sense to put money at the African Development Bank to develop this nutrition strategy. We are really happy to see the strategy come together following a two-year journey.” In 2017, more than a third of the world’s stunted children under the age of five lived in Africa with stunting rates ranging from 35.6% in East Africa to 32.1%, 29.9%, 29.1%, and 17.3% in Central Africa, West Africa, Southern Africa and Northern Africa respectively, according to the Plan, which also revealed that Africa is the only region in the world where the number of stunted children has risen in the past few years. The Plan will focus on integrating nutrition smart interventions into projects in the Bank’s extensive agriculture pipeline. The Bank’s Feed Africa Strategy executes the Comprehensive Africa Agriculture Development Programme (CAADP) goals of contributing to elimination of extreme hunger, malnutrition, and poverty. In addition to improved productivity, the Action Plan looks into the potential to nourish Africa, by including commodity value chains that offer broad-based nutrition value, instead of just calories. This will include leveraging flagship initiatives including Technologies for African Agricultural Transformation (TAAT), the Staple Crop Processing Zones Programme, and Integrated Agro-Industrial Parks. To realise its human and economic potential, Africa must invest in nutrition – particularly during the 1,000 days between conception and the age of two – as a crucial foundation for productivity later in life, said Oley Dibba-Wadda, the Bank’s Director Human Capital, Youth and Skills Development Department. “The African continent has the potential to become a powerhouse of productivity in the 21st century but cannot sustain rates of economic growth and at the same time integrate its burgeoning youth population without addressing these high rates of stunting.” The Bank is strengthening political engagement and building partnerships by enlisting Heads of State, ministers, and eminent leaders as champions to spur and build a high-level political movement and leadership for nutrition, known as the African Leaders for Nutrition (ALN), which was endorsed by the Assembly of Heads of State and Governments of the African Union (AU) at the 30th Ordinary AU Summit, held in Addis Ababa, Ethiopia on 31 January 2018. Qaran News
  3. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka aan caawa ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday mid kamid ah bar ilaalineedka “Control” laga soo galo magaalada Baydhabo. Wararka ayaa sheegaya in bar ilaalineedka waqooyi ee magaalada Baydhabo lagu weeraray Bam gacmeedyo, waxaana kadib xigay rasaas ay fureen ciidamada amaanka ee magaalada. Afar ruux oo seddex kamid ah yihiin ciidamada booliska ee goobta joogay ayaa dhaawacyo ay kasoo gaareen weerarka caawa ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaana xiligaasi socday baaritaanka gaadiid doonayay inay magaalada galaan. Kooxaha weerarkaasi ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana kadib ciidamada amaanka ay bilaabeen baadi goobta dadka falkaasi ka dambeeyay. Magalada Baydhabo ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay,waxaana dhawaan la filayaa inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo dhowr mar dib loo dhigay. Xalay sidaan oo kale weerar bambaano ayaa ka dhacay mid ka mid ah guryaha ku yaala Xaafadda Wadajir ee magaalada Baydhabo, waxaana ku dhaawacmay xildhibaano hore iyo nabadoon laga yaqaan magaalada. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  4. Dhuusamareeb (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Galmudug, Axamed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa uyeeray saraakiisha ciidamada maamulkaan. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha oo la faray inay yimaadaan caasimad dowlad goboleedkaan ee Dhuusamareeb ay ka qaybgeli doonan shir deg deg ah. Shirka ayaa la fahansan yahay in lagu lafaguri doono arrimaha ku xeeran amniga maamulkaan, qalabaynta ciidanka iyo guluf ka dhan ah Al-Shabaab. Macluumaadka la helayo ayaa tibaaxay in shirka uu shir gudoomin doono Madaxwayne Xaaf, islamarkaana uu socon doono maalmo. Degaano iyo degmooyin ka tirsan Galmudug waxaa qayb kamid ah maamusha Al-Shabaab xili la filayo in lagu soo qaado shirkaan sidii looga xorreyn lahaa. The post Xaaf oo uyeeray saraakiisha ciidamada Galmudug appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in qarax Miino lagu eegtay halkaasi Kolanyo ka tirsan ciidamada AMISOM. Dadka degaanka oo u waramay idaacadda Shabelle waxay xaqiijiyeen in qaraxa oo jugtiisa ay si wayn umaqleen lala beegsaday cutubyada ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta xili ay marayeen isgoyska Ex-kontarool Balcad. Lama ogga hadii uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ciidamada Midowga Afrika kasoo gaaray weerarkaan qaraxa loo adeegsaday. Ma jirto cid sheegatay masuuliyada falkaan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan dhacdooyinka noocaan ah fuliya. Wadada isku xirta Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa aalaaba laga soo wariyaan falalka ceenkaan, kuwaasi oo khasaarooyin kala duwan ugeystay ciidamada AMISOM iyo kuwa xooga dalka. The post Qarax lala eegtay kolanyo ka tirsan AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Africa Eye: Kamwe Kamwe- Inside Burundi’s Killing Machine When Burundi’s President announced that he was running for a third term, some of the people who protested against his candidacy were shot in the street. Now, former regime insiders have told the BBC that the repression has gone underground. They admitted to killing perceived opponents themselves, and said that several sites across the country served as secret detention and torture locations. A BBC investigation concentrated on one house in particular, which appeared in a video posted on social media with red liquid flowing from its gutter. Former Burundian intelligence agents have given a detailed account to the BBC of an organised programme to eliminate voices critical of the President’s third term in office. They say that the country’s security services are running secret torture and detention sites to silence dissent. Burundian human rights organisations say hundreds of cases of deaths, torture and disappearances are still being reported each year. The government has always denied any human rights violations, and declined to comment for this report. https://www.bbc.co.uk/news/av/world-africa-46428073/burundi-inside-the-secret-killing-house Qaran News
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-041218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. (SLT-Washington)-Wiil 7 sanno jir ah oo ka faalooda qalabka ay carruurta ku ciyaaraan ayaa la sheegay in uu noqday qofka lacagta ugu badan ka sameeya shabakadda Youtube. Sida ay qortay majalladda Forbes ee looga hadlo hodantinimada adduunka ayaa lagu sheegay in sannadkii wiilkan yar uu sameeyo $22 milyan doolar, lacagtan oo aysan ku jirin canshuurtii laga qaadi lahaa iyo qarashaadkii kale. Wiilkan yar oo magaciisu yahay Ryan ayaa waxa uu ka sare maray dadka Youtube-ka caanka ka ahaa sida ninka lagu magacaabo Jake Paul, kaas oo uu ka sareeyay lacag dhan nus malyuun doolar. Waxaa kaalinta seddexaad soo galay Dude Perfect, isaga oo hela lacag dhan $20 milyan doolar. Mar taleefishinka NBC uu Ryan weeydiiyay sababta kanaalkiisa ay caruurta u jecelyihiin ayaa waxa uu yiri “Waan madadaaliyaa, waanan u majaajileeyaa”. Waxa uu kanaalkan furey sannadkii 2015-kii, muuqaalada qaarna waxaaba la daawaday 26 milyan oo jeer, waxaana ku xiran 17.3 milyan oo qof. Lacagta waxaa laga sameeyaa xayaysiinada soo muuqda marka uu muuqaalka bilaabanayo. Qalabka ay carruurta ku dheelaan ee kusoo baxa kanaalka Ryan ayaa la sheegay in markiiba la wada iibsado. Bishii Agoosto, shirkadda Walmart ayaa soo saartay qalab gaar ah oo lagu xardhay magaca Ryan. Maadaamaa uu weli ilmo yahay, 15% ka mid lacagta uu sameeyo ayaa lagu xareeyaa sanduuq bangi gaar ah, wuxuuna isticmaali karaa marka uu qaangaaro. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Wefti Ka Socday Xukuumadda Somaliland Oo Kulamo La Yeeshey Barlamanka Dalka Ingiriiska, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyadda Mucaaradka oo farriimo Digniin ah u diray Golaha Guurtida iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Muqdisho)-Waxaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho lagu dhaawacay wariye Ismaaciil sheikh Khalifa oo kamid ah wariyaasha ka howgala Muqdisho. Weerarka ayaa la sheegay in xiliga salaadda Casar uu ka dhacay wadada Maka Al Mukaram. Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan ayaa soo sheegay in xaaladda wariyaha ay aad u darantahay, dhaawac ugu badan na uu ka soo gaaray qeybaha hoose ee jirka iyo caloosha. Gaari uu watay wariayaha ayaa la sheegay in loogu dhajiyay walxaha qarxa. Dhaawaca wariye Ismail sheikh Khalifa ayaa la geeyay Isbitaalka Erdogan oo horay loo oran jiray Digfer. Xoghayaha guud ee ururka xuquuqda aadanaha ee Saxafiyiinta Cabdikadir Faarax Dulyar ayaa BBC-da u sheegay in ay aad uga naxeen weerarka lagu qaaday wariyaha, ayna Dowladda Federaalka ka dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay falkan. Dulyar ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in aysan jirin wax cabsi ah oo uu qabay wariyaha. Ismaaciil sheikh Khalifa ayaa la sheegay in uu u doodi jiray xuquuqda wariyaasha mudadii sannadka aheyd ee uu madaxda ka ahaa ururka xuquuqda aadanaha ee wariyaasha, isagoo na sidoo kale wax ka dhigayay mid kamid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan xafiiska QM ee UNSOS ayaa Amisom ku eedeysay inay xadgudubyo galmo ka gaysato xerada OPD oo ku dhex-taalla xarunta Xalane ee Muqdisho, oo la sheegay in gabdhaha Soomaalida ah lagu kufsado. Bishii August ee sannadkan ayaa warqad ay qortay sarkaalkan sare oo ka tirsan UNSOS oo taakulaysa ciidamada AMISOM waxay ku sheegtay xadgudubyo iyo ka faa’iidaysi dhinaca galmada ay ku lug leeyihiin ciidamada AMISOM iyo ajaanib kale. Waxay warqaddeeda ku sheegtay ay ka dhaceen degaan lagu magacaabo OPD oo ay ku nool yihiin dad rayid ah oo Soomaali ah. Degaankaas ayaa ku yaal xerada Xalane. Eedahaas AMISOM way beenisay dhammaantood, dhinacyada soo jeediyeyna masoo bandhigin wax caddaymo ah. Hase yeeshee Galka Baarista waxa uu ogaaday in horey loogu heshiiyey in gebi ahaanba xeradaasi la xiro lagana gooyo AMISOM sannad ka hor. Haddaba sannad kadib markii heshiiskaasi la gaadhay waxba kama hirgelin dhammaan qodobada lagu heshiiyey. Xerada OPD lama xirin, weliba waxaa gala ciidamada AMISOM, sidoo kale way ka go’an tahay degmada Wadajir oo ay degaan ahaan ka tirsan tahay, waxayna gudaha ugu jirtaa xayndaabka AMISOM. Warbixintan waxaa diyaariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/galka-baarista-2.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. A prominent Somali journalist, Ismail Sheikh Khalifa was wounded after a bomb concealed under the sear of his private car exploded in the heart of Mogadishu on Tuesday. Khalifa who worked as a managing director of Star FM Radio’s Mogadishu Bureau is in critical condition after sustaining series wounds in the car bomb explosion. The motive behind the attempt on his life and who orchestrated the assassination bid remains unclear as the Somali police are yet to comment on the incident. Al-Shabaab in the past targeted senior government officials and media workers with such bomb attacks in Mogadishu, the capital of the conflict-recovering Horn of Africa nation. The post Somali journalist injured in car bomb blast in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Waxaa Goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Qarax gaarigiisa loogu xiray mid kamid ah agaasimayaasha idaacada Muqdisho. Ismaaciil Sheekh Khaliif oo ahaa Agaasimaha idaacada maxaliga ah ee HIDDo ayaa dhaawac culus ka soo gaaray miino loogu xiray gaarigiisa wadda Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Ismaaciil Sheekh Khaliif ayaa sidoo kale ahaa agaasimaha hay’ad u dooda xuquuqda wariyaasha. Majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa loogu xiray gaarigiisa Agaasimahaan waxaana dhaawiciisa la jiifiyay mid kamid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Agaasime Idaacadeed oo ku dhaawacmay Qarax loogu xiray Gaarigiisa appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Waabari gaar ahaan Waaxda March ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay Qarax gaari. Qaraxa ayaa ahaa Mid lagu xiray gaari Nooca raaxadda ah, waxaana ku dhaawacmay ruuxii watay gaariga. Goobjoogayaal ayaa Xaqiijiyay in gaariga uu watay wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed, islamarkaana uu soo gaaray dhaawac. Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi laga qaaday dhaawaca Wariyaha. Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa horay u ahaa Agaasimaha Idaacadda Radio Star fm haddana wuxuu ahaa Agaasimaha Idaacadda Hudda ee Magaalada Muqdisho. Mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho ayaa loo qaaday dhaawaciisa,sida aan Wararka ku heleyno.
  16. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomalaiyeed. Gaariga uu watay Wariyaha ayaa qarxay, xilli uu maray xaafadda March degmada Waabari ee gobolkan Banaadir. Wararka qaara ayaa sheegaya in qaraxaasi dhaawac uu ka soo gaaray Wariyaha,islamarkaana loola cararay mid ka mid ah Isbitaaladda Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu soo warramayaa in ay gaareen goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo howlgallo kooban ka sameeyay halkaasi. Ammaanka Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe faraha ka sii baxayay, iyadoona qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay ka dhacayeen qeybo ka mid ah gobolka Banaadir. The post Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Qarax gaari ah oo ka dhacay isgoyska shaqaalaha ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa inuu ahaa gaariga weriye Ismaaciil Sheekh Khaliifa. Weriyaha oo ku dhaawacmay ayaa la sheegayaa inuu qaraxu ku xirnaa gaarigiisa, dhaawaciisa waxaa loola cararay isbitaalka Digfeer. Weriyaha Goobjoog News oo goobta gaaray waxaa uu soo sheegayaa in dhaawaca uu cuslaa, weriyaha ayaa aad dhiig baxay, waxaana dhaawaca uu ka gaaray dhabarka ama kiliyaha maadaama Qaraxa loogu xiray kursiga gaariga Lama oga sababta, mana jirto cid sheegatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa go’aan ku gaartay in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur awood ciidan looga reebo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ilaa 500 oo ciidan oo dowladda ay qorsheysay in la geeyo magaalada Baydhabo, ujeedka laga leeyahay ay tahay in lagu hor-istaago Roobow. Ciidamadan ayaa 200 oo ka mid ah waxay dowladda gaysay Baydhabo maalmihii lasoo dhaafay, waxaana la qorsheeyeyin illaa saddex boqol oo kale lagu daro oo la gaarsiiyo 500. Xukuumadda iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegay in ciidamada ay sugayaan amniga doorshada, balse xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in lagu hor-istaagi doono Roobow. “Qorshaha laga leeyahay ciidanka ayaa ah inay qabtaan xarunta doorashada ay ka dhaceyso iyo xaafadaha ku hareereysan oo Roobow laga hor-istaago inuu soo galo, waana ka go’an tahay dowladda” ayuu yiri mas’uul Koonfur Galbeed ka tirsan oo la hadlay Caasimada Online, kaasi oo codsaday inaan la magacaabin. Tallaabada dowladda Soomaaliya ayaa timid kadib markii ay fashilmeen dhammaan dadaalladii kale ee la doonayey in lagu hor-istaago Roobow. “Roobow waqti un buu iska luminayaa ee kama qeyb-galayo doorashada” waxaa isna sidaas yiri mas’uul ka tirsan xukuumadda Kheyre oo codsaday inaan la magacaabin. Dhinaca kale, xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in xubno ka mid ah beesha caalamka ay ku taageersan yihiin dowladda tallaabada ay qaadeyso, inkasta oo aysan dooneyn inay ka hadlaan. Cabsi aad u xoog badan ayaa ka jirta magaalada Baydhabo, waxaana jira maleeshiyo ku beel ah Roobow oo is urursi ka bilaabay magaalada, ayadoo aad loogu cabsi qabo dagaal ka dhaca magaalada. Dib u dhacyada dhowrka ah ee ku yimid doorashada Koonfur Galbeed ayaa sabab looga dhigayaa arrintan. Dhinaca kale, dowladda ayaa mar isku dayday in doorashada loo soo wareejiyo Muqdisho, balse waxaa laga cabsaday in taasi ay bixiso sawir qaldan oo ah in dowladda afduubaneyso doorashada. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  19. Kismaayo ( Sh. M. Network )-Howlgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM ayaa mar kale ku celiyay in ay xoojinayaan qorshaha lagu xoojinayo ammaanka deganaanshaha Soomaaliya. Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Francesco Madeira ayaa xusay in ay wadaan qorshayaal lagu soo celinayo amniga dalka. Mr Madeira ayaa intaasi ku daray in guul laga gaaro dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ay ku xiran tahay dadaal dheeraad ah oo ka yimaada AMISOM iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya. Wakiilka ayaa hadalkan dhawaan ka jeediyay musaabad ka dhacday M/ Kismaayo oo AMISOM ay saldhig cusub oo Booliis ku wareejiyeen maamulka Jubbaland Mashruuca lagu dhisay saldhiggaasi ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Denmark iyo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Madaxa Booliika AMISOM ee Soomaaliya oo dhinaceeda ka hadashay munaasabaddaasi ayaa xustay in ay kordhin doonaan dhismaha saldhigyada Booliska ee dalka iyo tababarada Ciidamada Booliska ee Soomaaliyeed. Ururka Midowga Afrika ayaa horay u sheegay in Soomaaliya uu ka caawin doono dhinaca dhismaha Ciidamada Xoogga, si ay DFS ula wareegto ammaanka dalka The post Midowga Afrika Oo xoojinayo taageerada Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Musharax Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye oo aan isna qayb ka ahayn Musharixiintii maanta soo saaray warsaxaafadeedka ayaa hada soo saay warsaxaafadeed ku aadan Gudiya la [...] Source
  21. Ceelbuur ( Sh. M. Network )-Diyaarado dagaal oo ku socda jawi hoose ayaa lagu soo warramayaa in maanta lagu arkay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay diyaaradahaasi oo ku socda joog hoose lagu arkay deegaano hoos yimaada degmada Ceelbuur ee gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda halka laga leeyahay diyaaradahaasi dagaal ee dul heehaabaya qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dadka deegaana ayaa cabsi ka muujinaya in duqeyn xoogan ay ka dhacdo halkaasi, maadaama deegaanadaasi ay ku sugan yihiin Dagaalyahannada Al Shabaab Muddooyinkii dambe waxaa duqemo dhinaca cirka ah ay ka dhacayeen deegaano ka kala tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug. The post Diyaarado ku socda Joog hoose Oo lagu arkay G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa ku baaqay in wadatashi laga sameeyo magcaabida gudiga Khilaafaadka Cali Xaaji ayaa yiri ” Wax wada tashi ah oo ku [...] Source