-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-20122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
bQoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka ee b aarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh ayaa lagu sheegay in xildhibaannadii mooshinka keenay ay ka laabteen, sidaa darteedna uu mooshinkii buray. Guddoomiyaha ayaa qodobo kala duwan u cuskaday in mooshinka uu buray, waxaa ka mid ahaa: in 14 Xildhibaan ay ka dacwoodeen in aanay saxiixin mooshinka, in aaney jirin maxkamad dastuuri ah iyo maxkamadda sare in aaney booskaas buuxin karin. Akhriso, Qoraalka: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay inuu buray mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya. Qaar kamid ah xildhibaanadii gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay sax tahay in xildhibaanada ay ka laabteen mooshinkii ay ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaan C/xakiin Macalin oo kamid ah xildhibaanadii gudbiyay Mooshinka ayaa wareysi uu bixinayay wuxuu si cad u sheegay inay iyaga go’aansadeen inay ka laabtaan mooshinkii ay horey u keeneen. Wuxuu xildhibaanka sheegay in mooshinkaasi markii hore ay ku keeneen waddo sax ah, balse hadda sida ka muuqatay qoraalka guddoomiyaha baarlamaanka in la doonayo in la dhiso maxkamad dastuuri ah oo arimahaan oo kale wax ka qabata. Xildhibaanka wuxuu sidoo kale sheegay in haddii la xalin waayo dhamaan qodobada sababay inay mooshinka ka laabtay ay soo celin doonaan mooshin ay madaxweynaha kula xisaabtamayaan. Hoos ka dhageyso wareysiga xildhibaanka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Wareysi-Xildhiban-Cabdi-Xakiin-Macalin-Axmed-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay in ay fara-gelin qaawan ku samaysay doorashadii shalay ka dhacday dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lagu doortay madaxweyne Cabdicasiis Xassan Maxamed(Lafta Gareen). Qoraal ka soo baxay shirkii Golaha xukuumadda Puntland ee Khamiistii maanta ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara-gelin qaawan ku samaysay doorashada Koonfur Galbeed,islamarkaana la baal-maray rabitaanka shacabka iyo shuruucda dalka. “Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa dood dheer ka yeeshay arrimaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,gaar ahaanna arrimaha doorashada,waxayna Goluhu sheegeen inay nasiib darro tahay faragelinta qaawan ee Dowladda Federaalku ku hayso arrimaha doorashada Koonfur Galbeed iyo maal marida rabitaanka shacabka iyo sharciga dalka” ayaa qoraalka lagu yiri. Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland,Cabdixakiin Camey oo shalay bogaadiyay doorashada Koonfur Galbeed ayaa maanta ka maqnaa shirka Golaha xukuumadda Puntland ee khamiislaha. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland oo xukuumadda Soomaaliya ku eedaysay in ay fara-gelin qaawan ku hayso KFG appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu shaaciyay inuu meesha ka baxay Mooshinkii 9-kii bishan laga keenay Madaxweyne Farmaajo. Guddoomiyaha ayaa qodobo kala duwan u cuskaday in mooshinka uu buray, sida in 14 Xildhibaan ay ka dacwoodeen in aanay saxiixin mooshinka iyo in aanu dalku laheyn weli Maxkamad Dastuuri ah ee qaadi laheyd dacwada Madaxweynaha. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka ee keenay Mooshinka ay ka tanasuleen xaqoodii dastuuriga ahaa, iyagoo u turaya xaalada dalka uu ku jiro. Dhanka kale, Arrintan ayaa kusoo beegmaysa , iyadoo labadii maalmood ee u dambeysay ay wada hadalo hoose ah socdeen, lama oga illaa hada waxa lagu heshiiyay ama lagu bedeshay tanaasulka Mooshinka oo noqday mid dhabar jab xooggan ku aheyd Madaxweynaha. AKHRISO: Qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka DF; PUNTLAND POST The post Muxuu Guddoomiyaha Baarlamanka Soamlia ka yiri Mooshinkii laga keenay Farmaajo? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay inuu buray Hindisaha xilka qaadista ee ka dhanka ahaa Madaxwayne Farmaajo. War qoraal ah oo uu Gudoomiyuhu soo saarey ayuu ku tilmaamay in tani ay ka dambeysay markii uu wadahadal mirro dhal ah uu la galay Mudanayaasha soojeedinta keenay, kuwaasi oo gaarayey 92. 9-kii bishaan December ayay ahayd markii Sharcidejiyaasha ay sheegeen inay ka gudbiyeen Madaxwaynaha Mooshin xilka qaadis ah, taasi oo uu ka qabtay Gudoomiye Mursal, xili uu ku kala qaybsamay gudoonka Aqalka Hoose. Hoos ka akhriso warqadda The post Mooshinkii laga keenay Madaxwayne Farmaajo oo buray appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mid kamid ah as’aasayaashii Puntland haatanna u sharraxan doorashada madaxtinimada sannadka 2019,Sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) ayaa Galabta si ballaaran loogu soo dhoweeyay caasumadda dowladda Puntland ee Garoowe. Murashaxa oo ka soo kicitimay dalka Ethiopia ayaa markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir waxaa ku soo dhoweeyay boqollaal shacab ah oo halkaasi ku sugayay mudda saacado ah,waxaana loo soo gudbiyay dhanka magaalada,isagoo kumannaan taageerayaashiisa kamid ah kula hadlay barwadda weyn ee caasumaddu ku caanka tahay. Murashax oo khudbad kooban u jeediyay dadkii soo dhoweeyay ayaa si weyn ugu mahadceliyay kumannaanka ruux ee tan iyo saaka qorraxda u taagnaa jecaylka iyo hilowga ay u qabaan hoggaamiyahan u soo halgamay difaaca shacabka. Sarreeye Guud Siciid Dheere ayaa sidoo kale sheegay in isu’ soo baxa iyo taageerada ballaaran ee ay bulshadu isaga u hayaan ay farriin cad u dirayso xildhibaannada cusub ee Puntland si ay uga jawaaban rabitaanka shacabka. “Soo dhoweyntiinu waxay muujinaysa farriin aad u diraysan,Baarlamanka lix iyo lixdanka ah,farriin aad u diraysan intii iska’ soo lugo’day ee meelaha timid,farriin aad u diraysan isimada Puntland,farriin aad u diraysan caaqillada Puntland,farriin aad u diraysan dhammaan dadweynaha reer Puntland in wax aad rabtan meel marto” ayuu yiri Siciid Dheere. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa murashax Siciid Dheere wuxuu ballan qaaday in haddii uu guulaysto Puntland laga arki doono isbeddel dhinac walb ah,waxaana uu wacad ku maray in uu wax ka qaban doono amniga Puntland oo haatan meelaha qaar laga dayrinayo. Murashax ayaa dadweynaha xasuusiyay dayacii iyo rafaadkii uu naftiisa u baday difaaca iyo ilaalinta nolosha shacabka Puntland tan iyo bilowgii halgankiisa ilaa uu dhisay Puntland-ta maanta lagu barwaaqoobay. “Geed walba wan soo seexday,Kudkude waa iga dhargay, shilin waa lamid,qorrax iyo qabow mid walba waan soo maray,rasaas sida hooska u dhacaysa waan soo maray,sidaasi awgeed, waan mudnahay in laygu abaal mariyo taas” ayuu raaciyay halgamaa Siciid Dheere. Ugu dambeyntii, murashax ayaa farriin u diray isimada dhaqanka iyo xildhibaannada cusub ee Puntland oo uu ugu baaqay in ay tixgeliyaan rabitaanka shacabka,islamarkaana ay badbaadiyan masiirka Puntland,una dooran shakhsi u shaqeynaya ee aan ka shaqeysan. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Murashax Siciid Dheere oo si weyn loogu soo dhoweyay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)-Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxa lagu sheegay in lagu noqday mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo. Warqad ayaa ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in markii la tixgaliyay arrimo dhawr ah laga noqday mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweyne Maxamed Cabdillahi Farmaajo. Tallaabad lagaga noqday mooshinka ayaa la filayaa inay soo afjarto khilaaf cakiran oo u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaaka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-20122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Abu-Dhabi) Sergio Ramos oo u labbisan sida culimada Islaamka ayaa iska xaadiriyey masaajid ku yaalla magaalada Abu Dhabi oo lagu magacaabo Sheikh Zayed Mosque subaxnimadii saaka kaddib markii guul ay xalay ka gaadheen naadiga Kashima Antlers ay ugu gudbeen finalka tartanka naadiyada dunida. Sergio Ramos oo ay wehelinayaan Karim Benzema iyo Raphael Varane ayaa ka baxay hotelka ay ka deggan yihiin magaalada, waxaanay booqdeen meelo ka mid ah magaalada. Kabtanka Real Madrid, Sergio Ramos oo ay la socdeen shan qof oo asxaabtiisa ah ayaa waxay soo mareen dhawr meelood, laakiin lebbiskooda oo ahaa dharka carabta iyo culimada Islaamku xidhato ayaa dad faro badan soo jiitay intii ay dhex socdeen magaalada. Maadaama ay qorrax kulul iyo jewiga jiilaalku ka jiro Imaaraadka Carabta, waxay qaateen muraayado madow oo iftiinka badan ee dhulka kasoo noqonaya iyo dabaysha ciidda wadata ay iskaga difaacaan. Sergio Ramos ayaa bartiisa Instagram waxa uu soo dhigay sawir uu ku dhex jiro masaajid qurux badan oo ku yaalla Abu Dhabi, isaga oo muuqaalkiisu u egyahay sheekh, waxaana qoraal kooban oo uu soo raaciyey uu ku qiray inay tahay meel ixtiraam badan. “Waa meel gaar ah. Xushmad iyo qaddarin leh. Waad ku mahadsan tihiin heshiiska iyo jacaylka. Goobta gaarka ah, xushmadda iyo ixtiraamka. Waad ku mahadsan tihiin soo dhoweynta diirradan iyo taageerada. #SheikhZayedMosque #AbuDhabi #UnitedArabEmirates” Sidaas ayuu soo qoray Sergio Ramos. Laacibkani ma sheegin in xiddigaha kale ee la socday ay u raaceen Masaajidka laakiin sawir kalidii ah ayaa uu bartiisa ku baahiyey. Daqiiqado kaddib sawirka Masaajidka, Sergio Ramos iyo Dani Carvajal waxa lagu sawiray goob kale oo aan la magacaabin. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa ku dhowaaqay in laga laabtay mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajao. Mursal ayaa qoraal uu goor-dhow soo saaray ku sheegay in mooshinka lagu dhameeyey qaab wada-hadal islamarkaana xildhibaano badan ay ka laabteen. Guddoomiyaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in sababaha mooshinka dib looga laabtay ay tahay ayada oo 14 xildhibaan ay sheegeen inaysan saxiixin mooshinka balse magacooda la adeegsaday. Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin maxkamadda dastuuriga ah ee dalka, oo sida dastuurka uu qabo ay tahay in mooshinka marka lasoo gudbiyo ay eegto eedeymaha madaxweynaha loo soo jeediyey, kadibna ay go’aan ka gaarto sax ahaanshahooda. Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada mooshinka ay ayaga oo tixgelinaya xaaladda dalka ogolaadeen inay mooshinka la laabtaan, wada-hadalna lagu dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira. si kastaba, xog aan ka helnay dad ku dhow guddoomiyaha baarlamanka ayaa sheegaysa inay jiraan heshiisyo hoose oo la isku afgartay, kuwaasi oo dhamaantood salka ku haya xilal siyaasadeed. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Mursal Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku gu’ jirsaday Kursiga, Isaga oo Durba sanad baarka ka jaray intii uu xilka hayey. Mudane Muuse oo loolankii ololaha ku galay halku dhigo ay ka mid ahaayeen BERI MAANTA DHAANTA oo uu kawaday Dawlad iyo Kulmiye dhaami doona dowladii Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee wakhtigaa jirtay, sidoo kale isku bedelkii Kursiga Kulmiye ka dhigay isbedel kuna naalooday Inuu soo wado wax qabad, dhaqaale kobcin, shaqo-abuur, dowlad kooban, cadaalad iyo ismaqal iyo wada shaqayn. Dhaarna ku maray Sinaan iyo cadaalad ciddii u codaysay iyo ciddii ka codaysayba inaanu ukala Xaglin doonin oo HORE LOO SOCONAAYO. Hadaba sanadka uu joogay xafiiska maka dhabeeyey halku dhigyadii iyo balanqaadyadii? Marka si dhab ah loogu kuur galo waa Maya, waayo intii uu madaxweyne Muuse joogay waxaad moodaa in wadankii jar ka laalaadsamay oo uu dalaw inuu ka shalwado qarka u saaranyey, Haday tahay dhaqaale, cadaalad iyo maamul ba. Dhaqaalaha ilaa intii uu muuse xilka qabtay Shillinkii Somaliland maalinba maalinta ka danbaysa wuu sii qiimo dhacayaa, maciishadiina cirka ayey isku shareertay intii ay Somaliland jirtay meel aanu sixirbararku gaadhin ayuu gaadhay mudadaa. Halkii qorshe lagu maareeyo ay Xukuumada Mudane Muuse keeni lahayd waxay keentay Handaraab, kooto iyo xayiraad Taas oo sii cakirtay xaladii dhaqaale ee dalka sababtayna in muwaadiniin badan oo qaadaa-madherge ah ay galaafatay oo ay meheradihii isbixin kariwaayaan oo ay ka xidhmeen, halka kuwa ku xoogsada gaadiidka iyana Xayiraad iyo Xanimaad loogu gaystay iyaga oo lagu am’ray in aanay ka shaqaysan karin goobo kooban oo cayiman mooyee, sidoo kale in Shiidaalkii qaali noqday oo cidi goyn weydey iyaga oo ladaalaadhacaaya duruufaha suuqyada ka jira xayiraadna u dheer tahay in hadana qasab lagaga dhigay in taarikada gaadiidka badalaan oo iibsadaan tacusub ee Xukuumada Muuse Biixi si Lacag looga sameeyo muwaadiniintaa silicsan, shaqo abuur warkeed daa, iyana Danyartii waxay goyn kariwaayeen quutal-daruurigii oo way macaluuleen. Dhanka kale Dalkii oo faraha ka baxaaya Taas oo ay sabab u tahay in shacabkii la dhex dhigay kala Qaybsanaan baahsan oo wax wada lahaanshihii meesha kabaxay markii muwaadiniintii loo kala Xagliyey loona kala Sad-buriyey kala fogaanshahaa ay caddaalad darada xukuumadu sababta utahay awgeed ay dhacday taariikhda markii ugu horaysay in maamul goboleed Soomaaliya ahi gudaha Jamhuuriyada Somaliland shir ku qabsadaan oo uu madaxweynaha puntiland dhex taxtaxaasho Somaliland siddoo kale in Somaliland gudaheeda Jabhado hubaysani ka samaysmaan kuna dhawaaqeen in ay Cadaalad darada dalka ku habsatay qoriga u Qaateen. Waxa iyana la gabay Ictiraaf raadintii iyo iib-geyntii qadiyada Somaliland iyada oo uu Maqaamkii Somaliland dunida ku higsanaysay uu hoos u dhacay, Xirfad Diblamaasi la’aan, kala qoqobnaan iyo talo wadaag la’aan awgeed. Isku soo xooriyoo mudadaa Mudane Muuse Biixi Cabdi xilka hayey Waa Dal Xidhmay, Dhaqaale Xidhmay, Meherado Xidhmay, Xayiraad iyo Dhan u Xaglin, Una dheertahay Xin iyo Ku Xumayn ay Xukuumadu Muuse Biixi gudaheeda is XagXaganayso. Ilaahaybaa mahad leh Midnimana Somaliland Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Source
-
Marka hore salamu lahi calaykum. Sheekadan oo aan qoray sanado ka hor. Waqtigaa waan mal dahay fasiraadeeda lkn shirkan jabuuti ee lagu sheegay dood u dhaxaysa Somaliland iyo Somaliya ayaa sababay fasiraadeeda. Xayawaanka waxa loo qaybiyaa, duur joog (wild animals ) iyo dad la jog (domest ic animals ).Duur joogta waxa kamida dugaaga dad iyo xoolaba halis ku ah waxana ka mida .. Shabeelka, Libaxa, iyo kuwa kale, waxana ugu halis badan oo xataa lagu shee ga inuu boqor u yahay dugaaga kale bahalka la yidhaa Libaaxa. dad la joogta oo loo yaqaan duunyo’ waxa kamida Geela, Lo’da iyo Adhiga, waxa intaa soo raa ca kuwa dadkeeni hore u adegsan jiren gadid ahan, sida Fardaha, iyo dameeraha.waliba waxa ugu mudnaa looguna jeclaa xoolaha la dhaqdo Geela, hadaba si guud hadii loo eego noolaha naaslayda dhamaantii waxay ka simanyihiin marka ay dhashaan shayga u horeeya ee ay quutaan inuu yahay caanha Hoyadod. oo ilaa inta ay ka gaadhayan ababka ( waqtiga ay cunto cuni karaan ) oo marka danbe waxa look ala baxaa Cows Ku nool iyo Cad ku nool. tusale Dugaagu ma quuto Cawska, halka xooluna aanay quudan cadka (hilibka) hadaba sidaas oo ay tahay marxaladdaa nololeed ee noolaha yari ku nool yahay ma oga waxa hoyadii ku nooshahay. Oo war iyo wacaal kama hayo in hoyadii caano cabto, caws cunto, ama cad cunto.markuu il iyo baal saaro wuu ku ordaa wuxuuna beegsadaa halka uu ka dhamayo caanaha hoyadi oo ah naasaha malaha wan ku dheeraaday sharaxa ee aan usoo daadago maqaalkayga. waa sida ay tahayba’e xoolaha lama raaciyo Nirgaha, oo ah Geela dhashoda, Waylaha oo ah lo’da iyo maqasha oo ah adhiga dhalankooda ah. waxay inta badan joogan meel u dhaw xerad oda ama ardaaga reerka leh dunyadaasi. Waxayna ku sugaan waqtiga ay soo noqon doonan hooyoyinkod. duurjoog iyo dadla jogna way ka simanyihin midaasi. oo noolaha dibadgal ahi wuu qadhab tagaa isago ubadkisana uga sii taga meel uu ku ogyahay.. hadaba maalin aya waxa dhacday in libaax yar ( caga baruur ) oo aan wali ababin kalidina ah usoo dhaqaaqay meel ay joogaan, Nirgo, Waylo, iyo maqal. geed ka ag dhawaa goobta ay joog een ayuu iska hoos fadhiistay. Wuu daawaday isaa oo is waydiinaya waa maxay noolahani ? wayo ? hooyadii iyo walaaladii cid aan ahayn muu arag mana maqal. Isna Waxa arkay oo u yimid Ni rig kamida nirgihii meesha joogay oo arkayay Libaaxan yare e geedka hoo fadhiya kalidii, isna sidoo kalena layaabana ….. geedkii aya la wada fadhiistay in cabaar ah waa la sheekaystay sheekadooda waxa ku jirtay caanaha ma cabtaa.? Iyo Haa….adna ma cabtaa … ? iyo sidoo kale haa… Kadib waa la kala socday oo Libaaxii yara wuxu dib ugu laabtay halkii uu ka yimid. nirigiina sidoo kale goobtisii ayuu ku noqday. Laakiin wax balan ah lama kala qaadan. Ee is barasho iyo malaha ciyaar caruured arintoodu may dhaafin. malintiibaana isugu horeysay isuguna danbaysay……. Oo Maxaa U sobobay in la isu soo xiisi waayo oo laisu soo noqon waayo…….waa yaab… BAL ADBA . ………… waxa dhacday in Nirigii yaraa Hoyadii uga sheekeeyay saaxiib cusub oo ay maanta is barteen astaamihiisii iyo siduu u eeka … hadiiba Hoyadii nirigu aqoonsatay ( waa Hashii dhashay niriga’ e ) wuxuu u sheegayaa inuu yahay dhal Libaax oo malaha ah cadawgoda koowaad ee aakhiro u diri kara.ayay booday hurdadii iyo daalkii ayaa ka duulay… waxayna ku dardaartay oo ku tidhi…HOOYO:- • Meeshaa uu kuugu yimid dib ha u tagina adi iyo asxaabta kaleba. • saxiibkan aad soo baratay Abihii ayaa dilay Abahaa oo waliba cunay. Waliba asxaabtaada waalidook iyo ehelkooda wuu laayay’ qaarkood wuuna cunay. • Isaguna wuxuu doonaya inuu ku dilo adiga iyo asxaabtaadan kale oo uu idin cuno. ( iyado ula jeeda,asxaabta kale , Waylaha iyo maqasha. ) Nirigii yaraa oo yaaban ayaa Hooyadii ku yidhi ‘” …. Ee Hoyo, cunto ma cuno ee caano ayuu cabaa hadii aad markii noo iman lahayd waxaan siin lahaaba caanahayga badhkood. … yaab iyo amakaag kadib Nirigii yaraa wuu aqbalay taladii hooyadii,asxaabtiisii kalena wuu u sheegay iyaguna warkii way is gaadhsiiyeen xataa Hooyoyinkod ayay ula taggeen oo sidii niri ga hoyadii oo kale looga raariday arintii. waliba waxa la tusay lafihii Ehelkooda oo meelo yaala y, looguna sheegay wakaa markhaatigii….. KA SOCO DHINICII LIBAAXII YARAA IYO HOYADII..maxaa kala qabsaday iyagana…. Libaaxii yaraa ( cago baruur ) isna hooyadii ( Gool ) ayuu uga waramay saxibkiisa cusub iyo asxaabtiisii kale oo noocyo badnayd aadna u qurux badnayd. goosha oo ah libaaxa yar Hoyadii, oo lagu xanto dabeecad xumo iyo cadho badan ayaa markuu warka u dhameeyay Ul u qaadatay libaxii yaraa. xoogaa markii ay yar ciqaabtay ayay ku canaanatay in fursada uu dayacay aanay dib usoo mari doonin. Waliba waxay xasuusisay maalin uu ku yidhi Hooyo caanuhu maanta macaana.waxay ku tidhi caanaha waxa macaaneeyay maalintaa inuu ahaa Hilibkii nirigaa ehelkooda oo ay maalintaa mid kazoo cuntay…. Cajiib. Libaaxii yaraa ayaa yidhi : lakin Hoyo maxaad u cuntay. Gooshina aya ku jawaabtay : wiilkaygiiyow calafban ku lahaa’ oo fursadan aad daayacday oo kale ayaan ka fa’idaystay malintaa anigu………. Libaaxii yaraa wuxu hoyadii waydiiyay inay iyadu caano cabto, lkn waxay ugu jawaabtay in aanay caano cabin ee ay Dhiiga iyo Cadka saxiibkiis iyo Ehe lkiisu yahay noloshooda……Libaxii yaraa malinta wuxuu Ogaaday in saxiibkiis aanu dib u heli doonin maadaama ay kala yihiin Kaaf iyo kala Dheeri……………. aan Fasiro sheekada, Libaaxu waa Somaliya, halka Niriguna yahay Somaliland. Labadan dal markii ay midoobayeen shardiga kaliya ee isu keenay wuxuu ahaa Somali nimo halka Libaaxa yar iyo Niriga yar saxibtinimadoodi ahayn Caanaha ma cabtaa. markaa Somali ma tihiin iyo haa, ayaa labadii dawladood ee waqtigaa mideyay 1. Jully 1960. lkn la isma waydiinba maxaa inoo xigi dona ……… Niriga yar iyo Asxaabtisii waxa la tusay lafihii ehelkoodii ee Dugaagu cunay. Ok da’yarta Somaliand waxay malin walba arkaan Xabaal wadareed laga soo faqayo maatidii uu gumaaday taliskii Siyad bare waana waxa kaliya ee laga dhaxlay Midowgii Somalia. Niriga Hoyadii waxan ku matalayaa dadka usoo joogay dhibkii laga dhaxlay midowgii Somaliland iyo Somalia oo xog ogaal u ah, tacadiga, u dheeraa lafahan daadku soo saaray. Goosha waxan uga jeeda Siyaasiga Somalia ee wali ku hamiyaya inuu mar labaad sameeyo ficilkii xukumadoodii hore u gaysatay shacabka Somaliland oo aad modo inay wali fursad kale radinayaan. …………… D H A M A A D …….. waad ku mahadsantahay waqtia aad siisay akhriska sheekadan. ……………… wa bilaahi tawfiiq. Mohamed Mohamud Ahmed ( M. Arts ) Gabiley Somaliland. E-mail, maxamedarts1@gmail.com Tel : + 252 63 4466498 Tel : + 252 65 9875050 Source
-
(SLT-Beijing)-Dowladda Shiinaha ayaa ku tilmaamay xarig haweeneey u dhalatay dalka Canada oo lagu xiray Shiinaha mid ku yimid sababo la xiriira haweeneydan oo si sharci darro ah uga shaqeyneysay Shiinaha. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Hua Chunying oo maanta la hadashay wariyaasha, ayaa xaqiijiyay in qofka la xiray ay tahay Sarah McIver. Ma sheegin faah-faahin dhaafsiisan in loo xiray sababo la xiriira iyadoo dalka ka shaqeysay ruqsad la’aan. Warbaahinta Canada ayaa sheegay in McIver ay tahay macallimad. Ra’isul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa Arbacadi sheegay in dowladiisu ay isku dayeyso in ay hesho xog faah-faahsan oo ku saabsan kiiska macallimadan. Laakin waxay u muuqataa in xarigeeda uusan xiriir la laheyn xariga dalka Canada logu geystay haweeneey Shiinees ah oo madax ka ah shirkada ugu weyn dhinaca isgaarsiinta Shiinaha ee Huawei. Source
-
(SLT-Ankara) Wasiirka difaaca ee waddanka Turkiga Hulusi Akar ayaa digniin adag ku sheegay inay tallaabo militari ku qaadi doonaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee ka dagaallamo waqooyiga Suuriya, maalin un kaddib markii madaxweynaha Mareykanka uu shaaca ka qaaday in ciidammadiisa uu kala baxayo dalka Suuriya. Wakaaladda wararka ee dowladda ayaa kasoo xigatay wasiirka oo sheegayo in xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee YPG ay ku xabaali doonaan godad ay qodeen marka la gaaro xilliggaasi. Mareykanka ayaa taageeray kooxda YPG ee dagaalka kula jirto kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ee ka dagaallanta Suuriya. Turkiga ayaa ku tiriyaa kooxdaasi inay ka tirsan yihiin ururka Kurdiyiinta PKK ee laga mamnuucay dalkaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan aqalka Sanete-ka Mareykanka ayaa cambaareeyay go’aanka Trump uu ku sheegay inuu ciidamadiisa ka joogo dalka Suuriya uu kasoo saarayo, waxayna ku tilmaameen tallaabo khalad ah oo halis ku ah amniga qaranka Source
-
Sometimes life does not look like the way we’d want it. And it hurts. Human beings have had that experiences. But what about when things never change and we continue to wallow in or dwell on life that does pan out the way we plan it to be? Our life becomes boring, isn’t it? In life, attitude is everything; it is what shapes our actions and desires. We can choose to live the life we want, no matter how hard it can get. Hardships always occur throughout our life, but it is up to us how to interpret them. It is a matter of what we do well and what we do not. There are conditions of life that changes of nature have placed us and others that choices of human behaviour has made. For instances, what actually causes hunger? How did we learn to lie? Hunger is a condition but not a choice. Lying is not a condition but a choice. How can we deal with our choices and conditions? The truth is that we can learn to condition our minds, bodies, emotions, and desires to link pain or pleasure to whatever we choose. By changing what we link pain or pleasure to, we can instantly change our behaviour. This singles out the fact that attitude is what governs the way we perceive the world and the way the world perceives us. This means that it is not what happens to us that matters, but it is how we choose to respond. What drives human response? Can humans act without a thought? A thought is sown in the mind before it is reaped in the field of action. We must paint the vision of where we are going to or what we are intending to do. The idea that ambition is what gets people started, attitude what determines how people do things, ability what determines what people can do, and skill what determines how well people get the things done, is no longer applicable today. As times have changed so have our attitudes toward crime and punishment. Crime once considered evil is now, if it is fortunate and successful, called virtue. Evil is what is morally wrong or wicked, while virtue is a behaviour or attitude that shows high moral standards. A crime is a crime regardless of what form it comes and who commits it. A crime is an immoral act stemming from evil characters. A crime does not only involve killings. There are crimes that involve treason, robbery and rape. Thus a crime is an action that is deemed injurious to the public welfare or morals or to the interests of the state. Abuse of a public or private office for personal gains is a crime. And so corruption is a crime. Theft is a crime. Softening the severity of the law not by pity but by bribe is a crime. Politics based on denials is a crime. The point in which we stand in this age is that what we say, what we do and how we deal and treat with each other is not judged from the religious point of view. How do we as Somalilanders combat crimes? How are we defined when we are in a public office and no one is looking at us? Are we accountable for what we do and how we do it? Do we believe what we preach or fulfill what we promise to do? How our attitudes affect our social life? Do we try to acknowledge situations, correct our mistakes, learn from the past and move forward? Are we really ready to replace what works well with what did not work well in the past and the present time? Do we control our mentality with or without emotions when it comes to national issues? What do you do when you have nothing? How are you defined at this point in history? Do you get irritated and agitated? How patiently can you wait for that which you need? Can you believe that you are probably more than you could be if you would have spent more time doing than less time resting? Your answers to above questions depend on your own personality. But what is personality? We are in an organization age. And your personality is how you organize your principles that guide and drive you whenever you intend to make plans in social life. By:Jama Falaag Hargeisa, Somaliland Qaran News
-
Addis Ababa (PP) ─ Barlamanka Dowladda Federalka Itoobiya, ayaa maanta meel mariyay sharciyo cusub oo qaarkood wax laga bedelay waxaa ku jira dhismaha ciidamada badda ee dalkaas. Baarlamaanka, ayaa ansixiyay wax ka badalka hindise sharciyeed wax looga badalayo xeerarkii lagu sameeyay ciidanka xoogga, iyadoo isla markaana dhinaca kala la dhisay guddiga xuduudaha. Sidoo kale, Sharciyada cusub ee Baarlamaanka Itoobiya uu Ansixiyey waxaa ku jira dhismaha ciidamada Badda, ciidanka Space-ka ama hawada sare iyo sidoo kala kuwa dhinaca dagaalka Internetka. Dhanka kale, Itoobiya oo aan lahayn bad ayaa dhowaan shaacisay inay saldhigyo milateri oo dhinaca badda ah ka dooneyso iney ka sameysato xeebaha Soomaaliya. Xukuumadda Itoobiya, ayaa wadahadalo arintan la xiriira la furtay Dowladda Somalia, inkastoo aysan jirin wax heshiisyo ah oo weli Arrintaas laga gaaray, waxaana damaca Itoobiya ee xeebaha Somalia uu ahaa mid muddo dheer soo jiray. Ugu dambeyn, Go’aanka ay Itoobiya ku dhisaneyso Ciidamada Badda uu shaki badan ku abuurayaa Soomaali badan oo aan jecleyn la macaamilka Itoobiya sababo la xiriira colaadii horey u dhexmartay labada waddan. PUNTLAND POST The post Baaramaanka Itoobiya oo maanta Ansixiyay Sharciyo halis badan ku keeni kara Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Baarlamanka dalka Itoobiya ayaa maanta meel mariyay sharciyo cusub kuwaasi oo qaarkood wax laga bedelay qaar horey u jiray halka kuwa kalana lagu soo daray. Baarlamaanka ayaa ansixiyay wax ka badalka hindise sharciyeed wax looga badalayo xeerarkii lagu sameeyay ciidanka xoogga, iyadoo isla markaana dhinaca kala la dhisayo maamul xuduudeed iyo guddi qaabilsan aqoonsiga. Barlamaanka ayaa ansixiyay qabyo qoraalka wax looga bedalay xeerarka ciidanka kuwaasi oo si aqlabiyad leh ku ansaxiyay. Sharciyada cusub ee baarlamaanka ansixiyey waxaa ku jira aas-aasidda ciidamada Badda, ciidanka space-ka ama hawada sare iyo sidoo kala kuwa dhinaca cyber-ka ama guud ahaan dagaalka internetka. Itoobiya aya horay u sheegtay dhismaha ciidamada, laakin ogolaashiyaha baarlamaanka waxaa ay ka dhigantahay sida ay go’aankooda u fuliyeen. Lama oga saldhigga ciidamadaasi cusub iyo badda ay joogi-doonaan, laakin waxaa jira heshiis ay la galeen dowladda federaalka ah Soomaaliya oo ay ku maal-geshan-doonaan Itoobiyaanku ilaa 4 dekad. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com