-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa xilka ka qaaday Mas’uuliyiin dhowr oo la sheegay in ay kasoo horjeedeen maalmihii lasoo dhaafay. Kulankii golaha wasiiradda ee DDS waxaa xilkii looga qaaday koox lagarab ah axmed shide kuwaas oo kala ah. 1. Cabdi Xakiin Cigaal _ Madixii xarunta dhexe Ee Xisbigga. 2. Guleed Aw-cali wasiirkii warfaafinta DDS. 3. Cabdi Xukun Cali Dubad oo ahaa madixii Machadka farsamada ee DDS. 4. Cabdi Bile madaxii shirkada yar yar ee DDS. Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa Wasiirka Warfaafinta u magacaabey Cabdillaahi Maxamed Mowliid. Madaxweynaha Dowlad degaanka ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxaa soo food saaray caqabado badan oo ay ka mid yihiin arrinta isku dhaca qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, oo uu meel adag ka istaagay, isagoo na horay u sheegay in isabdel uu ka dhacay deegaanka Soomaalida, balse xagga Oromada uusan wax isbadel ah ka dhicin. Awoodda Xisbiga ayaa u muuqata inay sababtay loollan adag oo u dhexeeya madaxweynaha deegaanka, Mustafa Cagjar, iyo Gudoomiha Xisbiga, Axmed Shide. Shide waxaa uu ku xiran yahay dowladda federaalka Itoobiya, wuxuuna horay u soo noqday wasiirkii warfaafinta, haatanna waa wasiiraka maaliyadda ee dalka Itoobiya. Waxaa muuqata inuu saameyn badan ku leeyahay siyaasadda deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in Mustafa Cagjar uu kabaxay shir ka dhacay magaalada Addis Ababa kaasi oo u dhaxeeyay Axmed Shide oo ah wasiirka maaliyadda Ethiopia iyo isaga, kadib markii qodobo kala duwan ay isku qabteen. Shirka uu ka baxay Mustafa Cagjar ayaa la sheegay inuu sidoo kale qeyb ka ahaa ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed, waxaana Mustafa oo ku laabtay magaalada Jigjiga uu amray in ciidamada amaanka heegan ay galaan. Madaxeyne Mustafe Cagjar ayaa doonaya in xubnaha kamid ah maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar gabi ahaanba aysan kasoo muuqan xarumaha kala duwan ee maamulka Soomaalida. Ciidamada badan ee lagu daadiyay magaalada ayaa la doonayaa inay ka hor tagaan qalalaaso ka dhaca magaalada, waxaana maanta kulan gaar ah yeelan doona golaha wasiirada, isaga oo madaxweynaha uu shir guddoomin doono. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa saaka gudaha M/ Muqdisho ku dilay mid ka mid ahaa howlwadeenada wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cosoble (Cabdi Madoobe), kaas oo lagu dilay xaafadda Al-Baraka ee degmada Hodan. Dalbey ku hubeysan bastoolado ayaa Marxuumka toogtay, kadibna goobta isaga baxsaday, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta ka qaaday Meydka, kadina howlgallo ka sameeyay halkaasi. Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in dilkaasi ay fuliyeen xubno ka tirsan Dagaalyahannadooda. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Muqdisho. The post Shaqaale ka tirsanaa w/arrimaha gudaha Oo lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
New York ( Sh. M. Network )-Ciidamada FIB-da Mareykanka ayaa ayaa Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihin Ururka Daacish ku xiray gudaha dalkaasi. Muwaadininintan oo gaaraya illaa iyo saddex ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah la qabata, xilli uu isku diraarinayay in uu u soo duulo Soomaaliya. FBI-da Mareykanka ayaa magacyada raggani ku kala sheegtay Muuse C/qaadir Muuse oo 23 jir aH, Maxamuud C/qaadir Muuse oo 20 jir ah iyo Maxamed Salaad Cali oo 26 jir ah, kuwaas oo lagu xiray magaalada Lansing gobolka Michigan ee dalkaasi. Xeer ilaalinta gobolkaasi ayaa ku eedeysay xubnahan in ay xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya. Sidoo kale xeer ilaalinta ayaa sheegtay hadii raggani lagu helo dambigan ay muteysan doonaan xabsi gaaraya 20 sano oo xarig ah. Kooxda Daacish oo ka dagaalanta dalal dhowr ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa dhalinyaro ka qorata dalalka reer Galbeedka oo uu ka mid yahay Mareykanka. The post FBI-da Mareykanka Oo xirtay Muwaadiniin Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa xilka ka qaadey wasiirkiisii warfaafinta Guuleed Aw Cali Kaahin isaga oo isla jagadaasi u magacaabey Cabdillaahi Maxamed Mowliid. Arrintan ayaa qeyb ka ah khilaafka u dhaxeeya wasiirka maaliyadda dawladda federaalka Itoobiya Axmed Shide iyo madaxweynaha kumeel-gaadhka ah ee deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar. Cabdillaahi Maxamed Mowliid oo hadlayey magacaabistiisa kadib ayaa yiri”Qof kasta oo ummadda dhibaato u gaystay sharciga ayaa la hor keeni doonaa, cidna gorgortan lagalama gali doono” . Waa wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, waxaa uu garab ka heystaa Abiy Axmed ra’isul wasaaraha Itoobiya, waa siyaasi horay uga soo shaqeeyey xukuumaddii Hailemariam Desalegn. Khilaafka laba nin ayaa gaaray in la shaki geliyo isbadalka ka dhacay Itoobiya iyo siyaasadda dowladda federaalka ah ee gobolka Soomaalida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Grand Rapids (Caasimada Online) – Dacwad oogayaal federal ayaa sheegay in saddex nin oo degan gobolka Michigan lagu soo oogay dacwad ku saabsan inay shirqoolayeen inay qalab ku taageeraan kooxda Daacish. Waxa ay sheegeen in FBI-da ay Isniintii xirtay Muse Abdikadir Muse, Mohamud Abdikadir Muse iyo Mohamed Salat Haji, waxaana dadkan oo degan magaalada Lansing kiis dacwaeedkooda la diiwaan geliyey talaadadii. Dacwad oogayaasha waxay ay sheegeen in dhammaan saddexda eedeysane ay yihiin muwaadiniin qaatay dhalashada Mareykanka oo ku dhashay dalka Kenya. Weli ma cadda in Muse Abdikadir Muse iyo Mohamud Abdikadir Muse ay walaalo yihiin iyo in kale. Waraaqaha lagu qoray dacwadooda ayaa muujinaya Muse Abdikadir Muse uu horaantii bishan goostay tikit diyaarad oo uu ku aadi lahaa magaalada Muqdisho, isaga oo ka baxaya magaalada Grand Rapids. Mohamed Salat Haji iyo Mohamud Abdikadir Muse ayaa la sheegay in ayagana ay ku gacan siiyeen Muse Abdikadir soo iibsashada tikit-ka una kaxeeyeen garoonka diyaaradaha Gerald R. Ford International Airport ee magaalada Grand Rapids. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa kasoo horjeestay shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo la sheegay in lagu qabanayo magaalada Boorama. Shabeel wuxuu yidhi khilaaf ayaa ka jira xisbiga dhexdiisa, waxaana uu dacwad u gudbiyay guddida diiwaangalinta ururrada siyaasadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Jigjiga)-Madaxweynaha dawlad degaanka soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa xilkii ka qaadey wasiirkiisii warfaafinta Guuleed Aw Cali Kaahin. Xilka qaadistan ayaa lala xidhiidhinayaa khilaafka u dhaxeeya wasiirka maaliyadda dawladda federaalka Itoobiya Axmed Shide iyo madaxweynaha kumeel-gaadhka ah ee degaanka Mustafe Cagjar. Cabdillaahi Maxamed Mowliid ayaa loo magacaabey wasiirka cusub ee warfaafinta degaanka soomaalida dalka Itoobiya. “Qof kasta oo ummadda dhibaato u gaystay sharciga ayaa la hor keeni doonaa cidna gorgortan lagalama gali doono” Sidaas waxa yidhi wasiirka cusub ee warfaafinta degaanka Soomaalida Cabdillaahi Maxamed Mowliid. Madaxweyne Mustafe Cagjar oo xilka loo doortay bishii August ee sanadkii 2018 ayaa waxaa soo food saaray caqabado badan oo ku aadan sidii cadaalad loogu heli lahaa dadka tacadiyada kala kulmay Maamulkii hore ee deegaanka. Dad badan ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda Federaalka Itoobiya. Source
-
Baardheere ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in maanta xiisad xoogan laga dareemayo gudaha degmada Baardheere ee gobolkaasi. Xiisadan ayaa waxa ay ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay guddoomiyihii degmadaasi iyo ku xigeenkiisa. Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya oo ka Gadoodsan arrintaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay hakad dhaq dhaqaaqiiGanacsi magaalada Baardheer ee G/ Gedo. Sidoo kale Ciidamada ayaa boobay xoogan u geystay diyaarado qaad siday oo ka dagay Garoonka diyaaradaha magaaladaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan xiisadahaasi. Dhawaan ayey aheyd markii Jubbaland ay shaqo joojin ku sameysay maamulkii M/Baardheere, taas oo ay ka dhasheen qalalaase illaa iyo haatan ka taagan halkaasi. The post Xiisad xoogan Oo ka taagan degmada Baardheere appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network)-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa saaka Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda ku dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee M/Muqdisho. Raggani oo gaarayay illaa labo ayaa waxaa la sheegay in dilka kadib ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaiya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halkaasi. Howlgalka intii uu socday ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadu ay Toogteen mid ka mid ahaa Raggii ka dambeeyay dilka Askarigaasi, kadib markii uu diiday in uu hubka dhigo. Sidoo kale Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay wiil kale oo dhalinyaro ah, kuna hubeysnaa Bastoolad, kaas oo la rumeysan yahay in uu wax ka geystay dilkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Xaaladda ayaa hadda dagan, iyadoona howlgalkan uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. The post Kooxo hubeysan Oo Askari ku dilay Suuqa Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kulan ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa looga hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku dhex nool gudaha iyo weliba duleedka magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa ka soo qebgalay wasiirka gargaarka iyo musiibooyinka Xukuumadda federalka ee Soomaaliya Xamse Siciid Xamse iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow. Wasiirka oo furay kulanka ayaa yiri “Nus Malyuun Barakayaanlka ah ayaa ku ku nool gudaha magaalada Muqdisho iyo waliba daafaha magaalada, waa nasiib daro inaan si wada jir ah aan uga qeyb qaadan weyno sidii looga saari laha barakacnimada, ayada oon dowladda federaka looga fadhiyo in doorka ugu weyn ka qaadato sidii dadkan barakacanimada ku nool in mustaqbaka dhaw laga saro” Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wato waxaa uu yiri “Waxaa la sheegaa in magaalada Muqdisho ay ku noolyihiin Nus Malyan dad ah oo barakacayaal ah iyo daafaheeda maahan mid xaqiiq ahl, waxaan dareemayaa iney ka badan yihiin, waayo m ajiro ruux sameeyey tira koob sax ah, magaalada ma xamili karto barakacayaal intaas dhan, waxa ay u bahan yihiin in la xaliyo wax ka horeeyo la xallin lahaa majiraan, qofka soo barakacay waxa uu leeyahay xaq la siman midka ay leeyihiin dadka aan baraca aheyn, waxa uu u baahan yahay inuu helo hooy, biyo nadiif ah ,musqul, waxbarasho, caafimaad iyo wax waliba oo nolosha aas aas u ah”. Dhanka kale guddoomiyaha gobalka Banaadir Injineer Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo asagana qeyb ahaa kulanka looga hadalayey sidii xal loogu heli lahaa barakacayaasha Soomaaliyeed mustaqbaalka dhaw ayaa yiri “Maanta waxaan daah fureynaa barnaamijka xal u helidda barakacayaasha oo aan in badan soo wadnay juhdi badana galinay mudo 12 bilooda ah sidii dadkeena barakacayaashaa ay u heli lahaayeen xuquuq dhan mida ay heystaan dadka kale iyo badbaadaba, runtii annaga gobalka Banaadir waxaa naga go’an shacabka in loo adeego si ayaguna waajibaadkooda u gutaan, sidii loo gaari lahaa waxaan in badan soo wadnay wadatashiyo ku aadan arrintaan oo aan la qaadanay dadka ay quseyso shacabkuna ugu horeeyo, waxaana ka soo baxay barnaamijkan aan maanta daah fureyno oo ah sidii xal waara loogu heli lahaa dadka barakacayaasha ah, waxaa loo bahan yahay in laga yeesho siyaasad furan oo shacabka dadka barakayaashaa iyo hay’adaha caalamigaa ay nala ogyihiin in la helo, siyaasadaas hadana waa mid dhameys tiran oo taabanaysa meelo badan ayna ugu horeyso in xal loo helo dadka.barakacayaasha ah maahan in la dawado, waa mawaadiniin Soomaaliyeed waxa ayna leeyihiin xaqa mawaadin waliba oo Soomaaliya uu leeyahay shacabka waa lagu yaqaanay in walalahood ay soo dhaweystaan” Ugu danbeen guddoomiya maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay in uu qorsheynayo in shanta sano ee soo socota aan laga helin caasimada Muqdisho iyo duleekeeda ruux barakac ah dadka ay wada helaan nolol siman Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay waxaa dalka ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho u imaaday macalimiin iyo ciyaartooy Soomaaliyeed oo badankooda ku barbaaray qurbaha,iyagoo ka kala yimid wadamo badan oo yurub ah waxayn arinta dhiiri gelin weyn u noqotay ciyaaraha gudaha iyo kooxaha ka dhisan Soomaaliya. 18-December 2018-Caasimada Muqdisho waxaa soo gaaray kooxda kubbadda cagta Som United oo ah naadi Soomaaliyeed oo ka ciyaarta horyaalka afaraad ee wadanka Sweden yoolkooda ugu weynaa waxa u ahaa is-dhaxgal bulsho iyo ciyaar saaxiibtinimo iyo in ogaadaan is badalka ka jira Soomaaliya si dhalinyaradda ku dhashay qurbaha loo tuso dalkooda hooyo. “Aniga oo ka mid ah qurbajoogta reer Sweden Goobjoog waxaan ugu mahad celinaynaa barnamijyadii quruxda badnaa ee aad ka samayseen socdaalkii kowaad ee Som United taas oo si weyn usoo jiidatay waaladiin badan oo caruur badan ku dhalay qurbaha markii ay daawadeen habka loo sameeyay barnaamijkii ku saabsanaa safarka kooxda Som United waxaa is badalay dareenkooda waxayna iminka qorshaynaynaa in ay dalka ku soo laabtaan””waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog TV u sheegay Axmed Xassan Xarabi Xidig oo ah qurbajoog ka yimid wadanka Sweden iminkana ku sugan caasimada Muqdisho. 26-December 2018-Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan is barasho iyo xog wareesi la yeeshay wafdiga ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda Som United,Khayre ayaa dhageestay fikirka dhalinyarada ku koray qurbaha ee ku aadan horomarinta wadanka,isagoo si guud mahad celin ugu diray dhamaan kooxihii qurbajoogta ee sanadkii tagay 2018 dalka u yimid ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka. “Sheekada ugu weyn ee maal mahan ka jirta Sweden waa ka hadlida safarkii taariikhiga ahaa ee kooxda Som United sanadkii dhamaaday 2018 ay ku imaadeen caasimada Muqdisho iyo qaabka wanaagsan ay u soo dhaweeyeen madaxdda dowladda iyo qurbajoogta kasoo laabtay Sweden”waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka isboortiga ugu waramay Axmed Xassan Xarabi Xidig oo ka mid ah qurbajoogta reer Sweden. Si kastaba maamulka kooxda Som United waxa ay balanqaadeen in sanadaha soo aadan ay booqan-doonaan dhamaan gobolada dalka si dhalinyarada ku koray Sweden ay u bartaan dhaqanka dalkooda hooyo Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Waraysiga Axmed Xassan Xarabi Xidig W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
