Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network)-Waxaa saacadihii la soo dhaafay kulamo lagu xalinayo khilaafka labada ee Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ka dhaceen M/Muqdisho. Kulamadan oo ahaa kuwa xariir ah ayaa waxaa bilaabay guddi Xildhibaano ah oo isu xilsaaray xalinta khilaafkaasi. Ujeedka kulamada ayaa ahaa sidii dib loogu soo celin lahaa wada shaqeynta Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Illaa iyo hadda lama shaacin natiijada ka soo baxday kulamadaasi, inkastoo weli ay socdaan dadaallada loogu jiro, sidii loo soo afjari lahaa xiisadaasi siyaasadeed. Dhawaan guddoonka Aqalka Sare ayaa hakiyay wada shaqeyntii kala dhexeysay Golaha Shacabka, kadib markii Golahaasi loo gudbin waayay Miisaaniyadda 2019-ka. The post Kulamo lagu xalinayo khilaafka labada Gole Ee BFS Oo ka bilowday Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Hay’adaha amniga qeybahooda kala duwan ee ka dhisan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Saraakiisha Hay’adaha amniga kala hadlay dardar gelinta amniga deegaanada Koonfur Galbeed,xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab,wxuuna sheegay madaxweynaha iney isla meel dhigeen sidii loo adkeyn lahaa nabad galyada deegaanka iyo la dagaalanka nabad diidka. Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ugu baaqay shacabweynaha deegaanada Koonfur Galbeed iney si hufan ula shaqeeyaan Hay’adaha amniga si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca deegaanada maamulkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada DFS iyo kuwa K/ Galbeed ayaa xoojiyay howlgallada Milatari ee ka socda gobollada Baay iyo Bakool ee K/ Soomaaliya. The post Lafta Gareen Oo la kulmay saraakiisha K/ Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Garoowe ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta dhageystay khudbadaha Musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka maamulkaasi. Musharraxiinta oo gaaraya illaa iyo 21 ayaa waxa uu mid kasta ka hadlay barnaamijkiisa siyaasadeed, haddii loo doorto xilka Madaxweynaha Puntland. Cabdi Faarax Saciid ( Juxa ) wasiirkii hore arrimaha gudaha Soomaaliya, haatan ah Musharrax u taagan Puntland oo ka hor hadlay Baarlamaanka ayaa barmaanijkiisa waxqabad aas aas uga dhigay lix tiir oo kala ah adkeynta amniga, kobcina dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dawliga, horumarinta adeegyada bulshada, raadinta midninmada dadka reer Puntland iyo xoojinta nidaamka federaalka ee dalka. Sidoo kale Saciid C/laahi Deni oo ka mid ahaa musharraxiinta u taagan hoggaanka Puntland ayaa sheegay in haatan caqabado badan ay heystaan maamulkaasi, loona baahan yahay isbedal adhab ah iyo Qof b ad baadin kara jiritaanka Puntland. Deni ayaa ballan qaaday haddii loo doorto xilkan in uu mudnaan gaar ah siinayo taabba-galinta Sharciga, si loo helo hay’ado dawli ah oo is kor joogteeya, isuna dheeli tiran. Sidoo kalena uu dib-u-qaabeynayo hay’adaha dawliga ah ee Puntland, islamarkaana uu hir galin doono nidaamka dimuqraadiga ee Xisbiyada Badan sanadka ugu horreeya ee xukuumadda cusub. Dhankiisa C/weli Maxamed Cali Gaas oo ka hor hadlay Baarlamanka Puntland ayaa ka dalbaday in ay mar kale codka siiyaan, si uu dhameystiro howlaha u harsan maamulkiisa. Madaxweyne Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in xilligan loo baahan yahan hoggaan daacad ah oo samata bixin kara maamulkaasi. Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wadaa in beri oo Talaado ah ay ka dhacdo gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. The post Baarlamaanka Puntland Oo dhageystay khudbadaha musharraxiinta maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Donald Trump’s presidency has coincided with a sharp rise in US-led airstrikes in Somalia and the trend is set to continue in 2019. In a speech in December outlining the US’ Africa policy, President Trump’s National Security Adviser John Bolton said: “terrorists operating in Africa have… repeatedly targeted US citizens and interests”. He gave the impression that there would be no let up in the struggle against militant Islamist groups, such as the Somalia-based al-Shabab, which is affiliated to al-Qaeda. In March 2017, the Pentagon received White House approval to expand its fight against the militants in the Horn of Africa nation. Commanders now no longer require high-level vetting to approve strikes on al-Shabab in “areas of active hostilities” in Somalia. “It allows [us] to prosecute targets in a more rapid fashion,” said General Thomas Walhauser of US Africa Command (Africom). The move has seen increased attacks by aircraft, as well as the first public deployment of US boots on the ground since 1993 to “advise and assist” Somali government troops. Africom has now carried out at least 46 confirmed airstrikes in Somalia in 2018, following the previous record of 38 in 2017, according to the Bureau of Investigative Journalism (BIJ). Some single strikes have focused on large groups of militants. For example, about 60 were killed on 12 October around Harardere in the central Mudug region, in what was the largest airstrike of its kind in nearly a year. Other strikes focused on individuals, such as the lone militant targeted and killed six days earlier in Kunyo Barrow in southern Somalia. Compared to previous years, 2017 and 2018 marked a significant increase in US action against al-Shabab. n fact, a BIJ tally reveals that at least 538 people have been killed in these airstrikes since the beginning of 2017 – far more than the previous 10 years combined – although not every strike was recorded to have killed someone. Africom says the “airstrikes reduce al-Shabab’s ability to plot future attacks, disrupt its leadership networks, and degrade its freedom of manoeuvre within the region”. This shows that every trace of the group is considered a threat. As noted by the Long War Journal, the strikes are part of a wider pattern that has ranged from targeting top commanders to the rank and file who make up the group’s visible presence on the ground. ‘Militants adopt new tactics’ But apart from one senior al-Shabab commander, Ali Mohamed Hussein, killed in a joint US-Somalia military raid in the southern Lower Shabelle region in August 2017, few have been significant enough to be named by the US since Mr Trump approved the expansion of military operations in Somalia. Al-Shabab militants, like other jihadist groups, are well aware of the threat from the skies. According to a senior regional security official, the fighters now avoid congregating in large groups. They move in units of three or four and only converge to carry out attacks, including on bases of African Union troops and Somali government forces. Despite the increased strikes, al-Shabab’s core capabilities remain solid. The group has not lost control of territory in central and southern parts of Somalia, where it is trying to set up its own administration, including raising taxes from the local population. These are vast areas – far larger than the urban centres that the federal government controls in the same regions. Bill Roggio and Alexandra Gutowski of the Long War Journal conclude that this reflects al-Shabab’s primary goal, adopted from al-Qaeda, which is “to overthrow local governments and create emirates which will eventually coalesce into an Islamic caliphate”. US ‘adheres’ to laws of conflict The jihadist group has displayed its confidence through attacks such as the ambush last June on a combined force of Somali, Kenyan and American troops in Jamame town in southern Somalia, in which a US special forces soldier was killed. Despite the insistence of the Somali government and Amisom that the group has been eliminated from the capital, Mogadishu, one of its leaders, Ali Dhere, was recently photographed hosting a charity event near the city. Al-Shabab still mounts occasional forays into neighbouring Kenya’s border regions carrying out ambushes and explosive attacks on security forces, and it often publishes videos documenting these incidents as part of its media operation. The group sometimes responds to Ethiopian, Kenyan and US airstrikes by claiming that the casualties were innocent civilians, but from the US action over the past two years, there are no independent records of civilians killed. Meanwhile, at least 32 have been injured in areas held by the militants, according to BIJ statistics. In a statement to the BBC, Africom spokeswoman Becky Farmer noted that the US military command for Africa “has not discovered or assessed any civilian casualties resulting from our operations over the last two years”. She added: “In fact, [we go] to extraordinary lengths to reduce the likelihood of civilian casualties, exercising restraint as a matter of policy that regularly exceeds the restrictions of the law of armed conflict.” There are still vivid memories of America’s disastrous exit during its last major military action in Somalia in 1994. At the time, two US Black Hawk helicopters were shot down in Mogadishu. In the ensuing battle, hundreds of Somalis were estimated to have died. Some 18 Americans and two UN soldiers were killed. However, the Pentagon would consider the option of airstrikes today to be far less risky to US troops and possibly more effective in taking out targets. As a result, the campaign is unlikely to be affected by the recent announcement of an impending reduction of US troops in Africa. So far, the increased airstrikes have not given the US, the Somali government and AU troops the upper hand. Al-Shabab will be content to retain its vast geographical control. Even if its commanders are taken out in targeted strikes, the group has established a system to replace them and to continue the conflict for the foreseeable future. The post US attacks on Somalia’s al-Shabab increase under Trump appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Waddooyinka Muqdisho waxaa kusoo kordhaya dhallinyarada cabitaanka ka sameeye qudaarta dalka, kuwaasi oo noloshooda ku maareeya. Waxay tani shaqo abuur u noqotay dhallinyaro badan, iyadoo cabitaannada ay sameeyaanna ay dadku aad u daneeyaan. Qaar ka mid ah dhallinyaradan oo la hadlay Goojoog ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay hadda usoo jeesteen iney cabitaan ahaan u cabaan qudaarta oo qofka isaga oo taagan loo shiidayo. Halkii mehrad ee lagu shiido cabitaankan waxaa ka shaqeysa ku dhowaad 10 qof oo dhallinyaro ah kuwaasi oo maalin iyo habeenba halkaasi ka shaqeysta. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa sheegay in khilaafka Labada gole ee baarlamaanka uu dalka u keeni karo dib u dhac ballaaran. Waxa ay sheegeen in muhiim ay tahay iney si is faham ah ku xalliyaan wax walbo oo la kala tabanayo. Aqoonyahannada ayaa sheegaya in wadashaqeynta Labada aqal ay muhiimad weyn u leedahay habsami u socodka howlaha qaran ee dalka. Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay iney hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyey golaha shacabka iyaga oo arrimo dhowr ah arrintaasi u sababeeyey. Halkaan hoose ka daawo: Source: goobjoog.com
  7. Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey madaxda sare ee dowladda dhexe iney jareen miisaaniyaddii Galmudug iyo sidoo kale mashaariic horumarineed ee ka socday deegaannada maamulkaasi. Odowaa ayaa sheegay in Galmudug aanay wax qarash ah helin 7-dii bil ee lasoo dhaafay, taasi oo uu ku sheegay iney tahay arrin lala yaabo. Madaxda dowladda ayuu ugu baaqay in aysan jaran wixii ay xaqqa u lahaayeen shacabka Galmudug iyaga oo dano gaar ah eegaya. Halkaan hoose ka dhageyso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageyso:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-07012019-w.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Amb. Mehmet Yilmaz oo ka socda dalka Turkiga oo booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Turkiga iyo ballaadhinta mashaariicda horumarineed ee ay Turkigu ka wadaan gudaha dalka. waxa kale oo kulanka lagu lafo guray qodobbo ay ka mid yihiin deeqaha waxbarasho ee Turkigu siiyo Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is fahan buuxa. Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirradda arrimaha dibeda iyo Horumarinta caafimaadka. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  10. Askar ka wada tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dagaallamay degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe. Wararku waxay ay sheegayaan in ciidankan ay ku dagaallameen Koontarool laga soo galo degmadaasi, waxaana la isku adeegsday rasaas xooggan. Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamo ka yimid dhanka garoonka diyaaradaha Jowhar, islamarkaana la socday gaadiid Khaad siday ay rasaas kala kulmeen askar kale. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, iyadoo xaaladda weli ay tahay mid kacsan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Odayaasha Dhaqanka iyo Haldoorka Beelaha West Burco Clan ayaa si weyn iskugu Khilaafay Martiqaad la sheegay inuu oday Dhaqameedka Beelahaasi u fidiyay Madaxweyanaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi kaasi oo saaka ku beegan inuu ka dhaco Gudaha Xarunta Madaxtooyada Somaliland. Ergo, oday Dhaqameed u badan oo ka kala timid Goboladda Sanaag iyo Togdheer oo kasoo jeeda Beelaha West Burco Clan ayaa Shalay ku soo xerooday Magaaladda Hargeysa kuwaasi oo ka qayb galaya Kulankan martiqaadka ah ee qadada ah ee uu Madaxweyne Biixi u fidiyay kaasi oo Maanta Sagaalka Aroornimo ka furmi doona Qasriga Madaxtooyadda Somaliland dhexdeeda. Waxa ergadani Xalay loo qaybiyay Huteelada Magaaladda Hargeysa waxaanay isku diyaariyeen Kulankani oo si weyn loo naawilayo inay jilbaha isku daraan Madaxweyne Biixi iyo Oday dhaqameedka Beelaha West Burco Clan oo la sheegay inay ka kooban yihiin 30 Ardaa oo beelahaasi ah, islamarkaana tiradoodu ay kor udhaafayso 200 oo oday. Salaadiin iyo wax garad kale oo ka tirsan Beelahaasi ayaa iyagu ganafka ku dhuftay Kulankaasi iyo martiqaadkaasi uga timid dhinaca Madaxtooyada Somaliland waxaanay ku eedeeyeen Madaxweyne Muuse Biixi inuu dab kala dhexdhigayo beeshooda islamarkaana kala qayb qaybinayo. Salaadiinta oo Shalay illaa Doraad shir jaraa’id ku kala qabtay Magaalooyinka BURCO iyo HARGEYSA ayaa ku tilmaamay Martiqaadkaasi uu Madaxweyne Biixi u fidiyay mid lagu khatalayo beeshooda islamarkaana lagu kala furfrurayo waxay ugu yeedheen Midnimada Beelaha West Burco Clan. Sidoo kale Xubno ka tirsan Gudidii Shirkii Gacan libaax ee ay Beelahani Sanadkii hore ku qabsadeen buurta Gacan libaax oo Shalay warbaahinta la hadlay, islamarkaana kulankan daadafiyay ayaa waxa ay yidhaahdeen “Waxa la sheegayaa inuu Madaxweynuhu yidhi Safarkaygii aan Goboladda Bari ugu baxay West Burco Clan ha iiyimaadaan waan uga mahadnaqayaaye, Waxaanu leenahay waa arin aad u nasiibdaro ah Maxaa yeelay Safarkii uu Bari u baxay Somaliland oo dhan ayaa ku soo dhawaysay, ee West Burco Clan oo keli ah may ahayn, Sababta uu eraygadaa u soo qaadanayaana timir lafbaa kujirta oo ujeedo kale ayuu ka leeyahay,Waxaase munaasib ah haddii aad Hogaamiye Qaran tahay wixii Nusqaan ah iyo wixii faa’iido ah inaad si fiican u kala fahamtid, wuxuu ku dhacay Nusqaamihii lagu tirinayay kuwii ugu xumaa, Somaliland oo soo wada dhawaysay ayuu reer kala dhex baxay. West Burco Clan wuu shiray, Lix bilood ka hor ayuu shiray, buurtaa Gacan libaax ayuu ku shiray, Qodobo ayuu soo saaray, waa loo shaaciyay oo sideed qodob ayay ahaayeen,Maalin kamuu jawaabin, Sanadkaasi uu Muuse Biixi Dalka Hogaaminayay Xaalad Khatar ah ayuu kujiray,Maamulkii Dawladnimo iyo Hogaamintii Dawladnimo intuu ku fashilmay Muuse Inuu West Burco Clan ku dhex meeraystaa Waa Nusqaan weyn”.ayaa hadaladooda ka mid ahaa. Lama garanayo ujeeddada dhabta ah ee ka dambaysa Kulankan iyo Martiqaadkan balse sida ay WARGEYSKA FOORE u sheegeen Xubno ka tirsan Martida Maanta tagaysa Madaxtooyadda oo ka soo kicintintay Gobolka Sanaag, waxa uu kulankani ka yimid Dhinaca Madaxweynaha waxaanu ujeedadiisu tahay inuu beelaha West Burco Clan uga mahadnaqo sidii wanaagsanayd ee ay Safarkiisii uu bishii Noverber ee sanadkii hore ku tagay Gobolada Bariga ugu soo dhaweeyeen. Iyadoo warar kalena ay sheegayaan inuu intaasi ka qoto dheer yahay kulankani. Source
  12. Madaxweynaha Puntland C/wali Cali Gaas ayaa Qudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay hoolka Baarlamaanka Puntland oo ay ka socotay dhagaysiga Qudbadaha Musharaxiinta Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa [...] Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sida la sheegay mar kale siminaar tababar ah u furaya Golihiisa Xukuumadda wakhti uu laba todobaad ka hor siminaar laba cisho qaatay uu u soo xidhay Xubnaha Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha dalka ee kale duwan. Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi Mar kale qorsheeyay inuu todobaadkan siminaar tababar ah u furo Xubnaha kujira Golihiisa Wasiiradda, isagoo sanadkii hore bilawgiisiina Siminaar kani oo kale ah oo aqoon korodhsi ah u furay Golihiisa Xukuumadda wakhtigaasi oo ay cusbayd Xukuumaddiisu. Waxa uu sidoo kale laba todobaad ka hor siminaar tababar ah oo dhamaadkii bishii hore u soo xidhay uu u qabtay Xubnaha Agaasimayaasha Guud ee Dalka kuwaasi oo muddo laba cisho ah aqoon korodh ku soo qaatay huteel Galbeedka Caasimadda Hargeysa kuyaala halkaasi oo ay casharo shaqadooda ku saabsan ugu soo laqimeen Macalimiin ama khabiiro jaamacadaha dalka wax dhigaa. Marjiro war rasmi ah oo arintani xaqiijinaya oo naga soo gaadhay dhinaca Madaxtooyadda balse illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Qaar ka tirsan Xubnaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa noo xaqiijiyay arintani, waxaanay sidoo kale noo sheegeen in maalinta salaasada ah, oo maalinta bari ah ku beegan in la filayo inuu siminaarkani u furmo ama la xereeyo,iyagoo noo sheegay inuu sidoo kale socon doono Muddo laba cisho ah oo ay ku soo qaadan doonaan Casharo la xidhiidha Dhinaca shaqooda iyo dardar galinta Hawlaha ay qaranka u hayaan. Arintan ayaa kusoo beegmaysa Wakhti ay Bulshadu u dhegtaagayso isku shaandhayn iyo wax kabadel uu Madaxweyne Biixi ku sameeyo Golihiisa Xukuumadda, iyadoo dhinaca kalena suuqyada Siyaasadda ay maalmahan kujirtay inuu Madaxweynuhu damacsan yahay inuu dib u habayn ku sameeyo Xukuumaddiisa isagoo xubno ka saaraya, xubno Cusubna Xukuumadiisa ku soo daraya si uu u dardargaliyo islamarkaana boodhka uga jafo oo uu u gufeeyo God-daloolooyinka ka jira Xukuumaddiisa, ugana jawaabo Saluuga Bulshada uga imanayay sanadkaasi ay jirtay Xukuumaddiisu. Dhinaca kale Madaxweyne Biixi ayaa u Muuqda inuu jilayo Filim Uu Indhaha Bulshada iyo Fadhi ku dirrirka uga jeedinayo Hanaankiisa shaqo,Iyo inaan waxba la ogaan wax ka badelada uu ku samanayo Xukuumadiisa iyo waliba Shaqsiyaadka uu ku soo darayo,kana saarayo Xukuumaddiisa, waxaanu u muuqdaa inuu aad u qarsaday sirtii laga heli jiray Dhinaca madaxtooyada ee ku saabsanaa xubnaha uu xilka ka eryayo iyo shaqsiyaadka uu Xukuumadiisa ku soo darayo ee ku soo biiraya taasi oo ay aad u adag tahay in si dhib yar lagu ogaado tan iyo intii uu Xilka qabtay. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Maxkmadda Degmada Hargeysa Oo Soo Bandhigtay Kiisaskii Ugu Layaabka Badnaa Sannadkii 2018-kii, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Garoowe)-Tartanka doorashada Madaxtooyada Maamul-goboleedka Puntland ayaa maraya halkii ugu sarraysay iyada oo Murashaxiinta ku loollamaya mansabka Madaxweynuhu saacadihii la soo dhaafay laban laabeen kaambaynkooda siyaasadeed oo meel xasaasi ah maraya halka Madaxweynaha wakhtigan xilku ka dhammaanayo oo isla Musharax ahi sutida u hayo furin kale oo ku bannaan maadaama uu diiddan yahay in ay maamulkaasi soo cago-dhigtaan Masuuliyiinta Dawladda Federaalka Ah ee Fadhigeedu yahay Muqdisho oo uu u arko in ay fara-galinayaan doorashada oo ay waliba isaga ka soo hor jeedaan. Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay gaashaanka ku dhuftay oo diiday inay Magaalada Garoowe soo cago dhigato diyaarad sidday xubno wasiirro, Xildhibaano iyo siyaasiyiin ah oo ka tirsan dawladda Muqdisho kuwaasi oo intooda badani ka soo jeedeen Maamul-Goboleedkan Puntland oo diyaaraddii soo qaadi lahayd lagu amray in aanay Garoowe ka soo degi Karin. Tartanka ayaa meel adag maraya iyada oo doorashadani dhawr arrimood kaga duwan tahay doorashooyinkii hore oo inta badan Musharaxiinta Madaxweynuhu ay kaliya ka soo jeedeen Beesha Majeerteen oo ah aqlabiyadda Beelaha dhistay Maamulkaasi, waxaana doorkan xaaladda waji kale u yeelay Murashax Dr. Cali Siciid Cabdi oo isagu ka soo jeeda Beelaha Gobolka Sool kaasi oo si lama filaan ah saaxadda illaa hadda uga soo muuqda balse wax waliba waxa ay dhinac u dhici doonaa maalinta kaambaynka iyo xuuraanka ugu dambaysay oo ah maanta. Kaltanka beelaha Puntland ee dhinaca awood qaybsiga ayaa waxa ay iyana saamayn weyn doorkan ku leedahay doorashada iyo sida ay u dhici karto iyada oo beesha Cismaan Maxamuud doonayso in ay doorkan Madaxweynaha hesho waxaana illaa hadda Murashaxiinta beeshaasi ka soo jeeda ugu cad cad Siciid Cabdilaahi Deni iyo Asad Cismaan Cabdullaahi. Inkasta oo ay adag tahay marka la eego hannaanka awood-qaybsi ee beelaha Puntland haddana Dr. Cali Ciise Cabdi oo Sool clan ahi waxa uu doonayaa in uu dhawr arrimood ka faa’iidaysto si uu Murashaxiinta Beelaha Majeerteen uga dhex qaado kursiga balse waa mid u muuqata mid aad u adag sida ay u xaqiiqowdaa. Dr. Cali Ciise Cabdi waxa uu isku hallaynayaa 17 Xildhibaan oo deegaanka Sool ah oo ka mid ah xildhibaanada Wakiilada ee codaynaya. Doorashooyinkii hore Xildhibaanada Gobolka Sool kasoo jeedaa waxa ay ahaayeen kuwa codkooda lagu kala baxo balse sannadkan maadaama murashax Madaxweyne ay wataan intooda badani waxa ay doonayaan in ay meel wada maraan. Arrinka labaad ee Dr. Cali Ciise Cabdi fursad u arkaa waa Murashaxiinta beelaha Majeerteen oo aad u badan codkooduna baahi karo halka uu sidoo kale taageero weyn ka haysto dawladda Muqdisho fadhida ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Dr. Cali Ciise Cabdi Waa guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee Soomaaliya, waxaase dhibaato ka qabsanaysaa in beesha Majeerteen u araagto nin wax ku lahaa aasaaska kooxda Khaatumo oo aan laga jeclayn beelaha Majeerteen. Dhinaca kale Beesha Cismaan Maxamuud oo isu dhigaysa in ay doorkan u leeyihiin xilka Madaxtinimo ee Puntland waxa sida aan soo sheegnay ugu cadcad laba nin oo ay labadaba isku wanaagsan yihiin dawladda Federaalka ah. Waa Siciid Cabdullaahi Deni oo hore usoo noqday Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya iyo Asad Cismaan Cabdullaahi oo ah nin dhallinyaro ah oo da’diisa lagu sheegay dahwr iyo soddon jir kaasi oo tan iyo sannadkii 2010-kii soo ahaa taliyaha ciidanka la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaano PSF, waana Murashaxa ugu da’da yar. Musharaxan ayaa laga cabsi qabaa in uu ku hadho qodob ka mid ah shuruudaha tartanka oo dhigaya in aanu qofka isa soo sharraxayaa ka yaraan 40 sano jir sida uu qabo dasturka Maamulka Puntland. Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye ayaa isna ka mid ah ragga ugu cadcad Musharaxiinta Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland. Lix ka mid ah Murashaxiinta tartankan u taagnaa ayaa Garoowe kaga dhawaaqay in ay u tanaasuleen xubno uu ka mid yahay Siciid Cabdullaahi Deni kuwaasi oo sheegay in ay tartanka uga hadheen sidii ay codkooda ugu biirin lahaayeen xubno is baddal doon ah oo ay ku dadaali doonaan sidii aanu talada ugu soo laabteen Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Shalay gelinkii dambe ayaa lasoo gabogabeeyey Liiska kama dambaysta ah ee Murashaxiinta Madaxweyne ee Maamulkaasi oo doorashadiisa ay soo af-jari doonaan maalinta berri ah oo Bishan January tahay siddeed iyada oo ay codkooda dhiiban doonaan 66 Xildhibaanada oo Golaha Wakiilada ah, waxaana arrin xiisad weyn abuurtay noqotay Markii xubno ka mid ah bahda Garsoorka ee Maamul Goboleedka Puntland ay shalay ku baaqeen in tartanka laga reebo Murashaxa Madaxweyne ee wakhtigan sidoo kalena ah Madaxweynaha xilka haya Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas oo ay eedaymo u soo jeediyeen. Musharax waliba waxa uu shalay shubay oo laga qaaday lacag dhan $20,000 oo dollar oo kaash ah oo ka mid ahaa shuruudaha tartanka Madaxweyne u yaalla. Isku soo wada duuboo maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo aanay wali ka hir gelin wax nidaam dimuquraadi ahi, codkana ay bixin doonaan oo kali ah xidlhibaano nidaam beelaysan lagu soo xulay ayaa berri oo Salaasa ah loo ballansan yahay in ay doorashadani ka dhacdo waxaana doorashadii ugu dambaysay ee maamulkaasi lagu xasuustaa halkii cod ee uu Cabdiweli Gaas kaga helay madaxweynihii xilka uga horreeyey ee C/raxman Faroole. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxaya xaaladda ka dhex taagan Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Muqdisho ee uu hogjoogaha ka yahay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa sheegaya in Qaramada Midoobay go’aan ku gaadhay in ay yarayso shaqaalaheedii iyo hawl-wadeenadeedii ka hawl galayay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Ilo-wareedyo u dhuun daloola arrintan ayaa wargeyska Foore u sheegay in Qaramada Midoobay ayaa aad u dhimayso joogitaanka shaqaalaheeda ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaalida, arrintaasi oo saamayn weyn oo dhaqaale iyo siyaasadeedba ku yeelan doonta dawladda Farmaajo iyada oo maalmo uun laga joogo markii maamulka Villa Soomaaliya uu dalkeeda ka caydhiyey wakiilkii gaarka ahaa ee xoghayaha qaramada midoobay u joogay Soomaaliya Nicholas Haysam. Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho, arrintan ayaa sabab looga dhigay ka saaritaankii Haysm ee Soomaaliya iyo waliba xaaladaha amni ee Magaalada Muqdisho oo faraha ka sii baxaya kadib weerarkii hoobiyayaasha loo adeegsaday ee kowdii Bishan January lagu qaaday xafiisyada iyo hoyga Qaramada Midoobay ee Muqdisho, oo ku dhex-taalla xarunta Xalane, ee ay degan yihiin shisheeyaha ku sugan dalkaasi Soomaaliya. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dhaawacay saddex ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay halka la sheegayo in go’aankan Qaramada Midoobay ku dhimayso shaqaalaheeda iyo masuuliyiinteeda Muqdisho uu salka ku hayo amarkii ay dawladda Farmaajo dalkeeda kaga saartay Nicholas Haysom. Qaar ka mid ah shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Qaramada Midoobay ee ka hawl gali jiray Magaalada Muqdisho oo qorshuhu ahaa in ay shalay oo Axad ahayd ku soo laabtaan Muqdisho, iyaga oo kasoo laabtay fasax sannadeedka cusub, ayaa loo sheegay inaanay tagin Magaalada Muqdisho oo ay joogaan Nairobi. Go’aanka Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inuu saamaynayo kaliya shaqaalaheeda iyo Masuuliyiinteeda ka hawl gali jiray Magaalada Muqdisho balse aanu saamayn doonin kuwii ka hawl gali jiray Jamhuuriyadda Somaliland. Ma cadda inta uu soconayo go’aanka kasoo baxay Qaramada Midoobay waxaana uu kusoo beegmayaa xilli ay xiisad adagi ka dhex oogan tahay Qaramada Midoobay iyo dowladda beesha caalamku taageero ee Somalia, kadib markii maamulkaasi ay caydhiyeen wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa hore u cambaareeyay weerarkii Xalane ee lagu qaaday dhismaha ugu weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay caasimadda dagaalada iyo qaraxyadu aafeeyeen ee Muqdisho. In ka badan Toddobo madfac ayaa ku dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kowdii Bishan January waxaana weerarkaasi sheegtay Al Shabaab oo xustay in ay ka dambeeyeen weerarkaasi. Source
  17. (SLT-London)-Wayne Rooney ayaa la xidhay kadib markii uu sarqaan ku dhex-noqday diyaarad uu saarnaa sidaasi waxaa sheegay afhayeenkiisa. Kabtankii hore ee qaranka England iyo Manchester United ayaa 16-kii December lagu xiray gegida diyaaradaha ee Dulles ee ku taalla magaalada Virginia kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Sacuudi Carabiya. Rooney, oo 33 sano jir ah ayaa afartii Janaayo lagu xukumay 116 pound oo ganaax ah sida ay cadeeynayaan dukumiintiyada maxkamadda. Afhayeenkiisa ayaa waxa warbxin ku sheegay “xilligii diyaaradda Wayne waxa uu isticmaalay kaniin hurdo oo lagu qasay khamra yar, markii uu eelaboorka yimidna waa uu qasmay sidaas ayayna booliska ku qabteen. “Waa la ganaaxay wax yar kadibna waa la soo ii daayay, haatanna xaaladda waa ay iska dhamaatay. Sanadkii 2017-kii waxaa Rooney laga mamnuucay in laba sano uu kaxeeyo gaari kadib markii la qabtay isagoo cabsan oo gaaro wado. Weeraryahankan ayaa waxaa uu bishii June ee sandkii 2018-kii ku biiray kooxda DC United oo ka dhisan dalka Mareeykanka, waxa uuna saxiixay qandaraas Saddex sano iyo badh ah. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Milatariga dalka Gabon ayaa maanta qaaday isku day afgambi oo ka dhan ah dowladda dalkaas. Saraakiisha milatariga ayaa qabsaday raadiyaha qaranka Gabon ee magaalada caasimadda ah ee Libreville, aroortii maanta oo isniin ah. Kelly Ondo Obiang ayaa raadiyaha ka sheegay in khudbad uu dhowaan raadiyaha ka jeediyey madaxweyne Cali Bongo “ay sii xoojisay tuhunka laga qabo awoodda uu u leeyahay inuu sii wato gudashada mas’uuliyadaha xafiiskiisa” Madaxweynaha ayaa iminka ku sugan dalka Morocco, isaga oo kasoo kabanaya dhiig maskaxda uga furmay. Dowladda ayaa saacado kadib isku daygaas sheegtay inay dib ula wareegtay maamulka, islamarkaana ay xirtay inta badan saraakiishii ku lugta lahaa afgambiga. Afhayeenka dowladda Guy-Bertrand Mapangou ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in deganaansho dib loo caliyey xaalduna ay tahay mid ay gacanta ku hayaan. Guy-Bertrand Mapangou ayaa sidoo kale u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in afar ka mid ah askartii qabsatay raadiyaha qaranka la xiray, midka shanaadna lagu raad joogo. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa shaaca ka qaaday in cayrinta Nicholas Haysom ay daah-fur u noqon doonto qorshe kaas ka ballaaran oo la filayo in dowladda Soomaaliya ay ku dhaqaaqdo. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Xidig ku sheegay “go’aanka lagu cayriyey Haysom wuxu daahfur u noqonayaa in dib loo eego dhamaan ajaaniibta dalka ka howl-gasha xirfad kasta iyo magac kasta haku joogee” Qoraal Xidig ee facebook hoos ka aqriso. Bismilaah: Laga soo bilaabo burburkii Dowladii kacaanka ee Alaha u Naxariistee Gen. Mohamed Siyad Bare hogaanka u Hayey: Dalka Soomaaliya waxaa isugu yimid Ajaaniib kala Duwan oo magacyo badan wata, dhamaantoodna ku abtirsada Sumado Heyado caalami ah , Dowlado iyo kuwo Samafal oo NGO loo yaqaano: Hadaad si dhab ah u daristo Farsamooyinka iyo xeeladaha ay adeegsadaan shakhsiyaadka ku howl gala magacyada aan kor kusoo sheegay waxaa kuu muuqanaya mushkilada soomaaliya heysata in ka badan 50% inay iyagu abuuraan AMA taageeraan: Waa hubaal inay jiraan Dowlado iyo Heyado ay dhab ka tahay taageerada Dowlada iyo shacabka soomaaliyeed waxayna mudan yihin Bogaadin, Balse waxaa suuragal ah in ujeedadaas fiican ay shakhsiyaadka aan kor kusoo sheegay ay farsamooyinkooda ma dhamaatada ah u isticmaalaan: Hadaad xusuusataan Waxaan sanadkii hore Kulamadii Baarlamaanka ka jeediyay in shaqooyinka ay Qaban lahaayeen dhalinyarada soomaaliyeed ee Ajaaniibtu hada Qabato la soomaaliyeeyo oo dhalinyarada soomaaliyeed lasiiyo shaqooyinkaas: Hadaba Go,aanka Dowlada Federaalka ay Dalka kaga saartay Wakiilka Ergeyga Qaramada Midoobay wuxu daahfur u noqonayaa in dib loo eego dhamaan Ajaaniibta Dalka ka howl gasha xirfad kasta iyo magac kasta haku joogee: Anigoo ku bogaadinaya Hogaanka Dowlada Federaalka waxaan soo jeedinayaa in hoos loogu daadago halka sartu ka quruntay xididkana loo siibo kooxaha midabada iyo magacyada badan ee aan kor kusoo sheegay: Hon: Abdirashid Xidig