-
Content Count
212,125 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Center for Policy Analysis: Briefing on the Disagreement of the Political Parties January 2019 The Center for Policy Analysis (CPA) closely observes the political developments and setbacks as well as the democratization process of Somaliland. CPA is cognizant of the current political tension regarding a conflict over the fate of the members of the National Electoral Commission and the upcoming parliamentary and local governments elections, in which the three political parties failed to resolve. Considering the challenges facing Somaliland which has been self-reliant unrecognized country dealing with political, economic and security threats, it is of paramount importance the political leadership of Somaliland to take into account the broader surroundings. Therefore, the political parties need to take into account the following issues: Somaliland has been a democratic country in the last 16 years. The power has been in the hands of the people. The democracy of Somaliland has created a political puzzle for the many undemocratic countries of the region, who look from a distance the progress Somaliland has made without international recognition. Hence the internal political activities of Somaliland have a regional dimension. The Horn of Africa is undergoing a massive change ignited by the sudden appointment of Abiy Ahmed as the prime minister of Ethiopia. Ahmed introduced a reform based on Pan Africanism, forgiveness and economic integration in the region and in the continent of Africa. His initiative resulted in the unforeseen dialogue and cooperation of the leaders of Somalia, Ethiopia and Eritrea, who were in decades in direct and proxy wars. Therefore, Somaliland has to rethink and come up with a new strategy to deal with the change and to foster internal cohesion. The democratization of Somaliland has attracted friends who do support the electoral process and implement developmental projects. Such support is a golden opportunity for the country to realize achievements and gain international recognition. Nevertheless, if the political parties do not consider and invest augmentation of the political system, particularly the democratic values and principles, the Somaliland friends may get disappointed, and as a result weaken the foreign policy, the economy and solitary of the people. The security and political stability facilitated the attraction of international investment such as the DP World investment in Berbera Port, oil exploration activities and the Somaliland Development Fund. If political stability based on democracy and security decline, it will lead to bad governance, poverty and fragmentation of the society. Therefore, the politicians, the leaders of the political parties and the national leadership has to prioritize political stability and security. CPA urges all the leaders of the political parties and the national leadership to broaden their scope of analysis and make a decision on the controversial issues of the National Electoral Commission and the upcoming elections. At the same, they need to be mindful the negative consequences of a failure to reach meaningful agreement. Failure to resolve disagreement could harm the economy, and create international isolation, and internal friction that can damage national cohesion. CPA suggests the following recommendations: The political parties should have a meaningful discussion on their differences on the current members of the National Electoral Commission (NEC) and the composition and procedure of selection of future NEC members. The President should take leadership and active role in finding out a solution for the seat allocation of the House of Representatives, and conduct inclusive and consultative process; All political parties should stop the divisive and contentious approach, and instead act towards cooperation and solidarity; The elections of the House of Representatives and Local Councils should take place within 2019, and all obstacles should be removed upon an agreement reached by the relevant stakeholders; The institutions should duly fulfil their constitutional responsibilities for the sake of the national interest and should refrain from delay tactics. Contact: Address: Red Sea village, I/K district, Hargeisa, Somaliland. Email:Contact@centerforpolicy.net. Web: www.centerforpolicy.net Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-070119.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa abuurtay shaki ku saabsan in Somaliland ay u aqoonsatay dal ka madax banaan Soomaaliya, kadib tallaabo uu qaaday wasiirka gaashaandhigga dalkaas, Gavin Williamson. Wasiirka oo shalay booqday magaalada Hargeysa ayaa maanta bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal yaab leh oo uu Somaliland ugu yeeray inay tahay dal. Waxa uu yiri Williamson “Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, si aan ugala hadlo xoojinta xiriirka labadeena waddan. Waxaan sidoo kale fursad u yeeshay inaan arko shaqada qaar ka mid ah ciidamadeena ay ka wadaan Somaliland” Lama yaqaan waxa uu Gavin Williamson ula jeedo inuu Somaliland ugu yeero dal. Waxaan sidoo kale caddeyn, in qoraalkan uu yahay mid isaga ku gaar ah iyo inay la wadaagto dowladdiisa. Xiriirka Soomaaliya iyo UK ayaa dhowaanahan xumaa, ayada oo Britain ay ka carrootay in Soomaaliya ay cayrisay ergeygii QM, Nicholas Haysom. Ayada oo taas ka jawaabeysa ayaa Britain waxa ay qortay bayaan kasoo baxay golaha ammaanka QM oo sabtidii lagu sheegay in golaha uu ka xun yahay tallaabada ay qaadday dowladda Soomaaliya. Si kastaba, khilaaf yar oo dhacay uma muuqato in UK uu ku hogaamin karo inay aqoonsato Somaliland, hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay sharaxaad ka dalbato xukuumadda London. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
Berri waxaa Garowe, xarunta maamul gobolleedka Puntland ka dhici doonta doorashada Madaxweyne iyo ku xigeen ee maamulkaas. Diyaar garowga iyo loolankii adkaa ee ay mudada bilaha ah soo wadeen musharixiinta 30-ka badan ee berri baratami doona waxaa hareer socday ol’oleyaal iska soo horjeedda oo ka baxsanaa maamulkaas balse quseeyey. Dowladda dhexe, kooxaha mucaaradka ah, Imaaraadka iyo Qatar oo kala taabacsan ayaa ku dagaalamayey garoonka berri abbaare 12-ka duhurimo lagu kala dareeri doono oo ay ciddi libinta la hooyan doonto. Taas oo ay jirto, waxaa si cad bannaaka u yimi laba wajiileynta kooxaha mucaaradka ah marka ay timaado waxyaabaha ay ku dhaliilaan oo ay qalalaasaha aan loo baahneyn u galiyaan dowladda dhexe. Maxaa ka mid ah? Ku eedeynta dowladda faragalinta doorashooyinka maamulada! Waxaa hadda laga soo kabtay fowdadii ka dhalatay farogalintii ay dowladda ku sameysay doorashadii Koonfur Galbeed taas oo ay mucaaradka aad uga qeyliyeen xilli ay abuureen jawi colaadeed maadama ay hadallo kicin ah iyo iska horkeenidda dowladda iyo shacaka Koonfur Galbeed ay aad ugu dadaaleen. Dhibta arrintaas ka dhalatay waxa ay gaartay heer rabshado ka dhacaan Baydhabo iyo Wasiir caro darted isu casila. Kicintii iyo durbaan tuhunkii mucaaradka haddii ay markaas u muuqdeen samo ka talis, soo ma ahayn in go’aankoodii ku taagnaadaan oo ay Puntland-na difaacaan? Walow Puntland muujisay isku filnaan, iska dhicisay dowladda ugu yaraan faragalinta muuqata, hadana awood u ma laha in ay faragalinta dadban iska caabiso, tusaale, waxaa Garowe loo diiday Wasiirada, laakiin waxaa joogaa xildhibaanno aan ka saameyn yareyn kuwa la diiday sida; Jangeli, Cali Xoosh, Da’uud iyo Waaberi! Dulucda qormadeyda waxa weeye, isla mucaaradkii shalay ka qeylinayey faragalintii Baydhaba ayaa maanta dowladda ku dhaliilaya maxay Garowe u faragalin weysay! Siyaasiyiin mucaarad ah oo aad loo yaqaan ayaa kaga khudbadeeyey xafladdii uu Xasan Sheekh ugu daahfurayey xisbigiisa xaruntiisa cusub ayaa uga khudbadeeyey in siyaasadda dowladda ee ku wajahan Koonfur Galbeed iyo Puntland muuqato – mid qabsaneyso doorasho xor ah midna la qasbay! Senetor ka mid ah Aqalka Sare ayaa bartiisa Facebook soo dhigay in ay u caddaatay Puntland awoodeeda balse Garowe aysan ahayn Baydhabo! Sentor-ka waa reer Koonfur Galbeed! Mucaaradka waxaa la rabaa in ay ka jawaabaan, haddii faragalintii Baydhabo xaaraan ahayd, maxaad ugu durbaan tumeysaan faragalinta Garowe ee xalaaleeyey!? Waxaa halkaas ka cad! Laba wajiilenimda mucaaradka!. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta uu ka dhacay dagaal xooggan. Dagaalkaasi ayaa u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka HirShabeelle iyo ciidamo uu watay guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga gobolka Shabeellaha Dhexe Nuur Dheere, waxaana ka dhashay khasaare. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka HiShabelle oo joogay koontarool laga soo galo Jowhar ay celiyeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga gobolka Shabeellaha Dhexe oo doonayay in uu soo galo magaalada, islamarkaana sidaas uu dagaalku ku bilowday. Nuur Dheere ayaa waxaa la sheegay in uu ka yimid tuulooyin hoostaga magalada Jowhar, hase yeeshee loo diiday in uu magalada Jowhar gudaha u galo. Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah ay tahay haweeneey iyo nin oday ah, ayaa dagaalka ku geeriyooday. Wararkii ugu dambeeyay naga soo gaaraya Jowhar ayaa sheegaya in weli ay is hor-fadhiyaan ciidamadii ku dagaalamay koontaroolka laga soo galo magaalada Jowhar ee ku yaalla wadadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ay uga hadlayaan dagaalkii ka dhacay magaalada Jowhar iyo sababta loogu diiday Nuur Dheere inuu magaalada soo galo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ku gadaantay hotel Maka Al-Mukarama oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in hotelka uu maalmahan kulamo uga socday xubnaha xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaasi oo dowladda ay doonayso inay ka hor-tagto. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay in amar ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo lagu xiray Hotel Makka Al-Mukarama oo maalmahan uu ka socday simanaar sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee kaadirka Xisbiga Wadajir. “Booliska Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay nabadgelyada ilaaliyaan, sharcigana dhowraan ayaa caburin, cagajuglayn iyo cadaadis dano shakhsi ah loo adeegsaday” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxa uu intaas ku daray “Waxaa ii muuqata in kooxda talada haysataa aysan lahayn aragti iyo fikir ay dadka ku qanciyaan, waxay naf bideen qori iyo qalalaase.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta amniga ee Puntland ayaa bandow la xiriira dhaqdhaqaaqa baabuurta kusoo rogay magaalada Garoowe laga bilaabo 5-ta galabnimo ee maanta ilaa ay doorashada maamulku ka dhacayso. Doorashada madaxweynaha Puntland ayaa dhaceysa maalinta talaadada ee berri ah. Hadalkan waxaa magaalada Garoowe kaga dhowaaqay Taliyaha ciidanka booliiska Puntland Jeneraal Muxiyadiin Axmed Muuse. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in inta bandowga uu socdo aysan jiri doonin cid loo ogolaanayo inay magaalada soo gasho marka laga reebo mas’uuliyiinta xasaanadda leh iyo musharaxiinta. Talloobooyinkan ayaa looga gole leeyahay in la sugo amniga, ayada oo laga cabsi qabo in weeraro ay ka dhacaan magaalada, oo kooxaha argagxisada ay fuliyaan. Hoos ka dhageyso codka taliye Jeneraal Muxiyadiin Axmed Muuse https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/bandow.mp3Caaismada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qaladkii u horreeyo ka dhacay Baarlamanka cusub ee Puntland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
inta badan xildhibaannada oo ka baxay xarunta Baarlamanak Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland,Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa dhaliilay qaar kamid ah xildhibaannada oo ka baxay hoolka Baarlamanka intii ay socotay dhegaysiga khudbadaha murashixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada Puntland. “ wax 30 ka yar baa fadhiya Xildhibaanadii la rabey inay khudbadaha dhegaystaan maxaa beri ku qiimayn doontaan khudbadihii la jeediyey hadaad dareerteen” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha wakiilada mudane Cabdixakiin Dhooba-dareed. Dhinaca kale murashax madaxweyne ku xigeen Saadiq Eenow ayaa sheegay, in uu iska’ laabay warqaddii khudbaddu ugu qorneyd,kadib markuu arkay xildhibaannadii dhegaysan lahaa oo banneeyay xarunta Golaha wakiilada. Inta badan mudanayaasha Baarlamanka ayaa ka baxay xarunta, iyadoo ay socoto khudbad-jeedinta murashixiinta,lamana ganayo sababta keentay in xildhibaannadu ay banneeyaan kuraastax,xilli ay socdaan khudbadihii lagu kala saari lahaa murashixiinta. PUNTLAND POST The post Qaladkii u horreeyo ka dhacay Baarlamanka cusub ee Puntland appeared first on Puntland Post. -
Hareeraha waddooyinka magaaladda Muqdisho waxaa lagu arkayaa dhalinyaro sameyso cabitaanka noocyadiisa kala duwan kuwaas oo cabitaan ahaan looga iibiyo dadka, waana ganacsi si maalinle ah loogu shaqeysto shiiditaanka cabitaanka laga sameeyo khudaarta dalka ka soo go’da. Ganacsatadan yayyar ayaa isticmaala hab ka duwan qaabkii awal cabitaanka loo sameyn jiray, dadkana looga iibinjiray, qofka asaga oo taagan ayaa cabitaanka nooca khudaarta uu doonayo ayaa loo shiidayaa, ganacsadan dhalinyarada ah khudarta waxaa ay ka keenaan gobalka Shabeelaha hoose oo caan ku ah khudarta noocyadeeda kala duwana laga soo saaro. Aadan Maxamed Cali oo ka mid ah dhalinta ka ganacsata cabitaanka noocaan ah oo la hadlay Goobjoog New ayaa sheegay in cabitaanka noocan ay u sameyaan ay ka helaan faa’ido badan taas oo ay ku dabbaran noloshooda iyo midda qoyskoodaba, dadkuna ay si fiicaan ay u laqabsanayaan. ‘waxaa aan dareemayaa inuu faa’ido badan leeyahay, dadkana hadda ay laq absadeen, markii hore waan ku dhibaneyn in ay dadku fahmaan lakiin hada waxa aan dareemaynaa inaan aad u shaqeyno, shaqo ka badan intii hore, dadka ayaana hada dareemay faa’idada khudaarta waxa ayna dadku ka tagayaan isticmalka cabitaanada dibadda ka yimaada” ayuu sheegay Aadan. Waxaa uu sidoo kale ka hadlay nooca khudaarta “Khudaarta hadda aan aadka u shiidno waxaa kamid ah: Baamiyaha kaas oo leh faa’ido badan lana sheego inuu dhaliyo dheecaanada isgoysyada lafaha bini aadamka iyo khudaarta kale sida Canbaha, babeyga, liinta iyo kaarootada, waxaan ku shaqeynaa ilaa 12 qof lix malinta shaqayso iyo ku lix xiliga habeenkii shaqeyaan, dadka hadda si fiican ayey ula qabsadeen waxaana badan dalabka kala duwan ee naga soo gaarayo xaafadaha . Fahamka dadka ku nool magaaladda Muqdisho ee qiimaha khudaarta dalka ayaa keentay in macaamiil badan ay ka helaan dadka khudaarta cabitaanka ah sameeyo sida uu ku waramay Sahal Maxamed Xasan oo leh mid ka mid ah meelaha lagu sameeyo cabitaanka. ‘Meeshan shaqada aad ayey noogu kala socotaa, shaqooyin badan oo horay aan u heynay ayey nooga fiican tahy, dhalinyarada xaafadda, duqowda, ardayda iyo dadka dalabaadka ah aad ayaa loo qaata cabitaanka nuucan ah, dadkana aad ayey hadda u barteen ulana qabsadeen khudaarta, taasna waxa ay ka qeyb qaadaneysaa in aan ka joogno inaan samayno cabitaanada dibadda laga keeno, dadka khudaarta beeraana waxa ay helayaan suuq badan iyaga oon ku dhiiranaayo inuu waxbadan soo saaro. Dhanka kale macaamiisha iibsata cabitaanka khudaarta laga sameeyo ayaa aad u ammaanay, iyaga oo sheegay in cabitaanka dalka uu leeyahay dhadhan dabiici ah, oo aad u wanaagsan, faa’idana u leeyahay caafimaadka jirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Garoowe)-Tan iyo markii maamulka Puntland ay soo saareen amar ah in deegaanadeeda ay ka mamnuucday Wasiirada Dawladda dhexe iyo shaqaalaha kaleba inta ay socoto doorashada Puntland aya waxaa iminka muuqataa in taasi ay hirgahsay. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Amniga ee Puntland ayaa horay loogu sheegay in madaxda federaalka laga mamnuucay inay Puntland soo galaan. Madaxda Puntland ayaa horay Shirkadaha Diyaaradaha imaanaya Puntland ugu amray inay soo gudbiyaan liiska dadka ay sidaan, inta aysan ka soo duulin garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo horay BBC-da ugu sheegay in sababta looga mamnuucay mas’uuliyiinta dawladda Federaalka ah in ay soo galaan Puntland ay tahay, in faragalinta dawladda federaalka ah laga hortago. ”Sidaad ogtihiin dawladda waxa ay fara galin ba’an ku haysaa Maamul Goboleedyada,tusaale doorashadii ka dhacday maamulka koonfur galbeed marka ma dooneeyno in ay punland taasi oo kale ka dhacdo,” ayuu yiri wasiir Cabdi Xirsi Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay xireen dhamaan kontoroolada magaalada Garowe, ayn jiri doonin wax gaadid ah oo ka imaanaya gobolada kale ee dalka. Dad badan ayaa haddaba isweydiinaya sharci ahaanshaha go’aanka Puntland ee ah inay deegaanadeeda ay ka mamnuucdo saraakiisha Dowladda Federaalka. Abuukaate Tahliil Xaaji Axmed ayaa go’aanka Puntland ku tilmaamay mid aan waafaqsaneyn dastuurka soomaaliya. ‘Dastuurka kuma qorno wax awood ah oo nocaasi oo kale ah in (Puntland) ay soo saaraan amar ah in dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan tagi karin deegaanada Puntland, waxay u dhigantahay xadgudub dastuurka ka dhanka ah, wana sharci darro ”. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Abuukaate Tahliil Xaaji Axmed. Tahliil ayaa sidoo kale sheegay in Puntland xadgudub ku sameyeen dastuurrka iyo in wax sharciga uusan oggoleyn oo ah in qeyb kamid ah Soomaaliya ay dowladda ka joojiyaan. Abuukaate Tahliil ayaa mar aan wax ka weydiinay qaabka ay u wada shaqeyn karaan Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa waxaa uu yiri: ”Soomaaliya waa hal dowlad, balse waxay u kala qeybsantaa dowlad goboleedyo lagu baahiyay xukunka, xitaa awood uma lahan in dowlada shisheeye ay dalka ka celiyaan, oo awoodaasi waxaa iska leh dowladda dhexe, qof Soomaali shacab ah oo meel kale ku dhashay gobol Soomaaliyeed looma diidi karo”. Puntland ayaa lagu wadaa in 8-da bisha Janaayo ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaana laga warsugayaa sida uu noqon doona xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland, taasi oo ku xirnaan doonta cidda guuleysata. Source: BBC Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah dadka Barakacayaasha ah ee ku dhaqan M/ Muqdisho ayaa xilligan ka cabanaya dhibaatooyin dhinaca nolosha ah. Barakacaayshan oo isugu jira Soomaali iyo Yemaniyiin, kuna sugan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay soo wajaheen daruufo xoogan. Qoysaskani oo tiradoodu ay gaareyso ku dhawaad labo boqol ayaa xaaladdoodu waxa ay tahay mid aad loo liidato. Sidoo kale waxa ay baaq u direen dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka oo ay ka dalbadeen in la caawiyo. Bilihii la soo dhaafay dadkani ma helin wax caawimaad ah, ama gargaar ah, taas oo saameyn daran ku yeelatay noloshooda. The post Barakacayaasha Muqdisho Oo ka cabanayo Nolol xumo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dhegaysiga khudbadaha murashixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland, ayaa haatan ku geba-gaboobay xarunta Golaha wakiilada dowladda Puntland ee magaalada Garoowe. Xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Puntland ayaa tan iyo subaxnimadii hore ee saaka dhegaysanayey, khudbadaha ay jeedinayan murashixiinta xilka madaxtinimada Puntland oo isu’gu jira 21 murashax madaxweyne iyo 11 murashax madaxweyne ku xigeens,si ay u kala saaraan 32-da murashax ee u tartamaya 2-da jago ee madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Murashixiinta khudbadaha jeedinayey ayaa dhankooda ku tartamayey, kala jeedashada 66-da mudane ee codka la weydiisanayo,iyadoo maalinta berri ah ee ku beegan 8-da Jannaayo la qorsheeyay doorashada madaxtinimada Puntland. Khudbadaha ayaa u badnaa arrimaha amniga, dhaqaalaha,la’dagaallanka musuq maasuqa,hirgelinta axsaabta badan,arrimaha bulshada,shaqa-abuurka,mushaharsiinta shaqaalaha iyo ciidamada,soo celinta xuduudaha maqan ee Puntland,xoojinta nidaamka dowliga ah iyo qodoba kale. PUNTLAND POST The post Puntland: Dhegaysiga khudbadaha murashixiinta oo soo geba-gabooday appeared first on Puntland Post.
-
Candidates contesting for the presidency of Puntland state have concluded their campaign speech before the state’s parliamentarians on Monday. Twenty-one candidates contesting for the speaker have presented their speeches in the presence of the 66 recently sworn in Puntland parliament members who Monday held the special session to listen to the statements of parliamentary leadership candidates. The qualified candidates who are allowed to compete in the elections were allotted 10 minutes each to present to parliament their visions for the people. Among the candidates running for the Puntland leadership is former Somali minister Interior, Ahmed Farah Saed Juha, Mohamed Abdullahi Hussein, Mohamed Saed Hirsi, Abdikadir Yasin Abdulle, who presented his speech before the members. The post Puntland candidates deliver their final speeches at parliament appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maxay Xoogga Saareen Murashaxiinta Madaxtinnimada Puntland?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaala soo gabagabeeyay dhageysiga khudbadaha musharaxiinta madaxweynaha maamulka Puntland ka hor jeedinayeen xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi. 21-musharax oo u tartamaya xilka madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa khudbad ka hadleysa taariikh nololeedkooda iyo waxqabadka ay la imaanayaan haddii ay xilka ku guuleystaan ka horjeediyay xildhibaanada Puntland. Khibradda mid weliba uu sheegtay marka laga soo tagto waxaa ay ka hadleen: arrimaha dhaqaalaha iyo dib u dhiska Puntland, inta badan waxaa ay xoogga saareen sidoo kale amniga sida: dib u dhiska, qalabeynta iyo wanaajinta nolosha ciidanka, la-dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish iyo xoreynta waxa ay ugu yeereen dhul maqan. Ciidanka la qorsheynayo dib u dhiskiisa waa Ciidanka Daraawiishta, waxaa qaarkood soo qaateen qarameynta ciidan beeleedyada, xoojinta ciidamada sirdoonka iyo xuuraanka, casriyeyta ciidanka booliiska iyo ciidamada kale Xiriirka dowladda federaalka ah ayaa ka mid ahaa arrimaha ay ka hadleen, intooda badan waxaa ay sheegeen in Puntland xuquuqdeeda ay lama taabtaan tahay, lana ixtiraamo dastuurka Puntland. Maalgeshiga iyo ka faa’ideysiga kheyraadka dadka, dhulka iyo badda ayaa ka mid ahaa meelaha ay xoogga saareen murashaxiinta. Berri ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland maamuli lahaa 5-ta sano ee soo socota. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Malta ( Sh. M. Network )-Laanta qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in sanadkii tagay ee 2018 ay sare u kacday tirada Muhaajiriinta ka yimaada Qaarada Afrika ee soo gaara Jasiiradda Malta. Ismaacil Kahin wakiilka UNHCR dalka Malta ayaa sheegay in sanadkii hore ay Jasiiraddaasi gaareen kumanaan ka mid ah dadka qaxootiga ah ee doonaya in ay galaan qaar ka mid ah dalalka Yurub. Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in Maltaay aqbashay qaabiilaada 1,182 ruux oo ka mid ahaa dadkii faraha badnaa ee naftooda halista u soo geliyay Badda Medditirean-ka. Warbixin ay dhawaan soo saartay hay,adda UNHCR ayey ku sheegtay in sanadkii tagay dad fara badan ay ku geeriyoodeen Badda u dhexeyso Talyaaniga iyo Libya. Muhaajiriinta ugu badan ee U safra qaar ka mid ah dalalka Qaaradda Yurub ayey Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay ka yimaadaan dalalka Soomaaliya, Sudan iyo Eritrea. Midowga Yurub ayaa wada dadaallo xoogan oo uu ku doonayo in lagu dhimo qul-qulka dadka qaxootiga ah ee alaaba beegsada Qaaradda Yurub. The post Tirada Muhaajiriinta gaaraya Jasiiradda Malta Oo korortay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Jeneral Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo ka mid ahaa musharaxiinta madaxweynaha Puntland ee maanta khudbadda u jeediyey xildhibaanada ayaa ballan-qaadkiisa ugu weyn ka dhigay dagaal-gal. Morgan ayaa wacad ku maray in haddii madaxweyne loo doorto in gobol ka mid ah gobollada Puntland uusan sii maqnaan doonin oo uu dhammaantood kusoo celin doono gacanta maamulka. Mamaulka Puntland waxaa hadda ka maqan laba gobol oo ay sheegtaan oo kala ah Sool iyo Snaaag, oo xoogooda ay gacanta ku hayso Somaliland. Morgan ayaa sheegay in soo celinta gobollada ka maqan ka sokow, in haddii la doorto, aysan dhici doonin xitaa mar kale lasoo haweysto gobol kale oo Puntland ay gacanta ku hayso. Waxa uu sheegay inuu dhisi doono ciidan awood leh, oo aad looga cabsado, isaga oo isku haleynaya aqoonta uu uleeyahay ciidamada. Inta badan musharaxiinta Puntland ayaa ku olole gala inay soo celinayaan gobollada ka maqan Puntland, hase yeeshee marka ay xafiiska yimaadaan kama dhabeeyaan. Hoos ka dhageyso codka Morgan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Morgan.mp3Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com