-
Content Count
212,135 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Puntland, Somalia’s northern semi-autonomous region, has elected a new president Tuesday. Mr Said Abdullahi Deni emerged winner in the third round of voting in the region’s parliament beating 20 other candidates. He is a former Planning Minister and had contested the Somali presidency in 2017 which President Mohamed Abdullahi “Farmajo” won. In the Tuesday poll, Mr Deni garnered 35 votes closely followed by former intelligence chief Mr Asad Osman Abdullahi, who got 31 votes. The two edged out ex-finance minister Farah Ali Shire who received only three votes in the second round. All other candidates including president Abdiweli Ali Gaas lost in the first round of voting. Mr Deni takes over from the Gaas administration rocked by allegations of graft, nepotism and insecurity. He will lead the region until 2023. Somalia’s five regions – Puntland, Galmudug, Hirshabelle, South West State, and Jubaland – have been holding presidential elections progressively from November to end of 2019. The South West State went to the polls in November. Hirshabelle is next after Puntland. Puntland, an oil rich state, despite becoming semi-autonomous in 1998 is yet to achieve universal suffrage. The region is also often entangled in territorial disputes with the self-declared republic of Somaliland.
-
Qoryooley ( Sh. M. Network )-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in maanta qarax ay caruur wax ku noqdeen uu ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ee gobolkaasi. Qaraxan ayaa la sheegay in uu ka dhashay walxo qarxo oo ay ku ciyaarayeen Caruurtaasi. Ugu yaraan 5 caruur ah ayaa ku Geeriyootay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmadaasi Seyd-Cali Ibraahim Xasan. Guddoomiyaha oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee magalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay qaraxaasi. Hakan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-qoryooley.mp3 The post Shan caruur ah Oo ku Geeriyootay qarax ka dhacay Qoryooley appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaran News
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi (Deni) ayaa soo saaray wareegtadii ugu horreysay ee uu ku xannibayo Kharashaadka maamulkaasi ee ku keydsan Bankiga Dhexe iyo Xawaaladaha gaarka loo leeyahay. Amarkan ayaa lagu wargaliyay mas’uuliyiinta wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe ee dowlad goboleedka Puntland. Halkan hoose ka akhriso:- The post Madaxweyne Deni Oo hakiyay kharashaadka Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland. “Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.” Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland. Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland. Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Madaxda Cusub ee Dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland. “Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.” Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland. Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland. “Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.” Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland. Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday. The post Madaxweynaha JFS Oo hambalyo u diray P/land appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa soo dhamaaday tirinta codadka wareega saddexaad ee doorashada madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay ku tartameen labada musharax ee kala ah Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan). 66 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa codkooda dhiibanayay, waxaana xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland ku guuleystay Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Labada musharax ayaa codadka u kala helay sidan, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo helay 47 cod, iyo Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) oo helay 19 cod. Axmed Karaash ayaa kasoo jeeda beelaha Khaatumo, waxaana uu ka mid ahaa aas-aasayaashii maamulka Khaatumo. Codbixintan ayaa soo afjareysa doorashadii Puntland ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Puntland oo xilka loo dhaariyey shanta sano ee soo socota. Madaxweynaha cusub Siciid Cabdullahi Deni oo isagu saaka xilka loo doortay ayaa u hambalyeeyey Madaxweyne kuxigeenka cusub Axmed Karaash oo ah siyaasi saameyn weyn ku leh gobalka Sool, isla markaana taageero xoogan ka heystay issimada gobalkaasi kasoo jeeda. Axmed Karaash oo isla markiiba loo dhaariyey xilka loo doortay ayaa hadal kooban oo uu soo jeediyey ku sheegay inuu balan qaadayo inuu si wanaagsan ulla shaqeeyo Baarlamaanka doortay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka cusub ee dowladda Puntland,kadib markii uu wareegii u dambeeyay dhulka ku jiiday Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo la tartamayay. Mudane Axmed Karaash ayaa helay aqlabiyad buuxda 47-cod,halka murashixii la tartamayay Cabdi Qawdhan uu helay 19-cod oo keliyah. Madaxweyne ku xigeenka cusub, Axmed Karaash ayaa hore u soo qabtay xilal kala ah; wasiirka Arrimaha gudaha iyo wasiirka Duulista hawada ee Puntland oo uu ka soo qabtay xukuumadii Cabdiweli Gaas. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo loo doortay madaxweyne ku xigeenka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa la soo gabagabeeyey doorashada madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland, iyada oo la isla gaaray ilaa wareegga 3aad. Natiijada wareegga 3aad ayaa noqotay: Cabdi Ibraahim Warsame(Qowdhan) 19 cod iyo Axmed Cilmi Karaash: 47 cod, waxaana sidaasi ku soo baxay Axmed Cilmi Karaash. Goor sii horeysay oo maanta ah waxaa madaxweyne loo doortay Saciid Deni, oo Puntland hoggaamin-doona 5-ta sano ee soo socota. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Waxaa goor dhow la soo gabagabeeyay doorashada Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, iyadoona golaha wakiilada maamulkaasi ay xilkan u doorteen Axmed Cilmi Cismaan (Karaash). Madaxweyne ku xigeenka cusub ayaa helay 47 Cod, kaas oo wareegii u dambeeyay la tartmayay Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), oo helay 19 Cod. Wareegii labaad ayaa waxaa sidoo kale ku haray C/laahi Cali Xirsi (Timacadde) oo helay 9 Cod, halka Musharraxiinta kalena ay ku hareen wareegii 1-aad ee doorashadaasi. Axmed Karaash ayaa 5 sano ee soo socota heyn doono xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland, iyadoona maanta Madaxweynaha maamulkaasi loo doortay Saciid Deni. The post Axmed Karaash Oo loo doortay ku xigeenka Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xannibaad ku soo rogay dhammaan Kharashaadka dowladda ee ku kaydsan,bankiga dhexe iyo xisaabaadka ay dowladda Puntland ku leedahay xawaaladaha gaarka loo leeyahay. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo lagu socod-siiyay wasaaradda maaliyadda,bangiga dhexe ee dowladda,xisaabiyaha guud ee Puntland iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay, ayaa lagu amray in aan wax kharash ah laga saari karin, dhammaan akoomada dowladda laga bilaabo Isniinta maanta ah. Mudane Siciid Deni ayaa saaka loo doortay madaxweynaha Puntland,kadib markii uu 35-cod ka helay wareegii saddexaad ee doorashada oo uu kula tartamay, Asad Cismaan Diyaano oo isna helay 31-cod. Deni ayaa xilka loo dhaariyay,balse waxa u harsan in uu la wareego PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland: Madaxweynaha cusub oo xannibay dhammaan kharashaadka dowladda appeared first on Puntland Post.
-
Maxaa ka soo baxay kulankii xalay looga arinsanayay talaabada laga qaadayo dowlada Ingiriiska? January 8, 2019 Waxaa habeenkii xalay kulan degdeg ah ku yeeshay Villa Soomaaliya Madaxweyne Faraamjo, RW Kheyre iyo koox lagu tilmaamay saaxibada Madaxweynaha. Kulanka ayaa looga arinsanayay talaabada ay dowlada Soomaaliya ka qaadayso dowlada Ingiriiska ka dib markii Wasiirka Gaashaandhiga dalkaasi uu safar aan lagala tashan dowlada Fedaraalka Soomaaliya uu ku tagay Somaliland. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in aan marnaba la qaadan karin in dowlada Ingriiska ay si cad ugu xad gudubto Madaxbanaanida iyo Qaranimada Soomaaliya. Farmaajo ayaa yiri “hadii aan ka ogolaano in ay sidaa ay Dowlada Ingiriiksa ula dhaqanto Dowlada Soomaaliya ay u muuqanayso in aan raali ka nahay in dalka Soomaaliya la kala qeybiyo iyo isla markaana la fududeeyo aqoonsiga Soomaaliland”. RW Khyere ayaa ku taliyay in maalinta Isniinta loo yeero safiirka Ingiriiska fartiin culusna loogu dhiibo dalkiisa taas oo muujineysa in ay qalad ahayd in Wasiirka Dowlada Ingiriiska uu safar ku tago Gobol Soomaali ah. RW Kheyre ayaa sidoo kale sheegay in Wasaarada Arimaha Dibadda ee Soomaaliya uu ku amri doono in ay qorto qoraal canbaarayn ah oo looga soo horjeedo ficilada ay ku dhaqaaqday Dowlada Ingiriiska. Waxa uu yiri “marnaba ma aqabaleyno dhaqanka lagu wiiqayo qaranimda Soomaaliya”. Waxa uu ku daray “Ingiriisku waxa uu u arkaa Soomaaliya meel uu wali gumeysto danaha uu doonana uu ka fushado, hadii ay lama huraan noqotana xiriirka ayaan u jareynaa, iyaga ayaa noo baahan oo habeen iyo maalin nagala hadlo dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed” isaga oo aad u xamaasadeysan ayuu ku daran “…Mudane Madaxweyne, Walaahi ayaan ku dhaartay hadii aan xiriirka u jarno iyaga oo garguuranaya ayaa ay noo imanayaa” Safarka Wasiir Gavin Williamson waxa uu ahaa mid xanbaarsan ujeedooyin badan haba u badnaato in la tuso dowlada Soomaaliya in ayan ahayn awooda kaliya ee ka jirta dhulka Soomaalida. Dowlada Ingiriiska ayaa aad uga xumaatay talaabada uu Madaxweyne Faramaajo uu ku ceyriyay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Heysom. Dowladda Ingiriiska ayaa isku daydey in ay ku qanciso Madaxweyne Farmaajo in uu ka noqdo go’aankiisa laakiin waa uu ku gacan seeyray. Waxaan shaki ku jirin in asbuucyada iyo bilaha soo socdo Soomaaliya ay soo wajihi doonto culays siyaasadeed kaas oo dhibaato u keeni doono geedi socodka Siyaasada Arimaha Dibadda iyo gudaha ee Soomaaliya. Gaar haan hadii dowlada soo saarto qoraalka canbaareynta ee uu RW Kheyre balan qaaday in ay xukumadiisa soo saari doonto. Qaran News
-
Source
-
Afgooye ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Maxamed Ibraahin Barre oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgal maanta laga sameeyay gudaha degmada Afgooye ee gobolkaasi. Guddoomiye Barre ayaa sheegay in u jeedka howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijnayo amniga degmadaasi. Waxaana uu tilmaamay in lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo looga shakisan yahay falalka amni darri ee mararka qaar ka dhaca halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/ok.mp3 The post Howlgal dad lagu soo qab qabtay Oo laga sameeyay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ra’iisul waasaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xassan Cali Khayre ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni. Qoraal kooban oo ay daabacday wakaaladda Wararka SONNA, ayaa ra’iisul waasaruhu hambalyo iyo duco ujeediyay madaxweynaha cusub ee saaka loo doortay Puntland,Siciid Deni. “Waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani.Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday” ayuu yiri Khayre. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha ayaa Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub“shacabka iyo mas’uuliyiinta Puntland waxaan ugu baaqayaa, in lala shaqeeyo madaxwayne Siciid” ayuu raaciyay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Puntland appeared first on Puntland Post.