Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wabiga Shabelle oo sanadkan biyo yareeyay roobabkii xilliga deyrta awgeed ayaa sababay in deegaanno badan ay ka dhacdo biyo la’aan kuwaas oo hoos yimaada goballada shabeellaha dhexe iyo Hiiraan. Iyadoo dadku ay biyaha ka heli jireen wabiga iyo barkado biyaha roobka lagu keydiyo ayaa waxaan jirin ceelal riigag ah oo ku yaala dhulka uu maro wabiga Shabelle ee labadasi gobal marka laga reebo magaalada Jowhar ee xarunta Shabellaha dhexe. Agaasimaha wasaaradda biyaha, macdanta iyo tamarta dowlad gobaleedka Hirshabelle Cabdiwali Maxamed Jaabir oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay xaaladda biyo la’aaneed ee ka jirta gobalalada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe waxa uu sheegay in dadka cabitaan u yahay biyaha wabiga wax waliba ay u isticmalaan dadka deggan tuulooyinka ka fog wabiga ay biyaha roobka ay ku keydsadaan barkadaha dhulka laga qodo. ‘Dadku waxa ay cabaan tubooyin laga soo jiiday wabiga oo kaloorina lagu daray, magaaladda Balaweyne biyaha wabiga laga soo jiido ayaa haamo lagu shubaa kadibna xaafadaha ayaa loo qeybiyaa, sidoo kale waxaa jiro warshadaha biyaha sameeyo kuwaas oo fiil-tareyo biyaha wabiga, dadkana dib uga sii iibiya, waxana iibsada dadka awoodda, mana jiro wax ceel riig ah oo ka qodan magaalada Baladweyne” sidaasi waxaa yiri Cabdiwali Maxamed Jaabir. Sidoo kale Agaasimaha oo warkiisa sii wato ayaa sheegay in dadka kale ee ku nool tuulooyinka wabiga uu maro ay cabaan biyaha wabiga iyo barkado biyaha roobka lagu keydiyo marka wabiga uu biyo yareeyo ama roobka la waayo isaga oo yiri “Dadka tuulooyinka ku nool sidoo kale waa ay cabaan aadna u isticmaalaan biyaha wabiga iyo baraagaha kaydiya biyaha ilaa sanadka danbe laga gaarayo ayey is ticmaalaan, sida aan ognahay sanadkan wabiga oo biyo yareeyay iyo roobabka oo aad u yaraaday waxa ay kaliftay in biyo la’aan weyn laga dareemo tuulooyin iyo dagmooyin hoos yimaada gobalada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe waxana naga soo gaarayo cabasho sida Matabaan, Maxaas iyo Far libaax oo ay ka jirto xaalad biyo la’aaneed maadama dadka reer guuragaa sanadkaan ayna helin roobabkii Deyrta” Dhanka kale Agaasimaha ayaa hadlay uga qorshesan mustaqbalka dhow xaaladda biyo la’aan ee marwaliba ay wajahaan labadan gobal sida ay rabaan in ay u maareeyaan hadii ay yihiin maamuka Hirshabelle. “Hadda waxaan bilaawnay inaan biyo u dhaaminno tuulooyinkii ay cabashada naga soo gaartay, waxaana lageeyay booyado biya ah maadama maamulka uu yahay maamul curdun ah, wasaaraddu wax badan ayey qabatay dowladda dhexe wax badan ayaan ka sugaynaa , waxaa inoo qorsheesan sanadkaan inaan samayno biyo xireeno kuwaas oo looga faa-iidaysanayo inay kaydiyaan biyaha baxa xiliyada wabiga uu fataho. Sidoo kae waxaa inoo qorshaa inaan deegaano badan saarno ceelal riig ah kuwaas oo qeyb ka qaata in laga gudbo biyo yarida in badan ku soo laablaabata labadaan gobal wabigana laga qaado culeeska si mudo dheer biyaha uu u hayo loona is ticmaalo waraabka beeraha oo kaliya” Deegaanada hoos yimaada maamulka Hirshabelle ayaa marwaliba waxa ay wajahaan biyo la’aan waqtiyada wabiga uu biyo yareeyo iyo marka la waayo roobka ayoo ayna jirin wax ceelal riig ah oo hada ka shaqeeyo deegaanada uu maro wabiga shabelle ee labada gobal marka laga reebo magaalada jowhar Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Virtually all pastureland has disappeared and most water sources have dried up in Somalia’s southern region of Gedo, increasing the likelihood of malnutrition and disease. Hundreds of families fled their villages due to the crisis and migrated to nearby areas in search of water and food, according to the local authorities. Gedo has a population of 375,280, according to the United Nations World Health Organization [WHO] figures. Reports from the region indicate that the little water available was contaminated, exposing an already weakened population to many water-borne diseases. The post Severe water shortage reported in Gedo region appeared first on Shabelle. View the full article
  3. The Somali Police Force Commander, Bashir Abdi (Ameeriko) arrived in Baidoa, the capital of Bay region as part of his regional tour. The commander, accompanied by several senior officers have visited the Somali Police Forces stationed in town. He warned the police against participating in clan conflicts in tribal areas of regions they are operating at the moment and work on the maintaining of peace and order. The city has hosted Somali president and speaker of the national assembly who attended the inauguration of the newly elected Southwest State president, Abdulaziz Lafta Garen. The post Somali police chief pays visit to Baidoa city appeared first on Shabelle. View the full article
  4. The security forces in Beledweyne town, central Somalia have conducted a massive operation overnight in response to the latest insecurity incidents. The planned operation by the forces was carried out in several neighborhoods in Beledweyne town, the regional capital of Hiraan, according to the local residents. The purpose of this operation was to ensure the security and the fight against elements linked to the Al-Qaeda-linked Al-Shabab. Nearly 10 people were reportedly arrested in the operation, who have been arrested at the city’s main police station and are under questioning. Beledweyne has been stable in the past few years compared to other towns in the region, where Al-Shabab imposed a blockade on its former strongholds currently under Somali government control. The post Somali forces carry out security sweep in Beledweyne town appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa shaaciyey in ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho looga aarguday Al-Shabaab. Axmed Madoobe ayaa sheegay in jabkii gaaray Shabaabkii soo weeraray shalay xerada Baar Sanguuni, oo looga dilay ku dhowaad 70 askari, uu aargud u ahaa shacabkii ay ku laayeen isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Dhinaca kale Axmed Madoobe, ayaa markale shaaciyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, saacado uun kadib markii Al-Shabaab ay weerareen saldhiga Baar Sanguuni. Isaga oo ku sugan degmada Dhoobleey ayuu sheegay in ciidamada Jubbaland ay ku jiraan heegan adag, islamarkaana dhawaan ay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in Al-Shabaab saacadaha soo socda ay ka saari doonaan deegaano badan oo ka tirsan Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, waxaana ahmiyadooda koowaad ka dhigay sidii ay u qabsan lahaayeen degmada Bu’aale. Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu Dhoobleey kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. “Waxaa uu sheegay Madaxweynahu in Al-Shabaab ay dharbaaxo adag ku dhufteen Ciidamadu isla markana ay tuseen kharaarka ay leedahay guul darada iyo dhimashada” “Wuxuu ku dheeraday Madaxweynahu in Howlgalada ay bilaabanayaan Ciidamaduna ay guulaysan doonan isagoo Siyaasiyiinta Soomaalida ku booriyay in dagaalka loo midoobo oo wakhtiga Siyaasda la galinayo lagu bixiyo xoraynta wadanka” ayaa lagu yiri qoraalka Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  6. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday saldhiga ciidamada ee aaga deegaanka Dhoobley ka howlgala. Mudane Madoobe oo ciidanka la hadlay ayaa sheegay in howlgalka xoraynta deegaanada maqan ay diyaar u yihiin oo dhaqaaq uu sugayo, wuxuuna intaas ku daray in dhowaan ay gacanta soo galayaan Degmooyinka Xagar iyo Badhaadhe iyo Gobolka Jubbada Dhexe oo Ciidamadii shaqadaas qaban lahaa ay diyaar ku yihiin meelahii loogu tala galay. Madaxweynaha Jubbalabd waxaa uu ka hadlay in Al-Shabaab ay dharbaaxo adag ku dhufteen Ciidamadu isla markana ay tuseen kharaarka ay leedahay guul darada iyo dhimashada kadib mudo badan oo ay dhiiga umada macno daro ku daadinayeen, isaga oo ammaanay Ciidamada Saldhiga Baarsanguuni ee Degmada Jamaame kuwaas oo uu sheegay in Al-shabaab ay dharbaaxo adag ku dhufteen. Ugu dambeyntii, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, wuxuu ku dheeraday in Howlgalada ay bilaabanayaan Ciidamaduna ay guulaysan doonan isagoo Siyaasiyiinta Soomaalida ku booriyay in dagaalka Argagixisada loo midoobo oo wakhtiga Siyaasda la galinayo lagu bixiyo xoraynta wadanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Saldhiga Ciidamada aaga deegaanka Dhoobley ka howlgala Ugu horayn Madaxweynahu wuxuu salaan sharaf ka [...] Source
  8. Nairobi (Caasimada Online)-Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen labo ruux oo Soomaali ah oo la sheegay inay doonayeen inay gudaha Kenya hub geliyaan. Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in labada ruux ee la qabtay ay kireysteen gaari ayna doonayeen in la marsiiyo waddooyin qardo jeex ah, si ay gudaha dalka u geliyaan hub ay wateen. Aadan Xasan Maxamed oo 22 sano jir ah iyo Ibraahim Cali Guyo ayaa la qabtay kadib markii darawalkii waday uu qiyaanay, islamarkaana uu geeyay saldhig ciidan, kadib markii uu ka shakiyay waddooyinka ay doonayeen inay gudaha Kenya ka galaan. Labada ruux ee Soomaalida ayaa la sheegay inay ka tageen deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana ay doonayeen deegaan ku dhow xuduuda, balse darawalka ay la heshiiyeen ayaa dul geeyay saldhig ciidan. Bastoolado iyo hub kale ayaa lagu qabtay labada ruux iyaga oo doonayay inay gudaha u geliyaan gudaha dalka Kenya, laakiin booliska ma aysan sheegin halka hubka loo waday. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  9. Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa maanta magacaabay guddiga maamulaya doorashashada Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamanka Puntland , Guddigaan magacaabidiisa oo dhowr [...] Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay go’aan dowladda Mareykanka ay ka qaaday Soomaaliya kaasi oo la xiriira inay dhimeyso ciidamada ka joogo Soomaaliya. Kadib weerarkii ay Alshabaab isbuucii hore ka geysteen Hotelka Dusit D2 ee magaalada Nairobi, waxaa soo baxayay warar sheegaya in Mareykanka uu dhimayo ciidamada kaga sugan Soomaaliya. Wargeyska The Telegraph oo kasoo baxa magaalada London ayaa baahiyay in saraakiil u dhalatay Ingiriiska ay kala hadleen Mareykanka ka laabashada qorshaha uu ku dhimayo ciidamada ka joogo Soomaaliya. Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay bishii June ee sanadkii hore sheegeen inay kala-bar dhimi doonto tirada Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka ee Hawlgalladda ka wada qaaradda Afrika seddexda sanno ee soo socta. Ku dhawaad 500 oo askari ayaa Mareykanka ka jooga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo tababara ciidamada dowladda, waxaana saldhig weyn ay ku leeyihiin deegaanka Bali Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee dalka Britain waxa uu ka gaabsaday haddii ay Codsi rasmi ah u direen Maraykanka, ama ay kala hadleen arin la xiriirta Hawlgalaldda Ciiddanka Gaarka ee Maraykanka ka fuliyaan Somalia. Wargeyska The Telegraph waxaa kale oo uu qoray inay Dowladda Britain marmarka qaarkooda qaadaan inay hoggaamiyaan sidii looga hortegi lahaa khatarta ka jirta Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Go’aankii dhawaan lagu mamnuucayay canshuurka dhaafka loo sameyn jiray hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa dowliga ah ee kasoo baxay madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa si aan [...] Source
  12. Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Qoysas hor leh ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay Biyo la’aan darteed ay uga barakaceen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Deegaanada ay Biyo la’aantu ka jirto ayaa waxaa ka mid ah Daabley, Girinley iyo Faxfaxdhuun oo ka wada tirsan gobolkaasi. Xaalado aad u daran oo la xariira dhinca nolosha ayaa laga soo sheegayaa deegaanadaasi, taas oo sababtay in dadku ay ka hayaamaan halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax gaar gaar ah ama caawimaad ah oo ay heleen dadkaasi dhibaateysan. Gobolka Gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka dhinaca nolosha, gaar ahaan Biyo la’aanta. The post Biyo la’aan baahsan Oo ka jirta gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Garbahaarey ( SH. M.Network )-Kulankan oo uu shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayna ka qeyb galeen, wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda amniga maamulkaasi Maxamed Cabdi Kaliil iyo Saraakiil Ciidan ayaa fashil ku soo dhamaaday. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa la sheegay in shirkan uu ku soo bandhigay arrimo ku aadan siyaasadda Madaxweyne Axmed Madoobe, qorshahaasi oo ay caroodeen xubnihii ka qeyb galayay kulankaasi. Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in waxyaabihii uu isku casilay ay ka mid aheyd maamul xumida haatan ka jirta deegaanada maamulkaasi, islamarkaana uu ka soo horjeedo in markale xilkaasi loo doorto Madaxweyne Axmed Madoobe. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gobolka Gedo ka dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeeday madaxda uu watqiga ka sii dhamaanayo ee Jubbaland. The post Kulan ka dhacay Garbahaarey Oo fashil ku soo dhamaaday appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Baydhabo ( SH. M. Network )-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi (Ameerico ) ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Taliye Ameerico ayaa kormeer ugu tagay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku jira Xero ku taalla magaaladaasi. Waxaana uu uga digay in ay ka qeyb qaataan dagaallada la xariira aanooyinka qabiil ee ka taagan deegaano ka tirsan K/ Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/COD-MAHAD-BOOLISKA-.mp3 The post Taliye Ameerico Oo kormeer ku tagay magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  15. London (Caasimada Online)-Saraakiil u hadashay dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in cabsi darteed ay dalka Kenya kaga saarayaan askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Ingiriiska ee badbaadada dadka la afduubto iyo la dagaalanka Argagixisada oo loo yaqaan Special Air Service (SAS). Askarigan ayaa la arkay wajigiisa, kadib markii Al shabaab ay weerareen hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, waxaana la sheegay in loo baqayo xaaladiisa dhanka amaanka sidaasina looga saarayo dalka Kenya. Askariga ayaa la sheegay in xiliga weerarka dhacayay uu ku maqnaa dukaameysi, balse markii uu maqlay weerarka ayaa la sheegay inuu soo qaatay qalabkiisa, waxaana la arkay isaga oo dad kasoo badbaadinaya hotelka. Mid kamid ah Kaamirooyinka wariyaasha ay wateen ayaa si qalad ah u qabatay muuqaalka askariga ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Ingiriiska, waxaana uu qabsaday baraha bulshada, taasi oo dhalisay in loo cabsado amaankiisa, maadaama la arkay wajigiisa. Askariga ayaa la arkay isaga oo gudaha u galay goobta la weeraray, waxaana durba uu bilaabay inuu soo badbaadiyo dad badan oo ku go’doonsanaa Hotelka, gaar ahaan dabaqa hoose. Baraha Bulshada ayuu caan ka noqday, waxaana la sheegay inuu noqday geesi soo badbaadiyay dad badan noloshooda. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  16. Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay kala xiran yihiin inta badan waddooyinka gobolka Gedo. Xildhibaankan oo ku sugan degmada Garbahaarey ayaa sheegay in muhiim ay tahay isku furka waddooyinkan iyo in laga saaro Al-shabaab. Meelaha qaar ayuu sheegay in gaadiid aan la isga gudbi karin, islamarkaana diyaarad un loo raacayo. Waxa uu sidoo kale sheegay Xildhibaan Shire in shacabka ku dhaqan gobolka Gedo ay dhibaatooyin kala kulmaan Al-shabaab xilliyada ay safrayaan. “Al-shabaab ayeey dadka dhibaato kala kulmaan, waddooyinka ma ahan kuwo si caadi ah loo mari karo, waxaa muhiim ah in la furo” Al-shabaab ayaa xirtay in badan oo ka mid ah waddooyinka deegaannada gobolka Gedo, iyadoo meelaha qaar shacabka xitaa aanay mari karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Dawladda hoose ee magaalada Hargeysa ayaa saaka burburisay ganacsiyada yaryar ee waddada hareeraheeda ee suuqa, waa goob ku taalo bartamaha magaalada. Maamulka magaalada waxaa uu sheegayaa inay sidan u sameeyeen si ay waddada u baneeyaan, laakin arrintaas waxaa dood ka keenay ganacsatada. Dadka halkan ku ganacsada oo u badan danyar ayaa ku doodaya in iyadoo aan la siin ogeysiis la burburiyay ganacsiyadoodii. Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa dadkan ka qaadan jirtay canshuurro kala duwan, waxayna intooda badan sheegayaan in aanay jirin meel kale oo ay uga maarmi karaan waddada hareeraheeda. Horey ayaa sidan oo kale loo burburiyay ganacsiyadan yaryar, balse muddo kooban ka dib halkoodii ayay kusoo noqdaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Baladweyne ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Baladweyne ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay gudaha magaaladaasi. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ay Ciidamadu ka sameeyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, loogana hortagayay falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi. Ku dhawaad 10 ruux ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay howlgalkaasi, kuwaas oo lagu xiray Saldhigga Baladweyne. Inta badan Ciidamada amniga ayaa howlgallo xoogan ka sameeya degmada Baladweyne iyo nawaaxigeeda. The post Howlgal ballaaran Oo xalay laga sameeyay Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka geysteen gobolka Jubbada Hoose, taasi oo la shaaciyay in dagaalyahano badan lagu dilay. Jubbaland ayaa sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad 70 dagaalyahan oo ka tirsan AL shabaab, waxaana saraakiisha ciidamada DANAB ee kusugan Jubbooyinka ay sheegeen in duqeynta lagu burburiyay gaadiid Al shabaab lahayeen. Duqeynta ayaa dhacday kadib markii ciidamada Al shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo saldhiga kala soo baxay gaadiid iyo saanad ciidan. Iyaga oo la socday gaari Shabaqle ah ayaa lagu duqeeyay meel duleedka ka ah deegaanka Baar Sanguuni, waxaana la arkaayay meydad gubtay, gaadiid burbursan iyo waxyeelada ka dhalatay weerarka. Taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Africa ayaa sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al shabaab, waxaana ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose. Waxaa sidoo kale soo baxaya in duqeyn kale ay ka dhacday meel u dhow degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Hoose, taasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay Al shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in uu magaalada Addis Ababa kulamo kula qaadanayo masuuliyiin dawladda dhexe ee Itoobiya ah iyo kuwo dawlad degaanka Soomaalida ah. “Xalay waxa aan soo gaadhay Magaalada Addis Ababa oo aan muddo kooban joogayo si aan ula kulmo saraakiil ka mid ah dawladda dhexe ee Itoobiya iyo madax ka mid ah madaxda Kililka Soomaalida ee Itoobiya,” Dr Cirro ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu ku faafiyay boggaggiisa baraha bulshada. Guddoomiyaha Waddani waxa uu todobaadadii u dambeeyay ku sugna magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya halkaas oo uu kulamo kula lahaa wakiillada beesha caalamka ee daneeya doorashooyinka oo muran ka taagna muddooyinkii u dambeeyay. Waraysi uu dhawaan siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in uu daneeyeyaasha caalamiga ah kala hadlay mawqifkiisa arrimaha doorashooyinka. Arrimahan ayaa imanaya xilli ay taaggan yihiin ismari waa u dhexeeya xisbiyada waxaana daawaha saaran muddo kordhinta wakiillada. Dr Cirro ayaa u muuqda in uu dhinaca beesha caalamka kaga firfircoon yahay madaxweyne Biixi marka la eego socdaalladiisa u dambeeyay iyo kulamada danjireyaasha caalamka. Source
  21. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-200119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Washington (PP) ─ Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wuxuu u muuqdaa inuu kasoo dabcay mowqifyadii adkaa ee uu ka taagnaa dadka muhaajiriinta ah ee dalkiisa soo galaya, gaar ahaanna kuwa iyagoo da’yar sharci-darrada lagu geeyay Mareykanka. Trump ayaa wuuxu weli dalbanayaa ku dhawaad 6-bilyan oo Doollar oo uu doonayo in lagu kharash gareeyo dhismaha gidaarka uu doonayo in laga dhiso xadka ay leeyihiin Mareykanka iyo Mexico. Sidoo kale, Madaxweyne Trump oo ka hadlayay Aqalka Cad ayaa sheegay in muhaajiriinta iyagoo da’yar sharci-darrada lagu keenay Mareykanka. Ay sii joogaan muddo saddex sano oo dheeraada ah ayna ka shaqeystaan. Khilaafkii u dhexeeya Trump iyo xisbiga Dimuquraadiga ayaa cirka isku sii shareeray kaddib markii dhawr casho ay xirmeen shaqooyinkii Muhiimka ah ee dowladda Mareykanka, waxaana Madaxweyne Trump uu hadda waddaa dadaallo kala duwan. Xildhibaanada Xisbiga Dimuquraadiga ah ayaa ku gacan-seyray dalabka uu soo gudbiyay Trump ee ah in uu dhaqaale u helo dhismaha gidaarkaas. Waxaana la sheegayaa in hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda ay ku yeesheen saameyn 800,000 oo qof oo ah shaqaalaha ahaa. Ugu dambeyn, In kabadan 300,000-qof oo ka kala yimid dalalka colaaduhu ay ragaadiyeen ayaa haatan si KMG ah loogu ogol yahay inay ku noolaadaan isla markaana ka shaqeystaan Gudaha Mareykanka, Waxaana madaxweyne Trump uu in muddo ah doonayay in dadkaasi dalka laga musaafuriyo. PUNTLAND POST The post Isbeddel ballaaran oo ku yimid fikirkii Trump uu ka qabay Qaxootiga galaya Mareykanka appeared first on Puntland Post.
  23. (SLT-Washington)-Madaxweyne Trump ayaa shaaciyay hindiseyaal cusub oo ku saabsan gidaarkii uu doonayay in uu ku kala xiro xudduudaha waddamada Mareykanka iyo Mexico. Hindesiyaashani cusub ayuu uga gol-leeyahay sidii loo soo afjari lahaa hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda Mareykanka oo xirnaa muddo ka badan afar usbuuc. Trump ayaa sidoo kale u muuqda in uu ka soo debcay mowqifyadii adkaa ee uu ka taagnaa dadka muhaajiriinta ahi, gaar ahaanna kuwa iyaga oo da’yar sharcidarro lagu geeyay Mareykanka balse wali waxa uu dalbanayaa ku dhawaad lix bilyan oo doolar oo uu doonayo in lagu kharash gareeyo dhismaha gidaarka uu doonayo in lagu kala xiro Mareykanka iyo Mexico. Xildhibaanada xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku gacan seyray dalabka Trump ee ah in uu dhaqaale u helo dhismaha gidaarkaasi. Hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda ayaa saameeyay 800,000 oo qof oo ah shaqaalaha dowladda dhexe. Trump oo ka hadlayay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in muddo saddex sano ah oo dheeraad ah loo ogolaanayo in ay Mareykanka sii joogaan oo ay ka shaqeystaan muhaajiriinta iyaga oo da’yar sharcidarro lagu keenay gudaha Mareykanka. Dadkani ayaa hadda aanan waddanka laga musaafurin karin isla markaana loo ogol yahay in ay waddanka ka shaqeystaan balse aanan loo ogolayn in ay qaadaan dhalashada Mareykanka. Madaxweyne Trump ayaa isku dayay in muhaajiriintani markii hore Mareykanka sharcidarrada ku galay dalka laga musaafuriyo. Trump ayaa sidoo kale sheegay in dadka soogalootiga ahi ee sida kumeel gaarka ahi loogu ogolaaday in ay dalkaasi ku sii noolaadaan uu siinayo muddo kordhin saddex sano ah. Inkabadan 300,000 oo qof oo ka kala yimid waddamada ay colaaduhu ragaadiyeen ayaa haatan si ku meel gaar ah loogu ogol yahay in ay ku noolaadaan isla markaana ka shaqeystaan gudaha Mareykanka, waxaana madaxweyne Trump uu in muddo ah doonayay in dadkaasi dalka laga musaafuriyo. Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay guddoomiyaha aqalka Kongareeska, Nancy Pelosi, oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa lagu sheegay in qorshaha Trump uu yahay mid aan la aqbali karin oo horeyba loo diiday isla markaana uusan daacad ka ahayn. Source
  24. Warar dheeraad ah ayaa kusoo kordhay dagaal xooggan oo shalay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka DFS oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah. Gaashaanle Sare Maxamed Ibraahim Buulle, abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka oo saakay la hadlay Goobjoog, waxa uu sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi uu kordhay. Waxa uu tilmaamay in Al-shabaab ay ka dileen 77 qof, kana gubeen gaadiid dagaal, isaga oo sheegay in sidoo kale ay jirto duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka. Abaanduulaha ayaa tilmaamay sidoo kale, in dhankooda ay ka geeriyootey Lix askari islamarkaana dhaawac uu soo gaaray Afar kale. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAREYSI-ABAANDUULAHA-QEYBTA-43AAD-EE-XOOGGA-DALKA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com