-
Content Count
213,176 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garissa ( Sh. M. Network )-Taliska Booliska Kenya ayaa sheegay in rag hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay weerareen dhismaha xarun shirkadeed oo laga leeyahay dalka Shiinaha, taas oo ku taalla gobolka waqooyi Bari ee dalkaasi. Taliyaha Booliska Kenya Joseph Boinnet ayaa shaaca ka qaaday in kooxdaasi hubeysan ay rasaas ku fureen xaruntaasi oo ku taala deegaanka Shimbirey oo hoos yimaada magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada ammaanku ay ka hortageen weerarkaasi oo uu tilmaamay in uusan geysan wax khasaare ah. Todobaadkii hore ayey aheyd markii Al Shabaab weerar xoogan ay ka fuliyeen Hoteel-ka DusitD2 oo ku yaalla magaalada Nairobo ee Caasimadda dalka Kenya. The post Al Shabaab Oo weeraray shirkad ku taalla Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maanta waxaa 46 sano laga jogaa markii ugu horreysay ee uu soo baxo wargeys ku qoran farta Soomaaliga, waa sidoo kale maalintaas uu manhajka dalka isku badalay farta Soomaaliga. Goobjoog News, waxaa shacabka dib u xusuusineysaa Sooyaalka Taariikhda iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray qoraalka Farta Soomaaliya iyo heerka uu maanta taagan yahay. Sida ku qoran dastuurka qabyada ah, Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Af-soomaaliga(May iyo Maxaa tiri). 46 sano ka hor Soomaaliya ma aysan lahayd far qoran, Xiligaas dalka ma laheyn far la qoro, Waxaa lagu xiriiri jiraya dhanka qoraalka Afaf qalaad iyo walibo suugaanta. Umad waliba waxay leedahay hido iyo dhaqan soo jireen ah, laakin waxa lagu kala hor maro waa xifdinta hidahaas, iyada oo qoran. Sida dastuurkan cusub ku qoran, dowladda waa in ururisaa, ilaalisaa waxyaabaha taariikhiga ah ee dalka, iyadoo horumarinaysa aqoonta iyo farsamada xilkaas lagu gudan karo. Dowladda waa in ay horumarisaa dhaqammada iyo afguriga dadka laga tira badan yahay. Maanta, waxbarashada waa mid ku baahsan guud ahaan dalka , dugsiyo iyo Jaamacado ayaa meel walba daadsan, Laakin nasiib daro, waxaa wax lagu bartaa luuqado shisheeye sida Ingiriis-ka, Carabiga iyo Afaf kale oo aan Soomaaliga ku jirin. Iyada oo AF Soomaaliga uu isaga oo hal xiisad ah ku jiro jadwalka waxbarashada iskuulaadka dalka Xafiisyada dowladda, qoraalada, bandhigyada, xayeysiisnta, jagooyinka iyo dhamaan hay’adaha dowliga ah waxaa lagula xiriiraa Afafka qalaad halka Afkeenu kusoo ururay ku hadalka oo kaliya. Hadaba waa sidee Sooyaalka Qoraalka Farta Soomaaliga: 1920-kii ayey ahayd markii la soo bilaabay hindisaha qorista rasmiga ah ee afka Soomaaliga, ilaa xilligaasna waxaa lagu taamayey in si rasmi ah loo qoro, Cusmaan Yusuf Keendiid oo ka mid ahaa dadkii xukumayey beelaha Soomaalida qaarkood, fadhigiisuna ahaa magaalada Hobyo ayaa waxa uu soo saaray far lagu magacaabi jirey Cusmaaniya sanadii 1922-kii, fartaasi meelo kooban ayay ka shaqaysay, mana ahayn mid dalka ku wada baahday. 1950-1960-kii, waxaa socdey dood ah sidee loo qori lahaa af-Soomaaliga, waxaa jiray loona badan, rag badan ayaa dadaal sameeyay, waxaa lagu muran sanaa Ma Carabi mise laatiin? Ragga dadaalka sameeyay waxaa ka mid ahaa Ibaahim Xaashi Maxamud iyo Xuseen Sheekh Axmed Kadare, dhamaan raggaasi waxaa ay soo saareen qoraalo farta ah intii u dhaxeysay sanadihii 1950-1961-dii. July 1, 1961-dii, markii dalka xuriyadda qaatay, Waxaa lasoo bandhigay dhowr qoraal waxaa ka mid ahaa farta Shire Jamaac Axmed oo Laatinahayd iyo faro kale, tanina waxa ay ka dambeysey kadib markii dowladdii xiligaasi jirtey ee madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan ay saartey guddi kasoo baaran dega qoraalka farta Soomaaliga. Gudiga ayaa waxaa xubno ka ahaa dadka kala ah 1. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal, Guddoomiye, 2. Yaasiin Cusmaan Yuusuf – xubin 3. Maxamuud Saalex (Ladane)- Xubin 4. Ibraahim Xaashi Maxamuud – xubin 5. Khaliif Suudi- Xubin 6. Mustaf Sheekh Xasan- xubin 7. Shire Jaamac Axmed- Xubin 8. Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare)- Xubin 9. Yuusuf Maygaag Samatar- Xoghayn Guddigaasi hawshooda waxa ay ka socon weysey isqabqabsi dhexdooda ah maadaamaa rag iyaga ka mid ah ay doonayeen in iyaga fartii ay soo jindiseen la qaato sida Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal oo isaga soo saaray far ku qoran alifbeetaha Carabiga sanaddii 1951-dii Waxaa kaloo gudiga xubin ka ahaa Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo far uu leeyahay soo saaray 1952-dii, waxay gudiga ku taliyeen in farta Laatiinka la qaato, taasi oo uu soo hindisey Shire Jaamac Axmed sanaddii 1961-dii . Si kartaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa keensatay khubaro ka socdey UNESCO, si arintan wax uga qabtaan, taasina ma dhicin in laga miro dhaliyo oo weli waa sii socday is qabqabsi. Markii ay soo ifbaxday in Farta Laatin lagu qorayo Soomaliga Waxaa mudaharaadyo ka dhaceen Soomaaliya oo lagaga soo horjeedey in lagu qoro Laatiinka, waxaana dadka laga dhaadhiciyey in ay ka soo hor jeestaan in lagu qoro laatiinka, taas oo masaajidda laga iclaamiyey in shacabku ka soo hor jeestaan waayo, ayey yiraahdeen, “Laatiin waa Laa-diin” oo micnaheedu yahay “Farta Laatiinta waa Diin La’aan” iyada oo loo tiirinayay in farta Laatiinku tahay tan wadamada islaamka aan ahayd ay wax ku qortaan. October 21, 1969: Markii uu dalka la wareegay Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa uu dib usoo nooleeyay fikradii qoraalka farta Soomaaliga. 21 January 1971: Waxaa la dhisay guddiga Af-Soomaaliga, gudigan waxaa dhisay golaha sare ee kacaanka si ay u sameeyaan xarfaha ugu haboon ee lagu qoraayo Soomaaliga. Guddigan waxaa uu ka koobnaa 21 oo ah xeeldheerayaal Afafka ah iyo labo lataliye, Xubnaha Guddiga ayaa kala ahaa 1. Sharif Salah Mohamed Ali, Gudoomiye 2. Yaasin Cismaan Keenadiid 3. Mustaf Sheekh Xasan 4. Axmed Cali Abokar 5. Yuusuf Xirsi Axmed 6. Msuse Xaaji Ismaaciil Galaal 7. Cabdidaahir Affey, 8. Aw Jaamac Cumar Ciise 9. Dahabo Faarax Xasan 10. Cabdulaahi Xaaji Abuubakar 11. Cabdullaahi Ardeeye 12. Xasan Sheekh Muumin 13. Maxamed Nuur Caalin 14. Maxamed Xasan Aaden (Gaheyr) 15. Xirsi Magan Ciise 16. Cumar Aw Nuux 17. Cabdullaahi Xaaji Maxamuud (Insaaniya) 18. Iikar Bannaa Xadaad 19. Aaqib Cabdullaahi 20. Xuseen Sheekh Axmed Kadare 21. Axmed Cartan Xaange 22. Maxamed Xaaji Xuseen Sheeko Xariir 23. Cabdiraxmaan Nuur Xirsi 24. Shire Jaamac Guddigan waxaa uu lahaa guddi hoosaadyo sida mid qaabilsan qorista Qaamuuska, kan Taariikhda , Juqiraafiga, Sayniska, diyaarinta kutubta dugsiyada iyo naxwaha. Guddiga Afka Soomaaliga ayaa farta Roman-ka ama Laatiinka in lagu qoro Afka Soomaaliga, sababtun waxay ahayd maadaamaa makiinadihii xafiisyada yiiley ee teebka ay ku qornaayeen fartaasi laatiinka, Muddo 22 Bilood gudahood ah ayaa waxaa lagu diyaariyey Buugaagta Dugsiga dhexe, xarfaha higgaadda Af-Soomaaligu oo ka kooban 5 Shaqal iyo 21 Shibbane. Si ka duwan sidii 1961-dii, Ma dhicin wax mudaaharaadyo ah ama cadaadis ku yimid guddigan si farihii tartamayey midkood loo sooco, sababtuna waxay ahayd xukunkii adkaa ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Markii la sameeyey dhamaan waxyaabihii loogu diyaargaroobayay qorista Afka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah loo shaaciyey qoraalka farta sanadii 1972-kii. Hawlaha la qabtay waxaa ka mid ah dajinta naxwaha Afka sida Magac, fal, Fal-kaab, Magac u yaal, Sifo, laakiin sidaasi oo ay tahay wali naxwaha iyo ebyidda afka waa mid qabyo ah, una baahan hawl badan. Waxaa iyana la qorey qaamuus, hase yeeshee markii uu ku dhamaan waayay xiligii loogu talogalay ayaa wasiirkii hidaha iyo tacliinta sare waxaa uu sii wadistiisa hawsha dhamaystirka qaamuuska u xilsaaray Cabdiqaadir Farax Bootaan oo ahaa nin ka tirsan Akaadeemiyada Fanka iyo Dhaqanka , hase yeeshee waxaa si weyn u caan baxay oo fidey Qaamuuskii uu qorey Yaasiin Cusmaan oo lasoo saaray sanadkii 1976-dii Qaraar dowladda Soomaaliya kasoo baxay taariikhdu markii ay ahayd Jaanyo 21, 1972-dii in afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya uu yahay Afka Soomaaliga ee “Maxaa Tiri” Markii fartii la dhamaystirey, lana diyaariyey dhamaan agabkii loo baahnaa haddii ay buugaag ahaan lahayd iyo haddii naxwe ahaan lahayd, ayaa waxaa loo baahday in dalka iyo dadka lagu baahiyo, waxaana sidaasi ku biloowdey ololihii Farta sanaddii 1972-dii , Ololahaas oo ay Dawladdii Siyaad Barre markii dambe ku baahisay dhammaan deegaamada dalka, dadka reer miyiga ah ama reer guuraagu aad ayey wax u barteen. Warbixino ay hay’ado diyaariyeen waxaa lagu sheegay in Ololahan uu kor u qaaday aqoonta dadka min 2% ilaa 55%. Xiligii ay jirtay dowladdii kacaanka waxaa dugsiga lagu baran jiray farta Soomaaliya dhamaan maadooyinka manhajka ku jirey sida seyniska, xisaabta iyo wax kasta oo kale. Sanaddii 2012-kii waxaa dalka Djabuti lagu qabtay xaflad lagu xusay 40-sanno guuraddii qoridda far Soomaaliga, Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa marxaladii ugu xumeyd ee xaga midnimada, Qowmidda Soomaalida ayaa u midowday xuska maalintaas. Munaasabaddaas waxaa lagu daah rogey qaamuuska ugu weyn ee af-Soomaali lagu qoro, kaas oo fikirkiisa uu lahaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isla markaana ay wada-jir u diyaariyeen machadka Afafka ee Jabuuti iyo Naadiga Qalinlayda iyo Hal’abuurka Soomaaliyeed (Somali-Speaking PEN Club). January 21, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo ka hadlayay xuska 42 guurada kasoo wareegtey markii la qorey farta Soomaaliga sheegey in laga bilaabo maalintaas ay mabnuuc tahay in far aan ahayn tan Soomaaliga lagu isticmaalo xafiisyada dowladda, haddii aanan markaasi xiriir lala samaynaynin cid dibadda ah. February 21, 2015: Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Djabuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa Muqdisho ku dhagax dhigay xarun goboleed lagu hormarinayo luqadda iyo dhaqanka Somaliweyn, Waxaa loo loogu Magac daray Akaadimiyad Goboleedka Farta Soomalaiga, Xasan Sheekh ayaa maalintaas sheegay in arrintaas lagula tartami doono luqadaha caalamka. Amarka Madaxweynaha ee ahaa in xafiisyada dowladda ay ku shaqeeyaan qoraalka Soomaaliga waxba lagama soo qaadin oo wax walbo waa sidii hore xafiisyada dowladda, inta badan warsaxaafaeedka soo gaaro Goobjoog News waxaa u qoran af Ingiriis iyadoo taasi ay jirto ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaa uu soo saaray amar cusub oo sheegaya in boorarka xayeysiinta ee ku dheggan gobolka Banaadir loo bedelo Farta Soomaaliga, taasina ma fulin. W/Q: Cabdicasis Axmed Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareeen ayaa tan iyo markii loo doortay xilka madaxweyninimo ee Maamulka koonfur Galbeed waxaa uu waday howlo dib u heshiisiineed ee uu ka sameynayay Deegaanada maamulka. Madaxweynaha oo kaashanayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFJS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo sugan magaaladda Baydhabo ayaa maalmahanba waxay la kulmayeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanada koonfur Galbeed iyagoo waxyaabaha ay ku guuleysteen ay ka mid yihiin in la sameeyo gudi ka socda Golaha odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed. Guddiga odayaasha ka socda ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed u faah faahiyay xaalada guud ee koonfur Galbeed iyo shaqaaqooyinkii Baydhabo ka dhacay doorashadii dhacday ka hor. Maanta ayuu madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya kulan lagu soo Gaga gabeynayo kulamadii socday ee dib u heshiisinta ahaa waxa uu la qaatay guud ahaan odayaasha dhaqanka ee deegaanada koonfur Galbeed,waxaana goobta ka hadlay qaar ka mid ah odayaashii Kulanka joogay oo sheegay in madaxweynaha ay kala shaqeyn doonaan xalinta wixii dhacay. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane CabdiCasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa ugu horeyn odayaasha u sheegay in wixii dhib ah ee Baydhabo ka dhacay doorashiidiisii ka hor uu aad uga xunyahay uuna maamulkiisa ka shaqeyn doono sidii loo xalin lahaa wixii tabasho ah oo ay dadka deegaanadan qabaan. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Sidoo kale sheegay in isagoo kaashanaya Madaxda qaranka iyo waxgaradka Koonfur Galbeed uu ka shaqeyn doono xalinta wixii cabasho ah oo ay qabaan bulshada ku nool deegaanada koonfur Galbeed. Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa 16-kii bisha xafladiisa caleema saarka ka sheegay in howsha ugu horeysa ee uu maamulkiisa qaban doono ay noqon doonto dib u heshiisin waarta oo ka dhaqan gasha deegaanada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. The post Lafta Gareen “Waan xalin doonaa tabashooyinka jira” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Caasimada Online)-Golaha wakiilada Puntland ayaa la sheegay in qaab cusub oo horey aan loo arag ay u ansixin doonaan xukuumadda uu soo dhisayo madaxweynaha cusub ee Puntland. Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo yeelanaya kulamadooda caadiga ah ayaa sheegay in sanadkaan ay ka duwanaan doonaan xildhibaanadii hore ee Puntland, iyaga oo sheegay in shaqsi shaqsi ay u ansixin doonaan golaha wasiirada cusub ee Puntland. Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo golaha wasiirada maamulkiisa, waxaana kadib ay sugayaan codka kalsoonida baarlamaanka. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Dheere oo kamid ah golaha wakiilada Puntland ayaa sheegay inay qaban doonaan shaqooyin badan oo baarlamaanka horyaala, waxaana ugu horeeya inay mid mid u ansixiyaan wasiirada cusub. “Wey kamid aheyd ajandayaasheena inaan mid mid ah u ansixino golaha wasiirada, ma dooneyno inaan duuduub u ansixino, laakiin hadda waxay u badan tahay inaan mid mid u ansixino golaha wasiirada, qorshahaana waa mid baarlamaanka ay soo jeedeen kuwa kalana wey ku raaceen”ayuu yiri Xildhibaanka. 28-ka Bishaan Janaayo ayaa madaxweynaha cusub laga filayaa inuu soo magacaabo golaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland, waxaana ka horeysa munaasabada caleemo saarka oo ka dhacaysa magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-210119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha maamulka K/galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa sheegay in uu diyaar u yahay ka shaqeynta sidii loo sii deyn lahaa Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowladda federaalka u xiran. Waxgaradka beesha uu kasoo jeedo Sheekh Mukhtaar oo uu la kulmay madaxweynaha K/galbeed ayuu ugu ballanqaaday inuu ku xallinayo wax walbo oo tabashadooda ah. Lafta-gareen ayaa ka raaligeliyey waxgaradkaasi wax walbo oo soo gaaray mudadii doorashada, isaga oo sheegay in uu xallin doono wax walbo oo tabasho ah. Waxgaradka ayaa sidoo kale dhankooda u ballanqaaday madaxweynaha K/galbeed in si buuxda ula shaqeyn doonaan. Magaalada Muqdisho waxaa ku xiran Sheekh Mukhtaar Roobow oo dowladda federaalka si awood ah uga soo kaxeysay magaalada Baydhabo xilli uu musharrax u ahaa doorashada K/galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Waxaa baraha Bulshada Qabsaday Muuqaal laga duubay Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo dood adag ay dhexmareyso xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ismaamulka Soomaalida. Xildhibaanka oo lagu magacaabo Nimcaan Xamare oo kamid ah baarlamaanka Ismaamulka Soomaalida, ayaa si adag u sheegay in Cabdi Maalik ay ku kala aragti duwan yihiin fikirka Somaliweyn. Wuxuu sheegay in isaga uu yahay xildhibaan balse uu aaminsan yahay in Ethiopian nimada ku weyn tahay, islamarkaana aan laga xigin Soomaali nimada. Balse Cabdi Maalik ayaa qabay fikir kaa ka duwan, waxaana uu soo qaatay qodobo dastuurka Ethiopia ku qoran oo Soomaalida u oglaanaya inay ka tashadaan aayahooda. Cabdi Maalik waxaa laga xiray deegaan uu kasoo jeedo, waxaana wararka aan heleyno ay sheegayaan in loo xiray, maadaama deegaanka ay doonayaan inay ka sameeyaan Filim ka hadlaya dhibaatadii xukuumadii Cabdi Maxamuud Cumar u geysatay dadka deegaanka. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Cabdi Maalik hadda xoriyadiisa dib u helay, isaga iyo labo wariye oo lala xiray, kadib markii la geeyay magaalada Jigjiga. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Muuqaalka-Itoobiya-Ku-haysato-Coldoon-Maxaad-ka-Ogtahay-Daawo.mp4 Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Biyo la’aan aad u daran ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Garilley oo ka tirsan Gobolka Gedo, islamarkaana ku taala xuduudda aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya iyo Kenya. Fuustadii biyo ah ayaa waxay ka mareysaa Garilley lacag dhan $10 dollar, qiimahaasi oo ah kii ugu sarreeyey. Aar Maxamuud Maxamed oo ah Guddoomiyaha Deegaanka Garilley oo la hadlayey Goobjoog ayaa sheegay in xaaladda Biyo la’aanta in ay gaartey heerkii ugu adkaa, isagoo sheegay in biyaha qura ee hadda deegaanka laga cabo in ay yahiin kuwo ganacsi oo booyado looga keeno dhinaca degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee NFD. Xaaladda meel adag ayeey mareysaa, dadku ma haystaan biyo ku filan, mana ahan kuwo dabooli kara baahida dadka ay qabaan biyaha laga keeno Wajeer Ugu dambeyn, guddoomiyaha ayaa ka codsaday hay’adaha samofalka iyo cid walba oo Soomaaliyeed iney usoo gurmadaan shacabka ku dhaqan deegaanka Garilley. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdi Casiis Maxamed Lafta Gareen ayaa ka sheegay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay inuu ka shaqeyn doono xalinta waxyaabihii ka dhacay magaalada Baydhabo intii uu musharaxa ahaa. Lafta Gareen, ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka uu kala hadlay labo arin oo kala ah sidii xal looga gaari lahaa dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada Baydhabo iyo xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Wuxuu sheegay in isaga maadaama hadda uu yahay madaxweynaha la doortay shaqaaqadii dhacday kadib inuu xalin doono tabashooyinka ay qabaan odayaasha dhaqanka ee Koofur Galbeed. “Doorasho kasta oo dunida ka dhacda ayaa dhibaato ay ka dhacdaa, tan iyo ugu yar waa la isku caayaa ama la isku dilaa, waxii halkaan ka dhacay maadaama hadda aniga madaxweyne aan ka noqday Koofur Galbeed anigaa u taagan inaan xaliyo”ayuu yiri Lafta Gareen. Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoonka baarlamaanka ayuu sheegay inuu si aad ah kala hadlay xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana uu sheegay in wadahadalkaasi meel wanaagsan uu marayo. Wuxuu sheegay in Mukhtaar Roobow lasoo deyn doono marka uu dhamaado wadahadalka islamarkaana la isku fahmo waxyaabaha ay ka wada hadlayaan, isaga iyo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya. Mukhtaar Roobow ayaa Baydhabo laga soo xiray 13 December maalmo un ka hor inta aysan doorashada ka dhacin magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Tan iyo in muddo ah, Axmed Madoobe, hoggaamiyaha maamulka Kismaayo aan dhaafsiinayn ee Jubbaland waxa uu waday dhoolatus ciidan oo uu ku sheegay in uu ku qabsanayo magaalada Bu’aale ee ah xarunta Jubbada Dhexe. Ma xuma oo waa arrin loo baahan yahay, balse soo sax ma aha in la garto ujeedka iyo xilliga ay ku soo aaday? Uma baahna sharraxaad dheeri ah oo waxa uu ku soo aadiyey kaddib markii ay dowladda Federal-ka ah isu diyaarisay in ay ugu dambeyn Al-Shabaab ka saarto gobolkaas. Waa maxay ahmiyadda uu gobolkaas leeyahay? Bu’aale oo ah xarunta Jubbada Dhexe waa caasimadda maamulka Jubbaland, taas waxa ay ka dhigan tahay in haddii ciidamada dowladda qabsadaan oo hore u haystay Gedo in Madoobe oo waqtiga uga egyahay bisha Agoosto 2019 gudkiisii biyo ugu soo galeen. Marka uu mudo xileedka ka dhammaado, haddii uu diido ama isku dayo car qaladeynta doorashada, dowladda waxa ay awoodi doontaa in ay Caasimadda sida sharcigu yahay ku qabato doorashada, halkaas looga taqaluso Madoobe oo dekedda Kismaayo aan ka ag fogeyn! Taas oo uu ka dharagsan yahay, Axmed Madoobe waxa uu hurdada uga soo toosay dhaqdhaqaaqa dowladda oo waxa uu bilaabay dhoolatusyo looga baahnaa waqto hore. Al-Shabaab oo ka jawaabaya arrintaas waxa ay weerar uga qabsadeen Baar Sanguuni iyaga oo ay argagixisdu sheegatay in ay hub iyo gadiidba ka qabsadeen ciidamada Jubbaland. Hadaba, muxuu ka baran karaa Madoobe dhacdadaas? Axmed Madoobe waxa uu ka baran karaa arrintaas in haddii uu isku dayo dagaal uu kaligiis qaado oo aysan dowladda ku garab siineyn uu la kulmi karno jab weyn, oo sumcaddiisa iyo maamulkiisa dhaawici kara. Waxaa habboon in uu dowladda ciidankeena la shaqeeyo maadama ay hal cadow leeyihiin, haddii kale cidlo inta laga helo ayu halaagi doonaa wiilasha dhallinyarada ah ee uu furumaha soo dhoobay. Weerarkii sabtida Al-Shabaab jab weyn ayaa ku gaaray, sidoo kalena Axmed Madoobe. Markii Shabaabka laayeen ciidanka Madoobe, oo ay soo baxeen ayaa waxaa weeraray oo ayagana laayey duqeymaha Mareykanka. Haddii aysan sidaas dhicin Axmed Madoobe wuxuu dhex fadhin lahaa hab weyn. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaalada guud ee Soomaaliya iyo dagaalka u dhaxeeya Al shabaab iyo dowladda Soomaaliya. Isaga oo la hadlayay warbaahinta ayuu sheegay in dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al shabaab uusan u muuqan mid soo dhamaanaya , balse loo baahan yahay in xal loo helo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac. Wuxuu sheegay in dagaalka loo baahan yahay xal laga gaaro, maadaama labada dhinac ay Soomaali yihiin, loona baahan yahay in qaab kale loo fakaro. Wadada kaliya ee u furan labada dhinac ayuu sheegay inay tahay wadahadal inay ku dhameeyaan dagaalka dhexdooda ah, isagana u doorweyn ka ciyaari doono, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan aniga leeyahay, labada dhinac ee dagaalamaya waa Soomaali, iyaga un ayaa is dilaya, kalama adkaanayaan, wadada kaliya ee u furan waxay tahay inay wadahadlaan”ayuu yiri Abuukar Cumar Cadaan. Dhinaca kale wuxuu ka hadlay barnaamijka iscafinta ee maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay cafiyaan haddii ay isaga wax ka tabanayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ex-Wasiir Yuusuf Garaad oo Nairobi ku sugnaa Weeraradii West gate & Dusit Hotel oo soo bandhigay waxa laga baro karo weeradaa & Xoggo kale oo xasaasiya Weerarkii Westgate iyo weerarkii Dusit labadaba waxaan joogay Nairobi. Waxaan daawanayay Telefishinka, dhegeysanayay idaacadaha, akhrinayay wargeysyada, dhex mushaaxayay saxaafadda bulshada, la sheekeysanayay Kenyan iyo ajnebi. Waxaa hubaal ah in ciidanka amniga ee Kenya, siyaasiyiinta, suxufiyiinta iyo xataa shacabku ay wax weyn ka barteen weerarkii Westgate taas oo daliisheedu ay tahay sida ay Kenya ula falgashay weerarka Dusit. Dalka Soomaaliya, hey’adaheenna amniga, saxaafadda iyo waliba dadka adeegsada saxaafadda bulshadu waxay ila tahay in ay wax badan ka baran karaan howlgalkii amni, kii maareynta xogta iyo kii saxaafadeed ee Dusit. Waa marka hore ee sidii booliiska iyo Dowladda Kenya ay u maareeyeen xogta oo xataa ay iska dhegatireen sheegashada Shabaab ilaa ay hubsadaan soona afjaraan weerarku waxay ahayd farsamo sarreysa. Goobta lagu qabanayay shir saxaafadeedka macna weyn ayay gudbineysay. Mas’uuliyiinta loo xulay in ay hadlaan sida af hayeen booliis, Wasiirka Gudaha iyo Madaxweynaha iyo mid waliba goorta uu hadlayay, goobta uu ka hadlayo iyo farriinta uu gudbinayo waxaa ka muuqatay in aad looga fekeray. Sida ay saaxafaddu uga hadashay iyo shacabka Kenya qaabka ay u adeegsadeen saxaafadda bulshadu waxay mudan yihiin in si dhug leh loo derso. Siyaasiyiintu Kenya iyagu waxay xaqiijiyeen kuna ammaanan yihiin in ay ilaaliyeen wadajirka Shacabka Kenya ee diin iyo isirwadareedka ah. Waxay ka shaqeeyeen in aan dad culeys gooni ah la dul dhigin isirka ay ka soo jeedaan ama diinta ay aamminsan yihiin awgeed. Howlaha xasaasiga ah ee Marxaladdaan oo kale waxaa ka mid ah miisaanka la saarayo maareynta xogta iyo wargelinta shacabka oo keliya aan ku koobnayn waxa dhacaya ee ay ka mid tahay waxa shacabka la gudboon. Si ay ka muuqato mas’uuliyad, oo faham qoto dheer iyo deggenaani kaashatay ayaa loo maareeyay xogta, midda ay tahay in la keydiyo, midda ay tahay in dadweynaha lagu wargeliyo, tan ay tahay in dadweynaha looga digo, goorta la gudbinayo iyo goorta, mas’uulka gudbinaya intuba waxay ahaayeen kuwo ka dambeeyay u fiirsasho iyo ka fiirsi badan. Waxaan is leeyahay cashar ay sahlan tahay in lagu tababbarto ayaa Soomaaliya ugu jira – Dowlad iyo Shacabba. Inta caqliga u saaxiibka ah cashar ayay ka bartaan dhacdooyinka soo mara iyo waxa ka dhacaya hareerahooda. W/Q: Yuusuf Garad UT grad and Houston native killed in Kenya terror attack Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Hani Maxamed, oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa sheegtay iney sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qaban doonto dhibaatooyin ay sheegtay iney u soo gudbiyeen dadka deegaan-doorashadeeda, oo ay fasaxeeda kulamada Golaha Shacabka booqashadii ugu horeysay ugu tagtay iyaga. “Iinsha Allaah (dhibaatooyinkaas) qaarna waan isla xalinay, inta dhimanna si deg-deg ah ayaan wax uga qaban doonnaa, dawladda aan wakiilka uga nahay shacabkaan ayaana u gudbin doonnaa, iyadaana u heli doonta jawaab ay ku qancayaan dadka aan matalo” ayey Xildhibaan Hani ku tiri dhigaal ay ku soo daabacday Feysbuuggeeda. Deegaan-doorashada Xildhibaannadda, oo ah magaalada Baydhaba, ayey sheegtay in dhibaatooyinka ka jira ay dadka deegaanka ka haystaan dhinacyada maamulka, cafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada, sida ay hadalka u dhigtay. Xiligaan oo kale, oo ay Xildhibaannadu fasax ka yihiin kulamada joogtada ah ee Kalfadhiga Baarlamaanka, waxay fursad u haystaan iney dib ugu laabtaan deegaan-doorashadooda, si ay uga marqaati noqdaan dhib iyo dheef waxa haysta dadka iyo deegaanka ay matalaan, kadibna u wajahaan xalka, sida markii ay matalaadda raadinayeenba ay ku doodayeen. Hase ahaatee, Xildhibaanno aan tiro yareen ayaan taas ku guuleysan, oo waqtigooda fasaxa iyo mar aysan fasax ahaynba ku bixiya Muqdisho ama meel kale oo ka baxsan dalka, halkaas oo ay inta badan ku nastaan. Qaarkood, oo markii hore ahaa qurbo-joog, waxay dib ugu laabtaan qoysaskoodii iyo dalalkii ay dhalashada 2-aad ka haysteen, fursadna isuma helaan dadkii iyo deegaankii ay ku matalayeen Golayaasha Baarlamaanka. Isha: Kalfadhi Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kacdoonkii qoomiyadaha Axmaarada iyo Oromadu wuxuu horseeday iscasilaaddii ra’isal wasaarihii Itoobiya Hailemariam Deselagn oo isagu ka soo jeeday qoomiyadaha koonfurta. Haddaba si xiisadahaa kacsan loo dejiyo xisbiga talada haya ee EPRDF wuxuu bishii April 2018 ra’isal wasaare u magacaabay Dr Abiy Axmed oo isagu ka soo jeeda qoomiyadda Oromada. Doorashadiisa waxa loo doorbiday saddex arrimood oo kala ah: In uu keeno isbedello ka turjumi kara ama jawaab u ah tabashada dadweynaha, In lagu raalli geliyo qoomiyadda Oromada oo qarniyo tirsanaysay in la gacan bidixeeyay, Ugu dambeyn in lagaga hor tago damaca qoomiyadda Axmaarada oo qoomiyadaha kale oo dhammi sas ka qabaan xukunkooda. Si kastaba ha ahaatee ra’isal wasaaraha cusub wuxuu mar kaliya si degdeg ah u qaaday arrimo u baahna in la kala horaysiiyo, tusaale ahaan isaga oo marka hore aan abbaarin ama xal u helin dhibaatadii iyo xasaradihii ka aloosna dalka gudihiisa iyo isaga oo aan weli xukunkiisu adkaan ayaa wuxuu xoogga saaray heshiiskii Ereteriya iyo arrimaha Geeska Afrika. Ra’isal wasaaruhu wuxuu ku baaqay in uu isku soo dhaweynayo dalalka Gobolka kadibna la midayn doono mustaqbalka laakiin, isaga oo burinaya aragtidiisii hore wuxuu sameeyay isbahaysi (alliance) ka kooban Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya. Runtii waa tallaabo shaki ku abuurtay xubnihii kale ee urur goboleedka IGAD, waxaana suurto gal ah in ay iyaguna ku dhawaaqan isbahaysi jawaab u ah xulafada Abiy Axmed iyo Afewerki. Hase ahaatee Dr Abiy Axmed khaladkii ugu weyna wuxuu sameeyay markii uu si degdeg ah oo aan laga fiirsan u ogolaaday in jabhadihii hubaysna dib ugu soo noqdaan dalka sida: GIMBOT 7(Axmaaro), OLF(Oromo) iyo ONLF(Soomaali) oo muddo dheer dagaal kula jiray Itoobiya iyo xukunka xisbiga EPRDF. Ma xumo in lala heshiiyo waxayse ahayd in ay marka hore ka tanaasulaan fikradaha xagjirka ah ee ku dhisan qoomiyadaha oo ay u noqdaan ururo u taaggan Qarannimada Itoobiya. Haddaba iyada oo ay adag tahay in ay maamul la wadaagan xisbiyadii ka talin jiray kilallada ay ku soo laabteen. kilalka Oromiya waxa ka qarxay dagaal lagu hoobtay oo u dhexeeya OLF iyo xisbiga ODP ee talada hayay waana xisbiga Abiy Axmed ku metelo xisbi weynaha EPRDF. Iska hor imaadyadu inta badan waxay ka socdaan gobolka Wollega. Kilalka Axmaarada isagana waxa ka jira mudaharaadyo iyo rabshado goosgoos ah oo u dhexeeya Jabhadda GIMBOT 7 iyo maamulkii hore u joogay. GIMBOT 7 waxay ka soo horjeeda nidaamka Federalism-ka, waxa kale oo ay wataan ajande ah in la soo nooleeyo meeqaamkii saraynta Axmaarada iyo taariikhdii Imbiraadooriyaddii Itoobiya. Bannaan baxyada waxay ku soo bandhigaan calankii iyo calaamadihii boqor Haile Selasse. Kilalka Soomaalida waxa lagu soo dhaweeyay ONLF oo ka sii fog jabhadaha kor ku xusan, haddii aanay hadda wax ka bedelin mawqifkoodii ahaa in dhulka Soomaalidu yahay Mustacmarad u baahan in laga xoreeyo gumaysiga Itoobiya, sidaa daraadeed u saadaalin maayo waa se wax la fili karo in jabhadda soo guryo noqotay ee ONLF iyo dawlad degaanku iskaga horyimaaddan aayaha iyo talada Kilalka Soomaalida. Guntii iyo Gabogabadii Hereriyiinta ayaa ku maahmaaha ‘Dameeraha Adari ninka foofiya ayaa soo xareeya’. Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed isaga ayaa ka masuul ah oo looga fadhiya xoog iyo xeeladba furdaaminta jabhadaha xagjirka ah ee uu oodda ka soo qaaday oo halis galin kara xasilloonida iyo midnimada Itoobiya iyo xataa dalalka gobolka oo dhan. W/Q: Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar oo caan ku ah tacabka Bariiska dalka ayaa lagu tijaabiyay nooc cusub oo wali aan horey looga beeran jirin beeraha magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Bariiska ka bixi jiray magaalada Jowhar ayaa ahaa nooca loo yaqaano Dalka (Bariis Cad), laakiin waxaa hadda la bilaabay in lagu tijaabiyo bariis iib ahaan dalka dibadiisa looga keeni jiray. Khabiiro ku xeeldheer arrimaha beeraha iyo iskaashatada beeralayda gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa tijaabadaasi ka sameeyay beeraha magaalada Jowhar, waxaana lagu guuleystay tijaabadaasi. Qaar kamid ah iskaashatada Beeraleyda Shabeelaha Dhexe ayaa Caasimadda Online u sheegay inay doonayaan inay soo saaraan bariis badan oo looga maarmi karo kan dibadda laga keeno. Bariiska laga keeno dibadda ayaa kamid ah cunadda joogtada ee Soomaalida ku sugan gudaha dalka, waxaana laga keenaa wadamo kala duwan iyadoo ay ugu badan yihiin wadamada carabta. Maamulka Shabeelaha Dhexe iyo kan Hirshabeelle ayay ka dalbadeen inay ka helaan dhiiri gelin kor u qaadi karta wax soo saarkooda, waxaana sidoo kale ay fariin u direen wasaaradda beeraha ee xukuumadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degaanka Xarfo oo ku yaalla Waqooyiga gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland, ay halkaasi ku xayireen gaadiid u rararnaa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Qaar ka mid ah Wadayaasha Gaadiidka ayaa warbaahinta u sheegay in labaddii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku xayirnaayeen degaanka ka dib markii lagu rogay Canshuur Xad dhaaf ah oo aysan bixin karin. Gaadiidka ayaa horay u bixin jiray lacag dhan $40 Dolllar halka hadana lagu sii daray $20 Dollar oo kale iyadoona wadarta guud ee lacagtaasi ay noqonayso $60 Dollar. Maamulka Wasaaradda Maaliyada ee gobolka Mudug ayaa gaadiidleyda u sheegay in lacagtaan lagu difaaci doono gobolka Sool oo inta badan ay ku dagaallamaan Maamulada Somaliland iyo Puntland. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
-
Weerarkii Westgate iyo weerarkii Dusit labadaba waxaan joogay Nairobi. Waxaan daawanayay Telefishinka, dhegeysanayay idaacadaha, akhrinayay wargeysyada, dhex mushaaxayay saxaafadda bulshada, la sheekeysanayay Kenyan iyo ajnebi. Waxaa hubaal ah in ciidanka amniga ee Kenya, siyaasiyiinta, suxufiyiinta iyo xataa shacabku ay wax weyn ka barteen weerarkii Westgate taas oo daliisheedu ay tahay sida ay Kenya ula falgashay weerarka Dusit. Dalka Soomaaliya, hey’adaheenna amniga, saxaafadda iyo waliba dadka adeegsada saxaafadda bulshadu waxay ila tahay in ay wax badan ka baran karaan howlgalkii amni, kii maareynta xogta iyo kii saxaafadeed ee Dusit. Waa marka hore ee sidii booliiska iyo Dowladda Kenya ay u maareeyeen xogta oo xataa ay iska dhegatireen sheegashada Shabaab ilaa ay hubsadaan soona afjaraan weerarku waxay ahayd farsamo sarreysa. Goobta lagu qabanayay shir saxaafadeedka macna weyn ayay gudbineysay. Mas’uuliyiinta loo xulay in ay hadlaan sida af hayeen booliis, Wasiirka Gudaha iyo Madaxweynaha iyo mid waliba goorta uu hadlayay, goobta uu ka hadlayo iyo farriinta uu gudbinayo waxaa ka muuqatay in aad looga fekeray. Sida ay saaxafaddu uga hadashay iyo shacabka Kenya qaabka ay u adeegsadeen saxaafadda bulshadu waxay mudan yihiin in si dhug leh loo derso. Siyaasiyiintu Kenya iyagu waxay xaqiijiyeen kuna ammaanan yihiin in ay ilaaliyeen wadajirka Shacabka Kenya ee diin iyo isirwadareedka ah. Waxay ka shaqeeyeen in aan dad culeys gooni ah la dul dhigin isirka ay ka soo jeedaan ama diinta ay aamminsan yihiin awgeed. Howlaha xasaasiga ah ee Marxaladdaan oo kale waxaa ka mid ah miisaanka la saarayo maareynta xogta iyo wargelinta shacabka oo keliya aan ku koobnayn waxa dhacaya ee ay ka mid tahay waxa shacabka la gudboon. Si ay ka muuqato mas’uuliyad, oo faham qoto dheer iyo deggenaani kaashatay ayaa loo maareeyay xogta, midda ay tahay in la keydiyo, midda ay tahay in dadweynaha lagu wargeliyo, tan ay tahay in dadweynaha looga digo, goorta la gudbinayo iyo goorta, mas’uulka gudbinaya intuba waxay ahaayeen kuwo ka dambeeyay u fiirsasho iyo ka fiirsi badan. Waxaan is leeyahay cashar ay sahlan tahay in lagu tababbarto ayaa Soomaaliya ugu jira – Dowlad iyo Shacabba. Inta caqliga u saaxiibka ah cashar ayay ka bartaan dhacdooyinka soo mara iyo waxa ka dhacaya hareerahooda. W/Q: Yuusuf Garad
-
Askarigu Sidduu u Yimidba Askartii Ummadiibay ku Amar-kutaagleyneysaa Mudooyinkan ugu danbeeyey Jamhuuriyada Somaliland Waxa kor u kac ku yimi dacwadaha iyo cabashada shacabku ka cabanayaan askarta siiba ciidamada booliska, kuwaas oo shacabku kaga Cabanayaan inay ku hayaan cadaadis, Xayiraad, cabudhin, caga-juglayn iyo gacan qaad ay waxyeelo ugu geysanayaan Una dheertahay xadhig bilaa sifo ah oo shacabka layska xidhxidhaayo. Hadaba Waxa isweydiin mudan maxaa kalifay in Boolisku shacabkii ku Amar-kutaagleeyaan? Waxa ugu wacan baa la odhankaraa :- 1,Ciidamada Booliska Somaliland 80% oo aan wax qorin waxna akhriyin sidaa laajigeed sidee ayuu sharci dhowre iyo sharci fuliye u noqon karaa ruux aan akhriyi karayn shuruucda iyo xeerarka dalka u yaala iyo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadunku leeyey sidoo kale dhacdo uu joogay aan faalo ka qorikarayn. 2,In ciidamada Boolisku ayna ogaynba in cidda ay u shaqeeyaan aynan Dawlad ahayn ee shacabka yihiin, maxaa yeelay cidda mushaharkooda bixisaa waa cashuurta shacabka markaa halka gaadiidlaydu dadka ugu shaqeeyaan gaadiidka oo ay ugu daabulaan oo kale ayuu Boolisku ugu shaqeeyaa shacabka si uu u dhawro shuruucda iyo qownuunka ummadu dhigatay Una ilaaliyo nabada mujtamaca dhexdooda. Sidaa laajigeed waa qalad in Boolisku uu ku beer-laxawsado Ummada guryihiinaanu hor tumanahay si aanu u ilaaliyo naftiina iyo maalkiina nabadna ku seexataan!! Se inay mushahar ku qaataan oo ay siiyaan kuwa ay tacadiga u gaysanayaan seegan. 3,Boolisku ma oga in uu muwaadinku xaq u leeyey in uu cabiro fikirkiisa oo xaq u leeyey inuu dhaliilo waxna ka sheegi karo xukuumada iyo qaybaha Dowladiisa ee in latoosiyo ama lasaxo u baahan Isaga oo si xor ah ugu soo tabinaaya shacab iyo xukuumadba fikirkiisa Qoraal, Tix iyo Tiraabba, sidoo kale cabasho iyo eedaynba laga tabin karo booliska lana dhaleecayn karo. 4,Madaxda sare ee booliska oo aad moodo inay qarnigii tegey joogaan oo aanay waxba kala Socon waayaha dalku ku suganyey iyo halkuu xaal maraayo, waayo taliyihii Booliska oo ogayba in ciidankii uu madaxa uu u ahaa in sida tilifoon wax loogu shubto loona adeegsado sidii calooshooda u shaqaystayaal halka taliyaha laftiisu uu arimihii gudaha iyo amagereeshinkii howshoodii tuurta uritay ee uu ku mashquulsanyey,halka taliye kuxigeenku Isaga oo muqlaysan Intuu bir-ma-geydada jeelka dhigo ku andacoonaaya askartii Kacaankii far laguma soo taagi jirin anakana afkaa nalagu soo taagayaa waa nasiibdaro wixii laga dagaalamay ee naf iyo maal lagu waayey ee malaayiin u dhaqan gadoomeen dalandoolkay ku galeen dalal shisheeye awgood waana ayaan daro inuu masuul hogotusaale ka dhigto dharaarihii qadhaadhaa ee dadku is ilowsiinaayey, se waa mooganaanta madaxda booliska in laga tagey warkaa oo khad far ladaro wax lagu doorto,halka misna booliska af hayeen u yahay nin wakhtigii isticmaarkii inuu joogo aad moodo oo af qalaad iyo xeer qalaad shacabka ku moosaya Intuu xidhxidho,mar hadii madaxdii Boolisku sidan tahay askartiina waa allow sahal. 5,In aanay jirin gudi madax banaan oo u dhaxaysa shacabka iyo booliska oo cabashada shacabka loo gudbiyo oo baadha saxdana booliska se halkaad ka cabanayso u dacwo tag waa horana saligaaga kasoo qaado saldhiga adigaa iskeenaye!, Hadaba iyada oo Taasi tahay Waxa u sabab ah tacadiga shacabka lagu hayo ayaa shacabkii leeyihiin siduu Kornaynku u yimid askartiiba wey kibirtay oo aad bay shacabka ugu faro iyo xadhig dhiiran yihiin, siday tahayba Madaxweynaha Askariga ahi siduu u yimi Askartii Ummadiibay ku Amar-kutaagleyneysaa. Doqon ninkii Canaanta Wuu I Caayey bay tidhaa! Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Cabdillaahi Fadal, Waa Hoggaamiye Ciidan Ee Abwaankii Weynaa & Abwaannada Yaryari Maxay Arkeen ? Bulshada Somaliland guud ahaan inta badan didmo iyo Cuqdad ayay muujiyaan markay arkaan Askari dirays xidhann guud ahaan, balse Cuqdadaas iyo Didmadaas waxay ka dhaxleen gumaadkii iyo Cadaadiskii Ciidammadii keli-taliyihii Siyaad Barre, haddaba Anigoo ah muwaadin inta badan ka hadla daryeelka Ciidammada Dalkeena qaybahooda kala duwan, waxaan leeyahay Bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan ee dhismaha Waddanka Xog-ogaalka u ah, gaar ahaan kuwa Hal-abuurka ama Suugaanta iyo guud ahaanba waxa keliya ee Somaliland ka wada dhexeeya ee hormoodka u ah, Dawladnimadeena iyo Madax-bannaanideena waa Ciidammada Dalka qaybahooda kala duwan, sidaasi awgeed waxaan leeyahay Abwaannada yaryar Casriga ah iyo Abwaanka Suxufiga ah Cali Seenyo waxay ahayd inaad Shacabka u soo bandhigtaan Barnaamijyo Wacyi-gelin ah oo kor loogu qaadayo Daryeelka iyo Taakulaynta Ciidammada Ciidammada Dalkeena, Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliiska, Ciidanka Asluubta iyo guud ahaan Ciidammada dalka. Waxaan leeyahay Abwaannada aan kor ku xusay waxaad tihiin kuwii Bulshada ku jihayn lahaa Daryeelka iyo Taakulaynta Ciidammada Cadowga Hor-taagan iyo kuwa Nabadgalyada gudaha Dalka u heeganka ah ee Booliiska iyo Asluubta. Sidaasi darteed waxa la idinka sugayaa waa Wacyi-gelin taas, balse nusqaan iyo sharaf jab bay idinku tahay inaad Warbaahinta Dalka iyo kuwa dibeddaba uga gudbisaan af-xumo iyo eedayn qaawan Taliyaha Ciidanka Booliska, Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Ciidammada Booliiskaba. Waxaan ku soo af-meerayaa Qormadan Cabdillaahi Fadal waa Hoggaamiye khibrad iyo adkaysi u leh Ciidammada Booliska, ee waxaan leeyahay Shacabka Somaliland waxa innagu waajib ah inaynu daryeel iyo Taakulo la garan galno guud ahaan Ciidammadeenna. Wa billaahi Tawfiiq W/Q: Mowliid Aadan Cumar. horseed001@gmail.com Qaran News
-
(SLT-Hargaysa) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa la filaaya Inuu barqada ka subixii ku soo laabto Dalka Somaliland Kadib marki uu muddo socdaal Ugu maqnaa Waddamada KENYA iyo Itoobiya . Soo laabashada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa ku soo beegmaysa xilli muran badani ka taaganyahay qabsoomida doorashooyinki Somaliland iyo guddida doorashooyinka. Sidoo kale waxaa Dalka ka jira buuq baqan oo ka dhashay xadhiga shakhsiyaadka xorriyad hadla. Soo dhawaynta Guddoomiyaha ayaa laga dareemaya Magaaladda Hargaysa iyo baraha bulshadu ku kulanto ee Internerka . Waxyaabaha uu ka hadlo soo laabashadiisa kala soco shabakadda wararka ee Somalilandtoday. Source
-
Masuuliyiinta xilka ummadda u haysa qaarkood markay xilka qabtaan waxay markaba bilaabaan inay laba liqaan xoolaha ummadda oo qaab xaaraan ah u isticmaalaan. Masuulkii xilka hayey hantidii ummadda ayuu ku tagri falayaa intuu xilka hayey, markaasuu keyd ka dhigtaa oo ku shubtaa xiaabaad uu gaar u leeyahay (personal account). Xanuunka Xilka Qaadista ka dib Tuaaal ahaan masuulka ayaa keyd ahaan u dhigtay lacag dhan oo qadarkeedu yahay $600,000. Isagoo ku faraxsan lacagta badan ee uu helay ayaa xilkii laga qaadayaa, ka dib wuxuu is odhanayaa imika ayaad fursad u heshay inaad lacagtii waxa ku qabsato. Ha noqoto inuu guro ku dhisto amma ganacsi ku furto. Markaa xilka laga qaado ayuu xanuun xaga ilaahay k yimid ku dhacaa. Markaba waxa la dhigaa dhakhtar gaar loo leeyahay oo lacag badani ku baxayso. In muddo ah ayuu ku jiraa. Hadana waxa la odhanayaa halkan waxba waa lagaga qaban waayey ee dibada ha loo qaado. Tikidhkii, baasaaboorki iyo diyaaradii ayey lacag badani ku baxaysaa. Waxa loo qaaday dalka Hindiya dhakhtarkii la gee, muddo ka dib hadana waxa la yidhi halkan waxa ka dhakhtar fiican maleesiya ha loo qaado, maleesiya la gee muddo ayaa halkaasi lagu daweeyaa, hadana waxa la yidhi dhakhtarka ugu fiicani ee xanuunka dawayn lahaa waxa laga helayaa Jarmalka. Jarmalkii la gee muddo halkaasi lagu dawee. Masuulkii ilaahay xaaraan kaga jarayo ifka ee ajali u dambayso wuxuu soo noqdaa isagoo caato ah oo aan shilin ka hayn lacagtii ahayd $600,000, ee xoolaha ummadda ahayd. Ka kalena intuu xanuunsado ayuu ku dhintaa, aakhirkana ilaahay ayaa la xisaabtama. Madaxda qaarkood iyagoo xilka haya ayey toos guryo ugu dhistaan xoolaha ummadda, markay xilka laga qaado ayey xanuusadaan gurihii xaaraanta ahaa ayaa dib loogu xarashaa si loogu daweeyo. Cunista iyo ciqaabta ka dhalanaysa xoolaha ummadda Ilaahay SWT wuu xaaraantimeeyey cunis xoolaha agoonta, siday sheegayso aayadda 10-naad ee suuradda Al-Nisaa “kuwa xoolaha agoonta ku cunaya dulmi, waxay calooshada gelinayaan naar”. Qofka madaxda ahi waxa uu ka baxay ballankii uu ilaahay la galay, marka uu xoolaha ummadda cunaayo. Sidoo kale wuxuu ilaahay SWT suuradda Isra aayadda 34 ilaahay wuxuu ku sheegay kuna amray dadka muslimiinta ah” Oofiya ballanka, waayo qiyaamaha ballanku waa mid lays wediinaayo”. Ma jirto khiyaamo ka weyn in xoolaha ummadda la cuno. Xadiis saxeexa ah ayuu Nabigu(NNKHA) ku yidhi” Qofka na khiyaamaa naga mid maaha”. Waxa soo saaray Muslim, waxaana weriyey Abu-Hurayra. Suuradda Aali Cimraan aayadda 161-naad ayuu ilaahay SWT ku yidhi” Qofka wax xada amma khiyaameeya, qiyaamaha waxa uu la iman waxa uu xaday amma khiyaameeyey.” Dhammaan aayadahaasi iyo axaadiistaasi wax ay inoo caddaynayaan inay xaaraan tahay in xoolaha ummadda xaq daro lagu cuno. Ilaahay xaqa ha na waafaqiyo. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-20012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu arkay meydadka 4 qof oo la soo dhigay. Dad ku sugan Ceelasha ayaa sheegay in laamiga dhinaciisa lasoo dhigay 4 ruux oo meyd ah, oo indhaha ka xiran, kuwaas oo aan weli la ogeyn dadka ka dambeeyay dilkooda. “Dilka ka sokow, waxaa dadka aad uga yaabiyey qaabka loo dilay ee kadibna indhaha looga xiray” Waxaa sidaas yiri qof ka mid ah dadka deegaanka. Waxaan weli caddeyn in dadkan ay yihiin dad degan xaafadda Ceelasha iyo in magaalada Muqdisho meelo ka mid ah laga soo kaxaystay kadibna markii la dilay halkaas la dhigay. Dadweyne farbadan oo ku nool Ceelasha Biyaha ayaa tegay goobta meydadka ay yaalaan, ayada oo dadka ay isku dayayaan inay aqoonsan karaan iyo in kale. Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta meydadka lasoo dhigay, kuwaas oo wada baaritaano ku aadan cidda ay yihiin dadka la dilay iyo cidda fulisay dilka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com