-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Zimbabwe ) Saddex qof ayaa maxkamad lagusoo taagay dalka Zimbabwe, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay xadeen boorso ay ku jirto $150,000 oo kaash ah oo uu lahaa madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalkaas, Robert Mugabe. Tuugada la tuhunsan yahay ayaa la sheegay in ay lacagtaas ku gateen gawaari, guryo, iyo xoolo nool. Sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas, mid kamid ah qaraabada madaxweynihii hore, oo lagu magacaabo Constantia Mugabe, ayaa kamid ah eedaysaneyaasha. Waxaa la sheegay in ay haysay furayaasha guri uu Mr Mugabe ku lahaa tuulada Zvimba, oo u dhaw magaalada caasimadda ah ee Harare, ayadoo tuugada kalena u fududaysay in ay gurigaas galaan. Dadka kale ee la tuhunsan yahay ayaa gurigaas looga shaqaalaysiiyay in ay nadiifiyaan markii ay xatooyadu dhacaysay, taas oo la sheegay in ay dhacday intii u dhaxaysay 1-dii bishii December ilaa horraantii January. Mr Mugabe, oo haatan 94 jir ah, ayaa waxaa xoog talada dalka uga tuuray militariga Zimbabwe sanadkii 2017-kii. Waxa uu talada dalkaas hayey 37 sano, asagoo markii hore noqday Raysul wasaare kadibna madaxweyne. Tan iyo markii uu hawlgabka noqday, Mr Mugabe waxaa dhib ku ahaa socodka, wuxuuna muddo dhowr bilood ah arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka Singapore. Ma cadda in uu guriga ku sugnaa markii ay xatooyadu dhacday. Saddex kamid ah dadka la tuhunsan yahay ayaa lagu sii daayey damaanad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, halka qofkii afraadna la siidaayey. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan Boqol xubnood oo isugu jirta Saraakiil iyo Saraakiil xigeenno ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii ay tababar Ciidan ku soo qaateen Dalka Turkiga. Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar dambe) oo ka mid ahaa Madaxdii ku soo dhoweysay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga mahad celiyay Dowladda Turkiga oo dedaal weyn ugu jirta sidii ay Soomaaliya u dhisan lahayd Ciidankeeda. Sidoo kale wuxuu Wasiirku bogaadiyay dedaalkii ay geliyeen dhismaha Ciidanka Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llahi Maxamed iyo Ra’iisulWasaare , Xasan Cali Kheyre, wuxuuna sidoo kale ammaanay hammiga Dhalinyarada soo qaadatay tababarka ee ah difaaca Dalkooda Hooyo. Dowladda Turkiga ayaa wadda qorshe lagu soo celinayo tayadii uu Ciidanka Xooggu lahaa, iyadoo Dalkeeda u qaadday Dhalinyara badan oo halkaasi lagu soo leylinayo, waxanay sidoo kale Magaalada Muqdisho ka furtay Saldhig lagu carbiyo Ciidanka Difaaca, halkaasoo ay kasoo baxeen dufcado dhowr ah.
-
(SLT-London)Tan iyo markii ay dowlada Soomaaliya dalka ka caydhisay wakiilkii xoghayaha guud ee Qaramada u qaabilsanaa Soomaaliya Nichalos Haysom, waxaa shaki badan la galinayay habka uu ku sii wanaagsanaan karo xidhiidhka diblomaasiyeed ee soomaaliya kala dhaxeeyo wadamo badan oo ka soo horjeestay go’aankii ay Haysom ka qaadatay dowlada. Dalalka ka soo horjeestay aadkana u cambaaray’yay caydhintii N. Haysom waxaa kamid ahaa wadamada ku bahoobay midowga Yurub gaar ahaan dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska. Xoghayaha difaaca ee dowlada Britain Givan Williamson, oo dhawaan booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Hargeisa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa baajiyay kulan uu caasimada Muqdisho kula yeelan lahaa madaxwayne Farmajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Baaqashada ku timid kulanka uu xoghayaha difaaca UK la qaadan lahaa masuuliyiinta ugu sareyso dowlada faderalka ayaa daba socota xiriirka diblomaasi ee sii xumaanaya ee ka dhaxeeya dowlada faderalka iyo dowlada Britian tan iyo khilaafkii ka dhashay ceyrintii Mr Haysom, sida uu daabacay Wareyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska. 1’dii bishan Koobaad ayay ahyd markii dowlada Soomaaliya ay dalka ka caydhiyeen wakiilkii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya N. Haysom, oo su’aal laf dhuungashay ku noqotay dowlada ka keenay Xadhiga Mukhtaar oo Roobow lyo qalaalasihii ka danbeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen dad ku dhaw 20 ruux. Source
-
(SLT-Garoowe)Wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Puntland ay howlgallo ku baadi goobayaan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish ay ka wadaan Deegaanada ka tirsan Gobalka Bari. Ciidamada oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo sheegayaa inay howlgallo xoogan ka sameeyeen buuralaydka gobolka Bari. Howlgaladan oo badanaa ah kuwa joogto ah ayaa waxaa ciidamada ammaanku ay ku baadi goobayeen xubnaha ka tirsan Daacish iyo Alshabaab. Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii maalmo ka hor uu Madaxweynaha la doortay ee Puntland kulan la qaatay saraakiisha Amaanka ee deegaaanada Puntland, isagoona kala hadlay in la bilaabo dagaalka adag ee lala galayo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish, waxaa uuna saraakiisha faray in howlgalada ay ka bilowdaan Gobalka Bari. Source
-
Before Somalia’s civil war, the shorelines of the capital were renowned for their wide beaches, cool breezes, and pure blue ocean waters. In fact, all of these attractions are still there today. It’s just that in many locations, they’re spoiled by ever-spreading piles of trash. Mogadishu is a city of some 2 million people that produces an estimated 2,500 metric tons of garbage per day. And yet until very recently, it had not had a single designated trash disposal site or recycling plant. Instead, people dumped, and mostly continue to dump their trash in the streets, on the beaches or into the ocean itself. Photos acquired by the VOA Somali Service program Investigative Dossier show the extent of the problem. One picture captures a market worker dumping a wheelbarrow full of discarded fish scraps into the water. Others show huge mounds of cans, bottles, plastic bags, boxes, food waste, scrap metal and other trash strewn across the beaches, with goats and the occasional scavenger picking through the remains. Most ominous of all: photos of smoke rising from the brownish-gray piles as they bake in Somalia’s equatorial heat. Winds push the smoke and a foul smell across the city, burning eyes and noses, and endangering the health of Mogadishu residents, as well as the environment. To combat the problem, the Somali government officially announced the allocation of two sites for waste landfill in late December. One site is in Mogadishu’s northern district of Huriwa, the other in the Wadajir district in the city’s southern suburbs. But observers say more action is needed. There are currently no laws that ban trash dumping in the capital, and the issue is barely on the radar of police and city officials, whose first priority is maintaining safety in a city where al-Shabab militants launch frequent terrorist attacks. “The government has to have a policy, an environmental policy; we need legislation on waste management; lack of legislation is the reason we have rubbish everywhere,” says Hassan Nur, an environmental expert, and lecturer at Mogadishu’s Banadir University. “What is causing for someone to dump rubbish in the city? It’s because there is no law he is afraid of. Waste management cannot work without legislation.” Trash ‘deforms’ the cities Parts of the beaches remain garbage-free, and Somalis congregate there to enjoy the breeze and play in the warm water. Videos of the sun-splashed scene are a reminder why Mogadishu, before years of civil war, neglect and the militant insurgency left much of the city in ruins, was known as the Pearl of the Indian Ocean. One of the most popular sites, for both beach-goers and trash dumpers, is Jazeera Beach. Mohamed Yahye is a Somali journalist who says he has seen all kinds of waste products abandoned there. “I saw a tanker bring sewage waste and unload it onto the beach,” he says. Nur says rampant waste dumping can lead to higher rates of cancer, typhoid, hepatitis B and C, diarrhea and cholera. But, “it’s not just health problems, it also impacts on the environment – the air, the land,” he says. “It deforms the appearance of the cities… When you fly on a plane over Somali towns, you see trees being covered by plastic bags. These bags kill trees because they deny air. They are also a health hazard to the animals, who die when they eat [the bags].” Omar Abdullahi Hassan, the commissioner of the Wadajir district, which includes Jazeera beach, says it’s now illegal to dump trash at Jazeera, and he hopes the new disposal sites will be in use soon. “Beaches are the most beautiful parts of this country. It’s inappropriate to use them as dump sites,” he told VOA. “We have been working to get centers for management in recent weeks. Luckily, we found a large area [for waste disposal].” That may come as welcome news to Mohamud Yusuf Hassan, the head of the Environmental Cleaning Company, or ECCO. ECCO is one of three companies named by police as dumping trash on the beaches, although no arrests have been made. Hassan said his company, which employs 326 people, is heeding the warning from police. “We don’t dump into the sea now,” he says. But he says the company has trouble finding places to dispose of trash or conduct recycling. “There is no place to manage it,” he says. “Where do people take the rubbish to?” He too says the legislation is key in going forward. “Without legislation, there is nothing can be done,” he said. “There is someone carrying trash in his motorcycle or in a truck and there is nothing we can do if they dump it in the street, because there is no law prohibiting it. We can’t force him not to do it, all we can say is don’t do it.” Harun Maruf Hassan VOA
-
Muqdisho (Sh. M. Network )-Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadr Maxamed C/laahi Tuulax oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegaay in ay baarayaan waxyaabaha soo celceliya gubashada Suuqa Bakaaraha ee M/ Muqdisho. Guddoomiye Tuulax ayaa tilmaamay in dabkii xalay kakacaySuuqaasi uu baabi’iyay Handti badan oo ay lahayeen ganacsato Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu xusay in ka maamul ahaan ay xakameeyeen, kana hortageen in uu sii faafo dabkaasi. Dabkan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa xalay fiidkii hore uu ka kacay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta lagu iibiyo Huudheyda, kaas oo geystay khasaaro Hantitayadeed, walow aan la shaacin inta uu la’egyahay. The post Tuulax “Baaritaan ayaan ku henyaa gubadashadii Suuqa Bakaaraha” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-11012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka DuhurEe Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Canada, a nation of not quite 37 million people, wants to add more than 1 million immigrants through 2021. “Thanks in great part to the newcomers we have welcomed throughout our history, Canada has developed into the strong and vibrant country we all enjoy,” Ahmed Hussen, minister of immigration, refugees and citizenship, wrote in an annual report to Parliament. “Immigrants and their descendants have made immeasurable contributions to Canada, and our future success depends on continuing to ensure they are welcomed and well-integrated.” A year ago, Donald Trump, the president of the United States of America, said he didn’t want the U.S. accepting immigrants from Haiti or countries in Africa or similar “s—hole countries.” “My experience is not unique,” Hussen told The New York Times in 2017. “Canada receives a lot of refugees every year.” For Canada to add 1 million immigrants over the next three years, the nation would need to welcome approximately 350,000 — roughly 1 percent of its current population — in each of 2019, 2020 and 2021. “Canada is a world leader in managed migration with an immigration program based on non-discriminatory principles, where foreign nationals are assessed without regard to race, nationality, ethnic origin, colour, religion or gender,” Hussen wrote in his report. About 1 in 5 current Canadians are immigrants, according to the report, with more than 6 million arriving since 1990. About 13.7 percent of the U.S. population, roughly 1 in 7, in 2017 was foreign born, according to U.S. Census estimates. In 2016, that figure was 13.5 percent. ABC News
-
Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo xiray kalfadhigiisii 4aad, arrintan ayaa ku timid fariin ka soo baxday xafiiska guddoomiyha golahan Cabdi Xaashi. Sida uu qabo dastuurka KMG ah, goleyaasha sharci-dejinta waxaa ay sanadkii kulmayaan labo kalfadhi halka mid weliba dhammaadkiisa ay leeyihiin fasax, taasi ayaana hadda la cuskaday. Wararka waxaa ay sheegayaan in kalfadhiga 5aad ee aqalka sare uu furmi-doono 10-ka Maarso ee sanadkan, waxaana lagu wadaa in arrimo badan ay xilligaasi qabtaan. Waxaa xusid mudan in golaha aqalka sare uu hakiyey wada shaqeyntii uu la lagaa golaha shacabka kadib markii aqalka dambe lagu eedeeyey inuu baalmaray dastuurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Mexico) Madaxweyne Donald Trump ayaa markale ku dhaartay inuu ku dhawaaqayo xaalad degdeg ah oo qaran si lacag loogu helo dhismaha gidaarka xadka Mareykan iyo Mexico xilli koongareesku ku gacan seeray inay ansixiyaan qarashki lagu dhisi laha. “Waxaan xaq u leeyahay inaa ku dhawaaqo xaalad degdeg ah oo qaran,” ayuu ku yidhi warfidiyeenada xillli uu kusii socday xaflad ay ku lahaayeen xadka. Waxa uu sidoo kale madaxweyne Trump sheegay in dowladda Mexico ay “si dadbadan” u bixineyso qarashka dhismaha gidaarka. Laamaha dowladda Mareykanka ayaa qeyb ahaan ay xirnaayeen 20 kii maalmood ee lasoo dhaafay, taasi oo sababtay in ku dhawaad 800 oo kun shaqaalaha federaalka ah ay mushaar la’aan ku dhacdo. Madaxweyne Trump ayaa diidan inuu saxiixo sharci lagu maalgelinayo dibna loogu furayo howlaha laamaha dowladda haddii aysan ka mid ahayn 5.7 bilyan oo doolar oo lagu dhisayo gidaarka xadka Mexico iyo Mareykanka. Balse wadahadalo lagu arrinsanayay qarashka dhismaha gidaarka ayaa socon waayay xilli xubnaha dimoqaraadiyiinta ay ku gacan seereen inay ogolaadaan qarashkaasi. Hogaamiyeyaasha Republican-ka ayaa ku adkeysanaya in xisbigu uu garab taagan yahay madaxweynaha, inkastoo qaar ka mid ah xildhibaanada ay doonayaan in laamaha xukuumadda xayiraada laga qaado Source
-
(SLT-Muqdisho)Xalay saqdii dhexe ayaa lagu guuleystay in la damiyo dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ku faafay meelo badan oo suuqa kamid ah. Dabka oo bilowday abaaro 09:20 pm xiliga Muqdisho ayaa la damiyay 12:00 am saqdii dhexe, iyadoo gaadiidka dab damiska ee gobolka iyo kuwa shirkadaha gaarka ah ay ka qeyb qaateen daminta dabka. Wuxuu ka bilowday dabka qeybta Suuqa Huudheyda, waxaana uu markii dambe gaaray qeybta maacuunta iyo qeybta hilibka ariga lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha, sida ganacsatada ay sheegeen. Hanti badan ayaa dabka ku bas beeshay, waxaana markii dambe laga hortagay inuu ku faafo qeybo kale oo Suuqa kamid ah, kadib dadaal dheer oo la sameeyay. Wararka dheeriga ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dabka uu ka bilowday koronto, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan waxyaabaha soo celceliyay in suuqa weyn ee Bakaaraha uu dab ka kaco, waxaana dababkii ugu dambeeyay ay kabilowdeen Koronto. Ganacsato badan ayaa hantidooda kala baxay xalay Suuqa, iyaga oo ka baqayay in dabka uu gaaro goobahooda ganacsiga, waxaana dabkii xalay uu dhulka dhigay guryo badan, iyadoo hanti badan oo wali aan la tiro koobin ay ku baaba’day. Source
-
GOORMAY KULA QUMANAADEEN MADAXWEYNE WAXII SHALAY KULA QALOOCAY !!! ==================================================================== Waxa soo baxday in la kordhinayo oo doorashooyinkii dalku dib u dhacayaan mudo aan la sii garanayn, golaha guurtida Somaliland na kalfadhi aan caadi aheyn la isugu yeedhay maalinta sabtida. Haddaba marka aynu Somaliland eegno intii ay qaadatay nidaamka dimuqaradiga ah doorashooyinkii dalku xiligii loo cayimay kuma dhacaan iyada oo aanay jirin sabab macquul ah marka laga reebo mudokordhintii ugu dambaysay ee doorashadii madaxtooyada Somaliland oo ay Somaliland ka dhacday abaar baahsani. Waliba waxa xusid mudan iyada oo dad iyo xoolaha la madhanayo oo ay ahayd ta kaliya ee duruufihii sharcigu tilmaamayay ku xusan , Madaxwayne Biixi waxa uu ahaa ninkii yidhi aynu doorasho galno isaga oo kursigu u muuqdo, laakiin aan u fahmay in aanu dan ka lahayn dadka iyo xoolaha madhanaya ee reer Somaliland. Waxa uu tusaale inoogu soo qaatey wakhti dawladii Somalia ay dagaal ku jirtay oo doorashona ku soo beegantay in ay ahayd baan filayaa 1964kiiye. Haddaba shalay markii uu mucaaridka ahaa wuu diidanaa mudo kordhinta ee isweydiintu waxa ay tahay waxii shalay kula sharci darada ahaa maanta ma sharci ayey kula noqdeen? Waxii aad shalay diidanayd ee ahaa in komishan aanad kalsooni ku qabini uu doorasho kuu qabto ayaad maanta jeceshahay in komishan aan kalsooni loo haynini uu dadka wali soo hor fadhiyo. Waxa xisbigaaga iyo inta taabacsani ku doodaan xisbiga WADDANI baa diiday doorashada oo muranka iyo dooda uu ka qabo komishanka ayey doorashadu dib you dhacaysaa , isweydiintu waxa ay tahay dooda miyaanay aheyn mid ay xaq u leeyihiin hadii aanay ku kalsoonayn, miyaanay wanaagsanayn in garsoorkana la badelo oo aad tanaasushaan sidii shalay la idiinku tanaasulay iyada oo ahmiyadu tahay in doorasho dalka ka dhacdo. Somaliland waxa ay wax ku tahay oo ku iibsamaysaa in ay nidaamka ay qaadatay ka run sheegto oo doorashooyinka dalka wakhtigooda lagu qabto, doorashada dib u dhacday dalkana waa ku sumcad daro, xukuumada joogtana waa ku ceeb iyo foolxumo. Markaa waxaaban anigu shaqsiyan soo jeedin lahaa in ay kuraasida baneeyaan oo ay dalkooda iyo dadkooda u tudhaan Golaha Guurtida , Golaha Wakiilada , Goleyaasha deegaanada dalka iyo komishanka doorashooyinka qaranku si maanta somaliland waa cusubi ugu baryo, qaabkii degdeg loogu gali lahaana laga heshiiyo , si dalku iskula jaanqaado oo uu uga baxo ragaadka iyo raaf-dilaaca doorashooyinku inagu hayaan. Waxa aynu wax ku nahay isku tanaasulka wadatashiga iyo isqancinta oo caalamkuna inoogu joogsadaa hadii intii meesha ka baxdo oo ay noqoto taydaan wadanayaa , ma garanayo meel Somaliland loo wado , ee bal waa lagu eegi halkaad u socoto !!! Muhamed Dhimbiil Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Prof Yaxye Sheikh Caamir oo ah aqoonyahan ku taqasusay arimaha dhaqaalaha ayaa su’aalo ka keenay guddiga uu magacaabay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Guddigaasi ayaa ka shaqeyn doono soo celinta hantida qaranka Soomaaliya, waxaana ku jiro wasiiro iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Qoraalka Aqoonyahanka ayaa u qornaa sidan: Hantida Qaranka. Codsi. Adiga oo aan u qaadan Mucaaradnimo & Muxaafadnimo oo aan siyaasadeeyn iiga Jawaab su’aalahaan,si aan uga faa’iido aragtidaada. 1-Hantida Qaranka ee la iska qaato ma duugoowdaa waqti ahaan? 2- Haddii laga Soo bilaabayo wixii Ka dambeeyay 1991,wixii Ka horeeyay ma la xisaabinayo miyaa Sabab? 3- Sida loogu Kala baahanyay, mudnaanta Hantida la Soo celinayo maxaa cabir u ah? 4- Guddi Siyaasiyiin u baadan maxaa loogu magacaabay? 5- Hantida Qaranka Maku Jirtaa lacagta Kaashka ah ee loo baahan yahay in la Soo celiyo? 6- Gudiga wasiiradu waqti ma u hayaan, oo shaqadii loo igmaday, ma Ka soo faraxasheen? 7- Amarkaani ma Hantida Xamar ayuu Ku eg yahay Mise Gobaladana waa saameeynaa? 8- suura gal ma tahay in dad gaar ah oo fikirkooda la diidan yahay loo isticmaali Karo,in lagu handado? 10- ma tahay Waqtigii Ku haboonaa nabadgalyo ahaan? Waad Ku mahadsan tahay jawaabtaada Qore: Yahya Amir
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay khasaaraha dabkii xalay qabsaday suuqa Bakaaraha ee magaalada caasimada Muqdisho. Dabka oo ahaa mid aad u balaaran ka bilowday qaybta lagu iibiyo Huudheyda ayaa kusii fididay qaybta kale ee Khudaarta, iyadda oo ugu dambeyntii lagu guuleystay in gabi ahaanba la damiyo. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax, Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir oo ka gaabsaday inuu sharaxo waxa dhaliyay Dabka ayaa tibaaxay in khasaaraha uu ubadan yahay mid Hantiyadeed. Mr Tuulax ayaa daboolka ka qaaday inay socoto tirakoob uu maamulka gobolka ku sameynayo khasaaraha guud ee dhashay, taasi oo uu rajo wanaagsan ka muujiyay inaanu noqon mid wayn. Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Dab qabsado qaybo kamid ah Suuqa ugu wayn Soomaaliya ee Bakaaraha, waxaana markii ugu dambeysay ay ahayd sanadkii 2017-kii, markaasi oo khasaaro lixaad ah uu ka dhashay. The post G/Banaadir oo ka warbixiyay khasaaraha Dabkii Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland oo walaac badan ka qaba doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ayaa ka hadlay ruuxa ugu wanaagsanaa ee ku haboonaa inuu kusoo baxo doorashada Puntland. Wasiirka Biyaha Somaliland Suleymaan Yuusuf Cai Koore oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay filayeen in doorashada magaalada Garowe uu kusoo baxo Cali Ciise Cabdi oo ahaa musharax aan codad badan ka helin doorashada. Wasiir Koore, ayaa sheegay in doorashadii Puntland ay muujisay inaan la wada laheyn deegaanada Puntland, balse hal qabiil oo kaliya ay leeyihiin, maadaama inta badan dadka kasoo jeeda Garowe, Gaalkacyo ama Boosaaso loo doorto madaxweynaha Puntland. Musharax Cali Ciise Cabdi ayuu sheegay inuu ahaa ruux mudan inuu hogaamiyo Puntland balse aysan dhicin, taasi oo dhibaato ku ah dadka aan kasoo jeedin gobolada Bari, Mudug iyo Nugaal. Cali Ciise ayuu ku amaanay taariiqdiisa iyo waxqabadka lagu yaqaanay, balse xildhibaanada Puntland aysan tixgelin waxqabadka shaqsiyadeed ee Cali Ciise. “Waa wax aad iyo aad looga naxo natiijada doorashada, inaan la wada laheyn Puntland waxaa noogu filan, beentii dadka horey loogu sheegayayna oo in meesha reer leeyahay waxaa ugu filan doorashadii Cali Ciise Cabdi iyo meesha la dhigay, wuxuu ahaa shaqsigii ugu waayo aragsanaa Africa, sagaal wadan oo Africa ahna soo dhisay”ayuu yiri wasiirka. Cali Ciise Cabdi ayaa kamid ahaa musharixiintii sida weyn loo hadal hayay, balse ma noqon sidii laga filayay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Taliye Yuusuf Xundubeey oo katirsan saraakiisha ciidamada Booliska. Xundubeey ayaa dhowaan muuqaal ay ka duubtay gabar xaaskiisa ahaan jirtay la arkayay isaga oo jirdil iyo aflagaado u geeysanayay. Gabadhaasi ayaa u dhashay taliyaha gabar waxaana uu doonayay in uu xoog kaga qaato sida ay sheegeen dad aan la hadalnay. Qoraal ka soo baxay wasaarada amniga ayaa lagu sheegay arintaasi “Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga. Dad badan ayaa arintaani soo dhoweeyay iyaga oo sheegay in ay tilaabadaasi yareeyneeyso ku takrifalka awoodeed ee saraakiisha iyo xubnaha dowlada katirsan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Sarkaal gacan u qaaday xaaskiisii oo la xiray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay xabsi dhigeen sarkaal sameeyay ku tagrifal awoodeed. Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Xun-dubey ayaa lagu soo eedeeyay inuu Jirdilay xaaskiisa, kuna baahiyay baraha bulshadda. Taliska ayaa ku adkeystay inaanu marnaba loo dulqaadin karin in lagu xadgudbo sharafta iyo karaamada dadka Soomaaliyeed. The post Sarkaal ka tirsan Booliska Somalia oo xabsi la dhigay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Maamulka gobolka Banaadir iyo xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay ka shaqaynayaa sidii dib-udejin loo Barakacyaasha magaalada Muqdisho. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow], Duqa Muqdisho, ahna gudoomiyaha gobolka, ayaa tibaaxay in maamulkiisa uu ahmiyad gaar ah siinayo sidii mustaqbalka dhow Barakacyaasha uheli lahaayeen nolal fiican. Wasaarada Gargaarka iyo Musiibooyinka ee XFS ayuu tilmaamay inay isla garteen in magaalo madaxda laga hirgeliyo xarun looga gurmado dadkaasi, iyo marka ay timaado musiibooyin gaar ah. Magaalada Muqdisho oo ay ku nool yihiin 5-milyan oo ruux ayaa waxaa nool Barakacyaal ku dhibaateysan Xerooyin, waxaana maamulka gobolka iyo dowladda ay wadeen mudooyinkii dambe qorshe loogu gurmanayo. The post XFS iyo G/Banaadir oo xal uraadinyaa Barakacyaasha appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in xabsiga la dhigay sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliyeed oo dhibaato u geystay qof Dumar ah. Sarkaalka wasaaradda amniga ay sheegtay in xabsiga la dhigay ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Xundubey, waxaana loo heystay dhibaatada uu u geystay xaaskiisii hore, waxaana qoraalka wasaaradda uu u qornaa sidan:- “Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed”. Seddex arin ayaa sababtay in xabsiga la dhigo Yuusuf Xundubeey, waxaana ugu horeeya xirnaanshaha uu xirnaa dareeska ciidamada booliska Soomaaliyeed oo uu dhibaato u muuqatay handadaad ugu geysanayay qof Dumar ah. Arinta labaad ee fududeysay xarigiisa ayaa ah in xaaskiisii hore ay Live kasoo gashay baraha Bulshada, taasi oo keentay in dad badan uu gaaro muuqaalka, islamarkaana aad looga doodo Facebook, islamarkaana wasaaradda amniga ay ka jawaabtay. Arinta Seddexaad ee sahashay in Yuusuf Xundubeey xabsiga la dhigo ayaa aheyd in ruuxa uu dhibaatada u geysanayo ay tahay xaaskiisii hore oo ah qof Dumar ah. Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacin waxa laga yeelayo Yuusuf, balse waxaa inta badan dhacda in tacadiyada noocaan oo kale inay ku biyo shubtaan xal ay gaaraan qoysaska labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddiga Arrimaha Bulshadda ee Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida qaran oo uu shalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha. Senator Axmed Macalin Nuur [Axmed Nadiir], Gudoomiyaha Guddigaan oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa ku tilmaamay talaabada wasiirka 1aad ee XFS mid timid xili loo baahnaa. Gudoomiye Axmed Nadiir ayaa balanqaaday inay si dhow ula shaqayn doonan Guddiga, oo ka kooban 11 xubnood, oo 8 kamid ah yihiin Wasiiro, iyadda ay ku jiraan Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Xeer-ilaaliyaha qaranka. Ugu dambeyntii, Senator-ka ayaa kalsooni wayn ka muujiyay in Guddiga uu ku guuleysto waajibaadka culus ee la saarey, wuxuuna cod dheer ku tilmaamay in gacanta dowladda lagu soo celinayo Hantida haatan maqan. The post Aqalka Sare oo bogaadiyay Gudiga uu magacaabay Khayre appeared first on Shabelle. View the full article