-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Dagaal uu dhexeeya kooxaha Al-Shhaab iyo Daacish ayaa saaka waabarigii ka billoowday deegaanka Ceelka Miraale oo qiyaastii 70KM u jira magaalada Boosaaso. Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa rasaas socotay muddo saacdo ah, oo labada dhinac ay is-waydaarsanayeen, inkastoo ayasan dhaawac iyo dhimasho midna aan ishoodu qaban. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay Al-Shabaab ku amreen in ay ka guuraan dhulka wadooyinka ah, markii ay tageen agagaarka Ceelka Miraale. Ma jiraan wax faah-faahinno ah oo intaas dheer oo laga helay dagaalka iyo khasaarihiisa. 18-kii bishii December ee sanadkii 2018, ayey ahayd markii Al-Shabaab iyo Daacish uu dagaal ku dhex-maray meel aan ka fogayn dhulkan buralayda gobolka Bari ah ee maanta uu daagalku ka dhacay, kadib markii maleeshiyo Al-Shabaab ka mid ah ay ka tageen dhinaca buuraha Galgala oo ay fariisimo ku leeyihiin, iyagoo duulaan ku ah fariisimaha Daacish ay ku leeyihiin buuraha gobolka Bari. Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin dagaaladan la sheegay in ay u dhexeeya Al-Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale, Daacish iyo Al-Shabaab ayaan ka hadlin dagaalka, lamana oga sababta dhabta ah ee daalka ka danbaysa. Isha: VOA
-
(Markaan tabar hayey talo ma hayn, hadoon talo hayana tabar ma hayo)…..26/01/2019, waxaa Garoowe ka dhacday xaflad uu marti galin teeda lahaa Madaxwaynaha cusub ee Puntland Saciid Dani. Xaflada oo si heer sare loo so agaasimayey waxaa lagu casuumay siyasiyiin aad u kala afkaar duwan colaad siyaasdeed oo gaadhay heer uu dhiig ku daato ayaa goobta isugu yimid. Xalfadu way ka duwanayd sida lagu yaqaanay xafladaha noocan oo kale ah sababtoo ah dadku xor u ma ahayn in ay cabiraan labadii sano wixii dhacay dhaliilaha iyo toosin ninba wixii u muuqan lahaa in uu goobta ka sheego waxana goobta ka cadeeyey madaxdii meesha ka hadashay qaar ka mid ah iyagoo sheegay in uu ka codsaday Madaxwayne Said Dani. Waxaynu la wada soconaa in Madaxwayne Farmajo jeclaa in xafladu u dhacdo sidii tii Baydhabo oo kale laakiin wuxuu ilawsan yahay Garowe in ay ka dhacday Doorasho Xor iyo Xalaal ah oo tartan umada somaliyeed iyo aduun waynuhu arkayey oo aan faraglin jirin nocay doontaba. iyadoo siyasidiinta qaarkood laga hor istaagay in ay hadlaan codsiga madaxwayne Farmaajo awgii in madaxwayne farmaajo si laab la kac ah u raaco hadaladii Islaanka ee ahaa in la is cafiyo goobtiina ka yidhi anigu waan idin cafiyey ee idinkuna i cafiya. Hadaba maxaa ka horeeya in la is cafiyo? waa in marka hore cid kasta oo wax dhex mareen wada hadlaan, doodan, is qanciyaan kadibna is leeb xaadhaan lakiin waan idin cafiyey kadibna aad hadalo kale oo deel qaaf ah daba dhigto wax ka soconaya ma ahan e waxaa lagaga fadhiyaa AF IYO UUR WADA SOCDA. 10 cisho kadib laba sano ayaa u buuxsami doonta madaxwaynaha wixii dhacay ma jecli in aan halkan taxo umadu way ka dheregtsan tahay adna waad og yahay. Md madaxwayne 2020 xaalkaagu wuxuu u muuqadaa odhadan Somaliyeed ee tidhaahda (MARKAAN TABAR HAYEY TALO MA HAYN HADOON TALO HAYANA TABAR MA HAYO). Waxa kaliya ee Madaxwaynaha laga sugayaa is cafin ka hor waa in uu qabtaa qodobanadan soo socda 2019. 1- In qaabka dorashadu u dhaxayso iyo xeerarka dorashooyinka 2021 ka in ay noqdaan mid qaybaha kala duwan ee siyadada mamul goboleeda iyo labada gole ay ka wada tashayadaan si wada jir ahna loo ansaxiyo. 2- In Doorashooyinka dambe ee ka dhici doona mamul goboledada aanay noqonin sida kuwii shacaba lagu laayey ee afduubka loona adeegsaday ciidanka Itoobiya ee waxaa lagaga fadhiyaa doorasho sida tii Garowe ka dhacday oo kale. 3- In la dedejiyo wixii wax laga qaban karona laga qabto dib u eegista arrimaha dastuurka. 4- In la tix galiyo dastuurka iyo xeerarka wadanka u yaala ee aad ku dhaartay in badana ku cel celisay in aad noqon doonto Oday Somaliyeed. 5 In fara galinta laga daayo labada gole si ay u gutaan shaqooyinka hor yaala si ay u dhacdo doorashooyin qurux badan. Md Madaxwayne Labada sano ee ku hadhay ka fiirso oo ka fiirso oo ka fiirso hadii kale waxa ka qoomamayn doonta fursadihii ku soo maray iyo sidii aad wax u maraysay mar aad kaligaa tahay. Xil. Axmed Moxamud Maxamed Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in uu aqbalay soo-jeedin ka timid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ah in gobol nabadeed oo lagu golol xaaraya midnimada iyo wadajirka Soomaaliya lagu qabto Puntland. Madaxweyne Deni oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Kulan ayey maanta wada yeesheen madaxda, Kulankaas oo gogol xaar u ahaa in la is cafiyo, waxyaabaha khilaafka shakhsiga ah lagu saaro, danta guud laga wada shaqeeyo, howlaha iyo ajendayaasha dhabka u ah dowlad dhisidda si qoto dheer loo galo, loo lafo-guro, si loo gaari horumar shacabka Soomaaliyeed ku naaloonaayaan, runtii taasi waxaa ay horsjeeday in madaxweynaha JFS uu uu soo-jeediyo in shir la isugu yimaado bartamaha bisha 3aad, uuna ka codsaday dowladda Puntland inay gogoshaad marti-geliso”. Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay in Puntland diyaar u tahay inay kaalin ka qaadayo wadajirka, lagana shaqeeyo nabadgalyada, midnimada iyo ciribtirka nabadiidka. 2. 6-dii bil ee ugu dambeysay waxaa istaagay xiriirkii dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada kadib shir ka dhacay Kismaayo September 8, 2018, kolkaas oo golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ay xiriirka u jareen dowladda federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha Ciidanka Asluubta ee dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii maxaabiis Daacish ah ay ku aadeen nin British ah oo ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho. Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta ahna ku simaha Taliyaha Cabdikariin Cali Afrax, ayaa beeniyay in Ninkaasi la dhaawacay. Taliye Cabdikarin Cali Afrax, waxaa uu sheegay in kooxda weerarka gaysatay ay qorsheeyeen in ay xabsiga dil ugu dhex geystaan Anthony Thomas, oo dhawaan Ciidanka Ammaanka ay qabteen xilli la sheegay in uu watay waxyaabaha qarxa. Waxaa kale oo uu sheegay in Xabsiga ay ku booqdeen Ninkaas rag Caddaad ah oo baaritaan ku sameeyay islamarkaana aysan jirin wax yeello loo geystay. Falkaan ayaa dhacay xilli habeen ah, waxaana uu sheegay in Maxaabiista labada ah in horay loogu maxkamadeeyay falal argagixiso waxaana lagu xukumay min toban sano oo xabsi ah. Ninkan oo heysta labada Baasaboor ayaa u dhashay UK, waxaana la xiray todobaadkii hore kaddib markii laga shakiyay Boorso uu ku waday gaaska loo adeegsan karo qaraxyada oo uu doonayay in uu la raaco diyaadda Ethiopian Airlines. Hoos ka dhageyso codka Cabdikariin https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Cod-Asluubta.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa maanta shaaciyay Liiska guddiyada Golaha Wakiilada maamulkaasi. Guddiyadan oo tiro ahaan gaaraya illaa lix ayaa waxaa uu midkiiba ka kooban yahay lix illaa todobo xubnood. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Liiska Guddiyada G/Wakiilada Puntland Oo la shaaciyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya Puntland ayaa ku warramaya in haatan kulan gaar ah uu ka socdo magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa uu dhexeeyaa Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, siyaasiyiin iyo madaxda maamul goboleedyada dalka. Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankani looga hadlayo khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale Saaxfadda ayaa lagu soo warramayaa in ay dibad joog ka tahay kulankaasi oo ah mid uu albaabada u xiran yahay. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo, lana shaaciyo natiijada ka soo baxday shirkaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan DFS, madaxda dowladda goboleedyada iyo siyaasiyiin caan ah ayaa weli ku sugan M/ Garowe, kuwaas oo ka qeyb galay caleema saarkii Saciid Deni. The post Kulan xasaasi ah Oo ka socda magaalada Garowe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Cabdullahi Sheekh Maxamed ayaa ku guuleystay kursi ka banaanaa Golaha Shacabka, kadib markii uu ku soo baxay doorasho aan cidna kula tartamin oo ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Saddex Musharrax oo la tartamayay Xildhibaankani ayaa la sheegay in ay ka maqnaayeen goobta ay ka dhaceysay doorashada. Illaa iyo 44 Ergo ah ayaa ka qeyb qaatay doorashadan, iyadoo 35 ka mid ah ay u Codeeyeen Cabdullahi Sheekh Maxamed, sida uu shaaciyay xubnin ka mid ah guddiga doorashada madaxa banaan ee dalka. Dhinaca kale saddexda Musharrax ee aan soo xaadirin oo kala ahaa Isaaq Macallim Sheekh, Xasan Macallim Ibraahim iyo C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur ayaa sheegay in loo diiday in ay gudaha u galaan hoolka ay ka dhaceysay doorashada oo ay tilmaameen in la masuq maasuqay. Waa doorashadii ugu horreysay ee qabsoonta, iyadoo ay maqan yihiin qaar ka mid ah Musharraxiinta, inkastoo guddiga doorashadu uu shaaciyay in ay sax tahay doorashadaasi. The post Xildhibaan cusub Oo lagu doortay M/ Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa shaaca ka qaaday qorshaha uu ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre maanta u tagay magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya. Wasiirka arriamaha dibadda Kenya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo wadfigiisa waxa ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta. Sida uu sheegay xafiiskiisa, ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta. “Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Kenya ayaa yeelanaya kulan ay uga wada hadlayaan adkaynta xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo xariirka istaraatiijiyadeed ee labada dawladood” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Kheyre. Si kastaba wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa shaaca ka qaaday in socdaalka Kheyre uu la xiriiro farriin gaar ah oo uu u wado madaxweyne Uhuru Kenyatta. “Waxaan soo dhoweeyey ra’iisul wasaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, oo Kenya u yimid inuu farriin gaar ah u gudbiyo madaxweyne Kenyatta” ayay tiri Monica. Ilaa hadda lama yaqaan waxa ay tahay fariintan, iyo cidda uu Kheyre ka sido inkasta oo ay u badan tahay madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-280119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa baaq u dirtay dhaqaatiirta Ajaaniibta ah ee ka maqan Somalia iyo kuwa ku sugan, iyaga oo ka codsaday inay ka sameeyaan Soomaaliya adeegyo caafimad oo lacag la’aan ah. Mid kamid ah xubnaha kooxda Daacish oo laga duubay muuqaal luqadda English-ka ah ayaa wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah. Dadka Soomaaliyeed ayuu sheegay inay u badan yihiin beeralay iyo xoolo dhaqato, sidaasi daraadeed aysan helin adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah,waxaana uu sheegay in iyaga markii ay tageen tuulooyinka ay adeegyadaasi u sameeyeen dadka. Muuqaalka oo soconayay 15 daqiiqo, ayuu ruuxa u hadlay Daacish wuxuu ku sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay dhaqaatiirka ku taqasusay Qaliinada, Cudurada Ilkaha iyo cudurada guud. Wuxuu sheegay markii ay tageen Tuulooyin uusan magacooda sheegin inay dadka ka caawiyeen daaweynta cudurada qaar, wuxuuna sheegay in ku dhawaad 200 oo ruux ay gargaar u fidiyeen. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in maamulada ka jira dalka inaysan tixgelin iyo xiriir wanaagsan aysan la laheyn dadka reer Miyiga oo dhibaato dhanka caafimaadka ah qaba, waxaana cudurada ugu badan ee haya dadkaasi ku sheegay, Duumada “Malaria”, Shubanka iyo xanuuno kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shir muddo dhowr beri ah ka socdey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya isla markaana looga hadlayey Ansixinta qabyo qoraaleedkii 1aad, 2aad iyo 3aad ee qorshaha 2019ka ee mashruuca Tayaynta hay’adaha dawladda ee CIP ee baanka adduunku ka taageero dawladda Puntland ayaa lasoo gebogebeeyey. Qorshahaan ayaa ahaa qabyo qoraaleed dhowr heer oo kala duwan soo maray isla markaana ay soo diyaariyeen hay’adaha dawladda ee ka faaiideysanaya mashruuca CIP iyagoo la kaashaday khubaro caalami ah isla markaana ku saleeyey baahiyaha dhabta ah eek a jira hay’adahaasi. Waxaana shirkaasi kasoo qayb wakiillo ka socdey dhammaan hay’adaha ka faaiideysanaya Mashruuca, Xafiiska xiriirka Mashruuca iyo Madaxa ugu sarreeya Mashruuca ee Soomaaliya, iyadoona ugu dambayntii qorsheyaashaasi si rasmi ah loo meel mariyey. The post Qorsheyaasha Mashruuca CIP ee 2019 oo Nairobi lagu ansixiyey appeared first on Puntland Post.
-
Somali Prime Minister, Hassan Ali Khaire has arrived in Kenyan capital, Nairobi on Tuesday, weeks after Al-Shabaab attack on Dusit D2 hotel which left 21 people dead. The PM’s delegation was received by Kenya’s foreign affairs minister ambassador Monica Juma at the airport and then escorted to the state house, where he will meet with Uhuru. He was also welcomed by Somali ambassador to Kenya, Mohamed Ahmed Nur Tarsan. The prime minister is expected to deliver a special message to President Uhuru Kenyatta, according to the Kenyan Ministry of Foreign Affairs. The visit followed the deadly al-Shabaab terror attack in the capital, Nairobi two weeks ago. More than 21 people were killed and scores others were wounded during the attack at luxury hotel dusitD2 at Riverside. The two neighboring countries cooperate on security to fight against terror group based in Somalia. The post Somali PM begins an official visit to nighbouring Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka baay waxaa ka dhacday doorashada kursi ka banaanaa golaha shacabka oo uu ka geeriyooday Xildhibaan Khaliif Sheikh Cabdullaahi. Doorashada oo lagu soo gabo gabeeyay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartamayay afar musharax, waxaana kusoo baxay xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Maxamed. Musharixiinta ayaa codadka u kala helay sidan: Cabdulaahi Sheikh Maxamed 34 cod Isxaaq Khaliif Sheikh 4 cod C/qaadir Sheikh Maxamed Nuur 2 cod Xasan Macalin Ibraahom 0 cod Ugu dambeyn guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in Cabdullaahi Sheikh Maxamed uu noqday xildhibaanka kusoo baxay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Caasimada online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Saddex ardey oo lala xidhiidhinayo dilka macalin dalka Kenya ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii uu macalinka ka qaaday ardeyda Telefoonka gacanta. Peter Omari, oo wax ka dhigayay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Nakuru ee dalka Kenya ayaa waxaa weeraray ardey Khamistii lasoo dhaafay. Ardeyda ayaa laga mamnuucay inay Iskuulada u qaataan telefoonka dalka Kenya, taas oo looga hortaggayo khashka imtixaanaadka. Saraakiil ayaa BBC u sheegay in Peter Omari uu ardeyda kormeerayay xilli galab ah oo ay socdeen imtixaanaad. Dalka Kenya waxaa marar badan lagu weeraray macalimiin badan oo ay ardeyda dhibaato u geysteen. Source
-
Somali security forces have managed to arrest a government soldier who was reported to have shot and killed an unarmed civilian in Mogadishu, the Somali capital on Sunday night. The soldier whose name has not yet been identified opened fire at an auto rickshaw in the capital’s Waberi district, killing the driver named Abdinasir Aden Abdi. Police authorities said they are questioning the soldier at the district police station, and said he will be arraigned in court in the coming period. In the past 48 hours, Mogadishu has seen a series of targeted assassinations by suspected Al Shabaab militants amidst tight security measures. Despite being ejected from Mogadishu in 2011, the Al-Qaeda-linked militant group Al-Shabaab still capable of carrying out attacks, including car bombings and killings in the seaside city. The post Somali security forces nab soldier behind the shooting of a civilian appeared first on Shabelle. View the full article
-
Cabdullahi Sheekh Maxamed ayaa maanta ku guuleystay doorashada kursi bannaanaa oo golaha shacabka ah, doorashada ayaa ka dhacday Baydhabo. Kursigan ayaa waxaa April 2018 ka dhintay Xildhibaan Khaliif Sheekh C/laahi Dheere oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho. Doorashada Ayaa Waxaa Ay Aheyd Inay Ku Tartamaan: Isaaq Khaliif Sheekh C/qadir Shekh Maxamed Nuur Xasan Macallim Ibraahim C/laahi Shekh Maxamed Laakin sida uu ku warramayo weriyaha Goobjoog News ee Baydhabo, goobta doorashada ama hoolka waxaa yimid uun Cabdullahi Sheekh Maxamed, isaga ayaana ku guuleystay. Ergo dhan 42 oo codeysay waxaa loo kala helay: Cabdullahi Sheekh Maxamed 35 cod, Isaaq Khalif Duurey 4 cod iyo Cabdiqadir Sheekh 2 cod. Labo xildhibaan oo ka mid ah tartamayaasha oo la hadlay saxaafadda ayaa ka sheegtay guddiga doorashada, qaarkood waxaa ay sheegeen in albaabka laga celiyey. Goobjoog News, waxaa ay iskudeyday inay la xiriirto guddiga doorashada laakin uma suurigelin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Geeljire oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo oo dhawaan laga saaray xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu markii ugu horraysay sheegay in uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u tuhunsan yahay ka saaristiisa xisbiga KULMIYE, Halkan hoose ka DAAWO waraysi lala yeeshay Source
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya. Wasiirka arriamaha dibadda Kenya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo wadfigiisa waxa ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta. Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Kenya ayaa yeelanaya kulan ay uga wada hadlayaan adkaynta xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo xariirka istaraatiijiyadeed ee labada dawladood. The post Rw Khayre Oo si weyn loogu soo dhaweey M/ Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wargeyska Caanka ah ee Foriegn Policy ayaa daabacay warbixin layaab leh oo uu ka diyaariyay qorshe Maraykanku ku damacsan yahay in uu ku dhisto Jid dheer oo isku xidhi doona Saldhggiisa Milatari ee uu ku leeyahay Magaalada Jabuuti iyo Saldhigga Balli Doogle ee Duleedka Magaalada Muqdisho oo uu ku leeyahay xarun gara ah oo dhinaca Milatariga ah taasi oo aan la ogayn muddoda ay qaadan doonto iyo sida mashruucaasi u dhaqan gali doono. Wasaaradda Gaashaan-dhigga Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday mashruuca dhismaha waddo dhulka ah oo isku xidha Saldhigga ugu weyn Maraykanka ee Afrika ee dalka Jabuuti iyo Garoonka ciidanka Cirka Soomaaliya ee Balli-doogle oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha hoose ee dalkaasi Soomaaliya. Waddadan ayaa waxaa ay dhexmari doontaa sida wargeyskani sheegay dhulka Ismaamulka Soomaalida ee ay Itoobiya Maamusho, waxaana uu Mareykanku ugu talagalay in ay adeegsadaan Ciidankiisa ku sugan labadaasi saldhig oo uu ka dhigi doono mid weyn oo awood ahaan iyo shaqo ahaanba awood badan si uu gacanta ugu hayo danihiisa Geeska Afrika. Mashruuca dhismaha Waddadan ayuu wargeysku ku sheegay in ay qaadatay sharikad laga leeyahay Maraykanka oo fadhigeedu yahay Gobolka Virginia, taas oo lagu magacaabo Pacific Architects. Waddadan waxaa ay dhexmareysaa dhul khatar dhinaca amaanka ah oo meelaha qaar waxaa maamula Al-shabaab, waxaa kale oo ay mari doontaa dhul ay ka taliyaan malleeshiyo beeleed iyo Sohdin aan wali heshiis rasmi ah laga gaadhin oo u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxaa ay Waaxda Difaaca Mareykanka ee qorshahan waddaa sheegtay in waddadan qeybta Soomaaliya dhexdeeda ah ay ku ka ceyso $75Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Garoonka Balli-Doogle oo ku dhawaad 90 KM u jira Muqdisho ayey Ciidamada Mareykanka ah ee jooga waxaa ay sahayda u martaa dhinaca cirka waxaana u geeya diyaarado Helicopterro ah oo ka duula Garoonka Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Wargeyska Foriegn Policy oo maqaalkan daabacay ayaa sheegay in khubarro uu wareystay u sheegeen in u jeeddada Mareykanku ka leeyahay Waddadan ay tahay sidii uu u dhimi lahaa baahidda Awoodda dalka Shiinaha ee Geeska Afrika isna uu isugu sii ballaadhin lahaa. Shirkadda Pacific Architects, waxaa ay hore u heysatay mashruuca dhismaha saldhigyada Mareykanka ee Soomaaliya,waxaana bishii January ay sharikad iyada hoos tagtaa mashruuc ka hir gelisay Muqdisho taas oo lagu magacaabo Africa Expeditionary Services. Africa Expeditionary Services, ayaa dhismahan ka shaqeyn doonta iyada oo shaqaaleysiineysa sharikado kale oo gudaha ah inkasta oo hal sharikad oo aan mgaceeda la sheegin ay diidday mashruucan. Source
