-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Faarax Sheikh C/qaadir oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka hadlay hab dhaqan cusub oo uu sheegay inay lasoo baxeen madaxda dowladda Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la timid dhaqan cusub oo ay u alifeen xubnaha ka aragti duwan, isaga oo sheegay inay cambaareeyaan xubnaha mucaaradka ah. Sidoo kale wuxuu sheegay in dhaqanka ah in la weeraro mucaaradka dowladda inay la yimaadeen madaxda xukuumadda taasina ay tahay dhaqan cusub oo aan looga baran xukuumadihii hore. Xildhibaanka wuxuu sheegay in dowladihii dalka Soomaaliya ay si wanaagsan ula dhaqmi jireen kooxaha mucaaradka, balse hadda dhibaato ay qabaan mucaaradka, isaga oo tusaale usoo qaatay weerarida mucaaradka. Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay bartilmaameydsiga siyaasiyiinta iyo sharaf dilka uu sheegay in hadda lagu bilaabay qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Hoos ka dhageyso codka xildhibaanka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/qqqqqqqq.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Puntland Post ayaa ogaatay in kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ay ku muransan yihiin,baahinta muuqaal laga duubay dad ay ku laayeen gudaha magaalada Boosaaso. Madaxda sare ee kooxda Daacish ayaa isku’ khilaafsan, in ay soo bandhigaan muuqaalkan oo ay ka duubeen,dilka ganacsato iyo saraakiil ka tirsan laamaha canshuuraha Boosaaso,sida ay xogtani sheegayso. Xubno ka tirsan Daacish ayaa go’aansaday in ay muuqalkan faafiyaan,si ay taageero dheeri ah uga helaan Daacishta ku sugan dalalka Carabta,hase yeeshee xubno kale ayaa sheegay, in haddii muuqaalkan la baahiyo uu sababi doono kacdoon iyaga ka dhan ah oo Boosaaso ka bilowda. Xubnaha diiddan in muuqaalkan la baahiyo, ayaa tusaale u soo qaatay, dhibaatadii ay kala kulmeen,markii ay muuqaallo ka duubeen dad ay ku laayeen magaalada Muqdisho,taasi oo keentay in Al-shabaab ay ugaadhsi ku bilowday xubnihii Daacish ee Koonfurta Soomaaliya. Kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo wadaadka jirroolaha(cudur qaba) ee Cabdulqadir Mu’min ayaa ku dhuumaalaysta buuraleyda koonfurta ka xiga degmada Qandala ee gobolka Bari,tan iyo markii ay ku dhawaaqeen, in ay daacad u yihiin ururka Daacish ee dalalka Carabta. Xogtan ayaa Puntland Post ka heshay ilo’ kala duwan oo codsaday in aan magacyadooda iyo codadkooda midna la baahin sababo amni-darteed. PUNTLAND POST The post Daacish oo ku muransan muqaal ay ka duubeen Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wargeyska The Independent ee kasoo baxa Britain, kana mid ah wargeysyada ugu afka dheer dalkaas ayaa qoray warbixin ku addan in Xoghaayaha Dfaaca dalka Britain uu baajiyay booqasho uu ku imaan lahaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Xoghaaya Difaaca Britain, Gavin Williamson ayaa todobaadkii tagay wuxuu booqasho aan lasii shaacin ku tagay Magaalada Hargaysa ee Somaliland oo sheegta inay ka go’day Somalia inteeda kale, wuxuuna halkaas kula kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu kala hadlay arrimo badan. Sidoo kale, Gavin ayaa Wargeyska The Independent wuxuu baahiyay inuu doonayay markii hore in booqasho uu k tago Muqdisho balse uu safarkiisa u weeciyay Somaliland, wuxuu sababta uu sidaas u sameeyya ku sheegay inay salka ku hayso ceyrinta ergayga QM ee Somalia, Nicholas Heysom oo DF ay ka carisay dalka, markii ay ku eedeysay fara-gelin. Xukuumadda Faransiiska, ayaa iyadu kol sii horreysay ka hadashay inay ka xuntahay ceyrinta Heysom, balse Britain weli wax war ah kama aysan soo saarin, Inkastoo dadka siyaasada ka faallooda ay booqashada Xoghayaha Difaaca Birtain ku tagay Hargaysa ku micneenayaan in wax xoogaa aysan ku faraxsanayen go’aanka Dowladda Somalia ee lagu ceyriyay Heysom. Dhanka kale, Illaa hadda Dowladda Britain kama hadlin in Xoghayahooda Difaaca uu markii hore doonyay inuu Muqdisho ka dago iyo in socdaalkiisu uu ahaa halka uu tagay ee Somaliland. Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa aqbashay inay ergay cusub u soo magacowdao Somalia, iyadoo xubno ka hadlay tallaabada DF ay sheegeen in ay tahay tallaabo sumcad u horseedaysa Dowladda Somalia, balse ay jiraan caqabado ay dabada ku wadato. PUNTLAND POST The post Maxaa Sababay in Xoghayaha Difaaca Britain uu Baajiyo Safar uu ku imaan lahaa Xamar? appeared first on Puntland Post.
-
Biyo la’aan baahsan ayaa ka jirta qeybo ka mid ah deegaanno hoos taaga degmada Caynaba ee gobolka Sool. Biyo la’aantan ayaa Labadii bil ee ugu dambeysay waxa ay saameyn xooggan ku yeelatay dadka ku nool deegaannadaasi, waxaana halkaasi deggan Boqolaal qoys oo ka mid ah dadkii ku cayroobay abaarihii dalka ka ku dhuftay. Dadka deegaannadan ayaa kuu sheegaya iney halis ugu jiraan u dhimashada harraad haddii aan degdeg looga soo gaarin. Waxgaradka deegaannadaasi ayaa codsanaya in si degdeg ah loo soo caawiyo, sidoo kale waxa ay dalbadeen in lala soo gaaro raashiin iyo biyo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/BIYO-LAAAN-ADEEG-LAAAN-KA-JIRTA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxgaradka ku dhaqan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ka hadlay doorashadii 8-dii bishan ka dhacday magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Nabadoon C/casiis Sheekh Yuusuf oo ka mid ah waxgaradka ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay in ka waxgaradk ahaan diyaar u yihiin in si buuxda ula shaqeeyaan madaxweynaha cusub. Wuxuu tilmaamay in Dani aanay aqoon wanaagsan u lahayn, balse u arkaan shaqsi wax qaban doono, maadaama ay jiraan dad badan oo isaga aqoon u leh misane amaanay. Dhanka kale, Nabadoonkan ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Puntland in ay si buuxda ula shaqeeyaan madaxweyne Dani. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/NABADOON-CABDICASIIS-SHEEKH-YUUSUF-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ganacsatadii habeen ka hor ku hanti beeshay dadbkii ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa ka dalbaday dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed iney caawiyaan. Waxa ay sheegeen in halkaasi uga burburtay hanti aad u badan, islamarkaana hadda ay meel eber ah ka taagan yihiin. Ganacatadan ayaa sheegay in boqolaal qof ay ku noolaayeen hantidii ka burburtay, islamarkaana ay codsanayaan in loo soo gurmado. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CODADKA-BARAAKO-DABKA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la qorsheeyay, in uu si rasmi ah xilka ula wareego maalinta Isniinta ah ee ku beegan 14-ka bishan Jannaayo 2019. Mudane Deni ayaa xilka kala wareegaya Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo Puntland soo maamulayay 5-tii sano ee u dambaysay,balse looga adkaaday doorashadii todobaadkii hore. Sida ku cad Dastuurka dowladda Puntland qodobkiisa 80 aad fiqraddiisa 4aad, madaxeynaha cusub waxaa waajib ku ah, in uu mudda 21 cisho ah ku soo dhiso golihiisa xukuumadda. PUNTLAND POST The post Puntland: Goormuu xilka la wareegaya madaxweynaha cusub? appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday nooca ay noqon doonaan golaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in wasiirada uu dhawaan soo dhisi doono uu meelo badan ka eegi doono, isaga oo sheegay inuu ka fakarayo tayada ay yeelan doonaan wasiirada maamulka Puntland. Ugu horeyn wuxuu sheegay in golaha wasiirada ee uu soo dhisayo uu kusoo xulan doono dhanka aqoonta, isaga oo sheegay inay doonayaan inay wax badan ka badalaan deegaanada Puntland. Sidoo kale wuxuu sheegay in door weyn Haweenka ay ku yeelaan doonaan golaha wasiirada Puntland, waxaana haweenka ay aad ugu yar yihiin golaha wakiilada, maadaama hal haween ay ku jirto. Wuxuu sidoo kale sheegay in dhalinyarada door muuqda ay ku yeelan doonaan golaha wasiirada maamulka Puntland, waxaana uu sheegay in dhalinyarada wax baratay ay wax ka badali karaan deegaanada Puntland. Sideedii Bishaan Janaayo waxaa magaalada Garowe lagu doortay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kadib markii uu 4 cod kaga guuleystay Generaal Asad Cabdullaahi oo ay isku soo hareen wareegii ugu dambeeyay. Waxaa hadda laga sugayaa inuu soo dhiso golaha wasiirada maamulka Puntland, waxaana saacadihii ugu dambeeyay uu waday kulamo wadatashi ah. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Dib u dhac ayaa marar badan ku yimid in dib u furmo kalafadhiga baarlamaanka maamulka Hirshabelle, iyadoo taasina ay ka hadleen xildhibaanno ka mid ah baarlamaankaasi. Xildhibaan Cumar Maxamed oo baarlamaanka Hirshabelle ka mid ah ayaa u sheegay Goobjoog in Saddex jeer lagu fashilmay inuu dib u furmo kulankaasi. Madaxda ugu sarreysa ee Hirshabelle ayuu sheegay in ay ka maqan yihiin magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe, wuxuuna tilmaamay in guddoomiye ku xigeenka Labaad oo kaliya magaalada joogo. Dastuurka Hirshabelle ayaa qaba in Kalfadhiyada baarlamaanka uu furo madaxweynaha Hirshabelle oo Jowhar muddo ka maqan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAREEYSI-XILDHIBAAN-CUMAR-MAXAMED-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Gaalkacyo ayaa laga daah furay mashruuca qaabeynta magaaladaasi oo muddo Lix bil ah ay wadday dowladda Hoose oo kaashaneysay shirkadda Daldhis. Munaasabad lagu daah furayey mashruucan waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, mas’uuliyiinta Gaalkacyo iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale oo Galmudug ah. Duqa Magaalada Gaalkacyo, Xirsi Yuusuf Barre ayaa halkaasi ka sheegay muhiimadda uu mashruucan u leeyahay magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale, Injineerada howshan wadan ayaa sheegay in muddo Lix bil ay dedaal badan ku wadeyn qaabeynta magaaladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Gaaalkacyo-waxa-laga-Daah-furay-Masharuuc-loogu-tala-galay-qaabeynta-iyo-Hormarinta-Magaalada.mp3sax.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Afgooye ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa digniin culus u diray kooxaha Buracadda ee Isbaarooyinka dhigta deegaanada gobolkaasi. Guddoomiye Barre ayaa tilmaamay in si isku mid ah ay ula dagaalami doonaan Al Shabaab iyo Burcaddaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/ismaaciil-turki-.mp3 The post Maamulka Sh/ Hoose Oo sheegay in ay la dagaalamayaan kooxaha Isbaarooyinka dhigta gobolkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa sheegay ina xabsiga dhigeen askari ka tirsan ciidamada oo dhaawac u geystay agaasimaha wasaaradda caafimaadka Somaliland. Agaasimaha wasaaradda Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa shalay lagu dhaawacay magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku baxay xarun wasaaradda leedahay oo la doonayay inay shaqsiyaad dhistaan. Agaasimaha ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray lugaha, waxaana uu sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, islamarkaana uu soo wadan karo shaqadiisa, isaga oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa. Wararka ayaa sheegaya in Xergeeye uu ka dhaawacmay bowdada, balse xabadda ayaa la sheegay inay hilibka ka dhex baxday, islamarkaana ma jirto jab lafta ka gaaray, sida dhaqaatiirta ay xaqiijiyeen. Sidoo kale waxaa soo baxaya in wasaaradda ay dooneysay in askariga iyo dad kale oo shacab ah la doonayay in laga raro goob ay leedahay wasaaradda, halka askariga uu doonayay inuu goobta dhisto. Masuuliyiinta SOmaliland ayaa sheegay inay qabteen askariga falkaasi, islamarkaana xabsiga la dhigay askarigaasi, iyo dad kale oo doonayay inay xoog ku dhistaan xarunta ay leedahay wasaaradda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qoraal ka soo baxay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa lagu sheegay in xilka ay ka qaadeen guddoomiye ku-xigeenka guddigaasi Sayid Cali Sheekh. Guddiga ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka in uu ku tuntay sharuucda guddiga, islamarkaana uu ka shaqeeyay in uu dumiyo guddiga. Qoraalka ayaa waxaa ku saxiixnaa guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo shan xubnood oo ka mid ah Guddigaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay gudoomiye ku xigeenka xilka laga qaaday oo ku aadan arrintaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Guddiga Doorashooyinka Oo Xilka Ka Qaaday Guddoomiye ku xigeenka Guddigaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kulan lagu wadey maanta in ay yeeshaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa u baaqday kooram la’aan, sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay golaha. Qoraalkan oo koobnaa ayaa u qornaa “Dhamaan xubnaha xildhibaanada waxaa lagu wargalinayaa in uu baaqday shirkii berito lagu balansanaa oo laga dhigay maalinta isniinta tr.14/1/1/219”. Warkan ayaa imaanaya saacado kadib markii uu golaha xildhibaannada u diray fariin ah in maanta oo sabti ah uu dhaco kulan. Fariinta hore waxaa ay u qorneyd sidan: Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS Ayaa Kulan Ku Leh Beri oo ah sabti Tar 12/1/2019, AJENDAHA: Shirka bari waa 1. U codeynta wax ka badelka sharciga Hantidhawraha guud 2. Xeer Maamul Bankiga dhexe Saacada: 09.00 am (Subaxnimo) Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-120119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay fiidnimadii helay ogeysiis la xiriiray inay maanta yeelanayaan kulan looga doodayay dhowr qodob. Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay inay maanta ka doodi lahaayeen labo qodob oo kala ah u codeynta wax ka badalka sharciga Hanti dhowrka iyo Xeerka maamulka Bangiga Dhexe, sida ku qorneyd fariimaha loo dilay xildhibaanada. Laakiin xildhibaanada ayaa markale loo diray fariimo kale oo loogu sheegayo in dib loo dhigay kulanka maanta ay yeelan lahaayeen, waxaana la cadeyn sababta arintaasi ka dambeysa. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada ka maqan dalka lagu wargeliyay inay si deg deg ah u yimaadaan Muqdisho, waxaana muuqata yaraanta Kooramka iyo ahmiyada qodobada ay leeyihiin. Sidoo kale waxaa muuqata xasaasiyada uu lahaa kulanka laga doodi lahaa, maadaama Bangiga Dhexe loo dhiibay qof Ajnabi ah. Sababta xildhibaanada loogu yeeray ayaa ah in lasoo xirayo kalfadhiga Afaraad ee baarlamaanka, kadibna ay fasax geli doonaan ka hor inta aan la gaarin Kalfadhiga Shanaad. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulankooda caadiga ah yeesha maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana maanta muuqato inuu baaqanayo kulankooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qaadday tallaabadii ugu horreysay ee la xiriirtay magacaabista guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, oo markii ugu horreysay noqonaya qof ajnabi ah. Caasimada Online ayaa xogtan xasaasiga ah shaaca ka qaaday Jimcihii [Halkan ka aqri], waxaana hadda la isugu yeeray xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo la horgeyn doono sharci wax looga beddelayo xeerka Bankiga Dhexe, oo dhigaya in shuruudda koowaad ee laga doonayo qofka xilka guddoomiyaha bankiga dhexe qabanaya uu yahay muwaadin Soomaaliyeed. Qoraal xildhibaanada loo diray jimcihii ayaa loogu sheegay in “Sabti Tar. 12/1/2019, uu dhacayo shirkii Golaha, Ajendaha looga hadlayana uu yahay: U codeynta wax ka badelka sharciga Hantidhawraha guud iyo Xeer Maamul Bankiga dhexe, laakiin 35 daqiiqo kadib waxaa soo baxday wargelin kale oo dib loogu dhigay kulanka. Si kastaba, kulanka ayaa dib loo dhigay ayada oo fariin kale oo loo diray xildhibaanada lagu yiri “Dhammaan xubnaha xildhibaanada waxaa lagu wargalinayaa in uu baaqday shirkii berito lagu balansanaa oo laga dhigay maalinta isniinta tr.14/1/1/219, Waxaa la farayaa in ay xidhibaanada maqan si deg deg ah ku soo galaan.” Baaqashada kulanka ayaa timid saacado kadib warbixintii ay Caasimada Online ka qortay arrintan, ayada oo xildhibaano la hadlay Caasimada Online ay sheegeen in arrintan sir ahayd, balse hadda ay guux badan abuurtay oo dowladda ka cabsatay in sharciga la diido. Wararka qaar ayaa sheegaya in xilkan loo magacaabi doono nin lagu magacaabo Nigel Roberts oo u dhashay dalka Britain muddo badanna kasoo shaqeeyey Bankiga Adduunka, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somalilanad ayaa xaqiijiysay in UK ay dooneyso, ayadana ay diyaar u yahay inay saldhig milatarika siiso magaalada Berbera, waxayna sheegtay inay diyaar u tahay inay dalal kale casuumto. Axmed Xasan Cigaal oo ah wakiilka Somaliland ee Itoobiya, ayaa wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay in wada-shaqeyn milatari iyo saldhig UK oo laga sameeyo Bebera, ay ahaayeen arrimihii looga hadlay kulankii wasiirka difaaca UK, Gavin Williamson uu Hargeysa kula yeeshay madaxda Somaliland, toddobaadkii tagey. “Haddii dal aad nooga yar oo Jabuuti ah uu saldhigyo badan marti-geliyo, maxaa u diidaya Somaliland” ayuu yiri Cigaal. Jabuuti waxaa saldhigyo milatari ku leh dalalka Mareykanka, Faransiiska, Talyaaniga, Shiinaha iyo Japan. “Somaliland waxay muhiimad u tahay UK, dalal badan ayaa doonaya inay halkan saldhigyo badan ka sameystaan, UK aad ayay u xiiseeneysaa middaas” ayuu yiri Cigaal. Danaha UK ee Somaliland waxaa sidoo kale ka mid ah xoojinta xiriirka dibadeed iyo kan dhaqaalaha, sida uu sheegay Cigaal. Cigaal ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Ruushka iyagana laga yaabo inay Somaliland yimaadaan oo ay saldhig ka sameystaan. “Waxaan dooneynaa inaan casuumno cid kasta oo dooneysa inay yimaadaan Somaliland” ayuu yiri Cigaal, isaga oo tilmaamaya in goor horeba Imaaraadka Carabta uu billaabay hanaan uu saldhig uga furanayo Somaliland. Sida uu sheegay Cigaal, quwadaha adduunka oo saldhigyo ka samaysta Somaliland, waxay taas ka caawin kartaa inay hesho aqoonsi, waxayna maal-gelin u tahay gobolka oo idil. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Xog:UK oo ergey cusub u soo magacowday Somaliland Dawladda Uk ayaa jamhuuriyadda Somaliland u soo magacowday ergey cusub, kaas oo bedeli doono haweenay Ingiriiska wakiil uga ahayd Somaliland oo fadhigeedu ahaa Hargeysa. Warar aanu helnay ayaa xaqiijiyay in ergayga cusub magaciisu yahay Stuart Brown, waxaanu bedeli doonaa Rosie Tapper oo madax ka ahayd xafiiska Ingiriiska ku leeyahay Hargeysa. Rosie ayaa loo bedelay inay madax ka noqoto qaybta siyaasadda ee safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay magaalada Baqdaad ee Ciraaq. Ergaygan cusub ayaa toddobaadka dambe soo gaadhi doona magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, oo uu joogi doono labada sannadood ee soo socda, waxaanu xidhiidhin doonaa Somaliland iyo Ingiriiska. Xidhiidhka Somaliland iyo UK ayaa sii xoogeysanaya. Toddobaadkii hore waxa magaalada Hargeysa yimi xoghayaha gaashaandhigga UK, Gavin Williamson oo la kulmay Muuse Biixi Cabdi. Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay shan askari oo ay sheegeen inay ka goosteen ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan, kadibna ay isku dhiibeen. Askartaasi ayaa lagu soo bandhigay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Dhalinyarada ka goostay ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Maxaas ayaa la sheegay inay gadood ahaayeen, waxaana warbaahinta Al Shabaab ay daabacday in xubnahaan ay kamid ahaa ciidamada difaaca ee degmada Maxaas. Shabaab ma sheegin Magacyada askarta ay sheegeen inay ka goosteen dowladda,isla markaana isku dhiibay,waxaana sidoo kale weli ka hadlin saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan. Dhawaan degmada Maxaas waxaa ka dhacay dagaal qabiileed sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana xiisadda ay wali ka taagan tahay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
-
London (Caasimada Online) – Dawladda Ingiriika ayaa jamhuuriyadda iskeed isku magacwoday ee Somaliland u soo magacowday ergey cusub, kaas oo bedeli doono haweenay Ingiriiska wakiil uga ahayd Somaliland oo fadhigeedu ahaa Hargeysa. Warar aan helnay ayaa xaqiijiyay in ergayga cusub magaciisu yahay Stuart Brown, waxaanu bedeli doonaa Rosie Tapper oo madax ka ahayd xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa. Rosie ayaa loo bedelay inay madax ka noqoto qaybta siyaasadda ee safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay magaalada Baqdaad ee Ciraaq. Ergaygan cusub ayaa toddobaadka dambe soo gaadhi doona magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, oo uu joogi doono labada sannadood ee soo socda, waxaanu xidhiidhin doonaa Somaliland iyo Ingiriiska. Xiriirka Somaliland iyo UK ayaa sii xoogeysanaya. Toddobaadkii waxay magaalada Hargeysa tegay xoghayaha gaashaandhigga UK, Gavin Williamson oo la kulmay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Nin caadadii ma daayo, bahalna ceyriin, Soomaaliya,laga soo bilaabo xilligii la qaatay xorriyada, ninkii mar madaxweyne noqda mar labaad masoo laabto. Haddii xittaa isaga isa soo sharxo, markale looma doorto madaxtinimo. Si kasta, oo uu Xildhibaanada usoo xusho, si kasta, oo uu lacag laabta oogu shubo, si kasta, oo uu balanqaad ugu beer laxowsada, haddana xagaa bay noqdaan wuxuu ku xiiqay. Intay ku cawo seexiyaan cododkooda ayey aakhirki cashar u dhigaan. Isagoo urugeysan ciilna u dheeryahay buu iska carraabaa! Dad badan baa su’aashaas is weydiiya, asii jawaabteeda weli ka caajisan. Aan halkan idinku soo gudbiyo saddex waxyaabood oo sabab u ah: 1) – Doorashada ka hor, balanqaad fulintooda beenowda! Siyaasaddu sariig malahoo, Siyaasi kasta oo isu soo sharxa xilka madaxtinimo, ka hor doorashada, wuxuu sameeyaa balanqaadyo afka ah, asii aan ka imaan dhuunta dacalkeeda, tiiyoo ay dheertahay inuusan ogeyn war iyo wacaal waxa arlada yaal. Doorashada kadib, halki laga filayay fulinta balamihii uu fagaaraha ka sheegay, ayaa wuxuu bilaabaa ka doorbiidid howlo kale. Balanqaadyadiisu waxba kama soo naasa-cadaadaan. Bedelkeed, wuxuu ku dadaalaa ka guul gaarida howlo isaga u gaar ah. Qaarkood, halkii balan-oofin laga sugayay, ayey baaba’a ummada u horseedaan. Ammaanka iyo nabadgalyada ayaan soo celinayaa oraahdiisa aheyd. Dagaal iyo dhiig daata ayaa bedela, dhaqaalahaan kor u qaadayaa halqabsiga ahaana, sicir-barar iyo musuq baa booskaasi buuxiya, caafimaad iyo waxbarasho ayey bulshadu ku naaloon doontaa, cudur iyo tayo xumaa dadku la tacaalaan ayaa bedela. 2) – Xildhibaano cusub oo xilalka la wareega. Inta badan waxaa dhacda, tartanka kiisa labaad ee doorshada Xildhibaanada, inay baarlamaanka soo galaan, wejiyo cusub, kuwaasoo ka duwan kuwii hore, ka xamaasadeysan Xildhibaanadi hore, kana xisaab badan. Waxay taasi sababtaa, in Xildhibaanadaasi is bedel sameeyaan, maadaama iyaga curdun yihiin ayey doorbidaan madax cusub. Wallow ay jiraan xildhibaano kursiga kusoo laabta, haddana dhirta masaartii laga jaray baa dib loogu jaraaye, isla iyagii oo uu soo xushay ayaa xilka ka xayuubiya 3) – Xiiso-Xunbeedka Soomaalida Horaaa loogu maahmaahay “Xunbo iyo xiisaba way dhacaan” Ogow soomalid, been way sheegtaaye kuma maahmaahdo. Dhab ahaantii, soomaalida waa bulsho ku duwan dhankasta umaddaha kale, gaar ahaan xagga dhaqanka. Waxaa lagu tiriyaa inay yihiin bulsho xiiso gaaban. Waxaana taas cadeyn kaaga filan, sida dhacdooyinka ama xaaladaha soo wajaha u gaarsiiyaan heerka ugu sarreeya, dhanka ugu sarreeysana ka eega, si xagjirnimana ula macaamila, taasoo ugu danbeyn sababta in xiiso-go’eedu soo degdego. Tusaale hakaaga filnaato dhacdooyinkii xasaasiga ahaa ee dalka soo maray iyo sida fudud ee loo iloobay. W/Q Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Bangkok (Caasimada Online) – Gabar Sacuudiyaan ah oo kasoo carartay qoyskeeda kuna xanibneyd garoonka diyaaradaha magaalada Bangkok ee dalka Thailand, ayaa xalay u dhooftay dalka Canada kadib markii magan-galyo la siiyey. Rahaf Mohammed al-Qunun oo 18 jir ah ayaa isku dayeysay inay iska dhiibto dalka Australia markii lagu celiyey garoonka Bangkok oo loo sheegay inay ku laabato dalka Kuwait oo ay qoyskeeda ku sugayeen. Waxa ay diiday inay dib ugu laabato qoyskeeda waxayna isku xirtay qolka hotel ku dhex-yaalla garoonka diyaaradaha, ayada markii dambena kadib ka baxday diinta Islaamka, sida ay sheegtay. Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa weriyayaasha u sheegay “Canada way caddeysay inaan mar walba u taagganahay difaacidda xuquuqda adanaha iyo xuquuqda haweenka dunida oo dhan. Markii QM ay naga codsatay inaan siino magan-galyo, waan aqbalnay”. Canada ayaa hadda ka hor ka carreysiiyey dowladda Sacuudiga, markii ay ku baaqday in lasii daayo haweenka u dooda xuquuqda aadanaha ee lagu xiray dalka Sacuudiga, taasi oo keentay in Riyadh ay soo cayriso safiirka Canada, islamarkaana joojiso ganacsigii kala dhaxeeyey dalkaas. Sheekada Rahaf Mohammed al-Qunun ayaa soo jiidatay indhaha caalamka oo idil, waxaana aad uga hadlay uguna dooday warbaahinta, dowladaha iyo shacabka reer galbeedka. Caasimada Online Xafiiska Kuala Lumpur caasimada@live.com