Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Daawo Tv ga , marka uu hadlayo Madaxwaynuhu , hadaad doonayso in aad ogaato heerka uu marayo khilaafka labada dawladood ( S/land iyo Somalia ) . Daawo Tv marka uu hadlayo , Madaxwayne Xigeenku hadaad doonayso in aad ogaato , Mashaariicda wadanka ka socota . Daawo Tv marka uu hadlayo Cirro , hadaad doonayso in aad barato sidda loo dabaal joogteeyo . Daawo Tv marka uu hadlayo Faysal , hadaad doonayso in aad tijaabiso xasuustaada . Daawo Tv marka uu hadlayo Dr Sacad , hadaad doonayso in aad ogaato heerka dulqaadkaaga . Daawo Tv marka uu hadlayo Maxamuud Xaashi , hadaad doonayso in aad ogaato faraqa u dhaxeeya kursiga iyo kursi la’aanta . Daawo Tv Horn Caple Tv , hadaad doonayso in aad aragto muuqaalka Siyaasadda . Daawo Tv marka uu hadlayo Jaamac Shabeel hadaad doonayso in aad ogaato mustaqbalka xisbinimada . Daawo Tv maka uu hadlayo Sheekh Mustafe , hadaad doonayso in aad nasato . W/Q: Axmed Nuur Guruje. Source
  2. Muqdisho(SMN)- War Saxaafadeed uu soo saaray gudoomiyaha gobolka Banaadir ana duqa muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cimaan Eng Yarisoow ayaa xilkii looga qaaday gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degmada dharkiinleey,gudoomiye ku xigeenka siyaasadaiyo laba gudoomiye waaxeed oo degmadaasi ka tirsanaa. Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa lagu kala magacabaa Liibaan Geedi Cumar oo ahaa gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degmada dharkiinleey,Daa’uud Cabdulaahi Nuur gudoomiye ku xigeenka siyaasada iyo Maxamed Aadan Cismaan oo kamid ah labada gudoomiye waaxeed ee xil ka qaadista lagu sameeyay. Lama oga sababta ka danbeysa xilka qaadista xubnahan ka tirsanaa maamulka degmada Dharkiinleey,balse wareegto maanta ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa xilalkii looga qaaday. The post Duqa Muqdisho Oo Xil Ka Qaadis Sameeyay appeared first on Shabelle. View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdullaahi Saxardiid (cadaani) ayaa waxa uu ka hadlay qoraal lagu baahiyay Facebook Lagu Samaysatay Magaciisa oo sawirkiisa la saartay. Cismaan Cabdullaahi Saxardiid (cadaani) ayaa waxa kale oo sheegay in uu Muuse dabadii u taagan yahay guddoominta xisbiga Kulmiye, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Buugga cusub ee The Strange Death of Europe: Immigration, Identity, Islam ee uu qoray Douglas Murray waan xiisaynayaa in aan akhriyo. Yurub mashaqo weyn baa ka taagan. Waa qaaradda dunida u gu horumarsan u guna nolol wanaagsan. Sidaa darteed waxaa loo ga baahan yahay xoogsato badan oo shaqaysa. Wax kaleba haddii la daayo waxaa shaqaale badan loo ga baahan yahay daryeelka dadka gabgaboobay ee ciidda ka batay. Haa, dadka gabgaboobay ee daryeelka u baahani qaaradda aad ayay u gu badan yihiin, waayo Yurub waa qaaradda dunida u gu dhimasho yar gabowga hortii, sidaa darteed dadka gaadha da’da raqaye aad bay u badan yihiin. Dhanka kalena Yurub qofka gabooba ma hayaan carruurtiisa iyo kuwa uu awowga iyo ayeyada u yahay, waxaa se daryeelkiisa u xilsaaran bulshada uu isaguba u soo shaqeeyay ee weligii cashuurta soo siinayay. Iyada oo ay sidaa tahay ayay dumarka Yurub muddo dheer diiddanaayeen in ay dhalaan carruurtii dalku u baahnaa. Maxay dumarku u dhali waayeen carruurtii dalku u baahnaa? Sababta oo ah ilaa sidii Yurub u warshadowday ee u magaalowday ee ay fududaatay in qof waliba helo shaqo uu iskii u gu noolaan karo isaga oo aan cid kale u baahan, is la markaa haweenku heleen xorriyad iyo in ay noloshooda ku filnaan karaan, dumar badani dhalista carruurta wax ay u arkeen caqabad xayiraysa ama dhimaysa horumarka ay doonayaan in ay ka gaadhaan shaqooyinkooda. Dabadeed ilmo dhalista intii ay yarayn karaan ayay yareeyeen. Dhanka kalena guud ahaanba bulshada Yurub ee dhaqaale ahaan, nabad ahaan iyo xorriyad ahaan barwaaqowday, dabadeed u iilatay ku raaxaysiga dunida iyo raalligelinta baahida nafta ka dib markii ay ka tageen Masiixinnimadii adkayd ee raaxada nolosha u diidi jirtay, waxaa aad u daciifay xilkii iyo dadaalkii la gelin lahaa qoyska iyo ilmo dhalista. Halkaas bay ka timid mashaqada maanta Yurub ka taagan ee ah taran yaridu. Muddo aad u dheer dawladuhu wax ay ku dadaalayeen dhiirrigelinta dhalista carruurta, xeelado iyo fursado aad u badan baana dantaa loo sameeyay oo loo sharciyeeyay. Tusaale ahaan ilmo wal oo dhashaa ilaa uu siddeed iyo toban jir gaadhayo lacag joogto ah baa loo qoray. Hooyo wal oo ilmo dhasha waxaa la siiyay fasax dheer oo shaqadu u sii xidhnaato lacagtuna u socoto. Waxaa kale oo dalalka qaarkood la siiyay muddo dheer oo kale oo ay fasax lacag ku qaadato haynta ilmaha. Dalal ay Iswiidhan ka mid tahay xitaa aabbaha ayaa la siiyaa sannad fasax ah oo uu haynta ilmaha lacag ku qaato. Dhammaan kharashaadka dabiiciga ah ee ilmaha ku baxa dawladda ayaa dammaanad qaadday sida tacliinta, caafimaadka, daryeelka ilkaha iyo muraayadaha indhaha. Waxaas oo dhan iyo wax kale oo la sameeyay bulshadu weli waa ay ka soo taagan tahay in ay dhasho ilmo dabooli kara baahida taranka ee horumarka dalku u baahan yahay. Dalaka u gu daran ee dadkiisu dabargo’a ku socdaan waxaa ka mid ah Talyaaniga. Taas oo sidaas ah ayay arrin kale meesha soo gashay. Yurub waxaa aad u gu soo batay soogalootiga, siiba dadka muslinka ah. Caadi ahaan dadka muslinka ahi waa ay dhalmo badan yihiin iyada oo ku xidhan arrimo badan oo reer Yurub ka maqan. Waa mar ee muslinku sida reer Yurub diintoodii ka ma ay tagin oo weli macne weyn bay ku lee dahay, is la markaa waxaa jira xadiis aad loo yaqaanno oo dhalmada dhiirrigeliya. Marka labaad dhulalka muslinku sida Yurub u ma warshadoobin oo dadku ma wada noqon xoogsato qof waliba is ku filan yahay oo mushahar ku nool, gaar ahaan dumarka badankoodu weli waa gurijoog u diyaarsan in ninku masruufo. Sidaa darteed qofku baahi ahaan si adag buu u gu xidhan yahay bulshada kale, waxaana macno weyn leh qoyska iyo carruurta. Taa waxaa dheer bulshooyinka muslinka ah badankooda oo weli ku jira dhaqanka qabiilka ee la gu dadaalo in qoladaada la badiyo. Haddaba muslinka Yurub ku batay is la markaa carruurta badan dhalayaa welwel aad u weyn bay ku haysaa reer Yurub badan. Xarumaha daraasadaha iyo tirakoobka waxaa si joogto ah u ga soo baxa saadaal ah in haddii arrintu sida ay maanta tahay ku sii socoto in waqti aan fogayn dalal badan Islaamku noqon doono diinta aqlabiyadda ah, taas oo macnaheedu yahay in dalkaasi islaamoobay. Dalalka u gu horreeya ee carrabka ku soo noqnoqda waxaa ka mid ah Holland. Haddaba imika cabsidan waxaa siyaasad ahaan u ga faa’iidaysta kooxaha iyo xisbiyada xagjirka ah ee midabtakoorka ah ama muslinka neceb amaba doonaya in ay Yurub ku ilaaliyaan in ay ahaato qaarad u gaar ah caddaanka masiixiga ah, iyo dhanka kale dadka masiixinnimada ku adag oo iyaguna u dhiidhayaya diintoodii la ga tagay iyo Islaamka dardarta qaba ee tarmaya. Durba Yurub wax aad ka arkaysaa muuqaallo iyo dhawaaqyo firfircoon oo aan caadi ahaan jirin oo dadka u gu baaqaya ku noqoshada Masiixiyaddii gabbalkeedu dhacay. Waxaa se yaab leh sida la isu qabadsiin karo maskaxda dadka Yurub ee diinta u ga tagtay koritaanka garaadka iyo aqoonta, iyo in mar kale la gu qancin karo in ay xinka muslinka dartii dib u gu xaroodaan kiniisaddii ay qarni hore ka dareereen? Waa wax aan suuragal ahayn. Dalalka Yurub xisbiyada iyo ururrada caynkaas ahi beryahan waa ay ku xoogaysteen. Tusaale ahaan Iswiidhan oo ka mid ah dalalka Yurub u gu furfuran qaadashada qaxootiga iyo la dagaallanka takoorka waxaa ka soo baxay xisbi si degdeg ah baarlamaanka u galay kaas oo doorashadii u gu dambaysay ee kalhore codka bulshada ka helay sagaal iyo toban boqolkiiba. Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska, Hangari, Finland, Danmarka… waa la wada mid. Aad bay suuragal u tahay xisbiyadaasi in ay waqti aan fogayn talada dalalka Yurub qabtaan, waayo dadkii bay cabsi badan ku abuureen oo xintan geliyeen. Shisheeye nacaybka iyo cadaawadda cidda kaa duwan oo Yurub aad loo ga la dagaallami jiray haddii ay silsiladdeedu mar uun xidhanto la ma sii sheegi karo natiijooyinka halist ah ee ka dhalan kara iyo ilaa heerka ay taasi jiitami karto. Si cunsuriga xagjirka ah ee dadka kale neceb loo cidleeyo, dawladaha Yurub wax ay aad u ga shaqeeyaan yaraynta cabsida bulshooyinkoodu ka qabaan muslinka, iyo dhanka kale in ay muslinkooda ka dhilaan oo ka ridaan qolofta saaran ee cabsida keenaysa oo ka dhigaan dad cadi ah oo mujtamaca ka mid ah. Laakiin labada jeerba hawshu ma fududa, waayo labada qolaba qolofta saarani waa mid qallafsan oo aan si fudud u fuqayn. Sida cunsurigu u raadiyo wax kasta iyo sabab walba oo dadkiisa argagax gelin karta oo muslinka nacsiin karta si uu isagu u taageero u helo, si la mid ah ayuu badowga muslinka ahi u sameeyaa waxyaalo uu moodayo in uu Islaamka wax u gu tarayo laakiin dhab ahaantii bulshada ku diraya oo kaa hore taageero u noqonaya. Halkaas bay ku jirtaa halista dhabta ahi. Waxan oo dhan waxaa keenaya Yurub oo ah qaarad dimuqraaddi ah oo dadku lee yihiin xorriyad dastuuri ah iyo xuquuq dhawrsan. Tusaale ahaan dalalka Imaaraadka iyo Gadar shisheeyaha ayaa ka badan dhaladka, sidoo kale Sacuudiga waxaa jooga soogalooti aan ka yarayn saddex meelood oo meel dadka dalka u dhashay. Laakiin waxaas oo dhami macno ma leh ka mana duwana xoolo la dhaqdo, dalka iyo dadkana ku ma laha wax saamayn ah oo dhaafsan in sida addoonta loo gu shaqaysto, goortii la doono ayaana maraakiib iyo dayuurado la gu guri karaa sida xoolaha oo dhulkoodii la gu qubi karaa. Xitaa dumarka dalka u dhashay ma guursan karaan oo bulshada ku ma milmi karaan, sinaba. Laakiin Yurub qofku si buuxda ayuu dadka u ga mid noqdaa oo dalka ayuu yeeshaa: jinsiyadda ayuu qaataa, wuu ka guursadaa oo ka dhalaa, tacliin bilaash ah buu ka helaa heerka uu doono, siyaasadda ayuu galaa oo doorashada ka codeeyaa oo is sharraxaa oo xil walba qabtaa, diintiisa sida uu doono ayuu u gu dhaqmaa oo weliba u faafiyaa, arrimahaas oo dhan oo ka dhalanaya qawaaniinta horumarsan ee Yurub iyo tasaamuxa ama dulqaadka ay wada noolaanshaha u yeesheen Dagaalkii Labaad ka dib. Taas baa keenaysa muslinku in ay noqon karaan aqlabiyadda dalalka qaarkood, haddii ay noqdaanna natiijada doorashooyinka ku yeelanayaan saamayn asaasi ah oo gaadhsiisan in ay dastuurka beddeli karaan, taasina markeeda ay keento in xorriyadda iyo dimuqraadiyadda Yurub waxyeelloobaan oo noloshu halkii beri fog la ga soo hayaamiyay dib u gu noqoto. Taasi haddii aanay dhicin dhanka kale wax ay keeni kartaa in cabsida badan ee dadka Yurub saadaashaa ka qabaan ay u didiso dhanka xisbiyada xagjirka ah ee nacaybka badan, kuwaas oo iyaguna markooda beddeli doona dastuurka dammaanad qaadaya xorriyadda diimaha iyo wada noolaanshaha dadyowga ka la duwan, amaba guud ahaan adkaynta in ay Yurub ku noolaan karaan dad aan ahayn caddaan masiixi ah. Halkaa wax aad ka aragtaa madaxwareerka haysta siyaasiga Yurub iyo dadkooda inta wanaagsan oo noqday midho tib iyo mooyo ku dhex jira. Muslinka Yurub oo xilkas noqda oo qolofta ku dahaadhan is ka fujiya, oo bulshooyinka ay ka midka yihiin nabad ku la noolaada, kuna yeesha kaalin muwaaddinnimo oo khayr leh, oo garta in ay qaaradda iyagu lee yihiin, xorriyadda iyo horumarsanaanta dawladeed ee ay halkan u gu yimaaddeenna ilaashada oo horumarinteeda ka qaybqaata, halkaas buu ku jiraa xalka dhabta ahi. Halkaas bay dadka wanaagsan ee Yurub ka heli karaan awood ay ku joojiyaan xagjirka halista ah ee haddii uu fursad helo socon karaa ilaa heerkii bahalnimada ahaa ee Hitler iyo Nazi kii Jarmal. Sababahaas baan buuggaa u xiisaynayaa, oo aan ka filayaa in uu sidaa iyo si la mid ah wax u gorfeeyo. Ibraahim Hawd Source
  5. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) –Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa waxa uu weerar afka ah ku qaaday ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey iyo Afhayeenka Baarlamaanka maamulkaasi, Cali Gacal Casar. Madaxdaan uu khilaafka siyaasadeed kala geeyay tan iyo markii ay midoobeen Alhu Sunna iyo Galmudug ayaa midba kan wuxuu ku dhaliilayaa in uu kasoo horjeedo in xiisada la xaliyo. Xaaf ayaa ku eedeeyay Carabey iyo Casar in ay doonayaan kala qaybinta dowlad goboleedkaasi, taasi oo uu carabka ku adkeeyay in ay tahay talaabo aaney u dulqaadan doonin garabkiisa. Galmudug ayaa haatan u kala qaybsan labo garab oo ku kala sugan magaalooyinka Cadaado, xarunta Gollaha Sharcidejinta, iyo Dhuusamareeb, magaala madaxda maamul goboleedka Galmudug. Is-marin-waaga oo ay wali muuqato in aanu xal laga gaarin ayaa la fahansan yahay in uu yahay mid salka ku haya awood-qaybsiga, gaar ahaan xubnaha Baarlamaanka iyo Gollaha Wasiirada. Garabka ku sugan Cadaado oo ay hor-doobayaan Carabey iyo Casar oo ay daba ka riixayso Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si lamid ah ka biyo diidan in Xaaf uu afar sano xilka hayo, maadaama bedalay Cabdikarin Xuseen Guuleed oo is-casilay. Is-qabqabsiga ayaa sameeyay Fadhiyadii Baarlamaanka oo hakad ku jira, iyada oo Xildhibaano ku kala shiray Cadaado iyo caasimada gobolka Galgaduud ay shaaciyeen in ay xilalkii ka qaadeen madaxda ugu sareysa. “Wax kala qaybsan ma jirto, wax hakad ku jira malahan…nimankaasi go’doonka ku jira [Carabey iyo Casar] waxay rabaa in ay kala jabiyaan Galmudug, mana ka yeelayn..Xildhibaanada badankooda waxay ku sugan yihiin Dhuusamareeb, maalin kastana way shiraan,” ayuu Xaaf u sheegay Radio Kulmiye ee Muqdisho. Ugu dambeyntii, Xaaf ayaa sheegay in ay socdaan dedaalo la doonayo in xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowlada dhexe iyo maamulada xubnaha ah, isaga oo rajo ka muujiyay in la dhameeyo. Bisha Maarso ee sanadkaan ayaa lagu wadaa in magaalada Garowe lagu qabto shir balaaran ah oo kasoo qaybgalayaan madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada, kaasi oo lagu soo afjaro tabashooyinka ay kala tirsanayaan labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Duhur. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Warka Duhur Ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  7. (SLT-Addis Ababa)-Fannaan Itoobiyaan ah ayaa u geeriyooday xabbad wiifta ah oo loo riday dabbaaldegga Huteel cusub oo laga dhisay magaalada Ashufe oo ku taalla degaanka Oromada ee dalkaasi Itoobiya. Mid ka mid ah saaxibbada fannaanka geeriyooday oo lagu magacaabo Tufa Wadajo ayaa BBC u sheegay fannaanka Dadhi Gelan inuu ka heesayey xaflad lagu furayey Huteel cusub. Dadhi wuxuu caan ku ahaa heesaha waddaniga ah oo uu ku gubaabinayo qowmiyadda Oromada iney xaqa ka maqan raadsadaan. Deeganka Oromada ayaa waxaa dhaqan ka ah xilliyada farxadda iyo murugdaba in rasaas cirka loo rido. Xilliga ay fannaanka xabadda wiifta ah ku dhaceysayna uu dhammeystiray heesihi uu masraxaasi ku soo bandhigi lahaa, dadki xafladdaasi goob joog ka ahaana dhacdadaasi kaddib waxay ka carareen goobti ay xafladda ku socotay. Mr Wadajo waxa kale oo uu sheegay “hees kasta oo uu fannaanka masraxa ka qaado in loo ridayey ugu yaraan 50 ilaa 60 rasaas noonool, wuxuuna fannaanka marar badan cod dheer uu ku lahaa xabadaha aad rideysaan iga ilaaliya”. Fannaanka sida kediska ah ku geeriyooday waxuu caan ku ahaa heesaha uu ku qaado afka Oromada wuxuuna sida oo kale uu qoray shan buug oo uu kaga hadlayo qowmiyadda uu ka soo jeedo. Ila wareedyadu waxaa kale oo ay shegayaan “Xabadda fannaanka ku dhacday ee sababtay inuu u geeriyooda qoriga laga soo riday iney dowladdu lahayd. Horraanti bishan bam gacmeed ku qarxay xflad aroos waxaa ku geeriyooday nin caruus ahaa iyo manxiiskiisa xilli ay socotay xafladda arooska. Itoobiya oo ay in mudda ah ka socdeen kacdoonna looga soo horjeeday dowladdi hore ee kelitalisnimada ku dhisneyd ayaa sababtay inuu Dr Abiy Axmed uu noqdo Ra’isal wasaarihi ugu horreeyey oo qowmiyadda Oromada ka soo jeeda. Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan dalkan Itoobiya ayaa in mudda ahba ka cabaneysay in siyasadda iyo dhaqaalaha dalka lagu gacan bidixeeyey. Source
  8. Hongkog(Somalilandtoday) Shirkadda Dp World ee Imaaraadka ayaa maxkamadda sare ee Hong Kong dacwad kaga furtay shirkadda dawladda Shiinuhu kaabto ee China Merchants Port Holdings Company Ltd. Wakaaladda Factwire ayaa heshay warqadaha dacwadda ee Dp World oo ubucdoodu tahay in shirkadda Shiinuhu leeyahay dawladda Jabuuti culays ku saartay in ay dekedda Doorale ka erido Dp World. Shirkadda Shiinaha ee la dacweeyay waa shirkad weyn oo ka shaqaysa dhisidda dekedaha, hirgelinta agabka badaha iyo Koontiidharada iyo maamulidda dekeddaha waxaana lagu tilmaamay mid qayb ka ah fulinta siyaasadda arrimaha dibadda ee Shiinuhu ku hananayo goobaha muhiimka ah ee Afrika. Shirkadda DP World oo ah shirkad weyn oo maamusha 78 dekedood oo ku kala yaalla 42 dal oo caalamka ah ayaa shirkadda Shiinaha ah ku eedaysay in ay dawladda Jabuuti kala shaqaynayso sidii maamulka dekedda Doorale looga dhigi lahaa mid dawli ah si looga eryo Dp World, islamarkaana ay booskeeda u gasho shirkadda Shiinaha ah. Shirkadda Dp World waxa ay ku doodaysa in ay shirkaddu si qarsoodi ah qayb ahaan u iibsatay saamigii dawladda Jabuuti oo ahaa 33% halka Dp World lahayd 66%, islamarkaana ay muddo dheer dadaal ugu jirtay sidii ay boos uga heli lahayd dekedaha Berbera. Shirkadaha DP World, China Merchants Port Holdings iyo dawladda Jabuuti ayaan wax jawaab ah oo arrintan ku saabsan siin wakaaladda Factwire laakiin, warbaahinta Shiinaha ayaa si weyn u qaada dhigtay kiiskan u dhexeeya labada shirkadood. Wakaaladda ayaa sheegtay in ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen in shirkadda Shiinaha ee Merchants Port Holdings doonayso in kiiska loo wareejiyo Jabuuti, islamarkaana DP World oo cadaymaheeda laga sugayo 15-ka bishan, halka dhegaysiga shirkadda Shiinaha la qaban doono October 15, 2019. Dp World ayaa dacwadda gudbisay bishii August ee sanadkii 2018. Shirkadda DP World oo ku doodaysa in heshiiska ay la gashay Jabuuti oo 30 sannadood ahaa uu dhigayay in aanay cid kale arrimaha badda iyo dekedaha ee Jabuuti ka shaqayn Karin muddada heshiiskan ayaa dagaal culus oo siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba ah kula jirta dawladda Jabuuti. Shirkadda DP World ayaa dhawr jeer Jabuuti kaga guulaysatay dacwado lagu qabtay Ingiriiska waxaana la eegaya in ay ku guulaysato kiiskan oo saamayn ku yeelan kara Jabuuti. Shirkadda Dp World ayaa u muuqata mid aan rajo ka qabin in ay dib u maamusho dekedda laakiin, ay doonayso in ay carqaladayso horusocodka dekedda Jabuuti. Source
  9. Hargeysa( Somalilandtoday) Jamhuuriyada Somaliland oo xorriyadeeda dib ula soo noqotay sanadkii 1991-kii midowgii Soomaaliyeed ee lagu lugo’ay, taasi oo hadda jirtay muddo 28 sano ah, ayaa waxa hadda xilka haya Madaxweyinihii shanaad ee Somaliland soo mara , iyadoo ay ugu horeeyeen xilka Madaxweynenimo afar Madaxweyne oo kale , kuwaas oo alle-ha u naxariistee ay laba kamid ahi geeriyoodaan, waxaana ay shantaa Madaxweyne ee talada dalka uu kala dambeeyey ay kusoo beegmee duruufo kala gedisan oo uu mid-ba midkii uu kursiga kala wareegay uu ka dhax-lay. Haddaba Waxaynu is dul taagi doonaa Madaxweyne kastaa intii uu xilka hayey wax-yaabihii uu qabtay iyo wixii uu ku guul darastay ee uu ku wareejiyey Madaxweynihii ku xigay ee xilka kala wareegay, iyadoo aynu kala horaysiinayno sidii ay u kala horeeyeen . 1)-Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” Madaxweyne Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Madaxweynihii 1-aad ee Somaliland, oo May 1991-kii lagu doortay shirweynihii beelaha Somaliland ee Burco ee lagaga dhawaaqay goonni isu taagga Somaliland waxa uu ku soo beegmay xilli laga faraxashay dagaalkii dib u xorraynta dalka. waxaa xusid mudan in xukuumaddiisii bulshadu si kal iyo laab ah u soo dhawaysay laakiin, ay ku beegantay duruufo kaabeyaashii kala duwana ee dalku ku burbureen dagaalladii, islamarkaana ay ka dhaqaaqi kari weyday mucaaradad adag oo ay kooxo SNM ahaa kala hor tageen. Taasi waxay dhalisay is maandhaaf iyo kala qaybsanaan weyn oo bulshada Somaliland dhexdeeda ah. 2) -Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Cigaal 1993 ilaa 2002kii Madaxweyne Cigaal alle ha-nuaxariistee waxa uu ahaa Madaxweynihi labaad ee Somaliland, kaasi oo sanadkii 1993 ay beelaha Somaliland ku doorteen shirkii ka dhacay Boorama, iyada oo uu dalka ka istaadhmeen muddo yar ka dib Dagaalo Sokeeye oo uga sii daray xaaladda dadkii halganka ka soo doogay, balse markii lagu guulaystay soo afjaridda colaadda sokeeye madaxweyne Cigaal waxa u suuro gashay isu soo dhawaynta bulshada iyo dhisidda dhammaan haykalkii dawladnimo iyada oo hubka laga dhigay jabhadihii beelaysna. Geesta kalene Marxuum Madaxweyne Cigaal ayaa ahaa shaqsigii hirgeliyey axsaabta Qaranka inay ku loolamaan saaxada siyaasadda Somaliland. Waxa uu ka tagay bulsho hadaf guud wada leh oo ay rajo gelisay dawladnimada uu dhidibbada u taagay. 3)-Madaxweynihii Saddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale . Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo xilka uga dambeeyay Marxuum Cigaal waxa uu halkii ka sii waday geedi socodka dimuqraaddiyadda Somaliland iyo jidkii uu jeexay Marxuum Cigaal, waxaana uu dalka ka hirgeliyey Doorashooyin dhawr ah, kuwaas oo kor u qaaday sumcadda Somaliland ee caalamka iyo rajada bulshada Somaliland ee dhanka horumarka iyo dawladnimada. 4)- Madaxweynihii 4-aad ee Somaliland Axmed Siilaanyo. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa Madaxweynihii afraad ee Somaliland, kaasi oo talada dalka qabtay bishii Julay sanadkii 2010-kii, waxa uu la wareegay bulsho isbedelka hoggaanka dalka la dhacsan, waxaanu muddo xileedkiisa ku bilaabay dardar hor leh oo wax qabad. Waxa bilawgiiba furfurmay dhaqaalaha dalka iyada oo ay muuqatay in dadku dhaqaalahooda dalka ku aaminayaan, islamarkaana maalgashiga ganacsigu xawli ku dhaqaaqay. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu qabtay muddo xileedkiisii laba doorasho oo muran abuuray waxaana loo arkayay in aanu waxba ku kordhin dawladnimada hase ahaatee muddo xileedkiisii waa mid lagu xasuusto in dhaqaalaha bulshadu kor u soo kacay, islamarkaana bulshadu salka dhigtay oo ganacsi badan abuurmay. 5) -Madaxweynihii Shanaad ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa 2017kii talada dalka kala wareegay macallinkiisii Md Axmed Siilaanyo. Madaxweyne Biixi waxa uu talada kala wareegay isla xisbigiisa mana jirin caqabado waaweyn oo horyaallay xilligaasi. Caqabadaha: Doorashadii madaxweyne Biixi ku soo baxay waxay ku soo beegantay xilli saxaafadda iyo baraha bulshada ee Internet-ka ay bulshada badankeedu fursad u heshay, islamarkaana ay bulshadii doorashada ku loolantay kala qaybsan tahay hase ahaatee marnaba ma aha caqabad u dhaw tii dadku dagaallada ka soo doogeen ee madaxweyne Cigaal kala soo dabaashay. Wixii laga filayay: Madaxweyne Biixi waxa laga filayay in uu isu soo dhaweeyo dadkii siyaasaddu kala qaybisay, islamarkaana dhismaha u horeeya ee xukuumaddiisa laga arko in uu madaxweyne u yahay qofkii u codeeyay iyo kan ka codeeyay labadaba. Waxa indhaha lagu hayay in sharcigu sarraynayo oo uu madaxweyne go’aan leh noqonayo sidii uu ku ololeeyay islamarkaana uu boodhka ka jafayo dawladnimada oo xilligii Siilaanyo dabacday iyo in uu musuqmaasuqa wax ka qabto. Hase ahaatee madaxweyne Biixi saamiga dhismaha dawladdiisa waa la saluugay, taasina waxay noqotay mid halkii ku haysa kala qaybsanaanta bulshada Somaliland. Waa caqabada kaliya ee hortaallay isu soo dhawaynta bulshada taas oo wali bulshada Somaliland laga dareemayo in ay kala taaggan yihiin halkii xilligii ololaha ay kala istaageen. Tusaale ahaan warqad dhawaan la faafiyay oo sheegaysa in ra’isal wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed hawlo sirdoon ka wado Somaliland ayaa bulshada Somaliland dhexdeeda kala qaybisay iyada oo badh difaaceen badhna dhalliil ka dhigayeen. Telefishanka Horn Cable waxa uu dhawaan baahiyay heshiis aan lagu tartamin oo la siiyay ganacsade gaar ah taas oo marag ka ah in aan saraynta sharciga iyo hannaanka dawladnimo waxba iska bedelin. Waxa madaxweynaha muddo xileedkiisa si weyn loo dareemay dhaqaale xumo weyn; tusaale ahaan qaybo ka mid ah shaqaalaha dawladda ayaan wali qaadan mushaharkii bishii January, waxaana jira dhaqdhaqaaqa ganacsiga gaarka ah oo hooseeya. Waxa muddadaas la xidhay suxufiyiin, hay’ado warbaahineed, shakhsiyaad bulshada ka dhexmuuqda iyo muwaadiniin kale taas oo faallo BBCSomali qortay lagu sheegay in ay u muuqato in tiirkii Dimuqraadiyadda Somaliland udub dhexaadka u ahaa oo dimuqraadiyadda ahi halis ku jiro. Madaxweyne Biixi oo aan sanadkiisii koobaad dardar ku bilaabin, islamarkaana aan waxba ka qaban midaynta bulshada u abuuridda rajo iyo hiigsi waxa uu wajahaya caqabad kale oo ah in bulshada labeenta ah ee Somaliland iyo siyaasiyiintu fursado ka raadsadaan Xamar, halka jabhado saldhig uga dhigteen Soomaaliya. Source
  10. Muqdisho(SMN)- Wasiirka wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay sharciga hor keeni doonaan ganacsato badan oo aan bixin canshuuraha ku waajiba. Wasiir Beyle oo warfidiyeenka kula hadlay xafiiskiisa Muqdisho ayaa tilmaamay in ku dhawaad 20 shirkadood oo dalka ka howgala aysan mudo bixin canshuurihii looga baahnaa. Sidoo kale wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhawaan dedejin doonaan sharciga maxkamad ay ku soo taagayaan shirkadaha aan bixin canshuuraha ay qaado wasaarada Maaliyada xukuumada Soomaaliya. Hadalka wasiirka wasaarada Maaliyada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan tababar ku aadan casnhuur qaadista loogu soo xiray magaalada Muqdisho boqolaal ciidamo ah oo ka tirsan dowlada Soomaaliya. The post Wasiir Beyle Oo Digniin U Diray Ganacsatada Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow uu is casilay wasiirkii Labaad ee ka mid ah maamulka K/galbeed. Cali Aadan Macalin, wasiirkii wasaaradda deegaanka iyo duur joogta ayaa ku dhowaaqay in xilkaasi uu iska casilay. Sababta uu isku casilay ayuu ku sheegay in beeshiisa aanay u qalmin xilkan loo magacaabay isaga waa sida uu hadalka u dhigaye. Waa wasiirkii 24 saac gudaheed iska casilo maamulka K/galbeed, iyadoo horey uu isku casilay wasiir ku xigeenkii wasaaradda gaadiidka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa sheegaya in uu goor dhow is casilay mid ka mid ah wasiiradii uu gelinkii dambe ee shalay uu ku dhawaaqay Madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafata gareen iyada oo horay uu isku casilay wasiir ku xigeenkii Gaadiidka iyo dhulka sidoo kalana ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulkaas. Wasiirka Deegaanka iyo duur-joogta Cali Aadan Macali oo ka mid ahaa wasiiradii uu magacaabay Lafta-gareen ayaa manta ku dhawaaqay is casilaadiisa isaga oo u sababeeyay in aan lagala tashan isala markaana aysan u qalmin beeshiisa xilka isaga loo magacaabay. Shalay ayay aheyd markii uu is casilay wasiir ku xigeenkii wasaaradda Gaadiidka oo isaguna cadeeyay in aan lagala tashan xilkaasna uusan u qalmin deegaanka uu ka soo jeedo sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen ayaa magacaabay gole Wasiiro oo ay ka dhalatay muran farabadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Kampala (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Uganda ayaa sheegaysa in Madaxweyne Yuweri Museveni uu imaanayo Magaalada Muqdisho kaddib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Soomaaliya. War ay baahisay Madaxtooyada Uganda ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Uganda uu booqasho ku tagi doono Magaalada Muqdisho kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Museveni ayaa waxaa uu kulan Magaalada Addis Ababa kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya kula taliyay in uu dhisto Ciidan Soomaali ah oo iskood u shaqeeya. Waxaa uu sheegay in Ciidamadaasi dhismahooda kaddib iyada oo lala kaashanayo Odayaasha qabiillada ay muddo labo Sano ah noqon karaan Ciidan qaran. Casuummadda Museveni ayaa lagu micneeyay in uu arko horumarka dhinaca siyaasadda,Dowlad wanaagga iyo ammaanka Soomaaliya ka jira. Mr Museveni ayaa dhawaan isaga oo ka hadlayay Magaalada Kampala waxaa uu Soomaaliya ku tilmaamay dal aan lahayn dowlad shaqeysa, taas oo uu dhaleeceyn badan kala kulmay dadka Soomaalida ah inkasta oo dowladda Federaalka aysan jawaab rasmi ah ka bixin hadalka Museveni. Caasimada Online Xafiiska Kampala Caasimada@live.com
  14. Muqdisho(SMN)- Safiirka dowlada Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Donald Yamamoto ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu uga hadlay arimo ay kamid yihiin taageerada horumarinta dhanka dhaqaalaha ee Soomaaliya. “ Howgalka Mareykanka ee Soomaaliya waxa uu ku faanayaa taageerada uu siiyo dadka iyo dowlada Soomaaliya,si loo helo mustaqbal fiican oo Soomaaliya ay hiigsato,iyadoo u mareysa kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka“ayuu yiri Mr Yamamota. Sidoo kale waxa uu sheegay in lacag gaareysa 74 Milyan oo Dollar ay ugu deeqeen Soomaaliya,si loogu hormariyo barnaamijyada kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka. Mr Yamamoto hadalkiisa intaas ku daray in Mareykanka dib ugu soo laabtay Soomaaliya,si uu uga caawiyo dhinacyada shaqo abuurka,isla markaana ay rajeynayaan in Soomaaliya ay diyaar u tahay ganacsi daah furan. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay caawin doonaan ganacsiga gaarka loo leeyahay,sida kaluumeysiga,beeraha iyo xoolo dhaqatada sis are loogu qaado wax soo saarka dalka. Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili tobanaan sano kadib dowlada Mareykanka ay dib uga furtay saafaradeeda magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. The post Mareykanka Oo Xoojinaya Taageerada Uu Siiyo Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Ilhaan cumar oo katirsan golaha aqalka Sanatka ee dalka Mareykanka ayaa jawaab ka bixisay hadal kasoo yeeray madaxweyne Trump. Qoraal ay Twitterkeeda ku qortay Ilhaan Cumar ayeey kaga hadashay arimo ku saabsan taageerada Mareykanka uu siiyo Yahuuda. Hadalkaaasi waxaa ka carooday madaxweynaha Mareykanka Trump oo ugu baaqay Ilhaan in ay is casisho. Ilhaan ayaa si kulul arintaaasi uga pjawaabtay qoraal ay soo dhigtay twitterkeeda. ‘Weligaa waxaad ku socotey nacayb ka dhan ah Yuhuudda, Muslimiinta, dadka asaliga ah, soo galootiga, dadka madowga ah iyo in kale Anigu wax baan ka bartay dadkii uu warkaygu saameeyay adigu goorma ayaad baran doontaa?” ayay Twitter-ka kusoo qortay Ilhaan Cumar. Ilhaan Cumar aayaa raaligalin ka bixisay eedeeyn loo soo jeediyay oo ah yahuud naceyb inkastoo Trump uu san ku qancin. Puntland Post The post Ilhaan Cumar oo si kulul ugu jawaabtay Trump appeared first on Puntland Post.
  16. Somali air force has marked its 59th anniversary since inception in 1960 after the country gained its independence from British and Italian colonies. The event which was colorful kicked off with the march of the band group. Somali military chief, General Dahir Adan Elmi has congratulated the forces for their commitments to serve the nation. “I want to extend my gratitude to all the members serving Somali air force. I wish them success in their work all times,” he said. The Somali air force was established in 1960 as part of protecting the country from internal as well as external aggression. It carried out its greatest operation in the theatre of humanitarian relief when it flew tonnes of aid to tens of thousands of people facing disaster from floods in 1962 and prolonged drought in 1974. Following years of civil war, it was disbanded after the fall of late President Siad Barre. It was rejuvenated in 2010 with the authority of a new Somali central government with training of its officers taking place in Turkey and Djibouti. The post Somali Air Force marks 59th anniversary appeared first on Shabelle. View the full article
  17. The president of Southwest state of Somalia, Abdulaziz Hassan Mohamed alias Laftagaren has appointed another ten new cabinet ministers on Wednesday. The new list with ten ministers and their deputies makes the total number of regional state cabinet 50. The state leader who was himself elected on December 19 last year said the decision to complete cabinet appointments was made following consultations with the regional parliament and civil society groups. The list will be submitted to the regional parliament for approval in forthcoming days. The regional leader has pledged to embark on reconciliation, improved security, better healthcare, and free education during his campaign. The post Southwest state president completes cabinet members appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Kooxaha kubadda cagta L.L.P Jeenyo iyo Dekedda ayaa wada ciyaaridoono kulamadooda labaad horyaalka Somali Premier League olalaha 2018-2019 Dekedda oo ah kooxda xafidanaysa horyaalka Somali Premier League ayaa kulankoodii 1-aad horyaalka waxa ay barbaro goolal la’aan la gashay xidigaha Gaadiidka,halka wiilasha Jeenyo ay 1-0 kaga badiyeen dhigooda Muqdisho City Club taas oo dhiiri gelin siisay tababar Tahliil. Xaqiiqooyinka Ciyaarta Ka Hor -Axmed Tahliil Cali ayaa klankii 2-aad,isagoo macalinka 1-aad horyaalka Somalia Premier League ka hortagaya kooxda xafidanaysa horyaalka waana imtixaankii 2-aad uu maray Tababare Tahliil ka dib markii Todobaadkii 1-aad ay kooxdiisa 1-0 kaga adkaatay M.C.C. -Daa’uud Tubaal,Feysal Xasan Xaashi iyo Cabdi Casiis Catoosh ayaa ka hortagaya kooxdoodii hore ee Jeenyo waxayna Dekedda la hanteyn horyaalka Somali Premier Lague iyo Somali Super. -Macalin Axmed Tahliil ayaa wajahaya xidigo ay waqti wanaagsan kusoo wada qaateyn safka Jeenyo waqtigii u ahaa kabtanka Jeenyo waase tan Xiisaha u yeelaysa kulanka adaga Kulamadii U Danbeeyay Labada Koox 12/02/2018 Jeenyo FC 0:2 Dekedda SC 11/04/2018 Dekedda SC 3:0 Jeenyo FC 13/02/2017 Jeenyo FC 2:2 Dekedda SC 27/03/2017 Dekedda SC 4:0 Jeenyo FC 15/02/2016 Jeenyo FC 3:1 Dekedda SC 06/05/2016 Dekedda SC 1:0 Jeenyo FC 19/02/2015 Dekedda SC 0:1 Jeenyo FC 21/05/2015 Jeenyo FC 3:0 Dekedda SC 11/07/2012 Dekedda SC 1:1 Jeenyo FC 27/10/2012 Jeenyo FC 1:1 Dekedda SC Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Horyaalka Somali Premier League Kooxaha-L.L.P Jeenyo VS Dekedda Tariikhda-14-02-2019 Maalinta-Khamiis Saacada:-3:30pm Garoonka-Banaadir Stadium W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  19. Wararka maanta ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad cabsi ku beertay shacabka ku dhaqan degmadaasi. Xiisaddan ayeey u dhaxeysaa guddoomiyaha degmada Baardheere iyo ku xigeenkiisa waxaana ay ka dhalatay go’aan uu shalay ku dhowaaqay madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan. Madaxweyne ku xigeenka ayaa guddoomiyahii hore ee Baardheere u magacaabay guddoomiye si loo xalliyo khilaaf muddo taagnaa, hase ahaatee waxaa taasi ka carooday ku xigeenkiisa. Guddoomiye ku xigeenka oo ciidan wata ayaa shalay la wareegay xarunta degmada, iyadoo dhanka guddoomiyahana la sheegay in ciidankiisa doonayeen iney degmada dagaal ku qabsadaan. Cabsida weli ma aanay dhammaan sababtoo ah waxbo lama xallin, xaaladuna waa ay kacsan tahay. Waxgaradka ku dhaqan degmada Baardheere qaarkood oo u warammay Goobjoog waxa ay ka codsadeen madaxda sare ee Jubbaland in xaaladda degmada ay wax ka bedalaan, islamarkaana aan shacabka lagu dul dagaallamin. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada online) – Taliska Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM aya shaaciyay inay wax badan ka badaleen howlgalkii ka dhanka ahaa Al Shabaab, islamarkaana la dajiyay qorshe cusub. General Tigabu Yilma Wondimhunegn oo ah Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM ayaa shaaciyay iney diyaariyeen hanaan cusub oo lagula dagaalamayo Al Shabaab, waxaana uu sheegay in qorshaha koowaad uu yahay in la beegsado kaliya xarumaha rasmiga ah ee Al Shabaab, Taliyaha ayaa sheegay inay isla garteen in meesha laga saaro qorshihii hore ee ahaa in hal mar ciidamo tiro badan iyo gaadiid ay weeraraan Al Shabaab, kuwaasi oo qaraxyo waddooyinka loo geliyo iyo weerar dhabo gal ah Al Shabaab kala kulmi jiray. Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshaha uu qeyb ka yahay in Albaabada loo laabo saldhigyo AMISOM ku leeyihiin gobolada dalka, waxaana ugu horeeya ciidamada Burundi oo ka bixi doono Shabeelaha Dhexe. Qorshaha Cusub ee uu la yimid taliyaha AMISOM oo magacaaban 14 Maalin ayaa waxaa ku raacay saraakiisha kale ee AMISOM, waxaana la filayaa inay dhaqan geliyaan. Taliyaha wuxuu sheegay in qorshaha qeyb ka tahay in ciidamada AMISOM ay ku duulaan goobo cayiman oo Al Shabaab ay ku sugan yihiin, kadibna ay dib ugu laaban doonaan halkii ay kasoo dhaqaaqeen. Qorshaha ayaa la sheegay inuu aad ugu dhow yahay qorshaha ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandoonka Soomaaliya, waxaana la ogeyn sida Ciidamada AMISOM sidaasi oo kale u sameyn doonaan, maadaama aysan heysan diyaarado iyo hub casri ah. Caasimada Onlin Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Maanta oo ay ku beegan tahay 14 February, ciidanka cirka ayaa u dabaaldegaya 59 sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas-aaskooda. Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu weyneynayo maalintan oo sanad walbo loo dabaaldego. Taliyaha ciidanka xoogga dalka, S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa hambalyo u diray ciidanka cirka isaga oo sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameynayo maadaama dhowaan kusoo biireen dhallinyaro fir-fircoon. “Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa Hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xiggeenada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cirka oo u dabaal degaya Sanadguurada 59Aad ee Aaskooda” ayuu yiri taliyaha. Taliska ciidanka cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ahaa mid awood xooggan leh, balse burburkii kadib weli waxaa lagu howlan yahay tayeenta ciidankaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Mid ka mid ah wasiiradii uu dhowaan magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, C/casiis Lafta Gareen ayaa ku dhowaaqay inuu is casilay. C/salaam C/laahi Yalaxow Catoosh oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka kana mid ah mudanayaasha baarlamaanka K/galbeed ayaa xilkaasi iska casilay. Sababta Catoosh isku casilay ayuu ku sheegay in beesha uu kasoo jeedo aanay xilkaasi u qalmin ayna filanayeen in wasiir buuxa la siiyo. Waxa uu tilmaamay in haddii ay waayeen ka beel ahaan wasiir buuxa aanay waxbo u tareyn xilka wasiir ku xigeenka. Dhanka kale, Xildhibaan Catoosha ayaa ugu hambalyeeye wasiirada cusub xilalka loo kala dhiibay, wuxuuna ugu baaqay in ay gutaan waajibka saaran. C/salaan C/laahi ayaa ka mid ahaa wasiiradii shalay uu soo magacaabay madaxweyne Lafta Gareen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay inay shirkii Midowga Afrika gaadhsiiyeen farriimo ku saabsan qaddiyadda Somaliland. Mar uu ka hadlaayey Shirka Afrika iyo qadiyada Somaliland ayaa wuxuu yidhi“Qadiyada Somaliland meel wanaagsan bay maraysaa, qadiyada Somaliland waa qadiyad uu Caalamka ka wada dharagsan yahay, Shirkii Afrika ayaanu ka nimid, Shirkana Afrika qadiyadeena aad baa loola socday, oo looga dharagsanaa, qadiyadeena iyo waxaa inoo hirgalay waa mid Caalamku inooga markhaati furay, wakhtiga ay doontaba ha inagu qaadato waa hubaal in rajadeena iyo hamigeenu dhab noqon doono, si rasmiyana u heli doono waxaynu rabno, laakiin waxaa Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba leeyahay marnaba ha niyad jabina ee qadiyadiina iyo qaranimadiina sii xoojiya, Xukuumad ahaana waxaanu diyaar u nahay dariiqa ay doontaba ha nagu qaadatee in aanu kaga dhabeeyno rajada Shacabkayaga”. Mar uu ka hadlaayey xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Beesha Caalamka ayaa yidhi “Siyaasadda Xukuumadda waxaa ka mid ah in aanu mar walba awooda saarno sidii aanu u hagaajin lahayn xidhiidhka inaga dhexeeya Wadamada Caalamka, dhabihiina waanu ku taagan nahay, oo imika waxaa jira Wadamo badan oo ka mid ah Wadamada jaarka iyo kuwa Caalamka oo xidhiidh fiicani inaga dhexeeyo, waxaana rabnaa in aanu cid walba ku qancino jiritaanka Somaliland”. Source