Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-New York) Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka dooday xaaladaha dalka Soomaaliya kaddib markii dowladda Soomaaliya ay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ay ka eriday dalka. Dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysatay in Nicolas Haysom aanan laga rabin dalka isla markaasna uusan kasii shaqeyn doonin Soomaaliya. Si kastaba, illo wareedyo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa BBC u sheegay in dowladda Soomaaliya aysan raacin waddo diblumaasiyadeed markii ay eryasay Haysom. Ku-xigeenka afahayeenka Qaramada Midoobey, Farxaan Xaq ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay baaritanno ku sameyneyso waxaa dhaliyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku eriday Nicholas Haysom. “Waxaan la soconnaa xaaladda, waxaan isku dayeynaa in aan sharraxaad ka bixinno caddeymaha,waxaan arki doonaa tallaabada xigta” ayuu yiri Farxaan Xaq. Wuxuu walaac ka muujiyay habka loo maray in wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey laga ceeyriyo dalka Soomaaliya. Qaramada Midoobey ayaa saacadaha nagu soo aadan lagu wadaa inay bayaan kasoo saarto dhacdada kaddib marka ay soo gabgabeeyaan baaritannada la xiriiro in Haysom aanan loo ogolaan inuu kasii shaqeeyo Soomaaliya. Source
  2. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Shabelle-03012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Dowladda Puntland ayaa ku gacan-sayrtay go’aankii maanta ka soo baxay qaar kamid ah isimada Puntland ee ku saabsanaa, in laga noqday amarkii mas’uuliyiinta xukuumadda Federaalka looga mamnuucay Puntland inta ay doorashadu socoto. War-saxaafadeed caawo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay, in aan waxba laga beddelin amarkii wasaaradda Amniga Puntland ay ku mamnuucday, in madaxda iyo shaqaalaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo galaan Puntland mudada lagu jiro doorashada. Mas’uuliyiinta la mamnuucay ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sida war-saxaafadeedka ku cad waxaa loo arkay, in ay khalkhal gelinayaan amniga,xasiloonida iyo habsami-usocodka doorashada Puntland. Hase yeeshee waxaa xusid mudan in dadka la ga mamnuucay Puntland aysan ku jirin, xildhibaannada labada Aqal ee dowladda Federaalka Soomaaliya(Golaha shacabka& Aqalka sare),balse Golaha xukuumadda oo keliyah uu go’aankaasi ku koobanyahay,sida ku cad warqaddii hore ee ay soo saartay wasaaradda Amniga. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo ku gacan-sayrtay go’aankii isimada appeared first on Puntland Post.
  4. New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa maanta kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, waxaana khudbad ka jeediyey wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom. Nicholas Haysom, ayaa dhowaan dowladda Soomaaliya ay dalka ka cayrisay, ayada oo ku eedeysay faro-gelinta arrimaha gudaha dalka. Si kastaba, khudbaddiisa maanta, ayaa sida ay dad badan filayeen, waxa uusan marnaba kusoo hadal qaadin go’aankii ay ka qaadatay dowladda federaalka Soomaaliya. Haysom ayaa ka hadlay arrimo kale oo xaaladda dalka Soomaaliya ku saabsan, wuxuuna dowladda ku dhaliilay qaabka ay ula macaamisho dowlad goboleedyada, iyo gaar ahaan faro-gelintii ay ku sameysay doorashadii maamulka Koonfur Galbeed. Haysom ayaa sheegay in faro-gelinta la tuhmayo in dowladda Soomaaliya ay ku sameysay doorashada Soomaaliya aysan rajo wanaagsan ka bixineyn doorashooyinka soo socda ee dowlad goboleedyada kale iyo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee 2020. Waxa uu sidoo kale sheegay in xiritaanka Roobow ay hor-istaagi doonto xubno kale oo sare oo Al-Shabaab ah oo laga yaabay inay dowladda isku soo dhibaan kuna soo biiraan hanaanka siyaasadda dalka. Haysom ayaa ka diga in khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada uu caqabad ku yahay in Soomaaliya ay horey u tallaabsato. Inta badan khudbaddiisa ayaa u badneyd guud mar uu ku sameeyey xaaladda Soomaaliya iyo dhacdooyinkii dhacay sanadkii 2018. Waxa uu sheegay in uu la dhacay qorsheyaasha isbaddalada waqtiga dheer ee Xukuumadda iyo sida ay uga go’antahay in ay u fuliso qaab ficil ah ayadoo adeegsanaysa hannaankii lagu gaadhi lahaa. Soomaaliya ayuu sheegay in ay u socoto dhanka Wanaagsan, balse isku dhacyada siyaasadeed ay u keeni karaan in ay waddadaas ka weecato. Dhanka maaliyadda ayuu sheegay in Isbaddalada maaliyadda iyo ballaarinta dakhliga gudaha ee lagu kordhiyay 8-da milyan ee dollar bishii September ay ka dhigan tahay in boqolkiiba 56 miisnaaiyadda dawladda federalka ah ay ka imaanayo dakhliga gudaha oo gaaraya 340 milyan kaas oo sanadka 2019 kasoo xaroon doona gudaha dalka halka inta kalena ay bixin doonaan deeq bixiyeyaashu. Wuxuu ku ammaaay xafiiska Raysul Wasaaraha dadaallada la dagaallanka musuqmaasuqa, ayna kamid tahay in xukuumaddu ay 9-kii December ku dhawaaqday in ay saxiixdo heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka musuqmaasuqa. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  5. Magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland waxaa goor dhawayd lagu xiray Guddoomiyihii hore ee gobolka Sool ee Puntland Abukar Cabdi Geelle sida ay Puntlandi.com u [...] Source
  6. Garowe (Caasimada Online) – Qaar kamid ah isimada Puntland ayaa ka hor yimid go’aankii xukuumadda Puntland ay deegaanada maamulkaasi kaga mamnuucday shaqaalaha iyo wasiirada dowladda. Isimada Puntland ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Garowe waxay kasoo saareen qoraal ay ku cadeynayaan in shaqsiyaadka aan dambi ka galin Puntland ay tagi karaan deegaanada maamulkaasi. Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo ku hadlay magaca isimada Puntland ayaa sheegay inay ka warhayaan qoraalka maamulka Puntland islamarkaana aysan taageersaneyn in go’aankaasi oo kale laga qaato shaqaalaha dowladda. “Sidaad la socotaan warqada dhowr qodob ayay ka koobneyn, waxaan arintaasi kala hadalnay madaxweynaha, musharixiinta Puntland, saraakiisha ciidamada iyo waxgaradka, waxaana la isla gartay in waxii aan na qaban in laga saaro meesha”. “Waxaa la isla garanay muwaadin kastaa oo Soomaali ah muwaadin kastaa oo reer Puntland ah, oo aan dambi cad ka galin Puntland inuu tago karo deegaanada Puntland, waxaana la isla gartay in amaanka laga wada shaqeeyo”ayuu yiri Suldaan Bashiir. Suldaan Bashiir, ayaa dhinaca kale sheegay inay been abuur tahay in la xiray xawaaladihii deegaanada Puntland iyo bangiyada islamarkaana ay shaqeynayaan dhamaan xarumaha xawaaladaha. Dhawaan amar kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda iyo wasiirada aysan tagi karin deegaanada maamulkaasi, waxaase kadib tagay magaalada Garowe xildhibaano baarlamaanka ka tirsan. Halkan ka dhageyso codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/737fbdf5-59da-4dea-ab94-bf5546e80b4b_16k.mp3Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (PP) ─ Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay maanta inay hakiyeen xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhaxeeyey Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia. Tallaabadan ayaa timid markii ay isku qabteen arrimo dastuuri ah, oo ay ka mid tahay in dastuurka dhigayo in madaxweynaha saxiixo hindise sharciyeedyada ay soo ansixiyaan labada aqal ee baarlamaanka. Sidoo kale, Aqalka sare waxaa uu sheegay in mar walbo uu bixinayey dadaal dheeraad ah oo in si wanaagsan u wada shaqeeyaan labadan Gole muddadii labada sano ee uu dhisnaa agolaha. Dhanka kale, Golaha Aqalka Sare wuxuu qoraal uu soo saaray ku sheegay in qodobbada ay diiddan yihiin ay ka mid yihiin sida loo ansixiyey miisaaniyadii 2017-kii iyo midda 2018, in golaha shacabka uu sharci-darro u adeegsaday magaca baarlamaanka sida matalaadiisa: Midowga Baarlamaannada Afrika (shan xubin), Midowga baarlamaannada carabta(afar xubin), midowga baarlamaannada Islaamka(4 xubin), baarlamaanka IGAD(5 xubin), midowga baarlamaanka adduunka(5 xubin), iyo arrimo kale. Ugu dambyen, Goluhu wuxuu shaaca ka qaadan in aanu la shaqeyn karin golaha shacabka inta madaxweynaha ka xalinayo arrimaha kor ku xusan. Haddaba, AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Aqalka Sare ee Soomaaliya; PUNTLAND POST The post Aqalka Sare ee Baarlamaanka DF oo sheegay inuu hakiyay wada-shaqeyntii Aqalka Hoose appeared first on Puntland Post.
  8. War qoraal ah oo goor dhawayd ka soo baxay xafiiska Gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in ay joojiyen wada [...] Source
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyay wadashayntii kala dhaxaysay Gollaha Shacabka, sidda ku cad war-saxafadeed uu Golluhu soo saarey. Sidda laga soo xigtay bayaanka, Aqalka Sare ayaa go’aankaan qaatay markii uu Aqalka Hoose usoo gudbin waayay Miisaaniyada 2018 iyo 2018, iyo xeerar muhiim ah oo ku saabsan arrimaha dibadda. Hoos ka akhriso war-saxaafadeed Qaraar The post Aqalka Sare oo hakiyay wadashaqayntii Gollaha Shacabka BFS appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ergaygii Qaramada Midoobay uqaabilsanaa Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa warbixin siiyay Gollaha amaanka UN-ka. Haysom ayaa ku amaanay dowlada Federaalka kobdhicinta Dakhliga dalka, hagaajinta nidaamka maaliyadeed iyo walba la dagaalanka musuq-maasuqa. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xariiqay in hadii aanan si wanaagsan wax looga qaban arrimahii ka dhashay rabshadihii ka dhacay Baydhabo ay saameyn karaa doorashooyinka soo socda ee maamulada. Horaantii isbuucaan ayay ahayd markii dowlada Soomaaliya ay dalka ka eriday Nicholas Haysom, iyada oo ku eedaysay inuu faraliyay arrimaha dalka, markii uu ka hadlay xariga Mukhtaar Roobow iyo rabshadihii ka dhacay Baydhabo. The post Gollaha Amaanka QM oo warbixin ka dhageystay Haysom appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hakiyey xiriirkii wada-shaqeyn ee kala dhaxeeyey golaha shacabka. Arrintan ayaa timid markii ay isku qabteen arrimo dastuuri ah, oo ay ka mid tahay in dastuurka dhigayo in madaxweynaha saxiixo hindise sharciyeedyada ay soo ansixiyaan labada aqal ee baarlamaanka. Aqalka sare waxaa uu sheegay in mar walbo uu bixinayey dadaal dheeraad ah oo in si wanaagsan u wada shaqeeyaan labada gole muddadii labada sano ee uu dhisnaa agolaha. Waxaa uu golaha aqalka sare qoraal uu soo saaray ku jirtay, kana mid ah qodobada uu diidanaa sida loo ansixiyey miisaaniyaddii 2017 iyo midda 2018, in golaha shacabka uu sharci-darro u adeegsaday magaca baarlamaanka sida matalaadiisa: Midowga baarlamaannada Afrika(5 xubin), Midowga baarlamaannada carabta(4 xubin), midowga baarlamaannada Islaamka(4 xubin), baarlamaanka IGAD(5 xubin), midowga baarlamaanka adduunka(5 xubin), iyo arrimo kale. Golaha aqalka sare waxaa uu shaaca ka qaadan in aanu la shaqeyn karin golaha shacabka inta madaxweynaha ka xalinayo arrimaha kor ku xusan. Akhriso: Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaqay inuu hakiyey wada-shaqeyntii kala dhaxeysay qalka hoose ama golaha shacabka. Aqalka Sare ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in aqalka hoose uu baal-maray dastuurka iskuna koobay arrimaha la xiriira miisaaniyadda dowladda iyo arrimaha dibedda. Waxa uu sidoo kale sheegay in aqalka hoose uu isku koobay matalaadda baarlamanka Soomaaliya, isaga oo guddiyo caalami ah u diray xubno ka wada socda Aqalka Hoose, oo xuquuqdii aqalka sare uu duudsiiyey. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran
  13. Thank you Mr. President, I arrived in Somalia on 3 October and have been well received by prominent officials of the Federal Government and of [...] Source
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika, AFRICOM, oo war-qoraal ah soo saareey ayaa wuxuu ku sheegtay inuu duqayn cusub ka fuliyay dalka Soomaaliya. AFRICOM ayaa tilmaamtay in weerarka cirka ah oo ka dhacay tuulada Dheerow Sanle ee gobolka Bay ay ku dishay 10 xubnood oo Al-Shabaab ah. Mareykanka ayaa tibaaxay in howlgalkaan oo ay fuliyeen Arbacadii shalay ahayd aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dad shacab ah. Ma jirto wax war ah oo ku aadan sheegashada Mareykanka oo kasoo baxay dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Waa duqayntii ugu horeysay oo ay dowladda Mareykanka ka geysto Soomaaliya sanadkaan cusub ee 2019. The post Mareykanka oo fahfaahiyay duqayn uu ka fuliyay Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-03012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. (SLT-Muqdisho)-War saxaafadeed ka soo baxay ciidamada u qaabilsan Maraykanka qaarada Afrika ee Africom ayaa sheegay in duqeyntii ugu horeysay ee sanadkan ay ka fuliyeen gobolka Bay. Duqeyntan ayay ciidamada Maraykanku sheegeen in ay ku dileen toban ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab. “Waxaan qiimeyneynaa in dad rayid ah aysan ku dhiman duqeyntan,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Africom. Duqeyntan ayay ciidamada Maraykanku fuliyeen 2dii bishan iyadoo ay ku sheegeen in duqeyntan ay ka dhacday meel ku dhow deegaan lagu magacaabo Dheerow Sanle. Duqeymaha ciidamada Maraykanka ka geysanayaan deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa korodhay sanadkii la soo dhaafay. Source
  17. Muqdisho (PP) ─ Xaflada ay xilka kula kala Wareegayeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Somalia, C/fataax Maxamed Ibraahim (Geeseey) iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaas, Cabdi Aadan Hoosoow ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaradda ee Muqdisho. Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiir-u-dowlaha Xafiiska RW Somalia, C/llaahi Xaamud, wasiirro iyo xubno kale. Wasiirkii hore ee Howlaha guud, C/fataax Geesey ayaa ka hadlay hawlihii ay wasaaraddu qabtay intii uu xilka hayay oo ay ka mid yihiin heshiisyo uu la galay Hay’ado Caalami ah iyo Dowladaha saaxiibka la ah Soomaliya. Sidoo kale, Wasiirka cusub ee Wasaradda Cabdi Aadan Hoosoow ayaa isna sheegay inuu la imaan doono hufnaan cadaalad iyo hawl-karnimo dhinaca shaqada ah halkaana uu kasii wadi doono hawlaha horyaalla Wasaaradda. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somalia, Mahdi Guuleed oo u kala wareejiyay xilka Wasiirkii hore iyo Wasiirka cusub ayaa ammaanay shaqadii Wasiirkii hore ee xilkaan baneeyay kuna tilmaamay inuu ahaa mid howlkar ah, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda ayuuna ku tilmaamay inuu la imaan doono dar dar gelinta howlaha shaqo ee Wasaaradda. Ugu dambeyn, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha guud C/rataax Geesey ayaa isku casilay toddobaadyo ka hor rabshadhihii ka dhacay Baydhabo markii la xiray Roobow, isgaoo sheegay in falalkaas ay yihiin kuwo xad-gudub ku ah maamulkaas, nkastoo maalin kaddib la magacaabay wasiirka xilka la wareegay oo isla deegaankaas kasoo jeeda. PUNTLAND POST The post Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya oo Maanta Xilka la Waregay appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Batroolka iyo Macdanka Dowladda Somalia iyo shirkadda khayraadka macdanta iyo bBatroolka dalka Qatar ayaa maanta heshiis is-af-garad ah ku kala saxiixday munaasabad lagu qabtay Muqdisho Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Somalia, Inj. C/rashiid Maxamed Axmed iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo madaxa ka ah koox maal-gashadayaasha Qatar oo Muqdisho ku sugan ayaa si wada jir ah u saxiixay is-afgaradka. Sidoo kale, Wasiir C/rashiid iyo maalgashadayaasha Qadar ka socda ayaa ka wada hadlay dhinacyada wasaaaradda laga caawinayo, waxaana heshiiskan uu qayb ka yahay heshiisyo ay Qatar ku maal-gashanayso Soomaaliya. Dhanka kale, Dowladda Qatar ayaa waxay horay mashaariic kala duwan ula saxiixatay Somalia, waxaana heshiisyadaas ka mid ahaa kuwo lagu dhisayo waddooyinka isku xira Muqdisho iyo degmooyinka Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe. Ugu dambeyn, Dowladda Qatar ayaa waxay billlowday inay mshaariic kala duwan la saxiixato Dowladda Somalia tan iyo markii Dowladda Imaaraadku ay joojisay mashaariicdii ay wadday Somalia, sababo la xiriira khliaaf soo dhex-galay labada dowladood. PUNTLAND POST The post Xukuumadaha Somalia iyo Qatar oo Heshiis ku kala Saxiixday Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  19. Telfishinka dowladda Shiinaha ayaa war laga baahiyay waxaa lagu sheegay in Dayax Gacmeed ay dowladu dirtay uu gaaray cirifka shishe ee Dayax , gaar ahaan [...] Source
  20. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa kormeeray cutubyo cusub oo ka mid noqoyana Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo tababar uu uga socdo garoonka ciyaaraha ee Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa sheegay in laga sugayo kumannaankan dhallinyarada ah ee u istaagay dalkooda, in ay wax badan ka badelaan amniga magaalooyinka dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo waajib gaar ah uu ka saaran tahay qof kasta oo Soomaali ah. “Cadawgeennu waxa ay Muqdisho u bartilmaameed sanayaan waa maqaamka iyo maamuska ay ku leedahay caalamka, Argagixisada Alshabaab waxa ay cududdooda oo dhan isugu geeyeen sida ay u wax yeelayn lahaayeen Caasimadda shacabka Soomaaliyeed, balse taas uma suurta galeyso inta ay dalkan ku nool yihiin dhallinyaro idinkoo kale ah oo shafka u dhiganaya ilaalinta xasilloonida, nafta iyo hantida shacabkeenna.” Taliyeha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo kormeerkan ku wehelinayay Duqa Muqdisho ayaa ka warbixiyey tirada iyo tayada ciidankan loo diyaarinayo sugidda amniga Caasimadda, isagoona tilmaamay in korjoogteynta iyo ka-warqabka Maamulka Gobolka Banaadir ee Ciidankan uu cadeyn u yahay rajada iyo yididiillada lagu qabo dhallinyartan. Ugu dambeyn, Dhallinyarada uu la kulmay Guddoomiyuhu ayaa dhankooda soo bandhigay noocyada tababarka ay qaateen iyo himilladooda ku aaddan sugidda amniga Caasimadda, iyagoona Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyey booqashadan oo ka tarjumaysa sida Guddoonka Gobolku ay u garab taagen yihiin hay’adaha ammaanka. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Yariisow oo sharraxay sababta loo bar-tilmaameedsanayo Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay Maxkamad soo taagtay 11 qof oo ku eedeesnaa dilka wariye Jamaal Jamaal Khaashuqji , kaas oo labadii October 2018 lagu dhex [...] Source
  22. To support the Federal Government of Somalia’s continued efforts to degrade al-Shabaab, U.S. forces conducted one (1) airstrike targeting al-Shabaab militants in the vicinity of Dheerow Sanle, Somalia, on January 2, 2019. This airstrike was conducted to diminish al-Shabaab’s freedom of movement and to increase pressure on Al Shabaab militants in the area. We currently assess this airstrike killed ten (10) militants. At this time we assess no civilians were injured or killed in this airstrike. Alongside our Somali and international partners, we are committed to preventing al-Shabaab from taking advantage of safe havens from which they can build capacity and attack the people of Somalia. In particular, the group uses portions of southern and central Somalia to plot and direct terror attacks, steal humanitarian aid, extort the local populace to fund its operations, and shelter radical terrorists. U.S. Africa Command will continue to work with its partners to transfer the responsibility for long-term security in Somalia from AMISOM to the Federal Government of Somalia and its Member States, and U.S. forces will use all effective and appropriate methods to protect the Somali people, including partnered military counter-terror operations with the Federal Government of Somalia, AMISOM and Somali National Army forces. The post US military carries fresh airstrike in Somalia, kills militants appeared first on Shabelle. View the full article
  23. New York (Caasimada Online) – Kulanka golaha ammaanka QM uu ka yeelanyo arrimaha Soomaaliya ayaa goor-dhow si rasmi ah uga billowday xarunta QM ee magaalada New York. Waxaa kulanka khudbad ka jeedinaya wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dowladda Soomaaliya ay dalka ka cayrisa. Waxaa sidoo kale khudbad ka jeedinaya danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan Abuukar Baale iyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Madeira, iyo xubno kale oo arrimaha Soomaaliya ay khuseyso. Toos u daawo kulanka oo hadda socda Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com