-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (Caasimada Online) – Qaar kamid ah isimada Puntland ayaa ka hor yimid go’aankii xukuumadda Puntland ay deegaanada maamulkaasi kaga mamnuucday shaqaalaha iyo wasiirada dowladda. Isimada Puntland ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Garowe waxay kasoo saareen qoraal ay ku cadeynayaan in shaqsiyaadka aan dambi ka galin Puntland ay tagi karaan deegaanada maamulkaasi. Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo ku hadlay magaca isimada Puntland ayaa sheegay inay ka warhayaan qoraalka maamulka Puntland islamarkaana aysan taageersaneyn in go’aankaasi oo kale laga qaato shaqaalaha dowladda. “Sidaad la socotaan warqada dhowr qodob ayay ka koobneyn, waxaan arintaasi kala hadalnay madaxweynaha, musharixiinta Puntland, saraakiisha ciidamada iyo waxgaradka, waxaana la isla gartay in waxii aan na qaban in laga saaro meesha”. “Waxaa la isla garanay muwaadin kastaa oo Soomaali ah muwaadin kastaa oo reer Puntland ah, oo aan dambi cad ka galin Puntland inuu tago karo deegaanada Puntland, waxaana la isla gartay in amaanka laga wada shaqeeyo”ayuu yiri Suldaan Bashiir. Suldaan Bashiir, ayaa dhinaca kale sheegay inay been abuur tahay in la xiray xawaaladihii deegaanada Puntland iyo bangiyada islamarkaana ay shaqeynayaan dhamaan xarumaha xawaaladaha. Dhawaan amar kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda iyo wasiirada aysan tagi karin deegaanada maamulkaasi, waxaase kadib tagay magaalada Garowe xildhibaano baarlamaanka ka tirsan. Halkan ka dhageyso codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/737fbdf5-59da-4dea-ab94-bf5546e80b4b_16k.mp3Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay maanta inay hakiyeen xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhaxeeyey Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia. Tallaabadan ayaa timid markii ay isku qabteen arrimo dastuuri ah, oo ay ka mid tahay in dastuurka dhigayo in madaxweynaha saxiixo hindise sharciyeedyada ay soo ansixiyaan labada aqal ee baarlamaanka. Sidoo kale, Aqalka sare waxaa uu sheegay in mar walbo uu bixinayey dadaal dheeraad ah oo in si wanaagsan u wada shaqeeyaan labadan Gole muddadii labada sano ee uu dhisnaa agolaha. Dhanka kale, Golaha Aqalka Sare wuxuu qoraal uu soo saaray ku sheegay in qodobbada ay diiddan yihiin ay ka mid yihiin sida loo ansixiyey miisaaniyadii 2017-kii iyo midda 2018, in golaha shacabka uu sharci-darro u adeegsaday magaca baarlamaanka sida matalaadiisa: Midowga Baarlamaannada Afrika (shan xubin), Midowga baarlamaannada carabta(afar xubin), midowga baarlamaannada Islaamka(4 xubin), baarlamaanka IGAD(5 xubin), midowga baarlamaanka adduunka(5 xubin), iyo arrimo kale. Ugu dambyen, Goluhu wuxuu shaaca ka qaadan in aanu la shaqeyn karin golaha shacabka inta madaxweynaha ka xalinayo arrimaha kor ku xusan. Haddaba, AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Aqalka Sare ee Soomaaliya; PUNTLAND POST The post Aqalka Sare ee Baarlamaanka DF oo sheegay inuu hakiyay wada-shaqeyntii Aqalka Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyay wadashayntii kala dhaxaysay Gollaha Shacabka, sidda ku cad war-saxafadeed uu Golluhu soo saarey. Sidda laga soo xigtay bayaanka, Aqalka Sare ayaa go’aankaan qaatay markii uu Aqalka Hoose usoo gudbin waayay Miisaaniyada 2018 iyo 2018, iyo xeerar muhiim ah oo ku saabsan arrimaha dibadda. Hoos ka akhriso war-saxaafadeed Qaraar The post Aqalka Sare oo hakiyay wadashaqayntii Gollaha Shacabka BFS appeared first on Shabelle. View the full article
-
CLICK HERE TO READ MORE Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ergaygii Qaramada Midoobay uqaabilsanaa Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa warbixin siiyay Gollaha amaanka UN-ka. Haysom ayaa ku amaanay dowlada Federaalka kobdhicinta Dakhliga dalka, hagaajinta nidaamka maaliyadeed iyo walba la dagaalanka musuq-maasuqa. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xariiqay in hadii aanan si wanaagsan wax looga qaban arrimahii ka dhashay rabshadihii ka dhacay Baydhabo ay saameyn karaa doorashooyinka soo socda ee maamulada. Horaantii isbuucaan ayay ahayd markii dowlada Soomaaliya ay dalka ka eriday Nicholas Haysom, iyada oo ku eedaysay inuu faraliyay arrimaha dalka, markii uu ka hadlay xariga Mukhtaar Roobow iyo rabshadihii ka dhacay Baydhabo. The post Gollaha Amaanka QM oo warbixin ka dhageystay Haysom appeared first on Shabelle. View the full article
-
Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hakiyey xiriirkii wada-shaqeyn ee kala dhaxeeyey golaha shacabka. Arrintan ayaa timid markii ay isku qabteen arrimo dastuuri ah, oo ay ka mid tahay in dastuurka dhigayo in madaxweynaha saxiixo hindise sharciyeedyada ay soo ansixiyaan labada aqal ee baarlamaanka. Aqalka sare waxaa uu sheegay in mar walbo uu bixinayey dadaal dheeraad ah oo in si wanaagsan u wada shaqeeyaan labada gole muddadii labada sano ee uu dhisnaa agolaha. Waxaa uu golaha aqalka sare qoraal uu soo saaray ku jirtay, kana mid ah qodobada uu diidanaa sida loo ansixiyey miisaaniyaddii 2017 iyo midda 2018, in golaha shacabka uu sharci-darro u adeegsaday magaca baarlamaanka sida matalaadiisa: Midowga baarlamaannada Afrika(5 xubin), Midowga baarlamaannada carabta(4 xubin), midowga baarlamaannada Islaamka(4 xubin), baarlamaanka IGAD(5 xubin), midowga baarlamaanka adduunka(5 xubin), iyo arrimo kale. Golaha aqalka sare waxaa uu shaaca ka qaadan in aanu la shaqeyn karin golaha shacabka inta madaxweynaha ka xalinayo arrimaha kor ku xusan. Akhriso: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaqay inuu hakiyey wada-shaqeyntii kala dhaxeysay qalka hoose ama golaha shacabka. Aqalka Sare ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in aqalka hoose uu baal-maray dastuurka iskuna koobay arrimaha la xiriira miisaaniyadda dowladda iyo arrimaha dibedda. Waxa uu sidoo kale sheegay in aqalka hoose uu isku koobay matalaadda baarlamanka Soomaaliya, isaga oo guddiyo caalami ah u diray xubno ka wada socda Aqalka Hoose, oo xuquuqdii aqalka sare uu duudsiiyey. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika, AFRICOM, oo war-qoraal ah soo saareey ayaa wuxuu ku sheegtay inuu duqayn cusub ka fuliyay dalka Soomaaliya. AFRICOM ayaa tilmaamtay in weerarka cirka ah oo ka dhacay tuulada Dheerow Sanle ee gobolka Bay ay ku dishay 10 xubnood oo Al-Shabaab ah. Mareykanka ayaa tibaaxay in howlgalkaan oo ay fuliyeen Arbacadii shalay ahayd aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dad shacab ah. Ma jirto wax war ah oo ku aadan sheegashada Mareykanka oo kasoo baxay dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Waa duqayntii ugu horeysay oo ay dowladda Mareykanka ka geysto Soomaaliya sanadkaan cusub ee 2019. The post Mareykanka oo fahfaahiyay duqayn uu ka fuliyay Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-03012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-War saxaafadeed ka soo baxay ciidamada u qaabilsan Maraykanka qaarada Afrika ee Africom ayaa sheegay in duqeyntii ugu horeysay ee sanadkan ay ka fuliyeen gobolka Bay. Duqeyntan ayay ciidamada Maraykanku sheegeen in ay ku dileen toban ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab. “Waxaan qiimeyneynaa in dad rayid ah aysan ku dhiman duqeyntan,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Africom. Duqeyntan ayay ciidamada Maraykanku fuliyeen 2dii bishan iyadoo ay ku sheegeen in duqeyntan ay ka dhacday meel ku dhow deegaan lagu magacaabo Dheerow Sanle. Duqeymaha ciidamada Maraykanka ka geysanayaan deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa korodhay sanadkii la soo dhaafay. Source
-
Muqdisho (PP) ─ Xaflada ay xilka kula kala Wareegayeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Somalia, C/fataax Maxamed Ibraahim (Geeseey) iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaas, Cabdi Aadan Hoosoow ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaradda ee Muqdisho. Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiir-u-dowlaha Xafiiska RW Somalia, C/llaahi Xaamud, wasiirro iyo xubno kale. Wasiirkii hore ee Howlaha guud, C/fataax Geesey ayaa ka hadlay hawlihii ay wasaaraddu qabtay intii uu xilka hayay oo ay ka mid yihiin heshiisyo uu la galay Hay’ado Caalami ah iyo Dowladaha saaxiibka la ah Soomaliya. Sidoo kale, Wasiirka cusub ee Wasaradda Cabdi Aadan Hoosoow ayaa isna sheegay inuu la imaan doono hufnaan cadaalad iyo hawl-karnimo dhinaca shaqada ah halkaana uu kasii wadi doono hawlaha horyaalla Wasaaradda. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somalia, Mahdi Guuleed oo u kala wareejiyay xilka Wasiirkii hore iyo Wasiirka cusub ayaa ammaanay shaqadii Wasiirkii hore ee xilkaan baneeyay kuna tilmaamay inuu ahaa mid howlkar ah, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda ayuuna ku tilmaamay inuu la imaan doono dar dar gelinta howlaha shaqo ee Wasaaradda. Ugu dambeyn, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha guud C/rataax Geesey ayaa isku casilay toddobaadyo ka hor rabshadhihii ka dhacay Baydhabo markii la xiray Roobow, isgaoo sheegay in falalkaas ay yihiin kuwo xad-gudub ku ah maamulkaas, nkastoo maalin kaddib la magacaabay wasiirka xilka la wareegay oo isla deegaankaas kasoo jeeda. PUNTLAND POST The post Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya oo Maanta Xilka la Waregay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Batroolka iyo Macdanka Dowladda Somalia iyo shirkadda khayraadka macdanta iyo bBatroolka dalka Qatar ayaa maanta heshiis is-af-garad ah ku kala saxiixday munaasabad lagu qabtay Muqdisho Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Somalia, Inj. C/rashiid Maxamed Axmed iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo madaxa ka ah koox maal-gashadayaasha Qatar oo Muqdisho ku sugan ayaa si wada jir ah u saxiixay is-afgaradka. Sidoo kale, Wasiir C/rashiid iyo maalgashadayaasha Qadar ka socda ayaa ka wada hadlay dhinacyada wasaaaradda laga caawinayo, waxaana heshiiskan uu qayb ka yahay heshiisyo ay Qatar ku maal-gashanayso Soomaaliya. Dhanka kale, Dowladda Qatar ayaa waxay horay mashaariic kala duwan ula saxiixatay Somalia, waxaana heshiisyadaas ka mid ahaa kuwo lagu dhisayo waddooyinka isku xira Muqdisho iyo degmooyinka Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe. Ugu dambeyn, Dowladda Qatar ayaa waxay billlowday inay mshaariic kala duwan la saxiixato Dowladda Somalia tan iyo markii Dowladda Imaaraadku ay joojisay mashaariicdii ay wadday Somalia, sababo la xiriira khliaaf soo dhex-galay labada dowladood. PUNTLAND POST The post Xukuumadaha Somalia iyo Qatar oo Heshiis ku kala Saxiixday Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa kormeeray cutubyo cusub oo ka mid noqoyana Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo tababar uu uga socdo garoonka ciyaaraha ee Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa sheegay in laga sugayo kumannaankan dhallinyarada ah ee u istaagay dalkooda, in ay wax badan ka badelaan amniga magaalooyinka dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo waajib gaar ah uu ka saaran tahay qof kasta oo Soomaali ah. “Cadawgeennu waxa ay Muqdisho u bartilmaameed sanayaan waa maqaamka iyo maamuska ay ku leedahay caalamka, Argagixisada Alshabaab waxa ay cududdooda oo dhan isugu geeyeen sida ay u wax yeelayn lahaayeen Caasimadda shacabka Soomaaliyeed, balse taas uma suurta galeyso inta ay dalkan ku nool yihiin dhallinyaro idinkoo kale ah oo shafka u dhiganaya ilaalinta xasilloonida, nafta iyo hantida shacabkeenna.” Taliyeha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo kormeerkan ku wehelinayay Duqa Muqdisho ayaa ka warbixiyey tirada iyo tayada ciidankan loo diyaarinayo sugidda amniga Caasimadda, isagoona tilmaamay in korjoogteynta iyo ka-warqabka Maamulka Gobolka Banaadir ee Ciidankan uu cadeyn u yahay rajada iyo yididiillada lagu qabo dhallinyartan. Ugu dambeyn, Dhallinyarada uu la kulmay Guddoomiyuhu ayaa dhankooda soo bandhigay noocyada tababarka ay qaateen iyo himilladooda ku aaddan sugidda amniga Caasimadda, iyagoona Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyey booqashadan oo ka tarjumaysa sida Guddoonka Gobolku ay u garab taagen yihiin hay’adaha ammaanka. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Yariisow oo sharraxay sababta loo bar-tilmaameedsanayo Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
To support the Federal Government of Somalia’s continued efforts to degrade al-Shabaab, U.S. forces conducted one (1) airstrike targeting al-Shabaab militants in the vicinity of Dheerow Sanle, Somalia, on January 2, 2019. This airstrike was conducted to diminish al-Shabaab’s freedom of movement and to increase pressure on Al Shabaab militants in the area. We currently assess this airstrike killed ten (10) militants. At this time we assess no civilians were injured or killed in this airstrike. Alongside our Somali and international partners, we are committed to preventing al-Shabaab from taking advantage of safe havens from which they can build capacity and attack the people of Somalia. In particular, the group uses portions of southern and central Somalia to plot and direct terror attacks, steal humanitarian aid, extort the local populace to fund its operations, and shelter radical terrorists. U.S. Africa Command will continue to work with its partners to transfer the responsibility for long-term security in Somalia from AMISOM to the Federal Government of Somalia and its Member States, and U.S. forces will use all effective and appropriate methods to protect the Somali people, including partnered military counter-terror operations with the Federal Government of Somalia, AMISOM and Somali National Army forces. The post US military carries fresh airstrike in Somalia, kills militants appeared first on Shabelle. View the full article
-
New York (Caasimada Online) – Kulanka golaha ammaanka QM uu ka yeelanyo arrimaha Soomaaliya ayaa goor-dhow si rasmi ah uga billowday xarunta QM ee magaalada New York. Waxaa kulanka khudbad ka jeedinaya wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dowladda Soomaaliya ay dalka ka cayrisa. Waxaa sidoo kale khudbad ka jeedinaya danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan Abuukar Baale iyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Madeira, iyo xubno kale oo arrimaha Soomaaliya ay khuseyso. Toos u daawo kulanka oo hadda socda Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
New York (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay nuqul ka mid ah khudbadda la filayo in safiirka Soomaaliya ee QM uu goor-dhow ka jeediyo kulanka golaha ammaanka uu ka yeelanyo arrimaha Soomaaliya. Khudbadda oo inteeda badan ku saabsan horumarka ay dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Farmaajo ay samaysay, ayaa waxaa ku jira qeyb ayada oo aan la magacaabin si toos ah ugu socota ergeyga QM ee Soomaliya laga eryey Nicholas Haysom iyo beesha caalamka. Qeybtan ayaa cinwaan looga dhigay: Soomaaliya ayadaa hogaamisa taageerada caalmiga ah, ee taageerada caalamiga ah ma hogaamiso Soomaaliya. Waxaa sida cad u jeedku yahay in beesha caalamka loogu sheegay in taageerada ay siiyaan Soomaaliya uusan macnaheedu ahayn in talada dalka ayaga looga dambeeyo. Qoraalkan ayaa danjire Abuukar daahir Cusmaan Abuukar baalle uu ku leeyahay saidan: Anaga, ayaa sidaas darteed, waajib naga saaran yahay, inaan dib u aas-aaso maqaamka Soomaaliya ee caalamka iyo inaan si fir-fircoon danaha Soomaaliya ugu matalno masraxyada caalamiga. Waxa ay ku fanaan iyo ilaalinta dadka Soomaaliyeed dartood, waxaa waajib naga saaran yahay, anaga oo ah kuwa matala, inaan siino codka iyo matalaadda himilooyinkooda iyo hiigsigooda. Mudane madaxweyne [madaxweynaha golaha ammanaka] Ii ogolow inaan arrintan sii sharxo. Soomaaliya waa ay kala saartaa hay’daha aan qeybta ka nahay iyo ficillada shaqsiyaadka saameynta dhaawaca leh u gaysan kara dalkeena aan cagaha adag ku taganeyn. Waa wax aynaan aqbali karin ficillada shaqsiyeed ee ka baxsan xeerarka iyo nidaamka aynu dhammaanteen raacno, ee looga gol leeyahay in lagu abuuro jawi aad u xun oo dhaawac gaarsiin kara hormuarkii ay gaartay bulshada Soomaaliyeed, ee ay ku jirto waxyeeleynta horumarka muhiimka ah ee laga gaaray cafinta daymaha. Dowladdeena waxay Soomaaliya ku jiheeneysa mustaqbal cusub. Soomaaliya hadda kuma jirto xaalad ku meel gaar ah, hase yeeshee waa dal madax banaan leh dhamaman xuquuqaheeda iyo mudnaanteeda. Waxaan la dagaalaymaan argagixiso, maskax qabyaaladeed iyo musuq-maasuq. Waxaan ka rajeeneynaa hoggaanka QM inuu taageero istaraatiijiyaddan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Ten al-Shabab militants were killed on Thursday in an airstrike of an operation jointly conducted by the United States and Somali forces in southwest Somalia, the state news agency reported. The Somali National News Agency reported that the joint forces conducted the operation against al-Shabab militants at an area about 150 km southwest of the capital Mogadishu. Al-Shabab militants did not comment on the latest operation so far. This is the first operation conducted by the joint forces this year. The post Ten Al-Shabab militants killed in southwest Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Addis Ababa)-Qoysas lagu qiyaasay inay tiradoodu gaarayso in ka badan 400,000 oo ku barakacday gudaha Dalka Itoobiya ayaa dib ugu noqonaya goobihii ay ka kala yimmaaddeen oo u badan xadka kala qaybiya Soomaalida iyo Oromada. Dadka ugu badan ayaa waxay ka yimmaaddeen degaannada, Moyaale, Borena, Gujji, Bale, bariga iyo galbeedka aagga Hererge , sida uu Wakaaladda Wararka Itoobiya ee (Ethiopian News Agency) ENA u sheegay Madaxa Guddiga maareynta qataraha musiibooyinka ee Oromiya, Mekonnen Lenjessa. Mr, Lenjessa, ayaa sheegay in shaqaaqoyinkii ka dhacay xadka Gobollada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya aysan haatan jirin xaaladduna ay tahay mid deggen oo laysku halleyn karo. Dagaalka Gacan ka hadalka ee Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa soo billoowday December 2016-kii, kaas oo ku salaysnaa muranka xudduudaha iyo Dhul daaqsimeed, waxaana ku dhintay Kumanaan Qof, halka Milaayiin kalana ay ku bara-kaceen. Source