-
Content Count
213,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 xubnood waxay 8dii bisha Janaayo 2019 madaxweyne u doorteen Cabdilaahi Maxamed Deni shanta sano ee soo socta. Wuxuu ku soo baxay doorashadii ugu tartamayaasha badnayd ee Puntland ka dhacday. Dadka ku nool Puntland ayaa inta badan u saarinayey in madaxweynahaan cusub ay dabada ka riixayeen koox siyaasiyiin ah oo isku xiran oo la yiraahdo Aran – Jaan, waana koox ka dhisan gudaha Puntland, halka qaar kalena sheegayeen inuu ka tirsan yahay ururka Damu-jadiid oo ah isbahaysi kale oo siyaasadeed oo looga adkaaday doorashadii Soomaaliya ka dhacday Febaraayo 2017. Shicibka ku nool Puntland ma jecla labadaas urur siyaasadeed, iyagoo ku suntay inay yihiin kooxo qawlaysato ah oo musuq maasuq, wax is daba marin iyo daynaysi ku caan baxay. Sida la sheegay maalinta Sabtida 26 Janaayo waxay Puntland qabanaysaa caleemo saar loo samaynayo madaxweynaha cusub, waase madal u muuqata in tahay dhoolo tus siyaasadeed, iyadoo qolyaha mucaradka ku ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ay inta badan is xijinayaan in madaxweynahaan cusub uu iyaga ka tirsan yahay xisbi ahaan. Mucaradka Dawladda Federaalku maxay ka fili karaan madaxweynaha cusub? Qofka marka uu qabto xilka ugu sareeyo gobol ama wadan, magac ahaan waa wax aad u sareeya, marka xaqiiq laga hadlo se waa dhego libaaxa qof la yiri qabo, qofka masuul u noqonaya wadan dadkiisu isku maqan yahay, sabool yihiin, qofkastoo kula shaqaynaya doonayo inaad siiso meel uu xoolo ka dhaco, xirfadda dadka shaqada dawliga ah yaqaan ee kugu hareeraysan ay ku adagtahay inay talada saxda ah ee aad u bahan tahay ka hesho, talada aad ka helaysaana noqonayso mid ku dhisan dantooda, waxa masuulkaas ku furmaya maskaxdiisa wakhti kooban wax ka bedelan wax kastoo doorashada ka hor taagnaa. Mucaradka fursadda uu madaxweynaha cusub kula geli karo dagaal uusan garanayn meel uu u socdo waa mid aad u yar. Cabdinasir Cismaan oo ah aqoonyahan bartay xiriirka caalamiga ah, ku nool Garoowe, oo aan arrintaan waxa ka waydiiyey, wuxuu sheegay in gudaha Puntland ay ka taagan ay yihiin culaysyo is fuulay. “Kala qaybsanaanta qabaa’ilka, ururada ISIS iyo Shabaab, aamin darro iyo sida looga dhur sugayo gollaha wasiiradda ayaa inta badan dadka maankooda ka guuxaya, sida uu qabaa’ilka ugu kala qanciyo gollaha wasiirada ayaana wax badan ku xirnaan doonaan inuu madaxweynaha cusub horay u wado maamulka” ayuu yiri Cabdinasir. Wuxuuna sheegay in marka laga soo tago quud daraynta mucaradka ee ay raadinayaan in qof cusub oo miisaan siyaasadeed ku leh Soomaaliya oo iyaga la fikir ahi uu soo baxay, arrintuse sidaas way ka duwan tahay oo madaxweynaha cusub uu inta badan isha ku hayo gudaha Puntland iyo qabaa’ilka, waxa ka baxsan ee ilaa heer federal ahna aysan khatar weyn ku hayn, aysanna jirin sabab uu hadda mucarad ula safto. Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Dawladda Federaalka Madaxweynaha cusub culaysyada ka haysta qabaa’ilka gudaha waxay ku yihiin madax wareer siyaasadeed, waxaa maalin kasta xafiiskiisa uu ku cusub yahay marti ku ah hogaamiyayaal qabiil, siyaasiyiin, ganacsato iyo culimo dhamaantood waxay wadaan waa fariimo madax xanuun ku ridaya madaxweynaha cusub oo lagu dalbanaya wax inta badan ay adagtahay inuu fuliyo. Marka duruufahaas la fiiriyo madaxweynaha cusub baahida ugu weyn ee uu qabaa waa inuu hagaajisto xiriirka ka dhexeeya dawladda federaalka, taasoo uu ka helayo laba faa’iido. Inta badan bulshada ku nool Puntland in dawlad Soomaaliyeed oo shaqaysa la helo waa mid ay dareen ahaan ka wada siman yihiin culimada, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyaradu, waa jiraan siyaasiyiin iyagu mucaarad ku ah, marka arrintaan la eego madaxweynaha cusubi haddii uu hagaajiyo xiriirka Dawladda Federaalka waxay ka siibaysaa irbad xanuun badan oo dhinaca shicibka uga imaan lahayd, qodobka kalena ee xiriirka dawladda muhiimka ugu yahay waa maamulkiisa curdinka ah haddii uu gallo dagaal siyaasadeed inuu noqonayo kan koowaad ee fashil ka soo gaaro. Fursad kale oo u banaan madaxweynaha cusub? Dadka Soomaalida marka hoos loo wada hadlo waxyaabaha muran ee ka dhexeeya markay noqoto dhinaca siyaasadda waxay salka ku haysaa dhowr qodob: Arrimo qabiil: qofka siyaasiyga ahi wuxuu markasta awood ka raadiyaa qabiilkiisa, mana jirto aragti uu dadka kale ee aan ku qabiilka ahayn ku kasban karo 2. Arrinta kale waa dano shisheeye: Dadka Soomaaliyeed waa sabool, wadamada lacagta haysta gaar ahaan carabtu inay saamayn ku yeelato siyaasi Soomaaliyeed ma ahan wax lala yaabo, waxayna taasi keentay hagar daamo badan, markastoo khilaaf goboleed ama mid dunida samayn kale ku leh soo baxo, siyaasiyiinta markaas mucaradka ahi waa kuwo gala jeebabka wadamadaas. 3. Fikirka diiniga ah: Fikirkaani waa mid ku xoogan wakhtigaan siyaasadda, dadku siday isugu dan noqdaan ayaana fikirkooda diintu isugu xirmaa, mana noqoto kala qaybsanaanta xagga diinta ee dhinaca siyaasadda mid ku salaysan kala duwanaansho caqiido. Marka arrimahaa la fiiriyo madaxweynaha cusub wuxuu ciyaari karaa door muhiim ah oo ku aadan inuu bilaabo xiriir toos ah oo uu xubnaha mucaradka iyo Dawladda uu ugu kala dab qaadi karo, wuxuuna xoojin karaa dawladnimada. Dadka yaqaan qof ahaan madaxweynaha cusub waxay ku tilmaamaan nin dul qaad badan, una dhabar adaygi kara inuu qabto hawshaan. Waxaa Qoray: Maxamed Xasan Maxamed Email: kayse25@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Dhibka kala haysta xirfadlayda iyo looshaqeeyeyaasha! Waxaa jira eray la yiraaho `LAKUKA` oo caan ka ah dalka Soomaaliya, waxaana eraygan laga soo gaabiyey: LA: la qabso KU: ku qabso KA: ka qabso Tusaale; ganacsade ama NGO-le ka dhex waayey qaraabadiisa qof leh xirfad uu markaasi u baahan yahay, ayaa xifadle uu ka warhelay in uu leeyahay aqoontaasi, inta uu raadiyo, shaqo siinayaa. Marka uu shaqada soo galo, ayaa waxa uu u keenayaa qof qaraabadiisa ah oo uu horay uga soo dhaadhiciyey in uu xirfadlahan ka barto xirfadda shaqada, waxa uuna ku soo leeyahay, shadaqa LAQABSO! Qofkii waxa uu soo agfariisanayaa xirfadlihii si uu shaqada uga barto, xirfadluhuna waa uu tixgelinayaa oo, waxa uu leeyahay waa qaraabada badarnoolaha. Kolka uu shaqadii kala baro ayuu maalinta dambe shaqada KU QABSANAYAA xirfadlihii! Muran iyo dhib ayaa meesha ka dhacaya, looshaqeeyuhuna hoos buu wax ka ogyahay. Marka uu muranka iyo qaylada dhexdooda ah uu bato, ayaa xirfadlahii loo yeerayaa, waxaana la leeyahay, “Adeer, buuqaan joogtada ah kama bixi karno, shaqadaana nooga dhumaysa ee fadlan iska bax!” Markaas buu, isaga oo ka muragaysan sida la yeelay oo la mooda in la leeyahay ʻdabaday`, iska baxayaa. Qofkii qaraabada ahaa sidaas ayuu meeshii KAGA QABSANAYAA shaqadii! Dadka xirfedlayda ah taasi waa wada sugeysaa. Haddii aadan ahayn qaraabada looshaqeeyaha, sidii aad uga dabaalan lahayd LAKUKA adiga ayey ku jirtaa. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Kala xiriir: nayruus@gmail.com https://suldan-nayrus.blogspot.com/ Fb: facebook.com/snayruus
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Muqdisho, kaasi oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre. Kulanka golaha wasiirada maanta ayaa looga hadlay burburka ciidamada Kenya ay ku hayaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo shaqooyinka kale ee horyaala xukuumadda Soomaaliya. Shirka ayaa ugu horayn looga hadlay hal-beegyada afarta tubood ku jira ee wasiirradu ay ballan qaadeen in ay fulinayaan sannadkaan 2019, waxaana golohu isku raacay in sannadkaan uu noqdo sannad shaqooyin badan la qabto isla xisaabtankana la dardar-geliyo. Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknoologiyadda XFS, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa intaa kadib goloha wasiirrada war bixin ka siiyay xaruma ay leedahay shirkadda Isgaaarsiinta Hormuud oo ay burburiyeen ciidanka Kenya. Golaha ayaa isku raacay in dhibaatada xarumaha la gaarsiiyay looga hadlo kulan ay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya. Shirka golaha ayaa ugu dambayn dood dheer looga yeeshay hab-raaca heshiisyada caalamiga ah oo golaha uu usoo gudbiyay garyaqaanka guud ee dawladda.
-
JOHANNESBURG — The U.S. military says it has carried out two new airstrikes in Somalia against the al-Shabab extremist group but will no longer give details on fighters killed or damage done. A spokesman for the U.S. Africa Command says those details are now up to Somalia’s government to share. On Saturday the U.S. announced its deadliest airstrike in Somalia in months, killing 52 of the al-Qaida-linked extremists after a “large group” mounted an attack on Somali forces. The new U.S. statement says the latest airstrikes occurred on Wednesday near Jilib in Middle Juba region, where Saturday’s strike occurred. The United States has dramatically stepped up airstrikes against al-Shabab in Somalia since President Donald Trump took office, carrying out at least 47 last year to diminish the Islamic extremist group’s “safe havens.” Source: AP
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-24012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Gollaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii todobaadlaha. Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre ayaa shirka gudoomiyay, kaasi oo ay kasoo qaybgaleen inta badan xubnaha xukuumada. Shirka ayaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin hab-raaca heshiisyada caalamiga ah iyo hawlaha hor-tebinta leh ee XFS dooneyso inay fuliso sannadka 2019. The post RW Khayre oo shir gudoomiyay kulanka Gollaha Wasiirada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Muqdisho, kaasi oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre. Kulanka golaha wasiirada maanta ayaa looga hadlay burburka ciidamada Kenya ay ku hayaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo shaqooyinka kale ee horyaala xukuumadda Soomaaliya. Shirka ayaa ugu horayn looga hadlay hal-beegyada afarta tubood ku jira ee wasiirradu ay ballan qaadeen in ay fulinayaan sannadkaan 2019, waxaana golohu isku raacay in sannadkaan uu noqdo sannad shaqooyin badan la qabto isla xisaabtankana la dardar-geliyo. Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknoologiyadda XFS, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa intaa kadib goloha wasiirrada war bixin ka siiyay xaruma ay leedahay shirkadda Isgaaarsiinta Hormuud oo ay burburiyeen ciidanka Kenya. Golaha ayaa isku raacay in dhibaatada xarumaha la gaarsiiyay looga hadlo kulan ay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya. Shirka golaha ayaa ugu dambayn dood dheer looga yeeshay hab-raaca heshiisyada caalamiga ah oo golaha uu usoo gudbiyay garyaqaanka guud ee dawladda.
-
Cambaarayn Ka Dhan Ah Damiir-xumada Safiirka Somaliland Ee Imaaraadka Carabta iyo Bogaadin Ku Socota Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarka Shicibka Saaxil. Hal As-buuc Ka Hor ayay ahayd markii Wafti ka socda dalka Imaaraadka Carabta ,oo uu Hugaaminaayay Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu, Cabdirisaaq Yaasiin Hirad uu Dalka soo galiyay,Waxaanu Waftigaasi ku sheegay markii hore in ay yihiin Dalxiisayaal ,Hasa-yeeshee Kooxdaasi markii danbe Qorshahii ay dalka ku soo galeen way badaleen ,Waxaaney Deegaanka Biyo-guure ee gobolka Saaxil ka bilaabeen Ugaadhsi Xaaraan ah oo ah dhaqamadii Dhul-xaalufinta ahaa ee Carabta Khaliijka lagu yaqiinay. Arintaa markii danbe waxa is hortaagay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Aqoonyahan Shugri X. ismaaciil Baandare ,Agaasimayaasha Wasaaradda ,Sida Saaxil iyo Weliba Shicibka Mawaadiniinta ah ee Reer Berbera ,waxaaney taasi sababtay in Kooxdaasi Carbeed Deg Deg Deegaanka iyo Dalkaba looga saaro. Horta Talaabadaasi waxaanu ku Hambalyaynaynaa Wasiirka Deegaanka Somaliland Marwo Shugri X ismaaciil oo Damiirkeedu u diiday in Dalkeeda Shi-sheeye Duur-joogtiisa iyo Khayraadkiisa Naflayda ah Gurtaan. Waxaanu kale oo aanu Bogaadinaynaa Shicibka reer Saaxil oo iyana diiday in Deegaankooda Tuug Carbeed iyo Shakhsiyaad Duur-joogtooda soo Dilaalay Xaalufiyaan ,waxaaney taasi cadaynaysaa in ay tahay Talaabo Wadaniyada Dalka loogu Hiilinaayo oo xaga horumarka loo qaaday. Geesta kale ,Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu, Cabdirisaaq Yaasiin Hirad ,Waa nin ka soo jeeda gobolka Saaxil ,Waxaana laga filaayay in uu dalka Keeno ama gobolka Mashaariico horumarineed oo lagu Badhi-taaraayo Dadka Danyarta ah ,Laakiin Nasiib-daro lagama filaynin in uu Tuug Carbeed oo Ugaadhsato ah dalkiisa Hooyo ku soo hugaamiyo ,oo uu yidhaado kaalaya Gurta Toban ,Tobankii Duur-joogta ahaa ,ee ka soo doogay Halgankii Dalka iyo Abaarihii dhacay ,waana Nasiib daro iyo Damiir xumo ,waananu Cambaaraynaynaa. Mida kale hore ayaanu u sheegnay oo aanu nidhi ,waxaad arki-doontaan Masuuliyiin Dalka u dhashay oo Dilaaliin ah oo deegaankooda Tuug-carbeed oo Ugaadhsato ah usoo horkaca. Horta arintaa Mawaadinimada ka baxsan ee Damiir-xumada ah Safiir gobolka Saaxil kamaad samayseen ,laakiin Maayir Cabdi-shakuur Cidin ayaa gobolka ka maqnaa oo dalka debediisa jiray. Waxaananu leenahay Safiir Hirad ,waxa kaa fiicnaa ,oo kaa mawaadinsanaa Baashe Moorgan oo ahaa Safiirkii aad xilka kala wareegtay ,Waayo ? Mudadii uu xilkan hayay ,Arintan oo kale dalka kamuu Samaynin ,Dilaalna kumuu soo qaadan Duur-joogta dalka iyo Shimbirihiisa,laakiin dalka waxa uu soo galin jiray Mashaariico kale oo horumarineed. Waxaana Bogaadin mudan Dawladda Somaliland iyo Shicibkeeda oo arintan Talaabadii ku haboonayd ka qaatay ,isla markaana fahmay in ay Duur-joogta ka mid tahay Geela Ama Adhiga dalkan. By Ururka ilaalinta Xayawaanka Somaliland ee SAPO (Somaliland Animal Protection ORG). Gudoomiye Mahad Faarax. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdihso ku geeriyooday Dr Muhanad Cali Axmed oo ah Dhakhtar u dhashay dalka Syria, kaasoo ku dhaawacmay qarax gaari loogu xiray oo ka dhacay degmada Hodan. DR Muhanad Cali Axmed oo ahaa qofka ugu daran ee dhaawaca xoogan gaaray, ayaa maalmahanba xaaladiisa lagula tacaalayay Isbitaalka weyn ee Digfeer, halkaasoo maqribnimadii Caawa uu ku geeriyooda. Qaar kamid ah Dhakhaatiirta Isbitaalka Muqdisho City oo uu ka shaqeynayay, ayaa sheegay in marxuumka geeriyooday, iyagoo sheegay inuu kamid ahaa Dhakhaatiirta loogu jecelyahay Isbitaalka. Waxaa sidoo kale xaaladooda Caafimaad ay soo hagaageysa Dhakhtar kale oo Syrian ah iyo laba Somali ah, kuwaasoo dhaawcayo fudud ay ka soo gaareen qaraxa gaarigooda loogu xiray xili ay sii galayeen Isbitaalka oo ku yaala dalcada C/Qaasim ee Xaafada Taleex. Dhakhaatiirtan, ayaa xiliga uu qaraxa qabsnayay oo eheyd 21-kii bishan, waxa ay ka yimaadeen garoon lagu ciyaaro kubbada cagta oo lagu magacaabo JOBKEY, kaasoo ku yaala meel aan ka fogeyn Isbitaalka Muqdisho City. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-24012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyniii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay hay’ad caalami ah oo gacan siin donta xisbigan. Qoraal kasoo baxay xisbiga oo kulankan lagu faah-faahiyey, hoos ka aqriso. Waxaa Maanta xarunta dhexe ee xisbiga UPD ka dhacay kulan ay wada yeesheen hogaanka xisbiga iyo madaxa Barnaamijka ee hey’ad la yiraahdo International Republican Institute (IRI) ee u qaabilsan Soomaaliya Mr. Bojan Ristic. Hey’adda IRI oo ka shaqaysa arimaha tababaridda asxsaabta siyaasadda iyo Dimuqraadiyaynta iyo xisbiga UPD oo ka mid ah xisbiyada qaran ee waaweyn ayaa kulankooda diiradda ku saaray “qaabka loo tayayn xisbiyada siyaasadda Soomaaliya iyo sida ugu wanaagsan ee looga faa’idaysan karo tababaridda iyo hawlaha dimuqraadiyaynta ay waddo hey’adda IRI” Guddoomiyaha xisbga UPD ayaa xafiiskiisa ku Soo dhoweeyey madaxda IRI, ugana mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen xarunta dhexe ee Xisbiga UPD, kana warbixiyey aragtida ee ku aadan dalka iyo Hawlaha socda, sidoo kale madaxa hey’adda IRI ayaa dhankiisa sharaxaad ka bixiyey hawlaha ay qabtaan iyo sida looga faa’ideysan karo. Madaxda xisbiga UPD iyo hey’adda IRI ayaa isla tilmamay baahida loo qabo waqtiga hadda la joogo tayaynta iyo kobcinta aqoonta xisbinnimo ee xubanaha xisbiyadda iyo dimuqraadiyeynta dalka. Ugu danbaynna waxaa labada dhinac ay ku ballameen wada shaqeyn la xiriirta Hawlaha sare ku xusan. Aan mar kale mudnaanta siinno MAANDEEQ NABAD & HORUMAR
-
Wufuudda ka qeyb gelaysay caleema-saarka madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku bilowday is-dhinac-yaac iyo fowdo , kadib markii maanta Garoowe lagu soo wada-dhoweeyay laba haween ah oo labaduba sheeganaya guddoomiyaha ururka Haweenka Soomaaliyeed. Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Puntland ayaa garoonka diyaaraha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir Hamaan ku soo wada-dhoweeyay, Ayaan Cabdullaahi Axmed iyo Batuulo Sheikh Axmed (Gabballe), waxaana labadaba lagu soo dhoweeyay magaca, guddoomiyaha Haweenka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed. Is-dhinac-yaaca maamul ee qaabka fowdada ah ku socda ayaa imaanaya, xilli maalmaha soo aaddan ay Garoowe ku soo wajahan yihiin, wufuud badan oo ka imaanaya meelo kala duwan, balse lama garanayo sida loo kala nidaamin doono, maadaama la kala nidaamin waayey laba haween oo keligood ah. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Wufuudda Garoowe imaanaya oo ku bilowday is dhinac-yaac iyo fowdo appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dib u dhigi doono jeedinta khudbadda Xaaladda Qaranka, ilaa aqalka Congress-ka uu ka xalinayo xidhnaanshaha qeyb ka mid ah howlaha dowladda. “Ma raadinayo meel kale oo aan khudbadda ka jeediyo, sababta oo ah ma jiro masrax u dhigma taariikhda, dhaqanka iyo muhiimadda Aqalka Wakiilada” ayuu yiri Trump oo qoraal soo dhigay twitter-ka arbacadii. Goor sii horeysay, saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay inuu socday qorshe uu madaxweynaha doonayey inuu khudbadda ka jeediyo goob kale, oo aan ahayn Aqalka Wakiilada. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sanad kasta waxaa laga doonayaa inuu congress-ka u gudbiyo warbixinta xaaladda waddanka, hase yeeshee ma jiro wax qasbaya inuu ka hor jeediyo labada Aqal ee sharci-dejinta. Afhayeenka Congress-ka, Nancy Pelosi ayaa ku boorisay Trump inuu dib u dhigo khudbaddiisa inta laga xalinayo muranka ka taagan xirnaanshaha dowladda, ama uu qoraal ahaan ugu soo gudbiyo sharci-dejiyayaasha. Source
-
An Ethiopian ex-minister was arrested on Wednesday on suspicion of “mismanagement of public funds” while he was head of a regional public investment fund, the state-affiliated Fana Broadcasting said. Prime Minister Abiy Ahmed has been pursuing a nationwide crackdown on graft in the public sector since taking office last year. Bereket Simon, who served as minister of communication in the 1995-2012 government of Meles Zenawi and was widely considered his right-hand man, co-founded the fund, TIRET Corporation, in 1995 and led it until 2017. TIRET belongs to the Amhara regional administration and owns firms in the brewery, construction, transport and logistics sectors. Also arrested on the same allegations on Wednesday was Tadesse Kassa, a former board member of TIRET. Neither Bereket nor Tadesse were immediately reachable for comment. The two suspects were taken to Bahir Dar, capital of Amhara region, from their residences in Addis Ababa, and were due to be charged, Fana quoted the head of Amhara’s anti-corruption commission as saying. Earlier this month, Ethiopia charged the former head of the military-run industrial conglomerate METEC and other officials with corruption. Source: Reuters The post ETHIOPIA ARRESTS EX-MINISTER FOR MISMANAGEMENT OF FUNDS: FANA appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Ansalooti waxa ay barkhanimadii maanta ku dileen laba dhalinyaro ahaa, sida ay inoo sheegeen laamaha ammaanka. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen Dableyda dilka geysatay inay horey u sii qaateen Bastoolad ay wateen ragga la toogtay. Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay sheegeen Dhalinyarada la toogtay inay ka tirsanaayeen ciidanka Nabad Sugidda ee dharka cadka. Ciidanka ammaanka ayaa ku daba jira ragga dilka geystay oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Mintidiinta Al Shabaab. Masuuliyiinta Degmada Waaberi oo tagay goobta uu dilka ka dhacay ayaa shacabka ka dalbaday inay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka. Shalay oo ugu dambeysay kooxda Al shabaab ayaa sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo nin Ganacsade ahaa waxa ay ku dileen magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay labadan dhallinyaarada, waxayna sheegtay inay ahaayeen saraakiil ka tirsan NISA. Shabaab waxa ay sheegeen in labada nin ay ahaayeen kuwa ka tirsan dharcadka sirdoonka Soomaaliya, islamarkaana hubkii ay wateen ay ka qaateen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
A contingent of 13 Uganda Police Officers has been flagged off for a peace-keeping mission in Somalia under AMISOM. Uganda Police Force, Director of Peace Support Operations, Grace Turyagumanawe, urged the officers to be disciplined as they go to serve in Somalia. “Keep the same good standards of discipline as you go to serve in peace operations. Follow the United Nations and African Union codes of conduct,” Turyagumanawe said during the briefing function at Police Headquarters in Naguru Kampala. He called upon the officers to act with the highest level of professionalism, integrity, respect for culture and diversity, and to observe human rights and international humanitarian laws. The officers are expected to spend at least one year on their tour of duty in Somalia. Uganda has been deploying police officers in Somalia since 2012 While in Somalia, the officers are mandated to give security under AMISOM with the core duty of public order management, providing security to UN/AU facilities as well as building personnel capacity of the Somali police, hostage rescue and escort of VIPs. Somalia is currently building its police force to provide policing services for its citizens. According to police reports, AMISOM police have trained over one thousand Somali National Police Officers. The post Ugandan police contingent deployed to Somalia under AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article
-
Shirka Wada Tashiga Beelaha Gadabuursi Oo Aw-Barre Ka Dhacaya, Doorka Suldaan Wabar Iyo Cabdi Ismaaciil Samatar Shirweyne lagu sheegay shirka Wada Tashiga Beelaha Gadabuursi ee Itoobiya ayaa qaban qaabadiisa si weyn looga dareemayaa Magaalooyinka Jigjiga iyo Aw Barre iyo deegaamada Beeshu ka degto Kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya, halka sidoo kale shirkan iyo arrimihiisa si weyn looga hadal hayo Magaalo madaxda Gobolka wdal ee Boorama shirkaasi oo la sheegay in uu abaabulkiisa leeyahay Ugaaska beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi kaasi oo muddooyinkii dambe qaban qaabadiisu ka sooctay Magaalooyinka Jigjiga iyo Aw Barre ee dalka Itoobiya. Dhawaan ayay ahayd markii uu si rasmi ah u soo shaac baxay shirkan oo loogu magac daray Shirka Wada Tashiga Beelaha Gadabuursi ee Itoobiya balse markii dambe siyaasiyiin Beesha ka soo jeeda oo u badan kuwo qurbe-joog ahi ay ku guulaysteen in ajandaha shirka aan lagu koobin danaha Beesha ee Kililka 5aad ee talada la ballaadhiyo oo xataa wax la isaga waydiiyo xaaladda siyaasadeed ee Beesha ee dhinaca Somaliland, arrintan oo ku soo beegmaysa wakhti is baddal ballaadhani ka dhacay dalka Itoobiya gaar ahaan Kililka shanaad ee Soomaalida taasina keentay in beelaha deegaanka Soomaalida ee tabashada badan tirsanayay ay dib isu habeeyaan oo ka tashadaan sidii ay xaqooda u soo dhacsan lahaayeen iyada oo beeshani ka mid ahayd beelaha dulmiga ka tirsanayay hogaankii hore ee maamulka Kililka shanaad. Qaban qaabada iyo hadal haynta shirkan waxa xiiso gaar ah u yeelay markii ay magaalada Jigjiga wakhtiyo kala duwan soo gaadheen Masuuliyiin u badan siyaasiyiin beesha ka soo jeeda oo intooda badani yihiin raggii aaminsanaa mabda’a Awdal State, halka sidoo kale ay ka mid ahaayeen wufuudda Jigjiga soo gaadhay Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar iyo Aqoonyahan Cabdi Ismaaciil Samatar kuwaasi oo la sheegay in ay shirkan ka qayb galayaaan balse aan si rasmi ah loo ogayn wakhtiga uu furmayo inkasta oo wararka qaar sheegayaan in uu maalinta Berri oo Jimce ah ka furmayo Deegaanka Aw Barre. Dhinaca kale Gudaha Magaalada Boorama ayaa si weyn looga dareemayaa hadal-haynta iyo qaban qaabada Shirka Aw Barre iyada oo ay guux hoose iyo abaabul xooggan wadaan dhinacyo kala duwan oo Bulshada deegaankaasi ku guubaabinaya in shirkaasi noqdo mid midho dhala oo lagaga wada tashado danaha beesha ee Kililka 5aad iyo waliba Somaliland waxaana si weyn uga dhex muuqda dadka aadka u danaynaya shirkan odayaasha iyo culimada inta badan aadka u dhaliila nidaamka Somaliland ee saluugsan saamiga beeshu ku leedahay dawladnimada Somaliland. Dhinaca kale waxa uu shirkani ku soo beegmayaa wakhti ilo-wareedyo xog ogaal ahi noo xaqiijiyeen in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu odayaal iyo wax-garad ka soo jeeda Gobolka Awdal ku casuumay kulan gaar ah kuwaasi oo kula kulmay qasriga Madaxtooyada walina aan la ogayn waxa ay labada dhinac ka wada hadleen. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Agaasimaha DP world Sultan Axmed Bin Sulayem, ayaa la kulmay Raysalwasaaraha Itoobiya oo ay ka wada qayb galeen shirka dhaqaalaha adduunka ee ka socda dalka Switzerland. Qoraal kooban oo uu agaasime Sultaan soo geliyay barta uu ku leeyahay twitterka wuxuu sheegay inuu Raysalwasaaraha Itoobiya kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin waxyaabaha ay Dp world ka waddo Itoobiya, “Kulan qiimo leh ayaan Raysalwasaaraha Itoobiya kula yeeshay shirka dhaqaalaha ee dunida ee ka socda Switzerland.” Ayuu yidhi Sultaan, waxaanu intaas raaciyay “Waa nin maskax furan, karti badan oo leh aragti hoggaamiye. Waxaanu wada hadal balaadhan oo togan ka yeelanay ganacsiga Afrika ee mustaqbalka iyo gaar ahaan qorshayaasha DP world ay ka wado Itoobiya.” Itoobiya ayaa maalgashiga ay DP world ka wado dekedda Berbera waxay ku leedahay saami dhan 19%. Source