-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dubai (Caasimada Online) – Suuqa saamiyada Dubai ayaa maalinkii ugu dambeysay ee sanadii 2018 xirmay, ayada oo uu luumiyey 25% qiimahiisa, taasi oo ka dhigtay sanadkii ugu xumaa ee suuqa, tan iyo xasaradihii dhaqaale ee dunida ka dhacay toban sano ka hor. Dalxiiska iyo iyo iibka guryaha ayaa si gaar aad u liitay, sanadikii 2018. Hoos u dhaca suuqa dhaqaalaha Dubai, ayaa ka mid ahaa kuwii ugu xumaa ee gaara dalalka Khaliijka iyo Carabta, ayada oo ay jiraan astaamo muujinaya in dhaqaalaha ilaha badan ku tiirsan ee Imaaraadka uu hoos u dhacayo. “Wax soo saarka mashiinada dhaqaajiya dhaqaalaha Imaaraadka ee ah; hantida ma guurtada iyo ganacsiga ayaa ahaa kuwa liita” waxaa sidaas yiri M.R. Raghu oo ah madaxa xarunta climb baarista maaliyadda Kuwait ee Markaz. Hase yeeshee xaaladda uma xumeyn sida sanadii 2008, markaasi oo suuqa saamiyada Dubai uu gaaray khasaare dhan 72% kadib markii xasaradihii dhaqaale ee dunida ay dhibaatooyin deymo la xiriira ku kiciyeen Imaaraadka. Suuqa saamiyada Qatar, ayaa aad uga wanaagsanaa Imaaraadka, waxaana uu dalalka carabta ku hogaaminayey dhammaadkii sanadka faa’iido 21% ah, inkasta oo muddo 18 bilood ah dalkaas uu ku jiro go’doon ay saareen dalalka deriska la ah ee uu hogaamiyo Sacuudiga. Dhaqaalaha suuqa Abu Dhabi ayaa isna koror 10% ku dhameystay sanadkii 2018. Suuqa saamiyada ugu weyn dunida carabta ee Sacuudiga ayaa sanadka ku dhameystay faa’iido 8.3% ah, inkasta oo bishii October uu asiibay hoos u dhacii ugu xumaa muddo saddex sano ah kadib markii weriye Jamaal Khaashuqji lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. “2018 waxa uu suuqa saamiyada Sacuudiga u ahaa sanad aan xasilooneyn, wuxuu ku bilowday si xooggan hase yeeshee hubanti la’aan siyaasadeed ayaa sababtay inuu dhibco badan lumiyo” ayuu Raghu u sheegay AFP. Sababaha ugu weyn ee khasaaraha suuqa saamiyada Dubai ayaa ah ayada oo uu hoos u dhacay iibka hantida ma guurtada ah, oo ay ugu wacan tahay dalabka oo hoos u dhacay iyo guryo ka badan kuwii loo baahnaa oo la dhisay. Iibka guryaha, oo ah 13% dhaqaalaha Dubai ayaa hoos u dhacayey tan iyo sanadii 2014, hase yeeshee wuxuu xoogaystay 2018-kii. Rubacii saddexaad ee sanadkii 2018, oo kaliya, ayaa qiimaha guryaha eee Dubai waxay hoos u dhaceen 7.4%, sida uu sheegay Bankiga dhexe ee Dubai. Saamiyada shirkadda Emaar, oo ah tan ugu weyn ee dhismaha ee bariga dhexe ayaa lumisay ku dhowaad bar qiimaheeda. Dhaqaalaha guud ee Dubai, oo aan ku xirneyn iibka saalidda ayaa la filayaa in sanadkii 2018 uu koray kaliya 2.3%, taasi oo ka yar 2.8% sanadkii 2017. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Dhacdadii DFS dalka uga eriday 01/01/2019 wakiilkii QM ee Nicholas Heysom, ayaa ku soo beegmaysa dhacdo isla bisha iyo ayaantaas oo kale 01/01/1967, uu allaha u naxariistee duqii Magaalada Gaalkacyo uga eryay hay’ad samafaleed oo laga lahaa wadanka Maraeykanka. Dhacdadaan ayaa timid marka dadka shacabka Galkacyo ka muujiyeem diidmo iyo dareen ku aadan, hab dhaqanka hay’adaas oo faraha la gashay in dhalintii dooriso ayadoo keentay dhaqannadii reer Galbeedka wadanka. Xiligaas oo ay dadku aad uga shakisanaayeen Gaallada iyo dhaqamadooda in ay ka dooriyaan ubadkooda. Hay’adu shaqada ay u timid ayaa ahaa dhismaha dhowr iskool, oo uu ugu horeeyay in ay qaybo cusub ku daraan dugsiga Bardacad, oo xiligaas uu ka dhisnaa qaybta hore, ee wayadii danbe ahayd dugsiga hoose. Sidoo kalena waxaa ku jiray in ay tuullada Bacaadwayn oo dhinaca waqooyi ka xigta laga furo dugsi hoose. Hay’adu waxa ay daganayd guryo ku yaalay halka loo yaqaanau xeradii Daraawiishta, oo waagii danbe ciidanka Daraawiishta saldhiga u ahayd. Waxa ay hay’adu xiriir la yeelatay dhalinyaradii magaalada ee waxbarashada u oomanayd, ayagoo bilaabay in ay xaflado muusik iyo qoobka ciyaar ah ku qabtaan xaruntooda, khaas ahaan markii la soo gaaray xiligii Kirismaska. Akhbaartaas markay ku fiday magaalada, ayaa waxaa la soo gaaray habeenkii sanadka cusbaa 01/01/1967-dii. Habenkaas ayaa dhalinyaro ka mid ahayd xisbigii Great-ka ku soo wargasheen allaha u naxariistee duqii Gaalkacyo, Xusseen Ciid, in khaskii ugu wayna oo khamri, music iyo qoob ka ciyaari xaruntii hay’ada ka jiro, dhalintii baladkuna inbadan xertaas ku biireen. Xusseen Ciid markii akhbaartu soo gaartay, ayuu toos u soo aaday xaruntii, asagoo diidaya in la aqoonsado. Goobtii ayuu soo gaaray wax walba oo socdayna indhihiisuu ku arkay. Dhalintii oo ku jirta dabaaldagii, wixii loo dhigayna raqay, ayuu goob joog u noqday. Subaxii markuu waagu baryay ayuu golihii deegaanka Gaalkacyo shir degdeg ah u qabtay, isagoo u soo bandhigay wixii xalay uu soo arkay, iyo warbixinadii awal soo gaaray. Dood iyo falanqayn dheer ka dib waxaa la isku raacay in sii joogitaanka hay’adani wax dan ah ugu jirin bulshada Gaalkacyo, dhalintoodana ka badbaadsadaan Gaallada. Duqii Gaalkacyo waxuu ku dhawaaqay go’aankii goluhu qaatay hay’adiina waxaa 01/01/1967-dii laga eryay Gobalka Mudug in ay ka shaqayso, ugana baxdo Gaalkacyo 24saac. Go’aankii waxaa loo diray dowladdii dhexe oo xiligaas uu RW ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xusseen, oo awalba soo diray hay’adaas in Gobolka Mudug waxbarashada ka caawiso. Muqdisho markii warbixintaas gaadhay ayaa waxaa soo hadlay RW Cabdirisaq Xaaji, asagoo xusaya in baahi loo qabay dhisida iskoollada, muhiimna ahayd in ay hay’adu dhamaystirto dhismayaashii ay balanqaaday. Duqii Magaalada ayaa ku wargashay RW Cabdirisaaq, khatarta ka wayn ee ay hay’adani u leedahay bulshada Gaalkacyo, aysanna ka laabanayn go’aanka ay qaateen. Arinta ku aadan hawlihii dhismayaasha iskoolada ahaa ee ay fulin lahayd Hay’adaanna ay ayagu waa reer Gaalkacyoodde dhabarka u ridanayaan, canshuurtoodana ku dhisanayaan iskooladooda. Rw Cabdirisaaq ayaa hadalkiisii kusoo afxiray, ‘’Wan idinkula xisaabtamaynaa haddaad ka soo bixi waydaan, waxa aad balanqadeen’’. Isla sanadkiiba canshuurtii reer Gaalkacyo waxaa laga dhisay iskoolka Bardacad qaybta dhexe iyo dugsiga hoose ee Bacaadwayn. Hay’adii iyo sharkeediina meeshaas ayay ku dhamaatay. Tani waxa ay noqotay waxyaaba lagu xasuusto allaha u naxariisto Xusseen Ciid iyo go’aamaduu qaatay intuu duqa magaallada Gaalkavyo ahaa. Sidoo kale waa cashar muujinaya Soomaalidu haddii ay rabto in ay waxqabsato in ay qabsan karto, haddii ay hesho dad kartideedii leh, una daacad ah waxa ay qabanayaan. Markaan u soo laabto in badan oo walaac ka muujiyay eryidda Nicholas Haysom, sidii kadabkoodu go’ayo, Soomaalida maanta ayaa ka waxtar badan tii 1967-kii haddii ayrabaan in ay waxqabsadaan, baryana wadan laguma dhiso, ee waa in naf iyo maalba loo huraa. Canshuurta Gaalkacyo haddi iskooladeedii lagu dhisayay 1967, maanta maalmul gobaleed dhan ayaan musqul dhisan Karin, oo leh hay’adbaan rabnaa in ay noo dhisto, ayadoo canshuurtii dadkana bangiyo lagu shubanayo, sidii wax ninkaasi shaqaystay. Dhaqanada noocaas ah weeye dowladnimada Soomaaliya waxa hortaagan, Soomaalina la rabo in ay ka wantowdo. W/Q Muxyadiin Xusseen Ciid muciid@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah mucaaradka ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in seddex arin darteed uu dowladda Soomaaliya ugu taageeri waayay go’aankii ay ka qaadatay Nicholas Haysom. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu kaga hadlay waxyaabaha keenay inuu taageeri waayo go’aanka dowladda Soomaaliya dalka uga eriday Danjire Nicholas Haysom. Qoraalka C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa u qornaa sida Hoose:- Saaxibkey ayaa i waydiiyey maxaad u taageeri waysay go’aanka lagu eryey Ergeyga Qaramada Midoobay. Sow ma ogid in Somaaliya ay Soomaali leedahay oo dal madax banaan nahay. Waxaan ku iri haa waan ogohay, laakiin sedex sabab ayaan u taageeri waayey 1- Hadii Soomaaliya ay Soomaali leedahay, shacabka reer Koonfur Galbeed ee la laayey waa Soomaali. Ninkuna wax kale dawlada ma waydiinin ee maxaa shacabkaas lagu dilay ayuu ka dooday. 2- Hadii u isagu Ajnabi yahay, taangiga Itoobiya ee Shacabka Baydhabo lagu dilay waa Ajnabi kale. Ajnabiga wax dilaya ka aamus ama taageer, kii maxaa loo dilay yirina ka qayli isma qabato. 3- Tan madaxbanaaninada, hadii madaxda qarankeena iyo xuduudaha dalkeena ay AMISOM ilaaliso oo Heysom markii la soo magacaabay ee uu dalka imaanayey, dawladeena lagala tashan, salaan sharafna uu ciidanka AMISOM ka qaatay, immigration isaga u gaar ahna uu ka soo degey, Madaxweynaheena warqado aqoonsi u dhiibanin, ciidan Qaramada Midoobay ka socdaahina ay ilaaliyaan xagee madaxbanaanida taalaa. Sow marka hore In dayaca sidaas na baday in wax laga qabto maaha. Ma filaayo in isaga iyo kuwa la midka ah wax looga qaban karo warqad sedex sadar ku qoran iyo mudaaharaad meelo laga abaabulay. Saaxibow anigu waxaanba u haystaa in qoraalka uu Heysom dawlada u diray uu ku doonayey in uu iyaga wax la qabto oo uu lahaa war nimanyahow baxarkaan ayaad ku jirtaane, isi sanceeya oo dhooqada lugaha kala baxa. Laakiin sida muuqata qolo aan u furi doonin ayaa kooxda talada haysa u rartay. Heysom ha tago ama ha joogo, su’aalaha iyo doodaha warqada ku qoran ee taciga xuquuqda bani’aadamka ka hadlaya kuwo haraya maaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
30-kii Deseembar 2018, Wakiilka qaramada midoobay ayaa warqad soo saaray. Ku socoto dowladda somalia, gaar ahaan wasaaradda arrimaha amniga. Dhaleeceyn iyo dhoocaar baa ku xusnaa. 12 Su’aalo taxan sidii imtixaan jaamacadeed baa ku sadareysnaa. Fajac iyo amankaag bay igu noqotay. Waxaan is iri ma macalin baa arday su’aalo weydiinaya?. Ma madaxweynihii dalkaa? Mayee, waa madaxii qaramada midoobay ee Soomaaliya wakiilka uga ahaa. Gardarranaa oo garxumaa ninkaas! Ma warbaa yaal! Anigoo ciileysan baan iska carraaabay. Illaa goormaa gaaladu Soomaaliya gumeysaneysaa su’aal aheyd baan isku tuuray. Saa jawaabti geed dheer aan laaci karin iiga shareertay! Cabbaar haddii ay kasoo wareegatay, baan barteeda Facebook booqday, mise dowladda soomaaliya ee dalka ka ceyrisay safiirka UN-ka baan qacdiiba indhaha ku dhuftay. Ma rumeysan, maxaa yeelay filan waa bay igu aheyd. Si fiican baan u aqriyay. Hadal macquul baa meesha iiga muuqday, mise warqadda maba shaabadeysana!, shakigii baa shab igu yiri. Ma sii fadhin, warkan cadeyntiisa ayaan ugu tub iyo ceel joogsaday. Sidii canug wax uga dhumeen ciidda baan u raadiyay. Asxaab akhbaaraha aad ula socda, ayaan is maqalnay. Si lamid ah warqaddii unbay arkeen. Si baan ugu faraxsanaa, si kalena waan u walaacsanaa. Wareer cawo waa loo waa bariistaa ayaan warkeyga kusoo koobay. Wixii dhab u jirana cakaaruu imaan. In door haddii la joogay, akhbaar kalaa iisoo dhacday. Xaqiijinta warqadi bay aheyd, walaaci I hayay la iiga haatiyay. Ashqaraar bay ila aheyd. “Goormuu beer lafo yeeshay”, baan is iri. Maankayga waan ku hashiisiin waayay, in madax Soomaali ah inay mas’uul qaramada midoobe dalka ka masaafurin karaan, wallow madaxdan, madaxdi hore aheyn,haddana maladeedu meel fogbay joogtay. Soomaali badan bay la noqotay sida in maalin xorriyad oo kale tahay, 30 sano kadib. Awood soo laabatay baa muuqatay. Madaxdi hore madaxd ka duwan baa la yiqiinsaday. Gunnimo aad ku dhergantahay gobonnimo gaajo ah ayaa dhaanta baa lagu alalaasay. Nickolas Heysom, rugcadaa UN-ka magac ku leh buu ahaaye. waddamo badana ayuu ergay kasoo noqday. laakin, cawo kasta ciid ma ahoo, Soomaaliya ayaa cashar loogu dhigay. Himilo iyo rajo cusub ayaa imaantinkiisa iyo eryiddiisa ka dhalatay. Go’aanku wuxuu ahaa mid xaraar ah .Geesi mooyee giiraale loogama fadhin. Ogow geesinmaduna waa inyar oo aad cagaha dhulka ku heysid. mararka qaarna guushu waxay kasoo go’daa isbiimeynta. Ma is tiri tiibaa dhacday?! Waxaase taas kasii darnaa, warbaahinnadii caalamka ugu carrabka dheeraa baa cinwaan ka dhigtay ”Dowladda Soomaaliya oo ceyrisay safiirkii UN-ka”? Oo maxay u ceyrin weyday? Ma gunnimaa weligeed la hoos joogayaa?. Maamuus iyo magac baa caalamka kasoo noqday. arrin sheeko iyo shaahid toona soo marin bay noqotay. Karaamada bini-aadamka waa shey qaali ah. Ilaahbaa qur’aanka nooga tilmaamay. Ma ahan mid lagu baayici karo beeso yar. Waa baahanahay baqtiga looma cuno. Soomaalida waxaa lagu yiqaannaa qab iyo isla weyni marka ay timaado shisheeye, laakin qabyaalad baa qabkii ka qaaday, oo kala ququbay, dunidana loogu quursaday. Wa billow fiican bedel u noqon kara bahdilaaddii la soo maray. Waa go’aan fiican caalamka tusi kara in Soomaaliya gobonnimo dooratay. Waa cashir ergada imaan doonto maanka ku heyn doonto. Inyar oo madaxda dowladda uurka ka neceb mooyee, inta badan waa lasoo dhoweeyay. Maxaase xigi doona? Bal dhowr! W/Q Abdinasir Safaana Email: safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu sheegay in xoghayaha Guud uu aqlabalay Go’aanka Dowladda Federaalka ay ka qaadatay Wakiilkii gaarka ahaa ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom,kaasoo ahaa inaan dalka laga rabin kana sii shaqeyn Karin (persona non grata). Wuxuuna Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres sheegay inuu soo magacaabayo Wakiil cusub oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Xoghayaha Guud wuxuu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabay Mr. Haysom,islamarkaana uu ahaa shaqsi khibrad leh oo la ixtiraamo lehna door hoggaamineed oo muhiim ah. Sidoo kale waxaa uu sheegay in go’aanka dowladda ee (Persona Non Grata) aanay qaban xubnaha Qaramada Midoobey, loona isticmaali karin shaqaalaha UN-ka, sida uu qabo heshiiska Diblomaasiyadda ee Vienna ee 1961, balse arrintaas ay tahay mid loo adeegsado wadamada, sidoo kalena aanay Qaramada Midoobey aheyn dal. Waxaa uu xusay in dadka mas’uuliyiinta ee Qaramada Midoobey aanay u baahneyn aqoonsi, kuna hoos shaqeeyaan oo kaliya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa xaqiijiyay in shacabka Soomaaliyeed kaalmaha hore kaga jiraan dalalka baahiyaha weyn u qaba taageerida Qaramada Midoobay,waxayna Qaramada Midoobay shaacisay iney sida ugu haboon u gudaneyso fulinta taageeradeeda Soomaaliya The post QM oo aqbashay go’aankii Dowladda Federaalka ay ku ceyrisay Wakiilkeeda Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
UN to send new envoy to Somalia after flap led to expulsion
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The United Nations plans to replace an envoy who was ordered to leave Somalia after questioning the arrest of a political candidate with an extremist history. U.N. deputy spokesman Farhan Haq said Friday that Secretary-General Antonio Guterres has full confidence in Nicholas Haysom and deeply regrets Somalia’s decision to expel him. But Haq says the secretary-general will appoint a new representative because “it’s crucial that the U.N. mission on the ground is able to go about its work.” Somalia announced Tuesday it was expelling Haysom. The Somali government says he overreached by raising questions about the arrest an extremist group defector who was running for a regional presidency. During a Security Council meeting Thursday on Somalia, Haysom warned about its “political turbulence” but didn’t directly address his ouster. The post UN to send new envoy to Somalia after flap led to expulsion appeared first on Shabelle. View the full article -
(SLT-New York) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa soo magacaabaya wakiil cusub oo u qaabilsan Soomaaliya, isagoo aqbalay go’aankii dowladda Soomaaliya ka qaadatay wakiilkii hore Nicholas Haysom, kaasoo ahaa shaqsi aan laga rabin Soomaaliya Persona Non Grata. War saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo uu aqriyay afhayeenkiisa Farxaan Haq ayaa wax laga xumaado lagu tilmaamay go’aanka dowladda, sidoo kale waxaa uu sheegay in Haysom uu ahaa nin uu aad ugu kalsoonaa oo khibrad leh, xilal muhiim u soo qabtay. Sidoo kale waxaa uu sheegay in go’aanka dowladda ee (Persona Non Grata) aanay qaban xubnaha Qaramada Midoobey, loona isticmaali karin shaqaalaha UN-ka, sida uu qabo heshiiska Diblomaasiyadda ee Vienna, balse arrintaas ay tahay mid loo adeegsado wadamada, sidoo kalena aanay Qaramada Midoobey aheyn dal. Waxaa uu xusay in dadka mas’uuliyiinta ee Qaramada Midoobey aanay u baahneyn aqoonsi, kuna hoos shaqeeyaan oo kaliya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey. Qoraalka ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in UNSOM ay sii wadeyso howsha taageerida dadka Soomaaliyeed, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha cusub Ergey cusub loo soo magacaabi doono. Dowladda Soomaaliya ayaa 1-dii bishan soo saartay go’aan ay dalka uga eryineyso Wakiilka Qaramada Midoobey, waxaa go’aankaas ahaa mid aan la fileyn, kaddib markii wakiilka uu warqad u qoray Wasiirka Amniga, kuna dalbanayo in jawaabo laga bixiyo dhacdadii baydhabo rabshadihii ka dhacay iyo xariggii Mukhtaar Roobow, waxaana dowladda Federaalka ku eedeysay inuu faragelin ku sameeyay madax banaanida Qaranimada Soomaaliya Source
-
United Nations Secretary-General Antonio Guterres will appoint a new envoy to Somalia, a U.N. spokesman said on Friday, after failing to convince the country to retract its decision to expel the current representative over accusations of interference. Since Somalia’s foreign ministry declared late on Tuesday that U.N. envoy Nicholas Haysom “cannot work in this country,” Guterres has spoken twice with Somali President Mohamed Abdullahi, U.N. spokesman Farhan Haq told reporters in New York. “The Secretary-General deeply regrets the decision of the Government of the Federal Republic of Somalia,” Haq said. “The Secretary-General has full confidence in Mr. Haysom.” Haq noted that the doctrine of persona non grata does not apply to United Nations personnel. “At the same time the Secretary-General is totally committed to ensuring that the needs of the Somali people are at the forefront of the work of the United Nations in Somalia,” Haq said. “Therefore, he intends to appoint in due course a new Special Representative for Somalia.” The U.N. Security Council is due to discuss the developments behind closed doors later on Friday, diplomats said. The United Nations is a major backer of Somalia, a country that has lacked strong central government since 1991. The government’s decision on Haysom could intensify a confrontation between Mogadishu and the semiautonomous regions. Haysom had raised questions in a letter on Sunday about the involvement of U.N.-supported Somali security forces in the arrest of a former militant of the Islamist al Shabaab group who was blocked from running in a regional election. Haysom, a South African, told the Security Council on Thursday that the allegations of interference by the federal government in the regional election and the violence that followed the former militant’s arrest “does not bode well for the upcoming electoral processes in other regions or for the 2020 national elections.” Somalia’s U.N. Ambassador Abukar Dahir Osman told the Security Council that the Somali people wanted “Somalia leading international support, not international support leading Somalia.” “Somalia distinguishes between the institutions that we are part of and individual conduct that’s had detrimental effect on our fragile nation,” he said. Source Reuters Qaran News
-
António Guterres xogheyaha guud ee qaramada midoobey ayaa sheegay inuu Soomaaliya usoo magacaabayo ergey cusub, sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal uu soo saaray ku-xigeenka afhayeenkiisa Farhan Haq. Qoraalka waxaa ku jirtay in xogheyaha guud uu kalsooni ku qabo Haysom, khibradna leeyahay, horayna uu shaqo fiican ugu qabtay UN-ka. Waxaa qoraalka ku jirtay in shaqaalaha UNka aan loo adeegsan karin “Persona non grata” sida uu qabo heshiiska Viienna 1961-dii, waxaa la sheegay in qaramad midoobey aaney dal aheyn. Xogheyaha guud oo qadarin u haya shacabka Soomaaliyeed iyo shaqada adag ee hortaalla xafiiska qaramada midoobey ee Soomaaliya waxaa uu go’aansaday inuu magacaabo ergey cusub. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa sheegay inuu ka xun yahay go’aanka dowladda Soomaaliya ay shaaca uga qaaday in wakiilkiisii Soomaaliya Nicholas Haysom aan dalka laga rabin (persona non grata) Gutteres ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu kalsooni buuxdo ku qabo Mr. Hasyom, oo uu ku tilmaamay nin khibrad leh oo goobaha adeegga dadweynaha ee caalamka aad looga xushmeeyo, kuwaasi oo uu kasoo qabtay xilal kala duwan. Waxa uu sheegay in xeerka persona non grata uusan qaban shaqaalaha QM. Waxa uu yiri “Sida ku cad xeerka 1961 ee Vienna, kuna saabsan xiriirada diblomaasiyeed, waxaa persona non grata isku adeegsan kara laba waddan, sidaas darteed QM ma ahan waddan” Waxa uu intaas ku daray “sidaas oo jirta, haddana waxaa xoghayaha guud ee QM ahaan iga go’an xaqiijinta baahiyada dadka Soomaalida, oo ah shaqada hormuudka u ah xafiiska QM ee Soomaaliya. UNSOM waxay u baahan tahay inay sii waddo shaqadeeda taageeridda Soomaalida” “Sidaas darteed waxaan soo magacaabayaa wakiilka cusub oo madax ka noqon doona xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri. Xoghayaha guud ee QM ayaa sheegay inay ka go’an tahay caawimaadda dadka Soomaaliya, iyo dadaallada ay ku gaarayaan nabad, xasilooni iyo baraare. Caasimada Online Xafiiska New York caasimada@live.com
-
Only negotiations in good faith and Willingness to compromise can solve the political standoff between the parties. Somaliland political Parties and the president have had their first round of negotiations in early 2018, but ended with no progress; when the President and his party refused the written accusations against the NEC, presented by WADDANI Party. Another several talks between the parties were held but all ended with failures and political standoff. This one year period political standoff delayed the election preparatory action points and proceedings scheduled to cover within the period remaining from the election scheduled date; putting off the coming election to a later time; as the National Election Commission (NEC) officially released a declaration that they can’t conduct the election dated on 19th March 2019 because of six factors as they said. The corner stone of this political standoff is the removal of these National Electoral Commissioners from the office or their dismissal. NEC is an official executive body that can be dissolved, dismissed or fired in accordance with the process indicated in the elections related regulations of the country. Such case begins when a political party submits a written report accusing the NEC with intentional irregularities, frauds, partiality or allied with other party/parties within an election they conducted; or they are not independent from the government interventions. And these accusations should be supported with sure, true and available evidences. The party who accused the NEC managed the case in accordance with the above procedure through the legal process. The legal and fraud experts of WADDANI Party put together every piece of information and evidence that would culminate accusations into a sensible serious gross irregularities and widespread fraud that occurred in most of the presidential election polling stations; such as ballot-box stuffing with illegal votes, mix-matched tally sheets, stolen ballot papers in connivance with local NEC officials, Voter intimidation, oppressive actions against the poll watchers who represent WADDANI party. But the ruling party declined to accept that accusation and rejected their removal, which is supporting evidence to the accusation. The representatives of the three political Parties, the ruling Party– Kulmiye and the two opposition parties– WADDANI and UCID recently participated in a meeting with the President and agreed to start again and resume the talks in a bid to break the barrier between the ruling and opposition parties. As we know they started to resume the talks; but again today 02/01/019 the two sides agreed to disagree, still remaining far apart on the case of the removal of the current electoral Commission, and the reform proposed by the opposition parties on the way of selecting the new NEC members. We know that to enter in to a locked house, you first unlock the door and go inside. We know each party will draft its main points of the talks; but we want the working groups that represent the parties for the talks to consider which point can match up to be the key to unlock the house they are mandated to furnish. In another words, the key to go forward to solve the other election related issues and the condition of a mutual understanding between the parties is first to agree together with the electoral commission members removal from office; or to agree this electoral commission members be dissolved or fired. An accusation against the National Electoral Commission brought by one of the three competing parties should be considered as a national political issue; which is not to be undermined. If the three parties succeed to agree together that this Electoral Commission accused with partiality and lack of neutrality be removed; and new NEC members be selected to manage the coming elections; any other obstacle or difficulty can be easily solved. But if the parties will not be able to agree the removal of the NEC members and how to revamp the new National Electoral Commission (NEC); any talks resumed between the parties will end up with failures. And if this political dispute goes further, it is losing another much unbearable time that can hinder and delay the elections to occur even the new agreed within 2019 time frame; and we are afraid that it can cause the country go deep in to more political crisis. in order to save our country’s developing democratization, KULMIYE and UCID Parties must have to understand that it is impossible and will be impossible forever, that the accused NEC members can conduct an election for the party who accused them; and if tried to do so, WADDANI Party has the option to boycott any voter registration and any election coordinated by the accused NEC members; and this means that there will be no election to occur in the near future. Moreover, if one of the three parties declares to boycott the election because of this very easy to solve issue; means the concerned leaders specially the president put the country in a political uncertainty, leading Somaliland back in to a situation that no elections can be held in the future. And if this happens it will unwillingly damage the prestige of our country which rests first of all on its democratic power transfer process; that the international community felt a widespread respect and admiration for our country on the basis of its achievements to conduct one-man-one-vote elections for all its levels of power transfer. It is an unnecessary stubbornness and difficult decision, to put the country in to a state of political confusion & turmoil, great commotion, democracy stagnation, peace & stability disturbance; simply because for the sake of 7 NEC members accused with irregularities and fraud of an election they conducted. Every national political party has the right to accuse the NEC members in accordance with the procedure of the electoral regulations; if they maintain an election with deliberate irregularities and fraud. As we know, Somaliland solved in the past the same case when Kulmiye party who is rejecting now proposed the removal of the NEC of that time and the other parties accepted the proposal. We had already solved many harder political issues, what we need is good political will. The history of Somaliland has shown that only through negotiations in a good faith and willingness to compromise is what a solution will be found. Bihi’s government should respect the compromises that its achievements saved Somaliland many times. An accused Electoral Commission deserves to be removed; and only the acceptance of this truth will resolve the deadlock. Adam Ali Younis Email: aayonis@hotmail.com Qaran News
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho danjirayaasha dalalka ku bahoobay urur-goboleedka IGAD ee ka hawlgala Somalia. Kulankan ayaa intii uu socday wuxuu wasiir Axmed Cawad ka warbixiyay horumarradii ugu dambeeyay ee Somalia ay ku tallaabsato, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dhaqaallaha iyo bulshada. Wasiirku wuxuu sheegay in Xukuumadda Federaalka Somalia ay xoojinayso dadaalka ay ugu jirto xaqiijinta nabadda iyo is-fahamka, isagoo dalalka IGAD ku bogaadiyay sida ay u garab-taagan yihiin Somalia oo ah xushmad is dhaafsi si loo dhowro amnigeeda, deganaanshaheeda iyo madax banaanideeda qaran. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadd Somalia ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay garab-is-taagga dadaalka xukuumadda Somalia ee ay kaga *****nayso rabitaanka shacabka, isagoo ku nuux-nuuxsaday inay Somalia marnaba aqbali doonin in madax-banaanideeda lagu xad-gudbo. Isagoo sii hadlaya ayuu wasiirku tilmaamay in ergeyga gaarka ahaa ee QM, Nicholas Haysom uu yahay shakhsi aan Somalia laga rabin, kana shaqayn karin. Taasoo ay ugu wacan tahay buu yiri hab dhaqankiisa ku xad-gudbay madax-banaanida dalka iyo sidoo kale qawaaniinta caalamiga iyo xeerarka dublamaasiyadeed sida ku cad Cahdiga Vienna ee xiriirrada Diblomaasiyadeed. Ug u dambeyn, Wasiirku wuxuu sheegay in talalabadii ay qaaday Somalia ay ahayd mid lagama maarmaan ah oo looga hor-tagayo xad-gudubyada aan loo meel dayin ee uu ku kacay dajire Haysom. PUNTLAND POST The post Wakiillada Dalalka IGAD ee Somalia oo Wasiir Cawad kala hadlay Eryiddii Danjirhii Haysom appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Danjirayaasha wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ee ka howlaga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaaso oo uu kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin cayrinta danjire Nicholas Haysom. Intii kulanku socday, Wasiir Cawad waxa uu kaga hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dhaqaallaha iyo bulshada. Waxa uu sheegay in Xukuumadda Federaalka ay xoojinayso dadaalkeeda lagu xaqiijinayo nabadda iyo is fahamka, isagoo ku bogaadiyay wadamada IGAD sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya oo ah xushmad is dhaafsi si loo dhowro amnigeeda, deganaanshaheeda iyo madax banaanideeda qaran. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay garab istaagga dadaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ay kaga *****nayso rabitaanka shacabka, isagoo ku nuux nuuxsaday in Soomaaliya marnaba aqbali doonin in xadgudub lagula dhaqaaqo madax banaanideeda iyo qarannimadeeda. Waxa uu tilmaamay in Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom uu yahay “Shakhsi aan waddanka laga rabin, kana shaqayn karin” taasi oo ay ugu wacan tahay hab dhaqankiisa ku xadgudbay madax banaanida dalka iyo sidoo kale qawaaniinta caalamiga iyo xeerarka diblomaasiyadeed, sida ku cad Cahdiga Vienna ee Xiriirrada Diblomaasiyadeed, iyadoo taasi laga ambaqaadayo waxa ay Soomaaliya qaaday dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee xad u yeelaya in lagu xadgudbo madax banaanideeda.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa hambalyeeyay guddoonka cusub ee maanta loo doortay Golaha wakiilada Puntland. Madaxweynaha ayaa sheegay in mas’uuliyiinta la doortay ay yihiin rag ku habboon in ay hoggaamiyaan Baarlamanka,islamarkaana ay khibrad iyo aqoon u leeyihiin shaqada loo igmaday. Dr Gaas ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in guddoonka la doortay ay Golaha ku maamulan,midnimo,wadajir iyo caddaalad. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo u hambalyeeyay Guddoonka cusub ee Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa dowladda dhexe ee ku eedeeyay in ay Mas’uul ka tahay dhibaatadii ka dhacday Magaalada Baydhabo. Waxa ay sheegeen in doorashadii ka dhacday Baydhabo ay aheyd mid hareersan Sharciga, islamarkaana la diiday rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed. Xildhibaanada waxa ay sheegeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay diiday in ay kala hadasho dhibaatadii Ciidanka Itoobiya ay ka geysateen Magaalada Baydhabo, islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabo markii ay wadatashiyo la yeeshaan Shacabka Koonfur Galbeed. Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo ka mid ahaa Xildhibaanada tagay Baydhabo ayaa xusay in dowladda Farmaajo dastuurka dalka ay baalmartay, xataa aysan diin ahaan u fiirin xuquuqda Shacabka Baydhabo lagu xasuuqay. Hoos ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/geesey.mp3Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)Golaha Qaramada Midoobay ayaa weli ku adkeysanaysa in uu danjire Nicholas Haysom yahay wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Soomaaliya,iyadoo dowlada Soomaaliyana ay diidan tahay wakiilnimadiisa. Afhayeen u hadlay UN-ka oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay Nicholas Haysom uu weli yahay ergeygooda Soomaaliya, isaga oo sidaasi ahna uu ka hadlay golaha ammaanka, wuxuu intaas raaciyey in aaney warqad ka helin dowladda Soomaaliya, ayna raadinayaan faah-faahin. Arrintan ayaa timid saacado kadib markii uu Nicholas Haysom ka hor hadlay golaha ammaanka, isaga oo aan soo hadal-qaadin go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee ku aadan inuu dalka ka baxo. Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa sheegay Goluhu uu u baahan yahay cadeymo buuxa balse weli uu Haysom haysto taageerada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. Haysom waxaa khudbadiisa golaha ammaanka ku jirtay in faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso dowlad goboleedyada ay wiiqi karto doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo midda guud ee 2020-ka. Qudbada uu shalay ka jeediyay Golaha Ammaanka Danjire Nicholas Haysom ayaa ahayd mid hore loo sii qorsheeyay kahor inta uusan bilaaban khilaafka u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo danjire Haysom. Source
-
Sawirku waa Gudooiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdixakiin Dhoobodaareed Xildhibaanada Puntland ayaa waxaa hada u socda shir albaabadu u xiran yihiin kasoo lagusoo xulayo [...] Source