Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka maxaa ka run wixii la sheegay? Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-08022019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka maxaa ka run wixii la sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre oo casho sharaf Muqdisho ugu sameeyay madaxda Garsoorka Dalka, ayaa sheegay in hagaajinta dhaqaalaha dalka, yareynta musuq-maasuqa, horumarinta dawlad-wanaagga, hirgelinta siyaasad lagu wada qanacsan yahay iyo aaminaadda caalamka ay ku xiran yihiin hir-gelinta garsoor iyo cadaalad loo simanyahay oo dadka Soomaaliyeed ay iimaanka ku qabaan. Kulanka cashada ah oo ay kasoo qaybgaleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Garsoorka gobalka Banaadir iyo Dowlad-gobaleedyada ayaa muhiimaddiisu ahayd dhiirri gelinta dardar-gelinta qorshaha hagaajinta garsoorka dalka. Sidoo kale, Khayre ayaa Madaxda Garsoorka ku ammaanay shir sanadeedka ay qabteen, wuxuuna ku dhiirri-geliyay inay joogteeyaan Kulammada ay uga tashanayaan horumainta iyo hagaajinta hannaanka gasoorka dalka. Dhanka kale, RW Xukuumadda Federaalka ah ayaa sheegay in qof walba, ha ahaado; Oday-dhaqameed, aqoonyahan, siyaasi iyo culummo looga baahan yahay inay ka shaqeeyaa nabadda dalka, isagoo ballan-qaaday inay dalka gaarsiin doonaan doorasho qof iyo cod ah. Ugu dambeyn, Xasan Khayre ayaa sheegay in warbaahinta looga baahan yahay inay ka qayb-qaatana dhismaha dalkooda, isagoo xusay in kuwa aan doonayn inay dalka dhisaanna looga baahan yahay inay ka aamusaan oo aysan waxba u dhimin. DHAGEYSO: Hadalka RW Khayre uu u jeediyay Qaybaha Bulshada; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/02/DHAGEYSO_Khudbadda_Khayre_Dalka.mp3 PUNTLAND POST The post RA’IISUL WASAARE KHAYRE: Waxaa naga go’an in dalka aan gaarsiino doorasho qof iyo cod ah appeared first on Puntland Post.
  3. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Badeeco u badan Shidaal iyo Qalabdhismo ayay Itoobiya si maalinle ah ugu beec geysaa gobolada Dhexe ee Soomaaliya, magaalooyinka Beledweyne, Guriceel, Dhuusamareeb iyo Galkacyo ayaa kamid ah magaalooyinka uu hadda gaaro ganacsiga kayimaada Itoobiya. Shamiito ama Sibir, tiirarka lagu dhisto guryaha, Shidaal iyo cabitaano gasacadeysan ayaa kamid ah badeecooyinka gaara gobolada dhexe. Sibirka ama Shamiitada oo dhowr nuuc ah oo kayimaada gobolka Dowlad deegaanka Soomaaliyeed ama Soomali galbeed ayaa hadda lagu iibiyaa suuqyada qalabka dhismaha ee gobolada dhexe, ganacsiga iyo suuqgeynta badeecooyinka kaladuwan ayaa billaabatay kaddib isbeddelka dhinaca hoggaanka ah ee Itoobiya kadhacay sanadkii 2018. Qiimaha Sibirka ama Shamiitada Itoobiya ayaa jebiyey Sibirka kayimaada waddamada Carabta sida Cummaan, sidaas oo kalana Tiirarka wax lagu dhiso oo kayimaada hadda gobolka Oromiya ayaa suuqa kasii saaraya tiirarka dhismaha ee gudaha oo ka yimaada gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Bay. Shamiitada katimaadda Diradhaba ee loo iibgeeyo gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa qiimaheedu yahay Shsom 153000 oo u dhiganta $6.50, halka Sibirka kayimaada Cummaan uu qiimihiisu yahay Shsom: 235,000 oo u dhiganta $10.00, taasina waxa ay keentay in Sibirka Cummaan oo ka soo dega dekedda Boosaaso ee gobolka Bari ay yaraato bahaida loo qabo iyo dalabkiisa guud mar haddii ay suuqa gobolada dhexe kujirto Shamiito ka raqiisan tayao ahaanna aan ka liidan. Dhinaca Shidaalka waxa taga gobolada dhexe ee Soomaaliya shidaal ay Itoobiya kala soo degto dekedda Jabuuti kaas oo tartan dhinaca qiimaha ah kula jira Shidaalka gobolada dhexe uga yimaada Muqdisho iyo Boosaaso oo ka soo dega dekadaha Boosaaso iyo Muqdisho. Shidaalka kasoo dega Muqdisho iyo Boosaaso ayaa hadda qiime ahaan kasareeye kan Itoobiya ay kala soo degto Jabuuti, sababtuna waa in kan Itoobiya uu kuyimaado waddo hagaagsan oo aan qiime aan canshuur ahayn ku kordhin shidaalka halka shidaalka Boosaaso iyo Muqdisho ay Canshuurta u dheertahay lacagta jidadka looga qaado oo maamullo iyo jidgooyo kaladuwan ay kaqaadaan gaadiidka shidaalka sida, lacagtaas oo kordhineysa qiimaha shidaalka dekedaha Muqdisho iyo Boosaaso uu kutago gobolada dhexe. Qiimaha Fuutsada shidaalka ah ee kazoo degta dekadaha Muqdisho iyo Boosaaso ayaa ka ah suuqyada gobolada dhexe $133.00, halka Shidaalka ay Itoobiya kala soo degto dekedda Jabuuti uu ka yahay suuqyada gobolada dhexe ee Soomaaliya $126.00 Maxaa kadhashay gacansiga Itoobiya ee Gobolada dhexe? Tiirarka laga keeno gobolka Oromiya ee dhismaha oo kasoo go’a beero ay leeyihiin ganacsato Oromo ah ayaa beddelay tiirarkii dhismaha guryaha loo adeegsanayey ee ka imaanayey gobolada gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Bay, sidaas awgeed dhammaan dadkii ka ganacsan jiray waxa ay hadda isugu jiraan kuwo qaata oo beecgeeya tiirarka dhismaha ee gobolka Oromiya ee Itoobiya iyo kuwo aan waxba soosaarin, balse dad badan ayaa taas u arka in ay waxtar leedahay maaddaamada jaridda geedka Hareeriga laga maarmayo. Ganacsatada gaadiidka ee Shidaalka ka keena Boosaaso iyo Muqdisho ayaa sheegay in inta badan gaadiidkii kasoo daabulayey Shidaalka iyo shamiitada dekedaha magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ee keenayey gobolada dhexe ay howlgab ku dhow yihiin mar haddii Badeeco ka raqiisan ay timid gobolka, taas oo qiime ahaan ka yar kharashka galaana uu aad uga hooseeyo. Maxay kaqaadataa Itoobiya gobolada dhexe ee dalka? Sida ay ganacsatada Shidaalka iyo shamiitada gobolada dhexe qaarkood sheegeen Itoobiya waxa ay joojisay in ay qaadato Fooxa iyo cusbada oo ay kaqaadan jirtay Soomaaliya gaar ahaan gobolada dhexe, sidaas oo kale waxa ay joojisya in gaadiidka kategey Soomaaliya oo sida Badeeco uu galo gobolka Soomaalida iyo dalka Itoobiya oo dhan. Gaadiidka iyo Shaqaalaha keena shidaalka iyo Shamiitada Itoobiya dhammaan waxa iska leh Itoobiya, tusaale ahaan shidaalka, Shamiitada iyo Tiirarka dhismaha ee Itoobiya kayimaada waxaa la socda shaqaale Oromo ah oo kashaqeynayay shubidda iyo dejinta Badeecada, taasina waxa ay shaqo la’aan dhigtay kumanaan Soomaali ah oo kashaqeyn jiray kaxaynta gaadiidka, dejinta badeecooyinka kayimaado Muqdisho iyo Boosaaso. Xigasho Mustaqbal Radio Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  4. (SL-T Hargaysa) Ajaanib Udhalatay Wadamada Yurub Oo Soodhaweyey Tar-tanka Orodka Oo Somaliland Laga Daah-furay . Source
  5. (SL-T Hargaysa))Tartan Cayaareed Noociisu Ku Cusub Yahay Somaliland Oo Ay Maanta Daah Furtay Shirkada Dahabshiil Group Magaalada Hargeisa, Waxaa Saaka Si Rasmi Ah Looga Furay Tartanka Maaratoonka Somaliland,Tartankan Orodka Dheer Waxaa Ka Qayb Galay Dhalinyaro Gaadhaysa Ku Dhowaad 300 Kuwaas Oo Isugu Jira rag Iyo Dumar, Tartanka Oo Noociisu Ku Cusub Yahay Somaliland,Waxaa Ka Qayb Galay Boqolaal Dada Oo U Daawasho Tegay,Waxaana Maal Gelinaya Shirkada Dahabshiil,Taas Oo Ka Qayb Qaadata Horumarka Dalka Somaliland. Source
  6. Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamadii dhawaan gaaray magaaladaasi ay bilaabeen fuinta amarkii uu siiyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Ciidamadan oo u badan kuwo Boolis ah ayaa dhawaan gaaray magaalada Boosaaso, waxaana la sheegay inay durba bilaabeen howlgal lagu xaqiijinayo amaanka magaalada, sida saraakiisha ay sheegeen. Ciidamada ayaa heysta amar labo maalin ka hor kasoo baxay madaxweynaha Puntland, kaasi oo ahaa inay wax badan ka badalaan hanaanka sugidda amaanka magaalada Boosaaso oo dhawaan dil uu ka dhacay. Toddobaadkan ayaa waxaa magaalada Boosaaso gaar ahaan dekadda magaalada agu dilay madaxii shirkadda P&O ee maamusha dekedda magaalada Boosaaso, waxaana dilkaasi sheegtay Al-Shabab. Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. Axmed Muuse oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dheeraadka ah ee la geeyay magaalada Boosaaso ay fulinayaan amarka madaxweyne Deni, islamarkaana ay sugi doonaan amniga. Madaxweyne Deni ayaa isagaba ku wajahan magaalada Boosaaso, waxaana muuqata in howlgalada ay yihiin kuwo labo ujeedo laga leeyahay, waxaana wali socda baaritaanka dilkii ruuxii ajnabiga ahaa ee Boosaaso lagu dilay. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (SMN) – Mareykanka ayaa fahfaahin dheeraad ah ayaa ka bixiyay duqaymaha uu Soomaaliya ka fuliyay sanadkii hore iyo kan cusub ee 2019. Madaxda howlgalka Mareykanka ee qaarada Afrika, Thomas Waldhauser, ayaa xusay in 2018-kii ay 323 Al-Shabaab ka tirsan ay ku dileen 50 howlgal. Waldhauser ayaa u sheegay Congress-ka Mareykanka in sanadkaan cusub ee 2019 illaa iyo haatan ay 113 Shabaab ay ku khaarijiyeen tobaneeno duqaymo ah. Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada xooga dalka ay ka taagarayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen amaanka guud ee wadanka. Ugu dambeyntii, wuxuu xusay inay jiraan waxyeelo shacabka kasoo gaara weerarooda cirka ah, balse ay ku dadaalayaan sidii ay uga hortegi lahaayeen. The post Mareykanka: “323 AlShabaab ayaan duqayn ku dilnay 2018” appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Iyadda oo maanta ay ku beegan tahay sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxwayne Farmaajo ayaa waxaa isa soo taraya bogaadinta wax-qabadka dowladiisa muda laba sano oo ay jirtay. Dhinacyada bogaadinta ay ka imaaneyso waxaa kamid ah Hobolada qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi, kuwaasi oo sheegay in xukuumada haatan jirta ay soo celisay rajadii Soomaaliya, xili ay ku tartarsiiyeen inay sii labo jibaarto. Hoos ka dhageyso warbixin aan idin kaga diyaarinay http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Turki.mp3 The post H/Waaberi oo bogaadiyay wax-qabadka dowlada appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Boosaaso (SMN) – Mas’uuliyiinta dhinaca nabad-gelyadda ee maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay howlgalo lagu adkeynayo amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Howlgalada ayaa la tilmaamay inay ciidamada ka sameyn doonaan xaafadaha ay ka kooban tahay xarunta ganacsiga Puntland, iyada oo ujeedku yahay in laga hortago wax kasta oo khal-khal amni keenaya. Talaabadaan ayaa kusoo aadeysa iyada oo dhowaan magaalada lagu dilay madaxii shirkada P&O islamarkaana hoostagta DP World u qaabilsanaa dekada Boosaaso, iyada oo dilkiisa ay sheegatay xarakada Al-Shabaab. The post Puntland oo adkayneysa amniga magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ka hadlay garsoorka dalka iyo culeesaadka ka jira. Wuxuu sheegay in sanadkaan 2019 ay rajo weyn ka qabaan in guddoonka maxkamadda sare ee dalka iyo dhamaan dadka ka shaqeeya cadaaladda inay dhameystiraan shaqooyinkii hagaajinta hanaanka garsoorka ee horey loosoo qabtay. Sidoo kale wuxuu sheegay in Sanadkaan ay rajeynayaan in meesha ay ka baxdo in cadaaladda laga raadiyo baraha Bulshada iyo Siyaasadda, islamarkaana ay dadka dareemaan inay heleen cadaalad sax ah. Hay’addaha garsoorka ayuu sheegay inay u taalo shaqo adag oo ah inay garsoorka dalka Gaarsiiyaan meesha ugu sareyso, si meesha ay kaga baxdo in cadaalad laga raadiyo baraha Bulshada. “Maxkamadda sare iyo dadka ka shaqeeyan cadaalada waxaan ka rajeynayaa inay ka shaqeeyaan dhameystirka shaqooyinkii hore loosoo qabtay, oo meesha ay ka baxdon in AL Shabaab dadka u raadiyaan cadaalad”. “Waxaan rajeyneynaa in garsoorka dalka uu noqdaa halka kaliya ee shacabka ku kala baxaan oo meesha ay ka baxdo in cadaaladda xal looga raadiyo Siyaasad iyo baraha Bulshada”ayuu yiri Shuute. Hadalkaan ayuu ka jeediyay shirkii garsoorka dalka oo shalay lagu soo gabo gabeeyay magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (SMN) – Maanta waxay ku beegan tahay markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay madaxwaynaha dalka, 8-dii Febraayo sanadkii 2017-kii. Muddo labo sano ah ayuu xafiiska joogaa Madaxwaynuhu, iyada oo munaasabado arrintaan ku aadan la rajaynayo in lagu qabto caasimada. Hadaba, sidee ayay shacabka Muqdisho u arkaan labo sano guuradii kasoo wareegtay Madaxwaynaha iyo mudada uu xafiiska joogay? Halkaan hoose ka dhageyso warbixin arrintaas ku saabsan http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Soofeysane.mp3 The post Dareenka shacabka Muqdisho iyo 2-sano guurada Farmaajo appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Mr. President Muse Bihi Abdi Covering up and Concealing the Corruption is not a solution. Truth and reconciliation are the best ways to approach and face the problems that occurred during an intractable time nation-wide. At the same time, truth and reconciliation is best to address the country in confronting the civil unrest, and best way to address those who committed the corruption particularly anyone who participated or involved for that amount of money (eighty million, $80 Million). Somaliland people are honest, sincere and willing to forgive, as they have already forgiven heinous actions such as the individuals who murdered, raped, robbed, looted and plundered. The efforts of trying to cover up and conceal the truth will results in dire consequences that will lead to inevitably a bad situation. Corruption is not only financial; stealing money or misallocation of resources, but corruption is broader and is when the whole government system is embedded by systematic corruption. Systematic corruption is when corruption is a collective and essential aspect of the social, economic and political system. It would be an endemic and is exactly what has happened in Somaliland for last 7 years that the Kulmiye party has been in power. Corruption is where the law is clearly broken. Most of the Somaliland people have no alternatives but only option they had were to deal with corrupt officials. Let me focus on the three type of corruptions that have been devoted by the Kulmiye party. Political Corruption Political corruption is when the laws and regulations are abused by the rulers, side-stepped, ignored, or even tailored to fit their interests. It is when the legal bases, against which corrupt practices are usually evaluated and judged. Its when the legal bases are weak and furthermore subjected to downright infringement by the rulers. The following evidences prove where the Kulmiye party rules has committed political corruption. In 2015, the House of Elders had issued the decree which stated the presidential extension for two years without any dire circumstances. The dire circumstances would be wider war, internal instability, and serious natural disaster such as earthquakes, epidemic diseases and serious famines. Allah bless to him who save from dire circumstance. The name of grace to Allah non-of it had ever occurred in Somaliland. On the top of that, the president was incompetent and has not been able to fulfil his day by day job descriptions as mentioned by his book the ex Minister of State for Presidential Affairs The House of the Representative has been in the office for almost 14 years. As the constitution confirmed, the period of the House would be 5 (five) years beginning from the date when the Supreme Court declares the electoral results. Not only that, but the local governments have been overdue its their terms of the offices. Overdue of period of the offices is a negligence and political corruption. In my assessment, Kulimye leaders have very low levels of political morality when it comes corruption. Individual Corruption Corruption starts with the individual who has a character of the highest ego, but most often corruption tends to be considered a group level phenomenon or social phenomenon. But in a reality when we closer look, it reveals that corruption begins at and is maintained at the level of the individual. In Somaliland, every minister that held a ministerial portfolio has a biggest luxury home in Hargeisa or in somewhere in overseas. The cost of these homes is estimated approximately three hundred thousand dollars ($300,000) roughly, basic with Somaliland home value, but at the overseas could be millions. As I recalled, the Riyaale administration blamed corruption, but the ex Minister of Finance and Treasury Mr. Mahamed Hashi Elmi has itemised in 2012. The President Siilaanyo was nominated the Inquiry Committee. The committee combined variety institutions such as the Auditor General, House Representative Members and Ministry of Finance and Treasury. The period investigation was 2002 up to 2012. The committee was founded that the budget surplus of $53 million and the committee confirmed there was non-existed any deficit or loan at all. Secondly, they confirmed that $70 million of public properties were founded. Every Somaliland person that live the Capital, Hargeisa knows the misuse of the government resources by individual that works governments office. The previous government did not care and would not even initiate any effort to challenge the unprecedented corruption. Individual corruption also applies to the individual businesses. A lot of business owners have illegally owned the public assets and public properties. The Somaliland constitution has given the power to government to care and safeguarded of prosperities. The constitution is limited the government power when it comes the selling, purchase or exchange. Article 12: Public Assets, Natural Resources and indigenous Production, section two (2) states: the care and safeguarding of property, endowments and public assets is the responsibility of the state and all citizens; and shall be determined by law. Hundreds of the public houses were sold without proper procedure and legal channels. It is a clear corruption that has had committed by Kulmiye government. Grand and petty Corruption Public policy does process and procedures, it starts with the exiting problem, formulation, implantation and so on. Habitually, corruption takes place at the policy formulation and it denotes the amount of money involved. And that grand corruption is at the top levels of the public field. As everybody knows, when President was in power, the handful of the ministers were decision makers and formulated the Somaliland public policy. Sarcastically the one of the ministers have clearly said “I am forty years old and I have 40 million dollars” he was one of the ministers who was acting Prime Minister of the country. The small-scale corruption such as bribery is common and is in daily basis. The corruption that involves every public sector such as local municipality, policy traffics, civil servants, tax collectors, licensing authorities, fine collectors, and so on. These kinds of corruption will not be stopped and will be still ongoing. It very hard to drive a car in Somaliland unless you prepared and willing to pay a bribery on daily basis. Mr. President the solution is to appoint the Truth and Reconciliation Commission. Somaliland people are fed up with the administration that is hiding the truth and corruption that has happened since the Kulmiye party has been ruling the country. The corruption is/was everywhere and there is no doubt about it. The ministers had stolen properties, assets, liquid assets and are visible in everywhere in the country as well as overseas. Therefore, the truth and reconciliation commission is the best solution to end the corruption. Qaran News
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-08022019.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  14. London (Caasimada Online)-Madaxa Shirkadda Spectrum oo la hadlayay BBC Soomaaliya ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay sahminta ay ku sameeyeen Shidaalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in sahminta Shidaalkaasi ay ka gashay lacagtooda iyo lacago ay kasoo deynsadeen shirkado kale, sida uu hadalka u dhigay, iyadoo ujeedada tahay in laga wada faa’ideysto Shidaalka ku jira biyaha Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale sheegay in shirka ka dhacay magaalada London ee dalka UK uusan aheyn mid lagu xaraashayo Shidaalka Soomaaliya, islamarkaana shirkadoo aysan ka shaqeyn xaraashka. “Lacagteena ayaan gelinay baaritaanka anagoo eegeyna howsha socota,waxaan sidoo kale qarashka ka deysanay Shirkado kale, muhiimada waxay aheyd in la ogaado shidaalka ku jira biyaha, shirkadeena waxba ma xaraasheeno, waxaan sameyneynaa inaan tusno meelaha ayuu shidaal ku jiraa” “Shuruudaha ay wax ku iibsan karaan waa kuwo maanta halkaan lagu sharaxay, waxay ka dhigan tahay sida uu noqon doono shidaalka Soomaaliya, howlaha kale iyo bixinta shidaalka dowladda ayay u taalaa”ayuu yiri madaxa shirkada Spectrum. Shirka ka dhacaya magaalada London ayaa dhaliyay buuq badan, kadib markii kooxaha mucaaradka dowladda ay dhaliilo badan u jeediyeen dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (SMN) – Habeenimo Arbaco ah, ayna soo galeysa Khamiis 8-dii Febraayo 2017-kii maanta oo kale, ayay ahayd markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay madaxwaynaha dalka. Fantasiyo waawayn oo ay ka qaybgalayaan madax ka tirsan dowlada federaalka ah looguna dabaaldegayo sanad-guuradii 2aad ee Madaxwaynaha ayaa saacadaha soo aadan ka qabsoomeysa caasimada. Khudbado kala duwan ayaa la filayaa in halkaasi ay ka jeediyaan madaxda, iyada oo Madaxwayne Farmaajo oo sida caadada ah qaadan doona hadal-jeedinta ugu dambeysay uu kaga hadli doono wax-qabadkiisa. Dowlada uu marajaha u hayo madaxwayne Farmaajo ayaa wax badan ka qabatay dhinacyada dhaqaalaha, xiriirka caalamiga ah iyo arrimaha gudaha, inkasta oo laga dhowrayo howlo intaasi ka baaxad wayn. The post 2-sano oo kasoo wareegtay markii la doortay Farmaajo appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Maanta waa February 8, 2019, waxaa 2 sano laga joogaa doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaas oo sida uu afkiisa ka sheegay loo bixiyey “Farmaajo high expectations”, rajo weynna laga qabay inuu isbeddel keeno dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhismaha dowladnimada. Haddaba, Goojoog News waxaa ay xog uruurin ballaaran ku sameysay isbarbardhigga waxqabadka 2-badii sano ee ugu horreysay ee dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh iyo middan madaxweyne Farmaajo. Amniga: 2-badii sano ee ugu horreysay madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la dhisay wasaaradda gashaandhigga, xerada tababarka Nac-nac iyo golaha amniga qaranka Soomaaliyeed. Barnaamijka“high level detection program” oo xilligaas la hirgeliyey waxaa isku soo dhiibay 70 sarkaal oo ay ku jireen Xasan Daahir iyo Atam, waxaana Muqdisho laga qaaday 60 isbaaro. Muddadii 2da-sano ee ugu horreysay dowladdii Xasan Sheekh waxaa min hal jeer la beddelay taliyeyaasha NISA, xoogga dalka, booliiska iyo xataa wasiirka gashaandhigga: NISA: (Axmed Fiqi oo lagu beddelay Bashiir), xoogga dalka ah(Gen.C/qaadir Diini oo lagu beddelay Daahir Aadan Cilmi) Booliiska(Cabdixakim Daahir Saacid) iyo wasiirka gashaandhigga oo la dhacay xukuumaddii Shirdoon. Dowladda madaxweyne Farmaajo 2-badii sano ay joogtay waxaa ka tagey 3 taliye sirdoon ( C/llaahi Gaafow Maxamuud, C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Xuseen Cusmaan Xuseen), waxaa jooga taliyihii 4aad ee xoogga dalka( General Maxamed Aadan Axmed (Buud), Gen, Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) iyo Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe), waxaa jooga oo kale booliiska taliyihii 4aad( Gen. Sheekh Xasan Xaamud, Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid, Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Bashiir Cabdi Maxamed halka abaanduulaha xoogga dalka iyo asluubta ay la joogaan mid weliba kii 3aad. 2-badii sano ee ugu horreysay dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh waxaa Al-shabaab laga qabsaday gobollo badan: Galmudug, waxaa ka mid ahaa: Ceel-buur, wabxo, Sh. Dhexe waxaa ka mid ahaa: Jowhar, Mahadaay iyo Balcad…, Hiiraan: Buulo-burde, Maxaas iyo Jalalaqsi iyo meelo kale, Jubbaland: Waxaa Al-shabaab laga saaray Gedo:, Baar-dheere, Barwaaqo halka Jubbada Hoose laga saaray Kismaayo, Buulogudud, Mugaanbow, Baar Sanguuni iyo meelo kale, Koofur Galbeed: Bay waxaa laga saaray Diin-soor, Halka Bakool laga qabsaday Xudur, Waajid, Tiyeyglow iyo Rabdhuurre, Shabeellada hoose: Wanla-weyn, Baraawe, Marka iyo Qoryooley. 2-bada sano ee madaxweyne Farmaajo lama qaadin dagaal weyn, Al-shabaab waxay dib u qabsatay magaalooyin badan, laakiin waxay dowladda furtay uun jidka xeebta ah ee Muqdisho illaa Marka, isla jidkaas 2-badii bil ee ugu dambeysay waxaa lagu dilay taliyeyaashii isaga kala dambeysay ee guutada 12-ka April. Kaddib booqashada madaxweyne Xasan ee Mareykanka January 17, 2013, waxaa la qafiifiyey cunnaqabateynta hubka, weliba Obama ayaa saxiixay in taageero militari la siiyo Soomaaliya April 1, 2013. Dowladda Xasan Sheekh waxay heshiis la gashay Turkiga iyo Talyaaniga inay tababar dibadeed siiyaan saraakiisha ciidanka Soomaaliya. Waxay Turkiga kula heshiisay in la dhiso xero weyn oo lagu tababaro ciidanka Waa tan Jasiira. Waxay kaloo ku guuleysatay in ciidamadii lagu tababari jiray Uganda tabarkooda loo Soo wareejiyo Muqdisho. Intii uu joogay madaxweyne Farmaajo, Mareykanka waxay qeybo ka mid ah ciidanka xoogga dalka ka joojiyeen saanaddii Militari iyo mushaarkii, waxaa xusid mudan in Trump uu saxiixay kordhinta duqeymaha ka dhanka ah Al-shabaab, waxaa uu sidoo kale Soomaaliya ku daray dalalka ka mamnuuca ah inay u safraan Mareykanka. Dhaqaalaha: 2-badii sano ee ugu horreysay madaxweyne Xasan Sheekh waxaa laga shaqeysiiyey bangiga dhexe, waxaa uu sameeyey miisaaniyaddii ugu horreysay burburkii kaddib oo gaareysa $114,355,852, isaga oo golaha shacabka hor-keenay xisaab-xirka sannad walba. Madaxweyne Xasan markii uu yimid waxuu GDP dalka ka qaaday 2012-kii 1.2% (1.4 oo 2013 ah iyo 0.4 oo 2014 ah, waxaa xusid mudan in uu 2016-kii uga tagay 4.4. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu dalka qabsaday isaga oo GDP dalku yahay 4.4, laakiin 2-badii sano uu joogay hoos ayuu u dhacay oo wuxuu gaaray 2017(2.3) iyo 2018(3.1). Xilligii Xasan Sheekh waxaa dalka maal-geshi ku sameysay Turkiga(Favori oo garoonka ah iyo Al-Beyrak oo dekedda ah), waxaa sahmin loo ogolaaday Soma Oil and Gas, inta uu madaxweyne Farmaajo joogay ma jirin maalgeshi toos ah. 2-badii sano ugu horreysay madaxweyne Xasan Sheekh, shaqaale dowladeed oo rasmi ah ayaa la diiwaan-geliyey, 3,000 ka badan ayaa la qoray illaa ay gaareen 5,526, iyada oo mushaarka ciidanka iyo shaqaalaha rayidka lagu bixin jiray grade halka Madaxweyne Farmaajo aanu weli qaadan wax shaqaale rasmi ah oo tirada rasmiga ah waa sidii hore. Deyn Cafinta: Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waxay dalka dib ugu soo celisay hay’adda lacagta adduunka IMF, taasoo ay la gashay heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxeexato heshiisyadii SMP iyo deyn cafiska. Waxay sidoo kale dib ugu Soo celisay Soomaaliya kaalintii ay ku lahayd iskaashiga Yurub, Afrika iyo Kariibiya Pasifik EU/ACP kaasoo suurtogeliyey inay Soomaaliya caawinaad toos ah ka hesho EU. Waxay ku guuleysatay barnaamijka New Deal kaasoo Waddada u furay inay Soomaaliya iyadu keensato mashaariicda horumarineed, madaxweyne Farmaajo waxaa uu sii waday barnaamijka SMP iyo xiriirka hey’addda IMF-ta iyo bangiga adduunka. Dhismaha Hey’adaha Dowladda: 2-badii sano ugu horreysay ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu saxiixay sharciyo qeyb ka ah dhismaha hey’adaha dowliga ah sida Sharciga degmooyinka iyo gobollada, Sharciga Golaha Adeegga garsoorka, Dhismaha guddiga dib u eegista dastuurka, Sharciga shaqada wasaaradda arrimaha dibadda, Sharciga kalluumeysiga badda Soomaaliya, Sharciga dhisidda guddiga madaxa-bannaan ee xudduudaha iyo federaalka, Sharciga bangiga horumarinta iyo dib u dhiska iyo shuruuc kale halka madaxweyne Farmaajo ay ugu muhiimsaneyd sharciga isgaarsiinta iyo naafada. Xilligii madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la sameeyey tirakoob: Sahankan oo ay sameysay Wasaaradda Qorshaynta intii u dhaxeysay 2013-kii iyo 2014-kii ayaa lagu sheegay in qiyaasta dadka Soomaaliyeed ay yihiin; 12,316,895 (Laba iyo Toban Milyan, Saddex Boqol & Lix iyo Todobaatan Kun, Siddeed Boqol & Sagaashan & Shan Qof). La Shaqeynta Baarlamaanka: 2-badii sano ee ugu horreysay, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu saxiixay 9 sharci oo ka soo gudubtay golaha shacabka , halka madaxweyne Farmaajo saxiixay 4 sharci, sidoo kale ma jirin khilaaf soo kala dhex galay madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoonka, waxaana 4 sano la dhammeystay Guddoomiye Jawaari halka Madaxweyne Farmaajo ay is khilaafeen isaga iyo guddoomiyaha golaha shacabka, taasi oo keentay inuu is-casilo Mr. Jawaari. Midnimada Dalka: 2-badii sano ee ugu horreysay madaxweyne Xasan Sheekh waxaa meel fiican gaaray wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland, laga bilaabo 13 April 2013 markaas oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Siilaanyo isku arkeen Turkiga iyo March 2015-kii, waxaa ay labada dhinac is hor fariisteen 7 jeer oo ka dhacay Turkiga iyo Djibouti. Intii uu madaxweyne Farmaajo xafiiska joogay ma jirin wax wada-hadal ah, bal waxaa dhacday in wasiirka qorsheynta xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya uu soo-saaray warqad deeq bixiyeyaasha looga codsanayey in aan dib loo cusboonaysiin macaamilka gaarka ah ee beesha caalamku siiso Somaliland sida ku xusan heshiiska “new deal”. Badda: Dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa August 28, 2014 dacwad ka dhan dalka Kenya, kuna saabsan muranka dhulka u gudbisay Maxkamadda Cadliga Adduunka ee hoos tagta Qaramada Midoobey, Farmaajo iyo maamulkiisa waa ay sii-wadeen. Arrimaha 2-bada sano ee Farmaajo lagu ammaanay waxaa ka mid ah safarkii uu ku tagay Jannaayo 2018 dowlad gobolleedyada Puntland iyo Galmudug. Xiriirka Caalamiga: January 17, 2013: Kaddib safarka Madaxweyne Xasan ee Mareykanka, dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in markii ugu horreysey ay aqoonsatay dowladdiisa, Xiriirka Dalalka Carabta iyo Khaliijka ayaa aad u fiicnaa, Iran iyo faafinta madhabka Shiicada ayaa lala dagaallamay, laakiin maamulka Farmaajo waxaa xumaaday xiriirka uu la leeyahay Sacuudiga iyo Imaaraadka. Afrika waxaa aad u xoogganaa xiriirka Afrika, sidoo kale Muqdisho ka dhacay shirka wasiirrada arrimaha dibadda IGAD. Isla 2-badaas sano waxaan ku biirnay Ururka Maamula Isgaarsiinta Satellityada Adduunka iyo dib u soo noqoshada xubinnimadeena baarlamaanka adduunka. Xiriirka beesha caalamka iyo madaxweyne Xasan aad ayuu u fiicnaa marka la barbardhigo madaxweyne Farmaajo oo maamulkiisa uu ceyriyey wakiilka qaramada midoobey u fadhiyey Soomaaliya, sidoo kale waxaa xusid mudan in ay dacweeyeen safaarado dhowr ah oo ka howlgala Muqdisho. Arrinta ugu muhiimsan ee 2-badaas sano uu qabtay madaxweyne Farmaajo waa heshiiska isdhexgalka geeska Afrika. Arrinka kale ee madaxweyne Farmaajo lagu ammaanay waa inuu weli la joogo ra’iisul wasaarihii ugu horreyey dowladiisa halka madaxweyne Xasan ay is khilaafeen ra’iisul wasaarihiisa, waxaase xusid mudan in xukuumadda la dhacday ra’iisul wasaare Shirdoon ay aheyd 10 wasiir halka isbeddelka wasiirrada ee xukuumadda Kheyre ay gaareen 20 wasiir. Safarrada Dibadda Ah: Madaxweyne Farmaajo waxaa uu markii murashaxa ahaa dhalleeceeyey safarrada dibadda ah ee hoggaanka dalka, laakiin isbarbardhigga Goobjoog News waxaa lagu ogaaday in Farmaajo uu 10 safar ka badan yahay Xasan Sheekh, isaga oo 2-badii sano ee tagtay galay 40 safar oo dibadda ah. Gabaggabo: isbarbardhiggaan 2-bada sano ah oo aan faahfaahintiisa cid walba la wadaagi karno waxaa soo baxday in maamulkii madaxweyne Xasan Sheekh uu ka fiicnaa midka madaxweyne Farmaajo marka la eego amniga, kobaca dhaqaalaha, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo siyaasadda arrimaha dibadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Dillooyin Hordhac u ah inaan Shirkada DP World dhisayn dekedda Berbera+Khalkhal Maareeyaha Dekeda soo wajahay & Asqo uu qaybinaayo Taariikhdu markay ahayd 23 Sep 2017, waxaa xilka mareeyaha dekadaha Somaliland si rasmi ah ula wareegay Saciid Xasan Cabdilaahi, kaas oo xilkaa uu usoo magaacabay madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo iyadoo xilkaasi uu uu kala wareegay Axmed Yuusuf Dirir. Haddaba waxaa maalamahan soo badanayay dareenka laga qabo inuu fashilmay mashuuruucii lagu balaadhinyay dekeda Berbera. Warbaahinta kasoo baxda dalka ayaa dabagal ay ku samaysay, waxayna ogaatay inaan dekeda Berbera habayaartee aan waxaba lagu kordhin intii ay joogtay shirkada DP World, iyadoo qalabkii iyo agabkii hor uyaalay ee lagu wareejiyay shirkada DP World uu noqday qalab burburay ama baaba’ay, waa sida ay warbaahintu sheegeene. Hadba dulucda sheekada aynu usoo daadagnee, waxaa dhawr goor warbaahinta hadallo isdhaaf ah ka bixiyay mareeyaha dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi oo waqtiyo ku kal cabiray xiliga la billaabayo dhismaha dekedda Berbera. Hadallada isdhaafka ah ee masuulkani bixinayo waxay kuu tilmaamayasa in mashruucaasi gabi ahaanba fashilmay Tusaale ahaan Mar uu mareeyuhu waraysi siinayay taleefeshinka Dawladda, waxa uu sheegay in dekeda Berbera la billaabayo September 2018. Haddana is xog waraysi kale oo uu siiyay Guddida ilaalinta dhaqaalaha ee golaha guurtida, waxa uu ku sheegay inuu mashruucaasi billaabmay octobar 2018, loona tirinayo 24 bilood. Iyadoo labada ballamood ay noqadeen qaar beenoobay, ayaa waraysi uu siiyay wargayska ku hadla afka dawlda ee Dawan, waxa uu haddana ku sheegay mareeyuhu inuu mashruuca ballaadhinta dekedda Berbera uu si rasmi ah u billaabmayo 15 Janaayo, 2019. Muddo markay bulshadu u dhag taagaysay inuu billaabmo mashruucaasi, oo aan ilaa wali haatana anuu bilaabmin, ayaa waxa uu waraysigiisii ug dambeeyay uu siiyay telefeshanka Bulsho, kaasi oo uu ku shegay in mashruucaasi billaabamay Octobar 2018, oo uu soconayo muddo 22 billood. Hadalladan is dhaafka ah ee uu mareeyuhu bixinayo iyo wax qabad la’aanta shirkada DP World, waxay sumcadda ka dilaysaa mareeyaha dakadaha Somaliland mudane Siciid Xasan Cabdillaahi Qaran News
  18. Faahfaahin:Cadadka Lacagta & Dalalka leh+Miisanka Dahabka Itoobiya ku qabatay Xuduuda Wajaale . Wakaalada Wararka dalka Ethiopia ee FANA ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay lacag iyo Dahab tiro badan oo lagala soo baxay gudaha dalka Ethiopia, sida warbixin lagu sheegay. Wakaalada Wararka FANA ayaa baahisay in ciidamada booliska Ethiopia ay lacagtaasi gacanta ku dhigeen xili ay baadhitaan ka sameynayeen bar Koontarool oo ku taala magaalada Wajaale. Adanech Abebe o ah Wasiirka Wasaaradda Dakhliga Ethiopia ayaa shaacisay in lacagta la qabtay ay ka kooban tahay 8,200 oo Yuuro, 31,990 pound, 25,665 Doolarka Canada 8,800 oo doolarka Australia, 1,393 Diinaarka Kuweyt, 690 Lacagta Switzerland. “Waxa lacagta sidoo kale ku jira 80,870 Kiraawnka Norway, 4,810 Riyaalka Qadar, 72, 725 Dirhamka isutagga Imaaradka, 904 Riyaalka Baxreyn, 734,088 Riyaalka Sufa, 4 lacagta cumman iyo 7 Kiilo oo dahabka qayriin”ayay tiri wasiirka Dhaqaalaha Ethiopia. Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Turkiga ayaa dardar gelisay dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana dalka ergayga gaarka ah ee uu Turkigu u magacaabay wada hadallada Hargeysa iyo Muqdisho Dr. Olgan Bekar. Dr. Olgan, oo ahaa safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaanu kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Cawad. “Waxaanu quraac sharafeed wada yeelanay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz iyo ergayga uu Turkigu u magacaabay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland Dr. Ogan Bekar. Turkigu wuxuu ahaa martigeliyaha iyo fududeeyaha wada hadalada ilaa markii si rasmi ah loo furay sannadkii 2012.” Sidaas waxa yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaanu sheegay inay labadan diblomaasi ee Turkiga ah ka wada hadleen arrimahan oo ay is dhaafsadeen fikrado kala duwan. Geesta kale, warar xogogaala oo helnay ayaa xaqiijiyay in ergaygan Dr. Olgan Bekar ee uu Turkigu u magacaabay wada hadaladu uu ku soo jeedo caasimadda Somaliland ee Hargeysa si uu kulan ula yeesho Madaxweyne Biixi, waxaana la filayaa inay ka wada hadlaan dib u bilaabista wada hadalada. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa toddobaadkii hore u sheegay inaanay dawladda Somaliland weli go’aan ka gaadhin damaca uu Turkigu ku doonayo in dib loo bilaabo wada hadaladaas. Si kastaba ha ahaate dawladda Turkiga ayaa u muuqata inay dardar xoog leh gelisay sidii ay kulan isugu iman lahaayeen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaanu ergaygani wada hadalada u qaabilsan Turkigu doonayaa inuu u kala dab qaado labada Madaxweyne. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Taariikhdu markay ahayd 23 Sep 2017, waxaa xilka mareeyaha dekadaha Somaliland si rasmi ah ula wareegay Saciid Xasan Cabdilaahi, kaas oo xilkaa uu usoo magaacabay madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo iyadoo xilkaasi uu uu kala wareegay Axmed Yuusuf Dirir. Haddaba waxaa maalamahan soo badanayay dareenka laga qabo inuu fashilmay mashuuruucii lagu balaadhinyay dekeda Berbera. Warbaahinta kasoo baxda dalka ayaa dabagal ay ku samaysay, waxayna ogaatay inaan dekeda Berbera habayaartee aan waxaba lagu kordhin intii ay joogtay shirkada DP World, iyadoo qalabkii iyo agabkii hor uyaalay ee lagu wareejiyay shirkada DP World uu noqday qalab burburay ama baaba’ay, waa sida ay warbaahintu sheegeene. Hadba dulucda sheekada aynu usoo daadagnee, waxaa dhawr goor warbaahinta hadallo isdhaaf ah ka bixiyay mareeyaha dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi oo waqtiyo ku kal cabiray xiliga la billaabayo dhismaha dekedda Berbera. Hadallada isdhaafka ah ee masuulkani bixinayo waxay kuu tilmaamayasa in mashruucaasi gabi ahaanba fashilmay Tusaale ahaan Mar uu mareeyuhu waraysi siinayay taleefeshinka Dawladda, waxa uu sheegay in dekeda Berbera la billaabayo September 2018. Haddana is xog waraysi kale oo uu siiyay Guddida ilaalinta dhaqaalaha ee golaha guurtida, waxa uu ku sheegay inuu mashruucaasi billaabmay octobar 2018, loona tirinayo 24 bilood. Iyadoo labada ballamood ay noqadeen qaar beenoobay, ayaa waraysi uu siiyay wargayska ku hadla afka dawlda ee Dawan, waxa uu haddana ku sheegay mareeyuhu inuu mashruuca ballaadhinta dekedda Berbera uu si rasmi ah u billaabmayo 15 Janaayo, 2019. Muddo markay bulshadu u dhag taagaysay inuu billaabmo mashruucaasi, oo aan ilaa wali haatana anuu bilaabmin, ayaa waxa uu waraysigiisii ug dambeeyay uu siiyay telefeshanka Bulsho, kaasi oo uu ku shegay in mashruucaasi billaabamay Octobar 2018, oo uu soconayo muddo 22 billood. Hadalladan is dhaafka ah ee uu mareeyuhu bixinayo iyo wax qabad la’aanta shirkada DP World, waxay sumcadda ka dilaysaa mareeyahay dakadaha Somaliland mudane Siciid Xasan Cabdillaahi W/Q Cabdiraxiim Cabdillaahi Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay xiritaanka shirka garsoorka ayaa weerar afka ku qaaday warfaafinta isaga oo ku eedeeyey in aaney ka hadlin wanaagga. Mudane Farmaajo oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri “waxaa kale oo jira Mediyaha oo hadda social meiyaha ay noogu darsameen, Media(Warbaahinta) waxna waa dhisaan, waxna waa dumiyaan, waa xaqiiqo weeye, waxaan rabaa in aan xuso kuwa ugu waaweyn, ma rabo in aan magacooda sheego, weligood waxa ay ka hadli jireen wax dhibaato ah, waxaa ay ka hadli jireen waxbaa la dilay, waxbaa la dhibaateeyey, weligood kama hadlaan waxa wanaagsan ama hal talaabo oo ay dowladdu qaatay kama hadlaan, micnaheedu waxaa ay tahay shacabka ay maalin walbo ku jiraan sidii ay u qab jabin lahaayeen ama rajada uga qaadi lahaayeen” Waxa uu intaas ku daray “Haddii marka ay qeyb ka noqon lahaayeen dhismaha dowladda, oo ay sheegi lahaayeen waxa wanaagsan oo dowladdu qabatay, dalka dhibaatooyin badan ayaa heysta, cadaawad badan ayaa ku gaadaaman, iney gacan siiyaan inta dowladdu ka hana qaado, oo ka istaagto, markaas ay istaagto ayaa la oran karaa dumuquraadiyad loo kacay,oo dimiqoraadiyo ayaa la aaday”. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in dowladdiisu aaney ciidan iyo hey’ado dastuuri laheyn si wax looga sheego, isaga oo weriyeyaasha dibadda jooga sheegay inay lacag fiirsadaan. “Lakiin dowla aan ciidan laheyn, oo institution iyo hey’ado aan noo disneyn, madax wax lagu dhaleeceeyo, hade waxaa weeye waa dad aan qeyb ka aheyn horumarka iyo dhismaha dalka, waxaan rajeyneynaa inshaa allah in medi-yuhu in dhismaha dowladda iyo dalkooda ka mid noqdaan, weliba kuwa gudaha ku jira ee dhalinyarada ah dadaal ayeey ka tahay, laakin kuwa dibadaha jooga culeys dhaqaale ayaa heysta, maxaa yeelay waxa ay ku jiraan deyman, marka waa in wax daran sheegaan si loo dhageysto, uniximaayaan dalka Soomaaliyeed iyo meesha ay ka yimdeen, waxa ay mas’uuliyad ka saarantahay dantooda iyo baabuurka xunka oo ay wataan iyo guriga ay ku jiraan, mar arkaayan caruurta meel loo soo celiyo iyo mustaqbal loo sameeyo ma arkaan, waxaa ay ka hadlaan wax ay Shabaab sameysay, waxaa ay ka hadlaan wax dowladda iyo shacabka iska hor keeni kara”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Wajaale (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Wajaale oo ku taala xuduuda Dowladda Ethiopia maamulka Somaliland la wadaago ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay lacag tiro badan. Wararka ayaa sheegaya in lacagta ciidamada Ethiopia ay qabatay ay gaareyso 1.5 Milyan (Hal Milyan iyo Bar) oo doolar, waxaana la sheegay in la xiray shaqsiyaadkii lagu qabtay lacagtaasi. Wakaalada Wararka dalka Ethiopia ee FANA ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay lacagtaasi iyo Dahab tiro badan oo lagala soo baxay gudaha dalka Ethiopia, sida warbixin lagu sheegay. Wakaalada Wararka FANA ayaa baahisay in ciidamada booliska Ethiopia ay lacagtaasi gacanta ku dhigeen xili ay baaritaan ka sameynayeen bar ilaalineed ku taala magaalada Wajaale. Adanech Abebe o ah Wasiirka Wasaaradda Dakhliga Ethiopia ayaa shaacisay in lacagta la qabtay ay ka kooban tahay 8,200 oo Yuuro, 31,990 pound, 25,665 Doolarka Canada 8,800 oo doolarka Australia, 1,393 Diinaarka Kuweyt, 690 Lacagta Switzerland. “Waxa lacagta sidoo kale ku jira 80,870 Kiraawnka Norway, 4,810 Riyaalka Qadar, 72, 725 Dirhamka isutagga Imaaradka, 904 Riyaalka Baxreyn, 734,088 Riyaalka Sufa, 4 lacagta cumman iyo 7 Kiilo oo dahabka qayriin”ayay tiri wasiirka Dhaqaalaha Ethiopia. Ethiopia waxaa sanadkii laso dhaafay lagu qabanayay waxyaabo kala duwan oo ay ku jiraan waxyaabaha maanta dooriya iyo lacago kala duwan, sida ay baahisay wakaalada Wararka ee FANA. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimadaa@Live.com
  23. Afgooye (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa markale gaadiid weyne ku gubay meel ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen deegaanka Doonka. Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay deegaanka Doonka oo aan ka fogeyn degmada Afgooye ku gubay gaadiid dadweyne, waxaana ku xigtay inay xalay kuwo kale ay ku gubeen isla deegaanka. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya C/fataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay inay ka warhayaan dhibaatada dadka shacabka ah ay kala kulmayaan Al Shabaab, isaga oo sheegay inay dhawaan jawaab ka bixin doonaan. Gelinkii dambe ee shalay iyo xalay ayaa la sheegay in xubnaha Al Shabaab ay ku gubeen deegaanka Doonka ku dhawaad 5 gaari, waxaana ka horeysay todobaad ka hor markii 7 gaari ay ku gubeen isla deegaanka. Sababta ka dambeysay gubidda gaadiidkaan ayaa la sheegay in Al Shabaab ay gaadiidka ku qabteen iyaga oo dhuxul wada, islamarkaana ay deegaanadooda ka mamnuuceen jarista dhirta. Waa markii labaad oo gaadiid dhuxul usoo wada magaalada Muqdisho Al Shabaab ay ku gubaan deegaanka Doonka ee duleedka magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com