-
Content Count
212,125 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
London (SMN) – Munaasabadda Soo dhaweynta ah oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK ayaa loo sameeyey masuuliyiin uu hor kacayey Ra”iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan iyo Madax kale. Madaxda Jaaliyadda ayaa ugu horeyn munaasabadda ka sheegay iney diyaar u yihiin garab istaagga dowladda Soomaaliyeed oo horumar ka sameysay dhinacyo badan, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo madaxda lagu soo dhaweynayey. Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay u baahantahay taageerada shacabka oo ay kamid yihiin qurba joogta, waxaana uu tilmaamay in dadka qurbaha ku nool looga baahanyahay iney qaataan masuuliyad gaar ah oo ay kaga qeyb qaadanayaan horumarka Dalka. “Waajib ayaa idinka saaran inaad ka qeyb qaadataan horumarka dalka, oo si gaar ah aad ula shaqeysaan dowladiina oo ku guuleysatay in horumar badan ay sameyso”ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda. Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa halkaasi ka sheegay in ka maamul ahaan ay dadaal badan ku bixiyeen sidii loo hormarin lahaa Caasimadda, si ay ula tartanto caasimadaha dunida, islamarkaana ay ka shaqeeyeen sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha ku nool gudaha iyo duuleedka Muqdisho. “12-kii bilood ee aan masuuliyadda heynay waxaan ka shaqeynay sidii aan xal ugu heli laheyn barakacayaasha, waxaan horumar badan ka sameynay amniga, bilicda iyo guud ahaan horumarka caasimadda”ayuu yiri Eng: Yariisow. Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa munaasabadda ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay horumar balaaran ka sameysay dhinacyada Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha iyo ka hortagga Musuqa, waxaana uu tilmaamay in waajib ay tahay si horumarkaasi loo ilaaliyo in la garab istaago dowladda Soomaaliya. “Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu soo dhisay Wasiirro farsamo yaqaanno ah oo garanaya waxa ay qabanayaan iyo waajibaadka ka saaran dadkooda, kuwaas oo aan dano gaar ah laheyn balse jecel in si sax ah ay ugu adeegaan shacabkooda Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka. The post Wafdiga DFS Oo soo dhaweyn loogu sameeyay London appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Genaraal C/laahi Xasan Bariise oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa uga digay askarta ku sugan baraha koontarool ee magaalada Muqdisho iyo hoggaankooda in la waxyeeleeyo dadka rayidka ah, maadaama ay isa soo tarayaan dilalka loo geysanayo dadka shacabka ah. Genaraal Bariise ayaa sheegay in dambi Qaran ay tahay in si micno darro ah loo laayo shacabka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in la’iskula xisaabtami doono dambiyadaasi. Dhanka kale shacabka ayuu ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidanka amniga, gaar ahaan wadayaasha Mooto Bajaajta oo uu ka dalbaday in ay u hoggaansamaan amarka askarta. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal ay askartu u geysanayeen dhalinyarada kaxeysa mootadanuuac loo yaqaano Bajaajta. The post Taliska Booliska Soomaaliyeed Oo u digay askarta dowladda appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo uu hoggaamiyo Mareykanka ayaa Soomaaliya ka geysto duqeymo kala duwan oo lala beegsado xarumaha ay ku sugan yihiin Kooxda Al-Shabaab. Duqeymahaan ayaa socday muddo dhawr sano ah mana jirto illaa hadda horumar laga sameeyey duqeymahaas mana muuqato in ilaa hadda laga adkaaday Kooxda Al-Shabaab. Su’aasha is waydiinta mudan ah ayaa in Al-Shabaab looga adkaan karo duqeymo dhanka cirka iyadoo aan la helin dagaal dhanka dhulka ah. Xasan Sheekh Cali oo culuunta xiriirka caalamiga ka dhiga jaamacado ku yaal Muqdisho ayaa Idaacadda BBC-da qeybta afka Soomaaliga u sheegay inaan Al-Shabaab looga adkaan Karin duqeymo dhanka cirka ah oo ay sameeyaan Ciidamada Mareykanka. Waxa uu intaa ku daray in uu khaldan yahay habka loo marayo dhisidda ciidanka Soomaaliya oo uu sheegay in lagu saleeyay hab maamul goboleed oo salka ku haya nidaam qabiil. Sidoo kale Taliyaha AFRICOM, jeneraal Thomas Waldhauser, ayaa u sheegay guddiga Senate-ka Maraykanka u qaaabilsan ciidamada qalabka sida in duqeymaha oo keliya aan looga adkaan doonin Al-Shabab balse loo baahan yahay in la qaado dagaal dhulka ah. Sarkaalkan oo hogaamiya taliska ciidamada Mareykanka ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in duqeymahan ay carqaladeyn karaan dhaq-dhaqaaqa iyo waxqabadka Al Shabaab balse aysan marnaba suuragal ahayn inay kaligood xaqiijiyaan guul laga gaaro dagaalka isagoo ka hor hadlayey guddiga military-ga ee Golaha Senate-ka Mareykanka ayuu gaal Tomas Waald-hawser sheegay in ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay duqeymahan ay tahay in la caawiyo xukuumada taagta daran ee Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaatkooda taas oo uu ku tilmaamay mid aanan isaga filnaan karin la dagaalanka Shabaabul Mujaahidiin iyo in ay difaacdaan deegaanada ay maamulaan. “Duqeymahan ma ahan kuwo ugu dambeyntii xaqiijinaya in laga takhaluso Al-Shabaab laakiin waa kuwo fursad siinaya dowlada Federalka iyo Ciidamada Soomaalida si ay u soo kobcaan, una hantaan amniga wadanka” ayuu yiri Tomas Waald-hawser, taliyaha ciidamada military-ga Mareykanka ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano AFRICOM. Tan iyo sanadkii 2017-kii diyaaradaha Mareykanka ayaa Soomaaliya ka waday duqeymo wuxuushnimo oo beegsaday dadka iyo duunyada kuwaas oo ay ku sheegeen in ay ku ugaarsanayaan Mujaahidiinta balse duqeymahaas ayaanaan ilaa hadda xaqiijin wax un ka mid ah hormaradii iyo guulihii uu cadowgu ku taamayey. Ciidamada Soomaaliya ayuu ku sheegay inay yihiin kuwa aan u diyaarsaneyn inay dhabarka u ritaan Mas’uuliyadda sugidda Amniga dalkooda. Wuxuu ku baaqay in horumar fiican la gaarsiiyo Ciidamada Soomaalida si ay u sugtaan dalkooda isla markaasna ay Al-Shabaab ugu tagaan dhulalka ay ku dhuumanayaan. Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Maraykanka ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafnay ka dhacay qeybo kala duwan oo Soomaaliya ah. Arbacadii waxa ay diyaaraha Maraykanka duqeeyeen deegaanka Gardarshe ee gobolka Shabeellada hoose, halka Khamiistii ay beegsadeen deegaanka Bariire ee isla gobolkaasi. Gelinkii dambe ee Jimcaha-na waxa uu Maraykanka beegsaday dagaalyahanno Al-Shabab ah oo ku sugnaa deegaanka Araare ee gobalka Jubada Hoose. Maraykanka ayaa sheegay in weerarradaasi ugu dambeeyay uu ku dilay tobannaan dagaalyahannada Al-Shabab ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howgal qorsheysan iyo duqeyn saacadihii la soo dhaafay laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Howlgalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa si wadajir ah Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ay uga fuliyeen deegaanada Buula Xaaji iyo Buundada Araare ee gobolkaasi. Sidoo kale waxaa deegaanadan ka dhacay duqeyn dhinaca cirka ah oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al Shabaab. Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa sheegay in howlgalka iyo duqeynta lala bartilmaameedsaday goob ay isku aruursanayeen dagaalyahannada Al Shabaab, islamarkaana lagu illaa 6 ka tirsanaa Al Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM aya howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland. The post Ku dhawaad 10 ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay J/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Washington)Ninka ugu taajirsan dunida ahna aasaasaha shirkadda Amazon, Jeff Bezos ayaa wargeys ka soo baxa waddanka Mareykanka oo ka faallooda dadka caanka ah ku eedeeyay inuu doonayo inuu baad ka qaato. Ninkan ayaa waxa uu Online-ka soo dhigay farriin muujinaysa wax uu ku sheegay handadaad ay emailka u soo dhigeen kooxda sharciga u qaabilsan wargeyska taas oo ay ku sheegayaan inay daabici doonaan sawirro jaceyl muujinaya oo uu Bezos kula jiro haweeney uu xiriir kala dhaxeeyo. Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-090219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
– Notwithstanding a bad and an incomprehensible presentation by the Minister of Petroleum and Mineral Resources, whose message was lost because of his poor enunciation [...] Source
-
Gaarisa (Caasimada Online) – Odayaasha Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya ayaa caddeeyey mowqifkooda doorashada Jubaland, waxayna ku baaqeen dib u doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Waxgaradka oo shalay ku kulmay Hotel ku yaalla Magaalada Gaarisa ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Maamulka Jubaland ay ka shaqeeyeen amaanka sohdinta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa ay soo jeediyeen in sidoo kale dib u doorashada Axmed madoobe ay horseedi karto in degaannada Maamulka Jubaland uu noqdo degaan amaan ah. Axmed Madoobe ayaa dhowr bilood ka hor tagay Magaalada Gaarisa si Odayaasha ku heybta ah uga shaqeeyaan dib u doorashadiisa, waxaana hadda muquda in qorshihiisa uu u hir-galay. Doorashada Jubaland waxaa ay lagu wadaa in la qabto Bisha August ee sanadkan 2019,waxaana uu Axmed Madoobe sheegayaa culeys dhinaca siyaasadda ah oo ka heysta dhinaca dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Dhinaca kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa waxaa uu ku suganyahay Magaalada Gaarisa. Safarka Omaar oo uu isagu ku sheegay in shaqsiyadeed iyo booqashada qoyskiisa ayey dadka qaar sheegeen in uu qeyb ka yahay ololaha dowladda Federaalka ah uga hortageyso soo laabashada Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
“Si aad u hesho waxa aad jeceshahay waa in aad ku sabirtaa waxa aad neceb tahay” Aragtiyihiisii Saamaynta Reebay Qasaali waxa aad loogu weyneeyaa horumarinta shakhsiyeed iyo bulsheed ee marba waayaha iyo degelka la joogo ku salaysan. Qaabdhismeedyada la majeerto quruxdooda ee maanta Muslimku ku jiro door muhiim ah ayuu ku leeyahay. Qasaali waxa uu in badan ka dhex guuxay maskaxaha Muslimiinta iyo Reer Galbeedka aqoonta weeleeya. Rabbi wuxu ku galladay codkarnimo iyo doodyaqaannimo, waxa la arki jiray isbarbardhigyada uu ku samaynayo masalooyinka adag iyo sida waaqica loogu saleeyo, iyo waliba tilmaamidda xaqa xorriyadda aan laga badbadin ee reer galbeed ku tunteen. Aragticuriye (Qasaali) dhaxalkiisa aan duugoobayni waa fikradihiisa ilaa maanta la adeegsado ee nolosha iyo aqoonta la xidhiidha. Waxa lagu midaysanyahay in aqoon iyo aragti laga weelayn karo buugtiisa iyo mabaadi’diisa. Qasaali waa hormoodka aragtiyahannada Muslimka ee reer galbeedka doodaha ku jabiyey. Waxa lagu ammaanaa aragtidiisa uu ku soo afjaray dooddii caqliga iyo weedhiisii caanka ahayd ee ku jirta dhiganihiisa “Tafahaatul Falsafa” isaga oo lahaa “Caqligu hanuunsami maayo diinta la’aanteed, diintuna noqon mayso mid cad caqliga la’aantii.” Waxa uu isku xidhay caqliga iyo diinta, sababtu waxa weeye in caqligu yahay ka wax lagu fahmayo, diintuna tahay midda toosinaysa caqliga. Waxa uu geed ku xidhay dadyowgii ku doodayey in caqligu kaligii istaagi karo oo aanu jirin dabar uu u hoggaansamo. Sida oo kale, wadaaddadii ka soo horjeeday caqlaaniyiinta ee dedifeynayey ama dafirsanaa kaalinta caqliga, iyagana caqlicelin iyo tusaaleyn mug leh ayuu u noqday hadalkiisu. “Si aad u hesho waxa aad jeceshahay waa in aad ku sabirtaa waxa aad neceb tahay.” Waa mid ka mid ah hal-ku-dhegyada Qasaali ee saamaynta maskaxeed ku yeeshay aqoonyahankii reer Yurub. Waana arrin marar badan lagu faaqiday gole aqooneedyada reer Galbeedka. Nuxurka hal-ku-dheggani waa rumaynta ama doorashada fursadaha, baahiyaha iyo caqabadaha aasaasiga ah “Claim value”. Waxa waayo dambe laga dhex arkayey manaahijta barbaarineed ee Yurub halku-dhegyadan. Falsafaddu xilligiisii saamayn xooggan ayey ku lahayd dadkii ugu caansana da’diisa, habdhaqankoodii iyo dabeecaddoodii, waxa ay gaadhsiisay heer ay ka shakiyaan diinta Islaamka. Waxa ay saluug ka muujiyeen akhlaaq xumada, siyaasad xumada iyo fasahaadka bulshadooda. Qasaali waxa uu wakhti badan siiyey barashada falsafadda ilaa loo aqoonsaday mid ka mid ah ragga ugu waaweyn ee lagu ixtiraamo filosuufnimada. Waxa uu qoray buug uu kaga warramayo falsafadda, sida buugga magaciisu yahay “Maqaasidu Falsafa” ‘Ujeeddooyinka falsafaddda’ buuggaasi si qotodheer ayuu uga warramayaa mabaadi’da guud ee falsafaddu leedahay. Buug kale ayaa isna jira uu sheekhu leeyahay, kaas oo ah “Tafahaatul Falsafa” Isqabad la’aanta Falsafadda, waxa uu ku soo bandhigayaa in aanay falsafaddu ahayn mid cad oo meel ku tiirsan se ay tahay mid iska hor imanaysa. Marka la eego heerka uu ka gaadhay falsafadda Qaasaali, waxa jira rag aragtiyo badan loo tixgaliyo oo reer galbeed ah, se aad ula yaabay aragtiyaha wadaadkaas Muslimka ahi dunida ku soo kordhiyey. Waxa ka mid ah raggaas ninkii caanka ahaa ee magaciisu ahaa Aristotel, oo ka mid ah filasuufyadii ugu caansanaa qarniyadii tagay, aragtiyihiisii siyaasadeed iyo arrimo bulsheedna la tixraaco, waxa uu marar badan ku waafaqay Qasaali mabaadi’diisa la xidhiidha arrimaha bulshada. Tusaale ahaan waxa uu la aaminsanyahay aragtida Qasaali ee odhanaysa, “Waa in la helo ummad leh marjac caqiido oo ay u noqoto.” Qasaali waxa uu aaminsanaa in aanay suuragal ahayn in ay jirto ummad aan waxba aaminsanayn oo aan lahayn cid ay u rumaysan tahay in ay iyada ka awood weyntahay oo dunida maamusha. Arrintaas oo Qaasaali kaga hadlay Buuggiisii “Ixyaa culuumu-diin” kaas oo uu ku sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la helo nolol ay saldhig u tahay caqiido diineed. Dadkii ka Hadlay Dahabi waa mid ka mid ah ragga taariikhda Islaamka looga dambeeyo, isaga oo ka hadlaya qofka uu yahay Qasaali ayaa kitaabkiisa Siyaru-Aclaam waxa uu ku yidhi, “Qasaali waa mar la arag mucjisadii qarnigiisa ah, waa curiyaha funuunta.” Ibnu Jawsi oo isna ahaa aqoonyahan caan ahaa, waxa uu aad ula ashqaraarray qaabqoraalka Qasaali, waxa uu ku sifeeyey in buugtiisa uu u qoro sida ugu wanaagsan ee qoraal loo sameeyo, hadal walbana u nidaamiyo sida ugu habboon ee loo yidhaado. Ibnu Jawsi in intaa ka badan ayuu kaga hadlay buuggiisa “ Taariikhul Muluk wal-umam”. Qaradaawi waxa uu leeyahay buug magaciisu yahay “Imaam Qasaali Bayna Madaaxiya wal Naqdiya” ‘Qasaali wuxu u dhexeeya kuwo ammaana iyo kuwo dhalleeceeya’, waxa uu ku yidhi, “Qasaali wuxu ka mid yahay qamaamuurta fikirka iyo hal-abuurka raadraaca. Waa maskax ka soo mudh tidhi xaddaaradda Islaamka ee hodonka ah. Margaret Smith waxa ay qortay buug la yidhaa (Al-Ghazali: The Mystic) waxa ay ku qiraysaa buuggeeda in aragtiyihiisu saameeyeen reer galbeedka, waxa ay odhanaysaa, “Shaki kuma jiro in dhaqdhaqaaqyada ugu horreeya Qasaali ay ka mid yihiin kuwa soo jiidanaya dareenka aqoonyahanka reer Yurub.” La soco Qaybta Saddexaad W-Q. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub. Source
-
Waxa la yidhi waagii horre , wadaada kiristaanku intay baaldi biyo ah soo qaataan ayay burush dhex gelin jireen , markaasaa dadku kusoo xoomi jiray , dabeeto qofkuu doonu baadirigu intuu burushka biyaha geliyo ayuu ku rushayn jirey , markaasuu ku odhan jirey danbigii waa lagaa dhaafay , kii uu doonana wuu diidey jirey , imika waa halkaase , ninka la yidhaahdo Riyo-raac Tv ayaa isla soo hortaagay xisbiga Waddani Soomaali wayn buu gacan-saar la leeyahay , isagoo ku sababeeyey in ina Buubaa dhex joogo , markaa waxaa is waydiinle , isaguba Soomaali wayn wuu tagay , waanu kasoo noqday , Kulmiye na wuu dhex joogaaye , Riya-raac miyaa la rusheeyey sidii baadirigu dadka u rushayn jirayoo Soomaali wayntuu tagey waa laga maydhay ,mise isagaa taariikhdiisii horre ilaaway . Source
-
Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay, tala soo jeedin ku saabsan, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, kadib markii Baarlamanku ay warbixin ka dhegaysteen guddiga doorashooyinka ku meel-gaadhka ah ee Puntland (TPEC). Guddi xildhibaanno ah oo u kuur-galay, sababaha ay Puntland uga qabsoomi weyday doorasho qof iyo cod ah ayaa kadib markii ay warbixin ka dhegaysteen (TPEC), waxay soo jeediyeen, in guddiga doorashooyinka ku meel-gaadhka ah ee Puntland ay sii wadaan shaqada, islamarkaana xukuumaddu ka taageerto, dhaqaalihii ay ku qaban lahaayeen doorashada golayaasha degaanka. Sidoo kale xildhibaannada ayaa soo jeediyay, in xukuumadda Puntland ay la timaaddo qorshe cad oo dalka looga hirgelinayo, doorasho qof iyo cod ah, maadaama deeq-bixiyaashii taageeri jiray barnaamijkan ay dhaqaalihii ka jarteen kadib markii ay dhinaca xukuumadda ka waayeen qorshe cad oo ay ka leedahay nidaamkan. Golaha wakiilada dowladda Puntand ayaa dood dheer kadib, waxay cod gacan-taag ah ku ansixiyeen tala-soo jeedinta guddiga gaadhka ah ee xildhibaannada Baarlamanku ay ka soo saareen, hir-gelinta nidaamka axsaabta badan iyo shaqada guddiga doorashooyinka ku meel-gaadhka ah ee (TPEC). Kulanka oo ay fadhiyeen 48 mudane ayaa waxaa tala-soo jeedinta aqbalay 43 xubnood, 2 xildhibaan ayaa diiday halka 3 kalena ay ka aamustay, waxaana sidaasi ku ansaxay tala-soojeedintii guddiga gaadhka ah ee xildhibaannada Baarlamanku u saareen hir-gelinta nidaanka axsaabta badan. Halkaan ka akhriso tala-soojeedinta PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay tala-bixin ku saabsan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dilal ay Askar Boolis ah Muqdisho ugu geysteen dad shacab oo badankoodu ahaa dhalinta Mooto Bajaajta ku shaqeysta. Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Magaaladaani Muqdisho ka sheegay in gacanta ay kusoo dhigeen askar uu sheegay in siyaabo kala duwan ay dilal ugu geysteen dad shacab ah dhawaanahaan. Waxa uu sheegay Jeneraal Bariise in ay askarta ay soo qabteyn ay u gudbiyeen maxkadamada lana marsiin doono cadaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan. “Aniga oo ku hadlaya Magaca Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo kan Booliska waxaan idiin sheegayaa in aan gacanta kusoo dhignay askar dilal kala duwan geystay, waxaana u gudbinay maxkamada si cadaaladda loo marsiiyo” ayuu sheegay Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise. Waxa kale ee uu Ciidamada Booliska ugu digay in ay geystaan dil, waxa uuuna ku nuux nuuxsaday in ugu dambeyn cadaalada lasoo taagi doono oo aanan loo asxaan fali doonin askarigii geystaa dil. Hadalka Taliyaha ayaa kusoo aadaya iyadoo su’aallo badan la iska weydiinayay dilal ay Ciidamada u geystaan Dhalinyarada Bajaajka ku shaqeysta oo Muqdisho kusoo badanayay dhawaanahaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Horaanta sanadkan cusub 2019 waxaa guud ahaan dalka ka dhacay dhacdooyin badan oo xaga ciyaaraha haddab waxaan akhristeyaasheena usoo bandhigeenaa dhacdooyinkii ugu weynaa ee dhacay bishoo lasoo dhaafay Janaayo 2019. 01-Janaayo 2019-garsooraha heerka caalami ee Soomaaliya Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali) ayaa ku guulaystay abaal marinta Mogadishu Awards,isagoo ku guulaystay garsoorihii ugu wanaagsan Soomaaliya sanadkii tagay 2018. 01-Janaayo 2019-Ciyaaryahan Xassan Maxamed Xassan Santos ayaa isna ku guulaystay abaal marinta Mogadishu Awards wuxuuna xidigan hantay abaal marinta laaciibkii ugu fiicnaa Soomaaliya sanadkii 2018 Santoos ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay abaalmarinta uu hantay. 03-Janaayo 2019-Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta ayaa dhagax dhigay dhismaha wajiga labaad ee garoonka kubbadda cagta Jamaacadaha ee degmada Hodan waxaana mashruucan bixiyay xiriirka kubbadda cagta adduunka ee FIFA. 05-Janaayo 2019-Ciyaartoyda Xulka qaranka teeniska oo mudo dheer ka dib dalka Tanzania u aaday tartan teeniska dheer waxaana arinta soo dhaweeyay xidigihii hore iyo xiriirka Teeniska dheer. 06-01-209-Tababaraha kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka 4aad ee dalka Sweden Maxamed Cabdiqaadir ayaa sheegay in uu diyaar u yahay laylinta xulka qaranka Soomaaliya iminka uu wado kordhinta xirfadiisa macalinimo. 14-Janaayo 2019-Maamulka Gobolka Banaadir oo hogaaminayo Guddoomiyahe Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) ayaa dhagaxdhigay garoonka kubbadda cagta Qoobdooro ee degmada Kaaraan madaxda Gobolka ayaa sheegay in garoonkaas loo dhisidoono qaab-casri ah si ay ugu faa‘ideestaan dhalinyarada iyo shacabka degmada oo aad u jecel ciyaaraha gaar ahaan kubbadda cagta. 16-1-2019-Tartanka Isreb-reebka kooxaha heerka 1aad ee Jubbaland ayaa ka furmay garoonka Waamo ee Magaalada Kismaayo qorshaha tartankaan ayaa lagu sheegay si loo kala saaro 12-ka kooxood ee ladoonayo in 6 ka mid ah ay usoo gudbaan heerka 1-aad iyo heerka 2-aad. 16-Janaayo 2019-Maamulka isboortiga degmada Hilwaa ayaa macalinkooda cusub u magacaabay Cabdinaasir Axmed oo horay ugu mid ahaa ciyaarooydii u soo ciyaartay kooxda degmada. 17-Janaayo 2019- xiriirka Teeniska Dheer ayaa Muqdisho si wanaagsan ugu soo dhaweeyay ciyaartooydii ugu horeesay mudo ka dib magaalada Daarsalaama ee dalka Tanzania ugu qeyb gashay tartanka teeniska dheer. 18-Janaayo 2019-Kooxda kubadda cagta ee Umu Hospital ayaa ku guuleesatay horyaalka heerka sedexaad ee kubbadda cagta Soomaaliya fasal ciyaareedka 2018-2019. 19-Janaayo 2019- Tartan lagu xusayay marxuum Wariye Cawil Daahir Salaad ayaa Muqdisho furmay waxaana ka qeyb galay kooxaha kubbadda cagta ee kala ah, Elman,Jeenyo,Heegan iyo Muqdisho City Club. 20-Janaayo 2019- maamulka kooxda Elman ayaa xogayahooda cusub ee naadiga umagacaabay Xaaji Shirwac Sandhool oo ka mid ahaa macalimiinta farsamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. 22-Janaayo 2019- Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada waxaana wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada loo magacaabay xidigii hore kooxda kubbadda kolayga L.L.P Jeenyo Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Cabdiqani Jeenyo),isagoo xlika wasaaradaas horay u soo qabtay sanadii 2017. 22-Janaayo 2019-Kooxda kubbadda Cagta Heegan ayaa ku guulaystay koobii lagu maamuusayay Allaha U naxariistee Wariye Cawil Daahir Salaad,iyagoo ka hantay xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho City Club. 24-Janaayo 2019-Xidigii hore kooxaha kubbadda cagta Elman iyo Banaadir SC Mustaf Xasan Cumar (Mustaf France) ayaa safar u aaday dalka dibadiisa,isagoo ahaa tababare ku xigeenka kooxda Muqdisho City Club 21-kii sano lasoo dhafaay sida laga soo xigtay kooxdiisa waxa uu kula guulaystay koob walbo uu kala qeyb galay naadiga Muqdisho City Club,isagoo ciyaaryahan iyo Macalin ah. 25-01-2019-Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa soo gabagabeeyay tartan ay u qabteen ilaa 10-koox kaas ay ugu magac dareen Muqdisho Talent Cup si dhalinyarada xirfalayaashaada loogu diyaariyo qeybaha kale ee kooxda. 26-01-2019-Tartan kubbada Cagta oo lagu taageerayay wax qabadka guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Axmed (Shakeeti) ayaa lagu soo gaba gabeeyay garoonka qoob dooro ee degmada kaaraan Basma uu la hadashay warbaahinta waxa ay sheegtay in 2019 koobab badan loo dhigo doono dhalinyarada degmooyinka Gobolka si ay u sameeyeen is-dhaxgal bulsho. 27-01-2019-Macalinka Kooxda Jeenyo Axmed Tahliil Cali ayaa shaaciyay in ay soo qaateen goolhayihii hore degmada Waaberi Sakariye Maxamuud Axmed,taageerayaasha kooxda L.L.P ayaa aaminsan in xidigan buuxindoono booskii uu ka baxay Mustaf Maxamed Yuusuf oo iminka shabaqa u ilaaliya kooxda Heegan. 28-01-2019-Xiriirka kubbadda cagta dalka Eritrea ayaa xaqiijiyey inay oggolaadeen casuumaad kaga timid xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta tasoo ku aadan laaciibiin ka socota Eritrea in ay booqasho iyo ciyaaro saaxiibtinimo u yimaadaan caasimada Muqdisho. 29-01-2019-Wasaarada ciyaaraha iyo Xiriirka kubbadda cagta maamulka Galmudug ayaa garoonka Cabdulaahi Ciise ka furmay tartanka Dugsiyada sare ee magaalada Gaalkacyo yoolka tartankan ayaa lagu qeexay sidii dhaqaalaha loogu aruurin lahaa dayactirka dhismaha garoonka Cabdullahi Ciise. 30-01-2019-Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay tababar u socday gaarsoorayaasha kubbadda cagta, kaas oo u jeedkiisu uu ahaa sidii sare loogu sii qaadi lahaa aqoonta garsoorka heerarka kala duwan ee xirrirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta. 31-01-2019-Kooxda Kubbadda Cagta Dekedda ayaa ku guulaystay koobka Somali Super Cup 2018 waxayna 3-0 kaga adkaadeen xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho CIty Club. Halkan Ka Daawo Warbixin Lagu Soo Koobay Dhacdooyinkii Dhacay Bishii Janaayo 2019 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Ergeyga Turkiga U Qaabilsan Wada Hadalada Somalia/Somaliland Oo Kulan la qaatey Madaxda Xisbiga Waddani Waxaa safarkiisii koowaad ee intii uu xilkan ku magacownaa magaalada Hargeysa khamiistii 7 da feeberweri 2019 ka, ku yimi Danjire Dr. Olgan Beker oo ah ergeyga ay dawl adda Turkigu u magacowday wada hadallada Somaliland iyo Somalia oo dib u bilowgeedu uu muddooyinkii u dambeeyey soo noqnoqonayey. Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo bartiisa Facebook faallo kooban kaga bixiyey kulankan ayaa sheegay in dunidu ay ol’ole ugu jirto in Somaliland ay doorashooyin qabsato iyo in dib loo bilaabo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay in dawladda Turkigu ay u diyaar tahay in ay mar labaad isa soo horfadhiisiiso labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya. Mudane Xirsi wada hadallada labada dhinac waxa uu ku tilmaamay albaabka ay Somaliland u marayso madax bannaanideeda, iyo sidii ay uga mid noqon lahayd dawladaha dunida. xogo dheeraad ah oo uu Geeska Afrika helay kulankan ayaa sheegaya in ergeyga Turkiga u qaabilsan wada hadalladu uu masuuliyiinta WADDANI u sheegay in hawsha dib u bilowga wada hadalladu ay meel fiican marayso. Danjire Olgan Beker waxa uu masuuliyiinta WADDANI ku wargeliyey in dawladdiisu ay dadaal weyn u gashay sidii ay taageero caalamiya ugu heli lahayd wada hadalladan, si guul fiican looga gaadho. Waxa aanu rajo fiican ka muujiyey kulamo isla arrintan la xidhiidha oo uu maalmihii u dambeeyey magaalada Muqdisho kula qaatay masuuliyiinta dawladda Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in ay niyadwanaag u hayaan diyaarna u yihiin dib u bilaabista wada hadallada. Dhinaca kale xisbiga WADDANI ayuu warku sheegayaa in uu ergeyga u sheegay in uu soo dhoweynayo dadaallada wada hadallada Somaliland iyio Soomaaliya ee ay dawladda Turkigu waddo, diyaarna u yahay in uu kaalintiisa ka qaato. Ergeyga wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mudane Beker ayaa lagu wadaa in uu maalinnimada Sabtida ee 9 ka feeberweri kulan arrintan la xidhiidha la yeesho madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekadan xiisaha badan ayaa aad looga hadal hayaa dalka Tanzania, kadib markii la shaaciyay in la gudayo xildhibaanada Ragga ah ee kamid ah baarlamaanka dalka Tanzania. Ujeedada ka dambeysay in la gudo xildhibaanada ragga ah ee baarlamaanka Tanzania ayaa waxaa la sheegay inay tahay in laga hortago faafida cudurka HIV AIDS, sida lagu sheegay hadal jeedin ay sameysay xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka. Aragtidan waxaa soo jeedisay Jackline Ngonyani oo ah haweeney ka tirsan baarlamaanka Tanzania, waxaana soo jeedinteeda ku kala qeyb samay xildhibaanada Ragga ahaa ee ka tirsan baarlamaanka Tanzania. Xanuunka AIDS-ka ayaa ah cudur dhibaato badan ku haya shacabka ku nool dalka Tanzania waxaana la sheegayaa in 5% dadka dalkaasi uu asiibo xanuunka, sida lagu cadeeyay daraasad dhawaan lasoo saaray. Xildhibaan Joseph Selasini oo ka mid ah Ragga ku jira Baarlamaanka Tanzania ayaa taageeray soo jeedinta Xildhibaannada laakiin waxaa diiday Xildhibaan Joseph Kasheku oo ku tilmaamay soo jeedintan mid Ragga xadgudub ku ah. Ugu dambeyntii 70% Ragga Tanzania ayaa mara Gudniinka, waxaana wali taagan walaaca laga qabo faafidda Cudurka HIV-ga, taasi oo keentay in qorshahaan baarlamaanka la dhex keeno. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dubai ( SMN) – Dowladda isug taga Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dilkii dhawaan Boosaaso loo geystay Paul Anthony Fermosa oo ahaa madaxii shirkadda DP World ee dekedda magaaladaasi. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Sh Cabadalla Bin Zayid Al Nahyaanayaa si xoogan u cambaareeyay dilka ninkaasi, isagoona xusay in dowladdisu ay aad uga xuntahay. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Puntland in ay ilaaliso ammaanka shaqaalaha shirkadda DP World ee ku sugan deegaanada maamulkaasi. Afartii bishan ayey aheyd markii Al Shabaab Paul Anthony Fermosa ay ku dileen agagaarka dekedda Boosaaso, kaas oo dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Malta. The post Imaaraadka Oo war ka soo saaray dilkii Paul Fermosa appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Ingiriiska ayaa cusboonaysay digniinta amni ee ay u dirayso muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland. Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Ingiriiska, ayaa muwaadiniintiisa kula taliyay inaanay u safrin Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, iyagoo magaalooyinkaasna ku taliyay in loo tago oo keliya arrimaha muhiimka ah. Digniintan ayuu Ingiriisku isku daray Somaliland iyo Soomaaliya, “Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka (FCO), wuxuu ku talinayaa inaan loo socdaalin Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo uu xafiiska FCO ku talinayo in loo tagi karo uun safarada muhiimka ah.” Sidaas ayuu yidhi qoraalka Ingiriisku soo saaray ee digniinta ah, waxaanu intaas raaciyay, “Muwaadin kastao o Ingiriis ah oo jooga deegaanadaas Soomaaliya ee uu xafiiska FCO ka digayo in loo socdaalo waa inuu ka baxaa. Muwaadin kasta oo Ingiriis ah oo Hargeysa iyo Berbera u jooga arrimo aan muhiim ahayn waa inuu ka baxaa.” Ingiriisku wuxuu muwaadiniintiisa booqanaysa Hargeysa iyo Berbera kula taliyay inay ka feejignaadaan goobaha ay bulshadu kul kulanto oo ay la socdaan warbaahinta maxaliga ah iyo ta’ caalamiga ahba. Dawladda Ingiriiska ayaa lixdii sannadood ee u dambeeyay aan wax isbedel ah ku samayn khataro ammaan oo ay ku sheegto inay ka jiraan Somaliland, iyadoo sannadkii 2013 Somaliland guud ahaanteed sheegtay inay tahay dhul aan la tagi karin. Balse dawladda Ingiriiska ayaa bishii April ee sannadkii 2014 sheegtay inay xayiraadii amni ka qaaday magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ay sheegtay in iyagana loo tagi karo uun arrimaha muhiimka ah, kuwaas oo ay haddana dib u soo cusboonaysiisay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Waxaa safarkiisii koowaad ee intii uu xilkan ku magacownaa magaalada Hargeysa khamiistii 7 da feeberweri 2019 ka, ku yimi Danjire Dr. Olgan Beker oo ah ergeyga ay dawl adda Turkigu u magacowday wada hadallada Somaliland iyo Somalia oo dib u bilowgeedu uu muddooyinkii u dambeeyey soo noqnoqonayey. Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo bartiisa Facebook faallo kooban kaga bixiyey kulankan ayaa sheegay in dunidu ay ol’ole ugu jirto in Somaliland ay doorashooyin qabsato iyo in dib loo bilaabo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay in dawladda Turkigu ay u diyaar tahay in ay mar labaad isa soo horfadhiisiiso labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya. Mudane Xirsi wada hadallada labada dhinac waxa uu ku tilmaamay albaabka ay Somaliland u marayso madax bannaanideeda, iyo sidii ay uga mid noqon lahayd dawladaha dunida. xogo dheeraad ah oo uu Geeska Afrika helay kulankan ayaa sheegaya in ergeyga Turkiga u qaabilsan wada hadalladu uu masuuliyiinta WADDANI u sheegay in hawsha dib u bilowga wada hadalladu ay meel fiican marayso. Danjire Olgan Beker waxa uu masuuliyiinta WADDANI ku wargeliyey in dawladdiisu ay dadaal weyn u gashay sidii ay taageero caalamiya ugu heli lahayd wada hadalladan, si guul fiican looga gaadho. Waxa aanu rajo fiican ka muujiyey kulamo isla arrintan la xidhiidha oo uu maalmihii u dambeeyey magaalada Muqdisho kula qaatay masuuliyiinta dawladda Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in ay niyadwanaag u hayaan diyaarna u yihiin dib u bilaabista wada hadallada. Dhinaca kale xisbiga WADDANI ayuu warku sheegayaa in uu ergeyga u sheegay in uu soo dhoweynayo dadaallada wada hadallada Somaliland iyio Soomaaliya ee ay dawladda Turkigu waddo, diyaarna u yahay in uu kaalintiisa ka qaato. Ergeyga wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mudane Beker ayaa lagu wadaa in uu maalinnimada Sabtida ee 9 ka feeberweri kulan arrintan la xidhiidha la yeesho madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda Dahabshiil Group oo kaashanaysa wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland ayaa qabatay tartanka Orodka Dheer ee Somaliland (Marathon) ee sanadka 2019. Tartanka waxa ku baratamay dhallinyaro gaadhaysa 200oo isaga timid gobollada Somaliland iyo meelo caalamka ka mid ah. Tartankan oo xiiso weyn lahaa ayaa lagu baratamayay masaafadda laba iyo afartan kilo mitir(42km) iyo toban kilo mitir(10km) waxaana xusid mudan in dhallinaro ka socotay gobolka Awdal kaalmaha 1-aad galeen labada heer ee tartanka. Cismaan Cilmi Sheekh oo kaalinta koobaad ka galay tartanka 42KM ayaa sidan dareenkiisa u cabiray “Illaahay baa mahadleh ii suuro galiyay in aan ku guulaysto tartanka 42km oo aad u adkaa oo aan kula tartamayay rag soo tababartay oo Jabuuti ku tababartay iyo kuwo caalamka ka yimid. Maanta farxad weyn bay ii tahay in aan maanta soo bandhigo dadaalkaygii aan in badan muujiyay, awal hore 10km ayaan ordi jiray laakiin, 42km maanta ayaa iigu horaysa in aan ordo,” Sidaas ayuu yidhi Cismaan oo u ordayay ciidanka Militariga Somaliland ee Gaashaan kana soo jeeda gobolka Awdal. Xamse Beder Macallin oo ka socday gobolka Awdal ayaa ku guulaystay kaalinta 1-aad ee tartanka orodka 10km waxaanu kadib guushiisa cabbiray dareenkiisa waxaanu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guushiisa. Umulkhayr Yuusuf Maxamuud oo ku guulaysatay kaalinta 1-aad ee hablaha waxay sheegtay in ay si weyn ugu faraxsan tahay in ay kaalintan gasho iyada oo uga timid Gabiley waxaanay tilmaantay in ay doonayso in ay tartannada kale halkaas kor uga sii socoto. Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid (Cabdirashiid Dahabshiil) ayaa ka hadlay ujeedka tartankan ay shirkaddu ka lahayd “Tartankan runtii dhallinyaro badan baa ka soo shaqaysay oo waddanka gudihiisa iyo dibaddiisaba joogta, dhallinyaradu waxay aad u xiisanaynayaan in ay waxyaabo ay ku mashquulaan oo ciyaaro ah helaan, waan ku faraxsanahay in dhallinyaro waddanka joogtay iyo kuwo dibadda ka yimid oo ajaanib ah oo dad ilaa Ireland ka yimid baa ordaya,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil Waxa kale oo uu tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin ciyaaraha noocan ah “waxaanu u aragna in ay caafimaadka u fiican tahay, dhallinyarada cuslaatay u fiican tahay, kuwa doonaya in ay maskaxdooda firfircooni badan ka helaan u fiican tahay, waanan xiisaynayna in magaalo kasta oo dhulka Soomaalida ah lagu qabto waayo waydinka arkaya Soomaalida Maxamed Faarax (Mo Farah), Cabdi Bile dadka Soomaalida waxa lagu yaqaana in ay orodka aad ugu fiican yihiin, dhallinyarada imika ordaysay iyaga oo aan weliba tababar badan helin ayay haddana orod dheeraad ah oo xad dhaaf ah ku soo baxeen, marka waanu ku dhiiri gelinayna cid walba waayo caafimaadku waa muhiim lacagta iyada ka muhiimsan runtii,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid guddoomiyaha Dahabshiil. Waxa kale oo la waydiiyay sababta shirkadda Dahabshiil Group uga qayb qaadato arrimaha dhallinyarada khuseeya waxaanu ku jawaabay “ Waxaanu u aragna in dal walba hantidiisu tahay dhallinyarada, dhulka Soomaalida waxa lagu tilmaama 70% waa dhallinyaro oo dhallinyarada u badan, cidda maanta madashan joogtana waxay u badan tahay dhallinyaro dal walbana wuxuu ku shaqeeya dhallinyaradiisa marka waanu ku dhiiri gelinaya dhallinyarada in ay madalaha noocan ah yimaaddan oo qofku haddii uu caafimaadkiisa ka shaqeeyo wuxuu helaya firfircooni uu ku shaqaysto, wax ku barto marka waa ku dhiiri gelinayna,” Sidaas ayuu yidhi Mr Cabdirashiid Dahabshiil. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Somaliland Mudane Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in tartankani fursad u yahay dhallinyarada una suuro gelinayo in ay ku soo saaraan tayadooda orod yahannimo “Waxaynu leenahay rejo aad iyo aad u weyn waxaynu doonayna in aynu culays saarno orodka siyaasadda dawladduna waa caynka waxa jira dhallinyaro badan oo reer Somaliland ah oo jooga Carabaha, Yurub ama Maraykanka kuwaas kuwii kabi lahaa ayuun baa meesha laga doonaya in ay ka soo baxaan,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Boos. Source
-
Washington (SMN) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, C/qadir Axmed Kheyr ayaa faah-faahin ka bixiyay kulan looga hadlayay sidii looga adkaan lahaa Ururka Daacish oo lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Washington DC ee xarunta Dalka Maraykanka. Kulanka oo ay qaban qaabadiisu lahayd Dowladda Maraykanka , ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiradda arrimaha dibedda ee Dowladaha Xulufadda ku ah ka hortagga Daacish. Wasiiru Dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr, ayaa sheegay in shirka lagu Lafa guray sidii laysaga kaashan lahaa meelna loogu soo wada jeesan lagaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada khatarta ku ah Caalamka ee Daacish. Kheyr, ayaa sheegay in sidoo kale laga hadlay sidii loo xakamayn lahaa dagaalyahannada Daacish ee ka imaanaya Ciraaq iyo Suuriya oo ay markii hore kasoo billoowdeen. Kulanka oo ay goob-joog ahaayeen wakiillada 79 Dal oo ku bahoobay la dagaallanka Daacish, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Wasiirkiisa arrimaha dibedda, Mike Pompeo iyo madax ka socotay Beesha Caalamka ayaa laysku raacay in si wada jir ah loo wadaago xogaha ku aaddan la dagaallanka Daacish iyo sidii loo tir-tiri lahaa dhaq-dhaqaaqyadooda. The post Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb gashay Mareykanka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Faah Faahin: Duqeyn Diyaaradeed Oo Ka Dhacday Jubbada Hoose
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacay deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Xarakada Al-shabaab. Sida ay sheegeen dadka deegaanka diyaaradahan ayaa joog hoose ku socday, waxaana ay dhowr gantaal ku dhufteen goob la sheegay iney ku sugnaayeen xubno Al-shabaab ah, balse lama oga khasaaraha halkaasi ka dhashay inta uu la egyahay. Xubno ka mid ah saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa sheegay in duqeyntaasi waxyeello xooggan loogu geystay Al-shabaab, walibana halkaasi ay ahayd goob ay isku uruursanayeen. Diyaaradaha duqeytan fuliyey lama shaacin dalka laga leeyahay hase ahaatee diyaaradaha Maraykanka ayaa sidan oo kale u fuliya howlgalladan duqeynta ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com