Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska The Star ee Kenya ayaa faallo uu qoray ku sheegay in xiisadda Soomaaliya iyo Kenya ay tahay “xiisad lasoo hindisay” oo ah shirqool ay dowladda Soomaaliya u maleegtay Kenya. Wargeyska ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay cayaareyso siyaasad ujeedada dhabta ah ee ka dambeysay ay tahay sidii ay ula wareegi lahayd hoggaanka maamulka Jubaland, kadib markii Kenya ay diiday inay taageerada kala noqoto Axmed Madoobe. Wargeyska ayaa faalladiisa ku sheegay in ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen in shirkii London ee xaraashka xirmooyinka shidaalka Soomaaliya uu ahaa mid ujeedada dhabta ah ee loo qabtay ay ahayd sidii looga carreysiin lahaa Kenya, looguna qasbi lahaa fal-celin aysan ka firisan. “Sabtidii tagtay taas ayaa dhacday. Maskaxaha ka dambeeyay tallaabadan waxay abuureen xiisad siyaasadeed aan jirin, ayaga oo rajaynaya inay Kenay ay kusoo dhacdo dabinka loo dhigay, kadibna carro darteed ay ciidamadeeda kala baxdo Jubaland” ayuu qoray wargeyska The Star. “Haddii sidan ay dhici lahayd, oo ciidamada Kenya ay bixi lahaayeen, waxay dowladda awood u yeelan lahayd in Kismaayo la geeyo ciidamo Amisom ah oo ka amar qaata, sidaasna ay ula wareegto hoggaanka Jubaland.” Wargeyska The Star wuxuu qoray in si kastaba ciidamada Kenya ee jooga Jubaland aysan ahayn kuwa ka amar qaata dowladda Kenya, oo ay hoos tagaan Amisom, sidaas darteedna aysan la bixi karin, oo taas ay u taallo Amisom. Ma cadda, sababta sidan uu ugu fakaray wargeyska The Star, hase yeeshee waxaa cad in xiisadda Kenya iyo Somalia ka horreysay shirka London, inkasta oo jirto in Kenya iyo Somalia ay ku kala tageen sidii Axmed Madoobe meesha looga saari lahaa. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-WWasiirka wasaaradda waxbarashadda Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan ayaa sheegay in tirada rasmiga ah ee macalimiinta qaranka bilaa mushaharka ahi ay dhan yihiin laba kun iyo lix boqol oo macalin. Wasiirku waxaa uu sidan ka sheegay mar uu maanta hor tagay gudida joogtadda ah ee golaha guurtida Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u duulay dalka Masar. Madaxweyne farmaajo ayaa ka qeybgalaya shirka u dhaxeeyo wadamada Afrika iyo yurub. Shirkaas ayaa waxaa uu ka dhacayaa magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar. Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhigiisa dalka Masar Cabdi fitax Al-zizi. Inta badan shirkaasi waxaa lagu wadaa in ay ka soo qeyb galaan madaxda wadamada Afrika. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u amba baxay Dalka Masar appeared first on Puntland Post.
  4. By: Maryann Reid, Forbes Contributor Elias Yabarow is a Somalian-American poet and cofounder of Huvvit, a real estate platform launched in 2018. Huvvit sends out a trigger to all available agents in a particular zip code when someone makes a request. The first agent to reply to that ping gets the lead and Huvvit immediately enables text or call communication between the two parties. Numbers are masked between the users and agents, and personal information stays private. According to Yabarow, Huvvit’s on-demand approach is a sweet spot for millennial first-time buyers, who tend to spend a lot more time in the home-buying process and are more receptive to on demand services. Also known as Alakkuu, Yabarow was influenced by poetry after moving to Nairobi at 13. He studied and became a trained engineer and had to learn to retrieve the best both worlds had to offer. He launched Huvvit months before his new book, Wet Grass Vanilla, was published because he thought the insight of launching a company would help him market his book successfully. With his first TEDx talk in Washington, D.C. on April 13 called “Layers of Love,” Yabarow hopes he can inspire other engineers and programmers to take advantage of their interests in other areas, and not choose one path or make a “binary decision.” Founder, Huvvit, Elias Yabarow COURTESY OF SWIZZYSWORLDMaryann Reid: It’s a big difference between engineer and a poet. Why both as full-on careers and not choose one? Elias Yabarow: My mother noticed early on that I was excelling in math and science classes, and since then she’s always been a huge proponent of me getting into the engineering field. And having poetry not depend on my financial status gives me the flexibility to write and perform solely out of the love I have for the art form. Reid: How does your work as a poet influence your work as an engineer? Yabarow: When I was an engineering student, there wasn’t much focus on preparing students to communicate and deliver ideas in an efficient manner. Most of an engineer’s formal education revolves around the intricacies of science and finding solutions to complex problems, but there is no emphasis on a student’s ability to convey an argument in a simple, yet efficient manner. I was fortunate enough to have poetry serve this purpose for me, as this art form sharpened my ability to take technical issues and convey them in a way that is easily digestible to my broader team. Reid: You found a way to still take ownership of your skills by cofounding Huvvit. Why was it so important to be a cofounder? Yabarow: There aren’t a lot of minority cofounders or CEOs, especially in the tech startup world. So, it’s important to me to show other kids in my community that it is possible to build and own a company out of an idea. Also, I think it’s important to be a cofounder if you’re building something because equity in a company gives you a seat at the table and allows you to be in conversations that drive the company forward. Reid: What problem does Huvvit solve? Yabarow: Huvvit is an iOS mobile platform that allows home buyers to connect with local, vetted agents in real time. Kind of like an Uber for real estate. Users can search for properties, and when they’re ready to speak with an agent, they can connect with one inside the app within 90 seconds of requesting one. This allows users to have an interview-style experience with real-estate agents, instead of being fed an agent by the company. Reid: How is Huvvit different from the more common platforms like Zillow that connect you instantly to an agent, anyway? Yabarow: Huvvit is currently in the DC/MD/VA metropolitan area, and we ensure that users don’t have to leave the app to connect with an agent. Zillow is operating under the premise that users should reach out to agents. What we’ve noticed from this approach is that agents tend to get complacent if they’re already getting a consistent stream of leads. At Huvvit, we’ve built a patent-pending algorithm that rewards the proximity and proactiveness of an agent. Agents subscribe to our app by zip code. Reid: You’re also actively involved in relief efforts in East Africa. What are you working on? Yabarow: I just completed a U.S. poetry tour with a Minneapolis-based relief organization called The American Relief Agency for the Horn of Africa (ARAHA), which aim to bring relief to those suffering from hunger, illiteracy, disease and poverty in East Africa through several different programs they’re running. The tour included other East African poets such as Boonaa Mohammed and Ammar AlShukry and we performed in San Diego, Columbus and Minneapolis to raise awareness for ARAHA and their overall mission to help others. Reid: Is there anything else you’d like to say? Yabarow: As long as you’re able to distribute your time and energy to all of your interests, then diversifying your career, and your paths could be a really rewarding experience. Maryann Reid is an author, and co-founder of Alphanista, a learning platform for multicultural women in management. Source: Forbes.com
  5. Baladweyne (SMN) – Hay’adda gargaarka ee King Salman ayaa kumanaan Qoys oo ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaarsiisay raashiin gargaar ah, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan hay’addaasi. Qoysaska loo qeybiyay deeqdaasi raashiinka ah ayaa la sheegay in tiradooda ay gaareysay illaa 9,000 oo ruux oo dhibaatooyin bani’aadanimo ay ku heysatay magaaladaasi. Wakaaladda wararka ee dalka Sacuudiga ee SPA ayaa xustay in dhammaan Qoysaska ka faa’iideystay deeqdaasi gargaarka ah ay ahaayeen dadkii ay saameynta u ku yeelatay fatahaadihii ku dhuftay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka HirShabelle ayaa dowladda Sacuudiga ugu mahadceliyay deeqda gargaarka ah ee ay gaarsiiyeen dadka ku dhibaateysanaa gobolkaasi. Sidoo kale waxa ay Sacuudigu ka codsadeen in uu sare u qaado gargaarka bani’aadanimo ee la gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan deegaanada maamulkaasi. Hay’adaha gargaarka ayaa hore uga digay xaaladaha bani’aadanimo ee taagan qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Sacuudiga oo gargaar gaarsiiyay Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Kismaayo (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa maanta nin rayid ahaa ku dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sayid Iidle Xasan, waxaana la sheegay in uu ahaa Beeraley. Cabdirashiid Macalin Gaas oo adeer u ahaa Marxuumka Geeriyooday ayaa sheegay in Ciidamadu ninkaasi ay ka soo wateen deegaanka Buulo-Gaduud, una dileen arrimo Qabiil, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Ciidanka Jubbaland Oo nin rayid ah ku dilay Kismaayo appeared first on Shabelle. View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley oo ay socdaal shaqo ku tageen. Madaxweynaha iyo weftigiisa oo safar shaqo ku jooga gobolka Gabiley, ayaa waxa soo dhaweyn diirran ku qaabiley qaybaha kala duwan ee shacabka reer Gabiley oo ku labbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, caleemo qoyanna lulaya, isla markaana ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, kuwaas oo ay ka muuqatay taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab taagan yihiin madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Kumannaan kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Gabiley oo taxnaa waddada weyn ee badhtamaha magaalada marta, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa u gelbiyey guriga martida magaalada Gabiley, waxana intaas kaddib ujeeddada safarka madaxweynaha ka warbixiyey Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ujeeddada madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo socdaalkoodu waxa uu daarran yahay hawl-maalmeedkii shaqo ee dastuuriga ahaa ee uu madaxweynuhu ku mari jirey gobollada kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. muddada uu madaxweynuhu gobolka Gabiley ku sugan yahana waxa uu xog-ogaal u noqon doonaa xaaladda guud ee gobolka iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda, waxana madaxweynaha iyo weftigiisu kulamo la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka gobolka.” Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac waxa uu guud ahaanba shacabka gobolka Gabiley ku dhaqan iyo maamulkooda ugaga mahadnaqay sida aan kala hadhka lahayn ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo. Halkan hoose ka DAAWO qaabkii Madaxweynaha loo soo dhaweeyay Source
  8. Kismaayo (SMN) – Maxkamad hoostagta Al Shabaab ayaa maanta xukun ku fulisay Haweeney la sheegay in ay ku kacday fal Zino ah. Haweeneydan oo lagu magacaabo Maryan Muxidiin Maxamed ayaa fagaare ku yaalla deegaanka Kamsuuma ee G/ Jubbada Hoose lagula dhuftay illaa 100 Jeydal ah, waxaana maxkamaddu ay sheegtay in aysan soo marin wax guur ah. Qaadiga Maxkamadda ayaa xukunka oo ahaa qiraal ka akhriyay goobta fagaaraha ah, iyadoona ay goobjoog ahaayeen dadweyne iyo xubno ka tirsan Al Shabaab. Inta badan Al Shabaab ayaa xukuno kala duwan ka fuliya deegaanada ay ka arrimiyaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Al Shabaab oo xukun ka fuliyay G/ Jubbada Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Masar, iyadoo safarkiisa ku soo aaday, maalmo kaddib markii uu ka soo laabtay dalalka Burundi iyo Jabuuti. Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee u ambabaxay dalka Masar ayaa ka qeyb galaya shir Madaxeedka Afrika iyo Yurub, kaasoo ka dhacaya magaalada Sharmal Sheikh. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Masar C/fataax Al Sisi oo xilligan ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan. Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu dhiggiisa Masar kala hadli doono Xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale Madaxweynaha inta halkaas uu ku sugan yahay ayaa waxaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la qaato Madaxda ka qeyb galeysa Shirkaasi ka furmaya Dalka Masar. Shirkaasi ayaa inta badan waxaa ka qeyb gali doona Hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Madaxda Midowga Yurub, waxaana lagu soo bandhigi doonaa Qorshaha Midowga Yurub ee dalalka Carabta. Masar ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, waxaa horay uga qeyb qaadato dadaalo Diblomaasiyadeed ee ay waday oo ay ka mid aheyd xalinta xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, inkastoo aanay guuleysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha Isbahaysiga Thirdway Alliance ee dalka Kenya, Dr. Ekuru Aukot, ayaa dawladda Kenya ku dhaliilay inay ka gaabisay sidii ay xidhiidh diblomaasiyadeed ula yeelan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland. Dr. Ekuru Aukot oo ka hadlayey dood ka baxday Telefishanka Ebru TV Isniintii la soo dhaafay oo lagu falanqeynayey xiisadda ka dhalatay cilaaqaadka Kenya iyo Soomaaliya oo xumaaday toddobaadkii la soo dhaafay, waxaanu caddeeyey in Kenya ay Xafiis diblomaasiyadeed uga furan weyday Somaliland, iyadoo tixgelinaysa wax uu ugu yeedhay Jamhuuriyadda Argagixisada ah ee Soomaaliya. “Somaliland waxay innaga baryeysay in ay Kenya ka furato Xafiis Hargeysa, Inkastoo Somaliland Nairobi ku leedahay Xafiis Ganacsi. Waxaynu u diidnay innagoo tixgelinayna Jamhuuriyada Argagixisadda ah ee Soomaaliya, Soomaaliya ayaa ku dirqiyaysa Kenya in aanay xidhiidh la sameynin Somaliland,”ayuu yidhi Dr. Ekuru Aukot. Siday Faafisay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) oo soo xigatay Telefishanka Ebru TV, Hoggaamiyaha isbahaysiga Thirdway Alliance, ayaa sheegay in dhibaatooyinta ay Kenya kala kulmayso Soomaaliya sii soconayso illaa ay Dawladda Kenya xoojinayso cilaaqaadka ay la leedahay Somaliland isla markaana ay ciidammadeeda kala soo baxdo Soomaaliya. Dr. Ekuru Aukot wuxuu sheegay in xudduuda u dhexaysa Kenya iyo Soomaaliya aan wax calaamad ah lagu sameyn wixii ka dambeeyey markii ay dalalkaasi madax-bannaanida qaateen, waxaanu ku adkaystay in xalka kaliya ee muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya lagu xalin karo Maxkamadda caalamiga ah oo si rasmi ah uga garnaqda muranka xiisadda diblomaasiyadeed dhaliyey ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. Source
  11. Nairobi (SMN) – Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la soo taagay Sakina Abdalla oo ah hooyada dhashay Ali Salim Gichunge oo la rumaysan yahay in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii Bishii Janaayo Al Shabaab ay ku qaadeen hotelka DusitD2 ee magaaladaasi. Qaadiga Maxkamadda Francis Andayi ayaa sheegay in haweeneydani lagu eedeeyay in ay Booliska ka diiday in ay u sheegto halka uu ku sugan yahay wiilkeeda. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Taleefoonkeeda laga helay xiriiro joogta oo la samey jirtay dad jooga Soomaaliya, kuwaasi oo ay haatan baaritano ku socdaan. Dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Haweenaydan ayaa dib loo dhigay, iyadoona loo fariisan doonon todobaadka soo aadan. Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay Ali Salim Gichunge uu yahay maskaxdii ka dambaysay weerarkaasi oo ay ku dhinteen in badan 20 Qof oo Kenyaan ah, kadib markii rag hubeysan oo ka tirsanaa Al Shabaab ay gudaha u galeen hoteel nuuca raaxada oo ku yaala galbeedka magalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. The post Kenya Oo maxkamad soo taagtay Hooyo wiilkeeda loo heysto weerarkii DusitD2 appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Horaantii bishan Febraayo 2019 Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa shaaciyay in xog-hayahooda cusub ee afarta sano ee soo aadan ay u magacaabeen DR Yuusuf Muxidiin oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah. “Tan iyo markii aan ku soo laabanay xafiisyada shaqada waxa aan xooga saarnay in aan fursado shaqo siino dhlinyarada wax ku bartay gudaha dalka aniga oo wakiil ka ah xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waxa aan ku kalsoonahay aqoonta iyo qibrada DR Yuusuf Muxidiin”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay guddomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab. Cumar Xaaji Axmed oo mudo dheer ay saaxiibo ahaayeenn DR.Yuusuf Muxidiin ayaa xiriirka kubbadda cagta ku amaanay xulshada iyo xilka ay u magacaabeyn wuxuuna intaa ku daray in ay ka sugayaan in uu la yimaado wax qabad muuqda si kubbadda cagta Soomaaliya meesha iminka joogto ay ka sii horomarto. “Isboortiga waa is-dhaxgal bulsho anigana waxa aan ka mid ahay dhalinyarada Soomaaliyeed waan u mahad celinaynaa madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda waxa aan ku da’daalayaa in aan xafiiskan kaga tago taariikh weyn” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay DR Yuusuf Muxidiin Axmed oo xog-hayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. Bahda ciyaaraha Soomaaliya ayaa aad u soo dhaweeyay magaacibada xog-hayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed Yuusuf Muxiidin Axmed,iyagoo sheegeyn in ay ka sugayaan In uu la yimaado fur furnaan iyo talaabooyin horomarineyd. Halka Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Xog-hayaha Cusub Ee Xiriirka Kubbadda Cagta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Dr. Michael Rubin, oo ah madaxa machadka American Enterprise Institute, ayaa dawladda Maraykanka ugu baaqay in la joogo wakhtigii ay aqoonsan lahayd qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaana caalamka uga digay inay ku dheganadaan raadinta midnimo dambe oo uu ka digay halis amni oo ay keeni karto. Dr. Rubin oo toddobaadkii hore safar ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa, lana kulmay Madaxweyne Biixi, ayaa wuxuu toddobaadkan baahiyay qoraal uu kaga hadlay qaddiyadda Somaliland iyo midnimadii burburtay ee Soomaaliya. Qoraalkaas oo uu Geeska Afrika u soo turjumay Soomaali, wuxuu u dhignaa sidan “Siyasadda Maraykanka ee ku aadan Somaliya waxaay salka ku haysa fekerka odhanaya midnimada Somaliya ayaa si buuxda uga dhigi karta nabad dalka, islamarkaana suurtagelin karta inay nabad ka dhigto dhulkeeda. Tan ayaa ahayd fekerka ay qabeen jiilal badan oo ah dadka go’aan qadashada leh [ee Maraykanka ah], balse waa mid caqli ahaan daciif ah. Arinku wuxuu yahay in la doonayo Somaliland oo ku taal dhinaca woqooyi oo ah saddex meelood ba meel dalka oo ahayd nabad tan iyo 1991kii, inay mar labaad is hoos gayso dawladda iyo maamulka Muqdisho. Inkasta oo ay run tahay in qabiilku yahay waxa kala duwa Somaliland iyo Somaliya inteeda kale ee aanay ahayn qoomiyadnimo, hadana aragtida odhanaysa qoomiiyadnimadu waa inay qeexda dalnimada waa mid aan micno ku dhisnayn. Ugu horayn bal eeg tusaalayaasha faraha badan ee muujinaya qoomiyado iyo luqado isku mid ah oo ah dalal kala duwan: waxa jira laba Roomaaniyiin (mid kood la yidhaahdo Moldova), laba Albaaniyiin (oo midkood yahay Kosofo), iyo in ka badan 20 dal oo Carab ah. Waa marka labaad e, haddii xitaa Muqdisho ay dib u maamusho Somaliland, taasi ma keeni doonto midnimo Soomaali. Sida Kurdiyiintu ay afar dal u degan yihiin, ayay Soomaaliduna sidaas oo kale u tahay: marka Somaliya laga yimaado, Jibuuti dadkeeda inta badani waa Soomali; sababta keliya ee ay dal madax banaan u noqotayna waa cidda gumaysatay darteed; gobolka Ogaadeen ee Itoobiya qoomiyad ahaan waa Soomaali, sidaas oo kale waxa la mid ah Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya. Haddii lagu adkaysto dib u midaynta Somaliland iyo Somaliya waxaay keenaysaa khatar ah inay dhiirigelinayso dhul raadin amni darro keenta. Dagaalkii 1977-1978 oo bilaabmay markii Somaliya ay weerartay Itoobiya si ay u qabsato dhul ay degen yihiin dad qoomiyad ahaan Soomaali waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaa ku bara-kacay nus malyuun qof, wuxuuna mudo kooban noqday xiisad ka mid ah Dagaalkii Qaboobaa. Dhowaan, xiisadda ka dhaxaysa Muqdisho iyo Nayroobi ayaa cirka isku shareertay markii Dawladda Ku-meel gaadhka ah ee Federaalku ay isku dayday inay xaraashto goobo shidaal ku jiro oo ku yaal dhul biyoodka Kenya. Hadii laga helo shidaal biyaha gobolka Soomaalidu degto ee Kenya, dhul raadinta Muqdisho way sii xumaan kartaa. Malaha dadka go’aan qadashada lihi [ee Maraykanka ahi] xagga danbe ayay ka soo bilaabeen; halka looga arko dawlad dhexe oo xoogan oo Muqdisho fadhida -federaal ha noqoto ama yay noqone- inay u tahay fure xasiloonida gobolka, malaha siyaasadda ka fiicani waa in la abaal mariyo goobaha ku guulaystay degenanasho iyo xasilooni. Jibuuti waxaay in ka badan afartan sanadood ahayd meel qoys maamulo (madaxwaynaha hada waxa adeer u ahaa madaxwaynihii u horeeyey ee dalka). Inkasta oo Jibuuti aanay xornimo iyo dimoqraadiyad tooni ka jirin, hadana sababo istiraajiyadeed iyo kuwo taariikheed ayaa keenay in la aqbalo madax-banaanideeda iyo in iskaashi lala samaysto. Somaliland waxay si buuxda u ahayd dal madaxbanaan tan iyo 1991kii markii ay ka soo dhex baxday dambaskii dagaalkii keligii taliyihii hore Maxamed Siyaad Barre uu ku doonayay inuu ku tirtiro qabiilka Isaaqa. Waxaay qabatay dhawr doorasho oo is xiga oo madaxwaynenimo, waxaayna qaban doontaa sanadkan dhamaadkiisa doorashadii baarlamaanka ee mudada dheer dib loo dhigay. Marka la eego warbixinta Freedom House, [Somaliland] waa meesha ugu xorsan Somaliya, marka lagu daro Jibuutina waa meesha ugu nabadsan. Halka ciidanka militeriga Somalia uu yahay mid musuq dishooday oo aan waxba qaban karin, ciidanka yar ee Somaliland wuxu ku gulaystay inuu nabad ka dhigo gobolka, xitaa isaga oo la legdamaya cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay. Puntland oo ah gobol iskii isku xukuma oo isku daya inuu ku daydo Somaliland, isna wuxuu leeyahay is-xukun, degenanashona waa ka jiraa inkasta oo uu ogol yahay inuu ka mid ahaado dawladd Federaalka ah ee Somaliya oo aanu ka go’in. Inta kale ee Somalia oo ay ku jirto Muqdisho waa meel qasan oo aan nabadi ka jirin, iyada oo hadana laga buux dhaafiyay lacag ay sida daadka ugu deeqeen maamulada Obama iyo Trump. Halkii ay ka dhisi lahay dalka, lacagtaas waxa lagu bixiyaa sidii taageero loogu kala iibsan lahaa, waxaayna inta badan sii xoojisaa kala qaybsanaanta. Qoraalkaygii aan ugu magacdaray “La Ciyaar gudista Shaydaanka” waxaan ku sheegay in Wasaaradda Arimaha Debedda [ee Maraykanku] aanay ku samayn dib u eegis diblomaasiyadeeda la xidhiidha talisyada faro laga qaadka ah. Marka ay noqoto Geeska Afrika, dhibaatadu laga yaabee inay ka duwan tahay, balse waxaay kala siman tahay in lagu guuldaraystay in qiimayn siyaasadeed la sameeyo. Somaliya waxaay tobanaan sanadood ahayd dal fashilmay oo ku jira oo keliya joogitanka ciidamo nabad ilaalineed oo ku shaqeeya hadhka Midawga Afrika. Halkii uu ka aqoonsan lahaa fashilkaas, maamulka Trump wuxuu ka daba tuurayaa lacag fiican cidii xumayd, taas oo sii laban laabaysa wax Transparency International ugu yeedhay dalka ugu musuqmaasuqa badan aduunka, iyada oo taas loo samaynayo midnimada aan jirin darteed. Siyaasad xikmad ku dhisani waxay tahay in Muqdisho lagu xisaabiyo fashilkeeda, loona ogolaado Soomaalida kale xaqa aayo ka tashiga. Haddii mustaqbalka dalal badan oo Soomaali ahi ay doonaan inay midoobaan, iyaga ayay u taal, balse maaha wax ay tahay Washington inay ku adkaysato. Source
  14. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay maanta munaasabadda xuska 49-aad ee aasaaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa xarigga ka jaray xabsiga guud ee Muqdisho iyo maxkamad casri ah oo laga hir-geliyay gudaha Taliska Guud ee Asluubta. “Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed waxa ay la haayeen magac iyo maamuus, dad badani waxa ay aaminsanyihiin in ay maxaabiis ilaaliyaan. waa in aan aqbalnaa in Shaqadoodu tahay toosin, waa in aan aqbalnaa in Shaqadoodu tahay barbaarin, waa in aan aqbalnaa in shaqadoodu tahay anshixin iyo wacyi gelin, waa in aan aqbalnaa in shaqadoodu tahay inay dib-u-caawiyaan dad Soomaaliyeed oo si ay noloshu uga qaldantahy, kuna soo celiyaan bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda qarannimada Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. “Waan halkaan idinkaga hambalyeynayaa maantay in aad soo dhamaystirteen xabsigii la rabay in lagu xanaaneeyo dad Soomaaliyeed laakiin ay ka muuqato qaabka uu dalkeennu dib ugu soo dhismaayo, waxaan uga hambalyaynayaa ciidamada asluubta iyo wasaaradda caddaaladda iyo bahda caddaaladda oo dhan oo halkaan joogta oo naftooda dalka u huray, annaga oo tacsina u dirayna kuwii ku geeriyooday oo uu ugu dambeeyay xeer ilaaliye ku-xigeenkii, in xabsigii iyo maxkamaddii ay isku dhex taallo, macnaheedu waxa ay tahay in cadddaaladii ay tallaabo horay u qaaday, waan idiin hambalyeynayaa, Soomaaliya waxa aan leeyahay Ilaahey ha u barakeeyo”, ayuu raaciyay ra’iisul wasaaraha XFS. Ra’iisul Wasaare Khayre oo ciidanka asluubta ugu hambalyeeyay munaasabadda 49 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa u ballan qaaday in madaxda qaranku kala shaqaynayso gudashada waajibadka qaran ee saaran iyo helidda dhammaan xuquuqaadaka ay leeyihiin isaga oo xasuusiyay in ciidanku ay yihiin laf-dhabarta dawladnimada dalka. Xabsiga guud oo la gaarsiiyay heerka xabsiyada caalamka loona dhamaystiray adeegyada ay u baahanyihiin maxaabiista lagu xiro, una ogolaanaya xuquuqdooda aasaasiga ah, ayaa meesha ka saararaya dhibaatooyinkii maxaabiistu ku qabeen gudaha xabsiyada lagu xiro. Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ahaaneed siisay hannaanka xabsiyada dalka loogu bedelayo gooba dhaqan celin, waxbarasho iyo toosin, si looga gudbo dhaqankii hore ee ahaa in xabsiyadu loo aqoonsado goob ciqaabeed, waxaana halbeegyada wasaaradda caddaaladdu ay ku leedahay Tubta Amniga iyo caddaalada kamid ah hagaajinta xabsiyada dalka guud ahaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-RW Khayre Oo Xarigga Ka Jaray Xabsi cusub appeared first on Shabelle. View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa safar ugu baxay gobollada galbeedka Somaliland. Waftiga Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hadda gaadhay magaalada Gabiley oo la sheegay inay uga sii gudbi doonaan magaalada Boorama, waxaana la sheegay in ujeedada safarka Madaxweynuhu ay tahay ka qayb-galka shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo la filayaa in maalinta Isniinta ah si toos ah uga furmo magaalada Boorama. Wixii ka soo kordha safarka Madaxweynaha kala soco Somalilandtoday.com Source
  16. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u duulay dalka Masar. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/Muqdisho. Madaxweynaha ayaa magaalada Sharmal Sheekh ee dalkaasi uga qeyb galaya shir u dhexeeya Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub. Sidoo kale waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah uu la qaato madaxweynaha Masar, guddoomiyaha shir guddoonka ururka Midowga Afrika, iyaga oo ay ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid tahay xiisada u dhexeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynuhu uu socdaal ku tagay Burundi iyo Jabuuti, halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay madaxda dalalkaasi. The post Madaxweynaha JFS Oo u ambabaxay dalka Masar appeared first on Shabelle. View the full article
  17. The state on Friday opposed bond terms for terrorist Ali Salim Gichunge’s mother Sakina Abdalla. She is charged with failure to disclose information related to terrorism acts. Sakina denied withholding information pertaining to her son’s whereabouts between 2015 and 2019. She told Milimani chief magistrate Francis Andayi the last time she was in communication with her son was 2015. Sakina is accused of breach of her duty to disclose the whereabouts of her son, which would have prevented the Dusit terror attack on January 15. She asked why her former husband is not facing similar charges. In an affidavit, anti-terrorism police unit’s inspector Monica Githaiga said data from Sakina’s mobile phone show she has been in constant communication with several phone numbers located in Somalia that are believed to be her son’s. Githaiga said investigations are ongoing to identify the individuals who might have been in communication with Sakina and Gichunge in relation to terrorist activity and particularly the Dusit attack. The detective said Sakina is likely to interfere with investigations if she is released on bond. She is the second suspect to be charged over the attack that claimed 21 lives and injured scores of others. Diamond Trust Bank Eastleigh branch manager Sophia Mbogo has been charged with aiding and abetting. The state sought additional time to conclude investigations against Mandera-based Imam Mukhtar Ali, who is said to have been recruiting and radicalising young men. State counsel Eddie Kaddebbe sought 20 days to allow the ATPU to conclude investigations against Mukhtar. He said the 30 days custodial orders sought on January 21 have not been sufficient. “The nature of investigations is fairly complex because they involve analysis of electronic gadgets, including 100 mobile phones’ call data records,” Kaddebbe said. But Mukhtar’s lawyer Gitobu Imanyara opposed the request, saying there is no need to keep his client in custody. The post Kenya wants mum of Dusit attack suspect detained appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo wuxuu sheegay in illaa iyo haatan aanay waxbo ka qabsoomin wadahadalladii madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada ee magaalada Garoowe. Wuxuu sheegay in maamul goboleedyada aanay wax qarashaad ah ka helin dowladda dhexe 8-dii bil ee lasoo dhaafay, isaga oo sheegay in caalamka u sheegayaan qarashaadkii ay soo dhiibeen in aanay helin. Xaaf ayaa dhanka kale sheegay in Galmudug iyo maamullada kaleba isku tashanayaan, islamarkaana bilaabi doonaan wax soo-saarkooda si ay wax u qabsadaan. Ugu dambeyn, Xaaf ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan dhismaha dekadda Hobyo, dhaka kalena iska difaaci doonaan wax walbo oo dhanka dowladda kaga yimaada. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/codka-XAAF.mp3SAX.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Shacabka ku dhaqan deegaannada K/galbeed ayaa ka sugaya xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweyne C/casiis Lafta Gareen iney degdeg kula timaado waxqabad muuqda. Dhallinyarada aqoonyahannada ah ayaa qaba in waxyaabaha hadda looga fadhiyo xukuumaddan tahay wax ka qabashada ammaanka, dhaqaalaha, dib u dhiska waddooyinka, caafimaadka, shaqo abuurka iyo sidoo kale furista waddooyinka xiran. Sidoo kale shacabka ayaa sheegaya iney rajo wanaagsan ka qabaan in xukuumadda uu soo dhiso Lafta Gareen ay wax badan qaban karto. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WARBIXIN-WARCADE.mp3 Goobjoog News C/qaadir Abuu Source: goobjoog.com
  21. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay wali dagaal kula jirto maamulkiisa. Xaaf, oo maanta tagay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka baxday wixii lagu heshiiyay dhamaan ballamihiina ka baxday. Madaxweyne Xaaf ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay in ay si weyn uga soo horjeedo hormarka maamulka Galmudug, isagoo ugu baaqay qeybaha kala duwan ee Bulshadda in ay muujiyaan isku tashi. Xaaf iyo dowlada dhexe ayaa waxaa ka dhaxeeyay Khilaaf muddo soo socday kaasoo ku saleysan hanaanka dhismaha maamulka Galmudug oo waqtigiiso dhammaaday, waxaa sidoo kale khilaaf kala dhaxeeya Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Xaaf,waxaa uu ka soo haray maamulkii ugu sarreeyay Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee CIC, waxaana uu ka ahaa Guddoomiye ku xigeen. Madaxweynaha Jubaland oo golahaasi ku jira ayaa waxaa uu wadahadal kula jiraa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,halka maamulladii kale ay qaar la heshiiyeen dowladda dhexe kuwana ka dhaceen doorashooyin sababay isbeddel dhinaca hoggaanka ah. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
  22. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu xarigga ka jaray xabsi weyn oo dhisme ahaan casri ah, kaasi oo laga furay magaalada Muqdisho. Dhismaha xabsigan ayaa socday muddo Saddex sano ah, waxaana markii ugu horreysay dhagax-dhigay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Xabsigan ayaa ka kooban qeybo kala duwan, waxaana loogu talogalay in lagu xiro maxaabiista, sidoo kalena loogu sameeyo dhaqancelin. Marka la eego xabsigan waxa uu ku jiraa liiska kuwa ugu casrisan ee qaaradda Afrika, iyadoo maxaabiista ay heli karaan nafis badan, goobo waxbarasho iyo goobo kale oo lagu ciyaaro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Dowladda Kenya ayaa xilligan waxa ay cirka kusii toleysaa xiisadda Dimlomaasiyaseed ee kala dhaxeysa Soomaaliya, taasi oo hadal hayn badan ay ka dhalatay. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in Kenya ay dooneyso xilligan iney qaadato dhul hor leh oo Soomaaliyeed, taasna waxaa loo sababeeyey hadalladii kala duwanaa ee dowladdaasi kasoo baxay. Aqoonyahan C/raxmaan C/laahi Dhubad oo u warammay Goobjoog wuxuu sheegay in sababta ugu weyn ee Kenya xiriirkii kala dhaxeeyey Soomaaliya u xumeysay ay tahay marin habaabinta go’aanka maxkamadda cadaaladda ee kiiska badda. Wuxuu sheegay aqoonyahankan in Kenya ay ogaatay in looga gacan sarreeyo kiiskaasi, sidaasi darteedna waxay sameeneysaa waddo walbo oo wax lagu joojin karo ama ugu yaraan dib loogu dhigo karo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Wareysi-Daqare.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in ay xabad joojin kala dhex-dhigaan beello walaalo ah oo muddo isku hayey Tuulada Xaaji Cali ee degmada Cadalle. Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa maanta waxa ay degmada Cadalle kula kulmeen waxgaradka beelihii dagaallamay. Waxaa la isku raacay in xabadda la joojiyo islamarkaana wax walbo lagu dhammeeyo miiska wadahadalka bedalkii la dagaallami lahaa. Nabadoon Mukhtaar Axmed oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog, in hadda ay isku diyaarinayaan wadahadallada nabadeed iyo sidoo Labadan beel u wada noolaan lahayd. Beelahan ayaa is hayey muddo Labo sano ah, iyadoo dhowr jeer lagu guul darreystay in xaalkooda la xalliyo, hase ahaatee hadda nabadda ayeey wada aqbaleen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Garowe (Puntlandi) Taliska ciidanka booliiska gobolka Nugaal ayaa soo bandhigay dhalinyaro ku eedaysan furashada iyo baarashada dadweynaha xilliyada habeenkii Dhalinyaradaan oo maanta lagusoo bandhigay taliska saldhiga [...] Source