-
Content Count
212,125 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Danjire Maxamed Axmed Caalim oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed, sidoo kalena aad u falanqeeya siyaasadda dalka ayaa sheegay in xilligan ay cabsi ka qabaan in lala wareego kheyraadka dalka. Ugu horreyn, Caalim ayaa sheegay in sahmin lagu sameeyo shidaalka Soomaaliya ay tahay guul, balse ay muhiim tahay in maamulkiisa Soomaalida ay hayso. Dalal badan ayuu sheegay in lagala wareeggay kheyraadkooda iyadoo waliba dalalkaasi ay colaado ka jirto. Shidaalka Soomaaliya ayuu sheegay inuu u muuqdo mid waqti dhow lasoo saari doono. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/AQOONYAHAN-CAALIM-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ogaden Liberation Front (ONLF) has disarmed nearly two thousands of its armed members in accordance with an agreement it reached with Ethiopian government last year in Eritrea. The disarmed members will be reintegrated into the regional state either as security forces or as civil servants. This step is seen as a historic move towards peaceful Ethiopia. In addition, ONLF & Somali regional state gov’t agreed to work together to end decades of poverty, human rights abuse & maladministration the Somali people have suffered. ONLF also pledged to do its best for peace in the region. ONLF has once branded a terrorist group, but, removed from the terror list last year after Abiy Ahmed was elected as the Prime Minister of Ethiopia. The post ONLF fighters reintegrated into regional state security forces appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Kadib Munaasabad ka dhacday magaalada Jigjiga ee dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa waxaa heshiis taariiqi ah ku kala saxiiday dowladda Federaalka Ethiopia iyo jabhadda ONLF. Heshiiskaasi ayaa waxaa uu ku saleysan yahay in hub ka dhigis lagu sameeyo ONLF, kaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka socday dowladda Federaalka Ethiopia, xubno matalayay ismaamulka Soomaalida iyo Jabhadda ONLF. Ciidamada ONLF ee Hubka laga dhigayo waxaa ay tiradoodu gaareysaa 1,740 Qof, kuwaasi oo Hubkooda lagu wareejiyay Ismaamulka Soomaalida, sida lagu sheegay warbixin heshiiska la xiriira. Sidoo kale waxaa heshiiskaasi qeyb ka ah in ONLF ay qeyb weyn ka ahaato ismaamulka Soomaalida Ethiopia, islamarkaana labada dhinac ka wada shaqeeyaan maamulka ka dhisan Deegaanada Soomaalida. Ciidanka Hubka dhigista lagu sameeyay ayaa fursad u heysta in ay ka mid noqdaan Ciidanka amaanka ee dowlad degaanka ama in ay noqdaan shaqaalaha dowlad degaanka Soomaalida. Wararka ayaa sheegaya in xubnaha ONLF ay aqbaleen hub ka dhigista kadib markii laga aqbalay inay ciidamadooda kamid noqdaan ciidamada amaanka, islamarkaana xubno matalaya loo ogolaaday inay maamulka qeyb ka noqdaan. Caasimada online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Ciidamadii ay lahaayeen Jabhadda ONLF ee dhowaan heshiiska la gashay dowladda federaalka Itoobiya ayaa haatan waxaa lagu biiriyey kuwa Somali State. C/qaadir Hirmooge waa afhayeenka Jabhaddan, wareysi uu goor dhow siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in tani ay qeyb ka tahay fulinta qaar ka mid ah heshiisyadii lala galay dowladda Itoobiya. Hirmooge ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar sheegayey in hub ka dhigis lagu sameeyey ciidankooda, wuxuuna tilmaamay in hadda ay qeyb weyn ka qaadan doonaan sugista ammaanka. Sidoo kale, Hirmooge ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in dowladda Itoobiya dhankeeda ay fuliso dhammaan waxyaabihii ay jabhaddaasi kula heshiisay. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WAREYSI-CQAADIR-XASAN-HIRMOOGE-AFHAYEENKA-ONLF.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan C/rashiid C/xakiin Warsame oo ka mid ah mudanayaasha baaramaanka maamulka Hirshabelle ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu ku sheegay in la xalliyey tabashooyinkii ay inta badan qabeen mudanayaasha baarlamaanka ee maamulkaasi. Waxa uu sheegay in waxyaabaha wax lagu xalliyey ay ka mid tahay wasiiradii dhowaan uu dib usoo magacaabay madaxweyne Waare oo xildhibaanno wada ah badankooda. Xildhibaan Warsame ayaa sheegay in hadda wixii is faham la’aan ah laga sii gudbayo, madaxda Hirshabellana ay aqbaleen in lala hadlo oo laga wada shaqeeyo horumarka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/XILDHIBAAN-HIRSHABEELLE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Gaarisa)-Maxkamadda Degmadda Gaarisa ee W/bari dalkaasi waxay Xabsiga ka sii daysay wiil lagu magacaabo Sulub Warfaa oo 36-jir ah, kaasi oo gacanta Booliska ku jiray muddo dhowr maalmood. Sulub Wafaa oo Suxufiyiinta kula hadlay bannaanka Maxkamadda Garissa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu dib u helo Xorriyadiisa, wuxuuna sheegay inaan wax jir-dila ah lagu sameynin. Waxa uu sheegay in loo xidhay isagoo ku dhashay Muqdisho, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay taasi la micno ahayn inuu yahay Argagixiso, waa sida uu hadalka u dhigay Sulub Warfaa oo isaga iyo 10-qof oo kale usbuucii hore lagu xidhay meel ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya. Hay’addaha Ammaanka Kenya waxay horey ugu soo eedeeyeen Ninkaasi inuu watay 2 Baasaboor oo dalka New Zealand oo magacyo kala duwan ku qornaa. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaaliyaha qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa muddo kadib soo hadal qaaday kiisaska la xiriira Musuq maasuqa oo dowladda hadda jirta ay masuuliyiin u xirtay. Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dad badan xabsiga u dhigtay kiisaska musuq maasuqa, islamarkaana hadda gacanta lagu hayo kiisas kale oo musuq maasuq ah. Ma uusan sheegin shaqsiyaadka arrimahaan lagu hayo, balse wuxuu cadeeyay in hadda madaxda kala duwan ee xilalka haya ay ka feejigan yihiin kiisaska Musuq maasuqa, isaga oo sheegay in dalka uu la dagay Musuq maasuqa. Hay’addo kala duwan ayuu cadeeyay in baaritaano lagu wado kuwaasi oo arrimaha musuqa la xiriira ay soo galeen, marka baaritaanada dhamaadaana ay soo qaban doonaan shaqsiyaadka la tuhmayo. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday ciidamo ku dhawaad 200 gaaraya, kuwaasi oo dhawaan loo tababaray wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, isaga oo sheegay in ujeedada laga leeyahay tahay inay la dagaalamaan musuq maasuqa wasaaradda iyo habka qaadista canshuuraha. Dowladda hadda jirta ayaa xubno ka tirsan dekadda magaalada Muqdsho u xirtay kiisas musuq maasuq ku saabsanaa, waxaana qaarkood xukuntay maxkadda gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Saciid Cabdillaahi Deni ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirrada, iyadoo ay bil ay ka soo wareegatay markii xilka Madaxweynaha loo doortay. Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Garowe ayaa sheegaya in Madxweyne Saciid Deni uu soo gabagabeeyay wada tashadii uu ku soo magacaabayay Golaha Wasiirada. Wararka ayaa sheegaya inay u badan tahay in Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada caawa illaa berri, iyadoo laga hadal haayo magaalada Garowe inuu soo magacaabi doono Golle Wasiiro oo kooban. Source
-
(SLT-Jigjiga)-Maamulka Soomaalida Itoobiya iyo Jabhadda ONLF waaxay shalay Heshiis ku kala saxeexdeen magaalada Jigjiga oo caasimadda u ah Dowladda Soomaalida Itoobiya. Ciidankii Jabhadda ONLF iyo kuwa Maamulkaasi ayaa la sheegay in la isku dhafay, lana mideeyey, iyadoo Askarta ONLF qeyb ka noqon doonaan Ciiddanka Ammaanka iyo Adeegga Rayidka ee Dowladdasi. Jabhada ONLF oo la asaasay sannadkii 1984-kii waxay u dagalaami jirtey Xorriyadda Dhulka Somali Galbeed ayaa la sheegay inay wada-xaajood la galeen Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Aby Ahmed, taasi oo sababtay inay Madaxda iyo Ciiddanka Jabhaddaasi dib ugu soo laabtaan dalka Itoobiya. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in duqeymaha cirka ah ee lagu qaado qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ay ka qeyb-galaan hay’ada Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da sida lagu daabacay warbixin ay qortay wargeyska The Natien. Qoraaga warbixintan ku daabacay jariiradan ayaa sheegay in uu wareysiyo ka qaaday illaa 25 ruux oo ka soo barakacay deegaano ka mid ah gobolka Sh/hoose iyo Sh/Dhexe kadib markii deegaanada ay ku noolaayeen la duqeeyay. Baaritaanka uu sameeyay saxafigan ayaa lagu ogaaday in ay jiraan duqeymo ka dhacay dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Koofureed kuwaasoo aysan taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM aysan sheegan inay ka dambeeyeen. Wasaarada Gaashaandhiga dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay duqeyn gaareysa 45 ay ka sameeyeen dalka Soomaaliya sanadkii hore ee 2018 halka sanadkii ka sii horeeyay ay duqeyntaasi ahaayeen illaa iyo 35 jeer,halka 14 jeer ay ka ahayd sanadkii 2016. Hase yeeshee waxaa lagu ogaaday baaritaan la sameeyay in ay ka badan tahay 45 jeer duqeyntii sanadkii hore kuwaasoo aysan Africom sheegan inay ka dambeeyeen. Duqeymahaas oo gaarayay illaa saddex jeer ayaa la ogaaday inay ka dhaceen deegaanka Qalimow oo ka mid ah gobolka Sh/dhexe,deegaan hoostaga degmada Marka iyo duqeyn kale oo ka dhacday deegaanka Ow-Dheegle. Waxaa la tuhmayaa in duqeymahaas ay ka dambeeyeen hay’ada u qaabilsan dalka Maraykanka sirdoonka ee CIA. Duqeymaha lagu tuhmayo CIAda Marykanka ayaa sababay geerida dad rayid ah sida ay u xaqiijiyeen weriyaha warkan baadhitaanka ku sameeyay balse illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin Laanta Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da amaba dowlada Soomaaliya. Source
-
(SLT-Washington)-Waa fekir rajo badan laga qabay oo la aaminsanaa in uu yahay mid leh mustaqbal wanaagsan, balse markii dambe sababay in dadkii ay shaqeysan wayaan. Lacago bilaasha ah oo qof walb ay dowladu siiso qaar kamid ah dadka aan shaqeysan ayaa loogu yeeray dakhliga aas aasiga ah, hasayeeshee tijaabadii ugu horeysay ee Yurub laga sameeyay ayaa la soo afjaray labo sano kadib, sababtoo ah lacagihii bilaashaka ah ayaa la oggaaday in aysan noqon kuwa wax soo kordhiyay. Tijaabadan ayaa waxaa si aan kala sooc laheyn loogu sameeyay laba kun oo qof, kuwaasi oo laga soo xulay dadka baagamuudada ah. Bil walba waxaay qaadanayaan lacago kaash oo aanan laga dooneyn inay soo caddeeyaan inay shaqo doon yihiin, oo haddii xita ay shaqo helaan na aanan laga joojineyn lacagaha ay dowladdu siiso, taasi oo uga sii wanaagsan. Dadkii mashruucan tijaabada sameeyay ayaa waxay shegeen in dadka lacagahan la siiyo aanay ku dhiiran inay shaqeystan, si lamid ah kuwa ceyrta qaata, waxaan jirto rajo ah in dakhliga damaanadda leh uu noolashooda ka dhigaya inay dareemaan noolal wanaagsan. Ka qayb galayaaha mashuurcaan ayaa helaya Afar boqol iyo sagaashan pound bil walba, waxaana qaar badan ay amainsan yihiin in lacagihii la siiyayay aanany ku filneyn oo waxaa jirta rajo ah in dakhliga guud ee aasaasiga ah uu wali yahay habka sameeynta nidaamwaxtar leh oo sidoo kale ah mid fudud oo wax ku ool ah. Balse dowladda Finland ayaa go’aansatay inay nidaamkan ay meesha ka saarto, isla markaana na ay damac san tahay inay cunaqabatayn kusoo rogto kuwa diida shaqooyinka. Source
-
New York (SMN) – War saxaafadeed ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymo dhinaca cirka ah ay ku dileen 15 ka tirsanaa Al Shabaab. AFRICOM ayaa xustay in duqeymahani oo ahaa 2 ay Arbacadii ka fuliyeen meel u dhow deegaanada Gandarshe iyo Bariire oo ka wada tirsan gobolka Sh/ Hoose . Warbixintani ayaa sidoo kale lagu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo dadka Rayidka ah ka soo gaaray duqeymahaasi. Horraantii bishani Mareykanka ayaa sidan oo kale shaacisay in 13 ka tirsanaa Al Shabaab ay ku diliyeen agagaarka deegaanka Gandarshe ee gobolkaasi. Ma jirto illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan duqeymahaasi. Ciidamada Mareykanka oo gacan siinaya ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa inta badan duqeymo cirka ah kageysta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 15 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maanta waxaa madaxtinnimada ururka midowga Afrika la wareegi doona madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi, kaas oo muddo sanad ah jagadaasi sii-heyn doona. Hey’adaha xuquuqul insaanka ayaa ka digay in Sisi noqoshadiisa madaxa midowga Afrika ay saameyn ku yeelato arrimaha xuquuqda aadanaha, oo lagu dhaleeceeyo. Shirka Afrika ee sanadkan waxaa xoogga lagu saari-doonaa qaxootiga iyo barakacayaasha, waxaana la digi doonaa tahriibta iyo in dadka laga ganacsado. Shirka waxaa kale oo xoogga lagu saari doonna arrimaha nabad galyada, aragtida Afrika ee 2063 iyo arrimo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dilay 15 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabab kadib labo duqeymo oo ay ka sameeyen Somalia, sida lagu sheegay qoraal kasoo bacay taliska howlgallada Mareykanka ee qaaradda Africa magaciisana loo yaqaano AFRICOM Dagaalyanada ayaa arbacadii iyo khamiistii lagu kala dilay meelo u dhow deegaanada Gendarshe iyo Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, sida lagu sheegay qoraalka AFRICOM. Ma jiro qof shacab ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeynta sida lagu xusay qoraalka. Mareykanka ayaa ku sheegay duqeymahan kuwo lagu taageerayo howlgalada ka dhanka Al Shabab ee ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa nabad ilaalinta AMISOM ka wadaan Somalia. Puntland Post The post Mareykanka oo sheegay in 15 katiraan Al-Shabaab uu duqeyn ku dilay appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (SMN) – Maleeshiyaadkii jabhadda OLNF ayaa lagu soo warramayaa in si rasmi ah loogu daray ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kadib heshiis shalay ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta maamulkaasi. Ciidamada labada dhinac yaa la’isku dhafay, iyagoona si toos ah uga wada howlgali doonaan halkaasi. ONLF ayaa la aas aasay sanadkii 1984, waxaana u dagaalami jirtay Jabhadani xoreynta dhulka Soomaali Galbeed. Arrintan ayaa qeyb ka ah is bedalo waa weyn oo ka dhacay Itoobiya, markii uu talada dalkaasi la wareegay R/wasaare Abiy Axmed. The post Ciidankii ONLF Oo lagu daray kuwa Soomaalida Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magaalada London kula hadlay boqolaal dadweyne ah, isaga oo kala hadlayay waxqabadka dowladda Soomaaliya. Mahdi Guuleed ayaa ka sheekeeyay waxyaabo badan oo dowladda Soomaaliya u qabsoomay, waxaana uu soo hadal qaaday hindise sharciyeedyadii dowladda xukuumadda ay meel marisay. Guuleed ayaa sheegay in 27 hindise Sharciyeed ay meel mariyeen golaha wasiirada labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaana uu xusay in madaxweynaha uu saxiixay labo hindise Sharciyeed oo kaliya. Labada Hindise Sharciyadeed ee madaxweynaha uu ansixiyay ayaa waxay kala yihiin midka Isgaarsiinta dalka iyo midka Naafadda, waxaana kadib su’aalo laga keenay halka ay mareen Hindise shaciyeedyada kale. Waxaa sidoo kale su’aalo laga keenay sababta ilaa iyo hadda madaxweynaha Soomaaliya u saxiixi la’yahay Sharcigii dalka ka mamnuucayay Shirkadda DP World oo baarlamaanka labada aqal ay ansixiyeen. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in labada sano ee dowladda Soomaaliya u harsan ay rajo weyn ka qabaan inay wax ka qabtaan shaqooyin ay ugu horeeyaan Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) –Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedo oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in haatan ay soo baxayaan siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalka oo majaxaabinaya horumarka dowladda Soomaaliya. Geedi ayaa xusay in siyaasiyiinta, gaar ahaan kuwa mucaaradka ay arrintan u sameynayaan dano gaar ah iyo hadafyo siyaasadeed oo ay leeyihiin. Waxaana uu ka digay in la niyad jabiyo shacabka Soomaaliyeed oo haatan si weyn ula dhacsan qaabka ay wax u wwado dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/COD-DAGANE-1.mp3 The post R/wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka digay in la niyad jabiyo shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-090219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay sameeyeen howlgaladii ugu badnaa abid, iyaga oo xabsiga dhigay dad badan oo laga qabtay magaalada. Ciidamada amaanka ayaa magaalada Boosaaso ka sameeyay baaritaano ay xaafadaha magaalada kaga baadi goobayaan shaqsiyaad xiriir la leh weerarkii lagu dilay maareeyihii dekada Boosaaso ee Shirkada hoostagta Dp World. Waxaa adag in la helo xog dheeri ah oo ku saabsan sida loosoo abaabulay dilkii Paul Farmoso oo lagu dilay agagaara dekada Boosaaso, maadaama ruuxii dilay uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xabsiyada magaalada Boosaaso la dhigay boqolaal dhalinyaro u badan, kuwaasi oo badankood laga qabtay xaafadda lagu tuhmayo inuu maalmo joogay ruuxii toogashada ka geystay dekada Boosaaso. Gaadiidka gaashaaman iyo ciidamo kala duwan ayaa lagu arkayaa qaybaha kala duwan ee magaalada Boosaaso, waxaana goobaha ugu badan ee roondada ay ka sameynayaan ciidamada kamid ah xaafadaha u dhow Dekada magaalada. Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa gaaray magaalada Boosaaso, isagoona hawlgalo dhanka amaanka ah ka bilaabay gudaha magaaladaasi xili dagaalo ay ku dhex mareen deegaano ka tirsan gobolka Bari kooxaha Al-shabaab iyo Daacish. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Horta waxan idin waydiiyay. Qofka Bariga Burco ah amma Waqooyiga Hargaysa ah haddii uu Muqdisho iyo Soomaaliwayn noqdo ma waysajabo miyaa… ..? Ma Dastuurka Shankaroon Land ayaa sidaa qoraaya waayaabe??Afna daayo Mr Waxaro Raac ammarka illahay isagaaba lacag ka soo dhacay Soomaliya oo xil ka soo qabtay Wasiir ku-xigeenka Hawlaha Guud hadana Dadkale ayuu ku leeyahay Kuwaasi Soomaliya ayay la haystaan. Qudhunkii Ololahii Doorashada ayuu run mooday oo wali wax ku rabaa. Nacasnimo ka wayn garan maayo qof Wuxuu yahay Cid kale ku maaga.. Mise Soomaliwayn cid qudha ayay qabataa.. Nocan Oo kale ayaa a Ummadda kala dilaaya… Madaxweyne Muuse Biixi waa inuu Nocan xarumaha Dawladda ka mabnuuca haduu midaynta Bulshada daacad ka yahay!!.. Muniir Axmed Cigaal Tusan Qaran News
-
BULSHO BILAA SAMIR AH Waxa hada dhamaaday oon si Live ah u daawanayay barnaamajkii Falanqaynya miisaaniyasa ee 2019 ee Inspire Group soo diyaarisay oo wasiirka maliyada mudane Sacad Cali Shere suaalo lagu way diinayay. Jawaabtii iigu layaabka badnay waxay ahayd wasiirka oo yidhi, Maaliyada waxa maamula madaxtooyada hadii hada ay igu yidhaah daan dhamaan meeshaa ku shub waan ku shubayaa. Mida labaad bulshadeenu samir malaha %80 dadkii madasha joogay ee su-aalaha way diinayay way dareereen intaanuu barnaamijku dhamaan afar saf oo midkiiba ay fadhiyeen 10 qof iyo ka badan waxa ka soo hadhay Ismaaciil Ubax oo kaliya. Sidaa aynu bilaa samirka u nahay ayay xildhibaanada aynu dooranay bilaa samir uyihiin, Duuduubkaa aad ku dareer teen duuduub lamida ah ayuu Baarlamaan kuna ku ansixiyaan. Waxaynu nahay BULSHO BILAA SAMIR AH. Amb:Axmed Safiina Qaran News