-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ku: Beelweynta Reer Sheekh Isaxaaq ee UK ee ka soo jeeda Itoobiya Gudida Sare ee Jahliyada Ethiopian Isaaq Forum Ayaa Caawa Fiidkii Kulan ku Yeeshay Xafiiskooda London. Ujeedada Kulankan Ayaa ahayd qabanqaabinta Shirwaynaha Beesha iyo xaaladaha xasaasiga ah ee Dawlad Deegaanka Somalida itoobiya ka jira qodobada ugu doorka roon ee shirka waxaa ka mida ■Siyaasada ■Nabadgalyada ■Saami Qaybsiga iyo tirakoobka la filayo Waxa hadaba kulaankaa kasoo baxay arimahan hoos ku xusan 1. Canbaaraynta Dhacdadii Ardayda Lagu Rasaaseeyay Magaalada Harta_Sheekh Sabtidii Bisha January 26/2019. Rasaastaas oo keentay Dhaawaca laba Will oo ka Tirsanaa Ardayda Fasalka 12 naad ee Dugsiga Sare Magaalada Harta_Sheekh. 2. Qabashada Shirwayne Beeshu yeelan Doonto Bishan February 9/2019 London Uk shirkaas oo Lagaga Arinsan Doono Xaaladaha Siyaasadeed Iyo Guud ahaan Arimaha Ka Socda Dds Ethiopia. Waxa hadaba La Ogaysiinayaa Dhamaan Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beelwaynta Reer Sheekh isaxaaq ee jooga Wadamada yurub iyo Magaalooyinka kala Duwan ee Cariga Ingiriiska Uk inay Kasoo Qayb-Galaan Shirwaynahaa Ka Dhici Doona Magaalada London. Address: Sabti Saturday Tariikh Date 9/Feb/2019 Mayfield House 202B Cambridge Health Road London E2 9LJ Fadlan wixii faahfahina kala xidhiidh Afhayeenka Gudidda : Xanse Jaaji Xassan 07982931113 Qaran News
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay saameynta dhaqdhaqaaqa dekadda magaalada Boosaaso uu ku yeeshay dilkii loo geystay madaxii Shirkadda P&O oo hoostagta Shirkada DP World. Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Saciid Maxamed Raage oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay sida uu noqon doono heshiiskii shirkada lala galay iyo isbadalka maamulka dekadda kadib dilkii Paul Farmoso, maareeyihii dekadda. Wasiir Saciid Raage, ayaa ugu horeyn sheegay inay dib u bilowdeen howlihii shaqo ee dekadda oo saacado kooban hakab ku jirtay kadib dilkii ka dhacay afaafka hore ee dekaddda magaalada Boosaaso. “Dhacdadii ka dhacday dekadda magaalada gaar ahaan guriga Shirkada P&O waan ka tacsiyeyneynaa, waxaana soo hagaagaya dadkii ku dhaawacmay oo uu ku jiray ruux Hindi ah iyo ciidamada”ayuu yiri wasiirka. “Ajaaniibtii wuu saameeyay dilkii dhacay, laakiin hal qof kama dhoofin dalka,shaqadana ma joogsaneyso maxaa yeelay dad kale ayay tababareen oo howsha sii wadi kara, haddana wey socotaa howsha dekada” “Ninka Muslim ayuu ahaa, walow aanan aniga arag masaajidkana waa laga sheegay, in Ibraahim la yiraahdo isagaa ii sheegay, dowladeydana wey igu og tahay ayuu igu yiri inuu Muslin qaatay oo diintii kale uu ka tagay isagaaba ii sheegay”ayuu yiri wasiirka. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Sh.Hoose(SMN)- Diyaarado dagaal oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay duqeymo ka fuliyay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeyntaasi kadib waxaa deegaankaasi gudaha u galay ciidamo cadaan ah oo ka daatay diyaaradaha duqeymaha fuliyay iyo ciidamada bangaraafta Soomaaliya. Rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayeen ciidamadii huwanta ee weerarka soo qaaday iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa laga maqlayay gudaha deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeymaha oo meelo fara badan lala beegsaday ayaa dadka deegaanka waxay xaqiijiyeen in goobaha ay ku dhaceen madaafiicdaa uu kamid ahaa masaajid ku yaalla deegaankaasi. Qasaaraha ka dhashay duqeymaha iyo weerarka tooska ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay ayaan la xaqiijin,balse inta la xaqiijiyay 8 ruux oo shacab ah ayaa weerarkaasi waxyeelo ka soo gaartay. Ma jirto cid sheegatay weerarkii xalay ee isugu jiray duqeynta iyo midka tooska ahaa ee lagu qaaday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. The post Duqeymo Iyo Weerar Toos Ah Oo Xalay Ka Dhacay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maanta oo khamiis ah waxaa magaalada London ka dhacaya dibadbax weyn, oo looga soo horjeedo shirka shidaalka Soomaalida. Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay shirkaasi qaadhaceen guddiyada kheyraadka ee labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, xisbiyada midowga nabadda iyo dimoqraadiyadda (UPD) iyo Wadajir iyo waxgaradka Soomaaliyeed. Inkasta oo dowladda federaalka ah sheegeyso in shirkan uu yahay soo bandhigidda sahanka, hadana sidaasi si ka duwan waxaa u hadleysa shirkadda shirka London ee maanta dhacaya soo qaban-qaabisay ee Spectrum Geo. Haddaba, Soomaaliya ayaa shirkan aadey iyada oo aaney diyaar u aheyn: 1. Ma DhameystirnasSharciga Batroolka oo baarlamaanka federaalka ayuu la yaalla. 2. Diyaar ma aha xerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment) 3. Ma jiro Xeer-hoosaadka Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement). 4. Looma oga si sax ah shidaalka ku jira balook-yada kala duwan iyadoo sal looga dhigayo xogaha 2-D saysmikada, lamana qiimeyn. 5. Lama sameyn qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment). 6. Lama diyaarin Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law) 7. Soomaaliya ma lahan aqoon iyo khibrad ku filan oo hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xiriirka ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-070219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho(SMN)- Askari ka tirsan ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa xalay mid kamid ah dhalinyaradii degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafada Towfiiq ku dilay magaalada Muqdisho. Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Shueyb Biibaaye isla markaana xarun ganacsi ku lahaa xaafada Towfiiq iyo askariga dilka geystay ayuu muran soo kala dhex galay taas oo ugu danbeyn dilka sababtay. Laamaha amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay iyagoo halkaasi ka bilaabay baaritaano kala duwan,ugu danbeyna waxay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan askarigii dilka geystay. Ilaa iyo hada majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo ku aadan dilka ruuxaasi shacabka ahaa oo ka dhacay Magaalada Muqdisho. The post Ruux Shacab Ahaa Oo Lagu Dilay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Weerar qorsheysan ayaa xalay ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ciidamada sida gaarka u tababaran oo taageero ka helaya kuwa Mareykanka ay weerareen deegaankaasi. Ciidamada Kumaandooska dowladda Soomaaliya oo watay labo diyaaradood oo Helicopter ah ayaa la sheegay inay weerareen deegaanka Bariire oo saldhig u ahaa Al Shabaab, waxaana kadib degtay ciidamada. Weerarka ayaa waxaa ka horeeyay Duqeyn dhanka Cirka ah oo ay Diyaaradaha dagaalka ee Drones-ka ay deegaanka Ku qaadeen, waxaana Markii Weerarka uu dhacay ka dib bilowday Dagaal toos ah oo Deegaanka ka dhacay. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidamada Mareykanka iyo Kuwa Dowladda Soomaaliya ay gudaha u galleen degaanka waxaana ay si toos ah u bartil maameydsadeen Saldhig ay deegaankaasi ku lahaayeen Alshabaab. Ciidamada Mareykanka oo dhulka u degtay ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen weerarka tooska ah ee lagu qaaday deegaanka Bariire, waxaana saaka xaalka uu u muuqda mid degen. Dowladda Soomaaliya, Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom iyo Al Shabaab wali wax war ah kama soo saarin dagaalka ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Khasaaro ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay weerarka, waxaana bartilmaameydka weerarka uu ahaa xubno ka tirsan Al Shabaab oo ku shirayay xiligaasi goobta la weeraray. Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laft-gareen) ayaa shalay xabsiga Habar-Khadiijo ee ciidamada NISA ku booqday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur, oo u xiran dowladda. Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay dadaallo ay wadday beesha Roobow iyo wada-hadal ay la lahayd dowladda oo ku saabsan in lasii daayo Roobow, dowladdana xaal-marin ka bixiso dhibkii ka dhacay magaalada Baydhaba. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Lafta-gareen uu Roobow ku war-geliyey qaar ka mid ah qodobada heshiis la diyaarinayo in lagu xaliyo dhibkii dhacay, islamarkaana lagu sii daayo Roobow. Waxyaabaha Roobow loo ballan-qaaday ayaa waxaa ka mid ah, In lasii daayo dowladana ay xaal-marin siiso, halka dhibanayaasha dhibkii Baydhaba ay heli doonaan magdhow. Waxaa sidoo kale loo sheegay in la qabanayo shir looga xaajoonayo dhibkii gaaray Abuu-Mansuur isaga iyo kooxdiisa ololaha. Si kastaba, Roobow ayaa la sheegay inuu diiday heshiiska, isaga oo dalbaday in la helo gacan saddexaad, oo ay u badan tahay inay tahay beesha caalamka, oo damaanad qaada heshiiska, isaga oo sheegay inuusan dib dambe u aamineyn dowladda federaalka, oo heshiis hore uga baxday, sida uu ku dooday. Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu dalabka Roobow kula laaban doono madaxda dowladda, hase yeeshee ilo-wareedyo ku dhow xukuumadda ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda aysan marnaba aqbali doonin gacan saddexaad oo soo dhex-gasha arrintan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
London (Caasimada Online) – Magaalada London waxaa maanta ka furmaya shir ay soo qaban qaabisay wasaaradda batroolka xukuumadda Soomaaliya, oo dowladda ay sheegtay in lagu suuqgeynayo shidaalka la rumeysan yahay inuu ku jiro Soomaaliya. Dad u badan siyaasiyiin ayaa shirkaasi ku tilmaamay in uu yahay mid lagu xaraashayo shidaalka dalka Soomaaliya, ayada oo dowladda federaalka ay beenisay. Si kastaba, shirkadda leh qaban-qaabada shirkaas ayaa soo bandhigtay qorshaha Soomaaliya ee shirkaas. Shirkadda Spectrum, ayaa sheegtay in shirka London lagu soo bandhigi doono aagagga cusub ee ku soo kordhay sahminta shidaalka Soomaaliya. Shirkadda ayaa sheegtay in shirka London uu yahay mid ay wasaaradda betroolka iyo macdanta ee Soomaaliya ay xarigga uga jari doonto ayna qeexi doonto qeybihii ugu dambayay oo lagu wado inay ka koobnaadaan 50 xirmo oo ku fadhiya dhul dhan 173,000 km . Waxaa sidoo kale shirkadda Spectrum ay qoraalkeeda ku xustay in shirka London lagu soo bandhigi doono shuruucda iyo hanaanka ku xeeran arrinta shidaalka Soomaaliya. Si kastaba, shacabka Soomaaliyeed ayaa ka warsugaya natiijada kasoo baxda shirka magalada London oo ay ka qeyb geli doonaan wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya. Dhinaca kale, dibadbax looga soo horjeedo shirka, oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar ka mid ah Soomaalida London ayaa la filayaa inuu ka dhaco dibedda hotelka lagu qabanayo shirka. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Shaqaalihii ajaaniibta ahaa ee shirkadda P&O Ports ee dekedda Boosaaso ayaa shalay isaga baxay Puntland, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online. Shirkadda P&O waa shirkadda maamusha dekedda Boosaaso, waxaana iska leh oo ay hoos tagtaa shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Go’aanka ay ku baxeen shaqaalaha ajnabiga ah, ayaa yimid kaddib markii dhawaan halkaas lagu dilay maamulihii shirkadda ee mashruuca dekedda Boosaaso, Paul Anthony Formosa, islamarkaana la dhaawacay ku xigeenkiisa. Xubnaha baxay ayaa aaday dalka Imaaraadka Carabta, oo la rumeysan yahay inay kasii aadi doonaan dalalka ay u kala dhasheen. Maamulka Puntland ayaa wali ku adkaysanaya in haba-yaraatee aan maamulkii dekedda waxba iska baddalin oo ay si buuxda gacanta ugu hayso shirkadda P&O Ports, islamarkaana bixitaanka shaqaalaha ay tahay un mid kooban ilaa xaaladda laga dejinayo. Dhanka kale, waxaa Boosaaso gaaray cutubyo si gaar ah u hubeysan oo ka tirsan ciidamada Puntland kaddib markii uu sidaas amray madaxweynaha hadda la doortay ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni. Meydka Paul Anthony Formosa ayaa weli la aasin, wuxuuna yaallaa Boosaaso, ayada oo baaritaan lagu sameynayo. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
-
Sheffield (Caasimada Online) – Baarayaal ka socda dalka UK, ayaa baaritaan ka sameeyey gudaha Soomaaliya, ayaga oo raadinaya ninkii dilay 21 jir degenaa magaalada Sheffield ee dalka UK. Kavin Brisset ayaa waxaa mindi la geliyey 14-kii August 2018, isaga oo socda waddada Langsett Walk ee xaafadda Upperthorpe ee magaalada Sheffield. Waxa uu afar maalmood kadib ku geeriyooday isbitalka. Axmed Faarax oo ah 29 jir Soomaali ah, sidoo kalena loo yaqaan magaca Reggie, ayaa loo raadinayaa inuu ka dambeeyey dilkan. Baaraha sare ee booliiska Sheffield ayaa yiri “baaritaanka aan ku raadineyno Axmed Faarax waa uu socdaa, waxaana laga fulinayaa gudaha UK iyo Somalia, si aan usoo helno” Axmed Faarax ayaa la rumeysan yahay in xiriir la leeyahay dad ku kala sugan magaalooyinka Sheffield, Cardiff iyo Birmingham. Ashmore ayaa codsaday in qof kasta oo haya akhbaar la xiriirta ninkan uu lasoo xiriira booliiska, isaga oo qarinaya. “Waxaan rumeysannahay inay jiraan dad ka mid bulshada Soomaalida oo haya akhbaar muhiim ah oo la xiriirta Axmed Faarax, balse aan weli nala soo xiriirin” ayuu yiri. Afar dhallinyaro ah oo sanadii tagtay loo xiray dilka Brisset ayaa lasii daayey kadib markii dambi lagu waayey. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa dhagax dhigay qeybo hor leh oo la doonayo in lagu balaariyo garoonka, si loo helo dhul banaan oo ka fog goobta ay diyaaradaha ku soo degaan. Wasiirka ayaa xusay in goobta cusub ee dhagax dhiga lagu sameeyay ay tahay goob loogu talagalay in looga hortago biyaha badda oo soo gaaraya qeybta diyaaradaha ay ku soo degaan. “Waxaan uga mahadcelinayaa shirkadaan FAVORI, waxaana ku heshiinay in ay inoo sameyso dhismahaan, maadama biyaha badda ay saameyn ku yeesheen halka diyaaradda ay kusoo degto, kaddib dhismahaan darbiga iyo dayactirkaba waxa uu qeyb weyn ka qaadan doonaa horumarinta garoonka, isagoo uga mahadceliyay Shirkada FAVORI sida ay ugu heelantahay Hormarinta garoonka oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha Dalka”. ayuu yiri Wasiir Oomaar. Waa Sharciga garoomada Caalamka in halka diyaaradaha ay kusoo degaan ay leeyihiin labada dhinac 150 mitir oo dhul banaan ah, si looga hortago qataraha soo wajaha diyaaradaha, waxaana qeybta cusub ee lagu kordhinayo garoonka ay ka hortegeysaa in goobta ay diyaaradaha ku soo degaan ay soo gaarto biyaha badda. Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ayaa waxa sameyn ku yeeshay dagaaladii sokeeye ee Dalka ka dhacay, kuwaas oo sababay in muddo badan uusan helin wax dayactir ah, hase yeeshe waxaa maanta qandaraaskaasi la siiyay Shirkada FAVORI oo haatan gacanta ku heysa maamulkiisa. Injeerada Dhisayo Garoonka ayaa waxa ay sheegeen in waxbadan uu ka bedelayo dhulkaan lagu darayo shaqada garoonka ,waana habka garoomada Caalamka ay ku Shaqeeyaan. Shirkadaan ayaa qandaraaska ay kula jirto Soomaaliya waxaa uga dhiman 10 sano, waxaana maamulka loogu daray in horumarin ku sameyso garoonka, si loo balaariyo shaqada garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.
-
Qaar kamid ah dadka ka qeyb-galaya shirka London Maanta waxaa hotelka Clridges magaalada London ee dalka Ingiriiska ka furmaya shir lagu soo bandhigayo macluumaad sahamin iyo suuq-geyn shidaalka Soomaaliya. Shirkan waxaa ka qeyb galaya madax ka tirsan Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiir Cabdirashiid Maxamed Axmed, xubno ka tirsan dowlad goboleedyada iyo shirkadah daneeya shidaalka adduunka. Shirkan waxaa soo abaabushay shirkadda Spectrum Geo Ltd oo laga leeyahay dalka Norway, taas oo soo bandhigi doonta macluumaad la xiriira sahamin shidaal oo ay 2014, 2015 iyo 2017, ka samaysay badaha Soomaaliya. Shirkadda Spectrum ayaa boggeeda ku sheegtay in shirka London uu yahay mid ay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ay xarigga uga jari doonto ayna qeexi doonto qeybihii ugu dambeeyay oo lagu wado inay ka koobnaadaan 50 xirmo oo ku fadhiya dhul dhan 173,000 KM. Balse xubnaha dowlad goboleedyada uga qeyb galaya ayaa London ka sheegay in shirkan uu ku saabsan tahay labo arrimood oo kala ah, in lagu soo bandhigo sahamin shidaal oo horey loogu sameeyay badaha Soomaaliya iyo in lagu suuq-geeyo kheyraadkaas, waxayna tilmaameen in uusan jirin wax heshiis ah oo lagu saxiixayo shirkaas. Qaar kamid ah xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ee ay hogaamiyaan Xasan Sheekh, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Shariif Sheekh Xasan ayaa horey uga digay shirkan, iyagoo sheegay in ay ka walwalsan yihiin in lagu daahfuro bixinta shatiyo shidaal iyo iibinta xirmooyin shidaal, iyagoo ugu baaqay dowladda in ay joojiso arrintaas inta la dhameystirayo shuruucda dalka. Qodobka 44-aad ee Dastuurka KMG Soomaaliya ee ka hadlaya qeybsiga kheyraadka dalka ayaa wali ah mid qabyo ah, sidoo kale shirkii Baydhabo Jun 2018, waxay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu ku heshiiyeen qaab kheyraadka dalka loo wadaagayo, abuuris hay’ad qaran oo maamusha shidaal iyo shirkad qaran oo shidaal, heshiisyadaasna wali shirci ahaan looma taaba galin. Waxaa jira dad London ka abuubulay mudaharaad ay uga soo hor-jeedaan shirkan, kaas oo ay rabaan in ay ku dhigaan afaafka hore ee goobta shirku ka furmayo. PUNTLAND POST The post Maxaad kala socotaa shirka London ee shidaalka Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
-
Hawlgal culus oo amniga lagu xaqiijinayo ayaa xalay ka bilowday magaalada Boosaaso ee xarunt ganacsiga Puntland. Hawlgalkan oo uu amray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa hoggaaminaya taliyaha ciidanka Booliiska Gen Muxiyadiin Axmed Muuse. Taliyaha iyo ciidan uu wato oo ka tegay magaalada Garoowe ayaa shalay gaaray Boosaaso oo maalmahan dambe amnigeedu sii xumaanayey. PUNTLAND POST The post Hawlgal culus oo xalay ka bilowday magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Xisbiyada Waddanka ka jira ayaa si aad ah uga soo horjeestay shirka looga hadalayo shidaalka Soomaaliya ee maanta ka furmaya Magaalada London ee dalka Britain, kaasoo la sheegay in lagu soo bandhigayo shidaalka ku jira Soomaaliya si loo helo shirkad soo saarta. Xisbiga Himilo Qaran oo uu Hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sh. Axmed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ayaa kaga dalbaday Dowladda Soomaaliya in la joojiyo qabashada shirkaas. Shirka oo abaabulkeeda ay leedahay shirkadda Spectrum ayaa Himilo Qaran wuxuu sheegay in weli aan la dhameystirin Qodobka 44-aad ee Dastuurka KMG ee ka hadlaya qaybsiga kheydraadka dalka, sidoo kalena aan weli la dhaqan-gelin heshiiskii Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Dhanka kale, Waxaa war-saxaafadeed noocan oo kale ah horay u soo saaray xisbiyada dalka ka jira, waxay kasoo horjeesteen shirkaas, iyagoo sheegay in uu yahay mid lagu xaraashayo shidaal Soomaaliya ku jira oo ku teedsan dhul gaaraya 173,000 KM. AKHRISO: Bayaanka kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran; PUNTLAND POST The post Xisbiga uu hoggaamiyo Shariif Sh. Axmed oo kasoo hor-jeestay shirka London appeared first on Puntland Post.
-
Detectives hunting a man wanted over the murder of a 21-year-old who was stabbed in Sheffield have carried out inquiries in Somalia. Kavan Brissett was stabbed in the chest in an alleyway off Langsett Walk, in Upperthorpe, on 14 August. He died in hospital four days later. Ahmed Farrah, 29, also known as Reggie, is wanted in connection with his death. Police renewed calls for “vital” information on the day that would have been Mr Brissett’s 22nd birthday. Det Ch Insp Jude Ashmore said: “Our appeal to trace Ahmed Farrah in connection with Kavan’s death is ongoing and we’ve carried out inquiries both in the UK and in Somalia as we continue to try and trace him.” Mr Farrah is believed to have links to Sheffield, Cardiff and Birmingham. Det Ch Insp Ashmore urged anyone with information “no matter how small or insignificant” to contact police or Crimestoppers anonymously. “I believe there are people within the community who have vital information but have not yet come forward.” Four teenagers who were arrested in connection with Mr Brissett’s death last year have since been released under investigation. Source: BBC NEWS
-
The Al Shabaab killing of a Maltese port manager in Somalia was not typical of the terrorist group and pointed to economic, rather than political, motives, regional experts told the Times of Malta. Paul Anthony Formosa, 52, from Marsascala, was killed by gunmen on Monday in the port of Bosaso, in the semi-autonomous Puntland state, in an attack which Al Shabaab said was “part of broader operations targeting the mercenary companies that loot the Somali resources”. Mr Formosa worked at P&O ports, a subsidiary of the Dubai-based global operator DP World, which was granted a controversial concession in April 2017 to develop and operate the port. “Al Shabaab have traditionally gone for spectacular attacks, aimed at demolishing the credibility of the government,” Nicola Pedde, director of the Institute of Global Studies in Rome, told this newspaper. “This was a Mafia-style execution. They have occasionally carried out these activities in the past but usually against journalists and those affecting them directly. This was economic and a message to the Emirates: your interests here are detrimental to us,” he added. Dr Pedde said the Puntland region had for years been one of the most secure and stable in Somalia, with the semi-autonomous authorities governing without much of the chaos that plagued the rest of the country. The last few years, however, experienced a deterioration in security, prompted in part by a clash of economic interests between China and the United Arab Emirates, as Dubai set about acquiring and developing several ports, as in Bosaso, dealing with local authorities and bypassing the central Somali government. The presence of Al Shabaab in Puntland, Dr Pedde continued, was itself a relatively recent development and pointed to an evolution within the group, with new factions trying to widen its scope from solely domestic causes to a more global approach. “This idea of defending Somalia from outside influence is part of their ideological vision. Al Shabaab is mostly getting its money from illegal commerce and controlling ports,” he said. “They may be accusing these companies of looting Somalia but the real motivation is that they need the ports to get money. These companies have hijacked one of their most important sources of economic income on the ground,” Dr Peddle said. Donald Brownrigg, a private security contractor with experience of the region, agreed that, while still volatile, Puntland was generally safer than the rest of Somalia and not a region where Al Shabaab was traditionally active. The group, he said, was known to demand protection money or threaten attacks as a means of extortion. Companies like P&O often had to rely on Somali State security forces or local private security companies, with Western operators limited by local regulations to unarmed roles such as information gathering, he noted “What surprises me is that an attack like this must have taken some planning, which suggests a failure of intelligence on the side of P&O,” Mr Brownrigg said. “If they had good intelligence, they would have taken him out of the country until they could find a solution.” Source: Times of Malta
-
An immigration judge approved the release of Abdulkadir Sharif Abdi on Tuesday in a courtroom full of cheering friends and relatives, the latest twist in his long fight to avoid deportation to Somalia. The government has increased deportations to Somalia in recent years, but the Twin Cities immigration court agreed to take another look at Abdi’s case last year after his attorney, John Bruning, said that his client’s criticism of extremist group al-Shabab and its efforts to recruit local men could endanger him if he returned to his homeland. After moving to the U.S. as a refugee in the 1990s, Abdi joined a gang and was convicted of car theft, receiving stolen property and three drunken-driving charges. He received a deportation order in 2002 and checked in with immigration officials for years — in the meantime leaving the gang life, sobering up and becoming a leader in the Somali addiction recovery community. He became a housing manager at the Park Avenue Center, a Minneapolis alcohol and drug treatment facility. But in January 2018, Abdi was detained at a routine check-in. He was scheduled last March to be a passenger on a deportation flight of 69 Somalis, two-thirds of whom had criminal convictions, according to Immigration and Customs Enforcement. Abdi’s attorney sought a so-called withholding of removal, a sort of legal limbo that prevents him from being deported while not guaranteeing him asylum or citizenship. Judge Sarah B. Mazzie granted that request in November, but Abdi remained in detention at the Freeborn County jail pending a final custody review. On Tuesday, Mazzie ordered him to be released on his own recognizance. “I know we have a bright future,” said Rhoda Christenson, Abdi’s wife. “He’s going to be OK … and for that I’m grateful.” Abdi will still have periodic check-ins with immigration authorities, but Christenson said she was working with attorneys to try to prevent him from having to do so indefinitely. Anab Ali, his sister, also cheered the decision outside the courtroom. “Every mistake he made when he was so young,” she said. “He changed a lot a long time ago.” Source: Star Tribune
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Amar ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu faray dhamaan diblumaasiyiinta iyo u qaybsanayaasha qunsiliyadda guud ee Soomaaliya ku leedahay magaalada Jiddah ee Sucuudiga in ay soo galaan xarunta wasaarada arrimaha Dibadda ee Muqdisho, 30-berri gudahood. Lama shaacin wax sabab ah oo loogu yeeray diblomaasiyiintan. Hoos ka aqri qoraalka kasoo baxay Cawad.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar___Qubanaha-060219.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Kabul) Seekh Maxamed Cabbas, oo ka mid ah saraakiisha Ururka Talibaan ee wadahadalada la yeeshay dhawaan dowladda Maraykanka ayaa BBC u sheegay in ururka aysan dooneyn in awood militari ay kula wareegaan guud ahaan dalka Afqanistaan. Sarkaalkaan ayaa sheegay in ururka Taaliban aysan gaareynin wax xabad joojin ah ilaa inta ay ciidamada shisheeye dalka ka baxayaan . Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Taalibaan ay mas’uul ka tahay dhibaatooyinka dadka rayidka ah soo gaara marka loo eego kooxaha kale ee dalkaasi ka dagaalama . Mr Stanikzai, oo ilaa hadda ah madaxa siyaasada ,Talibaan oo fadhigiisu yahay dalka Qadar ayaa sheegay in Ururku uu khibrad u leeyahay harddanka awoodda dalkaasi , sidoo kale ay oo soo dagaalamayeen tan iyo sannadkii 1990- kii, balse hadda ay ka door bideen in xal nabadeed lagu raadiyo miiska wadahadalka. Waxaa uu muujiyay in laga hor tagi karo isku dhacyada lana gaari karo xal iyo jawi nabadeed oo ku saleysan is faham. Labada dhinaca ayaa isku haya arrimo dhowr ah hase ahaatee dowladda Mareykanka ayaa muujisay in ay ka go’antahay in ay soo afjarto colaadda 17- jirstay ee u dhaxeeysa dowladda Afqanistaan iyo Taalibaan. Source
-
(SLT-Qatar)Nin u dhashay dalka Britain ayaa lagu xiray dalka Imaaratka Carabta kaddib markii la weeraray isaga oo xiran Funaanadda ay ku cayaraan xulka kubadda cagta dalka Qadar xillli ay socotay cayaar. Cali Ciise Axmed oo 26 jir ah oo kasoo jeedo magalaada Wolverhampton ayaa lagu soo warramaya in uusan ka war heyn ‘sharciga dalka Imaaraatka ee ka dhanka ah dadka tageera Qadar xilli xiisad diblumaasiyadeed ee ka dhex taagan tahay labada dal. Saaxibada ninkan waxay sheegeen in booliska ay qabteen markii uu ku wargeliyay inay weerareen kooxo ka careysneyd Funaanadda xulka kubadda cagta Qadar oo uu xirnaa.. Dhanka kale, safaaradda Imraatka Carabta uu ku leeyahay Ingriiska ayaa sheegtay in Cali Axmed loo heysto sameynta dokomentiyo been abuur ah iyo inuu wakhtiga ka lumiyay booliska. Saraakiisha Imraatka waxay horraan sheegeen in ninkan aanan loo xirin Funaanadda xulka Qadar. Xafiiska arrimaha dibadda UK waxaa uu sheegay inay la xiriirayaan saraakiisha Imaaraatka si loo soo daayo ninkan heysta dhalashada Ingiriiska. Qaar kamid ah dalalka carabta oo uu kamid yahay Imraatka Carabta iyo Qadar ayaa hadda waxaa ka dhex taagan khilaaf siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed kaddib markii Qadar ay ku eedeeyeen inay taageerto kooxaha argagixisada ee gobolka. ‘Wuxuu jeclaa kubadda’ Axmed ayaa booqasho ku joogay dalka Imaaraatka Carabta, waxaa xabsiga la dhiga markii uu daawaday cayaar dhexmareysay xulka Qadar iyo Ciraaq, waxay ku beegneyd 22-kii bishii January markaas oo ciyaarta ka socotay magaalada Abu Dhabi. Lokie oo ah saaxibka ninka la xiray ayaa Radio lugo badan u sheegay ‘In markii ay cayaarta dhamaatay ay tiro dad ah soo weerareen’. Waxaa uu sheegay in Axmed uu xirnaa funaanadda xulka kubadda cagta Qadar halka mid kalena uu gacanta ku sitay. “Waxay ka siibeen funaanaddii uu xirnaa, waxaa uu u markii dambe gaaray saldhigga booliska, halkaas ayaa lagu xiray” ayuu yiri Lokie. “Waxaa uu ahaa nin kubadda cagta jecel, ma fileyn in dhibaata intaas la eg uu kala kulmi karo inuu xirto funaanad ama inuu tageero koox gaar ah” ayuu yiri saaxibkiisa. ‘Hadalka safaaradda’ Saafarrada Imaaraatka ee London ayaa horraan ka gaabsatay inay ka hadasho xiritaanka ninka isla markaasna ay jiraan eedeymo dhanka xuquuqda aadanaha oo ay baarayaan. Saraakiisha Imaaraatka waxay sheegeen in Axmed uu heysto dhalashada dalalka Ingiriiska iyo Suudaan. Waxay intaas ku dareen in Axmed uu ku wargeliyay booliska markii ay jirddil ay u geysteen tageerayaal kubadda cagta ah. Lo’ diyaarado loogu daabulay Qadar Saraakiisha ayaa sheegay in Axmed uu wakhtiga ka lumiyay booliska iyo inuu ku gudo jiray sameynta dokumentiyo been abuur ah balse hadda la horkeeni doono maxkamadaha Imaaraatka Carabta. Qadar ayaa ciyaartii nus dhammaadka ka badisay xulka Imaaraatka. Qadar ayaa ku guulesatay koobka qaaradda Aasiya, 3-1 ayay kaga badisay xulka Japan. Source
-
Awr leyli ahi biyo kashii ku jira buu ka didaaye, oo wuxuun baw babadda bayrtii uu lahaaye. waxa jira dad noocaas u abuuran, oo babiso looga ridaa, meel aanay belo-ba joogin, oo iyaku isi sii waala, dabeed baqdin uun bal ka qaadda, ilayn waa wax uu isagu isku abuurayee, sidda askariga la yidhaaho raggii ma adigaa ka hadhay, oo aad moodid xuunshaddii madoobayd, ee keligeed weerka cad xidhnayd, isagoo cid la dagaala-maysa ama dilay-saana aanay jirin. Akhristaw askarigan fuq cir u taagna, wuxu cagi-hiisa ku doontaa rebshed oo dhan. Bal wax lana tusye, Maalintii isniintii oo ay taariikh-du ahayd 04/02/2019, waxay ku beegnayd 28 guuraddii, uu askarigu ku xasuuqay gobolka Awdal dad ka soo jeedda, oo aan wax-ba u geysan ( Gaar ahaan Dila iyo Boorame), dad maato ah oo gaadhaaya in ka badan 700 oo qof. Taariikh-daas madaw iyo dhagarta intaa leeg, shicibkii uu ka galay, baa dhalin-yaro xusaysaa, oo iyaka oo aan wax dhibaato ah samaynayn, yidhi qu’raan iyo duco baanu u akhiri-yeynaa, baa habeenkii xalay ahaa inta uu ku soo guday, badhisaab ku ab-tirsadda jeegaanta dalka, uu mid kaste kala baxay guriggii, jeel-kana uu dhigay, ilaa imikana ay xidhan yihiin, ee sidaasi ma xaq baa? maxayse geysteen? Micnuhu maaha, wax bay dadka xasuusina-yaan, ee waa cadaawad guun ah, oo meel kale ka socota iyo rebshed abuurid uu raadinaayo, waase uu heli doonaa. wakhti ay noqoto-ba. Aduun-yadda waaya-heedda ninkii ogi ma adya-doodo, horaa-se loo yidhi, Raga ciil kama kore iyo calooshiisa la ciyaar baa u darane, ee doqon waa doqon, waxana iskama bedelaan inta uu nool yahay, sidda kan uu sare ku qoran yahay magaciisu. is dhawrna is odhan maayo, godob hore baa lagaa tirsanayaa oo is dhuub, ee waaliddii hore buu weli ku sii indho cad yahay, saw xaalku maaha markaas ” Dameertu geela ha iga didisee, weliba way ii sii qururuf leedahay”, Isma oga agaan iyo ninkii aaba-hood dalaye” Askariga meesha siddii islaan hinaastay isu qaawiyey, ee malkha-badda hawadda ka lulayaa, waa kaynu ogayn uun, ilayn dhalasho lama doorsho, oo waano dhalan baa ka adage, maalin-ba ta ka dambaysa buu dhooqadda isku sii mulaaqayaa, kuwa durbaanka u tumayaana, waa wax ka sii liita, oo aan xuusnshadda xaarka uga kicin, ee aan bal eegno halkay la gaadho iyo waxay ku dambayso, nabarka uu sii damqayo cisho kaste oo alle keeno-ba. Haduu wanaag rabo iyo maslaxo ( Uma jeedo’e), kii iska jeedin lahaa buu noqon lahaa, ee dhanka wacan ka eegi lahaa, ilawsiin lahaa waxay tirsana-yaan, mase laha maskax-daas iyo garasha-daas. Askari-waa-askari uun, oo xoog baa wax lagu muquuniyaa, mooyee dareen kale ma laha, kanina waa kii ugu sii liitay, aduun-yadda intaan dul joogay, ee aan askari uun arkaayey, ma arak kanoo kale, caqli ma leh, xihood-na kala tage, cuqdadina way ugu sii biirtay, kalsoonina umaba dhalan, oo wuxu yahay baaba iska yar, hora aloo yidhi “Dameer dambaa-bidho ma daayo, diina gurguursho waw dhaqan”, ee nin-kani sidiisa buu cudur ummadda lagu soo dhex tuuray uu u yahay, wax uu sii kala fogeeyo mooyee, cidi usgageed oo waanaag ah ma laha, looga-mana fadhiyo. Waxan ku soo xidhay, kani dawo kale ma laha, cadka uu yaqanaa, waa iska kay celi iyo qaniinyo baa qaniinyo kaa goysa. sidaas awgeed, waa in ummadda reer Somaliland ay si toos ah u taageertaa Reer Awdal, ee khaladka lagula kacay, welina lagu sii wado. N.B Ragga Ciill Kama Kore Iyo Calooshiisa La Ciyaar Baa U Liita. Qorane:- Abdi-shotaly. ashotaly5@gmail.com Source