Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,987
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Egypt and Somalia are strengthening security coordination because of what they deem are common threats. The two countries signed on March 1 a memorandum of understanding on security cooperation, a document that allows for concentrated security coordination between Cairo and Mogadishu. During a meeting in Cairo with Somali Internal Security Minister Abukar Islow Duale, Egyptian Interior Minister Mahmoud Tawfiq said increased intelligence cooperation between the two countries would weaken terrorist groups in both territories. Egypt also said it would share counterterrorism expertise with Somalia, train security personnel and exchange intelligence with Somali officials. There is concern that unrest in the Horn of Africa could threaten navigation in the southern entrance of the Red Sea, possibly affecting access to Egypt’s Suez Canal. “Somalia is a very important state in the Horn of Africa’s strategic security equation,” said Khaled Okasha, a member of the Supreme Anti-Terrorism Council, which advises the Egyptian presidency. “This is why security coordination with it is a matter of utmost importance.” Despite efforts by the government in Mogadishu, African Union troops deployed in the country and occasional air strikes by the United States, al-Qaeda-aligned al-Shabab remains a major terrorist threat in Somalia and its environs. Attacks by al-Shabab, including one March 1 near a hotel in Mogadishu, signal the need for improved counterterrorism actions in the country. Apart from threatening Somalia, al-Shabab is also a concern for neighbouring countries, especially Kenya. Egypt is fighting both the Islamic State (ISIS) and al-Qaeda-aligned groups in its territory, with many fearing that battle-hardened jihadists fleeing Syria could move into Africa. Egypt’s concern, security analysts say, is that terrorist groups in other African countries, including Somalia and Nigeria, will join militants in North Africa, particularly Libya, in a broad strategy to foment unrest in Africa. “Al-Shabab has already started staging attacks in Somalia’s neighbouring countries,” Okasha said. “Egyptian authorities are closely monitoring these developments.” Egypt, which holds the rotating presidency of the African Union, has pledged to lead the continent into greater security and an effective counterterrorism strategy. Apart from establishing a command centre for counterterrorism operations in its new administrative capital on the outskirts of Cairo, Egypt is organising joint training with other African militaries to share counterterrorism tactics. Some terrorist groups active in Africa, including ISIS-affiliated Boko Haram in Nigeria, have been providing others active in Libya with recruits through Libya’s southern border with Chad and Sudan. This has become an increasing threat for Egypt, whose border with Libya has become a hotspot for smuggling of arms and militants into Egypt’s Western Desert. This also makes security cooperation with those countries a priority for Cairo, security analysts said. “Egypt has a lot to offer to help these countries modernise their security agencies,” said MP Kamal Amer, chairman of the Egyptian parliament’s Defence and National Security Committee. “Apart from having valuable counterterrorism expertise to share, Egypt can increase economic cooperation with those countries to help them towards stability.” This was at the heart of talks between Egyptian Foreign Minister Sameh Shoukry and Somali Minister for Foreign Affairs Ahmed Isse Awad in Cairo four days after Egypt and Somalia signed the memorandum of understanding on security cooperation. Egypt, Shoukry said, would continue to back the Somali economy and push development in the Horn of Africa country. “Somalia’s security is an essential part of Egypt’s national security,” he said. A meeting of Egyptian and Somali businessmen is being planned to bolster trade and investment cooperation between Egypt and Somalia. Security conditions in Somalia, analysts said, have a direct bearing on the situation in the southern entrance of the Suez Canal, a vital international maritime passageway and an important source of revenue for Egypt. Egypt has a naval presence near the Bab el Mandeb Strait and has agreed with Sudan to increase maritime cooperation to improve security in the Red Sea region. Nevertheless, stronger cooperation with Somalia will be in the country’s best interests and a step aimed at protecting the Suez Canal from unrest in the Horn of Africa. “Sorry to say, Somalia has become a fertile soil for terrorists and pirates,” said retired Egyptian diplomat Mohamed al-Shazly. “The Suez Canal is a national security issue for Egypt.” View the full article
  2. Shirkadda duullimaadyada Ethiopian Airlines ayaa sheegtay in ay burburtay diyaarad ay leedahay Axaddii saaka kadib markii ay duushay Addis Ababa iyadoo socotay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa sidday 149 rakaab ah iyo 8 shaqaala waxaana ay ku burburtay nawaaxiga degmada Bishoftu oo qiyaastii 62 km koonfur bari ka xigta magaalada Addis Ababa sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay shirkadda Ethiopian Airlines. Diyaarada ayaa burburtay saaka markii saacadu ahayd 8: 38 AM, waxayna markaas hawada ku jirtay 6 daqiido oo kaliya. Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa isna qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka u tacsiyeeyay dadkii eheladoodu ku dhinteen shilkaasi. The Office of the PM, on behalf of the Government and people of Ethiopia, would like to express it’s deepest condolences to the families of those that have lost their loved ones on Ethiopian Airlines Boeing 737 on regular scheduled flight to Nairobi, Kenya this morning. — Office of the Prime Minister – Ethiopia (@PMEthiopia) March 10, 2019 PUNTLAND POST The post Diyaarad ay leedahay Ethiopian Airlines oo burburtay appeared first on Puntland Post.
  3. Saaka 8.00 subaxnimo saacada Itoobiya ayaa Diyaarad nooceedu yahay 737 flight ET 302 oo siday 149 Qof oo 8 kamida shaqaalaha Diyarada ahaayeen waxay ku [...] Source
  4. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose, iyo sidoo kale deegaanno ku dhow degmadaasi. Sida lagu daabacay warbaahinta dowladda, waxay ciidanka xoogga dalka Al-shabaab ka qabsadeen hub badan, kadib 9-kii bishan ay ciidanka weerar ku qaadeen xaafad ka tirsan degmada Qoryooley. Hubkan ayaa la sheegay in Al-shabaab ay dhigteen guri ku yaalla xaafaddaasi, islamarkaana uu dhowr nuuc isugu jiro. Sidoo kale, lama sheegin in howlgalkan ay ciidanka DFS ku qabsadeen hubka sidoo kale ay dad kusoo qabteen iyo in kale. Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal wararkan sheegaya in hub ay lahaayeen lagu qabtay degmada Qoryooley ee Sh/hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Adis Ababa (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya burburka diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopia Airline oo ku wajahneyd magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Diyaaradda ayaa ka duushay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana la sheegayaa inay dhinteen rakaab badan oo diyaaradaasi saarnaa. Nooca diyaaradda Ethiopian Airline ee burburtay ayaa la sheegay inay aheyd Boeing 737 , waxaana saarnaa rakaab gaaraya 157 qof, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia. Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia , ayaa qoral laga soo saaray waxaa loogu tacsiyeey ehelada ku waayay kuwii ay jeclaayeen. Lix daqiiqo kadib markii diyaaradda ay ka duushay garoonka Bole International ee magaalada Addis Ababa ayaa la sheegay inay burburtay. Caasimada Online Xafiiska Ethiopia Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (SMN) – Wafdi isku dhaf ah oo ka socday Qaramada Midoobay Midoobay iyo Midowga Africa ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho,si ay u hubiyaan qaabka uu u socdo qorshaha kala guurka AMISOM ee Soomaaliya oo hadafka laga leeyahay uu yahay in ammaanka dalka guud ahaan ay la wareegaan ciidanka dowladda Soomaaliya. Wafdiga soo gaaray Muqdisho ayaa qiimeyn doona tallaabooyinka ay qaadeen AMISOM ee ku aadan qorshaha kala guurka,sida lagu cadeeyay qaraar sanadkii la soo dhaafay uu soo saaray golaha ammaanka ee QM iyo golaha nabadda iyo amdaanka ee Ururka Midowga Africa. General Francis Okello oo hoggaaminayay socdaalka wafdiga ayaa sheegay in xubanaha ka socday labada gole ee QM iyo Midowga Africa u jeedadooda ay tahay in dib u eegis ku sameeyaan, sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku hirgali karo qorshaha kala guurka AMISOM iyo sida ciidamada dowladda ay ugu diyaar garoobeen hanashada ammaanka dalka. Wafdigan ayaa booqashadooda Soomaaliya waxay qaadan doontaa muddo todobaad ah,waxayna inta ay joogaan ay la kulmi doonaan hoggaanka AMISOM ee oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay kamid tahay caqabadaha uu xilligan wajahayo howgalka Midowga Africa ee Soomaaliya. QM ayaa bishii December ee sanadkii tagay soo saartay qaraar qeexaya in sanad weliba kun askari laga dhimo howgalka AMISOM, iyadoona bishii la soo dhaafay 1000 askari oo u dhashay Burundi oo qeyb ka ahaa howlgalka AMISOM ay dib ugu laabteen dalkooda. View the full article
  7. Kampala (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa markale ku goodiyay in dhamaan ciidamada kaga sugan Soomaaliya uu la baxayo haddii midowga Africa isku dayaan inay yareeyaan ciidamada Uganda ee Somalia jooga. Madaxeynaha Uganda wuxuu sheegay in isaga uu ku wargeliyay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in dhamaan ciidamada ka jooga Soomaaliya oo ka badan 6,400 oo askari uu la baxayo haddii la isku dayo in la dhimo ciidamada Uganda. Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Burundi uu ku hanjabay in ciidamada ka joogo Soomaaliya uu guud ahaan la baxayo haddii aan la joojin tirada ciidamada Burundi kaliya ee ka baxaya Soomaaliya. Museveni ayaa yiri: “waxaa ay noo soo jeediyeen Golaha amaanka in tirada ciidankeenna aan dhinno, laakiin waxaan u sheegay in aan dhimayo, laakiin aan soo saareyn hal Askari ilaa aan dhamaantood soo saaro”. Musaveni ayaa sheegay in ciidamada ku sugan Soomaaliya ay dalkooda ku xiran tahay inay sii wada joogaan ama inay ka wada baxaan ciidamada AMISOM ee Howlgalka ka wada Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007. Waxaa uu Madaxweyne Museveni intaas raaciyay in Muqdisho looga baahanyahay lacag Ciidan lagu qorto laakiin aysan taas muhiim ahayn, maaddaama sida uu sheegay lacagta dib laga heli karo. Uganda waxaa hanjabaada kaga horeyay Burundi, waxaana la og yahay in dhamaan dalalka AMISOM dhaqaalo badan uu kasoo galo howlgalka ay u joogaan Soomaaliya, taasi oo keeneysa inaysan ka bixin dalka, islamarkaana aysan qaban shaqo la taaban karo. Caasimada Online Xafiiska Uganda Caasimada@live.com
  8. Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in arday wada dhigta iskuul ku yaala magaalada ay isku dhex dileen iskuul ku yaala magaalada Beledweyne. Ardayda ayaa la sheegay inay dhiganayeen iskuulka Mujamac ee magaalada Beledweyne, waxaana geriyooday mid kamid ah ardayda halka ruuxa kale la sheegay inuu dhaawac soo gaaray. Ardayda ayaa isku adeegsaday Aalada Tooreyda, waxaana isbitaalka magaalada Beledweyne la dhigay ruuxa dhaawaca uu soo gaaray, sida maamulka iskuulka ay xaqiijiyeen. Ilaa iyo hadda lama sababta keentay inay labadaan arday isku weeraraan Toorey iyagoona waxkabaran jiray Iskuulka lagu magacaabo Mujamac ee ku yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Maamulka Iskuulka ayaa sheegay in labada arkay ay muddo badan murmayeen, waxaana loo malaynayaa inay horey xurguf u dhex taalay, taasi oo keentay inay Toorey isku adeegsadaan. Waxaa socda baaritaanka dhacdadaan, waxaana ciidamada amaanka la sheegay inay gaareen iskuulka ay dhacdada ka dhacday, waxaana aad loo hadal hayaa dhacdada ka dhacday Iskuulka Mujamac. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
  9. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa sheegay in amni darada ka jirta magaalada Bosaaso ay qayb ka yihiin dumarka . Waxa uu sheegay madaxweynaha in [...] Source
  10. Cutubyo ka tirsan ciidamada militariga Somaliland oo ka soo baxay dhinaca degmada Ceerigaabo ayaa ku soo wajahan koonfurta gobolka Sanaag sida ay sheegeen dadka degaanka. Taliska ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa ciidanka ku amray in ay tegaan degaanno ay kamid yihiin Yubbe Fiqi-fuliye iyo Jiidali oo dhammaantood ka tirsan koonfurta gobolka Sanaag si looga hortago Gen Caarre oo hoggaamiya jabhadda la dagaallanta Somaliland ee fadhigeedu yahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Gen Siciid Cawil Jaamac (Caarre) ayaa maalmo ka hor socdaal ku tegay degmooyin ku yaalla koonfurta gobolka Sanaag isagoo dadka halkaasi ku nool ugu baaqay in ay ku garab siiyan dagaalka uu kula jiro maamulka Somaliland. Dhinaca kale saraakiisha ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag oo saxaafadda la hadlay ayaa Puntland ku eedeeyay in ay soo hubanayso jabhadda Caarre ee saldhiga ku leh magaalada Qardho. Somaliland waxay ku hanjabtay in ay Caarre kula dagaallami doonto gudaha Puntland haddii uusan ka joojin waxay ku tilmaameen “dagaal uu ka abaabulayo dhulka nabdoon ee gobolka Sanaag“. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ciidamo u dirtay koonfurta gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  11. Wararka uu warsidaha Puntlandi.com uu ka helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Malayshiyaad ka tirsan mamaulka Jeegaanka ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Axmed ay saaka [...] Source
  12. Kooxo Burcad-baddeed ah ayaa weerar ku qaaday Markab waday shidaal oo marayay Gacanka Cadmeed ee udhexeeyay dalalka Yaman iyo Iiraan. Burcad-baddeeda ayaa wadatay ku [...] Source
  13. (SLT-Abu Dhabi)-Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa si diiran u soo dhawaysay Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi oo socdaal rasmi ah oo shaqo ku jooga dalkaas. Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa ayaa lagu soo dhaweeyay madaarka Abu Dhabi, waxaana madaarka la sudhay labada calan ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ay Madaxweyne Biixi oo ku socda roogga cas ee madaxda loo dhigo ay salaan siiyeen qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida ee UAE. Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo Masuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka, ayaa madaxweyne Biixi ku soo dhaweeyay madaarka Abu Dhabi. Waxaanay wararka soo baxayaa sheegayaan inay maanta wada hadalo rasmi ahi u bilaabmayaan Madaxweyne Biixi iyo madaxda dawladda Imaaraadka Carabta. Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in dawladda Imaaraadka Carabtu Madaxweyne Biixi u soo dirtay martiqaad rasmi ah, waxaana weftigiisa ka mid ah Wasiirada macndata iyo tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal, ganacsiga Maxamed Xasan Sacad iyo diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed. Laakiin weftiga Madaxweyne Biixi waxaan la socon oo aanay Madaxtooyadu soo hadal qaadin inuu gadaal weftiga kaga soo biiri doono Wasiirka khaarajiga Yaasiin Xaaji Faratoon oo la sheegay inuu dalka dibadiisa ku maqanyahay. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Waxa weli taagan xaaladda caafimaad ee Sheekh Cabdiraxmaan Aadan Warsame (Aadan-sune), oo ay dhakhaatiirtu ku taliyeen in lagu sameeyo qaliin deg deg ah si loo dabiibo bog dilaaca ku dhacay. Laakiin dhawr maalmood ka dib wuxuu weli Sheekh Aadan ku jiraa xabsiga Hargeysa oo markii baadhista la sameeyay dib loogu celiyay, lamana garan karo goorta ay dawladda Somaliland u ogolaan doonto in lagu sameeyo qaliin caafimaad. Garyaqaan Guuleed Dafac, ayaa dawladda ugu baaqay inay gudato waajibaad ka saaran in Sheekhu helo adeega caafimaad ee uu u baahanyahay. “Qof kasta oo xidhan oo daryeel caafimaad u baahdaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo. Haddii Shiikh Aadan Sunne u baahan yahay daawayn caafimaad, dawladda waa ku waajib inay siiso. Waa xuquuq aasaasi ah. Caafimaadka qofka iyo ilaalinta noloshiisa ayaa mudnaanta koowaad leh. Taas waxa dheer in dawladda looga baahan yahay inay ogolaato in baadhis madax banaan lagu sameeyo cabashooyinka la xidhiidha sida loola dhaqmay.” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Dafac. Qoyska Sheekh Aadan, ayaa ku celcelinaya baaq ay ku dalbanayaan in Sheekha loo ogolaado inuu helo adeega caafimaad ee uu u baahanyahay, mana jiro wax war ah oo ay xukuumadu ka soo saartay wararka ku saabsan xaaladda Caafimaad ee Sheekh Aadan-sune, laakiin waxa socda dedaalo lagu doonayo in dawlada lagu qanciyo inay ogolaato in Sheekhu helo adeega caafimaad. Dhawr goor ayay dhallinyaro iyo bulsho kaleba Madaxweyne Biixi ugu baaqday inuu cafis Madaxweyne ku sii daayo Sheekha oo ay maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ku xukuntay 5 sannadood oo xadhig ah. Waxa kale oo ay maxkamadu xukuno kala duwan ku riday dhallinyaro tiradoodu gaadhayso 18 oo lala xidhay Sheekh Aadan-sune. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga mucaaradka ee Waddani, isla markaana ah xoghayaha hawlaha guud ee xisbigan, ayaa eeddo u jeediyay wasiirada caafimaadka iyo hawlaha guud. Cabdi Haybe Maxamed, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa wasiirada caafimaadka iyo hawlaha guud ku eedeeyay inay ku haystaan dhul uu ku leeyahay Baligubadle, isagoo ugu horeyn ka hadlaya arintan yidhi “Waxa jira qolooyin isku mashquuliyey (Health Post), duntay oo ku taalay Balgibudle, oo markii aan anigu Wasiirka ahaa aan mid cusub u dhisay, tii hore duntayna aniga bedel ahaan la ii siiyey, markii aan anigu mid cusub dhisay, ayaa aniga dhul ahaan la ii siiyey, oo waliba bedel ahaan baa la ii siiyay, la iskama kay siine,anigaana dib u dhistay, markaas qolooyinkii Hawlaha guud iyo Caafimaadka ayaa waxay ku leeyihiin Cabdi Haybe ayaa Health Post qaatay, anigaaba si gaar ah oo ugu dhisay xarun intan ka weyn, oo waliba haddii la kordhinayo oo MCH, laga dhigayaba aan dhul weyn u ooday, Wasiiradda Hawlaha Guud iyo Caafimaadka oo aan hore ugu sheegay siday wax u dhaceen ayaa imika buuq abuuray, waxaan leeyahay Wasiiradda Hawlaha Guud iyo Caafimadka, aniguba sharci baan haystaa, ee Dugsigii Haweenka Dumarku mee, Shirkadii Laydhka ee Hargeysi halkay ku dambaysay, waxay Wasiiradda Caafimaadka iyo Hawlaha guud isku mashquulinayaan 10x4m oo Cabdi Haybe leeyahay, ee hantidii umadda ka dhexeeysay ha la doono, Health Post, imika maaha ee waa aqal aan anigu leeyahay, oo aan sharcigiisina u haysto, ee anigu waaban u celin karaa,marka la I siiyo wax kasta oo iga baxay, laakiin waa in dhaqan xumada la joojiyaa, yaan dadka nadiifta ah lagu mashquulin, boobkii dhacay, iyo hantidii umadda ee lagu takrifalay, wax qarsoon maaha ee waa in dib loo soo celiyaa, oo gacanta dawladda dib ha loogu soo wada celiyo.” Source
  16. (SLT-Nairobi)-Wargeyska The East African ee ka soo baxa Nairobi ayaa isweydiiyey in laga yaabo inay Dowladda Kenya ka baxdo Dacwadda Muranka Xuduud-baddeedka kala dhexeeya Soomaaliya ee hor taalla Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ee ku taalla magaalada The Hague ee dalka Holland. Wargeyska waxa uu qoray inay Kenya ku guul-daraysatay inay dalalka deriska iyo Beesha Caalamka helaan Xal Saaxiibtinimo oo lagu xalinayo Khilaafka Xuduud-baddeedkaasi. Ilo Diplomaasiyadeed ayaa sheegaya inay Dowladda Kenya haatan isku tijaabinayso inay Soomaaliya dib uga laabato Dacwadda taalla Maxkamadda ICJ, si ay ugu qanciso xal ay labada dal ku wadaagayaan Horumarinta kheyraadka Shidaalka iyo Gaaska. Ilo kale ayaa sheegay inay Dowladda Kenya ku cadaadinayso Somalia inay dib uga laabato Khariidadii ama Maabkii lagu soo bandhigay magaalladda London ee lagu xaraashayey Xirmooyinka Shidaalka iyo Gaaska. Si kastaba, Soomaaliya wey diiday inay la wadaagaan Khariidada Xuduud-baddeedka lagu dagaalsan yahay. Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxaa lagu hayaa cadaadis si ay u soo celiso Xidhiidhka Diplomaasiyadeed ee Soomaaliya, kadib, markii ay caydhiyeen Safiirkii Soomaaliya, isla markaana ay u yeedheen Safiirkii ka joogay Muqdisho. Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya waxay keliya oo ay ku heshiiyeen ayaa ahaa in laga wada shaqeeyo Nabadda iyo in la dejiyo xiisadda. Xigasho: The East African, NBI. Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay inay heshiis la galeen 40 oday dhaqameed Soomaaliyeed oo matalaya beelaha kala duwan ee Soomaalida, kadib kulan ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraal lagu baahiyay baraha Al Shabaab ayaa lagu sheegay in odayaasha muddooyinkii u dambeeyay ay siminaar kaga qeyb galayeen goob aan la sheegin oo ku taala Shabeelaha Hoose. Waxaa sidoo kale la sheegay in odayaasha lagala heshiiyay inay Al Shabaab kagala qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ciidamada ajaaniibta ee ku sugan Soomaaliya iyo dowladda Soomaaliya. Sheikh Xuseen Cali Fiidow oo ka wakiil ahaa hogaamiyaha Al Shabaab Abuu Cubeyda ayaa la sheegay in odayaasha oo gaaraya 40 oday dhaqameed uu heshiis la galay, kadib munaasabad ka dhacday Shabeelaha Hoose. Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka oo dhankooda munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inay Al Shabaab ka taageeri doonaan dagaalka ka dhanka ah dowladda iyo ciidamada ajaaniibta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. (SLT-Khartoum)-Sagaal haween ah oo ka qeyb qaatay dibedbaxyadii ka dhacay Sudan ayaa lagu xukumay min bil xabsi ah iyo labaatan karbaash middiiba. Waxaa lagu helay dembi ah inay qeyb ka ahaayeen rabshadaha dhacay. Xukunka ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka dib markii uu madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir amray in la sii daayo dhammaan haweenka loo xiray dibedbaxyada ka dhanka ah dowladda ee bilowday bartamihii Disembar. Sagaalka dumarka ah ayaa la horgeeyay mid ka mid ah maxkamadaha xaaladda degdega ah ee dhawaan loo sameeyay in lagu xukumo dibedbaxayaasha. Gabar qareen ah oo u doodaysay haweenka ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto xabsiga iyo karbaashka lagu xukumay. Xukunka lagu riday dumarka ayaa ku soo beegmay maalin uun ka dib markii uu madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo xusayay maalinta caalamiga ah ee haweenka uu sheegay inuu ku amray taliyaha hay’adda sirdoonka iyo ammaanka, Saalax Ghosh, inuu sii daayo dhammaan haweenka u xiran dibedbaxyada. Xukunka maxkamadda ayaa sii kordhin doona shakiga ah inuu khilaaf dhex yaallo madaxweyne Al-Bashir iyo ninka u qaabilsan ammaanka. Bishii hore, Mr Ghosh ayaa sheegay in madaxweynaha uu shaacin doono inaanu isu sharrixi doonin doorashada dhacaysa sanadka soo socda. Madaxweynaha ayaa markaa ka dib jeediyay khudbad uu ku shaaciyay in dalka uu galiyay xaalad degdeg ah. Source
  19. Wararka ka imaanayaa gobolka Bari ayaa sheegaya in malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay go’doomiyeen degaanno ku yaalla buuraleyda degmada Qandala oo ay ku sugan yihiin kooxda taabacsan Daacish. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa la sheegaya in gooyeen waddooyin yar yar oo soo gala degaannada buuraleyda ah ee ay ku jiraan Afgaraar iyo Miiraale halkaasi oo bilihii u dambeeyay dagaallo qaraar ku dhex mareen labada dhinac. Dadka ku sugan degaanno ka durugsan dhulka labada kooxoood isku haystan ayaa soo sheegaya in dhawaqa rasaas culus maalmaha qaar laga maqlayo halkaasi. Hase yeeshee waxa adag in faahfaahin laga helo iyadoo isgaarsiinta tuulooyinkaasi ay go’yeen dhinacyada dagaallamaya ee kala taabacsan Daacish iyo Al-shabaab. Sidoo kale malayshiyaad ka tirsan Al-Qaacida ayaa dhanka Koonfureed ee dalka Yemen uga soo gurmanayan kooxda Al-shabaab sida ay warbaahinta Puntland Post u sheegeen ilo’ wareedyo kala duwan. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo go’doomiyay tuulooyin ku yaalla gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT-Tunisia)-Wasiirka caafimaadka Tunisia, Cabdirauf Sharif ayaa iscasilay ka dib markii 11 ilma markaa uun dhashay ah ay ku dhinteen cisbital ku yaal caasimadda Tunis. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in baaritaanno la sameeyay ay muujinayaan in ilmahaasi ay u dhinteen caabuq ka dhashay oksijiin la’aan mudadii u dhexeysay todobada ilaa sideedda bishan Maarso. Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Yuusuf Shahiid ayaa sheegay in baadhitaan lagu hayo cisbitalkaasi ay dowladdu maamusho gaar ahaan farmashiyaha iyo habka faya-dhowrkiisa. Wasiirka iscasilay ayaa xilkaasi loo magacaabay afar bilood ka hor. Ururka ay leeyihiin dhakhaatiirta carruurta ee Tunisia ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inay suuragal tahay in caabuqa ilmaha dilay uu ka dhashay waxyaabaha lagu duray. Ururka ayaa sidoo kale dhaliilay “xaaladaha adag ee ay ku shaqeeyaan hawlwadeennada caafimaadka”. Adeegga caafimaadka Tunisia ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay kuwa ugu wanaagsan Waqooyiga Afrika, waxaana dakhli wanaagsan uu dalkaasi ka helaa dadka caafimaadka uga soo doonta dibedda. Balse tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyne Zayn al-Caabidiin Bin Cali sanadkii 2011, daryeelka caafimaad ee Tunisia ayaa waxaa ragaadiyay dhibaatooyinka dhanka maamulka iyo dhaqaalaha ah oo ay uga sii dartay dawo yaraan soo noq-noqotay. Source
  21. Muqdisho (PP) ─ Inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa la xiray, iyadoo lagu wado in saacadaha soo socda caasimadda dalka la keeno madydka wasiirkii hore ee arrimaha dastuurka Somalia, Marxuum C/raxmaan Xoosh Jabriil oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Dubai ee dalak Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Wadooyinka qaarkood ayaa la diiday inay maraan shacabka, taaasoo xubno ka tirsan saraakiisha ciidamada Somalia ku sheegeen inay tahay sababo la xiriira dhanka ammaanka. Aaska marxuumka ayaa lagu wadaa inay ka qayb-galaan mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka Somaila, waxaana la sheegay in lagu aasi doono gudaha isbitaalka Madiina ee Muqdisho, inkastoo ay dhici karto in goob kale lagu aaso. Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun lama filaan ah oo kula soo booday dalka Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay ku sugnaayeen inta badan xubnaha qoyskiisa, isla markaana la doonayay in lagu mehriyo gabdhiisa. Sidoo kale, Marxuumka ayaa waxaa maydkiisa kasoo raacay Dubia wasiirka caafimaadka Somalia, Cabadullaahi Goodax Barre oo ay Muqdisho iska raaceen markii ay ku socdeen Dubai iyo kale oo ay ehel yihiin. Dhanka kale, Lama oga in Madaxweyne Farmaajo uu aaska ka qayb-galayo in kale, inkastoo madaxweynuhu uu si murugo leh uga tacsiyeeyay geerida marxuumka oo uu ku tilmaamay mas’uul aqoontiisa geliyay Somalia si loo helo dastuur la isku raacsan yahay. Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa Muqdisho ka dhoofay toddobadkii hore isagoo caafimaad qaba, balse waxaa maanta lagu soo celinayaa Xamar isagoo mayd ah oo aan noolayn. PUNTLAND POST The post Waddooyinka Muqdisho oo xiran iyo Maydka Wasiir Xoosh oo kusoo Wajahan Caasimadda appeared first on Puntland Post.
  22. Ceerigaabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Sanaag ayaa ku warramayaa in saaka ciidanka S/land ay dhaq dhaqaaqyo milatari ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi. Ciidamadan oo wata gaadiidka gaashaman ayaa la sheegay in ay ka hortagayaan jabhad oo uu hoggaamiyo Korneyl Caare oo horay uga tirsanaa maamulkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. View the full article
  23. Kismaayo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in Aaska wasiir Xoosh kadib maanta uu gaaro M/Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Qaban-qaabadii ugu dambaysay ee lagu soo dhoweynayo ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan si weyn uga socota gudaha magaaaladaasi. Boorar waawayn oo lagu daabacay sawirrada ra’iisul wasaaraha iyo madaxwaynaha Jubbaland oo lagu muujinayo soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ayaa lagu dhejiyay qeybaha ay ka koobantahay magaala xeebeedka Kismaayo. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kahyre ayaa la filayaa marka uu gaaro halkaasi in uu la kulamo madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayna ka wada hadlaan arrima badan oo ay kamid tahay adkaynta amniga, gaar ahaan sida Al Shabaab looga saari karo gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. Ammaanka ayaa loo adkeeyay, iyadoona saaka Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland. View the full article
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay hub badan ka furteen xubno ka tirsan Al Shabaab kadib howlgal qorsheysan oo ciidamada ay ka sameeyeen degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sida lagu baahiyay wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ciidamada amaanka ayaa howgalka qorsheysan ka sameeyay xaafadda Howlwadaag ee degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose. Hubka ciidamada amaanka ay soo furteen ayaa ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay ciidamada Al Shabaab ay isaga carareen halka weerarka uu ka dhacay, taasi oo keentay inay soo furtaan hubkaasi. Sidoo kale ciidamada amaanka iyo kuwa huwanta ayaa la sheegay in Al Shabaab ka dileen afar sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Wakaalada Wararka SONNA ayaa shaacisay in ciidamada amaanka aysan waxyeelo kasoo gaarin weerarka oo ahaa mid qorsheysan oo ka dhacay degmada Qoryooleey. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab, waxaana dhawaan ay soo bandhigeen sawiro muujinayay weerarka ciidamada isbaheysanaya ay ku qaadeen deegaanka Gamboole. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (SMN) – Waxaa saacadaha soo socda ee maanta la filayaa in garoonka Aadan Cadde ee M/Muqdisho laga soo dajiyo Allaha unaxariistee Meydka wasiirkii Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo jimcihii la soo dhaafay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Abu Dubai ee dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Qaban qaabo xoogan ayaa ka socota Muqdisho, taas oo ay dowladdu ugu diyaar garoobeyso Aas Qaran oo loo sameynayo Marxuumkaasi. Madaxda ugu sarreysa dalka, sida ra’iisul wasaaraha, madaxweynaha iyo golayaasha dowladda ayaa ka qeyb gali doona Aaska wasiir Xoosh. Dhanka kale waxaa saaka xiran Waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoona aad loo xadiday dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha. Ciidamo Boolis ah ayaa la soo dhoobay qaarka mid ah Isgoysyada caasimadda, kuwaas oo gabi ahaan xiray waddooyin muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed. Arrintan ayaa lala xariirinayaa diyaargarowga ay dowldau ugu jirto soo dejinta iyo Aaska wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil. View the full article