-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa lagu dhex dilay guri uu ka dhisanayay xaafad isku raran ah oo ku taala degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana xiliga la dilayay la sheegay inuu lacago u qeybinayay shaqaalaha dhismaha. Qaar kamid ah dadka degen xaafadda uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in Xildhibaan Boqore uu kamid ahaa saaxiibadooda gaarka ah, islamarkaana uu wax badan u qabtay qaar kamid ah shacabka uu la noolaa. Waxay sheegeen in xildhibaanka uu shalay yimid inuu kormeer ku sameeyo dhismaha guri uu isaga lahaa oo looga dhisayay isla xaafadda dhexdeeda, waxaana la sheegay inuu xiligaasi lacag u qeybinayay shaqaalaha dhismaha. Waxaa soo baxaya xogo kale oo sheegaya in dadka dilka xildhibaanka ka dambeeyay muddo inay ku sugnaayeen Guriga islamarkaana xildhibaanka uu u heystay inay shaqaalaha la socdaan. Kooxaha Hubeysan ayaa rasaas xoogan la dhacay Xildhibaan Boqore, markii uu dhameyn rabay bixinta lacagaha shaqaalaha dhismaha waday. Hoos ka daawo Muuqaalka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Unspecified warplanes have launched an overnight airstrike targeting Al-Shabaab militants in southern Somalia, the latest in a series of aerial bombings in the country, some claimed by the US military. Sources said the fighter jets bombed Awdheegle and Janaale towns in Lower Shabelle region, close to the Somali capital, Mogadishu. There was no immediate confirming of the casualties of the attack. At least seven missiles fired by the warplanes were reported to have stricken residential areas in Awdheegle, but, details of the losses remained sketchy. Heavy gunfight erupted between militants and foreign forces in the town of Janaale following the undercover raid which comes amid joint military operation by Somali and AU troops in the region. Al-Shabaab and Somali government both did not speak about the airstrike U.S. military ramped out airstrikes in Somalia, targeting Al-Shabaab and Islamic State militants since Trump came into office in early 2017. View the full article
-
Somali police have said the law enforcement agencies successfully detained two men in connection with the killing of a federal lawmaker in Mogadishu on Saturday evening. Gen. Abdullahi Hassan Barisse, a police commissioner said the police captured the car suspected to have been used for the attack. Gen. Barisse noted that the forces conducted thorough operations to hunt down the perpetrators of the attack. “The police arrested two suspects and a car which is thought to have been used to carry out the attack,” he said. The commissioner called on the public to work with the security forces to enhance the security of the city. Two young men armed with pistols have assassinated a veteran MP, Osman Elmi Boqorre. The killing of MP Boqorre was claimed by al-Shabaab saying their fighters had executed the assassination of the veteran lawmaker. “Members of our Mujahidiin shot and killed the longest-serving member of the parliament of the apostate government,” the statement reads in part. Late Boqorre was a former deputy speaker of parliament and oldest member of the current house of the people. He was a major in the Somali army who fought in Somalia-Ethiopia war of the 1970s. View the full article
-
Rag hubeysan ayaa goor dhow waxa ay deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho ku dileen askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya. Askariga la dilay ayaa watay Mooto nooca Fekon loo yaqaan, waxaana la sheegay in ragga dilka geystay ay iyaguna sidoo kale wateen Mooto kale. Dilka kadib ayaa raggii hubeysnaa waxa ay qaateen qori AK-47 ah oo askariga uu watey, iyaga oo halkaasna isaga baxsaday. Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska oo goobta gaaray ayaa sameeyey baaritaanno, waxaana halkaasi ay kasoo qaadeen meydka askariga la dilay. Dilalka sidan oo kale ah ayaa noqday kuwo kusoo noq-noqday magaalada Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidanka Booliiska ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in aan la aqbli doonin dhallinyarada amni darrada ku wadda magaalada Garoowe ee gobolkaasi. Xasan C/laahi Maxamed, taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Nugaal ayaa u sheegay warbaahinta in cid walbo oo ay kusoo qabtaan amni darro iney maxkamadda geyn doonaan. Taliyaha ayaa u digay dadka waalidiinta ah ee ka daba-yimaada carruurtooda marka lasoo qabto iyaga oo shacabka dhibaya. “Waxaan u sheegayaa reer Garoowe in wax dhib wada oo dadka dhaca laga ogolaaneyn magaalada, kaan qabanno waxaan ballanqaadeynaa inaan sii deyn, ninkii sharciga wax ka waayo waa lasii deyn, kii wax lagu helana waa la xukumi, waxaan u sheegayaa dadweynaha ciddii dambiile daba-joogta inaan u aqoonsan doonno inuu isaga soo dirsaday” ayuu yiri taliyaha. Ammaanka magaalada Garoowe ayaa maalmahan dambe waxaa dhib ku hayey dhallinyaro dadka dhac iyo boob ku haya, iyadoo ciidamada ammaankana ay xoojiyeen howlgallada ay ammaanka ku sugayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay jiraan dad loo soo qabtay dilkii shalay magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore. Jeneraal C/laahi Xasan Bariise, taliyaha hoggaanka waaxda canshuuradaha ee ciidanka Booliiska oo la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay iney dilkaasi usoo qabteen Labo qof iyo sidoo kale gaari nooca raaxada ah oo ay wateen. Bariise ayaa sheegay in weli ay ku raad-joogaan dad kale oo dilkaasi lagu tuhunsan yahay, islamarkaana ay gacanta kusoo dhigi doonaan cid walbo oo falkaasi lug ku yeelata. Cid walbo oo falkaan loo soo qabto wuxuu sheegay taliyaha in cadaaladda la horgeyn doono. Rag hubeysan ayaa shalay waxay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileen Allaha u naxariisteen xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa faalo ka qoray xiisadda diblumaasiyadeed ee dalalka Kenya iyo Soomaalya, waxaana Kenya uu sheegay inay sameysay qaladaad badan, isaga oo ugu dambeyn ugu baaqay inay Kenya dhageysato go’aanka Maxkamadda ICJ, waxaana qoraalka wargeyska u qornaa sidan:- Kenya waxay u baahan tahay inay hoos u dhigto hadalada kulkul ee ay jeedineyso, taasi oo la xiriirta dhul badeedka ay dooneyso inay xoog kaga qaadato Soomaaliya. Khamiistii lasoo dhaafay, Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa wariyaasha sheegtay “Maku wareejin doono qeyb kamid ah dhulka Kenya dowlad kale” ayay tiri xoghayaha arrimaha dibadda Kenya. Waxay sidoo kale hadalkeeda ku dartay inay cunaqabateyn saari doonaan Soomaaliya, iyaga oo ka eegaya nooca jawaabta ay bixinayaan madaxda dowladda Soomaaliya ama haddii ay ku guul dareystaan inay raali gelin bixiyaan. Sidoo kale wasiir Juma ayaa wariyaasha u sheegtay in wadamada caalamka qaarkood ay dagaal u aadaan waxyaabo yaryar, taasi oo ka dhigneyd Kenya inay la dagaalameyso Soomaaliya. Kenya waxay leedahay masuuliyadda ay ku difaaceyso dhulkeeda iyo madax banaanideeda balse luqadda ay Kenya adeegsatay ayaa loo arkaa inay tahay cagajugleyn iyo mid qasab ah. Inkastoo Kenya ay tani sheeganeyso Haddana maxkamadda Cadaalada adduunka ayaa waxaa horyaala kiista dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya, halkaas oo mid kasta oo ka mid ah dhinacyadu ay fursad u heystaan inay soo gudbiyaan dacwadooda. Inkasta oo Kenya ay ka soo horjeedo awoodda ICJ-da ee arrinta dacwadda badda waxaana ay doorbiday degenaansho la’aan diblomaasiyadeed iyo mid siyaasadeed. Sida ku heshiiyeen 2009-kii – Soomaaliya waxay ku guuleysatay wareeggii koowaad kiisna maxkamad horteeda. Dhawaaqa duufaanta dagaalka ma xallin doono dhibaatada. Waa lagama maarmaan in Kenya ay ICJ dhageysato oo ay go’aamiso arrinta. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka fuliyey deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Xarakada Al-shabaab. Wararku waxay sheegayaan in diyaaradahan ay duqeyntan ka fuliyeen deegaannada Awdheegle, Janaale, iyo sidoo kale Kuunya-barow, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Inta la xaqiijiyey waxaa duqeyntan ku dhintey Afar qof, iyadoo dhaawac uu jiro. Diyaaradahan dagaal oo loo maleynayo iney yihiin kuwa Maraykanka ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday saldhigyo ay lahaayee Al-shabaab. Ma jirto weli faah faahin intaan ka dheer oo duqeymahan laga helay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Gabiley)-Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti oo uu hoggaaminayo ayaa xalay waxa ay u hoydeen magaalada Gabiley. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xalay waxa uu kalamo kala duwan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka gobolka Gabiley. Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta u gudbaya Magaalada Boorama oo maalinta bari ah la filayo uu ka furmayo Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Muxaafidka ah KULMIYE. Markii labaad ee uu Madaxweyne Muuse Biixi booqasho ku tago gobolka Gabiley isaga oo kulamo gooni-gooni ah la qaatay dadweynaha kala duwan muddadii sannad iyo badh ku dhaw oo xilka hayo, waxaana xusid mudan in ay jiraan gobolo ka tirsan Somaliland oo aanu wali booqan Madaxweynuhu tan iyo markii la doortay Source
-
Afgooye (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqemo dhinaca cirka ah oo xalay ka dhacay gobolka Shabeenaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lagu garaacay deegaanada Awdhiigle iyo Janaale ee gobolkaasi. Illaa todobo gantaal ayaa ku dhacay deegaanka Awdhiigle, kuwaas oo qaarkood la sheegay in ay ku hoobteen Guryo ay daganaayeen dad rayid ah. Sidoo kale dhorwr gantaal ayaa la sheegay in lagu dhuftay qeybo ka mid ah deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoona uu xigay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray Al Shabaab iyo ciidamo ku daatay deegaankaasi. Ma jirto illaa iyo hadda cid ka hadashay duqeymahaasi diyaaradeed, balse xaaladda ayaa saaka ah mid dagan. The post Duqeyn xoogan Oo ka dhacday gobolka Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Maareeyihii hore ee Madbacadda Qaranka Somaliland Siciid Saalax Shire ayaa muddo todobaad ka badan ku xidhan Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa, iyadoo la sheegay in loo haysto arimo Musuq Maasuq. Mareeyihii hore Madbacadda Qaranka Somaliland Siciid Saalax Shire oo xilka Madbacada Qaranka uu ka qaaday Madaxweyne Biixi dhamaadkii sanadkii hore December 31, 2018 ayaa isla wakhtigaasi waxa loo taxaabay Xabsiga, waxaa saacado yar kadib markii uu xidhnaa damaanad loogu soo daayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadaw oo soo damiintay. Balse waxa haddana mar kale dib loogu celiyay xadhigii Muddo todobaad ah ka hor, waxaanu ku xidhan yahay Saldhiga Dhexe ee Magaaladda Hargeysa, mana jirto sida la sheegay wax Maxkamad ah oo wali la horgeeyay. Inkasta oo aanay Xukuumaddu ka hadal sababta masuulkan lagu haysto, haddana illo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxay inuu lacag kor u dhaafaysa 80-Milyan oo Shilinka Somaliland ah uu baanka Somaliland kala baxay isla maalintii Xilka laga qaaday, taasi oo ka dhigan in loo haysto arimo musuq maasuq iyo lacag aanu sharcigu u banayn oo uu la baxay. Warar kale ayaa sheegaya in inuu si weyn gacan ugu leeyahay xadhiga masuulkani Maareeyaha Cusub ee Madbacadda Qaranka Somaliland ee masuulkan Xilka kala wareegay Maxamud Raage Ibraahim oo aad uga cadhooday Lacagtaasi uu masuulkii ka horeeyay kala sii baxay Baanka, walaw ay odayaal reerkooda ahi isku dayeen inuu saamaxo oo uu dusha u rito bixinta lacagtaasi haddana wuu diiday, waxaanu talada u daayay Xukuumadda iyo hay’addaha ay arintani khusayso inay talaabada ku haboon ka qaadaan masuulka xidhan. Source
-
Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa warka subax ee Idaacadda Goobjoog, waxaana idiin tabinaya wariyaheenna Hanad Cali Guuleed. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/SAAKAY-IYO-GOOBJOOG-24-02-2019.mp3 Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa maalinta isniinta ah ka furmaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kulan uu la qaatay madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo waxa uu ugu sheegay ajandaha shirka golaha dhexe kuwaas oo uu ku soo daray qodob ku saabsan in guddida fulinta ee xisbiga lagu soo dari doono xubno cusub qaar hore ugu jirayna lagu ansixiyo. Wararka ayaa sheegaya in xubnaha lagu darayo guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE uu ugu horeeyo wasiirkii hore ee madaxtooyada md Maxamuud Xaashi Cabdi. Sidoo kale wararka xaqiijiyey in kursiga gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo hunguri kaga jiro siyaasi Maxamuud Xaashi aan si ku meelgaadhnimo ah loo wareejinayn, taas oo guul kale oo siyaasigaas isku diyaarinaya la wareegida hogaanka xisbiga Kulmiye. Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere iyo ex Wasiir Cabdicasiis Samaale ayaa ka mid ah xubnaha ku jira guddida fulinta ee codka loo qaadi doono, iyada oo la buuxin doono jagooyin ay guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye ka baneeyeen siyaasiyiin uu ka mid yahay Cabdilaahi Jawaan oo iska casilay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay madax u noqoneyso Golaha Wasiirrada ee Jaamacada Carabta. Amb. Cawad ayaa sheegay in lixda bilood ee soo socota ay Soomaaliya qaban doonto Hoggaanka Golaha Wasiirrada Jaamacadda Carabta tan iyo sanadkii 1974-kii. Soomaaliya ayaa 10 sano ka hor shir guddoomisay Shirka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Qaahira, waxaana xilligaas shir guddoomiyay Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Wasiir Cawad ayaa ka mid ah waft Madaxweyne Farmaajo ee ka qeyb galaya shirka hoggaamiyayaasha dalalka Carabta iyo kuwa Midowga Yurub ee maanta ka furmaya Magaalada Sharma Sheekh. Shirka maanta ka furmaya Magaalada Sharma Sheekh waxaa ka qeybgelaya 22ka Hoggaamiye ee Waddamada Jaamacadda Carabta iyo 28-ka Hoggaamiye ee Waddamada Midowga Yurub. Waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa Maalgashiga, xidhiidhka, la dagaallanka Argagixisada iyo sidii loo yareyn lahaa Muhaajiriinta ka baxa Waddamada Carabta ee u tahriiba dalalka Yurub. Source
-
(SLT-Riyadh)-Sucuudiga ayaa sheegay in Amiiradda Riima Bint Bandar ay noqon doonto danjirahiisa cusub ee dalka Maraykanka, taas oo aha haweenaydii ugu horraysay ee boqortooyadu xil danjirenimo u magacawdo. Magacaabideeda waxa lagu shaaciyey digreeto boqortooyo oo soo baxday Sabtidii. Amiirad Riima waxay qayb ka mid ah caruurnimadeedii ku qaadatay Washington oo ay ku kortay. Waxay xilkan qabanaysaa xilli adag oo Sucuudigu isku dayeyeyo in uu dejiyo cadhadii heerka caalami ahayd ee ka dhalatay geeridii weriye Jamaal Khaashoqji. Warar is burinaya oo ay ku faahfaahinayso wixii dhacay ka dib, ayaa boqortooyadu waxay kama dambaystii qiratay in Khaashoqji lagu dilay sanadkii hore qunsuliyadda dalkiisu ku leeyahay Istanbul oo uu galay. Amiirad Riima waxay xilka kala wareegi doontaa dhaxal sugaha taajka boqortooyada walaalkii oo ka yar, Amiir Khaalid Bin Salmaan, oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga. Waxa kale oo ay qaadaysaa dhabbihii aabaheed Bandar Bin Suldaan oo ahaa danjireha Sucuudga u fadhiya Maraykanka 1983 ilaa 2005. Maadaama oo aabaheed xilkaa hayey waxay caruurnimadeeda qayb ka mid ah ku noolayd dalka Maraykanka, waxaanay shahaadada koobaad ka qaadatay jaamacadda George Washington oo ay ka baratay daraasaadka matxafyada. Tan iyo markii ay ku noqotay magaalada Riyaad 2005-tii, Amiirad Riima waxay ka shaqaysay xarumaha dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay labadaba. Waxay xilal ka qabatay dhawr shirkadood oo kuwa ganacsiga ah oo ay ka mid tahay shirkadda Harvey Nichols oo ay madax ka noqotay qaybteeda Sucuudiga. Amiiradda waxay dad badani u arkaan in ay tahay qof xuquuqda haweenka uga doodda dal badanaa lagu dhaliilo heerka sinnaan la’aanta labka iyo dheddiga. Markii ugu dambaysay waxay ka shaqaynaysay wakaaladda maamulka ciyaaraha, waxa aanay xoogga saartay sidii loo kordhin lahaa ka qayb galka haweenka ee ciyaarah iyo jimicsiga. Waxa kale oo lagu yaqaannaa dedaalka ay ugu jirto wax ka qabashada cudurka kansarka ee naasaha ku dhaca. Source
-
(SLT-Pyongyang)-Warbaahinta qaranka Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay xaqiijisay in hogaamiye Kim Jong-un uu u kicitimay shirka uu Vietnam kula yeelanayo Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump. Warbixinn lagu baahiyay warbaahinta qaranka ee Kuuriyada waqooyi ayaa ah qirashadii ugu horeysay ee xukkumadda Pyongyang ay ku shaacinayso in shirka Hanoi uu dhici doono. Warbixinn lagu baahiyay warbaahinta qaranka ee Kuuriyada waqooyi ayaa ah qirashadii ugu horeysay ee xukkumadda Pyongyang ay ku shaacinayso in shirka Hanoi uu dhici doono. Socdaalkiisa waxaa la shaaciyay saacado uun ka dib markii tareen gaashaaman oo midabkiisu yahay cagaar iyo huruud uu ka gudbay xadka dalkaasi la leeyahay Shiinaha. Safarka dalka Vietnam ayaa la filaya in uu qaato 60 saacadood. Waxaa la aaminsanyahay in safarka ay ku weheliyaan walashiis Kim Yo Jong, iyo mid kamid dadkii wadahadalada ugu qeybgalayay Jeneraal Kim Yong Chol. Waxaa jirto hadal hayn sheegaysa in Mr Kim uu booqani doono xarumaha ganacsiga ee Vietnam shirka ka hor. Donald Trump ayaa waxaa uu isku deyi doona in uu siiyo Kim kaalmo loogu talagalay in lagu kaabo dhaqaalaha dalkiisa ee sii liicayay hadii uu joojiyo barnaamijkiisa nukliyeerka. Shirka madaxeedkan labaad ee aadka looga dhursugayo ayaa waxaa uu dhici doona maalinta Arbacada. Image captionVietnam waxa ay leedahay mid ka mid ah dhaqaalaha sida wayn u kobcaya ee Aasiya Maxaa Vietnam lagu doortay? Vietnam oo ay maamulaan shuuciyiin balse dhaqaalaheedu uu hanti-goosadku yahay ayaa haatan waxaa loo arkaa inay saaxiib la tahay Washington iyo +Pyongyang. Dalka ayaa waxaa haatan waxaa loo arkaa inuu yahay “goob dhexdhexaad ah” oo buuxin karo dhammaan shuruudaha ay doonayaan Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, sida uu sheegayo Carl Thayer, oo khabiir ku ah arrimaha Vietnam oo uu saldhiggiisu yahay Jaamacadda New South Wales, ee dalka Australia. Prof Thayer ayaa waxa uu u sheegay BBC-da laanta Viernam: “Doorashada Vietnam loo doortay inay martigaliso kulanka labaad ee Trump iyo Kim ma ahan oo kaliya mid xulasho un ku timid.” “Vietnam waxaa loo doortay in dhab ahaantii dhammaan dhinacyadu ay ku kalsoon yihiin awoodda ay u leedahay inay sugto ammaanka kulankaasi. Dhammaan dhinacyaduna waxa ay rumaysan yihiin in Vietnam ay tahay goob dhexdhexaad ah”. Source
-
Sucuudiga oo Haweenay u magacaabay Safirkiisa u fadhiyi doona Dalka Maraykanka Riima Bint Bandar Bin Suldaan Sucuudiga ayaa sheegay in Amiiradda Riima Bint Bandar ay noqon doonto danjirahiisa cusub ee dalka Maraykanka, taas oo aha haweenaydii ugu horraysay ee boqortooyadu xil danjirenimo u magacawdo. Magacaabideeda waxa lagu shaaciyey digreeto boqortooyo oo soo baxday Sabtidii. Amiirad Riima waxay qayb ka mid ah caruurnimadeedii ku qaadatay Washington oo ay ku kortay. Waxay xilkan qabanaysaa xilli adag oo Sucuudigu isku dayeyeyo in uu dejiyo cadhadii heerka caalami ahayd ee ka dhalatay geeridii weriye Jamaal Khaashoqji. Warar is burinaya oo ay ku faahfaahinayso wixii dhacay ka dib, ayaa boqortooyadu waxay kama dambaystii qiratay in Khaashoqji lagu dilay sanadkii hore qunsuliyadda dalkiisu ku leeyahay Istanbul oo uu galay. Amiirad Riima waxay xilka kala wareegi doontaa dhaxal sugaha taajka boqortooyada walaalkii oo ka yar, Amiir Khaalid Bin Salmaan, oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga. Waxa kale oo ay qaadaysaa dhabbihii aabaheed Bandar Bin Suldaan oo ahaa danjireha Sucuudga u fadhiya Maraykanka 1983 ilaa 2005. Maadaama oo aabaheed xilkaa hayey waxay caruurnimadeeda qayb ka mid ah ku noolayd dalka Maraykanka, waxaanay shahaadada koobaad ka qaadatay jaamacadda George Washington oo ay ka baratay daraasaadka matxafyada. Tan iyo markii ay ku noqotay magaalada Riyaad 2005-tii, Amiirad Riima waxay ka shaqaysay xarumaha dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay labadaba. Waxay xilal ka qabatay dhawr shirkadood oo kuwa ganacsiga ah oo ay ka mid tahay shirkadda Harvey Nichols oo ay madax ka noqotay qaybteeda Sucuudiga. Amiiradda waxay dad badani u arkaan in ay tahay qof xuquuqda haweenka uga doodda dal badanaa lagu dhaliilo heerka sinnaan la’aanta labka iyo dheddiga. Markii ugu dambaysay waxay ka shaqaynaysay wakaaladda maamulka ciyaaraha, waxa aanay xoogga saartay sidii loo kordhin lahaa ka qayb galka haweenka ee ciyaarah iyo jimicsiga. Waxa kale oo lagu yaqaannaa dedaalka ay ugu jirto wax ka qabashada cudurka kansarka ee naasaha ku dhaca. Qaran News
-
(SLT-Sharma-sheekh)-Shirweynihii Koowaad ee Hoggaamiyayaasha dalalka Carbeed iyo kuwa Midowga Europe ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo magaalladda Sharma-sheekh ee dalka Masar. Shirkaasi oo socon doona muddo 2 maalmood waxaa La-guddoomiye ka nodonaya Guddoomiyaha Ururka Midowga Europe, Donald Task iyo Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-siisii, waxayna Hoggaamiyayaasha kaga wada xaajoon doonaan Ajendayaal ay ugu muhiimssan yihiin Iskaashiga Carabta iyo EU-da, Ammaanka, Tahriibka, Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Xalladaha dalalka Syria, Libya, Falastiin iyo Yemen iyo qoddobo kale. Madax sare oo uu ka mid Boqorka Sacuudiga iyo Madax kale oo Carbeed ayaa iyagana ka qeyb galaya shirkaasi oo muhiimad u leh Danaha Guud ee dalalka Carabta iyo kuwa Midowga Europe. In ka badan 20 Hoggamiye oo ka socda Dowladaha EU-da ayaa la filayaa inay Kulankaasi ka soo qeyb galaan, halka Tiro aan la cayiman oo Madaxda dalalka Carabta ku wehlin doonaan Shirka Sharma-sheekh. Dhinaca kale, Dowladda Qatar waxaa Shirkaasi u matalaya Wakiilkooda Joogtada ee u jooga Ururka Jaamacadda Craabta, Ibraahim Al-sahlaawi. Wargeyska Arabi Al-jadiid ee ka soo baxa magaalladda London waxa u uka soo ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Qatar inay go’aankaasi qaateen, kadib, markii ay Dowladda Masar warqadda Casuumaadda Ka-qeybgalka Shirkaasi ay ugu soo dhiibeen Safaaradda dalka Giriigga ku leeyihiin dalka Qatar, halkii u unidaamku ahaa in si toos ah loogu soo dhiibo Wakiilka Joogtada ee Dowladda Qatar u jooga Xarunta dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta ee magaalladda Qaahira. Source
-
Duqa caasimadda Puntland ee Garoowe, Axmed Siciid Muuse ayaa guddi u magacaabay, xallinta khilaafaadka dhulka iyo bogcadaha lagu muransanyahay ee ku yaalla magaaalada Garoowe. Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gollaha degaanka ahna duqa caasimadda, ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 5 xubnood oo u xilsaaran, xallinta khilaafaadka dhulka, gaar ahaan bogcadaha lagu muransanyahay. Guddigan ayaa maamulka, maxkamadaha iyo Booliiska Garoowe kala shaqeyn doona, xallinta khilaafaadka ka yimaada dhulka ku yaalla gudaha iy nawaaxiga magaalada. PUNTLAND POST The post Duqa caasimadda Garoowe oo guddi u magaacabay xallinta khilaafaadka dhulka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Minnesota)-Gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka ee ay deggan yihiin inta badan Soomaalida dalkaasi u haajirtay ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ka jirto baahi baahsan oo dhanka macallimiinta ah. Arrintan ayaa waxaa loo aanaynayaa bulshadaasi oo aanan soo saarin macallimiin ku filan dadkooda. Haddaba si taa looga gudbo ayaa mas’uuliyiinta deegaanku waxa ay Soomaalida ku dhiirigeliyaan inay iska diiwaangeliyaan macaahidda lagu bixiyo tababarrada macallinimada. Mas’uuliyiinta ayaanan intaa ku ekaannee waxa ay dadka doonaya ku dhiirigeliyaan inay ka dabari doonaan wixii kharashaad ah ee la xiriira kuliyadaha culuumtaasi lagu barto. Source
-
Benjamin Netanyahu oo lagu haysto xidhiidh uu sheegay inuu la leeyahay Somalia & Jabuuti Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa lagu haystaa inuu ka been sheegay xidhiidh diblomaasiyadeed aan jirin oo uu sheegay in dowladdiisa ay la leedahay Soomaaliya iyo Jabuuti. Dooddan ayaa ka dhalatay Khariirad uu maamulkiisa diyaairiyey, oo Netanyahu uu dhowaan tusay hogaamiyayaasha Yahuudda-Mareykanka. Khariiradda ayaa waxaa midabo kala duwan ay ku muujineysaa xidhiidhada kala duwan ee Israel la leedahay dalalka Afrika. Sida uu qoray wargeyska Times of Israel, warbixinta la socota Khariiradda ayaa cinwaan looga dhigay “Israel waxay ku laabaneysaa Afrika” waxaana dalalka Afrika ay u qeybineysaa afar nooc oo afar midab kala ah. Mid ka mid ah afartaas midab oo ah midabka buluga khafiifka ah, ayaa waxaa lagu muujiyey inay yihiin dalalka Israel ay la leedahay xidhiidhka diblomaasiyeed, balse aysan wax safaarad ah ku lahayn. Waxaa dalalkaas ku jira Soomaaliya iyo Jabuuti, hase yeeshee wargeyska Times of Israelayaa qoray in maamulka Netanyahu uu arrintaas ka been sheegay, islamarkaana labadaas dal aysan wax xidhiidh ah la lahayn Israel. Xafiiska Netanyahu iyo wasaaradda arrimaha dibedda oo wargeyska uu wax ka weydiiyey arrintan ayaa diiday inay wax jawaab ah ka bixiyaan. Si kastaba, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda oo codsaday inan magaciisa la sheegin ayaa wargeyska u sheegay in la midabeeyo Soomaaliya iyo Jabuuti laguna sheego inay xidhidh la leeyihiin Israel ay ahayd Khalad ay sameeyeen kooxdii diyaarisay Khariiradda. Netanyahu oo wajahaya doorasho adag oo dhowaan dhaceysa ayaa loo arkaa inuu sidan u sameeyey inuu ku xoojiyo guulihiisa siyaasadda arrimaha dibedda. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay duqeeyeen degmadaasi Awdheegle. Duqeynta ayaa lagu waramayaa in lala eegtay maxkamad Al Shabaab ay leeyihiin oo ku taala degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ku qaadi jireen dacwadaha ka dhanka ah dadweynaha. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in duqeynta ay haleeshay goob ay Al Shabaab canshuurta ku qaadi jireen oo ku taala degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Al Shabaab ayaa dhankooda sheegay in duqeynta lala eegtay Shacabka ku nool degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida lagu baahiyay qoraal AL Shabaab ay ku faafiyeen barahooda ay wararka ku faafiyaan. Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka KuunyaBarow ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay sheegeen in seddex ruux oo shacab ah ay ku dhinteen. Duqeymo kale ayaa sidoo kale ka dhacay degmada Janaale iyo deegaanka Dacaar ee gobolka SHabeelaha Hoose, waxaana adag in la helo xog dheeri ah oo ku saabsan duqeynta ka dhacday Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors
