Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxay ahayd 2012 kii markii ay xukuumadda ingiriisku ka badheedhay ee ay soo jeedisay in Somalia iyo Somaliland u wada hadlaan laba dhinac iyadoo Caalamkuna ka yahay markhaati ilaa iyo ergooyin 50 dowladood ka kala socday ka dib Xukuumadda Turkiga ayaa soo afduubtay wada hadalkii Somalia iyo Somaliland,waxayna bedeshay Sawirkii ama qaabkii wada hadalku u socon lahaa oo halkii ay ka ahayd dhex dhexaadin(Mediation) wuxuu isu beddelay (Good Office) macnaha gogosha ayunbaanu idiin dhigaynaa waxana Somalia wada hadalka u hogaaminayay Wasiierkooda Arrimaha Gudaha halka ay Somaliland uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa halkaas ka muuqatta sida loo kala durugsanyahay. Haba se ahaatee wixii la isku afgartay ama lagu heshiiyay Istanbuul I iyo II way ka baxday Xukuumadda Somalia oo ay ugu muhiimsanayd in hawada si wada jira ah loo maamulo iyo in la iska daayo hadallada warbaahinta la isu marinayo ee wax kala fogayn kara hase ahaattee Somalia mar keliya afka kamay dhigin inay iyadu ka taliso Somaliland iyo inay hawada maamulkeeda iyadu la wareegtay.Cid arrintan kala xisaabtantay ma jirto ama xattaa Canbaaraysay waayo Turkiga ayaa masuul ka ahaa wada hadalka isaguna wuxuu ka dhiganyahay inuu Somalia si cad ula safan yahay. Waxa meesha ka muuqatta in Turkigu isagoo eegaya danihiisa oo keliya oo ah inuu Africa Awood iyo saamayn ku yeesho soona ceshado awwoodii ay lahaan jirtay Dowladdii Cusmaaniyiinta inuu wakhti badan ka lumiyo Umadda Somalida hore wuxuu uga lumiyay 6 sanadood imikana 10 sanadood oo kale ayuu rabaa in sidaas la sii ahaado wuxuuna u arkaa in Somalia oo mid ah ay tahay dantiisa. Waxa dhowaan soo baxay inuu Turkigu u magacaabay Ergey Cusub (Dr Olgan Bekar) wada hadallada Somaliland iyo Somalia oo waa kuma Ergaygaasi?waa Safiirkii Somalia Muqdisho u fadhiyay oo markii laga bedelay Safaaradda ee uu Turkiga ku noqday isla markiiba loo magacaabay Ergeyga wada hadallada Somaliland iyo Somalia isla markiiba waxa qaabilay oo casuumay Safiirka Somalia u fadhiya Turkiga Danjire Jaamac A Maxamed isagoo u riyaaqsan magacaabista ninkaas wuxuuna ballan qaaday inay Dowladda Somalia la shaqayn doonto una fududayn doonto howsha loo igmaday.”Farxad ayay ii ahayd inaan danjire Olgan Bekar ku qaabilo Ankara” Sidaas ayuu yidhi Danjiraha Somalia,Waxa meesha ka muuqda inaan dhex dhexaadnimo ka muuqanin meesha Faaiido iyo midho dhalna aan u ka soo bixi doonin Wada hadal kasta oo Turkigu gacmaha kula jiro balse uu yahay Luggooyo iyo Wakhti Lumin. Wakhtiga oo sii luma Somaliland faaiido uma laha Sababtu waxay tahay Somaliland Yool ayaa u cad oo ay Higsanaysaa ah inay gaadho Aqoonsi ay beesha caalamka ka hesho,Hase ahaatee Dhinaca Somalia waxad moodda inaanay dan iyo muraad ka lahayn wakhti lumaya ee ay ugu dhantahay magacaas Somalia ee ay ku shaqaystaan maadaama Somalia dawadeedu fogaatay oo aanay howl yarayn sida ay ku gaadhi karaan Nabad iyo Xasilooni macnuhu waxa weeyaan wax ha la wada qabo hana la iska lusho uun. WAXA FIICNAAN LAHAYD IN SOMALIA IYO SOMALILAND SI CAD OO AAN GABASHO LAHAYN LOO WADA HADLO OO IYAGU DANTOODA DHAMAYSTAAN HADDII TAAS LA ISKU AFGARAN WAAYO WAA IN LAHELAA CID DHEX AH OO KALA GURTA UNA GAR QAADDA OO AAN AHAYN TURKIGA,ISLA MARKAANA WAA IN LAGU CELIYAA WADA HADALKA LONDON. WAY FIICANTAHAY IN SWITZERLAND AMA SOUTH AFRICA LAGU QABTO WADA HADALKA LABADA DHINAC WAXASE MUUQATTA IN ARRINTII AY SOMALIA KA XUMAATAY AY AHAYD MARKII NICOLAS HAYSOM UU SOO JEEDIYAY IN KOONFUR AFRICA LAGU WADA HADLO AY AAD UGA XUMAADEEN SABABTA UGU WAYN EE AY U ERYEEN AY TAAS AHAYD. Waxa qurux badnaan lahayd inay Somaliland Diplomasiyad heer sarraysa ay ciyaarto iskuna daydo sidii Turkiga looga wareegi lahaa,Caalamkan loogu muujin lahaa in aanay Xukuumadda Turkigu dhex ahayn ee la helo cid dhex ah oo u gar qaadda Labada Waddan Waa Somalia iyo Somaliland Nooca wada hadal ee midho dhal noqon karaa waa laba uun A)-Reconcilation oo macneheedu yahay in labada waddan waxay ku heshiin lahaayeen loo yeedhiyo oo la yidhaa qodobadaas raaca iyo B)Mediation oo ah Dhex dhexaadin ka gardaran la qabanayo oo Runta loo sheegayo, arrimahaas waxay ka suurto geli karaan meel ahaan ahayn Turkiga. Wa billaahi Towfiiq Rashiid Odowaa Khadarsalaan@mail.com 063-4101213 Source
  2. Xildhibaan Ibraahin Mahdi wuxuu sheegay in Xukuumadii Siilaanyo ku wareejisay Xukuumada hadeer talada haysa 80 malyuun oo doolar , Wasiiradii Maaliyadda ee Xukuumadii Siilaanyana waxay sheegtay in aanay wax dayna wareejin haba yaraatee , Wasiirka Maaliyada ee hadeer xafiiska joogana isna wuxuu cadeeyay in aan warkaasi jirin xildhibaanku sheegay . Sidaa markay tahay , mucaaradada aynu tabayno maanta oo kale waxa ay tahay , in Xisbiyada mucaaridku mawqifkooda cadeeyaan ku saabsan arrintan , Xubnaha Golaha Wakiilada ugu jira Mucaaridkuna arrintan golaha mooshin ahaan u horgeeyaan . Maqnaanta xildhibaano firfircoon oo mucaaridka goleyaasha ugu jiraana , waxay ka dhigan tahay maqnaanta mucaaridadii sharcigu jideeyay ee rasmiga ahayd . W/Q: Axmed Nuur Guruuje. Source
  3. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa fartay Diblumaasiyiinta qunsulyadda caasimada Sacuudiga ee Jeddah in ay dalka dib ugu soo laabtaan muddo 30-cisho ah. War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda kaasi oo loo diray warbaahinta ayaa nan lagu shaacin sababta ka dambeysa arrintaan. Hoos ka akhriso bayaanka The post DFS oo u yeertay Diblumaasiyiinta Qunsulyadda Jeddah appeared first on Shabelle. View the full article
  4. (SLT-Hargaysa) Aqoonyahan Jamaal CALI Xuseen oo cilmiga dhaqaalaha ku xeel dheer ayaa sheekadan ka qoray kala hadalkii shalay iyo maanta ee Wasiir Sacad Cali Shire. Sheekaddii Maanta # 2 Niman tuug ah ayaa beri hore Bangi weyn dhacay. Lacagtii ay qaateen badnaanteeddii ayeey tirin kari waayeen Oo haleeli waayeen. Mida ka mid ah ayaa yidhi; ” waar inaga kaxeeya meesha idaacadda ama warbaahintaba waynu ka maqli doonaaye.” Kolkay u caraabeen ardaaggii ama guriggii ay ku dhuumanayeen ayuunbay mar qudha maqleen Raadiyowgii Oo leh Bankiggii weynaa ee hebel waxa laga dhacay US$ 20 million Oo doolar. Nimankii tuugta ahaaba iyagoo yaaban xadigan la sheegay inay dhaceen ayeey tiro ku dhaqaaqeen lacagtii ay soo dhaceen. Tiraddii ka dib Waxay nimankii tuugta ahaa ogaadeen lacagta rasmiga ah ee ay qaateen inay tahay uun US$10 million Oo doolar. Oo show madaxdii Ugu sareysay ee Bangiggii la dhacay ayaaba u heshiiyey oo u dhex raaciyey oo $10 million kale Oo dheeraad ah Oo ay hoos u qaatay Oo kana dhigeen inay tuugtii hore dhacday lacagta US$20 million ee idaacadaha iyo warbaahinta dhamaan laga sheegay. Haddaba tuugtii hore Oo ka cadheysan in wax aanay qaadan lagu masabiday Oo tuugtan kale ee Baanka Ninka haystaa horkacaya ay bilaash iyo hawl yari wax ku dhacayaan, halka tuugtii hore ay rafaad u mareen Bangiggii ay dhacayeen. Kolkaa tuugtii hore ayaa telefoon iyagoo ku hadlaaya warbaahinta si sir ah uga qiranaya in ay iyagu dhaceen US$ 10 million Oo keliya, madaxdii Baankuna ay u dhex raaciyeen 10 ka million ee kale. Mar qudha ayaa warbaahintii ku soo jeesanaysa madaxdii Baanka Oo ay kashifmayaan. Kolkaasay madaxdii Baanku iyagoo yaaban mar kale si habachabac u dafirayaan warkooddii hore iyagoo leh doorkan: ” Qalad ayaa laga fahmay warkaygii hore ee waxa qudha ee maqan ee la dhacay waa US$10 million, askarigii warka naga qoraayey baa qaldaye raalli ahaada! ” Bal Adba! Jamaal Cali Xuseen Source
  5. Jabuuti (SMN) – Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa maanta kula kulmay Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, caasimada dalkaas. Socdaalka uu Gudoomiye Mursal ku tegay dalka Jabuuti ayaa ahaa mid aanan la shaacin, iyada oo labada mas’uul ay kawada hadleen qodobo ay kamid yihiin xaaladaha labada dal gaar ahaan amniga iyo siyaasada. Jabuuti ayaa kamid ah dalalka ay ciidamo kaga sugin yihiin Somalia, oo qayb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo la filayo in sanadkaan laga dhimo ku dhowaad 1,000 askari. The post Gudoomiye Mursal oo la kulmay Madaxwaynaha Jabuuti appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Somaliland: Wasiirka Maaliyada Oo Arrintii $80 Million Ku Saxday Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyada Somaliland ayaa maanta warsaxafeed uu qabtay ku qiray in ay arrintan deyntu ay jirto, hase yeeshee tirada $80 Million ee uu fagaaraha soo dhigay xildhibaan Ibrahim Buubaa, af-hayeenkii hore ee Waddani, in ay khalad tahay. Markaa, su’aasha meesha talaa waxa weeye “Deynta ama lacagta la liqay ma ka badantahay $80 million?” Videoga warsaxaafeedka uu bixiyey wasiir Sacad ayaa noqotay caddeyn in ay arrintan deyntu jirta, tiradi inkastaba ha noqotee. Markaa, ama $80 million ha ka yaraato ama ha ka badnaato, ee arrinta deynta ama lacagtan la liqay, waa wax jira. Midkaa wasiirka ayaa afkiisa ku cadeeyey. Markaa maahmaahdii ahayd, “Beeni raad ma leh” wataa. Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaa la haboon in ay iska daayaan sidii arrintan loo aasilahaa. Iyagu deynta may gelin, loomana haysto, xukunkii ka horeeyey baa ka masuul ah. Haddii ay arrintu noqoto in xisaabtan, inkastaba ha noqotaa, la wada liqay, oo wixii maanta jooga iyo kuwii shalay talada dalka hayey, ay dhuunta mariyeen, dee, waa arrin kale. Wixii dhacay, dhac. Dadka Somaliland, meel kasta oo ay jogaanba way ogyihiin boobkii iyo musuq-maasuqii ka jiray dalka todobaddii sannadood ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud “Silaanyo” ku magacaabnaa xafiiska. Nasiib daradu waxay tahay, intii laga hortagi lahaa musuq-maasuqa weli jira, in la isku dayo, sidii loo qarin lahaa. Haddii aad bugtid oo aad caafiimaad doonasid, marka ugu horreysa waa inaad qirataa ama aqbashaa in uu xanuun ku hayo. Somaliland musuq-maasuq baa ka jira, inaga oo keliya ma aha, adduunkuu oo dhan buu ka jiraa. Lakiinse, Somaliland waa dal sabool ah, shillinkii la dhaco, waa shillin laga dhacay carruuteena, hooyooyinkeena, aabayasheen iyo walaaloheenba. Somaliland waxay weligeed ku dhisnayd, wada hadal, wada tashi iyo go’aan wadaag. Haddii aynu maanta wixii jira indhaha ka xidhano, berrina wixii yimaada waxba kama qaban karno. Ahmed Kheyre Qaran News
  7. London (Caasimada Online) – Berri oo khamiis ah waxaa magaalada London ka dhacaya dibadbax looga soo horjeedo xaraashka xirmooyinka shidaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay shirkaasi qaadaceen guddiyada kheyraadka ee labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, xisbiyada midowga nabadda iyo dimoqraadiyadda (UPD) iyo Wadajir iyo waxgaradka Soomaaliyeed. Soomaalida London qaarkood ayaa qorsheynaya inay berri dhigaan dibadbax xooggan oo looga soo horjeedo shirkan. Cusmaan Sheekh Maxamed (Qoox) oo ah madaxa qaban-qaabiyeyaasha dibadbaxa ayaa sheegay in ujeedka uu yahay “in la joojiyo shirka xaraashka shidaalka, oo xilligan aaney Soomaaliya u diyaarsaneyn in aan wax la qeybsanno caalamka”. Qoox oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Sharciga marka la fiiri, aqalka sare shirkan waa diiday, guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee golaha shacabka waa diiday, oo lama soo marin labada gole, sharciyadii lama sameyn, dalka ma aha iib, ma rabno in dalka ceyriin lagu qeyado”. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in ay Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, waxaana arrintaas isku af ka ahaa Engineer Karar Shukri Doomey, oo ah agaasimaha wasaaradda Batroolka iyo shirkadda sahanka shidaalka ee Spectrum Geo. Laakin maalmihii tagay ayey isla dowladdii ku sheegtay shirkan London soo bandhigga sahanka shidaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  8. (SLT-Jigjiga)-Dalka Itoobiya tan iyo intii uu isbadalka ka dhacay waxaa jira waxyaabo badan oo isbadalay. Deegaanka Soomaalida ayaa ka mid ah meelaha laga dareemayo isbadalka ballaaran. Balse isbadalka dhanka nidaamka iyo siyaasadda marka laga soo tago ayaa waxaa jira isbadallo heer bulsho ah oo deegaanka Somaalida ka dhacay. Saamaynta beelaha la heyb sooco. Guud ahaan deegaannada Soomaalida waa uu ka jiraa dhaqanka heyb sooca ee lagu sameeyo beelaha qaar. Balse deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa intii ay jirtay xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar waxaa la qaaday tallaabooyiin uu maamulkiisa arrintaas wax uga qabanayay. Tallaabooyiinkaasi waxaa ka mid ahaa in xukuumaddii hore ay aroos wadareed u samaysay lamaaneyaal ka soo kala jeeday beelaha la heyb sooco iyo beelaha kale. Heyb sooca beesha Gabooye. Beelaha lagu heyb sooco dhulka Soomaalida waxaa ka mid ah beesha Gabooye oo dagta deegaano kala duwan. Haddaba xilligan la joogo arrintaasi maka dhex jirtaa odayaal dhaqameedyada? Dadka qaar ayaa ku doodaya in arrintaasi ay weli si weyn u jirto oo aanay qarsoodiba ahayn, maadaama odayaal dhaqameedka qudhooda lagu dhaliilayo iney takooraan madaxda dhaqanka ee beelaha la hayb sooco. Suldaan Shaqlane Suldaan Cali Suldaan Xuseen oo ah oday dhaqameed kasoo jeeda beesha Soomaalidu ay heyb soocdo ee Gabooyaha ayaa sheegay in isaga qudhiisa ay arrintaasi ku dhacday. Suldaan Shaqlane oo wareysi siinayay BBC ayaa sheegay in muddooyiinkii ugu dambeeyay sidii caadada ahayd aan lagu soo wargalin shirarka ay qabtaan odayaal dhaqameedka taasi oo uu u arko in ay tahay heyb sooc. “Hadda ka hor sidii naloo xusi jiray reer ahaan ama oday ahaan oo naloogu yeeri jiray kulamada iyo qaddarintii midna ma muuqato”, ayuu yiri Suldaan Shaqlane. Suldaanka ayaa sheegay in marka odayaasha ay shirarka qabanayaan aan isaga lagu soo wargalin si uu beeshiisa u matalo. “Waxaad mooddaa in takoorkii hore ee dhaqanka uu wali halkiisii taagan yahay, iyagu way is wargaliyaan(Odayaasha)laakiin aniga wax la ii soo sheego ma laha”, ayuu ku daray hadalkiisa. Suldaan Shaqlane Suldaan Cali Suldaan Xuseen ayaa sheegay in Odayaasha salaadiinta ah uu waydiiyay sababta aan beeshiisa shirarka dhaqanka loogu casuumin, balse la siiyay jawaab aan waafi ahayn. Jawaabta la siiyay ayuu sheegay iney ahayd “waan ilownay waan masquulnay” iyo erayo la mid ah, kuwaasoo uu u tix galiyay nidaam takoor ah. Wuxuu intaas ku daray in ay jiraan odayaal badan oo uu saaxib dhaw la yahay, balse aysan u caddeyn sababta looga tago oo aan shirarka looga qeyb galin, iyadoo arrintaasna ay beeshiisu si aad ah uga xun tahay. Waxa uu suldaanka farta ku fiiqay in waayadii hore ka qaybgalka kulamada ay wax wayn u arkaysay beeshiisa, balse imika ay niyad jabsan yihiin Suldaankan oo ah odayga matala beesha Gabooye ayaa dhinaca kale xusay in beeshiisa aan wax saami ah laga siinin mamaulka cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. BBC Somali Source
  9. INAA LILAAHI WA INAA ILEUHI RAAJUCUUN. GEERIDU WAA XAQ. Allaah ha u naxariistee Marxuumad Sahro Xaaji Maxamed Nur Islaan ayaa maanta oo ah Arbaco 6.02.2018 [...] Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa nasiib daro ku tilmaamay in shacabka Somaliland oo la sheegayo in hal milyan in ka badani ay soo wajahday gaajo iyo macaluuli in xukuumadda iyo madaxwayne Biixi-ba ku mashquulsan yihiin dhisida Madaxtooyo Cusub. Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in lacagta ku baxaysay Madaxtooyadda cusub aanay cidna garanayn inta ay tahay iyo xaga laga keenay,waxaana uu sheegay inaanay somaliland wakhtigan mudnaan u ahayn in madaxtooyo loo dhiso. “Iyadda oo la leeyahay shacabkii milyan iyo badh ayaa gaajo u dhimanaya mudnaan uma aha somaliland in guri cusub oo qasri ah oo madaxtooyo dhisato oo ay ku bixiso lacag faro badan oon la garanayn tiradeeda.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay Saab Tv Xukuumadda ayaa baryihiin u dambeeyay ku mashquul sanayd dhisida madaxtooyo cusub oo aan shacabka loo soo bandhigin qiimaha ku baxaya iyo waliba xaga laga keenay lacagta lagu dhisayo taasi oon iyaduna noqonaysa qorshe kale oo faro ku godan tahay. Dadka Siyaasadda u dhuun daloola ayaa sheegay in madaxwayne muuse biixi looga baahnaa lacagta uu ku dhisayo madaxtooyadda inuu ku bixiyo shacabka somaliland ee la shaaciyay in ka badan hal milyan in ay cun yaraan soo wajahday oo ay u baaan yihiin gargaar deg deg ah. Halkan hoose ka DAAWO hordha waraysigaasi Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Taliyihii ciidammada booliska Somaliland ee gobolka Badhan oo shalay u goostay maamulka Puntland ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Malta (Caasimada Online) – Wargeyska Times of Malta ee dalka Malta ayaa qoray in dilkii agaasimihii DP World ee dekedda Boosaaso Paul Anthony Formosa oo reer Malta ahaa, uu ahaa mid arrimo dhaqaale ay dhiir-geliyeen ee aanu ahayn mid siyaasadeed. Agaasimaha machadka daraasaadka caalamiga ah ee Roma, Nicola Pedde ayaa u sheegay wargeyska “Al-Shabaab waxay marar badan fulisay weeraro lagu dhaawacayo sumcadda dowladda, hase yeeshee dilka Formosa wuxuu ahaa mid dhaqaale”. “Fariinta Al-Shabaab ay u dirtay Imaaraadka Carabta ayaa ahayd: Danihiina halkan waxay nagu yihiin caqabad dhaqaale” ayuu yiri. “Al-Shabaab waxay inta badan lacagaha ka heshaa ganacsiga sharci-darrada ah iyo maamulka dekedaha, mana ogolaaneyso in dibedda ay saameyn uga timaado” ayuu yiri. Nicola Pedde waxa uu intaas ku daray “Al-Shabaab waxaa macquul ah inay shirkadahan ku eedeeyeen inay bililiqeysanayaan Soomaaliya, hase yeeshee sababta rasmig ayaa ah inay doonayaan inay lacag kasoo gasho dekedaha. Shirkadahan waxay afduubteen ilo-dhaqaale oo muhiim u ahaa Al-Shabaab” Donald Brownrigg, oo isna madax ka ah shirkad dhinaca amniga qaabilsan ayaa sheegay in Shabaabka ay siyaabo badan lacagta uga helaan dekedaha, sidaas darteedna ajnabi maamula dekedda uu caqabad ku yahay. “Waxay dadka ka shaqeeya dekeaha ka dalbadaan lacag ay naftooda ku badbaadiyaan ama la dili doono haddii aysan bixin” ayuu yiri. Shirkadda P&O oo hoos tagta DP World ayaa heshiis 30 sano ah waxay sanadii 2018 kula wareegtay maamulka dekedda magaalada Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Roma caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-060219.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Somaliland: New National Teacher’s Training College Inaugurated. The Somaliland President Muse Bihi Abdi, accompanied by the Minister of Education & Science, Osman Aden Jama, and other dignitaries opened the new national teacher’s training college in Hargeisa. Speaking at the opening ceremony, the president paid tribute to all teacher’s across Somaliland, who are educating and moulding the future generations of the nation. The president also thanked the EU for it’s support of the new college, including, but not limited to the construction, but other educational tools, training instructors, bursaries, and the opportunity for further teacher training in overseas colleges. It is anticipated, when the new college’s (which sits on extensive land) development is completed, will be able to house up to 250 teachers of both gender, and will also include a new library, a recreation area, a conference centre, canteen and other facilities. Qaran News
  15. (SLT-London)-Maalinta Barri oo khamiis ah waxaa magaalada London ka dhacaya dibadbax lagaga soo horjeedo xaraashka shidaalka Soomaalida. Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay shirkaasi qaadhaceen guddiyada kheyraadka ee labada golle ee baarlamaanka federaalka ah, xisbiyada midowga nabadda iyo dimoqraadiyadda (UPD) iyo Wadajir iyo waxgaradka Soomaaliyeed. Cusmaan Sheekh Maxamed(Qoox) oo ah madaxa qaban-qaabiyeyaasha dibadbaxa oo la hadlay ayaa sheegay in ujeedka uu yahay “in la joojiyo shirka xaraashka shidaalka, oo xilligan aaney Soomaaliya u diyaarsaneyn in aan wax la qeybsanno caalamka”. Qoox oo sii hadlaya waxaa uu yidhi “Sharciga marka la eego, aqalka sare shirkan waa diiday, guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee golaha shacabka waa diiday, oo lama soo marin labada gole, sharciyadii lama sameyn, dalka ma aha iib, ma rabno in dalka ceyriin lagu qeyado”. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in ay Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baadhista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, waxaana arrintaas isku af ka ahaa Engineer Karar Shukri Doomey, oo ah agaasimaha wasaaradda Batroolka iyo shirkadda sahanka shidaalka ee Spectrum Geo. Laakin maalmihii tagay ayey isla dowladdii ku sheegtay shirkan London soo bandhigga sahanka shidaalka Soomaaliya. Haddaba, Soomaaliya ayaa shirkan aadey iyada oo aaney diyaar u aheyn: Ma DhameystirnasSharciga Batroolka oo baarlamaanka federaalka ayuu la yaalla. Diyaar ma aha xerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment) Ma jiro Xeer-hoosaadka Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement). Looma oga si sax ah shidaalka ku jira balook-yada kala duwan iyadoo sal looga dhigayo xogaha 2-D saysmikada, lamana qiimeyn. Lama sameyn qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment). Lama diyaarin Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law) Soomaaliya ma lahan aqoon iyo khibrad ku filan oo hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xidhiidha ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed deg deg ah kasoo saaray shirka shidaalka Soomaaliya ee berri ka furmaya magaalada London. War-saxaafadeedkan ayaa yimid laba saac un kadib, markii Caasimada Online ay ku eedeysay xisbigan inuu ka aamuso inuu caddeeyo mowqifkiisa arrimaha muhiimka ah ee ku saabsan xaaladda dalka, gaar ahaan shirka London. Halkan ka aqri qoraalkii Caasimada Online. Ilo-wareedyo ka tirsan xisbiga, ayaa u sheegay Caasimada Online in xubnaha xisbiga isla garteen inay qalad weyn ahayd inay muddo intan la eg ku qaadato inay shirkaas jawaab ka bixiyaan, ayada oo qoraalkan uu yimid markii ay ku baraarugeen faallada Caasimada Online. Si kastaba qoraalka kasoo baxay xisbiga ayaa lagu dalbaday in dowladda Soomaaliya ay shirkaas joojiso. Waxyaabaha xisbiga Himilo Qaran uu uu sababta ka dhigay ayaa ah inay walaac abuureyso deg degta dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku iibiso shatiyada xirmooyinka shidaalka Soomaaliya. Qoraalka Xisbiga Himilo Qaran, ayaa sidoo kale lagu sheegay in qodobka 44-aad ee xeerka lagu maamulayo shidaalka iyo kheyraadka Soomaaliya uu weli yahay qabyo oo aan la ansixin. Waxa uu xisbiga sheegay in ha’aydihii maareen lahaa arrimahan, gaar ahaan xeerarka iyo sharciyada ku hareerysan maamulka shidaalka Soomaaliya aan la meel-marin, ayada oo taas ay dheer tahay in dowladda Soomaaliya aysan iminka lahayn awood ay wada-xaajood wanaagsan kula gasho shirkadaha daneynaya shidaalka Soomaaliya. Hoos ka aqriso qoraalka xisbiga Himilo Qaran
  17. Berri oo khamiis ah waxaa magaalada London ka dhacaya dibadbax looga soo horjeedo xaraashka shidaalka Soomaalida. Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay shirkaasi qaadhaceen guddiyada kheyraadka ee labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, xisbiyada midowga nabadda iyo dimoqraadiyadda (UPD) iyo Wadajir iyo waxgaradka Soomaaliyeed. Cusmaan Sheekh Maxamed(Qoox) oo ah madaxa qaban-qaabiyeyaasha dibadbaxa oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ujeedka uu yahay “in la joojiyo shirka xaraashka shidaalka, oo xilligan aaney Soomaaliya u diyaarsaneyn in aan wax la qeybsanno caalamka”. Qoox oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Sharciga marka la fiiri, aqalka sare shirkan waa diiday, guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee golaha shacabka waa diiday, oo lama soo marin labada gole, sharciyadii lama sameyn, dalka ma aha iib, ma rabno in dalka ceyriin lagu qeyado”. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in ay Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, waxaana arrintaas isku af ka ahaa Engineer Karar Shukri Doomey, oo ah agaasimaha wasaaradda Batroolka iyo shirkadda sahanka shidaalka ee Spectrum Geo. Laakin maalmihii tagay ayey isla dowladdii ku sheegtay shirkan London soo bandhigga sahanka shidaalka Soomaaliya. Haddaba, Soomaaliya ayaa shirkan aadey iyada oo aaney diyaar u aheyn: 1. Ma DhameystirnasSharciga Batroolka oo baarlamaanka federaalka ayuu la yaalla. 2. Diyaar ma aha xerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment) 3. Ma jiro Xeer-hoosaadka Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement). 4. Looma oga si sax ah shidaalka ku jira balook-yada kala duwan iyadoo sal looga dhigayo xogaha 2-D saysmikada, lamana qiimeyn. 5. Lama sameyn qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment). 6. Lama diyaarin Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law) 7. Soomaaliya ma lahan aqoon iyo khibrad ku filan oo hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xiriirka ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Qore :Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Golaha-Shacabka wali wuxuu ku shaqeeyaa Xeerkii Qab-Qablayaashii Dagaalka!..Waxay Ina badeen waxay ina bareen baa nooga daran! Kheyre iyo Farmaajo waxbaa loo [...] Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal u jeediyey ardayda wax ka barata dugsiga Hoose dhexe ee Qudhac-dheer iyo macallimiintooda, ayaa ardayda ku bogaadiyey inay ku dedaalaan waxbarashadooda, isla markaana ay dhexda u xidhaan sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen hoggaaminta dalkooda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalalka Somaliland, Kiiniya iyo Soomaaliya u qaabilsan dalka Finland Ambassador Erik Lundberg. Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay safiirka dalalka Somaliland, Kenya iyo Soomaaliya u qaabilsan waddanka Finland, ayaa lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sidii ay dawladda Finland Somaliland uga caawin lahayd horumarinta waxbarashada iyo iskaashiga dhinaca maal-gashiga. Madaxweynuhu waxa uu ku hambalyeeyey dawladda Finland mashruuca toban jirsaday ee MIDAFINNSOM oo ay dawladda Finland kala shaqayso wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu dambayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu safiirka ku bogaadiyey booqashada uu ku yimi dalka, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is af-garad buuxa. Waxa madaxweynaha kulankaas ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Garsoore Sarah B. Mazziye oo ka tirsan Maxkamadda Gobalka Minnesotta ee dalkaasi waxay shalay amar ku bixisay in Xabsiga laga sii daayo Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Shariif Cabdi, kaasi oo qorshuhu ahaa in loo soo masaafuriyo dalka Soomaaliya. Cabdiqaadir Shariif Cabdi oo dalka Maraykanka qaxooti ahaan u galay sannadihii 1990-aadkii ayaa waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa kooxaha Burcadda ee dadka dhaca, waxaana isaga lagu soo oogay inuu dhacay gaadiid, hanti iyo in dhowr jeer la qabtay isagoo sarqaansanaa. Sannadkii 2002-dii ayaa waxa la amray in loo dhoofiyo Soomaaliya, inkastoo Hay’adda Socdaalka sheegtay inay si dhow ula soconayaan xaalladiisa, isagoo si Ku-meel-gaadh ah loo sii daayey, balse bishii Jenewery ee sannadkii hore ayaa mar kale la xidhay. Waxaa la qorsheeyey bishii March ee sannadkii hore in Cabdiqaadir Shariif Cabdi ka mid noqdo 68 Soomaali ah oo iyagu loo soo dhoofinayey Soomaaliya, balse Garsoore Sarah B. Mazziye waxay bishii November codsatay in lagu sii hayo Xabsiga. Si kastaba ha ahaatee, isla Garsoore Sarah B. Mazziye waxay shalay amartay in la sii daayo Muwaadinkaasi Soomaalida ee lagu magacaabo Cabdiqaadir Shariif Cabdi. Dadkii Soomaalida ee shalay ku sugnaa Hoollka Maxkamadayntiisa waxay mar qudha farxad la qeyliyeen markii lagu dhawaaqay in aan la masaafurin doonin, lana sii daayey Cabdiqaadir sheikh Cabdi Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Mowqifka siyaasadeed, waxa uu aaminsan yahay iyo waxa uu u taagan yahay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, ayaan weli caddeyn laguna wareersan yahay. Xisbigan oo la rumeysan yahay inuu ka mid yahay xisbiyada leh miisaanka siyaasadeeed, ayaa waxaa maqalkiisa u dambeysay maalintii Muqdisho lagu diiwaan-geliyey ee uu uu noqday xisbi rasmi ah, oo ahayd 17-kii December. Marka xisbi siyaasadeed uu abuurmo inuu aaminsan yahay aragti siyaasadeed oo ka duwan tan dalka lagu hoggaaminayo, sidaas darteedna uu doonayo inuu talada dalka la wareego. Hase yeeshee xisbiga Himilo Qaran weli ma muujin sabab dadka ugu beddelan karaan kooxda talada dalka haysa ee Nabad iyo Nolol iyo xisbiyada kale. Tan iyo markii xisbigan uu abuurmay, waxaa dalka ka dhacay dhacdooyin siyaasadeed oo waa weyn, sida cayrintii wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom, halal amni darro, iyo arrintan hadda taagan ee shirka shidaalka Soomaaliya ee London lagu qabanayo 7-da Febraayo. Dhammaan xisbiya dalka ka jira ee waa weyn sida UPD, Ileys, Wadajir iyo wixii soo raaca, waxay soo wada saareen qoraallo ay ku caddeynayaan mowqifyadooda siyaasadeed, ayaga oo diiday sida ay dowladda wax u maareeneyso. Hase yeeshee, Himilo Qaran weli wax fal-celin ah lagama hayo. Qasab ma ahan in xisbiga Himilo Qaran uu dowladda mucaarado, hase yeeshee waxaa muhiim ah inuu shacabka u caddeeyo mowqifkiisa ah inuu raacsan yahay siyaasadda dowladda ama inuu diidan yahay. Dad badan ayaa is-weydiinaya waxa ugu wacan aamusnaanta Himilo Qaran. Dadka qaar ayaa qaba inay tahay farsamo xumo iyo ayada oo xisbigan weli uusan aas-aas dhismo oo wanaagsan lahayn, ee uu magaca kaliya ka jiro, islamrkaana aanu qaabasneyn hoggaanka xisbiga wixii kasoo hara hogaamiyahooda Shariif Sheekh Axmed. Dad kale ayaa ayagana aaminsan in Shariif oo ay aad isugu dhowaayeen Farmaajo, markii uu madaxweynaha u ahaa, uu cayaarayo siyaasad ku dhisan qunyar socodnimo, isaga oo iska ilaalinaya inuu si toos ah dowladda u dhaliilo. Wax kasta, oo ay ahaataba waa muhiim in shacabku ogaadaan waxa uu aaminsan yahay una taagan yahay xisbiga Himilo Qaran, iyo in aamusnaanta macnaheedu yahay taageero, haddii aysan sidaas dhicinna, ma jirto sabab ay u doortaan ama uga door bidaan xisbiyada kale ee dalka ka jira, oo uu ku jiro midka hoggaanka haya ee Nabad iyo Nolol. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Dadweynaha Reer Hargeysa Oo Ka Hadlay Carruur Darbi-jiif Cabasho La Hortagay Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Xabsi Lagu Xukumay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. (SLT-hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray shaqo ku tegay sayladda Xoolaha ee magaalada Hargeysa. Madaweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu kormeerkiisa ku jirey waxa uu indho indheeyey habsami-u-socodka hawlaha wax kala iibsi ee ka socda sayladda xoolaha Hargeysa oo ah goob uu ka socdo ganacsi ballaadhani. Xubno kamid ah guddida ugu maamusha sayladda Xoolaha ee Hargeysa, ayuu madaxweynuhu ka dhegaystay warbixin kooban oo ku saabsan duruufaha kala duwan ee ku xeeran dadka ku ganacsada sayladda iyo xoolaha halkaas oo cabasho xoogan ay ka muujiyeen dadka saylada ka shaqeeya dawlada hoose ee Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source