-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo maanta warbaahinta la hadley ayaa waxa uu sheegay in aaney jirin wax deyn ah oo xukuumadii hore Madaxweyne Siilanyo ku wareejisay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Shabakadda Somalilandtoday ayaa hore u baahisay in kulan dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wasiir Sacad Cali Shire uu Madaxweyne ku khasbay wasiir in uu beeniyo dayntaa, waxaanu maanta beeniyay dayntii uu hore warbaahinta ugu sheegay, Halkan hoose ka DAAWO wasiir Sacad shalay iyo maanta Source
-
27 ardey oo ka mid ah kuwa aragga la’ ayaa ka walwalsan sida ay ugu fariisan-doonaan imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda federaalka ah kadib markii ay wasaaradda waxbarashada ka jawaabi weysay cabashooda. Axmed Xasan Dige oo ardeydaas ka mid ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “Cabsi ayaan qabnaa oo ah in dadka aragga la’a sanadkan aaney gelin imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda maadaama sanadkii hore laga reebay, cabashadeennu waa in arrintaas wax laga qabto, oo wasaaraddu dedejiso qaab aan imtixaanka ku geli karno”. Ibraahim Maxamed Cali, oo oo ka mid ah ardeydaas, oo isna la hadlay Goobjoog News ayaa yiri ” Waxaan diideynaa in dadaal dheer kadib uu mustaqbalkeena dayacmo, dowladduu waa inay diyaarisaa qaabkii aan imtixaanka u geli laheyn”. Horay waxaa arrintan u dalbaday xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo arrintan ka hadlaya waxaa uu yiri”Allah agtiisa in laga wada simman yahay, midka araga la’ iyo midka kale aragga heysta, waa imtixaan midka aragga leh waa la imtixaamay midka laga qaadayna waa la imtixaamay, ilaah arag uma waayin lakiin anaga ayaa la rabaa inaan ku cibro qaadano, maanta wax ayaad baranaysaan, imisa ayaa aragooda qaba hadana jaahil ah wax ay ku qabaana anay jirin wax nacfi adduun iyo mid kaleba , sidaa darteed waxaan idiin ku bogaadinayaa inaad hami ka yeelataan waxbarahada oo aas aaska wax walbo looga gudbi karo aanta”. Dhanka kale Sanater Zamzam Daahir Maxamuud oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegtay in arday looga baahan yahay inay galaan taariikhda dadkii aragga la’ aa ee waxbarashada heerka ka gaaray inay ku daydaan ayadoona sheegtay in arday cabashadooda ay gudbinayaan “waa inaan la niyad jabin, waad ogtihiin taariikhda dadkii araga la ‘ aa ee hormarka gaaray ma ahan inaad dadka ka duwan tihin, dhamaan dadku waa isku xuquuq mid araga leh iyo kaan aheenba, waxaan idiin sheegaayaa inaan wasaaradda aan codsigiina la tagidoono gudoomiyahane aan la soo xariiridoono”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
New York (SMN) – Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa maanta xornimadiisa dib u siisay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/qaadir Shariif Xasan,kaas oo loo heystay dacwado la xiriira in uu dhalinyaro uga qorayay Al Shabaab gudaha dalkaasi. Muwaadinkan Soomaliyeed oo dhowr jeer oo hore la soo taagay maxkamaddan ayaa waxa la qorsheynayay in loo soo musaafiriyo Soomaaliya, balse maxkamadda ayaa ugu dambeyn mar kale maanta dhageysatay dacwaddiisa, waxaana ay amartay in xabsiga laga sii daayo. C/qaadir Shariif Xasan ayaa la soo xiray bishii January ee sanadkii la soo dhaafay,waxaana uu ku qornaa in uu ka mid noqdo 69 muhaajiriin Soomaali ah oo dowladda Mareykanka ay dib ugu soo celisay Soomaaliya bishii March ee 2018-kii ,laakiin qareenka u doodayay ayaa dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo dacwadda loo heystay muwaadinkan Soomaaliyeed. Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii hore ee 2018 boqolaal Soomaali ah oo sharci la’aan ku joogay dalkaasi u soo musaafurisay Soomaaliya The post Mareykanka Oo xoriyaddiisa dib u siiyay muwaadin Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaa maalin kaddib lagu wadaa in magaalada London ee Britain uu ka dhaco shir lagu soo bandhigi doono maclumaad la xiriira sahmin shidaal oo laga sameeyay Soomaaliya. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa natiijada sahanka waxaa soo bandhigi doonta shirkadda Spectrum. Balse waxaa jira warar badan oo been abuur ah oo gudaaman shirkan London. Maxaa ka mid ah been abuurka ku gadaaman shirka London? Tan iyo intii uu shirkan London qabashadiisa soo ifbaxay ayaa waxaa jiray warar la isla dhexmarayay. Wararkaas waxaa ka mid ah warqado la soo dhigayay baraha bulshada kuwaasi oo qaarkood ay been abuur ahaayeen. Waxaa ka mid ah warqad baraha bulshada si weyn loogu baahiyay taasi oo sheegaysay in wasiirka Betroolka iyo Macdanta iyo ku xigeenkiisa ay iscasileen. Warqadan ayaa waxaa tan iyo shalay ay dhex socotay baraha bulshada waxaana soo xigtay qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga. Balse warqadan waxay ahayd mid been abuur ah sida ay markii dambe dowladda xaqiijisay. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Betroolka iyo Macdanta Maxamuud Cabadi qaadir Hilaal ayaa BBC u sheegay in warqadaas ay tahay mid been abuur ah. Mr Maxamuud ayaa sheegay in wasiirka betroolka iyo isagaba laga been abuurtay oo aysan xilka iska casilin. Waxa uu intaa ku daray in wasiirka Betroolka iyo Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed uu iminka joogo London si uu shirkaasi uga qaybgalo. Ma xaraash baa shidaalka Soomaaliya? Shirkan lagu wado in khamiista uu ka dhaco London islamarkana looga hadlayo shidaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay muran badan oo ku saabsan waxyaabaha dhab ahaantii uu ku saabsan yahay. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxay shirka London ku tilmaameen mid lagu”xaraashayo” kheyraadka Soomaaliya. Balse dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warkaas waxa ayna sheegtay in shirka London uu yahay mid lagu soo bandhigayo macluumaadka sahmin shidaal oo Soomaaliya laga sameeyay. Wasiirka macdanta iyo Batroolka ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa BBC-da u sheegay in sahankii la sameeyay uu muujinayo in Sooomaaliya laga helay cadeymo muujinaya shidaal, shirka London na lagu soo bandhigi doono. “Tallaabada xigta ee la qaadayo (Shirka kadib) waxay tahay, in shidaal in lasoo saaro wuxuu u baahan yahay sharciyad, xeerarkii inay diyaar yihiin, waxaan barlamaanka kala shaqeeneynaa in aan dhameystirno sharcigii shidaalka ee Soomaaliya oo dib u eegis lagu sameeyay, kadib ayaan bilaabi karnaa howlihii kale, shirka waa mid shirkadaha caalamiga ah loogu sooo jeedinayo inay arkaan kheyraadka dhulkeena”. Ayuu yiri wasiirka Batroolka ee Soomaaliya. Dhanka kale shirkadda Spectrum oo ah shirkad qayb ka ah shirka London ayaa sheegtay in shirka London lagu soo bandhigi doono aagagga cusub ee ku soo kordhay sahminta shidaalka Soomaaliya. Shirkadda ayaa sheegtay in shirka London uu yahay mid ay wasaarada Betroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya ay xarigga uga jari doonto ayna qeexi doonto qeybihii ugu dambayay oo lagu wado inay ka koobnaadaan 50 xirmo oo ku fadhiya dhul dhan 173,000 km . Waxaa sidoo kale shirkadda Spectrum ay qoraalkeeda ku xustay in shirka London lagu soo bandhigi doono shuruucda iyo hanaanka ku xeeran arrinta shidaalka Somaaliya. Xigasho: BBC SOMALI
-
Washington (SMN) – Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres oo wareysi gaar ah siinayay VOA-da ayaa ka hadlay arrimo badan oo quseeya horumada ay ku tilaabsaneyso Soomaaliya iyo caqabadaha guud ahaan ka jira qaaradda Africa. Mr Guterres aya wax laga weydiiyay xaaladda Soomaaliya,waxaana uu sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo magacaabi doono wakiilka QM u fadhin doona Soomaaliya. Dowlada Soomaaliya ayaa maalintii koowaad ee sanadka 2019 soo saartay warsaxaafadeed ay dalka uga eryiday wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicolas Heysom oo dowlada dhexe ay ku eedeysay in uu ku xad gudbay madax banaanida Soomaaliya. Sidoo kale xoghayaha guud ee QM oo maalmaha soo aadan magaalada Addis Ababa uga qeyb gali doona shir ay soo qaban qaabiyay ururka Midowga Africa oo looga hadlayo aRrimo badan oo la xariira qaaradda Africa ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay xiriirka QM iyo dowladda Soomaliya, kadib eryidii Nicolas Heysom. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, xili dhawaan M/ Muqdisho ay soo gaareen wafdi ka socday QM oo kulamo la qaatay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya. The post QM Oo wakiil cusub u soo magacaabeyso Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo xoogan ka sameeyay waqooyiga M/ Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidanka boolisku ka fuliyeen xaafado ka tirsan waqooyiga magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay u jeedka baaritaanadan uu ahaa mid lagu xaqiiniyay amniga. Sidoo kalena looga hortagayay dhalinyaro xilliyada habeekii ah dhac ka geysta magaalada Gaalacyo ee gobolka Mudug. Saraakiisha ayaa ka gaabsaday, haddii ay jiraan in dad lagu soo qab qabtay howlgalladaasi iyo in kale. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay cabasho xoogan oo dhinaca amniga ay ka muujiyeen shacabka ku dhaqan halkaasi. The post Howlgallo xoogan Oo laga sameeyay M/ Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji wasiirka wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkan dowladdu ay ka go’an tahay in la dhiso golaha adeegga Garsoorka, sida lagu qeexay tubta toosan qeybteeda Garsoorka. Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale ay soo gabagaboobmi doonaan muranada la xariira awoodaha la’isku heysto iyo khilaafaadka jira. Hadalkan ayuu wasiirka Cadaaladda Xukuumadda federaalka Soomaaliya ka jeediyay, xilli maanta uu ka qeyb galayay shir sanadeedka Garsoorka oo muddo labo maalin ah ka soconaya magaalada Muqdisho, kaas oo uu beri soo xiri doono madaxweynaha Soomaaliya. The post Xukuumadda Khayre oo shaacisay xilliga la dhisayo golaha adeegga Garsoorka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaahira (SMN) – Shirkani oo ay ka qeyb galayaan wasiirada arrimaha dibadda dalalka ururka Midowga Africa ayaa lagu wadaa in beri uu ka furmo dalka Masar. Shirka oo socon doono muddo 2 cisho ah ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xaaladda amni ee dalalka Liibiya, Soomaaliya iyo Jamuuriyada Dimoqoraadiga ah ee Congo. Sidoo kale shirkan ayaa gogol xaar u ah madasha madaxda wadamada Midowga Africa oo Axada soo socota ka furmi doono magaalada Qaahira ee xarunta dalkaasi. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay ka jiraan falalka amni daro, waxaana ka howlgala in ka badan 22 kun oo askari oo kasocda Ururka Midowga Africa. The post Soomaaliya Oo shir muhiim ah uga qeyb galeysa Masar appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garbahaarey (SMN) – Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta 300 oo askari tababar ugu soo xiray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Taliye Ameeriko oo la hadlayay ciidamadan ayaa kula dar daarmay in ay ilaaliyaan nabad galyada deegaanka, si looga maarmo ciidamada milatariga ee jooga magaaladaasi. Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu farxo, guulna u ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Dhinaca kale wararka ka imaanay Baardheere ayaa ku warramaya in maanta ciidamada dowladdu howlgallo ay ka sameeyeen magaaladaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka fuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Saraakiil ka tirsan kuwa milatariga oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga degmadaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in lagu soo qab qabtay baaritaanadan dad kor u dhaafaya 50 Qof oo lala xariirinayo falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi. Dhawaan ayey aheyd markii Al Shabaab weerar ismaadaamin ahaa ay ku qaadeen saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Baardheere ee G/ Gedo. The post Ameeriko Oo Ciidan tababar ugu soo xiray Garbahaarey appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( SMN) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay shir weynaha Garsoorka dalka oo aan la qaban dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Shirka waxaa ka qeybgalay dhammaan hay’adaha Garsoorka dalka, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulashada. Sidoo kale waxaa furitaanka shirkan ka qeyb galay ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna guddoomiye ku xigeenka labaad ee BFS, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo wasiirka cadaaladda xukuumadda federaalka Soomaaliya. Ugu horreyn xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa faah faahin ka bixiyay caqabadaha heysta Garsoorka dalka. Xeer ilaaliyaha ayaa ka codsaday labada aqal ee baarlamaanka in ay dadajiyaan dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa. Sidoo kale ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaasi Mahad Cabdalla Cawad oo daah-furay shirka ayaa tilmaamay in Garsoorku uu ka madax banaan yahay hay’adaha dowladda, loona baahan yahay in si hufan uu u guto waajibaadkiisa. Ugu dambeyn Baashi Axmed Yuusuf guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa ka warbixiyay hanaanka uu ku shaqeeyo Garsoorka iyo waxyaabihii u qabsoomay. Maxkamadaha dalka ayaa sanadii hore ee 2018 ka gar naqay 12734 dacwadood, kuwaas oo isugu jiray madani, ciqaab iyo maamul. The post Shir sanadeedka Garsoorka dalka Oo ka furmay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/War-Duhur-060219-1.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa bilowday daabacista Baasaboorka Somaliya, xilli labadii bilood ee la soo dhaafay caqabad wayn ay ka taagnayd in la helo Baasaboorka. Shirkadda qaabilsan daabicista Baasaboorka Soomaaliga oo gacanta ay ku hayaan rag Masaari ah ayaa la sheegayaa in afartii Cisho ee la soo dhaafay ay bilaabeen daabicitaanka Baasaboorka oo Bulsho badan oo Soomaaliyed ay u xanibnaayeen. Mudada hakadka uu ku jiray daabicista Baasaboorka Soomaaliya ayaa sababta waxa ay aheyd in uu dhamaaday mudada heshiiska Shanta sano ee Shirkadda daabicista Baasaboorka horay ay u siisay dowladii Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dowladan ay doonaysay inay qandaraaska daabicista Baasaboorka Soomaaliga ay ka wareejiso Shirkadaasi xilli aysan helin Shirkad kale, balse ay isku dayday in hal sano heshiis ah loo saxiixo Shirkadda inta laga helaayo Shirkad kale, arrintaasi oo ay ku gacan seyrtay Shirkadda daabicista Baasaboorka Somaliga. Lama oga sida loo xaliyay caqabadaasi taagnayd, balse daabicista Baasaboorka ayaa dib loo bilaabay, waxaana dadka ay yihiin kuwa soo dhaweeyay xalinta mushkiladan. Dad badan oo arday, ganacsato & dad xanuunsan oo arrimo caafimaad awgeed u bixi rabay ayaa u xanibnaa Baasaboorka. Caaismada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa guddoomiyaha guddiga garsoorayaasha u magacaabay garsooraha heerka caalami ee Sooomaliya ahna guddomiyaha isboortiga gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish. 17-August 2017:-Kooxo hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay guddoomiyihii hore gudiga garsoorayaasha kubbada cagta marxuun Cusmaan Jaamac Diraac.,dilka ayaa la sheegay inay geysteen kooxo ku hubeysanaa bastoolado waxaana la diley marxuumka isagoo ka soo laabtay masaajid ku yaal xaafada Xamar Bile ee degmada Warta Nabadda. Marxuum Diraac ayaa shaqadda garsoorka dalka waxa uu ku soo biiray sannadkii 1986-kii, isagoo soo dhex dhexaadiyay ciyaaraha Kubbadda Cagta,Laliska iyo kubbadda cagta Gacanta. “Waxaa uu ku dadaalayay hormarinta Kubbadda Cagta Soomaaliya iyo Africa, waxaa uu ka mid ahaa xubnaha kubbadda Cagta adduunka, qoyskiisa iyo dadka isaga jeclaa waa uga tacsiyeeyneynaa, waa arrin murugo leh dhacdadaasi’’waxaa sidaas sanadii 2017 sheegay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta caalamka Gianni Infatntino.Garsoore Xassan Wiish ayaa ka hor inta aan loo magacaabin xilkan waxa uu Goobjoog u sheegay in Soomaaliya ay rajo ka qabto isticmaalka adeega muuqaal caawiyaha garsoorayaasha ee loo yaqaan VAR. “Dalkeena markii loo eego horomarka iyo fahanka bulshada ee xaga ciyaaraha waxa uu ka horomar sanyahay wadamo badan oo bariga iyo bartamaha Afrika hadii ay arinta lagu dhaqaaqana waa talaabo ku tusinaysa isku tashiga bahada ciyaaraha Soomaaliya”waxaa sidaas qaba Goobjoog Sport u sheegay Xasan Yabarow Wiish. Si kastaba bahda ciyaaraha ayaa guul iyo horomar u rajeeyay guddomiye Xasan Wiish iyagoo sheegay in ay ka sugayaan in wax badan ku soo kordhiyo xafiiska loo magacaabay. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Mombassa (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya ayaa waxaa ay xabsi daa’in ku xukuntay Aabbe iyo wiilkiisa oo ay Maxkamadda ku heshay in ay taageereen Fasuul Cabdalla oo ka tirsanaa Al-Qaacidda. Fasuul waxaa lagu dilay Soomaaliya, waxaase loo heystaa in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Saafaradda Mareykanka ee sanadkii 1998dii iyo weerarkii Hotel Paradise ee 2002dii ka dhacay Mombasa. Weerarkaas waxaa ku geeriyooday dad tiradoodu gaareysay 219 qof, waxaana ku dhaawacmay boqolaal kale. Maxkamadda Magaalada Mombasa ayaa Mahfudh Ashur Hemed iyo wiilkiisa Ibraahim Mahfudh Ashur ku heshay in ay taageereen Fasuul, sidoo kalena gurigooda uu degay intii uu qorshaha weerradaas dejinayay. Dacwad oogayaasha ayaa maxkamadda ka codsaday in xukunka ugu sarreeya lagu xukumo labada Nin. Qareennada difaacayay Odayga iyo wiilkiisa ayaa sheegay in Odayga uu mas’uul ka yahay labo gabdhood oo yar yar kuwaas oo ay hooyadood dhimatay sidaas darteedna uu xukunka noqdo mid dhaqancelin ah ee uusan aargoosi noqon. Mahfudh Ashur iyo wiilkiisa ayaa 11kii sano ee la soo dhaafay si joogta ah u tagayay maxkamadaha intii ay dacwaddooda socotay,qareennadooda ayaa codsaday in xukunka hadda ku dhacay uusan noqon mid xabsi ah hayeeshee loo oggolaado in ay koriyaan carruurta yar yar ee hooyadood ka dhimatay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
The Foreign and Commonwealth Office (FCO) advise against all travel to Somalia, including Somaliland except for the cities of Hargeisa and Berbera to which the FCO advise against all but essential travel. Any British nationals in areas of Somalia to which the FCO advise against all travel should leave. Any British nationals in Hargeisa or Berbera who are not on essential travel should leave. Any British national visiting Hargeisa or Berbera should exercise a heightened level of vigilance and take care in public places where people gather. Monitor local and international media to avoid any demonstration or disturbance taking place. Leave any area of unrest quickly and don’t attempt to watch or photograph it. Terrorists are very likely to try to carry out attacks in Somalia. There is a high threat of kidnap throughout Somalia. Terrorist groups have made threats against Westerners and those working for western organizations There is a constant threat of terrorist attack in Mogadishu and terrorists continue to plan attacks against westerners in the rest of Somalia including Somaliland. On 14 October 2017, a large truck bomb exploded in central Mogadishu (Hodan District). This was Somalia’s deadliest ever terror attack with over 300 killed and hundreds more injured. Attacks continue to occur in Mogadishu and elsewhere in Somalia Terrorist attacks could be indiscriminate, including in crowded places, high-profile events, events involving government officials and in places visited by foreigners. Due to their use by government officials, hotels are considered legitimate targets by terrorist groups. See Terrorism There is a high threat of maritime crime in the territorial and international waters off Somalia and attack remains a significant threat in the Gulf of Aden and the Indian Ocean. See Sea travel All areas across Somalia are suffering food shortages resulting in the displacement of thousands of Somali people including those caused by Tropical Storm Sagar in the north and flooding in the south. See Local travel. The post UK issues travel warning over insecurity in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
An immigration judge approved the release of Abdulkadir Sharif Abdi on Tuesday in a courtroom full of cheering friends and relatives, the latest twist in his long fight to avoid deportation to Somalia. The government has increased deportations to Somalia in recent years, but the Twin Cities immigration court agreed to take another look at Abdi’s case last year after his attorney, John Bruning, said that his client’s criticism of extremist group al-Shabab and its efforts to recruit local men could endanger him if he returned to his homeland. After moving to the U.S. as a refugee in the 1990s, Abdi joined a gang and was convicted of car theft, receiving stolen property and three drunken-driving charges. He received a deportation order in 2002 and checked in with immigration officials for years — in the meantime leaving the gang life, sobering up and becoming a leader in the Somali addiction recovery community. He became a housing manager at the Park Avenue Center, a Minneapolis alcohol and drug treatment facility. But in January 2018, Abdi was detained at a routine check-in. He was scheduled to last March to be a passenger on a deportation flight of 69 Somalis, two-thirds of whom had criminal convictions, according to Immigration and Customs Enforcement. Abdi’s attorney sought a so-called withholding of removal, a sort of legal limbo that prevents him from being deported while not guaranteeing him asylum or citizenship. Judge Sarah B. Mazzie granted that request in November, but Abdi remained in detention at the Freeborn County jail pending a final custody review. On Tuesday, Mazzie ordered him to be released on his own recognizance. “I know we have a bright future,” said Rhoda Christenson, Abdi’s wife. “He’s going to be OK … and for that I’m grateful.” Abdi will still have periodic check-ins with immigration authorities, but Christenson said she was working with attorneys to try to prevent him from having to do so indefinitely. Anab Ali, his sister, also cheered the decision outside the courtroom. “Every mistake he made when he was so young,” she said. “He changed a lot a long time ago.” The post US Judge releases man facing deportation to Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xidiga qadka dhexe ee kooxda Muqdisho City Club Xassan Maxamed Aadan (Xasan Santos) ayaa markii ugu horeesay loogu yeeray waajibaadka xulka qaranka Soomaaliya ee isu diyaarinayo in ay caasimada Muqdisho kulan saaxiibtinimo kula ciyaaraan 20-jirada xulka qaranka Eretria. 25-08-2016- ayay aheyd markii uu laacib Xasan Santos ka tagay kooxdiisii hore Dekedda wuxuuna xidigan xiligaas ilaa iminka uu qeyb ka yahay kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club. 20-October 2018-Xasan Santos waxa uu koobka Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse kula guulaystay kooxdiisa Muqdisho City waxayna u aheyd koobkii ugu horeeyay uu la qaaday tan iyo kolkii uu kusoo biiray. “Xassan Santos waxa uu ka mid yahay xidigaha ugu tayada wanaagsan kooxdeena taageerayaal badan ayaa jecel xirfadiisa waxayna kooxda ku xasuusanaynaa shaqadii wacneyd uu la qabtay sanadkii lasoo dhaafay” waxaa sidaas sheegay guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh. 01-Janaayo 2019-ciyaaryahan Xassan Maxamed Xassan Santos ayaa isna ku guulaystay abaal marinta Mogadishu Awards wuxuuna xidigan hantay abaal marinta laaciibkii ugu fiicnaa Soomaaliya sanadkii tagay 2018 isagoo abaal marinta ku garaacay xidigaha ay sida u xifaaltamaan ee kala ah Mustaf Maxamed Yuusuf oo ka tirsan kooxda Heegan,Xassan Cabdi Nuur oo isna u dheela Horseed iyo laacib Maxamuud Cabdi Nuur oo usna u ciyaara naadiga Horseed,Santoos ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay abaalmarinta uu hantay,isagoo u mahad celiyay dadkii u codeeyay iyo kuwii uu kaga guulaystay. 29-Janaayo 2019-taageerayaasha iyo maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa Xasan Santos gudoonsiiyay abaal marinta goolkii ugu quruxda ay kooxda Muqdisho City dhalisay sanadkii lasoo dhaafay 2018 wuxuuna sheegay in uu u mahad celinayo jamaahiirta kooxdiisa. Kooxda Muqdisho City sidoo kale xidigaha kale ee loogu wacay u ciyaaritsa xulka qaranka waxaa ka mid ah Axmed Cabdulahi Cabdi ( Baanuu) oo daafac ka ciyaara xidigan u dheelista xulka waxa uu kusoo biiray sanadii 2016 sidoo kale waxaa xulka qeyb ka ah Cali Cumar Cali (Cali Yare) oo isna ka dheela qadka dhexe Cali kaliya hal mar ayuu xertay maaliyada xulka waxayna aheyd 13-December 2018 kulan ciyaareed saaxiibtinimo ay wada dheeleyn dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti. Axmed Cabdullahi Cabdi iyo Cali Cumar Cali ayaa taageerayaasha kooxdooda Muqdisho City ka gaduumay abaal marinada kala ah daadicii iyo qadkii dhexe ugu wanaagsanaa sanadkii lasoo dhaafay 2018 Kaliya intaa ma ahan oo naadiga Muqdisho City waxaa sidoo kale loogu yeeray Abukar Cabdulahi Siidow oo isagana ka dheela qeybta daafac waxaana arinta baraha bulshada ku gorfeeyay taageerayaasha kooxda. “Waa horomar weyn intaa iyo ka badan ayaa ka rajaynaynaa in ay matalaan xulka qarankeena waa sharaf iyo guul usoo hooyatay maamulka iyo taageerayaasha kooxda Muqdisho City heegsigeenu waa horomar iyo tayo” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay guddomiyaha kooxda Muqdisho Abuukar Maxamed Sheekh. Si kastaba Xulka qaranka Soomaaliya ee 20-jirada ayaa ku xareysan garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan,iyagoo si wanaagsan iskugu diyaarinaya kulan saaxiibtinimo ay la balan sanyihiin dhigoda Eretria. Halka Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Laacib Xassan Maxamed Aadan (Xasan Santos) W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Somali Prime minister, Hassan Ali Khaire held a meeting with Southwest State president, Abdiaziz Hassan Mohamed [Lafta Garen], for the first time since his election in December. The PM has received the regional leader at his office in Mogadishu on Tuesday night. Lafta Garen, a former Somali Energy minister was elected as Southwest State president during a presidential election took place in Baidoa last December. His election was marred by allegations of vote-buying and manipulation in the electoral process of the regional state. Prior to his election, 15 civilians were shot dead by police in the city during a violent riot broke out following the arrest of former Al-Shabab deputy commander, Mukhtar Robow. The Federal government of Somalia detained Robow in Mogadishu prison and said international sanctions remain imposed on him after his defection from Al-Shabaab. UN demanded answers from Somali government on the legal basis for the arrest of Robow and called for investigations into the deaths during the protests. This has led to the expulsion of United Nations envoy, Nickolas Haysom. The post Somali PM receives Southwest State leader at his office in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in magaaladaasi kulan gaar ah ku yeesheen madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. Kulankaasi ayaa ka dhacay guriga Ugaaska, kadib markii Xasan Sheikh uu magaalada Beledweyne Shalay gaaray madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud. Kulankaasi oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa Xasan Sheikh Maxamuud uu u muuqday mid uu ku dhaqan gelinayay hadal shalay ka sheegay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa shalay sheegay inuu qancin doono cid walbaa oo tabasho ka muujisay hanaankii loo maray dhismaha maamulka Hirshabeelle oo muddo badan la isku hayay. Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa kamid ahaa dadkii sida weyn u dhaliilsanaa dhismaha maamulka Hirshabeelle iyo hanaankii maamulkii Xasan Sheikh Maxamuud ay u mareen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
US forces have carried out two precision airstrikes against Al-Shabab in Somalia over the past 48 hours, United States Africa Command (AFRICOM) said in a press release on Tuesday. “In support of the Federal Government of Somalia’s increased efforts to degrade Al-Shabab, US Africa Command conducted two airstrikes in separate engagements in the last 48 hours,” AFRICOM said. “These precision airstrikes support Somali partners’ ongoing efforts to reduce al-Shabaab safe havens, degrade the terrorists’ infrastructure, and destroy terrorist equipment.” The first airstrike on February 3 targeted militants in the area of Gandarshe, in the Lower Shabelle Region, AFRICOM said. The second attack on February 5 targeted the vicinity near Leego, in the Bay Region, it added. “At this time, it was assessed no civilians were injured or killed in either airstrike,” AFRICOM said. Al-Shabab emerged in Somalia in 2006 and has claimed numerous terrorist attacks throughout the region. The group has sworn allegiance to the Al-Qaeda. The post US military conducts two airstrikes in southern Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Wararka aan ka heleyno madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in kulan saacado qaatay ay yeesheen madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed iyo ra”isul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre. Kulankaasi oo arimo badan looga hadlayay ayaa waxaa diiradda lagu saaray sii deynta Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo xaaladihii ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Senetaro ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka iyo xildhibaanada maamulka Koofur Galbeed kuwaasi oo ku wehlinayay safarka uu kaga yimid magaalada Baydhabo. Xildhibaanada iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed ayaa iska xog waraystay xaalladda guud ee deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo Xildhibaanada u sheegay in la joogo xilligii loo midoobi lahaa wax u qabashada bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed. Ma jirto xog dheeri ah oo warbaahinta laga siiyay kulanka gaarka ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa isa soo taraya loolanka ay xubno ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ugu jiraan jagada guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, marka uu qabsoomo shirka golaha dhexe ee xisbiga oo qorshaysan February 23. Jagadan oo uu baneeyay Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), oo ay hoggaanka xisbigu xilkii iyo xubinimadii xisbiga ka qaadeen, ayaa waxa ay warar soo baxay sheegayaan inay buuxinta jagada guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE u tartamayaan laba xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada oo kala ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa. Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere ayaa bilaabay olole uu ku doonayo inuu taageero u helo damaciisa guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE marka uu qabsoomo shirka la muddeeyay bisha February, waxaanu doonayaa inuu buuxiyo jagadaas uu baneeyay Jaamac-shabeel. Xidlhibaan Warfaa oo wakhtigan si ku meelgaadh ah u haya xilka guddoomiyaha golaha dhexe, oo uu hoggaanka xisbigu ku meelgaadh ahaan ugu magacaabay ka dib markii bishii September ee kal hore xilkii iyo xubinimadii xisbigaba laga qaaday guddoomiyihii golaha dhexe Jaamc-Shabeel, ayaa isna baratan ugu jira sidii loogu dooran lahaa guddoomiyaha golaha dhexe. Labadan xildhibaan, ayaa la eegi doona ninka ku guulaysta inuu noqdo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, laakiin waxa hubaal ah inuu guulaysan doono hadba ninka ay madaxtooyadu taageerto. Jagadan oo uu baneeyay Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), oo ay hoggaanka xisbigu xilkii iyo xubinimadii xisbiga ka qaadeen, ayaa waxa ay warar soo baxay sheegayaan inay buuxinta jagada guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE u tartamayaan laba xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada oo kala ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa. Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere ayaa bilaabay olole uu ku doonayo inuu taageero u helo damaciisa guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE marka uu qabsoomo shirka la muddeeyay bisha February, waxaanu doonayaa inuu buuxiyo jagadaas uu baneeyay Jaamac-shabeel. Xidlhibaan Warfaa oo wakhtigan si ku meelgaadh ah u haya xilka guddoomiyaha golaha dhexe, oo uu hoggaanka xisbigu ku meelgaadh ahaan ugu magacaabay ka dib markii bishii September ee kal hore xilkii iyo xubinimadii xisbigaba laga qaaday guddoomiyihii golaha dhexe Jaamc-Shabeel, ayaa isna baratan ugu jira sidii loogu dooran lahaa guddoomiyaha golaha dhexe. Labadan xildhibaan, ayaa la eegi doona ninka ku guulaysta inuu noqdo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, laakiin waxa hubaal ah inuu guulaysan doono hadba ninka ay madaxtooyadu taageerto. Waxa isa soo taraya loolanka ay xubno ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ugu jiraan jagada guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, marka uu qabsoomo shirka golaha dhexe ee xisbiga oo qorshaysan February 23. Jagadan oo uu baneeyay Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), oo ay hoggaanka xisbigu xilkii iyo xubinimadii xisbiga ka qaadeen, ayaa waxa ay warar soo baxay sheegayaan inay buuxinta jagada guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE u tartamayaan laba xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada oo kala ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa. Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere ayaa bilaabay olole uu ku doonayo inuu taageero u helo damaciisa guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE marka uu qabsoomo shirka la muddeeyay bisha February, waxaanu doonayaa inuu buuxiyo jagadaas uu baneeyay Jaamac-shabeel. Xidlhibaan Warfaa oo wakhtigan si ku meelgaadh ah u haya xilka guddoomiyaha golaha dhexe, oo uu hoggaanka xisbigu ku meelgaadh ahaan ugu magacaabay ka dib markii bishii September ee kal hore xilkii iyo xubinimadii xisbigaba laga qaaday guddoomiyihii golaha dhexe Jaamc-Shabeel, ayaa isna baratan ugu jira sidii loogu dooran lahaa guddoomiyaha golaha dhexe. Labadan xildhibaan, ayaa la eegi doona ninka ku guulaysta inuu noqdo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, laakiin waxa hubaal ah inuu guulaysan doono hadba ninka ay madaxtooyadu taageerto. Source