-
Content Count
212,125 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-090219.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo berri ka furmaya Addis Ababa. Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran. Madaxweynaha oo hadal-jeedin ku leh shirka ayaa waxa uu diiradda saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aaddan arrintan. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Afrika, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ah. Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulammo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Afrika, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda wada-shaqaynta ay leeyihiin iyo isweydaarsiga khibradaha. Dowladda Soomaaliya ayaa kamid ah dowladihii qaybta weyn ka qaatay asaaskii Ururka Midowga Afrika si loo adkeeyo midnimada iyo iskaashiga waddamada iyo shucuubta Afrika, si wadajir ahna xal loogu raadiyo caqabadaha la soo gudboonaada dalalka Afrika. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Hargaysa (Somalilandtoday)- Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed , Maayir Ku Xigeenka Dawlada Hoose Ee Hargaysa Cabdi Casiis Cagaweyne iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Axmed Yoonis Juxa ayaa maanta si wada jira u dhagax dhigay laba waddo oo dib u dhis lagu samayn doono. Labadan waddo ee maanta la dhagax dhigay ayaa kala ah wadada Jigjiga yar oo ka bilaabmaysa isgayska Dabbay Maray iyo wadada kale ee isku xidha degmooyinka Gacanlibaax,iyo Maxamed mooge oo ka Bilaabmaysa Saldhiga New Hargaysa. Waddooyinka waxaa dhismahooda fulinaya shirkada Cumaani iyo Dawlada Hoose. Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed kaahin Axmed oo goobahaasi la dhagax dhigay ka hadlay ayaa usheegay in si degdega loo bilaabo doono isla maanta dhismaha waddooyinkan oo hore madaxweynuhu u amray. Wasiirkii waxaa uu intaasi ku daray in bulshada looga baahanyahay taba rucaadka qaybtooda Kuna tartamaan horumarka. Source
-
(SLT-Hargaysa) Xukuumada somaliland ayaa si rasmi ah u shacisay inaanay miisaaniyada dawlada ku jirin lacagta ay somaliland dhaafsatay dekeda Berbera ee ay DP World u gacan galisay iyo saldhiga imaaraadku ka dhiso Berbera. Wasiirka horumarinta maaliyada somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka qayb galayey kulan lagaga hadlayey miisaaniyada somaliland Hargeysa ka dhacay ayaa la waydiiyey sababta miisaaniyada dawlada looga dhex arki waayey lacagaha ay somaliland ka helayso kiraynta madaarkii Berbera oo imaaraadku saldhig ka samaysanayo iyo dekeda Berbera. Wasiir Sacad Cali Shire ayaa su,aashan oo uu waydiiyey Cabdikariim Axmed Mooga kaga jawaabay sidan “Horta way ku jirta kirada dekedu oo Waxay ka muuqataa kirada aynu ka qaadano hantida ma guurtada ah. Sanad walba dekedda waxaynu ka qaadana kiro shan milyan dollar ah, dekedda DP World maynaan siin waxaynu siinay shaqada inaga iska leh dhulka waynu ka kiraynay sanad walba 5 milyan ayaynu ka qaadana waxaanay ku jirta halka kirada laakiin, sanadkan kuma jirto oo hore ayaynu u qaadanay.” Wasiir Sacad Cali Shire oo ka hadlaya kirada saldhiga ayaa intaas raaciyey “Arrinta Saldhigga, saldhigga isaga kiro kama qaadano, maaddaama aynaan ka qaadana kuma jiro kirooyinka, Saldhiga heshiiska aynu kula galnay Imaaraadka waxa weeye in ay inoo dhisaan waddo Berbera ilaa Wajaale ah iyo in ay inoo dhisaan madaar ay inoogu bedelayaan kii aynu siinay markaa kiro kama qaadano, marka qandaraaskii Waddadana sanadkan ayaa la bixinaya oo la bilaabaya,” Jawaabta Wasiir Sacad Cali Shire ayaa bulshada ka dhex abuurtay guux ku saabsan cida qaadatay lacagtii kirada ahayd ee sanadkan ay somaliland ka heli lahayd dekeda magaalada Berbera, halka lays waydiinayo goorta ay fulayaan mashaariicda ay somaliland dhaafsatay heshiiska uu dalka imaaraadka saldhiga kaga samaysanayo Berbera. Source
-
$93 milyan ayuu Muuse ka qaatay oo qaddimaad ah saldhigga Berbera oo gacantiisa qofnimo ku dhacday. Waa war sugan oo ilo xogagaal ahi bixiyeen. $5 milyan ayay UAE bil kasta muddo sannad ah ku kabaysaa, laga bilaabo safarkii madaxweynuhu ku tegey UAE sannadkii hore bilowgiisii, kor u soo qaadidda qiimaha shilinka Somaliland, bishii u horreysey oo qudha ayay lacagtaasi ku dhacday bangiga dhexe, wixii ka dambeeyey lacagtaasi waa la leexsadaa oo bangiga ma gasho. Isna waa war kale oo sugan oo ilahaas xogagaalka ahi bixiyeen. Saamigii Somaliland ee DP World ee dekedda oo ahaa 30% kuma dhaco khasnadda dawladda, laguma daro miisaaniyadda ee waxa ay ku dhacdaa xisaabaadka Dubai Somaliland Investment Company oo shakhsiyaad ku qoran. Iyana waa xog kale oo sugan. Lacagta ka soo baxda Haamaha Shiidaalka iyo meelihii kale gacanta xukuumadda lagu soo celiyey Aug 2018 sida adeegyadii madaarka iyo arrimaha amnigiisu lama yaqaan illaa hadda meel ka baxdo oo ma gasho qasanadda xukuumadda! Waxa jira heshiisyo qandaraas oo malaayiin Dollar ku kacaya oo si aan sharciga waafaqsanayn loo siiyey shakhsiyaad lagu naasnuujinayo sida qandaraaska $5 milyan ee la siiyey ganacsade Ina Aw Siciid iyo qaar kale intaas ka sii miisaan yar oo la siiyey xubno kale oo ay qaar ka mid yihiin qoyska madaxweynaha. Waa xog soo baxday oo caddaynteeda warbaahintu faafisay. Guryaha la binaynayo ama kuwa iyaga oo dhisan la maydhaamayaa iyo dhul beereedka lagu durkayaa waa ay soo kordhayaan sidii aynu qormo hore wax kaga iftiiminnay. Xaafadaha Hargeysa qaar waxa uu madaxweynuhu noqday cashuur-bixiyaha ugu weyn! Sannad iyo laba bilood ayaa u buuxsamey xukuumadda Muuse Biixi oo ay dul hoganayaan daruuro madmadow oo musuq, boob, eex iyo qaraabokiil ah. Maamul xumaantii maamullada ayaa Hargeysa ka soo ifbaxday! Halka lagu degdegayaa, ma xeedhada salkeeda?! Wixii hore bikh iyo in qarso saw ma noqonayaan?! Akhas! “Nin agoon ku xaday qalin Gooray ku qaraxdaba Qaaxo kama fogaato!” “Cuqubada halkii lagu galay caw ku huruddaaye Carruurtay ka laysaa ninkii caano baas dhama!” “In kastoo Watiiniyo Wallayn iyo Wayllun lagu meersho Weligeedba xaaraantu way waras garowdaa!” Miyay gacmo aan daahir ahayni nijaas kaa daahirin karaan?! “Taaj madaxa awr loo geshaa waa tusmo habow!” Qoraa: Maxamed Bashe Xaaji Xasan. Source
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay si kulul u cambaaraynayaan weerarkii isbuucii hore lagu dilay Paul Anthony Formosa oo ahaa Maareyihii shirkadda P&O ee dekada Boosaso ee Maamul-gobaleedka Puntland. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay inay la xiriireen Hay’adda P & O Ports ee hoostagta Shirkadda DP World, una gudbiyeen Tacsida geeridii Paul Anthony Formosa oo u dhashay dalka Malta. Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in ay si dhow ula socdaan baaritaanada haatan socda ee loogu dabagalayo qaabkii uu u dhacay dilkaasi. Dowladda Imaaraadka waxay ugu baaqday Maamul-gobaleedka Puntland inay muhiimad gaar ah siiyaan badbaadada Shaqaalaha ka hawl-gala Dekedda Bosaaso, si ay maalgashiga Dekedaasi uga faa’ideystaan Ummadda Soomaaliyeed, waa sida hadalka loo dhigay. Hadal-qoraalka ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa kaloo lagu muujiyey inay Imaaraadka ka soo horjeedaan dhamaan noocyadda falalka colaadeed, iyado odhanka kalena lagu xusay baahida loo qabo inay Beesha Caalamka u midoobaan La-dagaalanka waxa ay ugu yeereen Cabsida Xag-jirka ee khatarta ku ah Ammaanka iyo Deganaandhaha dhamaan Dalalka Caalamka. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo berri ka furmaya Addis Ababa. Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran. Madaxweynaha oo hadal-jeedin ku leh shirka ayaa waxa uu diiradda saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aaddan arrintan. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Afrika, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ah. Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulammo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Afrika, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda wada-shaqaynta ay leeyihiin iyo isweydaarsiga khibradaha. Dowladda Soomaaliya ayaa kamid ah dowladihii qaybta weyn ka qaatay asaaskii Ururka Midowga Afrika si loo adkeeyo midnimada iyo iskaashiga waddamada iyo shucuubta Afrika, si wadajir ahna xal loogu raadiyo caqabadaha la soo gudboonaada dalalka Afrika. The post Farmaajo oo ka qayb-gelaya shir madaxeedka Midowga Afrika appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dawladda Somaliland ayaa Budhcad-baddeed U Aqoonsan 27 Markab Shiinaha laga leeyahay Ee Ruqsadaha Ka Qaatay Soomaaliya “Haddii Abaaraha Iyo Isbeddelka Cimilladu Ay Sii Kordhaan Waxay Saameynayaan Xoolaha Nool, Sidaas Awgeed Kalluunku Waa Khayraadka Kaliya Ee Aanu Haysanno,Waana Inaanu Ilaashano Oo Aanu Si Wax Ku Ool Ah U Nidaamsanaa Hannaanka Kalluumaysiga.” Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) Hargeysa(Somalilandtoday)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in aanay xeebaha dalka iman karin 27 Markab oo Shiine ah oo Soomaaliya ay siisay ruqsado Kalluumaysi. Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), ayaa soo xigatay Shabakadda Ghana Modern oo fallanqeysa Arrimaha Afrika, oo shalay daabacday Xukuumadda Somaliland oo mowqif adag iska taagtay in xeebta JSL ay soo galaan kalluumaysatada sharci darrad ah ee Soomaaliya ka sita waraaqaha ogolaanshaha. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa tilmaamay in Somaliland ay si joogto ah u ilaaliso xeebaheeda islamarkaana u difaaci doonto xudduudaheeda. Wasiirku wuxuu ku dhawaaqay inay ula macaamili doonaan budhcad-baddeed ahaan Kalluumaysatada Shiinaha iyo cid kasta oo lagu qabto iyadoo si sharci darro ah uga kalluumaysata xeebaha Somaliland. Siday werisay Ghana Modern, waxaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysigu xaqiijiyey in aanay xeebaha Somaliland ku arag Kalluumaysato sharci darro ah oo Shiine ah, hase yeeshee ay arkaan doonyo kalluumaysi oo laga leeyahay Yeman. Wasiir Xasan Gaafaadhi wuxuu intaas ku daray inay dalka ka hirgaliyeen lix goobood oo la dhigay qaboojiyeyaal loogu talogalay inay kalluumaysatadu ku keydsadaan kalluunka ay soo jilaabtaan. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysigu wuxuu carabka ku dhuftay in Kalluunku uu yahay khayraadka kaliya ee Somaliland leedahay,maadaama oo abaaraha iyo isbeddelka cimiladu ay saameeyeen xoolihii noolaa. “Waa khayraadka kaliya ee aanu haysanno kalluunku,”ayuu yidhi Wasiir Xasan oo intaas ku daray “Haddii abaaraha iyo isbeddelka cimilladu ay sii kordhaan waxay saameynayaan xoolaha nool, sidaas awgeed waa khayraadka kaliya ee aanu haysanno kalluunku, waana inaanu ilaashano oo aanu si wax ku ool ah u nidaamsanaa hannaanka kalluumaysiga.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ISmaaciil (Saylici), ayaa saaka soo kormeeray deeq dawooyin qalab caafimaad isugu jira oo ururka Sweden SOM uu usoo diray wasaaradda caafimaadka Somaliland, sidoo kalena waxa uu madaxweyne ku-xigeenku soo indha-indheeyay keydka guud ee dawooyinka Somaliland. Wasiirku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi, ayaa sharraxaad ka bixiyey deeqdan dawooyinka ah iyo hawlaha shaqo ee keydka dawooyinka Somaliland, waxaana kamid ahaa hadaladii wasiir ku-xigeenka “Madaxweyne ururka SOM Sweden ayaa laba koontiinar oo dawo ah kusoo hagaajiyay wasaaradda caafimaadka,kharashaadka ku baxay imaatinkii dawooyinkanna waxa bixisay wasaaradda caafimaadka somaliland, mudane madaxweyne waxaanu ballan qaadaynaa inaannu sida ugu wanaagsan u maamulno”ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka caafimaadka Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo halkaasi hadlo kooban ka jeediyay ayaa u mahad celiyey guud ahaan bulshadda reer Somaliland ee ku nool qurbaha gaar ahaan ururka SOM Swden ee deeqdan qalabka caafimaadka ah keentay waxaanu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku “Aad baan ugu mahad celinayaa ururkan SOM Swden, qurbajooggu meel kasta oo ay joogaanba waan hambalyaynayaa runtii waxqabadkoodu waa mid aan la dafiri karayn, ilaa maalintii aynu lasoo noqonay madax-bannaanida wax cisbitaal qalab yaalla kala badh qurbajoogga, ayaa keenay hamblayo,”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
Ogan Bekar iyo Muuse Biixi Waxaa maanta magaalada Hargeysa gaaray Ergayga uu Turkigu u magacaabay wada-hadalada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland Ogan Bekar. Ogan Bekar iyo xubno la socday ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxayna kada hadleen sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadaladii Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo hakad uu ku yimid labadii sano ee lasoo dhaafay. Ogan Baker ayaa horey u ahaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya, waxaana isaga iyo xubno la socda ay soo gaareen dhawaan Muqdisho, iyagoo kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo kamid yahay Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad. Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii waxay si weyn dadaal ugu jirtay in Soomaaliya ay noqoto wadan cagahiisa dib isugu taaga, waana wadanka kaliya ee Yurub ka tirsan oo si dhab ah u taageera Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Hargeysa: Ogan Bekar oo la kulmay Muuse Biixi appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay ergayga uu waddanka Turkey-gu u magacaabay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Baker oo uu wehelinayo wakiilka Somaliland u qaabilsan Turkiga Ambassador Ali Noyan. Madaxweynaha iyo ergaygu Waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo ay kamid yihiin wada-hadalkii dalalka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey, siyaasadda guud ee mandaqadda geeska Afrika, waxana uu madaxweynaha Somaliland u sheegay ergayga in wada-hadalladii u dhexeeyey dalalka Somaliland iyo Soomaaliya maadaama oo aan wax midho-dhal laga gaadhin ay Somaliland dalbanayso in dalalka Caalamku ay qayb ka noqdaan wada-hadalkaas. Sidoo kale, Waxa uu madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyey ergayga in deeqaha horumarineed iyo gargaarka dawladda Turkigu ku taageerto dalalka Somaliland iyo Soomaaliya aanay isu dheellitirnayn, sidaa awgeed ay Dawladda Somaliland doorbidayso in si isku mid ah dalka Turkigu uu u qaybiyo kaalmooyinkaas, si uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu muujiyo dhexdhexaadnimo. Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo ergaygu isla gorfeeyeen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Turkiga iyo Somaliland iyo taariikhda soo jireenka ah ee ka dhaxaysa. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Laba Sano ayaa laga joogaa Markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya. Haddaba waxaan warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa Shantii dhacdo ee ugu waaweynaa ee dhacay intii uu Farmaajo ahaa Madaxweynaha. Xiriirka Federaalka iyo Maamul goboleedyada. Tan iyo markii xukuumadda haatan jirta ay talada dalka la wareegtay, waxaa jiray kulamo badan oo wada shaqayn ah oo ay yeesheen dawlad goboleedyada iyo dawladda federaalka ah oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin ammaanka iyo qaybsiga khayraadka. Hase ahaatee dhanka kale waxaa jiray khilaaf muuqda oo soo kala dhex galay dawlad goboleedyada iyo dawladda federaalka ah, kaas oo markii dambe horseeday in maamul goboleedyadu ay sheegaan in ay xiriirka wada shaqaynta u jareen dawladda dhexe. Khilaafka labada dhinac oo sii xoogaystay ayaa keenay in dawladda Soomaaliya faragalin toos ah ku samayso doorashada maamullada qaar, si ay madax uga dhigto masuuliyiin ayada taageersan, arrintaas oo ka hirgashay maamullada qaar. Dhanka kale xukuumadda Soomaaliya, ayaa Xakamaysay safarraddii madaxweynayaasha dawlad goboleedyadu ay ku tagi jireen dalalka dibedda ah. Tallaabadan ayaa dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya waxa ay sheegaan in ay tahay mid dawladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay u madax banaanaato siyaasadda arrimaha dibadda, taas oo dawladdu ay sheegto in dastuur ahaan ayada uun ay go’aan ka gaari karto. Waxay dowladdan noqotay tii ugu horreysay ee guulo siyaasadeed oo la taaban karo ka soo hoysay loollankii ay kula jirtay maammul goboleedyada, dadka wax falanqeeya qaar waxayba qabaan in markii ugu horreysay tan iyo burburkii lagu kala adkaaday siyaasadda Soomaaliya. Khilaafkii Khaliijka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhex dhexaad ka tahay khilaafkii soo kala dhex galay dawladaha Khaliijka Carabta, ee u dhexeeyey dawladda Qatar iyo dawladaha kale ee Sacuudigu hormuudka u yahay. Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay dhinacna u xaglinaynay, balse ay dhammaan yihiin dawlado walaalahood ah oo ay tahay in dhammaantood ay iskaashadaan. Go’aankaas ay xukuumaddu qaadatay ayaa la sheegaa in ay uga duwan tahay xukuumadihii ayada ka horreeyey oo ku dhiirran waayay in siyaasadooda ku aadan Khaliijka ay qeexaan. Dhiibistii Qalbi Dhagax Gudbi Qalabka dhagaysigaCaawin Qalabka dhagaysigaWaad ka baxday Qalabka dhagaysiga, guji Enter ama Tab si aad u sii wadato. Cabdikariin Sheekh Muuse oo ku magac dheer Qalbi Dhagax oo ah sarkaal sare oo katirsan Jabhadda ONLF ee ka hawlgasha Itoobiya ayay Xukuumadda Soomaaliya bishii Agoosto ee 2017-kii u gacan galisay Itoobiya, arrintaas oo keentay caro dadweyne iyo in dadka Soomaalida ah ay si isku mid ah uga falceliyaan dal iyo dibadba. Waxay noqotay dowladii ugu horreysay ee Soomaaliya matalaysa oo qof Soomaali ah u dhiibta ajnebi. Ciidammada Nabad Suggida Qaranka Soomaaliya ee NISA, ayaa kala Waregay kuwa maamulka Galmudug, oo markii hore qabtay Qalbi Dhagax, ayagoo markii dambe u sii duuliyey magaalada Muqdisho, halkaas oo looga sii qaaday Itoobiya, xabsi-gurina lagu geliyay Addis Ababa. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 18-kii November 2017-kii shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii xukuumadda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan galisay Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax). Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareysi gaar ah oo uu BBC-da siiyay ku taageeray go’aanka baarlamaanka uu ka qaatay arrintaasi. Iskaashiga Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya Tan iyo markii uu talada dalka Itoobiya la wareegay Raysul wasaaraha cusub ee dalkaas, Abiy Axmed, waxaa jiray isbaddalo siyaasadeed oo ka dhacay Itoobiya iyo guud ahaan gobolka geeska Afrika. Isbaddalladaas siyaasadeed ayaa waxaa ugu waaweynaa heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Eritrea iyo heshiiskii iskaashiga ahaa ee dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya. Madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo, uu kamid ahaa in Itoobiya ay maalgashato afar dekedood oo Soomaaliya ay leedahay. Dhanka kale kulamo dhowr oo dhex maray madaxda saddexdan dal ayay ku ballan qaadeen hirgalinta iskaashi ballaaran oo ay kamid yihiin arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha. Itoobiya ayaa dhankeeda ballan qaaday in ay dhowrayso madax banaanida Soomaaliya, oo ay joojinayso xiriirada gaarka ah ee ay sida dhow ula leedahay Maamul goboleedyada Soomaaliya. Wixii intaas ka dambeeyey waxaa muuqda isu soo dhawaan iyo wadashaqayn u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, ayadoo ay yaraadeen safarradii madaxda maamul goboleedyadu ay sida joogtada ugu tagi jireen Addi Ababa. Waana markii ugu horreysay oo ay Itoobiya si toos ah u taageerto dowladda federaalka Soomaaliya, horey waxay xiriir midabyo badan la lahaayeen dhinacyada isku hayay Soomaaliya. Dadka siyaasadda Soomaaliya indha-indheeyana waxay sheegayaan in madaxdii maammul goboleedyada ay agoomo siyaasadeed noqdeen tan iyo markii ay is fahmeen Soomaaliya iyo Itoobiya. Eryiddii Nicholas Haysom Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalka ka eriday 2-dii Janaayo 219 ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom, ayadoo ku eedaysay in uu faragalin qaawan ku hayo madax banaanida Soomaaliya. Go’aankan ayay dad badan ku tilmaameen mid dhiirran, marka la eego dowrka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, oo xilligii dowladihii hore, qeyb weyn ka ahaa go’aannada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya. Mr Haysom ayaa eryidiisii wax yar uun ka hor waxa uu war qoraal ah oo xafiiskiisa kasoo baxay kaga hadlay Doorashadii ka dhacday Maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo xariggii Sheekh Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa Murashaxiinta u taagnaa hoggaanka maamulkaas. Nicholas Haysom ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dawladda federaalka ah ay faragalin toos ah ku hayso doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayna masuul ka tahay rabshadihii dadka badani ay ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Baydhabo, arrintaas oo dawladda Soomaaliya ay qoonsatay. Si kastaba ha ahaatee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa oggolaatay in ergay cusub loo soo magacaabo Soomaaliya oo baddali doona Nicholas Haysom. Tallaabadan ayaa ahayd mid ugub ah ayadoo xukuumadihii tan haatan jirta ka horreeyey aanay ku dhiirran tallaabo caynkaan ah iyo in diblumaasi heer kaas jooga dalka laga eryo.
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo barqanimadii maanta ka dhacay xaafadda Kaawo Godey degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Ciidamo Boolis ah iyo kuwa kale oo ku sugnaa xaafaddaasi. Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay 2 askari oo la sheegay in ay is hor istaag ku sameeyeen Guri uu dhismo ka socday, iyadoona intaasi kadib askar kale oo ka careysan falkaasi ay la dagaalameen Booliska. Inta la ogyahay waxaa dagaalkan ku dhintay 2 Qof oo rayid ahaa, iyadoona uu ku dhawaacmay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amnniga oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Dhinaca kale waxaa maanta isla xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley ka dhacay dil uu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Dilkan ayaa loo geystay wiil Timo Jaro ahaa, waxaana la sheegay in askarigu uu ka shakiyay marxuumka, kadibna uu rasaaseeyay, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in askarigii ka dambeeyay dilkaasi uu goobta isaga baxsaday. Inta badan ciidamada dowladda ayaa dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhaawac u geysta dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho. The post Iska hor imaad xoogan Oo ka dhacay degmada Dharkenley appeared first on Shabelle. View the full article
-
Addis Ababa (SMN) – Ururka Midowga Africa oo maalinimada beri ah kulan ku yeelanaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya,ayaa ka hadli doona sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa kumanaan ay ku jiraan Soomaali oo qaxooti ku ah dalkaasi Itoobiya. Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ku sii qulqulaya magaalada Addis Ababa,si ay uga qeyb galaan shirkii 32-aad ee ay yeelanayaan madaxda Midowga Africa,kaas oo sanadkan looga hadli doono dhibaatoyinka qaxootiga ee Qaaradda Africa. Dalka Itoobiya oo marti galinaya shirkan ayaa magan galyo siiyay kumanaan qaxooti ah oo ka kala yimaaday dalalka South Sudan,Congo,Yemen iyo Somalia . Guddoomiyaha ururka Midowga Africa Muuse Faki Mohamed ayaa sheegay in uu rajeenayo in qodobo mira dhal ah oo ku aadan sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa qaxootiga ku nool dalka Itoobiya ay ka soo baxi doonaan shirkaasi. Ugu dambeyn Shirka ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan madaxda iyo wasiirada arrimaha ee dalalka Midowga Africa oo ay Soomaaliya qeyb ka ka tahay. The post Midowga Africa Oo ka shiraya xaaladda qaxootiga Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaa Dhawaan Heshiis Kaluumeysiga Badeenna Wada galey Dowlada Soomaaliya iyo Shiinaha , waxaana uu heshiiskaan Shirkadaha Kaluumeysiga ee Dowlada Shiinaha u ogolaanaya in ay ka Jilaabtaan Badeena aadka u dheer oo aysan jirin Dowlad Ilaalin karta, iyadoo aan ognahay in maanta aysan jirin Ciidan Bad oo Ilaaliya Badeenna Hadaba Maxaa Faa’iido ah ama Khasaaro ah noogu jiraa Heshiiskaan, ma Xuma in Heshiis lala galasho Shirkado Shisheeye balse lagama Fekerin Waxa Mustaqbalka ka imaan kara , waxaana ii suurta gashey in aan Xoga dhameystiran aan ka helo mid ka mid ah Dadka ku xeel dheer kaluumeysiga. “Kaluunka waxaa Hoy u ah Jamalada Gunta Badda Hoosteeda halkaas ayuu ku Dhalaa islamarkaana uu ka helaa wixii Quud ee u ku noolaan karo, Balse hadii halkaas looga daba tago Kaluunka waxaa imaan kara Xaaluf iyo Dhibaatooyin kale “ ayuu yiri Khabiirkaas oo diidey in Magaciisa loo isticmaalo Warbaahinta wuxuu intaa uu ku darey “Shirkadaha Shiinaha hadii aad Dib u raacdo Dhaqankooda waxay soo Xaalufiyeen Wadamo badan oo ay ka kaluumeysan jireen oo ku yaal Qaarada Aasiya ka dib markii ay isticmaaleen Qalab ka mamnuuca Kaluumeysiga , Shirkadahaas marka ay Gunta Tagaan ayey waxay sameynayaan in ay Jamalada uu Kaluunka ku Hoydo ama ku Tarmo ayey ku xiraan Miinooyin , marka uu Kor u soo yaaco Kaluunka ayey Shabakadaha u dhigaan” Hadaba maxaa Dhacaya “Miinooyinkaas waxay Xaalufinayaan Kaluunkii halkaa ku dhalayey sidoo kale waxay ay keeneysa in ay Burburaan Jamalada oo uu ilaah halkaa ugu Diyaariyey Kaluunka Tarankiisa sidaa Darteed marka ay Burburaan Jamladaas waxaa Imaanaya Dhul Gariirka Badda oo inta badan uu ka dhaco Wadamada Aasiya ka dib markii Dhibaatooyin loogeystey Jamaladii Badda Gunteeda” ayuu yiri Khabiirkaas oo sheegey in maanta aysan jirin Dowlad Xoog badan oo ilaalineysa Badaheena waxaa uu intaa ku darey “Waa Shirkado lagu fasaxay Badaas Dhererka badan oo aysan jirin Ruux Soomaaliya oo la socda marka Waa Heshiis aan laga fakerin Waxa ka imaanaya Mustaqbalka marka waa heshiish aan laga fiirsan marka la fiiriyo Dhinaca Kaluumeysiga iyo Burburka Jamaladda sidoo kale waxaa kaloo Khatar ah in aan lala socon Karin Shirkadahaas waxa ay Gunta badda ay k sameyayaan Gaar haan Dhagaxaanta iyo Khayraadka kale ee Gunta Badeena Ceegaaga Shaqsiyan aniga waxaa Indhaheyga ku arkey Xiligii Dagaalada Sokeeye Kaluumeysato Soomaaliyeed oo Doomahooda Saaranaya Miinooyinka waaweyn ee Kaaraha lagula Dagaalamo , waxay Midda Khabiirka I soo Xasuusisey Markaan weydiiyey Kaluumeystada Soomaaliyeed in ay Miinooyinkaas u isticmalayaan in ay ku soo saaraan Kaluunka ku dhuumanaya Jamalada Hoostooda sidaa Darteed waxaa Dowlada Soomaaliyeed u soo jeedinayaa Bal in ay Dib u eegaan Heshiiskaas oo aan ogahay in uu halis ku yahay Gunta Badeena W/D Amiin Yuusuf Khasaaro amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
-
Gaalkacyo (SMN) – Illaa labo ruux oo rayid ahaa ayaa lagu soo warramayaa in maanta laga Afduubtay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta G/ Mudug. Labadaasi qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka ayaa la sheegayin kooxo hubeysan ay Afduubteen, una kaxeysteen dhinaca waqooyi ee magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga watay dadkaasi dhawaan laga soo Afduubtay qof ay ehel ahaayeen oo la sheegay in lagu hayo K/ Gaalkacyo. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal oo ah ka soo baxay dhanka maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku aadan arrintaasi. Xaaladda Gaalkacyo ayaa maalmihii dambe mid xasiloon, iyadoona ciidamo isku dhaf ah oo loo sameeyay magaaladaasi. The post Dad rayid ahaa Oo laga Afduubtay magaalada Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jowhar (SMN) – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta uu baaqday kulan ay guddiga joogtada baarlamaanka maamulka HirShabelle ku lahaayeen gudaha magaaladaasi. Kulankan ayaa la sheegay in uu u baaqday sababo la xariira ciidamo dhawaan la geeyay xarunta baarlamaanka, kuwaas oo hakad galiyay dhaq dhaqaaqii xaruntaasi. Xildhibaano ka tirsan HirShabelle oo ay la xariirtay Shabelle ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arrintaasi, balse waxa ay walaac ka muujiyeen xaaladda maamulkaasi. Xiisado siyaasadeed oo ka dhashay Mushaar la’aan soo wajahday Xildhibaanada HirShabelle ayaa maalmahan ka taagneyd M/ Jowhar ee xarunta maamulkaasi. The post Kulanka guddiga joogtada Baarlamaanka HirShabelle Oo baaqday appeared first on Shabelle. View the full article