Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    192,532
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. JOHANNESBURG - Foreign store owners say they’ll return, despite being chased out of parts of Soweto. Source: Hiiraan Online
  2. Haddii siyaasadda loo yeeli lahaa hal jumlo oo la’isku raacsan yahay in lagu qeexo mal aha waxaa loo doori lahaa “Siyaasadda dhaqan suuban ma leh!” oo afka Ingiriisiga ku noqoneysa ‘Politics has no morality!” Waxaan ugu araartay jumladaas ayaa ah in aan idinku hago dulucda qormadan kooban ee aan doonayo in aan ku cabiro hanyarida siyaasadeed ee siyaasiga qeylada badan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Hadaba inta aan u galin taabashada qodobada aan u cuskan doono hanyaridiisa siyaasadeed, aan wax idinka taabto dhaq dhaqaaqyadii siyaasadeed ee ugu dambeeyey dhawrkii maalmood. 1 – Waxa dhawr maalmood kahor soo gaadhay oo si weyn Muqdisho loogu soo dhaweeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. 2 – Waxaa lagu arkay madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde xubo waa weyn oo tiro badan oo xisbiga Daljir ka tirsan sida gudoomiye ku xigeenka aqalka sare Abshir Bukhaari, dhammaatoodna waxaa ka muuqday hilow ay u qabaan Xasan Sheekh oo afartii sano ee uu joogay ka hadhsan waayey, sababna u ahaa iun laga adkaado, markii ay aas-aasee ololihii “Abgaal dambe maya”, walow aysan siyaasaddu lahayn dhaqan wanaagsan ‘Politics has no morality!’. 3 – Waxaa socda dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyey ee lagu unki lahaa isbahaysi mucaarad ah oo xoog badan oo uu hoggaamin doono Xasan Sheekh Maxamuud. 4 – Waxaa ku boohoobay isbahaysigaas, Daljir, Damujadiid, Wadajir, Horusocd iyo dhammaan kooxaha mucaaradka ah. Qodobka afraad waxaad ka fahmi kartaa in dhammaan xisbiyadaas iyo kooxaha kale ee siyaasadeed uu hoggaamin doono madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. oo 2021 la loolami doona kooxda Nabad iyo Nolol. Caasimadda Online oo la xiriirtay ilo aad ugu dhaw dhaw qaar ka mid siyaasiyiinta isku bahaysan raba dalladan ayaa u sheegay in isbahaysigu u xuub siiban doono xisbi la loolama Nabad iyo Nolol oo dhawaan ku dhawaaqi doonta xisbigeeda. Waxaa intaa dheer, in la’isku raacay murashaxa u tartami doona isbahaysigan la dhisayo kaas oo ah Xasan Sheekh Maxamuud. HANYARIDDA CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR! Walow ay hore sida link-ga hoose aad ka aqrisan kartaan Caasimadda Online u heshay xog hoose oo sheegeysay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur dowladda hadda jirta ku mucaaraday wasiirka arrimaha gudaha oo uu waayey, hadana xogtan waxa ay xaqiijienysaa in siyaasiga hankiisa ka sarreyn wasiirnimo. Tusaale, iyada oo ay dadka dhageysta hadallada uu ka jeediyo dadka uu qurbaha kula hadlo, waxa ay ku tilmaamaan codkar, afmiinshaar ah, dadka soo jita, islamarkaana u muuqda nin raadinaya xilka madaxweyne ee dalka. Hase ahaatee, haddii uu ku qancay in uu xubin ka noqdo isbahaysi uu majaraha u qabto Xassan Shiekh ama shaqsi kale, waxaa cad inuusan wasiir ka badan heleyn, sababta oo ah awood qeybsiga dalka ayaa u diidaya inuu noqdo ra’iisul wasaare haddii Xasan guuleysto. Waxcaa yaab leh, isaga oo intan dagaal maraya, qarash badan bixinaya, socdaallo badan galaya, taageeroyaal badan oo dowladda hadda jirta neceb kasbanaya, side ku ogolaaday inuu hoos-tago Xasan Sheekh. Ma hankiisa ayaa yar, mise kalsooni xumo ayaa haysa? Waxa kaliya ee cad ayaa ah dagaalka uu ku jira Cabdiraxmaan iyo hankiisa siyaasadeed waa kala laba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ee qeybata ka ah Xisbiga Waddani ayaa sheegay in Taliska Ciidamada Militeriga Somaliland uu u gacan galay beelo gaara. Buubaa oo u waramaayay warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland ayaa tilmaamay in hanaanka dhismaha ciidanka Militeriga uu yahay mid loo maray qaab khaldan waxa uuna cod dheer ku sheegay in hal beel ay hayaan qeybaha uu ka kooban yahay Taliska. “Anigu waxaan dhaliilsanahay hanaanka dhismaha ciidanka Militeriga, waxaanu qirayaa in qeybaha uu ka kooban yahay taliska ay wada hayaan shaqsiyaad hal dhinac ah” “Ka beel ahaan anigu waxaan kasoo jeeda West Burco Clan cidna kama dhexmuuqato taliska, beelaha kale qaarkood sidaa ayaa loo dulmiyay oo waxa ay ka cabanayaan cadaalad daro” Buubaa waxa uu sheegay inuusan garankarin sababta hal dhinac loogu badiyay Hay’adda Militeriga waxa uuna carab ***** in maamulka Biixi laga doonaayo inuu u cadaalad falo qabaa’ilada. Buubaa waxa uu sidoo kale, sheegay in maamulka jira uu isku khaldaayo xilalka guud iyo kuwa gaarka ah, waxa uuna tilmaamay in Somaliland ay mudan tahay in laga dhaafo waxa uu ku sheegay qabiil uruursi. Haddalka Buubaa ayaa u muuqda mid lagu duraayo maamulka Hogaamiye Muuse biixi oo inta badan loo muujiyo dhaliilo ku saleysan dhanka uroonaanshaha beeshiisa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Saraakiil iyo khubaro kasoo jeeda dalka Mareyanka ay gaaren degaanka Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Saraakiisha iyo Khubarada oo heer Militery ah ayaa la socday diyaarad dagaal oo dhamaadkii asbuucii tagay gaartay Bali-doogle, gaar ahaan Saldhiga uu Mareykanka ku leeyahay deegaanka. Guud ahaan Saraakiisha iyo Khubarada ayaa kor u dhaafaya lix kuwaa oo la socday diyaarad 29 August 2018 xili habeena Hub ka dajisay Garoonka Aadan Cadde isla markaana usii kictantay deegaanka Bali-doogle. Saraakiisha oo galbinaayay Hubka ayaa lasoo sheegayaa in wali ay ku sugan yihiin deegaanka Bali-doogle, waxaana xusid mudan inaan la ogeyn cida Hubka loogu geeyay degaankaasi. Dowlada Mareykanka oo Saraakiil iyo ciidamo ay ka joogan Somalia ayaa lagu tuhmaa inay maalgalin iyo hub siinba ku sameyso Al-Shabaab. Ma cadda halka uu ku danbeyn doono Hubka iyo Saraakiisha la socday ee xiligan ku sugan degaanka Bali-doogle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in dowlada Kenya ay gaadiid dagaal nooca gaashaman soo tubtay xadka ay la wadaagto Somalia. Gaadiidkan oo aad u badan ayaa lasoo warinayaa in xiliyada qaar ay gudaha usoo galaan deegaanada Soomaalida halkaa oo ay ka sameeyan howlgalo. C/llahi Maxamed oo kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Kenya ay hubkii ugu cuslaa soo dhigtay xadka kuwaa oo xiliyada qaar ay ku dul ridaan ciidamada. C/llahi, waxa uu tilmaamay in gaadiidka dagaal ee lasoo duldhigay ay yihiin kuwo ku cusub oo horay aysan u arag, waxa uuna carab ***** inay lasoo daristay walaac hor leh. “Ma garankarno waxa ay Kenya ula gol leedahay gaadiidka dagaal oo ay soo tubtay xadka, xiliyada qaar waxa ay nagu dul ridaan hub culus, balse waxaa nagu maqaal ah inay jirto cabsi ku aadan weeraro ku fool leh” “Waxaa dhacda in xiliyada qaar ay gudaha magaalada soo galaan gaadiid iyo ciidamo ka tirsan Kenya oo dhibaato noo geysta cid aan uga dacwoono ma jirto” Sidoo kale, dowlada Somalia ayaa ugu baaqay inay dhagaha u raariciso waxa kasoo yeeri doona xadka Somalia iyo Kenya oo lasoo dhigay ciidamo iyo gaadiid hor leh. Si kastaba ha ahaatee, arimahaani ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowlada Kenya ay todobaadkii hore ka digtay weeraro kaga imaada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  6. Markii madaxweynaha cusub ee Somalida Ethopia lamagacabay, Somali badan ayaa rajo kamuujiyay in degaanku helay fursad weyn, kadib 1991, walow uu wali mugdi kujiro qaabka ay usaldhigan doonto siyaasada Ethopiayada cusubi. Hadaba aan qodobeeyo inta aan isleeyahay waa caqabad ama fursad ee horyaal hogaanka cusub. Taariikhda dhow ee degaanka Deganka Somalida ee Ethopia waaa mid dadka soomaliga kuhadla dareen khaas ah kuleh. Dad badan oo Somali ah baa kuwaayay dad, nool iyo mood. Dadkaas oo iskugu jira kuwa daagaan ah iyo kuwo Somaliweyn daganba. Sababihii dowladii dhexe ee Somalia ay kuburburtay qeyb weyn waxaa kulahaa guuldaradii dagaalkii cadiifiga lagugalay ee 1977. Markii dowladii Mengistu latuuray, isbadelkii kadhacay Ethopia 1991, degaanka Somalida Ethopia wuxuu helay fursad uu Ethopiyadii cusbeed dhismaheedii iyo maamulkeedaba qeyb weyn kacayaari karay. Jabhadii ONLF oo markaa xaga siyasada ku mataleysan degaanka fadhiyadii siyaasadeed ee Ethopiyada cusub lagu yagleelayay ayaa la imaan talo waaqica ah oo degaanku ku helo maqaan weyn oo siyaasadeed. Taas badelkeedii waxaa dhashay kalaqeybsanaan Somalida kutimi, iyagoo dadkii isku maslaxada ahaa hoos isu eegay, kadibna hankii weynaa ee shucuubtu laheyd baa burburay. Waxaa taas dheeraa, hamigii xarakooyinkii diimaha ahaa oo burburkii dowladii dhexe ee Somaliya kadib yeeshay awood badan oo gaaray in dhulka Somaliweyn dagto oo dhan isku balaariyaan oo ay kujirto dhulkan Ogadenya. Waxayna taas fursad siisay qoloyiinkii markii horeba aan rabin in degaankani xasilo oo helayna qiil dadka lagu caburiyo. Xaladii degaanka ayaa meeshii ay taagneyd dowladii hore ee Mengistu kunoqotay. Walow imaanshihii Cabdi Illey uu dagaanka maqaamkiisa siyaasadeed kor usoo kacay; isagoo yeeshay ciidan, calan, luqada somaliga oo dugsiyada lagu barto iyo kabayaal dhaqaale oo dhismay. Balse dhinaca kale wuxuu maamulkan Illey abuuray caburin, xasuuq iyo xabsiyeen aanan xad leheyn, taas oo sii wiiqday walaalnimadii dadka iyo xasilinoodadii degaanka. Hadaba hadaad milicdo Ethopiyadii 1991 qowmiyadii marka talada wadanka qabatay waxa ay aheyd Tigray oo ah qowmiyad Somalidu abaal badan kulaheed, iyagoo wakhtigii ay jabhada ahaayeen Somaliweyn lagasiiyay degaan, waxbarasho iyo dhalasho oo Basaborka Somalida ayeey kusafri jireen. Sidaan oogu lisnay nooguma aysan hanbeyn, taliskaa Tigray ee Zinawi hogaminayay wuxuu awood galiyay inuu kala qob qobo somalida oo markii horeba kala irdhowsaneyd, wuxuu iskugu dhiibay hub wuxuuna xaqiijiyay ineysan waligood qaran awood kuleh Geeskan Afrika noqon. Hadaba wixii dhacay 1991, tan maanta xagee ayeey ooga egtahay. Kacadonkii sanadkan kadhacay Ethopia oo ay hormuud u ahaayeen Oromodu waxaa laga dhaxlay in Oromo hogaamiyaan Ethopia markii oogu horeysay taariikhda. Sanadihii ay caburinta kujireen, dadka Oromadu dhulka balaaran oo ay Somalidu dagto ayeey usoo qaxeen. Waligood cadownimo kalama aysan kulmin Somalida, waloow Somalida dhexdeedu aysan mararka qaarkood iyagu is amaangalin. Qeybo kamida qowmiyada Oromada baa aad udhexgalay oo ay isguursadeen Somalida. Balse qul quladihii bilihii dhowaan dhacay ayaa lagu xasuuqay Somali badan, dadkii xasuuqaa qeybta weyn kaqaatay waxa ay ahayeen Oromadii Somalida kudhex noolaa. Wali qof loo soo taagay danbiyadaa dhacay ha ahaadeen madaxdii askarta ama maamulka Oromoda majiro. Tani waxay mugdi galin kartaa sida Somalidu ku aaminto dowlada dhexe ee Ethopia. Fursadaha Jira ee Hogaan Cusubi Madaxweyn Cagjrar Heysto Walaow wakhtiga uuu hogaanka hayn doono Cagjar ay tahay 2 sano oo qura hadana aan dulmaro fursadaha jira. Dhaqaalaha Dagaanka waxaa lagu qiyaasaa iney dagan yihiin 8M oo somali kuhadasha, waana degaanka labaad xaga tirada iyo dhulkaba oogu baaxad weyn Ethopia, waxaa taas udheer juquraafi ahaan meesha uudhaco oo aad umuhiim ah. Degaanku wuxuu isku xiraa Ethopia iyo Somalia, Jabuuti, Kenya. Waana tan kadhigikarta in uu noqdo xaruun ganacsiga ee Geeska Africa, maadama Ethopia ay tahay wadanka Geeska Africa oogu dadka badan, halka Somalia ay leedahay xeebta oogu dheer Africa, Jabuutina ay kutaal dakada oogu casrisan Africa, Kenyana ay tahay suuqa sadexaad ee dhaqala oogu weyn Africa (South-Africa and Negeria kadib). Dhamaan arimahan aan soo sheegnay waxay kutusin muhiimada dhaqale ee degaanka Somalida Ethopia leeyahay. Hadaba qaabkee fursadani looga faaideysan karaa: Madaxweynuhu waa in uu layimaado han weyn iyo qorsho cilmiyeeysan si uu kuhananto shacuubta tirada badan ee Gees Africa awooda dhaqaale kuleh ee kuhadasha somaliga. Ganacsi badan ayeey dadka Somalida kuleeyihiin caalamka meelo badan, hadey helaan maamul kacaawiya xaga farsamada waxaan qabaa in xaarumo ganacsi ay kafuran lahayeen degaanka iyagoo maanka kuhaya suuqa weyn ee ganacsi ee kajirta Ethopia. Si aysan udhicin khaladka kajira Kenya oo maalgashiga soomalida aad oogu yaryahay degaanka Somalida, waa in degaanka Somalida Ethopia lagahelaa tasilaadyadii ganacsigu ubaahnaa. Degaanka wuxuu leeyahay koronto jaban, biyo iyo dhul beereed, wuxuu fursad uyahay shirkado badan oo ka ganacsata Somalia, Jabuuti iyo Kenya oo kadhisan kara warshado iyo xaruumo wax soosaar (Production Lines). Inuu udub dhexaad unoqdo xiriirada ganacsiga (bilateral business agreements) ee dhexmara Ethopia iyo darisykeeda, maadama degaanku meesha uu kuyaalo ay xudunta tahay. Matalan iskuxirka ganacsi ee Somaliya iyo Ethopia yeelaneyso ama Ethopia Jabuuti iyo Kenya yeelaneyso waa in Dageenku qeyb kayahay oo uu noqdo wadada lasoo marsiiyo alaabta kabaxeysa ama galeysa Ethopia. Inuu degaanka uu wax kahelo mashruucyada waa weyn ee Ethopia kasocda. Ilaa iyo iminka mashruuc weyn degaanka kama qabsoomin, walow ay Ethopia kadhismeen warshado badan oo wax soo saara, khad train iyo kaabyaal dhaqale oo badan. Xagga Siyasada Waa inuu dowladiisa iyo xisbigaba kusoo daraa dad aqoon durugsan iyo khibradba uleh xaalada degaanka kujiro. Waa ineysan noqon sidii hor udhacday dhalinyaro suit and tie soo xirtay oo khibrad maamuleed laheyn gacanta loogaliyo xafiisyo muhiim u ah dadka iyo degaanka, waa in ladoonaa ruug cadayadii iyo waayo aragii aan Madaxweyne Cagjar ka miisaan yareen. In Madaxweynuhu yeesho khuburo sharci yaqaan oo darsa nidaamka federalka Ethopia ee hada jira, sii loo lafaguro inta caqabadka ku ah Degaanka. Waayo sharciga federalka ee Ethopia siduu uqoran yahay waa si aad ooga sareysa sida wadanka iminka lagu maamulo. Marka Madaxweyne Cagjar wuxuu ubahanyahay in waxkastoo awooda degaanka iyo mansabka shacuuqta kor uqaadikara oo kuqoran sharciga federal kudhiiranado in sida ay uqoranyihiin loo fuliyo, sharciyada aanan degaanka u adeegeyna uu layimado farsamadii iyo wadaxajoodkii meesha looga saari lahaa. Gunaanad Madaxweynuhu waa inuusan ahaan madaxweynaha Jigjiga oo kaliya, waa in magaaloyinka degaanka kuwada hoydaa oo soo arkaa xaaladaha kajira. Waa inuu degaanku si mugleh oola shaqeeeya walaalaha dariska la ah Jabuuti iyo Somalia. Khusuusan waa inuu kuqanciyo maamulka iyo dijaarta Jabuuti in sida kaliya ee danahooda dhaqale ee Ethopia ay ku ilaalsan karaan ay tahay maamulka Somalida Ethopia oo awood leh mid dhaqaale iyo siyaasadeedba. Sidaa awgeed waa in ay qeyb weyn kaqaataan horumarka degaanka Somalida ee Ethiopia. W/Q: Axmed Xaaji Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. CRA agents had alleged a 'fraudulent scheme' by Mohamed Jesow of bogus deductions and donations Source: Hiiraan Online
  8. As the Aug. 31 deadline for Saudi students to leave Canada passes, at least 20 students are filing asylum claims in an attempt to stay in the country. Source: Hiiraan Online
  9. Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shirkad basaasnimada qaabilsan oo laga leeyahay Israel waydiisatay qalab lagu dabagalayo taleefoonka Ra’isulwasaaraha dalka Lubanon iyo qaar kale oo ka tirsan madaxda dowladaha Carabta sida la ogaaday Maalintii Jimcaha ahayd. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo waramayaa inay waydiisatay NSO Group sidoo loo dhageysan lahaa taleefoonada siyaasiyiin badan oo dalalka carabta ah Gaar ahaan Boqorka Sacuudiga, Hoggaamiyaha Qatar iyo Ra’isulwasaaraha Lebanon Saad Hariri. Ilaa hadda si cad looma ogo haddii dalabka Imaaraadka Carabta loo fuliyey isla markaasna la jabsaday Moobeelada Madaxda dowladaha kor lagu soo xusay. Sida ay sheegtay New York Times dowladda Imaaraadka Carabta ayaa muddo sanad ah adeegsaneysay Qalab ay sameeyeen basaasiin reer Israa’iil ah iyadoo la jabsanayey moobeelada Smartphones lana dhageysanayey wicitaanada Gudaha iyo kuwa Debadda ee taleefoonada madaxda qaar ka tirsan dowladaha Carabta. NSO Group ayaa horey u sheegi jirtay inay macaamiisha ka gadanayo qalabkaas kaliya loo ogol yahay in loo adeegsado shakhsiyaadka dambiyada galo iyo kuwa looga shakisan yahay argagixisada, waxaana macmiilka iibsanayo qalabkaas loo sheegi jiray inuu mas’uul ka yahay haddii uu u adeegsado xad-gudubyada xuquuqda madaniga ah. Laba Kiis oo lasoo bandhigay Maalinti Khamiista aheyd ayaa shirkadaan iyo shirkadaha kale ee xiriirka la leh lagu eedeeyey in barnaamijyadaas loo adeegsaday dhaqdhaaqyo aan sharci aheyn. Dowladaha Imaaradka iyo Sacuudiga ayaa muddo badan ahaa xulafo waxaana laga yaabaa inay arrintaan abuurto khilaaf ka dhex dhasho labadaan dowladood. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  10. Rasaas Culus ayaa goordhaweyd laga Maqlay agagaarka Saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir. Maleeshiyaad Hubeysan ayaa Goor-dhaweyd weerar ku qaaday Saldhigay Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degmada Hiilwaa ee Gobalka Banaadir gaar ahaan Xaafada Suuqa Xoolaha. Goobjoogayaal ku sugan Xaafada Suuqa Xoolaha ayaa PuntlandPost uxaqiijiyey inay Maqleen Rasaas Culus oo ay isweydaarsanayaan Ciidamada amaanka iyo Maleeshiyaad Hubeysan oo soo weerar Ciidamada. Ilaa hada lama oga Qasaaraha ka dhashay Iska hor imaadka ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana la ogeyn halka ay aadeen Maleeshiyaadii weerarka ku sooqaaday Ciidamada Dowladda. Xasan Mohamed Samatar Cowke Puntlandpost Muqdisho The post DEG DEG:Rasaas Culus Oo Laga Maqlayo Degmada Huriwaa appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa jug culus goordhow laga maqlay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waabari ee Gobolka Banaadir. Jugta oo aad u xooganeyd ayaa lasoo sheegayaa inay ka dhalatay Bam gacmeed lagu weeraray Xarunta Degmada Waabari. Jugta kadib ayaa waxaa la maqlaayay rasaas ay ridayeen ciidamada ilaalada ka ahaa Degmada iyo kuwo ku sugnaa meelo aan sidaa uga sii fogeyn. Qaraxa loo adeegsaday Bam gacmeedka ayaa waxaa ku dhaawacmay hal Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kaa oo markii danbe la dhigay goobaha caafimaadka. Qaraxa kadib Ciidamada ammaanka ayaa isla caawa bilaabay baaritaano amni xaqiijin ah, waxayna ku daba jiraan raggii ka dambeeyay weerarkan, sida ay sheegeen saraakiil qaabilsan ammaanka. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxa lagu weeraray xarunta Degmada ayaa kusoo beegmaya xili garoon ku dhexyaala degmada ay habbeenkii ku cayaaran mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo kuwo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. The new Ethiopian ambassador to Egypt, Azanaw Tadessea, arrived from the Ethiopian capital Addis Ababa on Saturday on the Ethiopian Airlines flight, where he completed his arrival at the airport’s VIP lounge. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax gaari ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, gaar ahaan xaafadda Nuur Aduunyo ee degmada Dharkeenley. Qaraxa oo ahaa mid intiisa badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka dhashay miino nooca dhajiska oo lagu xiray gaari raaxo. Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in nooca Gaariga lagu xiray Qaraxa uu ahaa Sruf, kaa oo uu lahaa Gudoomiye ku xigeenka G/Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle. Gaariga ayaa Qarxay xili uu horyaalay guri ku yaala Xaafadda Nuur Aduunyo, iyadoo milkiilihaa loogu xiray Qaraxa uu wargaliyay ciidamada Ammaanka ee degmada. Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay laba Askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada kuwaa oo xiliga Qaraxa ku howlanaa sida ay Gaariga uga furi lahaayen Qaraxa lagu dhajiyay. Sidoo kale dhaawacyada labada askari ayaa la dhigay isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa inay kamid ahaayen ciidamada Degmada. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa xiligaan u badan nooca dhajiska ee gaadiidka raaxada loogu xiro shaqaalaha DFS. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Waxaa si farxadeed kusoo dhamaaday mideeyntii iyo iscafintii guud ee walaaha dega tuulooyinka hoostaga Degmada Cadalle. Dowladda Hirshabelle State waxay waqti aad u dheer kadib ay ku guulaysatay in si nabdoon ay u mideeyso beel walaala ah oo dega tuulooyinka hoos yimaada Degmada Cadalle. Walaalaha dhibaatadu kala gaartay ayaa kuhishiiyay in iscafin guud ahaan,in si midnimo iyo walaalimo loogu noolaado sidii loogu noolaan jiray,in walaalaha ay wada wadaagaan wax waliba ay wada leeyihiin iyo in bisha soo socota kulan guud oo laga wada marqaati yahay leeyskugu yimaado ,si tusaale ugu noqoto dhamaan ehelka kasoo jeeda gobalka shabeellaha dhexe iyo guud ahaan deegaannada Hirshabelle. Ehelka walaalaha ah waxeey mahad ballaaran ujeediyeen dhamaan Madaxda Hirshabelle,Gudoomiyaha Gobalka Shabellaha dhexe. Waxeey sidoo kale amaan mahad naq ah iyo duco isugu dareen Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Ali Guudlawe Hussein oo ah higaamiyihii lahaa billowga gogosha nabadeed iyo midnimada lagu guuleeystay. Xafiiska Warqabadka ee Lataliyaha sare ee Dhanka Saxaafada ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle State. Mahadsanidiin ! Hassan Abdikadir Mudey
  15. Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa muujisay inay wali ku xoogan tahay dalka Mar ka la eego Weerarada ay ka geystaan Gobalada Koofurta Soomaaliya. Afar Sano Ka dib dilkii Hogaamiyihii guud ee Kooxda Al-shabaab Axmed Godane ayaa la Sheegay inay Xoojiyeen Weerarada ay ku qaadayaan Saldhigyada Ciidamada iyo goobaha Shacabku ay ku badan yihiin sida maqaayadaha iyo Hotleeda Magaalada Muqdisho. War-bixin ay soo saartay Kooxda Al-shabaab ayaa lagu sheegay inay Xoojiyeen dhismaha Maleeshiyaadka Hubeysan ee Weerarada ku qaada goobaha Dowladda Soomaaliya ay Maamusho oo ay ka mid yihiin Gobalada Shabeelooyinka iyo Magaalada Muqdisho, sidoo kale Warxintaan ayaa lagu xusay Weeraro dhiig uu ku daatay,kuwaasi muujinaya inay wali Xoogan tahay Awooda Kooxda. 1-Weerarkii Leego oo dhacay bishii June 2015 waxaa lagu dilay in kabadan 70 Askari oo katirsan ciidanka Burundi. 2-Weerarkii deegaanka Jameeco oo dhacay bishii June 2015 waxaa lagu dilay 60 Askari Itoobiyaan ah. 3-Weerarkii Ceel Cadde oo dhacay bishii Janaayo 2016 waxaa lagu dilay 200 Askari Kenyaan ah 4-Weerarkii Janaale oo dhacay Bishii September 2015 waxaa lagu dilay 55 Askari Yugaandheys ah. 5- weerarkii Kulbiyoow oo ciidanka Kenya looga dilay 57 askari. 6-weerarkii Golweyn oo 51 askari looga dilay ciidanka Uganda 7-weerarkii Halgan oo ciidanka Itoobiya looga dilay ugu yaraan 60 askari. Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Ciidanka gaarka ah eeDowladda Maraykanka ayaa Koofurta Soomaaliya ka joogteeyey Weerarada Cirka ah ee lagu beegsanayo Hogaamiyaasha Ururka Al-shabaab, balse wali laguma guulaysan in la soo afjaro qatartooda. Xasan Mohamed Samatar Cowke Puntlandpost Muqdisho The post Afar Sano ka Dib Dilkii Godane Maxaa Iska Badalay Awooda Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre oo maanta gaaray xarunta bankiga dhexe ee Somalia ayaa halkaa kula kulmay mas’uuliyiinta Bankiga. Ra’isul wasaare Kheyre oo booqashadiisa aan kusii wargalin mas’uuliyiinta Bankiga ayaa ku amray hubinta kharashaadka ay bixiyaan. Waxa uu sheegay in amarkiisa uu yahay mid dabagal leh, isla markaana lagu muujinaayo taxadarka Bankiga Dhexe, si looga hortago in xoolaha dadka ay si khaldan u baxaan. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu maamulka Bankiga faray in mar waliba ay u diyaar garooban isla xisaabtan joogta ah, isla markaana aan laheyn wargalin. Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre ayaa maamulka Bankiga ku adkeyay ilaalinta ammaanadda ay u hayaan ummadda isaga oo kula taliyay in nidaamka xisaabaadka bangiyada lacagaha lagu bixiyo lana yareeyo in lacag kaash ah la bixiyo si haddii loo baahdo looga daba tagi karo. Waxa uu sidoo kale amar ku bixiyay in la sahlo bixinta mushaaraadka ciidamada dowlada si buu yiri loo dhiiri galiyo ciidamada oo xili waliba usoo jeeda howlaha amniga.
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dagaal xoog leh oo u dhexeeya Wasiirka Dastuurka dowladda Federal-ka ah Cadi Xoosh iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka dhex qarxay barta Facebook kaddib markii uu wasiirka soo dhigay muuqaal 2016kii laga duubay xildhibaanka. Muuqaalka uu Xoosh ka soo qaatay Fiqi waxa uu ahaa mid la duubay dabayaaqadii 2016 waxaana joogay qaar ka mid ah saxaafadda iyo waliba siyaasiyiin badan oo diidanaa nidaamkii xilligaas sida Tarsan. Muxuu ka yiri Xoosh? “Xilhibaan Ahmed Fiqi oo ka hadlaya Musuqmaasuqii baahsanaa sannadadii 2015/2016, markuusan wali naqan xildhibaan, iyo hadda xulufadiisa eega. Bal adba!! Waan xasuus yaraannay kulligeen ma istiraahdeen??” Jawaabtii Axmed Macallin Fiqi “Mid ka mid ah wasiirada shaqo la’aantu heyso ee mid ka mid ah wasaaradaha dalka ugu muhiimsan xilkooda hadda haaya waa Xoosh Jibriil (il-duubte) ayaa si xun u soo xigtey asagoo soo jarjarey hadal ku saabsanaa musuqmaasuqa oo aan horey u iri! Musuqmaasuq waqti uu xalaal yahey marnaba ma jirto, welina ololihii musuqmaasuq la dirirka ee aan ku jirey halkiisii ayaan ka sii wadayaa, musuqmaasuqii aan waagaas ka hadlayey mid ka xun oo ka badan ayaa hadda xukuumadda uu wasiirka ka yahey Xoosh ka dhex socda, balse Xoosh wuxuu ka duubtey indhihii oo umaba jeedo, wuxuu ka doorbidey in uu khubdooyinkeygii jarjaro asaga iyo kooxaha naflacaariga ah ee dacaayaddu hubkooda siyaasadeed uu yahayn ay ku faafiyaan boggiisa iyo bogag kale oo baraha bulshada ah. Xoosh sanadkii 2012-kii dastuurka dalka wareeriyey oo mijaha iyo madaxa dawladnimadii iyo hey’adaheedii isaga xirey waa ninkii ka mas’uulka ahaa ee u gacan geliyey dad ajnabi ah iyo Mahiga oo markaas xafiiska qaramada midoobey joogay, mana jiro musuqmaasuq ka weyn midkaas oo dalkaan ka dhici lahaa, waxaa ayaandarro ah in ninkaasi uu weli mas’uul ka yahay dastuurkii dalka oo lagu abaalmariyey dhibaatadii uu dalka u geystay, asagoo ay wada shaqeyn la’yihiin guddiyadii madaxa banaanaa ee dastuurka iyo dawlad goboleedyadii.. Waxaa xusid mudan in Xoosh oo aqoon sharci loogu xuley wasaaradda dastuurka ay noo sheegeen dadkii yaqaaney in shatigii qareenimada dalka Kanada lagala noqdey, mas’uuliyad-daro xirafadda qareenimada ku saabsan oo uu ku kacey awgeed, welina anshax xumadii ayuu asagoo wasiir sheeganaya ka muuqata, waxaana kula talin lahaa in uu ka waantoobo dacaayadaha raqiiska ah iyo ciyaal iska dhigidda, ilaaliyana mas’uuliyadda iyo xilka uu umadda u haayo.” Hadaba weerar iyo weerar celiskaas maxaan ka baran karnaa? In muddo ah waxaa caado noqotay in siyaasiyiinta isku haya xukunka Soomaaliya ay is dadban iyo bareerba isu weeraraan iyada oo waliba aad u xoogeysatay wixii ka dambeeyey 2017. Hase ahaatee, waxaa muuqata in siyaasiyiinta Soomaaliyeed uu biseyl badan ka muuqdo maadama ay inta saxaafadda haddii ay ahaan lahayd warbaahinta ama baraha bulshada isku dhaliilaan ama si bareer ah isugu wareeraan hadana aad arkeyso iyagii oo Hotel-lada waa weyn ee magaalada ku wada cabaya Kafeega! Waa biseyl iyo ugu yaqaan qaan gaadhinimo muujineysa halka ay siyaasadda Soomaaliya gaadhay sanadan dambe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo booqday dugsiga tababarka ciidanka ee Janaraal Dhega-badan oo ay ka socoto diiwaan gelinta nidaamka casriga ah ee ciidanka xoogga dalka ayaa saraakiisha shaqada loo xil-saaray ku amray in ay dardar-geliyaan si loogu guulaysto tira koobka ciidanka. Saraakiisha loo xil saaray diiwaan gelinta nidaamka casriga ah ee ciidanka ayaa ra’iisul wasaare Khayre uga war-bixiyay hannaanka ay u wadaan hawsha, waxa ayna u ballan qaadeen in ay dar-dar geliyaan fulinta qorshaha si waqtiga ugu habboon ay ugu soo gebagebeeyaan tirakoobka ciidanka. Saraakiisha ku sugan dugsiga tababarka ciidanka ee Janaraal Dhegabadan ee duleedka galbeed magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ra’iisul wasaaraha u sheegay in ururka Kumaandoosta Danab lagu bilaabay diiwaan gelinta lana wadayo inta guud ahaan xogta ciidanka loogu kaydinayo habka casriga ah. Nidaamka casriga ah ee kaydinta xogta oo sahlaya in qof kasta ee lagu diiwaan geliyo xogtiisa lagu kaydiyo sida ugu habboon, ayaa dawladda ka caawinayaa tirada rasmiga ah ee ciidanka mileteriga iyo fududaynta xuquuqda ciidanka iyada oo loo marsiinayo akoonnada ay ciidanku ku leeyihiin bangiyada dalka. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale booqday bangiga dhexe ee dalka isaga oo guddoonka bangiga kula dardaarmay ay sare u qaadaan hannaanka hubinta lacagaha bankiga ka baxaya iyo in lagu dadaalo in lacagaha baxaya la marsiiyo Akoonno si loo yareeyo lacagaha kaashka ah. Halkan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Ciidamada Soomaaliya oo loo diiwaan-gelinayo nidaam casri ah appeared first on Puntland Post.
  19. Inta la xaqiijiyay labo askari oo ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa dhaawacantay, kadib qarax gaari lagu dhajiyay oo goordhow ka dhacay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Nuur aduunyo. Jugta qaraxaan ayaa maqlay guud ahaan xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir. Saraakiil Ciidan ayaa sheegay in qaraxa lagu soo xiray gaari yar oo ah SURF, ayna ka shakiyeen laamaha amniga markii ay udhowaadeenna uu qarxay. Dhanka kale goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa goordhaweyd gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya,waxaana socda baaritaano. Xasan Mohamed Samatar Cowke Puntlandpost Muqdisho The post War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  20. MOGADISHU (Caasimada Online) – Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) has reportedly started a new plan to make its Intelligence Agency’s name changes. Reliable sources told Caasimada Online that country’s security leadership was planning to change the name of National Intelligence and Security Agency (NISA) into its previous name which was National Security Service (NSS). The Agency was used to be called as National Security Service (NSS) between 1970 and 1990 by the military government, but NISA’s name was given when the agency was re-established in January 2013, according to sources, who asked to be anonymous, because of reprisal attack. The on-going plan is reportedly organized by Deputy Chief of Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA), Fahad Yasin and Zakariye Osma’il Hersi, who defected from Al Shabaab and other senior officials, whose name has not been released. Fahad Yasin is set to be appointed as country’s Intelligence chief after the new plan is done, the reliable sources said The new plane of Agency’s name changes emerged as the agency has recently descended into disruption and conflict over security reshuffle in a degree announced by country’s President Mohamed Abdullahi Mohamed last month. This comes after former deputy of NISA chief, Abdullah Abdullah was stripped his membership of Somalia’s National Intelligence Agency. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  21. Somalia and Ethiopia formed, for the first time, a Joint Committee in cooperation to establish a long-term cooperative relationship based on mutual respect and good-neighborliness, as well as the preservation and respect of the sovereignty and unity of both countries. Source: Hiiraan Online
  22. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shikeh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho isaga oo 18 bilood kaddib markii talada dalka looga adkaaday ku soo laabtay. Imaanshaha Xassan Shiekh waxa ay ahayd mid la wada sugayey maadama dhawr jeer oo hore uu baaqday. Sidoo kale, boggiisa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdirshakuur ayaa boggiisa Facebook ku shaaciyey in uu dalka ku soo laaban doono muddo uusan cayyim balse aan dheereyn. Bulshada inta badan waxa ay fahansan tahay in labada siyaasi ay dalka u imanayaan dar dar galinta ol’olihii ay awalba ku jireen ee doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo muddo laba sano iyo bar kaddib, walow in ay arintaas ku mideysan yihiin iyo in kale aysan caddeyn. Xassan Shiekh? Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiekh Maxamuud waxa uu sheegay markii uu ka soo degay gegida Aadan Cadde in uu dalka u yimi in uu xog-ogaal u noqdo xaaladda dalka iyo dadka oo uu safarkiisa ku koobnaan doonin Muqdisho balse gobollada oo dhan tegi doono. “safarkeyga waxaa uu u badanyahay xog ogaalnimmo, wareysi, dadka inaan kala war qaadannno, markaan intaas sameyno kadib ayaa wixii talo ah iyo ra’yi ah siyaasadeed aan ka hadli-doonnaa, laakin muhiimadda ugu weyn waxaa ay tahay inaan ogaado xaaladda uu dalka ku suganyahay, maadaama aan muddo ka maqnaa, dhinac walbo leh, dhinac siyaasadeed, dhinac dhaqaale leh, dhinac amni leh, kadibna wixii talo ah oo sida mustaqbalka loo quruxin karo ra’yigeyga iyo taladeyda siyaasadeed ayaan la iman-doonnaa, beyahan soo socdana kulammo badan iyo wada sheekeysi badan ayaan yeelan-doonnaa haddii alle yiraahdo’ marka kale waxaan u mahadcelinaa intii I soo dhoweysay inta dalka joogta iyo dibaddaba.” Cabdiraxmaan Cabdishakuur? “Waxaan qorshaynayaa in aan dalka dib ugu noqdo si aan hawsha horay ugu sii wado. Waxaan booqan doonaa Gobolada dalka hadba sidii ay duruuftu iigu saamaxdo. Waxaan ka filayaa shacabka Soomaaliyeed ee gudaha ku dhaqan soo dhoweeyn la mid ah tii aan kala kulmay jaaliyadaha debeda.” Maxaa u dheer ol’olaha ay ugu jiraan doorashada mudadda labada sano ka badan ina xigto? Labada siyaasi walow ay kala afkaar duwan yihiin hadana waxaa muuqata in ay ka wada siman yihiin dareenka ah in ay masiibo ku tahay himiladooda siyaasadeed dowladda hadda jirta oo guuleysata. Taas, waxaa laga dheehan karaa hadaladda kicinta ah ee uu siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur kula hadlo dadka qurbaha iyo waliba qoraaladda uu soo dhigo Facebook. Haddii aan kicinta sharraaxaad ka bixiyo, Cabdiraxmaan Cabishakuur inta badan waxa uu buun buuniyaa khilaaf uu sheego in uu u dhexeeyo dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah, haddii aad u fiirsato hadaladda uu jeediyo, kama waayeysid ka hadalka arintaas. Taas, waxa ay caddeyn u tahay in siyaasiga uu wal walk a qabo in dowladda dhexe ay saameyn ku yeelato maamul gobolleedyada si kastaba haku timaadee isaga oo ka cabsi qaba in ay u fududeyso nidaamka hadda jira in ay caga dhigtaan oo ay doorashada dambe si fudud ku soo laabtaan. Dhinaca madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waa laga yaabaa in uu kaga aragti duwan yahay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iska horkeenidda dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada, hadana waxa uu kala siman yahay in aysan dowladda sameyn ku yeelan ama aysan noqon kuwo ku siyaasad ah Muqdisho. W/Q: Cabdalla Calasow Muse Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa inay socdaan qorshooyin isbeddelo loogu samaynayo Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (HSNQ) ama National Intelligence and Security Agency (NISA). Sida ilo-wareedyo ay u sheegeen Caasimada Online, isbeddelada ayaa waxaa ka mid ah in hay’adda laga beddelo magaca NISA, dibna loo soo celiyo magaceedii hore ee Hay’ada Nabadsugida Qaranka (HNQ) ama National Security Service (NSS). Magaca National Security Service (NSS) ayaa hay’adda loogu yeeri jiray xilligii dowladdii milatariga intii u dhaxeysay 1970-kii illaa 1990-kii, hase yeeshee magac NISA ayaa loo bixiyey markii hay’adda dib loo aas-aasay bishii Janaayo ee sanaddii 2013. Isbeddeladan ayaa waxaa wada xubno uu ka mid yahay agaasime ku xigeenka cusub ee hay’adda Fahad Yaasiin, oo qorshaha socda uu ka mid yahay in dhowr bilood kadib uu isaga un la wareego hoggaanka hay’adda. Waxaa sidoo kale qorshahan wax ka wada Zakariye Ismaaciil Xirsi, oo horey uga tirsanaa Al-Shabaab, iminkana la shaqeeya hay’adda, kaasi oo isna laga yaabo in agaasime ku xigeen loo magacaabo marka lasoo dhamaystiro isbeddelada cusub. Isbeddladan ayaa imanaya ayada oo dhowaanahan ay hay’adda hareeyeen carqalado iyo khilaaf dhexdeeda ah, oo xubno sare xilka looga qaaday, ayada oo maantana ay haya’dda xubinnimadii ka saartay taliye ku xigeenkii hore Jeneral Cabdalla cabdalla. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. MOGADISHU (Caasimada Online) – Four years after Somalia’s Al Shabaab leader, Ahmed Abdi Godane, known as Abu Zubeyr was killed in airstrike carried out by US in southwest of Somalia’s capital Mogadishu. The group’s leader, Abu Zubeyr, and his driver died on 1st December, 2014, when a vehicle they were travelling in hit by drone strike in Barawe town, some 220km (120 miles) South of Somali capital Mogadishu. Zubeyr’s death was confirmed by Al Shabaab. Godane, who received training and fought in Afghanistan, was designated as terrorist by the United States. The death of Godane, who only succeeded in consolidating his control of the group by killing or driving out his major critics and potential rivals, have led Al Shabab to split into different factions. Al-Shabab announced Godane’s immediate successor, Ahmad Diriye, known as Abu Ubeida within a week of his death after meeting in Jilib town in south of Somalia. Abu Ubeida reportedly played an instrumental leadership role in the purge of dissidents from the group in 2013. Since his death, the group’s fighters rumpped up its deadly attacks on Somali army forces with African Union troops’ camps in south and central Somalia. Last year, Abu Mansoor Mukhtar Robow, an elusive, charismatic militant who was once a senior commander of Al Shabaab in Somalia, surrendered to government forces in a surprise move that could weaken the country’s Islamist militants. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  25. Ma badna in Wasiirrada arrimaha dibaddu ay dhawrsanaanta diblomaasiyadda ka tagaan, xitaa marka ay ku jiraan fadhiyo albaabadu u xiran yihiin, laakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa si buuxda meel isagaga dhigay qoraalkiisii ka koobnaa 6-da bog ee uu u diray safiirradiisa bishii la soo dhaafay kaas oo ku saabsanaa isu soo dhowanshihii lama filaanka ahaa ee dhex maray labada dal ee colka ahaa dariskana ay yihiin ee Itoobiya iyo Erateriya. Billawgiiba waxaa soo if baxay in Dowladda yar ee Jabuuti – iyada oo ay jirto sabab la fahmi karo – ay ka dareentay walwal aan horay loo arag isu soo dhowaanshahaa lama filaanka ahaa, sidaa darteed ayuu u doortay wasiirkeeda arrimaha dibadda in uu werwerkaa ku cabbiro erayo aan leexleexad lahayn, isaga oo aan innaba ilaalin diblomaasiyaddii dhaqanka ahayd, waxa uuna ku sifeeyay Raysulwasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed in uu yahay “nin dagdagaya oo fudud”, waxa uuna u adeegsanayaa xubinnimada aan joogtada ahayn ee dowladdiisa ee Golaha Ammaanka in cunaqabataynta lagaga qaado Erateriya, isaga oo aan ka fikirin saamaynta ay arrintaasi ku yeelan karto Jabuuti oo ah saaxiibka ugu muhiimsanaa ee Itoobiya 20-kii sano ee lasoo dhaafay. Sawirrada: Wasiir dibadeedka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf (Midig) iyo RW Itoobiya, Abiy Axmed (bidix) Erateriya waxaa looga yaqaanay diblomaasiyiinta dhexdooda in ay tahay Kuuriyada Woqooyidii Afrika, ilaa mar dhowna waxaa lagu tilmaami karay cadawga cid walba, waayo marka laga soo tago dagaalkii dheeraa ee ay la gashay intii aysan xornimada ka qaadanin ka hor iyo kadibba, taas oo ka dhigtay Itoobiya dowlad aan bad lahayn, sidoo kale Erateriya, waxa ay dagaal la gashay Jabuuti bilawgii 2010-kii, muran xagga xuduudda ah dartii. Kaddib markii ay Erateriya ciidammo ku soo daadisay saddex geesoodka Dumeera ilaa gudaha Jabuuti, arrintaas oo keentay in ay labada dal dhex maraan dagaallo kooban oo dhibaatadoodii qayb ahaan lagu xalliyay dhexdhexaadintii Qadar oo kadibna geeysay ciidammo kuweeda ah xuduudda labada dal, laga soo billaabo xilligaa Erateriya waxa ay noqotay meel ay gabbaad iyo taageero ka helaan mucaaradka Jabuuti, kuwaas oo ay ugu cadcad yihiin koox mucaarad hubaysan ah oo loo yaqaanno “Ciidanka Cabsida”. AANNU DIB KUU CELINO! Cadaawadda ka dhexaysa Itoobiya iyo Eriteriya, mushkiladaha soo jireenka ah ee aan la xallinin iyo culayskii uu keenay go’itaankii Eriteriya ayaa ku khasbay Itoobiya in ay miciin biddo Jabuuti lana sixiixato heshiis ah wax wada qabsi millatari sanadkii 1999-kii, ilaa iyo xilligaa Jabuuti waxa ay u ahayd Itoobiya badda kali ah ee u furan, 95% baahideeda ahna waxa ay kala soo dagi jirtay dekedda Jabuuti, sidoo kale Jabuutina Itoobiya waxa ay ka keensan jirtay biyaha iyo korontada. 20-kii sano ee ugu dambeeyay xiriirkoda isku tiirsanaan wuu xooganaa, iyada oo ay xoojinayaan xaqiiqda juquraafi iyo dhacdooyinka siyaasadeed oo uu udub dhexaad u ahaa xiriirka aan wanaagsaneen ee Itoobiya ay la lahayd Eratariya iyo Soomaaliya kaas oo xoojiyay makaanadda Jabuuti ee ah in ay tahay meesha kaliya ah ee Itoobiya bad uga furan tahay. Yeelkeede, Isbadallada uu Abiyi Axmed kula heshiinayo Eriteriya iyo Soomaaliya ayay Jabuuti u aragtaa in Abiyi Axmed uusan kaligii wadin, laakiin ay jirto dowlad gobolka ka tirsan oo gadaal ka riixaysa, taas oo doonaysa in ay isbahaysiyo ay ku jiraan kuwa Geeska Afrika ay dib ugu dhisto si waafaqsan danaheeda, dowladdaas oo ah tan Imaaraadka Carabta. Sidaa darteed, ayay Imaaraad qaybteeda ka soo gaadhay risaalada carada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa sidaa ku jabiyay xeerarka diblomaasiyadda rasiinka ah, isaga oo uu wasiirku si cad u sheegay walwalka uu ka qabo faragelinta Imaaraadka ee dib u dhiska mandiqadda, kuna tilmaamay dowladdan Khaliijku in ay tahay gacantii ciidan iyo maal ee istiraatiijiyadda cusub ee Maraykanka, isaga oo fartana ku fiiqay ballanqaadkii dhaxal sugaha Abu Dabay Maxamed Bin Saayid ee ahaa in uu siiyo Itoobiya balaayiin doollar oo kaalmo ah si ay xiriir ula samaysato Erateriya. Gorgortankaa ayay Jabuuti ka aragtay in ay Imaaraadku hooyo iyo aabe u tahay sheekada, iyada oo waliba aan arrintaa u samaynin in danaheeda kaliya ay ku ilaashato, balse ay rabto in ay muujiso sida ay awood ugu ledahay in ay dhibaatayso Jabuuti khilaafka daran ee ka dhexeeya labada dal awgii kaasoo taagnaa ilaa iyo 2015kii ku saabsan dhawr arrimood oo ay ugu muhiimsan kaalinta Imaaraadka ee maamulidda Dekedda Jabuuti. Soo bixiddii iyo dhicidda Jabuuti Iyada oo ay Jabuuti tahay dowlad aan lahayn wabiyo ay wax ku beerato, sidoo kalana aysan lahayn macaadin ay la soo bixi karto, sidoo kalena aan lahayni wax soo saar sidaa u buuran oo ay ka soo muujin karo khariidadda caalamiga ah ee dhaqaalaha iyo ganacsiga, haddana mawqiceeda isriraatiijiga ayaa mar walba ahaa waxa ugu qiimo badan ee ay haysato iyada oona gacanta ku haysa furaha albaabka koonfureed ee Badda Cas iyo Kanaalka Suways, taas oo ah mid kamid ah marinnada ugu muhiimsan adduunka. Sidoo kale, juquraafiga ayaa siiyay Jabuuti booskaa muhiimka ah ee kulaalaya marinka Baabul Mandab oo ah albaabka uu maro qiyaastii 8-10% ganacsiga shidaalka caalamiga ah, iyada oo ay in ka badan 20,000 oo ka mid ah maraakiibtaasi ay sanad walba maraan dekedda Jabuuti, iyada oo waliba ay ku yaalaan gobolka dakado la tartamaya, sida: Suudaan, Soomaaliya, Eratariya, haddana maal gashiga Jabuuti ee dhisidda kaabayaal hormarsan iyo daganaanta siyaasadeed ee ay haysto ayaa ka dhigay meel ka soo jiidasho badan meelihii kale ee la tartami lahaa. Waxaa intaa sii dheer, in Dowladda Jabuuti ee uu madaxa ka yahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, mudo 20 sano ku siman, waxa ay fahmeen waqti hore faa’iidooyinka ay ka heli karaan bugcadooda istiraatiijiga ah, faa’iidooyinkaa oo aan ku koobnayn dhaqaalaha waddanka oo kaliya ee wax ka taraya deganaanta nidaamka siyaasadeed ee uu gacanta adag ku hayo, sidaas darteed, ayuu go’aansday Geelle in uu albaabada waddankiisa u furo saldhigyo milatari oo ajnabi ah si uu uga helo maal iyo ilaalo, isaga oo waddankiisii ka dhigay meel ay ku kulmaan ciidamada reer Bari iyo reer Galbeed oo doonaya in ay maal bixiyaan si ay u helaan saldhig ciidan oo istaraatiji ah. Laga soo bilaabo gumaystihii hore ee Faransiiska oo ku leh saldhig la dhoho “Fors Fransis DJbouti” waana mid kamid saldhigyada ugu muhiimsan ee Faransiisku ku leeyahay Qaaradda Afrika, taas oo Jabuutina ay ka hesho dhaqaala muuqda ha ahaado kirooyinka, kaalmooyinka iyo masaariifta hawl gelinno kala duwan. Waxaa muuqata in xoogga iyo xoola doonka Geelle uu ku ekaan waayay ciidanka Faransiiska oo kaliya, waxa uuna ka faa’iidaystay baahida uu Maraykanku u qabo in uu ciidan ahaan ku joogo Afrika xilligii dagaalkii Ciraaq, waana ta keentay in uu soo bandhigo martigalinta ciidamada ee saldhigga Limoneh ee u dhow garoonka caalamiga ah ee Jabuuti oo Maraykuna uu geeyay 900 oo askari sanadkii 2002-dii kuwaas kadibna si tartiib tartiib ah u gaaray 4500 oo askari, iyada oo ugu dambaynna saldhiggaasi uu xarun u noqday xarunta ciidanka maraykanka ee Afrika ee loo yaqaanno AFRICOM oo ay hawlaheeda kamid yihiin ilaalinta hawada iyo badda dhawr dal oo Afrika ah oo ay kamid yihiin Soomaaliya, Suudaan, Kiinya, Yaman, Eratariya iyo Jabuuti lafteeda. La soco qaybta 2-aad…Insha Allah Waxaa Tarjumay: Dr Maxamed Xasan Nuur