-
Content Count
214,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somaliland: Former Nigerian President Obasanjo On Visit To Somaliland. The former Nigerian President Olasegun Obasanjo has arrived in Somaliland on a working visit as part of the Brenthurst Foundation. The former Nigerian leader was received by the Somaliland President Muse Bihi Abdi in Hargeisa. Former President Obasanjo first come to power in a Nigeria after the assassination of General Murtala Mohammed in a failed coup attempt. General Obasanjo, as he was then, transferred power to an elected civilian government, led by the late Shehu Shagari in 1982. During his retirement, former President Obasanjo was part of the group know as the Commonwealth Eminent Persons who worked towards ending apartheid in South Africa. He was one of the few people allowed to visit the late Nelson Mandela in prison. In a remarkable political comeback, former President Obasanjo was elected back into office in 1999 and served as president until 2007. The visit to Somaliland is part of the Brenthurst Foundation which works with countries in Africa on economic development. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaaciyay in Somaliland ay lumisay fursad ay si wadajir ah magaalada Hargeysa ugu tagi lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisu wasaaraha Ethiopia. Mr Guuleed ayaa sheegay in markii la dooranayay madaxweyne Farmaajo ay olole doorasho ay ka socdeen Somaliland, laakiin markii dambe ay soo baxday fursad ay madaxda dowladda Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare Abiy ku tagi lahaayeen magaalada Hargeysa. “Markii madaxweyne Farmaajo la doortay kadib waxaa jirtay doorasho ay ku mashquulsaneyd Soomaaliland. Annagu aragtideenna waxay ahayd in saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani kii la doortaba in aannu la shaqeyno lana sii amba qaadno wadahadalladii horay u socday, mid aannu gaar u taageersaneyn ama aan niyadda ka rabnayna ma jiro” “Markii dambena waxaa toos u wada xiriiri jiray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Biixi, xiriirkooduna wuxuu wanaagsanaa ilaa laga soo billaabo bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii”, ayuu yiri Mahdi Maxamed Guleed oo wareysi siiyey Goobjoog TV. Wuxuu sheegay in Somaliland ay diiday booqasho wadajir ah oo madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku tegi lahaayeen magaalada Hargeysa. “Waxaan kuu sheegayaa in dhawaan ay Soomaaliland lumisay fursad dahabi ah oo ahayd in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyne Farmaajo ay rabeen in iyagoo wada socda ay ka dagaan Hargeysa” “Laakiin markii madaxweynaha Soomaaliland iyo maamulkiisa ay wada tashadeen ma aysan suurtoobin, ilaa haddana dhankeenna diyaar baan u nahay inaan mar walba tagno, ha noqoto Farmaajo oo kaligiis ah ama isagoo uu la socdo Abiy”, ayuu yiri Ra’iisal Wasaare ku xigeenka oo markii ugu horeysay kashifay Qorshahan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Walaalayaal dhamaantiin waxaan idin leeyahay Ramadaan Kariim, waxaan inyar kaga hadli doona bisha ramadaan ee ilaahay inugu faral yeelay inaynu soono. Bisha Ramadaan waa bil qaali ah oo ahmiyad weyn ku fadhida, mudanna in laga faa’iidaysto oo la kasbado kheyraadkeedda iyo barakooyinka ay wadato, taas oo ku xidhan dadaal iyo niyad wanaagsan,waa bil khayr badan oo Shayaadiinta la xidh-xidho. Bisha Ramadaan ee caawa innoo bilatay waa bisha 9-aad ee bilaha Hijriga ah,waxana la sharciyeeyey oo la waajib yeelay bishii Shacbaan ee sannadkii labaad ee Hijriyada. Bisha Ramadaan waa bil uu Illaahay subxaanna watacaalaa, u doortay inay ahaato bil loo soomo oo loo af-xidhnaado Illaahay dartii oo laga dheeraado cuntada,cabbidda iyo denbiga kale oo dhan oo lagu koobnaado qur’aan karin, isu-naxariisasho, is-caawin iyo badashadda cibaadada iyo xuska iyo xusuusnaanta rabbi. Cibaadadu waata Alle subxaana watacaalaa inoo abuuray oo Alle mooyee ma jiro cid kale oo xaq lagu caabudaa “Uma aan abuurin Jinka iyo Insiga inay i caabudaan mooyaane wax kale, kama rabo risiq iyo inay i quudiyaan,Illaahay ayaa Raasiq ah,oo leh quwad xoog leh.” Cibaadadu waa dhamaan wax Alla wixii qofka ka soo fula ee uu ku kaco ama sameeyo ee isugu jira waxa uu niyadda ka doono iyo waxa uu qowl ama hadal ahaan u yidhaahdo ama waxa uu hawl ahaan ama ficil ahaan u sameeyo ee ula yimaaddo “Waxad tidhaahdaa(Nebi Allow), salaaddayda iyo camalkayga dar Alleed,iyo noloshayda iyo dhimashadayduba Alle ayay u sugan yihiin,oo wax shariig ah ma lahe, sidaas ayaa layna amray, waxaanan ahay Muslimiinta ka ugu horreeya. Cibaadada Alle innagu waajib yeelay waxa ka mid ah Soonka, waa Rugniga 4aad ee Arkaanta Islaamka,waxnna qofku isu af-xidhayaa dar Alle oo cuntada iyo cabbidda iyo hadaladda laq-wigga ah oo dhan baa wuu ka tagayaa. Alle gefafka aynu ka galnay waa inaga dhaafi karaa, laakiin, gefafka aynu iska galnay way adag tahay in la inaga dhaafo ilaa qofkii aad ka gashay ku cafiyo. Alle waxaynu ka baryeynaa inuu innagu simmo gudashaddeeda iyo dhammaystirkeedda, awoodiisanna innoogu dembi dhaafo. Khadar Dirir Qaran News
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo howlgallo joogta ah habeennadan ka wada magaalada Muqdisho ayaa xalay waxay howlgal ka sameeyeen degmada Hodon ee gobolka Banaadir. Howlgalkan ayaa inta uu socday waxaa lagu soo qabtay dhallinyaro aad u badan, kuwaasi oo la geeyey xarumo ku yaalla degmadaasi si baaritaanno loogu sameeyo. Sida ay inoo xaqiijiyeen dhallinyaro ka mid ahaa dadkii howlgalkaan lagu qabtay, baaritaanno kadib dhammaantood waa lasii daayey. Saraakiisha Booliiska ee howlgalladan hoggaamineysa ayaa sheegay in ulajeedkoodu uu yahay sidii ammaanka magaalada Muqdisho loo xaqiijin lahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sii-hayaha Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga ayaa salaan diiran u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed iyadoo ay bilanayso bisha barakeysan ee Ramadaan. “Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo adduuka dacalladiisa u rajeynayaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo nabad ah,” ayuu yiri Md. Zenenga. “Kani waa waqti muhim u ah sannadka oo ay qoysaska iyo bulshadu isu yimaadaan, ka fikiraan waxa dhab ahaan mecno u leh nolosha, una duceeyaan oo taageero u fidiyaan dadka danyarta ah. Sidoo kale waa waqti la heshiiyo la isna cafiyo.” “Soomaaliya ha hesho farxad, nicmo iyo raynrayn bishan barakeysan ee Ramadaan – Ramadan kareen, Ramadaan wanaagsan.” Source: goobjoog.com
-
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa shalay oo Axad ahay ah ku qaabilay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Danjire Hamdi Loza, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga iyo sidoo kale arrimihii ugu dambeeyay gobolka iyo dunida. Soomaaliya waxa ay doonaysaa inay hore ugu dhaqaajiso xiriirka kala dhexeeya Masar dhinacyada kala duwan si kor loogu qaado wax wadaagga istiraatiijiga iyo in la qoto dheereeyo iskaashiga dhan kastaba leh, oo ay ka mid yihiin ammaanka, milatariga, waxbarashada iyo ganacsiga. Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Isniin ah ayaa guud ahaan dalalka Islaamka ah waxaa laga sooman yahay maalinta Koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadan. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka islaamka ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Farmaajo ayaa kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed in ay adkeeyaan walaaltinimadooda, taakuleeyaan dadka danyarta ah, lana shaqeeyaan laamaha ammaanka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Shacabka kula dar-daarmay in laamaha Amniga gacan lagu siiyo siday waajibaadkooda ugudan lahaayeen ayna u sugi lahaayeen Amniga,isagoo Hay’adaha Amnigana ugu baaqay inay u turaan Shacabkooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa ku dhawaaqay inay heshiis muhiim ah la galeen beesha Biyamaal oo degta deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Beesha Biyamaal iyo Ururka Al Shabaab ayaa ka heshiiyay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, dagaaladaasi oo hub ay ku kala qabsadeen labada dhinac. Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay heshiiskaasi inuu ahaa mid labada dhinac ay gaareen, waxaana kamid ah in beesha Biyamaal ay ciidamadeeda kala soo baxdo dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa beesha Biyamaal laga doonayaa inay ku dhawad 200 oo qori ku wareejiyaan Al Shabaab, sida lagu sheegay qoraalka lagu baahiyay baraha Al Shabaab wararkooda lagu faafiyo. Sidoo kale waxaa beesha Biyamaal laga doonayaa inay ciidamada beeshooda ah ka saaraan safka hore ee Ciidamada AMISOM. Al Shabaab ayaa dhankooda balan qaaday inay Beesha Biyamaal u celin doonaan dhamaan waxii hanti ahaa ee laga qaatay beesha intii ay socdeen dagaalada ka dhacayay deegaanada Shabeelaha Hoose. Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose ugu magacaaban Al Shabaab ayaa sheegay inay ka dalbanayaan beelaha Soomaaliyeed inay ku biiraan dhanka Al Shabaab islamarkaana heshiisyadaasi oo kale la galaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa farriin uu xalay soo saaray muslimiinta dunida ku hambalyeeyay, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo maanta koow ah. Farriintan oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee aqalka cad, ayaa Trump si cajiib ah uga hadlay fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan. “ Waxaan salaam diirran u dirayaa dhammaan muslimiinta u dabbaal-degaya bisha Ramadaan” ayaa Trump ku bilaabay farriintiisa. Mr Trump ayaa sheegay in Ramadaan tahay, markii Qur’aanka kariimka ah lagu soo dejiyay nebi Muxamed SCW, oo qoysaska iyo bulshooyinka muslimka ah ay ku maamusaan Qur’aan akhris, khushuuc iyo salad. “Ramadaanta, muslimiintu waxay soomaan laga bilaabo waaberka ilaa makhribka iyagoo Qur’aanka akhriya, shaqooyin wanaagsan qabta, dadka kalena u samafala, waxaana ay arrimahaasi u samaynayan, si ay u gaaraan safarka noloshooda ee ku jihaysan in ay naxariista Alle helaan” ayuu yiri Trump. “Bishan gudaheeda, dhammaanteen waxaan haysannaa fursad aan kaga fekerno nimcooyinka Alle na siiyay, waa in aan si wadajir ah uga shaqeynaa saaxiibnimada iyo kalgacaylka dhexdeenna ah, waxaan xaqiijin karnaa bulsho ku nool isku duubni iyo ixtiraam” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyntii, wuxuu farriintiisa ku geba-gabeeyay in isaga iyo xaaskiisa Melania, ay khayr badan u rajaynayaan muslimiinta dunida ee ay u bilatay Ramadaan. Halkaan ka akhriso farriinta PUNTLAND POST The post Trump: Waxan haysanna fursad aan kaga fekerno nimcooyinka Alle na siiyya appeared first on Puntland Post.
-
Golle ay ku mideysan yihiin xubno ka tirsanaa baarlamankii horre ee Puntland 2014-2019 ayaa shir ay isugu yimaadeen magaalada GAROWE kasoo saarey bayaan talo soo jeedin ah oo ku socda madaxda shirku uga socdo magaalada GAROWE. Bayaankan oo ka kooban dhawr qodob waxay mudanayaashii horre ee Puntland kula dardaarmey madaxda Soomaalida inay isu tanaasulaan kana soo saaraan shirka waxa dalka iyo dadkaba dan u ah. Halkan ka akhristo bayaanka PUNTLAND POST The post Bayaan tala-soojeedin ah oo ku socda shirka Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa noo xaqiijiyay in dhowaan xilka laga qaado doono taliyaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi. Dadkaan aan la hadalnay ayaa noo sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheysay xil ka qaadista Koofi dhowr bilood ka hor balse ay dib u dhigtay markii hakad ku yimid bixinta Baasaboorka Soomaaliya. Lama oga qofka lagu badali doono balse waxaa la sheegayaa in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay sarkaalkii lagu badali lahaa taliyaha socdaalka Maxamed Aadan Koofi. Koofi oo markiisii hore Al-Shabaab ka tirsanaa ayaa dhowrkii sano uu halkaasi joogay waxyaabo badan ka qabtay waxaana la sheegaa in uu soo nooleeyay baasaboorka Soomaaliya. Dowlado badan ayaa aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliga halka qaar kalane ay sheegayn in dhowaan ogolaan doonaan Baasaboorka Soomaaliga ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Markaa maqasho dowladda iyo maamul Gobaleedyada waxaa kugu soo dhacaya Khilaaf, muran iyo is qab qabsi dano gaar ah ku dhisan, balse waxa xiga ee la is waydiiyo ayaa ah yaa xalin doona, ma Shisheeye mise dhaxdooda? Markii ugu horreysay odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ayaa wada isku daygii 1-aad ee lagu dhex dhexaadinaya dowladda iyo maamul Gobaleedyada markii ay ka soo laabtaan Shirka Garowe ee Puntland. Nabadoon Xasan Kacaan oo kamid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ku balameen shir ay isugu imaanayaasha odayaasha dhaqanka kadibna looga dhawaaqi doono shir wayne lagu heshiisiinayo dowladda iyo maamul Gobaleedyada si looga faa’iideesto waqtiga yar ee harsan. Nabadoonka ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin xaaladda sitaasadeed iyo midda amni ee dalka, sidoo kalane ay rajo xumi ka qabaan in dalka doorasho ka dhici doonto sanadka 2021ka hadii aysan dhicin isbadal iyo wadashaqayn guud. “Waxaan ku ballanay in aan qabano shir kadibna aan ugu yeerno kulan ay isugu imaanayaan dowladda iyo maamulada waana go’aan aan gaarnay” ayuu yiri Nabadoon Xasan Kacaan. “Ciddii diido waxaan u arki doonaa caqabad mana aaminsani in ay jirto qof diidaya, maxaa yeelay meel fog ayaa ka keenay dowladnimada hadii aan nahay odayaasha dhaqanka ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Nabadoon Xasan Kacaan oo la hadlay Caasimada Online. Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyaa in ay ka gaabiyeen doorkii ay ku lahaayeen la socod-shada dowladda iyo ka warqabka caqabadaha ay wajahayso maadaama ay yihiin hogaankii soo dhisay dowladnimada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaarado dagaal ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo gobolka Bari. Diyaaradaha dagaalka ayaa duqeyn ka geystay saldhigyo kooxda Daacish ku lahaayeen gobolka Bari ee Puntland, waxaana duqeyntaasi lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsan kooxda Daacish. Duqeymaha ugu badan ayaa ka dhacay deegaanada buuraha ah ee Isha Gaaca iyo Moqor oo qiyaastii 75km dhanka bari ka xiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana ku sugnaa xubno ka tirsan Kooxda Daacish. Saraakiil ka tirsan Ciidamada maamul Goboleedka Puntland ee ku sugan dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegeen inay ka war hayeen duqeyntaas,isla markaana lagu waxyeeleeyey Xubno ka tirsan Kooxda Daacish. 14-kii Bishii April ee Sanadkaan ayaa duqeyn diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ay ka fuliyeen deegaan lagu Magacaabo xariiro oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa waxaa lagu dilay kuxigeenkii hoggaamiyaha Kooxda Daacish-ta Soomaaliya. Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay duqeymo ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Duqeynta ayaa lala eegtay saldhigyo ciidamada Al Shabaab ku lahaayeen deegaan hoostaga degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Gargaagarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dawladda Soomaaliya iyo Wasaaradaha Gargaagarka ee Dowlad Goboleedyada oo ku shiray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalku galayo Abaarro aad u daran sida saadaashu sheegeyso loona baahan yahay in arrintaas laga hortago. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiiibooyinka Cabdirashiid Xasan ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu sareysa arrintan ay Baaq ka soo saari doonaan. “Waxaa arrintan baaq kasoo saari doona Madaxda Dowladda ugu sareysa sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaan kuu sheegi karaa hadda in dalka abaar dhibaatadeeda wadato ku soo socoto taasna waxa kaliya oo aan u baahanahay ayaa ah in aan ka hortagno”. Wasiirka Gargaarka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa tilmaamay in Koonfur galbeed tahay meelaha ugu badan oo dadka abaartu ku saameysay. “Koonfur Galbeed waa meelaha ugu badan oo dadku abaartu ku saameyso magaalada Beydhabo waxaa jooga Barakacayaal ka badan dadka deegaanka ah”. Wasiirada waxaa ay ugu baaqeen Ganacsatada iyo dadka wax heysta in arrintan sidii looga gaashaaman lahaa gacan ay ka geystaan. Xilli roobaadkii guga ee laheli jiray Bilahan ayaana wali la helin waxaana dhibaato xoogan kasoo yeereysaa dadka reer guuraaga ah ee deegaanadooda wali uusan roobkii guga uu san ka da’in. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalooyin ka tirsan Galmudug ayaa sheegaya in maanta aan laga sooneyn maalinta Koowaad ee Bisha Ramadaan. Wararka aan ka heleyno magaalooyin Dhuusomareeb, Guriceel iyo Xeraale ayaa sheegaya in maanta aan halkaasi gabi ahaanba laga sooneyn maalinta Koowaad ee bisha Ramadaan, sida dadka deegaanka laga soo xigtay. Qaar kamid ah culumada ku sugan deegaanadaasi ayaa sheegay in bisha Ramadaan aysan arkin, islamarkaana maanta sidaasi darteed u soomi waayeen. “Culumada waxay sheegeen inay aragti ku soomayaan aragtina ku furayaan, sidaasi daraadeed maanta lagama soona Dhuusomareeb, Guriceel iyo Xeraale”Sidaasi waxaa yiri Wariyaha Caasimada Online ee Galmudug. Inta badan bisha Ramadaan deegaanada maamulka Ahlu sunna ayaa ka hara shacabka Soomaaliyeed, iyadoo taasi aysan aheyn markii ugu horeysan. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeey bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana la ogeyn sababta shacabka Deegaanada Galmudug ku dhaqan aysan u raacin Ummadda Muslimiinta. Walow Degmooyinkaasi aan la sooneyn haddana waxaa maanta maalintii koowaad laga sooman yahay deegaano ka tirsan maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ceelbuur (Caasimadda Online) – Dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan ee degaano kamid ah Gobalada Mudug iyo Galgaduud ayaa kordhiyay Afduubka loo gaysanayo dhalinyarada ka yar 15 sano jirka si ay uga mid noqdaa dagaalamayaasha Alshabaab. Al-shabaab ayaa degaanada Ceeldheer, Ceelbuur Galcad, Galhariiri, iyo Masagawaay ka afduubtay dhalinyaro badan oo dhamaantood ka yar 15 sano jir sida uu noo sheegay Xildhibaan Maxamed Cabdulle Guure oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug. Xildhibaan Guure ayaa sheegay in ay soo furteen dhalinyaro badan kadib markii ay xariir la sameeyeen Xubno Al-shabaab halka qaar kalane ay Wali gacanta Alshabaab ku jiraan. Degmooyinka iyo degaanada ku yaala Gobalada Galgaduud iyo Mudug ee Ceeldheer, Xarardheere iyo Goobo kale Alshabaab waxay ku sugan yihiin muddo ka badan 10 sano waxaana lagu tilmaamaa in ay degmooyinkaas ay ka tirsan yihiin goobaha ay Alshabaab ku xidideesteen. Dadka ku nool degaanadaas uma ogola Carruurtooda Alshabaab, lamana soo baxsan karaan, sidoo kale ma awoodaan in ay Alshabaab carruurtooda ka difaacdaan maadaama aysan heli karin garab iyo taageero dowladeed waxayna dhaxda ugu jiraan Nolal Mugdi ah. Dadka ku nool Degaanadaas waxay dowladda dhexe ku leeyihiin Xildhibaano iyo Wasiiro, sidoo kale waxay qabaan ganacsato maal qabeena ah balse dhamaantood war kama haayaan degaanada ay ka soo jeedaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka ka imaanayaa buuraleyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay shalay duqeymo ka geysteen diyaaradaha dagaalka Maraykanka. Duqeynta oo sida la sheegay lala beegsaday xubno ka tirsan Daacish ayaa lagu garaacay buuraha Isha Gaaca iyo Moqor qiyaastii 75km dhanka bari ka xiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Balse waxaan weli faahfaahin laga helin in khasaare ka dhashay duqeyntaasi iyo haddii uu ka dhashay inta uu le’egyahay midna. Duqeynta ayaa ku soo beegmatay iyadoo halkaasi ay maalmihii u dambeeyay hawlgallo xiriir ah ka wadeen ciidanka PSF ee dowladda Puntland oo dagaal kula jira Daacish iyo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Diyaaradaha Maraykanka oo duqeeyay malayshiyaadka Daacish ee ku sugan gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta si adag uga hadlay xaalada deg-dega ah ee Madaxweyne Muuse Biixi deegaano katirsan Gobolka Sanaag. Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka hadlay dilkii loo geystay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Somaliland, isagoona inqilaab ku sheegay xaalada deg-dega ah ee lagu soo rogay degmooyinka Gar-adag, Ceel Af-weyn iyo Ceerigaabo. Xildh. Dirir oo ka hadlaya arrimahaas ayaa wuxuu yiri “Saraakiisha Ciidanka ee la bartilmaameedsanayo maaha wax ugub ah ee hore ayay u dhacday, tan waxa ka horreeyay Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil Marxuum Casayr, Dawladdu way dedaashay way soo qabatay Nimankii dilka geystay, Maxkamaddaa la geeyay waana la xukumay” “Nasiib-daro’se illaa Maanta wax fulin ah lama samaynin oo go’aankii Maxkamadda lama raacin, haddii taa la raaci lahaa (la fulin lahaa) kumay dhiiradiin Maanta kuwa dilka geystay oo mabay hawaysteen inay Ciidan dambe soo hadal-qaadaan, laakiin taasaa keentay oo dhiirigelisay in la laayo saraakiisha”. Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland kama jirto xaalad nabadgalyo-darro, laakiin waxa ka jirta fulin la’aan, haddii waxa Maxkamaduhu jideeyeen la fulin waayo, nabadgalyada ayaa xumaanaysa”. “Xaaladda deg-degga ahi nabadgalyada inay xumayso mooyaane waxba ka tari mayso, waxay innagu celinaysaa halkii Somaliland maraysay 1988-kii. Inay Ciidamadu xukunka Gobolka la wareegaan waa inqilaab, inqilaabna Ansixin uma baahna, markaa in Goleyaasha la keeno ma ahayn”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Maalinta barrito oo ah maalinimo Isniin ah ayaa laga Soomayaa iyo dunida Muslimka ah ka dib markii bisha Ramadaan cawa laga arkay gobalada qaar ee dalka iyo inta badan dunida muslimka ah. Madaxda ugu saraysa dalka sida Madaxweynaha, Raiisalwasaaraha iyo gudoomiya golaha shacabka ayaa si is ku mid shacabka Soomaaliyeed ugu hanbalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo barriito ay tahay maalintii koowaad. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka islaamka ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Maxamednaha ayaa kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed in ay adkeeyaan walaaltinimadooda, taakuleeyaan dadka danyarta ah, lana shaqeeyaan laamaha ammaanka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Shacabka kula dar-daarmay in laamaha Amniga gacan lagu siiyo siday waajibaadkooda ugudan lahaayeen ayna u sugi lahaayeen Amniga,isagoo Hay’adaha Amnigana ugu baaqay inay u turaan Shacabkooda. Sidoo kale Raiisal wasaaraha Xukuumadda federalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu hanbalyeeyay dhamaan dunida Islamka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha Ramadaan, “Waxaan dhammaan shacabka muslimiinta ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaayaa bilaawga bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaan leeyahay Ilaahay ha idiin dhib yareeyo Ramadaanka”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in bishaan uga faa’iideestaan in ay isu soo dhawaadaan, dalkana u duceeyaan, Dhanka kale gudoomiyaha golahaa shacanka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu hambalyeeyay dadka Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed Dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan,waxa uuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay mar walba midnimo muujiyaan sidoo kalena ay gar gaaraan dadka caawinta u baahan. ”Dhamaan waxaan u hanbalyeeynayaa Umadda Muslimka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel waliba ay adduunka ka joogaan bilashada bisha Ramadaan,Umadda Soomaaliyeed meelwaliba ay addunka ka joogaan waxaan ugu baaqayaa iney ayagu is gargaaraan. Goobjoog News waxa ay aqristayaasheeda iyo shabcabka Soomaaliyeed ay ugu hanbalyeeyneysaa bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gabayga Magaciisu waa KUMAA GOBA-KUMAA GUNA, wuxuu si qotodheer u taabanayaa sifooyinka gobanimo iyo gunimo ay kala leeyihiin iyo in cadaalad daradu ay ka mid tahay sifoyinka gunimada, gobanimadana lagu kasbado sharaf aduun iyo mid aakhiroba. Sidoo kale wuxuu xusayaa dhawr Abwaan magacyadoodii (AHN) iyo xasuus reebyadoodii. Waxa kala oo uu gabaygu ka digayaa kana talo bixinayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta cadaalad darada, u sinaan la’aanshaha iyo ku tagri falka hantida umada. Hal-abuur: Omar Ali Abdi Magaca gabayga: KUMAA GOBA-KUMAA GUNA Epost:Omar.A.Abdi@gmail.com Taariikh: 05.05.2019 Aduunyadan samii gaabiyee xumuhu goobyaali Caqli gudhan wakhtiga kaa galaa waa gu kaa lumaye Waa geed qalalay aad caleen goobi dhaladiiye Tusaaluhu kuwuu gaar uyahay ways maan garane Gunimiyo waxay gobi tahaan kuu yar guud mariye Bal gudoon war gowdhliyo afxumo waa la gubanaaye Gobanimadu waa shay islaam loo garwaaqsadaye Waa waajibaad gaara iyo gudasho towxiide Galad weeye Eebuhu baxshoo gaar u leeyahay Ma goblamo midkii uu ilaah ugu gargaaraaye Guuluhu midkuu saamaxaa gaadha sharaftaase Marna nabada waa mid u guntaday gogoshu seexdaaye Godob li’ida weeyiyo waxaan shilimo goyneyne Gasiinkaa macaan kuu noqdiyo gama leylkiiye Gaadh iyo marwaa kuu difaac guudka kaa jira’e Gaashaan waxay kaaga tahay gocor tilmaantiise Magan loo gargaariyo marwaa kii magayno ahe Oo waa guul la soo hoysan karo goor cidhiidhi ahe Go’aan waa qadhaadh oo adayg kaaga soo go’a’e Gurmad weeye loo galo dan qaran amase tii guude Gudoon saxa aqoon weeye iyo garasho dheeraade Gacal waxay yihiin geesigoo gogol wadaagaane Waa geed ku baxa baa la yidhi dhiiga geesiga’e Gaari iyo halyey baw dugsi ah gawre dhaxameede Gabaadkii dabayl kaaceshiyo galangal weeyaane Shaal garabka kuu saaraniyo guudka waa sharafe Gurgurshaa hayina geedigiyo waa gardaadshaha’e Gurac laga ilaashiyo midnimo waa gadaafaha’e Runtoo gacan la siiyiyo xaqoo garab la saaraaye Waa geed goboo la hadhsadaa goor kuleyle ahe Midhaheeda waxa goosan kara amaba gaadhaaya Qofkuu Eebe garansiinayee waajibkeed guda’e Ma xaslado xigaalkii gujiyo xaasid gaamuray Aftartaa tilmaan gobanimaan kaaga soo guraye Gunimona waxay tahay hadaan gacan togaaleeyo Gefka waa islaam laga galiyo guule amarkiise Golqaniinka waa dulin arlada geliya weesaaqe Gabood falista iyo waa cadliga oo la gaasiro Garsoorkoo xaqii ka ambadiyo xaakin eex galaye Adigoo gasiin iyo u heli gogol inaad siiso Waa gaajobeel li’i martida goor xun kuu timiye Safar gudaya goobaar cidla’a waaka gees mara’e Gabayoox dhalaan iyo haween daadin waa geli’e Gayaxayn runtoo lagu xidhiyo waa gardiidnimo’e Denbi iyo nimaan eeba gelin gaalshirow dirada Gaagixinta waa qaran guntaday goynta waaxyaha’e Masuul gabey xilkii loo egmoo gole ka rooraaya Ka go’doonsha weeyaan dadkuu gaadhka ka ahaaye Kala geynta weeyaan xigaal goobo wada yaale Gashi iyo midkii aano gala godobta weeyaane Guux baa arlada kaaga baxa galow dhawaaqiise Waa qaan guntiga kuugu xidhan oon go’ayn abide Kumaa goba kuma guna kumaa heedhe garanwaaya? Afartaasna gaaguuf murtida gig iyo liishaan dhe Goolaaftankii ay gunimo gob is haleeleen dhe Gun nin yidhi gantaalkii ku dhacay galabsigiise dhe Gunimada gamuun lagu dhuftiyo runiyo guusheed dhe Gardarada ragaa ugu xidh-xidhan jeelka gudihiisa Garyaqaan u doodiyo dulmane gob iyo caadeed dhe Gabay uu abwaan xori tirshiyo gar iyo miisaan dhe Iska soo mar geestaad rabtiyo gabayadii Qaasim Galabsiga tixdii Ina Miriyo gabay awaadhkii dhe Gaheyr iyo sidii Ina Huriyo Galow la’aan Saalax Gamuute iyo geeraaraduu gaalka kula dooday Gudi baxay miduu Faarax Nuur talo ku gaadhsiiyey Garnaqsigii Qamaan iyo tixduu Cali garwaaqsiiyey Gaallays gunimo uu la dhacay godanihii Aadan (afqalooc) Gurmadkii Salaan uu col baxay gaan ku kala baajay Goohii Suldaan Timacadiyo gaaxdi ina Mumin Guubaabadii Gadhliyo Gaariyiyo geesigii sugule Dhoodaan tixdii gudbiyo saw ku garanmaayo Ma Gil-gilo duqaydiyo tixdii Maxamed Guuleed dhe Gidigood anaan magac dhebayn qalina gaadheynin Godka lagu janeeyadan waxaan maansadow geliyey Waa inaan wixii naga gedmaday gelino diinwaane Gundhig iyo markhaatay u tahay goor la soo maraye. Oo waa godol xusuusiyo murtida gurada noo taale. Waxaanse gabay ku soo koobayaa yey ku gees marine Gafanuhu gabaaray marwaa dhuubanoo godane Gosha wuxuu ka buuxshaa khalqiga dhiig ka soo go’aye Markase uu golaha buuxsadaa haraga giijaaye Gudi baxay rag guurtiya markii golaha loo saaro Oo aad gudoonshaha u tahay gar iyo xeer beegti Lama gowdhiyee hadalka waa xubinta uun gooye Gubni ciidan guuto iyo gaas ururo gaadiid ah Ujeedada ragaas loo guree looga dhigay geeshka Waa inay dab gaadhliyo noqdaan kii difaac gala’e Mar haday gadaal ugu noqdaan gurada mooskooda Oo uu jananku giiryaale yahay fulin go’aan leexsan Gobanimiyo way naaqista sharaf la gaadhaa dhe Kumaa guna kumaa goba kumaa heedhe garanwaaya? …….Wa bilaahi towfiiq…..Gabayga Magaciisu waa KUMAA GOBA-KUMAA GUNA, Qaran News
-
Popular Contributors
