-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
A mother and her four children were killed in Dhagax Madow, Somali region in Ethiopia on Tuesday after an object suspected to be ordnance exploded. According to the residents who spoke to BBC Somali service, the blast which also injured four other people took place on Monday evening. A relative of the victims who also confirmed the incident said the family was using a metal liked object as a crushing tool ( pestle) when the explosion occurred. The device which is believed to be a remnant of 1977 Somali-Ethiopia war has been used by the family of seven unknowingly before it exploded killing five of them. The father and a child survived. Somalia and Ethiopia fought from July 1977 and March 1978 over the disputed Ethiopian region of Ogaden. The mines used during the war by both sides still believed to be in the area once occupied by the Somali military before international community intervention in favor of Ethiopia. View the full article
-
Dhuusamareeb: Wada hadal u bilowday Federaalka iyo Galmudug
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiir Sabriye iyo madaxda Galmudg, Dhuusamareeb Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Wafdigan waxaa hogaaminayay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Sabriye, waxayna u socdeen wada hadalo lagu xalinayo is mari-waaga Galmudug iyo dowladda dhexe. Wasiir Sabriye ayaa la kulmi doona Madaxweyne Xaaf, wasiirka koowaad Shaakir, hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud iyo odayaasha deegaanka, waxaana sidoo kale la filan karaa inuu tago Cadaado oo tabasho qabta iyo sidoo kale Xeraale oo ay dagaal beeleedyo ka jiraan. Dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug ayaa xiriir koodu xumaa tan iyo markii uu xukunka qabtay Madaxweyne Xaaf, labo sanno ka hor, waxaana uu maamulkaas dhowr jeer muujiyay cabasho badan oo la xiriirta fara-galin uu sheegay ay ku hayso dowladda dhexe. Dowlada Federaalka ayaa markaan u muuqata iney aqbashay cabashada Galmudug ayna u istaagtay in arrintaas xal waara loo helo. Xiriirka liita ee labada dhinac wuxuu shaki galiyay qabsoomida doorashada Galmudug ee loo balansan yahay bartamaha sanadkaan. Dowlada Federaalka ayaa u muuqata inay hadda toos u wajahaheyso xaalada Galmudug. Wasiir Sabrie oo dhowaan ka hadlayay arrimaha Galmudug ayaa sheegay in xukuumadu ay fahamsan tahay ahmiyada maamulkaas ayna muhiim tahay in la helo xal uu dhinac walba qaadan karo. Villa Soomaaliya waxay dooneysa in doorashada Galmudug ay waqtigeeda ku dhacdo, waxaanse la ogeyn sida ay isku fahmi doonaan wafdiga ay dowladdu maanta u dirtay Galmudug iyo hogaanka maamulkaas oo muddo gadoodsanaa. PUNTLAND POST The post Dhuusamareeb: Wada hadal u bilowday Federaalka iyo Galmudug appeared first on Puntland Post. -
Al-Shabaab has claimed responsibility for the murder of two people in Mogadishu’s Kaaraan district on Monday night. Several people who were suspected to be linked to an attack that happened in Banaadir region were arrested during an operation on Tuesday morning. Armed men had attacked an officer in the district last. They killed his companion and injured him. The two were attacked in a movie theater which was not far from the polices station. Somali forces carried out an operation on locations within Kaaraan District. Youth who were suspected to be behind the attack were arrested. The suspects were headed to Kaaraan police station for investigation. Al-Shabaab has claimed responsibility for the attack. Through social media, they gave out details of the attack and named casualties. View the full article
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Madaxtooyada magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud waxaa kulan gaar ah uu kaga socdaa madaxweynaha Galmudug, madaxa xukuumadda iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya. Kulankaasi ayaa ka dambeeyay kadib markii wasiirka arrimaha xukuumadda Soomaaliya uu gaaray magaalada Dhuusomareeb, iyadoo halkaasi uu u tagay xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo madaxda Galmudug. Kulanka ka dhacay magaalada Dhuuromareeb ayaa hordhac wuxuu u yahay kulamo la filayo inay magaalada ku yeeshaan maalmaha soo socda masuuliyiinta maamulka Galmudug. Wadahadalada ayaa intooda badan waxaa diirada lagu saarayaa in heshiis rasmi ah laga gaaro waqtiga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ay isku khilaafsanaayeen Dowladda Federaalka iyo Madaxda Galmudug. Galmudug ayaa ka hortimid qorshaha dowladda Soomaaliya damacsan tahay oo ah in bisha July doorasho ay ka dhacdo Galmudug, iyadoo madaxda Galmudug ay doonayaan in doorashada qabsoonto seddex sano kadib.
-
Qiso xanuun badan: Laba arrimood filo hadii aad guursato qof ajanabi ah Image captionAxmed Cabdiqaadir Cagma dhige iyo xaaskiisa Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka aduunka sida wayn u ilaaliya hanaanka guurka iyo isdhexgalka,waxaa jirta sheekooyin badan oo la xidhiidha Guurka. Soomaalida dhexdeeda waxaa ku badan haybsooca sida in laysku diido laba qof ee is doortay iyada oo la tixraacayo qoysaska ay lamaanuhu ka soo jeedaan arintan ayaa ah faquuq mudooyin soo jiray. Soomaali badan ayaa u qaxday dalka dibadiisa gaar ahaan wadamada reer galbeedka,dhaqanka guurka soomaalidu waxba iskama aysan badalin marka ay timaado guurka ajanabig iyo soomaalida Arintan ayaa keentay in ay yaraadaan isdhex galka soomalaida iyo bulshooyinkii ay u tageen. ”Markaan soo guursaday anigu bataatan bulshadii soomaaliyeed ee daganay magaaladaydu way I goysay,layma soo booqan waxaan filaayay dumarkeenu waxay dhaqan u lahaayeen marka gabar wiil soo guursado in ay u keenaan hadyad oo la soo dhaweeyo,qaar ayaa igu yiri gabadhu way soo islaantay oo waan ku faraxsanahay,ragii soomaliyeed waxay igu yiraahdeen waar sidee isula jaanqaadeen,waar indha baliishan maxay tahay halka qaar kale sheegeen waa maxay firraanfirkan”sidaas waxaa BC-da u sheegay Axmed Cabdiqaadir Cagma dhige oo guursaday gabar u dhalatay Sweden. Axmed waqtigan waa aabaha sadex wiil oo ay u dhashay haweenayda u dhalatay Sweden wiilashan ayaa loo bixiyay magacyada kala ah ,Sakariye Ilyaas iyo Makaahiil. Carruurta soomaalidu waxay u arkaan wiilasha uu dhalay Axmed in aysan ahay soomaali sax ah, su’aashu waxay tahay midabka miyaa ah soomaalinimada mise jinsiyada qofka waa kan Axmed oo u joogay dhacdo xanuun badan oo kala qabsatay gabadh yar oo soomali ah iyo isaga. ”ilmo soomaaliyeed oo ay is leegyihiin yihiin ilmahayga ayaa ii yimid aniga oo sadexda ciyaalkay-ga wato waxay I waydiisay adeer ilmaha gaalada ah ee aad wadato maxay yihiin,canugtii yarayd maskaxdeeda in aan dhaawaco ma rabin waxaan u sheegay in aan ilmahan dhalay wayna iga diiday,waxaan la yaabay jawaabta aan ka helay hoyadeed oo la socotay oo u jawaabtay gabadheedii yarayd kuna tiri naa soo soco awalbaan la yaabanayd” Wadamo badan oo galbeedka ah waxaa ku soo badanaya guurka ajanabiga iyo soomaalida,guurka noocan ah ayaa inta badan la kulma faquuq uga yimaada wiilka ama gabadha ajanabig guursatay bulshada soomaalida la nool. Qaran News
-
Hooyo Soomaaliyeed iyo afar carruur ah oo ay dhashay oo ku dhintay Qarax Tib mooye Hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay degmada Dhagax Madow ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ka dib markii ay ku qaraxday bir ay muddo dheer manaafacaadsan jireen, sida ay dad qaraabada ah sheegeen. Ugu yaraan afar ruux oo kale ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhawaac meen qaraxan. Birtan oo la sheegay in qoyskaasi tib mooye ahaan u adeegsan jireen muddo dheer ayaa qaraxday ka dib markii mid ka mid ah caruurta dhimatay uu bir kale ku guraacay. Waxaa la fahansan yahay in birtaasi ay ahayd haraaga miinooyinkii la adeegsanayay markii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977. Dukaan ay qoysku lahaayeen ayuu qaraxaasi ka dhacay, arrintaas ayaana horseeday in ay ku dhaawacmaan dad aan ka mid ahayn xubnaha qoyska. “Waxaa jira dad kale oo magaaladaas ku nool oo birtan oo kale tib ahaan u isticmaala” ayuu yiri mid ka mid ah qaraabada dadkaas oo la hadlay BBC. “Qoyska ay miinadu ku qaraxday ayaa ka koobnaa toddobo xubnood waxaana ka badbaaday aabihii iyo hal canug oo kali ah,” ayuu intaas ku sii daray. Qaran News
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu gaaray wasiirka arriamaha gudaha xukuumadda Soomaaliya. Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa saaka ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana uu warbaahinta u sheegay inay magaalada Dhuusomareeb u tagayaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka Galmudug iyo dowladda Soomaaliya. Wasiir sabriye ayaa magaalada Dhuusomareeb kula kulmaya madaxweynaha Galmudug, madaxa xukuumadda Galmudug iyo guddoomiyaha Ahlu sunna Waljamaaca, waxaana kadib la filayaa in kulamadooda kasoo baxaan heshiis dhexmara labada dhinac. Wafdiga wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Dhuusomareeb kusoo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka Galmudug, iyadoo kadib loo galbiyay madaxtooyada Galmudug. Dowladda Soomaaliya iyo madaxda Galmudug ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa u dhaxeeyay khilaaf soo jiitamayay tan iyo markii la doortay madaxweyne Xaaf. Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in doorashada madaxweynaha Galmudug ay dhacdo bisha todobaad ee sanadkaan, halka madaxda Galmudug ay sheegeen in doorashada aysan dhaceyn ilaa laga gaaro dhamaadka waqtiga la doortay madaxweyne Xaaf. Waxaana la ogeyn sida labada dhinac ay isku fahmi doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo shalay booqasho ku tegey caasimadda labaad ee dalka Finland ee TURKU, ayaa waxa uu kulamo la yeeshay madaxda magaalada Turku oo ay wada-shaqayn fiican leeyiin, Madaxdaasi oo ka koobnayd sadexda xisbi ee golaha deegaanka ´magaalada Turku ee xisbiyada National Coalition Party , Social Democratic party and Greens party. Gudoomiyaha Golaha deegaanka ee Magaalada ee Turku , Finland una sharaxan Golaha Baarlamaanka ee Finland doorahsda bisha April ee sanadkan Elina Rantanen Duqa Magaalada Turku Finland, Minna Arve Gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka ee Turku , Finland Seppo Lehtinen Kulamadaas waxa goobjoog ka ahaa xildhibaan Roda xubin golaha deegaanka Turku iyo xubin guddida fulinta maamulka magaalad Turku. Waxaana gudoomiyahu uga mahad naqay madaxdan oo qaarkood hore Somaliland u yimaadeen isla markaana xaalada somaliland aad ula socda, sida joogtada ah ee ay ula garab joogaan taageerda dalka finland u fidiyo somaliland. Iyadoo Finalnd ay kaalmo badan u fidiso somaliland oo ay ka mid yihiin mashaariicda caafimaadka ee FINNSOM iyo kuwa Tb da ee somaliland laga fuliyo. Kulankan mahadnaqa iyo is waraysiga isugu jiray waxuu ku soo gebogeboobay in Magaalada Turku ay sii wadi doonto taageerada ay Somaliland u fidiso. Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump ayaa shalay oo isniin aheyd waxaa uu saxeexay lahaanshiyaha cadawga Israa’iil ee buuraleyda Golan. Waxaa agtiisa taagnaa ra’iusl wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Trump oo hadlay saxeexa kadib ayaa sheegay in arrintan la qorsheynayey in muddo ah, dhankiisa waxaa uu Netanyahu u tilmaamay mid taariikhi ah. Golan waa dhul ay leedahay Suuriya, waxaa ay cadawga qabsadeen dagaalkii June 5, 1967, waxaana lagu qiyaasay 1,800 km². Todobaadkan, Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalal ka aamusay masiirka Golan, iyada oo ka hortimid go’aanka Carabta iyo dalalka Islaamka. Dad badan oo falanqeeya arrimaha bariga dhexe waxaa ay qabaan in Trump uu sidan u sameynayo doorashada 2020-ka iyo doorashada Benjamin Netanyahu ee bisha soo socota. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Sida ay Caasimada Online u sheegen ilo-wareedyo xog-ogaal ahi, waxaa saldhiga dhexe ee Hargeysa muddo laba todobaad ah ku xidhan, Yaasir Saleebaan oo ah xidhiidhiyaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh amniga. Yaasir ayaa waxaa xidhay oo hadda gacantooda ku haya ciidamada amniga Somaliland, kaasi oo dhowr jeerna maxkamad kasoo hor muuqday, kadibna oo dib loo celshay. Sida ay ilo-wareedyo amni u xaqiijiyeen Caasimada Online, Yaasir ayaa loo haystaa eedeymo culus, sida khiyaamo qaran iyo bixin sir qaran oo muhiima oo uu u gudbiyey sirdoonka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaa lagu eedeeyey inuu muddo si hoose ula shaqeynayey nabad-sugidda Soomaaliya iyo sirdoonno kale oo caalami ah, oo aan la shaacin waxa ay yihiin. Sidoo kale wuxuu Yaasir wada-shaqeyn dhaw la lahaa Sirdoonka iyo xafiiska Turkigu ku leeyahay magaalada Hargeysa. Somaliland weli wax faah-faahin ah kama aysan bixin habka uu Yaasir ula shaqeynayey sirdoonka Soomaaliya iyo xogta uu u gudbiyey nooca ay tahay, haddiiba ay jirto. Yaasir Saleebaan ayaa waxa la shaqo geliyey xilligii xukumadii Siilaanyo talada haysay, waxaana markaas mar loo xidhay kadib markii lagu helay khiyaamo iyo inuu fojar-gareeyay, hab khaldanna u adeegsaday saxeexii wasiirka arimaha gudaha xilligaas Waran-cade. Si kastaba, waxaa lagu sii daayey Yaasir qaab beelaysan maadaama uu Siilaanyo oo xiligaas talada hayey adeer dhaw u ahaa, ka hor inta aan dhowaan dib loo xirin. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Balcad (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan ciidamada DANAB ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada DANAB ayaa la wareegay tuulooyin dhowr ah oo hoostaga degmada Tooratoorow, kadib markii ay weerar ka qaadeen saldhiga ciidamada cirka ee Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada ayaa qabsaday deegaanada Godale , Cadaleey iyo deegaano dhowr ah waxaana la sheegay inay ciidamada ku hubeysnaayeen hub casri ah. Sidoo kale ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha DHexe, halkaasi oo maalmo kahor qabsadeen ciidamada Al Shabaab. Ciidamada xooga dalka ee kusugan Shabeelaha Dhexe, ayaa sidoo kale dib u qabsaday deegaano kale oo ka tirsan degmada Balcad, waxaana la sheegay in ciidamadii dhawaan gadoodka sameeyay inay qeyb ka ahaayeen ciidamada dib u qabsaday deegaanada AL SHabaab ku sugnaayeen. Saraakiisha ciidamada Dowladda ee gobolada Shabeelaha Hoose iyo Dhexe ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada Al Shabaab ay kaga saarayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Nairobi)-Shirkad fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ka heshay ruqsad ay ku beeri karto dhul gaadhaya 500 Hekter oo ku yaalla dalka Kenya maandooriyaha Xashiishada. Madaxda Shirkada GoIP Global Inc, oo ka diiwaangashan suuqa loo yaqaan OTC ee magaalada New York ayaa waxa ay ku wargeliyeen saamileyda shirkada in ay heleen oggolaanshaha ama ruqsad ay xashiishada ugu beeri karaan dalka Kenya. “Kadib markii aan booqanay Kenya oo aan la kulanay madaxda dalkaas,waxaan ku faraxsanahay faa’idada ay arrintan u keeni karto shirkada.maadaama aan ku beeri karno xashiishada dhul ballaaran”ayuu yidhi madaxa shirkadan Ike Sutton horaantii bishan. Sida lagu daabacay wargeyska Daily Nation xilliga heshiiska ayaa ah muddo 25 sano ah iyadoo maandooriyaha xashiishadana sanadka oo dhan uu ka bixi karo dalka Kenya. Hase yeeshee, dowlada kenya ayaa beenisay inay bixisay ruqsadaas, waxayna ka digtey in maandooriyaha xashiishada uu kamid yahay waxyaabaha ka mamnuuca ah in dalkeeda lagu beero. Balse war ay soo saartay shirkadan ayaa lagu sheegay in si kumeelgaar ah loo siiyay fasax ayna ka heshay Wasaarada beeraha dalka Kenya. Si kasta ha ahaaatee Shirkada ka dhisan dalka Maraykanka ayaa dooneysa in xashiishka ay ku beerto dalka Kenya ay u iibgeyso wadamada Canada iyo Maraykanka oo inta badan uu fasax ka yahay isitcmaalka maandooriyaha xashiishada iyadoo daawo iyo raaxeysiba loo isticmaalo. Source
-
(SLT-Tel Aviv)-Israa’iil ayaa fulisay weerarro ay ku bartilmaameed sanayso goobo ay Xamaas ku leedahay marinka Qaza, saacado ka dib markii gantaal uu ku soo dhacay guri ku yaalla waqooyiga Tel Aviv. Ciidammada Difaaca ee Israa’iil ayaa sheegay in bartilmaameedka ay weerareen ay ka mid ahaayeen xafiika madaxa siyaasadda ee Xamaas iyo xarunta sirdoonka ee ururkaas. Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in toddobo ruux ay ku dhaawacmeen weerarradaas. Ciidammada Difaaca ee Israa’iil ayaa mar hore ku eedeeyay in Xamaas oo Qaza maamusha ay gantaallo ku soo riday bulshada Israa’iil ee ku sugan Mishmeret, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen toddobo ruux. “Israa’iil u dulqaadan mayso arrintaas, una dulqaadan mahayo arrintaas,” ayuu yidhi Ra’iisulwasaare Benjamin Netanyahu oo saxafiyiin kula hadlay magaalad Washignton, hadalkaas ayuuna sheegay intii ay socotay xafladda loo qabtay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu si rasmi ah ugu aqoonsaday in Israa’iil u madaxbanaan tahay buuraha Golan Heights oo Israa’iil ay ka qabsatay Suuriya markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe ee sannadkii 1967-dii. “Israa’iil awood ayay kaga jawaabi doontaa weerarkan aan loo meeldayin,” ayuu intaas ku sii daray Netanyahu oo soo gaabiyay booqashadii uu ku joogay Maraykanka. Trump ayaa weerarkaas cambaareeyay wuxuuna ku tilmaamay “mid nacayb ku salaysan” wuxuuna intaas ku daray in Maraykanku “uu aqoonsan yahay xaqa aan gorgortanka lahayn ee Israa’iil ay u leedahay in ay is difaacdo”. Ilaa iyo hadda ma jirto koox Falastiiniyiin ah oo sheegatay in ay weerarka gantaallada ka dambaysay. Masuul Xamaas u hadlay oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay “in aysan xiiso u qabin” in ay arrintaas sameeyaan. Source
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Kulankan oo socday saacado badan ayaa waxaa inta badan diirada lagu saaray arrimo ku saabsan Jubbaland iyo DFS, maadaama uu socdo qorshe lagu soo afjarayo khilaafka u dhexeeya labada dhinac. Sidoo kale madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa in maanta uu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Shalay ayey aheyd markii madaxweynaha Jubbaland iyo wafdi uu hoggaaminayo ay soo gaareen magaalada Muqdisho, si uu kulamo ula qaato madaxda dalka. View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Booliska magaalada Mandhera ayaa loo fasaxay inay sii hayaan Nin magaciisa lagu sheegay Mahad Axmed Aadan oo 34-jir ah, laguna tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Alshabaab. Garsooraha Maxkamadda Mandherea,Dakun Matay ayaa sheegay in Eedeysanaha la sii hayn karo muddo 5 maalmood, ka hor inta aan Maxkamadda la soo taagin bisha soo socota ee April kowdeeda. Eedeysnaha waxa uu Maxkamadda u sheegay inuu Kenya u yimid si uu u soo booqdo Qoyskiisa oo deggan magaalladda Mandhera. Wargeyska The Nation ayaa qoray in Eedeysanaha habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay ay Bolis ilaalo ku jirtay ku qabteen duleeka magaalladda Mandhera. Eedeysanaha, Mahad Axmed Aadan oo ah Muwaadin Somali waxa uu haystaa Aqoonsiga Kaadhka Muwaadinimada Soomaaliya oo la bixiyey bishii December 3-dii ee sannadkii hore ee 2018-kii iyo Dukumentiyo kale oo muujinaya cusbooneynsiinta Qandaraas xilli kooban oo uu la soo shaqeeyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Duullimaadka Rayidka ee Soomaaliya iyo Warqadda Aqoonsiga ee AMISOM oo uu Turjumaan ahaan kula soo shaqeeyey, kuna taariikheysan bishii Janaayo 20-dii ee sannadkan. Dhinaca kale, Eedeysanaha oo la hadlay Wargeyska The Nation ayaa sheegay inuu Diyaarad ku yimid Degmadda Dhoolo, ka hor inta aanu gaadhi ku soo gelin magaalada Mandhera. Source
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Qaxooti Soomaaliyeed oo dib looga soo celiyay dalka Suudaan. Qaxootigan oo gaaraya illaa 78 Qof ayaa xalay ka soo duulay garoonka diyaaradaha magaalada Khartuum ee caasimadda dalkaasi. Lataliyaha koowaad, ahna ku simahaha danjiraha JFS ee dalka Suudaan Cismaan Axmed Maxamed ayaa muwaadiniintaasi Soomaaliyeed soo sagootiyay, kuwaas oo si iskood ah u go’aansaday in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda Soomaaliya. Afar bilood kadib dadaal ay safaaraddu u gashay qaxootigan ayey ku suuragashay in dib loo soo celiyo dadkaasi. Ugu dambeyn muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay taageerada ay u fidisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Giriiga)-Raysal wasaaraha Giriigga ayaa sheegay in isaga oo diyaaraddiisa saaran oo u dabaal dagaya maalinta xoriyadda uu carqaladayn kala kulmay diyaaradaha dagaalka ee Turkiga. Alexis Tsipras ayaa sheegay in diyaaraddiisa lagu qasbay inay xidaaraysato ka dib markii diyaaradaha dagaalka ee Turkigu ay Isniintii galeen hawada Giriigga. Raysal wasaaraha ayaa Turkiga ku eedeeyay “ficil axmuqnimo ah oo aan macno ku fadhiyin”. Laamaha ammaanka ee Turkiga ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyay, waxayna sheegeen in diyaaradaha dagaalku ay samaynayeen hawlgal joogto ah. “Milatariga giriigga ayaa qabtay ciidammadii ku soo xad gudbay hawada,” ayuu yiri Alexis oo hadal ka jeedinaya jasiiradda yar ee Agathonisi oo ku taalla meel aan sidaa uga fogayn dhulwaynaha Turkiga. Maalintan qaran ayaa loo dabaal dagaa sidii ciidammada Giriiggu ay ula dagaallameen dawladdii Cusmaaniyiinta sannadkii 1821. Ra’iisulwasaaraha ayaa iswaydiiyay waxa diyaaradaha turkigu ay damacsanaayeen. Alexis ayaana intaas ku sii daray in ay ka go’antahay in uu la shaqeeyo Turkiga balse Giriiggu uu mar kaste difaaci doono sumcadda qaranka. Wakaaladda wararka ee Anadolu ee dawladda Turkigu maalgaliso ayaa soo xigatay masuuliyiin sheegaya in “diyaaraduhu ay ku jireen hawlgal ay si joogto ah u sameeyaan”. Calaaqaadka labadan dal ayaan xumaa tobannaan sano waxayna isku hayaan dhul. Balse Alexis iyo madaxweyne Erdogan ayaa sameeyay dadaal ay ku doonayeen in ay ku hagaajiyaan calaaqaadka sannadkii 2017, Erdogan ayaana noqday hoggaamiyihii u horreeyay ee Turki ah ee Giriigga booqda muddo 65 sano ah. Source
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump ayaa shalay oo isniin aheyd waxaa uu saxiixay lahaanshiyaha cadawga Israel ee buuraleyda Golan. Waxaa agtiisa taagnaa ra’iusl wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Trump oo hadlay saxiixa kadib ayaa sheegay in arrintan la qorsheynayey in muddo ah, dhankiisa waxaa uu Netanyahu u tilmaamay mid taariikhi ah. Golan waa dhul ay leedahay Suuriya, waxaa ay cadawga qabsadeen dagaalkii June 5, 1967, waxaana lagu qiyaasay 1,800 km². Todobaadkan, Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalal ka aamusay masiirka Golan, iyada oo ka hortimid go’aanka Carabta iyo dalalka Islaamka. Dad badan oo falanqeeya arrimaha bariga dhexe waxaa ay qabaan in Trump uu sidan u sameynayo doorashada 2020-ka iyo doorashada Benjamin Netanyahu ee bisha soo socota. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Odoyaasha iyo isimada gobolka Sanaag oo shir ku yeeshay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi ayaa hab-beeleed uga heshiiyay colaadda ka aloosan degmada Yubbe ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland. Shirkan oo aan warbaahinta lala wadaagin ayaa waxa isku horfadhiistay waxgarad iyo isimo ka soo kala jeeda beelaha galbeedka iyo bariga ee gobolka Sanaag waxaana lagu go’aamiyay in ciidamada Somaliland ee u dhashay galbeedka Ceerigaabo ay ka baxaan degmada Yubbe sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen xubno goob joog ahaa shirkaasi. Isimada dhaqanka ee ka socday bariga gobolka Sanaag ayaa shirka ka caddeeyay in aysan raalli ka ahayn joogitaanka cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland ee u dhashay beesha dhexe kuwaasoo fariisimo ku leh aga’gaarka degmada Yubbe. Taas beddelkeeda waxay ogolaadeen in cid walba oo u dhalatay bariga gobolka Sanaag ay imaan karto iyadoo aan loo eegayn calanka ay wadato iyo maamulka soo dirsaday toona. Waxgaradka iyo isimada labada dhinac ayaa qodobada ay ku heshiiyeen u bandhigay taliyaha ciidamada Somaliland Gen Nuux Ismaaciil Taani kaasoo isaguna qoraalkii waxgaradka iyo isimada u qaaday dhinaca madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo haatan jawaab laga sugayo. Nuxurka qoraalkan ayaa soo jeedinayaa in ciidamada Somaliland ee aan u dhalan bariga gobolka Sanaag ay ka baxaan degmada Yubbe iyo tuulooyinka hoos yimaada waxaana haddii uu Muuse Biixi aqbalo halkaasi ku baaqan doona dagaal ka dhex qarxa Puntland iyo Somaliland. Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa wakhtigan labada dhinac ka fadhiya degmada Yubbe oo dhanka bari ka xigta Ceerigaabo waxaana ay joogan meela isu muuqda. PUNTLAND POST The post Sanaag: Xiisadda Puntland iyo Somaliland oo hab-beeleed looga heshiinayo appeared first on Puntland Post.