-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Khartoum (Caasimadda Online) – Nin xabsiga Kobar kula jiro Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar AL-Bashiir ayaa sabab u noqday inay illin kasoo daadato Al-Bashiir. Sida uu qoray Wargeyska kasoo baxo Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ee lagu magacaabo Rakooba , Madaxweynihii hore ee Suudaan AL-Bashiir ayaa ooyin la dhacay kadib markii mid kamid ah Maxaabiista Xabsiga kula jirto uu ugu yeeray “Madaxwxeynihii la casilay”. Wargeyska Rakooba ayaa arrintaan ka qoray warbixin uu cinwaan uga dhigay “ War Gudaha xabsiga Kobar, Albashiir oo oyin la dhacay, markii uu maqlay qof ugu yeerayo Madaxweynihii la casilay”. Wargeyska oo soo xigtay Ilo ku dhow Albashiir ayaa sheegay inuu ilmeeyey oo ay indhahiisa sidii daadka oo kale ilin ugu qubanaysay, kadib, markii uu maqlay hadalkaasi, waxaana uu rumeysan la’ yahay inuu ku xiran yahay Xabsiga Dhexe ee Kobar ee magaalladda Khartuum. Albashiir oo xanuunka Isku-buuqa ama Istareeska ka qaaday Xabsiga uu ku jiro waxaa isbuucii hore daaweyn loo geyeey Isbitaalka Royal Care ee ku yaalla Khartuum, kadib, markii uu ku dhacay cuddurka Istarooga oo aad u kooban iyo isagoo diiday inuu cuntada cuno. Hoggaanka Militariga ee la wareegay Maamulka Dalka Suudaan ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee dalkaas lagu booqan karo Xabsiga uu ku jiro isla markaasna ay xaaladiisa Caafimaad tahay mid aan 100% aheyn. Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada Khartuum lagu xiray dhawr sarkaal oo sarsare oo xulafo la ah madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Xasan al-Bashiir. Wadahadallada u dhexeeyo milatariga iyo kooxaha dalbanaya in maamul rayid ah lagu wareejiyo xukunka dalka ayaa ku soo dhamaaday ballanqaada ah in maalmaha soo socda la fulinayo dalabka shacabka. Afhayeen u hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay cadeeyeen dalabkooda, ayna isku afgarteen in lasii wado wadahadallada, si xilwareejintu ugu dhacdo qaab nabad ah. Waxa jirtay rajo laga qabay in dabayaaqadii todobaadkan ay dallada xirfadleyaasha Suudaan oo ah kooxda hormuudka ka ahayd dibadbaxyada ay ku dhawaaqaan xukuumad isku dheelitiran, balse taasi wali ma dhicin. Waxaa sidoo kale jira warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in dhawr qof oo ka mid ah raggii ugu sarreeya dowladdii hore ee Cumar Al-Bashiir ee xukunka laga tuuray la soo xirxiray. Sidoo kale saraakiil sarsare oo ka mid ahaan jiray hay’adda sirdoonka qaranka ee dalkaasi Suudaan ayaa shaqada laga eryay. Tallaabooyinkan ayaa loo qaaday in lagu mideeyo awoodda maamulka cusub ee milatariga ah hase ahaatee sidoo kale waxay jawaab u tahay codsiyada qaar ee dibadbaxayaasha. Caasimada Online Xafiiska Khartoum Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre ayaa cadaadis xoog leh kala kulmayo Xubnaha Beesha Caalamka u joogo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Wararka aan heleyno ayaa sheegayo in Beesha Caalamka ay madaxda ugu sareeyo Dowladda ku cadaadineyso sidii ay uga qeybgeli lahaayeen shirka lagu wado inuu ka furmo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland labada Bisha soo socoto ee May. Shirkaas ayaa waxaa la filayaa inay ka wada qeybgalaan dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, waxaana qaban qaabadiisa lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Wararka ayaa sheegaya in diyaar garowga shirka uu ka soo bilowday magaalada Nairobi, halkaasoo saddexda Maamul goboleed Puntland, Jubbaland iyo Galmudug kula kulmeen Wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo u gudbiyay cabasho ka dhan ah dowladda Federaalka. Xubnaha Beesha Caalamka sida Safiirka Mareykanka ayaa la sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ay ku cadaadinayaan in shirkaas ka qeyb galaan, isla markaana aanu noqon sida shirarkii horay u baaqday oo kale. Martiqaad uu Madaxweyne Farmaajo u diray Madaxda dowlad Goboleedyada inay 19-kii bishan April inay shir isugu yimaadaan magaalada Muqdisho ayaa isna qabsoomi waayay, taasoo ka dambeysay markii ay diideen qaar ka mid ah Madaxda dowlad Goboleedyada, isla markaana shuruudo ka xireen. Dadaalada Beesha Caalamka wado ayaa ah sidii dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada ay is faham iyo wadashaqeyn u gaari lahaayeen, iyadoo muddo sanad ku dhow aanay wax shir ah yeelan Golaha Amniga Qaranka ee ay xubnaha ka yihiin Madaxda Qaranka iyo Madaxda dowlad Goboleedyada. Lama hubo haddii Ra’isulwasaaraha iyo Madaxweynaha ay si wadajir ah uga wada qeybgeli doonaan, sidoo kalana waxaysan dowladda Soomaaliya ku qanacsaneyn hab maamuus ahaan qaabkii uu Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ugu casuumay shirka Garowe Madaxda dowladda Federaalka. Khilaafka u dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ayaa xoogiisa wuxuu bilowday markii ay Dowladda Soomaaliya go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay Khilaafkii ka dhex dhashay Dowladaha Khaliijka markaas oo ay Maamul Goboleedyada la safteen Dowladda Imaaraadka Carabta oo uu Khilaaf xoog leh kala dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya. Dowladda Dhexe ayaa tan iyo markaas joojisay lacagihii ay siin jirtay Maamul Goboleedyada kadibna waxaa meel xun gaaray khilaafkaas oo sababay inay Maamulada intooda badan xiriirka u jaraan Dowladda Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somali police said more than 70 people have been rounded up in connection with al-Shabaab during a massive security operation in Mogadishu and nearby areas. Speaking to the reporters in the capital, the deputy Somali police commander, Zakia Hussein said the operation was carried out following a tip-off from residents. She added that over 65 people have been taken into custody, including 60 who were arrested from Weydow area located in the outskirts of the Somali capital. “The security agencies arrested 69 people, an investigation is underway, those found involving in crime will be put on trial, and those who do not commit will be freed,” she said. The officer said the police arrested a man suspected to have killed a district officer. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la yeeshay Siyaasi katirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, intii uu ku sugnaa caasimada dalka Qatar ee Doha. Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka soo laabtay socdaal gaar ah oo ku tagey dalalka Turkiga iyo Qatar, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo ay ku kulmeen magaalada Doha ee dalka Qatar. Buubaa ayaa sheegay inay ka wada-hadleen madaxweyne Farmaajo arrimo ku saabsan Mustaqbalka labada dhinaca, gaar ahaan Wada-hadaladii hakad-ka galay ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland. Siyaasi Ismaaciil Buubaa, oo ka waramaya arrimahaas ayaa wuxuu yiri “Wey ii qondeysneed inan tago dalka Qatar, laakiinse waxaa isku soo hagaagay kolkii anigu aan Qatar joogay iyo booqasho kedis ah oo u yimid Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, weyna jirtaa kolba hadduu meesha joogo in aanu arrimahaas wada eegno”. “Khaasatan arrimaha anigu u baaciyey dhinaceyga waxay aheyd maanta Somaliland dal iyo dowlad ahaanba halkey joogto, degenaanshaha ka taagan, wixii dowladii Soomaaliyeed la isku odhan jirey inaanay maanta jirin, ee labo wadan oo Somaliland iyo Somaliya oo lixdankii isku yimid, ay midba gooni u taagntahay, si wanagsana loo wada fariisto oo loo wada-hadlo, arrimaha murugsana, laga saaro murugaa”. Wuxuuna intaas kusii daray “Horta dadka waa in si wanaagsan u fahmaan, xisbiga mucaaridku waa xisbi danaha qaranka ay mas’uuliyad weyni ka saarantahay, Arrimahana guud ahaan shaqadeyda ahba, waayo? Siyaasi ban ahay weliba siyaasi u dhuun daloola Geeska Afrika”. Dhinaca kale, Siyaasi Buubaa ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka xisbiyada ee doorashooyinka iyo heshiiska ay gaareen labada xisbi, isagoona ka digay fara-gelin uu sheegay inay Somaliland ku hayso dowlada Imaaraadka Carabtu, wuxuuna yiri: “Anigu waxaan u arkaa Wasiirka arrimaha dibedu ee la socday Madaxweynaha Muuse Biixi safarkii uu ku tagay Imaaradka, Hadaladii uu ku dhawaaqay iyo Wasiirka daakhiliga ee dowladu kolkii dambe isagoo la fadhiya xisbiga Mucaaridka ee Ucid isaguna aririmo ku dhawaaqay, inay arrimo faro-badan ka dhaxeeyan arimahaasi”. “Wasiirka Arrimaha dibedu wuxuu noo sheegay, arimaha lagu soo heshiiyay Imaaraadka ay kamid ahaayen, sidii loola dagaalami lahaa Argagixisada, Wasiirkii daakhiliguna markii uu la fadhiistay Ucid, wuxuu sheegay xisbiga Waddani in laga kaaftomi karo, oo xisbiga Kulmiye iyo Ucid ay kaligood qabsan karaan Doorasho”. Wuxuuna intaas kusii daray Siyaasi Buubaa “Waxaa la ogsoonyahay arrintaasi inay tahay arrin khal-khal iyo dhibaato weyn keeni karta, aniga waxay ila tahay kolka la yidhaahdo Waddani waa la janibayaa waxanan diyaar unahay, Argagixiso iyo wixii dhibaato sameeyaba shaqo ka qabano” “Dowlada Imaaraadka arrintaasa kala soo hadalnay, cidkastaba wey u cadahay cida loo jeedo iyo sidey wax yihiinba, iyada oo aynu ixtiraameyno walaaladayada carbeed ee Imaaraadka, waxaanu aad iyo aad si dheer ugu sheegayna inaba inaan u dulqaadan doonin wixii aanu aragno iney bur-burinayso geedi-socodka dimuquraadiyadeeda ee dadkayagu doortay, inuu noqdo sidaanu siyaasadeeda u maamuli laheyn”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukumadda Somaliland ayaa shirkada ajaanib ah ku wareejinaysa keenista shidaalka dalka. Xukumadda Somaliland ayaa wadda shirkad ajanabi ah oo lagu magacaabo Trafigura oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva, ee dalka Switzerland taas oo ay ku wareejinayso keenista shidaalka ee guud ahaan Somaliland, kaas oo ay hore u keeni jireen ganacsato muwaadiniin reer Somaliland ah, Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Maxamuud Xasan Sacad “Saajin” ayaa sheegay todobaadkan in waddanka la keento shidaal aan u fiicnayn caafimaadka bulshada, kaas oo uu ugu sii gogol-xaadhayay sidii shirkaddan ajanabiga ah loogu wareejin lahaa keenista shidaalka, Masuuliyiin ka tirsan xukumadda Somaliland oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaaradda ganacsiga Mudane Saajin ayaa shirkaddan kula heshiiyay in laga siiyo Saami “Share” Wasiirka ganacsiga Somaliland ayaa ay saaxiib dhow yihiin Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyagoo heerkoodii waxbarasho meel ku soo wadda qaatay sidda uu warbaahinta u sheegay wasiirku, halka dhanka kalena ay yihiin Xidid, taas oo u fududaysay gaadhida go,aamo badan. Talaabadan Xukumaddu ku wareejinayso keenista shidaalka ayaa waxaa hoos socda heshiisyo qarsoon oo shirkaddaasi laga siinayo dad gaar ah oo ay madaxtooyada Somaliland waddato. Ganacsatada shidaalka keenta Somaliland ayaa markii ay ka war-heleen qorshahan ay xukumaddu waddo si wayn ugu cadhoodhay iyaga oo ka biyo diiday talaabadan mar kale gacanta loogu galinyo keenista shidaalka shirkad shisheeye ah ka dib markii siddeed sanno ka hor la laalay heshiiskii shirkadda Total oo ahayd shirkadd ajaanib ah oo muddo dheer kooto ugu xidhnayn keenista shidaalka dalka, Xukumadda Somaliland oo ay waajib ku tahay dhiirigalinta, Kobcinta ganacsatada waddanka ayaa taas badalkeeda ku qaaday dagaal curyaamin dhaqaale ah. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah siyaasiyiinta Kulmiye ayaa meesha ka saaray in dalka doorasho ka dhacayso dhammaadka sanadkan waxaanu ku baaqay in aan dadka been lagu maaweelin. Cali Guray oo boggiisa Facebook kaga dareen celiyay kulamo Kulmiye iyo UCID maalmahan la lahaayeen Komishanka iyo shirguddoonka Wakiillada ayaa sheegay in ay meesha ka baxday dimuqraaddiyaddii Somaliland haddana aanay doorasho dhacayn. Qoraalkiisa ayaa u dhigan sidan:- HA FADHIDO FAROW Waryaa!, dalkan doorasho ka qabsoomi kartaa ma jirto eh yaan dadka been loo sheegin. Nadaamkii dimuqraadiyadda ee Somaliland ay hore u soo dhisatay talo ayaa lagu burburiyay hadda in EBER laga soo bilaabo mooyee ma jirto talo kale. WADDANI IYO KULMIYE oo iyagu leh 82 xildhibaan ee Aqalka Wakiilladu way isla ogol yihiin in aan dalka doorasho ka dhici waxana fulinta u qaabilsan xildhibaanada muxaafid iyo mucaarid isku raacsan in aan wax doorasho ahi dalka ka dhicin iyaguna kuraasida sidaa ugu fadhiyaan. Cabdiraxmaan Cirro isaga way xukumaan xubnaha hadda WADDANI ah ee wakiiladu kuwa KULMIYANA way ku raacsan yihiin oo waa isku dan. Qolada UCID oo iyaga ay daacad tahay labada kale midna isku dan maaha. Madaxwayne Muse mooyi isagana xaalkiisa waayo xaaladdan oo kale waxa ka saari kara dalka masuulka koobaad ee qaranka oo ah hadba madaxwaynaha kursiga ku fadhiya isaguna khudbad-sanadeedkiisii ugu dambeeyay xataa kuma soo qaadin doorashooyinka muddo dhaafay. Kolkaa xaalku miyaanu noqonayn ha fadhido Farow. Alleh ha u naxariisto dimuqraadiyaddii dhimatay ee Somaliland inta mid kale u dhalanayso-na ha fadhido Farow. Yaase u dhalin ma Cigaal baa nool mise Rayaale ayaa u jooga? Source
-
A high-level delegation led by Somalia’s minister for Foreign Affairs and International Cooperation, Ahmed Isse Awad has held a meeting with his Qatari counterpart in Doha. Minister Awad and his Qatari counterpart, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani discussed bilateral relations and means of developing them, in addition to discussing a number of issues of joint interest. The visit of minister Somali foreign minister to Doha comes two months after the countries reached a military agreement to cooperate on the defence sector. Early this year, Qatar has donated more than 67 armoured vehicles to Somalia in its efforts to help the country in the rebuilding of the army and fight against the al-Shabaab. Somalia and Qatar have developed close relations since the Federal government in Mogadishu declared a neutral stance on the Gulf diplomatic crisis began in June 2017. View the full article
-
(SLT-Wajaale)-Boqolaal Kartoon oo alaab dhacday ah iyo noocyo kala duwan ee maandooriyaha ah oo lagu qabtay magaalo xudduudeeda Wajaale ayaa Maxkamadda Gobol/Degmo ee Wajaale ay fagaare ku gubtay, iyadoo hore xukuno ugu riday dadkii lagu soo qabtay ee doonayey inay dalka soo galiyaan. Ugu horreyna, Taliyaha Qaybta Booliska ee Degmada Wajaale ayaa faahfaahin ka bixiyey xaddiga iyo noocyada Alaabta dhacday iyo Maandooriyayaasha la gubay, waxaanu yidhi Taliye Maxamed-Case, “Waxa la gubay Alaab dhacday iyo Maandooriyeyaal kala ah Xashiishad ka kooban 19kiilo, iyo Isbiirto 177 littir, iyo Khamri dhan 72litir, iyo waliba alaab dhacday oo ah 612 kartoon”. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobol/Degmo ee Gabiley Garsoore Maxamed Cumar Dhimbiil ayaa isaguna ka warramay muddada Alaabtan iyo Maandooriyayaashan lagu soo qabtay, “Saddexdii bilood ee aan joogay Maxkamadda, waxyaalihii soo galay oo ay u badan yihiin Maandooriyeyaal, marka laga reebo alaabtaa dhacday ee halkan taala, taasoo waqtigeedu dhacay oo laga beddelayey taariikhda, cidda kale ee ku shaqada leh ee dawladda hoose ah iyo Fayo dhawrka ee alaabaha dhacay waa inay ururiyaan alaabaha dhacay markay taariikhdoodu gaadho”. Ayuu yidhi Guddoomiye Dhimbiil Sidoo kalena, Xeer ilaaliyaha Degmada Wajaale Yaxye Aw Aadan, ayaa isaguna sheegay in dadkii maandooriyayaashaasi iyo alaabtaasi dhacday ba lagu qabtay in Maxkamaddu xukuntay, sidaasi awgeedna waxa uu bulshada u soo jeediyey inay gacan siiyaan Ciidanka Booliska. Dhinaca kalena, Maayir ku xigeenka Degmada Wajaale Mudane Mursal Nuux Cismaan, ayaa isaguna sheegay halista Caafimaad iyo Nabadgelyo darro ee ka dhalan karta, “Alaabtan dhacday shaqsiyaad ayaa lagu soo qabtay doonayey inay taariikhda ka beddelaan alaabtaasi dhacday, kuwaasi oo doonayey inay halis galiyaan caafimaadka dadka reer Somaliland, waxa kale oo la doonayaa in nabadgelyada lagu khalkhal galiyo oo loo waarido Gobollada kale”. Maayir ku xigeenka Degmada Wajaale Mudane Mursal Nuux Cismaan, waxa uu digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay dalka soo galiso waxyaalaha mamnuuca ah. Ugu dambayntiina, Maandooriyayaashaa iyo Alaabtaasi dhacday ayaa si toos ah goob fagaare ah loogu gubay, sidaasi awgeed Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku celiyey taageerada uu u hayo dalka Sucuudiga, xili ay isku soo bax lagu taageeayo barnaamijkiisa halku dhiga ay u ahayd “Make America Great Again” (MAGA) ay socod ku maryeen magaalooyin ka tirsan dalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in uu sucuudiga kula jiro wadaxaajoodyo boqortooyada lagu siinayo taageero milatari. President Donald Trump talks with reporters before boarding Marine One on the South Lawn of the White House, Friday, March 22, 2019, in Washington. (AP Photo/Evan Vucci) Intii lagu gudo jiray banaanbaxan taageerayaasha Trump ay ku mareen Green Bay, Wisconsin, ayaa Madaxweyne Trump waxa uu tilmaamay in taageerada uu u hayo dawada Sucuudigu ay sii kordhayso, taas oo uu tilmaamay in ay ugu wacan tahay Riyadh oo shirkaddaha Maraykanka wax badan ka iibsanaysa. “Wax Aan Cash ahayn ma haystaan” ayuu u sheegay jamaahiirta taageersan. “Wax badan ayay inaga iibsanayaan, $450 billion ayay wax inagaga iibsanayaan.” “Waxa jira dad doonaya inay jaraan Saudi Arabia…. Anigu ma doonayo inaan waayo iyaga” ayuu intaasi sii raaciyey Madaxweyne Donald Trump. “Waaynu waayi $4.5 billion inaynu difaacno iyaga weeyaan, waa qani,” ayuu yidhi Trump. Source
-
(SLT-Spain)-Xisbiga Raysal wasaare Pedro Sanchez ee (PSOE) oo ah “Socialist” ayaa ku guuleystay doorashadii guud ee Axadii shalay ka dhacday dalkaasi Spain, hase yeeshee xisbi xaakimka ayaan helin aqlabiyada kuraasta Baarlamaanka oo uu hada kusoo biiray xisbiga VOX oo ah xagjirka garabka midig. Xisbiga (PSOE) ayaa helay 123 kuraasta Baarlamaanka oo guud ahaan ka kooban 350 kursi. Xisbi Xaakimka ayaa ku khasbanaan doona inay isbaheysi siyaasadeed la sameystaan xisbiyada kale si ay xukuumada usoo dhisaan maadaama aysan heysan Aqlabiyada Baarlamaanka, Raysalwasaaraha ayaa u baahan 176 kursi ee Baarlamaanka si uu xukuumada usoo dhiso. Balse natiijadan ayaa guul u ah Raysalwasaaraha xilka hayey muddo sanad ah, Pedro Sanchez ayaa sheegay in guusha ay gaareen ay fariin u tahay xisbiyada xagjika ah ee cunsuriyiinta garabka midig oo uu sheegay inaysan ku guuleysan doonin inay la wareegaan awooda dalka Spain iyo waliba Midowga Yurub. Source
-
Muqdisho (SMN) – Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali ayaa loo heysta dilka wada gaari dad-weyne oo marayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan Siinka Dheer iyo dhaawaca qof rayid ah oo kamid ah rakaabka gaariga, dilkaas oo dhacay 06-01-2019. 12- bishii 1-aad ee sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay Kiiska Dable Boliis Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida. AUN Maxamed Ismaaciil Qaboobe ayuu ahaa wadaha gaariga, sidoo kale dhaawac culus oo qeyb ka mid ah jirkiisa uu dareen seegay ayaa gaaray Maxamed Cali Xasan oo kamid ahaa rakaabka gaariga darawalkiisa geeriyooday. kuma qorneen Ilaalada Goobta sidoo kale ka mid ma ahayn askarta ilaalada ka heysay halka lagu hubiyo gawaarida qaybahooda kala duwan ee ka baxa iyo kuwa ku soo wajahan Xarunta dalka ee Muqdisho. Baaris dheeraad ah oo ay sameeyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayay ku soo ogaadeen in Eedeysanaha uu toogtay wadaha gaariga si jees-jees ah, weliba xilliga uu dilka geysanayay uusan tix gelin gaar ah siin wadaha gaariga ee u istaagay si uu u aqbalo hubinta sharciga ee siinka dheer oo uu mari jiray badi waddadaas. 14-kii bishan sii dhammaaneysa ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda eedeysanaha, waxa ay Maxkamadda aqbasha Sideed Cisha kadib. 22-kii bishan ayaa loo fariistay dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali, waxaana ay xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda horkeeneen Qiraalka Eedeysanha, dhibane kamid ah rakaabkii gaariga saarnaa oo qeyb badan oo jirkiisa kamid ah dareen seegay dhaawici gaaray dartiis, sawirka Marxuumka, warqadda dhaawac muujinta dhakhtarka. Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa u sheegay garsoorka in Eedeysane Dable Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali uu u geystay dil bareer ah wadaha gaariga, waxa uu sheegay in aysan jirin sabab qura oo uu marxuumka ku weydiin karay talaabooyin amni maadaama uusan kamid ahayn ciidamada gaarka ah ee hey’adaha amniga uga wakiilka ah bartaas. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa dhinacooda ku dooday in loo naxariisto loona fududeeyo maadaama uu iskiisa u qaatay waajibaad aan loo dirsan taasi oo ay ka dhalatay dhimashada wada gaari iyo dhaawaca rakaab kamid ah dadyowgii saarnaa gaariga. Intaas kadib ayay Maxkamadda go’aamiyeen in lagu xukumo Eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Maxamed Ismaaciil Qaboobe, sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xuseen Maxamed oo kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Eedeysanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabaka Sida View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa weeraray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Yariisow. Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir ay ka sugayaan inuu cadeeyo halka lagu bixiyo canshuurta laga qaado Shacabka magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay in dadka shacabka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ay dil la kulmaan marka ciidamada ay ka qaadayaan Canshuurta, hadana aan waxba loogu qaban sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaan Fiqi ayaa sidoo kale sheegay inay sugayaan xisaab celinta canshuuraha laga qaado shacabka magaalada Muqdisho. “Guddoomiyaha Gobolka Banaadir canshuurta dadka MUQDISHO lagu dilo marka ay bixin waayaan, midda la bixiyana waxa lagu qabto aysan muuqan, waxaa laga rabaa In uu caddeeyo xisaabcelinteeda.” “Dadka Muqdisho la isuguma dari canshuur aan waxba lagu qabanayn iyo xisaab-celin la’aan” ayuu yiri xildhibaan Fiqi. Shacabka magaalada Muqdisho ayaa bixiya lacagta ugu badan ee Canshuurta dowladda Soomaaliya hesho, waxaana gobolka Banaadir uu yahay gobolka kaliya ee dhaqaalaha uu kasoo galo dowladda Soomaaliya. Wasaarada maaliyadda ayaa horey u diyaarisay qorshe lacagaha canshuurta ee laga qaado deegaanada dowlad goboleedyada loosoo gacan geliyo dowladda dhexe, balse waxaa muuqata in qorshahaasi uu ka dhaqan geli waayay deegaanada maamul goboleedyada.. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali ayaa loo heysta dilka wada gaari dad-weyne oo marayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan Siinka Dheer iyo dhaawaca qof rayid ah oo kamid ah rakaabka gaariga, dilkaas oo dhacay 06-01-2019. 12- bishii 1-aad ee sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay Kiiska Dable Boliis Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida. AUN Maxamed Ismaaciil Qaboobe ayuu ahaa wadaha gaariga, sidoo kale dhaawac culus oo qeyb ka mid ah jirkiisa uu dareen seegay ayaa gaaray Maxamed Cali Xasan oo kamid ahaa rakaabka gaariga darawalkiisa geeriyooday. kuma qorneen Ilaalada Goobta sidoo kale ka mid ma ahayn askarta ilaalada ka heysay halka lagu hubiyo gawaarida qaybahooda kala duwan ee ka baxa iyo kuwa ku soo wajahan Xarunta dalka ee Muqdisho. Baaris dheeraad ah oo ay sameeyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayay ku soo ogaadeen in Eedeysanaha uu toogtay wadaha gaariga si jees-jees ah, weliba xilliga uu dilka geysanayay uusan tix gelin gaar ah siin wadaha gaariga ee u istaagay si uu u aqbalo hubinta sharciga ee siinka dheer oo uu mari jiray badi waddadaas. 14-kii bishan sii dhammaaneysa ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda eedeysanaha, waxa ay Maxkamadda aqbasha Sideed Cisha kadib. 22-kii bishan ayaa loo fariistay dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali, waxaana ay xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda horkeeneen Qiraalka Eedeysanha, dhibane kamid ah rakaabkii gaariga saarnaa oo qeyb badan oo jirkiisa kamid ah dareen seegay dhaawici gaaray dartiis, sawirka Marxuumka, warqadda dhaawac muujinta dhakhtarka. Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa u sheegay garsoorka in Eedeysane Dable Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali uu u geystay dil bareer ah wadaha gaariga, waxa uu sheegay in aysan jirin sabab qura oo uu marxuumka ku weydiin karay talaabooyin amni maadaama uusan kamid ahayn ciidamada gaarka ah ee hey’adaha amniga uga wakiilka ah bartaas. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa dhinacooda ku dooday in loo naxariisto loona fududeeyo maadaama uu iskiisa u qaatay waajibaad aan loo dirsan taasi oo ay ka dhalatay dhimashada wada gaari iyo dhaawaca rakaab kamid ah dadyowgii saarnaa gaariga. Intaas kadib ayay Maxkamadda go’aamiyeen in lagu xukumo Eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Maxamed Ismaaciil Qaboobe, sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xuseen Maxamed oo kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Eedeysanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabaka Sida Source: goobjoog.com
-
At least four Somali government soldiers sustained injuries following a landmine explosion on Sunday. The roadside inland explosive device hit the military they were traveling in Weydow outskirts of the capital, Mogadishu. The injured were rushed to the hospital for further treatment. It is not immediately clear who carried out the attack but armed group al-Shabaab which is fighting to topple the internationally backed government of President Mohamed Abdullahi Farmajo and Prime Minister, Hassan Ali Khaire usually claim responsibility for attacks targeting Somali troops. Somali security agencies with support from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) have stepped up security ahead of the Holy Month of Ramadan next month. The joint forces captured the strategic town of Sabiid two weeks ago from al-Shabaab which controlled the area since 2012. US airstrikes killed three fighters near Iskushuban in Puntland regional state of Somalia on Saturday. Pentagon said it would continue its air campaign in support of the federal government of Somalia and AU peacekeeping operations. View the full article
-
(SLT-London)-Todobaadkan waxaa aad loo hadal hayey guurka muranka dhaliyay ee dhex maray Idriss Elba iyo Sabriina Dhoore. Idiris iyo Sabrina Dhoore ayaa arooskoodu dhowr maalmood ka hor ka dhacay Huteelka Mandarian Hotel oo ku yaalla dalka Morocco. Xafladda arooska marka ay dhaceysay, Sabrina Dhoore waxay soo xidhatay dhar cad oo qoorta ka go’an oo ay caruusadaha xirtaan, Seygeedana wuxuu ku soo labbistay suud madoow shaar cad iyo taay madow isaga oo aad u dhoolla caddeynaya ayuuna ka qayb galay xafladdiisa arooska. Bishii Nofembar ee sanadkii tegay ee 2018, waxay Soomaalida Kenya aad u hadal hayeeen guur dhex maray weriye u shaqeeya TV-ga dalka Kenya ku yaalla ee KTN iyo gabar Soomaaliyeed. Baraha bulshada ayaa aad loogaga sheekaysanayey guurka weriya Ben Kitili iyo Aamina Muudeey oo aqal galay ka dib markii ay muddo saaxiibbo ahaayeen, ilmana isu dhaleen. Waxay ku aqal galeen xaflad ay dad yar oo ah saaxiibadood iyo xubnaha qoysaskooda ka soo qayb galeen. Laakin dood xoog leh ayey baraha bulshada ka dhalisay, taas oo sababtay in dadka ay si weyn ugu kala qeyb samaan. Muddadii qarniga ahayd ee u dambaysay, Soomaalida waxaa la sheegaa in ay si tartiib ah u dhex galayeen mujtamacyada kale, guurka Ben iyo Aaminana su’aasha ugu weyn ee uu keenay ayaa ah sababta ay Soomaalidu guurarka qaarkood ugu arkaan kuwo caadi ah, halka kuwo kalena ay u arkaan in ay lid ku yihiin dhaqanka. Sahra Maxamed Cabdulmajiid oo loo yaqaanno Iimaan, ayaa ah gabadh Soomaali ah oo dharka xayeysiisa. Waxay mar ka soo muuqatay heesta ‘Remember the time ee Michael Jackson oo sidoo kalena uu ku jiray jilaaga caanka ah ee Eddie Murphy. Waxay is qabeen heesaagii geeriyooday ee Ingiriiska u Dhashay, David Bowie, 1992 – 2016. Wakhtigaas ka hor, waxay u dhaxday Spencer haywood oo ahaa cayaartoy Maraykan ah oo Kubadda kolayga cayaari jiray, kaasoo ay is qabeen 1977 – 1987. Iminka waa 63 jir, waxayna dhashay laba gabdhood. Dr Xasan Shire iyo xaaskiisa Stella Dadka magaca ku dhex leh Soomaalida ee ku faraxsan guurkooda ajaanibta waxaa ka mid ah Dr Xasan Shire Sheekh oo madax ka ah ha’yadda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga Afrika. Waxaa u dhaxda Stellah Akatukunda. Muddo ka hor ayaa labadooda magaalada Muqdisho loogu sameeyey xaflad weyn oo ay yimaadeen asxaab iyo madax ka tirsan dawladda Soomaaliya. Guursiga ajaanibta ma aha wax ku cusub nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan marka laga eego dhanka isdhexgalka mujtamacyada dega xeebaha oo ka duwan kuwa deegaannada aan xeebaha lahayn ee u badan reer guuraaga. Doodaha qaar in ay noqdaan hadal hayn weyn waxaa saamaxay baraha Bulshada oo ah meelo ay dadku ra’yigooda ku soo bandhigaan, laakin dhanka kale, waxaa yar ama meesha ka maqan tixgelinta dookha qofka, iyo in loo arko inuu isagu yahay qofka leh go’aanka noloshiisa. Source
-
Mandheera (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in cabsi xoogan ay ka taagan deegaano dhowr ah oo ka tirsan dalka Kenya, kadib markii gudaha dalkaasi ay galeen xubno ka tirsan Al Shabaab. Xubnaha ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha dalka Kenya galeen, iyaga oo kagudbay xuduuda dhanka Soomaaliya, waxaana saraakiisha amaanka ay soo saareen digniin dhanka amaanka ah. Booliska Dalka Kenya ayaa dadweynaha dalkaas weydiistay in ay gacan ka geystaan soo qabashada saddex qof oo ay sheegeen in ay halis ku yihiin amaanka Gudaha Kenya. Warbixin ay soo saareen Booliska Kenya ayey ku sheegeen in saddexda qof oo aysan magacooda shaacin ay halis ku yihiin amaanka dadweynaha. Anthony Munga, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya islamarkaana saxiixay warqadda lagu wargelinayay dadweynaha ayaa sheegay in xitaa ehelka saddexda qof ay qeyb ka qaataan soo qabashada raggaas. Waxaa uu Anthony Munga, sheegay in Dadkaasi ay gudaha Soomaaliya kasoo gudbeen, suuragalna tahay in ay gudaha Kenya kula soo laabtaan falal argagixisanimo ah. Saraakiisha amaanka ayaa dhanka kale sheegay in xubnaha Al Shabaab ay doonayaan inay afduubtaan gaadiidka gurmadka deg dega iyo daawooyin ay doonayaan inay isku daaweeyaan, maadaama sida la sheegay daawo yari ay soo wajahday. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Wasiirka arimaha dibadda Iran, Mohamed Javad Zarif, ayaa socdaalka uu ku joogo Maraykanka uga faa’iidaystay inuu cid kasta oo u dheg jalaqsiisa ka dhaadhiciyo in Iran aanay doonayn in ay Maraykanka isku dhacaan, laakiin ay ka cabsi qabto in is faham la’aani arintaa taa keeni karto. Zarif oo waraysiyo siiyey warbaahinta kala duwan ee Maraykanka ayaa ku celceliyey eed uu sheegay oo ah in ay jiraan shakhsiyaad ku dhawdhaw Trump oo ku boorriya in uu tallaabo milatari kala hor tago Iran. Wasiirka ayaa tilmaamay waxa uu ku sheegay koox ka mid ah kuwaas oo si kas ah u abuuraya isaga seeg, oo uu ka mid yahay la taliyaha Madaxweyne Trump ee arimaha nabadgelyada qaranka, John Bolton, iyo rai’sal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu. Javad Zarif waxa uu toos u dhaliilay eedaynta maalmulka Trump ee is daba jooga ah ee ay ku sheegto in Iran fadqalallo ka waddo gobolka Bariga Dhexe, waxaanu ku nuuxnuuxsaday in Iran tahay awood ka shaqsaynaysa xasiloonida guud ee gobolka oo dhan. Source
-
(SLT-Sri Lanka)-Aabbaaha dhalay ninka lagu eedeeyay in uu maleegay weerarradii bambooyibka loo adeegsaday ee Axaddii ka dhacay Sri Lanka Zahran Hashim ayay laamaha ammaanku dileen Jimcihii, sida uu booliisku sheegay. Zahran Hashim oo isku qarxiyay hoteel ku yaalla Colombo ayaa aasaasay koox lagu magacaabi NTJ oo hadda la mamnuucay. Booliiska ayaa hawgal ka fuliyay xaruntii ugu waynayd ee kooxdaas oo ku taalla magaalada Kattankudy oo ku taalla dhanka bari ee dalkaas. Madaxweynaha Sri Lankan ayaa ku dhawaaqay in la mamnuucay in wajiga la qarsado arrintaas oo loola jeedo indho shareerka dumarka Muslimka ah, arrintaas ayaana dabo socota weerarrada dhacay. Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday Kiniisado iyo hotteeello waxaana lagu dilay ugu yaraan 250 qof. Axaddii waxaa la baajiyay in kiniisadaha Siri Lanka cibaado loo aado, balse dadka caasimadda ku nool ayaa isku arruursaday bannaanka kiniisadda St Anthony oo aad ugu burburtay weerarka. Siday ku dhinteen qaraabada Hashim? Laamaha ammaanka ayaa hawlgal ka fuliyay meel u dhaw Kattankudy oo ah meesha uu ka soo jeedo Hashim maalintii Jimcaha. Qof hubaysan ayaa rasaas ku furay ciidammada oo ku sii socda sida ay booliisku sheegeen, saddex nin ayaana qaraxyo gaystay iyaga galaaftay lafahoodii, lix carruur ah iyo saddex dumar ah, saddex qof oo kalana waxay ku dhinteen rasaas. Qof ka mid ah qaraabada dhaw ayaa BBC-da u xaqiijiyay in hawlgalka ay ku dhinteen Hashim aabihii iyo labo walaalladii ah. Ilo ka tirsan booliiska oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa saddexda nin ee dhimatay magacyadooda ku kala sheegay Maxamed Hashim iyo wiilashiisa oo kala ah Zainee Hashim iyo Rilwan Hashim. Saddexdaasba waxaa lagu arkay muuqaal aad la isugula wadaagay baraha bulshadu ku xidhiidho kaas oo ay ku baaqayaan in dadka oo dhan ay u istaagan dagaal ka dhan ah dadka aan tawxiidka rumaysnayn, ayay intaas ku sii dartay wakaaladda wararka ee Reuters Source
-
Somaliland: Four Men Blow Themselves Up In Tog-Wajale Wajaale,(Qaran news)-Reports are coming in from the Somaliland border town of Tog-Wajale that four men believed to be from Somalia blew themselves up in a house whilst working on a device. There has been no official statement from the Somaliland government or the Somaliland Police Force. However reliable sources, including members of the Gabiley regional council have stated that the four men, two whom were injured in the blast and another two were detained and then transferred to the capital, Hargeisa. Reports also indicate that the Somaliland Police are searching for further suspects. Tog-Wajale is on the Somaliland-Ethiopian border, and is busy trade hub. All indications are the suspects came from Mogadishu and recently rented a house in Tog-Wajale. The owners of the rental home have also been detained for questioning. There are no reports of any other casualties and the blast appears to have been rudimentary in nature. Nevertheless, Somaliland is preparing for the Holy Month of Ramadan and the celebration of the 28th anniversary of the restoration of independence on the 18th of May. Somaliland authorities have called for all citizens to remain vigilant and report any suspicious activities. Qaran News
-
(SLT-Tripoli)-Madaxda Dowladda Liibiya ee ay qaramada midoobay taageerto ayaa sheegay in Markabkaasi lagu qabtay meel ka baxsan Xeebaha magaalada Misraat ee Galbeedka dalkaasi. Markabkaasi oo lagu magacaabo Shahar E Kord waxa uu isbuucii hore ka soo shiraacday Dekedda magaalada Burgas ee dalka Bulgaria, wuxuuna ku wajahnaa Dekedda magaalladda Misraata. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Liibiya ee ay qaramada midoobay taageerto ayaa sheegtay inuu Markabkaasi waday 144 Kontaynaro ay ka buuxaan noocyadda Hubka kala duwan, oo isugu jira kuwa fudud iyo Sawaariikhda. Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka uu hoggaamiyo Khaliifa Xaftar ayaa sheegay inuu Markabkaasi hub u waday Dowladda Liibiya ee fadhigeedu yahay Tripoli. Markabkaasi oo la sheegay inay Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan leeyihiin waxaa horey cunaqabatayn ugu soo rogay Dowladaha Maraykanka iyo kuwa Midowga Europe, iyagoo ku eedeeyey inuu Markabka qeyb ka ahaa Hawlaha Barnaaamiojka Nukliyeerka Iiraan. Source
-
Muqdisho (SMN) – Wafdigaan uu hoggaaminayay Generaal Waxiid Ibraahim Khafaaji oo ah kaaliyaha Wasiirka Gaashandhigga Dalka Masar iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaal oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Masar ayaa Kormeeray Isbitaalka Xoogga Dalka,Kuliyadda Jaalla Siyaad iyo Xarunta ciidamada xoogga dalka ee deegaanka Bangalla ee Magaalada Muqdisho. Qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xarunta Kuliyadda Jaalla Siyaad ayey Mid mid u kormeereen Wafdigaan ka socday Dalka Masar. Taliye ku-Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan ayaa sheegay in Dowlada Masar ay diyaar u tahay Taakuleenta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. kaaliyaha Wasiirka Gaashandhigga Dalka Masar General Waxiid Ibraahim Khafaaji ayaa sheegay in Masar iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo Xiriir iskaashi ee dhanka Ciidamada Labada dal ah. View the full article
-
Popular Contributors
