-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameedka iyo Odayaal reer Hargeysa ah oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay leeyihiin dhulka laga dhisaayo madaxtooyadda cusub ee Galbeedka Hargeysa oo xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka qaaday. Waxa ay soo bandhiggeen Qoraallo ay ku sheeganayaan lahaanshaha dhulkaasi iyo go’aano ay hore Maxkamaddaha dalku uga soo saareen, waxa ayna farriimo iyo hanjabaado culus u direen Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland, ayaa shaacisay in laba cisha kadib ay bilaabayso, ol’ole lagu ganaaxayo gaadiidleyda aan weli bixin canshuurta saddex-biloodka ah ee dowladda. Wasiirk ku xigeenka Maaliyadda Puntland, Cumar Xassan Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso, ayaa ku wargeliyay gaadiidleyda in ay si deg deg ah u bixiyaan canshuurta lagu leeyahay, haddii kalena ay mudan doonaan ganaax lacageed oo uusan cayimin. Sidoo kale, wasiirka ayaa caddeeyay in madaxda ugu sarraysa Puntland aysan canshuur bixin, isagoo xusay in ay ku dhuumanayan xasaanaddda xilka ay hayaan, balse wuxuu ku hanjabay in aan loo dulqaadan doonin mas’uul xasaanadiisa kaga dhuunta canshuurta ku waajibtay. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta sare ee Puntland oo la sheegay in aysan canshuurta bixin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Deeq Fooley Cabdullahi Baaslaawe oo ahaa Bajaajle ay maanta ciidamada dowladda ku dileen Howl-wadaag waxaa uu ahaa cayaar-yahan. Sida uu sheegay guddoomiyaha kooxda Geeska Afrika Abuukar Maxamed Cabdulle Safana, Deeq oo ahaa 24 jir, aabihiis ayaa sanadkan u iibiyey Bajaaj isaga oo ku dhahay deyn ayey kugu tahay! Safanaa ayaa intaasi raaciyey in Deeq uu fasax ka qaatey kooxda kasi uu isaga mago deynta Bajaajta, laakin waxaa dilay ciidamada dowladda. Deeq oo 24 jir ahaa waxaa dhalay Fooley Cabdullahi Baaslaawe oo ah reer caan ku ah sameynta xalwada, aabaha oo dhaxal helay ayaa wiilkiisa u iibiyey Bajaajta, kuna dhahay shaqeyso oo lacagta iska soo celi. Dhinaca kale, dibad-bax ay mootaaleyda sameeyeen kadib dilka waxaa ugu yaraan ku dhintay 5 qof halka ugu yaraan 10 kale ku dhaawacmeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka tacsiyeeyey labo muwaadin oo Ciidanka Booliska ay ku dileen Muqdisho ayaa sheegay in gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada uu laf-dhabar u yahay nolosha bulshada Caasimadda, gaar ahaan dhalinyarada iyo dadka dan’yarta ah ee ka soo saarta nolol maalmeedkooda, sidaas daraadeedna aan loo qiil dayeyn wax walba oo dhibaataynaya, waxuna dhinacooda ka codsaday in la ilaaliyo shuruucda, lalana shaqeeyaa ciidamadda amniga. Guddoomiyaha oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/G Bashiir Cabdi Maxamed ayaa kula hadlayay Isgoyska Bakaaraha dhalinyaro bannaanbaxayay, ayaa sheegay in ay jawaab deg-deg ah ka sugayan Taliska Booliska, loogana baahan yahay in gacan adag ay ku qabtaan cid kasta oo muwaadiniinta dhibaateynaysa. Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay banaanbaxayaasha in xaaladda ay dajiyaan, isla markaana Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu qaaday tallaabo looga jawaabayo falkaas, iyadoo xabsiga la dhigay taliyihii xukumayay Ciidanka dilka geystay. “Waxaan idinka rabnaa in aad la shaqeysaan ciidamada amniga, haddaan amni la helin Bajaaj ma socon karto, ka maamul ahaana waxaa diyaar u nahay cid walba oo dhibaato idiin geysata inaan la xisaabtano oo ilaalino xuquuqdiina.” Sidoo kale, Duqa Muqdisho iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa booqday qoysaska ay ka baxeen labada Marxuum ee dilka loo geystay, waxayna balanqaadeen in askarigii dilka ka danbeeyey caddaaladda la horgeyn doono. View the full article
-
China has donated tons of rice to African countries including Somalia to help avert food security. The consignment was shipped from Shanghai on Friday afternoon and is expected to reach Somalia in coming weeks. The move came as part of China’s food assistance this year to the United Nations World Food Programme to help address food security challenges in those countries. Somalia, DRC, South Sudan, Lesotho are facing a range of issues that can impact food security, including armed conflict, climate-related disasters, and sluggish economies, according to WFP. China’s donation will mainly support displaced people and refugees, many of whom are women and children. Said Jama Mire, charge d’affaires of the Somalia embassy in China, expressed his gratitude. “We are very grateful for China’s support for this food donation to Somalia and other African brothers,” he said. “I would like to thank the World Food Programme for its great support of the Somali people.” He said that approximately 3.5 million people need emergency food assistance in Somalia. China and the WFP signed an agreement at the end of last year to help the five African countries address their food security challenges. “China’s support enables us to expand our work and to reach more people in urgent need of food,” Qu Sixi, representative of the WFP China Office, said during the food departure ceremony the office organised at a port in Shanghai. “We hope to strengthen our partnership with China further and make joint efforts toward achieving zero hunger,” Qu added. China’s contributions have enabled the WFP to purchase more than 8,700 tons of rice in China and other food globally that will benefit approximately 300,000 vulnerable people in the five African countries. A report presented on April 2 by the European Union, the UN’s Food and Agriculture Organization and the WFP said that around 113 million people in 53 countries experienced acute hunger in 2018. View the full article
-
Deeq Fooley Cabdullahi Baaslaawe oo ahaa Bajaajle ay maanta ciidamada dowladda ku dileen Howl-wadaag waxaa uu ahaa cayaar-yahan. Sida uu Goobjoog News u sheegay guddoomiyaha kooxda Geeska Afrika Abuukar Maxamed Cabdulle Safana, Deeq oo ahaa 24 jir, aabihiis ayaa sanadkan u iibiyey Bajaaj isaga oo ku dhahay deyn ayey kugu tahay! Safanaa ayaa intaasi raaciyey in Deeq uu fasax ka qaatey kooxda kasi uu isaga mago deynta Bajaajta, laakin waxaa dilay ciidamada dowladda. Deeq oo 24 jir ahaa waxaa dhalay Fooley Cabdullahi Baaslaawe oo ah reer caan ku ah sameynta xalwada, aabaha oo dhaxal helay ayaa wiilkiisa u iibiyey Bajaajta, kuna dhahay shaqeyso oo lacagta iska soo celi. Dhinaca kale, dibad-bax ay mootaaleyda sameeyeen kadib dilka waxaa ugu yaraan ku dhintay 5 qof halka ugu yaraan 10 kale ku dhaawacmeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Kulan ay soo qaban qaabisay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, ayna ka qeyb galeen wasiiro heer federal iyo heer dowlad goboleed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Ujeedka kulanka ayaa aheyd sidii la’isaga xog wareysan lahaa habka wax looga qaban karo xaaladaha bani’aadanimo ee haatan ka jira Soomaaliya. Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Xamsa Siciid Xamsa ayaa ugu horreyn daah-furay mashruuc ka kooban biyo dhaamin iyo raashin qeybin oo dhawaan wasaaradiisu ay ka bilaabi doonto guud ahaan dalka. Xildhibaan C/rashiid Maxamuud Xasan wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka ayaa sheegay in barnaamijakan muhiimadiisu ay tahay, sidii loo caawin lahaa dadka danta yar ee ku tabaaleysay gudaha dalka. Dhinaca kale wasiir C/rashiid ayaa faah faahin ka bixiyay, sida loo maareynayo $32 milyan oo DFS ay ka heshay Bangiga Horumarinta Adduunka. Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka oo kaashaneysa maamul goboleedyada ayaa ballan qaaday in la dardar galin doono fulinta howlaha gargaar ee lagu wado in dhawaan laga fuliyo Soomaaliya. View the full article
-
The government of Denmark has pledged to contribute $ 21 million to Somalia’s rebuilding process. In a statement, Denmark announced the amount to support to accelerate poverty reduction and sustainable economic growth. Demark said it channeled through the World Bank’s Multi-Partner Fund (MPF), the contribution provides resources to support effective and accountable governance. World Bank Country Director for Somalia, Bella Bird, lauded the commitment of Denmark government saying it has been important for the World Bank and Somalia. “Since our partnership with Denmark began, they have stressed the need to foster a collaborative relationship with the government and the private sector and supporting an enabling environment for greater economic growth and inclusion,” said Bella. “The latest contribution will allow for a scale-up in resources for private sector development.” MPF is one of the funding windows established under Somalia’s development and reconstruction pillar. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa si kulul u Cabaareeyay dilkii saakay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya u geytay Darawal Mooto Bajaajle ahaa iyo wiil dhalinyaro ah oo la socday. Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Askari ka dambeeyay dilkaas ay ku raadjoogaan Hay’adaha amniga dowladda,isla markaana gacanta lagu ay kusoo dhigi doonaan. Guddoomiye Yariisow ayaa sidoo kale ka hadlay Banaanbax rabshado wata oo ka socda Igoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir,kaasi oo dhigayaan dad u badan dhalinyarada Mooto Bajaajta,waxaana uu ugu baaqay inay illaaliyaan nidaamka oo dadka ku dhexdhuumanaya ee rabshadaha wada ee iska fogeeyaan. Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa uga tacsiyadeynayaa qoyskii ay ka geeriyoodeen labada marxuum ee saakay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu u dilay Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir. Source
-
(SLT-Muqdisho)Dad Aad ufara badan ayaa banaanbaxyo ka dhigaya magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka carooday dil askari ka tirsan ciidamada dowladda uu u geystay ruux Bajaajle ahaa. Dilka ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana dadka banaanbaxa dhigaya ay gubeen Taayaro, iyagoo sidoo kale xiray goobo ganacsi oo ku yaala goobta banaanbaxyada ka dhacayaan. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in askariga dilay mooto bajaajlaha sidoo kale inuu dilay ruux rakaab ahaa oo Bajaajta saarnaa, waxaana uu dhaliyay banaanbaxyada xoogan ee halkaasi ka socdo. Dad badan oo wadayaal Mooto Bajaajta iyo shacab badan ayaa banaanbaxa dhigaya, waxaana ay dalbanayaan in cadaalada la horkeeno ruuxa dilka ka dambeeyay. Ma jiro ilaa iyo hadda cid ka hadashay dilka iyo banaanbaxyada ka dhacaya isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo dadka banaanbaxa dhigaya ay sheegeen inaysan joojin doonin banaanbaxa ilaa laga qabto askarigii dilka geystay. Dilka kadib ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa tegay goobta, iyaga oo meesha ka qaaday meydka Darawalka Mooto bajaajlaha ahaa, waxaana sidoo kale dhaawaca ruuxa kale loo qaaday isbitaalka ku yaalla degmada Howlwadaag. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inka badan 20 ruux oo bajaajlayaal ah ku dilay magaalada Muqdisho, waxaana kaliya ilaa iyo hadda cadaalada la horkeenay labo askar Source
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Denmark ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa 21 million oo dollar oo ay ugu talo gashay dib u dhiska dalka. War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Denmark ayaa lagu shaaciyay in lacagtan ay u soo marinayaan dowladda Soomaaliya Bangig Adduunka. Denmark ayaa dooneysa in dowladda Soomaaliya ka caawiso yareynta sabool-tinimada iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, oo isbedello hadda ay ku sameynayso Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Khayre. Bangig Adduunka ayaa soo dhaweeyay tallaabadan Denmark ay deeqda lacageed ku siinayso Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay muhiim u tahay hanaanka dib usoo kabashada dalka. Tani ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Federaalka ay raadinayso in dalka laga cafiyo deyn lacageed oo dibadda looga leeyahay, taasoo ka badan 5 bilyan oo dollar. View the full article
-
Shanghai (SMN) – Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in gargaar bini’aadanimo ay soo dirtay dalka Soomaaliya oo qeybo ka mid ah ka jirto abaar iyo nafaqa darro baahsan. Markab sida dhowr tan oo bariisa iyo alaabo kale oo loogu talo galay in lagu caawiyo dadka ku dhubaateysan gudaha Soomaaliya ayaa shalay kasoo baxay dekada Shanghai ee wadanka Shiinaha. Xukuumadd Beijing ayaa sheegtay in gargaarkan loogu talo galay inay ku yareyso baahida cunto yarida ee ka jirta Soomaaliya, waxaana gargaarkan uu soo gaari doonaa dalka todobaadyada soo socda. Deeqdan raashiinka ah ayaa waxay dowladda Shiinaha usoo marinysaa Soomaaliya hay’adda Qaramada Midoobey u qaabislan dhanka cuntada ee WFP. Kaalmada Shiinaha ayaa lagu wadaa in lagu caawiyo dadka barakacayaasha ah, gaar ahaan haweenka iyo caruurta oo ay soo food saartey nafaqo darri iyo macluul. WFP ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay 3.5 milyan oo qof ay u baahan yahiin gargaar bini’aadanimo gudaha dalka Soomaaliya, oo qeybo kamid ah laga soo sheegayo abaar. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iska hor imaad xoogan oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir. Iska hor imaadka oo ka qarxay agagaarka Isgoyska Baar Ayaan ayaa waxaa la sheegay inuu u dhexeeyay Ciidamo ka kala tirsanaa talisyada Booliska iyo Milatariga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Isku dhaca Ciidamadan ayaa yimid, kadib markii Askar ka tirsan kuwa Milatariga oo la socday Gaari Cabdi Bile ah ay isku dayeen in ay xoog ku dhaafaan bar Koontarool oo Ciidamada Booliska ay ku leeyhiin halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa iska hor imaadkani ku dhaawacmay illaa 2 Askari oo ka tirsan dhinacyada dagaalamay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona meesh ay wax ka dhaceen ay gaareen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa baneeyey dhigga Darajawada Bajaajyada Muqdisho. Xildhibaanka oo ka hadlayey Kulanka Baarlamaanka ee looga doodayey Amniga ayaa Ciidamada Dowladda ku taageeray dilka ay u geystaan Darawalada Bajaajyada Muqdisho oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa Bambooyin ku tuura ciidamada. Xildhibaanka ayaa xusay inay Bajaajyada ku kacaan falal ay ciidanka Bambo ku tuuraan mararka qaar isagoo markii dambe gadaal ka raaciyey inuu ka xun yahay dilka loo geystay. Intii uu Xildhibaanka ka hadlayey arrintaan ayuu wuxuu Xildhibaanada intooda badan kala kulmay qeylo dhaan iyo Buuq, wuxuuna mar kale ku celiyey ”Bajaajleyda aan u doodeyno Waa Bambo tuur oo waxaa la hayaa saddex Bajaaj oo Askarta Bombooyin ku tuuray”. Hadalka Xildhibaan Ibbi ayaa kusoo aadayo xilli Maanta Muqdisho lagu dilay Darawal Bajaaj iyo qof la socday oo la sheegay inay Qaraabo ahaayeen. Dilkaas kadib Jidadka Muqdisho waxaa xiray Darawalada Bajaajyada iyo dadweyne kale oo ka careysan dilka loo geystay Bajaajleyda, waxayna ku qeylinayeen inay Baarlamaanka arrintaan ka jawaabaan maadaama ay Shacabka matalaan Balse Xildhibaan Ibbi ayaa taageeray dilka loo geystay waxayna taas muujineysaa inuu yahay Xildhibaan aan matali karin shacabka isla markaasna aan ku hadli karin afkooda. Halkaan hoose ka daawo Hadalka Xildhibaan Ibbi Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Askari ka tirsan Ciidamada dowladda saaka uu ka geystay Isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Dilka ayaa loo geystay wade Mooto Bajaaj iyo Abtigiis oo xilligaasi la saarnaa mootada. Marxuuminta oo ahaa wiilal dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Deeq C/qaaadir Cabdullahi iyo Maxamed Sheekh Cali. Dhinaca kale dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday dilka labadaasi Qof ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka Muqdisho, kuwaas oo hakad galiyay dhaq dhaqaaqa waddooyin muhiim ah. Intii uu socday dibadbaxan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen illaa 4 Qof, kuna dhaawacmeen 5 kale. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ahaa kuwo lagu rasaaseeyay agagaarka Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqashiid, xilli ay saarnaayeen Mooto Bajaaj mareysay halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay dilalka ka dhanka ah wadayaasha Mootooyinka Bajaajka ayaa ku soo badanayay degmooyinka G/ Banaadir. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-13042019-we.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Baar Ayaan ee Degmada Warta Nabadda Ciidamo Militari & Boolis ayaa isku dagaalay halkaasi. Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Milateriga ah ay isku dayeen inay maraan bar koontarool oo Ciidanka Booliska ah ku leeyihiin Isgoyska Baar Ayaan ee Degmada Yaaqshiid,hayeeshee uu soo kala dhexgalay isfaham waa sidaasina uu ku bilowday dagaalka. Illaa laba askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa ku dhaawacmay rasaastaasi Militariga ay ku fureen askarta ku sugnayd Isgoyska Baar Ayaan ee Degmada Yaaqshiid. Ciidamada Booliska ayaa la sheegay kuwii nabad qabay inay ka carareen, meesha waxaana hadda meesha jooga Ciidamada Militariga oo wata Gaari Cabdi Bile ah oo uu ku xiran yahay Qoriga wayn ee Dhashiikaha loo yaqaan. Ciidamada Militariga ayaa qoriga ka qaatay Askari dhaawac ah oo ku cararay Xarun Ganacsi oo ku taalo meesha la isku dagaalay, waxaana la arkayey askarigaas oo Dhiig baxayo isla markaasna ku qeelinayo yaa la i dilin. Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda iyo kuwo Booliska uu dagaal ku dhexmaray Isgoysa Maana-Booliyo,kaasi oo lagu gubay gaari nooca dagalka uu lahaa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Golaha Shacabka,waxaana ka dhashay khasaaro soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay iyo dad shacab ah. Jawiga Magaalada Muqdisho ayaa maanta wuxuu yahay mid qasan, banaanbax ayaa ka socda dhinac Magaalada ka mid ah, halka dhinaca kalena Militari & Boolis isku u gaarsanayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciidamada amniga ee gobolka bari ayaa howlago guri guri waxa ay ka wadaan 17ka xaafadood ee ay magaalada Bosaaso ka koobantahay. Howlgalada ayaa yimid xili [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Banaabaxayaal u badan dhalinyarada kaxeysa mooto Bajaajka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhigaya dibadbaxayo waa weyn oo ay kaga soo horjeedaan dilalka joogtada ah ee ciidamada dowladda ku hayaan dhalinta ku shaqeeysata Mooto Bajaajta. Dhalinyaradan ayaa meydka labo wiil oo saakay ciidamada dowladda ku dileen isgoyska Howl-wadaag ee Gobalka Banaadir waxey sheegeen iney geyn doonaan Madaxtooyada kuwaa oo imika wada meydka una dhaqaaqay dhanka madaxtooyada sida dad goobjoogyaal ah inoo xaqiijiyiin. Isgoysyo dhowr ah oo dhaca magaaalada Muqdisho ayey ka socdaan dibadbaxayada waxaana dhalinyarada ay gubayaan Taayaro iyagoo jidadka xeraya. Askarta dowladda ayaa Sanadkan kaliya dishay in kabadan 10 dhalinayo oo ku shaqeesta Mooto Bajaajta, waxaana meesha kabaxday cadaaladdi iyadoo inta badan ay baxsadaan askarta dilalka u geesata dhalinyarada. Bishii Maarso ee sanadkan sidan oo kale wiil dhalinyaro ah ayaa lagu dilay dagmada Waaberi oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj waxaana dilkaasi mas’uul ka ahaa sarkaal katirsan ciidamada Booliska. Duqa Muqdisho oo dhacdadaasi kala hadlay dhalinyarada ayaa sheegay in mar dambe sidan oo kale dhici doonin cadaaladdana la horkeeno deeno askarigii dilka geestay, balse hadalkiisu noqday qowda maqashii waxna ha u qaban. By: Abdiaziz Loyal Abdiazizh99@gmail.com