Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa galabta ka jawaabtay hadal shalay ka soo yeeray wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi goodax Barre. War-saxaafadeed laba bog ka kooban oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Puntland aysan ka qeyb-geli Karin imtixaanka ay qaaddo xukuumadda Federaalka Soomaaliya maadaama sida ay sheegtay aysan Puntland iyo Federaalku isku manhaj ahayn islamarkaana aan sideedaba loogu kalsoonaan Karin imtixaanka ay qaaddo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo marwaba ardadu sii helaan. Halkaan ka akhriso PUNTLAND POST The post war-saxaafeed: Wasaaradda waxbarashada Puntland oo u jawaabtay wasiir Goodax appeared first on Puntland Post.
  2. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo oo muddo kooban qaadan doona ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Safarka madaxweynaha, ayaa salka ku haya marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay masuuliyiinta dalka Isu-tagga Imaaraadka carabta oo diyaarad khaas ah usoo diray, taas oo madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo saaka ka qaadday madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey safarka madaxweynaha iyo ujeeddada uu ku qotomo, waxana uu sheegay inuu socdaalkani yahay mid shaqo, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxan doonayaa inaan halkan ummadda Somaliland uga baahiyo inuu jiro socdaal uu madaxweynaha Somaliland ugu baxayo dalka Imaaraadka Carabta, waana socdaal gaaban oo maalin iyo laba aan dhaafsiisnayn oo uu madaxweynuhu shaqo ugu baxayo, waxana uu socdaalkaasi ku saabsan yahay xidhiidhadii iyo wax wada-qabsigii hore uga dhexeeyey labada dal, waxana raacaya xubno xukuumadda kamid ah.” Socdaalka uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka, Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin). Source
  3. Duqa degmada Bosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa sheegay in mudooyinkii udambeeyay ay ku mashquulsanaayeen samaynta Guddiyada xaafadaha magaalada Bosaaso ,si maamulka dowladda hoose loo daadajiyo. [...] Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Agaasimaha madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile oo waxa la waydiiyay su’aal ahay inay xoog kaga rarayaan dadwaynaha Madaxtooyada cusub dagan ayaa iigu jawaabay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Deegaanka Magacley oo qiyaastii degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ujira 30kmtr ayaa waxaa ka da,ay Roobkii Guga oo ay dadku unaq raaceen. Dadka deegaanka iyo [...] Source
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Sida wararkii hore ee Caasimada Online idinku soo tabinay, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta waxa uu safar aan horey la shaacin ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta. Haddaba, Xukuumada Somaliland ayaa war kasoo saartay safarkan Madaxweyne Biixi, iyada oo ku sheegtay inuu yahay safar shaqo oo deg-deg ah, kaasi oo qaadan doona muddo labo cisho ah. Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland Yaasiin Faratoon, oo goordhoweyd warbaahinta faah-faahin kooban ka siiyey safarkan Madaxweyne Biixi, ayaa wuxuu yiri “Waxan umadda reer Somaliland u sheegaya inuu jiro socdaal uu Madaxweynaha Somaliland ugu baxay dalka Imaaraadka, waana socdaal gaaban oo aan maalin iyo labo dhaafsiisneyn oo uu shaqo ugu baxay Madaxweynuhu”. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Waxay ku saabsantahay un xiriiradii, wax wada qabsigii iyo iskaashigii horeba uga dhaxeeyay labada dal, ayuunbu socdaalkaasi ku saabsanyahay, sidan u sheegayna waa socdaal gaaban oo shaqo, waxaana raacaya xubno xukuumada kamid ah, waana socdaal gaaban oo wakhtigii gaadhay oo si deg-deg ah oo ay arrintiisu u dhalatay, markana uu madaxweynuhu ugu baxay”. Wasiir Faratoon ayaa gebi ahaan iska diiday su’aalo ay warbaahintu rabtay inay ka weydiiso socdaalkan deg-deg ah ee Madaxweyne Biixi ugu baxay dalka Imaaraadka. Wararka ay Caasimada Online helayso ee ku saabsan ujeedka safarkan Biixi, ayaa waxay sheegayaan in safarka uu la xiriiro xaalado caafimad oo dhowaan soo wajahay madaxweyne Biixi. Madaxweyne Biixi ayaa waxaa la sheegay inuu xanuun dhanka madaxa ah hayo, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu yahay, islamarkaana baaritaan lagu sameyn doono inta uu joogo Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska HargeysaCaasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa baaq wadajir ka soo saaray Xaaladda amniga Magaalada Muqdisho. Qoraalkooda Wadajirka ah ayey si toos ah ugu jeediyeen bajaajleyaasha Magaalada Muqdisho oo tacadiyo kala kulma Ciidanka dowladda,isla markaana ku dhawaad 50 kamid ay yihiin Booliska,wuxuuna baaqaan kusoo beegmay iyadoo la sheegay in la qaban-qaabinayo banaanbaxyo ka dhaca Maalinta berri Magaalada Muqdisho. B A A Q F U R A Annaga oo ka warqabna culeysyada kala duwan ee saaran dhallinyarada, gaar ahaanna wadayaasha bajaajka, BL-ka iyo tagaasida Muqdisho, ayaan haddana idiin qireynaa in aad ku dadaasheen kuna guuleysateen in aad shaqo abuurataan. Waxa aad gacan weyn ka geysataan isu socodka dadweynaha magaalada idinka oo ugu adeegaya qiimo jaban. Waxaan wadajir idiinkugu baraarujinaynaa muhiimadda nabadda iyo xasilloonida oo la’aanteed aan shaqadiinnu socon karin. Sida aad ogtihiin, Amni-darro iyo xasillooni la’aani waxay sababi karaan dhibaatooyin shaqo la’aan aad uga culus. Sidaa darteed waxaan idinku boorrineynaa in adinka oo dantiinna ilaashanaya, u turaya shacabka Soomaaliyeed oo waalid iyo walaal ah, kuna kabaya Dowladnimada Soomaaliya aad ka fogaataan wax kasta oo wax u dhimi kara nabadgelyada iyo xasilloonida oo ah danteenna guud. Cabashooyinka aad qabtaan, oo waliba qaarkood aan ka garaabeyno, waxay tahay in aad xalkooda u martaan dariiq nabadgelyo. Haddii aad sidaas ku sifowdaan waxaan ku kalsoon nahay in ay dad badani idinku taageri doonaan halgankiinna xuquuq u doodka ah. Dowladda waxaan u soo jeedineynaa saddex qodob oo kala ah in xaaladda aan looga darin, la qaboojiyo rabshadaha hadda taagan iyo in xal waara loo helo oo tan oo kale aanay dib u soo noqon. Si aan xaaladdu uga sii darin waxaa nala habboon in laga dhowrsado erayada uga dari kara xaaladda. Si gaar ah waxaan u soo jeedineynaa in laga gaabsado eedeymaha aan loo heyn caddeyn buuxda iyo wax kasta oo shaki iyo kala qeybin u horseedi kara bulshada magaalada, maaddaama ay tahay in ay Hoggaamiyayaasha dhaqanka ee magaaladu ay wadajir u wajahaan mushkiladda. Si karka magaalada hoos loogu dhigo waxaan Mas’uuliyiinta Dowladda ugu baaqeynaa in dhallinyarada loo turo, lana fahmo in ay cadaadis iyo xad gudub dhab ah ka cabanayaan. Waxaan soo jeedineynaa in dhallinyarada la xiray oo dhan la sii daayo. Iyo in la baaro dilalka dhacay ciddii dembi geysatayna Maxkamad la soo taago. Ugu dambeyn waxaan soo jeedineynaa in la qaado tallaaboyin lagu xaqiijinayo in dilka iyo xadgudubyada ka dhanka ah dhallinyaradu aanay dib u soo laaban. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta waxa uu safar aan la shaacin ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta. Safarkan uu Madaxweyne Biixi ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya safarkiisi saddexaad ee tan iyo xiligi la doortay uu ku tago dalkaasi. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa ku wehlinaya safarkiisan xubno katirsan Golahiisa Wasiirada, Inkasta oo ilaa hadda Madaxtooyada Somaliland aysan wax war ah kasoo saarin ujeedka safarkan iyo xubnaha ku wehlinaya. Wararka ay Caasimada Online helayso ee ku saabsan ujeedka safarkan Biixi, ayaa waxay sheegayaan in safarka uu la xiriiro xaalado caafimad oo dhowaan soo wajahay madaxweyne Biixi. Madaxweyne Biixi ayaa waxaa la sheegay inuu xanuun dhanka madaxa ah hayo, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu yahay, islamarkaana baaritaan lagu sameyn doono inta uu joogo Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  9. Muuse Biixi ayaa saaka si dhuumasho ah uga dhoofay magaalada Hargeysa isaga oo u kicitimay dalka Imaaraadka oo aan la sii shaacin. Wararka laga helaayo Imaaraadka ayaa sheegaaya in madaxweyne Biixi uu martiqaad dedeg ah ka helay dawlada Imaaraadka kaasi oo dalka ku haya wada hadashiinta Iyo dhex dhexaadinta maamulka Puntland Iyo xukumadda Muuse Biixi oo labadooduba ay la ganacsadaan dalkaasi. Madaxweynaha Puntland ayaa todobaadkani a ku sugnaa dalkaasi. Ma jirto wax faah faahin ah oo ay madaxtooyadu ka bixisay socdaalka Mr Biixi, waxana Jira warar kale oo sheegaaya in madaxweynahu uu xagaasi si Deg Deg ah ugu dhoofay hawlo caafimaad Qaran News
  10. Muqdisho ( SMN):-Cabdulaahi Goodax Barre oo ka hadlayey arrimo ku saabsan Imtixaanka Shahaadiga ah ee Wasaaradu ay qaado ayaa ugu baaqay Waalidiinta iyo Ardeyda wax ka barata Deeganada Maamulka Puntland in ay ka fiirsadaan Go’aan ay gaartay Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ah in aysan shaqo ku lahayn Imtixaanka Shahaadiga ah ee Soomaalaiya. Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Sanadihii Lasoo dhaafey qaadaysay Imtixaanadka Shahaadiga ah ayaa waxaa ka maqnaa Ardeyda wax kabarata Puntland, Marka laga yimaado Somaliland oo iyadu sheegata Dal Madaxbanaan. Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goodax Barre ayaa Yiri ‘’ Ardeyda Puntland iyo Waalidiintood waxaan u sheegaynaa in ay kasoo qayb galaan Imtixaanka Shahaadiga ah, hadii kale iyaga ayaa qaadanaya wixii ka yimaada Xaq ma ahan in hadhow ay isku Xaquuq noqdaan Arday Imtixaan galay iyo Ardey aan meeshaba Joogin’’. Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa ka falceliyey hadalka Wasiir Goodax, waxa ayna u muuqden kuwo ka xun sida ay Go’aanka u qaadatay Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya. View the full article
  11. Marka ( Sh.M.Network):-Guddoomiyaha Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdullaahi Waafow ayaa walaac ka muujiyay wax uu ku sheegay Go’doon ay ku jirto Magaaladaasi. Mar Waafow ayaa hoosta ka xariiqay in waddooyinka soo gala Magaalada Marka ay jareen Dhaqdhaqaaqa Al Shabaab , sidaas daraadeedna ay dowladdu wax ka qabato arrintaasi. Waxa uu xusay Guddoomiye Waafow in go’doonka saaran Magaalada Marka ay saameyn ku yeesheen dhaqdhaqaaqii Guud ee Magaaladaasi. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaalia ayaa kol hore la wareegay gacan ku heynta Magaaladaasi Marka kadib markii laga saaray dagaalamayaasha Al Shabaab ee halkaas ka arriminayay. View the full article
  12. Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caasimada dalka Canada ee Toronto kula kulmay ciyaartooydii hore xulka qaranka ee kala ah Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtar Cuti) iyo Maxamed Xaaji wuxuuna xilidhabaanka casuumada uu ka helay bahda isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Canada. “Waad mahadsantihiin ma qiyaasi karo sida uu yahay dareenkayga bahda isboortiga Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan way ka duwanyihiin dadka kale,sababtoo ah waa saaxiibo iyo walaalo is jecel waxayna ku midaysanyihiin ka shaqeynta wanaaga iyo isku xirka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha iyo gudaha Soomaaliya”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay xilidhibaan Xasan Macalin Maxamuud. 09-Maarso 2019-Xildhibaan Xasan Macalin oo safar shaqo ku joogay magaalada London ee dalka England ayaa la kulmay wafdigii iyo mas’uuliyeentii kooxda qurbajoogta ee caasimada Muqidsho u imaaday ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada bishii October 2018, isagoo kolkaa sheegay in uu diyaar u yahay dhiiri gelinta iyo garab istaagida dhalinyarada ciyaartooyda ku koray ee qurbaha ee doonaysa in ay imaadaan wadankoda hooyo ee Soomaaliya. “Waa mid ka mid ah xildhibaanada sida wanaagsan u taageera horomarinta iyo garab siinta isboortiga waxaad la socotaa in uu kaalin mug leh ka qaatay guulihii uu laacib Feysal Axmed la gaaray xulka qaranka Soomaaliya tani wa fursad kale uu xildhibaanka ku doonayo in dhalinyaro badan oo xirfado wanaagsan ay dalka yimaadaan”waxaa Gooboog ugu waramay Cabdi Axmed Cabdulle oo ka mid ah bahda ciyaaraha UK. Xildhibaan Xasan dhalinyaradii uu taageeray sanadkii lasoo dhaafay dalkana u imdaay is-dhaxgalka bulshada xulka Soomaaliyana guulo la gaaray waxaa qeyb ka ahaa Feysal Axmed Xasan oo ka yimid Norway,isagoo xulka u dhaliyay ilaa afar gool welina uu qeyb ka yahay. “Ciyaartooyda imaanaysa Soomaaliya waxa ay fure u yihiin horomarka isboortiga waxayna booqashadooda dhaxgal u tahay iyo in is bartaan laaciibtinta gudaha iyo kuwa qurbajoogta waana wax loo baahan yahay sababtoo ah dhalinyarada imaanaysa waxa ay baranayaan dhaqanka iyo dalka ay lee yihiim” Xildhibaan Xaasan Macalin. Sida uu qorsha yahay 2019 waxaa Soomaaliya kusoo wajahan kooxo badan oo qurbajoog ah kuwaas oo u imaanaya ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho waxaana talaabadan falanqeeyaaasha gudah ay u arkaan mid guulo u horseedi karta isu soo dhawaashaha kooxaha gudaha iyo qurbajoogta. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  13. The Somali federal government has deployed security police officers to the main roads in Mogadishu to boost the public security of the city. Hundreds of police officers were today seen on the main roads of the capital Mogadishu investigating the public vehicles using the roads. The police officers were all expanded to the main controls in the town. Among the roads the government deployed soldiers is Maka Almukaramma, the main roads linking different parts of the city. This comes barely weeks ago when Al-Shabaab has targeted with car bombs in two districts headquarters in Mogadishu. View the full article
  14. At least five people from the same family were killed and six others seriously injured at an attack in a house in Kaawo Godey village of Wadajir district in Banaadir region. Sources revealed that all the casualties were civilians, including a young boy. The raid was carried out by unknown gunmen in Godey location in Wadajir district. It is unclear why the gunmen carried out the out at civilians in the area. The attackers fled the area to an unknown location using a vehicle after they executed the attack. It is said that the attackers were armed AK47 rifles. View the full article
  15. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ciidamo fara badan ayaa maanta la soo dhigay waddooyinka Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka hortagaya dibadbaxyo la sheegay in la doonayo in lagu qal qal galiyo shacabka iyo Isku socodka dadka iyo Gaadiidka. Dhinaca kale Saraakiisha Ammaanka iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay dibadbaxyo rabshado wato oo shaqsiyaad ay ka maleegayaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Bashiir America ayaa sheegay in aysan sharci ahayn Dibadbax aan lala soo socodsiin laamaha Ammaanka oo lagu qabto Magaalada Muqdisho. Dowlado shisheeye iyo Siyaasiyiin mucaarad ah ayaa horay loogu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin dibadbaxyada la sheegay in lagu qal qal galinayo Ammaanka Magaalada Muqdisho. View the full article
  16. Garowe (Caasimada Online)-Guddoonka baarlamaanka Puntland ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal kasoo yeeray wasiirka waxbarashada xukuumada Soomaaliya oo ku saabsanaa imtixaanaadka dowladda Soomaaliya ay qaadeyso. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa sheegay in wasiir Goodax Warkaasi uu ku ahaa gaf uu u geystay shacabka Puntland, isagoo sheegay inay ka sugayaan jawaab raali gelin ah. Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Wasiir Goodax uu qalqal geliyay Waalidiinta Puntland, balse wuxuu sheegay in Shacabka ay iyaga wakiilka ka yihiin inaysan marnaba ka walwali doonin hadalka kasoo yeeray wasiirka. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa xusay in dastuurka qabyada ah ee dalka uu dhigayo in Afar qodob oo dowladda dhexe awood u leedahay mooye in waxyaabaha kale wada xaajood laga wada gali karo. “Wasiir Goodax waa nin labo xil haayo, marna waa wasiir marna waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, waxaan ka sugeynaa in hadalka uu sheegay inuu markale meel fagaaro ah inta uu soo fariisto ka sheego inuu ahaa gaf iyo qalad uu ummad dhan u geystay. “Hadalkaasi waxaan u malaynayaa in Cabdullaahi Goodax uusan munaasab u aheyn, shacabkeena anagaa wakiil ka ah, markii horaba dhaqaalaheena wax walbaa ku sameysaneynay, hanjabaadaasi marnaba ma aqbaleyno, waxaan aqbali karnana maaha” “Wasaaradda waxbarashada kaliya waxay xaq u leedahay inay ogaato ardayga xageena ka baxo inuu iskuuladeena ka baxeen kaliya inay xaqiijiso, ee hanjabaad kuma lahan wasiirka”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka. Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  17. Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo received credentials from the new envoy of Bahrain, Juma Ahmed Alkabi and Burundian counterpart, Remy Barampama in Mogadishu on Wednesday. New Bahraini envoy to Somalia, Juma Ahmed Alkabi presented greetings letter from the king to President Farmajo. Ambassador Alkabi said his country is looking forward to establishing trade with Mogadishu particularly in the livestock and fishing export business which several Gulf states are already involved. On the other hand, the President received the new Burundian ambassador to Somalia, Remy Barampama. The two discussed implementation process of the agreement during the meeting of Somalia and Burundi leaders in Bujumbura in February. View the full article
  18. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-180419.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay isku dhiibeen, kadib markii ciidamadaasi ay mushaar la’aan ku dhacday. Al Shabaab ayaa sheegay in ciidamadii ugu badnaa oo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya ay isku dhiibeen tan iyo markii ay soo baxday cabashada la xiriirta mushaar la’aanta ciidamada dowladda. Al Shabaab ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee ku biiray dhankooda ay ku sugnaayeen gobolka Gedo, waxaana la sheegay inay ahaayeen ciidamo Mushaar la’aan ka cabanayay. Ku dhawaad 16 askari ayay sheegeen inay isku dhiibeen ciidamada Al Shabaab, waxaana warbixinta lagu sheegay inay ka baxeen difaacii ay ku sugnaayeen oo ku yaala degmooyinka Garbahaarey,Baardheere iyo Ceelwaaq. Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegay in shan askari oo kale oo ka tirsan ciidamada xooga dalka ay iska dhiibeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana ciidamadaasi ay ka tirsanaa kuwa gobolka Hiiraan. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray gadood ay sameynayeen ciidamada xooga dalka, kuwaasi oo ka cabanayay mushaar la’aan soo wajahday muddo afar bilood, waxaana ka dhashay arintaasi xasarad maalmo taagneyd. Marka laga yimaado sheegashada Al Shabaab ee ku aadan inay isku dhibeen ku dhawaad 20 askari ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolada Hiiraan iyo Gedo oo ku aadan in ciidamada ku biireen Al SHabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland, ayaa maanta ku amartay dhammaan macallimiinta dugsiyada Qur’aanka ee degaannada Puntland, in ay isku soo diiwaan-geliyaan mudda 10 cisha. Wasaaradda ayaa macallimiinta Qur’aanka ku wargelisay , in laga bilaabo maanta oo ku beegan 18 April 2019 ay bilaabatay diiwaan-gelinta dugsiyada Qur’aanka Kariimka,iyadoo wixii ka dambeeya 28 bishan April aan la aqoonsan doonin dugsigii aan is diiwaan-gelin. Wargelintan ayaa ku soo beegmaysa, xilli dhowaan wasiirka Caddaalada uu sheegay, in gebi ahaanba la xiri doono dugsiyada Qur’aanka iyo xarumaha kale ee ay leeyihiin firqada loo yaqaan Al-takfiir, oo uu ku eedeeyay in ay fasahaad iyo caqiido maroorsan ku faafinayan degaannada Puntland. Balse, culimo ka tirsan kooxdaasi oo maalmo ka hor warbaahinta la hadlay, ayaa dhaliilay hadalka waasiirka, iyagoo beeniyay in ay caqiido maroorsan faafinayaan.\ PUNTLAND POST The post Wasaaradda Caddaaladda Puntland oo amar ku soo rogtay dugsiyada Qur’aanka appeared first on Puntland Post.
  21. Waxaa xalay si wadar ah hal meel loogu dilay qoyska reer Abshirow, arrintaas oo fajac gelisay magaalada Muqdisho, 5 ayaa goobta lagu dilay halka 4 kale la dhaawacay. 5-ta dilay oo ilmo adeer ahaa waxaa ay joogeen guriga Xuseen Abshirow, oo ku yaalo Wadajir, ee koonfurta Muqdisho, waxaana ku jira cunug yar. Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah Cusmaan Abshirow iyo walaashiisa, waa 4 qof, waxaana lagu dhabiibayaa Cusbitaalka Daaru Shifa ee Magaalada Muqdisho. Mas’uul ka tirsan qoyska reer Abshirow oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in arrintan ay tahay aano qabiil, oo la xiriirta shabeelada hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. The Austin, Texas-based independent think tank Stratfor has ranked Artsakh among de facto independent countries in its latest study covering recognized states, states with partial recognition or no recognition at all. “One of the most basic questions for map-lovers is: ‘How many countries are there in the world?’ But anyone who just gives you a number isn’t telling the whole truth. It actually depends a lot on how you define a ‘country,’” Stratfor, which bills itself as the “world’s leading geopolitical platform” said in its report published on Monday. The study cites the United Nations’ figures, according to which there are a total of 195 sovereign states in the world, of which 193 are the organization’s member states, while the two other countries, Vatican City and Palestine, have the status of observer states. In addition to Artsakh, Strafor lists Transnistria and Somaliland in its list “de facto independent countries.” “The three places most often considered de facto independent countries despite having no recognition from U.N. members are Artsakh (Nagorno-Karabakh), Transnistria and Somaliland. And since 2014 there have been three more contenders for the list, questionable because they’re located in active war zones and have only limited government structures: The so-called “Islamic State” is almost out of the running now that it’s lost most of its territory in Syria and Iraq, but the Donetsk People’s Republic and the Lugansk People’s Republic, which claim independence from Ukraine, don’t seem to be going anywhere,” reads the report. Qaran News
  23. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka safar aan la sii shaacin ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta. Wali madaxtooyadu wax faah faahin ah kamay soo saarin safarkan deg deg ah ee madaxweyne Biixi ugu baxay Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha Sonaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii saddexaad u safraya dalka Imaaraadka Carabta. Laba Bilood ka hor ayey aheyd markii madaxweyne Muuse Biixi uu safar uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta. Lix safar oo uu dalka dibeddiisa ugu baxay tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaa uu saddex ka mid ah safarradaasi ku tagey dalka Imaaraadka carabta. Source