Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Wafti Ka Culus Oo Ka Socda Golaha Guurtida JSL Oo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta tababar usoo xiray ururka Gorgor oo qayb ka ah ciidanka Kumaandoosta ee DANAB. Ururka Gorogor ayaa ah ururka koowaad ee DANAB ee Turkigu tababaraan, qaybna ka ah shan kun oo ciidan ah oo dawladda Soomaaliya ay kula heshiisay dawladda Turkigu in ay u tababarto. Ciidamadan ayaa waxa ay tababarkooda kusoo qaateen xerada Turk-Som ee maanta ay ka dhacday munaasabadda qalin jebintooda iyo gudaha dalka Turkiga, waxaana loo dhamays tiray qalabkii ay ku howl geli lahaayeen. Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahad-celiyay dawladda Turkiga Tababarka ciidanka, ayaa u hambalyeeyay ciidamada qalin jebiyay ee uu tababarka usoo xiray, isaga oo u rajeeyay in ay noqdaan kuwii dalka ka xureeya cadawga soona celiya sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed. Tababarka ciidanka oo qayb ka ah halbeegyada tubta amniga iyo cadaaladda ayaa sidoo kale ku jira qorsha dawladdu ay ku dhisayso ciidanka xoogga dalka, si mas’uuliyadda amaanka dalka loogu wareejiyo ciidanka Soomaaliyeed.
  3. The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has warned of impending food insecurity amid severe drought ravaged the region. In a statement, the bloc said urgent action is immediately needed to prevent food crisis in the Horn of Africa region, an eight-nation security bloc of the region. The imminent food insecurity may affect the people in the nations of Kenya, Ethiopia, Somalia, Uganda, Djibouti, Eritrea, and South Sudan. Mahboub Maalim, IGAD executive secretary, said analyses show rainfall levels through mid-April will likely be amongst the driest since 1981. The places are southern Kenya, much of Somalia, Somali region of Ethiopia, and localised areas of Uganda due to climate change effects. “We are currently at the crisis stage. Very, very fast we will be at the emergency and famine stages, environmental conditions are becoming worse, all countries should do something,” he said. According to IGAD, 2.76 million children under 5 are expected to suffer from acute malnutrition in Ethiopia, over 900,000 in Somalia, and over 540,000 in Kenya. View the full article
  4. Shirkii golaha wasiirada Puntland ee Khamiista maanta, oo uu shir-guddoomiyay madaxweyne ku xigeenka ahna, ku simaha madaxweynaha Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa looga hadlay arrima ay kamid yihiin; amniga, waxbarashada, abaaraha, Khilaaf ka dhex-qarxay Puntland iyo Federaalka . Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo arrimaha Dastuurka dowladda Puntland, Saalax Xabiib Jaamac oo ka warbixiyay shirka, ayaa sheegay xukuumadda Puntland cambaareysay hadal uu shalay jeediyay wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre waxaana uu sheegay in hadalkaasi kala fogayn karo xiriirka Puntland iyo Federaalka. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay shirkii golaha wasiirada Puntland? appeared first on Puntland Post.
  5. Wasiirka Wasaaradda Dowladda Puntland Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa u sheegay wasiir Goodax iyo kuwa lamidka ah inaysan halis galin karin mustaqbalka waxbarashada ee ubadka reer Puntland. Halkaan hoose ka [...] Source
  6. Somaliland President Musa Bihi Abdi began a visit to the UAE, a statement from the presidency has reported. The president and his delegation departed on Thursday, April 18, 2019. The president has received a formal invitation from UAE leaders and they sent a special plane that they boarded. The foreign minister, Yasin Faraton, while speaking on the president’s UAE visit said that the tour is expected to take at least two days on an official working visit. The FM revealed that this is part of a cooperation between Somaliland with the UAE. Ministers of foreign affairs and the planning and development are with the president. The discussions will centre on fostering direct UAE investment in Somaliland and cementing relations between the UAE and Somaliland, said a press release from the Presidency. This the President’s second official visit to the UAE in just a month. View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Raysal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa wasiirka gaashaan dhigga u magacaabay madaxweynahihii gobolka Oromada Lemma Megersa. Baarlamaanka dalka Itoobiya oo maanta lahaa kal fadhigoodii caadiga ahaa ee 34 ayaa meel mariyay saddex wasiir oo cusub oo la soo hordhigay. Wasiirradaas waxaa kale oo ka mid ah Caasho Maxamed oo ahayd wasiirkii hore ee gaashaan dhigga oo hadda noqotay wasiirka cusub ee wasaaradda Horumarinta Magaalooyinka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo isna loo magacaabay Gedu Andargachew. Haddaba waa kuma Lemma Megersa? Lemma Megersa ayaa ahaa madaxweynaha Oromada waana nin magac iyo maamuus ku leh bulshada Oromada ah, sida uu BBC-da u sheegay Mukhtaar Ismaa’iil oo wax ka qora siyaasadda dalka Itoobiya. “Kacdoonkii ay Oromadu xukunka kula wareegeen raggii hoggaaminayay ayuu ka mid ahaa, wuxuuna caan noqday markii isaga oo xisbiga talada haya ee EPRDF ka mid ah uu ka soo horjeedsaday, dhallinyaradii Qeerada la baxday ee kacdoonka wadday ayuuna taageero badan ka helay”. Ayuu intaas ku sii daray Mukhtaar. Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale kalsooni wayn ku qaba oo ay aad isugu dhaw yihiin Lema. Intii uuna Abiy Axmed Ra’iisulwasaare noqonna wuxuu madaxweyne ku xigeen u soo noqday Lema. “Lema markii hore toos ayuu ii xukumay, haddana si dadban ayuu ii xukumaa” ayuu mar ku kaftay Abiy intii uu Raysal wasaaraha noqday. Inkastoo Lemma uu wali ku naaloonayo taageero xoog badan oo gobolkiisa ah haddana Itoobiya oo dhan sidaas loogama wada jecla. Sidee looga arkaa gobollada kale ee Itoobiya? “Haddii runta laga hadlo walaac badan ayaa arrintan laga muujiyay, sababtoo ah waa nin ay ku wayntahay Oromonimadu, loomana arko nin qaranka matali kara,” “Intii uu ahaa madaxweynaha gobolka Oromada dagaal ayaa ka dhacay dhammaan goboladii ay xadka la lahaayeen, sida gobolka Beenhsaalgulka, kan Amxaarada, shucuubta Koonfureed iyo dhammaan gobollada kalaba,” “Tusaale ahaan gobolka Soomaalida iyo Oromada dagaal ayaa ka dhex dhacay waxaana Oromo ka soo qaxay dad hal milyan kor u dhaafaya” ayuu yiri Mukhtaar Ismaa’iil oo wax ka qora arrimaha Itoobiya. Waxaa Mukhtaar sidaa ku raacsan Fatxiya Maxamed Xaaji oo sheegtay in aysan marnaba ku faraxsanayn xilka Lemma loo dhiibay iyo kii uu hayn jiraytoona, Fatxiya ayaa ka mid ah dadka shacabka ah ee degan Jigjiga. Inkastoo dareenkaasi uu xoog badan yahay haddana waxaa jira dad ay BBC kula hadashay isla magaalada Jigjiga oo sheegay in ay u arkaan in Lemma Megersa uu u qalmo jagadan isla markaasna ka soo bixi karo. “Magacaygu waa Xasan Siciid waxaana dhihi lahaa Lemma Megersa wuu ka soo bixi doonaa xilkan, isbadal ayaana iman doona” ayuu yiri Xasan Siciid oo BBC-da la hadlay. Mukhtaar Ismaa’iil wuxuu hadalka ku soo gabagabeeyay in Lemma uusan madaxweyne u ahayn gobolka Oromo ee uu masuul u yahay in kabadan 100 milyan oo ruux oo Itoobiyaan ah loona baahan yahay in uu badalo sida uu u fikirayo. Barnaamijka dunida iyo maanta kaga bogo sida ay shacabka Jigjiga u arkeen xilka cusub ee loo magacaabay Lemma Megersa. Source
  8. Muqdisho (Caasimadd Online) – Shakhsiyaad adeegsanayo Facebook ayaa qalqal geliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii Social Media –yaha laga sheegay inuu dhici rabo banaanbax loogu soo horjeedo didadka xiran ee Magaalada Muqdisho. Inkastoo wax banaan bax ah uusan ka dhicin magaalada Muqdisho ayaa haddana waxaa maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay, baraha bulshada laga abaabulayay dibadbax la sheegay in uu 18-ka bishan ka dhici doonaa magaalada Muqdisho, kaas oo dadka ku howlan ay shegeen inay ku dalbanayaan xal u helida dhibaatooyin ay shegeen inay heystaan shacabka ku nool gobolka Banaadir. Salaad Cali Jeele oo ah la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada shisheeye iyo siyaasiyiin soomaali ah ay gadaal ka riixayaan dibadbaxyada la hadal hayo ee Muqdisho. “Dowladda Imaaraatka waxaad ogtahay inay faragelin ku heyso dowladda Soomaaliya tan iyo markii dowladda ay go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka dalalka Carabta, banaan baxaas waa mid barakaacyaasha lagu siinayo lacag oo lagu dhahayo laamiga fariista”. Ayuu yiri Salaat Cali Jeele. Dibadbaxyada la hadal hayo ayaa sidoo kale waxa ka hadlay cullimada magaalada Muqdisho, kuwa oo sheegay in banaan baxyadaas aysan waafaqsanayn diinta Islaamka. “Walaalayaal in dowlad sharci ah oo dalka si nidama ku maamusho lagu banaanbaxoo oo laga hor yimaado oo la muujiyo muqaalo diidma ah, iyo in dad siyaasiyiinta dowladdas mucaaradaya ay shacabka ka dhigtaan gabaad dana siyaasdaeed awgeed, Diin ahaan ma banaana”. Sidaas waxaa warbaahinta dowladda ka sheegay sheekh Cali Wajiis. Sidoo kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isna ka hadlay warbaahinta Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digey in aysan qaldin kuwa uu sheegay inay leeyihiin dano gaar ah iyo in aan loo baahnayn in fawdo iyo qalalaase la geliyo caasimadda dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waday abaabul iyo diyaar garow ay uga hortageyso dibadbax walba oo ka dhaca magaalada Muqdisho. Taliyaha booliska dowladda federaalka, Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ka digay banaan baxyada la hadal hayay maalamahan, kuwaa oo looga soo horjeedo siyaasdaaha dowladda federaalka, waxaana madaxda amniga ay maalin kahor magaalada Muqdisho kusoo bandhigeen ciidamo loo diyaariyay ka hortaga rabshadaha. Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku jirta xaalad ka duwan xaaladihii hore looga bartay, iyadoo Isgoysada waa weyn ee waddooyinka la dhigay Ciidamo Boolis ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka. Ciidamadan oo boolis ah ayaa feejignaan dheeraad ah ku jira, iyagoo wata gaadiidka dagaalka, mid Ambalaas ah iyo hub fara badan, waxaana jira warar sheegaya inay doonayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen banaanbaxyada laga cabsi qabo inay maanta ka dhacaay maagalaada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada lagu soo daadiyay inta u dhexeysa Isgoyska Dabka ilaa midka Ex Koontarool Afgooye, iyadoo sidoo kale Ciidamo fara badan la dhigay qeybo kamid ah wadada Wadnaha, iyadoo la doonayo in laga ceiyo hadii banaabnaxayaal ay u soo tilaabayaan dhanka wadada Maka Al-Mukarama. “Ciidamadan waa kuwo aad u taxadaraya, waana Ciidan aan hore loo arag, waxey tagayaan maqaaxiyaha ay dadka fariistaan, iyagoo kala eryaya meeshii ay fadhiyaanba wax ka badan shan ruux, waxeyna dadka u sheegayaan iney xaafadohooda isaga xaroodaan, mana garaneyno waxa jira” ayuu yiri qof ka mid ah dadka ku sugan nawaaxiga Isgoyska Debka. 48dii saac ee lasoo dhaafay waxaan raadineynay dhab ahaanshaha banaanbaxa la hadal hayo inuu Maanta ka dhacayo Muqdisho, waxaana weynay cid si sax ah u xaqiijin karta inuu banaanbaxaas jiro, sababta loo banaanbaxayo iyo abaabulayasha midna. Qof walba wuxuu ku lee yahay Facebook umbaan ka arkay. Dowladuna waxey diyaarisay ciidan hubeysan iyadoo aan hubin xaqiiqada arrintaan, sidoo kale qarash badan ayaa ku baxay in laga hadal siiyo odayaasha dhaqanka,siyaasiyiin xilal soo qabtay, culumo iyo ururada haweenka kuwaas oo dhamaan ku baaqaya inaan la dhigin banaanbax. (Been waligaa beeso ma ku qaadatay) Sheekadan waxaa abuuray dad qurbaha jooga oo ku mideysan Facebook iyo Whatsapp Groups, kuwaas oo fahamsan in taliska Villa Somalia uu baraha bulshada ku dhex nool yahay, oo halkaas laga jahwareerin karo. \Waxaa la sameeyay qoraalo, muuqaalo iyo boorar Facebook ku eg. Dad kicinta ololaha warbaahinta ku fiican ayaa ka adeegtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Madmadow Hadheeyay Jiritaanka Shirkadda Fulinaysa Mashruuca Xukuumaddu Ka Dhagax Dhigtay Berbera Ee Sifaynta Shidaalka Masuuliyiin Xukuumadda Ka Tirsan Oo Ku Kala Aragti Duwan Su’aalaha Waaweyn Ee Ka Taaggan Mashruuca Tobankii bishan April madaxweyne xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi ismaaciil (Saylici) oo hoggaaminayo wasiirro dhawr ah oo xukuumadda ka tirsan ayaa dhagax dhigay mashruuc lagu tilmaamay maalgashigii ugu weyna ee Somaliland laga hirgelinayo oo ah warshad sifaynaysa Saliidda Qaydhiin. Madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirro iyo masuuliyiinta gobolka iyo degmada Berbera ama gobolka Saaxil oo munaasibadda ka hadlayay waxay si weyn ugu faaneen in warshaddani tahay mashruuca ugu weyn iyaga oo qaarkood gaadhsiiyay in ay Afrikaba meelo kooban arrintan oo kale ka hirgashay. Hase ahaatee su’aalo waaweyn ayaa ka taaggan jiritaanka shrkaddan; su’aalaha taaggan ayaa kala ah in shirkadda laga leeyahay Singapore iyo in laga leeyahay Shiinaha maaddaama la sheegay in laba shirkadood oo la kala yidhaahdo Singapore New Silk Somaliland Energy CO LTD (SNSSEC) iyo China Power. Waxa kale oo la is waydiinaya in ay yihiin shirkado jira. Waxa kale oo aan la ogayn shidaalka Qaydhiin ee ay sifaynayaan midka uu yahay. Warbaahinta Somalilandchronicle oo baadhitaan xeeldheer ku samaysay jiritaanka shirkadahan ayaa warbixin dheer oo Af Ingiriisi ah oo ay arrintan ka qortay ku sheegtay in aanay jirin xog laga hayo jiritaanka shirkadahan marka laga reebo shirkad ku magac dhaw Singapore New Silk Somaliland Energy CO LTD oo magaceedu yahay Singapore New Silk Energy PTE. LTD taas oo la aasaasay sanadkii 2018 laakiin, aan la aqoon meelo ay ka soo shaqaysay. Masuul shirkadda u hadlay oo ka hadlayay munaasibadda dhagax dhigga ayaa sheegay in shirkaddani shaqadan bilawday sanadkii 2017. Waxa kale oo uu sheegay in mashruucani bilaw u yahay isku xidhnaanta Somaliland iyo Singapore laakiin, waxa jira arrimo kale oo mashruuca la xidhiidhinaya Shiinaha oo ay ka mid yihiin in mashruuca ay qayb ka tahay in 300 oo dhallinyaro ah lagu soo tababari doono Shiinaha kuwaas oo madaxweyne xigeenku sheegay in ay noqon doonaan kuwa ku jira mashruuca Shaqo Qaran. Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ka hadlay su’aalaha la iska waydiinayo mashruucan ayaa u muuqda in aanay wax aqoon ah u lahayn shirkadda iyo shidaalka la sifaynaya halka uu ka imanayo. Agaasimaha guud ee Bandhiga Dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo oo u holladay in uu madmadowga ka saaro mashruucan ayaa ku tilmaamay kii ugu weyna Somaliland oo ay daba socdaan warshado farsameeya hadhaaga shidaalka la sifeeyo iyo caagadaha sharaabka sidoo kalena ay barbar socoto shirkad weyn oo laydh oo wada hadal kula jirta shirkadaha laydhka Somaliland si laydh jaban ay u helaan warshaduhu. Mr Carwo wuxuu intaasi raaciyay shidaalka uu noqon doono kan lagu sifaynayo warshadda Berbera laga dhisayo waxaanu ka hadlay in shidaalka Itoobiya laga helay qayb ka yahay “ Waa hubaal, inagu dekeddii baynu leenahay Itoobiya deked ma leh marka haddii sifaynteenu shaqayso wayxaabaha ay lacagta intaa leeg galinayaan maaha oo kaliya in ay ku fillaato Somaliland ee waa in Somaliland wax sii dhoofiso. Had iyo jeer iskuma xidhna dawladduhu iyaga oo aan baadrool haysan ayaa halkii ay baadrool saafiya ka soo qaadan lahaayeen ayay baadrool qaydhiin soo qaataan markaas ayaa warshaddaadii dib ugu sifaynaysa si aad adigu dadkaaga shaqo ugu hesho. Inagu shidaalka oo saafi ah ayaynu keenaynay ee waxaynu keenayna shidaalka oo qaydhin oo aynu inagu dib u sifayno oo aynu dib u iibino oo waddamada jaarkeena oo dhan loo dhoofiyo shidaalkii lagu sifeeyay halkan,” Sidaas ayuu yidhi Agaasime Axmed Xasan Carwo. Hase ahaatee wasiirka maalgashida Somaliland Maxamed Axmed Cawad oo BBC-da uga warramay arrintan ayaa sheegay in shidaalka warshaddu sifayn doonta yahay kan la rajaynayo in Somaliland laga helo “Saddex shirkadood ayaa shidaal baadhis ka wada Somaliland dhammaantoodna rajo ayaa laga qabaa in ay shidaal heli doonaan,” ayuu yidhi wasiir Cawad. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland oo meel muhiim ah ku taalla rajo laga qabo in shidaallo meelo kale laga keenay lagu sifeeyo “Maaddaama oon meel dhexe ku naallo waa meel la keeni karo shidaallada Bari iyo Galbeed ka soo baxa ka dibna lagu sifayn karo oo Afrika oo dhan halkaas laga gaadhsiin karo,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku. Wasiirku waxa aanu meesha ka saarin rajada laga qabo in Itoobiya noqoto meelaha suuqa u noqonaya warshadda laakiin, sida laga warqabo shidaalka laga helay gobolka Soomaalida Itoobiya waxa laga xidhaya dhuumaha qaada dekedda Jabuuti si halkaasi looga dhoofiyo. Somaliland ayaa marar hore soo hadal qaadday in ay uga dhawdahay dekedaha kale oo dhan laakiin, ma muuqdo qorshe arrintaasi wax lagaga bedelayo. Xukuumadda Somaliland ayaa hore heshiisyo mashaariic waaweyn ah u gashay kuwaas oo aan la garanayn meesha ay ku dambeeyeen. Waxa heshiisyada ka mid ah Bangi Shiine ah oo lala galay in uu hal Bilyan oo dollar ku maalgashanayo Somaliland laakiin, loo malaynayo in uu ahaa bangi aan jirin. Waxa kale oo jirta shirkad Ustareeliyan ah oo xukuumadda Somaliland kula heshiisay in ay samaynayso mashruuc weyn oo uumi baxa biyaha badda lagaga dhallinayo milix kaas oo ay xukuumaddu kula heshiisay in ay dhul ilaa 200km oo isku wareega ah ka hirgeliyaan muddo 25 sanno ah laakiin, ay u muuqato in aanay shirkaddaasi ahayn wax jira baadhis lagu sameeyay awgeed. Tuhunnada ka dhashay heshiisyadan awgeed waxa wasiirka maalgashiga Somaliland la waydiiyay waxa uu mashaariicda hore ee aan hirgelin kaga duwan yahay kan cusub “Walaal kuwii hore waxay ahaan jireen isfaham shirkado lala galay oo warbaahinta gaaray, balse kan waa heshiis, waana la dhagax dhigay,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Cawad. Masuuliyiinta Somaliland ee arrintan ka hadlay ayaa u muuqda kuwa aan xog badan ka hayn qorshaha mashruucan iyo cidda ay tahay shirkadda loo dhagax dhigay. Waxa ay sidoo kale su’aali ka taaggan tahay suuro galnimada shirkad aan la ogayn mashaariic hore oo ay soo fulisay sida ay u haysan karto lacagta badan ee ku baxaysa mashruucan. Shirkadda hore ugula heshiisay Somaliland soo saarista Milixda ayaa la ogaaday in aanay haysan lacag ay mashruuca ku maalgaliso haddana ay raadinayso dad saami ku yeesha oo mashruuca maalgaliya taas oo u muuqatay in ay kaliya hayaan fikradda raadinayaana cid maalgalisa. Qaran News
  10. Hargeysa (SMN) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u duulay dalka Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Biixi ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaasi oo uu soo diray diyaarad qaas ah. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda S/land Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay safarkaasi. “Waxan doonayaa inaan halkan ummadda Somaliland uga baahiyo inuu jiro socdaal uu madaxweynahu ugu baxayo dalka Imaaraadka Carabta, waana socdaal gaaban oo maalin iyo laba aan dhaafsiisnayn oo uu madaxweynuhu shaqo ugu baxayo, waxana uu socdaalkaasi ku saabsan yahay xidhiidhadii iyo wax wada-qabsigii hore uga dhexeeyey labada dal, waxana raacaya xubno xukuumadda kamid ah.”ayuu yidhi wasiir Farotoon oo ka hadlayey ujeedadda socdaalka madaxweynaha Waa booqashadii saddexaad ee uu Madaxweynaha Somaliland ku tagayo Imaaraadka, tan iyo markii loo doortay hoggaanka maamulkaasi. View the full article
  11. Masar Ma Cadaadis Bay Itoobiya Ku Saaraysaa Xidhiidhka Ay La Samaysatay Somaliland? Hargeysa(Waaberi) Dhammaadkii bishii Maarij ee la soo dhaafay waxa dalka Masar bookhasho rasmi ah ku tagay wefti uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenkii arrimaha didbadda Liibaan Yuusuf Cismaan oo madaxweynuhu markii dambe xilkaasi ka bedelay. Weftiga Somaliland oo bookhasho rasmi ah ka helay dawladda Masar waxay kulamo la qaateen masuuliyiin sarsare oo ka mid ah wasaaradda arrimaha dibadda, wasaaradda gaashaandhigga iyo saraakiil sarsare oo militari waxaana bookhasho lagu geeyay marin biyoodka muhiimka ah ee gacanka Suways. Xukuumadda Masaaridu arrintan waxba kama odhan laakiin, warbaahinta Arab21 oo arrintan warbixin ka qortay ayaa tilmaantay in ay u muuqato in Masar Somaliland meeqaamkeeda kor u qaadayso si ay cadaadis ugu saarto Itoobiya oo ay ku muransan yihiin dhaamka biyaha Webiga Niilka. Amb Baahir Al-Duwayni oo ah xeel dheere xidhiidhka caalamiga ah ayaa warbaahinta Arab21 u sheegay in aanay bookhashada Somaliland ee Masar kaliya ku koobnayn marti qaad ka yimid wasaaradda arrimaha dibadda laakiin, ay tahay arrin ay soo dhiraan dhiriyeen waaxda Sirdoonka ama laamaha ammaanka. Waxa uu sheegay in arrintan loo arki karo cadaadis Qaahira ku doonayso in ay dawladda Itoobiya kula gaadho heshiis labada dhinac ee Addis Ababa iyo Qaahir ba qanciya. Waxa uu sheegay in kor u qaadista meeqaamka Somaliland ee Masar fursad weyn u yahay masuuliyiinta Somaliland maaddaama Masar xilligan hayso xilka hoggaamiyaha Midawga Afrika taasna ay guuldarro u noqonayso dawladda Itoobiya. Amb Baahir Al-Duwayni oo tilmaamaya in aanay arrintani siyaasad ka madhayn wuxuu sheegay in socdaalka weftiga Somaliland yimid laba todobaad kadib markii wefti sare oo Imaaraad ahi joogeen dalka Masar. Cilmi baadhe kale oo ka tirsan Machad Darsa siyaasadda Afrika oo fadhigiisu yahay Masar ayaa Arab21 u sheegay in dawladda Itoobiya la odhan karo way aqoonsan tahay Somaliland marka la eego sida ay ula macaamilayso oo ay ka mid yihiin mashaariicda wada jirka ah ee dekedda Berbera ka mid tahay sidaas awgeedna ay noqonayso Masar in ay meeqaamka Somaliland kor u qaaddo si ay ugula gorgortami karto Itoobiya. Waxa kale oo uu sheegay in ay Masar doonayso in ay dib u soo celiso saamaynteedii gobolka oo ay lumisay, islamarkaana arrimaha xilligan taaggan ee ay ka mid yihiin isbedellada ka dhacay Itoobiya oo qalalaase gudaha ah horseeday, isbedelka Sudan iyo gaabiska Dhaamka Itoobiya ku yimid ay u sahlayaan in ay culays saarto Itoobiya si ay heshiis labada dhanba maslaxad u ah uga gaadhaan xafiiltankooda. Qaran News
  12. Muqdisho (SMN)- Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan M/ Muqdisho oo u warramay Shabelle ayaa ka hadlay dareenkooda ku aadan dibadbax rabshada wata oo la sheegay in ay ka hortageen Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya. Dadweynahan ayaa sheegay in ay taageersan yihiin, islamarkaana ay la dhacsan yihiin dowladda hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in aysan raali ka aheyn in qal qal la galiyo amniga magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/VOXPOP.mp3 View the full article
  13. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay u fadhiisatay dacwad ay horgeysay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha, kaasi oo ku saabsan Dawaddii Marxuum Axmed Muqtar (Axmed Dowle). Warkaan oo ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in uu qabsoomay dhageysiga 1aad ee dacwadda Marxuum Axmed Muqtaar (Axmed Dowle) kaasoo lagu gubay Degmada Yaaqshid taariikhdu markay aheyd 20.9 .2018-kii, waxaana Dacwadaan u eedeysan todobo Ruux , iyadoo seddax ka mid ahna la soo qabtay taariikhdu marki ay ahayd 21.09.2018-ki, halka seddax kale oo ku eedeysan dacwadan la soo qabtay 17.10.2018-kii, halka eedeysaneha todobaad uu yahay maqane. Markii dacwadda la guda galay waxaa caddeymo iyo maragyo soo gudbiayay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Dood dheer kadib Maxkamadda ayaa go’aamisay in fadhi kale la isugu yimaado maalinta arbacada ah taariikhdu ay ku beegan tahay 24.04.2019-ka, si dacwadu u sii socoto. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta tababar usoo xiray ururka Gorgor oo qayb ka ah ciidanka Kumaandoosta ee DANAB. Ururka Gorogor oo ah ururka koowaad ee DANAB ee Turkigu tababaraan, qaybna ka ah shan kun oo ciidan ah oo dawladda Soomaaliya ay kula heshiisay dawladda Turkigu in ay u tababarto, ayaa waxa ay tababarkooda kusoo qaateen xerada Turk-Som ee maanta ay ka dhacday munaasabadda qalin jebintooda iyo gudaha dalka Turkiga, waxaana loo dhamays tiray qalabkii ay ku howl geli lahaayeen. Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahad-celiyay dawladda Turkiga Tababarka ciidanka, ayaa u hambalyeeyay ciidamada qalin jebiyay ee uu tababarka usoo xiray, isaga oo u rajeeyay in ay noqdaan kuwii dalka ka xureeya cadawga soona celiya sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed. Tababarka ciidanka oo qayb ka ah halbeegyada tubta amniga iyo cadaaladda ayaa sidoo kale ku jira qorsha dawladdu ay ku dhisayso ciidanka xoogga dalka, si mas’uuliyadda amaanka dalka loogu wareejiyo ciidanka Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaafadda Kaawo Godey ee magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhacay fal argagax leh kadib markii si wadar ah hal meel loogu dilay qoyska reer Abshirow,. Kooxda weerarka soo qaaday ayaa shan qof goobta ku dilay halka 4 kale la dhaawacay. 5-ta qof ee dilay oo ilmo adeer ahaa waxaa ay joogeen guriga Xuseen Abshirow, oo ku yaalo Wadajir, ee koonfurta Muqdisho, waxaana ku jira cunug yar. Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah Cusmaan Abshirow iyo walaashiisa, waa 4 qof, waxaana lagu dhabiibayaa Cusbitaalka Daaru Shifa ee Magaalada Muqdisho. Mas’uul ka tirsan qoyska reer Abshirow ayaa sheegay in arrintan ay tahay aano qabiil, oo la xiriirta dagaallada gobolka Shabeellada Hoose. Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa sanadihii dhowaa ka taagnaa colaad ba’an oo u dhaxeysa laba bee loo gobolka wada dega, kuwaas oo marar badan dad isaga laayey aano qabiil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-18042019.mp3 View the full article
  17. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta u dhoofay waddanka Imaaraadka Carabta, xilli madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu dalkaasi safar ku joogo. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, yaasiin Xaaji Maxamuud Xiin (Faratoon), oo saxaafadda uga warbixinayey ujeedka safarka madaxweynaha Somaliland ee dalka Imaaraatiga, ayaa sheegay in socdaalkiisu ku saabsanyahay, xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo UAE, isagoo xusay in uu yahay safar gaaban oo maalin ama laba maalmood qaadan doona. Dhinaca kale, ilo’ warkooda lagu kalsoonaan karo, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in madaxweynaha Puntland oo shalay tegi lahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, uu safarkaasi ka baaqday, kadib markii dowladda UAE ku wargelisay in Muuse Biixi aqblay qorshe ay dabada ka riixayso Imaaraatigu oo si toos ah loogu wada-hadalsiinayo Deni iyo Biixi. Dowladda Imaaraadka Carabta oo maalmihii la soo dhaafay diyaarinaysay qorshahan, ayaa si deg dega ugu yeertay madaxweynaha Somaliland, halka madaxweynaha Puntland ay ka dalbatay in uu ka baaqdo safar uu Arbacadii ku tegi lahaa magaalada Nairobi, halkaasi oo uu kulan kula qaadan lahaaa wakiilo ka socda Beesha Caalamka. Xubno si hoose ula socdan warkan, ayaa Puntland Post ka xigatay in Deni iyo Biixi ay caawo kulan qarsoodiya ku yeelan doonaan gudaha Imaaraadka Carabta, inkastoo aan la ogayn magaalada ay ku kulmayaan iyo waxa ay ka wada-hadlayaan midna. Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa hore uga baaqday socdaal uu ugu sii gudbi lahaa dalka Shiinaha, kaasi oo salka ku hayey dhinaca mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaanna waddooyin laamiya oo shirkadda CCECC ee Shiinaha ay ka hirgelin lahayd Puntland. Xogtan wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post The post Imaaraadka oo si qarsoodiya u kulansiinaya Biixi iyo Deni! appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Iran)-Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa dalalka Bariga Dhexe ugu baaqay inay iska caabiyaan sahnuuniyadda, isaga oo weerar ku qaaday Israel. Rouhani oo ka hadlayey munaasabadda maalinta ciidamada Iran ayuu sheegay in hubka lagu soo bandhigay uu yahay kaliya mid Iran ay isku difaaceyso. “Dalalka gobolka waxay isku dhinac noolaayeen qarniyo, wax dhibaato ahna ma qaabin, haddii ay dhibaato jirto waxaa sababay kuwa kale” ayuu Rouhani ku yidhi khudbad laga sii daayey taleefishinka. “aan is garab istaagno, aan isla jirno oo aan iska saarno joogitaanka kan gardarrada ka wada gobolka” ayuu yidhi. Waxa uu sheegay in hubka iyo awoodda Iran aysan marnaba dhibaato ku ahayn dalalka gobolka. “Awoodda ciidamada hubeysan ee Iran waa awoodda dalalka gobolka iyo dunida Islaamka” ayuu yidhi. “Haddii maanta ay dhibaato ka jirto gobolka, waxaa xuddun u ah sahnuuniyadda ama kibirka Mareykanka” ayuu yidhi. Source
  19. Ururka horseedka Maakhir Cost ayaa maanra deeq raashin ah waxa ay gaarsiiyeen ciidamada Difaaca dowladda Puntland ee kusugan deegaanka Yube ee gobolka Sanaag oo ay [...] Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Dibad-bax lagaga soo horjeedo xadhiga weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta ka dhacay magaalada Burco ee gobolka Togdheer. Booliska Somaliland ayaa xalay Burco ku xidhay wariye Coldoon, iyadoo markii dambena loo soo qaaday dhinaca magaalada Hargeysa – sida laga soo xigtay ehelladiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) Magaalada Muqdisho waxay Maanta ku jirtaa Xaalad cabsi ah kadib markii la sheegay inuu dhici doono banaanbax aad u weyn oo looga soo horjeedo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Banaanbaxaas waxaa kasoo horjeestay Siyaasiyiin iyo Culumo lagu tiriyo inay Dowladda Soomaaliya ka qaataan lacag si ay u taageeraan. Waxaana saacadihii ugu danbeeyay warbaahinta dowladda ka hadlayey siyaasiyiintaas iyo culimadaas taageeraya dowladda oo mamnuucay inay Shacabka qabtaan banaanbaxyo. Dadka ka hadlay inaan bannaanbax la qaban karin waxaa ka mida siyaasiyiinta Salaad Cali Jeelle, Cali Maxamed Geedi, Sheekh Nuur Baaruud, Sheekh Cali Wajiis, Taliyaha ciidamada Booliska, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale, waxayna bannanbaxa ku tilmaameen mid qas looga damacsan yahay oo lagu abuurayo nabadgelyo darro. Midda ugu yaabka badan ayaa ah in Xildhibaannada, Culimada iyo Siyaasiyiinta taageersan dowladda ay bannaanbaxyada shardi uga dhigay inay fasax ka qaataan dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir balse waxay hilmaameyn in Dastuurka Dalka u yaal uu iyaga ka weyn yahay. Dastuurka Kumeel gaarka ah ee lagu dhaariyey madaxweynaha Soomaaliya ayna ku dhisan tahay dowladda waxaa ku cad in la qaban karo bannaanbax iyadoo aan weliba fasax loo baahneyn. HOOS KA AKHRISO QODOBKA DASTUURKA Qodobka 20aad. Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn. (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Madaxtooyada Somaliland Oo Geleleftay, Cagtana Marisay Qoys Muran Dhul Ka Dhexeeyay, Agabkoodii Oo Banaanka Loogu Saydhiyay+Qaar La Xidhxidhay Iyo Kuwo La Jidh-Dilay, Halkan hoose ka DAAWO Source