Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Isagoo ka hadlayay Madaxweynaha Soomaaliya Munaasabad lagu qabtay degmada Wardhiigley ee Gobalka Banaadir ayuu sheegay in dowladiisa ay aad u jecelyihiin Shacabka Soomaaliyeed ayna ku taageereen horumarada ay ka sameysay Cadaaladda, Amniga, Aaminaadda iyo Eex la’aanta. Arintaasi ayaa waxaa su’aal ka keenay shacabka Soomaaliyeed iyo dadka ka faalooda arimaha Siyaasadda waxayna intooda badan ku tilmaameen been iyo xishood la’aan maadaama uu ku soo aadiyay waqti uu daadanayay dhiigga dadka shacabka ayna dileen Ciidamada amniga Soomaaliya. “Dowladeyda waxay dadka ku jeclaadeen Cadaaladda iyo Eex la’aanta” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, laakiin ma runbaa hadalka Madaxweynaha? Labada sano ee uu talada haayo Madaxweynaha Soomaaliya magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay ugu yaraan 90 qof oo ah wadayaal mooto Bajaaj, halka Guud shacabka la dilay ay garaayaan wax ka badan 200 oo qof waana tirada dadka ay dileen Ciidamada amniga Soomaaliya. Ma jirtaa hal Askari oo loo soo qabtay dilalkii dhacay? Wali ma aragtay hal Askari ama hal eedeysane oo Maxkamad loo soo taagay ? Cadaaladda Madaxweynaha Soomaaliya noo sheegay ma taasbaa mise wax kale ayaa jira? Waa su’aalaha qaar kamid ah Shacabka magaalada Muqdisho. Imise qof ayey dileen Ciidamada amniga oo ay qaarkood soo dhaxgashay dowladda Islamarkaana lagu balamay in diinyo laga bixiyo kadibna lagu booday waa tiro beel. Hadalka Madaxweynaha waxa uu ahaa been lagu dul sheegay Maydadka dad shacab ah waxayna ka badalneen beentii uu dadka u sheegay markii uu ku jiray Olalaha doorashada waxaa sidaasi qaba Diini Maxamed Diini oo katirasn Ururada bulshada Rayidka ah. “Miyeey cadaalad ah tahay in shacabka laga xiro wadooyinka? Haweenku ku dhalaan jidadka, meel lagu ganacsado la waayo gaadiidkiina waayeen meel ay maraan bil kastana Canshuurta laga rabo, Cadaaladda Madaxweynaha noo sheegay ma taasbaa ?” ayuu yiri Diini Maxamed Diini oo la hadlay Caasimada Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in Somaliland dib u aqbashay Warqada Go-home oo ay hore u joojisey, taasi oo la goosan jiray marka la tagayo Magaalada Muqdisho. Somaliland ayaa bishii April ee sanadkii hore joojisey in bilaa Baasaboor ay kaga dhoofan garoonkeeda Cigaal International dadyowga ku wajahan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Go’aankan ay Somaliland dib ugu aqbashay in Warqada Go-home ay jartaan dadweynaha u dhoofaya Muqdisho, ayaa loo sababeynaya in hoos u dhac weyn ku yimid garoonka diyaaradaha ee Cigaal International, mudadii ay joojiyen in bilaa Baasaboor lagaga dhoofo. Ilaa iyo hadda, weli war rasmi ah kama soo bixin Xukuumada Somaliland, taasi oo ay ku shaacineyso inay aqbashay warqadaasi [Go-Home], balse waxa Caasimada Online u xaqiijiyey saraakiil katirsan madaarka Hargeysa in dib loo soo celiyay in bilaa Baasaboor loogu duuli karo magaalada Muqdisho. Sikastaba, Somaliland ayaa lumisey dadyow badan oo ka dhoofi lahaa garoonkeeda diyaaradaha Hargeysa, mudadii ay joojisey in bilaa Baasaboor loogu duulo magalada Muqdisho, taasi oo kaliftay in dadka reer Somaliland ee aan haysan Baasaboorka ay ka dhoofan garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, taasi oo sarre u qaaday suuqa duulimaadyada ee garoonka Garoowe. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan u amba baxay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaasoo uga qeyb galay shirka Miiska wareegsan ee ay soo qaban qaabiyeen Bankiga Adduunka iyo Hey’adda IMF. Liiska wafdiga Ra’iisul Wasaaraha u raacayay Washington oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa waxaa ka mid Wasiirada Maaliyadda, Qorsheynta, sii-hayaha Taliyaha NISA, La Taliyaha Amniga Madaxweyne Farmaajo iyo xubno kale. Xubnaha qaar ee magacyadooda ku jira liiska ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo horay loogu dalbay dal ku galka Mareykanka. Mas’uuliyiinta Liiskaas kasoo muuqday waxaa kamid ahaa kusimaha Taliyaha Hey’adda NISA Fahad Yaasiin, kaasoo shalay si lama filaan ah loogu arkay kulanka Baarlamaanka ee Su’aalaha lagu waydiinayo Madaxda Hey’adaha Amniga ee kala duwan XIlli uu Ra’isul wasaare Kheyre weli ku sugan yahay Washington. Baaqashada uu Fahad Yaasiin ka baaqday Safarka Washington ayaa waxaa kasoo baxayo warar kala duwan: 1) – Wararka qaar ayaa sheegayo in Dowladda Mareykanka ay Fahad Yaasiin u diiday dal ku galka Mareykanka iyadoo aan la ogeyn sababta loogu diiday. 2) – In Markii dambe Fahad laga reebay Liiska Madaxda Safarka Washington ku wehlineyso Ra’isul wasaare Kheyre liiskaasna uu ahaa mid horudhac ah oo aan aheyn kii kama dambeysta ah. Hase yeeshee, waxaa sidoo kale suurta-gal ah in labadaba aysan jirin oo soo saarista liiska iyo safarka Fahad ee la sheegay inuu ku tagayo Mareykanka ay ahaayeen xeelad. Waxaa muuqata in arrintan ay ahayd frsamo la doonayey inuusan Fahad kaga soo muuqan kulankii Baarlamaanka ee Sabtidii hore kaasoo kusoo dhammaaday Buuq kadib markii la isku qabtay in saxaafadda laga saaro iyo in kale. Fahad ayaa kamid ah Siyaasiyiinta aan jecleyn inay kasoo muuqdaan Saxaafadda iyo in la helo muuqaalada iyagoo ka hadlayo Arrimaha Siyaasadda inkastoo aan la ogeyn sababta sidaas ku qasbeyso, maadaama uu ahaa suxufi caan ah oo cid kasta ay taqaan. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Garowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa faafin rasmi ah kusoo saaray warqad horey loogu diray taliyaasha ciidamada kala duwan ee Puntland, oo lagu wargelinayay inay la socdaan in mamnuuc ah tahay ka ganacsiga Hubka. Wasiirka wasaaradda amniga ee Puntland C/Samad Maxamed Gallan ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku mamnuucay soo dejinta, dhoofinta iyo ka Ganacsiga hubka noocyadiisa kala duwan. Qoraalka wasaaradda amniga Puntland kasoo baxay ayaa lagu cadeeyay in gabi ahaanba dekadaha maamulkaasi laga mamnuucay in hubka laga soo dajiyo. Saraakiisha ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa lagu wargeliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhaqan geliyaan amarka kasoo baxay wasaaradda amniga ee Puntland. Sidoo kale dadka hubeysan ayaa lagu amray inaysan geli karin Garoomada Diyaaradaha iyo dekadda Magalada Boosaaso,hayeeshee ay la geli karaan kaliya mas’uuliyiinta dowlad Goboleedka Puntland. Sidoo kale waxaa gabi ahaanba la mamnuucaan in agabka ciidanka looga ganacsado deegaanada kala duwan ee Puntland. Amarkaan ayaa waxaa la ogeysiiyey, Taliyeyaasha Ciidamada, Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo degmooyinka Puntland, iyaga oo lagu amray inay fuliyaan Amarka kasoo baxay Wasiirka Amniga Puntland oo tixraacaya amar horay uga soo baxay Madaxaweyne Siciid Deni. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  5. Mandheera (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa sheegaya in odayaal Soomaaliyeed ay kasoo dhaqaaqeen magaalada Mandheera si ay wadahadal ula furaan Al Shabaab. Odayaasha oo gaaraya ku dhawaad 10 oday dhaqameed ayaa la sheegay inay usoo talaabeen dhanka xuduuda Soomaliya, iyaga oo doonaya inay wadahadal la furaan Al Shabaab. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ay Al Shabaab kala hadlayaan sidii loosii deyn lahaa dhaqaatiir Al Shabaab kasoo afduubteen degmada Madheera ee gobolka Waqooyi Bari. Wargeys-ka The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa daabacay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay ku wanaagsan yihiin xalinta xaaladahan oo kale oo aad u adag, iyaga oo sheegay in loo baahan yahay inay xaliyaan xiisadda Afduubka Al Shabaab ay geysteen ka dhalatay. Dhaqaatiirta u dhashay dalka Cuba ayaa qeyb ka ahaa mashruuc dowladda Kenya ay damacsaneyd oo ah in la is dhaafsado dhaqaatiirta labada dhinac si ay khibrad isku weydaarsadaan. Ku dhawaad 100 dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ayaa ku sugan gudaha dalka Kenya, waxaana loo qeybiyay 47 gobol oo ku yaala dalka Kenya. Dhinaca kale 50 Dhaqtar oo Kenyaan ah ayaa loo diray Cuba si ay u soo bartaan taqasuska caafimaad oo ka mid ah shaqooyinka ugu baahida badan Kenya. Ciidamada gaarka ah ee Kenya iyo kuwa Booliska ayaa howlgal lagu baadi goobayo dhaqaatiirtaas ka billaaay gudaha Soomaaliya, waxaana odayaasha doonayaan in xiisadda la xaliyo. Waxaana bar bar socda xalka Odayaasha ee lagu doonayo in lagu sooo badbaadiyo dhaqaatiirta u dhalatay Cuba. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  6. Waxaan soo istaagay bar kontarool oo ku taala degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir Askari Booliis ah oo shaqada ku jiray ayaa igu amray in aan furo, dejiyo muraayadaha islamarkaana aan balaqo Albaabada hore iyo gadaal waan qaatay amarkii laysiiyay. Markii ay dhameesteen baaritaanka ayey weydiiyeen shaqada aan qabto, anna waxan ugu jawaabay “shaqada aan qabto iska daa ee baaritaankaada dhameyso” intaas kadib ayuu i weydiiyay in aan ahay Milateri ama Nabad Sugid, waxaan ku iri “waa su’aal qaldan , waxaa xaq u leedahay in aad baarto gaariga iyo anigaba”. Waa iga fogaaday kadibna amaanka ayuu jartay waxa uuna mid kale oo la taagnaa ku yiri kana waa Milateri waana raga ay magaalada ka dagi la’dahay ee Shabaabka soo gudbiyada, waxaan dareemay qal qal kadibna waxaan u sheegay in aanan ahayn Ciidan oo aan ahay Shacab. Waxaan tusiyay aqoonsigayga kadibna waa isoo fasaxeen, balse ma rabin in aan la wadaago shaqadayda sababtoo ah wariyaasha dhib badan ayey ku qabaan Booliiska Soomaaliya oo ah jirdil iyo hanjabaad joogto ah, waana sababta aan u qariyay shaqadayda. Waxaa jira dagaalo soo laa-laabtay oo u dhaxeeya Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo Booliiska oo muddo 24 saac gudahood ka dhacay 3 meel oo kala duwan. Dagaalkii ugu horeeyay ayaa ka dhacay Sanca, isagoo ku sii balaartay ilaa Maana-boolyo, kii 2aad ayaa ka dhacay Xaafadda Xoosh ee degmada Dharkenlay halkii 3aadna uu ka dhacay Xaafadda Baar-ayaan ee degmada Yaaqshiid. Booliiska fadhiyada Isgooysyada Muqdisho ayaa u muuqda kuwa Raadinaya Ciidamada Milateriga ah waana xaalad kale oo sii hurineysa amni darrada Muqdisho. Lama oga halka ay Saldhigan doonto dhibaatooyinka ka jir Muqdisho. W/Q: Ibraahim Axmed Cabdulle
  7. Somali Deals waa shirkad ganacsi oo cusub kana shaqeso gaar ahan qeybta iibka dhulalka iyo guryaha. Somali Deals, waxa ku dadaashaa bulshada Soomaaliyed usoo bandhigto dhul iib ah oo ku yaalla degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir. Dhulalka ee shirkadan hor keento macamisheda waa kuwa sharcigooda lagu kalsoonaan karo, oo lasoo hubiyey. Waxa ka mid ah dhulalka ee hees Somali deals Guri kuyaalo agagarka sarta catarka xafada laba dhagax Lamiga u jiro 8 Bos Laba jidle ah Cabirkisa yahay 13.5MX13.5M Sharci Siyad barre leh. Dhul beec ah Nus Bos ku yaala #Tabelaha_sheikh_ibrahim. Lamiga wuxu u jira 1.5km Sharci #Siyad_bareah Cabirka wa 20X10m Dhul beec ah 7 Bos o ku taalo deeganka wedow. Dhinaca xosh lamiga u jirto 200 metre Cabirka midkiba wa 20X20metres Wala kala gadaya Sharciga wa Siyad Barre Dhul beec ah Dhul ku yalo xafada Galmudug gaar ahan dhinaca Deyniile Wuxu ka koban yahay 8 Bos o lakala gadayo Lamiga afgoye aado wuxu u jira 200 metre Cabirka midkiiba wa 20X15M Sharcigisa wa Siyaad Barre✔ Waxa ku ag yalo Masajid Dhul beec ah Deegan Tabelaha sheikh Ibrahim ka koban 4 bos Dhabarka danbe ee jamacad zamzam Cabirka wa 20X15 sharci siyad barre Wixii faah-faahin kala xiriir: http://www.somalideals.com/ad_category/dhul-iib-ah ama 00252 617480780
  8. Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shirka amiga oo looga hadlay xaaladda amniga ee dalka gaar ahaan adkaynta amniga caasimadda. Shirka amniga oo ay ka qayb galeen guddiga loo xil saaray sugidda amniga caasimadda ayaa looga hadlay mudaaharaadkii ka dhacay caasimadda dalka. Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka war bixiyay natiijada shirka ayaa sheegay in la isla gartay in bulshada Soomaaliyeed ay muujin karaan shucuurtooda oo ay la xisaabtami karaan dawladda si nabad ah. Waxa uu sheegay Guddoomiye Yariisoow in booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay mudaaharaaydadii shalay dhacay iyo fal-dembiyeedyadii ka dhashay, Sharcigana la hor gayn doono, waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid sharciga ka wayn, askariga kasta oo ka tirsan ciidamada amniga ee dhib u gaysta mawaadin Soomaaliyeedna sharciga la marsiin doono. Guddiga u xil saaran amniga caasimadda ayaa shirkooda ku caddeeyay in bajaajlaydu ay qayb muhiim ka yihiin bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, dawladduna ay si dhaw ula shaqaynayso oo ay dhiirri gelisyo, guddiga amniguna ay la kulmayaan guddi ka socda bajaajlayda si loo dardar geliyo wadashaqaynta, ayana sidoo kale jiri doonaan kulamo joogta ah. Guddiga amniga ayaa ka digay in la sameeyo mudaaharaadyo rabshado wata ayna mamnuuc tahay in magaca bajaajlayda ay isticmaalaan shaqsiyaad doonaya in amniga ay carqaladeeyaan, oo qalalaase geliyaan caasimadda dalka. Guddiga amniga ayaa Shacabka ka codsaday in laamaha amniga iyo maamulka gobalka ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo hagaajinta bilicda caasimadda. Puntland Post The post Kulan Deg Deg ah oo looga hadlayay amniga oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa caawa guddoomiyay shirka amiga oo looga hadlay xaaladda amniga ee dalka gaar ahaan adkaynta amniga caasimadda Shirka amniga oo ay ka qayb galeen guddiga loo xil saaray sugidda amniga caasimadda ayaa looga hadlay mudaaharaadkii ka dhacay caasimadda dalka Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka war bixiyay natiijada shirka ayaa sheegay in la isla gartay in bulshada Soomaaliyeed ay muujin karaan shucuurtooda oo ay la xisaabtami karaan dawladda si nabad ah. Waxa uu sheegay Guddoomiye Yariisoow in booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay mudaaharaaydadii shalay dhacay iyo fal-dembiyeedyadii ka dhashay, Sharcigana la hor gayn doono, waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid sharciga ka wayn, askariga kasta oo ka tirsan ciidamada amniga ee dhib u gaysta mawaadin Soomaaliyeedna sharciga la marsiin doono. Guddiga u xil saaran amniga caasimadda ayaa shirkooda caawa ku caddeeyay in bajaajlaydu ay qayb muhiim ka yihiin bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, dawladduna ay si dhaw ula shaqaynayso oo ay dhiirri gelisyo, guddiga amniguna ay la kulmayaan guddi ka socda bajaajlayda si loo dardar geliyo wadashaqaynta, ayana sidoo kale jiri doonaan kulamo joogta ah. Guddiga amniga ayaa ka digay in la sameeyo mudaaharaadyo rabshado wata ayna mamnuuc tahay in magaca bajaajlayda ay isticmaalaan shaqsiyaad doonaya in amniga ay carqaladeeyaan, oo qalalaase geliyaan caasimadda dalka Guddiga amniga ayaa Shacabka ka codsaday in laamaha amniga iyo maamulka gobalka ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo hagaajinta bilicda caasimadda. Hoos ka daawo Yariisow oo ka warbixinaya
  10. There are people who do not understand the difference between what they know and what they think they know. It is bad when this kind of people are officially appointed to a position of paramount importance to national economy stimulus. Somaliland national Bank does not principally and practically have the abiliy to regulate fluctuations of foreign currencies exchanges. First the Bank is and evidently has been commercially idle and economically bankrupt since Somaliland secession. Second Somaliland citizens have do not deposit their money in Somaliland Bank. Third the Bank has no international commercial.relationships with the internationa foreign Banks. Dollar is a powerful money in the management of economics. The devaluation of dollar, whether overt or covert, always hurts those who hold and have. It does not totally affect economically the country that owns and controls it. Nor the local business men who import commodities from the outside. The consumers are the people who always suffer. There is the expectation of a considerable decrease of the prices of consumable commodities, in the event that Somaliland shilling will move up, because of the wide exchange rate disparity between the dollar and the local currency. But the point must be made that this expectation is unrealisable of one variable – the failure of the government to monitor the commodity price in local markets. Somaliland Bank officials are not very clear about the people they hurt and those they help these days with their continuous baseless dollar devaluation. The cost of one cup of tea has not come down since the beginning of the year 2016. Statistically speaking the prices of all consumable commodities are still hiking up, giving the overall indication that there is no government institution that cares public welfare. It is time for Somaliland Bank director to ask what sort of economy you intend to want to build. Somaliland people, particularly those who depend on remittance from abroad, need a great budget, not a great burden. By: Jama Falaag Hargeisa, Somaliland. Qaran News
  11. Qarnigii 19-aad bartankiisa waxaa ra’iisul wasaare ka ahaa Britain siyaasi la oran jiran Benjamin Disraeli. Sida madaxweyne Farmaajo uu ugu celceliyo “qabyaalad baa dalkaan baabi’isay” iyo “waddaniyiin waa inaad noqotaan”, ayaa waxaa RW Disraeli maaro looga waayay isticmaalka ereyada, nasiib darro, “Misfortune” iyo musiibo, “calamity” mar walba oo uu xaaladda dalka iyo xisbiyada diiddan arinkooda uu ka hadlayo. Markii dambe wariye ku wareeray sababta uu RW Disraeli uu isku si ugu isticmaalo labadaan erey ayaa weydiiyay su’aashaan: “Ra’iisul Wasaare, waa maxay farqiga u dhaxeeya labada erey, bal noo qeex si aan u fahamno ujeedkaaga”. RW Disraeli oo aad u necbaa mucaaradkiisa, ayaa ku jawaabay: “Nasiib darro “misfortune” waa marka uu William Gladstone, uu ku dhaco weliba Thames, musiibana waa marka qof uu u gurmado, kaddibna webiga ka soo saaro” Gladstone wuxuu ahaa hoggaamiyaha mucaaradka ee xilka RW kala wareegi doonna! Madaxweyne Farmaajo agagaarkiisa in mikrafoon laga helo waa nasiib darro, in lagu fasaxo oo uu taraaraxo, qof ka qabtana la waayo waa musiibo.. Haddii bajaajlayaal dhibban ay intaan oo carro ah ka keenneen, “ma yeelayno”, waan xaqiiqsaday in wax allaale wixii go’aan qar iska tuurnimo ahaa ay asaga ka soo maaxdeen. Ma laha Fahadka iyo Kheyraha waa keeb la yuurar la lahaa in ay ayaga qar iska tuur iyo jaam jaam badan oo dhici lahaa baajiyeen macquul. Ma ogi, jawaabta uu bajaajleyda siiyay ayaan ka qiyaas qaatay…. W/Q: Hassan Adam Hosow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Muqdisho (Caasimada Online) –Mas’uuliyiin ka tirsan hey’adaha amniga Soomaaliya ayaa shaqsiyaad gaar ah la wadaagay digniin dhanka amniga iyo warbixin sheegaysa in weeraro ka dhici karaan magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiintaan ayaa warbixinta u gudbiyay maamulka Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Ururka Haweenka Qaranka waxayna u sheegeen in ay soo gaartay warbixin sheegeysa in Al-shabaab ay damacsan yihiin in ay soo weeraraan dhismaha Guriga Hooyooyinka. Xubnahaan katirsan hey’adaha amniga ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka baaqatay ama ay ku adkaatay in mar hore ay soo weeraraan dhismaha Hooyooyinka sida lagu ogaaday xog la helay balse ay hada dib isu abaabuleen. Caasimada Online ayaa ogaatay in masuuliyiinta amniga ay u sheegeen Saraakiisha Booliiska iyo Milateriga Koofiya Casta in laba gaari oo qaraxyo wada ay Muqdisho ku jiraan. Labada Gawaari ayaa mid kamid ah lagu sheegay in uu yahay nuuca waawayn ee Xamuulka qaada, halka kan kalane lagu sheegay gaari yar oo nuuca raaxada ah. Hore ayaa sidaan oo kale loo soo saaray digniin iyo cabsi laga qabo in la soo weeraro dhismaha Guriga Hooyooyinka waxaana maalmo kadib digniintaasi la wareeray Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Mid ka mid ah Garyaqaanada ugu caansan dalkani ayaa si madax bannaan u lafo guray sharcinimada hantida gaarka loo leeyahay iyo sida ay dawladdu kula wareegi karto, xilli cabasho iyo eedo ba’ani ka soo yeedheen Muwaadin Maxamed Xasan-dalab oo ah Mulkiilaha dhul weyn oo ku yaalla duleedka Hargeysi uu u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku sheegay in dhulkii uu shaqsi ahaan u lahaa uu Madaxweynuhu doonayo inuu awood dawladeed kula wareego oo uu ka dhiso Madaxtooyo. Odey Maxamed Xasan-dalab waxa uu soo bandhigay sharcinimada lahaanshaha dhulkaasi iyo waliba xukunada Idaariga ah iyo kuwa Maxkamadeed ee derajooyinka kala duwan ee gaadhay ilaa heerkii ugu sareeyey ee isla dhulkaasi ee loogu xukumay Maxamed Xasan-dalab, iyo cabashada ay ka qabaan go’aanka Madaxweynuhu kula wareegayo dhulkaasi si uu uga dhiso Qasri Madaxtooyada JSL. Haddaba, hantida gaarka uu u leeyahay Qof ee dhul ah sidee ayey dawladdu ula wareegi kartaa, maxaase uu dhigayaa sharciga dalka uu yaallaa, waxa arrintaasi si qoto dheer uga hadlay Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) oo ka mid ah Garyaqaanada ugu caansan dalkani oo isagu maalin kadib cabashadaasi si madax bannaan u lafo guray, waxaanu qoraal uu kaga hadlayo uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay barta bulshadu ku xidhiidho ee Facebook oo u dhignaa sidan:- Hordhac “Haddii la eego aragtida dhaqaale iyo sharci ee shuuciyadda, dawladdu way la wareegi kartaa hanti gaar ahaaneed sababta oo ah qof gaar uma yeelan karo hanti ee yeelashadu waa wax waddar loo waddaago. Dawladdii Maxamed Siyaad Barre waxay bilawgii 1970 qaadatay shuuciyadda. Dabadeed hab fekerkii nololeed, dhaqaale, bulsho, sharci iyo dawladeed wuxuu u qaabaysmay mid shuuci ah. Dawladii jirtay oo ku tagri falidda awooddu dan u aheyd, waxay falsafadii shuuciyadda oo ay qalloocisay u adeegsatay inay ku boobto hantida, ku ciqaabto kuwa ka soo horjeeda una adeegsato awoodaha dawladeed oo dhan si u dan ah inta yar ee awodda ku fadhida. Dastuurka iyo hantida gaarka loo leeyahay Dastuurka Somaliland oo garwaaqsan cawaaqib xumada ay leedahay nidaamkii “lagu soo maamulayey muddo soddon sanadood ah (araarta dastuurka),” wuxuu dhigay falsafad ku lid ah tii hore u jirtay. Sida ku qoran dastuurka, aragtida cusub ee lagu salleeyey dastuurku waa: Shareecada Islaamka. Go’aan qaadasho ku timaadda talo-wadaag. Isu-dheellitirrnaanta awoodda dawladnimo oo u qaybsanta; Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Baahinta iyo hoos-u-daadejinta maamulka Xukuumadda (Decentralisai/on). Dammaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed iyo xaq dhowridda suuqa xorta ah. Qiimo-weynida nolosha qofka oo Ia imanaysa sugidda xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadaha qofka. Nabadgelyo iyo habsami kula dhaqanka dawladaha gobolka iyo adduunweynaha.” Toddobada rukun ee shacabku u dhigeen in dastuurka lagu salleeyo waxay si toos ah uga soo horjeedaan nidaamka shuuciyadda oo aan ogolayn adeegsiga diinta, go’aan dadku waddaago (dimoqraadiyad), awoodo kala soocan, hanti gaar ahaaneed iyo suuqa xorta ah, iyo xorriyadda shaqsiga ah. “Dammaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed” dastuurku wuxuu ku daray mabaadida aasaasiga ah uu sheegay in dastuurku ku dhisan yahay. Si uu taas u sii xoojiyo wuxuu ku daray xuquuqaha aasaasiga ah ee ay waajibka ku tahay “waaxaha xeer-dejint, fulinta iyo garsoorku [inay] u hoggaansamayaan (qodobka 21(1) dastuurka.” Si uu u sii adkeeyo wuxuu dastuurku ku daray xuquuqaha aasaasig ah kuwa ay xataa mamnuuc tahay in wax laga beddelo, iskadaa in la dhimo’e (qodobka 127 Dastuurka). “Dastuurku waa xeerka ugu sareeya dalka, xeer kasta oo aan isaga waafaqsananina waxa uu noqonayaa waxba kama jiraan (qodobka 128 Dastuurka). Qodobka 31aad ee dastuurka Somaliland ayaa ka hadlayaa lahaanshaha hanti gaar ahaaneed. Eray bixinta qodobku isticmaalay waa “xorriyadda lahaanshaha hanti gaar ahaaneed.” Wuxuu qodobku ka dhigay hanti yeelasho xorriyad oo macneheedu yahay yeelashadu waxay ku jirtaa kooxaha xuquuqda insaanka ee loo yaqaan kuwa taban (negative rights) oo ah kuwa waajibka dawladda saarani yahay inaanay faro gelin. Qodobku wuxuu u dhigan yahay sidan: Qof kastaa waxa uu xaq u Ieeyahay in uu si gaar ah u yeesho hanti, taas oo ay shardi tahay in uu ku helo waddo xalaal ah. Hantida gaar ahaaneed ee lagu helay si xeerka waafaqsan, lalama wareegi karo dan guud awgeed mooyaane, iyadoo markaana la bixinayo cawil-celin munaasib ah. Xeer ayaa xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la wareegidda hanti gaar-ahaaneed. Laba shay ayuu dhigay qodobku: Mabda’a guud ee aasasiga ah ee ah in qofku yeesho hanti (lagu helay sifo xalaal ah dabacan); Qodobku (si la mid ah qodobo kale) wuxuu dejiyay waxyaalo ka gaar ah (exceptions). Waxyaalaha gaarka ah waxa ka mudan shayga guud. Mase uu daba furin ee qodobku laba shay ayuu ka dhigay: Sida hanti gaar ah loola wareegayaa waa inay tahay dan guud; waana in qofku helaa cawil celin ku munaasib ah oo macneheedu yahay qofka waa in la siiyo wax u dhigma waxa laga qaaday maadi ahaaan iyo lacag ahaanba. Wuxuu waajibiyay in la helo xeer dhigaya waxyaalaha geli kara dan guud. Qodobka danbe (b) waa ka ugu muhiimsan. Sababta dastuurku u dejiyay xeer ay tahay inuu qeexo oo taxo (list) waxyaabaha geli kara danta guud waa:- In laga carraro in xukuumaddu aanay dadka cidday doonto ka qaadi karin hantidooda gaarka ah. Mar haddii dastuurku xaq ka dhigay hanti yeelashada, waxa reeban in laga qaadi karo ama la dhimi karo. Bal ka soo qaad haddii dawladu sannifto ruux mucaaarad ah, dabadeed si ay u ciqaabto ay la wareegto hantidiisa “dan guud darteed.” Hanti waa wax kasta oo qof yeelan karo; waxa soo hoos gelaya mobilkaaga, saami shirkadeed, gaadhi, dhul iwm. Si taas looga carraro maxaa horta dan guud loola wareegi karaa iyo hannaankee loo maraya waa in sharci dejiyaa. Tani waxay ka soo horjeedda nidaamka shuuciga ah oo isagu ogol in si sahlan loola wareegi karo waayo hanti gaar ah in la yeelan karo ayaanu qabin. In la ilaaliyo hanti gaar ahaaneed oo mudnaanta ka leh hantida guud (hanti dawladeed) oo aanay dawladdu waxay doonto u qaadan “dan guud darteed”, balse sharcigu taxo waxyaalaha geli kara dan guud. Ka soo qaad haddii dawladdu saaka go’aan sato inay tidhaahdo saamiga shirkad X dan guud ayaan ula wareegaynaa!!! Gebo-gebo Haddaba, dastuur ahaan dawladdu hanti gaar ah kama qaadi karto cid. Si maaro sharci loogu helo waxyaabaha gaarka ah (exceptions) ee darruuriyadda adag oo aan laga baaqsan karini ay keenayso waa in la helo xeerka dastuurku waajibiyay (Expropriation Act). Xeerku waa inuu taxaa ashyaada geli kara dan guud. Ma mobayl ayay dawladdu qaadi kartaa, gaadhi mise saami shirkadeed? Ashyaada dan guud geli karaa waa inay mark hore xeer ku cad yihiin. Waa in xeerku dhigaa hannaanka loola wareegayo. Waa maxaay sababta bogcad A ay dan guud u noqonaysaa ee ay bugcad B u noqon wayday. Habkee loo marayaa? Qofka hantida lihi haddii uu diidan yahay hannaan uu go’aanka uga rafcaan qaadan karo Maxkamada si loo qiimeeyo waa inuu jiraa. Bal tusaale ahaan, sidee ayay dawladdu uga qaadaysaa dhul ku yaal bannaan fog qof, iyada oo iyadu leh dhul ka weyn oo ka dhow ama ka fog ka ay la wareegayso? Darruuriyadda keentay maxay tahay? Waase noocee isticmaalada danta guud ee u baahan in lala wareego? Inta la helayo xeerka dastuurku waajibiyey haddii ay dawladdu doonto inay hanti gaar ah la wareegto, waxay keenaysaa in loo dhaqmo si ka soo horjeedda dastuurka oo ku qotonta aragtida shuuciyadda ee mudnaanta aan siin hantida gaar ahaaneed, waxayna khatar gelin doontaa dhammaan hantida dadka shacabka ah. Maaha oo keliya hantida gaar ahaaneed ee dan guud noqonaysa ta uu dastuurku ka hadlay ee wuxuu sidoo kale ka hadlay hantida guud marka ay noqonayso hanti gaar ahaaneed. Sida ku cad qodobka 12 (5), hantida guud waxa si gaar ah loogu wareejin karaa hannaan xeer waafaqsan. Tan lafteeda waa lagu xadgudbaa. Iyada oo aan xeerkaasi jirin ayaa dhul dawladdu leedahay laga iibiyey ama la siiyay dad shacab ah. Waa maxay sababta aad dhul X u siisay qof? Hannaankee raacday? Muxuu qofkani ku mutaystay oo mid kale ku waayey? Yaa go’aamiyay in hanti guud gaar laga dhigo? Intaba jawaabo looma hayo waayo sharcigii dhigayay ayaa maqan. Iyada oo aan sharcigaasi jirin in hanti guud cid gaar ah la siiyaana waa sharci darro kale. Ugu danbayntii, waxa muhiim ah inaan laga guurin mabaadiida dastuurku dhigayo. Waana in la fahmaa in ujeedada dastuurku tahay inuu tirtiro dhaqmo hore u jiray oo waxyeelo badan lahaa, balse la fahmi karayey falsafadda ay ku dhisnaayeen. Afeef: marka aan ka hadlayo hanti gaar ahaaneed waxa aan ujeeda shay (thing) sharci si waafaqsan ciddi ku yeelatay. Taas waxa markaas ka baxsan ashyaada aan ciddi lahayn sida dhul aan dawladdu cid siin. Dhulka waxa leh dawladda, marka laga reebo ka qof gaar u yeeshay sifo sharciga waafqsan. Waafaqsanaanta sharcigana waxa loo eegayaa dabeecadda dhulka waayo dhulka laftiisa ayaa kala duwan oo ay maamulaan xeerar kala duwan sida xeerka dhulka magaalooyinka maamula, beeraha, deegaanka iwm. Source
  14. The deputy leader of the Islamic State group in Somalia has been killed in an airstrike, a Somali regional minister told VOA. Abdisamad Mohamed Gallan, security Minister of the Puntland region, told VOA Somali the airstrike that killed Abdihakim Mohamed Ibrahim, known as Dhoqob, took place Sunday between the villages of Hol Anod and Hiriro. Gallan said the strike hit the vehicle Dhoqob and another passenger were travelling in. He said both men were killed but the other person has not yet been identified. “The vehicle was burned,” said a witness who didn’t want to be named. IS Somalia is led by Sheikh Abdulkadir Mumin, a former scholar for al-Shabab. In October 2015 he defected from the group and pledged his allegiance to IS leader Abu Bakr al-Baghdadi. Dhoqob was Mumin’s right-hand-man and has appeared in videos produced by the group. Mumin himself survived another airstrike in his mountainous hideout in Bari region in November 2017. “Killing one of their top leaders will speed up their eradication,” Gallan said. Puntland officials have not commented on who carried out the attack but the U.S. military in Africa has been conducting relentless strikes against militants in Somalia. This year alone, U.S. has carried out more than 30 airstrikes, all of them against al-Shabab. IS has 200-300 men in Somalia according to experts. Al-Shabab and IS have recently been fighting in the eastern mountainous areas since December last year. Al-Shabab has vowed to eliminate its rival IS, accusing it of “dividing the jihadists.” Security officials told VOA Somali that IS has lost some of its territory to al-Shabab. View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Weerar dheeraad ah ayaa ku soo kordhay weerarkii diyaaradeed ee laga fuliyey Duleedka Magaalada Hargeysa iyada oo la sheegay in Walxihii Diyaaraduhu Kusoo tuureen Deegaan Hoos yimaada Sallaxley oo Nayroobi baadhitaan loogu qaadayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho iyo isku dhacyada ciidamada dowladda ku dhexmaray degmooyinka Shibis iyo Yaaqshiid. Odayaasha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan u dulqaadan karin seddex arin oo dowladda Soomaaliya ay isugu dartay shacabka ku nool magaalada Muqdisho. Arinta Koowaad ayaa odayaasha waxay ku sheegeen inay tahay in laga qaado Shacabka Muqdisho canshuur badan oo aan waxba loogu qaban, ciidamadooda lagu tilmaamay inay yihiin ciidan Beeleed, islamarkaana odayaasha Dhaqanka ee dhibaatooyinkaasi ka hadlana lagu tilmaamo inay yihiin Qaran Dumis. Odayasha ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay joojiso hanjabadaha badan ee lagu hayo Shacabka magaalada Muqdisho oo dhibaatooyin badan la kulmay muddooyinkii ugu dambeeyay. Odayaasha ayaa dhinaca kale sheegay in loo baahan yahay inay cid qaadato masuuliyadda waxyeelayadii dadka shacabka kasoo gaartay banaanbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Ugu dambeyn odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa muujiyay sida ay kaga xun yihiin hadalkii kasoo yeeray xildhibaan C/raxmaan Ibbi ee ahaa in dadka bajaajleyda ah ay yihiin kuwo Bambooyinka ku tuura ciidamada dowlada. Hoos ka daawo Muuqaalka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Wasiirka Amniga dowladda Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya lagu dilay duqeyn maanta ka dhacday nawaaxiga tuulada Xariiro ee gobolka Bari. Wasiirka ayaa VOA-da u sheegay in hoggaamiyaha la dilay uu la dhintay qof kale oo aan weli la aqoonsan kadib markii la duqeeyay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen. Hoggaamiyaha la dilay magaciisa ayaa wasiirku ku sheegay, Cabdixakiin Dhoqobeed, balse faahfaahin kale kama bixin. Mudane Gallan ayaan sidoo kale ka hadlin, dalka laga leeyahay diyaaradah duqeynta geystay, inkastoo dowladda Maraykanku hore duqeyma uga fulisay degaannadaasi. PUNTLAND POST The post Hoggaamiye ka tirsan Daacish oo ku dhintay duqeyn ka dhacday gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  18. Ugu horayn waxaan salaanta islaamka ku salaamayaa dhamaanba warbaahinta Somalliland meelkasta oo ay joogto, waxaan kaloo salaamayaa bulshada Somaliland meelkasta oo ay kala joogaan. Maqaalkan aan ugu magac daray ninka ugu ildheerbaa dadka ugu ayaan daran, waxaa igu kalifay inaan qoro su’aal aan iswaydiiyay oo ah niyaw dhibka haysta bulshada dhinac kastoo ay noqoto ma adiguun baa arkaya mise waa lagula og yahay ee dan baan laga lahayn, waxyaabaha aan isdul taagay waxaa ka mid ah nolosha bushada iyo sida uu sixir bararku u aafeeyey. Horta marka koobaad dhib kasta oo ku yimaada bulshadeenan Somaliland waa mid ay iyagu isu gaysteen oo ka bilaabmaysa qabyaalada iyo iskhilaafka laysku khilaafayo waxkasta oo bulshada dan u ahaa iyadoo laga duulayo qabyaalad. Sixir bararku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha mideeya bulsho wada nool oo kala fikir ah ama wax isku khilaafsan, waana muhiim in xaalada dadkeenu maanta ku jiro in loo midoobo, dawlado dhan ayaa lagu badelaa roodhi hal cent ku kordhay, inaguna maanta halkii ugu liidatay ayaynu maraynaa dadkeenii danyarta ahaana waxba xaalkooda kalama socono. Waxyaabaha iga yaabiyay waxaa ka mid ah markasta oo la doonayo in sixir barar wax laga qabto waxaa la yidhaahdaa dollar baa kacay ee hoos haloo dhigo, haddii hoos loo dhigana laba dhibaato ayay bulshadii la kulantaa oo kala ah waa mida koobaade in meceeshadii halkeedii taagnaato ama kabasii korodho iyo in lacagtii hoos u dhacdo oo waxba u jari waydo bulshadii masaakiinta ahayd, waxa kale oo la yaab leh, halkii shay ee la siin jiray hal ka dollar marka uu tobanka kun ahaa imika oo uu sideed kun marayana lagu odhan maayo hal dollar keene waxaa lagu odhanayaa toban kun keen, marwalba bulshadii masaakiinta ahayd ayaa ku dulman, ma waxaynu garan waynay oo maamulkeenu garan waayay war haatan bulshadu halka dollar shayga la siinayo hal dollar haku iibsatee zaad kii iyo e-dahabkii u ogolaada in sidii caadiga ahayd lacagta laysugu diri karo, oo halkii dollar wax lagu iibsan karo, zaad kii iyo edahabkii la joojiyayna dhib kale iyo sixir barar kale ayuun bay bulshada ku soo kordhiyeen. Haddaba, markay sidaa tahay, waxaan talo idinku siinayaa muwaadiniinta aan u diir naxayoow iyo dadkayga jilicsanoow inaad ka hadashaan oo ka doodaan oo diidaan sixir bararka iyo tacadiga noocaas ah ee aydaan qaadi karayn idinkoo mid ah oo aan iskala qaybinaynin, qabyaaladana iska daaya waata halkaa idin dhigtaye, wixii dadka, dalka iyo diintaba wax u dhimaya, wixii aan xaq ahayn iyo waxkasta oo bulshada masaakiinta ah culays ku ah si toos ah oo isku mid ah uga wada hadla oo ha is khilaafina nabad-galyadana ilaashada idinkoo mid ah. Wa bilaahi tawfiiq Abdiaziz Mohamed Mohamoudaziiz9000@gmail.com Source
  19. Dhalinyaradu waa furaha bulsholaga furo ama lagaxidho, Aduunka hadiila cabirayo bulsho-weynmeel ku wadanool, Hal-beega lagaqiyaasqaataa waa dhalinyaradoodu sidayula haystaan noloshaiyo waliba xadigaQaab-fikirkooda, Maxsuulkuna labauun baymidnoqdaan kuwa lagufarxo oo waxsoo kordhiyey amakuwa laga naxooo aan waxbasoo kordhin islamarkaana faashiliin ah. Dunida saddexaad ayuuahaa Baytal-qasiidkii qormadaniiyo waliba dhalinteeda,Caalamka intaa leegcida laga shaqeystaaee aan wax-soo-saarbuuran lahayni waaQaarada Afrika ooloogu yeedho dunidasaddexaad, Hadaba qaaradanwaxa ku dhaqandhalinyaro fara-badan kuwaasioo aan aduunkaku lahayn magac, mukhatiricnimo, muhandisnimoiyo waliba mu,alifnimoshay laysla qaatey. Dhalinta dunida saddexaadculuun way leeyihiinaqoonta ay bartaanama,aha mid yagaanfacaysa, Arki maysidmid kaliyoo waxhindisaumadu kudiirsato uu kasoo jeedaa, Waawada Aqoon-yahano aaneyculuuntoodu u goynaynxal u helida mushkiladahahaysta, Aduunkawaxba umasheegaan yaga uunbaa loo sheegaa. Dhalinta dunida saddexaadwaxay ka helaandaawashada dhalinyaro dhigoodaah oo shaqaysanaya,Kuwaasi oo layskajeediyey lanajiheeyeywaa dhalinta kubadaama balooniga ciyaarta,e, Waxa lagadhigay kuwa caalamiyakuwa ugu badanee ku mashquuleyee dankastau seegay waadhalinta dunida saddexaadama Afrikaanka ooyagu ah khabiirofalan-qeeya kuwaa shaqadoodawata. Dhalinta dunida saddexaadayuun baa lagasoo helayaa sidiigidaarada lagu qoroboodhadhka shirkadaha magacyadooda oo kale,Qaaryagoo noolqof isu qoreyoo u ahxayeysiis, Tusaale ahaanwiil baa taageeraisagoo muslim ah ciyaartoywaxa uu iibsanayaagaranmagaca ciyaartoygaasi kuqoran yahay, Wuuxidhanayaa markuu ciyaarayoninkaa uu magaciisasitaa hadaba qofkanimaanu noqonaynsidiigidaar boodh kuyaala. Dhalinta dunida saddexaad waxaykaga duwan yihiinkuwa kale ee caalamkawaa umada kaliyee xidhatadhar magac qofkale kuqoranyahay, Aduunka adigaoo cid taageereu ah maxidhan kartid garanuu ku qoranyahay magaciisu, Waayowaxay aaminsan yihiininshakhsiyan qofkaasihoos isu dhigaywaxay xidhaan calaamadaay taageersan yihiinoo bilaa magaca. Dhalinta dunida saddexaadwaa dhalin lamashquuliyey oo loosameeyey wax lagaga xadidayofikirka iyo waxsoo kordhinta,Waxaadmoodaa inay inyari imika waxsoo fahmayso wadamadaqaar baa yeeshaydhalinyaro mukhtariciin ah, Kuwaasinalama buun-buuniyo taariikhdanalaguma daro eedalalkooda ayuun baalaga yaqaanaa. Dhalinta dunida saddexaad waadhalinyarada kaliyaatee dhigoodahagradey waqtiga ugubadan galiya hadaytahay ciyaaro iyoaflaam,Kuwaasi hortaway shaqeysanayaan laakiinkuwa afrikaanka ahee aduunka waxcusub keena amashaqaysanaya kumamashquulaanmana bartaan xataama daneeyaan waxayu arkaan waqtilumis iyo waxaan waxba kasoo galayn. Dhalinta dunida saddexaadma xusto taariikhdu manalaha halyeyo sidakuwa reer galbeedloo buun-buuniyo oomacaa manhajyadataariikhdalagu daro, Dalalkahoru-marey waxay kadhigaan dadkooda aqoonla barto kuweenanafrikaankuna may fahminwaqtigiibaintaad baranaysoayuu kaaga dhamaanayaa,Waa ka sheekayntanin shaqaysanaya ama ku daalistanin aan kuuogayn. Dhalinta dunida saddexaadwaxa laga dhaadhiciyeyin afrikaanku agnaanyahay oo anuuwaxba garanayn, Ismabuun-buuniyaan, ismaqiraan,isma dhiiri-galiyaan, Waxamanhaj u ahin jinsigooga iyoisirkooda laga mashquulo loonamihraabo kuwo kaleoo aan xataawaxbadan soo kordhinbalse yagu ku guulaystayiney aduunka waxoodanka dhaadhiciyaan. Dhalinta dunida saddexaadimika ku noolmay helin aqoontiiwaqtigii mustacmarada ayheleen fucaada waalidkoodamahogaamiyayaashoodu kamidka yihiin, Waxayku soo beegmeenafrika xorawdey oohadana xiniban kanaxayiran dhicana duruqafikirkaiyo aqoonta,Waayo in yarayaa loo qadhiidheyhalkaasina ha soodhaafina ayaa lagutaasi baanay qaateen. Dhalinta dunida saddexaadwaa kuwa rajo-dhigeyoo noqdey boodhgidaar ku yaala ooqof nooli iskuqoro, Waxay naadiyaanamanaawilaan inaydagaladooda ka tacabiraanama ka haajiraan,Halkaa gab ayeybaneeyeen waxa isweydiin leh ayaabuuxinaya halkaaayka baxeen, amawaa ayo Assetkau yaala umadahoodaee bari hagayaa??????????. Qalinka: C/raxmaan SayidFaarax (Jeesto) Diplomatic Annalysts. Gabiley/Somaliland. Source
  20. waa magaalo madaxda wadan dhan oo dadkiisu ka badanyahay 4 Million waxa ku nool bulsho ku dhawaad 1.5 million Hadana ma laha Adeegyadii Ay bulshadu u baahnaayeen badankooda ama gabi ahaantoodba sida, biyo ku filan bulshada ku dhaqan magaalada, Cusbitaalo casri ah oo dawladeed oo laga hello Adeegii caafimaad ee Bulshadu U baahnayd, Wadooyin Hagaagsan oo Gaadiidku maro, Laydh Dawladeed oo Qiimo jaban ah. Shaki igagama jiro in qofkasta oo qoraalkan cinwaankiisa akhriyay inu caasimadan garanayo sababtoo ah dadka badankoodu way wada ogyahiin magaalada ay baahiyahan bulsheed ka jiraan ilaa hadana aanay jirin cidku hawlan waxka qabashadeda dawlad iyo dadwaynaba Hadaba is waydiintu waxay tahay dadkii iyo dawladii caasimadan mayee ? Maxay wax uga qaban waayeen baahiyahan ka jira ? Miyay Awoodi waayeen inay Biyo ku filan oo nadiif ah samaystaan, Cusbitalo tayadoodu sarayso oo casri ah dhistaan, Wadooyin hagaagsan dhistaan. Xaqiiqadu waxay tahay dadki lahaa iyo dawladiiba way joogaan balse diyaar uma aha inay caasimadooda horumar ku sameeyaan oo ay aduunka hiigsato. Dadkeenu waa dad wax qabad waxanay u baahanyahiin in lagu dhiirigalayo inay wax qabsan karaan balse dawladeenu maaha dawlad wax qabad sababtoo ah siyaasiyiinta iyo inta talada dalka gacanta ku haysaa uma fikiraan sidee bulshada waxloogu qabtaa horumarna dalka lagu gaadhsiin karaa balse waxay ka fikiran sideed fooq u dhisataa. Ma ogtahiin inu yaryahay nin xilsoo qabtay oo aan lahayn fooq dhawr dabaq ah ama laba ilaa sadex oo shanjeer ka qaalisanba mushaharku qaadanayay intu xilka hayay. Waxaynu u naqaana iska caadi inu ninkii xil qabtaa wax muuqda ka qabsado Sido kale waxaynu iska caadi u naqanaa inu aan bulshada waxba loo qaban sanadkastana aanay iska badalin wax muuqdaa. Wali ma is waydiisay Su,aasha ah dadka xililka haya badankoodu ma ilooban horumarinta naftooda iyo hanti urursi balse aanay uso xasuusan waayan horumarinta dalkooda iyo dadkooda ? Aan uso laabto Caasimada warkeedi waxa ka jira dhibaatooyin badan inta aankor kuso sheegay iyo qaarkale oo badanba hadaba qaar badanba laga yaaba inay is waydinayaan caasimadan halkay ku taala Meel fog haka doonin Waa HARGEISA miyay leedahay haykalki caasimadaha ? looma waayin aduun lagu horumariyo balse waxaan jirin cid dhankeeda soo eegtayba dhankasta oo ay tahay. Waxan odhan karnaa waala hagraday waxaana hagraday marka koowaad cidi shaqadan lahayd oo ahayd Dawlada, Aqoonyahankii, Dhalinyartii, Odayaashi, iyo bulshawayntii kalaba iyagoo iska indha tiraya dhibaatooyinka ka jiran magaalada iyo wadanko dhanba By: MohamedNasri Ahmed Omar Email: MohamednasriAhmed@gmail.com Source
  21. Burco: (SL-T)Xidhibaan Cismaan Jiciir Oo Dhaliilo Culus U Jeediyay Madaxweyne Biixi Iyo Baarlamaanka Somaliland Source
  22. Hordhac: “”””””””””””””” Ugu horreyn, xannuunka Xinjirowga Xididdada Dhiiga Aadmiga oo caadiyan Afka qalaad loogu yeedho “DVT”. Waxa la arkaa marka dhiigga Aadmigu ku xinjiroobo guddaha xididdada dhiigga qaada. Ka dib marka ay gaatumo ama guntimo xinjiro ahi ku sameysmaan gunta hoose ee xididdada Afdimada, Gacmaha, Uur-jiifta iwm. Inta badan xanuunka Xinjirawga ayaa aadmiga ka asiiba xididdada Addimada. Kaasi oo u sii gudba xididdada waaweyn ee addimada. Run ahaantii, guntimaha ama faliidhada xinjiruhu waxay ku tarmaan aagga miskaha bukaanka “Pelvic area”, siiba dhinaca bawdyaha “Femoral area”. F.G: Fadlan hadaad isku aragto xaaladdaha sare ku sheegan la xishiidh Dhakhtar. Waayo waa calaamado haddaan lagaa daaweyn halis ku ah caafimaadkaaga. Calaamaddaha Xinjirawga Addimada “Symptoms of DVT”: “””””””””””””””””””””””””””””” Aaddin Barar ama Addimo barar “Swelling in one or both legs”. Garaac iyo Adkaansho Seedaha Addinka ama Addimada “Pain or tenderness in one or both legs”. Diiranaanta Maqaarka Addimada “Warm skin on your leg”. Casaan/Midab la’aan lagu arko maqaarka Addimada “Red or discolored skin on your legs”. Bararka Xididdada Addimada oo ay weheliyaan casaan, iyo adkaansho, taabashada gacanta lagu dareemi karo. F.G: Waxa suurtagal ah kaatumaha xinjirowga dhiiggu ay kala faliidhmaan . Ka dibna ay u socdaalaan sambabbada oo ay keennaan xanuun la yidhaa Pulmonary Embolism. Muunadda Baadhitaannadda: “”””””””””””””””””””””””””””””””””””””” Dhiig “Whole blood with Trisomdium” Baadhitaannada Source