Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Dadweyne iyo wadayaasha gaadiidka oo ka careysan xirnaashaha waddooyinka Muqdisho ayaa maanta dibadbaxyo ka dhigaya qaybo ka mid ah caasimadda, kuwaasoo sheegay inay dalbanayaan in loo furo waddooyinka xiran. Bannaan-baxayaasha oo u badan darawallada gaadiidka dadweynaha eek a shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegay inay aad uga soo horjeedaan in waddooyinka la xiro lagana qaado lacago badan oo maalinle ah. “Lacago badan ayaa nalaga qaadaa maalin walba, waxba nagama dhibeyso balse waxaa wanaagsan in naloo furo waddooyinka xiran, maantana sidaas ayuu bannaan-baxeennu ku saabsan yahay, waxaana ku dhawaaqnay shaqo joojin,” ayuu yiri mid ka mid ah darawal ka mid ah dadkii bannaan-baxa ka qayb-qaadanayay. Gaadiid badan ayaa dhooban isgoyska Ex-koontarool Afgooye, kuwaasoo la sheegay inay ka mid yihiin kuwi shaqeyn jiray oo maanta ku dhawaaqay in ay joojiyeen shaqadoodii, sababo la xiriira cabashadooda. “Waxaan nahay dadka ku shaqeysta gaadidka BL-ka loo yaqaan, meel aan marno malahan, waxaan diyaar u nahay inaan shaqada joojino, meel kasta waan ku bannaan-baxaynaa, Ex-koontarool 43,000 oo shillin ayaa nalooga qaadaa socod walbaa oo Afgooye aan ka imaanno, haddana meel aan ku shaqeysanno ma haysanno,” ayuu yiri hadalkiisa ku daray. Sidoo kale, dibadbaxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay shacabka Muqdisho dhigayeen dibadbaxyo ka dhashay dilalka loo geysto darawallada bajaaj-ta iyo xirnaashaha waddooyinka Xamar. Ugu dambeyn, Dibadbaxan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo la sheegay in dad lagu qabqabtay dibadbax maalin ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho la soo taagi doono maxkamad, kaddib markii lagu tilmaamay inay yihiin rabsho wadayaal. PUNTLAND POST The post Dibad-bax ka dhan ah Waddooyinka Xiran ee Muqdisho oo ka socda qaybo ka mid ah Xamar appeared first on Puntland Post.
  2. Qarnigii 19-aad bartankiisa waxaa ra’iisul wasaare ka ahaa Britain siyaasi la oran jiran Benjamin Disraeli. Sida madaxweyne Farmaajo uu ugu celceliyo “qabyaalad baa dalkaan baabi’isay” [...] Source
  3. (SLT-London)-Julian Assange ayaa safaaradda Ecuadorian ee magaalada London ka dhigtay xarun basaas sida uu sheegay hoggaamiyaha dalkaas. Madaxweyne Lenin Moreno ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin dal kale oo gacan ka gaystay go’aanka uu dalkiisu magangalyada ugala laabtay ninka aasaasay barta siraha soo qufta ee WikiLeaks, wuxuuna intaas ku daray in dalkiisu uu go’aanka u qaatay meel kadhaca uusameeyay Assange. Isaga oo la hadlaya wargeyska Guardian ayuu madaxweyne Moreno sheegtay in xukuumaddii isaga ka horraysay ee Ecuador ay qayb ka mid ah dhismaha safaaradda bixisay iyadoo gacan ka gaysatay in dalal kale “lagu farogaliyo.” Qareenka Assange ayaa mar hore sheegtay “in eedaymaha Ecuador ay yihiin kuwo laga caroodo”. Madaxweyne Moreno oo awoodda la wareegay sannadkii 2017kii ayaa yiri “ficil kaste oo burburin ah sharci darro ayuu ka yahay Ecuador, sababtuna ay tahay in dalkiisu uu yahay mid madax bannaan oo ixtiraamaha siyaasadaha dalalka kale.” Wuxuu intaas ku sii daray “Guriganaga uma ogolaan karno in uu noqdo guri albaabada balaqaya si uu u noqdo xarurun basaas.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo xigtay nadaafad xumidii uu horay wasiirka arrimaha gudaha Maria Paula Romo ugu eedeeyay Assange. Qareenka Assange Jennifer Robinson ayaase sheegashadaas muran ka keentay Axaddii. “Waxay ila tahay waxa u horreeya ee in laga hadlo ay tahay waa eedaymaha laga caroodo ee Ecuador ay soo jeedinaysay maalmihii ugu dambeeyay, iyada oo isku dayaysa in ay u qiil bixiso tallaabada sharcidarrada ah ee aan caadiga ahayn ee ay ku ogolaatay in booliiska Britain uu gudaha u galo safaaradda gudaheeda,” ayay tiri Jennifer. Waxay intaas ku sii dartay in ay caddaatay cabsidii laga qabay masaafurinta Maraykanka todobaadkan, ka dib markii lagu eedeeyay in uu gacan ka gaystay isku day lagu doonayo in loogu dhaco siraha xasaasiga ah ee ku jira kombiyuutarrada wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Maraykanka. Assange oo 47 jir ah ayaa wajahaya 12 bilood oo xabsi ah waxaana lagu helay in uu jabiyay damiinkii lagu sii daayay ka dib markii uu galay safaaradda Ecuador sannadkii 2012. Source
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shaqada Dekadda Muqdisho oo ah Isha ay Dowladda Soomaaliya ka hesho lacagaha ugu badan ayaa xayirneyd muddo Seddex Maalin ah. Sida ay Caasimadda Online ogaatay Shaqada Dekadda Muqdisho ayaa u xayiraneyd Kooxda Al-Shabaab kadib markii ay Ganacstada Maraakiibta soo dajisato u sheegtay inay ka rabto Canshuur la mid ah Midda ay Dowladda Soomaaliya siiyaan. Al-Shabaab oo isugu yeertay Ganacsatada Dekadda Muqdisho wax kala soo dago ayaa u sheegtay inaysan sii socon karin inay Dowladda Soomaaliya kaligeed Canshuur ka qaadato Dekadda Muqdisho. Al-Shabaab ayaa ganacsatada ku amartay inaan Alaab laga dajin karin Markab aan Canshuur la mid ah midda Dowladda laga siinin kooxdaan dagaalka kula jirto Dowladda Soomaaliya ee Al-Shabaab. Kooxdaan ayaa ganacsatada ugu hanjabtay in tallaabo laga qaadi doono haddii ay alaab kasoo dajiyaan Markab aan lacag laga siin. Amarkaas ayaa keenay inaysan Dekadda Muqdisho shaqeyn Seddexdii Maalin ee ugu dambeysay, waxaana la arkayey Maraakiibta oo Dekadda iska taagan isla markaasna aan wax alaab ah laga dajineyn. Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey, Shaqadda Dekadda ayaa Maanta dib u bilaabatay kadib heshiis dhex maray ganacsatada iyo AL-Shabaab inkastoo Shalay Hal Markab la dajiyey. Markii ugu horeysay Shalay ayey shirkad kamid ah kuwa Dekadda Muqdisho wax kasoo dajisto bilowday inay Maraakiibteeda alaabta ka dajiso kadib markii la sheegay inay wada hadleyn Kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale Saakay dhammaan ganacstada ayaa si wadajir ah u bilaabay inay dajistaan alaabtooda mudada seddexda maalin ka xayirneyd. Sida ay illo xog-ogaal ah u sheegeyn Caasimadda Online, Ganacstada iyo Al-Shabaab ayaa ku wada heshiiyey in Canshuur laga siiyo Maraakiibta kasoo dagto Dekadda Muqdisho inkastoo aan la ogeyn inay ganacstada bixinayaan in la mid ah inta ay Dowladda Soomaaliya siiyaan. Dekadda Muqdisho ayaa ah isha koowaad oo ay Dowladda Soomaaliya ka hesho lacagaha ugu badan iyadoo bil kasta ay kasoo xarooto lacag Malaayiin Dollar ah. Kooxda Al-Shabaab ayaa awal lacago ka qaadi jirtay Shirkaddaha waaweyn ee ganacsiga balse waa markii ugu horeysay oo ay dalbato in Canshuur laga siiyo Dekadda Muqdisho taasoo muujineyso tabardarada Dowladda dalka ka jirto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Dowladda Puntland ayaa ka hadashay duqeyntii shalay ka dhacday inta udhexaysa Hul-Caanood iyo magaalada Xiriiro oo katirsan degmada Isku shuban ee gobolka bari. Duqeyntan ayaa [...] Source
  6. Garowe (SMN) – Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan oo la hadlayay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in duqeyn ka dhacday nawaaxiga Tuulada Xariiro ee gobolka Bari lagu dilay Hoggaamiye ku xigeenkii Ururka Daacish ee Soomaaliya C/xakiin Dhoqob. Duqeynta ayuu sheegay Wasiir Galan in lala beegsaday gaari nuuca raaxada ah oo ay wateen Hoggaamiyahaasi iyo ruux kale oo la socday. Puntland ayaa ka dhawaajisay in ay ka go’antahay dagaal adag oo lagu qaado Al Shabaab iyo Daacish oo ku xogan goboka Bari ee maamulkaasi. Dhinaca kale ma jirto wax tafaasiil ah oo ka soo baxday Kooxda Daacish oo ay uga hadlayaan duqeyntaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Cod-Sofeysane-.mp3 View the full article
  7. (SLT-Yemen)-Ka dib muddo Afar sano ka badan oo uu dagaal qadhaadh ka socday dalka Yemen, kaas oo galaaftay nolosha kumanaan qof, malaayiin kalena qarka u saaray macluul, ayaa haatan Jabhadda Xootiyiintu waxey sheegeen inay diyaar u yihiin inay xiriir la yeeshaan Mareykanka, sidaasina waxaa VOAda u sheegay sarkaal u qaabilsan xootiyiin Arrimaha Dibadda. Colaadda Yemen ayaa soo bilaabatay 2015kii waxeyse sii xoogeysatay markii uu isu bedelay dagaal ay kala taageerayaan Sacuudiga iyo Iran. Waxaa dalkaasi galay isbaheysi uu Sacuudigu taageerayo oo gacan siinaya dowladda caalamku aqoonsanyahay, si ey isaga celiso jabhadda Xuuthiyiinta ee gacan saarka la leh Tehran. Wareysi gaar ah oo uu siiyay VOAda, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukumadda ismagacawday ee Xuutiyiinta, Hisham Sharaf Abdullah, waxa uu ku sheegay inay doonyanaan inay dhisaan xiriir ay la yeeshaan Mareykanka, iyadoo dhinacayda dalkaasi ku dagaalamaya ay raadinayaan xal ka soo baxay dadaalka ay Qaramada Midoobay Hormuudka ka tahay. Source
  8. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo u warramayay Shabelle ayaa dalbaday in aan la siyaasadeyn amniga iyo howlgallada ka socda M/Muqdisho Waxa uu sheegay Nabadoonku in amniga uusan laheyn Muxaafid iyo Mucaarad, balse ay masuuliyad ka saaran tahay cid weliba. Sidoo kale Nabadoon Xaad ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya lagu gacan siiyo sugida amniga iyo xasiloonida dalka. Hadalkan ayaa ku soo aadayay, xilli haatan DFS ay wado qorshe lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho oo mararka qaar weeraro ay ka geystaan Al Shabaab. View the full article
  9. (SLT-Finland)-Maalintii shalay ee Axadda waxaa dalka Finland ka dhacdey doorashadii baarlamaanka waxaana ay noqotey mid taariikhi ah. Baarlamaanka Finland waxa uu ka kooban yahay 200 oo xildhibaan, waxaana u tartamey xisbiyo aad u badan waxaana soo baxay sideed Xisbi iyo laba xildhibaan oo mid hal xisbi ka socdey. Guud ahaan dadka Finland ee xaq u leh in ay codeeyaan ayaa gaarayey 4.5 milyan qof, waxaana doorashadan ay noqotey midii ugu badneyd ee laga qaybqaato muddo 30 sano ah kadib waxaana ka qaybqaadashadu gaartey 72%, taas oo ka dhigan dad ka badan 3 milyan in ay codkooda dhiibteen. GUUSHA & KHASAARADDA DOORASHADA Doorashada waxaa ku guuleystey oo noqdey Xisbiga ugu weyn ee dalka Finland Sooshal Dimoqraadiga, oo helay 40 Xildhibaan waxaa ku xigey Xisbiga Asal-raaca Finishka ee PS oo helay 39 Xildhibaan halka kaalinta saddexaad uu galay Xisbiga Burjiwaasiyiinta ee Kokomuska oo helay 38 Xildhibaan. Xisbiga khasaaradda xooggan ku dhacdey waa Xisbiga Bartamaha (Center Party) oo markii hore Xukuumadda hoggaaminaayey waxaana ay waayeen Xildhibaano gaaraya 18 Xildhibaan. Guuldarada labaad ayaa ku dhacdey Wasiiradii ka socdey Xisbiga Buluuga Mustaqbalka ee markii hore Xukuumadda fadhiyey kadib markii ay ka baxeen Xisbiga Cusuiriga, dhamaantoodna waxa ay waayeen kuraastii ay ku lahaayeen baarlamaanka. Baarlamaanka waxaa ka mid noqdey 83 Xildhibaan oo cusub halka 117 Xildhibaan ee kale ay ka mid yihiin kuwii horey u fadhiyey baarlamaanka. GUUSHA HAWEENKA Haweenka ayaa dhigey taariikh cusub waxaana ay noqotey doorashadii ay haweenku helaan kuraasta ugu badan, 200 ee Xildhibaan ee baarlamaanku ka kooban yahay ayey heleen 92 Xildhibaan, Xisbiga Deegaanka (Green Party) oo helay 20 Xildhibaan ayaa 17 kamid ah ay yihiin Gabdho. 54% baarlamaanka cusub ee rag halka 46% ay yihiin haween. GUUSHA CUNSURIYIINTA Hoggaamiyaha xisbiga Asal-raaca Finnishka ee Perussuomalainen Halla-aho Jussi ayaa noqdey musharaxa ugu codadka badan, ninkan ayaa caan ku ahaa afkaarta xagjirnimada, midab-sooca iyo nacaybka soo-galootiga, taageeradiisu waxay muujineysaa halka in badan oo kamid ah dadka Finland ay u jeesteen iyo sida ay u taageerayaan afkaartiisa xagjirnimo. SOOMAALIDA IYO DOORASHADA Musharxiin badan oo Soomaaliyeed ayaa ka qayb-qaatey doorashada inkasta oo badankood ay iska sharaxeen magaalooyin iyo gobolo looga baahan yahay musharaxu in uu ku soo baxo codad badan, Musharaxa ugu codka badnaa ayaa ahaa Siciid Suldaan Axmed, waxa uu ka sharaxnaa magaalada Helsinki waxaana uu helay codad gaaraya 2452 oo cod. waxaa ku soo xigey Cabdiraxim Xuseen oo helay 1989 cod. Ma jirin Soomaali loo doortey Baarlamaanka. DHISMAHA XUKUUMADDA Kadib doorashada waxaa bilaamaya wada hadalka dhismaha xukuumadda iyo iskaashiga Xisbiyada, Finland waxay kamid tahay dalalka aan hal Xisbi xukuumadda soo dhisi karin marka la eego sida codadku u qaybsamaan. Sida muuqata waxaa Xukuumadda soo dhisaya Xisbiga Sooshal Dimoqraadiga oo wada hadal la furaya Xisbiyada kale ee ay isku afkaar dhaw yihiin. Xisbiga Cunsuriga ee Asal-raaca Finnishka iyo hoggaamiyahooda Halla-aho Jussi waxay doorashada muujiyeen taageerada weyn ee ay haytsaan, waxaana ay doonayaan in laga qayb-galiyo wada hadalka dhismaha xukuumadda oo aan la fuquuqin lana dhegaysto Nusmalyuunka qof ee u codeeyey. Sida la saadaalinaayo Xisbiga Sooshal Dimoqraadigu waxay indhaha ku hayaan in ay Xukuumadda la soo dhisaan Burjiwaasiyiinta Kokomuska oo haysta 38 Xildhibaan, Xisbiga deegaanka oo haysta 20 Xildhibaan iyo Xisbiga dadka Iswidhishka RKP oo haysta 9 Xildhibaan taas oo wadarta guud ka dhigeysa 107 Xildhibaan oo ah aqlabiyad Xukuumad lagu soo dhisi karo. Sidoo kale Anti Rinne hoggaamiyaha Xisbiga Sooshal Dimoqraadiga waxaa u furan in uu xukuumad la soo dhiso Xisbiga Cunsuriga PS iyo kan Burjiwaasiyiinta ee Kokomuska oo keliya taas oo ah aqlabiyad aad u weyn, meeshana ka saaro dhamaan Xisbiyada kale ee aan la shaqeyn karin Cusnusiriyiinta, inkasta oo ay ka horeyso gorgortan aad u adag iyo in Xisbiga Asalraaca Finnishka ee Cusniriyiintu ay tanaasul sameeyaan, arrintan waxa ay keeni kartaa in hoos loo dhigo taageerada xad-dhaafka ah ee uu helay Xisbiga Cusniriyiinta haddii laga qayb-geliyo Xukuumadda, taas oo horey loo tijaabshey, laakiin haddii aan laga qaybgelin Xukuumadda waxa uu ku socdaa doorashada danbe in uu noqdo Xisbiga ugu weyn dalka Finland. Source
  10. Garowe (SMN) – Shirkan oo looga hadlayay amniga iyo arrimaha Kufsiga ayaa lagu qabtay magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland. Shirka ah oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa guddoomiyay ku simaha madaxweynaha Puntland, ahna ku xigeenka maamulkaasi Axmed Cilmi Karaash. Intii uu socday shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha ammaanka, iyo sida looga hortagi lahaa falalka Kufsiga ee ka dhaca deegaanada Puntland. Wasiir ku xigeenka amniga ee maamulkaasi Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay kulankaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Puntland ka dhacayay dhibaatooyin kala duwan iyo tacadiyo ka dhan ah haweenka ku dhaqan deegaanada hoostaga maamulkaasi. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shirka amiga oo looga hadlay xaaladda amniga ee dalka gaar ahaan adkaynta amniga caasimadda. Shirka amniga oo ay ka qayb galeen guddiga loo xil saaray sugidda amniga caasimadda ayaa looga hadlay mudaaharaadkii ka dhacay caasimadda dalka. Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka war bixiyay natiijada shirka ayaa sheegay in la isla gartay in bulshada Soomaaliyeed ay muujin karaan shucuurtooda oo ay la xisaabtami karaan dawladda si nabad ah. Waxa uu sheegay Guddoomiye Yariisoow in booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay mudaaharaaydadii shalay dhacay iyo fal-dembiyeedyadii ka dhashay, Sharcigana la hor gayn doono, waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid sharciga ka wayn, askariga kasta oo ka tirsan ciidamada amniga ee dhib u gaysta mawaadin Soomaaliyeedna sharciga la marsiin doono. Guddiga u xil saaran amniga caasimadda ayaa shirkooda ku caddeeyay in bajaajlaydu ay qayb muhiim ka yihiin bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, dawladduna ay si dhaw ula shaqaynayso oo ay dhiirri gelisyo, guddiga amniguna ay la kulmayaan guddi ka socda bajaajlayda si loo dardar geliyo wadashaqaynta, ayana sidoo kale jiri doonaan kulamo joogta ah. Guddiga amniga ayaa ka digay in la sameeyo mudaaharaadyo rabshado wata ayna mamnuuc tahay in magaca bajaajlayda ay isticmaalaan shaqsiyaad doonaya in amniga ay carqaladeeyaan, oo qalalaase geliyaan caasimadda dalka. Guddiga amniga ayaa Shacabka ka codsaday in laamaha amniga iyo maamulka gobalka ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo hagaajinta bilicda caasimadda. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha ayaa maanta banaanbaxyo ka dhigay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho. Gaadiidleyda ayaa sheegay inaysan u dulqaadan karin lacagaha tirada badan ee laga qaado gaadiidka dadweynaha iyo xernaanshaha waddooyinka magaalada Muqdisho, maadaama aysan ka shaqeyn karin meel walbaa oo Muqdisho kamid ah. Qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha ayaa sheegay in ku dhawaad 50 kun oo Shilin Somali ah mar walbaa oo ay ka yimaadaan Afgoote looga qaado Ex Control Afgooye. Sidoo kale waxay sheegeen in Marka ay Muqdisho ka baxaan maamulka Koofur Galbeed uu ka doonayo lacag canshuur ah, marka ay soo galayaan magaaladana sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ka dooneyso Canshuur. Arimahaasi ayay sheegeen inaysan u cuntameynin wadayaasha gaadiidka dadweynaha, iyaga oo dalbaday in loo furo waddooyinka Muqdisho si ay ugu shaqeystaan degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir. “Lacago badan ayaa nalaga qaadaa, waxba nagama dhibeyso balse waxaa wanaagsan in naloo furo waddooyinka Muqdisho, maantana sidaa ayuu banaabaxeena ku saabsan yahay, waxaana ku dhawaaqnay shaqo joojin” “Waxaan nahay dadka ku shaqeysta gaadiidleyda BL-ka, meel aan marno malahan, waxaan diyaar u nahay inaan shaqada joojino, meel kastaana waan ku banaanbaxeynaa, Ex Control 43 kun Shilin Soomaali ah ayaa nalooga qaadaa socod walbaa oo Afgooye aan ka nimaado, haddana meel aan ku shaqeysano malahan”ayuu yiri mid kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay oo saxaafadda la hadlay. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa kordhay kacdoonka ay dadweynaha ka sameynayaan dilalka rayidka loo geysto iyo banaanaxyada ay sameynayaan dadka ay waddooyinka ka xiran yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Wareegto ka soobaxday Wasiirka amniga dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Galan ayaa lagu sheegay in deegaanada Puntland laga mamnuucay Hubka noocyadiiisa kala duwan in laga soo [...] Source
  14. Muqdisho (SMN) – Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa ku warramaya in xalay fiidkii hore rag hubeysnaa ay rasaas ku fureen gaari la sheegay in ay la socdeen dad rayid ah. Gaariga oo ahaa Kaarib, islamarkaana ay saarnaayen illaa saddex ruux ayaa yiilay agagaarka Isgoyska Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Ilo dadka deegaanka ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay in dhammaan dadkaasi ay dhinteen. Kooxaha weerarka geystay ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen, walow aan la ogeyn heybtooda. Xiriiro aan la sameynay maamulka deegaanka ayaa waxa ay ka gaabsaeen in ay faah faahin ka bixiyaan dhacdadaasi. Balse arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli maalimihii ugu dambeeyay howlgallo isdaba joog ah Ciidamada dowladdu ay ka wadeen Ceelasha Biyaha, waxaana saraakiisha hoggaamineysay howlgalladaasi ay shaaciyeen in deegaankaasi laga soo abaabulo weerarada iyo qarxyada ka dhaca magaalada Muqdisho. View the full article
  15. (SLT-Khartoum)-Aasaasayaasha ugu waaweynaa ee banaanbaxyadii ka socday Sudan ayaa ugu baaqay Miltariga kuxunka afgambiga uga riday todobaadkii hore madaxweynihii dalkaasi soo xukumayay 30ka sano, Cumar Xassan Al-bashiir inay talada ku wareejiyaan dowlad rayid ah. Axaddii shalay, ayaa Golaha milatariga waxey sheegeen inay soo magacaabi doonaan Ra’isul Wasaare iyo gole wasiiro oo rayid ah, oo ka caawiya maamulka dalkaas,laakiin aysan qof rayid ah u magacaabi doonin xilka madaxweynaha Sudan. Afhayeen u hadlay Milaratiga ayaa sidoo kale sheegay in Golahan aysan qorshaha ugu jirin inay hor istaagaan dadka dibad baxaya weli sii wada. Weli macadda in dadka banaan baxayaa oo dalbanayay in milatarigu uu si deg deg ah oo shuruud la’aan ah uu xukunka ku wareejiyo ay ku qanci doonaan dhawaqa ka soo yeeray milatariga iyo in kale. Isutagga Xirfadleyda Sudan, oo baaqyada lagu doonayo xukumad rayid ah horsed ka ahaa ayaa shacabka dalkaasi ku booriyay inay isugu soo baxaan dibad baxyo dheeri ah ilaa inta dalabkooda laga aqbalayo. Banaanbaxyo soo bilowday 19kii December ee sanadkii hore oo looga soo horjeeday Madaxweynihii hore Cumar Xassan Al-bashiir ayaa todobaadkii hore keenay in milatarigu uu soo farageliyo oo uu xukunka ka tuuro al-bashiir. Laakiin miltariga ayaa sheegay in xukunka dalkaasi ay sii heyn doonaan muddo laba sano ah, taasoo weli ay inta badan shacabka Sudan ka soo horjeedaan. Source
  16. Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-15042019-ee.mp3 View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Diyaaraddii ugu weyneyd dunida ee duullimaadkeeda ugu horreeyey si rasmi ah u billaawday wuxuuna dherarkeedu gaardhayaa 117 mitir. Tasoo ku dhaw baaxadda garoonka kubbadda cagta lagu ciyaaro. Diyaaraddan oo awood u leh iney joog dhan 10km (10,000 oo miitir) ay ku duusho, waxay ku duuli kartaa xawaara dhan 270 kiilo mitir saacddiba. Diyaaraddan dunida ugu weyn oo leh lix matoor ayaa noqotay diyaaraddii ugu weyneyd oo abid gasho hawada. Waxayna diyaaradda leedahay 28 taayar, iyada oo ay duuliyeyaasha ay diyaaradda ka hagayaan laba qaybood oo ay diyaaraddan cusun u qaybsan tahay. Source
  18. Sawirkan waa mid hore maaha roobabkii xalay Iyadoo degaannada Puntland ay ka jirto abaar baahsan oo dadka iyo duunyadaba saamaysay ayaa xalay meelo kamid ah Puntland waxa ka da’ay roobab lagu diirsaday. Kadib markii saaka warbaahinta Puntland Post xiriir la samaysay degaanno kala duwan oo Puntland ka tirsan ayaa meelaha qaar la soo sheegaya in roobabkii gu’ga ka curteen inkastoo ay yar yihiin degaannada roobsaday. Tuulada Ceeli oo qiyaastii 40km dhanka bari ka xigta magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa xalay roobsatay kadib markii hogol biya-qaad ah ku hoortay tuuladaasi iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran sida ay soo sheegayaan dadka degaanka. Roobka Ceeli iyo nawaaxigeeda ka da’ay ayaa buuxiyay guud ahaan dhulka biya-qabatinka leh iyo balliyada iyadoo halkaasi ay ka jirtay abaar iyo biya la’aan daran. Dhanka gobolka Nugaal tuulada Xaar-xaar oo ka tirsan degmada Buurtinle iyo miyiga hoos yimaada tuulada ayaa xalay roobsaday iyadoo halkaasi saaka xareeddu jiifto sida ay sheegayan dad ku sugan tuulada. Sidoo kale degaannada Puntland qaarkod ayaa saaka lagu waaberiistay daruuro biyaysan oo cirka ku marriiman. Xogta wararka mar walba kala soco Puntland Post The post Roobabkii gu’ga oo ka curtay meela kamid ah Puntland appeared first on Puntland Post.
  19. (SLT-Qaza)-Maamulayaasha Yuhuudda ayaa la sheegay inay Masaajid Taariikh weyn leh oo ku yaalla dhulalka la-haysto ee Falastiin ka dhigteen dhismo lagu caweeyo, sidaas waxaa sheegay Sarkaal ka tirsan Muslimiinta Deegaanka. Shirkad Yuhuudi oo gacan-saar la leh Dowladda Hoose ee Degmadda Safadee Waqooyiga Falastiin ayaa la sheegay in Masjidka Al-axmar oo la dhisay Qarnigii 13-aad ka dhigtay Baar iyo Hool weyn oo lagu dhigo Xafladaha Arooska.Xoghayaha Hay’adda Islaamiga ee Samafalka Falastiin, Sheikh Kheyr Tabari ayaa sheegay inuu ka argagaxay markii uu arkay burburka loo geystay gudaha Masjidka qadiimiga ee Al-axmar. Sheikh Kheyr Tabari oo la hadlay Wargeyska Al-quddus Al-carabiya ee xaruntiisa dhexe ku taallo magaalladda London ayaa sheegay inuu sannado ka hor uu gal-dacwadeed u gudbiyey Maxkamadda Nazareth ee Yuhuudda, kana codsaday in Hay’adda Kheyriga lagu soo wareejiyo Masjidka, balse aysan Maxkamadda weli xukmin go’aankaasi.Waxa kale oo uu tilmaamay in Kiiska Dacwadiisa ku lifaaqay Dukumentiyadda Lahaanshaha iyo liiska qiimaha adeegyadda ee ku baxay.Magaca Masjidka waxay Yuhuudda ku bedeleen Khaan Al-axmar, si ay u lumiyaan Sharafta Masjidka. Masjidka waxa uu khibrad u leeyahay burburinta iyo wax-ka-bedelkiisa oo soo taxnayd tan iyo markii dhulka Yuhuudda loo abuuray sannadkii 1948-kii. Masjidkaas waxay Yuhuuda markii hore ka dhigteen Dugsi (A Jewish School), iyadoo sannadkii 2006-dii laga dhigtay Xafiis Doorasho ee Xisbiga Kadiima ee Yuhuudda, ka hor inta aan loo isticmaalin Bakhaar lagu xareeyo dharka. Mustafa Cabaas oo ah Taariikh-yahan iyo qof u dhashay Degmadda Safad waxa uu sheegay in Masjidka Al-axmar uu magaciisa ka kooban yahay ama lagu dul xardhay dhagxaanta casaanka ee lagu dhisay Masjiska. Waxa uu sheegay in maanta loo isticmaalo Masaajid arrimo badan, marka laga reebo inuu ahaa Masjid ay Muslimiinta ku tukadaan. “Muslimiinta booqanaysa goobtaasi waxay weerar kala kulmaan Gumeystayaasha Yuhuudda” ayuu yiri Taariikh-yahan Mustafa Cabaas. Waxa uu intaasi ku daray inuu Masjidku leeyahay Taariikh naadir ah iyo qiimo dhismayaasha ugu qadiimsan Caalamka. Dhinaca kale, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Falastiin, Yuusuf Adays waxa uu tilmaamay inay Yuhuudda xaruumo badan oo lagu cibaadaysto u rogeen gole lagu caaweeyo, kuwo ay burburiyeen iyo qaar ay ka dhigteen Kaniisado. Masjidka Al-axmar ee ku yaalla Degmadda Safad ee Waqooyiga Falastiin waxaa asaasay MamelkuSuldaan Al-daahir Baybaris qarnigii 13-aad, iyadoo dhagaxa Astaanta ee Albaabka laga galo Masjidkaasi la dhisay sannadkii 1276 ee dhalashadii Nebi Ciise Calayhi Salaam kadib. Si kastaba ha ahaatee, Gumeysiga Yuhuudda waxay xoog ku haystaan 2 ka mid ah Masaajidda ugu barakaysan Caalamka, iyagoo haysta Masjidka 2-aad ee ugu barakaysan Caalamka Islaamka ee Al-AQSA oo ku yaalla magaalladda barakaysan ee Quddus-ta La-haysto iyo Masjidka Al-axmar oo ay Yuhuudda ka dhigteen Gole ay dadkaasi shayaadiinta ah ku caweeyaan. Source
  20. Xukumada Muuse Biixi oo ogolaatay Arrin ay hore u joojisey oo ku saabsan Socdaalka Muqdisho Wararka ay helayso warbaahintu ayaa tibaxaya in Xukumada Muuse Biixi dib u aqbashay Warqada Go-home oo ay hore u joojisey, taasi oo la goosan jiray marka la tagayo Magaalada Muqdisho. Xukumada Muuse Biixi ayaa bishii April ee sanadkii hore joojisey in bilaa Baasaboor ay kaga dhoofan garoonka Cigaal International dadyowga ku wajahan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Go’aankan ay Xukumada Muuse Biixi dib ugu aqbashay in Warqada Go-home ay goosataan dadweynaha u dhoofaya Muqdisho, ayaa loo sababeynaya in hoos u dhac weyn ku yimid dhaqdhaqaaqa & Dhaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Cigaal International, mudadii ay joojiyen in bilaa Baasaboor lagaga dhoofo. Ilaa iyo hadda, weli war rasmi ah kama soo bixin Xukuumada Muuse Biixi, taasi oo ay ku shaacineyso inay aqbashay warqadaasi [Go-Home], balse waxa qadiyadaa Warbaahinta u xaqiijiyey saraakiil katirsan madaarka Hargeysa in dib loo soo celiyay in bilaa Baasaboor loogu dhoofi karo magaalada Muqdisho. Si kastaba, Somaliland ayaa lumisey dadyow badan oo ka dhoofi lahaa garoonkeeda diyaaradaha Hargeysa, mudadii ay joojisey in bilaa Baasaboor loogu dhoofo magalada Muqdisho, taasi oo kaliftay in dadka reer Somaliland ee aan haysan Baasaboorka ay ka dhoofan garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, taasi oo sarre u qaaday suuqa duulimaadyada ee garoonka Garoowe. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kulan la yeeshay odayaasha iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Banaadir. Kulanka ayaa ka dambeeyay kadib markii madaxweynaha uu ka codsaday hogaanka dhaqanka ee Odayaasha iyo siyaasiyiinta, waxaaa looga hadlayay dhibaatooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa ku dhamaaday Natiijo la’aan kadib markii odayaashii ka qeyb galay ay ku kala qeyb sameen hadal jeedin uu sameeyay mid kamid ah nabadoonada kulanka lagu marti qaaday, sida xogaha lagu helayo. Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka oo hadal la siiyay ayaa la sheegay inuu soo bandhigay dhibaatooyinka shacabka ku qabaan xernaanshaha waddooyinka, canshuuraha laga qaado iyo dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay. Waxaana kadib odayaasha qaar ay bilaabeen inay sheegaan in ujeedadaasi aan loogu tagin madaxweynaha, islamarkaana ay haboon tahay in laga war sugo madaxweynaha, taasi oo keentay in odayaasha dhaqanka kala qeybsamaan. Nabadoon Cali Axmed Maxamuud oo kamid ahaa dadka ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in arimaha kale ee goobta lagu soo bandhigay inay qeyb ka aheyd xiisadii ka dhalatay amarkii guddoomiye Yariisow iyo diidmadii Muuse Suudi Yalaxow. “Odayaasha iyo siyaasiyiinta la kulmay madaxweynaha, waxaan ognahay in Muddulood aysan u dhameyn kulanka, dan caam “Guud” ah kalama aysan hadleyn ee dantooda gaarka ah ayay kala hadlayeen” “Kulanka waxaa lahaa dalabkiisa madaxweynaha, waxaana la isku qabtay in ujeedada meesha loo tagay waxaan aheyn in lasoo bandhigay, kooxdii kale ayaana ka biyo diiday in shirka uu sii socdo, waana lagu kala tagay”ayuu yiri Nabadoon Cali. Odayaasha Muqdisho ayaa shalay ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay joojiso hanjabaadaha badan ee loo geysanayo shacabka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa xalay guddoomiyay shirka amiga oo looga hadlay xaaladda amniga ee dalka gaar ahaan adkaynta amniga caasimadda Shirka amniga oo ay ka qayb galeen guddiga loo xil saaray sugidda amniga caasimadda ayaa looga hadlay mudaaharaadkii ka dhacay caasimadda dalka Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka war bixiyay natiijada shirka ayaa sheegay in la isla gartay in bulshada Soomaaliyeed ay muujin karaan shucuurtooda oo ay la xisaabtami karaan dawladda si nabad ah. Waxa uu sheegay Guddoomiye Yariisoow in booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay mudaaharaaydadii shalay dhacay iyo fal-dembiyeedyadii ka dhashay, Sharcigana la hor gayn doono, waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid sharciga ka wayn, askariga kasta oo ka tirsan ciidamada amniga ee dhib u gaysta mawaadin Soomaaliyeedna sharciga la marsiin doono. Guddiga u xil saaran amniga caasimadda ayaa shirkooda ku caddeeyay in bajaajlaydu ay qayb muhiim ka yihiin bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, dawladduna ay si dhaw ula shaqaynayso oo ay dhiirri gelisyo, guddiga amniguna ay la kulmayaan guddi ka socda bajaajlayda si loo dardar geliyo wadashaqaynta, ayana sidoo kale jiri doonaan kulamo joogta ah. Guddiga amniga ayaa ka digay in la sameeyo mudaaharaadyo rabshado wata ayna mamnuuc tahay in magaca bajaajlayda ay isticmaalaan shaqsiyaad doonaya in amniga ay carqaladeeyaan, oo qalalaase geliyaan caasimadda dalka Guddiga amniga ayaa Shacabka ka codsaday in laamaha amniga iyo maamulka gobalka ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo hagaajinta bilicda caasimadda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xogeysanaya khilaaf culus oo u dhaxeeya Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Aamina Saciid iyo ku xigeenkeeda Cabdirisaaq Xuseen Caato. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mudooyinkii ugu dambeeyay uu sii xumaanayay khilaafka u dhaxeeya labada dhunac iyadoo aad looga dareemay Villa Somalia. Qaar kamid ah shaqaalaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa noo sheegay in xafiisyada shaqada ay ka jirto xaalad taag taag ah iyo in lakala jiidanayo shaqaalaha Xafiisyada Madaxtooyada. Aamina Saciid iyo ku xigeenkeeda C/risaaq Caato ayaa markii 2aad isku khilaafsan hab maamulka adeegyada Madaxtooyada iyadoo mid kasta uu raadinayo Isha dhaqae ee Madaxtooyada Soomaaliya. Xubno sare oo katirsan Shaqaalaha Madaxtooyada ayaa sheegay in murunka uu ka bilaawday Shirkad keenta adeegyada Madaxtooyada taas oo hoos tagta Caato. In aad mas’uul ka noqoto ama ay rabitaankaada ku timaado Shirkadda qaabilsan adeegyada Madaxtooyada sida cuntada iyo adeegyada kale qalabka Xafiisyada waa meesha kaliya oo ay dhaqaalo kaa soo gali karaan, waana Isha dhaqaale ee muranka dhalisay. Cabdirisaaq Xuseen Caato iyo Aamino Saciid waa markii labaad uu soo kala dhaxgalo Khilaaf culus oo dibadda usoo baxa islamarkaana saameeya Shaqaalaha Xafiiska Madaxtooyada. Dadka xog ogaalka ah ayaa sheegaya in Cabdirisaaq oo qaraabo la ah Madaxweynaha Soomaaliya uu isku dayayo in uu cadaadis saaro Marwo Aamino oo ah haweeney aan aad u gal gal badneen lamana oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka labada Dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com