Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,196
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. South Africa has signed a deal to explore for oil in South Sudan, as part of a potential $1bn investment that the petroleum minister in the war-torn east African country hopes will eventually help to boost production. Source: Hiiraan Online
  2. Xiriirka kubbadda cagta Galmudug ayaa sheegay in uu socda qorshe ay ku doonayaan horomarinta kooxda kaga qey galaysa tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo la rajaynayo in la qabto dhamaadka sanada 2019. “Waxaa iminka gacanta ku haynaa ilaa 30 ciyaartooy oo aan kasoo xulnay tartankii kubbadda cagta degmooyinka Galmudug ee aan qabnay bishii September 2018 waxaana kaloo u baahan nahay tiro kale ka dibna waxaana ka xulandoonaa xirfadlayaasha ugu tirada wanaagsan kuwaas oo guul u soo hooyi kara shacabka reer Galmudug” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdifitaax Cabdullahi Warsame (Badshaa). Sanadihii 2016 & 2017 oo ay kooxda Galmudug ka qeyb gashay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir ayaa waxa ay ku dhamaysteen kaalamaha ugu hoosaysa,iyadoo dadka reer Galmudug ay aad uga xumaadeen qaabka ciyaareedka llita ay kusoo bandhigeen garoomada kubbadda cagta caasimada Muqdisho oo tartanka marti geliyay. “Is badal weyn ayaan ku samayndoonaa kooxda Galmudug waa in aan wax badan ka barnaa casharadii hore ee kaalmihii liitay ee aan teegsanay labadii sano ee lasoo dhaafay iminka wasaarada ciyaaraha waxa ay xooga saaraysaa in ciyaartooyda matalaysa Galmudug laga soo xulo dhamaan deegaanada maammulkeena”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Bashiir Maxamed AW Cali oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug. Iminka degmooyinka Galmudug waxaa ka socda dib u dhiska garoomada kubbadda cagta taas oo ay dhalinyarada iyo bahda ciyaaraha ay u arkaan mid dabooli karta baahida ay qabaan ciyaartooyda matalaysa Galmudug maadaama ay tababar ku qaataan goobo aan u wanaagsan jirka ciyaaryahanada. “Isku tashi ayaan ku dhisanaynaa garoomada kubbadda cagta Galmudug waxaana xooga saaraynaa in qaar ka mid ah garoomada ay iminka shaqada ka socoto gudaha sanadkan xariga laga jaro,iyadoo loo dhisidoono qab casri ah” waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Bashiir Maxamed AW Cali oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada maamulka Galmudug. Dhinaca kale macalimiin badan ayaa doonaysa laylinta Galmudug waxaan horomuud u ah macalinkii hore xulka qaranka Maxamed Cabdulle Farayare,isagoo dhinaca faramsada kaalin weyn ka qaatay tartankii kubbadda cagta degmooyinka Galmudug sanadkii lasoo dhaafay 2018. “Macalin Farayare waxa uu kasoo jeedaa Galmudug hadii xitaa uu tababaraha 1aad noqonin waxaa qorshaynaynaa in uu door wacan ka ciyaaro soo xulista iyo dhiiri gelinta macalimiinta waxaanse u arkaa fursad weyn hadiiba uu naga o gaadlo qabashada shaqadaa madaama uu iminka qeyb weyn ka yahay waxaaada farsamada xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya”waxaa sidaas markale Goobjoog u sheega Cabdifitaax Cabdullahi Warsame oo guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug. Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Is Badalka Kooxda Galmudug W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  3. WASHINGTON – Nearly 400 former federal prosecutors have signed onto a letter saying President Donald Trump would have been charged with obstruction of justice if he were anyone other than the president. Source: Hiiraan Online
  4. Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maalintii seddexaad madaxda ugu sareyso dalka ay kulan la isku mari la’yahay ku leeyihiin magaaladaasi. Kulanka ayaa horey loo qorsheeyay inuu dhaco kaliya muddo labo maain ah, balse waxaa muuqata in wali la isku mari la’yahay qodobada qaar, taasi oo keentay in dib u dhac uu ku yimaado waqtiga kulanka. Seddex arin oo la isku fahmi waayay ayaa sababay in shirka uu galo maalintii seddexaad, waxaana la isku mari waayay arrimaha doorashooyinka, Kheyraadka dabiiciga iyo faragelinta dowladda Soomaaliya ay ku heyso dowlad goboleedyada. Dawlad gobaleedyada ayaa aad uga cabanaya faragalinta dawladda Faderaalku ay ku hayso arrimaha gudaha ee Galmudug iyo Jubbaland oo Iyana hadda doorasho looga madlan yahay. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu soo jeediyay in dowladda Soomaaliya ay dhaqan geliso heshiiskii qeybsiga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Xukuumadda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah u aragta in sharciga Shidaalku uu meelmar noqdo, iyadoo aan waxba dibu eegis ah lagu sameynin, waxaana dadaal badan arrimahaas galinaya Raysalwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, sida aan xogaha ku heleyno. Wararka aan sidoo kale heleyno ayaa sheegaya in maamulada Jubbaland, Puntland & Galmudug ay xooga saarayaan sidii qorshe mideysan loogu heshiin lahaa. Iyadoo heshiiskaasi ay goobjoogayaal ka noqonayaan wakiilada Shacabka iyo kuwa caalamiga ah. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  5. Wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee dowlad goboleedka Puntland Jaamaca Faarx Muuse ayaa sheegay in shaqaalaha Puntland inta badan la diiwaan galiyay loona sameeyay kaarar aqoonsi ah. Mudane Jaamaca Faarx Muuse oo ka hadlayey shaqaalaha rayidka ee Puntland ayaa sheegay “Shaqaalaha rayidka ah ee biometric lagu sameeyey ee hadda miisaaniyadda dowladda ku jira ee ay leedahay dowladda Puntland ilaa 5,500”. Dhanka dowladda federaalka ah , tan iyo markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa la qorayey shaqaale aan rasmi aheyn, kuna jirin miisaaniyadda dowladda. Shaqaalaha rasmiga waa intii ay ka tagtay dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh, tirada rasmiga ah ee shaqaalaha rayidka dowladda federaalka ah waa: 5,526 oo kala ah: Garade (A): 2502, (B): 1527, (C): 995, (D) 502, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Suicide attempts among refugees detained on Papua New Guinea’s Manus Island by Australia have reached epidemic proportions Source: Hiiraan Online
  7. Mitsubishi is making Japan’s 1st plane in 50 years. Source: Hiiraan Online
  8. Guddiga dhismaha Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa kulan mahad celin ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo dhaqaale lacageed ku taageeray dhismaha garoonka Mira Cawaale sanadkii lasoo dhafay 2018. Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku aadan halka uu marayo dhismaha garoonka Mire Awaare ee Magaaladda Garoowe,isagoo muujiyey ahmiyada garoonku uu u leeyhay dhallinyaradda Soomaaliyeed iyo is-dhexgalka bulshadda ay hormuudka u yihiin dhallinyaradda reer Puntland. Guddoomiyaha Guddiga dhismaha garoonka Mire Awaare ahna guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Puntland,Maxamed Cali Ciise Ciiro ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre uga mahadceliyay tageerada iyo garab istaaggida buuxda uu u muujiyay bahda ciyaarah maamulka Puntland iyo kaalintii muga laheyd oo ka qaatay dib u dhiska garoonka kubbadda cagta Mira Awaare. si kastaba labadii bil ee lasoo dhaafay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhagax dhigay labo garoon oo kubbadda cagta ah wuxuuna sheegay in maamulkiisa oo xooga saarayo qorshaha horomarinta kubbadda cagta Puntland. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulank Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Guddiga W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  9. Boorama (Caasimada Online) – Siyaasi Cali Khaliif Galeyr ayaa ka wada deegaanada maamulka Somaliland Doodo dad badan tuhunsan yihiin inay saameyn ku yeelan karaan Somaliland. Cali Khaliif Galeyr ayaa ka wada deegaanada maamulkaasi doodo ku saabsan in la wada leeyahay Somaliland iyo inkale, waxaana ka qeyb gala dadweyne badan oo ku sugan Somaliland. Doodahaasi waxaa Cali Khaliif ku wehliya Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada maamulkaasi. Cali Khaliif oo ka qeyb galayay DOOD ku saabsan “Ma lawada leeyahay Somaliland” oo ka dhaceysay magaalada Boorama ayaa sheegay in Somaliland aysan wali noqon dal madax banaan. Wuxuu soo hadal qaaday markii xorriyadda ay qaateen gobolada waqooyi ee dalka, wuxuuna sheegay in afar maalin kadib markii xoriyadda ay heleen gobolada waqooyi inay ku bireen koofurta Soomaaliya. Islamarkaana wuxuu sheegay inaysan jirin dowlad aqoonsatay Somaliland markii ay ka xoroobeen gobolada waqooyi, sidoo kalana wuxuu cadeeyay inaysan jirin dowlad ay ictiraaf xiligaasi ay weydiisteen. Cali Khaliif iyo Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Gobollada Maamulka Somaliland ka wada doodo ay ciwaan uga dhigeen “Somaliland ma lawada leeyahay?”,waxaa ay horay ugu qabteen Magaalada Burco iyaga oo haddana ka wada Boorama. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  10. A section of North Eastern leaders have thrown their weight behind the presidential ambitions of Deputy President William Ruto. Source: Hiiraan Online
  11. Al-shabaab ayaa sheegatay isniintii iney saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah ku dileen gobolka Shabeellada dhexe gaar ahaan deegaan u dhaxeeya Balcad iyo Xawaadley. Qoraal ay faafiyeen waxaa ku jirtay iney dileen abaanduulihii guutadaha 2aad ee ciidamada ahaana ku-simaha taliyaha guutada Gaashaanle dhexe Cali Cariif iyo 10 kale. Isla qoladan waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas ay ku dhaawaceen ku-xigeenka abaanduulaha Cabdi Kariim Hilowle iyo sidoo kale iney gubeen 3 gaadiiid. Dhinaca kale, xukuumadda federaalka ah iyo hey’adaha amniga weli wax war ah kama soo saarin arrintan ay sheegatay Al-shabaab. Ma jiraan ilo madaxbannaan oo Goobjoog News u xaqiijiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Doha - QTerminals has announced the commencement of a new weekly service of Mediterranean Shipping Company (MSC), the 'Mogadishu Express', which is the first direct service between Qatar and Somalia. Source: Hiiraan Online
  13. MOGADISHU (Xinhua) -- The U.S. army said on Monday evening that it had killed three al-Shabab militants in a precision airstrike in southern Somalia on Sunday. Source: Hiiraan Online
  14. Garowe (SMN) – Waxaa magaalada Garowe weli ka soconaya shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleeyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Madaxweynaha Jamahuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoominaya shirkan ayaa warbixinno ku saabsan xaaladaha amni iyo dhaqaale ee dagaannada waxa uu ka dhageystay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada. Kaddib intaas, madaxdu waxa ay guda galeen in ay ka wada hadlaan arrimaha masiiriga ah ee dalka oo ay ugu muhiimsan tahay xoojinta wada shaqeynta, horumarinta dhaqaalaha iyo la dagaallanka Al Shabaab. Jawiga guud ee shirka ayaa u muuqda mid xoojinaya isu soo dhawaanshaha Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda Goboleedyada, iyadoona aysan ka muuqan shirka gacan saddexaad oo ku dhex jirta hoggaanka Soomaalida, waana arrin si weyn loo hadal hayo, rajana ay ka muujiyeen qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed shirkan uu miro dhal wanaagsan ku yeesho dadaallada horumarineed ee dalka. Waxaase jira weli qodobo ismari waa uu ka taaganyahay , oo qaarkood ay soo hor dhigeen Madax Goboleedyada Puntland , Jubbaland iyo Galmudug Masuuliyiinta dowladda Somalia. Arrimahaas ayaa waxaa ka mid ah in dowladda Somalia ay u soo jeediyeen Maamulada aan kor ku soo xusnay in ay joojiso fara galin ay sheegeen in ay ku heyso Galmudug. Waxaana la soo warinayaa in Madaxweynaha Somaliya iyo RW Xasan Cali Kheyre Labaduba aqbaleen in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf hase ahaatee waxaa Madaxda dowladda federaalka Somalia ay gaashaanka u daruureen in Madaxweyne Xaaf uu Galmudug majaraha u sii haayo 3 Sano oo hor leh iyagoo xoojiyay in waqti kororsi aan la aqbali Karin sida ay tilmaamayaan ilo wareedyo Shabelle ay ka heshay Madasha Shirka. View the full article
  15. Balcad (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Yaaqle oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa waxaa la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Al Shabaab oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegtay in ay ku dileen Abaanduulihii Guutada labaad ee Ciidamada dowladda Gaashaanlle Dhexe Cali Cariif , kuna dhaawaceen ku xigeenkiisa Cabdikariim Hilowle. Sidoo kale Al Shabaab ayaa baahiyay in dagaalkani ay ku dileen illaa 11 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda war faah faahsan dowladda federaalka Soomaaliya kama bixin dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan,sida ay soo warinayaan dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. View the full article
  16. Boosaaso (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo saacadihii la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland. Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay xubno ka tirsan Daacish oo ku sugnaa dhulka Buuraleyda ee gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Ururka Daacish ka soo gaaray duqeyntaasi Dhanka kale war ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa waxaa looga hadlay duqeymo diyaaradahoodu ay ka fuliyeen deegaanka Tooratoorow oo hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. AFRICOM ayaa shaacisay in duqeyntaasi ay ku dileen illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan duqeymahaasi. Inta badan Mareykanka ayaa koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ka fuliya weeraro ka dhan ah Al Shabaab iyo faraca Daacish ee Soomaaliya. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa shir guddoomiyey shirka kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka oo Sadexdii biloodba mar lagu qabto magaalada muqdisho. Shirka ayaa waxaa looga Wada hadlay intii uu socday Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, Dhegaysiga Warbixinada Wax yaabahii Qabsoomay & Sidii loo dardar galin lahaa Dhismaha Mashaariicda kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka ee qabyada ah. Wasaarada Qorshaynta, Maalgashiga Iyo Horumarinta Dhaqalaha ayaa Soo bandhigtay warbixin heerka uu marayo Diyaarinta iyo Qorista QHQ9aad ee dalku uu yeelanayo 2020-2024. Waxaa shirkan ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adaah kaladuwan ee Dowladda Soomaaliya,sida wasiiro,agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo madaxa kale oo caalami ah kuwaasi oo qeyb ka ah shirkan sedx bilood laha ah ee inta badan looga hadlo horumarinta mashaariicda Kaabayaasha Dhaqaalaha ee dalka. View the full article
  18. Muqdisho ( SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-subax-07052019.mp3 View the full article
  19. Gedo (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa soo bandhigtay tirada Saraakiisha Al Shabaab ka tirsan ee todobaadkaan isku dhiibay ciidamada xooga dalka. Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in sagaal kamid ah saraakiisha Al Shabaab ay isku dhiibeen ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolka Gedo, kuwaasi oo xilal kala duwan u hayay Al Shabaab. NISA ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirada labo kamid ah saraakiisha Al Shabaab ee isku dhiibay ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolka Gedo. Labo ka mid ah Raggaas oo sawirradooda lagu baahiyay Bogga Twitter-ka ee NISA ayaa lagu kala sheegay in ay kala hayeen xilalka maktabka Dacawada Xizbada iyo Maktabka (Fursaanul Xizba). NISA ayaa marar badan shaacisay in howlgalo ciidamada amaanka ay sameeyeen lagu qabtay saraakiil ka tirsan Al Shabaab, walow aanan lasoo bandhigin magacyadooda iyo sawiradooda. Balse waa markii ugu horeysay muddo kadib hay’adda NISA ay soo bandhigto sawirada xubno ka tirsan Al Shabaab oo isku dhiibay ciidamada xooga. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
  20. The Second Memories of Mogadishu Conference was held in Ottawa, Canada on Saturday May 4, 2019. MoM was found a year ago in Rome by small Somali Diaspora group who have previously met in another event called “Storytelling Somalia”. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (PP) ─ Hay’adaha Amniga Somalia ayaa bilaabay inay baaris ku sameeyaan shaqaalaha rayidka ah ee DF, baaritaannada oo la sheegay inay salka ku hayaan shaqsiyadda qofka sida xogtiisa. Baaritaankan ayaa bilaawday maalintii Axadda ahayd, iyadoo lagu bilaabay shaqaalaha wasaaradda shaqada shaqaalaha, waxaana qaarka mid ah ay u sheegeen warbaahinta in la weydiiyay su’aalo adag. “Qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda shaqada iyo shaqalaaha DF waxaa la weydiiyay su’aalo ay ka mid ahaayeen; xilliga uu dowladda ka mid noqday, cidda keentay, qabiilkiisa iyo inuu ogolaado in la baaritaanno kala duwan lagu sameeyo barihiisa bulshada sida; Facebook, Whatsapp, IMO, Massenger, Viber, E-mail iyo adeegyada kale ee baraha Internete-ka uu ku leeyahay,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalihii baaritaann lagu sameeyay. Sidoo kale, Dadka qaar ayaa su’aalahaas kaddib la weydiinayay hadii ay jirto qof ay qaraabo yihiin ama ay is-yaqaanan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, isla markaana xariir la soo sameeya. Waxaa shaqaalaha rayidka ah eee DF la waydinayay inuu qaban karo shaqo kasta oo loo diro iyo haddii uusan qaban karin, waxaana shaqooyinkaas ka mid ah sida ay sheegeen shaqaalihii la baaray in hawlo amni ay qaban karaan, inkastoo aan loo sheegin, waxay ku jawaabayeen inay qaban karaan. “Waxaa nalagu war-geliyay inaanan cidna la wadaagi karin su’aalaha nala weydiiyay xitaa shaqaalaha kale ee dowladda, runtiina cadaadis in nagula hayo ayay u muuqatay arrintaan,” ayuu hadalkiisa ku daray ruuxa ka tirsan shaqaalaha dowladda oo magaciisa qariyay sababo amni awgood. Dhanka kale, Lama oga sababta arrintaan keentay, balse waa tallaablo ku abuurtay shaqalaha rayidka ah ee DF walaac xooggan. Waxaana tani ay u muuqataa in DF aysan kalsooni buuxda ku qabin shaqaalaha wasaaradaha ka shaqeeya, kuwaasoo qaarkood muddo dheer ka shaqeynayay xarumaha kala duwan ee dowladda. Ugu dambeyn, Illaa hadda lama oga askar baaritaan noocan oo kale kala kulmay hay’adaha amniga dowladda, balse wararka hordhaca ah ayaa lagu sheegay inaysan jirin ciidammo baaritaankan la marsiinayo. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo billowday inay su’aalo adag weydiiso shaqaalaheeda rayidka ah appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (PP) ─ Warbixin kasoo baxay taliska cidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM), ayaa lagu faah-faahiyay duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanku ka fuliyey deegaano ka tirsan Koonfurta Somalia gaar ahaan gobolka shabeellaha Hoose. Qoraalka AFRICOM, ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kuwa Somalia kaashanaya ay 05-tii bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo ay la beegsadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd deegaankaas. Sidoo kale, Mareykanka ayaa sheegay inay baarayaan inay duqeyntaas wax ku noqdeen dad shacab ah iyo in kale, isla markaana qiimeyn ballaaran ay ku sameynayaan khasaaraha guud ee ka dhashay. “Duqeyntaas waxay ahayd mid aan Dowladda Somalia ku taageerayno, si ay ula dagaalanto Al-shabaab, isla markaana ay u wiiqanto awoodooda, innagoo ku dilnay saddex ka tirsan xoogagga Al-Shabaab,” ayuu warbixintaan ku yiri agaasimaha dhinaca ammaanka ee AFRICOM, Jen. Gregg Olson. Agaasimaha AFRICOM, ayaa hadalkiisa ku daray inay inay sii wadi doonaan hawl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo xusay in duqeyntaan ay ka mid ahay duqeymo badan oo lagu dilay xubno iyo saraakiil ka tirsan kooxda Al-shabaab. Dhanka kale, Mareykanka ayaa sanadkan lagu jiro ee 2019-ka wuxuu si aad ah u kordhiyay weerarrada cirka ah uu ka fuliyo Soalia, waxaana 26-kii bishii la soo dhaafay ee Abriil uu duqeyn la beegsaday saldhigyo kooxda daacish ku leedahay beeraha Golis ee gobolka Bari ee maamulka Puntland. Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa dhawaan sheegay in toddoba sanno ay ku qaadan doonto soo af-jaridda kooxda Al-shabaab oo muddo toban sano ka badan isku dayaysay inay gacanta ku dhigto Somalia oo dhan si ay ugu soo rogto ku dhaqanka diinta Islaamka. PUNTLAND POST The post Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM oo sheegay inay duqeeyeen xeryo ay lahayd Al-shabaab appeared first on Puntland Post.