Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,176
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A rookie Ottawa police officer is suspended from duty after being arrested Friday morning and charged with sexual assault and forcible confinement. Source: Hiiraan Online
  2. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Ismaaciil Yare ayaa eedaymo culus u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Ramadan, which begins on May 6 in most countries this year, is the holiest month in the Islamic calendar. It involves abstaining from eating, drinking, smoking and sexual relations from dawn to sunset... Source: Hiiraan Online
  4. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid ayaa eedaymo u jeediyay xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda Somaliland, Halkan hoose ka SAAWO Source
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Maanta magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ka furmay shir u dhaxeeya madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedyada waxaana looga hadlayaa Xaaladda Soomaaliya. Shirka ayaa xoogga lagu saarayaa Amaanka, Siyaasadda iyo dhaqaalaha waxaana sidoo kale la doonayaa in lagu xaliyo tabashooyinka Maamul Gobaleedyada ay ka qabaan hogaanka Soomaaliya. Caasimada Online oo la hadashay xubno badan oo katirsan Wafdiga Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha ayaa ogaatay in rajo wayn aan laga qabin dhaqan galka waxyaabihii lagu heshiiyo. Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaan aad ugu dhow Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Kheyre isku afgarteen in la dhageesto cabashada maamul Gobaleedyada balse aan la dhaqan gelin loona qabto ballan qaadyo sidii hore u dhacday oo kale. Xubnahaan ayaa sidoo kale noo sheegay in waxa ay doonayaan Maamul Gobaleedyada iyo dowladda rabitaankeeda aysan isu dhawayn, sidoo kalane aysan dhanka Dowladda ka suurta gelin rabitaanka Maamul Gobaleedyada in ay fuliso. Qodobada ugu wayn ee la isku haayo waa Sharciga doorashada iyo qoondada dhaqaalaha ee Maamul Gobaleedyada oo aysan bixin dowladda Soomaaliya bilooyinkii la soo dhaafay labadana waa lagama taabtaan Kheyrre iyo Farmaajo. Sidoo kale waxyaabaha la isku haayo waa madaxbanaanida doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland taasna aysan ka suurta geli karin Dowladda Soomaaliya. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Ciise oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkaas uu yahay waqti lumis dowladda Soomaaliyana aysan dhaqan gelin doonin waxyaabihii ka soo baxa shirka. Lama oga sida ay wax noqon doonaan balse ma muuqato rajo wayn oo laga qabo Shirkaas. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  6. Wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda Harriett Baldwin ayaa ugu baaqday saddexda xisbi qaran ee Somaliland inay muujiyaan isu tanaasulid lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo inay doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku qabsoomaan December 19, 2019. Wasiir Harriet, oo qoraal ka soo daba saartay su’aalo ku saabsan dimuqraadiyadda iyo xorriyatul qawlka Somaliland oo toddobaadkii hore lagu weydiiyay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa waxay tidhi “Kaalmada Ingiriiska waxay qayb muhiim ah ka qaadataa taageerada geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo ay ku jiraan horumarinta la xisaabtanka garsoorka iyo dhismaha amniga guud, xoojinta awooda farsmo ee guddiga doorashada iyo dhismaha isfahamka dawladda iyo saxaafadda oo loo marayo xeer saxaafadeed oo cusub.” Wasiir Harriet oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi “Hase yeeshee, waxa weli jira caqabado badan oo aanu wada hadal kala leenahay dawladda Somaliland. Tusaale Iyada oo uu weli jiro faquuqa dumarka iyo beelaha laga tirada badan yahay, sida oo kalena uu sii socdo xadhiga aan loo meeldayeyn ee lagu hayo warfidiyeenka. Waxa aanu sida oo kale walaac ka qabnaa in aan wax horumar ah laga samaynin u diyaargarowga doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee 2019 ka, oo ay ka mid tahay meel marinta sharciyadda doorashooyinka baarlamaanka.” Wasiirul dawlaha Ingiriisku waxay hadalkeeda ku soo gunaanaday “Waxa aanu ugu baaqnay saddexda xisbi siyaasadeed in ay muujiyaan in ay weli ku jiraan ballankii ahaa dimuqraadiyadaynta, isu tanaasulidda lagama maarmaanka ahna isu sameeyaan si geeddiga si dhab ah hore loogu sii wado, loona xaqiijiyo in doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda oo ah 12 ka December 2019.” Source Geeska Qaran News
  7. Even as federal forces were late last week deployed to contain ethnic violence in northern Ethiopia, there are reports of heated exchanges brewing between two regions in the country’s east. Source: Hiiraan Online
  8. WASHINGTON DC - 57 individuals and organizations were recognized on Friday during a ceremony at FBI Headquarters in Washington, D.C. where the Director’s Community Leadership Awards (DCLA) Source: Hiiraan Online
  9. (SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in sifo sharci-darro ah lagu xidhay guddoomiyiha garabka dhalinyarada Waddani ismarkaana dhibaato xooggan loo gaystay markii la soo qabanayay. Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sidoo kale waxa ka hadlay muranka doorashooyinka iyo tallaabadii xisbiyadda KULMIYE iyo UCID ku gaadheen heshiiska, dhacdadii ka dhacday gobolka Sanaag ee lagu dilay labada taliye, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland waxa lagu soo dhaweeyay Olusegun Obasanjo oo Dalka Nigeria Madaxweyne ka soo ahaa 1999 illaa 2007-dii. Olusegun Obasanjo ayaa Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa waxa ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan-Saylici iyo Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada. Siyaasigan oo caan ka ah Qaaradda Afrika isla-markaana lagu Xasuusto inuu Talada Dalka Nigeria oo uu muddo dheer gacanta ku hayey u wareejiyey si dimuqraadi ah, ayaa la sheegay inuu Somaliland ku yimid Casuumad uu ka helay Xukuumadda Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Madaxweynihii Hore Ee Dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland. Siyaasigan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo laba bilood gudahood ah Somaliland ku yimaadda booqasho, waxaana sidan oo kale booqasho ugu yimid Wasiirka Arrimaha dibedda Eriteria Source
  11. Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Ingiriiska ayaa cadaadis xoogan ku saareysa xukuumada Somaliland, sidii ay u qabsoomi lahaayen doorashooyinka golahayaasha wakiilada iyo deegaanka oo lagu wado inay qabsooman dhamaadka Sanadkan. Wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda ee UK Harriett Baldwin, ayaa ugu baaqday saddexda xisbi qaran ee Somaliland iney muujiyan isu tanaasulid lagama maarmaan ah si loo qabto doorashooyinka Somaliland. Wasiir Harriett oo arrintaas qoraal kasoo saartay ayaa waxay tiri “Kaalmada Ingiriiska waxay qayb muhiim ah ka qaadataa taageerada geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo ay ku jiraan horumarinta la xisaabtanka garsoorka iyo dhismaha amniga guud, xoojinta awooda farsmo ee guddiga doorashada iyo dhismaha isfahamka dawladda iyo saxaafadda oo loo marayo xeer saxaafadeed oo cusub” “Hase yeeshee, waxa weli jira caqabado badan oo aanu wada hadal kala leenahay dawladda Somaliland. Tusaale Iyada oo uu weli jiro faquuqa dumarka iyo beelaha laga tirada badan yahay, sida oo kalena uu sii socdo xadhiga aan loo meeldayeyn ee lagu hayo warfidiyeenka”. Waxayna intaa kusii dartay “Waxa aanu sida oo kale walaac ka qabnaa in aan wax horumar ah laga samaynin u diyaargarowga doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee 2019 ka, oo ay ka mid tahay meel marinta sharciyadda doorashooyinka baarlamaanka”. “Waxa aanu ugu baaqnay saddexda xisbi siyaasadeed in ay muujiyaan in ay weli ku jiraan ballankii ahaa dimuqraadiyadaynta, isu tanaasulidda lagama maarmaanka ahna isu sameeyaan si geeddiga si dhab ah hore loogu sii wado, loona xaqiijiyo in doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda oo ah 12 ka December 2019”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda Harriett Baldwin ayaa ugu baaqday saddexda xisbi qaran ee Somaliland inay muujiyaan isu tanaasulid lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo inay doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku qabsoomaan December 19, 2019. Wasiir Harriet, oo qoraal ka soo daba saartay su’aalo ku saabsan dimuqraadiyadda iyo xorriyatul qawlka Somaliland oo toddobaadkii hore lagu weydiiyay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa waxay tidhi “Kaalmada Ingiriiska waxay qayb muhiim ah ka qaadataa taageerada geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo ay ku jiraan horumarinta la xisaabtanka garsoorka iyo dhismaha amniga guud, xoojinta awooda farsmo ee guddiga doorashada iyo dhismaha isfahamka dawladda iyo saxaafadda oo loo marayo xeer saxaafadeed oo cusub.” Wasiir Harriet oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi “Hase yeeshee, waxa weli jira caqabado badan oo aanu wada hadal kala leenahay dawladda Somaliland. Tusaale Iyada oo uu weli jiro faquuqa dumarka iyo beelaha laga tirada badan yahay, sida oo kalena uu sii socdo xadhiga aan loo meeldayeyn ee lagu hayo warfidiyeenka. Waxa aanu sida oo kale walaac ka qabnaa in aan wax horumar ah laga samaynin u diyaargarowga doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee 2019 ka, oo ay ka mid tahay meel marinta sharciyadda doorashooyinka baarlamaanka.” Wasiirul dawlaha Ingiriisku waxay hadalkeeda ku soo gunaanaday “Waxa aanu ugu baaqnay saddexda xisbi siyaasadeed in ay muujiyaan in ay weli ku jiraan ballankii ahaa dimuqraadiyadaynta, isu tanaasulidda lagama maarmaanka ahna isu sameeyaan si geeddiga si dhab ah hore loogu sii wado, loona xaqiijiyo in doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda oo ah 12 ka December 2019.” Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha UCID ayaa nasiib-darro ku tilmaamay xaaladda degdega ah ee madaxweyne Biixi, ku soo rogay degmooyinka Ceerigaabo, Gar-adag iyo Ceel-Afweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaanu ku taliyey in laga feejignaado wax kasta oo fidno abuuri kara. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya bisha ramadaan yidhi “Bishan Ramadaan waa bisha ugu fadliga badan 12 bilood ee sannadkii, waa bishii khayrka ugu badan la shaqeeysanayey, waa bishii sadaqada, waa bishii uu ku jiray habeenka ugu khayrka badan, ciddii uu ALLE ka aqbalo, ALLE ha inaga dhigo kuwii ka aqbalo, markaas waxaan ALLE inooga baryayaa inuu bogeena burcad isku mariyo, oo roobabkaas aynu rajaynaynay ee teel-teelka u da’y ha inooga dhigo roob khayrkiisa iyo nimcadiisa wata, dadka wax haysatana waxaan kula talinayaa inay wax bixinta iyo sadaqada la baxaan, oo dadka masaakiinta ah ay wax siiyaan, ALLENA ha inoo naxariisto”. Mar uu Xukuumadda u diraayey talooyin ku waajahan Siyaasadda Arrimaha Guddaha ayaa yidhi “Dalkeena tacab baynu galinay, oo heerka aynu maanta marayno, dadaal iyo wada jir baynu ku soo gaadhnay, markii aynu dib ula soo noqonay xoriyadii inaga luntay, heerka aynu maraynay, iyo heerka aynu maanta marayno wax isku dhaw iyo wax la is barbar dhigi karo maaha, ee halkii aynu maanta hore ugu socon lahayn, maaha inaynu dib u socod bilawno, ee waxaa la inooga baahan yahay inaynu amaankeena iyo xasiloonideena ilaashano, waxaa la inooga baahan yahay in qof kastaaba halkiisa ka ilaaliyo amaanka, waxaa la inooga baahan yahay in wax kasta oo qofku arko, oo khatar ku ah amaanka inuu Dawladda iyo Ciidanka la soo socodsiiyo, waxaa la inooga baahan yahay inaynu ixtiraam siino Ciidamadeena kala duwan ee dalka difaacaya, ee hadh iyo habeenba heeganka inoogu jira, Dawladdana waxaa looga baahan yahay inay gacan bir ah wax kaga qabato cid kasta oo fidno, amaan daro iyo colaad abuuraysa, Dawladda waxaa looga baahan yahay inay ka hor tagto khatar kasta oo la doonayo in masiirka dalka iyo dadkaba wax lagu yeelo,waxaa dhab ah inay Dawladdu mar walba diyaar u tahay inay sugto amaanka dalka iyo dadkaba,oo marnaba raali ka noqon mayso in amaanka wax yeelo soo gaadho, oo waan ku hambayeynayaa hawlgalka ay ku soo qabatay raggii Labada Sarkaal dilay”. Mar uu ka hadlaayey Siyaasadda Arrimaha Dibadda ayaa yidhi “Marka hore Calankeenu waa Tawxiidka, Tawxiidka ALLENA waligi idhici maayno, mar haddii calankeenu uu Tawxiid yahayna, cid kasta oo ku fikirta inuu calankeenu dhaca, waa cid iska hadashay, markaas Beesha Caalamka waxaynu nahay iyo waxaynu qabsanay wey ka war qabaan, weyna ka dharagsan yihiin,Beesha Caalamku si buuxda ayey uga war hayaan inaynu nahay dal madax banaan, oo iskii u taagan, oo waliba Somaliya uga horeeyey Calanka, Xukuumaddihii dalka u kala dambeeyeyna midiba heer bay soo gaadhsiiyey qadiyada dalka, iyo xidhiidhka aynu Caalamka ka leenahay, Xukuumaddana ilaa hadda si fiican ayey u wadda Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka aynu la leenahay Caalamka, ee waxaa looga baahan yahay Xukuumadda inay dadaal aad u xoogan galiso qadiyada aqoonsi raadinta Somaliland, waana inay cid kasta oo wax inagaga xidhan yihiin xidhiidh la sameeysaa, dabcan Somaliya oo aynu kala ahayn laba oo maantana kala nahay weynu kala soconay, ee waa inaynu Caalamka u soo bandhignaa jiritankeena dawladnimo,dalnimo iyo dadnimo, ilaa haddana waxaa dhab ah waxaynu qabsanay in aanay qabsan dalal badan oo haysta aqoonsi buuxa, markaas aqoonsigaas inaga dhiman ee Caalamka inagaga xidhana weynu heli doonaa insha allaah”. Source
  15. Radio Shabelle, a leading independent local FM station, is celebrating its 17th anniversary of existence on Sunday to mark the day when the Radio first came to air on 6th May 2002 in Merca, the capital of Somalia’s southern Lower Shabelle region. The anniversary was due to commemorate May 6, but, held one day prior to its time due the Muslim Holy Month of Ramadan, which is expected to begin Monday. During the past 17 years, it has been feeding both local and international communities with information about the wars, droughts, economy, environment, education and daily events in the Horn of Africa country that has been without effective central institutions since 1991 when warlords overthrew former dictator Mohammed Siad Barre. The director of the station, Abukar Mohamud has congratulated the whole staff members and the audience at large on the occasion and wished Allah’s mercy on those who lost their lives while in the line of duty. Mohamed said Radio Shabelle was launched to cater the much-needed information to the listeners in Somalia and give the Somali people a comprehensive picture of the political, cultural and economic state of their country, letting them have the opportunity to express their freedom of speech on the important social and political issues in their country. Villa Somalia, the country’s presidential palace, political parties and members of the public sent a cable of congratulations to the President of the Radio on the anniversary. Shabelle Media Network [SMN] and its website, Shabelle.net will be remembered for the tangible role it took in covering the severe droughts in southern Somalia in 2005. The radio, now based in Mogadishu, the Somali capital, who have long been known with the radio drama QOMAMO (Remorse) that reached out thousands of young militias in the country. The radio drama exposed the ugliness of being an armed militiaman and used by warlords who cared about nobody but themselves and their wealth. Hundreds of armed men repented, laid down their arms and joined the rest their average people because of Shabelle radio play that touched the real lives of armed militias in Somalia. Shabelle FM expands to all over the world as people are now able to listen to the news and programs through live stream. Shabelle Media Network Mogadishu, 6th May 2019. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) –Miino dhulka lagu aasay ayaa qabsatay gaari ay dad Shacab ah saarnaayeen oo marayey duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose. Sida ay Caasimadda Online warka ku heshay Gaarigaan la qarxiyey ayaa waxaa saarnaa dad shacab ah oo kasoo raacay deegaanka Cabdow dibile ee duleedka degmada Afgooye. Gaarigaan ayaa wuxuu kusoo jeediyey Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, wuxuuna ahaa nooca ay soomaalida u tahay Hoomey ama Caaasi. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inuu qaraxaas ka dhashay khasaaro xoog leh oo soo gaaray dadkii Shacabka ahaa ee saarnaa inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dadkii saarnaa gaarigaas oo la sheegay inuu intiisa badan gubtay. Qaraxyada miinada lagu aaso ayaa marar badan waxaa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose, iyadoona khasaaraha ugu badan uu soo gaaro dadka shacabka ah. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdsiho (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaalaha iyo maamulka sare ee Shabelle oo maanta xusaya sanad guurada 17-aad ee ka soo wareegtay aas aaska Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Shabelle ay tahay Hormuudka Warbaahinta dalka, maadama dhidibadda loo muday iyadoo aysan jirin Warbaahin badan. Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kula dardaarmay maamulka Shabelle in ay sii wadaan dadaalka ay kor ugu qaadayaan wacyiga bulshada Soomaaliyeed. Shabelle intii ay jirtay waxaa ay soo martay marxalado kala duwan, daruufo aad u qalafsan oo xittaa la’isku dayay in lagu aamusiyo, balse himiladaasi aysan suurtagalin. View the full article
  18. Africa's first standard-gauge electrified railroad began operating in January 2018. The Ethiopia-Djibouti Railway Line stretches 752 kilometers, from the Ethiopian capital Addis Ababa to the Red Sea port of Djibouti. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (SMN) – Waxaan hambalyo ku aaddan sannad guurada 17aad ee aasaadka Radio Shabelle u dirayaa dhammaan maamulka iyo shaqaalaha idaacadda oo muddadaas kusoo shaqeeyay duruufo adag. Muddada ay shaqeynaysay Idaacaddan waxaa iyaga oo shaqo maalmeedkooda ku guda jira la dilay 14 kamid ah shaqaalaha oo ay 3 kamid ah ahaayeen agaasimeyaal. Eebe ha u naxariisto dhammaantood. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an adkaynta xuquuqda Dastuuriga ah ee xorriyadda hadalka, waxayna diyaar ula tahay in ay bahda warbaahinta kala shaqe eyso sidii loo ilaalin lahaa bad-qabka wariyeyaasha, caddaaladdana loo horgeyn lahaa kuwa ku xadgudba. W/Q:-Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed. View the full article