Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,176
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Caracas (Caasimadda Online) – Diyaarad ah nuuca qumaatiga ku kaca oo ay leeyihiin Ciidanka militari-ga dalka Venezuela ayaa bur-burtay waxaana ku dhintay Todobo qof oo saarnaa, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca. Diyaaradda ayaa ka duushay Magaaladda Caasimadda ah ee Caracas waxayna u socotay Caojedes ee Bartamaha dalka ku yaala balse wax yar uun ka dib markii ay duushay ayey ku dhacday meel aan sidaas uga fogeyn caasimadda. Waxaa billowday baaritaan lagu ogaanayo waxa shilka sababay. Madaxweyne Nocolas Maduru oo ku suganaa gobolka ay diyaaraddu usocotay ayaa daawanayay dhoolotus is xigxigay oo ciidanku ay dhigayeen, qudbad uu Tilifeshinka ka jeediyay ayuu ku sheegay in Ciidanka Venezuela ay muujinayaan sida ay diyaar ugu yihiin in ay ka hortagaan gardaradda Mareeykanka. Dadka dhacdadaan ku dhintay ayaa isugu jira Laba Janaraalo, Laba kabtan, Seddex Korneyl, Seddex Xidiglayaal iyo Askar kale. Caasimada Online Xafiiska Caracas Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-050519.mp3 View the full article
  3. A police reservist was injured on Saturday night when suspected Al-Shabaab militants raided Hareri Hosle village in Mandera. Source: Hiiraan Online
  4. Shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland. Shirkan waxaa furay madaxweynaha dowladda federaalka ah, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, waxaana ka qeybgalaya ra’iisul wasaare Xasan Cali iyo dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira. Waxaa shirkan inta uu socdo looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka, Dastuurka, ammaanka iyo sidoo kale cadaaladda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. The European Union (EU) plans to hold a major regional economic conference for eastern African countries to foster peace and promote sustainable development in the region, an EU diplomat said Saturday. Fulgencio Garrido Ruiz, the EU charge d’affaires to Somalia, said the conference, organized jointly with the World Bank and the Ethiopian government, will be held in July in Addis Ababa, the Ethiopian capital. “The focus will be to address regional infrastructure in the energy and transport sectors; trade, including the development of the financing sector, value chains, and the regulatory environment; and human capital development through the improvement of education and skills,” Ruiz said in Mogadishu during celebrations marking Europe Day. Ruiz said the planned conference comes amid good progress in relations between Ethiopia, Eritrea, and Somalia, paving way for even greater cooperation. The thawing of relations among Somalia, Ethiopia, and Eritrea has seen the restoration of diplomatic relations with Ethiopia and Eritrea re-opening embassies in each other’s capitals. Ruiz said the historic agreement between Ethiopia and Eritrea, and the tripartite bringing both countries together with Somalia offer unprecedented opportunities and open a pathway to a new era of cooperation. “Transforming the region will not only require political commitment and leadership but also sound economic strategies to keep pace with the expectations of the people of the region,” he said. View the full article
  6. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Goordhow Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ka furay shirka Wadatashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowladda Federaalka,kuwa maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir,waxaana hoolka ku sugan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Madaxweynaha Jubbaland,Madaxweynaha Hirshabeelle,Madaxweynaha Koonfur Galbeed,Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Puntland oo Madaxda isugu yeeray Shirakn. Wararka ayaa sheegaya in shirka looga hadlayo qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, Amniga, qeybsiga kheyraadka, doorashada 2020/2021, iyo nooca ay noqon doonto, Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in jadwalka loogu tala galay kulanka uu yahay maanta illaa caawa, balse laga yaabo inuu dheeraado, marka loo eego qodobada xasaasiga ah ee la isku haayo. Arrimaha sida gaarka ah shirkan looga hadlayo waxaa ka mid ah arrimaha Dastuurka, gaar ahaan qodobada u baahan xal siyaasadeed, wadashaqaynta dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada iyo u diyaar garowga doorashooyinka guud ee dalka. Hoos ka akhriso qodobada shirkaan oo dhameystiran 1- In heshiis laga gaaro Qodobka 51aad ee dastuurka oo ka hadlayo Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qodobkaan oo ay soo hoos galayaan inta badan waxyaabaha la isku maandhaafsan yahay sida; Siyaasadda: Waxaa laga hadli doonnaa cidda xaqa u leh jaangoynta nuuca doorasho ee dalka ka dhaceyso, doorshooyinka maamullada yo dhismaha maamullada dowladaha hoose. Kheyraad-Qeybsiga: Qodobada miiska saran ee ugu kulul ayaa sidoo kale waxaa kamid ah shuruucda kheyraad qeybsiga oo ay xukuumaddu gacanta ku heyso. Iminka ma jirto wax kheyraad ah oo la qeybsan doono, balse hergelinta shuruucdaas ayaa ah waxa laga wad hadli doono. 2- Abaaraha dalka ka jira: Sida ay sheegayaan odoros ay sameeyeen hay’adaha QM, waxaa cabsi laga qabaa in abaar daran ay ku dhufato inta badan gobollada dalka. Madaxda ayaa la filayaa in qodobkan uu u noqdo mid kamid ah wax yaabaha ay ka hadlayaan.
  7. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor-dhow Magaalada Garoowe ka furay shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka,Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Shirkan waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ,Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Ugu horreyn guddoomiye Yariisow ayaa shaqaalaha iyo maamulka sare ee Shabelle la wadaagay hambalyada sanad guurada 17-aad ee aas-aaskeeda. Eng. Yariisow ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in marxalado adag oo uu dalka soo maray iyo kuwa gaar u ah Idaacadda Shabelle ay ku soo shaqeysay. Shabelle oo haatan 17 jir satay ayaa ku tallaabsatay muddadii ay jirtay hormaro kala duwan oo dhanka Warbaahinta ah, waxaana dhawaan si toos ah hawada u soo gali doona TV-ga Shabelle oo laga daawan doono dunida dacaladeeda. View the full article
  9. Miraa transport vehicles along the Nyeri-Nanyuki highway on September 8, 2017. The story of how Mr Adan built his empire from a small miraa business [...] Source
  10. Buurdhuube (Caasimadda Online) – Sida ay wararka ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, kooxo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa afduubtay Mas’uul sare oo ka tirsan Maamulka Jubbaland. Mas’uulka la afduubtay ayaa wuxuu ahaa Madaxii Wasaarada Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee u qaabilsanaa Gobalka Gedo. Marka ay kooxda Afduubanayeen Mas’uulkaan ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ku mashquulsanaa diyaarinta imtixaanka Dugsiyada Sare ee wasaaradda Waxbarashada Maamulka Jubbaland. Mas’uulkaan la afduubtay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Maxamed Ibraahim, wuxuuna ka yimid Buurdhuube oo ka tirsan Gobolka Gedo. Kooxda Al-Shabaab ayaa Maxamed kala dagay gaari uu saarnaa, Weli illaa hadda si rasmi ah looma ogo halka ay AL-Shabaab geeyeen Mas’uulkaan la afduubtay. Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo iyo saraakiisha Ciidamada weli kama hadlin afduubka Madaxii Wasaarada Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee u qaabilsanaa Gobolka Gedo. Sidoo kale Kooxda Al-Shabaab kama aysan hadlin afduubka loo geystay Madaxii waxbarashada Maamulka Jubbaland ee Gobolka Gedo. Wararka ugu dambeeyo ee soo gaarayo Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu socdo wadahadal lagu doonayo inay Al-Shabaab kusoo daayaan Mas’uulkaan iyadoo loo marayo odayaal ay isku beel yihiin oo ka tirsan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Buurdhuube Caasimada@live.com
  11. Shirka wada-tashiga ee madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dawladdaha xubanaha ka ah Federaalka ayaa daqiiqado ka hor ka furay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe. Shirka waxaa furay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qayb ka ahaa, Ra’iisul Wasaare Kheyre, madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo duqa Muqdisho. Shirkan oo ay martigelisey Puntland ayaa gundhigiisu yahay wadatashiga dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah. PUNTLAND POST The post Shirkii Garowe oo furmay appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdishop (SMN) – Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Wadajir Mudane Shadoor Xaaji Maxamuud ayaa sanad guurada 17-aad ugu hambalyeeyay Radio Shabelle . Shadoor ayaa tilmaamay in Shabakadda Warbaahinta Shabelle ay door muuqdo ku leedahay bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu xusay in muddadii ay jirtay ay la soo kulantay dhibaatooyin xoogan oo ay ka mid tahay tacadiyo iyo dilal loo geystay qaar ka mid ah shaqaalaheeda. Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay la wadaagaan shaqaalaha iyo maamulka Shabelle dabaal daga maalinta aas aaska ee 6 May. Siyaasiga Shadoor Xaaji Maxamuud ayaa horay uga mid ahaa howlwadeenadii soo maray Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho. View the full article
  13. Shirka Wada-tashiga Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladdaha Xubanaha ka ah DFS ayaa hadda ka Furay qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland. Shirka waxaa Furay Madaxweynaha Dowladda Federaalka [...] Source
  14. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka horumarinta maalgashiga ee Somaliland Maxamed Cawad ayaa markii u horeysay soo jeediyey in dalka Sweden ay kaalin muhiim ah ka qaadan karto dhex-dhexaadinta wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Wasiir Cawad oo muddooyinkii u dambeeyey hawlo shaqo ku marayey qaar ka mid ah dalalka yurub ayaa ka dhawaajiyey in Sweden ay waayo-aragnimo fiican u leedahay hawlaha dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ah. Cawad oo wareysi siiyey idaacadda dawladda ee Sweden ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay kaalinta dhex-dhexaadnimo ee Sweden ay isugu keentay dawladda Yemen iyo ururka Xuutiyiinta ee uu dagaalku ka dhexeeyo, isagoona tilmaamay in dalka Sweden uu sidaas oo kale gacan uga geysan karo dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Somaliland. Warar kale oo aanu helayno ayaa sheegaya in Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden ay ogashahay oo ay diyaar u tahay inay dhex-dhexaadiso Somaliland iyo Soomaaliya, haddii ay midaas si wada jira u rabaan dowladda Soomaaliya iyo Somaliland. Dhinaca kale, Anderes Osterberg oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Sweden oo ka hadlay soo jeedinta Wasiir Cawad ayaa isaguna sheegay in loo baahanyahay go’aan ay arrintan ku aqbalaan labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  15. Jilib (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo iyo dagaal toos ah oo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Jubada Dhexe oo ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa waxaa ay sheegeen duqeyn dhinaca cirka ah lala beegsaday Gari uu la socday Sarkaal Amniyaatka Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir oo lagu Magacaabo Khaalid Abuukar Xasan. Sidoo kale weerar labaad ayaa waxaa ay sheegene in lala beegsaday Saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin meel u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,isla markaana lagu dilay 16 qof oo isugu jira Saraakiil iyo ilaaladooda. Lama oga khasaaraha weerarada ku gaaray Ciidamadii isbaheysanayay, iyadoo markii dambe ay dib uga soo gurteen goobaha howlgalada ay ka fuliyeen. Ma jirto wali wax war ah oo Mareykanka uu ka soo saaray weerarka oo la rumeysan yahay in diyaaradahooda ay fuliyeen, iyadoo Shabaabna aysan ka hadal waxa ka jira wararka sheegaya in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay howlgalka xalay. Si kastaba, Mareykanka ayaa sanadkan kaliya ilaa iyo 35 weerar ka geystay dalka, kuwaasoo Saraakiishooda ay sheegeen iney ku dileen inkabadan 300 oo Shabaab ah, waxaana weerarada ay u badnaayeen kuwo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha leheyn ee Droness-ka. Dhinaca kale dagaal culus ayaa duleedka degmada Bu’aale waxa uu ku dhexmaray ciidamada huwanta iyo kuwa Al-Shabaab,waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalkaas, iyada oo lagu soo waramayaa in Al-Shabaab ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan. Al-Shabaab weli dhankooda wax war ah kama soo saarin weerarka xalay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, iyada oo weerarada noocaas oo kale ah ay inta badan ay fuliyaan Ciidamada Mareykanka eek u sugan Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Jilib Caasimada@live.com
  16. Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa maanta booqasho ku tagaya magaalada Hargeisa, Obasanjo waxaa uu madax ka yahay hey’ad fadhigeedu yahay Koonfur Afrika ee Brenthurst Foundation. Brenthurst Foundation ayaa war ay soo saartey ku sheegtay in Obasanjo tagayo Hargeisa kadib markii ay codsi ka heleen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, isaga oo halkaasi kula kulmi-doona saraakiil kala duwan. Madaxweyne Olusegun Obasanjo waxaa kale uu booqasho ku iman-doonaa magaalada Muqdisho, isaga oo u kuur-geli-doonna inuu is-dul istaago xaqiiqooyin kala duwan. Brenthurst Foundation waxaa ay isku sheegtay hey’ad ka shqeysa horumarinta dhaqaalaha Afrika, waxaa ayna la shaqeyneysay dalalka Afrikaanka ilaa 2004-tii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Dhageyso wasiirka wasaaradda amniga maamulka Jubaland oo sheegay in inciidanka looga baahan yahay in shaqada ay hayaan ay laba jibaaraaninta inta lagu gudajiro bisha barakeysan ee Ramadaan lana dagaalamaan wax waliba oo amni darro ah. sidoo kale wasiirka ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay la dagaalaman dadka mehrada fura bisha Ramadaan ee cuntada lagu sameeyo dhamaan ciidankana looga baahan yahay in ay soomaan aanan la arag askari afuran lana ilaaliyo in bisha amniga. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/Wasiirka-Amniga-Jubbaland-oo-ciidanka-Booliiska-kula-dardaarmay-adkeynta-amniga.mp3 Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Kulan Maxamed C/raxmaan Cali Siiriin ayaa Walaac baddan ka muujiyay Sharciga Doorashooyinka ee ay dhowaan ansixiyeen Golaha Wasiiradda Soomaaliya. Siiriin ayaa yiri “Waa Talaabbo aan dhiirogalineeyno Sharciga Doorashooyinka inna la sameeyo iyo sharciga nidaamka axsaabta badan Lakiinse Arrimaha Masiiriga ah waa inna laga yeesho Talo loo dhan yahay ee inta ee quseeyso taladda laga qeybgaliyo” Guddoomiye Maxamed Siiriin, waxa uu sidoo kale soo dhaweyay shirka Madaxda Soomaaliyeed kaga furmay Garoowe, isaga oo yiri “Waxaa bogaadineeynaa Dhamaan dadaalada Maamul gobolleedyada iyo Dowladda Federaalka ugu jiraan Xal u helidda arrimaha quseeyo Doorashooyinka, iyo Dastuurka waxaana ku baaqaynaa Wada-hadaladda Madaxda Soomaaliyeed inay noqdaan kuwa joogta a” Siiriin ayaa sidaas kale waxa uu mahad celiyey Beesha Caalamka ee Somalia la garab taagan dib-u udhiska dowladnimadda Somalia. Ugu Danbeyn Mudane Maxamed Siiriin ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed innay is-cafiyaan iyo Inaan Allah subxaana watacaala aan u laabanno Bisha Barakeysan ee Ramadan, wuxuu ku dhiragalina Shacabka Soomaaliyeed innay afuriyaan Walaalahooda danyarta ah ee aan awooddin afurka bisha Ramadan.
  19. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa dalka Sweden u ka qayb qaato dhexdhexaadinta wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, oo dhowr sano hakad ku jiray. Wasiirka horumarinta maalgashiga ee Somaliland mudane Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) oo muddooyinkii u dambeeyey hawlo shaqo ku marayey qaar ka mid ah dalalka yurub ayaa sheegay in dalka Sweden ay uu kaalin muhiim ah ka qaadan karo dhexdhexaadinta wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiir Cawad oo la hadlay idaacadda dawladda ee dalkaas ayaa sheegay in dalka Sweden uu waayo-aragnimo fiican u leeyahay hawlaha dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ah, waxa aanu tusaale u soo qaatay kaalinta dhexdhexaadnimo ee uu dalkaasi isugu keenay dawladda Yemen iyo ururka Xuutiyiinta ee uu dagaalku ka dhexeeyo. Waxa aanu tilmaamay in dalka Sweden uu sidaas oo kale gacan uga geysan karo dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya. Dhinaca kalana weriye Muuna Ismaaciil Jaamac oo ka tirsan idaacadda Sweden ayaa mar ay isla arrintan kala xidhiidhay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sweden waxa ay ogaatay in dalkaasi uu diyaar u yahay in uu dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya, haddii ay sidaas Somaliland iyo Soomaaliya wadajir u doonayaan. Sida oo kale Anderes Osterberg oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Sweden oo isagana ay idaacaddu wax ka weydiisay soo jeedinta CAWAD ayaa sheegay in Sweden ay diyaar tahay, balse ay keliya u baahan tahay go’aan ay labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya arrintan ku aqbalaan. Weriyuhu waa uu sheegay in uu isku dayey in uu dawladda Soomaaliya arrintan kala xidhiidho laakiin aanay u suurtagelin. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Prof. Samatar Oo Si Adag Uga Hadlay Qadiyada Labada Sarkaal Ee Lagu Khaarajiyey Gobolka Sanaag, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Turkiga ayaa joojisay munaasabad jaaliyadda Somaliland ku qabsan lahaayeen magaalada Ankara oo ahayd xuska 18 may. People wave flags as soldiers and other military personnel of Somalia’s breakaway territory of Somaliland march past during an Independence day celebration parade in the capital, Hargeisa on May 18, 2016. / AFP / MOHAMED ABDIWAHAB (Photo credit should read MOHAMED ABDIWAHAB/AFP/Getty Images) Sababta ayaa lagu sheegay kadib markii safaaradda Soomaaliya ee Turkigu codsatay in la joojiyo Dabaal degga 18 May. Lama ogo in Turkigu joojin doono munaaaabad kale oo jaaliyadda Somaliland ku qaban doono magaalada Istanbuul oo 18 may lagu xusayo. Turkiga ayaa hadda gadh wadeen ka ah wadahadalada gaabiska ku jira ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Xukuumadda Somaliland wali kama hadal tallaabadan ay qaaday dawladda Turkigu Source
  22. Dallada ay ku midaysanyihin Ururada aan dowliga ahayn ee Puntland ee (PUNSAA) ayaa baaq iyo Talo u soo jeediyey Madaxda dalka ee Garowe shirku ugu [...] Source
  23. (SLT-Iran)-Maxkamada dalka Iran ayaa xabsi ku xukuntay Hossein Fereydoun oo la dhashay Madaxweynaha xilka haya ee Hassan Rouhani. Maxkamada ayaan faah faahin danbiyada lagu soo eedeeyey Hossein Fereydoun oo kamid ah Lataliyayaasha sare ee Madaxweynaha, kiiskan ayey taageerayaasha Madaxweynaha ku tilmaameen mid siyaasadeysan oo la doonayo in lagu dhaawaco Madaxweyne Rouhani. Sanadkii 2017 ayaa mar la xiray Hossein Fereydoun oo lagu soo eedeeyey danbiyo la xariira musuq maasuq iyo lunsasho hanti Qaran, waxaana xiligaasi lagu siidaayey damiin, bishii Feberaayo ee sanadkan ayaa la bilaabay Maxkamadeyntiisa, walow aan warbaahinta loo soo bandhigin nuxurka kiiskan oo aan xog badan laga hayn. Hossein Fereydoun ayaa isagu sheegay inuu kasoo horjeedo xukunkan lagu riday isagoo sheegay inuu racfaan ka qaadan doono. Kiiskan ayaa la rumeysan yahay inay ka danbeeyaan hogaamiyayaasha xagjirka Iran oo doonaya inay ku ceebeeyaan arrintan Madaxweyne Hassan Rouhani oo kamid ah siyaasiyiinta qunyar socodka ah ee wadankaasi. Ninkan Hossein Fereydoun ayaa kamid ahaa kooxdii kasoo shaqeysay Heshiiskii lagu joojiyey Barnaamijka Nukliyeerka Iran oo ay sanadkii 2015 wada saxiixeen Beesha Caalamka iyo xukuumada Rouhani, heshiiskaasi oo ay si weyn uga soo horjeedeen xagjirka Iran ayaa waxaa markii danbe laalay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Source
  24. Garowe (Caasimada Online)-Waxaa socota qaban qaabadii ugu dambeysay shirka magaalada Garowe kaga furmayo madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka. Shirkaasi ayaa ah midkii ugu adkaa oo ay yeeshaan dhinacyada ku shiraya maanta magaalada Garowe, waxaana looga hadlayaa amaanka, dhaqaalaha, siyaasadda, qeybsiga Kheyraadka, deeqaha caalamka iyo arinta ugu daran oo ah doorashooyinka. Waxaa la filayaa in shirka uu gelinka dambe ee maanta uu ka furmo magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana socda diyaar garow iyo shirar gaar gaar ah oo ay yeelanayaan madaxda ku sugan magaalada Garowe. Ra’iisul wasaare kheyre ayaa magaalada Garowe kula shiray madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, isaga oo ka doonayo inay taageero kaga helaan shirka xasaasiga ah ee ka dhacaya magaalada Garowe. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Yariisow ayaa la sheegay dhankiisa inuu ku sugan magaalada Garowe, islamarkaana uu ka qeyb galayo shirka ka dhacaya magaaladaasi. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa socday qaban qaabada shirka, waxaana uu shirkaan baaqday labadii iyo Afartii Bishaan, iyadoo maanta gelinka dambe la filayo in shirka uu furmo. Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo badan la geeyay hareeraha magaalada. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  25. (SLT-Hakari)-Afar askari ayaa la dilay, 2 kalena waa la dhaawacay, kadib markii Ciiddanka Turkiga iyo Maleeshiyadda Kurdishka ee YPG uu dagaal ku dhex maray DegmaddaTel Rifaat ee Waqooyiga Suuriya iyo weerar Hoobiyayaal lala beeegsaday saldhig ay Millateriga ku leeyihiin Gobalka Hakari ee K/bari ee Turkiga. Askarta la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Sarkaal ay darajadiisu ahayd Gaashaanle, halka Sarkaal kale oo Gaashaanle Sare ahaa uu si xun ugu dhaawacmay weerarkaasi. Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayaa lagu xaqiijiyey khasaaraha soo gaaray Ciiddankooda, balse waxay sheegtay inay qadaeen weerar aar-goosi ah, kuna dileen 28 ka tirsan Maleeshiyadda YPG iyo kuwa PKK. Source