-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somalia, Russia agree to strengthen the bilateral relations
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somalia’s Foreign Affairs and International Cooperation Minister, Ambassador Ahmed Isse Awad met his Russian counterpart, Sergey Lavrov in Moscow on Monday. The two discussed ways to strengthen the bilateral relations between the two former communist allies. “I met with Foreign Minister, Sergey Lavrov in Moscow ahead of the 5th Russian-Arab Coop Forum,” Ambassador Awad tweeted, adding “Discussed strengthening relations between Russia and Somalia, and prospects for new partnership fronts.” Mogadishu and Moscow shared strong diplomatic relations rejuvenated by military cooperation before the break out of the civil war in the early 1990s. Russia had a military base in the port city of Berbera before fall out with Siyad Barre regime. Somali Foreign Minister, Ahmed Awad is among Arab leaders attending the fifth Russian-Arab Cooperation Forum scheduled on Tuesday. Discussions will cover a range of issues, including the conflicts in Syria and Libya, but will mostly focus on Israel-Palestine developments. The focus on Israel is likely a deliberate strategy by Moscow to drive a wedge between the Arab League and the US after Washington’s decision to recognize Jerusalem and the Golan Heights as Israeli territory was met with strong condemnation. View the full article -
Tartan adag oo soo wajahay madaxwayne Trump doorashada soo socota Bill Weld Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu wajahayaa tartan adag oo kaga imanaya gudaha xisbigiisa ka hor doorashada soo socota. Barasaabkii hore ee gobolka Massachusetts Bill Weld ayaa noday musharaxii ugu horeeyay ee ka socda xisbiga Jamhuuriga oo shaaciyay in uu Mr Trump kula tartami doodoono doorashada 2020. Mr Weld, oo ay da’diisu tahay 73 jir ayaa soo saaray muuqaal uu ku soo bandhigayo ololahiisa islamarkana uu ku sharaxayo sida uu uga aragti duwan yahay Mr Trump. Balse Mr Weld, waxa uu wajahayaa caqabad ah sidii uu sare ugu qaadi lahaa muuqaalka iyo sumacadda xisbiga Jamhuuriga oo uu la dagay Mr Trump. Mr Weld ayaa ahaa Barasaabkii gobolka Massachusetts sanadihii 1991-97. Waxa uu sidoo kale ka soo shaqeeyay waaxda garsoorka xilligii dowladdii madaxwayne Ronald Reagan. “Waxa aan xaqiiqadii rumaysnahay haddii 6 sano oo kale aan ku sii jirno qaska ka taagan aqalka cad waxa ay noqon doonto labada sano ee soo socta musiibo siyaasadeed,” waxa uu sidaasi u sheegay telefishinka CNN. “Waxa ay igu noqonaysaa ceeb haddii aanan gacanta taagin oo aan tartamin.”ayuu intaa ku daray. Barasaabkii hore ee Florida Jeb Bush, oo isagu uu Mr Trump kaga adkaaday is-reebreebkii xisbiga Jamhuuriga 2016 ayaa ku baaqayay in xisbiga Jamhuuriga ay meesha ka saaraan madaxwayne Trump doorashada soo socota. Barasaabkii hore ee Ohio John Kasich iyo barasaaabka Maryland Larry Hogan ayaa iyaguna la hadal hayay muddooyiinkii ugu dambeeyay in yihiin shaqsiyaad xisbiga kula tartami kara Mr Trump. Sanadka soo socda ayay xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqradiga waxa ay soo xuli doonaan ciddii uga qaybgali lahayd doorashada madaxwaynanimada 2020. Qaran News
-
The US military confirmed Monday that it had killed the second-ranking Islamic State leader in Somalia in an air strike. US Africa Command said that Abdulhakim Dhuqub was killed Sunday in the strike vicinity of Xiriiro in the Bari region. In the current assessment, the US military said the strike killed only Dhuqub and destroyed one vehicle. “Dhuqub was responsible for the daily operations of the extremist group, attack planning, and resource procurement,” Africom said in a statement. The Islamic State group has a relatively small presence in Somalia, where Al-Shabaab fighters are more powerful and aligned with Al-Qaeda. “We continue to work with our Somali partners to keep the pressure on the Al-Shabaab and ISIS-Somalia terror networks,” said Africom director of operations Marine Corps Major General Gregg Olson. “When it supports the strategy, we use precision air strikes to target those who plan and carry out the violent extremist activities that put Somalis at risk.” In late 2018, the US military estimated that there were between 75 and 250 Islamic State fighters in Somalia, compared to 3,000 to 7,000 Shabaab fighters. View the full article
-
(SLT-King Willaims)-Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in xalay koox budhcad ah ku dishay magaalada King Willaims Ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Cumar. Sidoo kale kooxda budhcad ah ayaa la sheegay inay qaateen lacag u taalay Goobtiisa Ganacsi, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday. Dhinaca kale Budhcad Koonfur afrikan ah ayaa weeraray goobo ganacsi ay Soomaali leedahay oo ku yaalla xaafada Mayfair Magaalada Johannesburg, waxaana ay dhaawaceen muwaadin soomaaliya oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Ismaaciil, iyaga oo sidoo kale boobay hantidii taallay goobhtiisa Ganacsi. Toddobaadyadii ugu danbeeyay dalka Koonfur Africa waxaa ka jiray culeys dhinaca Amniga ah oo soo waajahay soomaalida, isla markaana dukaanadooda la boobayey, waxaana xusid mudan in Habeen ka hor isla dalkaasi Koonfur Afrika lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Nuur Dheere. Source
-
(SLT-Washington)-Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu wajahayaa tartan adag oo kaga imanaya gudaha xisbigiisa ka hor doorashada soo socota. Badhasaabkii hore ee gobolka Massachusetts Bill Weld ayaa noday musharaxii ugu horeeyay ee ka socda xisbiga Jamhuuriga oo shaaciyay in uu Mr Trump kula tartami doono doorashada 2020. Mr Weld, oo ay da’diisu tahay 73 jir ayaa soo saaray muuqaal uu ku soo bandhigayo ololahiisa islamarkana uu ku sharaxayo sida uu uga aragti duwan yahay Mr Trump. Balse Mr Weld, waxa uu wajahayaa caqabad ah sidii uu sare ugu qaadi lahaa muuqaalka iyo sumacadda xisbiga Jamhuuriga oo uu la dagay Mr Trump. Mr Weld ayaa ahaa Badhasaabkii gobolka Massachusetts sanadihii 1991-97. Waxa uu sidoo kale ka soo shaqeeyay waaxda garsoorka xilligii dowladdii madaxwayne Ronald Reagan. “Waxa aan xaqiiqadii rumaysnahay haddii 6 sano oo kale aan ku sii jirno qaska ka taagan aqalka cad waxa ay noqon doonto labada sano ee soo socta musiibo siyaasadeed,” waxa uu sidaasi u sheegay telefishinka CNN. “Waxa ay igu noqonaysaa ceeb haddii aanan gacanta taagin oo aan tartamin.”ayuu intaa ku daray. Badhasaabkii hore ee Florida Jeb Bush, oo isagu uu Mr Trump kaga adkaaday is-reebreebkii xisbiga Jamhuuriga 2016 ayaa ku baaqayay in xisbiga Jamhuuriga ay meesha ka saaraan madaxwayne Trump doorashada soo socota. Badhasaabkii hore ee Ohio John Kasich iyo barasaaabka Maryland Larry Hogan ayaa iyaguna la hadal hayay muddooyiinkii ugu dambeeyay in yihiin shaqsiyaad xisbiga kula tartami kara Mr Trump. Sanadka soo socda ayay xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqradiga waxa ay soo xuli doonaan ciddii uga qaybgali lahayd doorashada madaxwaynanimada 2020. Source
-
Dadka ku nool deegaanka Xudun ee gobalka Sool oo kaashanaya wasaaradda deegaanka oo gacan ka helaya ciidama Milatariga Soomaaliland ayaa howlgal ka sameeyay deegaanno hoos taga dagmada Xudun, kaas oo lagu joojinayo jarista dhirta ee dhuxusha laga dhigo. Howgalkan ayaana laga sameeyay deegaanka Xudun iyo deegaano hoos yimaada, halkaas oo ay ku sugnaayeen dadka dhirta jara haddana dhuxusha u badala si ay lacago iyo ganacsi uga sameeyaan, 2 todobaad ayuu socday. Jaamac Xaaji Maxamuud Saalax iskuduwaha wasaaradda deegaanka waxa uu sheegay in baaq qeylo-dhaan ah uu uga timid odayaasha deegaanka, kadibna wasaaraddu deegaankaas ay ku baxday iyagoo gacan ka helaya ciidamada saldhigga sideedaad ee Milatariga. “ Waxaan ka wadnay deegaanka Xudun iyo deegaanada hoos yimaada ololaha la dagaalanka xaalufka dhirta labadii todobaad ee la soo dhaafay, annaga oo kaa shaneyna ciidamada Milatariga ee saldhigga sideedaad iyo duqowda deegaanka, Annaga oo isku duuban waxaan bilaawnay howlgal lagu joojinayo dadka deegaanka lagu saliday ama dhibaatada iyo xaalufka ku haya, waxaan soo aragnay goobo badan ay ku diyaarin jireen dhirta oo aan soo gubnay kana soo aasnay godadkii” Isuduwaha wasaaradda oo hadalkiisa siiwato waxa uu sheegay in dadka dhuxusha shida haddana ka gacanacsada ay horay u dhameeyeen dhirtii deegaanada sida Galoolka iyo Quraca, lakiin hadda ay jaris ku bilaabeen geedka Hareeriga oo manfac badan u leh dadka iyo xoolaha. “ Awal deegaanka Sool dhuxu waay ka ladneyd oo dadku waxa ay jari jireen geedaha Galoolka iyo Quraca lakiin hadda waxa ay bilaabeen inay jaraan geedka loo yaqaano Hareeriga kaas oo dadka iyo xoolaha mamfac u leh abaar iyo aaranba, dadkas waad dad shuftaa oo og inay danbiilayaalyihiin markay ciidanka arkaan waxa ay galaan buuraha dhulkana waa dhul aad buura badan” Dhanka kale Jaamac Xaaji Maxamuud Saalax waxaa xusay in dadkan jaraya dhirta ay jiraan dad ganacsata ah oo soo maalgaliya dhaqaalana ay ku bixiyaan indhirta la jaro lana shido, waxa uuna sheegay in tilaabo sharciya laga qaadi doono. “ Dhibatadaas dhirta lagu hayo, waxaa qeyb ka ah nimman ganacsata ah oo ayagu maalgaliya dhalinyarada reer miyiga ah iyo kuwa tuulooyinka jooga ku yiraahda adinku soo shida annaga ayaa idinka iibsanayno oo halkaan guryo waaweyn ku leh oo ganacsiyo ka dhistay, dadkaas ayaa qeyb weyn ka ah dhibaatada deegaanka lagu hayo oo qarash ku bixiya” Ugu danbeyn iskuduwaha wasaaradda deegaanka dagmada Xudun Jaamac Xaaji Maxamuud Saalax ayaa sheegan in maamulka deegaanka iyo duqoowda dhaqanka ay isla garteen in dadkaas gacan adag lagu qabto lana badbaadiyo deegaanka. “ Waxaan islagaranay inay nimankaas danbiilayaal yihiin sharcigana la horkeeno wasaaradda sharcibaa uga yaala Soomaaliland sharci ayaa uga yaala, waxaan kaloo isla garanay in qofkii assaga oo dhirta jaraayo la dilo inaan cidna loo raacan odayaashuna waa ay saxiixeen” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Gothenburg)-Maxkamad ku taalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa xabsi daa’in ku xukuntay nin Soomaali ah oo dilay gabadh uu Saaxib la ahaa sanadkii hore 2018. Yuusuf Shiiraar Xuseen oo 35 jir ah ayaa lagu soo eedeeyay inuu dilay gabadhaas, kaddib markii ay isku dayday inay xidhiidh u jartay. Waxaa uu Maxkamadda ka hor qirtay inuu dilay gabadha, una adeegsaday dilkeeda bir uu kala dhacay madaxa iyo feeraha. Meydka gabadha ayaa laga helay gurigii ay deganeyd, waxaana Booliska ay sheegeen inuu ka muuqday jirdil xooggan. Ninkan ayaa la sheegay in markii uu dilay kaddib uu la xidhiidhiy Booliska, kadibna ku wargeliyay dhacdada dilka ah. Dhacdooyinka dilalka ah ee Ragga Soomaalida u geystaan Haweenka ayaa ku soo kordhaya dalalka reer Galbeedka, waxaana dhowaan ay aheyd markii Mareykanka ay ka dhacday laba dhacdo oo naxdin ah oo labo nin Soomaali ku dileen xaasaskooda. Source
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay markii u horraysay samaysay keydka Lacagta Puntland oo haddii xaalad la soo deristo ay uga maarmi doonto kaalmadii ay ka heli jirtay caalamka. Isagoo khudbad u jeedinayay jaaliyadda reer Puntland ee ku sugan dalka UAE, ayaa madaxweynuhu ku faanay in xukuumaddiisu ka maarmi karto kaalmada ay ka hesho caalamka maadaama ay hirgelisay kaydka lacagta Puntland oo loo baxsan doono xaaladaha adag. Mudane Deni ayaa tilmaamay in habka nidaamka maaliyadda Puntland ay wax badan ka beddeli doonaan si loo ilaaliyo hantida umadda loona helo daah-furnaan maaliyadeed oo xaqiijisa in wax kasta halkii loo qoondeeyay ku baxaan. Dhanka kale wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay dadaal ku bixinayso kobcinta dhaqaalaha Puntland taasi oo loo marayo horumarinta ganacsiga iyo maal-geshiga gudaha Puntland isagoo xusay in horraanta bisha 8-aad ee sannadkan Garoowe lagu qaban doono shir ku saabsan Maal-geshiga Puntland oo lagu soo bandhigi doono fursadaha maal-geshiga ee ka bannaan Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo markii u horraysay sheegtay in ay samaysatay Kaydka Lacagta appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Taliska ciidammada Maraykanka ee AFRICOM ayaa xaqiijiyay in diyaaradahooda dagaalku ay duqayn ku dileen ku-xigeenkii guddoomiyaha ururka Daacish ee ka dagaalama Buurlayda Gobolka Bari ee Puntland. Maraykanku wuxuu sheegay in duqayntu ka dhacday tuulada xidhiidho ee gobolka bari 14kii April. kaasi oo lagu dilay Cabdixakiim Dhuqub oo ururka Daacish u qaabilsan howlgalada, qorshaynta weerarada, dhaqaalaha iyo loojistikada War-saxafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Maraykanku oo kaashanaya dowladda Federaalka ay sii wadayaan dadaalada xididada loogu siibayo waxa ay ugu yeereen kooxaha mayalka adag. “” Waxaan sii wadaynaa inaan la shaqayno saaxibadayada Soomaalida si loo sii xoojiyo cadaadiska lagu hayo kooxaha Alshabaab iyo Daacish” Sidaas waxaa yiri Maj General Gregg Olson oo ah Madaxa howlgalada ee taliska milateriga Africom. ” Ma jirto dad shacab ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqayntaas” ayaa lagu yidhi war-saxafadeedka Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay Dilka Sarkaalka Daacish/ISIS ayaa sheegtay in Hawlgal ay si wada jir ah u filyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda Maraykanka lagu dilay horjooge ka tirsan Daacish. Sidoo kale waxaa ka hadlay dilka Sarkaalkaasi, Wasiirka amniga Puntland C/samad Galan. Source
-
(SLT-Nigeria)-Milliteriga Nigeria iyo kuwa dalka Kaamiruun ayaa la sheegay inay qadaeen hawlgal ay ku dileen 27 ka tirsan Maleeshiyadda Boko Xaram, oo ku sugnaa xuduudka ay wadaagaan labadaasi waddan. Afhayeenka Milliteriga Nigeria, Sagir Musa ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen kaydad badan oo hub isugu jiray qoryo, Baasuukayaal, rasaas, Miinooyinka, Qoryaha Lidka Diyaaradaha, Mootooyin iyo Gaadiidka Teknikadda oo ay lahaayeen Maleeshiyadaasi. Waxa uu sheegay inay hawlgallada lagu dilay 27-ka ka tirsan Maleeshiyadaasi ay ka dhaceen qeybo ka mid Tuullooyinka Wulgo, Tumbuma, Jikun Gudu iyo Bukur Maryan oo dhamaantooda ku yaalla xuduudka dhinaca Nigeria. Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu xusay in Ciiddamo Isku-dhaf ah oo ka kala socda dalalka Nigeria, Benin, Jaad, Kaamiruun iyo Nayjar ay hawlgal xiriir ah ka wadaan Deegaanadda isku xira Gombaru iyo Nigaala iyo deegaanadda ku hareeraysan oo ay u baxsadeen Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Boko Xaraam. Bishii la soo dhaafay ee Maarso, in ka badan 100 dagalyahanada Kooxdaasi ayaa lagu dilay hawlgalo wadajir ah oo laga fuliyey xuduudaha ku dhereran dalka Nigeria. Source
-
Qoraal ay soo saareen dowlad goboleedka Hirshabeelle, oo ay heshay Goobjoog News waxaa ku xusan in ay qaadaceen go’aan ka soo baxay wasaaradda gargaarka, gaar ahaan barnaamij la xiriira arrimaha banii’aadnimada. Sida warqadda lagu qoray, maamul Hirshabeelle waxaa uu dowladda federaalka ah ku eedeeyey qabyaalad, eex iyo arrimo kale. Haddaba Halkan Ka Akhriso: Dawlad Goboleedka HirShabelle waxay uga qeyb gashay shirkaa si niyad wanaag ah, iyadoo daneeyneeysay in si cadaalad ah wax loogu qabto dhamaan dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimo saameeyeen. Waxaan isku daynay inaan si niyad sami ah u tilmaanno qaladaadka iyo caddaalad darada ku jirta barnaamijka lasoo bandhigay, wasaaradda Gargaarka ee heer Federaalkuna iska indhatirtay . Abaaraha iyo dhibaatooyinka Bani’aadamnimo waxay saameeyeen dhamaan waddanka oo dhan waxaana loo baahan yahay in si caam ah loo wajaho. Waxaa nasiib darro ah in Wasaaradda Gargaarka ee heer Federaal soo badhigtay Barnaamij aan ku salaysneyn xaaladda dhabta ah ee bani’aadamnimo ee waddanka ka jirta. iyadoo soo bandhigtay Barnaamij lagu taakooraayo deggaano qaarkood sababao siyaasadeed iyo caadifad qabiil darteed. Haddaba waxay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, cadaynaysaa in aysan la qaadanin go’aan Waxaan ugu baaqeeynaa Dowladda Federaalka ah in aan loo kala eexan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxan ugu baaqeeynaa Deeq bixiyeyaasha iyo dhamaan hay’adaha ka shaqeeya arimaha gargaarka inay masuul ka yihiin wixii cawaaqib xumo ah oo ka yimaada arrintaan, tixgeliyaanna mabda’a bani’aadamnimmo ee ah inaan dhibaato loo soo kordhin dad awelba tabaaleysanaa (DO NO HARM PRINCIPLE). Waxaan ugu baaqeeynaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer HirShabelle inay u gargaaraan walaalahooda dhibaateysan, dhamaanna isku tashadaan si loo xaliyo dhibaatooyinka haysta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay maanta oo Isniin ah Magaalada Moscow dhiggiisa Ruushka Mudane Sergey Lavrov. Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, sidoo kale waxa ay isla eegeen dhowr arrimood oo heer gobol iyo caalami ah. Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu uga mahadnaqay Ruushka is garab taaggiisa Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga, isaga oo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka labada dal iyo taabagelinta heshiisyada wax wadaag ee heerarka kala duwan leh. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray duhurnimadii shalay Magaalada Moscow si uu uga qeybgalo Shirka heer Wasiir arrimo dibadeed ee meertada shanaad ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Carabta oo furmi doona maaanta oo Talaado ah (16 April 2019). Puntland Post The post Soomaaliya iyo Ruushka oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Texas)-Ugu yaraan siddeed ruux ayaa dhimatay kuwo kale oo badanna way dhaawacmeen ka dib markii ay dabayl xoog badan iyo roobab mahiigaanno ah ku dhufteen dhawr gobol oo koonfurta Maraykanka ku yaalla. Gobolka Texas labo carruur ah ayaa dhintay ka dib markii uu geed ku soo dhacay gaarigii ay saarnaayeen, waalidka oo qaybta hore ee gaadhiga saarnaa ayaysan waxba soo gaadhin. Dhimasho ayaa laga soo sheegayaa Mississippi, Texas iyo Louisiana. Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaan la soo badbaadinin saacado, ka dib markii ay wadooyinkii go’een, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka. Masuuliyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 11 duufaan ay ku dhufteen saddex gobolk ka hor inta aysan u jihaysan Xeebaha Bari. Digniinta duufaanta ayaa Isniintii lagaga dhawaaqay Ohio, South Carolina iyo Virginia. Alton Lenderman oo u hadlay booliiska deegaanka Angelina ayaa faahfaahin ka bixiyay carruurta ku dhimatay gaariga uu geedku ku soo dhacay, wuxuuna sheegay in qaybtii ay carruurtu ku jireen ee dambe ay u fidsantay sida malawaxa oo kale balse waa lidkii qaybta hore fadhiyay ay badbaadeen. Labada carruurta ah ayaa kala ahaa siddeed jir iyo saddex jir. Franklin oo Texas ka tirsan ayay waxyeelo wayn soo gaadhay ugu yaraan lixdan dhisme ayaana ku burburray, masuuliyiinta deegaanku waxay sheegeen in 55 guri iyo dhismeyaal ay dawladdu lahayd ay burbureen. Hamilton oo iyadana gobolka Mississippi ka tirsan ayay guryo badan ku burbureen, waxaana sidoo kale burburay xaruntii dabdamiska. Qof ka mid ah shaqaalaha dabdamiska ayaa CNN u shegay in xarruntii dabdamiska ay meesha ka baxday. Source
-
Berbera (Caasimada Online)-Maamulka Shirkadda DP World ee gacanta ku haya dekadda Magaalada Berbera ayaa ka hadlay caqabado kusoo kordhay oo ka hor taagan balaarinta dekadda Berbera. Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Berbera, isaga oo ka qeyb galayay musaanabado ka dhacay gudaha dekadda Berbera oo isbadal lagu sameeyay. Maamulka Shirkadda DP World ayaa shaaciyay inay hadda hakiyeen dhismaha iyo balaarinta dekadda magaalada Berbera. Arinta Hakinta ayaa ka dambeysay markii maamulka Shirkadda ay sheegeen in dhismaha ay sameynayeen uu gaaray kaydka Shidaalka dhuumaha Maraakiibta ka soo qaada ee Badda ku rakiban. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Berbera ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaaro shaqo joojinta shirkadda DP World, maadaama horey loogu heshiiyay in dekadda Berbera balaarin weyn lagu sameeyo. Laakiin maamulka DP world ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in xal laga gaaro Keydka dhuumaha shidaalka oo hadda ay ku dhawaadeen intii ay wadeen balaarinta dekada magaalada Berbera. Waxaa la filayaa in madaxweynuhu uu sahmin doono dhul kale oo dhuumaha Shidaalka loo raro maadaama uu maamulka Shirkaddu soo jeediyay in ay dhuumuhu aad ugu dhowyihiin halka la doonayay in lagu balaariyo Dekadda. Tan iyo markii ay Shirkadda DP-World la wareegtay maamulka Dekedda Berbera ayaa waxaa taagnaa caqabada dhismaha Dekeddaasi kasoo wajahaya dhuumaha Shidaalka qaada, Muuse Biixi ayaana arintaasi kulamo kala yeeshay wax garadka iyo Ganacsada wax kala soo degta Dekedda Magaalada Berbera. Caasimada Online Xafiiska Berbera Caasimada@live.com
-
Saldhigga degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir ayaa ka codsaday xeer ilaalinta iyo maxkamadda gobolka Banaadir in la siiyo 5 maalin oo ay ku soo baaraan dibad-baxayaal ku eedeysan dil, dhac iyo kharbudaad. Dadkan ayaa lagu soo qabtay dibad-bax dhacay 13-kii bishan, waxaana halkaasi ku dhintay in ka badan 5 qof. Akhriso: Qoraalka: Source: goobjoog.com
-
Washington (SMN) – Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday nawaaxiga tuulada Xiriiro ee Gobolka Bari lagu dilay Cabdixakiin Dhoqob oo ahaa Hoggaamiye ku xigeenkii Daacish ee Soomaaliya. AFRICOM ayaa shaacisay in Dhoqob uu soo abaabuli jiray howlgallada iyo weerarada ay fuliso kooxdaasi. Mareykanka ayaa sidoo kale ballan qaaday in uu sii kordhin doono weerarada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya. Isniintii shalay ayey aheyd markii duqeyn cirka ah lala geegsaday gaari uu la socday Hoggaamiyahaasi oo marayay qeybo ka mid ah gobolka Bari ee Puntland. Inta badan Daacish oo ku xoogan dhulka Buuraleyda ee gobolkaasi ayaa weeraro qorsheysan ka fulisa meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal u jeediyay jaaliyadda Puntland ee waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa shaaciyay in xukuumaddiisu guddi xaqiiqa-raadina u saartay cidda soo abaabusha kufsiyada ku soo badanaya degaannada Puntland. Madaxweynaha ayaa sheegay in kufsiga iyo dilka is xambaarsan ee lagula kacayo gabdhaha da’ada yar, uu yahay dhaqan-xun oo hadda soo kordhay, una baahan in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cidda soo abaaabusha,si tallaabo adag looga qaado. “Waa daahiro cusub oo baaritaan dhaba u baahan, marka waxaan saarnay guddi xaqiiqada soo raadiya, marka arrintaasi waxay u baahantahay in aan si qoto dheer u baarno, cid kasta oo ka dambaysana tallaabo adag laga qaado” ayuu yiri Deni. Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhammaan kiisaskii kufsiga ee Puntland ka dhacay ay gacanta ku hayaan hay’adaha amniga iyo dembi-baarista, qaarkoodna mar hore loo gudbiyay maxkamadaha, islamarkaana cid walba ciqaabta ay mudaysato lagu qaadi doono. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo shaki ka muujiyay in kufsiyada ka dhaca Puntland la soo abaabulay appeared first on Puntland Post.
-
Mudaharaad aamusan oo looga horjeedo kufdsiyada ka dhaca Puntland ayaa saaka ka socda magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Muddaharaadkan oo ay soo abaabuleen haweenka iyo dhalinyarada magaalada Garoowe ayaa lagu dalbanayaa in cadaaladda la marsiiyo dadka ku eedaysan kufsiyada ee ku jira xabsiyada Puntland. Qaar kamid ah haweenka iyo dhalinyaro Garoowe oo wata boorar ay ku xardhan yihiin ereyo looga horjeedo kufsiga ayaa socod ku maraya laamiga iyo barxadda weyn ee Garoowe waxaana ay dalbanayan in cadaaladda la mariyo dadka loo hayo kiisaska kufsiga ah ee Puntland ka dhacay. PUNTLAND POST The post Garoowe: Mudaharaad aamusan oo kufsiga looga horjeedo appeared first on Puntland Post.
-
Ceelwaaq (Caasimada Online)-Maamulka Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay lacag dheeraad ah oo shacabka ku dhaqan degmada Ceelwaaq ay kusoo rogeen ururka Al Shabaab. Ururka Al Shabaab ayaa lacagtaasi kusoo rogay ganacsatada ku nool degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, iyaga oo ka doonaya inay bixiyaan lacagta ay ugu magac dareen zakawaad. Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Cali oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in dhamaan ganacsatada deegaanka lagu soo rogay lacagahaasi, iyagana ay kasoo horjeedaan inay dadka deegaanka bixiyaan lacagaha Al Shabaab ay doonayaan. Wuxuu sheegay in Al Shabaab tuulo kasta oo degmada hoostimaada kusoo rogeen inay bixiyaan dadka ku nool lacag gaareyso Labo kun oo doolar, haddii ay bixi waayaanna ay dhibaato la kulmi doonaan. Iyaga oo taasi ka duulayo ayuu sheegay inay soo rogeen Bandow ay amaanka magaalada ku xaqiijinayaan, si looga hortago handadaad lagula kaco shacabka ku nool degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. “Amar waaye taasi oo ah lacagta intaasi la eg ayaad bixineysaan, hadii kale waa lagu dilayaa, amarkaana waa mid ay ku doonayaan in dadka shacabka ay handadaad kaga qaadaan lacagta, waxayna ka rabaan dhamaan tuulooyinka hoostaga degmada” “Waxaa sidoo kale ay lacagta ka rabaan dhamaan goobaha ganacsiga, Tuulo kastaa waxay ka rabaan 2100 doolar (Labo kun iyo Boqol), arinta ayaa ka dartay markii qufulo waaweyn looga xertay dukaamadooda, laakiin anaga bandow ayaa soo rognay si amaanka loo xaqiijiyo.”ayuu yiri guddoomiye Sahal. Al Shabaab ayaa inta badan lacago ka qaada shacabka ku nool magaalooyinka ay maamusho dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo booqday xarunta tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye ayaa la kulmay qaar ka mid ah saraakiisha Booliska Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa uga digay Ciidanka dowladda in ay ku xadgubaan shacabka Soomaaliyeed, xilliyada ay wadaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho. Sarreeyo guuto Zakiyo Xuseen Axmed taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la hadashay warbaahinta ayaa faah faahisay kulankaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/cod-booliska.mp3 View the full article
-
Moscow (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay Magaalada Moscow dhiggiisa Ruushka Mudane Sergey Lavrov. Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, sidoo kale waxa ay isla eegeen dhowr arrimood oo heer gobol iyo caalami ah. Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu uga mahadnaqay Ruushka is garab taaggiisa Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga, isaga oo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka labada dal iyo taabagelinta heshiisyada wax wadaag ee heerarka kala duwan leh. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray duhurnimadii maanta Magaalada Moscow si uu uga qeybgalo Shirka heer Wasiir arrimo dibadeed ee meertada shanaad ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Carabta oo furmi doona beri oo Talaado ah (16 April). View the full article
-
Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-160419.mp3-WE.mp3 View the full article
-
Cadaado (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay xalinta Xiisada u dhaxeysa madaxda maamulka Galmudug. Khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug ayaa muddo soo jiitamayay, waxaana madaxweyne ku xigeenka uu sheegay in dowladda aysan marnaba raadin sidii xal loo gaari lahaa. Carabeey, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya laga doonayay inay mar hore xal rasmi ah ka gaarto khilaafka mudada soo jiitamayay ee u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug, balse aysan dhicin taasi. Wuxuu sidoo kale Nasiib daro ku tilmaamay in khilaafka uu saameeyay dadka deegaanka walina uu ka taagan yahay Galmudug, balse wuxuu sheegay in muddo yar kadib uu iska dhamaan doono Khilaafka. “Waa Nasiib daro runtii, laakiin wey iska dhamaan doontaa, muddo yar ayaa ka hartay, sababtana waxay tahay waxaa fashilmay dadkii howshaan laga rabay, runtii ma jiro khilaaf gooni ah oo inoo dhaxeeya aniga iyo madaxweynaha” “Waxaa kaloo fashilmay dowladda Soomaaliya oo laga doonayay in mowqif cad ka istaagto sidii arintaan loo xalin lahaa, islamarkaana loo xukmin lahaa ruuxa saxan”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug. Madaxda Galmudug ayaa labo u kala qeybsantay, waxaana xarumo ay ka kala dhigteen Magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Cadaado, iyagoo sidoo kale doorashooyin is diidan ay ku kala qabteen labada Magaalo. Sida dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso bisha July ee sanadkaan doorasho ayaa la filayaa inay Galmudug ka dhacdo, doorashadaasi oo lagu badali doono hogaanka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimad@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir iyo duqii Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed ayaa 3 jeer is hortaag lagu sameeyay Xisbi siyaasadeed uu ka furan lahaa Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen xubno katirsan Guddiga doorashooyinka Qaranka. Guddiga doorashooyinka Qaranka ee qaabilsan diiwaan gelinta Xisbiyada ayaa xubno sare oo u xilsaaran dhismaha Xisbiga Taabid ku celiyay mudo 3 jeer ah Documents ay soo gudbiyeen waxaana markii dambe la helay xog ku aadan in laga soo celiyay Xafiiska Raysal Wasaare Kheyre. Ragaan ayaa markii koowaad oo ay keeneen loo sheegay in sharciyada ay Guddiga qaateen hore Guddi kale u qaatay, markii labaad ayaa loo sheegay in Sharciyada qaab dhismeedka Xisbiga uusan aheyn Nidaamka loo rabo Xisbiyada Soomaaliya, halka markii saddexaadna lagu celiyay qalad aan lala wadaagin oo la sheegay in uu ka jiro Astaanta iyo Calanka Xisbiga. Taabid ayaa intaasi kadib badalay Sharciyaqaankii u xilsaarnaa sharciyada iyo dhismaha Xisbigiisa walina waxba uma hagaagin. Saraakiil katirsan Xafiiska Raysal Wasaare Kheyre ayaa Taabid Cabdi Maxamed u sheegay in 3 jeer Xisbigiisa laga celiyay Xafiiska Guddiga sabab la xariirta galaangal ka yimid dhinaca Kheyre. Taabid Cabdi ayaa laga qaaday Xilka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir bilaawgii 2018 markii ay is qilaafeen Raysal Wasaaraha Soomaaliya balse hada waxaa jira dadaalo ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in la isu keeno Taabid iyo Kheyrre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com