Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The European Union's compensation budget for Kenyan troops fighting Al-Shabaab in Somalia is set to start falling in the financial year beginning July, signalling the onset of gradual withdrawal from the war-torn nation. Source: Hiiraan Online
  2. Kampala (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa markale aflagaadeeyay Soomaaliya, waxaana uu sii wataa tusaalooyinka aan wanaagsaneyn ee uu usoo qaadanayo Soomaaliya. Madaxweynaha Uganda ayaa si adag ula hadlay fanaanka Bobi wine oo siyaasi isku badalay, waxaana uu sheegay in looga baahan yahay inuu Soomaaliya aado oo uusan carqaladeyn nabadda dalka Uganda. Museveni oo 75-jir ah oo caadiyeystay inuu Somalia u soo qaato Tusaalayaasha ugu xun-xun, waxa uu ku booriyey kuwa isaga Mucaaradka ku ah inay aadaan Somalia oo ay deganaansho la’aan ka jirto, waa sida uu hadalka u dhigay. “Horumarinteena waxaa hareeyay nabada aan abuurnay, Shaqooyinka wey imaanayaan sababtoo ah Nabadda iyo xasilloonida aan heysano, waa sababta keentay in qof kasta uu isku dayo inuu nabad helo, waxaan maqlayay kuwa dadka madadaaliya oo sheegaya in Uganda aysan nabad ahayn, Uganda waa deggan tahay, ma aha sida Somalia oo kale, waan qabnaa Fannaaniin. Waxay aadi karaan Somalia oo ay Riwaayado ka dhigi karan halkaasi” ayuu yiri Museveni. Hadalka Museveni ayaa u muuqda mid uu ku garaacayo Fannaanka Bobi Wine oo ah Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Uganda, mucaaradna ku ah Madaxweyne Museveni iyo Maamulkiisa. Xildhibaankaasi mucaaradka oo 37-jir waxa uu si cad u dhaliilaa Madaxweyne Museveni, taasi oo keentay in dhowr jeer la xiro, iyadoo ay Booliska ka hor joogsadeen 130 Riwaayado oo uu ka dhigi lahaa dalkaasi tan iyo sannadkii 2017-kii. Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda waxa uu si kulul u eedeyey Xildhibaanadda Barlamaanka dalkiisa oo uu sheegay inay doonayaan in loo kordhiyo Mushaarka, balse ay gaashaanka ku dhuftaan Maalgelinta Mashaariicda muhiimka u ah Horumarinta Qaranka. Hadalka qadafka ee uu Yoweri Musveni had iyo jeer wixii xun Tusaale ahaan u soo qaata dadka Soomaalida ayaa u muuqda falal aan garowshiyo lahayn oo sharaf-dhac ku ah Sharafta DFS iyo guud ahaan dadka iyo dalka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Uganda Caasimada@live.com
  3. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa soo shaac baxday warqad habeen hore ka soo baxday maamulka gobolka Nugaal oo lagu mamnuucay in la qabto wax shirar iyo kulamo ah oo aysan ka war-hayn maamulka gobolka Nugaal iyo laamaha amniga midkoodna. Warqaddan ayaa la qeybiyay fiidnimadii xalay kadib markii dowladda Puntland joojisay kulan siyaasadaysan oo uu ka qeyb gali lahaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulanka oo lagu qaban lahaa Hotel Grand ee magaalada Garoowe loogana hadli lahaa hanaanka doorashada Soomaaliya ee 2021, ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’ada fadhigeedu yahay magaalada Garoowe, oo lagu magacaabo Center for Policy Alternatives. Hoos ka aqriso warqadda
  4. Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa maalmihii udambeyay Baraha Bulshada la isla dhex-mareyay warar kala duwan oo ku saabsanaa in Dowladda Turkigu u diiday bulshada reer Somaliland ee dalkeeda ku nool inay xusaan Munaasibada 18-May. Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland, C/naasir Axmed Xirsi oo wax laga weydiiyey arrinkaasi, ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyey arrintaasi, isagoona eedo usoo jeediyey Dowladda Soomaaliya, wuxuuna yiri: “Waxa ku nool dalka Turkiga jaaliyad iyo ardey u dhashay Somaliland, sanadihii hore ee lasoo dhaafeyna munaasibaduhu si caadiya ayey u dhici jireen oo ay u qabsan jireen, Baraha bulshada waxa ku jira in xaflad ay qabsanayeen ardeyda Somaliland ee wax ka barata dalka Turkiga magaalada Ankara laga joojiyay, iyadoo sababo kala duwan iyo tafaasilado kala duwan laga bixiyey, ardeyduna wey nasoo gaarsiisay cabashadooda oo toos-bey noola soo xiriirtay”. “Arrintaasi sida ay u gashay Baraha bulshada iyo sidey u dhacday runtii waa labo kala duwan, xaflada ha la joojiye, nidaamkii loo joojiyey iyo waxyaabaha lagu sababeeyay iyo waxay dadku ku fasireen ayaa runtii kala duwan, anaguna ka Wasaarad ahaan waanu ka howl-galnay oo waanu la xiriirnay dowlada Turkiga”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxay noo xaqiijiyeen in arrintaasi ay ku saabsantahay inayna marin nidaamkii xafladaha iyo isku soo baxyada noocaasa loo mari jirey, waxkale oo sal ku leedahay ma jirto, marka ay arrintaasi dhameystaan, wadadii saxda aheyd ee xafladahaa ogalaanshiyaha lagu siin-jiray, marka ay ogolaanshiyaha helaan ay sidaas ku bilaaban howshii, markaa wax intaas dhaafsiisan ma jiraan”. Agaasimaha ayaa sido kale waxa uu Dawladda Federaalka Soomaaliya ku eedeyay inay markasta carqalad ku tahay horumarka Maamulkooda, wuxuuna yiri: “Markasta, wadan-kasta iyo meel-kasta oo la joogo Dawladda Soomaaliya waxay isku deydaa inay carqaladeyso waxkasta oo wanaaga oo ay bulshada Somaliland qabsaneyso meel-kasta oo ay joogto”. “Turkiga oo qudha maaha, wadamo badanba oo kale wey isku deyday, Laakiin waxyaaba u suuro-galaya iyo waxyaabo aan u suuro-galeyn baa jira, Wadamadaasi waa waddamo sharci leh oo nidaam leh, waan waddamo ogol in dadku xuquuqdooda aas-aasiga iyo cabirka fikirkooga iyaga oo xaflado nabad-galyaa isugu imanaya”. Wuxuuna hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Agaasimuhu “Dacwad kasta oo ay geeyaan iyo ka hor-imaansho kasta oo ay ka hor-yimaadan ma badelayso waaqica yaala, laakiin markasta waxaad ogaata Waddan kasta iyo meel-kasta inay Soomaaliya u taagan-tahay inay carqaladeeyan waxkasta oo wanaaga oo Somaliland u soo kordha ama ay qabsanayaan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  5. Oslo (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka Mareykanka ayaa nin u dhaq-dhaqaaqa arrimaha Falastiiniyiinta oo magan-galyo ku jooga dalka Norway uga digtay inay jirto halis xooggan oo kaga imanaysa Sacuudiga, sida uu qoray wargeyska The Guardian ee kasoo baxa London. Iyad El-Baghdadi, oo si aad u dhalleeceeya dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa digniintan loo diray 25-kii April, markaasi oo mas’uuliyiinta Norway ay dejiyeen meel lagu sugo amnigiisa. Dowladda Norway ayaa u sheegtay Iyad El-Baghdadi inay digniin ka heshay hay’ad sirdoon oo shisheeye, waxaana wargeyska The Guardian uu qoray in hay’addaas ay tahay CIA. “Waxay ii xaqiijiyeen inay digniintan u qaadanayaan si dhab ah, waxay ii yimaadeen ayaga oo diyaarsan” ayuu yiri Iyad. Waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta ay gurigisia yimaadaan ayaga oo ka kooban laba koox oo ciidamo ah kadibna u kaxeeyeen meel qarsoodi ah si loo bad-baadiyo. Iyad El-Baghdadi, oo Falastiini ah, ayaa magan-galayada Norway loo ogolaaday sanaddii 2015 kadib markii ay xireen islamarkaana soo masaafuriyeen Imaaraadka Carabta, ayada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin. CIA-da iyo safaaradda Sacuudiga ee Washington wax jawaab ah kama aysan bixin warbixin The Guardian. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  6. Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku soo biirtay dalalka Geeska Afrika iyo kuwa beesha caalamka ee tar-tanka ugu jira dhex-dhaxaadinta Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaana martigelinta wada hadaladii ugu horeeyey ee dhex-mari lahaa Xukuumadda Farmaajo Iyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi. Tobaadkii hore ayey ahayd markii uu safiirka Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat uu booqasho ku yimid Somaliland, kaasi oo kulamo la yeeshay Madaxweyne Muus Biixi iyo Xukuumaddiisa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo 2-dii bishan May Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat oo booqasho ku yimid Somaliland, kaasi oo uu arrimo dhowr ah kala hadlay. Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay Dowlada Sucuudigu kusoo biirtay dalalka doonaya inay dhex-dhexaadiyaan Somaliland iyo Soomaaliya ee rabba inay martigeliyaan wada hadaladii u dhaxeeyey Hargeysa iyo Muqdhisho. Warkan ayaa waxaa sheegay Raysal Wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed “Horta runtii waddamada rabba inay Somaliland iyo Soomaaliya dhax-dhaxaadiyaan maanta wey badan yihiin Turkiga, Sucuudi Arabiya, Itoobiya Ereteriya iyo waddamo kale oo badan .” Illaa iyo hadda wax waqti looma qaban goorta ay dib u billaabmayaan wada-hadalalda labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa markii u horeysay ka hadlay habka loo maamulo Warbaahinta Qaranka. Yuusuf Garaad ayaa waxa uu sheegay in warbaahinta qaranka sida Radio Muqdisho, Telefishinka Qaranka ama Wakaaladda Wararka SONNA, ay Madaxdeedu ay u dabreen warbaahinta kale ee ay tartanka kula jirto. Garaad ayaa tusaale u soo qaatay in warbaahinta qaranku ay baahisay xil ka qaadistii Maareeyaha Golaha Guurtida, halka aysan baahin is-casilaadii Wasiirka Warfaafinta oo isagu warbaahinta ka sheegay, isagoona ku eedeyay Warbaahinta qaranka inaay isku dayday inay warkaas ka qariso bulshada. Yuusuf Garaad ayaa waxa uu ku tilmaamay talabaadaas ay warbahintu qaranka qaaday inay tahay nidaamkii ay warbaahinta qaranku ay ku socotay xiligii militerigu uu dalka ka talinayay. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa qoraal uu arrimahaas kaga hadlaya wuxuu soo dhigey bartiisa Facebook, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa: “Dhowaan waxaa xilka laga qaaday Maareeyaha Golaha Murtida. Warbaahinta Qaranka ayaa bulshada u sheegtay. Wasiirka Warfaafinta ayaa isaguna iska casilay xilka Wasiirnimo. Weli kuma hayo war ka baxay Radio Muqdisho, Telefishinka Qaranka ama Wakaaladda Wararka SONNA in uu Wasiirku is casilay. Markii uu militerigu dalka ka Talinayay nidaamkaas oo kale ayay ku socotay Warbaahinta Qaranku. Ugu yaraan waa ay u shaqeyneysay maaddaama aanay jirin meel kale oo warka laga helo. Xilligan digitalka ee saxaafadda bulshada, Raadiyayaal iyo telefishinno tiro badan ay tartan ku jiraan, ma garan karo maskaxda ku talineysa Wasiir isagiiba idaacadaha iyo saxaafadda bulshada soo taagan oo is fasiraya, ee waliba adiga oo aan raadin aad ku dhex arkeyso mobile-kaaga in Warbaahinta Qaranku ay isku daydo in ay warkaa ka qariso bulshada. Casirigan war jira lama qarin karo, laakiin waxa kaliya oo ay Madaxdu sameyn kartaa waa in ay amar ku dhiibaan in aan wararka aan dhegeahoodu jecleysaneyn laga sii deyn idaacadda, taas oo natiijadeedu noqoneyso in Warbaahinta Qaranka loo dabro Warbaahinta kale ee la tartameysa”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Mudug iyo Galgaduud oo roobsadey Habeynkii taladada 7/5,2019 Galbeedka Gobolka Mudug waxaa caawa oo talaado ah ku hooray roob lagu diirsadey kasoo biyo badan dhigay. [...] Source
  9. Liverpool ayaa u soo baxday kama dambeynta (final) tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League-ga, kadib markii ay sameysay soo laaabasho la yaab leh. Liverpool ayaa sameysay mid kamid ah mucjisooyinkii ugu layaabka badnaa tartanka xiisaha iyo xamaasadda badan ee UEFA Champions Luegue -ga, kadib markii ay lugtii dambe ee afar dhamaadka 4-0, ugu awood sheegatay Barcelona oo lugtii hore ku soo khaarijisay 3-0. Origi iyo Gini Wijnaldum ayaa min laba gool u dhaliyay Liverpool oo joogtay gagideeda Anfield, waxayna si dad badan macquul la noqon weyday ugu soo baxeen kama dambeynta tartankan, iyadoo waliba ay ka maqnaayeen ciyaartow badan oo u kamid yahay Mohamed Sallah. Barcelona oo markii hore wadatay guul 3-0 ah ayaa la baday midka daran fadeexadii xili ciyaareedkii hore ka soo gaaray AS Roma, waxayna markale Champions League-ga kaga hartay si murugo badan. Liverpool ayaa xili ciyaareedkii labaad oo xiriira gaartay kama dambeynta (final) koobka kooxaha Yurub, sidoo kale waa markii labaad oo ay ka sameyso taariikh layaab leh, 2005 ayay AC Milan tartankan, kaga qaaday soo laabasho mucjiso ahayd. Liverpool ayaa kama dambeynta tartankan 1-da bisha soo socota ee June, la ciyaari doonta Ajax iyo Tottenham midkood, kaas oo ka dhici doona gagida Estadio Metropolitano, Madrid. PUNTLAND POST The post Liverpool oo layaab ugu soo baxday kama dambeynta tartanka kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
  10. Habeynkii talaadada wuxuu kooxda kubada cagta Livdrpool iyo taageerayaashooda u ahaa habeyn taariikhda galay oo lama filaan ku yimid. Todobaadkoi hore waxay Barcelona oo joogta [...] Source
  11. The U.S. government has revoked the U.S. citizenship of the former imam of Portland’s largest mosque after he arrived in Somaliland last week. Mohamed Sheikh Abdirahman Kariye is on the government’s no-fly list, but the government arranged for him to travel back to his homeland after reaching a settlement with Kariye in January. Under the deal, Kariye agreed not to challenge an order revoking his citizenship and acknowledged having provided false information to immigration officials in July 1997 when he had applied for U.S. naturalization. The settlement appeared to be briefly in jeopardy Monday morning, when Kariye’s lawyers asked to rescind it after learning that Kariye had been detained during a stopover at the Dubai airport. Kariye, 57, boarded a flight last Wednesday from Seattle for a 14-hour flight to Dubai and a planned flight four days later to Somaliland. He arrived in Dubai as scheduled, according to court records, but soon sent his Oregon-based lawyers a text from the airport that read, “some thing is wrong.’’ Kariye was detained and interrogated for seven hours in the Dubai airport by United Arab Emirates officials and questioned about the “Portland Seven,’’ the As-Saber Mosque in Southwest Portland and others who may have attended services there, according to his lawyers. He wasn’t allowed to contact his attorneys during the questioning and all his personal belongings were seized, according to his lawyers, Philip Smith and Nicole Nelson. In October, federal government lawyers told a federal appeals court that Kariye was placed on the no-fly list based on his history as a “mujahedeen fighter in Afghanistan against the Russians,” as well as his expressed support for “violent jihad” in conversations recorded between a cooperating informant and two members of the Portland Seven. They were a group of American Muslims from the Portland area who were prosecuted and convicted of trying to join al-Qaida forces in their fight against the United States military and coalition forces in Afghanistan. The U.S. sought to strip Kariye of his U.S. citizenship because he “provided false information and both willfully misrepresented and concealed material facts’’ when applying for naturalization to the United States. During the process, the FBI informed U.S. Justice Department attorneys that Kariye had coordinated with Osama bin Laden and other known terrorist leaders and was associated with terrorist organizations including Makhtab Al-Khidamat, or MAK, a designated terrorist organization and pre-cursor to al-Qaida. “The parties agreed denaturalization was appropriate, following which Kariye agreed to depart the United States,” said Kevin Sonoff, a spokesman for the U.S. Attorney’s Office and the U.S. Department of Justice. Kariye ultimately was able to fly to Hargeisa, Somaliland. He arrived last Friday. His lawyers alleged the questioning in Dubai amounted to a “breach’’ by the government. “It is inconceivable that UAE officials would have interrogated Defendant about the Portland Seven and activities at the As-Saber Mosque in Portland without having received information directly from” the government, Smith wrote to the court. Kariye’s lawyers urged the court either to compel the government to explain why Kariye was detained Dubai or allow him to renounce his U.S. citizenship, instead of having it revoked, and withdraw his admission that he had lied previously to U.S. immigration officials when he obtained his naturalization certificate. In a brief hearing before U.S. District Judge Robert E. Jones, attorney Christopher W. Hollis of the U.S. Department of Justice said by phone that he had no communication with the United Arab Emirates about Kariye. Kariye’s lawyer said Hollis could have been kept in the dark, but the U.S. government still could have communicated with the United Arab Emirates about their client. Smith noted that the government had three months of advance notice of Kariye’s scheduled flight and itinerary. “Plaintiff had a responsibility to not simply be silent but to inform the UAE that he is coming through and it is OK for him to fly,” Smith argued. Jones denied Kariye’s motion. The judge ordered the settlement to stand and signed an order revoking Kariye’s U.S. citizenship. The judge said it was “unfortunate” that Kariye was interrogated in Dubai, but that didn’t negate the settlement agreement. Jones said it appeared that the United Arab Emirates’ interrogation of Kariye was “done unilaterally” and that the “U.S. government played no role.” When Kariye had first sought citizenship, he had lied on his application to federal immigration officials about not being arrested in the past, failing to acknowledge a 1993 arrest in Pakistan, according to court documents. Under the settlement, Kariye is forever prevented from claiming any rights or benefits under any document that shows he had obtained U.S. citizenship on Aug. 14, 1998. He’s also been ordered to complete a form abandoning any lawful resident status in the United States and must send his U.S. passport by DHL Express to the government lawyer, no later than five days after his arrival in Somaliland. The revocation of Kariye’s U.S. citizenship falls at the start of the Muslim holy month of Ramadan. Calls to the Islamic Center of Portland were not returned on Monday. Source: Oregonlive.com
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya shirka Garoowe ayaa sheegaya in madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uusan ka qeyb-galin shirkii dhacay caawa afurkii kadib. Xaaf ayaa ka baxay shirka kadib markii uu diiday yabooha dowladda federaalka ay ugu ogolaatay in hal sano loogu daro waqti xileedkiisa, sida aan werinay maanta gelinkii hore. Xaaf ayaa ku adkaysanaya in muddo xileedkiisa uu kasoo billowday markii uu dhacay heshiiskii Jabuuti ee Ahlu-Sunna iyo Galmudug, taasi oo macnaheedu yahay inay u hartay saddex sano oo hor leh. Dowladda ayaa ku adkaysatay in waqtigiisa kasoo billowdo markii uu beddelay Cabdikariim Guuleed, taasi oo macnaheedu yahay in dhamaadka sanadkan ay doorasho dhacdo. Si kastaba, si xal loo gaaro, loona qanciyo, dowladda ayaa sanad dheeri ah u ogolaatay Xaaf. Sanadka Xaaf loo ogolaaday, oo xitaa ay dowladda ku raaceen madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland, ayaa la rumeysnaa inuu xal u noqon doono in khilaafka Xaaf iyo dowladda la dhameeyo, waxaana loo badinayey inuu Xaaf ogolaan doono, hase yeeshee Xaaf ayaa ku adkaystay mowqifkiisa. Kulan saacado badan qaatay oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa kusoo dhamaaday fashil, waxaana Farmaajo uu ku guul darreystay inuu qanciyo Xaaf. Madaxweynayaasha HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa waan waan ugu tagay Xaaf, wuxuuna sidoo kale ka diiday isku day ay shirka ugu soo celin lahaayeen, waxaana caawa la shiray isaga oo madasha ka maqan. Ma cadda in Xaaf uu kusoo laaban doono kulanka dhacaya subaxa arbacada iyo in kale, balse waxaa jiray caawa dadaallo lagu qancinayo inuu shirka kusoo laabto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Liverpool has completed one of the most astonishing comebacks in football history, beating Barcelona 4-0 at Anfield to win their Champions League semi-final tie 4-3. Source: Hiiraan Online
  14. “The principal failing occurred in the sailing, And the Bellman, perplexed and distressed, said he had hoped, at least, when the wind blew due East, that the ship would not travel due West, The Hunting of the Snark by Lewis Carroll”. Abdiqani Ahmed Farah (Dala’aan) PhD While in the ebb tide of the Puntland presidential election, all of the sudden the discourse and the rumor mill, mainly originated and circulated among the coffee shops’ respective groups went into over drive in Garowe. What is the issue warranted itself to that magnitude of traction: yet another get-together of central characters sitting in the top table of federal government, namely the president and prime minister on one hand, and the federal states’ presidents on the other. This retold one in 1777 during American civil war after General Burgoyne’s defeat at Saratoga, a young British aristocrat said to Adam Smith, who heard the news at comfort of his Glasgow abode “this is going to ruin the country”, and Adam replied “there are great deal of ruins in a nation”. Now, there has been great deal of fleeting brain storming scramble for the best part of the last thirty years in Somali political elites, and a one of ruins and great predicament for the majority of lower tier of the nation. The question comes into the fray will be “is this yet another piece of copper-bottom none sense and verging into the squalid or these guys, who are this time round in the helmet of setting out the future of curse stricken people of Somalia, are thoroughly honorable men, who are taking a big political risk, putting their own political reputation/future in the line and standing with something they are fundamentally believe in and agreed with the majority of the people they represent, or had a day trip to Damascus and came back”. One has to admit that one seldom follows the longest hogwash in the history of humanity after the treaty of Westphalia and protracted Christian civil war occasioned, in the end, the splinter of protestants of the Catholic fold. Every now and again a group of political elites rise up from the ashes of their predecessors and found a light on the road to Damascus, of which I and many more Somlian, on the level of looking at the protracted shenanigans of Somali nation state, are denied it. While still mulling about putting this piece of analysis together one chanced upon an aquatint who is in the thick of it, the Somali political jiggery pokery, and whispered into my ears with enthusiasm that the top men isolated themselves in a room, implying in here that they are very series about the issues. One more time I promptly asked my interlocutor “what about it they are series to crack, “the issues” he said again. For this particular point, in the history of negotiation, I’ve never read or heard individuals at the top table of the ladder of national power isolated themselves, without even minutes taker, and discuss, debate and finally flash out the differences thus make some inroads/movements for the future of their respectively represented people. On the contrary, the top leaders gather when everything is being debated and ironed out by first the civil servants and then ministers. Perhaps, the top men of Federal Government and its corresponding Estate heads are redrawing conventional political negotiations and venture into new territory by achromatically oxidize Government institutions into irrelevance in lifting the multifaceted calamity that has been lingering too long for Somalis. The weird situation Somalis endured such a long time transcended/fledgelled into a deep seeded culture that will have been hard for the future generation to dislodge in the governance of their nation-state. As history always goes backwards, the price the future generations will repay is dear in here. Coming back to the summit shaping up in Garowe, I fielded several question in an attempt to explore what is the bone of contention in here that warranted to spend comparatively huge amount of unaffordable money to bring these guys into one place. Apparently, it should have been succinctly clear for everyone concerned, the leaders and their subjects alike, what the main items of the summit are. Without a shred of prejudice, the contours of the replies are blared and some of them made me to tear my hair out to comprehend it. Again, more often than not, some of the lads/lasses got flat-footed by my banal questions on what are the main agendas the leaders of this nation pondering about. The modality of 2021 federal government election; the security; federal member states not getting the share of the money, through the federal government, International community equates up on Somalis; Anti-terrorism agenda; The Prime Minister want to do away with the president of Galmudug, with whom they are not in good terms, and replace one of his choosing are the main answers bouncing back into my face on queries regarding the agenda of Garowe gatherings. To ascertain what I heard from the folks, I sift through the social media starting with Puntland, mind you this nation are divided according to clan lines since 1991 civil strife, the president went into airwaves, clearly stating that the main agenda of the gathering is brainstorming and exchange of opinions by the Federal Government leaders and Federal Member State’s presidents. the profusion of Somali websites seconded the Puntland’s president locus. For example, some of the websites explored further and elaborated the top agenda as a National Brainstorming by those at the top tables of hitherto Somali leadership regarding the predicament this nation has been into for almost three decades. The first day was focused on updates by the respective state’s leaders and Federal Government ones. The second day is to get into the details of the agenda of the meeting without knowing the Agenda itself and the duration of the meeting. Picture of the leaders sitting in a round table with no one sitting second row of the bench had been circulated in the social media. Who takes the minutes was the first sprung to mind. Secondly, are they talking about private business or that of governing Somali. It reminded me president Trump, couple of months into the presidency, inadvertently made a call to president Putin. That caused furor as he broke the protocol of the presidential matter by talking another peer without the proper channels. This dude is trump in the president of USA, not running his private business. In this case, the Somali leaders must at least comprehend that they are in the business of governing the country and every think as a minimum must be minuted for the posterity. More fundamentally, the agenda of their summit must be well-thought out, the machinery of their respective executives thoroughly worked out and put in front of them in their meetings. The same goes to even when they are either receiving or visiting other foreign partners. I say so not that they don’t understand, but its something gaining ground for so long, since the demise of Somali state, and business of governance got compromised. Its high time to put things into better order and get back to the norms of governance. Which reminded me the saying “I have been down for too long, when I got better, I forgot how to walk again”, how fitting to the Somalis. Penultimately, over the years and following the unique issue, to which I call the variant of the European wars of religion ended by The Peace of Westphalia in1648, of painful saga of Somali proper that bedeviled every single person with honest and integrity except to those took the helmet of representation of Somali political leading. They pitted Somalis one another to cater for their personal betty gains. Now, as stated in the opening salvoes of this short essay prompted by your meeting, make your gatherings a fruitful one by first becoming honest on the difficult agenda of foisting Somalia off the deep pit it has been for so long. and secondly, tell the people what will be your collective position if the Nation-state were to reconstitute. The mellowed modus operandi of your predecessors since 1991 was one of personal political and financial gains which proved to have been chaotic and detrimental, and the people who suffered most has been the ordinary everyday man and women on the streets. Since it has been such a long time for the people of Somalia experiencing bad leadership after another, it proves difficult for you guys get the benefit of the doubt. Never the less, I recall my opening paragraph in here, since plebeians are not franchised to elect their leaders, you have the good Samaritan of the people, and hoped this time round you, the presidents, the prime minister and the mayor of Mogadishu will demonstrate to be thoroughly honorable men, who are taking a big political risk, putting their own political reputation/future in the line and standing with something they are fundamentally believe in and agreed with the majority of the people they represent, or had a day trip to Damascus and came back”. Finally, I recall Malcom Rifkind, who was in Margret Thatcher’s cabinet, talking about her character and if she believes consensus, and she replied “yes I do believe in consensus if only it should be behind my conviction. So, you all are desperately expected to reach a consensus for whatever disagreements bedeviled the reconstitution of Somali and the future of this nation. If again its verified otherwise two, three, four or five years down the road and you are faced out and in came new yet another imposters who pretentiously run errands in the name of Somali people, it’s continuation of the suffering and deep into the unscalable quagmire for the people and the Country as a whole. “The principal failing occurred in the sailing, and the Bellman, perplexed and distressed, said he had hoped, at least, when the wind blew due East, that the ship would not travel due West, The Hunting of the Snark by Lewis Carroll”. Synopsis of the essayist Abdiqani Ahmed Farah (Dala’aan) did his PhD at the University of Glasgow. His work focuses on, inter alia, higher education management-cum-quality assurance, curriculum development, research management and environmental/agricultural issues. Prior to that he was Head of the Faculty of Life Sciences (Environmental & Medical Sciences Departments), Coordinator of a two-year programme on Environmental Sciences Diploma jointly implemented by the East Africa University (Garowe branch) and EU through CARE. He was also Chair of examination of the World Bank functional review programme. He taught several universities and colleges including Somali National University, Technical University of Kenya, Camden College, East Africa University and Puntland State University. Guest lecturer: University of Helsinki, Michigan State University, Hormud Scholar, African Studies Associations and Mogadishu University. Disclaimer: The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Caasimada Online’s editorial stance.
  15. Portland (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa muwaadannimada kala laabtay Imaamkii hore ee masjidka Al-Saabir ee magaalada Portland ee gobolka Oregon kadib markii uu tagay Hargeysa, toddobaadkii tagay. Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Kaariye ayaa horey ugu jiray liiska dowladda ee dadka aan duuli karin, hase yeeshee dowladda ayaa u habaysay safar uu dalkiisa Soomaaliya dib ugu laabanayo, kadib markii uu heshiis la gaaray dowladda bishii Janaayo. Heshiiska ayaa waxa uu dhigayaa in Sheekh Maxamed uusan ka hor-iman dowladda oo kala noqotay dhalashada, islamarkaana wuxuu qirtay inuu been u sheegay saraakiisha hay’adda socdaalka, markii uu dhalashada Mareykanka qaadanayey bishii July ee 1997-kii. Sheekh Maxamed oo 57 jir ah ayaa arbacadii tagtay wuxuu diyaarad ka raacay magaalada Seattle, taasi oo gaysay Dubai, wuxuuna uga sii gudbay magaalada Hargeysa. Bishii October ee 2018, garyaqaananda dowladda ayaa maxkamadda racfaanka ee federaalka u sheegay in Sheekh Maxamed lagu daray liiska dadka aan duuli karin sababo la xiriira taariikhdiisa hore. Waxa uu ahaan jiray dagaal-yahan ka tirsan kooxda Mujaahidiin ee dalka Afghanistan kula dagaalamay ciidamada Ruushka ee qabsaday. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu taageero jihaadka hubaysan, kadib markii la dhageystay cod si sir ah looga duubay Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan KaariyeCodkaas la duubay ayaa ahaa sheeko dhex-martay xubno si hoose ula shaqeeya FBI-da iyo kooxda loo yaqaan Portland Seven oo ah shaqsiyaad loo maxkamadeeyey inay ku biiri rabeen Al-Qacida, kana qeyb gali lahaayeen dagaalka ay kula jiraan ciidamada Mareykanka ee Afghanistan. Dowladda ayaa ku eedeysay Sheekh Maxamed inuu qariyo xaqiiqooyin ku saabsan noloshiisa ama uu si qaldan u sheegay markii uu codsanayey dhalashada Mareykanka. FBI-da ayaa u sheegtay xeer-ilaaliyayaasha wasaaradda cadaaladda in Sheekh Maxamed uu horey ula soo shaqeeyey Sheekh Osama Bin Laden iyo hogaamiyayaal kale oo argagixiso oo ka mid yahay Makhtab Al-Khidamat oo loo yaqaan MAK. Waxa uu sidoo kale qariyey inuu sanaddii 1993-kii lagu xiray dalka Pakistan, sida ku cad waraaqaha maxkamadda. Sheekha iyo dowladda ayaa isku raacay in kala noqoshada dhalashada ay ahayd wax habboon, si asna loogu ogolaado inuu Mareykanka ka tago. Heshiiskan la gaaray ayaa Sheekh Maxamed u diidaya in inta noloshiisa ka harsan uu adeegsado xuquuqdiisa muwadaannimada ee Mareykanka oo uu helay 14-kii August 1998. Waxaa sidoo kale lagu amray inuu buuxiyo warqad uu uga tanaasulayo kaarkiisa degenaanshaha Mareykanka ama Green Card uuna kusoo diro boosatada DHL wax aan ka badneyn shan maalmood kadib marka uu tago Hargeysa. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  16. Warqad xalay ka soo baxday maamulka gobolka Nugaal ayaa lagu mamnuucay in la qabto wax shirar iyo kulamo ah oo aysan ka war-hayn maamulka gobolka Nugaal iyo laamaha amniga midkoodna. Warqaddan ayaa la qeybiyay fiidnimadii xalay kadib markii dowladda Puntland joojisay kulan siyaasadaysan oo uu si hoose u abaabulay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulanka oo lagu qaban lahaa Hotel Grand ee magaalada Garoowe ayaa madaxweyne Farmaajo kula hadli lahaa dadweynaha caasimadda balse waa laga joojiyay. Halkaan ka akhriso warqadda PUNTLAND POST The post Warqaddii uu eersaday kulankii xalay Farmaajo laga joojiyay appeared first on Puntland Post.
  17. Maamulka Gobolka Nugaal ayaa soo saaray amar ah in aan shir uusan ogeyn lagu qaban karin Hotelada iyo Xarumaha Jaamacadaha, iyadoo aan fasax ama ogolaansho [...] Source
  18. Dearborn Mayor John O'Reilly Jr. has strongly condemned a Facebook post demeaning Muslims that was allegedly written by a city employee, launching an investigation into the source of the offensive remark. Source: Hiiraan Online
  19. MOGADISHU, (Xinhua) — Somali security forces apprehended four al-Shabab militants in an operation conducted last week in the capital, Mogadishu, officials said. Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU—Ibrahim Hirei had been driving back to Mogadishu with two friends on March 18 when his car was hit in an American airstrike. Hirei, who had spent the day in the village of Muuri inspecting his family’s farm, was killed, along with a second man in the car. The third passenger died later in the hospital. Source: Hiiraan Online
  21. Rammadan Mubaarak: wali waxaan xasuusnahay oo aan marna qalbigayga ka go’in weedho uu igu yiri nin ka mid ahaa diplomats-iyiintii wax ka qaban qaabinayay shirkii Soomaalida loogu qabtay Kenya sanadkii 2002dii, waxaase iigu darnayd oo mar kasta oo la gaaro bisha Rammadaan si gaar ah dib ugu soo noqda xasuustayda weerihii u dambeeyay sheekadii aniga iyo ninkaas ina dhex martay. Bishii Oktoober bartamaheedii isla sanadkaas bay ahayd, maalmihii uu shirkaas bilowday, waxaan isugu nimid dhismaha wazaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya, intii uu ii waramayay ninkaas wax farxad i geliya marna iima sheegin, waxaana innagu soo fool lahaa bishii Nofeember oo horaanteeda (afarteeda ama shanteeda) ay ku beegnayd bishii barakaysnayd ee Ramadaan, markaan ka tagayay baan malaha si gocosha ah aadna moodayso inaan wali isaga la hadlayo ama aan sheekadii la sii wado waxaan iri “Waa soonkii 12aad oo ay ummdda Soomaaliyeed colaado iyo dagaalo ku soomayso!” markaasuu intuu garabka iga dharbaaxay si uu i sagootinayo oo dhowr talaabo albaabkii xafiiskiisa i soo dhaafiyay i yiri “Waan ka xumahay inaan sidaas ku iraahdo, adigu soonkii 12aad baad ka hadlaysaayee waad arki doontaa iyadoo soonkii 20aad colaado iyo dagaalo ku soonta!”…Maanta waxaa inoo curaty bishii barakaysnayd ee Ramadaan waana Soonkii 29aad!…Ramadaan Mubaarak!… Sida muuqata shirkan Garowe laysugu yimid wuxuu ku soo aaday shin-khayr, wuxuu ku soo aaday bishii barakaysnayd ee Rammadaanka!…bil ay muhiim tahay inuu qofka muslimka ah wanaagga labo jibbaaro, xumaanta iyo beentana ka fogaado, shacabkuna waxay qabaan rajo weyn oo ah inuu shirkaan ka duwanaan doono dhammaan shirarkii ka horeeyay ee dhex maray xukuumadda federal-ka iyo madaxda maamul goboleeddada, waxayna rajaynayaan in go’aannada ka soo baxaya shirka Garowe ka socda ay noqon doonaan kuwo looga gudbo danaha shaksiyadeed isla markaasna soo dedjiya in shirku garowsado sidii looga gudbi lahaa xaaladda qalafsan ee dadka iyo dalka ku suganyihiin, isla markaasna uu soonkaan noqdo kii is af-garadka iyo nabadda ay ka bilaabanayeen. Hasa yeeshee waxaa rajada natiijo wanaagsan oo shirka ka soo baxda ay dhab ahaan ku xirantahay hadba sida ay xukuumadda federal-ka ama madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaarihiisa KHeyre u tanaazulaan, iyadoo waliba sida laga war qabo ay xukuumadda federalka si weyn ugu tagri fashay awooddeeda lana oran karo dalka waxay dib ugu celisay heer uu mar hore so dhaafay oo ah sharci daro iyo in qofka madaxda ah uu ka sareyn karo sharciga. Waxaa iyadana xusid mudan in madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha ay iyaga noqdeen golihii xeer dejinta oo ay soo jeediyaan waxa qaynuun noqonaya iyo wixii aan noqonayn, golohooda waziiradana ay u ansixiyaan, lana inkiray hay’adihii shaqdaas lahaa, waana arrintaas sababta ugu weyn ee madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaare KHeyre aysan khaladkooda u fahmi karayn. Waxaa iyadana tallaabo wanaagsan ah mowqifka ay qaateen maamul goboleeddada si ay u xaqiijiyaan in qawaaniinta dalka u taala lagu dhaqmo, xukuumaddana lala xisaabtamo, waayo golayaashii shacabka sida muuqata xukuumadda waxay ku soo hubsatay xabaasha, guddoomiyihii golaha shacabka Max’ed Cabdi-Raxmaan Mursal wuxuu si dadban laakiin muuqata u oqday ninka seddexaad ee golaha xukuumadda, waana midda keentay in golaha fulinta uu si aan baqdin ku jirin ay u bedelo qaabkii doorashada, diyaariyana sidii ay muddada u kororsan lahaayeen. Madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaare KHeyre illaa iyo hadda sida muuqata shirka waxay ku joogaan qaab ay is leeyihiin ama ay doonayaan inay iska hor keenaana maamul goboleeddada. Maamullada Koonfur-Galbeed iyo Hir-SHabeelle oo iyagu la rumaysanyahay inay taageersanyihiin madax-weyne Farmaajo iyo xukuumadda KHeyre ayeey haboonaan lahayd inay ka fiirsadaan taageeradooda inay waafaqsantahay dastuurkii lagu heshiiyay, taasoo macnaheedu yahay inay danta ummadda ku jirto iyo in kale, waana inay ka fekeraan natiijada ka soo baxaysa inay ka go’aan golaha maamul goboleeddada, waayo waxay dhaawac ku keeni karaysaa isu soo dhowaanshihii dad-weynaha ku kala nool maamulada kala duwan. Muddo kororsi marna sharci kuma noqdo xaalad deg-deg ah oo uu wadanku galo, maxaa yeelay qawaaniinta dalka ayaa hagaya dhammaan xaaladaha dalka la soo gudboonaada, xaaladdaha degdegga ah waa qayb ka mid ah arrimaha dastuurka uu qeexayo,waliba dal kasta, waxaana sida mararka qaarkood dhacda aad arkaysaa dal xaalad degdeg ah soo rogaya laakiin soo maray sababaha sharciga ah ee dastuurku siiyay adeegsanayana awoodda uu qaynuunka u xaddiday ee xaaladdaas la dhamaanaysa iyadoo aan waxba muddo la kordhin…Donald Trump baaba caqli dhaamay oo hadalkii mid ka mid ah taageerayaashiisa oo yiri “Trump waxaa ka khasaaray labo sano oo Muller uu baaraayay sidaas daraadeed waa in loo gudaa labadaas sano” jeer soo dhigay tweeter-ka laba jeer, anigu maba is lahaynba nin ka sarrigasha Trump baa jira. Waxaa intaas oo dhan ka daran madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha maba oggolaba in awood iyo is maamul hoose ay leeyihiin maamul-goboleeddada waxayna doonayaan inay marin habaabiyaan dadka shacabka oo intooda badan aysan wali fahmasanayn nidaamka lagu soo heshiiyay iyo waxa uu uga duwanyahay kii hore ee ay yaqaaneen, waxayna macanihii ku soo koobeen inu yahay nidaam wax kala qaybinaya oo keliya iyagoo aan marna sheegayn intiisa fiican iyo sida dadku wax u wada leeyihiin iyo in nidaamku diidayo awood marooqsi iyo keli talisnimo sida ay hadda rabaan inay dalka ku maamulaan Farmaajo iyo KHeyre iyo ku fikirka ah. Waxaana sida hadda la ogyahay ay Farmaajo Kheyre hadda soo galeen heshiisyo aan waafaqsanayn dastuurka dalka waxayna markii horaba garbo duubeen golayaashii la xisaabtami lahaa, dagaalka ay ku jiraan waa mid indho sarcaadin ah inta ay wax uga fulayaan, waxyaabaha ay heshiisyada ku soo galeen waxaa ka mid ah badaha iyo dekadaha, kheyraadka dalka, dhammaantoodna waa heshiisyo wasakh ah oo aan la hor keeni karin umadda…Farmaajo wuxuu Itoobiya kula soo heshiiyay 4 dekedood oo Soomaaliya ah qaabkee buu ugula heshiiyay lama yaqaan, waan ognahay Itoobiya iyadii baa baqtinaysa oo dalkeedii maal gelin u raadinaysa… way ina weydiisan kartaa inay dekedaheen wax uga soo degaan kana dhoofsadaan annagoo kula heshiinayna hadba xaaladda suuqa sida ay tahay!…… KHeyre, shidaalkii dalka oo dhan buu suuq geeyay laakiin waxay su’aashu tahay talo aysan maamul goboleeddadu wax ka ogeyn, golayaasha kale ee dowladuna aysan ansixin waxba kama soconayaan, ama mugdi ha lagu soo heshiiyo ama arkab dushiisa ha lagu soo kala qorto, dadka Soomaaliyeed iyagay u taalaa siday badahooda iyo kheyraadkooda u ilaashan lahaayeen, walaacna kama qabaan inay ilaashan karaan… dowladaha raba inay saxiixyo dad daneystayaal ah ku boobaan kheyraadka ummadda waxba kama qaadayaan shacabka Soomaaliyeed. Way fiicnaan lahayd, aad bay u fiicnaan lahayd Farmaajo iyo saaxiibkiis KHeyre inay iimaanka isku sugaan oo dadka aysan kala fogeyn, waxaa hubaal oo aan cidna ka qarsoonayn maamul goboleeddadu waxay taaganyihiin meeshii u dambaysay oo ay uga go’i lahaayeen xukummadda federal-ka ah. DHibaatadaba waxay ka timid guddoomiyaha golaha shacabka Mursal oo kaalintiisii u hadiyadeeyay Farmaajo iyo KHeyre oo awooddoodii inay ku tagri falaan u saamaxay xummaan kasta oo timaadana isaga ayaa qayb ka ah, hadana shirka lama keenin, sababta laysaga reebayna ma uu garanayo…sida hadda wax ku socdaan waxay tagaysaa in wax Beesha Caalamka isugu yeera ay mar kale ay soo dhex galaan labada dhinac, taasin danta ummadda kuma jirto… Sow ma fiicnaan lahayn marka Farmaajo iyo saaxiibkiis KHeyre inay intaas fahmaan soonkaan uu noqdo kii ugu dambeeyay ee shacabka Soomaaliyeed ay ku soomaan is-qab-qabsi iyo khilaaf oo aan lagu darin soonkii soddonaad oo colaad iyo lagu khilaaf iyo dagaal lagu soomo!… W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan