-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-293/042019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Xil ka Qaadis Ku: Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Axmed Xasan Cigaal Sahal Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Wareegto Madaxweyne. Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha. 4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
-
Markii aad rabto in aad xaqiiqada dalka ogaato waxaa la dhagaystaa hadalada ama khudbadaha madaxda Soomalidu ay u jeediso ajaanibta maxaa yeelay inta badan ajaanibta waliba caddaanka reer galbeedka run ayay u sheegeen. Waxaa jirtay khudbad muhiim ah oo aysan saxaafadda soomalidu aad uga hadlin oo uu raysulwsaaraha hadda dalka Hassan Ali Khaire si wada jir ah ugu jeediyay hay’ada lacagta adduunka (IMF) , Iyo Bangiga lacata adduunka ee magaalada Washington labo maalin ka hor. hadalka raysul wasaaraha oo 10 daqiiqo socday ayaa wuxuu ka hadal dhammaan inta badan xaaladaha dhaqaale,siyaaasadeed iyo amni ee dalka ka jira. Inta aan arkayay masuul Somali ah oo caddaanka wax u sheega waxaa iila khatarsanaa raysulwasaare khaire; caddaanku markii ay afrika la macaamiliyaan natiijada iyo xaqiiqada waxay ka jecelyihiin hanaanka (processeska la maro) maxaa yeelay si isla xisaabtanka danbe looga jawaabo waa in waddooyinka la maryo xoogga la saaro. Raysulwasaarhu waxuu si aad heer saraysa burcad u mariyay xaaladda dhaqaale ee dalka. Wuxuu sheegay in ay ka jawaabeen dhammaan shuruudihii IMF iyo world band ka rabeen si aysan dowladda soomaliyeed oo tan ka horaysay uga jawaabin . Sidaas darteed, wuxuu sheegay in dhaqaaluhu koray , sicir bararku aad u hooseeyo, iyo in awoodda wax iibshada (Purchasing power) ee shacabku batay. Sidoo kale,waxaa kor loo qaaday dakhli aruurinta gudaha dalka iyo in dib u habayn lagu sameeyay waddooyinka loo maro dakhli aruurta iyo wax soo iibsiga guud (public procurement) Raysul wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in ay dib habayn ku sameeyeen dhinica amniga asaga oo sheegay in 17,000 (Todobo iyo Toban kun) oo askri in ay akoonadooda lacatii ugu shubeen bishii la soo dhaafay. Arinta amniga wuxuu sheegay in bishii ay ku baxdo 9 million oo doolar, sanadkiina 109 million doolar ay ku bixiyaan amniga. Taasi waxay ka dhigantahay ayuu yiri lacata gudaha laga soo aruuriyo waxaan 57% ku bixinaa arimaha amniga. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay arinta siyaasadda oo ah in ay dadka u horeseedaan in ay doortaan qofka ay rabaan in ay ka shaqaynayaan. Khudabadan markaan dhagaystay waxaa ii soo baxday: In dib u habaynta dhaqaalaha iyo kor u qaadidda dakhliga gudaha, bixinta musharaadka, iyo diiwaangalinta askartaa(biometric) ilaa 17000kun ay tahay horumar weyn oo ay dowladdu ku talaabstay. In haddii bisha 9 million amniga lagu bixiyo ay tahay khasaaro weyn oo dalka soo gaaray 2 sanno ee la soo dhaafay maxaa yeelay haddii dhagaxyada meelaha la dhigo aan lacagtaas lagu bixin in aysan wax natiijo oo kale ka muuqan. Waxaa laga yaabaa in gaadiidka bullet proofka ee loo iibiyo xildhibaanada iyo taageeryasha dowladda ay qayb xoog leh kaga baxdo 9 million bishii. In dowladdu ay ku fashilantay markastana been ka sheegto arimaha siyaasadda oo ay u muuqato in lagu kala tagay. Talo soo jeedin: Dowladdu gaar ahaan hoggaanka sare ha ogaadaan in dhaqaalo kaste oo la sameeyo iyo mushaaro kaste oo la bixiyo in aysan raagi doonin haddii ammaanka iyo siyaasadda ay dhibaato ka jirto. Haddaba, halaga fikiro tub cusub oo suurtagal ka dhigi karta in dib u heshiin siyaasadeed oo dowlad wadaag ah iyo hanaan cusub oo amni oo ay hormuud ka yahin dad howlkar ah oo dareen wadani ah qaba la helo. Ahmed Abdihadi Abdullahi, Waa wariye madaxbanaan, iyo falanqeeye siyaasadeed oo dagan magaalda Moqdishu. Twitter @Ahmedabdihadi Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta sameeyey xil ka qaadis iyo magacaabis. Arrintan ayaa saameysay wasiirrada iyo safiirka Itoobiya. Halkan Ka Soo ka Akhri Wareegtada: Wareegto Madaxweyne Xil ka Qaadis Ku: Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Axmed Xasan Cigaal Sahal Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Wareegto Madaxweyne. Magacaabid: Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha. 4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya Source: goobjoog.com
-
Cabbaas Askar Cabbaas Wakiilkii xafiiska difaacaha xuquuqda Insaanka Puntland ee gobolka Karkaar, Cabbaas Askar Cabbaas ayaa maanta xilka iska casilay, kadib markii uu wada-shaqeyn la’aan ku eedeeyay madaxda sare ee xafiiskaasi. Mudane Askar ayaa sheegay in uu xilka iska casilay, kadib markii shaqadii loo igmaday uu ka wadi waayay xafiiska dhexe ee difaacaha xuquuqda Insaanka Puntland oo uu ku eedeeyay wada-shaqeyn la’aan. Halkaan ka akhriso PUNTLAND POST The post Xubin ka tirsan xafiiska Xuquuqda Aadanaha Puntland oo is casilay appeared first on Puntland Post.
-
Ugu horayn waxaan salaanta islaamka ku salaamayaa dhamaanba warbaahinta Somalliland meelkasta oo ay joogto, waxaan kaloo salaamayaa bulshada Somaliland meelkasta oo ay kala joogaan. Maqaalkan aan ugu magac daray ninka ugu ildheerbaa dadka ugu ayaan daran, waxaa igu kalifay inaan qoro su’aal aan iswaydiiyay oo ah niyaw dhibka haysta bulshada dhinac kastoo ay noqoto ma adiguun baa arkaya mise waa lagula og yahay ee dan baan laga lahayn, waxyaabaha aan isdul taagay waxaa ka mid ah nolosha bushada iyo sida uu sixir bararku u aafeeyey. Horta marka koobaad dhib kasta oo ku yimaada bulshadeenan Somaliland waa mid ay iyagu isu gaysteen oo ka bilaabmaysa qabyaalada iyo iskhilaafka laysku khilaafayo waxkasta oo bulshada dan u ahaa iyadoo laga duulayo qabyaalad. Sixir bararku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha mideeya bulsho wada nool oo kala fikir ah ama wax isku khilaafsan, waana muhiim in xaalada dadkeenu maanta ku jiro in loo midoobo, dawlado dhan ayaa lagu badelaa roodhi hal cent ku kordhay, inaguna maanta halkii ugu liidatay ayaynu maraynaa dadkeenii danyarta ahaana waxba xaalkooda kalama socono. Waxyaabaha iga yaabiyay waxaa ka mid ah markasta oo la doonayo in sixir barar wax laga qabto waxaa la yidhaahdaa dollar baa kacay ee hoos haloo dhigo, haddii hoos loo dhigana laba dhibaato ayay bulshadii la kulantaa oo kala ah waa mida koobaade in meceeshadii halkeedii taagnaato ama kabasii korodho iyo in lacagtii hoos u dhacdo oo waxba u jari waydo bulshadii masaakiinta ahayd, waxa kale oo la yaab leh, halkii shay ee la siin jiray hal ka dollar marka uu tobanka kun ahaa imika oo uu sideed kun marayana lagu odhan maayo hal dollar keene waxaa lagu odhanayaa toban kun keen, marwalba bulshadii masaakiinta ahayd ayaa ku dulman, ma waxaynu garan waynay oo maamulkeenu garan waayay war haatan bulshadu halka dollar shayga la siinayo hal dollar haku iibsatee zaad kii iyo e-dahabkii u ogolaada in sidii caadiga ahayd lacagta laysugu diri karo, oo halkii dollar wax lagu iibsan karo, zaad kii iyo edahabkii la joojiyayna dhib kale iyo sixir barar kale ayuun bay bulshada ku soo kordhiyeen. Haddaba, markay sidaa tahay, waxaan talo idinku siinayaa muwaadiniinta aan u diir naxayoow iyo dadkayga jilicsanoow inaad ka hadashaan oo ka doodaan oo diidaan sixir bararka iyo tacadiga noocaas ah ee aydaan qaadi karayn idinkoo mid ah oo aan iskala qaybinaynin, qabyaaladana iska daaya waata halkaa idin dhigtaye, wixii dadka, dalka iyo diintaba wax u dhimaya, wixii aan xaq ahayn iyo waxkasta oo bulshada masaakiinta ah culays ku ah si toos ah oo isku mid ah uga wada hadla oo ha is khilaafina nabad-galyadana ilaashada idinkoo mid ah. Wa bilaahi tawfiiq Abdiaziz Mohamed Mohamoud aziiz9000@gmail.com Qaran News
-
Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Dhoobo Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada dowladda Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe, ayaa isku raacay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kufsiga ku soo badanaya degaannada Puntland,si go’aanno masiiriya looga soo saaro. Kulanka oo uu shir-guddoominayey, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) guddoomiyaha golaha wakiilada, ayaa guddiyada qaabilsan xuquuqul-insaanka iyo caddaaladda ee Baarlamanka Puntland lagu amray in ay baaritaan dhab ah ku sameeyan arrimaha kufsiga,si go’aanno looga soo saaro. Sidoo kale ,waxaa kulanka looga hadlay arrimaha amniga iyo abaaraha baahsan ee laga soo sheegayo degaanno kamid ah Puntland, sida uu sheegay xoghayaha golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Xiddig warsame. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo guddiya xaqiiqa-raadina u saaray arrimaha kufsiga appeared first on Puntland Post.
-
Somali parliamentarian will this morning question heads of security agencies on the security of the capital city, Mogadishu as well as the fight against al-Shabaab. According to a statement by the Somali parliament, officials are wanted to have a detail of the circumstances behind the security laxity and how the agencies reacted. Among those who will appear before the parliament includes Minister for Internal Security, Mohamed Abdukar Islow, Defense Minister, Hassan Mohamed Ali, Police Chief, Gen. Bashir Abdi Mohamed, Army chief, Gen. Dahir Elmi, and acting National Intelligence Chief, Fahad Yassin. Sources also say Mogadishu mayor, Abdirahman Omar Osman will also appear before the parliament to be grilled over Saturday protests in Mogadishu. According to the statement by the House leadership, the media will not be allowed to today’s sitting as the session will cover security issues. View the full article
-
Taliyaha Kantaroolka Boosaaso Mukhtaar Gaagaale Taliyaha ciidanka Booliiska dowladda Puntland, S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa taliyaal cusub u magacaabay kantaroolka magaalada Boosaaso iyo taliska saldhiga Baalade. Taliyaha Rugta kantaroolka magaalada Boosaaso ayaa loo magacaabay, Dhamme Mukhtaar Axmed Faarax (Gaagaale), halka ku xigeenkiisa loo magacaabay, Xiddigle Axmed Ciise Ducaale, sida ku cad dikreeto ka soo baxday xafiiska taliyaha Booliiska Puntland. Sidoo kale, Xiddigle Cabdirashiid Salaad Maxamed ayaa loo magacaabay, taliyaha saldhiga Booliiska xaafadda Baalade ee magaalada Boosaaso. Halkaan ka akhriso PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Taliyaha Booliiska Puntland oo taliyaal cusub magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Maamulka Puntland Jaamac Faarax Muuse ayaa wareegto kasoo baxda xafiiskiisa lagu qeexay in guddomiyaha xiriirka kubbadda cagta Puntland loo magacaabay Maxamed Cali Ciise (Ciiro) oo horay u ahaa tababarihii kooxda Puntland ee intii u dhaxaysay sanadihii 2016-2017,isagoo kooxda u qaaday koobkii 1aad ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir Horay waxaa guddomiyaha xiriika kubbadda cagta Puntland u ahaa Mustaf Cabdiraxmaan Xasan (Majacase) oo iminka ah madaxda tartamada xiriirka kubbadda cagta Puntland. Wareegtada kasoo baxda xafiiska wasiir Jaamac Faarax ayaa lagu magacaabay ilaa shan qof kuwaas oo loo dhiibiyay xilal kala gedisan oo xiriika kubbadda cagta Puntland,iyagoo shaqeyndoono mudo hal sano iyo afar bilood. “Waan ku kalsoonahay aqoonta iyo tayada shaqsiyaadka aan u magacaabay xilalka kala duwan ee Xiriirka kubadda cagta Puntland waxay haystaan mudo sanad iyo afar bilood waxaana kawada sugaynaa in ay la yimaadaan horomarinta iyo dhisida xiriirka kubbadda cagta Puntland”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland Jaamac Faarax Muuse. Liiska Loo Magacaabay Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland Maxamed Cali Ciise (Ciiro) – Guddomiyaha Xiriika Kubbadda Cagta Puntland Cabdiqani Cabdiraxmaan Faarax –Guddomiye Ku Xigeenka Xiriika Kubbadda Cagta Puntland Mustaf Cabdiraxmaan Xasan (Majacase)-Madaxa Tartamada Xiriika Kubbadda Cagta Puntland Cabdi Xakiim Saciid Muuse – Madaxa Farsamada Xiriika Kubbadda Cagta Puntland Xasan Bare Ducaale- Madaxa Maaliyada Xiriika Kubbadda Cagta Puntland “Is badalka waqti kasto ayaa loo baahan yahay Puntland waxaa laga heli karaa dhalinyaro badan oo tayo wanaagsan kuwaas oo door wacan ka ciyaari kara kobaca iyo natiijooyinka xulka Qaranka Soomaaliya waxaan sugnaba waa dardar gelinta howlaha adag ee horyaal mas’uuliyeenta la magacaabay waxaa sidaas Goobjoog u sheegay guddomiye ku xigeenka 2aad ee xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta C/llahi Sheekh Nuur Axmed. Maxamed Cali Ciise (Ciiro) waa macalinkii kooxda Puntland u suura geliyay hanashada tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir markii ugu horeesay ee la qabtay sanadii 2016,isagoo kolkaa ka qaaday kooxda Jubaland,halka sanadii 2017 uu isla kooxda soo gaarsiiyay kama dambeysta koobka waxaana ka hantay xidigaha kooxda Jubaland. “Wuu mahad sanyahay wasiirn Jamaac iyo intii kale ee ka shaqaysay howshan anagoo wadajir ah ayaan isku kaashanayna horomarinta iyo kor u qaadida dhismaha xiriirka kubbadda cagta Puntland si sanadaha aadan aan u gaarno guulo waaweyn oo wax ku ool ah”waxaa Goobjoog Sports sheegay guddomiyaha cusub ee xiriika kubbadda cagta Puntland Maxamed Cali Ciise. Si kastaba bilihii lasoo dhaafay waxaa maamulka Puntland ka socday dardar gelinta dhismayaasha iyo horomarinta garoomada kubbadda cagta dhalinyarada deegaanka ayaa arintan soo dhaeeyay,iyagoo guul u rajeeyay madaxda cusub ee xiriika kubbadda cagta Puntland. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Ku: Madax-waynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Ujeedo: Sidii looga Gaashaamashan lahaa Sunta Warshada Safaysa Saliida Qaydhini. Mudane Madaxwayne Sidaad la socotid dhawaan ayaa magaalada Berbera lagu daah furay Wershed sifayn-doonta Saliida Qaydhin (crude oil). Inkastoon la sheegin xadiga maalgelineed iyo waxsoosaar ee warshadan, balse waxa la tilmaamay in maalgashigani ka badan-yahay kii dekeda. Mudane Madaxwayne waxaanu kugu teegeersannahay hirgelinta mashaariicda Dalka iyo Dadkaba faa’iidada u leh, misna waxaan hubaa in aannad ogolaan doonin fulinta mashaariicda keenaya dhib, dhimisho iyo cuduro bulshada ku dhac ama wax u dhimaaya fayo dhaworka deegaankooda. Marka koobaad waxaan Madaxwayne kugu boorinayaa in “aqoon” lagu saleeyo go’aamada dawlada ee khuseeya masiirka fog ee umadan, sida kuwa maalgelinta-ee shirkadaha ajaanibka ahi wadaan. Qoraalo hore ayaan ku soo gudbiyey talooyin ku’aadan sidii looga gaasham lahaa dhibaatooyinka ku duugan maagashiyada balaadhintii Dekada & Airport ka Berbera, laakiin waxaan aad uga xumahay inaan la qaadan talooyinkaas. Qoraalkanina wuxu daaran yahay talooyin ku aadan Warshada Safaynsa Saliida Qaydhin ee dhawaan Berbera lagu daah furay oo ilaa maanta anaay cadday shaqadeeda (whether the oil is from upstream, midstream & downstream processed crude oil) runta ahi. Mudame madaxwayne mashruucani waa kii ugu khatarta badnaa ee soo marray Somaliland gaar ahaana magaalada Berbera. Wuxuu saamayn tabban oo toos-ah ku yeelan-doonaa bulshada degan Berbera iyo deegaankooda, waa hadaan laga gaashaaman dhibkiisa. Dhinaca kale wuxuu dib-dhac ku keenidoonaa himaladii hormarka Soomaliland. Waayo? horumarku waa isku dheeli tirnaanta nolosha/caafimaadka bulshada, fayo dhaworka deegaanka iyo koboca – dhaqaalaha. Si arinta hormarka looga midho dhaliyo bulshada iyo deegaankoodana loo badbaadiyo, shacabka Somaliland gaar ahaana shacabka Berbera waxay is waydiinayaan su’aalahan; Maxaa looga jeedaa “Saliida Qaydhin”? (a) ma Saliida ceel/well kii toos looga keenay baa (upstream-well stream fluid crude oil), (b) mise waa Saliid gabowday, oo hore loo isticmaalay lakiin la rabona in dib loo nadiifinaayo (recycling of used oil), (c) mise waa hadhaaga saliidaha qaydhin ee warshadaha saliidu soo saaraan (downstream – processed oil by-product). Muxuu yahay wax soo-saarka warshadu (main product)? (a) ma Shidaal-baa, (b) mise waa Daamur mise…. (c) muxuuse noqonayaa qashinka ama by-product warshadu. Sidee saliida warshada loo gaadh-siinayaa? (a) ma haamo cusub bay dhisayaan, mise kuwii hore ayay isticmaalayaan ( crude oil receiving facilities) oo laga kiraynayaa, (b) mise pipe toos ah ayaa isku xidhi doona markanka iyo warshada. Su’aalahaas jawaabtooda ayaa cadayn-doonta xadiga khatarta warshadu inta uu leegyahay. Inkas-too khatar-ta suntu ku badan-tahay safaynta saliida gabowday ee hore loosoo isticmaalay (recycling of used oil) iyo safaynta qashinka/hadhaaga ah ee laga keeno warshadaha saliida safeeya, misna dhamaan safaynta saliidahu, waxay halis geliyaan nolosha bulshada iyo deegaanka, ka ag dhow warshadaas. Sidaa darteed waxaan kugu talin lahaa in Somaliland marna aanay ogolaan in laga dhiso warshado safeeya saliida gabowday iyo saliida qashin/hadhaa ah toona. Waayo? Dhibka ay keenaan ayaa ka badan faa’iidada ay keenaan (marka laga eego dhinaca bulshada iyo deegaanka ay ku yaalaan). dhinac kale hadii laga eego Sunta hawada (Air pollution) sida SO2, TVOC, BTEX, PM10,2.5 iyo H2S iwm…ee ka soo baxaysa warshadahan ayaa keenata dhimasho iyo xanuuno waara iyo cimil bedel. Dhinac kalena Sunta biyo-ha ee ka soobaxda warshadahan sida Hg, Cr, Cu, Fe,pb, DRO, GRO, PAH, TPH oil and greas iwm… ayaa iyaduna sabab-ta dhimasho iyo xanuuno waara. Sidaa darteed mudane Madaxwayne waxaa kula gudboon inaad hubiso warshadan si loo ilaaliyo nolosh dadka, deeganka iyo dhaqaalah bulshada Berbera. Warshadan maxaa la gudboon; Noocay doontaba saliidu ha ahaatee waxa loo baahan yahay in laga saaro sunta ku jirta ka hor in taan la bilaabin shaqada safaynta/karinta/gubista iyo kala shaadhaynta. Qalabka sunta saaraa waa qaali ( millions of dollars) laakiin waxa ka qaalisan nolosha dadka. Sidaa darteed waa waajib xukuumada saran inay dejiso sharciyo ku khasbaaya shirkadahu inay ka saarto suntan, gubista saliida horteed. Ugu yaraan warshadu waa inay leedahay qalabkahoos ku qoran; Acid Gas Removal and treatment units. Dehydration, Mercpatant & Mercury Removal and treatment units. Fractionation and associated Gases, Liquid and Solid removal and treatment units. Sulfur removal unit. Wershadahani waxay isticmaalaan biyo badan oo lagu qaboojiyo mishiinada (cooling water) hadaan la kaantaroolina waxay biyoha kulul kuqubaan bada. Wastewater Recover and treatment unit: Helium Recover and treatment unit. Wershadu waxay soo saartaa biyo badan sumaysan (contaminated) hadaan la kaantoroolina waxay ku qubaan badda (sea) ama ceelel ay qodaan (deep well injection) , ama waxay ku qubaan baliyo/xorfado ay sameeyeen (open lagoons). Arintani waxay halis ku tahay biyaha dhulka hoostiisa (groundwater). Dhibka warshadani waxa kor u qaada laba qodob 1) noocyada suntan ee warshadu sii dayso, iyo 2) dhul (site) ka wershada lasiiyey, hawodhaca dhulkaas iyo biyo dhaca dhulkaas. Sida kor ku xusay mashruucani wuxuu noqonayaa kii ugu khatarta badnaa ee soo mara Somaliland gaar ahaana magaalada Berbera. Sidaa darteed waxaan Madaxwaynaha, Golaha Shacabka iyo xildhibaanada degmada Berbera ugu baaqayaa in laga tashado sidii loo maarayn lahaa sunta warshadan, waa hadaan la joojin karin. Waa in laga foojignaado inay soo cilinta Darbudhuq-II-Chinese leather disaster. Qoraalada danbe ayaynu ku eegi dhibaatooyinka khaaska ku ah safaynta saliida qaydhin. (Mohammed Xaaji Ibraahim) Mujaahid Gaadh haye Gmail: moa.ibrahim7@gmail.com Qaran News
-
Diyaarado dagaal oo aan la aqoonsan, ayaa shalay duqeeyay degmada Sallaxley ee gobolka Maroodo-jeex ee ka tirsan Somaliland. Wax khasaare nafeed ah oo ay gaysteen ma jirto, sidaa waxaa Goobjoog News u sheegay guddoomiyaha Sallaxley Ismaaciil Yuusuf Xuseen. Sawiirada hoose waxaa ay muujinayaan haraadiga wixii qarxay: Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online)-Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa ka hadlay inta ciidamada Mareykanka ku qaadan karto howlgalka ay kula dagaalamayaan ururka Al SHabaab. Madaxweyne Donald Trump ayaa todobaadkii hore saxiixay waqti kordhin iyo balaarinta howlgalka ciidamada Mareykanka ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya iyo tababarka ay siinayaan ciidamada DANAB ee dowladda Soomaaliya. Saraakiil u hadashay ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa sheegay in ku dhawaad 7 sano oo hadda dhiman ay ku qaadan doonto ciidamada Mareykanka dagaalka ay kula jiraan ciidamada Al Shabaab. Saraakiisha oo la hadashay TV-ga CNN ayaa sheegay in howlgalkooda uu idlaan karo sanadka 2026, taasi oo ka dhigan Todobo sano oo hadda dhiman. Ciidamada Mareykanka ayaa dagaal adag kula jira Al Shabaab waxaana ay xarun weyn ku leeyihiin xaruntii ciidamada Cirka Soomaaliya ee Bali doogle, iyaga oo halkaasi ka qaada weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Al Shabaab. Qorshaha madaxweyne Trump waxaa qeyb ka ah tababarka ciidamada DANAB oo la kordhinayo iyo weerarada dhanka cirka oo la labo jibaari doono, sida saraakiisha ciidamada Africom u hadashay ay sheegeen. Ciidamada DANAB oo hadda gaaraya 500 oo askari ayaa la gaarsiin doonaa ku dhawaad 3000 oo askari, kuwaasi oo qeyb ka noqon doono howlgalka dhanka dhulka oo si wadajir ah ay u sameyn doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka. Becky Farmer oo ah afhayeen ka tirsan ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka 255 xubnood ay ku dileen inka badan 30 duqeyn oo ay ka fuliyeen gobolada dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sadexdan Madaxwayne miyuu jiraa mid ka qabtay waraaqihii rasmiga ahaa ee magacaabista Safiirka mise kuwii uu Farmaajo ka qabtay ayuun bay ku aqoonsadeen Mr Yamamato. Somaliland maaha inay ka xishooto in safiirku rasmi ahaan yahay Safiirka Maraykanka ee Somalia ilaa inta ay aqoonsi ka helayso dalka Maraykanka ee safiir gaar ah u soo magacaabanayo. Ceeb maaha in lagu sheego xilkiisa rasmiga ah ee aan la odhan SAFIIRKA U QAABILSAN MARAYKANKA SOMALILAND IYO SOMALIA iyadoo aynu ognahay in Madaxwayne Farmaajo isagu keligii ka qabtay waraaqaha rasmiga ah ee lagu soo magacaabay safiirka. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Xukuumadiisa, waxyar un kadib markii uu maanta qaar kamid ah bulshada reer Hargeysa la tukaday salaad Roob-doona. Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-293/042019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Xil ka Qaadis Ku: Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Axmed Xasan Cigaal Sahal Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Wareegto Madaxweyne. Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha. 4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL
-
(SLT-London)-Wargeyska Ingiriiska ee The Telegraph ayaa xukuumadda UK ku dhalliilay in ay cashuurta laga qaado bulshada Ingiriiska ay ku bixinayso maxkamado aanay xukunkoodu caddaalad sal ku lahayn oo ay kuwa Somaliland ku jiraan. Wargeysku wuxuu sheegay in ay lacagtaas dawladda Ingiriisku si sir ah ugu bixiso maxkamado xukunkoodu mushkilad ku yahay xuquuqal iisaanka kuwaas oo kiisas yaryar wax weyn ka dhiga iyaga oo adeegsanaya la dagaallanka Argagixisada. “Lacag badan oo cashuur Bixiye waxaa lagu kharash gareeya dalka Bariga Afrika ku yaalla ee Somaliland, halkaas oo 2.4 Milyan oo Euro loo qoondeeyay dib u habaynta maxkamadaha,” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta Telegraph. Waxa uu wargeysku sheegay in dadka tacadiyadu gaadheen ay ka mid yihiin suxufiyiin, qoraayo iyo gabayaa “Maxamed Kayse Maxamuud waxaa la yidhi waxa uu 18 bilood u xidhna aflagaadayn madaxweynaha Qaranka oo uu boggiisa Facebook ku qoray ‘madaxweynuhu waa local maaha madaxweyne Qaran,” Sidaas ayuu wargeysku tusaale u soo qaatay. Halkan hoose ka akhriso warka uu wargeysku qoray https://www.telegraph.co.uk/news/2019/04/13/uk-taxpayers-funding-torture-executions-government-secretly/ Source
-
Wardhiigley (SMN) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo boqolaal dadweyne ah kula hadlay degmada Wardhiigley ayaa sheegay in dowladdiisa aysan u dul qaadan doonin in dib loogu laabto marxaladiihii adkaa e uu soo maray dalka. Madaxweynaha tilmaamay in dad yar oo leh dano gaar ah ay ka shaqeynayaan kala qeybinta dadka iyo burburinta dalka. Sidoo kale waxa uu xusay in dowladda uu hoggaamiyo ay ka hortageyso dhibaatooyinakaasi, kana shaqeyn doonto horumarka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/cod-1-madaxweynaha-.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbashay Warqadda Go Home oo ay joojisay muddo ku siman sanad ka hor sida uu ku warramay wariye Khaalid Foodhaadhi oo ka tirsan telefishanka Goobjoog. Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay soo celinta adeegsiga warqadda Go Home ee Soomaaliya loogu noqdo laakiin, waxa jira hoos u dhac laga dareemay madaarka Hargeysa oo ah kan kaliya ee Somaliland ka shaqeeya. Waxa la sheegay in shirkado dhawr ah oo diyaaradeed joojiyeen duullimaadyadii ay samayn jireen sidoo kalena ay hoos u dhac weyn ku keentay cid kasta oo ku lug leh adeegyada madaarka iyo macaamiishiisa. Dadka doonaya in ay tagaan Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ah ayaa baabuur u raaci jiray magaalada Garoowe si ay halkaasi diyaarad uga raacaan taas oo la wareegtay camirnaantii Madaarka Hargeysa waxaana la rumaysan yahay in taasi kalliftay ogolaanshaha warqaddan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa sheegay in xabsiga la dhigay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska, kuwaasi oo loo heysto inay qeyb ka ahaayeen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Labadii maalin ee lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan booliska iyo meletariga Soomaaliya ayaa ku dagaalamayay degmooyinka Shibis iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada dagaalamay ayaa sidoo kale waxay kala qaateen qoryo badan, taasi oo keentay in dagaalo ay ka dhacay agagaarka Isgoysyada Maanabooliyo iyo Baar Ayaan, waxaana kadib ciidamada kala dhex galay saraakiisha ciidamada Booliska iyo Meletariga. Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed (Americo) oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda iyo saraakiil ciidan loo xiray isku dhacyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho. Waxaa uu taliye Bashiir Ameriko digniin u diray ilaalada Madaxda Dowladda, waxaana uu sheegay in lagula xisaabtami doono dagaalada dhexmaraya Ciidamada ilaalada u ah iyo kuwa howlgalada ka wada Muqdisho. Markii Magalada Muqdisho ay ku wada dagaalamaan Ciidamada dhexdooda ayaa khasaaraha ugu badan waxaa ay gaartaa dadka Shacabka ah ee ku sugan Goobaha lagu dagaalamay taas oo aysan jirin cid wax iska weeydiisa. Sidoo kale taliyaha ciidamada booliska ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada kale uu kula dardaarmayo inay xakameeyaan waxyeelada shacabka ay u geystaan ciidamada ilaalada u ah iyo kuwa la dhigay xarumaha Isgoysyada ah. Todobaadkaan Muqdisho waxaa ka dhacay seddex dagaal oo u dhaxeeyay ciidamada Booliska iyo meletariga Soomaaliya, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac gaaray dhinacyada dagaalamay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ka hadlay Dhacdooyinkii Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagu raad-joogo askarigii ka dambeeyey falkii shalay, kaasi oo sida uu sheegay ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxey ku raad-joogaan Askarigii falkaasi wuxuushnimada ah gesytay, waxaana hadda xiran taliyihii Aagaasi qaabilsanaa, Waxaan shacabka Soomaaliyeed ogeysiineynaa in Booliska ay kusoo wargeliyaan qofka dilkaan ku eedeysan oo baxsad ah”ayuu yiri Taliyaha Booliska Soomaaliyeed. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa sidoo kale sheegay in Askarigii dhibaato u geysta qof shacab ah uusan heli doonin gabaad, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhinaca kale sheegay in gacanta ay ku hayaan dad sida uu sheegay qas-wadayaal ah oo ku dhex gambanayey dadkii ka carooday falkii shalay, kuwaasi oo uu sheegay iney u adeegayeen cadowga oo ay boob u gesyteen goobo ganacsi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa la soo gabagabeeyey tartankii Iskuullada ee ay qabanaysay Idaacadda Gool FM, kaasoo loo bixiyey GOOL FM Cup. Tartankan ayaa u dhexeeyey 32 iskuul oo ku yaala caasimadda waxaana lagu soo afmeeray degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir. Kulankii Final-ka waxaa wada ciyaaray labada iskuul ee kala ah Hirgal iyo Al-Miftaax kuwaasoo kulankoodii ugu dambeeyey soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah. Kulankan ayaa markii labada iskuul ay barbaro isla dhaafi waayeen waxaa loo baahday in lagu kala saaro gool ku laadyo, waxaana rigooreyaal koobka ku qaaday iskuulka Al-miftaax. Tartanakan waxaa taaba-galisay Jaamacadda Salaam, waxaana marti gelisay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir. Munaasabadii xiritaanka waxaa ka soo qeyb-galay guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng. Yariisoow, guddoomiyaha isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Wiish, maamulka Jaamacadda Salaam, maamulka degmada Xamar Jajab, ururka haweenka, Suxufiyiin, maamulka labada iskuul ee ciyaareysay taageerayaal fara badan oo u kala sacabo tumayey labada iskuul ee final-ka gaaray iyo marti sharaf kale. Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Idaacadda Gool FM C/llaahi Daahir Siyaad Dhakoos oo ugu u mahadceliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Eng. Yariisoow, guddoomiyaha Isboortiga gobolka Banaadir Xasan Wiish, Agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group Xasan Maxamuud Maxamed, maamulka Jaamacadda Salaam, maamulka degmada Xamar Jajab iyo Ururrada haweenka oo uu sheegay inay garab ka siiyeen qabsoomidda tartankan. “Ujeedada aan tartankan u qabannay haddii aan nahay Gool FM waxa ay ahayd inaan lafteennu dadka tusno sida aan uga qeyb qaadan karno horumarinta isboortiga dalka iyo horumarinta kubadda cagta Gobolka Banaadir iyo indhalinta Muqdisho ay isku arkaan, isku dhex-galaan oo ay ku saaxiibaan tartankan.” ayuu yiri Agaasimaha Gool FM C/llaahi Daahir Siyaad Dhakoos. “Waxa uu koobku socday muddo bil ah, waxaana uu dhexmaray 32 iskuul oo isku arkay iskuna bartay, waxayna ahaayeen kuwo u bisil inay kubadda ciyaaraan oo ay ku saaxiibaan, iyadoo innaguna aan qeyb ka qaadanayno inaan ka turjunno nabadda taala Muqdisho.” ayuu hadalkiisa ku daray Agaasime Dhakoos. Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Salaam oo ah Jaamacadda taaba-galisay tartanka oo goobta ka hadlay ayaa yiri: “Waxaan ku faraxsannahay inaan tartankan oo muddo bil ah soo socday uu maanta inoo soo dhammaado, waxaan u mahad celinayaa GOOL FM iyo guud ahaan goobjoog Media Group, tani waa qeyb ka mid ah howlaha ay qabo Jaamacadda, waxaan sidoo kale rabnaa inaan taabo-galinno tartanka Iskuullada Gobolka Banaadir ee bisha Ramadaan hadduu Eebbe idmo, waana joogteyn doonnaa taaba-gelinta tartammada noocaan ah.” Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo munaasabada ka hadlay ayaa dhankiisa yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inuu maanta noosoo gabagaboobo tartankii muddo socday, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Gool FM iyo Jaamacadda Salaam oo tartankan iska kaashay, si la mid ah degmada Xamar Jajab iyo shacabkeedaba oo mar walba iyo maalin waba heegan u ahaa tartankan.” “Inaan dhiiri-gelinno dhallinyarada iskuullada waxay ka turjumaysaa sida uu maamulka gobolka Banaadir diyaar ugu yahay dhiiri-gelinta iyo garab istaagga guud ahaan dhallinyarada, waxaan rabnaa in magaaladaan ay noqoto magaalo dhallinyaro oo isboortiga laga ciyaaro” ayuu hadlakiisa ku daray guddoomiyaha gobolka Banaadir. Ugu dambeyn kooxda ku ciyaareysay magaca Al-miftaax ayaa la guddoonsiiyey koobka, sidoo kalena halkaas waxaa lagu bixiyey abaal-marinno ay ka mid yihiin xiddigii ugu fiicnaa tartanka, laacibka ugu goolasha badan, goolhayaha ugu fiican iyo wixii la mid ah sidoo kale waxaa la bixiyey shahaado sharafyo. Sawrirrro Dheeri Ah: W/Q-Haaruun Yuusuf Khasaaro Gool Fm Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo sabtidii ka hadlayey ayaa ku doodey in dowladdiisa aaney kaliigii talis aheyn, isla markaana uu ku yimid rabitaanka umadda. Farmaajo oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Dhowr qof oo qas wadayaal ah ma ah iney magac xumo siiyaan askarta, ma ah iney magac xumo siiyaan dowladnimada Soomaaliyeed, oo inta ay soo baxaan, oo jidadka tagaan taayero gubaan, taayeradu micnaheedu waxaa ay tahay joogta dowlad kaligii talis ah, annagu ma nihin keligiis taliye, rabitaankiina ayaan ku nimid, marka aan imaaneyney sida aan noo soo dhoweyseen, waad ogeydeen, markii nala doortay waa na taageerteen”. Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay sida ummada Soomaaliyeed ay taageersan yihiin dowladdiisa isaga oo yiri “ Haddana ummada Soomaaliyeed waa na taageersan yihiin, maxaa yeelay dowladdan dowlad fiican weeye aan madaxweynaha ka ahay, dowlad nadiif ah weeye, dowlad ammaanda ilaaliso weeye, tuugo aheyn, dowlad cadaaladda ku dadaasho waaye, dowlad aan qabyaalad iyo qabiil aqoon weeye”. Arrintan ayaa timid kadib markii dibad-bax ballaaran oo maamulkiisa looga soo horjeedo ka dhacay koonfurta Muqdisho kadib markii ciidamada dowladda ay dileen 2 qof oo rayid ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Australia)-Booliska dalka Australia ayaa sheegay in hal qof, dhowr kalena lagu dhawaca Toogasho Waaberigii hore ee saaka ka dhacay Dhismo lagu caweeyo oo ku taalla magaalladda 2-aad ee ugu weyn Australia ee Melbourne. Toogashadaasi ayaa waxaa lagu dilay Ilaaliye dhinaca Ammaanka oo 37-jir ahaa, halka 4 kalena lagu dhaawacay, iyadoo mid ka mid ah oo 28-jir ah la sheegay inay xaalladiisa aad u liidato. Boliska waxay tilmaameen in dabley wadatay gaari xawli ku socday ay geysteen Toogashadaasi oo ka dhacday duleedka Dhismo lagu caweeyo oo lagu magacaabo The Love Machine nightclub ee magaalladda Melbourne. Source
-
(SLT-Qaza)-Madaxweyne Maxaamuud Cabaas Abu Maasim waxa uu ku dhawaaqay Xukuumad ay gadhwadeen ka yihiin Xisbigiisa Al-fatax ee muddada dheer hayey talada Maamulkaasi oo gacanta ku haya Dhulalka Daanta Galbeed ee la-haysto. Xukuumadda cusub oo ka kooban 22 Wasiir waxaa Ra’isul-wasaare ka ah Maxamed Shatayeh, iyadoo Madaxda Dhaqdhaqaaqa XAMAAS ee ka taliya deegaanadda Marinka Qasa ay mucaaradeen magacaabistaasi. Shan ka mid ah Xukuumadda Cusub waxay ka mid ahaayeen Xukuumadii hore oo iyagu weli haya Xilalkooda, waxaana ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda, Riyaad Al-maalik, Wasiirka Maaliyadda, Shukri Bishaara, Warfaafinta, Nabiil Abu Rudeynah, Dalxiiska, Rola Maayaa iyo Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka, Ziyaad Abu Caamir. ukuumadda cusub ee Falastiin ayaa la dhisay, kadib, markii uu Ra’isul-wasaarihii hore Raami Xamdallah uu iska casilay xilkaasi bishii Janaayo ee la soo dhaafay. Waxayna is-casilaadaasi timid, kadib, markii laga guul-daraystay Wada-xaajood Dib-u-heshiisiin oo u dhexeeyey Xisbiga All-fatax iyo Dhaqdhaqaaqa XAMAAS. Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabaas oo 83-jir ah waxa xilkaasi hayey tan iyo sannadkii 2005-tii. Source
-
Muqdisho (SMN) – Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo u warramayay Warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay shaqaaqooyin Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ku dhex maray M/ Muqdisho. Taliye Ameeriko ayaa tilmaamay in saraakiil ka tirsan kuwa laamaha amniga ay u xiran yihiin dhacdooyinkaasi, islamarkaana wax laga wey diin doono iska hor imaadyadaasi.. Sidoo kale waxa uu xusay in aysan u dulqaadan doonin in lagu kor dagaalamo dadka shacabka ah oo ay masuul ka yihiin nabad galyadooda. Dhanka kale taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sii hadlayay ayaa digniin u diray ilaalada gaarka ah iyo mas’uuliyiinta dowladda. Waxaana uu carabka ku dhuftay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan Askartaasi,haddii ay jabiyaan sharciga. Hadalka Ameerico ayaa imaanaya, xilli labadii maalin ee la soo dhaafay Ciidamo ka wada tirsan kuwa DFS ay siyaabo kala duwan ugu dagaalameen M/ Muqdisho, kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. View the full article