Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The European Union’s compensation budget for Kenyan troops fighting Al-Shabaab in Somalia is set to start falling in the financial year beginning July, signalling the onset of gradual withdrawal from the war-torn nation. Treasury estimates show that Kenya will in the next financial year be demanding the least reimbursement from the EU compared to the past five years, with the amount falling further in subsequent years. It expects refunds of Sh5 billion in the year starting July, 41.17 per cent lower than the Sh8.5 billion in the current year ending in June. The EU receipts are projected to fall further to Sh3.5 billion in the year starting July 2020, then stabilise at about Sh3 billion thereafter. Kenya is demanding more compensation this year from the EU than the Sh6.1 billion it has budgeted for in the past four years. The Treasury had only received Sh10.20 million in the first seven months through February from the EU for refunds usually disbursed quarterly. International community This was, however, topped up to Sh3.757 billion in March, which is 44.2 per cent of the Sh8.5 billion the Treasury has budgeted this financial year. About 4,000 Kenyan soldiers are part of the African Union Mission in Somalia (Amisom), presently headed by Ethiopia’s Lt Gen Tigabu Yilma Wondimhunegn. The international community pays $1,028 (Sh103,728) for each soldier per month. Their respective governments then deduct about $200 (Sh20,180) for administrative costs, meaning the soldiers take home about $800 (Sh80,722). The soldiers receive the funds through the Kenyan government. Kenya formally sent 4,660 soldiers to Somalia in October 2011 after incessant attacks and kidnapping of civilians by Al-Shabaab militants within its territory. A year later, the UN Security Council gave Kenya the green light to join Amisom, a decision that meant the Treasury would not bear the full costs of the incursion. Amisom’s soldiers are drawn from Uganda, Burundi, Djibouti, Sierra Leone and Kenya. Source: Business Daily
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda ayaa gacanta kusoo dhigay askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya oo barqanimadii maanta darawal mooto bajaajle ahaa ku diley Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan halka qof kale uu dhaawacay. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in askarigaas dilka iyo dhaawaca geystay ay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gacanta ku dhigeen. “Wargelin; Ciidanka Booliska ayaa soo xiray askari boolis ah oo maanta darawal mooto Bajaaj ku dilay qof kalena ku dhaawacay Tarabuunka, waxaana la marsiinaa sharciga. Marnaba ogaal meyno in askarteena dhib u geystaan shacabka ayay tiri Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa caadeystay dilalka darawalada Mooto Bajaajta, waxaana weli jirin askari maxkamad loo soo taagay in uu ka dambeeyey dilalkaas oo weli ka socda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Si kastaba, maalmahan dambe waxaa yaraa dilalka kala duwan ee askarta u gaystaan dhalinyarada wadata Mootada Bajaajta, balse dilkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo jawiga Magaalada uu yahay mid nabdoon. Isgoysyada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la soo dhigay Ciidamo badan oo Boolis ah, kuwaasi oo gaadiidka ku baara Koontaroolada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. One person has died while at least 188 have been treated for cholera in Kotulo, Mandera South, in the past month, the county's public health chief officer has said. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (SMN) – Tartan Aqooneedka Shabelle oo Caawa galaya habeenkiisa labaad ayaa waxaa ku madalsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Waa labo degmo oo daris ah, islamarkaana ku wada jira Group-ka A ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan wada diyaar garow xoogan, si ay degmo welibo u difaacato dhibcaheeda. Hodan iyo Howlwadaag sidoo kale waa degmooyin ku firfircoon dhanka waxbarashada, taas oo kulanka caawa ka dhigeysa in uu yahay mid darbi ah. Kulankii ugu horreeyay oo xalay la qabtay ayaa waxaa ku wada baratamay degmooyinka Kaxda iyo Baraawe . Kaxda ayaa guul taariikhi ah u soo hoysay gobolka Banaadir, kadib markii ay guul ka gaartay dhiggeeda degmada Baraawe ee gobolka Sh/ Hoose. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa Shirkadaha BECO iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adulty Commercial Secondary School. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa loo heystaa u daabulidda hubka iyo rasaasta nuucyadooda kala duwan Maleeshiyada Alshabaab, Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigay, wixii xilligaasi ka dambeeyay Hey’adaha baarista ayaa ka fushaday howlahooda baarista iyadoo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side loo soo gacan geliyay 17-ka bishii April ee Sanadkan xilligaasi oo sidoo kale Xafiiska Garsoorka Ciidamada weydiisteen in loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga Dhexe Gar-sug ahaan. Dhowr Cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ayaa codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda. 30-kii April ee Sanadkan ayay Maxkamadda Ciidamada ballamisay dhageysiga Dacwadda, waxaana xilligaasi looga yeeray fadhiga Maxkamadda dhinacyada ay qoseyso. Xafiiska Xeer Ilaalinta oo kaa shanayay Hey’adaha baarista ayaa fadhiga Maxkamadda kusoo bandhigay Eedeysanahan Lix iyo Sodon jirka ah, waxa ay Maxkamadda wax ka weydiisay jiritaanka kamid ahaanshiyihiisa Alshabaab iyo U daabulidda Hubka iyo Rasaasta ee uu maleeshiyada kaga daabuli jiray Suuqyada Qarsoodiga ah ee Hubka lagu iibiyo. Si cad ayuu fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in uu u furnaa suuq uu ku iibiyo Hubka oo cid kasta oo daneysa Hubka uu ka iibin jiray laakiin arrinta la yaabka leh ayaa ahayd in uu safarro ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo Nuucyada Rasaasta iyo Hubka. Kuunya Barrow, Toorotoorow iyo Mubaarag ayuu geyn jiray hubka isaga oo ku kala wareejin jiray shaqsiyaad Alshabaab u qaabilsanaa Keydinta Hubka sida uu garsoorka ka hor caddeeyay Cadow. Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) uusan ahayn dhallinyaro la marin habaabiyay balse uu go’aansaday in uu hanti ka sameeyo dhiigga Umadda, waxa uu garsoorka u sheegay in Eedeysanaha uu ku qanacsanaa shaqada Alshabaab uu u hayay. “Dadaal iyo Juhdi ayuu ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo goobaha ay ku dhuumaaleysteen hubka iyo Rasaasta, waxa uu isticmaalay farsamo kasto uu Alshabaab ugu geeyo Hubka “ ayuu Hadalkiisa sii raaciyay ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida, garsoorka Maxkamadda ayuu weydiistay isaga iyo kuwa lamidka ah in la marsiiyo ciqaab u dhiganta qodobada sharciga ah oo ay ku soo eedeeyeen. Qareenada Eedeysanaha ayaa ku dooday in aysan jirin sharci guud oo dowladda dajisay kaasi oo diidaya inaan hub la iibin Karin sidaas darteed uu xaq u leeyahay eedeysanaha in uu ka shaqeysto wixii uu ka dhex arko danihiisa, waxa ay Maxkamada ka codsadeen in la siiyo xurriyadiisa inta dowladda go’aan guud ay kasoo saareyso. Todobaad kadib Maanta ayay Maxkamadda kasoo saartay go’aan eedeysanaha, waxaana Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) lagu xukumay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka digtay iibinta hubka Qarsoodiga ah (Cir-toogte), waxa ayna Maxkamadda fartay hey’adaha Ammaanka in ay baaris iyo daba gal ku sameeyeen Shqsiyaadka ka ganacsada Hubka. “Shaqsigii ay ku cadaato in uu gacan ku siiyo cid kasta oo lid ku ah dowladnimada hub iyo Rasaas waxa uu inooga dhigan-yahay sida kooxaha arga-gixisada, waxa uuna heli doonaa ciqaab u dhiganta miisaanka dambi uu galay, Ogaada cid loogu dulqaadan doono ma jirto ficillada nuucaas oo kala ah” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa heysta fursad uu ku dalban karo rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. View the full article
  6. Garowe (SMN) – Wararka aan ka heleyno Magaalada Garowe oo shir Xasaasi ah uu uga socdo Masuuliyiinta DFS iyo Maamul Goboleedyada dalka ayaa ku soo warramayo in Heshiis horudhac ah laga gaaray qaar ka mid ah qodobadii la iskula soo qaaday shirkaasi. Qodobada ay isku afgarteen Masuuliyiinta shirkaasi ka qeyb galaya ayaa sida Warar Hoose ay ku heleyso Shabelle waxaa ka mid ah. 1:-In la dhiso Gole Isku dhaf ah oo ka kooban Xukuumadda Federaalka Somalia iyo maamul Goboleedyada. 2:- In Dib u eegis lagu sameeyo heshiisyada la xiriira Arrimaha Shidaalka iyo doorashooyinka soo socda . 3:- in Muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo In dib loogu soo celiyo xarunta Baarlamaanka Galmudug Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. 4:- La dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada. 5:- Dar Dar gelinta Wadahadalladii DFS iyo maamulka Somaliland. 6:- sidoo kale Dar dar galinta wada shaqeynta Wasaaradaha XFS iyo kuwa maamul Goboleedyada. Inta badan dadka ka faalooda Siyaasada dalka ayaa u arka in qodobadaan ay u muuqdaan kuwa dowladda dhexe ay Tanaasul xoogan ugu sameysay soo jeedinta Madax Goboleedyada dalka. View the full article
  7. Anger over corruption, the faltering economy and land reform are key issues as South Africans vote in the sixth democratic national election since apartheid ended 25 years ago. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-080519.mp3 View the full article
  9. RAMADAAN KARIIM (4) Caafimaadka iyo Mucjisada Soomka Ibo-furkii Professor Yoshinori Ohsum Qalinkii Xassan Cumar Hoorri Mahadnaqu Allah ayaa u sugnaaday. Allaha, innagu galladay nimcada Islaamka. Allaha, innagu simay bisha Ramadaan ee tobankeeda hore naxariista tahay, tobanka dhexena denbi-dhaaf, iyo tobanka danbe ee Allah addoomihiisa ka xorreeyo naarta. . Haddaba, 2016, Professor Yoshinori Ohsumi (Japan), waxaa uu ku guulaystay Abaalmarinta Nobel ee cilmiga Sayniska. Waxaana uu ku mutaystay xeeldheerida aqoonta fisiyoolojiga (physiology) ee lagu lafo-guro hawlgalka unugyada jidhka. Weliba isagoo ku sii talax tegay waaxda (Autophagy) ee “Isa-saxar-tirka Jidhka”. Billadda Nobel ee lagu ladho magac, milgo iyo maal, waxaa lagu qiimeeyaa tan ugu sarreysa ee lagu abaaliyo aqoon-ruugga lamaha kala duwan ee cilmiga. Dadka u tartama, ka sokow in ay aqoonta ka gaadhaan heerka ugu sarreeya, waxaa u sii dheer, tobanaan sannadood oo ay u soo babbac-dhigaan cilmi-baadhis qotto dheer, si ay u daah-furaan aqoon cusub oo waxtar ah. Sidaa awgeed, Prof. Yoshinori waxaa uu soo xaqiijiyay qadoodigu in uu jidhka ka nadiifiyo unugyada dhintay, kuwa naafoobay, kuwa gaboobay, kuwa sadhoobay iyo kuwa ay haleelshay aramidu sida Verus ama Bacteria. Cilmi baadhistu waxaa ay soo bandhigtay qadoodiga ama soomka in lagaga badbaado waxyeello cudurro halis ah sida Kansar (Cancer), Asaasaq (Dementia), Sonkor (Diabetes), Gabow, Wadne-xanuun, Dhimir-falluuq iyo Cudurrada Faafa. Waxaana ay si mug leh u falanqaysay aqoontan cusub oo ibo-furtay qaabka uu jidhku iskiis isugu nadiifiyo ama isu-saxar-tiro. Waxaana lagu iftimiyay in uu jidhku iskiis isu xalo kolka uu ka qado cuntada iyo cabidda, ugu yaraan 12 saacadood. Sidoo kale, diraasaddu waxaa ay ku talisay in nafta la qadiyo sannadkiiba 30 maalmood. Isla markaa, qofkii awooda in uu ku sii daro toddobaadkiiba 2 maalmood oo kala dheer. Halkaa, waxaa laga dheehan karaa aqoontii casriga ahayd in ay ku soo dhacday tubtii diinteennu innoo jidaysay, soomka bisha Ramadaan. Qofkii awoodaana in uu ku daro maalmaha Isniinta iyo Khamiista ee sunnaha ah. Ugu danbeyntii, baadhista cilmiyeed, waxaa ay si adag uga digtay dheraggu in uu jidhka bado wahsi, kuna keydiyo hadhaa xanniba halbowlayaasha dhiigga, culaysna ku noqda dheefshiidka. Hadhowna soo kordhiya ama sii huriya cudurro halis ah. Prof. Yoshinori markii uu ka bogtay hidde-sidayaasha unugyada, kana faraxashay barashada jaan-tuska iyo qaabdhiskooda waxaa uu garowsaday qadoodigu in uu sal u yahay sida unugyadu isu nadiifiyaan. Sannadkii 1992 waxaa uu daabacay buug uu ku shaaciyay aqoonta uu dunida ku soo kordhiyay. Waxaana uu caddeeyay, “dadku in aanay tamar-dhigin xilliga ay afxidhan yahiin, balse, waxaa soomka uga sii kordha firfircooni dheeraad ah”. Waxaa iyana xigasho mudan, aqoonta (Autophagy) ama “Isa-saxar-tirka Jidhka” ee xilligan la soo gunnaanaday in ay soo jiitamaysay tan iyo 1935. Waagaa waxaa la daabacay diraasad lagu male-awaalay hoos u dhigga dheefta ama tamarta (calories) in uu jidhku ka helo caafimaad dheeri ah iyo cimri-dherar. Cilmi baadhis kale oo iyana lagu tijaabiyay raxan daayeero ah ayaa muujisay naruurada ka iman karta dhimista dheefta uu noolahu quutto. Waxaana ka soo baxday in ay le’deen 30% xayn daayeero ah oo muddo labaatan sannadood ah caloosha loo buuxin jiray. Hase ahaatee, Xayn kale oo dheeftoodu hoos loo dhigay 30% waxaa ka dhintay keliya 13%. Geerida kuwa dheragta la luudayay ayaa saddex-laab ka badnayd kuwii dheefta loo qorsheeyay. Durba waxaa xusuusteenna ku soo dhacaya xadiiskii Rasuulka (NNKHA) ee macnahiisu ahaa. “caloosha in saddex meelood loo qaybiyo, meel cuntada lagu rido, meelna cabidda, meelna loo dhaafo hawada si looga neefsado”. Soomka waxaa innoga horreeyay ummaddihii ay kutubtu ku soo degtay sida Tawraat (Yuhuud) iyo Injiil (Kiristaan). “Kuwa Xaqa Rumeeyow, Waxaa La Idinku Waajibiyey Soomka Sidii Loogu Waajibiyay Kuwii Idinka Horreeyey, Si Aad U Dhowrsataan.” Al Baqarah, aayadda 183. Sidoo kale, waxaa sooma dad badan oo haysta caqiidooyin anbad ah. Wadaadada Budhistaha (monks) wax cunto ah afka ma ay geliyaan inta u dhexaysa hadhimada ilaa waagu ka beryaayo. Sidaa darteed, ayay uga siman yahiin muuqaalka “firfircooni iyo weyd caafimaad qabta”. Prof. Yoshinori Ohsumi, 73 jir, waxaa uu Shahaadada Ph.D qaatay 1974. Tan iyo waagaa, waxaa uu wax ka dhigayay Jaamicadda Rockefeller, Maraykan, iyo Jaamicadda Tokyo ee Japan. Intaaba, waxaa uu ku foogganaa sidii uu uga niib keeni lahaa baadhitaanka cilmiyeed. Ugu danbeyntii, mar uu ku guda jiray shaybaadhka uu ku sidkay maskaxdiisa, qalbigiisa iyo nolashiisa., waxaa ku soo dhacday farriintii uu weligiiba u hanqal taagayey. “Hambalyo, waxaa aad ku guulaystay abaalmarinta Nobel.” “Caruurnimadii wax badan ayaan ku hammiyay abaalmarinta Nobel. Hase ahaatee, markii aan baadhista gudo galay, waxaa aan dib u laqay candhuuftaydii,” ayuu Yoshinori u sheegay warsidaha Guardian. “Markaan arkay yoolka loo tartamayo, ma filayn, in aan hanan karo, balse, waxaa iga go’nayd in aanan ka daalin baadhista”. Si kastaba ha ahaatee, aqoontu Allah ayay u sugnaatay Waxaana liibaanay qofkii u dheereeya fulinta waxii Allah uu faray, iskana dhowra waxii uu ka reebay. Ogow, haddii ay soo xaqiijiso aqoonta gaaban ee aadamahu iyo haddii ay ka gaabisoba, wax kastoo diintu innagu waajibisay waxaa ku jirta danteenna, if iyo aakhiroba. Xassan Cumar Horri, Machadka Dimuqraadiyadda Geeska Africa (HID, waxaa aad Kala xidhiidhi kartaa hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac Twitter #Horrimania. Qaran News
  10. Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa loo heystaa u daabulidda hubka iyo rasaasta nuucyadooda kala duwan Maleeshiyada Alshabaab, Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigay, wixii xilligaasi ka dambeeyay Hey’adaha baarista ayaa ka fushaday howlahooda baarista iyadoo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side loo soo gacan geliyay 17-ka bishii April ee Sanadkan xilligaasi oo sidoo kale Xafiiska Garsoorka Ciidamada weydiisteen in loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga Dhexe Gar-sug ahaan. Dhowr Cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ayaa codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda. 30-kii April ee Sanadkan ayay Maxkamadda Ciidamada ballamisay dhageysiga Dacwadda, waxaana xilligaasi looga yeeray fadhiga Maxkamadda dhinacyada ay qoseyso. Xafiiska Xeer Ilaalinta oo kaa shanayay Hey’adaha baarista ayaa fadhiga Maxkamadda kusoo bandhigay Eedeysanahan Lix iyo Sodon jirka ah, waxa ay Maxkamadda wax ka weydiisay jiritaanka kamid ahaanshiyihiisa Alshabaab iyo U daabulidda Hubka iyo Rasaasta ee uu maleeshiyada kaga daabuli jiray Suuqyada Qarsoodiga ah ee Hubka lagu iibiyo. Si cad ayuu fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in uu u furnaa suuq uu ku iibiyo Hubka oo cid kasta oo daneysa Hubka uu ka iibin jiray laakiin arrinta la yaabka leh ayaa ahayd in uu safarro ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo Nuucyada Rasaasta iyo Hubka. Kuunya Barrow, Toorotoorow iyo Mubaarak ayuu geyn jiray hubka isaga oo ku kala wareejin jiray shaqsiyaad Alshabaab u qaabilsanaa Keydinta Hubka sida uu garsoorka ka hor caddeeyay Cadow. Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) uusan ahayn dhallinyaro la marin habaabiyay balse uu go’aansaday in uu hanti ka sameeyo dhiigga Umadda, waxa uu garsoorka u sheegay in Eedeysanaha uu ku qanacsanaa shaqada Alshabaab uu u hayay. “Dadaal iyo Juhdi ayuu ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo goobaha ay ku dhuumaaleysteen hubka iyo Rasaasta, waxa uu isticmaalay farsamo kasto uu Alshabaab ugu geeyo Hubka “ ayuu Hadalkiisa sii raaciyay ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida, garsoorka Maxkamadda ayuu weydiistay isaga iyo kuwa lamidka ah in la marsiiyo ciqaab u dhiganta qodobada sharciga ah oo ay ku soo eedeeyeen. Qareenada Eedeysanaha ayaa ku dooday in aysan jirin sharci guud oo dowladda dajisay kaasi oo diidaya inaan hub la iibin Karin sidaas darteed uu xaq u leeyahay eedeysanaha in uu ka shaqeysto wixii uu ka dhex arko danihiisa, waxa ay Maxkamada ka codsadeen in la siiyo xurriyadiisa inta dowladda go’aan guud ay kasoo saareyso. Todobaad kadib Maanta ayay Maxkamadda kasoo saartay go’aan eedeysanaha, waxaana Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) lagu xukumay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka digtay iibinta hubka Qarsoodiga ah (Cir-toogte), waxa ayna Maxkamadda fartay hey’adaha Ammaanka in ay baaris iyo daba gal ku sameeyeen Shqsiyaadka ka ganacsada Hubka. “Shaqsigii ay ku cadaato in uu gacan ku siiyo cid kasta oo lid ku ah dowladnimada hub iyo Rasaas waxa uu inooga dhigan-yahay sida kooxaha arga-gixisada, waxa uuna heli doonaa ciqaab u dhiganta miisaanka dambi uu galay, Ogaada cid loogu dulqaadan doono ma jirto ficillada nuucaas oo kala ah” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa heysta fursad uu ku dalban karo rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. iyadoo dhawaan wasaarada arimaha Diinta iyo Awqaatta Soomaaliya ay magacawday guddiga qaban qaabada Xujayda Soomaaliyeed ayaa waxaa arintaasi ka soo hor-jeestay maamulada Puntland iyo Galmudug. [...] Source
  12. Gudoomiyaha gobolka Cayn Cabdirisaaq Xaaji Xasan ayaa kulan looga ahdlaayay amniga gobolka iyo xaalada gobolka waxa uu laqaatay saraakiisha laamaha amniga , Odayshaasha dhanka, Isuduwa [...] Source
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya shirka Garoowe ayaa sheegaya in madaxda halkaas ku shirsan ay gaari la’yihiin wax heshiis ah, hase yeeshee aysan haysan wax ikhtiyaar ah oo ay halkaas uga soo tagaan. Ilo-wareedyo ku dhow xafiisyada qaar ka mid ah madax goboleedyada iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in waxa kaliya ee hadda madaxda ku haya shirkan oo galay maalintii afaraad ay tahay cadaadiska safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto. Yamamoto, oo la kulmay dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda federaalka maalmo ka hor shirka ayaa la sheegay inuu uga digay in haddii aysan Garoowe ku gaarin heshiis dhab ah in beesha caalamka ay ka niyadjabi doonto Soomaaliya, una arki doonto Soomaalida kuwa aan dooneyn in dalkooda hore u socdo. “Waxa kaliya ee hadda madaxda ku haya halkan ayaa ah digniinta safiirka Mareykanka, ee mar hore ayay tagi lahaayeen” Waxaa sidaas yiri mas’uul ku sugan shirka oo magaciisa qariyey. Shirka ayaa waxaa maalmihii koowaad uu waqti kaga kulmay xiisadda madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xalay shirka ka baxay. Waxaa sidoo kale la isku qabtay qodobka doorashada ayada oo madax goboleedyada ay dalbadeen in dowladda ay dib ugu laabto sharcigii ay meel-mariyeen golaha wasiirada, taasi oo madaxda dowladda ay diideen. Qodobkan ayaa caqabadda ugu weyn noqday, wuxuuna hor-istaagay in heshiis buuxa la gaaro, ayada oo qodobo kale oo dhowr ah oo la isku raacay aan la saxiixi karin qodobkan la’aantiisa, maadaama uu yahay qodobka ugu muhiimsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.om
  14. Wasiir kuxigeenka wasaarada amniga ee dowladda Puntland Yuusuf Maxamed Ismaacii ayaa Warbaahinta lawadaagay qodobadii ka soo baxay shirkii wadatashiga Amniga Soomaaliya ee udhexeeyay dowladda iyo. [...] Source
  15. Darawal Mooto bajaajle ah ayaa maanta lagu dilay Isgoyska Tarbuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaddib markii askari ka tirsan ciidanka dowladda oo rasaas ku furay. dilka darawalka ayaa ka dambeeyay ka dib markii uu muran soo kala dhex galay askariga iyo darawalka mooto bajaajka, waxaana taasi ay keentay in dhowr xabadood uu ku dhufto. Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, inkastoo aanay u suura gelin inay gacanta ku soo dhigeen askarigii dilka geystay oo goobta ka baxsaday. Darawalkan Mooto bajaajlaha ayaa noqonaya kii u horeeyay ee la dilo, tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadaan, waxaa muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay dilalka loo geysto darawalada mooto bajaajta Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo dhowaan warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa xisbiga Waddani, ayaa waxa uu ka dhawaajiyey mowqifkooda ku aadan Wada-hadalada Soomaaliyo iyo Somaliland. Guddoomiye Ciro ayaa sheegay in xiligan aysan munaasib aheyn in Wada-hadal lala furo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ciro ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumada Muuse Biixi ay kala qeybisey bulshadii reer Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in wada-hadaladaasi ay ka horeeyan in bulshada Somaliland la mideeyo. Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo arrimahaasi ka hadlayey ayaa waxa uu yiri “Xukuumadda Somaliland iyada oo leh boqolkiiba konton shacbiga waan ka maarmay, oo aan rumays nahay kontonka ay tirsanaysaana in aanay maanta kalsooniba ku qabin, waxaan qabaa inaanay ahayn waqtigii ugu haboona ee ay bilaaban lahaayen wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya”. Wuxuuna intaas kusii daray “Xisbi ahaan Anaga oo mabda ahaan ogol in la wada-hadlo haddana waxa ka horeeya in aynu gurigeena hagaajino, inaynu shacbiga midayno, in aynu tacadiga, xeer jebinta iyo ku tumashada shuruucda, jidh dilka shacbiga iyo xariga ka dayno oo inaga oo midaysan oo shacbigu gudaha ka midaysan yahay ayuu gali karaa in uu la hadlo”. “Marka ay ku haboonaato in wada-hadal la galo waxa loo baahan yahay in qorshihii hore iyo istaraatijiyaddii hore wax laga bedelo loona diro dad ka midho dhalin kara, wada-hadal kasta oo la galayaana waa inay u dhanaadan metelayaasha shacbiga oo uu ka mid yahay xisbiga Waddani”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Wasiirka wasaarada qorshaynta ee dowladda Puntland cabdiqafaar Xange ayaa Warbaahinta u akhriyay War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii wasaaradaha qorshaynta ee dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha [...] Source
  18. Xukuumadda Qadar ayaa sheegtay in ay u direyso dadka reer Falastiin lacago doolar ah oo gaaraya 480 milyan,gaar ahaan dadka ku sugan deegaanka Daanta Galbeed [...] Source
  19. The family of a British woman who was radicalised while studying in Kenya have appealed for her to be allowed to return home after being severely injured in a coalition attack on Islamic State. Source: Hiiraan Online
  20. Ku soo dhawaada barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha. Qeybtanna waa qeybtii 470-aad, waxana soo jeedinaya Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Read More
  21. Roobabkii xalay ka da’ay gobolka Cayn Roobabka gu’ga, ayaa xalay miray degaanno ka tirsan gobolka Cayn oo abaaro baahsan iyo biya la’aani ka jirtay, sida ay soo sheegayaan bulshada ku nool degaannada roobsaday. Tuulooyinka xalay roobku miray waxaa kamid ah: Dan-Dan, Sarmaan, Dhillaalo, Balli-cad, Carra-weyn iyo Banyaal oo dhammaantood ka tirsan gobolka Cayn, inkastoo roobabka halkaasi ka da’ay ay kala duwan yihiin, iyadoo meelaha qaar doogsimo keliya laga soo sheegayo, halka degaanna kalena ay roobab badan ka da’een. Tuulooyinka Dan-Dan, Balli-cad iyo Dhillaalo ee gobolka Cayn iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran, ayaa waxa isu raacay roobabkii gu’ga oo mir iyo mayay leh(bariise), kuwaasi oo buuxiyay balliyada, saaxaha iyo gal-gelimaha sida lagu soo warramayo. Sidoo kale, roobab teel-teel ah oo aan sidaasi u badneyn, ayaa ka da’ay degaanno kamid ah gobollada Sool iyo Mudug, balse sida la sheegayo waa jaamo yar yar, marka loo eego abaarta daran ee dhulkaasi ka jirta. PUNTLAND POST The post Roobabka gu’ga oo ka da’ay degaanno kamid ah Puntland appeared first on Puntland Post.
  22. Garowe (Caasimada Online)-Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa wali ka soconaya kulamada kala duwan ee u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada. Kulamada ka dhacaya magaalada Garowe ayaanan wali wax go’aan ah laga soo saarin, waxaana socda kulamada u dhaxeeya madaxda matalaysa Ummada Soomaaliyeed. Gelinkii dambe ee shalay waxaa muuqday in is faham laga gaaray arin ku saabsan maamulka Galmudug, iyadoo la isku raacay in muddo sanad ah loo kordhiyo Madaxweyne Xaaf, walow kulamadii dambe ee xalay uu ka dhashay isfaham waa kale oo keenay in shirka lagu kala boodo. Madaxweyne Xaaf ayaa marka hore aqbalay muddo kordhinta sanadka ah, balse markii dambe ayuu diiday in muddo kordhintaasi uu aqbalo, taasi oo keentay in shirarkii xalay lagu kala boodo. Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa doonaya in uu rabitaankooda ka hirgalo Madasha Garoowe, halka ay dawlad gobaleedyada qaarkoodna doonayaan in wax wadajir ah ay kasoo baxaan kulankan. Ma jiraan ilaa hadda wax heshiis ah rasmi ah oo la gaaray, iyadoo Arrinta Galmudug ay ahayd caqabada ugu badan ee shirka hareysay, shalayna heshiis laga gaaray ayaa markale xalay burburay. Waxaa la is weydiinayaa shirkaasi maalintiisii Afaraad galay in ugu dambeyn xal waara laga gaari doono kulamada magaalada Garowe iyo in shirkaasi lagu kala tagi doono iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin. Shirka ayaa u muuqdo mid waqti dheer qaadan doono, haddii madaxda kusugan magaalada Garowe aysan isku fahmin qodobada qaar ee xasaasiga ah, sida arimaha doorashooyinka, amaanka, Kheyraadka dabiiciga iyo arimaha Galmudug iyo Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday ruux ku eedeysan inuu Al Shabaab u daabuli jiray hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu ka iibin jiray. Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed oo loo yaqaan Cadow Carab, ayaa maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay ku xukuntay sideed sano oo xabsi ah, waxaana xukunkiisa ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute. 30-kii April ee Sanadkan ayay Maxkamadda Ciidamada ballamisay dhageysiga Dacwadda, waxaana xilligaasi looga yeeray fadhiga Maxkamadda dhinacyada ay qoseyso. Si cad ayuu fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in uu u furnaa suuq uu ku iibiyo Hubka oo cid kasta oo daneysa Hubka uu ka iibin jiray laakiin arrinta la yaabka leh ayaa ahayd in uu safarro ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo Nuucyada Rasaasta iyo Hubka. Kuunya Barrow, Toorotoorow iyo Mubaarag ayuu geyn jiray hubka isaga oo ku kala wareejin jiray shaqsiyaad Alshabaab u qaabilsanaa Keydinta Hubka sida uu garsoorka ka hor caddeeyay Cadow. Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) uusan ahayn dhallinyaro la marin habaabiyay balse uu go’aansaday in uu hanti ka sameeyo dhiigga Umadda, waxa uu garsoorka u sheegay in Eedeysanaha uu ku qanacsanaa shaqada Alshabaab uu u hayay. “Dadaal iyo Juhdi ayuu ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo goobaha ay ku dhuumaaleysteen hubka iyo Rasaasta, waxa uu isticmaalay farsamo kasto uu Alshabaab ugu geeyo Hubka “ ayuu Hadalkiisa sii raaciyay ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida, garsoorka Maxkamadda ayuu weydiistay isaga iyo kuwa lamidka ah in la marsiiyo ciqaab u dhiganta qodobada sharciga ah oo ay ku soo eedeeyeen. Todobaad kadib Maanta ayay Maxkamadda kasoo saartay go’aan eedeysanaha, waxaana Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) lagu xukumay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka digtay iibinta hubka Qarsoodiga ah (Cir-toogte), waxa ayna Maxkamadda fartay hey’adaha Ammaanka in ay baaris iyo daba gal ku sameeyeen Shqsiyaadka ka ganacsada Hubka. “Shaqsigii ay ku cadaato in uu gacan ku siiyo cid kasta oo lid ku ah dowladnimada hub iyo Rasaas waxa uu inooga dhigan-yahay sida kooxaha arga-gixisada, waxa uuna heli doonaa ciqaab u dhiganta miisaanka dambi uu galay, Ogaada cid loogu dulqaadan doono ma jirto ficillada nuucaas oo kala ah” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa heysta fursad uu ku dalban karo rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Deegaano hoose yimaada degmada Baran ee gobolka Sanaag ayaa waxaa laga soo sheegayaa abaar saameen ku yeelatay dadka iyo duunyada. Tuulada Xarigle ayaa kamid aha [...] Source