-
Content Count
213,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa markii u horeysay ka hadlay xayiraad ay dhawaan ay kusoo rogtay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Xukuumada Biixi ayaa hore ugu diiday Prof Samatar in uu kulan ku qabto gudaha magaalada Boorama ee Gobolka Awdal, iyada oo markii dambe dadaal badan kadib loo ogolaaday. Prof. Samatar ayaa doqonimo ku tilmaamay in gobalka uu ka soo jeedo ee Awdal ay xukuumada Biixi isku daydo in aanu ku qabsan karin xaflad uu dadka kula hadlaayo. Waxa sidoo kale uu ka hadlay Prof Samatar saraakiishii ka tirsanaa ciidamada Somaliland ee dhawaan lagu dilay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag. Prof Samatar ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in dastuurka Somaliland u ogol yahay inuu shir qabsado oo uu wixii sharcigu ogol yahayna uu ka hadlo, isagoona u mahad-naqay bulshada reer Boorama oo ku tilmaamay inay ka adkaadeen xukuumada Biixi. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlaya arrimahaasi, isagoo kulan ku qabtay Borama ayaa wuxu yiri “Shirkan aan ku jirno oo in muddo ahba uu guuxeedu isoo gaadhayay in la yiri yaan shirkaas la qaban, Axmed Samatar iyo inta la socotaana yaanay Boorama iman, warkaasi waa uu i soo gaaray, qodobka 32-aad ee dastuurka Somaliland waxa uu dhigayaa in qofka reer Somaliland uu xaq u leeyahay inuu si xor ah u abaabulo shir inuu dad isugu yeedho wax alle iyo waxii uu doono ee sharciga dalku uu ogol yahayna uu ku hadli karo”. “Anigu waxaan qabaa dastuurkana in aanay waafaqsanayn sidaas laysku dayay in la sameeyo, nacasnimo iyo doqonimo weyna ay tahay in qof la yiraahdo degmadii aad u dhalatay ma iman kartid, laakiin waxa farad weyn ii ah dadkii magaaladan deganaa iyo hareeraheeda iyo inta dibada ku maqan inay isku tageen oo si aad iyo aad ah oo qiimo leh ay uga adkaadeen hadalkaasi meeshii uu ka yimi iyo dadkii ka danbeeyay oo waynagaas caawa inaga oo is ogol wada sheekaysanayna, markaas aad ayaad u mahadsantihiin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Anigu waxaan qabaa labadaas sarkaal ee tolka ah ee iyaga oo aan waxba galabsan oo shaqadii dawlada ee loo diray gacanta ku haya in la ugaadhsado oo la dilo, dilka caynkaas ah waa uu ka duwan yahay dilalka kale waayo dadka socda ee sharcigii ku socda ee hawshiisii qabsaday in dad gaar ah ay doortaan inay dilaan, dilka arimaha ugu xun ayay ka mid tahay markaas anigu aad iyo aad ayaan taas uga murugaysanay wax la ilaabi karana oo mar dhacayna iilama muuqato oo waa wax xasuusta galaaya tolka iyo umaddaba” “Marka arimaha waaweyn laga hadlayo arimahaas waaweyn ayay ka mid noqonaysaa waxaanan ku talinayaa in dilka caynkaas ah uu yahay mid deg deg wax looga qabto dadkii waxaas gaystayna degdeg loo soo qabto ee aanu wareegin hore ayay noo soo martay, dad tolka ah oo lagu laayay magaalada Dilla duleedkeeda oo iska wareegtay iska wareegtay arintaasi mar labaad, mar idage Alle ha dago mar labaad I dagana aniga ayaa is dagay markaas ma yeelayn”. “Anaga oo toban indhood leh ayaanu ku eegaynaa dacwadaasi halkay marto iyo deg-degeeda,waxaan intaas ku darayaa qoyskii labadaas sarkaal laga dilay iyagana waxii umaddi ay samayn karto ee kartida aadmi gaadhi karto in la abaal mariyo ileen carruur agoon ah ayaa jirta iyo xaasas, Somalilandna waxii maanta ka danbeeya dawladeeda iyo dadkeedu in aanay u dulqaadan karin waa in laysla gartaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-haben-08052019.mp3 View the full article
-
Marka hore waqtigiinu ha idiin samaado dhamaan bahda wax akhrida. Waqtigan hadda la joogo waxa aduunka xaquuqda u badan la siiyaa xarfaha qoraalka oo la ilaaliyaa inaan si qaldan loo qorin. Waxa jira qaladaad dhaca marka wax la qoraayo ha ahaado Wargeys Maqaal Fariin SMS ah Xayeysiis Tv boodh meharadeed Hambalyo aroos Qoraal uu kof dhigayo barahiisa bulsha IWM. Haddaba aduunyada waxa aad loo tixgeliyaa ama loo hubiyaa qoraalada la qoraayo sababtoo qalad yar oo dhaca ayaa macno badan bedeli kara. Inta badan waxa tixgelinta xoogan loo siiyaa hubinta qoraalku waa inaanu qofka ama madbacada ama wargeyska ka bixin qoraal qaldani waayo qoraalkani wuxuu gaadhayaa kumanaan qof oo aqoon leh taasina waxa ay hoos u dhac ku tahay isha qoraalkaasi ka yimid. Bal aan yara hogetusaaleeye ereyo luqada soomaaliga ah oo aan si qaladan loo qoray kadibna macno kale yeeshay. Daaska ***** macanheedu waa dukaanka hebel. waxa dhacay qalad xaga qoraalka ah oo wuxuu noqday Daafka ***** macanaheedu waa hargabkii hebel. Ninkii farshaxanka ahaa oo gacantiisa ku qoraayey ama ku buufinaayey uma uu fiirsan waxa uuna noqday macnihii magaca meheradu mid waji kale leh. Hilaadii 2004kii anigoo macalim ka ah dugsiga Sheikh Bashiir ee Hargeysa ayaa anigoo geed dugsiga ku yaala hoos fadhiya ishaydu waxay ku dhacday gobol yar ama jeex yar oo wargeys ama jaraa’id ah oo ay ku qoran tahay Xarunta wasaarada xabaalaha xoolaha. Waan fahmay wuxuu u jeeday oo ahayd xarunta Wasaarada xanaanada xoolaha lkn waa qalad aad u weyn oo dhacay. Dukaan ku yaala xaafada Ibrahim Koodbuur ee Hargeisa ayaa waxa uu nin Artst ahi ku buufiyey ama ku xardhay ****** PIG SHOP aad baan intii u qaadan kari waayey lkn daqiiqadiiba waxaan maskaxdayda kusoo dhacay dukaan weyn ayuu u jeedaa, macnaha HEBEL HEBEL BIG SHOP lkn qaladkaa halka xaraf ahi wuxuu keenay qalad weyn oo ah inuu noqdo DUKAANKII DOOFAARKA iibinayey. Xiligaa wuu xidhnaa dukaanku fiidkii ayaan tagay aniga iyo inan kale oo aanu u sheeganay waxa ugu qoran dukaanka iyo macnihiisa si fiicana wuu iila qaatay oo laba cisho ka dib waxaan arkay qoraalkii oo laga tirtiray oo dib loo saxay. Waxa la sheegaa qalad qoraalku xitaa inuu ummado dhan ama nafo dhan galaaftay xiliyo hore, waxa jirey nin sheekha oo kitaab weyne ahaa cilmiga dibigana dadka ku daweeya ayaa dad u yimaadeen oo ku yidhaahdeen “ sheekh hebelow beesha safbaa wada maraye maxaanu safka ama hargebka u cunaa”. Sheekhii kitaabkiibuu ee gay waxana uu ku yidhi “XAYA TU SAWDAA ayaa idiin dawo ah oo kitaabku sheegay”. Sida la sheegayna kitaabka khad ayaa ku daatay oo dhibco madmadow u yeelay. Waxan uu dadka u direy ee Xayatu Sowdaa waa abeesada sunta badan ee madow ayuu yidhi cuna. lkn sida saxda ah waxa ay ahayd XABATU SAWDAA oo ah xabaasuuda. Reerihi abeesadii ayey raadgadeen oo meel walba ka raacdeeyeen muddo ka dib bay heleen oo kariyeen oo cuneen maraqiina cabeen nasiib-daro se ardaagiiba lagama kicin oo suntii ayaa wadnahii ku dhufatay oo halkii ayey kaga wada aguugtay. Qaladkaa waxa keenay hal xaraf oo qaldamay oo ay nafo badani u allaysteen. qaybaha dambe waxaan idiinku soo gudbin doona xariiqyar oo warqad ku qaldamay ayaa nina madaxweyne ka dhigay nin soo bixi lahaana ridey. Guntii iyo gebogabadii qaybta koowaad. Intii uu qofka ama wargeyska ama madbacadu sixi karayso haku dadaasho waayo waa waran qoraalku haduu faraha ka baxana lama soo celin karo. qof walbaaba inuu hubiyo maqaalka ama qoraalka uu dhigaayo barihiisa bulshada. Siyaabaha loo yarayn karo qalad_qoraalka Lasoco ……………….. Qalinkii Cabdi Cawiye +252634115877 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari looga shakisan yahay qarax uu yaalo agagaarka Hotel Afrik. Gaariga oo ah nooca raaxada ayaa la dhigay albaabka Hotel Afrik oo ku yaala wadada aada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba xeray wadada aada garoonka diyaaradaha, waxaana dad weynaha loo diiday inay halkaasi adeegsadaan. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay tan iyo bilowga bisha Ramadaan, waxaana waddooyin badan la dhigay ciidamo boolis ah oo dhawaan tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho. Gaariga ayaanan la ogeyn inay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa iyo in kale, balse laamaha amaanka oo ka shakiyay muddada uu meesha Yaalo ayaa ku amray dadweynaha inay ka fogaadaan. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku qasban in ay xaliyaan khilaafka madaxda maamul Gobaleedyada oo gaaray meeshii ugu sareysay tan iyo markii ay xilka qabteen Farmaajo iyo Kheyre. Culeesyo badan ayaa ka dhashay khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo maamul gobaleedyada waxayna horseedeen in ay qabsoomi waayeen waxyaabo badan oo shaqooyinka dowladda ah. Beesha caalamaka ayaa dowladda Soomaaliya ku dhaliishay in ay kasban waysay maamul Gobaleedyada guul darro kastana ay mas’uul ka tahay dowladda Soomaaliya sida laga sheegay in kulamo ka dhacay Muqdisho. Wadamada taageera Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya hogaankeeda ka dalbaday in ay kasbanaan oo ay xaliyaan tabashoyinka maamul Gobaleedyada si looga gudbo caqabadaha ku horgudban shaqooyinka dowladda. Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladda Soomaaliya ka hor inta aysan Wafdigeeda u bixin Garowe laga dalbaday in ay xal ka keenaan tabashada maamul gobaleedyada hadii ay dhici waysana ay dowladda mas’uul ka noqon doonto dib u dhac kasta oo ku yimaada geedi socodka Nabadda Soomaaliya. “Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha waxaa looga baahan yahay in ay soo laabtaan iyagoo xal kawada tabashada maamul Gobaleedyada waana ku qasban yihiin, sababtoo taageerada dowladda ayaa ku xiran iyo shaqo la qabto” ayuu Caasimada Online u sheegay Xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf. “Waxaa muuqata in hogaanka dowladda Soomaaliya aysan noqon sidii laga filayay sanadkii 2017 markii ay doorashada dhacday balse hada waxay leedahay daba-qabasho maadaama ay u harsantahay waqti, waana in ay la heshiisaa dowlad Gobaleedyada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Wajeer (Caasimadda Online) – Waxaa faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan weerar Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay deegaan u dhow Magalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya weerarkaas oo geystay khasaaro kala duwan. Wararka ka imaanaya gobolka Wajeer ayaa sheegaya in ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerar dhabbagal ah u dhigeen kolonyo katirsan ciidanka Melleteriga Kenya xilli ay ku socdaalayeen nawaaxiga tuulada Gumaaray oo katirsan gobolka Wajeer. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaara dhimasho iyo dhaawac leh uu ciidamada melleteriga Kenya ee KDF loo yaqaan uu kasoo gaaray weerarka, ugu yaraan Meydka hal askari ayay ciidamada Kenya uga carareen goobta dagaalka, khasaaraha dhaawac ee ciidamada gaaray ayaa loo qaaday isbitaallo kuyaal magaalooyinka Wajeer iyo Mandheera. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas lagu qaaday Gaadiid ay la socdeen Ciidamada Kenya,iyaga oo sheegay inay ku dileen hal askari sidoo kalena ay ku qabsadeen Afar Qori oo isugu jira 2 qori AK47 ah, hal qori M16 iyo qori RPG ah. Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku saaban weerarkan khasaaraha dhaliyay ee ciidamadeeda lagula beegsaday gobolka Wajeer. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimadda Online) – Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe Howlgallo lagu baacsanayo Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ka waday Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin deegaanada Awdhiigle, Mubaarak iyo Janaale. Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Gashaanle Cabdiraxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyey sida Ciidanka Danab ay Kooxda Alshabaab uga saareen deegaanka Bariire iyo sidoo kale Howlgallo kale oo lagu xoreynayo deegaanada Nabad diidka hadda ay ku dhuumanayaan. Gaashaanle C/raxmaan Shiikh Cumar ayaa sheegay in ay doonayaan in Shacabka Ku nool Awdheegle, Mubaarak iyo Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka dulqaadaan dhibaatada Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, isaggoo xusay in Cadowga hadda aysan laheyn Awood ay isaga difaaca Ciidanka Geesiyaasha ah ee Xoogga dalka. Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa howlgallo ay sameeyeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB waxa ay la wareegeen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose,sida Sabiib Caanoole iyo deegaanka Bariire oo ay horay u heysteen Al-Shabaab.
-
The European Union’s compensation budget for Kenyan troops fighting Al-Shabaab in Somalia is set to start falling in the financial year beginning July, signalling the onset of gradual withdrawal from the war-torn nation. Treasury estimates show that Kenya will in the next financial year be demanding the least reimbursement from the EU compared to the past five years, with the amount falling further in subsequent years. It expects refunds of Sh5 billion in the year starting July, 41.17 per cent lower than the Sh8.5 billion in the current year ending in June. The EU receipts are projected to fall further to Sh3.5 billion in the year starting July 2020, then stabilise at about Sh3 billion thereafter. Kenya is demanding more compensation this year from the EU than the Sh6.1 billion it has budgeted for in the past four years. The Treasury had only received Sh10.20 million in the first seven months through February from the EU for refunds usually disbursed quarterly. International community This was, however, topped up to Sh3.757 billion in March, which is 44.2 per cent of the Sh8.5 billion the Treasury has budgeted this financial year. About 4,000 Kenyan soldiers are part of the African Union Mission in Somalia (Amisom), presently headed by Ethiopia’s Lt Gen Tigabu Yilma Wondimhunegn. The international community pays $1,028 (Sh103,728) for each soldier per month. Their respective governments then deduct about $200 (Sh20,180) for administrative costs, meaning the soldiers take home about $800 (Sh80,722). The soldiers receive the funds through the Kenyan government. Kenya formally sent 4,660 soldiers to Somalia in October 2011 after incessant attacks and kidnapping of civilians by Al-Shabaab militants within its territory. A year later, the UN Security Council gave Kenya the green light to join Amisom, a decision that meant the Treasury would not bear the full costs of the incursion. Amisom’s soldiers are drawn from Uganda, Burundi, Djibouti, Sierra Leone and Kenya. View the full article
-
Shir uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa arrimaha dadka qaxootiga ee xuduudaha ka tallaaba iyo kuwa lagu qasbo inay ku barakacaan gudaha dalalkooda, ayaa maanta ka furmay magaalada Nairobi. Read More
-
Dr. Anwar bin Mohammed Gargash, Minister of State for Foreign Affairs, met here today with Vebjorn Heines, the Norwegian Special Envoy to Somalia, and discussed with him developments in Somalia and the Horn of Africa. During the meeting, Dr. Gargash detailed the UAE’s efforts in support of stability, as well as the country’s development and humanitarian efforts in the region. The meeting is part of the UAE’s ongoing diplomatic contacts and efforts for regional stability. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta Salaadda Janaasada ku dukaday maydka Allaha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko, oo maanta Muqdisho laga soo dejiyay. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo dhammaan mas’uuliyiintii kale ee ka qayb galay aaska ayaa marxuumka Allah uga baryay in uu u naxariisto. Salaadda kadib ayaa Marxuumka lagu aasay Qabuuraha Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho. Amb. Maxamed Warsame Cali oo maalma ka hor ku geeriyooday dalka Kenya ayaa ahaa shakhsi aqoon, karti, hufnaan iyo daacadnimo ku suntanaa. Waxa uuna qayb waqtigiisa kamid ah ku qaatay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed isaga oo danjire ka noqday dalal badan, kana mid ahaa aasaasayaashii, Maamulka Galmudug, isaga oo noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Shirka Garoowe ee Madaxda Federaalka iyo Gobalada ayey horyaaliin Fursado qaali ah iyo Caqabado yar; A. Fursadaha cusub ee horyaal shirka Garoowe waxaa ka mid ah: 1. In aan Ajnabi ku dhex-jirin Madaxda dalka, saameynta uu ku leeyahayna ay yartahay. 2. In Madaxweyne Deni iyo reer Puntland ay rabaan in gogoshooda lagu heshiiyo, iyada oo 3 bil ka hor la isku cafiyey iyo in Madaxweyna-hooda cusub uu noqdo horseedka Puntland iyo Federaalka. 3. Dawladda Federaalka oo uga qeyb gashay heerkii ugu sareeyey, lana tagtay Ajande iyo Qorshe midaysan. 4. Dadka Somaaliyeed 99% oo raba in la heshiiyo, lana wada shaqeeyo, horayna loo socdo, culeysna lagu saaro Madaxda heshiis. 5. Faragelintii iyo kala jiidashadii shisheeye oo yaraatay xag Siyaasad, Ciidan iyo Dhaqaale. 6. Golayaasha Federaalka oo horay u wada shuruucda doorashooyinka iyo khayraadka dalka. 7. Shirka Garoowe oo kusoo beegmay bilashada bisha Ramadaan ee barakeysan oo lagu furay lala-na garab-taaganyahay Duco, Tawbad iyo Cidaado habeen iyo maalin ah. A. Caqadaha ku gudban ee la rajeynayo in laga gudbo waxaa ka mid ah: 1. Madaxda Gobalada oo aan isku Ajande aheen, isku danna aheen, isku awoodna aheen. 2. Madaxweynaha Galmudug iyo Jubbaland oo ka Baqaya doorashada Gobaladooda sanadkaan iyaga oo jecel in ka hadalka doorashadooda laga hor-mariyo ka hadalka doorashada 2020 ka, halka Madaxda kale ay u arkaan in ay tahay arrimo u gaar ah labadaas Gobal kaliya. 3. Madaxwenaha Puntlan iyo Jubbaland ayaa raba in dib loo dhigo sharciga Patroolka iyaga oo ku doodaya in aan weli sahmin lagu sameen Gobalada Puntland? Welina aysan cadeynin Maxkamada Cadaalada Adduunku muruka Badda ee Jubbaland? Halka ay 4 ta Gobal ee Koofur-galbeed, Benaadir, Hirshabelle iyo Galmudug ay rabaan in la dedejiyo sharciga Patroolka? Kadib markii ay ka gudbeen sahmintii iyo murunkii shisheeye, diyaarna u yihiin heshiisyada iyo qandaraasyada shidaalka dalka. 4. Madaxweyne Deni oo raba in uu isku wado fursadaha Federaalka iyo kuwa Imaaraadka. 5. Dawladda Federaalka oo rabta in ay isku haysato awooda dawladda dhexe iyo dhaqaalaha federaalka, halka gobaladu rabaan in awooda wax laga siiyo ama dhaqaale loogu bedelo, sidii looga bartay dawladihii hore. Ugu danbeyn Shirka Garoowe Fursadaha horyaal ayaa ka badan Caqadaha ku gudban, waxaana u rajeynayaa in ay kasoo baxaan guulo loo aayo! Dadka Somaaliyeed na waxaa la gudboon in ay ku taageeraan Duco iyo Talo! W/Q: Maxamed N. Gacal Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (SMN) -Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dhagax dhigey waddo laami ah oo laga hirgalinayo Degmada Shingaani, waddadan ayaa waxa ay ka bilaabaneysaa Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ilaa Saldhiga Degmada Cabdi-Casiis oo muhiim u ah isu socodka labada Degmo. Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur oo ka hadlay dhagax-dhigga waddadan cusub ee maamulku dhisayo ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in shacabka lagu celiyo canshuuraha laga soo qaado, si bulshadu u dareento wixii ay bixiyeen in wax loogu qabtay. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in jidkani uu laf-dhabar u yahay isku socodka Caasimadda, gaar ahaan labada degmo ee Shingaani iyo Cabdicasiis oo waddadan ay isku xirto. Sidoo kale, Guddoomiye Xuseen ayaa ugu baaqay shacabka Caasimadda in loo istaago horumarka iyo bilic soo celinta Caasimadda, iyadoo muwaadin walba ay tahay masuuliyad saaran ilaalinta nadaafadda deegaanka uu dagan yahay. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa horey ugu dhawaaqay in sanadka 2019 ay ka fulin doonaan Caasimadda mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo kaabayaasha adeegyada bulshada. Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenada Arrimaha Bulshada, Howlaha Guud iyo Guddoomiyaha Degmada Shingaani. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
A military court Mogadishu has sentenced a man eight-year prison for secretly selling weapons to the Somalia-based Al-Qaeda-linked militant group, Al-Shabaab. Addow Abdulle Ahmed, 36, was found guilty of delivering the weapons to Al-Shabaab, a group that is fighting to oust the UN-backed Federal government in Mogadishu for a decade. Ahmed was detained last month by the Somali security forces and convicted of having sold more arms to the militants in certain areas in Lower Shabelle region. Lawyers defending Ahmed disputed that there is no law banning black market arms dealership and asked the court the free the defendant. The court has warned sale of illegal weapons and urged the security authorities to securitize and arrest the arms dealers, in an attempt to avert Al-Shabab from receiving weapons in the controlled areas. In recent months, the Somali military court has stepped up sentences against alleged Al-Shabaab members and soldiers accused of killing. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Askari ka tirsan Ciidamada ammaanka oo maanta darwal Mooto Bajaajle ahaa ku dilay agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, sidoo kalena ku dhaawacay qof kale oo rayid ahaa. Zakiyo Xuseen Axmed taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska oo soo saartay qoraal kooban ayaa shaacisay in la soo qabtay Askarigaasi. Sidoo kale ayaa xustay in sharciga si deg deg ah loo keeni doono Askariga ka dambeeyay falkani dilka ah. “Wargelin; Ciidanka Booliska ayaa soo xiray askari boolis ah oo maanta darawal mooto Bajaaj ku dilay qof kalena ku dhaawacay Tarabuunka, waxaana la marsiinaa sharciga. Marnaba ogaal meyno in askarteena dhib u geystaan shacabka” ayay tiri Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Inta badan Ciidamada dowladda ayaa geystay dilal ka dhan ah Wadayaasha Mootooyinka Bajaajka ee ka howgala magaalada Muqdisho View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dr Anwar Maxamed Bin Qarqaash Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa la kulmay Feybron Haynz Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Dowladda Norway. Labadani Masuul ayaa ka wada hadlay Horumarada Soomaaliya iyo Geeska Africa intiisa kale. Intii kulanka uu socday ayaa Dr Qarqash waxa uu uga warbixiyay Wakiilka Norway ee Somalia dadaaladda ay Imaaraatku ka wadaan Gobolka Geeska Africa taas oo ay uga golleeyihiin Xasiloonida Gobolka , dib u dhiska iyo wax ka qabashada Beni’aadanimada sida uu xusay Wasiir Qarqaash. Kulankaan ayaa qeyb ka ah dhaq dhaqaaqyada Imaaraatku uu galaangalka ugu sameynayo dalalka geeska Africa gaar ahaan Soomaaliya. View the full article
-
Jubba (SMN) – Magaalada jubba ee caasimada dalka Koofurta Sudan ayaa waxaa ka furmay shirkii aan caadiga ahayn ee 67 ee wasiirada arrimaha Dibada dalalka IGAD kaas oo looga hadlayo arrimo ay ka mid tahay dhameys tirka heshiiskii Dhinacyada Koofurta Sudan ay gaareen. Mas’uuliyiinta ayaa kulanka xoogga ku saaray sidii kooxaha kala duwan ee Koofurta Sudan culays loogu saari laha fulinta waxyabihii hore loogu heshiiyay waxaana ay balan qaadeen inay fulin doonaan dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay kol hore. Soomaaliya Shirkaas waxaa uga qayb galay wasiiru dawlaha arrimaha dibada XFS mudane Cabdulkadir Ahmed khayr iyo wafdi u hogaminayo sidoo kale waxaa ka qayb galay mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalkaas. Shirkaan oo maanta lagu soo gaba gabeynayo Jubba ayaa qorshuhu yahay in laga soo saaro war murtiyeed qeexaya waxyaabihii laga hadlay iyo go’aanadii ka soo baxay sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Ambassador Xuseen Xaaji Axmed Safiirka Soomaaliya ee Dalka Koofurta Sudan. View the full article