Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimadda Online) – Ilhan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa sheegtay inaan la aamusin doonin ka dib markii ay cambaarayn xoog badan kala kulantay qaabka ay uga hadashay weerarkii daaraha Maraykanka lagu qaaday bishii Sabtembar ee sannadkii 2001, dadka aadka u dhaliilayna waxaa ka mid ah madaxweyne Donald Trump. Madaxweynaha Mareykanka ayaa bartiisa Twiterka kusoo qoray hadal ahaa”Waligeen ma hilmaami doono” iyo muuqaal tusinaya weeraradii September 2001 oo la barbar dhigay khudbadii Ilhan Cumar. Hadalkeedii “Dadka qaar ayaa qalad sameeyay,” ayaa la arkayay iyadoo la dhex geliyay muuqaalka diyaaradahii lagu garaacay daaraha Twin Towers iyo dadka oo ka baxsanayay burburka dhismayaasha. Hadal-qoraal oo ay Seantor Ilhaan Cumar soo saartay waxay ku sheegtay tan iyo markii uu Trump bartiisa Twitterka soo dhigay qoraalka iyo Muuqaalka Video-ga inay kordheen cabsi-gelinta tooska ee nolosheeda, iyadoo inta badan hanjabadaasi ka jawaabayaan Muuqaalka Video-ga ee Donald Trump. “Hadallada samayn kara colaadaha iyo dhamaan qaababka hadalladda Nacaybka wax boos ah kuma laha Bulshadeenna, waana wax aad uga yar waxa ka yimid Taliya Guud ee dalkeenna, dhamaanteenna waxaan nahay Maraykan” ayey Ilhaan Cumar ku qortay Qoraalkeeda. Waxayna intaasi ku dartay in loo baahan yahay in la joojiyo dhamaan wax khatarta gelin kara Nolosha. Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku eedeeyay inay weerarki September si xun uga hadashay, balse dimoqaraadiyiinta ayaa si weyn u difaacay, iyaga oo sheegay in si qaldan hadalkeeda loo tarjuntay qaarkoodna waxay ku eedeeyeen Trump inuu iyada iyo muslimiinta kale ku kiciyay dadka Mareykanka ah. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  2. (SLT-Boosaaso)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay madaxda shirkadda ugu sarraysa shirkadda DP-World oo uu hogaaminayey maamulaha shirkadda Sultan Ahmed Bin Sulayem. Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada maamul gobolleedka Puntland. Kulankan ayaa waxaa lagaga wada hadlay dhismaha iyo ballaadhinta dekedda magaalada Boosaaso, dar-dargelinta hawlaha shaqo ee dekedda iyo ka midha-dhallinta heshiiska caalamiga ah ee bud-dhigga u ah mashruucani muhiim ka ah. Shirkadda DP-World ayaa balanqaaday in ay dedejindoonto dhammaan hawla la xidhiidha dhismaha iyo ballaadhinta dekedda Boosaaso, isla’markaana ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax-walboo ku saabsan mashruucaas ballaadhan ee lagu horumarinaayo xidhiidhka Puntland iyo Imaaraadka. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa kulankan kadib la qaatay kulamo muhiima masuuliyiinta kale ee Shirkadda DP-World, kuwaasi oo salka kuhaya dar-dargelinta dhammaystirka mashruuca dhismaha iyo ballaadhinta dekedda magaalada Boosaaso. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida oo magacaabey laba guddi oo ay u kala dirayaan gobollada bariga iyo galbeedka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Washington)-Xildhibaanad Ilhaan Cumar o oka tirsan Aqalka Kongareeska Maraykanka ayaa sheegtay inay kordheen Farriimaha iyada loogu hanjabayo in la dili doono, kadib markii uu Madaxweyne Trump dhawaan bartiisa Twitter-ka soo dhigay Qoraal iyo Muuqaal uu ku xidhiidhinayo inay iyada wax ka ogeyd Qaraxyadii Diyaaradihii ee ay Ururka Alqaacida bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii la begsadeen Daarihii Mataanaha ee dalkaasi. Hadal qoraal oo ay Seantor Ilhaan Cumar soo saartay waxay ku sheegtay tan iyo markii uu Trump bartiisa Twitterka soo dhigay qoraalka iyo Muuqaalka Video-ga inay kordheen cabsi-gelinta tooska ee nolosheeda, iyadoo inta badan hanjabadaasi ka jawaabayaan Muuqaalka Video-ga ee Donald Trump. “Hadallada samayn kara colaadaha iyo dhamaan qaababka hadalladda Nacaybka wax boos ah kuma laha Bulshadeenna, waana wax aad uga yar waxa ka yimid Taliya Guud ee dalkeenna, dhamaanteenna waxaan nahay Maraykan” ayey Ilhaan Cumar ku qortay Qoraalkeeda. Waxayna intaasi ku dartay in loo baahan yahay in la joojiyo dhamaan wax khatarta gelin kara Nolosha. Qoraalka iyo Muuqaalka uu Donald Trump habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay uu soo dhigay Bartiisa Twitterka waxa sheegay inaysan marnaba wada illaabi doonin weerarkii September 11, wuxuuna Muuqaalkii Weerarkii Diyaaradaha loo adeegsaday ku xiriiriyey hadal ay Senator Ilhaan Cumar ka jeedisay Kulan dabayaaqadii bishii hore ee March magaalladda Los Angeles, oo ay ku sheegtay inay shasiyaad qaar geysteen Falkaasi, oo ay ugala jeeday weerarkii September 11-dii ee sannadkii 2001-kii. Balse, Trump waxa uu Twitterkiisa soo raaciyey Muuqaalka Diyaaradihii duweeyey Daaraha Mataanaha iyo sawaxankii dadkii xilligaasi ku go’doonsanaa dhismayaashaasi ku yaalla magaalladda New York. Xubno ka tirsan Ururka Alqaacida ayaa waxay bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii afduubteen 2 Diyaraado Rakaab ah, la beegsadeen Dhismaha Daaraha Mataanaha ee Xaruntii Ganacsiga Adduunka ee magaalladda New York, iyadoo Diyaaraddii 3-aad ay ku duqeeyeen dhismaha Waaxda Difaaca Maraykanka, halka ay Diyaraadii 4-aad ku burburtay meel ku dhow magaalladda Shanksfil ee Gobalka Feneselfaniya. Ururka Alqaacida ayaana dhabarka u ritay Duqeymahaasi oo dhacay muddo haatan laga joogo 18-sanno waxaa la sheegay inay ku geriyoodeen dad lagu qiyaasay 2,996 qof. Source
  5. April 15, 2019 Qore : Cabdi Dagal Faahiye Taniyo intii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo, bishii Febr. 8, 2017, waxaa si xoogleh usoo if-baxday [...] Source
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xarunta Aqalka dowlada hoose ee Xamar kulan kula qaatay Guddiga gaadiidka BL-ka ee ka howlgala Magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa Ujeedkiisa waxa uu ahaa Xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa maamulka gobolka Banaadir iyo guddiga gaadidka BL-ka eek a shaqeysa Muqdisho. Kulanka oo ka dhacay xarunta Maamulka G/banaadir ayaa Guddiga Gaadiidleyda BL-ka waxaa qaabilay xubno uu horkacayey guddoomiye ku xigheenka G/banaadir Xuseen Maxamed Nuur, waxaana looga dooday cabashada gadiidleyda BL-ka oo bannaabaxyo ka waday Ex Koontoool Afgooye, iyadoo dalbanayey in jidadka loo furo ama laga dhaafo canshuurta maalin waliba laga qaado. Xubin ka tirsan Guddiga gadiidleyda BL-ka ayaa sheegay in maamulka G/banaadir uu ku dooday in dhagxaanta wadooyinka lagu xiray lagu sugayo amniga magaalada, isla markaana aysan ka maarmin canshuurta, iyaguna ay ku adkeysteen inaysan is qaban karin wado xiran inay ku shaqeeyaan. Guddigga Gaadiidleyda BL-ka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu banaanbaxa sii socon doono inta wax laga badalayo xaaladda taagan oo ah mid aan lagu sii shaqeyn karin. Arrintaan ayaa kusoo aadeysa,iyadoo saakay Ex Koontarool ee Magaalada Muqdisho ay banaanbax ka dhigeen qaar kamid ah Darawallada gaadiidka BL-ka,isla markana ka cabanayay Wadooyinka xiran ee Muqdisho,iyadoona sheegay inay ay bixiyaan lacagta Canshuurta laga qaado. Jidadka Muqdisho ayaa xiran ku dhawaad 20 Maalin, waxaana soo badaneyso cabashada ka imaaneyso Shacabka Muqdisho kuwaas oo si dhab ah ku aado Shaqooyinkooda. Dadka qaar ayaa Magaalada Muqdisho isaga dhex raaco illaa 3 Gaari oo kala wareeg ah, halka markii hore ay raaci jireen hal Gaari oo toos u geyn jiray halka ay rabaan inay aadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Heshiish UAE ku dhexmaray Puntland & Shirkada DP World+Sawirro Qurxoon Siciid Deni iyo Sultan Ahmed bin Sulayem Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay madaxda shirkadda DP-World oo uu hogaaminayey maamulaha shirkada Sultan Ahmed Bin Sulayem. Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaardda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay dhismaha iyo balaadhinta dekedda magaalada Boosaaso, dar-dargelinta hawlaha shaqo ee dekedda iyo ka midha dhallinta heshiiska caalamiga ah ee bud-dhigga u ah mashruucani muhiim ka ah. Madaxweyne Deni oo ay ka go’antahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dowladda Puntland iyo dar-dargelinta arrimaha maalgashiga ayaa balanqaaday in Xukuumadda cusub ee Puntland samayndoonto jewi sahlaya in deegaanada Puntland u diyaarsanaadaan maalgashi caalami ah, kuwaasi oo taageeraya sugidda Amniga iyo horumarinta deegaanada Puntland. Shirkadda DP-World ayaa balanqaaday in ay dedejindoonto dhammaan hawla la xidhiidha dhismaha iyo balaadhinta dekedda Boosaaso, isla’markaana ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax-walboo ku saabsan mashruucaas balaadhan ee lagu horumarinaayo xidhiidhka ganacsi, wada-dhalasho, siyaasadeed iyo kan soo jireenka ah ee Puntland iyo Imaaraadka. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa kulankan kadib la qaatay kulamo muhiima masuuliyiinta kale ee Shirkadda DP-World, kuwaasi oo salka kuhaya dar-dargelinta dhammaystirka mashruuca dhismaha iyo balaadhinta dekedda magaalada Boosaaso. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay ka go’antahay horumarinta, qaabaynta, maalgelinta iyo sugidda amniga Puntland ayaa kulamo kale oo muhiima la qaatay Wasaaradda Ganacsiga dalka Imaaraadka, iyadoo mar-labaad laga wadahadlay dib u yagleelidda ganacsiga xoolaha nool, waxaana si buuxda la isula meeldhigay in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu bilaabo dhoofka xoolaha, waxaana uu kulankaasi kusoo dhammaaday guul. _DHAMMAAD_ Qaran News
  8. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan (Indha Indho) oo ka mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa ka hadlay waftiga ballaadhan ee uu hoggaaminaayay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan, ee boqoshada ku yimid magaalada Hargeysa, kuwaasi oo uu sheegay in ay xaqiiqada wajaheen. Xildhibaan Indho Indho waxa uu xusay in ay kala doorteen madaxweyne Muuse Biixi oo ubadkooda waxbaraya oo buugaag u qaybinaya iyo madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni oo rasaas u qaybinaya. “Wefti culus ayaa yimid waxaaney sheegeen in dadkii xuduuda xidhilahaa ay yihiin, Somalilandna waa qobtol oo nin kastaaba inta uu joogo ayuunbu dawladnimadda ka muujiya, anigu waxaan is leeyahay maanta laba arrimood ayay kala doorteen, goboladii barigu, laba madaxweyne oo ay midna Ilmaadeer yihiin midna Ilmaantii yihiin ayaa deegaankaasi u dhaxeeyaa, mid waa Muuse Biixi Cabdi oo la doortay, oo saddex boqol oo kun oo qof dad gaadhaya ay doorteen, oo waliba sannadka ay goboladaasina ka qayb galeen, ninka kalena waa ninka ay soddonka nin doorteen ee aanu jaarka nahay” ayuu yidhi. Xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indha waxa uu tilmaamay in ay kala doorteen laba madaxweyne oo midna ubadkooda wax-barayo oo buugaag u qaybinayo midna rasaas u qaybinayo waxanu yidhi “Almihiim waxaa weeyeen dadkaasi waxaa ay kala dooranayaan madaxweyne buugaag u qaybinaya oo ubadkoodii wax baraya madaxweyne abaartii ka caawinaya, goboladii bariga waxaa biya dhaamis iyo raashin ku socda waad yaabeysaa, waxyaabaha lagu gartay in la wada leeyahayna waa ka mid, waxaa ay kala doorteen madaxweyne ay doorteen oo xiligii xumaa carruurtiina wax baraya, oo buugaag qaybinaya bulshadii abaarta ku xoola waayayna biyo u dhaaminaya oo raashin siinaya, waxaa ay ka doorteen ninkaasi ay Ilmaadeerka yihiin oo rasaas u qaybinaya, dad abaari heyso oo la yidhaaho dagaalama weli lama arag, marka madax-dhaqameedka ka soo kicitimay bariga gobolka Sanaag xaqiiqada ayay wajaheen, Illaahey waxaa ay aanu ka rajeynaynaa inuu inta kalena garansiiyo, anagu hada waxba lama noolin oo soddon sannadood ayaanu dagaal ku jirnay, waa naga soo dhammaatay laakiin waxa weeye ‘waxaan ubateeyaba tolkay ooda soo jabi’ markii horeba Sool clan waakii hore u yimid Warsangelina maanta haduu yimid waxaanu leenahay soo dhawaada, dalkiini ayaad timaadeen dadkiini ayaad u timaadeen.” Source
  9. Siciid Deni iyo Sultan Ahmed bin Sulayem Dubai, April 15, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay madaxda shirkadda DP-World oo uu hogaaminayey maamulaha shirkada Sultan Ahmed Bin Sulayem. Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaardda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay dhismaha iyo balaadhinta dekedda magaalada Boosaaso, dar-dargelinta hawlaha shaqo ee dekedda iyo ka midha dhallinta heshiiska caalamiga ah ee bud-dhigga u ah mashruucani muhiim ka ah. Madaxweyne Deni oo ay ka go’antahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dowladda Puntland iyo dar-dargelinta arrimaha maalgashiga ayaa balanqaaday in Xukuumadda cusub ee Puntland samayndoonto jewi sahlaya in deegaanada Puntland u diyaarsanaadaan maalgashi caalami ah, kuwaasi oo taageeraya sugidda Amniga iyo horumarinta deegaanada Puntland. Shirkadda DP-World ayaa balanqaaday in ay dedejindoonto dhammaan hawla la xiriira dhismaha iyo balaarinta dekedda Boosaaso, isla’markaana ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax-walboo ku saabsan mashruucaas balaadhan ee lagu horumarinaayo xidhiidhka ganacsi, wada-dhalasho, siyaasadeed iyo kan soo jireenka ah ee Puntland iyo Imaaraadka. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa kulankan kadib la qaatay kulamo muhiima masuuliyiinta kale ee Shirkadda DP-World, kuwaasi oo salka kuhaya dar-dargelinta dhammaystirka mashruuca dhismaha iyo balaadhinta dekedda magaalada Boosaaso. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay ka go’antahay horumarinta, qaabaynta, maalgelinta iyo sugidda amniga Puntland ayaa kulamo kale oo muhiima la qaatay Wasaaradda Ganacsiga dalka Imaaraadka, iyadoo mar-labaad laga wadahadlay dib u yagleelidda ganacsiga xoolaha nool, waxaana si buuxda la isula meeldhigay in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu bilaabo dhoofka xoolaha, waxaana uu kulankaasi kusoo dhammaaday guul. _DHAMMAAD_ The post War-saxaafadeed: Puntland iyo DP World oo ku heshiiyay in la de-dejiyo dhismaha dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  10. Dubai, April 15, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay madaxda shirkadda DP-World oo uu hogaaminayey maamulaha shirkada Sultan Ahmed [...] Source
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda Xuquuqda Aadanaha Amnesty International ee Fadhigeedu yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso hoos u dhac ku yimid xunakla dilka toogashada ah marka lo fiiriyo Sanadkii 2017. Amnesty International ayaa sheegtay inay hoos u dhacday xukunka dilka Toogashada ah ee la fuliyey Sanadkii 2018 marka loo fiiriyo Sanadkii 2017, waxaana hoos dhaca dilkaan ku yimid hoggaanka u hayo dalalka Chino, Iiraan, Sacuudiga iyo Soomaaliya oo ahaa wadamadi hoggaanka ku hayey Xukumada dilka ee Caalamka ka dhaco. Sanadkii 2017 ayaa waxaa Xukun dil ah lagu fuliyey 993 qof sida lagu sheegay Warbixinta Amnesty International, halka Sanadkii 2018 Xukun dil ah lagu fuliyey 690 qof taasoo ka dhigan in 31% ay u dhaceyn Xukunnada dilalka ee laga fuliyo Caalamka. Amnesty International ayaa xusta in wadamada ay kamid yihiin Belarus, Japan, Singapore, South Sudan iyo Mareykanka ay sare u kaceyn Xukunada dilka ah ee laga fuliyo. Dalka Shiinaha ayey Hey’adda sheegtay in Xukunnada dilka ah ay hoos u dhaceyn illaa 50% taasoo ka dhigan inay Shiinaha wax ka badal ku sameysay Sharciyada xukunnada Dilka ee dalkaas u yaalay. Sidoo kale Hey’adda ayaa Liiska Wadamada ay Xukunnada dilalka hoo u dhaceyn kusoo dartay dalalka Soomaaliya, Ciraaq iyo Pakistan. Warbixinta Amnesty International, gaar ahaan qeybta Soomaaliya ee ka hadleyso inay Xukunada dilalka hoos u dhaceyn ayaa banaanka usoo bixisay hadal heyntii ku aadaneyd inuu Madaxweyne Farmaajo diiday saxiixa Xukunnada Dilalka maadaama uu heysto Dhalasho dalka Mareykanka. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Askar, xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dad shacab ah oo dil geystay Xukun dil ah illaa haddana ma jirto qof lagu fuliyey Xukun dil toogsho ah taasoo fududeysay inay soo bataan dilalka Muqdisho ay geystaan Shabaab iyo Ciidamada Dowladda maadaama aysan jirin xukun ay ka cabsanayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimadda Online)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh ayaa soo farageliyey xiisadda ka dhex taagan Xildhibaan Zakariye iyo Ku-simaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Dahir. Ku-simaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa ka carooday su’aal uu weydiiyey Zakariye oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, isagoo ugu hanjabay inuu dacwad ku soo oogayo, sharcigana la tiigsanayo. Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Fahad Yaasiin ku amray inuu tixgeliyo shuruucda u yaalo Golaha Shacabka isla markaasna uu ogolaado in dooda u dhaxeysa isaga iyo Xildhibaanka loo gudbiyo Guddiga Anshaxa ee Baarlaamaanka Federaalka Soomaaliya si uu guddiga go’aan uga soo saaro. Guddoomiyaha ayaa Fahad Yaasiin uga digay inuu dacwad ka gudbiyo Xildhibaanka taasina ay noqon doonto faragelin lagu hayo Baarlamaanka Soomaaliya. Ku-simaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa aqbalay amarka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana arrintaan loo gudbin doonaa Guddig Anshaxa ee Baarlamaanka si ay uga doodaan muranka u dhaxeeyo Fahad iyo Xildhibaan Zakariye. Xildhibaan Zakariye Gaashaan ayaa fadhigii su’aalo weydiinta ee Baarlamaamka oo ay ku sugnaayeen xubo uu ka mid yahay ku-simaha Agaasimaha Hay’adda NISA, si toos ah u weydiiyey Fahad Yaasiin arrimo ku saabsan Hay’adda hoggaaanka NISA xiriir la leeyahay Al-shabaab iyo sababtii xilka looga eryay taliye ku xigeenkii NISA Cabdalla Cabdalla oo sheegay in Al-shabaab ku dhex milmeen hoggaanka NISA, taasoo keentay in jawaab culus uu bixiyo Fahad Yaasiin. Waxaa uu ka dalbaday Guddoonka Baarlamaanka inuu raalligelin ka bixiyo isla waqtigaasi haddii kale uu qaadanayo xaqa qaanuuniga ah uu leeyahay oo ah inuu dacwad ku soo oogo, wuxuuna xildhibaannada u sheegay in sababta saxaafadda loo dalbaday in laga xiro kulanka ay ahayd in arrimahaas oo kale ay dhici karaan. “Waxaa ii muuqata Hay’adda Nabadsugida in la xurmo dareeyay in golihii dhexdiisa in su’aal noocaan la isku dhex weydiiyo.., Aniga shaqsiyan aanan u qalmin taas… hadalkaas wuxuu gef ku yahay hea’adda Nabadsugida iyo shaqsiyan aniga, waxaa codsanayaa Xildhibaanka inuu cudurdaar ka bixiyo, haddii kale xaqa qaanuuniga aan leeyahay ayaa qaadanayaa” ayuu yiri Fahad Yaasiin. Ku-simaha Agaasimaha NISA ayaa difaacay xilka eryidii Jen. Cabdalla Cabdalla oo uu sheegay inuu bixiyey sir qaran, ayna arrintiisa go’aan ka gaareen Guddi anshax, sidaasina xilka looga qaaday. Xildhibaan Zakariye ayaa diiday inuu raali gelin ka dhiibo Su’aasha uu dhibsaday Fahad Yaasiin, wuxuuna mar kale ku celiyey inuu Fahad ka jawaabo eedeynta loo soo jeediyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Somalia’s regional security minister has confirmed that the deputy leader of the Islamic State (IS) in the country has been killed by an airstrike from a drone. Minister Abdisalam Mohamed Gallan told VOA that Abdihakim Dhoqob was killed on Sunday when the car he was traveling in, was hit by a missile fired by an American drone. The minister said the incident took place near Hiriro village located in Puntland’s Bari region. Several other militants were allegedly killed in the attack. Local media reports in Puntland said that Dhogob defected from Al-Shabaab and joined the IS and was responsible for tax businesses in the Bari regions largely controlled by the terror group. It can be recalled that American forces are aiding international troops in battling against the terror groups in Somalia and have killed several top terror commanders over the last two years. Since over a decade, incessant and uncontrolled terrorist attacks by Al-Qaeda-affiliated Al Shabaab insurgents which are closely linked to the Islamic State are fighting Somali and international forces to install a Sharia state in Somalia. View the full article
  14. The newly appointed Somaliland representative to the Federal Republic Of Ethiopia, Salan Hassan Abdulle, is a member of the new generation of Somaliland diplomats. Although, his name may be unfamiliar to many people, Salan Hassan “Kayd” was most recently the Somaliland representative to Oman and Kuwait. The son of the late Hassan Abdulle Walanwal, “Kayd”, who was among the Somaliland Sandhurst trained officers that tried to restore sovereignty in 1961 and letter served as ambassador to Oman in the defunct Somali Republic, Salan Hassan Abdulle was born and raised in Somaliland. Educated overseas, Salan Hassan returned to the region in the 1980’s. Salan Hassan Abdulle lived and worked in Somalia during the mid 1980’s and was among those who left that country at the onset of the civil war in the late 1980’s. His late father, Hassan Abdulle Walanwal took part in the liberation of Somaliland, in the Togdher section, but sadly died of a heart attack, once the forces of the Somali National Movement retook Buroa. In the diaspora, Salan Hassan Abdulle, had been active in the Somaliland community and has for the past few years served as a representative in Oman & Kuwait. A discreet, astute and humorous person, we at Qarannews, wish him all the best in his new post. A vital post and one we feel, with aid of Allahu Subxaana Waa Tacaal, he will serve both his country and it’s people with distinction. Qaran News
  15. Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa tababar dhanka garsoorka magaalada muqdisho uga furay garsoorka kubbadda cagta, waxaana furitaanka kasoo qayb galay Guddoomiye 1aad Xiriirka Cali Cabdi Maxamed iyo Xoghayaha Guud ee xiriirka DR.Yuusuf Muxudiin Axmed. Tabarkan oo lagu baranayo isbadalada ku yimid shuruucda garsoorka kubadda cagta, sare u qaadida tabooyinka garsoorka iyo adeegsiga aalada lagu ogaado heerka tababarka garsoorka , waxaa bixinay Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Soomaaliya Xasan Aadan Yabarow Wiish, Guddoomiye ku xigeen Aweys Cabdullahi Sheekh, madaxa fayaqabka garsoorka ( Fitness Instructor) Cabdi Cabdulle Baasaale iyoMacallin Maxamed Cabdulle Faraye. Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka oo isla markaana kamid ahaa macallimiinta tababarka wax ka bixinaya oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in tababarkan ay ugu talo galeen in ay sare u qaadaan heerka aqoonta garsoorka iyo sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen dhigooga qaaradda , horumarka garsoorkana uu muhiim u yahay horumarka naadiyada iyo cayaartoyda kubadda cagta. Guddoomiye Wiish ayaa sheegay in tabaarkan ay ka qayb galayaan 25 garsoore oo ay kamid yihiin garsoorayaal da’yaroo oo sanadkan fursad u siiyeen in ay horyaalka wax ka maamulaan, ayna ka go’an tahay in ay sare u qaadaaan aqoonta dhammaan garsoorka heerarkiisa kale duwan. Xoghayaha Guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadada Cagta DR.Yuusuf Muxudiin Axmed ayaa guddiga garsoorka iyo dhamaan garsoorayaasha kubbadda cagta ku amaanay dadaalka xoogganku ay ku jiraan, waxuuna ballan qaaday in xiriirka ay dabooli doonaan baahiyaha ay qabaan garsoorka si ay u tiigsadaan himilooyinkooda una horumariyaan kubbadda cagta dalka. Xoghayaha ayaa intaa raaciyay in ay qoyshaynayaa in sanadkiibala qabto ugu yaraan afar koorso oo tababar dhanka garsoorka, guddoonka garsoorkana ay ka wadhadleen, koorsooyinka nuucaana ay wax wayn ka tarayaan dib u dhiska iyo horomarka xirfada garsoorayaasha Soomaaliya iyo in la is xasuusiyo casharadii lasoo bartay si loo gaaro kana caawinaysa inuu xal u helo qaladaadki dhacay. Ku simaha guddoomiyaha Xiriirka Cali Cabdi Maxamed(Cali Shiino) oo tababarka daah furay ayaa sheegay in howl culus ay hayaan garsoorka kubadda cagta , balse xiriirka ay ka doonayaan in ay labba jibbaaraan waxqabadkooda. Cali Shiine ayaa intaa ku daray in wareegga hore ee horyaalka ay garsoorka qabteen howlo mudan in lagu amaano xiriirka ay markasta garab istaag iyo horumarin joogto ah dal iyo dibad diyaar ula yihiin. Tababarkan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan uusoo idlaaday wareegga hore ee horyaalka, waxayna mudada shanta maalin ee uu socon doonogarsoorka ku baran doona casharo isugu jiray dhanka fayoqabka iyo isbadalada dhanka sharciyada iyo sidii ay ku joogtayn lahaayeen sharciyadii ay horay u barteen W/D-Xuseen Maxamed Hadaafow Source: goobjoog.com
  16. Qoysas dhowaan ka soo barakacay deegaannada Sabiib iyo Caanoole Gobalka Shabeelaha Hoose oo soo gaaray dagmada Kaxda ee gobalka Banaadir kaam ku yaala waaxda 3aad ayaa ka cabanaya xanuuo faro ba’an ku haya iyo noloshooda oo aad u adag. Maxamed Aweys oo mid ka mid ah dadka ka soo barakacay deegaanka sabiib oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay ilaa hadda dhowr caruur ah inay u dhinteen tiro kala ay la liitaan xanuunka shuban biyoodka oo ka dilaacay kaamka ay ku nool yihiin. “Waxaan nahay dad baracayaal ah oo dhibaataysan, ilmaha dhan shuban biyood ayaa nooga dhacay, ilaa hadda 7 caruura ayaa geeriyoo tiro kalana oo 11 caruurana waxa loo qaaday isbitaalka Banaadir kuwana ayagoo xanuusan ayeey joogaan xaafadaha” Maxamed oo hadalkiisa sii wato waxa uu sheegay xanuunnada inay sababeen dadka oo ahaa dad dhowaan ka soo barakacay deegaanada Sabiib iyo Caanoole kuwaas oo lug ku soo gaaray ilaa Muqdisho. “Dadkaan waxa ay ahaayeen dad soo barakacay deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee gobalka shabeelaha hoose, waxa ay ku soo careen qorax, baahi iyo ayaga oo aan helin daryeel markii ay yimaadeen dagmada kaxda, taas ayaana sababtay in dadkaan ay la kulmaan xanuunka shuban biyoodka” Sidoo kale kale Maxamed ayaa sheegay in kaamka hadda uu ku sii faafayo xanuunka shubanka haddii aan la helin gargaar degdeg ah waxa uuna xusay inuu xanuunkaan awal uuna horay uga jirin Kaamka , welina ayna helin wax gargaar shacabka ama hay’ad ahada samafal mise dowladdeed ah. “Waa mid hadda ku faafaya awal hoay ugama jirin kaamka kuleelka dagka ay ku yimaadeen iyo isbadalka deegaanka ayaa sababay ayaan oran karaa, majiro anaga dad nacaawiyay maxaa yeelay annaga maba kala naqaano dadka oo deegaanka waan ku cusub nahay” Dhanka kale Maxamed Aweys ayaa xusay in qoysaskaan magaalada ay joogaan sideed casho dadkuna ayna haysan hoy wanaagsan xanuuna uu dheer dadnkana lagu hayo geedaha hoostooda. “Waxaan joognaa sideed casho, dadka noloshoodana aad ayeey u liidataa waxaa haya xanuunka shubanka gargaar majiro dadkana waxaa lagu hayaa geedaha hoostooda ilaa hadda ma garanayno cid noo maqan” Ugu danbeen dadkaan ayaan ka codsaday in maamulka gobalka Banaadir iyo kan dagmadaba ay ka codsanayaan in si dagdag ah loola soo gaaro garaar iyo dawo. “ waxaan ka codsanaynaa maamulka gobalka iyo kan dagmada gargaar dagdag ah nalala soo gaaro waxa meeshaan ku rafaadsan waa shacab dowladda ayadaana mas’uul ka ah shacabkaan oo ay sugaayaan” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa Canshuur farabadan ku soo rogtay ganacsada wax kala soo degta dekeda magaalada Muqdisho. Sida ay illo xog-ogaal ah u [...] Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhawayd safar shoqo ugu baxay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Madaxwaynaha Somaliland ayaa subaxnimadii hore ka jarmaaday madaxtooyadda waxaana ujeedada socdaalkiisa la la xidhiidhinayaa in uu xadhiga ka soo jari doono qalab cusub oo lagu soo kordhiyay Dekedda Barbara. Dhinaca kale wararka qaar ayaa waxa ay sheegaya in marka uu dhameeyo kormeerka Marsadan Berbera uu Madaxweynuhu la kulmi doono Odoyaal iyo wax-garadka gobolka Saaxil. Source
  19. Guddoomiyaha ardayda Puntland ee Jaamacadaha Suudaan Maxamed C/risaaq Siciid Cadde ayaa u xaqiijyey ardayda reer Puntland inay bed-qabaan aysanna ku jirin mudaharaaddadii dhacayey bilihii lasoo [...] Source
  20. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan saddex oo la socday hal gaari ayaa kooxo hubeysan ay xalay ku dileen deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysan dilka dadkan oo lagu sheegay shacab. Wararka ayaa waxay sheegayaan in rag hubeysan ay xalay fiidkii dilkaan ka geystay isgoyska Ceelasha-biyaha, halkaasoo ay ku nool yihiin qaar ka mid ah shacabkii ka barakacay Muqdisho xilliyadii dagaallada iyo kuwo kale oo horay deegaanka u deggenaa. Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saddexda qof lagu dhex-dilay gaariga, isla markanaa uu illaa saakay yaallay goobtii lagu dilay xalay, kooxihii falkaas geystayna ay goobta ka baxsadeen. Sidoo kale, shacabka deegaanka ayaa sheegay in dadka dilka geystay aan la garanayn cid ay ahaayeen, sidoo kalena aan la garan weli dadkii dilka loogu geystay deegaankaas. Inta badan dilalka noocan oo kale ah ayaa waxaa geysta Al-shabaab oo ka ag-dhaw deegaankaas iyo kuwa kale ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye, mana ahan markii ugu horreysay oo dil noocan oo kale ah uu ka dhaco isla deegaanka Ceelasha biyaha. Dhanka kale, Hay’adaha amniga dowladda ayaan ka hadlin dilka xalay loogu geystay saddexda qof deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaase saakay xiisad laga dareemayaa deegaankaas oo dad badna ay daggan yihiin. Ugu dambeyn, Falkaan ayaa wuxuu imaanayaa xilli maalimihii u dambeeyay ay hawl-gallo is-daba-joog ah ciidamada DF ay ka wadeen Ceelasha-biyaha, kuwaasoo lagu shaaciyay in lagu helay kaydkii hubka ee ugu weynaa ee ay Al-shabaab ku lahayd deegaankaas. PUNTLAND POST The post Tiro dad ah oo xalay lagu dilay deegaanka Ceelaha Biyaha ee Dulleeda Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa guddiyada amniga iyo difaaca faray iney warbixin ka soo diyaariyaan kulankii shalay uu golaha la yeeshay hey’adaha amniga. Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay arrin wanaagsan aheyd in hey’adaha amniga horyimaadaan golaha shacabka iyaga oo intaasi raaciyey in inta badan aan lagu qancin xogaha ay bixiyeen. Su’aalo la xiriiray sababta ay ciidamada xoogga dalka uga soo baxeen goobaha ay joogeen, taliyahooda waxaa uu ku jawaabey iney taktiko tahay. Jidadka Muqdisho ee la xirayo, taliyaha booliiska jawaab fiican kama bixin, inta badan su’aalaha la xiriiray booliiska, Xildhibaannada waxaa ay sheegeen iney aheyd in loo waco Saadaq John. Isla jidadka Ku-simaha NISA waxaa uu sheegay in go’aanka ay leeyihiin golaha amniga, isaga oo su’aalo badan ka gaabsan, codsadana in uu heer guddi ugu jawaabo. Waxaa kale oo jawaab waafi ka bixin waayey su’aalo la xiriiray sababta ay shirarka uga mamnuuceen Hoteelada Muqdisho. Dadka ay dileen ciidamada waxaa la sheegay in gacanta lagu haayo halka dhacdadii ugu dambeysay uu jiro damiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT–Dacar-budhuq)-Saddex Qof ayaa ku geeriyooday Shil baabuur oo Saaka ka dhacay degmada Dacar-budhuq ee Gobolka Maroodi-jeex. Saddexda Qof oo kala ah laba Rag ah iyo Qof Dumar ah, ayaa Geeriyooday markii uu la dhacay gaadhi yar oo ay la socdeen oo ah nooca loo yaqaano Tukhaanka. Meydka saddexda Qof oo aan weli la aqoonsan ayaa la dhigay cisbitaalka Dacar-budhuq. Source