-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
After fleeing to Canada, Fartuun Adan returned to Mogadishu to continue the mission started by her husband, peace activist Elman Ali Ahmed, prior to his assassination. She now heads up intervention initiatives with the goal of rehabilitating former child soldiers Source: Hiiraan Online
-
PRESS RELEASE Chevening Scholarships – applications now open! Do you want study a master’s course at a top British university? If so, you can apply for the British Government’s flagship scholarship programme – Chevening – any time between now and 5 November. Chevening offers full financial support for a year’s study on one of 14,000 eligible master’s degree courses at UK universities. In addition to furthering their academic studies, Chevening scholars also benefit from access to a wide range of exclusive academic, professional, and cultural events and experiences. The British Ambassador to Somalia, Ben Fender, said: “The scheme is for people who have already started their careers. We are looking for leaders of the future, people with talent and ambition who want to make Somalia the best it can be, and who we can help on their way by giving them a world-class education.” “Since we started the scheme in Somalia, over 50 Somalis have won awards.This year we have doubled the number of scholars. In the next few weeks, eleven more will be heading to the UK. Many past scholars now play leading roles in Somali public life. “ “We’re now opening the application process for 2020/21. I would strongly encourage people to apply.You of course need a excellent academic background and English, but also initiative, leadership skills and a strong commitment to public service. We’re especially keen on applications from women and members of groups who are under-represented in public life.” The Head of Scholarships at the Foreign & Commonwealth Office, Ben Coates, said: “Chevening represents the very best of the UK, welcoming exceptional people from across the world to study, grow, and thrive at some of the world’s best universities. Chevening can be a transformative experience, not just for the scholars, but for their communities and countries as they return and use the benefit of their UK experience to make a positive difference in their chosen field.” “Our universities promote the creation and exchange of information and ideas, as well as the building of knowledge and networks. Chevening Scholars find themselves immersed in that world, and leave the UK after their studies having grown academically, professionally, and personally as a result.” Anyone interested in applying should visit www.chevening.org/apply Qaran News
-
ZURICH - Africa's lesser-known soccer teams will enjoy worldwide exposure in the next week after FIFA announced that their opening World Cup qualifying matches would be live-streamed on its website and Youtube. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa Kenya xalay mar kale kaga adkaatay codeyn ka dhacday golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika oo la xiriirtay muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Golahan ayaa ka hadlayey soojeedin ka timid dalka Kenya oo la xiriira in Afrika dhexgasho oo heer Afrikaan ah lagu xaliyo khilaafka iyo muranka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya. Caasimada Online ayaa ogaatay in Soomaaliya ay diiday soo jeedinta Kenya, kuna adkeysatay in laga warsugo go’aanka maxkamadda cadliga adduunka. Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr oo kullanka khudbad ka jeediyay ayaa golaha u sheegay in dacwadda Kenya iyo Soomaaliya ay muddo shan sanno ah hortaal Maxkamadda xilligaan in golaha la horkeenana ay tahay wax lagu mushquulinaayo doodda maxkamada. Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in marnaba aysan dowlada Soomaaliya ka laaban doonin dacwadda Badda ee hortaalla Maxkamadda Caddaalladda adduunka ee ICJ. Golahan oo ka kooban 15 dal, ayaa codbixin ay qaadeen oo ku saabsan in ururka Midowga Afrika uu dhex-galo xiisaddan iyo in kale, ayaa Kenya waxaa ka raacay fashil weyn kadib markii ay guul ku gaari weysay codeynta. Kenya ayaa u baahneyd inay raacaan 8 dal, hase yeeshee waxa ay heshay 6 cod, halka Soomaaliya ay ka heshay 7 cod. Hal dal ayaa ka maqnaa, halka dalka Morocco uu go’aan dhex-dhexaad qaatay. Horay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa midowga Afrika ugu gudbiyey qoraal ah: in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay maxkamadda cadliga, isla markaana ka war sugayaan. Kenya ayaa waxaa ay wadaa cadaadis walbo oo looga hortagayo in doodda ay ka bilaabato ICJ 9-ka bishan, laakin Soomaaliya ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in halkaas la tago, laguna qanco natiijada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka JSL Oo Kooto Ugu Xidhay Xarun Caafimaad Oo Uu Leeyahay Dawooyin Iibkooda Laga Mamnuucay Dalka Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland ayaa dhawaan mamnuucday in goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay lagu iibiyo dawada qaaxada oo iibkeeda loo arkay khatar bulshada waxyeelayn karta. Xarunta caafimaad ka ee Xergeeye waxaa oo ah xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay mulkiilana uu ka yahay Agaasimah guud ee Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu iibiyaa dawada qaaxada taas oo ay hore u mamnuucday Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeey in lagu iibiyo xarumaha cafimaad gaarka loo leeyahay. Agaasimah guud ee Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland ayaa isaga oo adeegsanaya awoodda qaranka kuna takrifalaya mas’uuliyadda uu u hayo wasaaradda caafimaadka ku iibiyaan xaruntiisa caafimaadk Hergeye clinic oo ku taalla magaalada Hargeysa. Tallaabadda uu ku kacay Agaasimah guud ee Wasaaradda harumarinta caafimaadka ayaa waxa ay burinaysaa go’aankii wasaaradda cafimaadku ku mamnuucday in dwaad lagu iibiyo xarumaha cafimaadka ee gaar ka loo leeyahay, Go’aanka Wasaaradda harumarinta caafimaadka ee lagu mamnuucay iibka dawada qaaxada ayaa waxa markii hore lagu sababeeyay sidii loo yarayn lahaa la qabsiga is ticmaal ka dawada Qaaxada oo halis ku bulshada ku nool caalamka gaar ahaan ku nool qaaradda afrika ee aynu ka mid nahay oo ay la daaladhacayaan kumanaan qof oo ku nool Somaliland kuwaas oo qaadsiin kara dadka kale ee ay ku dhex nool yihiin si fudud, haddii aynu sii wadno sharaada xanuunka laqabsiga dawda qaaxada oo ah xanuu aan loo hayn dawo rasmi ah oo lagudaweeyo isa oo sababi kara xanuun ba’an oo dagdag loogu dhiman karo. Ugu dambayntii haddii aan wax laga qaban tallaabadan uu ku kacay agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadku waxa ay dhiiri-galin u noqon kartaa in xarumaha kale gaar loo leeyahay ay iibiyaan dawadan iyo dawooyin kale oo mamnuuc ah iyo in go’aamada wasaaraddu ay socon waayaan. Qaran News
-
OGEYSSIS, OGEYSIIS, OGEYSIIS. Waxaa dhamaan dadweynaha Somaliland ee Nederland ku nool la ogeysiinayaa in la dhisayo guddi cusub ee Jaaliyadda Guud Somaliland ee Holland. Qabashadda araajida waxaa ay bilabmatay 01/09/2019 ilaa 20/09/2019. Marka cidii danaynaysaa in ay ka mid noqoto guddida cusub, fadlan wixii faahfaahin dheeri ah kala xidhiidh ciwaanadan hoos ku qoran: Xiis Maxamed Tel.: 0634345980 C/raxmaan Barre Tel.: 0684941903 E-mail : Somalilandinnederland@gmail.com xoggo dheeraada Halkan Riix SomaliLanders in Nederland (SLNL)3(1) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex qof oo rayid ahaa ayaa xalay lagu dilay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Caasimada Online. Dadkan la dilay ayaa sida ay wararka sheegayaan waxaa dilkooda fuliyey koox bastoolado ku hubeysn oo dilka kadib goobta ka baxsatay. Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilka ayaa sheegtay inay dishay laba sarkaal oo ka tirsanaa Nabad Sugidda dowladda Soomaaliya, kadibna ay ka furteen bastoolado ay wateen. “Ciidadamada Al-Shabaab ayaa degmada Shibis ku khaarijiyay laba kamid ah saraakiisha Sirdoonka Soomaaliya, laba bastooladoodna waa kasoo qaniimaysteen” ayaa lagu yiri war ay baahisay Idaacadda Andalus ee afka Shabaab ku hadasha. Degmada Shibis ayaa ka mid ah degmooyinka ugu amniga badan magaalada Muqdisho, waxaana dilkan uu imanayaa ayada oo maalmahan ay dilal qorsheysan ka yaraadeen Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Mahad Xasan Cabdi oo loo yaqaano Yaxbul, ayaa amar ku bixiyay in aysan Madaxtooyada Kismaayo soo geli karin ballan la’aan, dhamaan Madaxweynayaashii la tartamay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe.” Musharaxiintaan oo saaxiib dhaw la ahaa Madaxweyne Axmed Madoobe, sidoo kalane qaarkood ahaa dad maqaar saar ah oo la tartamay Axmed Madoobe ayaa loo diiday in ay soo galaan Madaxtooyada Kismaayo sida ay noo sheegeen masuuliyiin katirsan Madaxtooyada magaalada Kismaayo. Dadka loo diiday in ay galaan Madaxtooyada Kismaayo waxaa ku jira Musharaxiin aan ka qaybgalin doorashada, kuwaas oo iscasilay ka hor doorashadii Kismaayo ama inta aan hoolka doorashada la tagin balse is diiwaan geliyay. Caasimada Online ayaa ogaatay in masuuliyiinta loo diiday gelitaanka Madaxtooyada Jubbaland in ay kamid yihiin Maxamed Cumar Geedi, Musharax Raabi iyo Haweeneydii la tartantay Axmed Madoobe ee Canabd Maxamed Daahir iyo mas’uuliyiin kale. Lama oga sababta ka dambeysay arrintaan, balse waxaa la aaminsan yahay in uu amarkaan ka soo baxay Axmed Madoobe islamarkaana uu doonayo in uu ku cadaadiyo siyaasiintaas oo doonaya in ay helaan xilal kale maadaama ay ka qayb-qaateen dhismaha iyo doorashadii Jubbaland ee ugu dambeysay iyadoo lagu dhagan yahay Axmed Madoobe. Masuuliyiintaan oo aan qaarkood la xariirnay ayaa noo sheegay in aysan dooneyn in arintaan ay ka hadlaan balse waxay qireen in ay jirto, waxayse ku micneeyeen in ay tahay amar Taliska ka soo baxay oo aan la gaarsiinin Axmed Madoobe ayna qabaan in ay dhamaato. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Xasan Cumar Axmed “Xasan Mahdi” ayaa shalay ka soo muuqday Warbaahinta Al-Shabaab isagoo cod laga duubay uu ku sheegay in uu ka soo baxay wax uu ugu yeeray riddo, oo ula jeeday Maamulkii uu ka tirsanaa ee HirShabeelle. Xasan Mahdi, waxa uu ahaa Agaasimihii Guud ee Madaxtooyada HirShabeelle waxaana la sheegay in bilooyinkii la soo dhaafay uu wajahayay xaalado aad u adag islamarkaana uu walaac ka qabay amaankiisa. Caasimada Online, ayaa shalay illaa xalay baaritaano ay sameysay ku ogaatay dhowr qodob oo quseeya Xaaladda Xasan Mahdi iyo waxyaabaha la maleysan karo in uu Al-shabaab ugu tagay. Waxyaabaha ay ogaatay Caasimada Online ayaa waxaa kamid ah:- In Xasan Mahdi, uu waligiis ka cabsan jiray Al-Shabaab ayna soo wici jireen masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab oo ay qaraabo yihiin kuwaas oo ugu hanjabi jiray in ay dili doonaan. In ay nolasha ku adkaatay markii xilka laga qaaday iyo intii uu haayayba, sababtoo ah HirShabeelle wax mushaar lagama bixiyo waxaana dadka u shaqeeya ay ku nool shaxaad iyo qaar is-dabara oo meelo kale wax kahela Iyo in Al-Shabaabkii u hanjabi jiray Xasan Mahdi ay la soo xariireen ayna ka dhaa-dhaaciyeen in uu Al-shabaab isu dhiibo oo uu heli doono amni iyo xorriyad. Xogtaan waxay Caasimada Online ka heshay qaar kamid ah Saraakiisha maamulka HirShabeelle, hase yeeshee dhamaantoodba ma ahan qodobo uu ku dooran karo kamid noqoshada Al-Shabaab markii loo eego waxa ay yihiin Al-Shabaab. Sababta ugu wayn ee ugu mid noqday Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay kaliya in ay tahay cabsi uu ka qabo Al-Shabaab iyo ballanqaad loo sameeyay oo ah in uu amni heli doono. Sidoo kale Xasan Mahdi waxaa lasheegay in xubno kamid ah Qoyskiisa ay ku noolyihiin degaanada Maamulka Al-shabaab uuna ka maarmi waayay in uu u tago qoyskisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maamulka Somaliland waxaa laga soo wariyay inay diyaar u yihiin inay wada hadal la galaan dawladda Somaliya. ka dibna waxay soo qoreen shuruudo aan la aqbali karin oo ay ku xireen wada hadalladaas. Shardiga 1aad ee Somaliland ku xirtay wada hadalka Somaliland waxay dalbatay in dawladda Somalia qirto in Somaliland ahayd dawlad madax banaan 26 June 1960. Shardigaan runna ma aha lamana aqbali karo. Waxaan la yaabay sababta Somaliland shuruudaha aan la aqbali karin ugu xirtay wada hadallada. Waxaan is waydiiyay sidee u dhici kartaa in dhamaan wax-garadka, culimada diinta, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, oday dhaqameedka, iyo madaxda maamulka Muse Biixi ay u fahmi waayeen in haddii xujooyinkooda la yeelayo aaban loo baahdeen in la wada hadlo oo ay mar horeba noqon lahayeen dal gaar ah oo Somalia ka madax banaan. Somaliland waligeed ma noqotay dal madax banaan oo la aqoonsan yahay? Jawaabtu waa MAYA. Dhulka Somalia oo dhan waligii wuxuu ahaa hal waddan oo qabaa’il Somali ah wada degaan amaba kala degaan. hayeeshee maadaama af laba daan leh uusan muran daynayn, taariikhda dib u milicso. Gobolladii waqooyiga Somalia ee la oran jiray British Somaliland waxay ahayeen dhul ay wada degaan qabaa’il kala duwan oo Somali ah oo isugu jira Isaaq, Gadabuursi, Ciisa, iyo Warsangali kuwaas oo 1890-aadkii oggolaaday in Ingiriis gumaysto, iyo Sool clan oo diiday inay Ingiriis la galaan heshiis uu ku gumaysanayo. Haddii shaki ku galo Internet-ka ka baar oo aqriso qoraalkan (The Illusory “SOMALILAND” Setting the Record Straight), haddii aad waydano ii so sheeg anaa ku so diree. Wixii intaa ka duwan wa riyo, maweelo iyo mari habaabin dhallinyarada aan taariikhda somalia waxba ka garanayn lagu marin habaabinayo. Tan kale, 1940-kii markii dagaalkii 2aad ee adduunka la jabiyay Germany iyo xulafadiisii (Italy, Japan, etc) ayaa waddamo Talyaanigu gumaysan oo Somalia ka mid ahayd la wareegay Ingiriiska. Ingiriiska oo Somalia oo dhan wada haysta baa Qaramada midoobay Somalia u oggolaadeen in la siiyo maamul Daakhiliya ah. Ingiriisku odayaashii Somalida Koonfurta bu u yimid oo ku yiri haddii aad Ingiriiska u doorataan inuu Daakhiliyada idin maamulo oo aydan Talyaani dooran waxaan idiin ballan qaadayaa inaan shanta Somalia mideeyo. Odayaashii Koonfurtu oo ay hoggaanka u hayaan Majeerten iyo Abgaal way diideen oo waxay dhaheen anagu af-Ingiriis ma naqaan sidaa awgeed Talyaanigeenan daysanayaa. Markaas ba Somalia oo dhan xukunkii loogu dhiibay Talyaani. Markii xukunkii Talyaaniga ee Daakhiliyada ahaa dhamaaday ba xorriyad la siiyay goballadii waqooyiga Somalia iyo kuwii koonfurtaba, ka dibna iyadoo uusan midna ahayn dal gaar ah bay magacoodii hore ee Soomaaliga ahaa dawlad ku dhisteen, iyagoo rajaynaya inay gobollada maqan ee Jibouti, Ogaden (Somali Galbeed), iyo NFD ay ku soo biiri doonaan markii ka xoroobaan gumaystihii Ingiriiska iyo Itoobiya. Xuduudihii gumaystuhu ka tagay Somaliland ma u xujaysan kartaa inay tahay dal jiray? Mar kale, jawaabtu wa MAYA. Sida aan kor ku soo xusnay waligeed lama arag, lamana maqal, ma jiri jirin waddan ama jamhuuriayd la yiraahdo Somaliland. Sidoo kale, u malayn mayo in Somaliland ay waligeed u suuragali doonto inay noqoto dal gaar ah. Waayo waa qabiil gadooday. Qabiilna qaran ma noqon karo. Tan kale, intaan Ingiriis iyo Talyaani imaan Somalia, yaa lahaa oo degi jiray geyiga Somalia. Ma xuduudaa u dhexayn jiray qabaa’ilka Somalida ee wada dega? Ingiriis horti yaa lahaan jiray dhulka hadda Somaliland xoogga ku haysato ee ay degaan ahaan u leeyihiin shucuub aaminsan midnimada Soomaaliya. Macne ma samaynayso in qiil laga dhigto oo dawladnimo laga raadiyo xuduudo ay sameeyeen gumaystihii Somalia gumaysan jirtay. Waxaa kaloo la yaab leh in Somaliland ku doodo waxaan rabnaa inaan ka go’no Somalia laakiin isla markaa waxaan ikhtiyaarka ka qaadaynaa oo xoog ku haysanaa gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn oo dadka dega badankiisu taageersan yihiim midnimada Somalia. Laakiin kaba soo qaad in loo raaco fikarkooda ah inay go’aan loona oggolaado inay aayahooda ka tashadaan, taasi miyaysan kallifayn in Somaliland u oggolaato gobollada dadkoodu aaminsan yhaay midnimada Somalia, gobolladaas oo iyada hadda hoos yimaada sow ma aha inay aayahooda ka tashadaan oo yeeshaan ikhtiyaar ay uga mid ahaadaan Somalia. Ma dhici karto in Somaliland tiraahdo sida anagu aan rabno oo qura waa in la yeelaa. Somaliland iskuma heli karto inay damacdo inay xoog uga go’do Somalia isla markaana xoog ku haysato dhul iyo dad raba midnimda somalia. Markii Somaliland oggolaato in dadka ay xoogga ku haysato ka tashadan aayahooda baa iyana lagala hadli karaa rabitaankooda. Shardiga 2aad ee Somaliland ku xirtay wada hadalka Haddii laba dhinac khilaaf soo kala dhex galo, waa muhiim in la wada hadlo oo la isku dayo in xal loo helo khilaafka taagan. Sidoo kale waxaa labada dhinac ka tashan karaan golaha la isugu imaanayo, ajendaha garta laga xaajoonayo, iyo in loo baahan yahay in gogol loo fidiyo ergo kale oo ka baxsan labada dhinac ee is haya. Laakiin ergada dhinac walba mathalaysa waxaa soo xulideeda xaq u leh cidda ay mathalayaan. Waa ayaan darro in maamulka Somaliland ay ku doodaan ergo anaga noo danaynaysa waa inay soo dirsato dawladda Soomaaliya. Haddii ay Somaliland xulayso ergada mathalaysa Soomaaliya khilaafba ma jireen wada hadalna looma baahdeen. Shardiga 4aad ee Somaliland ku xirtay wada hadalka Somaliland waxay rabtaa in beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan. Taas horaan uga soo hadalnay oo Somaliland waligeed ma noqon, haddana ma aha dawalad madax bannaan. Waxaana habboon in Somaliland ay ka gudbaan maaweeladii iyo madadaaladii ay ku jireen ilaa iyo 1990-kii oo ay runta aqbalaan. Shardiga 5aad ee Somaliland ku xirtay wada hadalka Somaliland waxay dalbatay in dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah. Somaliland miyasan ogayn in Qaramada midoobay iyo hayadaha caalamiga ah ay khasab ku tahay inay dhowraan una hoggaansamaan qawaaniinta caalamiga ah. Somaliland wali Somalia bay ka mid tahay, ilaa taasi iska beddalaysana astaamaha hayadaha caalamiga ah ma isticmaali karaan astaamaha Somaliland. Deeqaha soo gaara Somaliland iyo mashaariicda laga fulinayo Somaliland waxay ku soo baxaan magaca Somalia. Dawladda Somaliana sida ay maamul goboleedyada kaleba ugu gudbiso qaybtooda ayay Somalilandna ugu gudbisaa qaybteeda. Jibouti miyaysan ahayn dal madax banaan Dad baa ku dooda miyaanay Jibouti ahayn gobol somaliyeed oo fransiis gumaysan jiary oo maanta ah dal jira oo caalamku aqoonsan yahay? Jibouti markii francisku xorriyadda siinayay ayuu dawladdi Somalia ku xiray oo ku yiri haddii aysan Soomaaliya ku biirayn wa siinayaa xorriyadooda. Dawladdi Somalia ee waagaas jirtay waxay is tustay inay haboon tahay in dadkas aan lagu sii hayn gumaysiga. Lakiin waqooyiga iyo koonfurta somalia duruufahas oo dhan ma khusayn lamana hor dhigin oo waxay aahaayen walina yihiin Somali dhisatay dawalad Soomaaliyeed. Gobollada kale ee maqan sida NFD iyo Kililka 5ad, waxay noqon lahaayeenba wali gacan laguma hayo lakiinse haddiiba ay xorriyad helaan oo ikhtiyaar la siiyo u malayn mayo inay gaar isu taagi lahaayen. Ha la waydiiyo Somaliland inay taageeraysaa in NFD iyo Somali-Galbeed ka go’aan Kenya iyo Ethiopia? Qofkii raba inuu wax ka ogaado taariikhda Somalia iyo sidii qabaa’ilku u kala deganaa ha akhriyo buugga the first foot steps in east Africa by Sir Richar Burton ( riix halkaan) or the scrample for africa, somalia waxay ka mid ahayd waddamo yar oo dadkoodu si walba isku mid yihiin haddana shan qaybood loo kala jaray. Ka dibna gobolladii Ingriiska iyo Talyaanigu gumaysan jireen xorriyadoodii dib u so ceshadeen. Waddaanka Kenya waxa dega 45 qawmiyadood oo kala AF, kala diin iyo kala dhaqan ah. Ethiopia waxa dega ku dhowaad 100 qowmiyadood oo iyana kala duwan. Nigeria iyo africada badankeedu wa sidaas oo kale, haddana waddamadas oo dhan waa midaysan yihiin oo waxaa u dhisan dawlado dadku u hoggaansan yahay dawladda. Wax midnimo lagu waayay bur-bur laguma heli karo Haddii aan dhanka diinta Islaamka ka eegno, midnimadu waa shay qaali ah oo ay tahay in la ilaaliyo. Bal u fiirso maalinti 5 jeer, usbuuci mar, sanadkiina mar ba la is faray in dadka islaamaka ah isu yimaado. Haddii roob da’ayo salaaddi waa la so hormarinayaa si midnimada loo dhowro. Saddex qof haddii ay safarto waxa faray inay hoggaamiye samaystan. Somaliland may hankeeda gaarsiiso inay Somali oo dhan xukunto Somaliland haddii ay dhihi lahayd dhulka somalia oo dhan baan rabnaa inaan xukuno ba dhaami lahayd go’itaan raadiska. Fursaddii way soo martay laakiin way faa’idaysan waayeen wayna fahmi waayeen inay hamigaas sare yeeshaan Jasiiradda yar ee U.K. baa mar addunka badanki xukuntay, hamigoodaa sidaas gaarsiiyay. Hamigeenu wa inu ka waynaado qabiil, gobol, iwm. Haddii Somaali midowno east Africa oo dhan bay hogaamin karaan. Midnimada Somalia waxay ku xiran tahay maamul u samaynta SSC Furaha midnimada Somaaliya waa in maamul loo sameeyo gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC) ee ay degaan dadwayne taageero wayn u haya Dawladda dhexe ee Soomaaliya, aadna ay ugu wayn tahay midnimada Soomaaliya, laakiin ilaa iyo hadda aan ka helin dawladda dhexe ee Soomaaliya wax tageero ama ictiraaf ah. Sidaas oo ay tahay mawqifkooda ku aaddan midnimada Soomaaliya kama galaan gor-gortan inkasta oo gobolladooda ay xoog ku haystaan Maamulka Somaliland oo raba inuu ka go’ Soomaaliya. Madaxwaynuhu miyuusan ogayn in iyada oo aan dhiig la daadin, dhaqaale bandanna aan la lumin inuu soo de-dejin karo dib u midaynta dadka iyo dalka Soomaaliya, keliya waxay ku xiran tahay inuu saxiixo in gobollada SSC ay yihiin maamul goboleed cusub oo ka tiran dawladda dhexe ee Soomaaliya, markaa ka dibna uu xal u raadiyo shacabka midnima doonka ah ee reer Awdal, iyo degaannada kaleba. Tusaale ahaan, haddii Sool, Sanaag, iyo Cayn maamul loo sameeyo, maamulka Hargeysa wuxu lumninyaa dhul badan oo uu hadda xoog ku haysto, shacabkooduna aaminsan yahiin midnimada dalkooda. Ka dib waxa Somaliland u so haraya dhul ka yar afar-meelood-oo-meel dhulka hadda ay haysato, dawladda dhexena waxa ka fududaanaya culayaska iyo shuruudaha Somaliland la timaaddo miiska wada hadalka, loomana baahanayo wax waan-waan ah oo macna wayn leh in lala galo maamulka Somaliland, waayo mar haddii Sool, Sanaag , iyo Cayn ay ka hoos baxaan maamulka Somaliland oo ay yeeshaan maamul gaar u ah iyaga waxaa wiiqmaya jiritaanka Somaliland, iyo ismoodsiiska ah inay dal gaar ah yihiin ama noqon karaan. Maxa Dhacaya Haddii Maamul Loo Saymayn Waayo Sool, Sanaag, iyo Cayn? Haddii Madaxweyne Farmaajo maamul u samayn waayo Sool, Sanaag, iyo Cayn waxa Soomaaliya soo gaarindoona fashilkii ugu waynaa taariikhdeeda, Farmaajana wxuu taariikhda ka gali doonaa baal madow haddii kala go’ dhaco xilli uu isagu Madaxweyne Soomaaliyeed aha, iyadoo shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba (gaar ahaan shacabka Awdal, Sool, Sanaag, iyo Cayn) ay u harraadan yihiin dawladnimo, midnimo, horuman, ammaan. W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar____-Qumanaha-____-Warraka-03092019.mp3 View the full article
-
3rd September 2019 PRESS RELEASE Somali National Army Personnel graduate from UK led training in Baidoa This month, the Somali National Army celebrated the graduation of a further 98 soldiers from British military training in Baidoa, the capital of Southwest State in Somalia. The UK has built a training centre in Baidoa, including a state-of-the-art firing range that was opened by Southwest State’s President, Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, and the UK’s Africa Minister, Andrew Stephenson, on 21 August. Construction of 450 barracks for the Somali army has just started on the same site. The 16-week training, involving a mix of theory and practical lessons, covered defensive positions, vehicle check points, dealing with improvised explosive devices, first aid, safe weapon handling and leadership. The UK training has already shown its value. Attacks in Baidoa have fallen since the Somali army built defensive positions around the city as part of their course, and some of those on the course used their new skills in a successful attack against Al Shabaab in the area of Daynunay this month. Speaking during the graduation ceremony, the Commander of British Forces in Somalia, Colonel JL Baynham, said: “The training is being delivered by highly experienced specialists. It’s focused on building really strong infantry skills, which are what the Somali army most needs to defeat Al Shabaab. The Somali soldiers are very able and keen to learn. We are already seeing the benefits, for the individuals, their units and the security of the area.” The British Ambassador to Somalia, Ben Fender, said: “The Somalis are working to improve security after decades of conflict and terrorism. The UK is a major partner and the only country providing military training outside Mogadishu. Baidoa is a vital location in the fight against Al Shabaab. We need to stay the course, but over the last year, Somalia has made real progress towards building its future army, and in conducting operations. We’re delighted to support that.” The course is part of an on-going programme of support to the Somali National Army’s 60 Division. Graduates will now receive additional medical, planning and command training. The UK has delivered training to over 900 members of the Somali National Army since January 2017. The focus has been on medical skills, leadership development, intelligence, equipment care, logistics and the rule of law. Qaran News
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray goobaha ay magaalada Dhuusamareeb uga suganyihiin ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee qayb ka ah ciidamada ka shaqeynta adkeynta amniga xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sheegay in uu ku faraxsanyahay in ciidamada booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ay yihiin ciidamo ka howl-gala meel kasta oo dalka kamid ah ee qaranku u diro in ay ka shaqeeyaan ayaa faray in ay laba jibbaaraan dadaallada ay uga qayb qaadanayaan amniga Dhuusamareeb si looga mira dhaliyo qorshaha dhismaha Galmudug loo dhanyahay. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray xarunta lagu qabanayo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo deegaannada ergada shirka ka qayb geleysa ay magaalada ka deganyihiin. Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa shalay u yimid magaalada Dhuusamareeb dardar-gelinta dadaallada lagu dhammeystirayo qorshaha dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug iyo furitaanka shir-weynaha dib-u-heshiisiinta. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Kenya ayaa dalbatay in dib loo dhigo dacwadda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliya ee ka furan ICJ,si ay u qorato qareenno cusub oo difaaca. Kulan Guddiga Amniga iyo Nabadda Afrika ku yeeshay Addis Ababa,ayay Kenya ka sheegtay inay dooneyso in dacwadda Badda Soomaaliya ee ay sheeganeyso lagu xalliyo wadahadal, dibna loo dhigo si ay u qorato qareenno xooggan oo difaaca. Soomaaliya ayaa dalbatay in dacwaddan loo daayo maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo dhageysigeeda u muddeysay 9-ka bishan. Wasiirudowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Khayr ayaa kulanka ka sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay in dacwaddan lagu dhammeeyo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo ay hor taallo. Kenya ayaa sheegatay qeyb ka mid ah xeebaha Soomaaliya oo uu shidaal ku jiro. Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ka dacweysay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, waxaana qorshuhu yahay in dacwadda la galo 9-ka bishan September. Kenya oo aan kalsooni ku qabin sheegashadeeda lahaanshaha biyaha Soomaaliya, ayaa xusul duub ugu jirta in dacwada dib loo dhigo ama wada hadal lagu dhammeeyo, taasoo muujineysa taag darrada dooddeeda ay ku sheeganeyso biyaha Soomaaliya. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seertay codsiga Kenya ay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ uga dalbatay in la hakiyo dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Paul Kihara ayaa warqad rasmi ah oo uu u diray waxa uu codsiga Kenya cudur daar uga dhigo in Kenya ay dooneyso inay qorato koox cusub oo ah qareeno difaaca, sidaas darteedna ay u baahan tahay waqti dheeri ah. Si kastaba, Soomaaliya ayaa diiday codsiga Kenya, waxaana la filayaa in berri ay warqad rasmi u dirto maxkamadda ICJ, kuna war-geliso go’aankeeda, iyo inay diyaar u tahay in kiiska uu sii socdo. Soomaaliya ayaa ku doodi doonto in haddii Kenya ay dooneyso inay qareeno cusub qoroto ay haystay in ka badan hal sanno, oo ay sidaas ku sameyso, sidaas darteedna cudur-daarkaas aan iminka la aqbali karin. Dhageysiga dacwadda ayaa waxaa la qorsheeyey in u dhaco maalmaha Isniinta illaa jimcaha ee 9-ka illaa 13-ka bishan September. Diidmada Soomaaliya ayaa la macno ah, in Kenya ay ku qasbanaan doonto inay maxkamadda hor-timaado, haddii ay sidaas sameyn weysana kiiska uu socon doono la’aanteed. Go’aanka kasta oo dib loogu dhigayo kiiska ama lagu joojinayo waa inay isku racaan labada dhinac ay maxkamadda ay quseyso, waxaana diidmada Soomaaliya ay la macno tahay inuusan Kenya u furneyn albaab ay uga baxsan karto kiiska. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Dalka Kenya ayaa bishan bilowgeeda codsi dhib-u-dhigis ah xagga dhageysiga dacwada ah u diray maxkmadda cadliga adduunka. Warqad ku taariikheysan 2bada September oo loo diray maxkamadda ayey ku codsadeen in Dib loo dhigo dhageysiga dacwada Dhanka kale ilo xogogaal ah ayaa Goobjoog News u sheegay in Kenyaanku doonayaan talaabo kale oo waali ah, taas oo ay ku kala dirayaan dhammaan qareenadooda si dacwada dib loogu dhigo 12 bil oo kale. Haddii ay sidaasi sameeyaan waxaa dhaceyso : –In ay xilligaas wadahal raadiyaan iyo xal diblomaasiyadeed ula galaan Soomaaliya. – In dalalka Afrika iyo Midowga Afrika ka dhameeyaan in dacwada iyagu dhageystaan oo laga soo wareejiyo maxkamadda qaramada midoobey. – Iney ka shaqeeyaan iney isjiidjiidka gaaro marlaxadda kala guurka ee Soomaaliya kadib, oo ay la macaamiilaan maamulada iman doona Soomaaliya 2021ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com