-
Content Count
213,891 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay Dalka Turkiga si ay uga qayb galaan Shirka Turkiga iyo Wadamada Afrika. [...] Source
-
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntlland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo isagu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Ganacsato ayaa maanta u ambabaxay Wadanka Turkiga, halkaasi oo ay kaga qaybgelayan Shirka Maalgashiga dalka Turkiga ee Afrika. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka warbixiyay ujeedka safarkiisa dalka Turkiga ayaa yiri “Waxaan halkaan idinla wadaagayaa safar yar oo aan ku tegi doono dalka Turkiga oo ula jeedadiisu tahay shir ka dhacaya Turkiga oo lagu casuumay dowladaha Africa badidooda, shirkani wuxuu runtii daba-jooga kii ka dhacay Puntland oo aad u farxad geliyay shacabkeena iyo beesha caalamkaba”. “Wafti baa ila socda oo isugu jira dowladda Puntland iyo Ganacsato oo casuumaad ka helay dowladda iyo Ganacsatada Turkiga. waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Puntland daafaha dunida laga bartay, gaar ahaan Maalgashiga oo runtii aan codsiyo badan ka helayno” ayuu sii raaciyay mudane Karaash. Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in Puntland ay soo dhawaynayso cidkasta oo maalgashanaysa, adduunkuna uu arkay nabad-gelyada taala, dowladduna ay ballan qaadayso inay ilaalindoonto. Weftiga Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, waxaa Garoonka diyaaradaha Gaaroowe Gen. Maxamed Abshir kusii sagootiyey xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiil Ciidan iyo Ma’suuliyiin kale. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wefdi uu hoggaaminayo oo u ambabxay dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo maanta shir ku yeeshey magaalada Baydhaba ayaa aad u canbaareeyey talaabadii madaxweyne Farmaajo uu xayiraadda ku saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Odayaasha Koonfur Galbeed ayaa Shariif Sheekh Axmed ku tilmaamay oday Soomaaliyeed oo nabaddoon ah, aadna u dulqaad badan, waxayna tallaabada uu Farmaajo qaado ku qeexeen mid caddeyn u ah “sida uu u abaal-dhacay”, sida ay hadlaka u dhigeen “Waa nasiib darro aad u weyn in Farmaajo uu ka xishoon waayo ninkii isaga Mareykanka ka keeney oo ra’iisul wasaare ka dhigey” ayey yiraahddeen odayaasha Koonfur Galbeed. Odayaasha ayaa sheegay in dhaqanka Farmaajo uu shabaho mid horey loo arkay. “Tani waxay caddeyn u tahay in Farmaajo uu rabo inuu dalkaan ku hoggaamiyo wixii shaley ay Soomaali isku dagaashey lagamana yeelaayo taasi” ayey yiraahdeen odayaasha. Dhinaca kale, odayaasha Koonfur galbeed ayaa sheegey inay ka aqbaleen raali gelintii uu madaxweyne Shariif u sameeyey reer Koonfur Galbeed, ugana mahad-celinayaan.
-
New York (Caasimadda Online) – Dadka sida adag u dhalleeceeya Trump waxay ku eedeynayaan in uu awoodda xilka madaxweynaha u adeegsaday in uu ku handado Ukraine, si ay u soo saaraan macluumaad dhaawaca sumcadda ninka siyaasadda ay ku loollamayaan ee Joe Biden, oo ka tirsan xisbiga Dimuquraaddiga. Qorshaha la doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne Donald Trump ayaa la sheegay in uu ka yimid madaxda sare ee xisbiga dimuqraaddiga, waxaana afhayeenka aqalka Kongreska, Nancy Pelosi ay sheegtay in Madaxweynaha uu la kulmaa isla xisaabtan dhab ah. Ilhaan Cumar oo ah xubin ka tirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Trump uu isaga xilka iska qaadayo marka loo fiiriyo khaladaadka uu sameeyey sida ay hadalka u dhigtay. Ilhaan oo wareysi dheer siisay Telefishinka CNN ayaa sheegtay in xil ka qaadista Trump loo marayo dhanka Sharciga, waxayna madaxweynaha ku eedeysay inuu jabiyey Sharciga Mareykanka. ” Waxay u muuqataa inuu Madaxweynaha sharciga ka sareeyo marka loo fiiriyo dhacdadaan” ayey tiri. Waxay ugu dambeyn sheegtay inay ka go’an tahay sidii loo sii wadi lahaa qorshahaan xilka looga qaadayo Trump, iyadoo caddeysay in Afhayeenka aqalka Kongreska Nancy Pelosi ay ka go’an tahay sidi xilka looga qaadi lahaa. Caasimada Online Xafiiska New York caasimada@live.com
-
The Minister of Administrative Development, Labour and Social Affairs Yousef bin Mohamed al-Othman Fakhroo met with Somalia Minister of Labour and Social Affairs Sadik Warfa and his accompanying delegation, who is on a visit to Qatar. Source: Hiiraan Online
-
New York (SMN) – Madaxwaynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii lagu guda jiray Shirka 74-aad ee Qaramada Midoobay, waxaa uu wada hadal kula yeeshay magaalada New York Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan. Labada Madaxwayne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargalin lahaa iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya 2 dal. Sidooo kale Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo wuxuu magaalada New York kula kulmay Madax ka socota dalaka Caalamka, kuwaas oo ka qayb galay shirka Qaramada Midoobay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Beledweyne (SMN) – Saraakiisha ciidamada Milatariga Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa amaro ka soo saaray dadka hubka sharci darrada ah ku dhex-qaata xaafadaha magalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka, Faarax Cali Kooshin ayaa sheegay in la ogolyahay kaliya hubka sharciga ah oo ay sitaan ciidanka Xoogga dalka,isagoo sheegay in la gala wareegi doono shaqsiyaadka kale ee wata hubka. Go’aankaan ka soo baxay taliska Milatariga Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii la soo dhaafay gudaha magalada Beledweyne ay ka socdeen howlgallo baaritaano ah, kuwaas oo lagu soo qab qabtay tiro dhalinyaro ah oo qaarkood ku eedeysan isticmaalka waxyaabaha Maanka dooriya. View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - Three soldiers were killed and two pedestrians injured in a landmine blast at Taleh Junction in Mogadishu’s Hodan district. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Maamulka Jubbaland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay dib u dhacday Xafladdii lagu caleema saari lahaa Madaxweynaha dib loo doortay ee Maamulkaas Axmed Madoobe kadib war saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Jubbaland. War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xafladda dib loo dhigay muddo kooban oo aan la cayimin, waxaana Xafladda lagu waday inay dhacdo 26 Bishaan oo ku beegan Maalinta Berri ah. Jubbaland ayaa sababta loo baajiyey Xafladda ku sheegtay kadib markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya is hor istaag ku sameysay wufuudii lagu casuumay Xafladda taasoo ay ku tilmaamtay inay tahay mid sharci darro ah. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xariyaad dheeri ah oo dhanka hawada ah waxa ay kusoo rogtay magaalada Kismaayo, iyadoo sheegtay in mudo seddax maalmood ah aysan wax diyaarad ah ka dagi karin magaalaada Kismaayo. Dowladda Soomaaliya ayaa xayirtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif oo doonayey inuu u dhoofo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Jubbaland, waxayna arrintaas keentay inay kasoo horjeestaan dhammaan qeybaha kala duwan ee Siyaasiyiinta mucaaradka ah. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta lala eegtay kolonyo uu la socday guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidanka qalabka sida, Xasan Cali Nuur Shuute, kaas oo ka dhacay degmada Kaxmda ee G/ Banaadir. Qaraxa oo ka dhashay miino la dhigay waddada dhinaceeda ayaa ka dhacay waaxda afaraad ee degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah baabuurta galbineysa guddoomiyaha, inkastoo isagu ka badbaaday qaraxaasi. Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan, waxaana ciidamadu ay baaritaano kooban ka sameeyeen meesha ay wax ka dhaceen. Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saaka mid kale askar ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir View the full article
-
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dib u dhigay xaflada caleemo saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, taasoo lagu waday inay qabsoomto maalinta berrito ah oo ku beegan 26 bisha September. Warsaxafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda federalku sifo sharci darro ah ku hor istaagtay wafuudii kala duwanayd ee ka qeyb gali lahayd xafladaas. Jubbaland ma sheegin waqti cayiman oo la qabandoono, hase ahaatee waxay shaacisay in muddo kooban dib loo dhigay xaflada madaxweyne Axmed Madoobe lagu caleemo madayo. HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA. The post Deg Deg : Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland oo dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-25092019.mp3 View the full article
-
Somaliland ayaa ku wargalisay ganacsatada shidaalka lasoo dega in aanay keenin wax shidaal ah bishaan iyo bisha soo socota, iyadoo ka xiratay Haamaha shidaalka lagu keydiyo. Qoraal dowladda kasoo baxay oo aan warbaahinta loogu talo galin, balse loo dusiyay, ayaa lagu sheegay, in uu maamulku hayo shidaal ku filan Somiland labada bilood ee soo socota, sidaas awgeedna waxay ganacsatada u sheegtay in aanay khasaare is galin. Waxaa qoraalka lagu celceliyay in aanay ganacsatadu dhayalsan digniinta dowladda ee ku saabsan inaan loo helidoonin meel ay shidaalka ku shubtaan haddii aysan fulin amarka dowladda. Somaliland waxay kaloo sharuud ku xirtay cid kasta oo shidaal keenaysa in ay marka hore dowladda usoo gudbiso xaddiga shidaalka iyo waqtiga ay doonayso inay soo degsato. Waxaa kale oo warkaan lagu sheegay in ay dhici karto in Somaliland lasoo degto shidaalka Naaftada, taasoo awal hore aan qorshaha ugu jirin, waxayna tilaabadaan cadaadis kusii ahaan kartaa ganacsatada Naaftada lasoo degta. Tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay shidaal soo iibsanayso, waxaa go’aankaan uu walaac ku noqday ganacsatada gaarka ah ee shidaalka kasoo iibsan jiray suuqyada dunida. Puntland Post The post Somaliland oo handaraabtay keydka haamaha shidaalka appeared first on Puntland Post.
-
Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in dib loo dhigay xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Lama sheegin waqtiga kale ee laga dhigay. Qoraalka arrintaasi ku saabsan halkan ka akhri: Source: goobjoog.com
-
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu dambeyntii u hoggaansamay ajendaha iyo cadaadiska dalka Kenaya ee ahaa in wada hadal kasta oo labada dhinac ah ay qeyb muhiim ah ka noqoto muranka badda. Kulan ay dowladda Kenya u soo martay midowga Afrika iyo guddoomiyeheeda Cabdifitax Al-sisi ayaa xalay magaalada New York, xarunta Qaramada Midoobey ku dhexmaray madaxweyneyaasha Farmaajo iyo Kenyatta, iyaga oo ka hadlay muranka badda, xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka. Ilo ku sugan magaalada New York iyo Shirka jimciyadda Qaramada Midoobey ayaa xaqiijiyey in Kenya ay maalmahan raadineysay la kulanka wafdiga Soomaalida laakin Muqdisho ayaa shardi ka dhigtay in ajendaha laga saaro arrinta muranka badda, taasi oo sida muuqata Kenya ayaa guuleystay, oo ajendaha kiiska badda waxaa uu qeyb ka ahaa kulanka ama arrimihii looga hadlay miiska. In ajendayaasha wada hadalka labada dal uu qeyb ka noqdo muranka badda waa guul ay Kenya gaartay, waxaa kale oo dhici karta in Nairobi ay xalay Farmaajo kala hadashay codsi cusub oo todobaadkan ay u dirtay maxkamadda ICJ oo ah in mar kale dib loo dhigo dhageysiga dacwadda oo balantu tahay November 4, Kenyaanku waxaa ay qabaan in waqtigu ku yar yahay. Maxkamadda ICJ ayaa dib dhigtay dhageysi lagu waday bishan September hadana waxaa laga yaabaa iney mar kale sii dib dhigto. Dhinaca kale, bogga Villa Somalia ayaa daabacay in la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka. In la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray. In kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas oo la isku waafaqay, sida hadalka loo dhigay. In laga dhawrsado wax walba oo keeni kara in ay sii kala fogaadaan shucuubta gobolka, dadaalladana la isugu geeyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah. Isha: Goobjoog News
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa shirkadaha shidaalka dalka keena ku wargelisay inaan bishan Septermber inta ka hadhay iyo bisha Oktoobar meel loo haynin shidaal ay dalka keenaan, gaar ahaan baatroolka. Warqad qoraal ah oo uu maareeyaha kaydka shidaalka Berbera Xasan Axmed u gudbiyay toddobaadkii hore shirkadaha shidaalka keena dalka oo uu ogaysiin siiyay Madaxweyne Biixi, wasiirka ganacsiga iyo badhasaabka gobalka Saaxil, oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Geeska Afrika helay, ayaa waxa kale oo ay xukuumadu sheegtay inay dalka keeni doonto naafato. Warqada ayaa u qornayd sidan “Mudanayal, waxaanu idinla socodsiinaynaa in baatroolka yaala uu dalka wadi karo muddo dhan laba bilood. Waxa iyana aad ogtihiin inay dawladu keenayso baatrool bisha Oktoobar. Si aanu haddaba u dhicin khasaare shirkadaha kaga yimaada dhammreyjka waxaan idinku wargelinayaa in aanaan meel u ahayn baatrool bishan inta ka hadhay iyo bisha oktoobr gudaheeda midna. Wixii intaas ka dib banaanaada waa laysla socodsiinayaa laakiin fadlan arrintan ha dhayalsanina maadaama ay taay go’aan dawladeed oo aan aad ugu adkaysanayno. Xagga naafatada waxa aan wada ognahay in aa la keeni karayn naaftu sulferteedu ka badanthay 500 ppm, sidii marar hore af iyo qoraalba aan iskugu sheegnay. Waxa kale oo aan idinla socodsiinaa in ay dhici karto in dawlada qudheedu ay naftada keento sida ay ugu talo jirto in baatroolkaba ay u keento. Waxa la qorshaynayaa shidaal transit ah oo haamaha naaftada qaarkood loo isticmaalo. Maadaama haddaba isbedel ku iman kro dadkii wax soo dejin jiray iyo awoodii kaydka haamah awaxaan idinka digaynaa aydaan gelin khasaare dhamaresjka ah ama khasaare ka yimaada markabka oo la celiyaba. Qofkii daynaynaya inuu naafto keeno waxa lagu adkaynayaa inuu noo sheego xaddiga naaftada ah ee uu damacsanyahay in uu keeno ka dib waxa aan u sheegaynaa wakhti cadadkaas meel loo heli karo. Sida loogu soo kala horeeyo dalabka ayay maraakiibtu u kala horayn doonaan. Macno ma samaynayso in uu qof yidhaahdo, “Markab aya aii soo socda oo toban maalmood ka dib ii imanaya.” Intaan makabka la soo rarin waa in laga heshiiyaa wakhtiga meel loo heli karo.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa ka hadlay Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Boorama oo dhawaan la xidhay, waxaanu sheegay inay Xildhibaanadaasi hadda yihiin xor, oo dib loogu soo celiyey xoriyadoodii. Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Xildhibaanadii la xidh-xidhay, dib ayey xoriyadoodii u heleen, oo waa la soo daayey, haddana waa xor, dadaal dheerad ah oo aanu sameeynay dartood waa la soo daayey, imikana wax dhib ahi ma jirto, waxaana ku baaqayaa in laga fogaado wax kasta oo dhib, khilaaf iyo muran keenaya, waxaan ku baaqayaa in qaranimada Somaliland la ilaaliyo, oo laga dheerado wax kasta oo lid ku ah qaranimada” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Shirmbirkii dad qaadka ahaa ee deegaanada Gaashaamo ee Soomaalida Itoobiya ku laayay carruurta, ayaa u muuqda inuu u soo gudbayo Somaliland. Gorgorkan ayaa shalay wuxuu weerarkii u dambeeyay barqadii ku soo qaaday gabadh yar oo adhi la joogtay duleedka degmada Salaxlay. Taliyaha ciidanka Booliska Salaxley Cabdi Maxamed , ayaa telefishanka Eryal u sheegay warkan, waxaanu sheegay in gabadha yar laga badbaadiyay shimbirkaas weerarka ah, “Dad baanu waraysanay, halka barakaca salaxlay ayaanu tagnay waxaanay noo sheeegen inuu soo weeraray gabadh yar oo 7 jir ah oo adhi la joogtay ka dib dadkaa ku dhowdhowaa ilaa dhawr iyo toban qof oo meesha joogay way xaqiijiyeen, waxba muu yeelin waana laga gaadhay, ulo ayay dadkii barakacu qaateen ka dib cabaar ayay nagu dul wareegeen ayuu yidhi markii dambena wuu naga tagay.” Hooyada dhashay gabadhan yar ayaa iyaduna sheegtay inuu shimbirku soo weeraray gabadha yar oo aan markaas iyada ka fogayn, “Inantii yarayd oo ka soo cararaysa ayaa gabadhi aragtay waanay qaylisay markay aragtay bahalkii oo lugaha soo laaladiyay, inantii yaraydna way soo carartay, waanu soo dul cararay markii lagu qayliyay ayuu sidii wax kor u yara kacaya iska dhigay. Aniguna waan u imid, Geed ayaanu wada hoos istaagnay ilaa rubuc ayuu na dul taagnaa oo uu haddana dib ugu noqday halkii inanta yari ka soo carartay.” Geesta kale qoys xoolo dhaqato ah oo sida baraha bulshada lagu baahiyay degen deegaanka Waraabeeye ee gobalka Togdheer ayuu barqadii shalay soo weeraray. Laakiin raggii markaas guriga joogay ayaa rasaas oodda kaga qaaday gorgorkaas oo aan wax khasaare ah gaysan, waxaanay dadka deegaankaasi sheegeen inay gorgorka weheliyeen shirmbiro tiro badan. Bashiir Xaaji Ibraahim oo warkan ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebook ayaa sheegay in shimbirkaasi cabsi ku hayo dadka deegaankaas. Mid ka mid ah shimbirkan ayuu wiil geeljire ahi toddobaad ka hor ku dilay deegaanka gaashaamo ka dib markii uu soo weeraray, sidoo kalena ciidamada ammaanka ee Liyuu Booliska ayaa iyaguna gacanta ku dhigay mid ka mid ah shimbirkan. Laakiin weli wuxuu shimbirkan dadka qaadka ahi deegaano kala duwan oo Itoobiya iyo Somaliland ah ka wadaa weeraro joogto ah, waxaanu u muuqda inay yihiin shimbiro tiro badan oo u baahan in qorshe balaadhan lagaga hortago weeraradiisa. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidanka qaranka Somaliland ayaa shalay dhaawac culus oo rasaas ah gaadhsiiyay muwaadin magaciisu yahay Cali Aw Maxamed Xaaji Jaamac, oo ka mid ah dadka deegaanka Xabaale ee koonfurta Hargeysa oo ay ciidanka qaranka isku dhaceen. Ciidanka qaranka ayaa doonayay inay dad ay ka rareen xerada birjeex dejiyaan dhul uu leeyahay muwaadin Cali Aw Maxamed oo deegaanka Qalax ah. Qoyska muwaadinkan ayaa sheegay in dhaawucu yimid ka dib markii ay Cali iyo qoyskiisu ka diideen ciidanka qaranka in dadkaas la dejiyo dhulkooda, waxaana Cali oo uu dhaawac culusi ka soo gaadhay rasaastaas ciidanka qaranka lagu sameeyay qaliin culus oo dhaawr saacadood qaatay. Ma jiro wax war ah oo uu taliska ciidanka qaranku ka soo saaray dhibaatadan dhacday. Qoyska ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu ka soo gaadho ciidanka qaranka oo ay ku eedeeyeen inay rasaas nool u adeegsadeen. Source
-
The leaders of Somalia and Kenya have jointly agreed to work towards normalizing relations without any implications for the maritime case at the ICJ. The agreement was reached following a tripartite meeting facilitated by the African Union chair and current President of Egypt, Abdulfatah El-Sisi at the sideline of United Nations General Assembly in New York. According to a press statement from Villa Somalia, President Farmajo and his counterpart, Mr. Kenyatta agreed to fully normalize diplomatic relations which took a new twist from February this year. “The two countries agreed to return the diplomatic engagement to where it was in February this year and take diplomatic steps to build confidence between the governments and people of the two nations.” The statement said. The two neighboring countries also agreed to formulate joint committee from both governments to implement the fruitful agreements between Mogadishu and Nairobi. “The two leaders have agreed to avoid any further step to complicate the situation in the region but rather put more efforts on the fight against terror.” Villa Somalia press statement, however, stressed that the federal government of Somalia emphasized on the need of both countries in respecting the role of the ICJ in managing the disputed maritime case. “The Federal Government of Somalia stressed the significance of The Hague based court to independently handle the maritime dispute case in which the two agreed.” View the full article
