Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,061
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu awood u leeyahay in uu cafiyo kornayl Caarre, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Nuxurka Kulan Dhexmaray Cirro iyo Guddida West Burco Clan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadashay Xanuun Ka Dillaacay Burco, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo Masuuliyiin kale ayaa waxay Garowe shir kula leeyihiin Wasiirada Federaalka ee kasoo jeeda Puntland, kulamadaan ayaa lagu waramayaa inay yihiin kuwo [...] Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Oo Ka Hadlay Nuxurka Kulan Xasaasi Ah Oo Dhex-maray Midawga Yurub, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 09-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo. Kulankaana waxa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo midawga yurub sidii loo dardar-gelin lahaa. Sidoo kale, waxa lagu lafo-guray mashaariicda horumarineed ee midawga yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland iska kaashadaan hirgelintooda iyo diyaar garawga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo safiirku sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin wixii kaalmo ah ee ay kaga qayb-qaadanayaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland. Ugu danbayntiina madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo uu kulanka ku wehelinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa safiirka iyo midawga yurub ku bogaadiyey xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo midawga yurub iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka wadaan. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Dufcadii 11aad oo ka kooban 606 Arday ayaa ka qalinjabiyey Jaamacadda Admas ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo munaasibad balaadhan oo loogu fooladeeyey loogu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Munaasibadii Qalinjabinta Ardayda Jaamacada Admas ayaa waxa ka soo qaybalay masuuliyiin ka kala socday xukuumada, Xisbiyada Mucaaridka, Waalidiin, Arday iyo Martisharaf kale, oo uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) kuwaas oo dhamaantoodba la qaatay farxada Ardayda qalinjabisay. Ardaydan Jaamacada Admas ka qalinjabisay maanta ayaa baratay culuumta kulliyadaha kala duwan ee heerka Koowaad ee Degree iyo heerka labaad ee Master, waxaana ka mid ah kulliyadaha ay Ardaydaasi ka qalinjabisay oo kala ahaa Accounting, Architecture and Urban Planning, Social Work, Economics, Human Resource (HR), ICTV, Nursing, Development Studies, Management, Public Heath iyo kulliyado kale oo ay bixiso Jaamacaddu. Ugu horayn waxa munaasibadaasi ka hadlay Madaxweynaha Jaamacada Admas Dr. MollaTsegay, kaas oo balanqaaday in Jaamacada Admas qaybteeda Addis Ababa ay siisay deeq Waxbarasho 5-ta Arday ee ugu sareeya ee maanta ka qalinjabiyey Jaamacada Admas qaybteeda Hargeysa waxbarasho bilaash ah oo shahaadada labaad ah (Master) . Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna munaasibadaasi khudbad ardayda u jeediyey ayaa ku booriyey in “Mudaneyaal iyo Marwooyin dhamaan, Ardayda Qalinjabinaysa, waxa maanta sharaf weyn inoo ah inaynu ka soo qaybgalno xafladdan ay ku qalinjabinayaan in ka badan 606 Arday oo wax ka bartay Jaamacada Admas, oo runtii wax weyn ku soo biirisay Qarankan. Dhalinta iyo waayeelka qalinjabiyey iyagana waxaan leeyahay hambalyo hambalyo, Illaahay waxaan idiinka rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa Jaamacada Admas oo runtii ah jaamacadaha ugu mudan dalka oo muddo 15-ka sano ah wax weyn ku soo kordhiyey, waalidka iyo macalimiinta waxaan leeyahay Hambalyo aadbaan idiinku hambalyeynayaa,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo khudbad u jeedinayey Ardayda maanta ka qalinjabisay Jaamacada Admas. Sidoo kale waxa iyaguna intii munaasibadu socotay hadalo ka soo jeediyey masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Tacliinta sare Axmed Muuse Muruud, Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Marwo Faadumo Siciid iyo masuuliyiin kale kuwaas oo dhamaantoodba ardaydii maanta qalinjabisay madashaasi uga jeediyey hadalo dhiirigalin iyo dardaaran ah. Munaasibadan ay maanta ku qalijnabiyeen ardayda Jaamacada Admas oo ahayd mid cajiib ah oo intii ay socotay xafladda uu sii qurxiyey Roob Ardaydii iyo Waalidiintii damaashaadayey ay aad ugu diirsadeen. Source
  8. (SLT- Guumays)-Wararka ka imanaya deegaanka Guumays oo ka tirsan gobolka Sool ayaa sheegaya in Ayax farabadan oo guuraya uu ku habsaday deegaankaasi. Dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi ayaa qaylo dhaan xoogle ka muujinaya Ayaxan ku habsaday deegaanka Guumays oo ka tirsan gobolka, kuwaas oo ka cabsi qaba inuu xaalufiyo dhul balaadhan oo isugu jira dhul daaqsimeed iyo beeraha deegaankaasi ku yaala. Mid ka mid ah dadka deegaanka Guumays ku nool oo la hadlay Telefishanka HCTV ayaa sheegay in dhamaan deegaanada magaalada Guumays galbeed ka xiga uu saamayn ku yeeshay Ayaxani, isla markaana uu ku habsaday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhigan ayaa dul-istaagay muhiimadda sharciyada uu meel mariyey muddadii la soo dhaafay, kuwaas oo gundhig u ah aas-aasidda qarannimo Soomaaliyeed oo taabba-gal ah, sharciyadaas waxaa ka mid ah, Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa, Sharciga Isgaarsiinta Dalka iyo Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Golaha Shacabka looga baahan yahay in ay dardar geliyaan ansixinta hindise-sharciyeedyada kale ee wali horyaalla Labada Aqal, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo dib-u- eegista Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyadeynta dalka. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, Dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay,isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay in dib loo soo celiyo sharaftii iyo haybaddii Ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd Adduunka. “Waxaa naga go’an, in aan ku soconno waddadaas la mahdiyey, si aan u dhammaystirno yagleelidda Dowlad Goboleedyo u adeega ummadda deegannadooda, isla markaasna ka qayb qaata dib-u-dhiska Qaran Soomaaliyeed oo waara.” Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay dadaal badan gelisay Dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, waxa uuna sheegay in dowladdu ay ka soo baxday shuruudihii deyn cafinta ee beesha caalamka. “Alle mahaddiis dhawaan waxaa noo soo gaba-gaboobay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Galmudug, natiijada aan ka gaarnay dib-u- heshiisiintana waxa ay noo fududaysay inaan u gudbayno sidii aan u dhisi lahayn maamul loo dhan yahay.” Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu yahay mid u baahan in lagu wajaho midnimo, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka. Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa adkeeyay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya ay la leedahay waddamada darisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.
  10. (SLT-Nairobi)-Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa jawaab adag ka bixiyey dacwad ay dhowaan Soomaaliya u gudbisay hay’adda maamulka hawada ICAO ee Qaramada Midoobay. Sarkaakiishan oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in ayna wax shaqo ah ku laheyn diyaaraddii siday Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee dhowaan ka degtay garoonka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in Kenya ay u hoggaamsameyso xeerarka caalami ah, islamarkaan ayna marnaba ku xadgubeyn hawada Soomaaliya. Ugu dambeyn waxa ay tilmaameen in dowladda federaalka ay xaq u laheyd inay qabato diyaaraddaasi, islamarkaana ay difaacato hawadeeda. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan xayiraad saartay Kismaayo, balse waxaa jabisay diyaarad ka timid Nairobi, taas oo ay dowladdu ku dacweysay hay’adda hawada ICAO, si wax laga weydiiyo dalka ay ka timid oo ah Kenya. Arrintan ayaa soo xoojisay xiisadda labada dal oo markii hore isku hayey muranka Badda oo ahaatan dacwaddiisu ay ku furan tahay Maxkamadda Cadaalada ee ICJ. Source
  11. (SLT- Kashmiir)-Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa u safray wadanka Shiinaha oo booqasho laba maalmood ah ku qaadano, waxaana uu kala hadli doonaa xiisadda gobolka Kashmiir. Mr Khan ayaa kulamo la qaadan doono madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Raysal wasaarihiisa Li Keqiang. War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Imran Khan ayaa lagu sheegay in in booqashadan ay noqoneyso tii sadaxaad tan iyo markii xilka loo doortay bishii Agoosto ee sannadkii Hore. Xukuumada Islamabad ayaa dooneysa in ay xoojiso xidhiidhka ganacsi iyo midka amni ee kala dhaxeeya Shiinaha. Pakistan ayaa aad ugu cadhootay xayiraada bishii hore ay Hindiya ku soo rogtay dhulka muslimiinta ee Jamu Kashmiir, waxaana Pakistan ay xidhiidhka diblumaasiyadeed u jartay dowlada Delhi. Source
  12. (SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad dhanka Socdaalka ah ku soo rogtay xubno ka tirsan dowlada Shiinaha, kuwaasi oo lagu eedeeyay in dhibaato ay ku hayaan qowmiyada Muslimiinta ee ku nool gobolka Xinjiang. Xukuumada Washington ayaa intaa ku dartay in xayiraada dhanka safarada Mareykanka ay ku tagayaan ay taagnaan doonto inta saraakiishan ay wadaan tacadiyada ka dhanka ah qowmiyada Uighurs ee ku dhaqan galbeedka Dalkaasi. War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa lagu yidhi waxaan xayiraad dhanka safarada Mareykanka ku soo rognay xubno ka tirsan xisbiga Communist oo aan aaminsanahay in ay mas,uul ka yihiin xadgudubyada iyo xanibaada lagu hayo muslimiinta gobolka Xinjiang. Lama sheegin magacyada saraakiisha dowlada shiinaha oo xayiraada laga saaray in ay u safraan Mareykanka Wasiirka arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu baaqay dowlada shiinaha in ay ooda ka qaado dhamaan dadka ay ku xanibtay xeryaha una ogolaato muslimiinta ku nool dibada inay dib ugu laabtaan Gobolkaasi. Mr Pompeo ayaa sheegay in ilaalinta xuquuqda aadanaha ay tahay waajibaad saaran loogana baahan yahay dhamaan wadamada in ay Dhowraan. Source
  13. Madaxweynaha dowladda Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa sabab aan wali la shaacin uga baaqday safar ay maanta ku tegi lahaayeen magaalada Kismaayo, halkaasoo lagu wado in maalinta berrito ah lagu qabto caleemo-saarka Axmed Madoobe. Ka hor baaqashada madaxweyne Deni iyo wafdigiisa, waxaa warbaahinta Jubbaland ay shaacinaysay in wafdiga Puntland laga sugayay garoonka Kismaayo, halkaasoo loogu diyaariyay soo dhoweyn balaaran. Madaxweyne Deni oo Boosaaso kasoo duulay maanta barqadii, waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ku sugayay wafdi kale oo uu ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, kuwaas oo u raaci lahaa Kismaayo. Balse mar qura ayaa warbaahintu ka war heshay in Madaxweyne iyo wafdigiisii ay soo gaaren aqalka madaxtooyada Garowe, waxaana saraakiil Puntland Post la xidhiidhtay ay sheegeen in madaxweynuhu beri tagayo. Saraakiil ka tirsan xafiiska madaxweynaha oo aan la xidhiidnay, ayaa ku gaabsaday in madaxweynaha iyo wafdi kasii raacaya Garowe ay berrito aroortii ku wajahan yihiin Kismaayo. Warbaahinta qaar ayaa tebinaysa in safarka madaxwyenuhu u baaqday sababo la xiriira garoonka Kismaayo oo aan laga degi karin waqti habeen ah, hase yeeshee warbaahinta Puntland Post warkaas xaqiiqo uma hayso. Ma jirto culays madaxweyne Deni iyo wafdigiisa ka saaran inay Kismaayo u safraan, hase yeeshee cilado farsamo oo aan weli dowladdu shaacin ayaa keentay baaqashada wafuuda Puntland. Maxkamada sare ee Soomaaliya ayaa laashay cadaadiskii xagga safarka ee ay dowladdu federaalku kusoo rogtay duulimaadka Kismaayo, waxaana lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka tagaan siyaasiyiin horey loo xannibay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka baaqday safarkii Kismaayo uu maanta ku tegi lahaa appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Addis Ababa)-Majalada Time ayaa sheegay shaqsiyaadka la filayo inay ku guulleystaan abaalmarinta nabadda ee Nobel oo sanadkan 2019-ka lagu qabanayo caasimadda Norway ee Oslo ayaa loo badinayaa inuu ka mid noqdo Ra’isalwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed. Wargeyska ayaa u sababeeyey inuu Dr Abiy uu ku guulleysan karo abaalmarintaasi inta uu talada dalka Itoobiya qabtay sida uu muddo gaaban uu ugu soo afjaray colaaddi 20 sano ku dhawaad ka dhex taagneyd Itoobiya iyo Eritrea, maxaabiista siyaasadeed ee faraha badan oo uu xabsiyada ka si daayey iyo guud ahaan isbeddellada uu ka sameeyey siyaasadda dalkaasi. Hay’ad fadhigeedu yahay Ingiriiska oo lagu magacaabo Ladbroke oo badanaa arrimaha siyaasadda saadaal ka bixiso ayaa sheegtay iney Dr Abiy guusha raaci doonto wuxuuna rajada inuu guuleysto ay gaarsiisay 80% ayay tiri hay’addu. Abaalmarinta nabadda ee sanadlaha waxay sanad walba abaalmarin siisaa shaqsiyaadka ama hay’adaha doorka weyn ku lahaa nabadda dunida. Sanadkii hore waxaa abaalmarintaasi ku guuleystay dhakhtar Koongo u dhashay oo lagu magacaabo Danes Mukwega iyo gabadh u ololeysa ka hortagga kufsiga iyo gaboodfallada jinsiga la xiriira oo lagu magacaabo Nadia Murad. Hay’adda bixiso abaalmarinta Nobel waxay sheegtay abaalmarinta sanadkan iney u tartamayaan 301 musharraxa oo isugu jira 223 shaqsi iyo 78 hay’adood, inkasta oo aan shaqsiyaadkaasi iyo hay’adahaasi magacyadooda la shaacin haddana waxaa soo ifbaxayo saadaalin abaalmarintaasi cidda ku guuleysan karto laga sii bixinaya. Dadka kale ee guusha loo saadilayey waxaa ka mid ah gabadha u ololeysa isbeddelka cimilada Greta Tumburg iyo Ra’isal Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern. Cidda abaalmarinta Nobel ee sanadkan ku guuleysatana waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqayaa maalinta Jimcaha oo ay maalma un naga xigto. Maxay ka wada hadleen Soomaalida iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya? Raysal wasaare Dr Abiy Axmed muddada kooban uu xilka soo hayey tallaabbooyin wax ku ool ah ayuu qaaday, haddana dadbaa ku dhaliilaya iney weli jiraan howla waxqabad u baahan oo Raisul wasaaraha horyaallo. Tan iyo inta uu hoggaanka dalka Itoobiya uu qabtay Raysal wasaare Dr Abiy Axmed oo ay haatan hal sano u buuxsantay waxaa dalka Itoobiya ka socday isbeddello dhinacya badan taabanaya. Isbeddellada oo weli halkooda ka socda haddana waxaa jira cabsi aad u weyn oo laga muujinaya xaaladaha si isdaba joogga dalka uga dhacaya oo ay ka mid yihiin dagaallada ka dhex dhaca qowmiyadaha dalkaasi ku nool waxyaabaha u qabsoomay kuwooda ugu mudan waxaa ka mid ah: Sarreynta sharciga Dr Abiy Axmed oo wax laga weydiiyey sarreynta sharciga hirgelintiisa iney xukumaddiisa dhibaato kala kulantay taasina ay sababtay dhimasho iyo barakac aad u badan oo dhan walba ka dhacay. Raysal wasaaraha mar uu arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Sarreynta sharciga howla aad u badan ayaa noo qabsoomay inkasta oo ay jiraan arrima qaarkood oo u baahan wakhti badan in la geliyo balse aanu billaawnay” “Tusaalooyinka wanaagsan ee aan soo qaadan karno waxaa ka mid ah sarreynta sharciga sida aan uga hirgelinnay deegaanka Soomaalida, deegaankaasi oo ku sugnaa xaalad dalka intiisa kale ka duwan” “Deegaankaasi wuxuu sameeystay 30,000 oo askari oo hubeysan haddii ay dowladda dhexe faregelin inta ay ku sameyso ay xukumaddi jirtay beddeli leheenna waxaaba dhici laheyd inuu deegaankaasi sawirka guud uu dalka Itoobiya leeyahay uu beddeli lahaa” ayuu yidhi. “Tallaabbooyinka aan ku hirgelinnay sarreynta sharcigana waxay sababtay iney dowladda gacanta ku soo dhigto 47 qof oo faldambiyeedyo kala duwan deegaankaasi ka geystay” “Deegaanka Soomaalidana maanta wuxuu ka mid yahay deegaannada ugu deggan marka loo fiiriyo sidi hore uu ahaan jiray. Taasina waxay ka mid tahay tallaabbooyinka aan qaadnay si buuxdana ugu guuleysannay sanadkii hore” ayuu yiri Ra’isal Wasaare Dr Abiy Axmed. Itoobiya ma u bisishahay inay dumar hoggaamiyaan? Dr Abiy Axmed : Qoondada Soomaalida ku leedahay shidaalka waa 5% “Sida oo kale dhibaatooyin ka dhacay qayba kala duwan oo dalka ka mid ah dadkii ku lug lahaa oo ay tiradooda 1,000 kor u dhaafeyso dacwad ayaa lagu soo oogay oo maxkamadeyntooda ayaa socota. Laba qof oo dil ku geystay magaalada Shaashamanne ee deegaanka Oromadana xabsi daa’im ayaa lagu xukumay.” Muddooyinki ugu dambeeyey waxaa magaalada Addis Ababa ka dhacayey isku dhacyo salka ku hayo lahaanshaha caasimadda Addis Ababa oo ay qowmiyadda Oromada wadday ilaa haddana socday. Ra’sal wasaare Dr Abiy Axmed mar uu arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri arrinta sheegashada dhulka marka ugu horreyso waxaa loo baahan yahay inaan fahanno dastuurka waxa uu ka yiri cid walbana waxaa loo baahan yahay iney taa maskaxda ku hayso. “Dhulka dowladda ayaa iska leh qodob dastuuri ah ayaana si cad u dhigaya, marka su’aal kasta oo la xiriirto dhulka waxaan ku maareyneynaa si waafaqsan dastuurka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federalka Itoobiya”, ayuu yidhi Arrinta xuquuqda dhulka ee u dhexeysa maamulka magaalada Addis Ababa iyo Deegaanka Oromada si aan xal waara uga raadinno waxaan u saarnay guddi heer qaran ah oo arrintan xal waara u raadiya. Mideynta ururrada ka wada tirsan xisbiga hoggaamiya waddanka Itoobiya ee EPRDF mar uu ka hadlayeyna wuxuu Ra’isal wasaaraha sheegay in loo saaray guddi arrintan si kama dambeys ah u soo darso xilliga ugu horreeya ee ay warbixintooda diyaar noqota ay soo hordhigayaan shirweynaha xisbiga. Ra’isal wasaaraha oo si kooban uga jawaabay waxaa uu yiri “ururka qowmiyadda Oromada ee ODP iyo Ururka qowmiyadda Amxaarada ADP wararka sheegaya inuu khilaaf soo kala dhex galay waxba kama jiraan, sida ay sabab ugu noqdeen inuu dalka Itoobiya isbeddel siyaasadeed uu ka dhaco mustaqbalka dalkana waa ay ka wada shaqeeynayaan iyaga oo ka wada tirsan xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee EPRDF”. DR Abiy Axmed mar uu ka hadlayey iskudhacyada qomiyadaha dalka Itoobiya ee sii badanaya waxaa uu sheegay iney dad gaaraya 3 milyan oo qof ay ku barakaceen colaado qowmiyadaha ka dhex dhacay. Halkii sano ee aan xilka soo hayey 1.5 milyan ku dhawaad ayaa deegaannadooda ka qaxday halka 1.5 milyan ee harayna ay xerooyin ku sii jireen xilliga xilka la ii magacaabay. Aniga oo si kooban uga jawabayo waxaan dhisnay wasaarad la yiraahdo wasaaradda Nabadda oo ku shaqa leh iney dalka gudahiisa nabad ku soo dabbaasho waxaa inaga nala gudboon waxaa weeyey wasaaradda inaan dhinac walba ka taakuleyno inaga oo kaashaneyno shucuubta dalka iyo hoggaamiyeyaasha diimaha iyo dhaqanka. “Xaqiiqda markaan ka hadalno wey jiraan khilaaf inoo dhaxeeya anaga iyo xukumadda Tigreega laakiin waxa aan isku khilaafsannahay waa waxyaaba yaryar ah oo aan filayo in mustaqbalka la xaalliyo, balse waxaan ka wada shaqeeynaa danaha guud ee dalka iyo deegaanka Tigreeda”. Wuxuu intaasi ku daray inTigreega oo keli aysan ahayn deegaannada xurgufta kala dhexeysa dowladda dhexe waxaa ka mid ah buu yidhi Oromada, Benishaangul , iyo kuw kale. “Waana ku faraxsanahay inuu maanta deegaan weliba wixii uu raba inuu nagu taageero wixi aan ku kala duwannahayna uu nagu khilaafo muddada sanadka ah fufurnaanta siyaasadeed ee aan dalka ka hirgelinnay ayuu ka mid yahay” ayuu yidhi. Source
  15. Xiisad Siyaasadeed ayaa waxay ka taagan tahay Muqdisho kadib markii ay Xukuumada Federaalku ka warheshay Wafdi balaaran oo ka kooban hogaamiyayaasha Xisbiyada oo doonaya inay [...] Source
  16. (SLT-Iran)-Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan Maxamed Javad Zarif in Iiraan ay wadahadal la gali doonto Sacuudiga haddii xukuumadda Riyaad ay badasho siyaasada cakiran ee gobolka iyo dilalka dadka Rayidka. Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa toddobaadyo ka hor ugu ugu baaqay xukuumadaha Baqdaad iyo Islamabad in ay la hadlaan Iiraan si loo dajiyo xiisada ka jirta gobolka, sida ay saraakiisha dalalkaan u xaqiijiyeen majalada Newyork. Mr Zarif ayaa tilmaamay hadii in marwalba Iiraan ay diyaar u tahay in la xaliyo qilaafka gobolka balse waxuu shuruud ku xidhay in Sacuudiga ay joojiso xasuuqa ay ku heyso dadka rayidka ee u dhashay Yemen. Sacuudiga ayaa u muuqda todobaadyadii la soo dhaafay mid daneynaya in la soo afjaro qilaafka kala dhaxeeya Iiraan tan iyo markii la weeraray laba warshad oo ay leedahay shirkada shidaalka Sacuudiga ee Aramco. Intii uu socday shirkii 74-aad ee qaramada midoobay ayaa madaxweynaha Iiraan Maxamed Ruuxaani wuxuu sheegay in uu shir ku casuumayo wadamada ay saameysay xiisada bariga dhexe si looga hadlo arimaha Nabadgelyada. Source
  17. Hanti Dhowrka Guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin dheer oo ahayd baaritaankii lagu sameeyay isticmaalka miisaaniyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2018. Warbixinta ayaa sheegtay in Lacag dhan $1,350,400 oo dakhli ahaan Dowladda u soo gashay oo la isticmaalay iyada oo aan la sheegin qaabka ay ku baxday. Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay iyadoo aan la sheegin halka Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay qabteen US $577,014 ayna isticmaaleen iyagoo aan xisaab-celin ka samayn. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 waana isticmaashay iyadoo aan soo sheegin sidoo kale Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay. Dhinaca kale Midowga Yurub (EU) wuxuu ku wareejiyay Wasaaradda Maaliyadda lacag dhan $17,004,816 laakiin warbixinta maaliyadeed ee sannadkaas oo la soo bandhigay waxay sheegtay kaliya $13,266,667. Lacag ka timid Sacuudi Carabiya oo haraageeda billowgi sannadka 2018 ahaa $20,000,000 (million) ayaa iyadana $ 6,070,868 ka mid ah lagu soo bandhigay warbixinnada maaliyadeed ee 2018, taasoo ahayd intii lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda, halka inta kale ee $ 13,929,132 oo taaley xisaab-socoto ka furan bangi UNPOS waxay Wasaaradda Maaliyadda ku wareejisay lacag dhan US $1,254,743, laakiin xisaabaadka Wasaaradda Maaliyadda waxaa laga heley oo kaliya lacag dhan $535,292 isla sannadkaasna lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda. Halkaan ka akhriso warbixinta Hanti-dhowrka oo dhan PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo dhex fariisatay mowjado musuq maasuq ah appeared first on Puntland Post.
  18. Labo hablood oo muslim ah oo kasoo kala jeeda Soomaaliya iyo Libya, ayaa iskugu soo haray abaalmarinta caalamiga ah ee Nabadda. Labadan haween oo kasoo jeeda qaarada Afrika laguna kala magacaabo Ilqad Elman iyo Hajer Sharief , ayaa ka yimid dalal ay ka jiraan dagaalo iyo dhibaatooyin bini’aadanimo oo leh argagax. Labadaan haweenba waxay u taagan yihiin awoodda hoggaaminta haweenka. Ilwaad Elman oo ah gabadh dhalinyaro Soomaali ah oo u dhaq-dhaqaaqda arrimaha bulshada, ayaa sanadkan loo tirinayaa dadka jaaniska fiican u leh ama loo badin karo ku guuleysiga biladaas. Sida ku xusan webka xarunta Nopel Peace centerka, waxaa ugu danbeyn qofka ama dadka biladaas ku guuleystay lagu dhawaaqi doonaa 11-ka bishaan October. Abaal-marinta Nabadda ee Nobel, waxaa markii ugu horreysay la bixiyay sanadkii 1901, ujeeddaduna waxay ahayd in lagu sharfo dadka u ololeeya arrimaha ugu muhiimsan mujtamaca dhexdiisa, sida nabada. Puntland Post The post Labo Haween oo muslim ah oo sanadkaan midkood ku guulaysanaysa bilada nabadda appeared first on Puntland Post.
  19. (SLT-Qudus)-Millatariga Israa’iil ayaa bandow ku soo rogay daanta galbeed inta si loogu gogol xaadho wadaad diimeedyo u dhashay Israa’iil oo xus diimeed ku dhigan doono magaalada Qudus. Sida ay tabisay warbaahinta Falastiin, dowlada Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay xidhnaan doonaan isku socodka wadooyinka daanta galbeed iyo magaalada Gaza Israa’iil ayaa dhanka kale ku dhawaaqday in aan la isaga gudbi karin xadka ay la wadaagto wadamada dariska la ah inta ay socoto xaflad diimeedka Yahuuda oo loo yaqaan Yom Kippur. Amarkan ayaa dhanka kale lagu faray in dhammaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa daabula xamuulka xarumaha adeega dadweynaha iyo Tv-yada ay joojiyaan howlahooda inta lagu guda jiro fasaxa labada maalmood ah. Goobaha kale ee Israa’iil xayiraada saartay ayaa waxaa ka mid ah diyaaradaha ka soo daga madaarka caalamiga ah ee Ben Gurion ee magaalada caasimada ah ee Tel Aviv. Source
  20. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta oo Arbaco ah furay kal-fadhiga Lixaad Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ka dib Laba Bilood oo ay fasax ku maqnaayeen Xildhibaannadu. Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka Federaalku uu yahay mid ay qaateen umadda Soomaaliya oo aysan cid gaar ah ama koox wax ka beddeli karin balse ay jiraan Dad u turjuntay si qaldan. “Nidaanka Federaalku waa nidaam ay Ummadda Soomaaliyeed u dooratay inuu noqdo hab ku dhisan maamulkooda Dowliga ah, illaa ay Ummadda Soomaaliyeed ayadu go’aansato inay wax ka beddesho nidaamkaasna, ma jirto Dowlad ama koox gaara oo wax ka beddeli karta”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay siyaasad hufan kula dhaqanto Caalamka iyo Waddamada Bariga Afrika oo ay kaalin mug leh kaga jirto, isagoo xusay in aysan ka gor-gortami doonin xaquuqda Soomaaliyeed Bad iyo Berriba. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay madaxda dowlad goboleedyada ka wada hadleen in sidii ay Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka ku heli lahayd maqaam u qalmo kaas oo ay kaga qeyb noqoneyso nidaamka Federaalka ee Dalka ka jira, haatanna uu socdo qorshahaasi. Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka Labada Aqal ka codsaday in ay ansixiyaa hindise sharciyeedyada horyaalla iyo kuwa kale ee soo socda si loo dar-dar geliyo meel marintooda. Wuxuuna intaa raaciyay Madaxweynuhu in shuruucda uu saxiixay iyo kuwa kale ee horyaalla Labada Aqal ee Baarlamaanku ay muhiim u yihiin taabba-gelinta Qarannimo Soomaaliyeed oo hana qaadda. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Dadka Soomaaliyeed in lays cafiyo oo Gacmaha lays qabsado si loo gaaro Qarannimo buuxda iyo Walaalnimo dhab ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo furay Kal-fadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweyne Denivayaa jamcada waxay u safrayaan Magaalada Kismaayo si ay uga qayb galaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, Magaalada Garowe waxaa [...] Source
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane; Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa Maanta oo Arbaco ah furay kal-fadhiga Lixaad Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib Laba Bilood oo ay fasax ku maqnaayeen Xildhibaannadu. Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka federaalku uu yahay mid ay qaadatay Soomaaliya inta looga qaadayo afti guud, balse ay jiraan Dad u turjuntay si qaldan, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in ay siyaasadda guud ee Dalka iyo midnimadiisuba ay mas;uuliyad ka saran tahay Dowladda dhexe. “Nidaamka Federaalka waa nidaam umadda Soomaaliyeed ay dooratay waa hab maamulka dowladeed, umadda soomaaliyeed illaa iyada ka go’aansato inay wax ka bedesho dowlad ama koox gaar wax ka bedeli karta aysan jirin, waxaa nasiib daro in dad gaar ah si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka wuxuu si cad u qeexayaa awoodaha dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, dowlad goboleedyada ma siineyso madax banaani gaar ah, waxaa idin xusuusinayaa ilaalinta Qaranimada Madax banaanidiisa wy saaran tahay dowladda Federaalka” ayuu yiri madaxweynaha. Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay siyaasad hufan kula dhaqanto Caalamka iyo Waddamada Bariga Afrika oo ay kaalin mug leh kaga jirto, wuxuuna xusay in aysan ka gor-gortami doonin xaquuqda Soomaaliyeed bad iyo Berriba. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay madaxda Maamul Goboleedyadu ka wada hadleen in sidii ay Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka ku heli lahayd maqaam u qalmo, kaas oo ay kaga qeyb noqoneyso nidaamka Federaalka ee Dalka ka jira, haatanna uu socdo qorshahaasi. Farmaajo ayaa sheegay in ay Dowladdu dejisay qorshe horumarineed, si loo gaaro siyaasad loo dhan yahay, isagoo tilmaamay in ay Diiradda saareen la dagaallanka musuqa, toosinta caddaaladda, habaynta maaliyadda, qaybsiga kheyraadka Dalka hirgelinta nidaamka federaalka. Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo. ayaa Baarlamaanka Labada Aqal ka codsaday in ay ansixiyaa hindise sharciyeedyada horyaalla iyo kuwa kale ee soo socda, si loo dar-dar geliyo meel marintooda “Sharci ayaa dal lagu dhisaa, laguna dhaqaa”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dedaalladii ay Dowladdu ugu jirtay in laga cafiyo deymaha, wuxuuna sheegay in ay meel wanaagsan marayaan, Bishan gudaheedana ay soo geba-gaboobi doonaan shuruudihii lagu xiray. Wuxuu Madaxweynuhu ka ammaanay shirkii madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee dhowaan lagu soo geba-gabeeyay Muqdisho iyo qodobbadii kasoo baxay, wuxuuna Saaxiibbada Soomaaliya ku ammaanay doorkii ay ka qaateen. Howlaha dib u heshiisiinta Bulshooyinka Galmudug iyo dib u yagleelidda maamul loo dhan yahay oo ay Galmudug yeelato ayuu sheegay Madaxweynahu in ay door wanaagsan ka qaadatay Dowladdu, haatanna ay socdaan dedaalladu. Madaxweynaha Soomaaliya mudane; Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Dadka Soomaaliyeed in lays cafiyo oo Gacmaha lays qabsado, si loo gaaro Qarannimo buuxda iyo Walaalnimo dhab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ay kusoo dhacday diyaarad. Wararka ayaa sheegayo inay diyaaradaan ay awoodi weysay inay lugaha fidsato sidaas darteedna ay xabadka ku dhufsatay laamiga Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho. Diyaaradda ayaa la sheegay inay aheyd nooca Xamuulka qaado, mana jirto wax rakaab ah oo saarnaa sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan Garoonka. Diyaaradda ayaa hadda dhex taalo Dhabaha ay kusoo dagaan Diyaaradaha, waxayna taas keenta in la xiro lana joojiyo diyaaradihii soo dagi lahaa. Ilaa hadda lama helin faahfaahin intaas ka badan oo ku saabsan Diyaaradda daqiiqado ka hor kusoo dagtay Garoonka Aadan Cadde ee awoodi weysay inay fidsato lugaha. Wixii kusoo kordho warkaan kala soco Caasimadda Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  24. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane; Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa Maanta oo Arbaco ah furay kal-fadhiga Lixaad Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib Laba Bilood oo ay fasax ku maqnaayeen Xildhibaannadu. Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka federaalku uu yahay mid ay qaadatay Soomaaliya inta looga qaadayo afti guud, balse ay jiraan Dad u turjuntay si qaldan, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in ay siyaasadda guud ee Dalka iyo midnimadiisuba ay mas;uuliyad ka saran tahay Dowladda dhexe. Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay siyaasad hufan kula dhaqanto Caalamka iyo Waddamada Bariga Afrika oo ay kaalin mug leh kaga jirto, wuxuuna xusay in aysan ka gor-gortami doonin xaquuqda Soomaaliyeed bad iyo Berriba. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay madaxda Maamul Goboleedyadu ka wada hadleen in sidii ay Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka ku heli lahayd maqaam u qalmo, kaas oo ay kaga qeyb noqoneyso nidaamka Federaalka ee Dalka ka jira, haatanna uu socdo qorshahaasi. Mudane;Farmaajo, ayaa sheegay in ay Dowladdu dejisay qorshe horumarineed, si loo gaaro siyaasad loo dhan yahay, isagoo tilmaamay in ay Diiradda saareen la dagaallanka musuqa, toosinta caddaaladda, habaynta maaliyadda, qaybsiga kheyraadka Dalka hirgelinta nidaamka federaalka. Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo. ayaa Baarlamaanka Labada Aqal ka codsaday in ay ansixiyaa hindise sharciyeedyada horyaalla iyo kuwa kale ee soo socda, si loo dar-dar geliyo meel marintooda. Muadne; Farmaajo ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dedaalladii ay Dowladdu ugu jirtay in laga cafiyo deymaha, wuxuuna sheegay in ay meel wanaagsan marayaan, Bishan gudaheedana ay soo geba-gaboobi doonaan shuruudihii lagu xiray. Wuxuu Madaxweynuhu ka ammaanay shirkii madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee dhowaan lagu soo geba-gabeeyay Muqdisho iyo qodobbadii kasoo baxay, wuxuuna Saaxiibbada Soomaaliya ku ammaanay doorkii ay ka qaateen. Howlaha dib u heshiisiinta Bulshooyinka Galmudug iyo dib u yagleelidda maamul loo dhan yahay oo ay Galmudug yeelato ayuu sheegay Madaxweynahu in ay door wanaagsan ka qaadatay Dowladdu, haatanna ay socdaan dedaalladu. Madaxweynaha Soomaaliya mudane; Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Dadka Soomaaliyeed in lays cafiyo oo Gacmaha lays qabsado, si loo gaaro Qarannimo buuxda iyo Walaalnimo dhab ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article