Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,417
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile, oo ka tirsan mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaaday in deegaanada Somaliland ay ka dilaaceen koox magafayaal ah oo dadka ka qaada lacago. Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay aad uga shaqeystaan ragg sidii ‘Magafayaashii’ Liibiya oo kale dadka u tahriibaya, isla markaana lacago faro badan ka sameeya arrinkaasi. Xildhibaan Maxamed Qabiile oo warbaahinta ugu warameyay magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadlay dadkaasi uu ku tilmaamay ‘Magafayaasha’, isagoona xusay in dadkaasi ay u fududeyaan tahriibka dadka degan wadamada jaarka la ah Somaliland, gaar ahaan qowmiyada Oromada. “Somaliland waxa ka dhashay maga-fayaashii Liibiya, dhibaato badana wey dhacday, Shilalkii gaadiidkuna wey bateen. Waxaan leeyahay dadkaasi waa dad bini-aadam ah, waadna arkeysaan qeylada ka soo yeerta marka ay Talyaaniga tagaan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Qabiile. Wuxuuna intaas kusii daray “Dadkaasi Nolol xun iyo socdaal xun ayey socdaalkaasi ku qabaan, dowladda ay ka imanayaan ee nala jaarka ahna ee Itoobiya, xafiisyadooda socdaalku waxay qabtaan garan maayo, marka ay howlaha intaas leeg ay dhexdeena ka fulayeen”. “Xukuumada Somaliland inay ka dadaasha kooxda Maga-fayaasha iyo khatartaa soo food saartayaba bini-aadanimadeeni ee dhulkii Ilaahay nagu beeray ka dhaceysa, labadoodaba waa inay ka dadaasho”. Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo aadaya, dhowr cisho un kadib markii ay Shil gaadhi ku naf waayeen tobaneeyo qof oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada oo tahriibayaal ahaa, isla markaana deegaanada Somaliland uga soo gudbiyay magaalada Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka baaqday inay ka qeyb galaan sanad guuradii 2-aad ee xasuuqii ka dhacday Isgoyska 14 October ee ay boqolaalka qof ku geeriyooday qaraxii labo sano ka hor. Madaxda Villa Soomaaliya, ayaa sababo amni uga baaqday sanad guuradaas, sida ay Puntland Post u sheegeen saraakiil katirsan madaxtooyada Soomaaliya oo ka gaabsaday in magacooda la xuso. Kadib markii shalay madaafiic lagu garaacay xerada Xallane, ayaa madaxda dowladda federalku waxay joojiyeen qorshe ahaa in ay kumanaan shacab ah kula hadlaan fagaaraha isgoyska Soobbe. Alshabaab ayaa soo saaray wax u eg digniin ku socota madaxda dowladda federalka, kadib markii ay sheegeen inay ku guulaysteen 9 gantaal oo ay la heleen xerada Xallane, iyadoo waxyeelo ay kasoo gaartay 3 shaqaale ah. Maadaama mas’uuliyiintu ka baaqsadeen inay tagaan fagaaraha xuska, waxaa taalada laga taagay bartamaha Isgoyska lagu soo bandhigay labo gaari oo ku xardhan yihiin sawirka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ah iyagoo dhiig bixinaya labo sano ka hor. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre oo sababo amni u tagi waayay xuska xasuuqii 14 October appeared first on Puntland Post.
  3. Damascus (Caasimadda Online) – Kooxda Kurdiyiinta ayaa sheegay in dowladda Suuriya ay ku heshiiyeen in ciidamadamo ay usoo dirto xadka waqooyi si ay meel ugasoo wada jeestaan duulaanka ay halkaasi ka wado dowladda Turkiga. Warbaahinta qaranka ee dowladda Suuriya ayaa warisay in ciidamada dowladda ay ka hawlgalayaan goobahaasi. Arintan ayaa daba socoto go’aan ay dhawaan qaadatay dowladda Mareykanka oo ahaa in ciidamadeeda ay halkaasi kala baxday. Duulaanka Turkiga oo bilawday todobaadkii hore ayaa ujeedkiisu yahay sidii halkaasi lakaga saari lahaa dagaalamyaasha Kurdiyiinta, oo uu Turkigu u arko falaago argagaxisa ah. Tan iyo markii uu weerarku bilawday tobanaan ruux oo shacab iyo dagaalamayaal labada dhinacba ah ayaa ku dhintay, halka tobonanaan kun oo kalana ay ku barakaceen. Kurdiyiinta oo in mudo ah Mareykanka ka gacan siinayay ladagaalanka Daacish ayaa sheegay in Mareykanku qiyaameeyay, gadaalna uu ka toogtay. Tiro shacab ah ayaa isaga qaxay deegaanada xadka, waxaana sidoo kale ku dhintay weerarada ciidammo ka tirsan labada dhinac. Axaddii, Mareykanka wuxuu shaaca ka qaaday inuu ciidammadiisa kala baxayo waqooyiga Suuriya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeys)-Yusuf Cismaan Garas oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddii hore ee xisbiga Kulmiye markii u dambeysayna ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo tamarta, marna noqday Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo Maareeye Hay’ad madaxbanaan, ayuu guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbigaasi Maxamuud Jaamac Warfaa ku daray xubno ka tirsan Golaha dhexe oo ka qaybgalay xaflada caleemosaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed-madoobe). Hase ahaatee, wasiir dawlaha hore oo kamida xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu tegay Kismaayo iyo in uu ka qaybgalay xaflada caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland, waxaanu sheegay in uu howlo shakhsi ah u joogo magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. “mudd afartan maalmooda waxaan jooggaa dalka Itoobiya oo aan howlo shakhsi ah u imi, mana tegin kismaayo” ayuu yidhi Yusuf Garas oo telefishan ugu waramay khadka Telefoonka. Garas ayaa intaasi ku daray in uu xidhiidh la soo sameeyey Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga markii uu maqlay warka lagu eeddeeyey, guddoomiyuhuna arrintaasi kaga jawaabay in loo sheegay, balse aanu haynin wax hubinti ah. Yusuf Cismaan Garas, ayaa waraysiga u bixiyey ku sheegay “maya maya anigu hargeysa markaan ka soo baxay addis ababa ayaan imi oo aan howlo shaqo oo ii gaar ah u jooggaa”. Isagoo ka hadlay mowqifkiisa ku saabsan siyaasadda Soomaaliya waxa uu yidhi “Soomaaliya waa dal aynu siyaasad isku hayno aniguna Nin siyaasiya ayaan ahay oo xisbiga golihiisa dhexe ku jira, sabab aan u tegi karaana ma jirto, intii ay Somaliland jirtayna kumaan fekerin anigu in aan tago”. Waxa kale oo meesha ka saaray wax khilaafa oo gaar uga dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha dhexe “markaan waydiiyey sababta uu eeddeynta iigu jeediyey wuxuu igu yidhi anigu wax cadddeyn ah ma haynin”ayuu sii yidhi Mr. Garas. Agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo muddo bilo ah xilka ka sii maqnaa ayaa shalay ka dhex muuqday munaasibad ka dhacday Magaalada Kismaayo oo lagu caleemo=saaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe, arrintaasoo si weyn baraha bulshada loogu hadal hayey tan iyo markii ay dibada u soo baxday, shaambadna ku ah Xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye. Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbigaasi Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa wariyeyaasha u sheegay in talaabo laga qaadi doono Agaasime hore Maxamed Ilkacase oo ka tirsanaa Golaha dhexe ee xisbiga, laguna tirin jiray dadkii sida weyn ugu soo shaac baxay ololleyaasha Xisbiga. Source
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa hor imaaday in Qaraxii Soobe ka dhacay inuu ahaa mid Musiibo Qaran. Wuxuu Sheegay in Musiibo ay tahay wax gacanta bani’aadamka ka baxsan sida; daadka, duufaanta, dhulgariirka, IWM. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in wixii ka dhacay Isgoyska Soobe Laba Sano ka hor ay ahaayeen Xasuuq uu cadow u geystay Shacabka Soomaaliya “Aan ka dayno afkeena in aan ugu yeerno “Musiibo Qaran” sababtoo ah musiibadu waa wax gacanta bani’aadamka ka baxsan sida; daadka, duufaanta, dhulgariirka, IWM. Wixii nagu dhacay 14 Oktoobar waxey ahaayeen “ xasuuq” uu cadaw dagaal soo qaaday gaystay, waxayna aheyd 11-ka September-tii Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo qoraal kusoo qoray bartiisa Facebook. Wuxu sheegay in Qaraxii Soobe uu reebay Xasuus mahadho ah oo dhaawacday dareenka Shacabka, tustayn cadawtooyada gacal iyo arxan la’aan, diin iyo damiir la’aanta ah ee Al-Shabaab. “Xasuuqa 14 Oktoobar wuxuu reebay xusuus mahadho ah oo dhawaacday dareenka shacabka, tustayna cadowtooyada, gacal iyo arxan la’aan, diin iyo damiir la’aanta ah ee Al-Shabaab. Dhinaca kale, waxey curisay dareen Soomaalinimo markii aad ka eegto sida Soomaali oo idil dal iyo dibad uga falceliyeen. Gurmad, gargaar, garab istaag, duco iyo dareen muujinba intaba” . Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyey inay dayacday fursadaas oo uu sheegay inay aheyd in looga aarguto Ururka Al-Shabaab. “In kasta ay xanuun badnayd, haddana waxay aheyd fursad lagu mideyn karay shacabka, lagu abaabuli karay, loogana aargudan karay cadawgii xasuuqa gaystay. Waxaa isku kaaya raacay xanuunkii xasuuqa iyo fursadii arguudashada oo ay hogaankii dalka naga lumiyeen”. Ugu dambeyntii wuxuu u duceeyey dadkii ku shahiiday Xasuuquu ay Al-Shabaab u geysteen Shacabka Soomaaliyeed. “Allaha naxariistiisa ha siiyo dadkii ku shahiiday, Ilaaheeyna ha ka sabarsiiyo eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Buuq Iyo Sawaxan Hadheeyay Fadhigii Saaka Ee Golaha Guurtida Somaliland Iyo Sababta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Siyaasi Siciid Diiriye Maxamed Siyaasi Siciid Diiriye Maxamed oo kamid ah as’aasayaashii dowladda Puntland, ayaa si adag u naqdiyay hadal ka soo yeeray xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo shalay ka hadlay magaalada Garoowe, kuwaasi oo dhaliilay hoggaaminta madaxweyne Deni. Siyaasiga ayaa sheegay, in xildhibaannada Baarlamanka Puntland ay u xil-saaran yihiin la’xisaabtanka iyo toosinta xukuumadda, taasina ay leedahay hannaan loo maro, si loo saxo dhaliilaha jira, balse ay xildhibaannada qalad ku tahay, in ay bulshada ku kiciyaan dowladda. Sidoo kale, wuxuu sheegay in xildhibaannadu ay awood u leeyihiin, haddii ay arkaan wax qaldan, in ay si toos ah madaxweynaha ula wadaagan, islamarkaana kula xisaabtaman wixii uu qalday, iyagoo aan warbaahinta ka dhaliilin. “Wixii wax sixi lahaa waxa weeye Baarlamanka, haddii ay wax qaldan arkaan, in ay shaaciyaan oo dalka iyo dadka fidneeyan lagama rabo, ee waxa laga rabaa in ay la wadaagan madaxweynaha oo yiraahdan: madaxweyne waxaan waad ku qaldantahay.” ayuu yiri Siciid Diiriye. Dhinaca kale, Siyaasiga ayaa bogaadiyay hoggaaminta madaxweyne Deni iyo shaqooyinka uu qabtay mudadii uu xilka hayey, waxaana uu shacabka Puntland ugu baaqay, in ay ilaashadan nabadda iyo horumarka ay haystaan. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Siyaasi Siciid Diiriye: Madaxweyne Deni waa mukhlis appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Hargeysa)-Golaha Wakiillada Somaliland Xaq Ma U Leeyihiin Inay U Yeedhaan Qunsulka Turkiga U Fadhiya Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Berlin)-Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay inay sii wadayso mashaariicda la xidhiidha horumarinta ee ay ka waddo Jamhuuriyadda Somaliland. Siduu baahiyey Wargeyska East African Business Week, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Danjire ku-xigeenka Jarmalka u fadhiya Kenya, Marcus Bollmohr ayaa sheegay in cilaaqaadka ay Somaliland la leeyihiin uu wanaagsan yahay, waxaanu kulan la yeeshay Wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi Baashe Cawil Cumar oo ay ka wadahadleen kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta wershadaha. Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, wuxuu sheegay in danjire ku xigeenku uu xaqiijiyey inay sii wadayaan mashaariicda horumarinta ee ay kala shaqeeyaan Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu tilmaamay in dawladda Jarmalku ay door weyn kaga jirto mashaariicda waara ee horumarinta Somaliland. Marcus Bollmohr Safiir Ku-xigeenka Jarmalka ee fadhigiisu yahay Nairobi ayaa dhinaciisa caddeeyey inay Somaliland ka saacidayaan mashaariicda ay baahida u qabaan, waxaannu xusay inay ganacsatadooda ku dhiirigelinayaan inay maalgashadaan JSL. Geesta kalena, Guddida Maalgashiga caalamiga ah ee dalka Malaysia ayaa shaaciyey inay ka jiraan Somaliland fursado badan oo u baahan in la maalgashado,kuwaasi oo shaqo u abuuri kara shacabka isla marlaana kor u qaadi kara dhaqaalaha Somaliland. Wakiilka Somaliland u qaabilsan Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa la kulmay Guddoomiyaha Guddida maalgashiga caalamiga ah ee Malaysia Mr. Dato’ Arshad. Guddoomiyaha Guddida maalgashiga caalamiga ah ee Malaysia Mr. Dato’ Arshad ayaa iftiimiyey inay Somaliland ka jiraan meelo dihin oo aan wali la maalgashan oo ay ka mid yihiin Dhinacyada Beeraha iyo Tamarta. Waxa kaloo uu intaas ku daray in shirkadaha Ganacsiga dalkiisu ay doonayaan inay maalgashadaan kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland Source
  10. Wararka ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in maanta heegan buuxa la galiyey ciidamada ammaanka ee ka howlgala maamulkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ciidamada kala duwan ee ku sugan halkaasi ay ku jiraan feejignaan dheeri ah. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in u jeedka uu yahay, sidii looga hortagi lahaaa falalka ammaan dari ee mararka qaar ka dhaca halkaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada sidoo kale ay howlgallo ka bilaabeen degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo saaka Dhuusamareeb lagu toogtay nin hubeysnaa oo doonayey inuu gudaha ugalo saldhiggga Booliska magaaladaasi. View the full article
  11. Guddoomiye ku xigeenka golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa maanta shir guddoomiyey golaha wakiilada dowlad gobaleedka Jubbaland. Guddoomiye Abshir ayaa horay u sheegay inuu Kismaayo u tagay inuu la kulmo golaha wakiilada oo ka mid ah meeshii laga soo doortay senatorada aqalka sare. Sawirro: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Kampala)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa safar shaqo ugu baxay wadanka Ugaandha. Wasiirka waxa safarkiisa ku wehelinayay Agaasime-waaxeedka Macdanta ee WT&M, Mudane Cumar Yuusuf Cumar. Safarkan ayay ujeedadiisu ahayd in ay-soo indha indheeyaan nidaamka macdanta-qodista looga wado deegaano ka tirsan wadanka Ugaandha. Ugu horayn waftigu waxa ay Wasaarada Tamarta iyo horu-marinta Macdanta ee dalka Ugaandha kulan kula qaateen wasiiru-dawlaha horu-marinta macdanta Mudane Lokeris Peter. Halkaas oo labada wasiir iska waraysteen khayraadka dabiiciga; gaar ahaan macdanta ee labada wadan iyo sida ugu haboon ee looga faa’iidaysan lahaa, isla-markaana xidhiidh wada shaqayneed loo yagleeli lahaa. Kulankan dhinaca Ugaandha waxa ku wehelinayay Xildhibaan Welfred oo ah Mudane laga soo doorto deegaanka degmada Kisoro oo kaydka tungsten-ka wadanka ugu balaadhan ku jiro. Intaa ka dib, waxa waftigu safar ugu kaceen dhinaca degmada Kisoro oo afar-boqol iyo todobaatan (470 km) koonfur galbeed ka xiga caasimada wadanka ee Kampala. Deegaankan ayaa ah mid hawlaha macdan qodista aad looga yaqaan. Wasiirka iyo waftiga la socday waxay soo booqdeen goobta NYAMULIRO Wolfram Mine oo ah goob macdanta Tungsten-ka laga qodayay tan iyo 1950aadkii. Safarka waxa waftiga ku wehelinayay Mudana Steven Smith iyo John Wambi oo ka mid ah madaxa shirkadda KI Minerals Ltd ee hawsha madax-soo saarista ka wada deegaankaas. Ugu danbayn, waxay waftigu ku soo noqdeen Entebbe oo caasimada wadanka ee Kampala u jirta 45km si ay hawlahoodii shaqo uga sii amba-qaadaan. Source
  13. Ergeyga gaar ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa war ka soo saaray qaraxii xooganaa ee sanadkii 2017-kii maanta oo kale ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Mr Swan ayaa sheegay in dilka iyo dhawaaca maalintaasi loo geystay Soomaali fara badan aysan ka go’in xasuustA, islamarkaana AY muruga la qeybsanayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed. “Dilka & dhaawac macno-darrada ah ee loo geystay Soomaali farabadan ayaan weli ka go’in xasuusteena,waxaana dhibaatada la qeyb-saneynaa dadkii dhibaatada kasoo gaartay iyo qoysaskooda adkeysiga iyo dhiiranaanta Soomaalida kadib weerarkaas & kuwo kale oo ay geysteen Kooxaha xagjirka ayuu yiri.” James Swan. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in Qaramada Middoobay ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabkeeda, islamarkaana ay ka go’an tahay, sidii nabad loogu soo dabaali lahaa guud ahaan Soomaaliya. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka baaqday Xuska 14 October oo lagu qabtay Isgoyskii uu ka dhacay xasuuqa ee Zoobe. Xuska oo ahaa mid aad loo diyaariyey lana filayey inay kasoo qeybgalaan Madaxweynaha ama Ra’isul wasaaraha midkood ayaa mar qura waxaa la arkay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo kaligiis joogo Xafladda isla markaasna farriin ka wado Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha. Shabakadda Caasimadda Online ayaa ogaatay sababta keentay inay labadaan Mas’uul kasoo qeybgeli waayaan Xafladda ay tahay cabsi weyn oo dhanka Amniga ah taasoo keentay inay madaxda ka baaqdaan Xafladda sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ka tirsan Saraakiisha Amniga. Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha uu galay walaac ah in laga yaabo in Al-Shabaab ay munaasabadda la beegsato qaraxyo. Arrintaan ayaa muujineyso halista ay weli Al-Shabaab leeyihiin kadib labad sano qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya. Hase ahaatee taalada laga taagay bartamaha Isgoyska ayaa lagu soo bandhigay labo gaari oo ku xardhan yihiin sawirka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ah iyagoo dhiig bixinaya labo sano ka hor, waxaana dad badan arrintan ku tilmaameen mid olole siyaasadeed. Dadweynaha Soomaaliya ayaa sawirradaas uga jawaabay “adinka kaligiin ma biixn dhiigga.’ Dowladda Soomaaliya oo qaraxaas kadib ballan qaaday inay Al-Shabaab la dagaalami doonto ayaan weli sameyn tallaabo adag oo laga qaaday Al-Shabaab waxayna in laba sano kadib ay tagi waayaan goobtii qaraxa ay astaan u tahay sida madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre uga gaabiyeen amniga. Sidoo kale waxaa jiro ballan qaadyo ay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha u sameeyeen dadkii dhibaatada kasoo gaartay Qaraxii Soobe kuwaas oo aan weli loo fulin taasina ay qeyb ka tahay baaqashada madaxda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ku dhawaaqay dagaal cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab. Axmed Madoobe ayaa faray saraakiisha amniga Jubbaland inay u diyaar garoobaan xoreynta deegaanada ka maqan maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka in ay qaataan kaalintooda, islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidamada amniga. Al-Shabaab ayaaku xoogan deegaanada maamulka Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Dhexe ee K/Soomaaliya. View the full article
  16. Munaasabad ballaaran oo lagu xusayey 14-ka October oo ah maalintii uu dhacay qaraxii Zoobe ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, iyo boqolaal shacab ah ayaa ka qeyb munaasabaddaasi. Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo dadweynaha kula hadlay isgoyska 14-October ayaa sheegay in maalintan ay thaya mid aan la’iloobi Karin, islamarkaana aan ka go’eyn quluubta Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaraxii 14-kii October ee sanadkii 2017-kii dhacay uu argagax weyn ku reebay guud ahaan shacabka Soomaliyeed. Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa baaqay shacabka in ay ka shaqeeyaan midnimada, horumarka iyo ammaanka Muqdisho. View the full article
  17. MOGADISHU (HOL) - Two years ago, this day, a truck loaded with explosives drove into Mogadishu supposedly on its way to the UN compound but went burst in Zoobe Junction leaving in its wake over 500 people dead and over 300 others injured. Source: Hiiraan Online
  18. Nin si Khaldan loo xidhay Muddo 19 sandooda oo magdhow helay David Eastman Nin u dhashay dalka Australia oo soo qaatay 19 sano oo xabsi ah si qaldan kadib markii lagu eedeeyay in uu dilay sargaal sare oo booliiska ah ayaa hadda heley magdhow lacageed oo dhan $4.8 milyan oo doolar. David Eastman ayaa sanadkii 1995-tii lagu xukumay xabsi daa’in, isaga oo lagu heystay dilka Colin Winchester oo 6 sano markaas ka hor la dilay, ahaan ku xigeenta taliyaha booliiska federaalka Australia. Dilka sargaalkan ayaa Australia ka dhalisay qalalaase sharci iyo mid siyaasadeed, waxaana lagu furey baaristii ugu weynayd ebed. Mr Winchester ayaa labo xabadood lagaga dhuftay madaxa isaga ooh or taagan gurigiisa oo ku yaala magaalada Canberra ee caasimadda ah, wuxuuna noqday sargaalkii ugu sareeyay ee la dilo booliiska Australia. Kadib Mr Eastman ayaa loo xirey dilka, balse 19 sano kadib ayay maxkamadda rafcaanka xukuntay in si qaldan loo xukumay, tahayna in la siidaayo, lana siiyo magdhow. 100 qof oo marqaati ah ayaa la dhagaystay qiraalkooda xilligii rafcaanka. Intii uu xabsiga ku jirey waxaa dhintay waalidkiis iyo walaalihiis. Qaran News
  19. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed la Wadaagay Xusuusta Dhibaatadii ka dhacday isgoyska soobe ee magaalada muqdisho, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay isagoo ku hadlaya Magaca Guddoonka iyo guud ahaan Golaha Aqalka Sare in uu Tacsi u Dirayo dadkii Soomaaliyeed ee ehelkood ku dhinteen iyo kuwii hantidooda uga baaba’aday Qaraxaasi, wuxuuna Eebe uga baryay dadkii ku dhintay in uu naxariistii jano ka waraabiyo , Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa kuwii ka danbeeyay qaraxii Soobe ee waxyeelada loogu geystay shacabkii soomaaliyeed in uu rabi ka jaasiyo. 2-sano ayaa maanta laga joogaa markii Kooxda arxan laawayaasha ee u soo dhigtay gumaadka ummadda Soomaaliyeed ay dad badan ku xasuuqeen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii dadka dhibanayaasha u ah Qaraxaasi ula qeybsan lahayd waxyeelada soo gaartay. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-14102019.mp3 View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa aad u dhalleeceeyey in xuska labaad ee qaraxii 14-kii October loo adeegsaday olole doorasho oo madaxweyne Farmaajo sare loogu qaadayo, xilli sanad iyo dhowr bil ay ka harsan tahay muddo xileedkiisa. Isgoyska Zoobe oo ah halka uu qaraxa ka dhacay ayaa maanta lagu soo bandhigay laba baabuur oo lagu dhejiyey sawirrada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha, oo dhiig u shubaya dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi, si loogu ammaano. Arrintan ayaa sidoo kale carro ka dhalisay baraha bulshada, ayada oo dadweyne badan ay wareejinayaan sawirradaas oo ay ku dhalleeceeyey madaxweynaha iyo taageerayaashiisa. Ma cadda in arrintan ay ku lug leedahay Villa Somalia iyo inay tahay wax ku kooban taageerayaashiisa. Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaan Fiqi. 14 Oktoobar 2017 waa Maalin Murugo iyo mahadhooyin xanuun badan ku reebtey qoysas badan iyo umadda Soomaaliyeed, Allaha u naxariisto shuhadadii halkaan ku dhimatay.. Waa ka xumahay in maalintaas olole suyaasadeed ahaan loo adeegsado, umadda Soomaaliyeed oo dhan ayaa dhiig shubtey, oo uu ugu Horeeyey guddoomiyihii hore ee gobolka. Xuska ugu weyn ee dhacdadaas loo dhigayo waxey aheyd in umadda laga dulqaado kooxaha argagixisada ah oo laba sano ka dib shaley hoobiyaal la dhacayey garoonka Aadan Cadde iyo xaafadaha u dhow. Maxey umadda ugu tooran tahay in sanad walba dhacdadaas la xuso ayadoo dilkii umaddu uu meeshii ka sii socdo, dadkii dad ka badanna labadii sano gudaheeda la diley. 14 Oktoobar ma ahan maalin olole siyaasadeed waa maalin murugo iyo xanuun reebtey, madaxda fadhiidka ah ee Villa Somalia waa In ay waxqabad muuqda oo dhiigga dadka lagu badnaadinayo ay la yimaadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com