Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,891
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo isu jira Wasiiro, Xildhibaano, Ganacsato iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Ankara ee caasimadda Wadanka Turkiga, halkaas oo ay kaga qayb gelayaan Shirka Maalgashiga Turkiga ee Afrika. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Safiirka, masuuliyiinta iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi uga mahadceliyey soo dhowaynta ballaaran ee ay u sameeyeen isaga iyo weftigiisa. Madaxweyne Karaash ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxaa uu kulamo muhiim ah la qaadandoonaa masuuliyiinta dalkaasi iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Turkiga. The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaaray dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
  2. The World Health Organization (WHO) said it has seen a reduction in the number of cases of cholera and related deaths in Somalia since December 2017. The UN health agency in its latest report released on Thursday attributed the reduction to improved disease surveillance and case management. “The overall reduction in the number of new cholera cases is attributed to improved implementation of preventive interventions including OCV (oral cholera vaccination) and the strengthening of water, sanitation, and hygiene (WASH) activities in the hot spots,” WHO said. The Ministry of Health of Somalia announced 39 new suspected cases of cholera, with no deaths for epidemiological week 37 (9 to 15 September) in 2019. “During this period, all of the cases were reported from a total of 17 districts in Banadir region. Of the 39 cases reported during this last epidemiological week, 17 cases (44%) are children below 5 years of age,” it added. Somalia and the UN carried out a week-long immunization campaign in June using oral cholera vaccines (OCV) in high-risk districts to prevent recurring cholera outbreaks in the country, vaccinating more than 650,000 people aged one year and above. The UN health agency said cholera outbreak has been contained in the districts of Jubaland, Hirshabelle and southwest States following the implementation of oral cholera vaccination (OCV) campaigns and other health interventions in these areas. According to WHO, the country faced one of the largest outbreaks in its history in 2017 with 78,784 cases, including 1,159 deaths being reported. In 2018, Somalia saw a reduction in reported cases of cholera and related deaths, largely due to improved disease surveillance and case management, with the reported number of cases standing at 6,448, including 45 deaths. View the full article
  3. Jowhar (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay xaafadda Hantiwadaag degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Booliska ay ku leeyihiin halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi waxa ay sheegtay in ay ku dishay labo askari, kuna dhaawacday mid kale. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay horay u sii qaateen dagaalyahannadooda hubka ay wateen askartaasi, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. View the full article
  4. Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has held constructive talks with the United Nations Secretary-General, Antonio Guterres in the New York on the sidelines of UNGA. The United Nations is playing a vital role in the establishment and strengthening of government institutions, and Farmajo hopes this collaboration will be accelerated. Farmajo and Gutteres have agreed to enhance the cooperation and support provided by the UN to Mogadishu. The UN Secretary-General commended the federal government’s security and economic reform efforts and urged it to move on from there. The meeting came to an end with understanding. The President is in the United States to attend the United Nations General Assembly, which recently opened. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka, kadib muuqaal laga soo duubay. Xasan Daahir Aweys ayaa ka jawaabay hadalladii eedeynta u badnaa ee ka soo yeeray Madaxweynayaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo danaha dadka iyo dalka, lagana fogaado dhaliilaha wax duminaya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/daa.mp3 View the full article
  6. Cadaado (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dabley hubeysan ay labo qof oo rayid ahaa ku dileen duleedka M/Cadaado ee gobolkaasi. Labada qof ee la dilay oo dhalinyaro ahaa ayaa la sheegay in ay ahaayeen xoolo dhaqato, sida ay Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Kooxda dilka geysAtay ayaa la sheegay inay wateen gawaari gaashaaman, kuwaas oo goobta isaga dhaqaaqeen dilka kadib. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada maamulka Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan dilalka ka dhaca gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa salka ku haya arrimo la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolladaasi. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qaatay go’aan ku saabsan inuu shaqada u fasaxo Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka. Guddigaan ayaa waxaa horey u kala diray Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo soo saaray waraaq. Guddoomiye Mursal ayaa shaqada u fasaxay Guddigaan oo horey loo sheegay in kala diray taasoo ay ka dhalatay muran badan. Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa dood badan ka dhax dhaliyay fadhiga Baarlamaanka sifoo kale waxay mudo maalmo walaac ah geliyeen xukuumada kadib markii ay ku eedeeyeen musuq maasuq. Lama ogo haddii Guddoomiye Mursal uu arrintaan la ogyahay ku xigeenkiisa oo horey u kala diray guddigaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay agagaarka isgoyska 14-ka October Ex Zoobe ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ahaa mid gaari lagu soo xiray, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku darayaa in qaraxaas ay waxyeelo ay ka soo gaartay Macalimiin Tirkiyaan ah iyo labo Soomaali ah. Ciidamoka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana caadi ku soo laabta dhaq dhaqaaqa guud ee waddadaasi oo ah mid mashquul badan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duullimaadyada Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar), ayaa Magaalada Ontario ee Dalka Kanada kaga qeyb galay shir weynaha Waddamada xubnaha ka ah hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan duullimaadyada Rayidka ah ee ICAO. Wasiirka oo uu ka qeyb galka shirkaasi ku wehliyo Maareeyaha hay’adda duulista Hawada Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay, maaddaama ay Soomaaliya saaxaadda ka maqnayd muddo dheer. “Soomaaliya runtii waxaa naloo arkayay Waddan yar oo ay ICAO xukunto, wixii saxiix ah ee looga baahda hawada Soomaaliyana hay’addaas ayaa loo mari jira, balse hadda Dowladda ayaa ahmiyadda leh” ayuu yiri Wasiirku. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Waddamada kulmayaba uu shirkani u leeyahay ahmiyad ballaaran, sida isku xirka, is barashada, is caawinaadda , heshiisyada, bixinta tababarrada iyo soo bandhigidda Technolojiyadda cusub ee ku aaddan duulista Rayidka. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan xisaab xir ku aaddan dhowr iyo Labaatankii Sano ee ay hay’addani Hawada Soomaaliya ka maamulaysay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Shirkan oo ay ka qeyb galayaan 193-da Dal ee xubnaha ka ah ICAO ayaa Saddexdii Sanaba mar ka dhaca xarunta hay’adda duullimaadyada Rayidka ah ee Ontario Canada, wuxuuna noqonayaa kulankii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya ka qeyb gasho tan iyo 1991-kii. Shirka ayaa la filayaa in ay ku biiraan wufuud kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya Saacadaha soo socda. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur ee Idaacada Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-26092019.mp3 View the full article
  11. The Somali military confirmed on Thursday its forces have killed 30 al-Shabab militants and injured 40 others in an offensive in the country's Lower Shabelle region on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeeyay Soomaaliya in ay oggolaato wada-hadallada ku saabsan dhul baddeedka lagu muransan yahay ee Badweynta Hindiya. Isaga oo ka hadlayey doodda shirka 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York, ayaa Uhuru wuxuu sheegay in Kenya ay wali ka go’an tahay dadaalkeeda nabadeed iyo xasilloonida gobolka. Uhuru ayaa sheegay in dadaalka noocan oo kale ahi yahay waxa wadamada dariska ay ku gaadhaan qorshahooda horumarineed. “Go’aanka ah in la raaco nabadda iyo amniga ayaa xudunta u ah Siyaasadda Arimaha Dibadda ee Kenya. Waan ku faraxsanahay inaa iraahdo dadaallada wadajirka ah ee lagu hormarinayo nabadda iyo amniga gobolka way sii socondoonaan illaa ay miro dhalaan,” ayuu yidhi Uhuru. “Isla dareenkaas, maamulkaygu wuxuu sii wadayaa inuu la xiriiro Soomaaliya isaga oo isku dayaya sidii uu ku heli lahaa xal waara oo loo helo muranka xudduudda badda ee inaga dhexeysa,” ayuu yidhi. Uhuru wuxuu sheegay in Axdiga Qaramada Midoobay in uu mudnaanta siinayo isticmaalida gorgortanka oo ah habka ugu door bidida xallinta khilaafaadka. Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in lagu kala bixidoono maxkamada cadaalada aduunka, si xal buuxa looga gaaro muranka badda ee labada dal. Puntland Post The post Madaxweyne Uhuru Kenyatta: Soomaaliya waa in ay wada hadal ka gasho muranka badda. appeared first on Puntland Post.
  13. New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku kulmay magaalada New York, oo ah goobta uu ka socdo shirka Golaha Guud ee QM. Kulankan ayaa waxa fududeeyey madaxweynaha Masar Cabdifataax Asiisi, oo hadda haya xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika. Villa Somalia ayaa sheegtay in kulankaas “la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.” Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku tiri “Kenya waxay soo dhoweeneysaa kulankan koowaad oo ah tallaabo loo qaaday jihada saxda ah. Kenya waxay mar walba rumeysneyd, ayna sii wadeysaa inay ku baaqdo in wada-xaajoodyadu ay yihiin habka ugu wanaagsan ee dhibaatooyinka Afrika loogu heli karo xal Afrikaan.” Haddaba, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa idaacadda VOA-da waxa uu faah-faahin ka siiyey kulankii labada madaxweyne iyo waxyaabaha uu madaxweyne Farmaajo kusoo qaadayo khudbadiisa QM. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/32111517-1d24-40d4-99ff-4452fb1ed980_48k.mp3 Xigasho: VOA
  14. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Boosaaso maamulkiisa lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta. Inkastoo madaxweynuhu sheegin magaca shirkadaan, hadana wuxuu kalsooni weyn ka muujiyay in shirkaddani ay dhaqaale xoogan ku maalgalin doonto madaarka Boosaaso islamarkaana suurto galindoonto in duulimaadyo casri ah ay kusoo xirtaan Puntland. Madaxweyne Deni waxaa uu dhanka kale difaacay go’aanka ay ku wareejiyeen maamulka madaarka Boosaaso, isaga oo sheegay dalku inuu u baahan yahay maalgashi uu ku horumaro meel kasta haka yimaadee. “Haddii aan dalka shirkaddo lagu wareejin ma sidaan ayaa la ahaanayaa? mala hayaa dad Soomaaliyeed oo maalgashanaya? Looma baahna in la iska hadlo, dalkaan masuuliyad ayaa iga saaran horumarkiisa,” ayuu yidhi madaxweynuhu. Ma caddayn madaxweynuhu muddada ay shirkaddaan maamuli doonto madaarka Bosaso iyo goorta ay si rasmi ah u bilaabi doonto maalgalinteeda. Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaya iyadoo aan weli la bilaabin maalgalintii lagu sameyn lahaa dekeda Boosaaso oo ay haatan maamusho shirkada DP-World. Dad badan ayaa dhaliilsan in Emaratka gacanta loo galiyo madaarka Bosaso, inkastoo dowladdu ku andacootay maalgalintii Imaaraatku ku sameyn lahaa dekeda Bosaso inay dib u dhigtay dilka loo geystay agaasimihii dekeda Bosaso ee DP-World, Paul Farmosa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo si adag u difaacay go’aanka ay ku wareejiyeen madaarka Bosaso appeared first on Puntland Post.
  15. Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay dawladda Somaliland gacan ka siisay qabashada xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo doonayay inay weeraro argagixiso ka gaystaan gudaha magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Sirdoonka Itoobiya ayaa sheegay inay toddobaadkan qabteen xubno tiro badan oo ay sheegtay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab iyo ISIS, oo ay ku eedeeyeen inay doonayaan inay weeraro qaraxyo ah ka gaystaan magaalada Addis Ababa. Qabashada xubnahaas iyo fashilinta hawlgalkooda ayaa xukuumadda Addis Ababa waxay sheegtay inay Itoobiya ka caawiyeen dalalka Maraykanka, Faransiiska, Spain, Somaliland iyo Djibouti. Dawladda Somaliland ayay Itoobiya sheegtay inay gacan ka siisay qabashada laba xubnood oo ka yimid dalka Soomaaliya oo doonayay inay Hargeysa ka sii galaan dalka Itoobiya, si ay u caawiyaan xubno uga sii horeeyay oo joogay gudaha Itoobiya. Magacyada labada xubnood ee Hargeysa ay ku qabatay dawladda Somaliland ayay Itoobiya ku sheegtay inay kala yihiin Yishak Cali Aadan iyo Aadan Muxumed Maxamed oo loo yaqaano Aadan Boray, waxaana lagu qabtay hawlgal ay sirdoonka Somaliland ka fuliyeen hargeysa, kaas oo ay itoobiya sheegtay inuu fure u noqday fashilinta weerarrada. Waxa ay dawladda Itoobiya warbixinteeda ku sheegtay in mid ka mid ah labada xubnood ee Hargeysa lagu qabtay Mr. Yishak Ali Aden laga helay ID Card uu magac kale oo ah Ibrahim Cali Aden ku sitay kaas oo ahaa kaadh Itoobiyaan ah oo laga bixiyay deegaanka Bohwareda, iyadoo Aadan Muxumed Maxamed isna lagu qabtay laba sanduuq xisaabeed oo ah baananka Itoobiya oo uu dhigtay lacag gaadhaysa 2.5 milyan dollar oo u dhiganta qiyaastii 85,000 dollar. Koox kale oo uu hoggaaminayay Maxamed Cabdillaahi Dulet ayay Itoobiya sheegtay inay ka galeen dhinaca dalka Djibouti iyagoo Djibouti uga gudbay Addis Ababa, laakiin waxa lagu qabtay xaafadda Bole ee magaalada Addis Ababa. Sidoo kale nin ay isna magaciisa Itoobiya ku sheegtay Faa’id Abshir Yesuf oo isna maray Hargeysa, una gudbay Itoobiya ayaa isna lagu qabtay isla xaafadda Bole ee Addis Ababa. Itoobiya ayaa dalalkan oo ay Somaliland ku jirto waxay uga mahadcelisay sida ay uga caawiyeen qabashada xubnahan iyo ka hortaga weeraradan, waxaanay Itoobiya soo bandhigtay muuqaalada eedaynayaasha la qabqabtay oo ay sheegtay in maxkamad la horgayn doono Geeska Qaran News
  16. NAIROBI (HOL) - Kenya pushed for negotiations with Somalia over the maritime dispute set for hearing November 4 amid reports Somalia will rebuff such calls. Source: Hiiraan Online
  17. Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Ingiriiska, ayaa muwaadiniintiisa kula taliyay inaanay u safrin Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, iyagoo magaalooyinkaasna ku taliyay in loo tago oo keliya arrimaha muhiimka ah. Digniintan ayuu Ingiriisku isku daray Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana digniintan oo hore u taagnayd uu Ingiriisku dib u cusboonaysiin ku sameeyay 25 September, iyagoo sheegay in si dhammaystiran dib loogu eegay laakiin dib loo soo saaray iyada oo aan waxba laga bedelin, “Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka (FCO), wuxuu ku talinayaa inaan loo socdaalin Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo uu xafiiska FCO ku talinayo in loo tagi karo uun safarada muhiimka ah.” Sidaas ayuu yidhi qoraalka Ingiriisku soo saaray ee digniinta ah, waxaanu intaas raaciyay, “Muwaadin kastao o Ingiriis ah oo jooga deegaanadaas Soomaaliya ee uu xafiiska FCO ka digayo in loo socdaalo waa inuu ka baxaa. Muwaadin kasta oo Ingiriis ah oo Hargeysa iyo Berbera u jooga arrimo aan muhiim ahayn waa inuu ka baxaa.” Ingiriisku wuxuu muwaadiniintiisa booqanaysa Hargeysa iyo Berbera kula taliyay inay ka feejignaadaan goobaha ay bulshadu kul kulanto oo ay la socdaan warbaahinta maxaliga ah iyo ta’ caalamiga ahba. “Haddii aad booqatid Hargeysa ama Berbera, waa inaad aad u feejignaataa oo ka taxadirtaa meelaha caamka ah ee ay bulshadu ku kulanto. La soco warbaahinta gudaha iyo tan caalamiga ah si aad uga fogaato wixii mudaaharaad ah ama rabshado dhacaya. Deg deg uga tag meel kasta oo aan degenayn, hana isku dayin inaad daawato ama aad sawir ka qaadato.” Dawladda Ingiriiska ayaa lixdii sannadood ee u dambeeyay aan wax isbedel ah ku samayn khataro ammaan oo ay ku sheegto inay ka jiraan Somaliland, iyadoo sannadkii 2013 Somaliland guud ahaanteed sheegtay inay tahay dhul aan la tagi karin. Balse dawladda Ingiriiska ayaa bishii April ee sannadkii 2014 sheegtay inay xayiraadii amni ka qaaday magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ay sheegtay in iyagana loo tagi karo uun arrimaha muhiimka ah, kuwaas oo ay haddana dib u soo cusboonaysiisay. Geeska Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay qarax Xooggan. Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Soobe oo hadda loo bixiyey 14 October, wuxuuna ahaa qarax xooggan oo laga maqlayo qeybo kamid ah Muqdisho. Qaraxa ayaa wuxuu ahaa mid gaari lagu xiray oo la qarxiyey xilli uu marayey Isgoyska Soobe. Gaariga la qarxiyey ayaa ahaa nooca aan xabadda karin oo ay isticmaalaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ilaa hadda lama ogo cidda leh caarigaas oo hadda yaalo Isgoysk Soobe, waxaana gaariga ka muuqato dhibaato kasoo gaartay qaraxa. Isgoyska Soobe ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda kuwaas oo baaritaan ka bilaabay halka uu qaraxa ka dhacay. Lama soo sheegin khasaaro ka dhashay qaraxaas, wuxuuna ahaa mid gaariga lagu xiray, waxaana falalka noocaan oo kale ah looga bartay Kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. New York (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay Kenya sii wadi doonto sidii xal saaxiibtinilo loogu heli lahaa muranka Xuduudka Badda ee Somalia iyo Kenya. Khudbadii uu ka jeediyey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayuu u soo qaaday muranka Xuduudka Badda ee Kenya iyo Somalia, wuuuna sheegay in dowladda Kenya ay sii wadi doonto inay wadahadalka ay la yeelaneyso dowladda Federaalka Somalia, una dadaaleyso in xal waara oo saaxiibtinimo loo helo khilaafka xuduudka Badda ee labada dal u dhaxeeya. Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo go’aankii Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee 3-dii September ay Somalia iyo Kenya ugu yeereen inay labada dal waanwaan ku xaliyaan muranka xuduudka Badda, wuxuuna Uhuru isku dayey inuu xeerka Q/Midoobay u cuskado xalka ugu wanaagsan ee khilaafyada labada dal lagu xalin karo inuu yahay wadahadal. “Waxaan rajo weyn ka qabnaa in dowladda Federaalka Soomaaliya aqbali doonto, diyaarna u tahay raadinta xal waara oo lawada aqbali karo loo helo muranka Xuduudka Badda..” ayuu hadalkiisa ku yiri Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Kenyatta oo hadalkiisa sii wato waxaa uu ku daray In UNka uu Sidoo kale qabo wada hadalka “Sida aan ognahay dastuurka UNka waxaa uu doorbidayaa In wada hadal lagu dhameeyo wixii muran ah, sidoo kale UNka waxaa uu qabaa in xad badeedka dalalka loo sameeyo qaab saxiibtinimo ah”. HOOS KA AKHRISO QORAALKA KHUDBADDA MADAXWEYNAHA KENYA EE ARRIMAHA SOOMAALIYA Mr. President, In the same spirit, my administration continues to reach out to the Federal Republic of Somalia in an effort to find an amicable and sustainable solution to the maritime boundary dispute between us. In this regard, I welcome the decision of the African Union Peace and Security Council of 3rd September 2019 that urges both parties to engage. As we all know, the UN Charter privileges the use of negotiation as the most preferred mechanism for settlement of disputes. Similarly, the United Nations Convention on the Law of the Sea provides for the delimitation of maritime boundaries between states amicably. It is in this normative framework that informs Kenya’s call for the resolution of this dispute through negotiation. We remain hopeful that the Federal Government of Somalia will be amenable and committed to the search for a mutually acceptable and sustainable solution to this dispute. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Somalia’s Minister of Labour and Social Affairs, Sadik Warfa has announced the East African country’s interest to enhance economic relations with Qatar and to forge joint co-operation in the field of labor and skills development. In a meeting with Qatar Chamber yesterday, Warfa lauded the co-operation ties between Qatar and Somalia in several areas, which aim to promote trade relations by introducing Qatari investors to investment opportunities in Somalia. During the meeting, Warfa elaborated on Somalia’s business climate in the presence of Qatar Chamber first vice-chairman Mohamed bin Towar al-Kuwari and Somalian ambassador Abdul Razak Farah Ali. Qatar Chamber first vice-chairman Mohamed bin Towar al-Kuwari receives Somalia’s Minister of Labour and Social Affairs Sadik Warfa and Somalian ambassador Abdul Razak Farah Ali during a meeting in Doha yesterday. The minister briefed also reviewed “promising investment opportunities” in Somalia in key sectors, such as agriculture, animal production, and fishery. Warfa expressed hope that the meeting with Qatari businessmen would represent “a positive step towards enhancing co-operation between the two sides.” Al-Kuwari said the Qatari private sector welcomes potential partnerships with Somali investors. He said Somalia’s potential and its natural resources enable it to become an investment destination for Qataris and attract projects for a common interest and mutual benefit. He said Qatari companies contribute significantly to major projects established in the country. He added that “increasing activity” of Qatari private sector companies have opened ways for qualified Somali labour to contribute to the development of Qatar. View the full article
  21. More reports are coming out of heavy fighting between the Jubbaland and Al-Shabaab forces in the area of Abdalla Biroole in Lower Juba region. The fighting came after Al-Shabaab attack on a military base in the village, resulting in unknown casualties of deaths and injuries. Al-Shabaab claimed to have killed three Jubbaland troopers during the gun battle in which both sides used PKM and AK-47 rifles. There are no comments from Jubbaland security officials on the attack. Al-Shabab has been fighting Somali government and African Union troops for control of southern Somalia in recent years. View the full article
  22. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka hadlayey kulan madaxeedka jimciyadda Qaramada Midoobey ayaa sheegay in mar walbo ay Kenya ka go’antahay In muranka xadka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya lagu xaliyo wada hadal. Madaxweyne Kenyatta oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Maamulkeyga waxaa uu si joogta ah u wadaa inuu xiriir la sameeyo Soomaaliya si xal waara looga gaaro muran xadeedka badda ee noo dhaxeeya, isla arrinkan waxaa soo dhoweynayaa go’aanka golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika ee 3-da September 2019 oo ku baaqay in la wada hadlo”, Kenyatta oo hadalkiisa sii wato waxaa uu ku daray In UNka uu Sidoo kale qabo wada hadalka “Sida aan ognahay dastuurka UNka waxaa uu doorbidayaa In wada hadal lagu dhameeyo wixii muran ah, sidoo kale UNka waxaa uu qabaa in xad badeedka dalalka loo sameeyo qaab saxiibtinimo ah”. Dhinaca kale, ilo u dhow wafdiga madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Farmaajo uu u jawaabi doono Kenyatta, isaga oo ku adkeysan doona In ICJ laga war suga arrinta badda balse ay Muqdisho Soo dhoweyneyso wixii kale oo xiriir darisnimo iyo walaaltinimo ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu ka qeyb galayo saleemo-saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaan (Axmed Madoobe). Madaxweyne Deni oo wareysi gaara siiyay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in uu ka mid yahay martida lagu casumay caleema-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe, uuna ka qeyb gali doono . Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in hawada Soomaaliya aysan ahayd dukaan qof leeyahay, ee ay tahay hawo sharci lagu maamulo, sharcina lagu maro, qawaaniin caalami ah iyo kuwa Soomaaliya-ba ay u xilsaaran yihiin. Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa xusay in uu aad uga xun yahay in uu dhaco ku xad-gudub Dastuur, oo dadka loo diido xaqa uu Dastuurku siiyay, aysana ahayn ariin ku haboon dadnimada iyo dowladnimada. Ugu dambeyn Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in uu rajeynayo in dowladda iyo dadka ka shaqeeyay xanibaada duulimaadyada Kismaayo uu caqligu u talin doono. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni: Hawada Soomaaliya maahan Dukaan qof leeyahay appeared first on Puntland Post.