-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug waxaa lagu soo geba gebeeyay doorasho loogu tartamayay guddoomiyaha Golaha hoggaaminta Beelweynta Habargidir oo degta gobolada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Doorashadaas ayaa waxaa ku tartamay Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac iyo Generaal Maxamed Nuur Galaal, waxuuna Shirwac kusoo baxay 41-cod. Ergo ay iska xuleen xubnaha beeshaas ee ku shirsan Hobyo oo ka kooban 52 qof ayaa cod u qaaday labadaas musharax. Prof. Shirwac ayaa ku soo baxay 41-cod, halka Gen. Galaal oo la tartamayey uu helay 8-cod, waxaana sidaas doorashadii Hobyo ugu soo baxay Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac . Prof. Shirwac waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu dalka ka qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa, inuu ahaay Aasaasihii Jaamacadda Gaalkacyo, Murashixii Galmudug 2017-kii, madaxii Mashruuca Wadada xiriirisa Gaalkacyo iyo Hobyo, sidoo kale ahaa Mu’alifkii Heesta caanka ah ee QARAD, maamulihii Dugsigii sare ee Banaadir iyo howlo kale oo ku saabsanaa danta guud. Shirka ka socda magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo 5-ta bishan oo ku beegan Khamiista birito. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-04092019.mp3 View the full article
-
Asc dhamaan shacab weynaha jamhuriyada somaliland meel kasta oo aad joogtaan waxaan halkan uga mahad celinayaa dhamaan shaqaalo weynaha shabakada caalamiga ah ee hadhwanaag news waxaanan ugu mahad celinaya siday bulshada ugu haqabtiraan wararka iyo dhacdooyinka dalka iyo dibada Haddan u gudo galo mawducan runtii waad ka dharagsantihiin xaalka ay ku sugantahay caasimadii dalku taasi oo laf jab ku ah qaranka somalilanddhamaantiin waxaad ka war qabtaan in waddoyinka caasimada qaarkood aan wax dibu u habayn ah lagu samayn tan iyo waagii dawladii siyaad bare waana wax laga xumaado in golayaashii deegaan ee kala danbeyay in anay waxba soo kordhin Hargeysa sidaa aad la wada socotaan xiligan waa xiligay ugu nasiibka xumaday waxaan u sabab ah golaha deegaanka uu hogaaminyaao maayir( solteco)kuwaas oo ku fogaan xoolo urursi balse ilaaway shaqadii loo doortay ma jiraan meelo ay ka baxaan biyaha roobku waana sababta ay u dhacaan dhibaatooyinka soo noqnoqda Hargeysi hadday sidan si ahaato wax dhici kara alle inaguma keene ina magaaladu baabado oo roobabka wax yeelo waa weyn u geystaan waayo magaalada hargeysi waa ceel sida aad lo wada soctaan Gabogabo Hargeysii hiilbay rabtaa waxay rabtaa mayir u shaqeeya ee aan ka shaqaysan waxay rabtaa gole degaan oo u adeega shacabkii soo doortay ee ma rabto gole deegaan oo ka dhunta shacabka xukumada dhexe waxaan ka codsanyaa inay dabo gal ku samayso golayaasha deeganka casimada iyo kuwa kale ee dalka Alla mahad leh baradho14@gmail.com Source
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Dagaal xoog leh ayaa caawa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Al-Shabaab wadada u galay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo marayey deegaan lagu magacaabo Cumar-dheere oo dhaca duleedka degmada Afgooye. Ciidamada ayaa la sheegay inay ku wajahnaayeen deegaanka Sabiib ee isla gobolka Shabeellada Hoose, kaddibna ay weerar jid gal ah ku qaadeen dagaal-yahanno ka tirsan Al-Shabaab. Dagaal socday in ka badan saacad ayaa caawa deegaankaas ku dhexmaray labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan ilaa hadda la xaqiijin tiradooda rasmiga ah. Intii uu socday dagaalka ayaa Askar ka tirsan ciidamada dowladda waxa ay gurmad ahaan uga baxeen degmada Afgooye, waxayna halkaas kasoo qaadeen Askar ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka, kuwaas oo ay soo gaarsiiyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Al-Shabaab ayaa dib uga ruuqaansaday deegaanka ay ku weerareen ciidamada dowladda, kaddib markii looga awood batay dagaalka caawa ka dhacay deegaanka Cumar-dheere, waxaana la sheegay inay dib ugu laabteen deegaan lagu magacaabo Bacaacow oo aan ka fogeyn deegaanka uu dagaalku ka dhacay, kaas oo kolkii hore ay kasoo weerar tageen. Wali majiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinacyadii caawa dagaalamay ee Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa xoogga dalka oo sida aan xogta ku helnay weerar jid gal ah lagu qaaday xili ay kusii jeedeen deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeellada Hoose. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay dalabka Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda kiiska badda ee horyaalla Maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ. danjira Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Siciid Fiqi oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay inay Soomaaliya aad uga xuntay isla markaana ay tahay wax aan cudur-daar loo heli karin codsiga ka yimid Kenya ee ah in dib loo dhigo dhagaysiga dacwadda muranka badda oo lagu wado inuu bilowdo maalinta Insiinta ah ee 9-ka bisha Sebtemebr, kaas oo socdan doona ilaa 13-ka bisha oo ku began maalinta Jimcaha. Tallaabada Kenya ay qaadday ayuu sheegay inay dhaawac ku tahay garsoorka iyo in la xalliyo muranka daba-dheeraad ee badda Soomaliya ee Kenya ay muranka galisay. Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa sheegay in Soomaaliya ay ilaa maalinta Jimcaha kawar sugeyso Maxkamadda, isagoo sheegay in Soomaaliya qareenadeeda ay ku war galisay inaan la aqbali karin in dib loo dhigo kiiskaan oo ICJ horyaaley Shan sano. Ummadda Soomaaliyeed ayuu ka dabaday inay ku kalsoonaadaan looyaradooda oo uu sheegay inay dadaalayaan dowalduna aysan yeeli doonin in kiiskaas lagu xaliyo meel Maxkamadda ka baxsan. Kenya ayaa shalay ka codsatay maxkamadda ICJ in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo dhagaysiga kiiska badda, si ay u qabsato qareenno cusub oo difaaca. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa-(Caasimada Online)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa warbixiyey arimaha safarkiisa uu ku joogo dalkaas. Muuse Biixi ayaa sheegay in Afrika 10-ka sano ee soo socda ay u guureyso iskaashi, isla markaana safarka uu ku joogo Jabuuti uu ka dhiganyahay mid iskaashi doon ah. Waxa uu sheegay in dalkaas loogu soo dhaweeyay si ay walaaltinimo ku dheehantahay, isla markaana uu kulamo la yeeshay madaxda ugu sareysa dalka Jabuuti. Madaxweyne Muuse Biixi oo aan warbaahinta la wadaagin waxyaabaha ay isla meel dhigeeyn madaxda Jabuuti oo ugu qabsoomay safarkiisa, ayaa sidoo kale ka jawaabin su’aal laga weydiiyey marka uu soo gaba-gabeynayo safarkiisa. Madaxda Jabuuti ayuu ku amaanay sida ay uga shaqeeyeen dhismaha dhulkooda, isagoo sheegay in Jabuuti ay tahay halkii uu kusoo koray. Xiliga uu warbaahinta la hadlayey ayuu ku suugnaay Muuse Biixi meel buuro ah oo loo diyaariyey xanaaneynta xoolaha, waxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay sidii buurahaas ay ahaayeen xiligii uu arki jiray yaraantiisii iyo sida hadda looga shaqeeyey, shacabka reer Somaliland ayuu kula dardaarmay inay wax wada qabsadaan oo ka shaqeeyaan hormarinta dhulkooda sida reer Jabuuti oo kale. Caasimada Online Xaafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay Dalka Jabuuti oo maalintii labaad ku guda jira hawlihii shaqo ayaa maanta oo arbaca ah booqasho ku tegay aaga cashuuraha ka caagan (Freezone)ka Jabuuti, iyadoo lagu soo wareejiyey dhismaha freezone ka cusub oo gacanta lagu hayo wakhtigan, waxaana weftiga madaxweynaha la tusay muuqaalka uu yeelan doono mustaqbalka markuu dhammaado. Sidoo kale weftiga madaxweynuhu isla maanta waxa uu booqday dhismaha dhaam biyood balaadhan oo laga wado Carta. Ugu danbayntiina waxa madaxweynaha iyo weftigiisu booqdeen deegaanka Weeca oo u dhaw carta waxaana weftiga warbiximo ka siiyey masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka biyaha, xannaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo Beeraha Mudane Maxamed Cawaale (Maxamed Soomaali). waxaana kormeerkaa ku wehelinaayey masuuliyiin kala duwan iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti. Madaxweynaha Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ujeedada safarka uu ku joogo dalka Jabuuti iyo Goobaha muhiimka ah oo uu booqday, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Hobyo (SMN) – Shirkii mudooyinkii u dambeeyay ka socday magaaladda Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa lagu doortay hogaanka cusub ee Beesha Habar-gadiir. Laba murashax ayaa ku tartantay xilka gudoomiyaha guud ee Beeshaasi, kuwaasi oo ay u coddeynayeen 52 xubnood. Prof Cabdullaahi Maxamed Shirac ayaa helay 41 cod, halka Jeneraal Maxamed Nuur Galaal uu helay 8; waxaana xumaadey 3 kale, sida uu guddigu shaaciyey. Xubno kala duwan oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay doorashadan, iyaga oo u hambalyeeyay murashaxa guuleystay. Shirka Nabadda Hobyo oo labadii bilood ee lasoo dhaafey socday ayaa waxaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo berri oo Khamiis ah, 5-ta bisha August 2019. Mas’uuliyiin sar-sarre oo dowladeeda sida ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu waramayaa in uu ka qeybgelayo furitaanka shirkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-04092019.mp3 View the full article
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa markii 3-aad dib u dhacay shirka dib u heshiisiinta beelaha daga Galmudug oo ay bilooyin ka hor iclaamiyay dowladda Soomaaliya kadib markii ay heshiis la gashay Ahlu-Sunna iyo madaxweyne Xaaf. Shirkaan ayaa wajahaya hal caqabad oo kaliya taas oo sababtay in uu dib u dhac ku yimaado muddo dhan 3 jeer, waxaana inta jeerba uu baqaanayay hal sabab oo ay diidan tahay dowladda Soomaaliya in ay shaaciso. Caasimada Online, ayaa ogaatay in shirka dib u heshiisiinta Galmudug sababta kaliya uu u qabsoomi la’yahay in ay tahay in la sugayo inta uu ka dhamaanayo shirka ka socda magaalada Hobyo ee gobalka Mudug. Qaar kamid ah madaxda shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maanta noo xaqiijiyay in uusan qabsoomi doonin shirka dhuusamareeb ilaa uu ka dhaamado shirka Hobyo ka socda kaas oo ay yeelanayaan shantata beel ee ugu saameenta badan beelaha daga Galmudug. Dhinaca kale, waxaa la filayaa in maanta ilaa caawa waqti dheeraad ah lagu daro shirka beelaha Habar-Gidir ee ka socda magaalada Hobyo ee gobalka Mudug, sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan ka qaybgalayaasha shirka. Odayaasha iyo siyaasiinta Habar-Gidir ayaa u muuqada kuwa diidan sida ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso shirka dib u hehsiisiinta Galmudug, islamarkaana ay isku dayayaan in ay ku curyaamiyaan shirka Hobyo ka socda sida aan ka soo xiganay saraakiil xog ogaal ah. Caasimada Online ayaa heshay xog dhameestiran oo sheegeysa in uusan qabsoomi doonin shirka Dhuusamareeb ilaa uu ka soo dhamaado kan ka socda magaalo xeebeedka Hobyo ee gobalka Mudug, kaas oo u muuqda in uu qaadan karo waqti kale oo dheeraad ah. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Maayarka Magaalada Burco, Maxamed Cabdiraxmaan Muraad ayaa ka hadlay Guddoomiye-nimada Xisbiga KULMIYE oo ay weli su’aali ka taagan tahay Siyaasiga loo dhiibi doono, maaddaama oo loolan arrintaa la xidhiidhaa uu si hoose uga dhex socdo Xisbiga KULMIYE. Maayarka Magaalada Burco oo la waydiiyey su’aal u dhignayd inaan weli Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi aanu Xilka Guddoomiye-nimo ee xisbiga Kulmiye ku wareejin Beesha uu Maayarku ka soo jeedo, ayaa sheegay in aanay sax ahayn in la yidhaahdo ‘Beel Heblaayo ama Shaqsi hebel ayaa Guddoomiyaha xisbiga lagu wareejiyey’, maaddaama oo qofka doonaya inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu xaq u leeyahay inuu u ololeeyo ee aanay ahayn inuu Beel dabada geliyo. Maayarka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Guddoomiye-nimada Xisbiga KULMIYE maaha Haydh tuule la isku wareejinayo, maaha Haydh Tuule la odhanayo Hebeloow ku wareeji hebel ama uu odhanayo waxaan ku wareejiyey hebel, wakhti bay leedahay, Olole ayay leedahay, Ninkii doonaya inuu Xisbiga Guddoomiye ka noqdo ha soo ciyaaro, Reer baa lagu wareejinayaa ama Qof baa lagu wareejinayaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waa wax aan jirin..” Maayarka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay “Cidda Rabta (Guddoomiye-nimada Kulmiye) iyadoon Reerna dabada ku hayn ha soo abaabusho kooxdiisa, Xildhibaannadiisa, marka Shirka Golaha dhexe la isugu yimaaddo ee Guddoomiyaha la dooranayo ololihiisa ha ciyaaro, laakiin wax reerka Aan Anigu ka soo jeedo uu leeyahay Annagaa leh ee keena sax maaha..” ayuu yidhi. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maamulka Dugsiyada Nuuradiin ayaa waxaa ay maanta hadiyado qaali ah ay siyeen 10 ardey ee ugu sareeyey dusiyada Nuuradiin . Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay gudomiyaha xisbiga UCID , hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani , aqoon yahan iyo marti sharaf kale, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweynaha jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan Hassan Rouhani ayaa muddo labo bilood ah u qabtay dalalka reer Yurub si ay u bad-baadiyaan heshiiskii 2015-kii laga gaaray Nukliyeerka dalkiisa. Hassan Rouhani ayaa sheegay in Iiraan aysan marnaba u dulqaadan doonin xad gudubyo dheeraad ah oo lagu sameeyo heshiiskaasi kuwaasi oo uu sheegay inay keeni karaan “saameyn aan caadi ahayn”. Xukuumadda Tehraan ayaa diidey Yabooha dalal Yurub waxaana ay dalbatay in heshiiska lacag ahaan loo siiyo ama looga iibsado saliidda ceeriin ee ay hodonka kutahay Iiraan. Muddaynta Iiraan waxa ay imaanaysaa ayada oo saraakiisha Iran ay jawaabo is-khilaafsan ka bixiyeen yabooh ka yimid Faransiiska oo ah in la deyminayo 15 bilyan oo dollar illaa dhammaadka sanadka, haddii ay Iran si buuxda ugu hoggaansanto heshiiska. PUNTLANDPOST The post Madaxweynaha Iiraan oo Laba bilood u qabtay wadamada Reer Yurub. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka hadlay ciidamada ay Dowlada federaalka Soomaaliya ay geyso deegaano kamid ah maamul goboleedyada dalka. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aysan maamul goboleedyadu u baahneyn ciidamo Muqdisho laga diro, balse ay u baahanyihiin dhismaha ciidan amniga deegaannadooda sugi kara. Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in ciidamada DF Soomaaliya ay Muqdisho ka dirto si ay howl-galo uga fuliyaan deegaano ka tirsan maamuul goboleedyada dalka, ay horseedi karaan bur-bur ku imaada dalka, waa sida uu hadalka u dhigaye. Cabdiraxmaan ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan: “Ciidan Soomaaliyeed oo Muqdisho laga soo diro oo gobollada dalka hawla kasoo fuliya waxey ka mid ahayd sababihii horseeday burburka dalka. Dawlad Gobaleedyadu uma baahnin ciidan kor looga keeno ee waxay u baahan yihiin dhismaha ciidan amniga deegaannadooda sugi kara. Waxaan loo baahan yahay ciidan dastuurka iyo sharciga dalka u hoggaansan ee looma baahna ciidan damaca siyaasadeed ee madaxda markaas joogta ku shaqeeya. Inta aanan meel kale loo dirin, ciidanka Muqdisho laga dirayo waa in ay shacabka Muqdisho ka badbaadiyaan canshuurta ay Al-shabaab Dekedda iyo ganacsiyada kale ka qaadaan. Nidaam xukun oo xarun dhexe ka talis ah, ciidan hawada siyaasadeed ee madaxda talada heysa ku shaqeeya iyo hab dhaqan ka guul wadeynta ah waa tijaabo horay loogu soo hoogay, waana tan aan ku diiddanahay kooxda Nabad iyo Nolol la baxday”. Hadalkan ka soo baxay Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame , ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya ay magaalada Dhuusamareeb geysay ciidamo, kuwaasi oo ku biiri doono kuwa kale oo ka tirsan dowladda oo ku sugan magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-London)-Raysal wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa dalbaday doorasho baarlaman oo waqtigeda laga soo hormariyo, taasi oo dhici doonta 15-ka October. Johnson ayaa dalabkan doorashada deg degga ah waxa uu maanta ka hor jeeediyey baarlamanka, maalin kadib markii ay xildhibaannada dusha u saareen guul-darro taariikhi ah, ayaga oo diiday in Britain ay heshiis la’aan ka baxdo Midowga Yurub. “Dowladdan waxay dalkan ka saari doontaa Midowga Yurub 31-ka October, waxaana na hortaagan hal shey oo kaliya, oo ah sharciga is-dhiibitaanka ee uu soo jeediyey hoggaamiyaha mucaaradka” ayuu yidhi Johnson. Johnson ayaa sheegay in codbixintii shalay ay siineyso hal ikhtiyaar oo kaliya, kaasi oo ah doorasho soo hormarta. Waxa uu sheegay in hanjabaaddiisa ah inuu Britain ka saarayo Midowga Yurub heshiis la’aan 31-ka October, ay 27-ka dal ee kale ee xubnaha ka ah ururka ku qasbeyso inay ogolaadaan heshiis ay doorbideyso Britain. Xildhibaanadda mucaaradka ayaa la filayaa inay maanta baarlamanka horgeeyaan sharci mar kale dib u dhigaya ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, si heshiis looga gaaro xeerarka lagu kala tagayo. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID ayaa qorshaynaya hab kuraasta looga kicin karo Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa oo wakhtigii ka dhamaaday isla-markaana muddo dheer si Sharci-darro ah u sii shaqeeya. Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga WADDANI, Yoonis Axmed Yoonis iyo Xoghayaha xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga UCID Cabdiqani Salaf (Kabtanka) oo Maanta si wada-jir ah ula hadlay Telefiishanka HCTV ayaa sheegay inay doonayaan inay 5 kun Qof saxeexaan Qoraal ay ku codsanayaan inay kuraasta banneeyaan Xildhibaannada Golaha deegaanka Hargeysa, maaddaama oo ay waxba ka qaban waayeen Bilic-xumada sii kordhaysa ee Hargeysa, codsigaana loo gudbin doono Maxkamadda. Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga WADDANI, Yoonis Axmed Yoonis oo hadalka ku horreeyay ayaa yidhi “Ramadaan illaa Maalintan aynu joogno Roobku wuu soo noqnoqdaa oo llaahay Raxmaadkiisa si wanaagsan ayuu ugu soo noqnoqdaa, laakiin waxaad mooddaa in Magaalada Hargeysa bilaa Maayar tahay, Dadweynaha Caasimadda waxaanu leenahay Hargeysa waa bilaa Maayar, markaan sidaa leeyahay waa wuu joogaaye waa Magac u yaal.” Yoonis wuxuu sheegay oo kale “Waxaanu doonaynaa in Shanta Degmo ee Caasimaddu nagala qayb-qaataan Codsi Golaha deegaanka ee Caasimadda lagaga tuurayo meesha, degmo walbana waxaanu ka doonaynaa kun Qof, 5 kun Qof haddaynu hello waxaynu iska tuuraynaa heeryada Dulmiga iyo Golahaa deegaanka ee aan Sharciga ahayn ee Caasimadda fadhiya..”ayuu yidhi. Xoghayaha xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga UCID Cabdiqani Salaf (Kabtanka) ayaa isaguna yidhi “Hargeysa waa Magaalada ugu qashinka badan Magaalooyinka Somaliland, Roobku markuu da’o meel kasta Qashin baa xidha, Waddooyinkii suuqa waxa fadhiya dhiidhi iyo biyo Bakteeriyo ka buuxdo..” Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ururka haweenka ee NOW oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay dacwad ka gudbiyeen telefishanka Horyaal oo baahiyey Barnaamij ka hadlaya hablaha qayila, sida ay hadalka u dhigeen. Haweenkan ururka NOW ka tirsan oo sheegay inay aad uga xumaadeen Barnaamijkaasi ka baxay Horyaal TV oo ka mid ah telefishanada ka hawlgala Somaliland. Afhayeenka ururka NOW marwo Samsam Maxamed Cige iyo xubno tiro badan oo ka mid ah ururkaasi ayaa soo bandhigay dareenkooda ku aadan barnaamijkaasi, waxaanay tidhi “Dhacdadii dhacday ee maalmahan ee Telefishanka iyo baraha bulshada ku jirtay oo aan ahayn dhaqan ay Somaliland u leedahay iyo dadka afka Soomaaliga ku hadla oo dhami ay dhaqan u leeyihiin, oo diinta aan ku wanaagsanayn oo dhaqanka aan ku wanaagsanayn, dawladdnimada ku wanaagsanayn oo fajiciso nagu noqotay oo inta damiirka lihi ay aad uga damqadeen, hay’adihii dawliga ahaa ee aanu shalay soo wadamarnay ugu hambalyeynaynaa sida fiican ee ay noo soo dhaweeyeen ee ay gacanta noo siiyeen arinkayaga Maxkamada waanu u gudbinay, xeer-ilaalinta waanu u gudbinay, wasaarada Daakhiliga ayaanu u tagnay, Warfaafintaanu u tagnay, ka hadhi mayn,’ ayay tidhi Afhayeenka ururka NOW Marwo Samsam Maxamed Cige. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) –Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa maanta sheegay in Maalinta Axadda ah ee soo socota uu dalku yeelanayo Guddiga tacliinta sare ee dalka, kuwaas oo la socon doona heerka tayada Waxbarashada sare ee dalkaas. Dhinaca kale Wasiir Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in 30% oo kaliya ay ardayda Soomaaliyeed helaan Waxbarasho halka 70% ay guri joog iska yihiin. Waxaa uu sheegay in ardeydaas u nugul yihiin ka qeybgalka colaadaha Dalka loona baahanyahay in arrintaas wax laga qabto. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Imtixaan ay ka qaadeen Macalimiinta Hoose iyo dhexe 22% kaliya ay u qalmaan in ay macallimiin noqdaan isaga oo soo jeediyay in sidoo kale 78% Macallimiinta wax la baro. Cabdullahi Goodax Barre ayaa ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed bixiyaan Canshuurta haddii kalena dowladda tuugsan doonto taas oo ka dhigan in ciddii lacag siiya amarkeeda ay ku shaqeyn doonto. Waxa uu sheegay Wasiirka in ay tahay in ardayda dugsiga Hoose iyo Dhexe loo dhigo sanadkaan bugaagta manhajka dowladda,isla markaana iskuulkii kasoo horjeesta ay albaabada laabayaan. Waxa uu intaa kudaray in sanadkaan intaa uusan dhamaan ay soo dhameystirayaan buugaagta ka harsan manhajka ee lagu dhigo fasalada 9aad ilaa 12aad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com