-
Content Count
215,417 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo caleemo saarkii madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe ka sheegay in ay si rasmi ah u martiqaadeen Somaliland laakiin, aanu weftiga Somaliland sidii la rabay u iman arrimo la xidhiidha xayiraad. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa ka soo dhexmuuqday xafladda caleemo saarka inkasta oo jiraan warar sheegaya in ay dad kalena ka qayb galeen. Ilkacase wuxuu sheegay in aanu Somaliland metelayn ee uu iskii u tagay xafladda oo lagu casuumay. Madaxweyne ku xigeenka Jubaland faahfaahin kama bixin caqabadaha weftiga Somaliland u baaqday sidoo kale ma sheegin in ay casuumeen xukuumadda madaxweyne Biixi iyo in kale. Sida oo kale waxa uu madasha ka sheegay in hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe la xidhiidhay madaxtooyada Jubaland waxaana madasha laga akhriyay hambalyo uu la wadaagay xafladda “Dawladda Federaalku waxay idinku samaynaysa wixii ay nagu samayn jirtay ee iska dulqaata,” Sidaas ayuu Faysal yidhi waxaana dhambaalka Faysal ka mahadceliyay madaxweyne xigeenka Jubaland. Source
-
Telefishinka dowladda Puntland ayaa ku warramaya in guutadii 93-aad ee ciidanka militariga Somaliland ay saaka ku soo biirtay ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag. Sawirro uu soo bandhigay Puntland TV ayuu ku sheegay guutadii 93-aad ee ciidanka Somaliland oo ku biirtay dhinaca Puntland waxaana telefishinku tilmaamay in ciidanka oo markii hore fadhigoodu ahaa deegaanka Ceelbuh ay calankii Somaliland ka tuureen xeradooda, kadibna ay ku beddeleen calanka Puntland. Sidoo kale wuxuu sheegay in maamulka gobolka Sanaag iyo kan degmada Badhan ay halkaasi ku soo dhaweeyeen ciidankan oo uu hoggaaminayo Gaashaanle Mustafe Siciid Toor oo taliye u ahaa ciidanka Somaliland ee degaankaasi ku sugan. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Ciidamo ka tirsan Somaliland oo la sheegay in ay Puntland ku soo biireen appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu diyaariyay Saddexda xubnood ee ka mid noqonaya guddida doorashooyinka Qaranka ee cusub kadib markii xisbiyada Waddani, UCID iyo guurtidu soo gudbiyeen afarta xubnood ee ay soo magacaabayeen. Sida uu ku warramayo wargeyska Geeska Afrika ee Hargeysa ka soo baxa waxa uu madaxweyne Biixi diyaariyay in ay guddida doorashada ka mid noqdaan: Mustafe Maxamed Daahir oo ah nin da’a yar oo aqoon yahan ah; Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ka mid ahayd guddida doorashada ee wakhtigeedu dhammaaday; Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo ah siyaasi xilal ka soo qabtay Somaliland. Madaxweynaha ayaa la filaya in uu todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka maanta u gudbiyo Golaha Wakiillada si ay waajibkooda uga gutaan. Xubno Khilaaf abuuri kara Cabdirashiid Riyo-raac iyo Kaltuun Sheekh Xasan ayaa durba walaac laga muujinaya. Kaltuun ayaa ka mid ahayd guddida xisbiga Waddani kalsoonida kala noqday halka Cabdirashiid Riyo-raac ka dhex muuqday siyaasadda xisbiga Kulmiye waxaanu xisbiga UCID sheegay in sharcigu reebayo maaddaama qof siyaasad ka madax bannaan oo dhexdhexaad ahi ka mid noqon karo guddida. Source
-
Minneapplis (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa dhaleeceyn xoogan la kulmay, kadib markii uu ka hor yimid soo dhoweynta qaxooti badan oo Soomaali ah. Xisbiga Dimoqraadiga ee Minnesota, muslimiinta iyo ururo kale oo caalami ah ayaa camnaareyn culus u jeediyey Madaxweyne Trump, waxaana ay ku eedeeyeen inuu ku dhawaaqay hadallo gef ah. Madaxa fulinta golaha xiriirka Mareykanka iyo Islaamka, Nihad Awad oo ah oo la hadlay warbaahinta gudaha dalkaasi ayaa sheegay in Trump, isagoo ah Madaxweynihii dalka uu sameeyey midabtakoor, ayna tahay wax laga xumaado. Awad ayaa intaasi ku daray in dadka Cadaanka ahi ay soo dhoweeyeen falka cunsuriyeynta ah ee ku dhaqaaqay Madaxweynuhu. “Waxaas oo dhan waxa ka sii murugsan in dhagaystayaasha cadaanka ahi ay soo dhoweeyeen cunsuriyadda iyo in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Jamhuuriga ay aamusaan ama xitaa ay taageeraan fowdada noocaas a.,” ayuu yidhi Awad. Ugu dambeyn Jacob Frey oo ah Duqa magaalada Minneapolis ayaa tilmaamay Trump uu noqday nin xumaaday, islamarkaana u gefay dadka soo galootiga ah. Mr Frey ayaa sidoo kale qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in ogolaansho la siiyay soo galootiga, laguna soo dhoweynayo magaaladiisa Minneapolis. Caasimada Online Xafiiska Minneapplis caasimada@live.com
-
(SLT-Qaahira)-Wasiirada arrimaha dibedda ee Jaamacada Carabta ayaa magaalada Qaahira ku yeeshay shir deg deg ah oo lagaga arinsanayo weerarka Turkigu ku qaaday Kurdiyiinta Suuriya, shirkan oo ay ku baaqeen wadamada Masar iyo Sucuudigu waxa kasoo qayb-galay wasiirro iyo safiiro ka kala socday 21 ka dal ee Jaamcada Carabtu ay ka koobantahay. Markii lagaadhay xiligii codaynta waxa qaraarka Turkiga lagu Cambaaraynayo diiday in ay u codeeyaan Wadamada Somalia iyo Qatar, Tv-ga dawlada Masar oo toos looga baahinayay khudbadaha ayaa jaray markuu khudbada bilaabay Safiirka Qadar u fadhiya Jaamacada carabta, Lakin waxa baahintii tooskii dib lasoo celiyay markuu Hadalka bilaabay masuulka Soomaaliya u hadlayay. Safiir Tawfiiq Axmad Cabdilahi oo Soomaaliya u hadalay ayaa aad u amaanay dawlada Turkiga ” Turkigu waa dawlad aan saaxiib nahay waxayna noo dhiseen kaabayaal badan oo uu ka mid yahay ciidanka qaranka Soomaaliya arinta Suuriyana xal siyaasadeed ayay ubaahantahay “ Gabogabadii qaraar shirka laga soo saaray ayaa lagu Cambaareeyay weerarka u Turkigu ku qaaday Kurdiyiinta Suuriya, qaraarkan ayaa lagu yidhi. ” Duulaanka Turkigu uu ku qaaday Suuriya waa mid cadawnimo ah oo lagu qaaday dal carbeed oo ay waajib tahay in laga jawaabo “ Source
-
(SLT-Hindiya)-Waxaa la filayaa in dib uu u soo laabto adeegii isgaadsiinta gaar ahaan taleefanada gacanta lagu qaato ee loo yaqaano Mobile-ka, sida ay shaacisay dowlada Hindiya kadib xayiraad in kabadan laba bilood saaran gobolka Kashmiir. Afhayeenka dowlada Rohit Kansal ayaa sheegaya in xukuumada Delhi ay qaadatay go’aankan kadib dib u eegis lagu sameeyay xaalada amni ee gobolka Himalayan. Dhamaan taleefanada gacanta iyo kuwa guryaha ayaa si caadi ah u shaqeyn doona maalinta Isniinta ah ayuu yidhi kadib shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Delhi. Hogaamiyaha xukuumada Islamabad ayaa sheegay in dhiggiisa Hindiya Narendra Modi uu khalad weyn galay markii uu xayiraada saaray gobolka Kashmiir ee dhanka Hindiya oo ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan dalkaas. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta calanka Soomaaliyeed ee October 12, ayaa caddeeyay in mas’uul walba oo Soomaaliyeed oo fursad u hela metelaadda qaranka, uu taariikhda dalka ku geli doono hadba sida uu uga qayb qaato ilaalinta qarannimada, madax bannaaninada, midnimada iyo xuduudaha Dalka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Calanka uu macna wayn u leeyahay umadda Soomaaliyeed, uuna u taaganyahay midnimada iyo xornimada ummadda, dhammaan danaha dadka Soomaaliyeedna ay ku jiraan dowladnimada, muhiimna ay tahay in mucaarad iyo muxaafidba dowladnimada la wada ilaaliyo, danta guud laga wada shaqeeyo oo la iska ilaaliyo in dowladnimada laga dhex raadiyo dan gaar ah. “Qof walba oo naga mid ah, meel walba oo uu dalka ka joogo ama ay ka joogto, mucaarad iyo muxaafad oo fursad u hesha in uu qarankiisa metelo ama ay qarankeeda metesho, waxaa uu taariikhda ku geli doonnaa sida uu u ilaalinno qarinnimada, madax bannaanida, hantida qaranka, Midnimadda, xuduudaha, badda, hawada iyo dhulka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Calankeenna Buluugga ah ee bartamaha ku leh xiddigta shanta gees leh, astaantana u ah qarannimmada umadda Soomaaliyeed, uuna allifay Allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan ayaa markii ugu horreysay dhulka Soomaaliyeed laga taagay October 12, 1954, waxaana sannad waliba October 12 dhammaan dadka Soomaaliyeed ay xusaan maalinta calanka oo kamid ah munaasabaha ku weyn quluubta ummadda Soomaaliyeed. View the full article
-
Ugaas Maxamed Weli oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan habraaca doorashada Jubbaland oo ay soo saartay dowladda Somalia. Isagoo la hadlayey Shabelle ayuu sheegay in dowladda ay ku garab istaagayaan doorashadaasi, si looga gudbo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Jubbaland. Sidoo kale Ugaas Maxamed Weli ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xafladii caleema saarka, Axmed Madoobe oo shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/weli.mp3 View the full article
-
Qarax Miino ayaa duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa lagula eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamada dowladda Kenya. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay 10 ka mid ah ciidanka Kenya, waxaana ku dhaawacmay tiro kale sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidankaasi ka mid ahaa. Ciidanka qaraxan lala eegtay ayaa ahaa kuwa sida gaarka u tababaran ee Koofi Casta, waxaana halka qaraxan lagula eegtay lagu magacaabaa Cabdi Sugeey. Taliyaha ciidamada Milatariga Kenya ayaa xaqiijiyey dhimashada askartaasi, balse waxa uu ka gaabsaday in faaah faahin dheeraad ah uu bixiyo. Dhanka kale, ururka Al-shabaab ayaa baraha ay Internetka ku leeyihiin waxay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lagu dilay askar Kenyaan ahaa oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay xadka kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya, xilli ay wadeen howlgallo amni xaqiijin ah. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in qaraxaasi lagu dilay illaa 10 askari, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale. Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa baahisay inay khasaaro lixaad leh ku gaarsiisay ciidamada dowladda Kenya. Muddooyinkii dambe dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad lagu xusayey maalinta Calanka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay Midnimada. Ugu horreyn Khayre ayaa ugu baaqay qof kasta oo Soomaali ah inuu U istaago ilaalinta Qaranka, Madaxbannaanida iyo Midnimadda. Sidoo kale wuxuu sheegay in Muxaafad iyo Mucaarad looga baahan yahay inay isku baheystaan ilaalinta xuduudaha, badda, hawada iyo dhulka Soomaaliyeed. ”Qof walba oo naga mid ah, mucaarad iyo muxaafid oo fursad u hela inuu qarankiisa metalana, waxaa uu taariikhda ku geli doonaa sida uu u ilaaliyo, qarinimada, madaxbannaanida, Midnimadda iyo ilaalinta xuduudaha, badda, hawada iyo dhulka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Khayre Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan uu taagan yahay muran salka ku haya Biyaha Soomaliya oo dowladda federaalka kala dhexeeya Kenya. Dacwada Badda oo muddo soo jiitameysa ayaa ka furan maxkamadda cadaalada dunida ee ICJ, iyadoo rajo wanaagsan laga muujinayo in ay ku guuleysan doonto Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa sheegay in aanay jirin wadahadal dambe oo u dhiman madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, kuwaasi oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka. Wuxuu tilmaamay in Madaxweynaha uu kursiga ugu fadhiyo oo kaliya sidii uu isaga horkeeni lahaa beelaha Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigaye. Xaaji Muuse ayaa tilmaamay in dalka haatan uu taagan yahay meel hoose oo u baahan in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto. “Waxaa aad loogu noq-noqday heshiis hadda ka bacdi ah, heshiis hadda ka bacdi oo ku dhiman Farmaajo ma jiro, Farmaajo Labadi lugood midna Puntland ayaa ka goosatay, midna Jubbaland, gacan midig ahna waxaa uga dheggan Galmudug, waxaa soo haray calool, Af iyo gacan bidix oo aan wax lagu cuni karin, halahaasna lalama shaqeyn karo, qof uu rabo ma jirto….qof la arkaba qabiilkeeda ayuu u adeegsadaa, iska horkeen kaliya ayaa kursigiisa yaalla, wuu is qariyaa, dadka inuu isaga ka dhex hadlaayo annaga waan ognahay, dadka iney moogyihiin ayuu u qabaa, dadkaan qaacis ayeey yaqaanaan” ayuu yiri Yalaxow. Ugu dambeyn, Muuse Suudi ayaa ku baaqay in wadatashi degdeg ah laga galo xaaladda dalka, si sare looga qaado halka uu haatan joogo. Hadalkan ayuu Senator Muuse Suudi Yalaxow wuxuu ka sheegay munaasabaddii shalay lagu caleema-saarayey madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdulllaahi Maxamed (Deni) ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in xorriyadiisa u soo celiso wasiirka amniga Jubbaland. Deni ayaa sheegay in wasiir Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) uu ka mid ahaa xubnihii u soo dagaalamay dhismaha Jubbaland iyo nabad gelyada deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in wax weliba lagu dhameeyo wadahadal. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/www-1.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-subax-13-10-2019-sax-ah.mp3 View the full article
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay munaasabadda lagu maamuusayey maalinta calanka Soomaaliyeed oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in cid walbo oo Soomaali ah waajib ka saaran yahay ilaalinta madaxbanaanida, qarannimadeenna iyo xuduudaheena. Kheyre ayaa sheegay in mucaarad iyo muxaafidba ay taariikhda ku geli doonaan sida ay u ilaaliyaan calankeenna, qarannimadeenna, una ilaaliyaan hantida qaranka. Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaraha in jiilka maanta nool looga baahan yahay iney naftooda u huraan calankooda, si ay usii gaarsiiyaan kuwa kale ee mustaqbalka ka dambeeya. “Qof walba oo Soomaaliyeed, qof walba oo inaga mid ah, meel walba uu dalka ka joogo, mucaarad iyo Muxaafid oo fursad u hela in qarankiisa matelo, waxaan taariikhda ku geli doonnaa sida aan u ilaalinno qarannimada, madaxbanaanida, sida aan u ilaalino hantida qaranka ugana fogaanno musuq-maasuqa, sida aan u ilaalinno xuduudaha badda, hawada iyo dhulka Soomaaliyeed, aan xajinno calankaas walaalaheenii naga horreeyey ay naf iyo maalba kusoo bixiyeen, dhiig usoo hureen, si annaga oo ah kuwa hadda nool aan ugu sii gudbinno kuwa naga dambeeya” ayuu yiri Kheyre. 12-October oo shalay ku beegneyd ayaa sanad walba loo dabaaldegaa maalinta calanka Soomaaliyeed, iyadoo la ogyahay dedaalladii iyo waqtigii lagu bixiyey in dhulkeenna ka babado calanka Buluugga ee Xidigta Shanta gees ah leh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iska diiday inay qeyb ka noqoto warsaxaafadeed ka dhan ahaa dalka Turkiga oo ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta. Bayaanka oo ahaa mid lagu cambaareynayey Turkiga, gaar ahaan howlgalka uu ka wado gudaha Syria ayey dowladda Soomaaliya iska diiday inay ka mid noqoto. Sidoo kale waxaa bayaankan ka horyimid dowladda Qatar oo iyana iska diiday inay ka mid noqoto Warsaxaafadeedka ka dhanka ahaa Turkiga. Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo mashaariic kala duwan ka fuliya magaalada Muqdisho Waxa kale madaxda iyo shacabka Turkiga lagu xasuustaa, sida ay sanadihii ugu dambeeyey u garab istaageen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa horay u gaartay go’aanno culus oo la xariira xiriirka arrimaha dibadda, sida midkii dhex dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka Carbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in tiro askartooda bilayska ah kamid ah ay naftooda ku waayeen ka dib qarax loogu qariyay meel u dhaw degaanka Damale, ee Gobolka Garisa. Weerarku wuxuu ka dhacay meel u dhaw xadka Soomaaliya. Qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in 10 askari oo bilays ah lagu dilay weerarkaas. Taliyaha ciidanka booliiska Kenya ayaa sheegay inay ka xun yihiin inay waayeen saraakiil ciidan iyo gaadiid. Dowladda Kenya ayaa ciidamo xoojin ah udirtay goobta ciidanka qaraxa lagula eegtay, si ay u raadiyaan kooxdii falka ka dambeysay. The post Kenya oo ka hadashay weerar askar looga laayay oo ka dhacay gobolka Gaarisa appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Soomaalida Kenya, Faarax Macallin ayaa si kulul u dhaliilay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, isaga oo sharci darro ku tilmaamay doorashadii uu kusoo baxay ee Kismaayo ka dhacday. Faarax Macallin ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu xaday doorashada Jubaland, balse looga fadhiyo halkii uu ku dhaqan gelin lahaa. “Waxaa jirta oraah Soomaaliyeed oo dhahaysa. Waad xadi kartaa durbaan, balse su’aasha waxay tahay halkee ayaad ku garaaci doontaa durbaanka, si aad uga raaxeysato cayaarta.” Ayuu yiri Faraax Macallin. “Axmed Madoobe waxa uu doorashada Jubaland u xaday sida durbaanka oo kale balse xaguu ku garaaci doonaa. Waxaa uu ku jiraa go’doon si la mid ah dhammaan daba-dhilifyada, dhulka ayaana kusoo yaraanaya maalin kasta. Xorey dadka Jubaland.” Hadalka Faarax Macallin ayaa imanaya xilli inta badan siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ee ku beesha ah Faarax iyo Axmed Madoobe ay la safteen madaxweynaha Axmed Madoobe. Siyaasiyiintaas ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo ka qeyb-galay caleemo-saarka Axmed Madoobe, isaga oo Kismaayo ku tegay diyaarad ka baxday Nairobi, islamarkaana jabiyey xayiraaddii duulimaad ay dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaano uu ka mid yahay ay wadaan mooshin ka dhan ah ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya. Iyadoo dhawaan la furay kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay xildhibaan Dalxa in fadhiyadooda ugu horeeya ay baarlamaanka hor geyn doonaan mooshinka ka dhanka ah ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Kheyr Cabdi oo safiirka kula kulmay xarunta Wasaaradda ayaa u dhiibay qoraal ay Soomaaliya kaga cabaneyso Xad-gudubkii diyaarad laga leeyahay Kenya ku xad-gudubtay hawada Soomaaliya 5-tii October, 2019, diyaaraddaas oo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo,iyadoo aan oggolaansho ka haysan Dowladda Soomaaliya. Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa shalay ka degay garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Aadan Barre Ducaale ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay xubno ka tirsan Baarlamaanka Kenya, kuwaasoo laga soo doorto Gobolka Waqooyi Bari ee NFD. Wafdigan ka socda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku yimid diyaarad yar oo nooca Focker ah, waxaana ay toos ugu yimaadeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya taaso mar kale noqoneyso inay Kenya jabisay Xayiraadii Dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo. Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa xumaa wayihii dambe, iyadoo khilaafka ugu weyn uu ka taaganyahay kiiska badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dacwadiisa ay Soomaaliya geysay madaxkadda ICJ, wallow ay shan sano kadib wali Kenya ku dadaaleyso in kiiskaas lagu xaliyo wadahadal. Sidoo kale ciidamada cirka Kenya ayaa duqeyn lagu beegsado shacab iyo xoolo Soomaaliyeed waxa ay si joogto ah uga gystaan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xisbiga Dimoqraadiga ee Minnesota, muslimiinta iyo ururo kale ayaa dhaleeceeyay madaxweyne Donald Trump, oo kahor yimid soo dhoweynta qaxooti badan oo Soomaali ah, waxayna ugu yeereen madaxda Jamhuuriga inay ku guuldaraysteen inay dhaleeceeyaan hadalada Trump ee gefka ah. Nihad Awad, oo ah madaxa fulinta ee Golaha Xiriirka Mareykanka iyo Islaamka, ayaa sheegay midabtakoorka Trump in uu yahay tusaalayaashii ugu dambeeyay ee dadaalkiisa ah in ummadda loogu qeybiyo faa iidadiisa siyaasadeed. Magaalada Minneapolis, oo ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan ee dalka Maraykanka ayuu madaxweyne Trump su’aal galiyay saameynta ay ku yeelan doonaan iskuulada, bulshada iyo canshuur bixiyeyaasha. “Waxaas oo dhan waxa ka sii murugsan in dhagaystayaasha cadaanka ahi ay soo dhoweeyeen cunsuriyadda iyo in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Jamhuuriga ay aamusaan ama xitaa ay taageeraan fowdada noocaas ah,” ayuu yidhi Cawad. Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey, ayaa Trump ugu yeeray “nin xumaaday wuxuuna bartiisa twitterka kusoo qoray in ogolaansho la siiyay soogalootiga laguna soo dhoweynayo Minneapolis. “Soogalootiga iyo qaxootiga waxay gacan ka gaysteen in gobolkeenu ka dhigaan meel cajiib ah oo lagu noolaado laguna shaqeeyo,” ayuu ku soo qoray boggaga Demuqraadiga, Sen. Amy Klobuchar, oo u tartamaya xilka madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Trump oo cambaarayn kala kulmay Cunsuriyaynta Somalida Minneapolis appeared first on Puntland Post.
