Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Burco(SL-T):Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Halkay Ka Taagan Yihiin Jabhada Korneyl Caare Source
  2. EDITORIAL Somalia Partnership Forum will take place in Mogadishu on 1 and 2 October at the time the Federal Government of Somalia has lost political capital it has accumulated since 2017. The Government has blockaded a Federal Member State, Jubaland, in protest of results of an election run by Jubaland Independent Electoral and Boundaries Commission. Earlier this year in Garowe, the adminstrative capital of Puntland State, where he was attending a summit for the Federal Government and Federal Member States, President Mohamed Abdullahi Mohamed rejected the proposal from member states to form a National Leadership Forum similar to the one his predecessor, President Hassan Sheikh Mohamud, created to facilitate dialogue between the Federal Government and Federal Member States to pave the way for Vision 2016 upon which 2017 presidential election was based. Former President Hassan Sh. Mohamud chairing National Leadership Forum The forthcoming Partnership Forum will have to grapple with diverging views of partners on how to resolve political differences between the Federal Government and Federal Member States of which lopsided reconstruction of the Somali National Army and plight of internally displaced peoples are the most pressing issues. It would help Somalia if International Partners focused more on challenging Somali political leaders to spend less on rhetoric and more on substance. If the Partnership Forum turns out to be a venue for presenting progress reports, it will no doubt become a talking shop. Send comments to: pp@puntlandpost.com © PUNTLAND POST The post Somalia Partnership Forum: A Talking Shop? appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegay in aysan Somaliland ka bixin heshiiskii saldhiga militari ee Berbera laga siiyay dowladda Imaaraadka Carabta. “Waa dhowaysto oo dhexdaas ahayd waxaanu is aragnay Qolada Abu-Dubai waa innagii Air-siinay (Air Base) ciimada ah. Si wacan bay u dhiseen wuu dhanyahay heshiiskii aynnu la galnay ee 25-ka ahaana waa sidii sii wax iskama beddelin” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland. Sidoo kale madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in garoonka diyaaradaha magaalada Berbera looga maarmi waayay in loo wada-isticmaalo shicib iyo militariba si markii ciidan loogu baahdana loo adeegsado markii duullimyaadyo rayid ah loo baahdana loogu isticmaalo. “Adduunkoo dhan ciidamada iyo shicibku way wada-isticmaalaan garoomada markaa lagama maarmaan ayey noqotay in garoonkii garoonkii loo isticmaalo Civil ahaan iyo diyaaradaha madaniga ah uu noqdo International airport islamarkaana markii ciidamadu u baahdaan isticmaalan” ayuu sii raaciyay madaxweyne Biixi. Dhinaca kale madaxweyne Biixi mar uu shalay oo booqasho ku tegay magaala-xeebeedda Berbera ayuu halkaasi ka shaaciyay in garoonka diyaaradaha Berbera uu noqon doono mid shicib islamarkaana laga wareejiyay saldigii militari ee Imaaraatka Carabta. Hoos ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Madaxweyne Biixi oo sheegay in aysan Somaliland ka bixin heshiiskii Imaaraadka saldhiga militari looga siiyay Berbera appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay heshiiskii saldhigga millatari uu Imaaraadka Carabtu ka dhisanayay magaalada Berbera. Madaxweyne Muuse Biixi oo shalay ku sugnaa magaalada Berbera ayaa sheegay in gabi ahaanba saldhiggii millatari loo bedelay madaar shacab balse maanta uu ku sugan yahay magaalada Burco ayaa waxa uu sheegay in madaarka Berbera oo labada shaqaba qaban doono millatari ahaan iyo shacab ahaanba, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Ciidamada qalabka sida ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaboojiyay xiisad colaadeed oo mar kale ka soo cusboonaatay degaanno hoos taga Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud. Ciidamadan oo isgu jira CXD qeybta 21-aad iyo NISA ayaa gaaray degaannada Oodaale iyo Xersi Lugeey, iyagoo kala dhex galay Labad Beelood ee ay halkaasi xurfufta ku dhex martay. Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa kulammo la qaatay Odayaasha iyo wax garadka kasoo kala jeeda degaannadaasi, waxaanay u sheegeen in aan la oggoleyn in ay halkaasi ka dhacdo dirir sokeeye Dhiig dambana uu ku daato macna darro. Odayaasha iyo waxgaradka degaannadaasi ayaa soo dhoweeyay Ciidamada qalabka sida iyo Saraakiisha hoggaamineysaba, waxanay u sheegeen in ay diyaar u yihiin in Dowladdu ay ka howl-gasho halkaasi, si xal loogu helo dilalka macna darrada ah, waxanay a dhinacooda ballan qaadeen in ay xoojinayaan nabad gelyada guud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Qoys Lamaane Isqaba Iyo Waalidkood Oo Mar Ka Wada Qalin Jebiyey Jaamacadda Magaalada Burco, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT- Tunisia)-Shacabka waddanka Tunisia ayaa maanta oo Axada ah codadkooda ka dhiibanaya doorashadi labaad oo xor ah oo abid dalkaasi ku yaalla Waqooyiga Africa ka dhacda. Doorashadan oo ah mid dimoqraadi ah, ayaa waxaa ku tartamaya ilaa iyo 26 musharrax oo laba kamida ahi yihiin dumar, waxana qofki ku guuleystaa uu baddali doonaa Beji Caid Essebsi oo geeriyooday bishii July ee aanu kasoo gudubnay. Doorashadan ayaa imanaysa sideed sannadood kaddib kacdoonkii Guga Carabta ee kasoo bilowday isla dalkaan Tunsia. Kacdoonkaas ayaa isbaddaladi uu ka sameeyay dalalka Carabta intooda badani noqdeen kuwo guuldarreystay, laakin Tunisia ayaa lagu tilmaamaa in kacdoonku uu u baddalay waddan xasilloon oo tusaale u ah dimoqraadiyadda. Tunisia ayaa waxaa gumeystay Faransiiska, inti u dhaxeysay 1881-ki ilaa ay xorriyadda qaateen bishi March ee sannadki 1956-ki. Madaxweynihi ugu horreyayna wuxuu ahaa hogaamiyihii hore ee dalkaasi Habib Bourguiba. Source
  8. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Khudbad ka jeediyay shirka Maal-gashiga Puntland ee maanta Garoowe ka furmay ayaa shaaciyay in xukuumaddiisu ay waddo qorshe lagu cirib-tiray kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee weli ku harsan buuraleyda Puntland si aysan caqabad ugu noqon maalgashiga Puntland. Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkadaha iyo maalgashadayaasha caalamiga ah aysan marmarsiinyo u noqon karin in ay maalgashiga Puntland uga baaqdan kooxaha yar ee Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuunta buuraleyda fog ee Puntland. Balse wuxuu sheegay haddiiba ay taasi noqonayso marmarsiinyo looga baaqdo maalgashiga Puntland in xukuumaddiisu ay hadda wixii ka dambeeya dhammaan degaannada Puntland ka sifayn doonto haraadiga Al-shabaab iyo Daacish. Hoos ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Deni oo sheegay in Al-shabaab iyo Daacish laga sifayn doono Puntland si aysan caqabad ugu noqon maalgashiga appeared first on Puntland Post.
  9. Berbera (Caasimada Online) ― Warka aanu ka helayno magaalada Berbera ayaa sheegaya in hal qof oo dumar ah ay ku geeriyootay magaaladaasi, kadib markii uu soo dhacay Taawarada laydhka ee shubka ka sameeysani. Taawarkan galaaftay nolosha Haweenaydan ayaa waxa uu ku hor yaalay gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Daaroole, ee magaalada Berbera. Haweenaydan geeriyootay ayaa waxay haysatay 7-caruur ah, kuwaasi oo dhamaantood wada jiifay banaanka guriga ay ka daganaayen magaalada Berbera, xiliga uu Taawarku ku soo dul-dhacayey. Magaalada Berbera ayaa waqtiyadan oo kale waxa saa’id looga dareema kulayl, midaasi oo sababtay in hooyada iyo 7-caruurta ahba ay jiiftan guriga ay daganaayen hortiisa, inkastoo oo Taawarka laydhku uu haleelay hooyada ciyaalka, halka Caruurta aanu waxba yeelin. Ilaa iyo hadda ma cada in Taawarka laydhku uu si caadi ah u soo dhacay ama in xadhka laydhka ee saarna uu gaadhi jidhay, taasina ay sababtay inuu Taawarku soo jabo, isla markaana uu ku dul dhaco haweenayada hooyada ah. Mana jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka iyo maamulka Gobolka oo ku aadan geerida naxdinta leh ee ku timid hooyada haysatay 7-da caruurta ah. Caasimada Online Xafiiska Berbera Caasimada@live.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Xinif ayaa sheegay in beesha degta gobolka Awdal ay saami dheeraad ah ku fadhiyaan golaha wakiillada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. GAROWE (HOL) - The second annual Puntland Investment Forum brining together entrepreneurs locally and abroad opened today in Puntland’s administrative capital Garowe. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Deni ayaa maanta waxaa uu ka furay magaalada Garowe shirka maalgeshiga Puntland. Shirkan oo socon doona muddo saddex maalin ah ayaa lagu soo bandhigay kheyraadka deegaannada Puntland iyo sida looga faa’ideysan karo. Shirkan oo aad loo agaasimay waxaa qeyb ka aha shirkado iyo ganacsato ajaanib ah oo ka kala socda dalalka Shiinaha, Carabta iyo dalal kale. Puntland waa dowlad goboleed qaan-gaaray, waxaa uuna horay heshiisyo ula galay dalal ay ku jirto Imaaraadka, sidoo kale waxaa uu xiriir ganacsi oo fiican kala dhaxeeyaa Itoobiya. Wararka Shirkan Kala Soco, Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Wasiirka wasaaradda arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay in sedaxda hay’adood oo kala ah, Wasaaradda,Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka, Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ay ka go’antahay dhameystiro dastuurka. Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo maanta muqdisho ku daah furay Banbax-howleedka ayaa yiri: “waxaa naga go’an hadaanu nahay seddexdan hay’ad in howlaha dastuurka aysan iska noqon arrimo iska furan oo ah mashruuc la iska quuto, waxaan dooneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan loo dhameystiro dastuurka”. Waxa uu wasiirka uu tilmaamay in kulankan furmaydiiradda lagu saari doonno sidii arrimaha Dastuurka iyo dhameystirkiisa. Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr , waxa uu sheegay in kulankan uu muhiim u yahay seddexda hay’ad maadaama waqtigii loo qabtay dhameeystirka dastuurka uu gebo-gebo marayo. Muumino Sheekh Cumar oo ah Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa dhankeeda sheegtay in ka guddi ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin ka qaybgalka kulankan, waxaa kale oo ay xustay in gudigga madaxbanaan uu shirka ku soo bandhigi doono waxqabadkiisa iyo waxa u qorsheysan. Dhanka kale Senator Cabdi Qaybdiid oo ah Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid looga hadlay sidii howlaha masiiriga ah ee dastuurka dhameystirkooda guul looga gaari lahaa. Waxaa xusid mudan,in uu banbax-howleedkan uu socondoono muddo seddex maalin ahm iyadoo looga doodi doonaa qorsho-howleedyada u degsan hay’adaha dib-u-egiista dastuurka, waxaana dhamaadka banbax-howleedka laga soo saari doonaa War-murtiyeed shacabka lala wadaagi doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi Oo War Cusub Oo Kale Ka Soo Saaray Saldhigii Millatari Ee Imaaraadka Carabtu Ka Dhisanayay Magaalada Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Balcad (SMN) – Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howlgallo balaaran ka sameeyey duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen agagaarka deegaanka Gololey oo shalay qarax lagula eegtay mas’uuliyiin ka tirsanaa HirShabelle. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay dad u badan u dhalinyaro, kuwaas oo baaritaano, kadib ay ciidamaduu sii daayeen. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa amni xumo aad u baahsan ay ka jirtay waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article
  16. Awdheegle (Caasimada Online) – Inta ugu badan shacabka ku nool degmada Awdheegle ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa ka soo horjeestay amarro ay dul-dhigeen dagaalamayaasha Al-Shabaab ee dhowaan laga saaray degmadaasi. Al-Shabaab ayaa dadka degaanka ku amray in ay ka baxaan degmada mar hadii ay gacantooda ka baxday, sidoo kalane aan waxba laga iibsan ciidamada dowladda ee qabsaday iyo in aan lala sameynin wax macaamil ah balse dadkii degaanka ayaa la sheegay in ay isku raaceen in amaradaasi oo dhan laga soo horjeesto. Qaar kamid ah masuuliyiinta milateriga Soomaaliya ee ku sugan degmada ayaa Caasimada Online u sheegay in degmada ay ku nool yihiin dad adag oo go’aan leh islamarkaana ay diideen in ay hogaasamaan amarada A-Shabaab oo degaanka iyo nolasha halis ku ah. “Shacabka waxay isku raaceen in aysan u hoggaansamin amarrada Al-Shabaab iyo cunaqabateentooda waana bulsho adag oo ay ka go’antahay dowladnimada iyo nabadgalyada” ayuu yiri sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku sugan Awdheegle. Caasimada Online ayaa ogaatay in dadka degaanka ay ka shaqo badan yihiin ciidanka degmada ku sugan islamarkaana ay sameeyeen is xilqaan amni oo gaar u ah inkastoo ay qabaan walaac amni oo ah markii ay dibadda ka aadaan degmada Awdheegle ee gobalka Shabeellada Hoose. Al-Shabaab ayaa hore amarro dhaqan galay u dul-dhigay dhamaan shacabka ku nool goobaha ay la wareegeen ciidamada Soomaaliya, waxaana kii ugu dambeeyay uu ka dhaqan galay degaanka Bariire ee u dhaw degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuridda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajao) ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareen ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Qaban qaabo iyo soo dhoweyn loogu jiro wafdiga Madaxweynaha ayaa haatan laga dareemaya gudaha magaaladaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo waddooyinka degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Madaxweyne Farmaajo ayaa soo xiri doono shirka arrimaha dib u heshiisiinta Galmudug oo lagu wado in la soo gabagabeeyo maalinta beri ah. Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha dib u heshiisiinta, ka hor doorashada Galmudug ee la filayo in dhowaan ay ka dhacdo halkaasi View the full article
  18. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo khudbad ka jeediyay shirka Maalgashiga Puntland ee maanta Garoowe ka furmay ayaa sheegay in Puntland ay ka jirto xasilooni iyo nabad sahlaysa horumarinta ganacsiga iyo maalgashida si loo hiigsado koboc dhaqaale. “Waa arrin bogaadin iyo amaanba mudan in Hoggaanka Dowladda Puntland garowsado xilligan in ay haboon tahay in la yagleelo himilada la xiriirta horumarinta ganacsiga si loo hiigsado koboc dhaqaale oo waara. Waxaa sidoo kale xusid mudan in hada Dowladdu diyaar u tahay xoojinta maalgashiga gudaha iyo dibeddaba maadaama ay wax ka qabatay waxyaabaha soo jiidan kara maalgashiga, sida xasiloonada ay Puntland ku naaloonaysey mudo ka badan 21 sano iyo abuurida jawi sahli kara horumarinta ganacsiga si loo tiigsado kobcinta dhaqaalaha” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland. Hoos ka daawo khudbadda madaxweyne ku xigeenka PUNTLAND POST The post Axmed Karaash: Puntland waxaa ka jirta xasilooni iyo nabad sahlaysa horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dil maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowlada loogu geystay isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho. Ragga ku hubeysnaa Bistoolado ayaa toogtay askarigaasi oo la sheegay inuu xirnaa dharka tuutaha Milatariga Soomaaliya. Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in dalbleydii ka dambeysay dilkaasi ay goobta isaga baxsatay. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo meydka ka qaaday goobta, kadibna baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan Dilkaasi. Muddooyinkii dambe ammaanka Muqdisho ayaa ahaa mid dagan, iyadoona ay howlgallo ka wadeen ciidamada Booliska Soomaliyeed. View the full article