-
Content Count
215,417 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online ) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo siyaasiga Kamaal Daahir Xasan (Guutaale) oo ka mid ah Musharraxiinta sanadkan u taagan hoggaanka Galmudug ayaa si weyn uga horyimid guddiga farsamada maamulkaasi oo ay dhowaan magacowday wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Labada Musharrax oo si wadajir u soo saaray war qoraal ah ayaa sheegay in hanaanka loo maray guddigaasi uu hareer marsanyahay Dastuurka Galmudug iyo shuruucda dalka. Sidoo kale waxa ay sheegeen in xubnaha kala bar ay ka tirsan yihiin shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Odowaa iyo Guutaale ayaa sidoo kalee qoraalkooda ku sheegay in xubnaha qaar ay la shaqeynayeen Musharrax Qoor Qoor oo la sheego inay wadato xukuumadda Soomaaliya. Ugu dambeyn waxa ay warkan ku sheegeen in dhismaha guddigan aan laga talogelin Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca, ayna kala dhalan karto xasilooni darro siyaasadeed. Halkan hoose ka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta dambi ku weyday eedeesanayaal loo haystay inay geysteen falal kufsi ah oo ka dhacay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Eedeysanayaasha oo la horkeenay maxkamada ayaa dhammaantood laga dhaariyay dambiyada loo haystay oo ahaa kufsi. Kadibna guddoomiyaha maxkamadda Sheikh Cabdinuur Jaamac Xuseen, ayaa sheegay mar haddii maxkamadu aysan haynin wax caddeymo ah in raggaasi beri ka yihiin dambiyadooda. Maxkamadu waxay dhaarta ku jiiday shan qof oo afar kamid ah ay ku eedeysnaayeen kufsi wadareed. Halka mid kalena uu kaligiis ku ahaa kiis kufsi ah. Qareenada dacweynayay raggaasi ayaa racfaanka ka qaatay go’aanka maxkamaddu gaartay. Dhawaan, waxaa la filayaa in maxkamada la horkeeno eedeesanayaal loo haysto kufsi iyo dil 12kii bishii Abril ee sanadkaan Garowe loogu geystay haweenay xaas ahayd oo gurigeeda loogu dhacay. Puntland Post The post Maxkamada gobolka Nugaal oo dambi ku weyday rag kufsi ku eedeeysnaa appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdigii uu horkacayey hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow toos uga dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Aadan Barre Ducaale oo ah Soomaali Kenyaan iyo wafdigiisa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Wafdiga ka socda dowladda Kenya ayaa ka qeyb galaya xafladda caleema saarka, Axmed Madoobe oo saacadaha soo socda qabsoomi doonta. Wararka ayaa sheegaya in diyaarad yar oo nooca Focker ah oo toos uga soo qaatay wafdigan garoonka Jomo Kenyatta ay ku tageen halkaasi. Waa markii labaad oo ay dowladda Kenya jabineyso xayiraada ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saartay hawada Kismaayo. Sidoo kale dowladda dhexe ayaa horay ugu dacweysay Kenya hay’adda hawada Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay ka dagtay Kismaayo. Soomaaliya iyo Kenya oo markii hore isku hayey arrinta Badda, ayaa waxaa hadda xiisada sare u sii qaaday caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay horay dowladdu u qaadacday doorashadiisii. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Maanta oo kale, sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka Soomaaliyeed, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 65-sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay Calanka Soomaaliyeed, Calankeeda waxaa uu leeyahay Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba lagu faani karo. Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilaabato xilligii ay Soomaaliya ku jirtay Maxmiyadda lixdankii ka hor, ee waxaa jiray isku dayyo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga. Sida uu ii sheegay halgamaaga Soomaaliyeed Cali Xasan Maslax Berdura oo ka tirsanaa 13-kii ee aasaastay SYL, habeenkii la dhisayey SYl waxaa lagu heshiiyay dastuur cusub iyo qodobo badan oo aan laga gudbi karin iyo calanka. Calankii Habeenkaas, waxaa laga dhigay calan leh bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta farood oo midnimo iyo wada jir ah. Lakin Markii Talyaaniga uu la wareegay maamulka Soomaaliya 1950-kii, gumeytaha Ingiriiska waxaa uu ku dhaqaaqay talaabooyin waalli ah, ingiriis-ka waxaa uu qaatay waqooyiga Soomaaliya, NFD waxaa uu siiiyay gumeystaha Kenya, Xeebta ama Djabuti waxaa xoogay Faransiiska, Ingiriiska sidoo kale Itoobiya waxaa uu siiyay Somali Galbeed, waxaa arin culus noqotay in dhulkaas iyo dadka degan la isku keeno. SYL, markii ay aragtay in Somaliweyn faraha ka sii baxeyso, Waxaa ay ku fakirtay in la sameeyo Calan qiimo badan oo Soomaaliweyn ka tarjumaya, waliba ka hor inta aan xuriyadda la gaarin 1960-ka. Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii Calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, laakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada. Maxamad Cawaale Liibaan, Calanka waxaa uu ku sameeyay wax ka yar 24 saac, laakin waxaa uu noqday calan umadda Soomaaliyeed ka tarjuma, isagoo soo bandgigay Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay. Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga hardhan tahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954. Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran. Dhinaca kale, Heesta Calanka, waxaa ay leedahay taariikh gaar ah, heestan, waxaa miraheeda lahaa (AUN) Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad, Waxaa laxanka lahaa (AUN) C/laahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe). Abwaanka Alifay heesta ayaa ka sheekeeyay in heestaas ay ku jirtay riwaayaddii ay isku barteen Xuseen Aw Faarax iyo Abwaan Qarhse oo Waqooyi ka yimd iyo Fanaaniintii reer Muqdishu. Heesta waxaa ay ku jirtay riwaayad lagu eegayey fanka labada abwaan, Xuseen Aw Faarax waxaa uu sheegay in riwaayadda marka ay dhaxda mareyso oo ay qaadeen heesha calanka in isaga iyo qarhse la siiyay Diploma lagu abaalmarinayo labaadsi abwaan, Diploomadaasi lama bixin ka hor xiligaas ama kadiba, Waxaa ay sidoo kale isla riwaayaddaas ka dhigeen Djabuti iyo Cadan. Xilliga riwaayaddaas Muqdishu lagu dhigay waxaa ay aheyd 1956-dii, labo sano ayuu jiray calanka Soomaaliya, hees sidan u qiimo badan cid u qaatay ma jirin xiligaas ka hor. Miraha Heesta Waxaa ka mid ahaa: Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee Cishadad dhalataad calooshayadii sidii culaygii cidaad marisee Allow ha ku celin cawoy dhaha. Ugu dambeyntii, June 5, 2001 ayuu Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada. Soomaalida Maanta: Waxaan hubaa in Soomaali badan dhiiga iyo damiirkoodu u dhaqaaqay maqalka heesta, Lakin marka aan runta isu sheegno, heesta calanka maanta ma laha dhadhankii hore, dalka waxaa loo kala qeybiyay gobolo, qabiilo, dowlad goboleedyo, ma jirto labo isku fikrad ah, ma jirto labo ka sheekeysta Somaliweyn, Midnimo iyo Mustaqbalka dalka, dadka iyo diinta! Sida uu ii sheegay Jen. Jaamac Maxmed Qaalib, dadkii hore waxaa ay ku faani jireen Calanka, Ciidanka qaranka iyo Soomaalinimada halka maanta lagu faano Maamulka goboleedyada, taageerada iyo lacagaha loo uruuriyo maamul goboleedka ayaa ka xamaadsad badan taageerada Qaranka. Maanta Soomaaliya waxaad ku arkeysaa callamo badan, gobol walba waxaa uu leeyahay calan u gaar ah iyo heesta calankaas, gobol walba waxaa uu leeyahay Dastuur iyo calan ka duwan midka qaranka, Madaxweynayaal tiro badan, waxaa meesha ka baxay micnihii weynaa heesha calanka iyo qaranimada Soomaaliyeed. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Wafdigii Dowlada Kenya ay usoo dirtay Ka qaybgalka Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa iminka waxay kasoo degeen Kismaayo. Wafdiga waxaa hogaaminaya Gudoomiyaha Xisbiyada Aqlabiyada [...] Source
-
Aden Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda xisbiga talada haya ee Jubilee iyo xildhibaanno kale oo dalka Kenaya ah ayaa goordhow soo saaray magaalada Kismaayo, xarunta KMG ah ee Jubbaland. Wafdigan waxaa garoon Sayidka ku soo dhoweeyey madaxweynaha la doortay ee Jubbaland mudane Axmed Madoobe. Galabta ayaa lagu wadaa in magaladaasi lagu qabto xafladda caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Jubbaland, waxaana jooga madax ka socota dowladda federaalka ah, maamul goboleedyada iyo xisbiyada. Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa aad loo adkeeyey, waxaana munaasabadan ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Axmed, madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaanno Labada aqal, hoggaamiyeyaasha xisbiyo siyaasadeed iyo mas’uuliyiin kale. Source: goobjoog.com
-
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaan u dhaxeeya magaalada Jowhar iyo sidoo kale deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabellaha Dhexe. Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay iney duulaan ku ahaayeen deegaanno ay ku sugnaayeen Al-shabaab, hase ahaatee waxaa la tilmaamay in jidka u galeen dagaalyahanno Al-shabaab ah. Weerarkan waxaa ku dhintay saraakiil ciidanka xoogga dalka ah oo uu ka mid ahaa Dhame Xaaji Cabdi Xaaji Xasan Cali, waxaana jira dhaawac ku dhow Shan. Dhanka Al-shabaab lama oga khasaaraha soo gaaray, hase ahaatee dagaalka halkaasi ka dhacay ayaa ahaa mid xooggan sidey inoo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan Jowhar. Al-shabaab ayaa kordhiyey weerarada ka dhanka ah ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ku sugan gobollada Shabeelooyinka. Warkaan wixii kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil geystay khasaare xoogan oo saacadihii la soo dhaafay e ka dhacay duleedka magaalada Berbera ee Somaliland. Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari weyn oo siday qaad iyo gaari rakaab ah oo ay la socdeen dad shacab ah.. Ugu yaraan illaa 10 qof ayaa ku dhintay shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 14 kale, sida ay xaqiijiyeen mas’uliiyiin ka tirsan maamulka Somaliland. Dadka ku dhintay shilkan ayaa afar ka mid ah waxa ay ahaaayeen dumar, halka lixda kale ay yihiin Rag. Waa shilkii ugu khasaaraha badan ee sanadkan 2019-ka gudihiisa ka dhaca deegaanada Somaliland. View the full article
-
Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa ka soconaya qabanqaabada munaasabadda caleema-saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe, oo maanta lagu wado iney ka dhacdo magaaladaasi. Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa aad loo adkeeyey, waxaana munaasabadan ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Axmed, madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaanno Labada aqal, hoggaamiyeyaasha xisbiyo siyaasadeed iyo mas’uuliyiin kale. Waxaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo aaddan ay munaasabadaasi soo gaaraan siyaasiyiin kale oo qeyb ka noqon doona Caleema-saarka madaxweyne Axmed Madoobe. Laanta fulinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa diiddan doorashadii uu kusoo baxay Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo xayiraad badan ay kusoo rogtay magaalada Kismaayo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wafdigan oo uu horkacayo hoggaamiyaha aqlabadiyada baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow ka soo duulay garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi. Wafdiga ka socda dowladda Kenya oo ku wajahan Kismaayo ayaa ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka, Axmed Madoobe. Lama oga in ay soo mari doonaan Muqdisho iyo in kale, maadaama xalay dowladda Soomaaliya ay mamuucday duulimaadyada tooska ah ee Kenya iyo Jubbaland. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay ugu dacweysay Kenya hay’adda maamulka hawada Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo K/Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay jabisay xayiraadii xukuumadda Muqdisho ay saartay garoonka magaalada Kismaayo. Arrintaasi ayaa sare u qaaday xiisada labada dal, iyadoona dowladda Soomaaliya ay u yeertay safiirka xukuumadda Nairobi u jooga magaalada Muqdisho. Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe oo taageerada ugu badan ka hela Kenya ayaa dhaceysa maanta, iyadoona qaban qaabadii ugu dambeysay ay ka socoto Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Maamulka Duulista Hawada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray amar cusub oo ku wajahan duulimaadyada aadaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Waxbixinta waxaa ku xusan oo kale in duulimaad kasta oo ka imaanaya meel ka mid ah Kenya, una socda Kismaayo ay qasab tahay iney soo maraan Muqdisho. Waxaa qoraalka lagu adkeeyey duulimaadyada gudaha iyo dibadda ah ee ku socda Kismaayo, taas oo hey’adda ku sababeysay iney marsiin-doonto baaritaan. Waxaa xusid mudan in horay isu burisay hey’adaasi, oo mar sheegtay in laga qaaday, hadana tiri ma jirin xayiraad la saaray Kismaayo. 23-kii bishii hore ayey ahayd markii shirkadaha duulimaadyada lagu wargeliyey in muddo Saddex cisho ah aanay wax duulimaad ah ka sameyn karin magaalada Kismaayo, kadib warqad ay ka heleen hay’adda duulista hawada dalka. Hey’adda duulista hawada maareeyaheeda ayaa si cad ugu sheegay warbaahinta in aanu jirin wax xayiraad ah oo uu maamulkooda saaray duulimaadyada taga ama ka baxa magaalada Kismaayo. Dhankeeda, war saxaafadeed ka soo baxay wasaarada Gaadiidka ayaa lagu fasaxay duulimaadyadii diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo Kismaayo. Wasiir ku xigeenka warfaafinta xukuumada Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in dowlada ay fasaxfay howlihii duulimaadka kadib codsi ugu yimid Shacabka Kismaayo. Arrimahaas kala hadalka waxaa ay keeneen in la ogaaday jaha-wareerka ka jira hey’adaha kala duwan ee dowladda oo kala socda, kana muuqato cabsi iyo kalsooni-darro. Amarkan cusub, lama oga sida uu u dhaqan geli-doono, laakin waa talaabo kale oo dhibaato ku ah bulshada ku dhaqan Kismaayo. Goobjoog News ayaa ogaaday in ay kor u kaceen qiimaha lagu raaco diyaaradaha ilaa $200 halka ay dhibaato la kulmeen ganacsatada, bukaanka iyo cid walbo oo safar ah. Qiimaha Tikit-ka Kismaayo iyo Dhoobley oo horay u ahaa $70 ayaa noqday $ 250. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Qaban qaabadii ugu dambeysay ee munaasabadda caleema saarka, Axmed Madoobe ayaa saaka ka socota magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, taas oo la filayo inay dhacdo saacadaha soo socda ee maanta. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo xoojiyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah lagu soo daadiyey waddooyinka magaaladaasi. Xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland oo labo jeer dib u dhacday ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdisharkuur, Madaxweynayaashii hore ee maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Shariif Xasan, iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, Senatoro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa munaasabadda ka qeyb galaya wafdi ka socda Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Somaliland, sida uu shaaciyey wasiirka warfaafinta Jubbaland. Dowladda Soomaaliya oo si weyn uga soo horjeeda doorashadii dib loogu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xalay ku dhawaaqday in markale ay xayiraad ku soo rogtay diyaaradaha tooska ah ee ka dagaya garoonka diyaarada magaalada Kismaayo. Tallaabadan ayaa uga sii dareysa khilaafka labada dhinac, iyadoona inta badan xubnaha mucaaradka ay arrintan si weyn ugu dhaleeceeyeen madaxda sare ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Xukuumada Federaalku waxay marakan manuucdey Diyaaradaha Kenya ka imaanaya sababtoo ah Waxay Villa Soomaaliya maqashay in Wafdi xoogan ay kasoo socdaan Kenya si ay uga [...] Source
-
Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in saaka si weyn loo adkeeyey amniga guud ee magaaladaasi. Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa la soo dhoobay waddooyinka muhiimka ah ee Kismaayo. Sidoo kale ciidamada ayaa hakad galiyey dhaq dhaqaaqa shacabka ku dhaqan magaaladaasi, si loo xaqiijiyo nabad geylyada. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda xafladda caleema saarka, Axmed Madoobe ay ka dhacdo halkaasi. View the full article
-
Hanti-Dhowraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamud Cali oo ka qeyblaya shirka INCOSAI-2019 ee ka dhacaya dalka Ruushka ayaa warbixin kooban oo uu bixiyey ku sheegay in Soomaaliya ay sannadkan 2019 qaadatey habraaca baarista casriga ah oo ay Hanti-Dhowrada Adduunku ku dhaqmaan. Wuxuu kaloo Hant-Dhowruhu sheegay in XHGQ kala shaqeeyey Wasaaradda Maaliyadda qaadashada & ku dhaqanka habraaca warbixin Maaliyadeedka loo yaqaan (IPSAS Cash Based). Waa guul usoo hoyatey Soomaaliya oo la doonayo in horey loo sii dhaqaajiyo ayuu yiri Hanti-Dhowraha Qaranka Soomaaliya. Qar ka mid ah Dowladaha ka qeyb galaya shirkaasi ayaa soo dhaweeyay horumarka ay soomaaliya ka sameysay dhinaca Baarista iyo la dagaalanka Musuq maasuqa, Hanti-Dhowraha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatey dhiggiisa waddamada Turkey, Finland, UAE, KSA, & hay’adaha AFROSAI-E & ARABOSAI oo ay Soomaaliya xubin nimadeeda dib usoo ceshatey, isagoo kala hadley sidii loo xoojin lahaa iskaashiga & taagerada xirfadda farsamo oo ay wadaaga kula yihiin Soomaaliya. View the full article
-
Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa $50 Milyan oo sare loogu qaadayo waxbarashada dadka aan fursadaha waxbarasho nasiibka u yeelan. Agaasimaha xaafiiska warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa bartiisa Facebook-ga kusoo qoray in lacagtaas ay dowladda Mareykanka ay ku taageertay Barnaamijka Bar ama Baro oo ay hindistay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. “Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Barnaamijka Waxbarashada ee BAR ama BARO ay ku taageereyso lacag gaareysa $50 Milyan” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur. Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur ayaa qoraalkiisa ku soo gaba-gabeeyay “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba waxay abaal uga hayaan dalalka saabiixada ah taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan dhismaha iyo xoojinta hay’adaha dowladda”. View the full article
-
Afar ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Maamulka HirShabelle ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay lagu dilay duleedka M/ Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Saraakiishan ayaa waxaa lagu dilay weerar gaadma oo ka dhacay tuulada Mandheere oo 8km u jirta magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha oo shaqadooda ku guda jira ay si lama fillaan aheyd u soo weerareen dagaalyahannada Al-Shabaab, halkaasina ay ku dileen, Saraakiishan la dilay ayaa waxaa ka mid ah ky xigeenkii taliyaha ilaalada Madaxweynaha HirShabelle, oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan Dhiilow iyo saddex sarkaal oo kale oo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada maamulkaasi. Taliyaha Booliska HirShabelle, Xasan Dhicisow oo la socday ciidanka la weeraray ayaa la soo sheegaya in uu ka mid yahay raggii ka badbaaday weerarka uuna dib ugu laabtay magalada Jowhar. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahannada Al- Shabaab ay dib uga bexeen tuuladaasi oo markii dambe ay gaareen ciidan xoogan oo ka tirsan Hirshabelle. Al Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey culeys soo saaray gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii weeraro khasaaro badan geystay ay dhowaan ka fuliyeen halkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-12102019-ww.mp3 View the full article
