-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Laascaanood)Nin hubaysan ayaa caawa Askari ka tirsan ciidamada Asluubta ku dilay badhtamaha magaalada Laascaanood halka uu nin kale oo shacab ahna ku dhaawacay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka wax dilayna ka tirsan yahay ciidamada Asluubta. Wali macadda sababta Dilka dhalisay iyo in la qabtay gacan ku dhiiglihii. Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ayay marar badan ka dhacaan Dilal toogasho ah, in kasta oo mudooyinkii danbe xaaladda Ammaanku ka soo raynaysay. Source
-
New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay ugu dambeyn joojiso qorshihii Imaaraadka Carabta uu saldhig militari uga sameysan lahaa magaalada Berbera, kadib cadaadis xooggan oo caalami ah, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa shalay si lama filaan ah u shaaciyey in garoonka la qorsheynayey in laga dhiso Berbera, si ay u adeegsadaan diyaaradaha militariga Imaaraadka Carabta loo beddelay mid shacab. Muuse Biixi ayaa hadalkaas dib uga gurtay maanta isaga oo sheegay in garoonka ay wadaagi doonaan diyaaradaha militariga iyo shacabka, hase yeeshee Caasimada Online ayaa og in Muuse Biixi isku dayayo inuu dib u saxo hadal uusan ugu talo-gelin oo ka dusay. Xog gaar ah oo aan helnay ayaa sheegeysa in cadaadis socday muddo oo safiirka Soomaaliya ee QM Abuu Daahir Cusmaan Abuukar Baalle uu saaray Imaaraadka Carabta uu gu dambeyn miro-dhalay, kuna qasbay Imaaraadkaa inay isaga baxaan Berbera. Abuukar Baalle ayaa dacwado xiriir oo joogto ah oo ka dhan ah Imaaraadka u gudbiyey golaha ammaanka ee QM, isaga oo ku eedeeyey inay ku xadgudbeyso madax-banaannida Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dacwadii ugu dambeysay ayaa danjiraha wuxuu gudbiyey 4-tii bishan, waxaana Imaaraadka Carabta uu gu dambeyn go’aansaday 8-dii bishan in la joojiyo dhismihii saldhigga, ayada oo lagu amray dhammaan shaqaalihii iyo mas’uuliyiintii inay halkaas isaga baxaan kuna laabtaan Dubai. Qaar ka mid ah dalalka waa weyn ee caalamka ayaa la rumeysan yahay inay cadaadiyeen Imaaraadka, oo rajo ka qaba inuu xubin aan joogto ahayn ka noqdo golaha ammaanka sanadda 2021, ayada oo looga digay in xadgudubyada joogtada ah ay taas ka hor-istaagi karaan. Go’aanka Imaaraadka Carabta uu kaga noqday qorshihiisa saldhigga Berbera ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay is-beddealka ku yimid siyaasaddii Imaaraadka Carabta ee dagaalka Yemen, ayada oo Abu Dhabi ay bilihii dhowaa si tartiib ah uga baxaysay Yemen. Saldhigga Berbera ayaa ujeedadiisa waxaa qeyb ka ah in loo adeegsado in laga weeraro Yemen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Shalay Xayaysiisku Wuxu Ahaa Galmo Oo Dhan Iyadoo Kufsi Lagu Soo Gabbanayo; Maantana In Qofku Nafta Iska Jaro; Waa Sidaa Arrinku Marka Dhaqanka NGO Gu Kula Fogaado; Mashruucaysi Baa La Yidhaa; Waar Ilaahay Baa Risiqa Bixiyee Ha Iska Soo Xambaaranina Dhaqanada Iimaan-Laawayaasha Ku Badan!!! Waxa Xigi In La Sameeyo Xogo Iyo Tirakoobyo Bug Ah, Dabadeedna La Yidhaa Oo Miyaa Ogtihiin Intuu Marayo Is-Dilku Ama Dadka Qudha Iska Jaraa Sanadkii; Maydinkaa Waxbaba Og; Dabadeedna Inta Xaflad Lagu Soo Casuumo Mid Wasiir Ah Ay Kaga Yeedhsiiyaan Sida Babqaaga Arinkaas Oo Uu Halkaa Ku Qiro; Mar Haddii Policy Makers Ku Qiraan Mashkiladdaas, Iyaga Way U Gashay, Maxaa Yeelay Macnaheeda Ayay Garanayaan; Markaasuu U Dararayaa Oo Uu U Qarxayaa Mashruucu!!!! Dhinaca Kale, Ma Dafirayo In Waligeedba Ay Dhici Jirtay Carrigeena Iyo Meel Kasta Oo Bani’aadam Ku Noolyahay Qof Is Dila Iyo Qof Wax Kufsada, Laakiin Waa Wax Kooban Dhulkeena, Mashruucna Ma Noqon Karto; Hadalhaynta Xumaanta Ayaaba Dhiirigalin Ah Iyo Xayaysiis Ah; May La Socotaa!!! Cabdo; Maamul Wanaagga Iyo Ku Dhaqanka Sharciga W/Q: Prof-Abdi Ali Jama Source
-
Sidaynu la soconay jamhuuriyada Somaliland waxay heshiis caalamiya la gashay dalka imaraatka carabta. heshiisyadaasi waxaa la mariyay oo si buuxda u ansixiyay golayaasha qaranka. Hadaba su’aalaha la iswaydinayaa waxay tahay, maxaa sababay heshiis ay ansixiyeen golayaasha qaranka in si fudud loo burburiyo, iyadoo arintani ay tahay heshiis caalamiya. Waxaynu ogsoonahay Madaxweyne Muuse inuu tagay dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, halkasoo si diiran loogu soo dhaweeyay, inkastoo meqaamka lagu soo dhaweeyay uu u ekaa oday muddo dalkiisa jabuuti ka maqnaa. Dulucda qoraalkaygan wuxuu yahay waxaynu ogsoonayn Dalka Imaraatka Carabta iyo Dalka Jabuuti inuu xidhiidhkoodii xumaaday, sababaha keenayna uu ahaa markay ogaatay Jabuuti inuu Imaraatka maal galin ku samaynayo Jamhuuriyada Somaliland. Jabuuti waxay si wayn uga cadhootay maal galintaas, waxayna qaaday talabooyin waawayn oo ay doonaysay inay ku burbursio heshiis yada ay wada galeen Jamhuuriyada Somaliland iyo Imaraatka Carabta. Madaxweyne Muuse intii uu talada dalka la wareegay wuxuu qaaday talabooyin uu ku baabi’inayay heshiisyadii ay gashay xukuumadii isaga ka horeysay ee uu Hogaaminayay Axmed Silanyo, Madaxweyne Muuse waxaa si wayn u bogaadiyay dawlada Somalia, tasoo sheegtay inuu qaaday Madaxweyne Muuse talaabooyin lagu bad baadinyay dalka Somalia, oo ay ula jedaan kanoqoshada uu ka noqday heshiiskii ay wada galeen Jamhuuriyada Somaliland iyo Imaraatka Carabta ee ku aadana saldhiga meleteri ee Imaraatka laga siyaayay Gobolka Saaxil casimadiisa Berbera, Heshiis golayaal qaran ay ansixiyeen in si fudud looga baxaa waxay lafjab ku tahay qaranimada jamhuuriyada Somaliland, Madaxweyne Muuse labadii socdaal ee ugu danbeeyay qarankan wuxuu usoo qaaday guul darooyin dalkan iyo dadkan qaran jab ku ah, kuwasoo kala ah la kulankii uu la kulmay wasiirka arimada dibada Somalia, wasiirkasoo ahaa kii dalka GINI xidhiidhka u jaray markuu arkay meqaanka ay siyeen Dalkaasi Jamhuuriyada Somaliland iyo Dalka Jabuuti oo Madaxweyne Muuse ay ka saxiixeen qodobo aan la garanayn. Guntii iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan waxaan madaxweyne muuse ku boorinayaa oo aan leeyahay dalkan hadaad usoo halgantay ilaahayna kugu simay talada dalka sharaftiisa iyo karaamadiisa dhawr, heshiisyadii ay gashay xukuumadii ka horeysayna xaqdhawr. awaadan5@gmail.com Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar____-Qumanaha-___-Wararka-15092019.mp3 View the full article
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Deegaan lagu magacaabo Garas Deelle oo qiyaastii 3-KM u jira magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa galabta lagu weeraray ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Weerarka oo ku bilaawday miino dhulka lagu aasay oo haleeshay mid kamid ah gaadiidka gaashaaman ee AMISOM, ayaa waxaa xigay weerar fool ka fool ah, oo gaystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen gadiid dagaal oo ay wateen ciidamada AMISOM oo gubanaya, waxaana la sheegay in goobtii lagu dagaalamay oo aad ugu dhaw degmada Balcad ay gacan ku heynteeda ku hareen kooxdii weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab. Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas oo ka dhacay waddada xariirisa Muqdisho iyo Balcad, gaar ahaan meel aad ugu dhaw Balcad oo Al-Shabaab aysan horay aysan ugu dhiira jirin in ay weerarro ka geysa jirin, waxeyna wararku sheegayaan in khasaare badan uu dagaalkaas kasoo gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab. Geelle Isxaaq Cismaan oo ah wasiir ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Al-Shabaab ay jab xoog leh kala kulmeen weerarka ay galabta ku qaadeen AMISOM, wali wax war ah oo ku aadan dagaalkaas kama soo bixin dhinacyada AMISOM iyo Al-Shabaab. Weerarkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay meel 10-KM u jirta degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ay Al-Shabaab ku laayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle, oo ka baxay degmada Balcad kuna wajahnaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in duleedka deegaanka Gololay oo hoos taga degmada Balcad ay isla shalay ku dileen ilaa 14 askari kuna dhaawaceen 8 kale oo ka tirsanaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi. Gabi ahaanba waxaa maanta la hakiyay isticmaalka wadada xariirisa Muqdisho iyo Balcad waxaana la sheegay in howlgallo miino baaris ah maanta galinkii dambe ay ka bilaabeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Waddada xariirisa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka iyo magaalada Jowhar ee sii marta degmada Balcad ee gobbolka Shabeellada Dhexe ayaa noqotay mid ka mid ah wadooyinka ugu halista badan dalka, waxaana saacadihii u dambeeyay ka dhacay weerarro sil-silada ah. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Tubta Qaran ee gaarsiinta caafimaad dhameystiran,kaas oo mawaadin kasta oo Soomaaliyeed u ogolaanaya in uu helo daryeel caafimaad oo heer caalami ah. Wasiirka Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada DFS, Fowsiya Abiikar Nuur, oo wasaaraddeedu ay diyaarsay Tubta qaran ee xaqiijinta caafimaadka loo dhanyahay, ayaa sheegtay in Qorshaha tubta uu yahay in mawaadin kasta oo Soomaaliyeed uu helo adeeg caafimaad oo tayeysan oo culeys dhaqaale aan bulshada ku keeneyn. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa guul ku tilmaamay in maanta la daah-furay tub adeeg caafimaad oo caalami ah oo gaar u ah Soomaaliya, ka tarjumeysa duruufaheeda, lana jaan-qaadeysa duruufaha caalamiga ah ee jira, waxa uuna codsaday in dhamaam si wadajir ah looga shaqeeyo ka faa’iideysiga tubta caafimaadka dalka. Munaasabadda daah-furka tubta qaran ee caafimaadka, waxaa goob joog ka ahaa wasiiro, xildhibaanno, safiirrada Turkiga iyo Talyaaniga iyo safiir ku-xigeenka Qatar ee saldhiggoodu yahay Muqdisho iyo mas’uuliyiin ka socota WHO, UNFPA, iyo UNICEF. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee tagay waxaa baraha bulshada aad looga hadal hayey dhacdo la sheegay inay dhex-martay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed iyo ilaalada madaxwene Farmaajo. Caasimada Online oo arrintan xaqiijin ku sameeyey ayaa la hadashay xubno ka mid ah qoyska Cali Mahdi, kuwaas oo xaqiijiyey inay sax tahay oo ay jirto in ilaalada Farmaajo ay celiyeen madaxweynihii hore. Waxay sheegeen in Cali Mahdi laga celiyay mid kamid ah baraha Koontorool ee laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ilaalada madaxweyne Farmaajo ee loo yaqaano koofiya gaduuda ay ku xujeeyeen in uu la yimaado aqoonsi uu ku maro wadada. Cali Mahdi oo sida aan xogta ku helayno aad uga xumaaday arrintaas ayaa askartii ku war geliyay in uu yahay madaxweynihii hore ee dalka, cid aqoonsi uu uga baahanyahana aysan jirin. Askartii ku sugneed barta koontorool ee laga ilaaliyo madaxtooyada ayaa iyaguna ku adkeystay in wadadaas loo diido in uu maro madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi, hadii uusan wadan aqoonsi. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la sheegay in ay gaartay arrintu oo uu soo fara galiyay, waxaana uu xaafiiskiisa ku qaabilay Cali Mahdi oo ka mid ah madaxweynayaashii isaga ka horreeyay, waxa uuna ka raali galiyay falka ay kula kaceen askartiisa. Raali galin kadib ayaa waxa uu madaxweyne Farmaajo ka dalbaday Cali Mahdi in loo sameeyo aqoonsi ama ID CARD uu ku maro wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, waxaana mar kale arrintaas aad uga carooday madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed. “Ma anigaa aqoonsi la ii sameynaa, oo ma adigaa aqoonsi aan Xamar ku joogo ii samaynaya?” ayuu yiri Cali Mahdi, sida aan xogta ku helnay kadibna isaga soo tagay xafiiska Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa kadib Cali Mahdi u diray xubno ay ka mid yihiin duqa Muqdisho Cumar Finish, iyo Salaad Cali Jeelle iyo Cali Geedi Maxamed oo ah laba ka mid ah siyaasiyiinta beesha Abgaal ee mushaharka ka qaata Villa Somalia si ay u taageeraan Farmaajo, kuwaas oo Cali Mahdi gaarsiiyey raali-gelin, sidaasna lagu xaliyey kiiska. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somali President is heading to Dhusamareeb, the capital city of Galmudug State in central Somalia for the coming hours to attend the closing ceremony of reconciliation meeting. For the past week, Dhusamareeb was hosting the reconciliation conference in the region which was focusing on the preparation of the upcoming elections in Galmudug. The government troops are tightening the security in the city and new additional troops are seeing in the streets of the districts in Dhusamareeb the capital city of Galmudug State. President Farmaajo will attend the closing ceremony of the reconciliation meeting which is going to an end tomorrow. The president is traveling to Dhusamareeb for the second time while in the office and this comes after the Prime Minster spends for almost 2 months and attend the opening ceremony of the reconciliation meeting. View the full article
-
Wararka naga soo gaarayo gobalka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in goordhow qarax lagula eegtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Shabeellaha hoose xili ay ku sii jeejeen deegaanka Shalaanbood. Qaraxa oo ahaa Miino wadada dhinaceda lagu aasay ayaa haleeshay kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobalka Shabeellaha hoose Ibraahim Cali Adaan Najax, waxaana jira khasaare ka dhashay Qaraxa lala eegtay kolonyada. inta la xaqiijirayay sedex askari ayaa geeriyootay tira kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo, kuwaas oo ka tirsanaa ciidamdii galbinayay guddoomiyaha gobalka, wararka ayaa intaasi ku daraya inuu dhaawac soo gaaray guddoomiye ku-xigeenkii degmada Qoryool;eey ee gobalka Shabeellaha hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) vigorously condemns the violent action by Puntland state police against a leading independent media house in Garowe city on Saturday, September 14. Acting under the order of Police boss, Brigadier General Muhiadin Ahmed Muse, the troops armed with assault rifles raided the building hosting Radio Daljir on Saturday at around 1:00 p.m. local time and searched the station’s transmission offices while it was on the air and broadcasting live. The Radio’s managing director, Ahmed Sheikh Mohamed (Tallman) described the move as an intimidation act to silence the station and suppress the truth after reporting gross human rights violations in Puntland. Hassan Heykal and Ayanle Abdullahi Jama, two journalists working for Radio Daljir, told NUSOJ that the forces came in the media house in order to arrest the director after an order was given by Puntland police chief. “We (Radio Daljir) are shocked by the forceful entry into the radio station by heavily armed policemen early Saturday, who frisked the employees at gunpoint and kicked security guards while in pursuit of the managing director,” said Jama. The raid came after Radio Daljir this week aired interviews and reports that allege the security guards of General Muhiadin for killing a prisoner accused of having links with a terrorist group who died after being brutally tortured on Bosaso beach. Daljir Radio broadcasted an investigative report about the inmate’s death that greatly irked the police boss whose security guards were allegedly involved. The authorities gave no reason and did not refer the matter to the courts before acting. NUSOJ decries the use of “excessive force” and “unreasonable assault” against Daljir Radio Station by the Puntland police, saying the raid exposed the police’s total disregard for media freedom and freedom of expression and violated the right of Somalis to receive unfettered information. “We call on Puntland authorities to stop ruthlessly clamping down press freedom and journalists’ rights who are providing information to the public,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ secretary-general. “Such attacks are acts of censorship and infringement on the freedom of the press and denial of the public’s right of access to information.” On 2 September 2019, the Puntland information minister, Ali Hassan Ahmed Sabarey requested telecommunication firms that provide internet services to block a news website (Puntlandtimes.com) he deemed critical to the Puntland administration. Finally, NUSOJ calls on Puntland authorities to respect the rights of the journalists and allow them to report about issues of public interest, including investigating wrongdoings of government officials without fear or reprisal. View the full article
-
CAIRO (AP) - Egypt says negotiations over an upstream Nile dam being built by Ethiopia have not led to any “breakthrough.” Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Muqdisho)-)-Sida ay baahiyeen qaarka mid ah warbaahinta fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho oo ay soo xigatay Somalilandtoday dab ayaa maanta ka kacay gudaha diyaarad dad shacab ah ka qaaday magaalada Muqdisho, islamarkaana gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Diyaaradda oo barqadii maanta ka duushay Muqdisho ayaa waxaa gudaheeda ka dhashay dab xoog leh waxaana saarnaa rakaab u badnaa dad Soomaali ah, iyadoo si dirqi ah ku degtay Garoonka Jummo Kenyatta ee magaalada Nairobi. Gaadiidka dabdamiska ee garoonka Jumma Kenyatta ayaa ku guulleystay in ay damiyaan dabka qabsaday qeybo ka mid ah diyaaradda ka kacday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Dabkaas ayaa diyaaradda ka dhashay daqiiqado kadib markii ay ka duushay garoonka magaalada Wajeer oo lagu sii xanibo diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho kuna sii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Qaar ka mid ah dadkii la socday diyaaradda ayaa sheegay in markii dabku ka dhashay diyaaradda ay dareemeen werwer badan, balse Alle uu badbaadiyay. Daqiiqado kadib markii uu dab qabsaday qeybo ka mid ah diyaaradda ayaa nasiib wanaag waxa ay ka caga dhigatay Nairobi, iyaga oo bad qaba dhammaan rakaabkii diyaaradda. Source
-
The al-Shabab militant group launched a series of attacks since Saturday that led to the death of at least 17 people in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumaddii hore Cabdilaahi Ibraahim Habane, Xoghayaha Guurtidina soo noqday, kana soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay dhismaha dawlad loo dhanyaay saami ahaan. Cabdillaahi-dheere, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo Madaxweynaha Farriin u diraya wuxuu yidhi “Jamhuuriyad Somaliland oo la wada leeyahay in la dhiso weeye, Jamhuuriyad Somaliland la yidhaahdo oo dadka ka wada dhaxaysa ayaa la doonayaa, Madaxweynuhu wuxuu akhriyey qodobo la saxeexay, qodobadaas uu akhriyeyna waxay ahaayeen todoba qodob, qodob ka mid ahina wuxuu sheegayaa in Dawladnimada reeruhu si siman u qaybsadaan, Cali Khaliifna saddex oday ayaa u saxeexay, anagana laba oday ayaa noo saxeexay, ee Madaxweynaha in la weydiiyo weeye Suldaan Sheekh Muuse oo geeriyooday iyo Suldaan Maxamed Jaamac Samatar oo geeriyooday sababta uu saxeexyadoodu u shaqeeynayo, saxeexii Sheekh Ibraahim iyo Suldaan Saxardiidna ku qaban la yihiin isaga, markaas Madaxweynuhu waa inuu labadaas heshiis ka jawaaba, waxaan se Madaxweynaha leeyahay dawlad loo dhan yahay ayaa loo baahan yahay”. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md Cabdiqani Maxamuud Caateeye kulan kula qaatay Madaxweynaha Deeganka Somalida Itoobiya Md Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar iyo Ugaaska Guud ee Beelaha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim xuska ay ku kulmeen Wasiirka ayaa ahaa aYshuca. Wasiirka ayaa bartiisa uu ku leeyahay Twitter uga mahadnaqay Madaxweynaha iyo Ugaaska iyo Gandayaashiisa Waxaan mahad gaara udiraya Madax weynaha dowlada deeganka somalida itoobiya Mudane #Mustafe Muxumed Cumar Iyo kuxigeenkiisa Mudane #Aadan Faarax. Waxan u mahadnaqaya sidoo kale Ugaas #Mustafe Maxamed Ibrahim iyo #Gandihiisa oo dhamantod si milga leh igu soo dhaweyay xuski #Ayshaca https://t.co/MtGRcYTgNJ Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-15092019.mp3 View the full article
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo dab ayaa maanta ka kacay gudaha diyaarad dad shacab ah ka qaaday magaalada Muqdisho, islamarkaana gaartay Nairobi ee dalka Kenya. Diyaaradda oo barqadii maanta ka duushay Muqdisho ayaa waxaa gudaheeda ka dhashay dab xoog leh waxaana saarnaa rakaab u badnaa dad Soomaaliyeed, iyadoo si dirqi ah uga dagtay Garoonka Jummo Kenyatta ee magaalada Nairobi. Gaadiidka dabdamiska ee garoonka Jumma Kenyatta ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabka qabsaday qeybo ka mid ah diyaaradda ka kacday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Dabkaas ayaa diyaaradda ka dhashay daqiiqado kadib markii ay ka duushay garoonka magaalada Wajeer oo lagu sii xanibo diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho kuna sii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Qaar ka mid ah dadkii la socday diyaaradda ayaa Caasimada Online u sheegay in markii dabku ka dhashay diyaaradda ay dareemeen wal-wal badan, balse Alle uu badbaadiyay. Daqiiqado kadib markii uu dab qabsaday qeybo ka mid ah diyaaradda ayaa nasiib wanaag waxa ay ka caga dhigatay Nairobi, iyaga oo bad qaba dhamaan rakaabkii diyaaradda. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ―Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa manta markale ka hadlay arrinta madaarka Berbera oo uu sheegay inuu noqon doono mid ay adeegsadaan dadka shicibka, isla markaana uu kamid noqon doono garoomada aduunka ugu horumarsan. Madaxweyne Biixi ayaa si cad u sheegay in xukuumadiisu aysan marnaba ka bixin heshiiskii ay hore ula gaashay dowladda Imaaraadka Carabta, balse laga maarmi waayey in garoonkii Berbera loo isticmaalo shicib ahaan. Biixi ayaa si adag carabka ugu adkeeyay in heshiiskii ay hore u wada galeen dowlada Imaaraadka iyo Somaliland, uu sidiisi yahay, isla markaana aysan waxba iska badalin, heshiiskaasi oo mudadiisu aheyd shan iyo labaatan sanno. Madaxweynaha Somaliland oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Garoon aan isleeyahay waa ka Afrika ugu weyn ayaa la dhisay, adduunkoo dhanna ciidamada iyo shicibku way wada isticmaalaan garoomada, markaa laga maarmi maayo in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Markaa lagama maarmaan ayey noqotay in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan iyo diyaaradaha madaniga ah oo uu noqdo garoon caalamiya (International airport), heshiiskii aynu la galnay ee 25-ka sanno ahaana waa sidiisii, wax iskama bedelin ee sidiisii ayuu u yaalaa”. Si kastaba, Madaxweyne Biixi ayaa shalay sheegay in garoonka Berbera aysan isticmaali doonin Millateri balse ay isticmaaali donan dad shicib ah, taasi oo ka dhigtay mid shaki galinaysa in xukuumadiisu ka baxday heshiiskii dowlada Imaaraadka carabta ee saldhigii Berbera. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
A Consultative conference between Somali federal government and its member states on the country’s economic reform has concluded in the Ethiopian capital, Addis Ababa on Saturday. The conference was attended by officials from International Monetary Fund (IMF), Somali Finance Minister, Abdirahman Duale Beileh and regional finance Ministers from the member states. The officials discussed measures to strengthen public financial management reform, including expenditure control and minimizing the use of cash advances. They also talked about improving domestic arrears management capacity; maintaining efforts toward achieving Treasury Single Account and continuing to make progress toward fiscal federalism. During the conference, the sides noted that Somali authorities have made considerable progress in implementing steps to country’s economy. Somali government and its member states agreed to put efforts to come up with sustain reform momentum to help long-term recovery and growth objectives. Somali Finance Minister has lauded the conference saying the government’s commitment to continue improving the fiscal framework remains the same as it tries expanding efforts to recover the economy of the country. “Pleased with the productive outcome of the SMP4 review & meeting with the Finance Ministers of the FMS of Somalia & Deputy Mayor of BRA yesterday. We’re all committed to working together for the benefit of the Somali people in economic & fiscal reforms. Stronger together,” he said. Mid this week, the minister and officials from International Monetary Fund have held a meeting in Addis Ababa on staff-level agreement on a fourth Staff-Monitored Program (SMPIV). The sides together with Somali Parliamentary Finance Committee have discussed legislative reforms which are crucial for fiscal reforms. The fourth Staff-Monitored Program (SMPIV) is covering the period of May 2019—July 2020. If SMPIV will be endorsed by the Executive Board as meeting the conditionality standard of an upper credit tranche (UCT) arrangement, putting Somalia more clearly on the path to debt relief under the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa ogaatay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu bixiyay amarkii ilaalada gaarka u aheyd looga ka xeestay xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ay ilaalo u haayeen ciidanka ka tirsan milateriga Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo, oo kulan gaar ah Madaxtooyada Soomaaliya kula qaatay Taliyaha Milateriga Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage, ayaa amray in uu soo shaqo geliyo ciidanka milateriga ee ku jira shaqada leexsan ama ilaalada ka ah goobaha ganacsiga iyo kuwa shaqsiyaadka. Ciidankaan ayaa la sheegay in lageyn doono goobaha ay ciidamada gaarka u tababaran kala wareegaan Al-Shabaab maadaama aysan jirin ciidan booliis ah oo looga tago degmooyinkii la qabto. Saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Farmaajo amray in ciidanka difaaca Soomaaliya ee ku jira shaqada leexsan la geeyo goobaha laga saaro Al-Shabaab oo ay hadda ku sugan yihiin ciidan ka tirsan Guutada 60-aad ee Madaxtooyada Soomaaliya. Arintaan ayaa waxay sababtay walaac xoog leh oo dhanka amaanka ah oo ay wajahayaan xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, oo qaarkood aan maalo ka bixin guryaha iyo hoteellada ay degan yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com